25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xog: DF iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray ajendaha shirka iyo qodobo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray heshiis ka gaaray ajendaha shirka, kaas oo la filayo in uu 1-da Febraayo ka furmo magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiyada ayaa isku raacay in ajendayaasha shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu noqdo: arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha.

Sidoo kale waxay isfaham ka gaareen hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wada-hadallada heerka sare ah lagu qabto hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane.

Tan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ka gaws qabsadeen inay tagaan Villa Somalia, isla markaana ay Xalane u arkaan goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalada madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Inkastoo Dowladda ay ka walaacsan tahay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay ciidamo culus la soo galaan caasimadda, si la mid ah wada-hadalladii doorashadii 2022-kii.

Si loo dhiso kalsoonida, waxaa laga laabtay waarankii qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaas oo ay maxkamadda gobolka Banaadir soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska.

Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood ka hor furitaanka shirka wadatashiga, isla markaana la filayo inay Muqdisho yimaadan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallada ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.

Somalia names Turkish-trained general as new army chief

Mogadishu, Somalia — Somalia’s cabinet dismissed army chief General Odowaa Yusuf Raage on Thursday and appointed a Turkish-trained logistics expert to lead the force as the government intensifies its offensive against Al-Shabaab.

The Council of Ministers approved Brigadier General Ibrahim Mohamed Mohamud’s appointment during a meeting in Mogadishu, state media reported.

Ministers thanked Odowaa for his service, but government sources said the military required new leadership to accelerate operations against the Al-Qaeda-linked insurgents.

General Ibrahim, who previously commanded the army’s logistics division, represents a generational shift in the senior ranks.

He holds a master’s degree from a Turkish military institution, a qualification that underscores Turkey’s deepening security ties with the Horn of Africa nation.

The Somali National Army (SNA) currently struggles to supply troops on the frontlines of central and southern Somalia. Officials said Ibrahim’s background suits the urgent need to sustain extended supply lines.

He will now lead a renewed push to dislodge Al-Shabaab from strongholds in Middle Shabelle and Lower Juba, according to military officials.

Security hurdles

This leadership change is the second time Odowaa has been removed from the top post, following an earlier dismissal before his recent return.

He served as army chief from 2019 to 2023, and President Hassan Sheikh Mohamud reappointed him in November 2024 to revive a stalled counter-insurgency campaign.

But his dismissal follows battlefield setbacks. Despite a “total war” declared by the president, militants reversed some government gains in recent months.

The leadership change comes as Somalia faces parallel pressures: an ongoing campaign against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency and rising political tensions ahead of planned 2026 elections.

Al-Shabaab still controls parts of rural southern and central Somalia and regularly stages attacks in Mogadishu and other towns, despite years of military operations backed by international partners.

At the same time, disputes over constitutional amendments and election rules have deepened mistrust between the federal government and opposition figures.

On Wednesday, lawmakers brawled in parliament as they debated constitutional amendments that opponents claim could delay the 2026 polls.

Xiisadda Saylac oo kasii dartay iyo beelaha Gadabuursi oo ku dhawaaqay…

0

Boorama (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa kasii dareysa, iyadoo maanta beelaha Gadabuursi ay ku dhawaaqeen “is-difaac” ka dhan ah beelaha Ciise.

Saylac oo weli ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay joojinta bandhiga Xeer Ciise, ayaa haatan labada beel isku hub aruursanayaan, iyadoo deegaano qaar oo gobolka Awdal la sheegay inuu iska hor imaad ku dhex-maray.

Guddiga guud ee dhaqanka beelaha Gadabuursi, oo ka kooban salaadiin iyo cuqaal, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama. Waxay sheegeen in lagu soo duulay dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay difaacaan.

“Beelaha Gadabuursi waxa ay cid kasta oo dan ka leh nabadda Geeska Afrika u caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda,” ayaa lagu yiri bayaanka odayasha dhaqanka beelaha Gadabuursi.

Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in deegaanadeeda ay ka joojiso kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. “Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland,” ayay sheegeen.

Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumadda Somaliland joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise.

Hoos ka aqriso qodobo muhiim ah oo ku jira warmurtiyeedka:

