25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday xogta kulan dhex-maray Xasan, Geelle iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudan Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka gobolka, gaar ahaan dhiggiisa dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Xasan Sheekh, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed ayaa ka arrinsaday xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka taagan gobolka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga dhaqaale ee saddexda dal iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, iyada oo magaca  Itoobiya ka ilaalisay warbixinta socdaalka madaxweynaha ee dowlad-deegaanka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale dowladda Soomaaliya ay mudnaanta ugu wayn siineyso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Jigjiga u tegay ka qayb-gaka xarig-jarka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar u leh dhaqaalaha iyo adeegyada gobolka.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo laba jeer tega caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, isaga oo markii ugu horreysay cagta saaray bishii August, 2016-kii ee muddo xileedkiisii hore, markaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan aya xillagaas wada-hadallo la yeeshay madaxdii joogtay dowlad-deegaanka, isaga oo sidoo kale booqday xarumaha muhiimka ah ee maamulka iyo goobaha dadweynaha, wuxuuna qiimeynayay xaaladda guud

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Narendra Modi oo kulmay + Sawirro

0

New Delhi (Caasimada Oline) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo haatan ku sugan Hindiya ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Narendra Modi, intii lagu guda jiray shir u dhexeeyay wasiirrada arrimaha dibadda ee Hindiya iyo Carabta, kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo la shiray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, waxayna kala hadleen arrimo ku aadan iskaadhiga labada dhinac.

Kulankan ayaa sidoo kale astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada.

Waxaa kale oo diiradda la saaray horumarinta wada-shaqeyn, wadahadal wax ku ool ah, iyo iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadly wuxuu mar kale caddeeyay, sida ay uga go’an tahay diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo Jimcihiid hex-maray wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Hindiya Dr. Subrahmanyam Jaishankar oo ku heshiiyay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo skaashiga u dhexeeya labada waddan.

Hindiya iyo Soomaaliya waxay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sanadihii hore ee xornimada Soomaaliya kaddib, waxaana Hindiya ay sii waday xiriirka iyo wada-shaqeynta iyadoo adeegsanaysa shabakaddeeda wakiillada diblomaasiyadeed, xitaa kaddib markii ay xirtay safaaraddii Muqdisho xilligii dagaalka sokeeye.

New Delhi ayaa sidoo kale door ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya la xiriira, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka hawlgallada Qaramada Midoobay iyo joogitaan ciidan-badeed oo muddo dheer ka socday gobolka ballaaran, sida ku xusan qoraallada rasmiga ah ee wakiillada diblomaasiyadeed ee Hindiya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka dagay Jigjiga + Sawirro

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya & madaxweyne Mustafe Cagjar.

Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay xarrig jarta xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tegay Jigjiga, isaga oo ka qayb-galaya daah-furka mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay halkaasi.

Xasan iyo Geelle ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweyn diirran oo maamuus leh, taasoo ka tarjumaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya.

Sidoo kale booqashada labada hoggaamiye ayaa muujineyso wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ee diiradda lagu saarayo arrimo wadajir ah sida nabadda, amniga, is-dhexgalka dhaqaale iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika.

Waa markii labaad ee uu madxweynaha Soomaaliya booqanayo Jigjiga, wuxuuna markii ugu horreysay uu cagta saaray bishii August, 2016-kii ee muddo xileedkiisii hore, markaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxweyne Xasan aya xillagaas wada-hadal la yeeshay madaxdii joogtay dowlad-deegaanka, isaga oo sidoo kale booqday xarumaha muhiimka ah ee maamulka iyo goobaha dadweynaha, wuxuuna qiimeynayay xaaladda guud.

Soomaaliya iyo Hindiya oo ku heshiiyay arrin xasaasi ah

0

New Delhi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo wada-hadallo cusub yeeshay Jimcihii ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyaga oo ku heshiiyay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo skaashiga uu dhexeeya labada dhinac.

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir ah u gaaray wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal, Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Dr. Subrahmanyam Jaishankar oo kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Jamhuuriyadda Hindiya.

Inta uu socday kulanka labada wasiir ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Wasiir Cabdisalaam oo madasha ka hadlay ayaa marka hore jeediyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

Horay Hindiya ayaa si buuxda u taageertay madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna sheegtay in aysan wax niyad ah u hayn aqoonsiga maamulka Somaliland, iyadoo si cad u beenisay hadal-heyn baraha bulshada ku faaftay oo ku saabsan in New Delhi ay raaci karto tallaabadii Israa’iil ee aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah.

Si kastaba, Dalalka Hindiya iyo Soomaaliya waxay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sanadihii hore ee xornimada Soomaaliya kaddib, waxaana Hindiya ay sii waday xiriirka iyo wada-shaqeynta iyadoo adeegsanaysa shabakaddeeda wakiillada diblomaasiyadeed, xitaa kaddib markii ay xirtay safaaraddii Muqdisho xilligii dagaalka sokeeye.

New Delhi ayaa sidoo kale door ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya la xiriira, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka hawlgallada Qaramada Midoobay iyo joogitaan ciidan-badeed oo muddo dheer ka socday gobolka ballaaran, sida ku xusan qoraallada rasmiga ah ee wakiillada diblomaasiyadeed ee Hindiya.

