25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

DF Somalia oo caddeysay sababta Xamar looga celiyay ciidamadii Deni iyo Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay sababta loo celiyay diyaaradihii siday ciidamadii tirada badnaa ee saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Ciidamadan oo ahaa ilaalada madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, oo la filayo inay yimaadan magaalada Muqdisho ayaa ku hubeysnaa hub culus, iyadoo tiradooduna badnayd, taas oo walaac xooggan ku abuurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo qoraal soo saaray ayaa caddeeyay in Muqdisho u baahnayn xaalad amni darro iyo ciidamo badan oo lagu soo daabulo, maadaama ay joogaan ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amniga saaran tahay.

“Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma wada-hadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan.

Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.

Amniga madaxda caalamka ee Muqdisho soo booqanaya dawladda Soomaaliya ayaa sugta, wayna isku aaminaan, madaxda Soomaaliyeedna mudnaan gaar ah ayay leeyihiin, ma jirto wax ururo ciidan ah la soo safriyo ayadoo ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amnigu saarnayd ay joogaan.

Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan Deni iyo Madoobe.

Ciidamada la soo luggoynayo Buuraha Calmiskaad iyo hareeraha Kismaayo in lagu xoreeyo ayaa ka mudan in film jilid loo soo wato.

Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta dhacday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde.

Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayo in uu caasimada Soomaaliya kusoo gaaro Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale, Puntland ayaa tilmaamtay in ujeedka ka dambeeyo go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.

“Illaa waqtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbaleen ka qayb-galka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha wuxuu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo Gogosha lagu ballamay, isaga oo sida muuqato aan fileyn in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed in ay aqbali doonaan gogosha” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhankeeda Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada iyo wafdiga la socday ay ku wargelisay Hay’adda Duulista, balse si sharci darro ah hawada looga celiyay, iyada oo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan.

“Bilowgii safarka, diyaarada siday xubnahan oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah” ayaa iyana lagu yiri bayaanka kasoo baxay Jubbaland.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federaalka ah oo ka caga-jiidaysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, waxay u muuqataa in ay ka go’antahay inay wado walba u marto baajinta shirkaas, arrintaas oo muujinaysa niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka”..

Dhanka kale Jubbaland ayaa sheegtay in maanta hawada laga celiyay labo diyaaradood oo kale oo shacab siday, kuwaas oo kasoo baxay garoonka Kismaayo, iyada oo xustay in tallaabooyinkan ay ka dhalan karaan halis iyo qalalaase horleh.

Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadalladu ay bilowdaan, hadana waa soo baxaya caqabado waa wayn oo sii kala fogeyn karo dhinacyada, xilli lagu jaro marxaalad xasaasi ah iyo xaalad kala guur ah.

Turkiga iyo Mareykanka oo qaaday tallaabooyin xasaas ah oo la xiriira Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) — Sare u kaca xasilooni darrada ka jirta gobolka Geeska Afrika ayaa ku riixday dowladaha Mareykanka iyo Turkiga inay si weyn u xoojiyaan awooddooda milatari ee gobolka, iyadoo labada dalba ay qaadeen tallaabooyin cusub oo ay ku xaqiijinayaan danahooda istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Ankara ay diyaaradaha dagaalka ee F-16 gaysay gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Turkigu ku doonayo inuu ku baahiyo raadkiisa milatari ee gobolka, xilli uu xiriir dhow oo iskaashi la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradahan ay si toos ah u maamuli doonaan ciidamada Turkiga ee ku sugan Muqdisho.

“Tallaabadani waa mid lagu sugayo amnigeena,” ayuu yiri sarkaalku, isagoona meesha ka saaray in duuliyeyaal Soomaali ah ay ku lug yeelan doonaan hawlgallada diyaaradahan.