  1. Guddida dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay si toos ah dadkooda ugu caddeynayaan in duulaan dagaal oo qaawan lagu soo qaaday deegaannadooda xeebaha gobolka Salal, duulaankaas oo ahaa damac dhul-doon socday labadii sano ee ugu dambeeyay.
  2. Tan iyo intii lagu soo qaaday duulaanka dhulka beelaha Gadabuursi, waxa ergooyin nabadeed ugu yimid beelaha Gadabuursi ilaa 4 ergo oo soomaaliyeed, kana kala yimid Hargeysa, Badhan, Itoobiya, iyo Kenya. Beelaha Gadabuursi waxa ay ergooyinkaa ka aqbaleen inay diyaar u yihiin nabad haddii laga helayo dhigooda beelaha Ciise, kuwaas oo ku baaqay dagaalka duulimaadka ah ee ku jihaysan dhulka beelaha Gadabuursi.
  3. Beelaha Gadabuursi waxa ay caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda.
  4. Guddidu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan beelaha Gadabuursi inay u diyaar-garoobaan difaac kama-dambays ah oo lagaga hortagayo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday dhulkooda Alle ku beeray.
  5. Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay dadkooda farayaan meel ay joogaanba in si buuxda u taageeraan difaaca dhulkooda, kuna bixiyaan maal iyo nafba. Sidoo kale waa in loo hoggaansamaa oo la fuliyaa wax kasta oo amar ah oo ka soo baxa guddiga dhaqanka.
  6. Beelaha Gadabuursi waxa ay si cad u sheegayaan in dhammaan dhulweynaha ka kooban gobolka Salal aanay suurto gal ahayn in wax la yidhaa “Guban State” laga dhiso, taas oo dhawaan kooxo aan gobolka Salal u dhalan ku dhawaaqeen magaalada Xamar.
  7. Beelaha Gadabuursi waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqayaan in dalka laga joojiyo kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland.
  8. Beelaha Gadabuursi waxa ay si mug iyo miisaan leh u garab taagan yihiin dowladnimada Somaliland, maadaama ay yihiin dadkii dhisay dowladnimada Somaliland ee maanta la hadhsanayo.
  9. Guddidu waxa ay tacsi u diraysaa labadii marxuum ee safarka ahaa ee dhawaan jidgooyada loo galay ku naf waayay, iyo dhammaan mujaahidiintii kale ee iyaguna u shahiiday difaaca dhulkooda. Waxan leenahay Allah ha u naxariisto dhammaantood.

Allaa mahad leh!
Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi

Kadib kulankii mucaaradka, guddiga dowladda oo la kulmay ururrada siyaasadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Wada-hadallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Muqdisho urrurada siyaasadda dalka.

Ururradan oo ah kuwii ka qeyb-galauy doorashadii goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod ee gobolka Awdal ayaa waxa uu guddiga ula kulmay, si ay uga dhageystaan talooyinka iyo aragtida arrimaha saamaynta ku leh masiirka dalka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka, joogteynta wada-hadalka iyo isu-tanaasulka siyaasadeed, ka jawaabidda xaaladda abaaraha ee degdegga ah.

Waxay isla qaateen in la sameeyo abaabul mideysan oo ay wadajir uga qeyb qaataan dowladda, urrurada siyaasadda, ganacsatada, deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga wadatashadey xoojinta amniga iyo difaaca dalka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, iyo dardar-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Intii kulanka socday waxaa sidoo kale la isla qaatay ballaarinta ka-qeybgalka siyaasadda iyo sii wadista dadaallada lagu dhamaystirayo dastuurka, maadaama horumarka dowladnimada dalka ay saldhig u tahay helidda dastuur dhamaystiran.

Guddiga Wasiirrada ayaa u mahadceliyay urrurada siyaasadeed ee ka soo qeyb-galey wadatashiga, iyagoo sidoo kale adkeeyay in wadatashiyadan ay sii socdaan si loo helo aragti iyo talo mideysan.

Si kastaba, kulankan maanta guddiga uu la qaatay ururrada siyaasadda ayaa qeyb ka ah la-tashiyada guddiga wasiirradu la leeyihiin qeybaha bulshada iyo saamilayda siyaasadda.

Somaliland oo fasiraad yaab leh u sameysay diidmada Turkiga iyo Jabuuti ee aqoonsiga

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dalalka diidmada adag kala horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil, ayaa sheegay in Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay sababo la xiriira dano dhaqaale uga soo horjeedaan.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan dunida Islaamka ee aqoonsada Israa’iil, hase yeeshee heshiisyo dhaqaale oo uu la galay dowladda Soomaaliya awgeed uu si cad uga hor yimid aqoonsiga Somaliland.

Waxay sheegeen in Turkigu filayay in heshiisyadaas uu kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku heli karo kheyraad ku yaalla Somaliland, taasina ay sababtay diidmadiisa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay dadaal badan gelisay hagaajinta xiriirka ay la leedahay Jabuuti, balse dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muujinaya cadaawad iyo xannibaad toos ah oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland.

Wuxuu xusay in shacabka Jabuuti ay yihiin dad walaalo ah, balse maamulka talada haya uu rumeysan yahay in Somaliland la wiiqo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in haddii Jabuuti ay si dhab ah u taageeri lahayd midnimo Soomaaliyeed, ay fursad u haysatay inay ku biirto Soomaaliya sannadkii 1977-kii markii ay xorriyadda qaadatay, balse markaas ka baaqsatay midnimada, maadaama ay arkaysay duruufaha ka jiray Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa mowqifkeeda dhabta ah.

“Haddii Jabuuti ay jacayl dhab ah u qabeen Soomaalinimada, way ku biiri lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirradu waxay dhaliil culus u jeediyeen dowladda Soomaaliya, hoggaanka hadda jira iyo qaar kamid ah madaxdii hore, iyagoo sheegay in qorshayaasha lagu burburinayo Somaliland laga hagayo Muqdisho.

Waxay tilmaameen in qaar kamid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya aanay qayb ka ahayn arrimahaas, isla markaana aanay wax colaad ah kula jirin Somaliland.

Waxay sidoo kale sheegeen in Somaliland ay gacanta ku hayso marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana aan go’aan ama heshiis ku saabsan arrimahaas la gaari karin iyada oo aanay qayb ka ahayn, iyadoo uga digtay dowladda Soomaaliya inay heshiisyo kula gasho dalal shisheeye.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Taas oo ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Si kastaba, dalalka safka hore kaga jira diidmada aqoonsiga Somaliland waxaa kamid ah dowladaha Jabuuti, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo haatan xiriir wanaagsan iyo iskaashi kala duwan oo muhiim ah kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faah-faahinta dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay gudaha Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale uu dagaal xooggan ka qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee gobolka Tigray.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Tsemlet, oo ku yaalla dhanka galbeedka gobolka Tigray, halkaas oo ay isku haystaan maamullada Tigray iyo Amxaarada.