Xubno kasoo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Onlin) – Laba kamid ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii isku soo dhiibay ciidamada Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baasanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay deegaanka.

Xubnahan ayaa kasoo fakaday  Khawaarijta, kadib markii ay u adkeysan waayeen sida ay sheegeen culeyska ay haatan wajaheyso kooxda oo lagu hayo weerarro joogto ah.

Labada nin ee isa soo dhiibay ayaa magacyadooda ku kala sheegay Axmed Mustaf Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, waxaana ay wateen hubkooda, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Raggan ayaa si gaar ah ugu hubeysanaa qoriga BKM, qoriga AK-47 (Aaran) iyo booshkiisa, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay warbaahinta Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay hayeen xogta raggan, waxayna kasoo tageen agagaarka jiinka wabiga Jubba, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa haatan sii kordhaya tirada xubnaha ka tirsan Khawaarijta ee isku soo dhiibaya ciidamada, kadib markii jab culus lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka.

Xaaladda deegaannada ay ka dhaceen howlgallada ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada ay sii wadaan baacsiga xubnaha Al-Shabaab ee ka firxaday halkaasi.

Si kastaba, ha’ahaatee xubnaha haatan isa soo dhiibay ayaa lagu hayaa xarunta taliska, waxaa ku socda baaritaanno dheeraad ah, iyada oo la gudbin doono xarumha dhaqan-celinta oo muddo lagu hayna doono.

DF oo war ka soo saartay xayiraadda la sheegay in ay saartay diyaaradaha Israel

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ay warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah weriyeen, kuwaas oo sheegayay in dowladdu ay xanibaad ku soo rogtay diyaaradda Arkia ee laga leeyahay dalka Israa’iil, oo ay u diiday fasax ay ku marto hawada Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay wararkaas in aysan sax aheyn. Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere), ayaa BBC-da u xaqiijiyay inaysan jirin shirkad si gaar ah loo beegsaday ama laga mamnuucay isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista.

“Wararka sheegaya in shirkadda Arkia laga hor istaagay isticmaalka hawada waa kuwo aan sal lahayn. Dowladda Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay, waxaana u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida hawadeena,” ayuu yiri Agaasime Faradheere.

Wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood ay faafiyeen warar khal-khal galinaya nidaamka duulimaadka iyo sumcadda qaranka Soomaaliya.

“Waxaan ka xunnahay in qaar ka mid ah warbaahintu ay noqdaan aalad loo isticmaalo faafinta warar khalkhal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka. Waxaan ugu baaqaynaa warbaahinta inay xaqiiqda ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee dowladda”.

Xaqiiqda jirta

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay beenisay jiritaanka “xanibaad” haddana xogta dhabta ah ee kasoo baxaysa dhanka shirkadda Arkia ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabo “farsamo” oo u dhiganta xannibaad marka si kale loo eego.

Shirkadda Arkia ma aysan sheegin in hawada laga xiray, balse waxay xaqiijisay inaan weli loo “cusbooneysiinin” ruqsadda ogolaanshaha maritaanka hawada Soomaaliya ee bisha Febraayo, taas oo sida sharciga caalamiga ah qabo ay qasab tahay in bil kasta la cusbooneysiiyo.

Warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Yedioth Ahronoth (Ynet), ayaa shaacisay in Arkia aanay helin ogolaanshaha bisha soo socota, taas oo ku qasbaysa inay beddesho khadka duulimaadkeeda ee taga dalka Thailand.

“Haddii aanan helin ogolaansho horraanta bisha Febraayo, shirkaddu waxay ku shaqeyn doontaa waddooyin kale,” ayay tiri Arkia. Tani waxay ka dhigan tahay in diyaaraduhu ay qaadan doonaan waddooyin wareeg ah oo aad u dheer, taas oo kordhinaysa waqtiga duulimaadka iyo kharashka shidaalka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda ayaa tallaabada dowladda Soomaaliya ku tilmaamay mid xeeladeysan. Dowladda kuma dhawaaqin go’aan siyaasadeed, taas oo keeni kartay culeysyo sharci oo caalami ah (ICAO regulations), balse waxay isticmaashay awooddeeda maamul ee dhanka bixinta ruqsadaha.

Marka la isku geeyo hadalka dowladda ee ah “Ma jirto xanibaad” iyo xaqiiqada Arkia ee ah “Na looma cusbooneysiinin,” waxaa soo baxaya sawir ah in Soomaaliya ay bixisay jawaab diblomaasiyadeed oo dadban, taas oo salka ku haysa khilaafkii ka dhashay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland 26-kii December.

Waa tallaabo muujinaysa in Muqdisho ay hadda si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada Sare (FIR) oo ay u adeegsan karto “kaar” cadaadis ah, iyadoo aan jabin xeerarka caalamiga ah, maadaama cusbooneysiinta ruqsaddu ay tahay hannaan maamul oo dowladda xaq u leedahay inay dib u eegto ama hakiso haddii loo baahdo.