Turkiga, oo sannadkii 2017-kii xarigga ka jaray saldhiggiisa milatari ee ugu weyn dibadda (TURKSOM) oo ku yaalla Muqdisho, ayaa halkaas ka wada hawlgallo isugu jira tababarro iyo la-talin dhanka ciidamada ah, si kor loogu qaado awoodda la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

Tallaabadan milatari ee Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Ankara si kulul u dhalleeceysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Dowladda Turkiga ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay “faragelin qaawan oo lagu sameeyay arrimaha gudaha iyo qarannimada Soomaaliya.”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa daah-furtay mashruuc qiimihiisu gaarayo $70 milyan oo lagu ballaarinayo dhabaha diyaaradaha ee saldhigga milatari ee Manda Bay ee dalka Kenya. Saldhiggan oo ku yaalla gobolka Lamu, una dhow xuduudda Soomaaliya, ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo ay ciidamada Mareykanku u adeegsadaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Christopher Landau, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa munaasabaddii dhagax-dhigga ka sheegay in mashruucani uu dirayo farriin cad.

“Waa inaan tusnaa kuwa doonaya inay na soo weeraraan in ay naga go’an tahay inaan is-difaacno,” ayuu yiri Landau, isagoo intaa ku daray in saldhiggani uu astaan u yahay iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Kenya.

Saldhigga Manda Bay ayaa sannadkii 2020-kii waxaa weerar culus ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay saddex muwaadin oo Mareykan ah, laguna burburiyay diyaarado iyo qalab milatari. Mareykanka ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaas xoojiyay amniga iyo awoodda saldhigga.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa sannadkii 2024-kii shaaciyay qorshe Kenya loogu aqoonsanayo xulafada ugu weyn ee aan xubinta ka ahayn NATO (Major Non-NATO Ally) ee dhanka Koonfurta Saxaraha, taasi oo sare u qaadaysa iskaashiga milatari ee labada dal, inkastoo aanay jirin heshiis difaac oo rasmi ah.

Landau ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Kenya ee “xasilinta caalamiga ah,” gaar ahaan hoggaaminta hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Haiti, halkaas oo ciidamada Kenya ay booliska dalkaas ka caawinayaan la-dagaalanka kooxaha burcadda ah ee la wareegay qaybo badan oo dalkaas ka mid ah.

Deni oo isagoo careysan soo hadlay: Waa fal-dambiyeed…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo goordhaweyd ka hadlay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan kuwa maamulkaas ayaa si caro leh uga jawaabay tallaabadii ay saaka qaaday dowladda dhexe oo dib uga celisay hawada Muqdisho ciidamo ay iska soo hormariyeen isaga iyo madaxweynaha  Jubbaland.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro wayn ay sameysay Dowladda Federaalka, isla markaana la’iskula xisaabtami doono falkaasi.

“Saakay markaan Garowe kasoo baxnay ciidamadii hordhaca ahaa ee wafdiga dowladda Puntland Xamar uga qeyb-geli lahaa shirka lagu igmaday iyo howl-wadeennadii madaxtooyada oo maanta safar u galay iyagoo dhex hawada maraya ayaa lasoo celiyay diyaaraddooda. Waxaa dhacday mas’uuliyad darro” ayuu yiri Saciid Deni

Sidoo kale, wuxuu arrintan ku tilmaamay fal-dambiyeed iyo isku day dil oo ay ku kacday dowladda dhexe, balse dib wax la’isaga waydiin doono, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaaradda oo hawada mareysaa dib loo soo celiyay. Waa fal-dembiyeed iyo isku day dil oo laga xisaabtami doono waqtigeeda.” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaad ogtihiin muddadii u dambeysay waxaan ka qeyb galnay shirkii magaalada Kismaayo ka dhacay ee looga hadlayay dalka sidii loo xasilin lahaa oo doorasho loo dhan yahay loo geli lahaa. Intiinna halkan fadhida kama war qabtaan”.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay qiimeyn doono xaalka, isla markaan waxa la gudboon ay gadaal kasoo sheegi doonto.

Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadal uu u bilowdo Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, hadana waxa soo baxaya caqabado sii kala fogeyn kara dhinacyada, xilli lagu jaro xaalad kala guur ah.

Xildhibaanno iyo Senatarro laga joojiyay kulamada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo saaray go’aanno culus ayaa fadhiyada golaha ka mamuucay illaa 20 xubnood oo isugu jiro labada Aqal, kuwaas oo ku lug yeeshay fowdadii dhawaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa 12 kulan oo xiriir ah ka joojiyay18 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha, kuwaas oo qayb ka ahaa qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026-ka.

