Sawirro: Sidee madaxda maamullada maanta loogu maamusay Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, Abshir Maxamed Axmed ayaa halkaa ka jeediyay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay.

Warbixinta uu jeediyay Abshir ayaa sharaxaad dheer u aheyd Hogaamiyayaasha oo iyagu maqal ahaan ka heystay waxqabadka Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia.

Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa sidoo kale, khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya waxa ay u jeediyeen Xildhibaanada Aqalka Sare.

Hogaamiyayaashu waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Horumarinta Qaranka, waxaana ay tilmaameen in Aqalka Sare ay muujiyaan doorkooda ku aadan matalaada maamul goboleedyadda.

Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay.

Waa markii ugu horaysay ee Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.