Haddii xaaladdan ay sii socoto, waxaa sidoo kale la filayaa inay saameyn ku yeelato shirkadda calanka u sidda Israa’iil ee El Al, taas oo ogolaanshaheeda sanadlaha ah uu ku egyahay bisha Maarso, waana tallaabo sii kordhinaysa go’doonka dhanka hawada ah ee Israa’iil kala kulmayso Geeska Afrika.

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo qorshaha ka dambeeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho ka soo dejisay diyaarado dagaal oo ah nooca F-16, kuwaas oo ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Maraykanka, sida uu baahiyay wargeyska The Middle East Eye.

Warbixintu waxay tilmaamaysa in Turkigu muddooyinkii u dambeeyey gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ka waday shaqooyin ballaaran oo diyaarin ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgalinta iyo taageerada farsamo.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid muujinaysa sii xoogeynta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo saameynteeda gobolka.

Dhanka kale, wargeys ka soo baxa dalka Giriigga ayaa qoray in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya keeno hubka difaaca cirka ee lidka diyaaradaha dagaalka.

Qorshahan ayaa lagu sheegay mid Turkigu ku doonayo inuu ku difaaco danihiisa ku sugan Soomaaliya, isla markaana uga hortago cid kasta oo caqabad ku noqon karta.

Arrintan ayaa lala barbardhigay tallaabadii uu Turkigu horay uga qaaday dalka Liibiya, ka hor intii uusan weerarin saldhigyadii Khaliif Xaftar sanadkii 2019, xilli uu ku sigtay inuu la wareego dalkaas, gaar ahaan caasimadda Tripoli, ama sida Carabtu u taqaan Daraabulus.

TRUMP oo ku hanjabay weeraro ka dhan ah kooxaha Soomaalida ee…

0

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin adag u diray kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, isagoo shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu qaadi doono tallaabooyin militeri oo la mid ah kuwa haatan lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Trump ka sheegay kulan uu la qaatay golihiisa wasiirrada ee Aqalka Cad, xilli uu dhinaciisa fadhiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth.

Trump ayaa cadeeyay in xoghaye Hegseth uu “si buuxda ugu idman yahay” inuu awoodda militeriga u adeegsado duqeynta doonyaha ay isticmaalaan burcad-badeedda ku sugan xeebaha Afrika.

“Waxay la kulmi doonaan isla gantaallada aan ku ridno dadka daroogada soo dhoofiya,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Hadalkani ayaa imaanaya xilli maamulka Trump uu bilihii la soo dhaafay fuliyay tobanaan weerar oo cirka ah oo lala beegsaday doonyaha daroogada ee marinka Badda Caribbean-ka iyo Badweynta Pacific-ga, hawlgalladaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof.

Tallaabooyinkaas ayaa dhaliyay su’aalo sharci, inkastoo maamulka Washington uu ku adkeysanayo inay waafaqsan yihiin awoodaha dastuuriga ah ee dalkaas.

Sharciyadda iyo xaaladda Burcad-badeedda

Sharciyadda caalamiga ah ee howlgalada la-dagaallanka burcad-badeedda ee Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa salka ku haya qaraarro ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wixii ka dambeeyay sanadkii 2008-dii.

Hase yeeshee, warbaahinta ABC News ayaa Aqalka Cad weydiisay in Madaxweynuhu rumeysan yahay in awooddaasi ay Mareykanka xaq u siineyso inuu dilo burcad-badeedda Soomaalida.

Trump ayaa sheegay in shirkadaha caymiska maraakiibta lagu wargeliyay dhowr bilood ka hor in tallaabo noocan ah la qaadi karo.

 “Way ogyihiin in haddii qof uu isku dayo inuu u dhawaado markab, ay la kulmi doonaan ciqaabta ugu dambeysa,” ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay, “Ilaa hadda, ma aanaan arkin cid badda u soo baxday.”

Weerarrada burcad-badeedda ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, bishii November ee sanadkii 2025, koox burcad ah ayaa weerar ku qaaday markabka shidaalka ee Hellas Aphrodite oo sitay calanka Malta, qiyaastii 560 mayl-badeed koonfur-bari kaga beegan degmada Eyl.

Inkastoo markabka la qabsaday, haddana ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 24-kii shaqaale ee saarnaa.

Sida ay diiwaangelisay Xarunta Caalamiga ah ee Badaha (IMB), afduubka Hellas Aphrodite wuxuu ahaa markabkii ugu horreeyay ee ganacsi oo lagu qabsado xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii May 2024. Sanadkii 2025, waxaa la diiwaangeliyay shan dhacdo oo kaliya.

Hanjabaadda Trump ee ku wajahan burcad-badeedda ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sare u qaaday weerarrada afka ah ee uu ku hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Trump ayaa horay ugu tilmaamay soo-galootiga Soomaalida ah “qashin,” isagoo sidoo kale eedeymo u jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo uu ku eedeeyay musuq-maasuq la xiriira xarumaha xanaanada carruurta.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, lagana soo doorto degmada 5-aad ee Minnesota.

