New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka qayb-geli doono kalfadhiga 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo si rasmi ah u furmi doona maalinta berri ah oo ku beegan 22-ka September 2025.
Madaxweyne Xasan ayaa qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guulaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo New York, kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda tageysa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo kala hadli doono danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Shirkan oo mid sanadleh ayaa waxaa isugu tegi doono madaxda xubnaha ka ah QM, iyaga oo caqabadaha taagan, xiisadaha soo kordhay iyo saameynta isbeddalka cimilada.
Sanadkan waxaa shirka intiisa badan diiradda lagu saari doonaa sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.
Waxaa kale shirka looga hadli doonaa xoojinta nabadda, amniga, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha guud.
Shirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo haatan caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.

