Nin is-qarxin rabay oo nolosha lagu qabtay iyo labo qarax oo lagu fashiliyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo qarax ayaa caawa lagu fashiliyey degmooyinka Cabdicasiis iyo Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo toos looga hor tegay, iyadoo lagu guuleystay in laga badbaadiyo shacabka.

Qaraxa koowaad waxaa lagu qabtay degmada Cabdicasiis, waxaana nolosha lagu hayaa ninkii waday oo boorso ku siday, kaas oo ciidanka NISA, gaar ahaan dharcadda ay gacanta ku dhigeen.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay isagoo xirxiray, waxaana sidaas lagu gashiliyey qaraxii uu doodanayey inuu dadka reer Muqdisho ku dhibaateeyo.

Markii la wareystay ninka la qabtay waxaa la sheegay inuu sheegay in qorshihiisa uu ahaa inuu is-qarxiyo, balse waa la badbaadiyey, wuxuuna ku jira gacanta hey’adaha amniga.

Qaraxa labaad waxaa lagu fashiliyey degmada Hodan, gaar ahaan Ex-control Afgooye, kadib markii askari dharcad NISA ah uu arkay nin qarax culus boorso ku sita oo lugeynaya.

Askariga ayaa ku dhiiraday inuu istaajiyo ninka qaraxa siday, balse ninkii ayaa boorsadii qaraxa tuuray, kadibna cararay, ciidamada ayaa raacdeystay ninkaan, welina lama xog lagama hayo in la soo qabtay.

Qaraxii lagu qabtay Ex-Control ayaa si ku talagal ah loo qaxiyey, wax khasaare ahna kama dhalan, halka lagu guuleystay in la kala furfuro qaraxii lagu qabtay degmada Cabdicasiis.

Qaraxyadaan ayaa la fashiliyey saacado isku dhow oo ah wixii ka dambeeyey salaadii Maqribka, waxaana hadda caadi ah xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga oo isugu jira NISA, Boolis iyo Boolis-miteri ayaa ku guuleystay mudooyinkaan xakameynta weeraradii sida daran ay Muqdisho uga fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna amniga caasimada gaaray heer aan weli horay loo soo gaarsiin.