“Maanta waxaan aragnaa burcad-badeednimo aad u yar. Waagii hore waxay afduuban jireen laba ama saddex markab toddobaadkii… laakiin hadda waxaa inoo hartay Ilhaan Cumar,” ayuu yiri Trump.

“Waxay inoo dhigeysaa casharro ku saabsan dastuurka Mareykanka. Dadkani waa — waxa ay ku sameeyeen dalkeenna waa wax aad u xun.”

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo maalintii Talaadada nin uu weerar gacan-ka-hadal ah ku qaaday Ilhaan Cumar xilli ay ku sugneyd hool ku yaalla magaalada Minneapolis.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Arbacadii, ayay Ilhaan Cumar ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu mas’uul ka yahay weerarkaas sababo la xiriira hadalladiisa xanafta leh, halka Trump uu dhankiisa shaki geliyay dhacdadaas. 

South Africa iyo Israel oo cayrinta safiirada ku kala aargutay – Sidee wax u dhaceen?

0

Cape Town (Caasimada Online) – Koonfur Afrika ayaa waddanka ka cayrisay diblomaasigii ugu sarreeyay Israa’iil ee dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana uu jeediyay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Ariel Seidman, oo ahaa chargé d’affaires-ka safaaradda Israa’iil, ayaa lagu dhawaaqay persona non grata amd ‘dalkan lagaama rabo’waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Waxaa lagu eedeeyay inuu baraha rasmiga ah ee dowladda u adeegsaday weerarro uu ku qaaday Madaxweyne Ramaphosa, isla markaana uu u soo casuumay saraakiil Israa’iili ah Koonfur Afrika isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda.

Xidhiidhka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa’iil dambiga xasuuqa (genocide) ee Falastiiniyiinta kana gudbisay dacwad Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) — eeddaas oo ay Israa’iil si buuxda u beenisay.

Saacado kaddib, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday tallaabo la mid ah midda ay samaysay Koonfur Afrika, iyada iyaduna soo caydhisay safiirkii dalkaas u joogay Koonfur Afrika.

Wakiilka Koonfur Afrika ee dalka Israel, ayaa lagu magacaabaa Shaun Edward Byneveldt.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar oo si adag uga jawaabay tallaabadaas, ayaa ku dhawaaqay in — “kaddib weerarrada been-abuurka ah ee Koonfur Afrika ka geysanayso Israa’iil fagaaraha caalamiga ah, iyo tallaabada hal-dhinac ah ee aan salka lahayn ee laga qaaday” Seidman — in sidoo kale Shaun Edward Byneveldt, wakiilka Koonfur Afrika ee Israa’iil, lagu dhawaaqay persona non grata, laguna amray inuu Israa’iil ka baxo 72 saacadood gudahood.

Dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegtay in “tallaabooyin dheeraad ah la tixgelin doono waqtiyada soo socda.”

Isha: BBC

Somalia blocks Israeli airline Arkia over Somaliland recognition

Tel Aviv, Israel – Somalia has denied Israeli airline Arkia permission to fly through its airspace, a move that could force the carrier to divert its Thailand-bound flights onto longer routes, Israeli media reported Thursday.

The refusal comes amid a deepening diplomatic rift after Israel last month became the first country to formally recognise the breakaway region of Somaliland as an independent state.

According to a report by the Israeli daily Yedioth Ahronoth (Ynet), Arkia has not received a renewal for its overflight permit for February, a critical corridor for Israeli flights traveling to Southeast Asia.

“If we do not receive approval by the beginning of February, the company will operate on an alternative route,” Arkia stated, noting that flight schedules would remain unchanged despite the diversion.

The airspace ban appears to be the first concrete retaliation by Mogadishu since Israel’s recognition of Somaliland on December 26, 2025.

While Arkia applies for permits monthly, Israel’s flag carrier El Al said the ban does not currently affect its operations, as its annual permit remains valid until March.

However, industry sources warn that El Al could face a similar blockade when its clearance expires, potentially threatening the viability of its popular routes to Bangkok and Phuket by adding significant fuel costs and flight time.

‘Dangerous precedent’

The standoff follows Prime Minister Benjamin Netanyahu’s controversial decision to establish full diplomatic relations with Somaliland, a former British protectorate that declared independence from Somalia in 1991 but had lacked international recognition for 34 years.

Israeli officials framed the move as an agreement “in the spirit of the Abraham Accords,” aimed at bolstering regional stability.

The decision, however, sparked fury in Mogadishu, which considers Somaliland an integral part of its territory.

In a joint statement last month, the foreign ministers of Somalia, Egypt, Turkey, and Djibouti condemned the move as a “clear violation of international law” and a “dangerous precedent” for the Horn of Africa.

Somalia’s government has since vowed to defend its sovereignty by “all necessary means,” with the airspace denial appearing to be an initial diplomatic lever.

Beyond the diplomatic row, the recognition reflects Israel’s growing strategic interest in the Red Sea and the Gulf of Aden.

Analysts say ties with Hargeisa offer Israel a critical foothold near the Bab el-Mandeb strait, a choke point for global shipping that has seen repeated attacks by Yemen’s Houthi rebels in recent years.