Iskahorimaadka ka socda deegaankaasi ayaa ah mid sii xoogeysanaya, waxaana laga dareemayaa saameyn ballaaran oo dhinaca amniga ah.

Dagaalkan ayaa sababay in si buuxda loo joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobolka Tigray, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan halka dagaalku ka socdo.

Hakadka ku yimid duulimaadyada ayaa muujinaya sida ay xaaladdu uga sii dareyso, iyadoo dad badan ay wajahayaan cabsi iyo hubanti la’aan.

Dhanka kale, gobolka Tigray waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo shacabka ay la tacaalayaan gaajo ka dhalatay joojinta gargaarkii bani’aadamnimo ee ay bixin jireen hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan USAID.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa walaac xooggan ku abuuray dadka rayidka ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto colaaddii dhiigga badnayd ee horay u dhex martay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray intii u dhaxeysay sanadihii 2020 illaa 2022.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Itoobiya ay xabsiga dhigeen Sarreeye Guuto Guesh Gebre, oo hore u ahaa taliyihii Ciidanka Militariga Qaybta 15-aad.

Sarreeye Guuto Guesh Gebre ayaa lagu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ah qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada ee taageeray shirweynihii guud ee TPLF.

Waxa uu si cad u dalbanayay in wax laga beddelo maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaas oo uu hoggaamiyo Getachew Reda. Doodahaas dartood, waxaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Dhankiisa, Getachew Reda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku muujiyay diidmo uu ka qabo xarigga Guesh Gebre, isagoo sheegay in Guesh lagu yaqaanay geesinimo iyo doorkii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee dagaalka, gaar ahaan dadaalkii uu ku joojinayay kala daadashada ciidamada Tigrayga.

Getachew ayaa su’aal geliyay sababta loo xiray sarkaal sannad ka hor xilka si aan caddaalad ahayn looga qaaday, isaga oo xusay in eedeymaha la xiriira gacan-saar lala sameeyay cadow ay yihiin kuwo aan la hubin.

Waxa uu intaa ku daray in arrintan lagu bartilmaameedsaday Guesh iyo kooxdiisa sababo la xiriira mowqifkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka haatan dib u qarxay ayaa haddii uu sii socdo, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto dagaalkii adkaa ee labada sano ka socday gobolka Tigray.

Golaha Wasiirrada oo magacaabay guddi cusub oo ka shaqeynaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah dowlad-dhisidda iyo amniga dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu meel-mariyey magacaabista guddi cusub oo heer wasiir ah, kaas oo loo xilsaaray la-dagaallanka tahriibka, si loo xoojiyo dadaallada ka hortagga tahriibinta dadka.

Guddigan cusub ayaa ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqayn doona arrimaha la xiriira tahriibka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay axdiga dhisidda hay’adaha caalamiga ah ee dhexdhexaadinta, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Kulanka waxaa kale oo lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta gaadiidka badda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah.

Golaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Shabaabka looga dilay in ka badan 550 horjooge, oo ay ku jiraan 80 ajaanib ah.

Al-Shabaabkii ka firxaday Jabad-Godane oo laga daba tegay kadibna…

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgallo culus oo saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen A-Shabaabkii ka firxaday aagga deegaanka Jabad-Godane, kuwaas oo looga daba tegay deegaanka Alanley ee isla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo mar kale kooxfa lagu gaarsiiyay jab culus.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen firxadkii Al-Shabaab ee ka cararay dagaalladii ka dhacay Jabad-Godane, iyada oo ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka Alanley, kadibna ay burburiyeen fariisimo cusub oo ay halkaasi ka sameyteen.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyay fariisimadii kooxda Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaanka Alanley ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray jabkii Khawaarijta ku gaaray deegaanka Jabad Godane, Ciidamada ayaana cagta mariyay dhammaan fariisimadii ay gabaadka ka dhiganayeen nabadiidku, ee deegaanka Alanley” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Qaranka ayaa muujinaya godad waa wayn iyo dhufeysyo ay Khawaarijta ku lahayd halkaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, waxaana hadda ka socda howlgal lagu xaqiinayo amniga deegaanka.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay baadi goobayaan firxadka Khawaarijta, ayna sii socon doonaan howlgallada, illaa laga xaqiijiyo amniga deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay Jabad-Godan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo dowladdu xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay 550 xubnood oo 80 kamid ah ay yihiin ajaaniib.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo cafis u fidisay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa cafis guud u fidisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyada oo gebi ahaanba ka laabatay go’aankeedii hore ee soo qabashada, kaas oo ay maxkamadu soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa.

Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada Qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”.

Maxkamadda Gobolka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo cuskaneysa asbaabaha sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku meel gaarka ah gudaneysa waajibaadka kor ku xusan qod: 76/77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024 oo eedeysane ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno Maxkamadda Gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya.

