Washingron (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday maamulka Trump inuu Masar ku cadaadiyo inay dhinto awood-kordhin milateri oo ay dhowaan ka samaysay Gacanka Siinaay, sida ay Axios u sheegeen hal sarkaal oo Maraykan ah iyo labo sarkaal oo Israa’iiliyiin ah.
Saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in awood-kordhinta milateri ee Masar ay ka waddo Siinaay ay noqotay qodob kale oo muhiim ah oo xiisad ka dhex abuuray labada dal, xilli uu sii socdo dagaalka Gaza.
Intii lagu guda jiray kulankoodii Jerusalem ee maalintii Isniinta, Netanyahu wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, u gudbiyay liis hawlo ah oo ka socda Siinaay, kuwaasoo uu ku andacooday inay yihiin xadgudubyo waaweyn oo ay Masar samaysay.
Laba sarkaal oo Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in Masar ay ka dhisayso kaabayaal milateri — kuwaas oo qaarkood loo adeegsan karo ujeeddooyin duulaan ah — goobo uu heshiisku dhigayo in lagu hayn karo oo keliya hubka fudud.
Saraakiishu waxay ku andacoodeen in Masar ay dheeraysay dhabbooyinka diyaaraduhu ku ordaan ee saldhigyada cirka ee Siinaay si ay u isticmaali karaan diyaaradaha dagaalka, ayna dhistay xarumo dhulka hoostiisa ah oo sirdoonka Israa’iil ay aaminsan yihiin in loo isticmaali karo kaydinta gantaallada.
Ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in Masar ay si dhab ah gantaallo ugu kaydinayso xarumahaas, sida ay saraakiishu sheegeen.
Laakiin waxay sheegeen in Masar aysan bixin sharraxaad macquul ah oo ku saabsan ujeeddada loo dhisay xarumahan, markii ay Israa’iil wax ka weydiisay iyadoo u maraysa wadooyin diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri.
Hal sarkaal oo Israa’iili ah ayaa sheegay in Israa’iil ay go’aansatay inay ka codsato maamulka Trump inay soo farageliyaan kaddib markii wadahadallo toos ah oo lala yeeshay Masar ay noqdeen kuwo aan wax horumar ah laga gaarin.
“Waxa ay Masar ka waddo Siinaay waa arrin aad u culus, aad ayaanan uga walaacsanahay,” ayuu yiri sarkaal labaad oo Israa’iili ah.
Sarkaalku wuxuu sheegay in xaaladda ay sii xumeysay kaddib markii Ciidanka kormeerayaasha caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo ay si weyn u yareeyeen duulimaadyadoodii kormeerka ee Siinaay, taasoo xaddidaysa awooddooda ay kula socon karaan xaaladda.
Sarkaal Masri ah ayaa beeniyay eedeymaha Israa’iil, wuxuuna sheegay in maamulka Trump uusan dhowaanahan arrintan kala hadlin Masar.
Xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Masar ayaa si joogto ah u sii kordhaysay tan iyo markii la dhisay xukuumadda Netanyahu dhammaadkii 2022.
Netanyahu iyo Madaxweynaha Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ma yeelan wax kulan ah oo shaacsan muddo ku dhow saddex sano, sidoo kale ma jirto wax diiwaan ah oo muujinaya inay khadka taleefanka ku wada hadleen tan iyo bishii Juun 2023.
Masar ayaa si isa soo taraysa uga walaacsanayd intii uu socday dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyagoo ka cabsi qaba in Netanyahu iyo xukuumaddiisu ay doonayaan inay qaar ama dhammaan labada milyan ee Falastiiniyiinta Gaza ah ku riixaan dhinaca Siinaay.
Masar ayaa xoojisay ciidamadeeda ku sugan xuduudda Gaza, waxayna sheegtay in qulqulka qaxooti Falastiiniyiin ah loola tacaali doono sidii halis ku ah amniga qaranka Masar. Xukuumadda Sisi ayaa sidoo kale uga digtay Israa’iil inay ka fogaato falal wiiqi kara heshiiskooda nabadda.
Dhanka kale, Netanyahu wuxuu si fagaare ah ugu dhaleeceeyay Masar diidmadeeda ku aaddan inay aqbasho qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee ka imaanaya Gaza. Wuxuu dhowaan ku eedeeyay Masar “inay si qasab ah u xabistay dadka degan Gaza ee doonaya inay ka baxaan aagga dagaalka.”
Kaddib weerarkii Israa’iil ee Qatar horaantii bishan, Sisi wuxuu farriin toos ah u diray shacabka Israa’iil xilli uu khudbad ka jeedinayay Doha, isagoo uga digay in xukuumadda Netanyahu ay halis gelinayso heshiiska nabadda ee kala dhexeeya Masar, isla markaana ay meesha ka saarayso suurta-galnimada in la sii wado caadiyaynta xiriirka waddamada gobolka.
Masar ayaa sidoo kale walaac ku abuurtay saraakiisha Israa’iil kaddib markii ay soo bandhigtay dood ku saabsan in la dhiso ciidan milateri oo Carabtu wada leedahay, kaasoo jawaab u noqon lahaa weerarkii Israa’iil ee Doha.