“Haddaba iyada oo la tixgeliyo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhacda golaha, kuwaas oo si toos ah halis u gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka iyo hannaanka gudashada waajibaada Golaha Shacabka, in xubnaha ka tirsan golaha ee ku lug lahaa qalalaasaha ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada aqal ee taariikh 28-01-2026, laga joojiyay ka qayb-galka 12 kulan oo ah fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole iyo fadhiyada kale ee Golaha Shacabka oo ka bilaabaneyso taariikhada 02-02-2026” ayaa lagu yiri go’aankasoo baxay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu digniin kama dambeys ah u diray illaa 11 kale oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu faray ciidamada amniga inay fuliyaan amarka maanta soo  baxay, isla markaana ay celiyaan xildhibaannada la ganaaxay.

“Taliska amniga ee Golaha Shacabka waxaa la farayaa in uu dhaqangeliyo go’aankan si waafsaqsan xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka SareCali Shacbaan Ibraahim oo isna soo saaray go’aan kan lamid ah ayaa isna 12 kulan ka fadhiisay Senanatarrada Leyla Nuue Maax iyoCabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo lug yeeshay qalalaasihii dhowaan ka dhacay Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xiisad culus ay ka dhalatay wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG ka ah oo la geeyay Baarlamaanka, si ay uga doodaan, kadibna ay uga gaaraan go’aan rasmi ah.

 

DF oo dib u celisay ciidankii ay iska soo hormariyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow hawada Muqdisho dib uga celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay Kismaayo iyo Garoowe.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada ayaa la siiyay amar toos ah oo ku aaddan in aysan jiri karin diyaarado dambe oo sida ciidamo oo kasoo duuli kara labada magaalo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Go’aankan ayaa sidoo kale sabab looga dhigay in dhinacyadan ay ku xadgud-been habraacyadii amni ee ay horay ugu heshiiyeen gudiyadda farsamada ee labada dhinac, kuwaas oo taabanayay amniga qaranka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in labada maamul loo ogolaaday midkiiba 40-illaa 50 askari oo ay ku jiraan kuwa dharcad ah, kuwaas oo sugaya amniga madaxooda, balse la jabiyay qodobkaasi, kadib markii ciidamo dheeri ah ay soo direen labada dhinac, taas oo soo dadajisay go’aanka dowladda dhexe.

Dhanka kale, waxaa haatan Muqdisho ka socda shir deg-deg ah oo u dhexeeyo guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas ka arinsanaya talaabada ay tahay in la qaado, maadaama go’aankan uu saameyn karo geeddi socodka wada-hadallada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland iyo Puntland oo ku aadan go’aanka kasoo baxay dowladda ee ‘dib loogu celiyay ciidamadooda’.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay oggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ay uga ka gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyaga oo doortay in shirku ka dhaco goob ka baxsan madaxtooyada oo la’isku haleyn karo.

Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadalladu ay bilowdaan, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha.

Golaha wasiirada Sacuudiga oo soo saaray go’aan muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) — Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale carrabka ku adkeeyay mowqifkooda ku aaddan taageerada madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday isku-day kasta oo lagu abuurayo “maamullo bar-bar yaalla” oo wiiqaya midnimada qaranka iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Warkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa kasoo baxay kulan toddobaadle ah oo uu guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdicasiis. Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Muqdisho ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda diblumaasiyadeed, kaddib tallaabadii Israa’iil ay bishii December ee lasoo dhaafay ku aqoonsatay Somaliland—gobolka waqooyi ee ku dhawaaqay gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii balse aan weli helin aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay Riyadh, Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in Boqortooyadu ay kasoo horjeeddo “nidaam kasta oo bar-bar yaalla oo ka horimaanaya midnimada Soomaaliya iyo bed-qabka dhulkeeda,” waxaana ay ka digeen faragelin kasta oo liddi ku ah gobonimada dalka.

Dhinaca kale, xukuumadda Riyadh ayaa soo dhoweysay qodobbadii kasoo baxay shirkii degdegga ahaa ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee bishii tagtay ka dhacay magaalada Jeddah si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya.