Reports suggest the deal could grant Israel access to the port of Berbera for logistics or intelligence monitoring—a prospect that has alarmed both Mogadishu and its regional allies.

Until recently, Somalia’s airspace was managed from Nairobi, but the federal government in Mogadishu has reasserted full control over its Flight Information Region (FIR), giving it the authority to block overflights.

Arkia stated it is working with Israel’s Civil Aviation Authority and the Foreign Ministry to resolve the issue.

“This is not an act of provocation, but an opportunity to strengthen stability,” an Israeli official said of the recognition policy, though Somalia’s airspace closure suggests the move has immediately increased turbulence in the region’s skies.

Soomaaliya oo heshiis ku kacaya in ka badan $100 milyan la saxiixatay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay heshiis ku kacaya €102 milyan.

Heshiiskan ayaa waxaa si wadajir ah qalinka ugu duugay madax sare oo ka socotay Midowga Yurub, gaar ahaan Xafiiska EU ee Soomaaliya iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee EU iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda.

Taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub ayaa loogu tala-galay taageeridda geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo hirgelinta mudnaanta horumarineed ee Qaranka.

Ka hor saxiixa heshiiskan, Madaxda sare ee Midowga iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene Beene) ayaa yeeshay kulan mira-dhal oo horseeday saxiixa taageeradan maaliyadeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo taageerada kabka miisaaniyadda ee ay EU si joogto ah ugu garab istaagto Dowladda Soomaaliya, iyada oo la raacayo hannaan wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa adkeeyay muhiimadda in taageeradan loo adeegsado si hufan, loona waafajiyo qorshaha horumarinta qaranka, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka labada dhinac kadib, waxaa la sameeyay munaasabadda saxiixa taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kabka miisaaniyadda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata kobaca iyo mashaariicda horumarinta dhaqaalaha.

Diyaarad qalab culus oo milatari kasoo dejisay Muqdisho – Dalkee ku deeqay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul oo ah nooca C-130 Aircraft, kana timid dalka Talyaaniga ayaa maanta qalab culus oo milatari ka soo dejisay magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qalabka milatari ee la keenay ayaa la sheegay inuu yahay mid ay adeegsanayaan ciidamada amniga Soomaaliya.

Hase yeeshee lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee agabkan ama in ay ku jiraan illaa 30 gaadiid dagaal oo dhawaan Talyaanigu ugu deeqday Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa Talyaaniga midkoodna weli kama aysan hadlin qalabkan milatari iyo faah-faahintiisa rasmi ah oo ku saabsan cidda si toos ah u adeegsan doonta.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga sheegay in dalkiisa uu dayacay doorkii uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo keentay in Turkiga ugu saamayn batay dal ay horay u soo gumaysteen, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo hadalkaasi ka jeedinayay Baarlamaanka Talyaaniga ayaa sheegay in Turkiga uu si buuxda ula wareegay kaalintii Talyaaniga ee Soomaaliya, xilli Ankara ay heshiis difaac oo ballaaran la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu qayb weyn ka qaato dib u dhiskooda.

Wararkii ugu dambeeyay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka uga furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarowga shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, oo ay qeyb ka yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu maalinta Axadda ka furmo gudaha xerada Xalane, iyadoo guddiyada farsamo ee labada dhinac ay heshiis ka gaareen ajendaha shirka iyo qodobada ugu muhiimsan ee wada-hadallada furmaya.

Wufuud hordhac ah u ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kusoo wajahan Muqdisho, iyadoo la diyaariyay goobaha ay degi doonaan mas’uuliyiintaasi, sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo.

Ilo ku dhow-dhow Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo hoggaanka Dowlad-Goboleedyada ayaa sheegaya in saacadaha soo aaddan ay Muqdisho iman doonaan xubnaha weli ka maqan caasimadda ee ka qeyb qaadanaya shirkan.

Sidoo kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda si dhow ula socda shirkan oo muhiim u ah marxaladda haatan ka taagan dalka, maadaama ay hore u muujiyeen taageerada gogosha wada-hadal ee ay soo jeedisay dowladda iyo aqbalaadda ay ka bixiyeen dhinacyada Mucaaradka.

Ajendaha shirka Axadda ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamada guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, guddiyada ayaa isfaham ka gaaray hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wada-hadallada heerka sare ah lagu qabto hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane.

Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ay ka gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo Xalane u arka goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalinta madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka, si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Si kastaba, Muqdisho ayaa galeysa mashquul siyaasadeed bilowga Febraayo, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer wada-hadal fool ka fool ah ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafyo siyaasadeed ka dhex taagnaayeen.

Turkish Airlines iyo diyaarado kale oo caalami ah oo walaac ka muujiyay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa galay marxalad walaac leh, kaddib markii qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ay muujiyeen cabsi la xiriirta badqabka garoonka iyo nawaaxigiisa.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in shirkado ay ka mid yihiin Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines ay si rasmi ah ula xiriireen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, iyaga oo gudbiyay walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan badqabka garoonka.

Shirkadahan ayaa si weyn uga walaacsan sii wadista duulimaadyadooda ku wajahan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira xaaladda amni ee garoonka iyo agagaarkiisa.