“Maxkamaddu waxay baabi’isay amarka soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024, kuna taariikheysan 27/11/2024” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Waxaa kale oo lagu soo gabagabeeyay “Go’aankan waxaa la gaaray maanta oo ah tr: 29/01/2026”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada kowda bisha soo socota ee Febraayo la filayo in Muqdisho ay yimaadaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallo ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.

Sacuudiga oo dal muhiim ah ku soo biiriyey xulufada ka soo horjeeda Imaaraadka Carabta

Algiers (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudiga ayaa dardargelisay xiriirka iyo is-kaashiga ay la samaynayso dalka Algeria, tallaabadaas oo falanqeeyayaasha gobolku ku tilmaameen mid qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda iyo saamaynta Imaaraadka Carabta, xilli labadan dal ee horey xulafada dhow u ahaa ay hadda u muuqdaan kuwo ku loolamaya saamaynta Waqooyiga iyo Bariga Afrika. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud, ayaa toddobaadkan magaalada Algiers kula kulmay Madaxweynaha Algeria Cabdulmajiid Tebboune. Inkastoo labada dhinac ay kulanka ku tilmaameen mid caadi ah oo dib loogu eegayay xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga amniga, haddana xilliga uu ku soo beegmay ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan.

Booqashadan ayaa timid xilli xukuumadda Algiers ay maalmihii u dambeeyay muujinaysay caro xooggan oo ku aaddan wax ay ugu yeertay “faragelin shisheeye” oo khatar ku ah midnimada qaran, iyadoo warbaahinta Algeria ay baahiyeen in dowladdoodu ay ka fiirsanayso inay hoos u dhigto — ama xitaa gebi ahaanba jarto — xiriirka ay la leedahay Abu Dhabi.

Xuddunta khilaafka Algeria iyo Imaaraadka ayaa salka ku haysa eedeymo xasaasi ah oo la xiriira Dhaqdhaqaaqa Gooni-u-goosadka ee Kabylie (MAK), oo ah urur fadhigiisu yahay Paris oo u ololeeya madax-bannaanida gobolka Kabylia. Saraakiisha Algeria iyo warbaahinta dowladda ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay xiriir la leeyihiin ama taageero siiyaan kooxdan, eedeymahaas oo Abu Dhabi aysan weli si rasmi ah uga jawaabin.

Algeria, oo siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhisata mabda’a madax-bannaanida iyo faragelin la’aanta, ayaa arrimaha gooni-u-goosadka u aragta khad cas oo dhanka amniga qaranka ah.

U-dhawaanshaha Sacuudiga ee Madaxweyne Tebboune ayaa ku soo aadaya xilli Riyadh iyo Abu Dhabi, oo mar ahaa saaxiibbo isku aragti ka ah arrimaha gobolka, ay hadda kala wataan dano iska soo horjeeda. Kala-fogaanshahan ayaa si weyn uga muuqda dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Suudaan, halkaas oo falanqeeyayaashu sheegeen inay kala taageerayaan dhinacyo iska soo horjeeda.

Khubarada ayaa aaminsan in Riyadh ay xiriirka dhow ee Algiers u aragto fursad istiraatiijiyadeed iyo mid astaan awoodedba leh. Dhanka kale, iskaashiga dhanka amniga ah ayaa u furaya waddo ay ku wadaagaan xogta sirdoonka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada gobolka, taas oo abuuri karta isbaheysi awood leh oo aan u baahnayn in si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Loolanka labada dal ee Khaliijka ayaa hadda u muuqda mid dhaafsiisan kaliya khilaafyada dalalka Carabta, wuxuuna isu beddelay tartan lagu raadinayo saamaynta dhaqaale iyo midda amni ee qaaradda Afrika.

In kasta oo saraakiisha Sacuudiga iyo Algeria ay diiradda saarayaan xiriirka labada dal, haddana digniinta Algeria ee ku wajahan Imaaraadka iyo soo-dhowaanshaha Riyadh ayaa muujinaya is-safaysi cusub oo ku dhisan dano amni — tallaabadaas oo haddii ay sii socoto horseedi karta in xurgufta gobolka ay gasho weji cusub oo ka adag midkii hore.

Golaha Wasiirradda oo xilkii ka qaaday taliye Odowaa Yuusuf mid kalena soo magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa goordhow xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyada oo taliska loo magacaabay sarkaal kale oo dhalinyaro ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa xilka Taliyaha Xoogga dalka loo magacaabay Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal da’yar ah oo kamid ah Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ibraahim ayaa hadda haystay qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga.

Dhankiisa Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa isaguna xilkan loo magacaabay labo jeer oo hore oo kala ahayd 2019 iyo 10-kii November 2024.

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib soo jeedin ka timid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Dhanka kale, Golaha wasiirrada ayaa u mahad-celiyay Odowaa oo soo shaqeeyay, iyaga oo sidoo kale taliyaha cusub la faray inuu la yimaado dardar shaqo oo ku aadan ciidamada iyo xoojinta howlgallada xoreynta ee haatan ka socda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in isbeddalka uu sii socon doono, isla markaana uu gaari doono ku xigeennada taliska ilaa abaanduulka Ciidanka Xoogga Dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, sidoo kalena dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo laga xoreeyay dhul ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku war-geliyey wasiirradii uu Villa Somalia kula kulmay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Muqdisho kula kulmay wasiirrada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika, ayaa kala sheekeystay arrimo ku aadan xaaladda gobolka, intii lagu guda jiray xiritaanka kulankii 27-aad ee madasha iskaashigga wasiirradan oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wasiirrada ayaa marka hore ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay fursad muhiim u tahay in haatan ay hoggaanka u hayso madashan oo ka shaqeyneyso xoojinta wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Muddada uu socday shirkan waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, iyada oo uu guddoomiyay Wasiir Biixi Iimaan Cige oo hadda ah guddoomiyaha Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ee sanadkan.