Xogaha aan helayno ayaa tilmaameysa in shirkadahan ay toos ula xiriireen mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee hay’adda, isla markaana ay direen qoraallo rasmi ah oo ay ku faahfaahinayaan khataraha ay dareemayaan.

Si kastaba, ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weli aan la arag wax tallaabo ah oo wax ku ool ah ama jawaab cad oo ka timid Hay’adda Duulista Rayidka.

Farriimo ay shirkaduhu u direen hay’adda ayaa lagu caddeeyay in aysan sii wadi karin duulimaadyada haddii xaaladda hadda jirta wax laga qaban waayo, maadaama ay khatar ku tahay ammaanka rakaabka, shaqaalaha iyo hantida shirkadaha.

Haddii duulimaadyada caalamiga ah ay istaagaan ama hakadaan, waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa; isu socodka rakaabka iyo ganacsiga, sumcadda duulista Soomaaliya, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Ilaa iyo hadda, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya kama aysan hadlin walaaca ay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ka muujiyeen badqabka garoonka, mana jirto war rasmi ah oo ay ka soo saartay arrintaan.

Ciidamada IDF ee Israa’iil oo saldhig ka sameysanaya Somaliland kadib aqoonsiga

Hargeysa (Caasimada Online) – Aqoonsigii Israa’iil ay dhawaan siisay  maamulkaSomaliland ayaa u muuqda mid waddada u xaaraya in ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ay saldhig milatari oo istiraatiiji ah ka samaystaan Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo iyo fallanqeeyayaal.

Kadib tallaabadii taariikhiga ahayd ee 26-kii December—markaas oo Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland—wadahadallada labada dhinac ayaa si xawli ah ugu wareegay dhanka iskaashiga amniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo hadlayay kadib kulan uu 6-dii January Hargeysa kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa caddeeyay in labada dhinac ay “yeelan doonaan iskaashi dhanka difaaca ah, ayna horumarin doonaan xiriir istiraatiijiyadeed.”

Halka mas’uuliyiinta Hargeysa ay muujiyeen taxaddar diblomaasiyadeed—iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu xusay in arrintan laga hadli doono “marka waqtigeedu yimaado”—haddana warbixino lagu kalsoon yahay, oo baahiyeen warbaahinta Israa’iil, ayaa tilmaamaya in qorshahaasi uu marayo meel sare.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo xaqiijiyay in heshiiska saldhigga milatari uu yahay mid “miiska saaran oo si dhab ah looga wadahadlayo.”

Muhiimadda Berbera

Qorshayaasha milatari ee Israa’iil ayaa si gaar ah diiradda u saaraya Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, kaas oo dhaca goob juqraafi ahaan xasaasi ah.

Falanqeyn ay sameysay hay’adda daraasaadka istiraatiijiyadda ee IISS (International Institute for Strategic Studies) ayaa muujineysa in joogitaanka milatari ee Israa’iil ee Berbera ay si weyn u dhimi doonto masaafo-duulimaadka loo jiro goobaha ay Xuudiyiintu ka maamulaan dalka Yemen.

Masaafadaas oo haatan ah 1,800 kiiloomitir marka laga soo kicitimo gudaha Israa’iil, ayaa kusoo koobmi doonta qiyaastii 550 kiiloomitir oo kaliya.

Duullimaadyada hadda jira ayaa u baahan shidaal ku shubid hawada ah iyo saadka oo adag, balse saldhigga Berbera wuxuu u ogolaanayaa Israa’iil inay yareyso waqtiga falcelinta ee weerarada ka dhanka ah kooxda Xuudiyiinta (Ansaarullaah).

Wuxuu sidoo kale siinayaa awood ay ku kordhiso sirdoonka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Gacanka Cadmeed iyo Koonfurta Badda Cas.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay u fududaaneyso in ay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee riddada gaaban si loo sugo amniga marinnada ganacsiga, halkii lagu tiirsanaan lahaa hubka riddada dheer ee kharashkiisu badan yahay.

Caqabadaha hortaagan 

Inkasta oo heshiiskani uu Somaliland u horseedi karo aqoonsi caalami ah oo ay in muddo ah raadinaysay, haddana wuxuu wataa culeysyo siyaasadeed oo aan la dhayalsan karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Somaliland ay tahay qayb sharci ahaan ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay digniino culus oo ku aaddan isticmaalka shisheeye ee dhulka Soomaaliyeed.

Khuburada amniga ayaa ka digaya in tallaabadani ay kordhin karto halista weeraro lagu beegsado dekedda Berbera, oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland. Xuudiyiinta Yemen ayaa iyaguna ku goodiyay inay bartilmaameedsan doonaan wixii dano Israa’iil ah ee laga hirgeliyo Somaliland.

Dhinaca diblomaasiyadda, saldhig milatari oo Israa’iil ku yeelato Geeska Afrika ayaa laga yaabaa inuu xurguf ku keeno xiriirka waddamada gobolka, gaar ahaan Masar, Sacuudiga, iyo Turkiga oo dhammaantood dano waaweyn ka leh marin-biyoodka Badda Cas.