Waxaa kale oo goobjoog ahaa wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, Dowladda Ingiriiska, Ururka IGAD, iyo hay’adaha kale ee maaliyadda iyo dhaqaalaha ee heer gobol iyo heer caalami.

Gabagabadii waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan dardar-gelinta iskaashiga dhaqaale iyo ka faa’iideysiga fursadaha wadajirka ah ee tamarta iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika.

Si kastaba, Shirkan ayaa ah mid lixdii biloodba mar la qabto, iyadoo diiradda lagu saaro iskaashiga dhaqaale, wax-soo-saarka iyo horumarinta isku-xirka dalalka Geeska Afrika.

Kaydkii qaraxyada Shabaab oo gacanta lagu dhigay + Sawirro

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab ayaa maanta howgal guuleystay ka fuliyay aagga deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan cashir lama ilaawaan ah loogu dhigay kooxda, iyaga oo gacanta kusoo dhigay kayd qaraxyo ah oo ay ku lahaayeen halkaasi.

Ciidamada oo helay xog sugan ayaa qaraxyada kasoo saaray kayd ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo ay hadda si buuxda u maamulayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga dalka, ciidamada ayaa helay xog sirdoon, waxayna ku guuleysteen inay soo saaraan qaraxyadaas oo ah miinooyin si qarsoodi ah loo galiyay god ku yaalla halkaasi.

“Howlgalkan oo qeyb ka ah howlgallo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa ciidanku ku ogaadeen goob si qarsoodi ah loogu keydinayey miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo Khawaariijtu u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu intaas lagu sii daray in ciidamada ay sugeen amniga guud ee deegaanka, isla markaana ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta.

“Ciidanka Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugay amniga aagga, iyaga oo hubiyay khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa ee laga hortagay, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka si waafaqsan habraacyada amniga” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dagaalladii dhawaan ka dhacay Jabad-Godane ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, iyadoo maydadkodoa lagu soo bandhigay deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Turkiga oo fashiliey shirqool xasaasi oo ay soo qaaday Iran

Ankara (Caasimada Online) — Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka dalka Turkiga (MIT) ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen shabakad basaasnimo oo xiriir la leh sirdoonka Iran, kuwaas oo qorsheynayay inay xog xasaasi ah ka ururiyaan saldhigga cirka ee Incirlik oo ay si wadajir ah u maamulaan Turkiga iyo Mareykanka. 

Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga ayaa Arbacadii baahiyay in hawlgal qorsheysan oo laga sameeyay shan gobol lagu soo qabtay lix qof, kuwaas oo ay hoggaaminayeen wakiillo ka tirsan sirdoonka Iran oo lagu kala magacaabo “Haji” iyo “Doctor”. 

Baaritaannada hordhaca ah ayaa daboolka ka qaaday in shabakaddan ay u xil saarnayd inay sawirro iyo muuqaallo ka duubaan saldhigga Incirlik ee gobolka Adana, kaas oo ah xarun istiraatiiji ah oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.

Eedaysanayaasha la qabtay oo shan ka mid ah ay u dhasheen Turkiga, halka midka kalena uu yahay Iiraani, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira “helitaanka xogta sirta ah ee dawladda, ujeeddooyin basaasnimo awgeed.”

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xubnaha qaarkood ay tababarro gaar ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ku soo qaateen gudaha Iran intii u dhaxaysay bishii August iyo September ee sannadkii 2025.

Arrinta xiisaha gaarka ah leh ee ay soo bandhigeen baarayaashu ayaa ah in shabakaddani ay isku dayday inay diyaaradaha Drones-ka hubaysan u dhoofiso Jamhuuriyadda Qubrus (Koonfurta).

Qubrus ayaa la rumeysan yahay inay xarun u noqotay hawlgallada sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska intii ay socotay colaadda Gaza, iyadoo xogta la wadaagaysa milatariga Israa’iil.

Mid kamid ah eedaysanayaasha oo u dhashay Turkiga ayaa sidoo kale qirtay in loo soo bandhigay qorshe lagu khaarajinayo dadka mucaaradka ku ah nidaamka Iran ee ku sugan Turkiga.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ay marayso meel “xasaasi ah”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay inuu miiska soo saaray xulashooyin milatari, kadib markii Iran ay si awood xad-dhaaf ah u caburisay dibad-baxyo dowladda looga soo horjeedo, halkaas oo saraakiisha Turkigu sheegeen in kumanaan qof lagu dilay.

Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay joogitaankiisa milatari ee gobolka, iyadoo markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln uu soo gaaray biyaha Bariga Dhexe, tallaabadaas oo loo arko mid cadaadis lagu saarayo madaxda sare ee Iran.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqir Ghalibaf, ayaa dhowaan ka digay in Tehran aysan sugi doonin inta la soo weerarayo, balse ay qaadi karto “weeraro ka hortag ah” oo ay ku beegsanayso danaha Maraykanka iyo Israa’iil haddii ay dareemaan khatar soo fool leh.