Warbixinta IISS ayaa digniin ku bixisay in arrintani ay Somaliland gelin karto go’doon siyaasadeed oo kaga yimaada Midowga Afrika, xilli ay Hargeysa isku dayayso inay aqoonsigeeda ku xoojiso xulafaysiga Tel Aviv.

Sawirro: Soomaaliya oo si cajiib ah u macasalaamaysay hogaanka Golaha Ammaanka

0

New York (Caasimada Online) – Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb-galay wakiillo sare oo ka socday dalal kala duwan, kuwaasi oo ka tirsan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Qaramada Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Daahir Cusman (Baalle) oo erayo kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay Soomaaliya inay mar kale hoggaamiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 sano kadib.

Waxa uu xusay in hoggaamintaasi ay astaan u tahay soo kabashada, adkeysiga iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii u dambeeyay, kaddib duruufo adag oo ay dalka soo mareen.

Sidoo kale, danjiruhu waxa uu tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta nabadda iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah, xilli ay sii kordhayaan xasaradaha iyo ku xadgudubka xeerarka caalamiga ah.

Amb. Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, isla markaana ay caqabadaha iyo marin-habaabinta uga jawaabaan midnimo, kalsooni iyo waxqabad joogto ah.

Munaasabadda ayaa lagu soo xiray bandhig faneed ay sameeyeen hoballo Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameed ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo si weyn u soo jiidatay marti sharaftii ka qeyb-gashay xafladda, isla markaana ahayd gabagabadii muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya hoggaamineysay Golaha Ammaanka.


























Xogta howlgal culus oo ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno Shabaab ah oo ku dhuumaleysanayay.

Intii uu howl-galka socday waxaa lagu dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xubnahan ayaa ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaannka.

Ciidamada Qaranka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ciribtirka maleeshiyada argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay in howl-gallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasilooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay maalmahan dambe kordhiyeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Soomaaliya oo hawadeeda ka xanibtay diyaaradaha Israa’iil

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ay isticmaasho hawada dalka, tallaabadaas oo warbaahinta Israa’iil ay ku tilmaantay jawaabtii ugu horreysay ee “aargoosi diblomaasiyadeed” ah tan iyo markii Tel Aviv ay aqoonsatay Somaliland.

Go’aankan ayaa ku qasbaya shirkadda Arkia inay beddesho khadka duulimaadkeeda ee taga dalka Thailand, iyada oo hadda kadib mari doonta waddooyin ka dheer kuwii hore, taas oo kordhinaysa waqtiga iyo kharashka shidaalka.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Israa’iil, Yedioth Ahronoth (Ynet), shirkadda Arkia ma helin cusbooneysiinta ogolaanshaha maritaanka hawada ee bisha Febraayo. Hawada Soomaaliya ayaa ah marin halbowle u ah diyaaradaha Israa’iil ee u kala goosha Koonfur-bari Aasiya iyo Tel Aviv.

“Haddii aanan helin ogolaansho horraanta bisha Febraayo, shirkaddu waxay ku shaqeyn doontaa waddooyin kale,” ayay tiri Arkia, inkastoo ay xaqiijisay in jadwalka duulimaadyadu sidiisii ahaan doono.

Inkasta oo xayiraaddani ay hadda si toos ah u saameysay Arkia, shirkadda calanka u sidda Israa’iil ee El Al ayaa sheegtay in aanay weli wajihin caqabadan, maadaama ogolaanshaheeda sanadlaha ah uu shaqeynayo illaa bisha Maarso.

Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan shirkadaha duulista ayaa ka digaya in El Al ay wajihi karto go’doon la mid ah marka waqtigeedu dhaco.

Haddii ay taasi dhacdo, waxay halis gelin kartaa faa’iidada duulimaadyada caanka ah ee Bangkok iyo Phuket, maadaama ay qasab noqon doonto in diyaaraduhu ay qaataan waddooyin wareeg ah oo aad u dheer.

Xayiraaddan ayaa kusoo aadaysa xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay go’aankii 26-kii December ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Somaliland ugu aqoonsaday in ay tahay dal madax-bannaan.

Tallaabadaas, oo Israa’iil ku sheegtay mid xoojinaysa xasilloonida gobolka, ayay Dowladda Soomaaliya u aragtaa xadgudub qaawan oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhulkeeda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo bishii hore soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “mid abuuraya tusaale khatar ah” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Loolanka Badda Cas

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in aqoonsiga Israa’iil uu salka ku hayo dano istiraatiijiyadeed oo ay ka leedahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Israa’iil ayaa la sheegay inay baadigoob ugu jirto saldhig ay ku yeelato meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen oo weeraro ku haysa maraakiibta caalamiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in heshiiska Hargeysa iyo Tel Aviv uu Israa’iil u ogolaan karo isticmaalka Dekedda Berbera arrimo la xiriira saadka iyo sirdoonka, arrintaas oo walwal weyn ku abuurtay Muqdisho iyo xulafadeeda gobolka.

Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada Sare (Flight Information Region – FIR) oo horey looga maamuli jiray Nairobi, ayaa hadda awood u leh inay go’aamiso cidda mareysa hawada dalka. Tallaabadan diidmada ah ayaa u muuqata “Kaarkii ugu horreeyay” ee Muqdisho u adeegsato cadaadiska ka dhanka ah Israa’iil.

Shirkadda Arkia ayaa sheegtay inay wada-shaqeyn la leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Israa’iil iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda si xal loogu helo arrintan, balse xiritaanka hawada Soomaaliya ayaa muujinaya in “duufaanta siyaasadeed” ee gobolka ay hadda u gudubtay dhanka hawada sare.

Qorshaha DF ee dhismaha iyo hubeynta ciidamada Awdal

Boorama (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay damacsan tahay inay qaaddo tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo qorshuhu yahay in la taageero maleeshiyaad hubeysan oo maxalli ah. qarxa Geeska Afrika.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa u sheegay shabakadda Drop Site in xukuumadda Muqdisho ay hiigsaneyso inay hubeyso, islamarkaana ka faa’iideysato tabashooyinka beelaha gobolka Awdal si qalqal amni loo geliyo maamulka Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qorshahan uu jawaab u yahay go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay 26-kii December, kaasi oo uu si rasmi ah ugu aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay “xad-gudub sharci darro ah” iyo “gardarro qaawan.”

Sida ay xaqiijinayaan xogaha sirdoonka, dowladda federaalka ayaa dooneysa inay awood siiso beelaha dega gobolka istiraatiijiga ah ee Awdal—oo ku yaalla afaafka hore ee Badda Cas—kuwaas oo muddo dheer diiddanaa gooni-u-goosadka Somaliland.

“Beelaha Awdal waa udub-dhexaadka fashilinta qorshaha Israa’iil ee Somaliland. Gobolka Awdal wuxuu dul-saaran yahay marinka muhiimka ah ee Baab Al-Mandab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NISA oo diiday in magaciisa la xuso. Wuxuuna intaa raaciyay, “Waxa kaliya ee ay u baahan yihiin waa taageero siyaasadeed iyo hub.”

Xiisadda dhulka ayaa durba u muuqata mid sii kaceysa. 21-kii bishan Janaayo, milatariga Somaliland ayaa shaaciyay inay dileen laba nin oo hubeysan gobolka Awdal, halka xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ay dhowaan ku dhawaaqeen maamul la magac-baxay “Guban State”, kaasi oo si toos ah u loollamaya awoodda maamulka Hargeysa.

Somaliland oo horay u ahayd maxmiyaddii Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah ilaa tallaabada Israa’iil ay soo ifbaxday.

Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in Tel Aviv ay Somaliland u aragto hanti istiraatiiji ah oo ay u adeegsan karto ballaarinta awooddeeda Badda Cas iyo la socodka dhaqdhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

“Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland wuxuu si weyn u soo gaabinayaa mas’aafada juquraafiga ah,” ayuu yiri Jethro Norman, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Danish-ka, isagoo xusay in Israa’iil ay dhulkan u adeegsan karto howlaha sirdoonka iyo saadka ciidamada.

Qalalaasahan diblumaasiyadeed ayaa kala qeybiyay quwadaha gobolka. Dowladda Jabuuti, oo xiriir qabiil la leh bulshada Awdal, ayaa xiriirka u jartay Somaliland iyadoo la safatay Muqdisho. Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee Somaliland, arrintaas oo sababtay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan dalkeeda ka saarto ciidamo Imaaraati ah.

Khubarada amniga ayaa ka digaya in xiisaddan ay fursad dahabi ah siin karto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida aysan weeraro waaweyn ka geysan Somaliland tan iyo 2008-dii, haddana dadka indha-indheeya arrimaha gobolka waxay ka cabsi qabaan in joogitaanka milatariga Israa’iil uu xagjireyn karo bulshada deegaanka, taasoo gobolka nabdoon u beddeli karta “aag colaadeed.”

“Soomaaliya iyo dalalka deriska ah… waxay ka walwalsan yihiin in xaaladda waqooyiga dalka ay wajihi doonto dhaqdhaqaaqyo milatari oo kordha,” ayuu yiri Xasan M. Saciid Samatar, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa gaashaandhigga Soomaaliya. 

Waa kuma taliyaha cusub ee ciidanka xoogga Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Waa kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga?

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa hoggaanka Ciidanka Xoogga.

Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si weyn uga soo shaqeeyay hay’adaha hoggaaminta ciidanka, isaga oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Si gaar ah, waxa uu hore u ahaa Taliyaha Hoggaanka Taageerada Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (General Support Command), oo ah hoggaan muhiim u ah howl-galinta iyo joogtaynta awoodda ciidanka.

Xilkan muhiimka ah ayaa loo magacaabay bishii Juunyo ee sanadkii 2024, kaddib wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu xilkaas hayay, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waxa uu mas’uul ka ahaa maareynta farsamo ee ciidanka, gaar ahaan sahayda, agabka difaaca iyo nidaaminta gaadiidka militariga.

Sidoo kale, waxa uu si dhow u kormeerayay in ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ay helaan taageerada iyo qalabka ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa haatan si rasmi ah xilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugala wareegaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.