“Haddii la dareemo calaamado weerar, dhammaan saldhigyada Maraykanka iyo maraakiibtooda gobolka jooga waxay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah,” ayuu yiri Ghalibaf.

Xog: Guddiyada dowladda iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray qodobo xasaasi ah

Muqdishio (Soomaaliya) – Guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo ku saabsan hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wadahadallada heerka sare ah lagu qabto gudaha xerada Xalane si loo xaliyo caqabadaha siyaasadeed ee jira.

Wadahadalladan oo ka socday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii dhabbaha loogu xaari lahaa kulanka madaxda sare, waxaana qodobada ugu waaweyn ee la isku afgartay ka mid ah goobta shirka, amniga madaxda maamul-goboleedyada, iyo xal u helidda caqabadaha sharci ee taagan.

Wararka laga helayo kulammada ayaa sheegaya in la isku raacay in shirweynaha lagu qabto gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde (Xalane). Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wakiillada Dowlad-Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay diideen in gogosha la dhigo Villa Somalia, iyagoo u arkay Xalane goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalada madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Si loo dhiso kalsoonida, guddiyada ayaa ka wada hadlay caqabadda ka dhalatay waarankii qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Xubnaha metelaya Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in hay’adaha garsoorku ay farsamo ahaan gacanta ku hayaan hannaankii looga laaban lahaa go’aankaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Maxkamaddu ay ka caga-jiidayso tallaabadaas si aysan u dhaawacmin sumcadda garsoorka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saarayo in arrintan la soo afjaro.

Arrinta Dastuurka ayaa noqotay qodobka ugu adag ee doodda dhaliyay intii uu socday wadahadalka farsamo. Golaha Mustaqbalka ayaa walaac ka muujiyay wax ka beddelka dastuurka, halka kooxda Dowladda ee uu hoggaaminayo Wasiir Xasan Macallin ay soo jeediyeen in arrimaha masiiriga ah loo daayo madaxda sare si ay go’aan siyaasadeed uga gaaraan.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku waafaqay in arrimaha aan muranka ka taagnayn sida amniga guud, la dagaallanka argagixisada, iyo wax ka qabashada abaaraha lagu daro warmurtiyeedka shirka, maadaama ay yihiin mas’uuliyad qaran oo u baahan midnimo.

Heerarka hindisaha sharciga dhismaha hay’adda daawada iyo agabka caafimaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed waxa uu soo maray heerar sharciyeed oo kala duwan tan iyo markii ugu horreysay ee la bilaabay hindisihiisa.

Heerka koowaad:

Sharcigan markii ugu horreysay waxaa la horgeeyay Golaha Shacabka xilligii Baarlamaanka 10aad, halkaas oo uu maray Akhrinta Koowaad. Si kastaba ha ahaatee, sharcigu ma uusan dhammaystirin marxaladihii sharciyeed ee loo baahnaa, sababo la xiriira dhammaadka muddada Baarlamaanka, taas oo keentay in aan markaas la meelmarin.

Heerka labaad:

Markii la dhisay xukuumadda cusub, Wasaaradda Caafimaadka ayaa dib u soo nooleysay hindise-sharciyeedkan, iyadoo mar kale u gudbisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre. Inkastoo ay jireen caqabado farsamo iyo sharciyeed oo dib u dhigay hirgelinta sharciga, haddana waxaa la sameeyay wada-tashiyo iyo wadahadallo ballaaran.

Wadahadalladaas iyo dadaalladaas waxaa si dhow u hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyagoo kaashanaya hawlwadeennada Wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada ku howlan nidaaminta daawooyinka.

Heerka farsamada:

Shaqo muhiim ah waxaa si gaar ah u qabtay kooxda farsamada ee sharciga, oo uu hoggaaminayay Dr. Fataax Mohamed Sharawe, Guddoomiye ku-meel-gaar ah ee Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed. Kooxdan ayaa si qoto dheer uga shaqeysay sixidda, waafajinta, iyo diyaarinta dhanka sharciyeed ee sharcigan.

Heerka ugu dambeeya:

Ka dib muddo dheer oo uu sharcigu marayay heerar kala duwan, ugu dambayn waxaa suuragashay in hindise-sharciyeedku ka gudbo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay. Taasi waxay maanta ka dhigtay sharcigan mid si rasmi ah u meelmaray.

Ugu dambayn, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa u mahadcelisay dhammaan xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in waxa hadda ka sii muhiimsan ay tahay dhaqan-gelinta saxda ah ee sharcigan, si uu u noqdo mid dhab ahaan ka miro dhaliya himilooyinkii loo hindisay, una adeega badqabka iyo danta guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka oo shaaca ka qaaday ujeed laga lahaa arrintii BF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhacdadii shalay ee Baarlamaanka, kadib markii dood xooggan oo sababtay buuq ay ka dhalatay in Golaha la horgeeyo wax ka beddalka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ka ah.

Bayaanka kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaas uu ka dambeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu cadaadis ku saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, si loo fuliyo qorshaha Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu goluhu intaas ku sii daray in shalay ay dhacday mas’uuliyad darro wayn iyo ku takrifal awoodeed oo Baarlamaanka dhexdiisa ah, sidoo kalena la marin habaabiyay bulshada Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu si dhow ula socday in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku cadaadiyay guddoomiyaha in uu tallaabadan wax ka beddalka Dastuurka qaado, isla markaana uu guddoomiyaha si ula kac ah u marin habaabiyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo u sheegay in xildhibaannada loo qaybiyay cutubyadii wax ka beddalkooda ee lasoo jeediyay. Arrintan waxay muujineysaa mas’uuliyad darro siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedka laga leeyahay sii wadista wax ka beddalka Dastuurka ay tahay in lagu fashiliyo wada-hadallada u bilaabanaya xukuumadda iyo golaha ee dhawaan loo ballansan yahay, kuwaas oo ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

“Haddaba golaha wuxuu hoosta ka xariiqayaa in tallaabooyinkan loogu talagalay in lagu carqaladeeyo geeddiga wada-hadallada qaran ee u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo ballansan yahay 1-ada Febraayo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kae oo uu goluhu cod dheer ku sheegay in uu kasoo horjeedo wax ka bedelka Dastuurka, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka sharci darrada ah ee lagu bedalayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012-kii.

Si kastaba, Arrinta Dastuurka ayaa noqotay doodda ugu adag ee hadda taagan waxaana weli muuqaata in Villa Somalia ay ku adkeysaneyso go’aankeeda.

Mareykanka oo dib u fasaxay kaalmada Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Maraykanka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay si degdeg ah dib ugu billaabayso kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya, tallaabadaas oo soo afjaraysa hakad toddobaadyo qaatay oo yimid kadib markii la sheegay in la jabsaday bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho oo ay ku jireen raashin gargaar ah oo Maraykanku maalgeliyay. 

Go’aankan ayaa yimid maalmo uun kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u qiratay inay lahayd mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Dekedda Muqdisho, halkaas oo saraakiil dawladda ka tirsan ay burburiyeen xarun ay lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), isla markaana ay la wareegeen raashin gargaar ah xilli ay socotay ballaarinta dekedda.

“Maraykanku wuxuu bogaadinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda tallaabooyinkii saameeyay hawlaha WFP,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Gargaarka Dibadda ee Maraykanka. “Warbixintan kadib, waxaan dib u billaabi doonnaa qaybinta cuntada WFP, annagoo isla markaasna sii wadi doonna dib-u-eegista ballaaran ee aan ku samaynayno kaalmada aan siinno Soomaaliya.”

Washington ayaa joojisay gargaarka cuntada 7-dii bishii Janaayo, iyadoo daliishanaysa siyaasadda “dulqaad la’aanta ah” (zero tolerance policy) ee ku aaddan leexsashada hantida Maraykanka. Maamulka Madaxweyne Trump, oo qaaday tallaabooyin adag oo lagu kormeerayo gargaarka shisheeye, ayaa ka digay in maalgelinta mustaqbalka ay weli tahay mid si dhow isha loogu hayo.

Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa billowday horraantii bishan markii kooxaha dhismuhu, oo banneynayay dhul loogu talagalay mashruuc casriyeyn ah oo ay waddo shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ay dumiyeen bakhaar ay lahayd WFP. Xaruntaas ayaa waxaa ku jiray qiyaastii 76 tan oo raashin muhiim ah oo loogu talagalay dadka nugul.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Isniintii ayaa lagu muujiyay “qoomamo” ku aaddan “xaaladaas nasiib-darrada ah,” iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan agabkii la qabtay dib loogu celiyay hay’adda Qaramada Midoobay.

“Dowladda Federaalka waxay qaadanaysaa mas’uuliyadda buuxda ee xallinta xaaladdan,” ayay tiri Wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay inay WFP siisay “bakhaar ka weyn kana habboon kii hore” oo ku dhex yaalla dekedda si loo hubiyo in hawluhu aysan istaagin.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa markii hore beeniyay in gargaar la leexsaday, iyagoo ku tilmaamay carqaladda mid la xiriirta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee loogu talagalay in lagu kordhiyo awoodda dekedda. Hase yeeshee, markii ay wajaheen xayiraadda kaalmada muhiimka ah ee Maraykanka, xukuumadda Muqdisho ayaa si degdeg ah u xallisay khilaafka.

Britain faces ‘double game’ accusations over Somalia and Sudan

London, UK — Britain faces new accusations of a “double game” in the Horn of Africa as critics question whether its diplomatic stance on the war in Sudan aligns with its commercial interests in breakaway Somaliland.

At the heart of the controversy is a perceived disconnect between the UK’s role as a champion of accountability in Sudan and its financial exposure in a strategic port project in a region whose independence it does not officially recognise.

Since the war between the Sudanese army and the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) erupted in April 2023, London has positioned itself as a leading voice for civilian protection. This stance has informed its subsequent diplomatic and policy moves.

In April 2025, the UK co-chaired a major donor meeting with the African Union and European powers to demand humanitarian access. By December, it had imposed sanctions on senior RSF commanders following alleged atrocities in Darfur.

However, analysts argue that Britain’s rhetoric has not been matched by sufficient pressure on regional actors accused of fueling the conflict—specifically, the United Arab Emirates.

While Abu Dhabi acts as a key partner for the UK in other arenas, it faces persistent allegations of arming the RSF.

Sudan has taken the dispute to the International Court of Justice, accusing the UAE of violating the Genocide Convention.

Although Abu Dhabi rejects the claims as baseless, rights groups and Amnesty International have reported identifying advanced weaponry linked to the UAE in the conflict zone.

Port politics

The scrutiny extends to Somalia, where Britain formally supports the federal government’s sovereignty and territorial integrity.

In a statement on December 29, the UK Foreign Office reiterated that any change in Somaliland’s status must come through dialogue between Mogadishu and Hargeisa.

Yet, Britain maintains a direct financial footprint in the breakaway region through British International Investment (BII).

The UK’s development finance institution is a minority investor in the Berbera port, operating alongside the Dubai-based logistics giant DP World and Somaliland authorities.

For Somalia’s government, this stake undermines its authority, a sentiment that intensified on January 12 when Mogadishu announced the annulment of defense and port agreements with the UAE, accusing the Gulf state of violating its sovereignty.

The debate comes amid heightened regional tension following Israel’s recent recognition of Somaliland—a move London declined to follow.

Critics argue the result is a credibility problem: Britain condemns abuses in Sudan while remaining financially tied, through a state-backed institution, to a strategic asset operated by a close UAE partner in Somaliland.

While UK officials insist the two tracks are distinct and point to their sanctions record in Sudan, skeptics describe the policy as one of calculated ambiguity.

By avoiding direct confrontation with powerful regional players, analysts say London appears primarily concerned with preserving commercial leverage across the strategic Red Sea corridor.

Israel’s Somaliland recognition jolts Horn of Africa diplomacy

Nairobi, Kenya – Israel’s decision to recognise Somaliland as an independent state has jolted the Horn of Africa, forcing regional powerhouses Kenya and Ethiopia into a delicate diplomatic reset.

The December 26 move prompted a sharp warning from the African Union (AU), which fears it could increase tensions and erode Africa’s core norm: territorial integrity.

Somalia condemned the recognition as “illegal” and an affront to its sovereignty, vowing to pursue all diplomatic avenues to reverse it.

The AU quickly rejected the decision, arguing it might set a precedent that fuels separatist claims elsewhere and complicates dispute management in fragile borderlands.

Somaliland, a self-governing region in northern Somalia, declared independence in 1991 after the collapse of the central state.

While it has built functioning institutions, a currency and security forces over three decades, it has failed to secure broad international recognition.

Supporters argue Israel’s move breaks a long diplomatic blockade. Meanwhile, Mogadishu and its allies counter that unilateral recognition undermines regional stability. They say it also challenges the principle that borders should not be redrawn by external actors.

‘Red lines’

The split holds immediate political weight in Somalia, where Somaliland’s status is intertwined with national identity and deep distrust of foreign interference.

In Hargeisa, the recognition is framed as long-sought validation of the region’s relative stability.

But the AU has sought to limit fallout by reinforcing institutional red lines.

Officials have described the recognition as inconsistent with the bloc’s founding principles, urging member states to avoid steps that could intensify fragmentation.

For the AU, however, the issue is as much about precedent as it is about Somalia.

African diplomats have long feared that formal recognition of breakaway territories could multiply disputes and weaken fragile governments facing insurgencies.

The concern is also strategic: a norm discouraging secession helps the bloc manage crises without encouraging a race for international sponsorship of new states.

The caution resonates across East Africa, where political elites remain sensitive to internal fault lines.

Adding to this complexity, the Horn’s security landscape presents significant challenges.

The Red Sea and Gulf of Aden are crucial commercial and military corridors amid ongoing instability in Somalia and Sudan.

Diplomats worry a recognition battle could merge with wider rivalries over ports, naval access and the alignment of smaller states.

Kenya and Ethiopia have tried to prevent the rift from escalating into broader regional discord.

Both countries hold high-stakes interests in the Horn’s security architecture, including counterterrorism and refugee management.

Ethiopia’s tightrope

Ethiopia, a landlocked heavyweight dependent on stable maritime access, sits at the centre of the region’s port politics.

The issue deepened in January 2024 when Addis Ababa signed a memorandum of understanding with Somaliland proposing port access in exchange for possible recognition—a move that triggered a strong backlash from Somalia.

Israel’s recognition adds a new variable to this balancing act.

Ethiopia has refrained from issuing a clear public decision, a restraint shaped by careful calculation.

Addis Ababa must account for its regional partnerships while remaining wary of any move interpreted as endorsing border changes—a step that would clash with the AU stance.

Analysts say Ethiopia’s national security establishment views trade corridors as vital for supply reliability and military movement, ensuring maritime access remains on the agenda.

Kenya’s balance

Kenya, however, faces a different calculus.

Nairobi has historically aligned with the AU’s emphasis on sovereignty, yet has maintained practical ties with Somaliland, including a representative office in Nairobi.

Israel’s recognition narrows the space for this “stability-first” engagement.

Any gesture appearing to legitimise Somaliland could sharpen Somali objections and strain security cooperation, while a harder posture could disrupt trade and political contacts in the northern Somali corridor.

As a regional hub with a deep Somali diaspora, Nairobi must weigh the economic implications of a confrontational approach.

The broader risk, diplomats say, is that the row becomes a proxy battlefield for wider contests over Red Sea security.

For Kenya and Ethiopia, the coming weeks will determine if regional diplomacy can prevent escalation—or if fragile cooperation will give way to confrontation.

For the AU, this episode is a test of its resolve: can it uphold its founding principles and maintain regional unity at a key moment? The answer will echo beyond the Horn, shaping Africa’s diplomatic future.