Shirkaas OIC, oo ay codsatay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu xoojiyay mowqifka soo jireenka ah ee ururkaas ee garab istaagga midnimada Soomaaliya, iyadoo la cambaareeyay tallaabo kasta oo dhiirrigelinaysa kala-goynta dalka ama isku-dayga in dib loo jeexo xuduudaha Geeska Afrika, oo ah gobol leh muhiimad istiraatiijiyadeed oo caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland mid baal-marsan sharciga caalamiga ah, halisna ku ah xasilloonida gobolka, iyadoo ku doodeysa in dowladnimo aan lagu dhisi karin hanaan hal dhinac ah oo aan raalli ka ahayn dowladda dhexe.

Hadalka kasoo baxay Sucuudiga ayaa kusoo aadayo xilli loolanka juqraafi-siyaasadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu sii kordhayo, iyadoo khubarrada gobolku ay ka digayaan in tartanka dowladaha shisheeye uu huriyo khilaafyada gudaha Soomaaliya.

Sacuudiga oo ah saaxiib dhow oo dhanka gargaarka iyo diblomaasiyadda u ah Soomaaliya, ayaa farriintan u diray si loo mideeyo mowqifka caalamiga ah ee ka dhanka ah kala-qaybsanaanta Soomaaliya, xilli xasaasi ah oo uu jiro loolan xooggan oo ka socda marinka Badda Cas.

Garyaqaan iyo Yuu Boss oo loo xiray kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay soo xiray Mahad Maxamud Xamarow (Garyaqaan) iyo Yuusuf Xasan (Yuu Boss) oo labaduba kamid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan aaladda TikTok.

Garyaqaan iyo Yuu Boss ayaa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, iyada oo Booliska uu sheegay in ay wajihi doonaan cadaaladda, lana horgeyn doono maxkamad.

Labada eedeysane ayaa loo haystaa kiis xasaasi ah, gaar ahaan kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni, sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan, Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Mahad Maxamud Xamarow Garyaqaan. Eedeysanaha ayaa loo xiray ku lug lahaasho kicin dadweyne & Qalqalgalin amni, waxaa la horgeydoonaa Maxkammada Awooda u leh” ayuu yiri Warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu Boolisku farriin u diray shacabka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan wax kasta oo liddi ku ah amniga.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 WABILAAHI-TOWFIIQ” ayuu lasii raaciyay.

Horay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa u xiray dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay isku dirka qabaa’illada, waxaana la horgeeyay maxkamad, inkastoo markii dambe ay dib u heleen xorriyadooda.

Geelle: Waxaan kulligeena daba soconeynaa…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Sabtidii ka qayb-galay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa jeediyay khubad xasaasi ah oo ku amaanay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore qiray in gobolka uu ku tallaabsanayo horumar, isaga oo si gaar ah u xusay dalalka ay dariska yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in isaga hogzaamiyeyaasha kale ay ku daba faylayaan Ra’iisul wasaare Abiy, oo uu ku bogaadiyay waxqabadkiisa.

“Soomaaliya hanoolaato, Kenya hanoolaato, Itoobiya hanoolaato, kulligeena odaygaan Abiy Axmed baan daba soconeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, si looga faa’iideysto fursaha jira ee guud ahaan gobolka.

“Anigu waxaan ku talinayaa la midoobo horay loo socdo, qofna lagu reebin cidlada” ayuu mar kale yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhankiisa, madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka qaatay ayaa si gaar ah u bogaadiyay Soomaalida, wuxuuna ku adkeeyay midnimadooda, si ay u sameeyaan horumar intaasi ka ballaaran.

“Soomaalidu waa dad walaalo ah waxaa laga shaqeynaa sidii loo mideyn lahaa oo ay u wadajiri lahaayeen” ayuu isna yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Diyaarado ciidamo sida oo kasoo ambabaxay Kismaayo iyo Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qorshuhu yahay inay ka qayb-galaan shirka wada-tashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa iska soo hormariyay ciidamo hubeysan oo ilaalo ah, kuwaas oo goordhow kasoo ambabaxay magaalooyinka Ksimaayo iyo Garoowe.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa sugi doono amniga labada madaxweyne oo ay haatan is hayaan Villa Somalia, iyagoo maalmo joogi doono caasimada.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo wata hub culus, isla markaana diyaarado usoo saaran magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lasii diyaariyay goobaha ay degi doonaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, inta ay socdaan wada-hadallada ay kula jiraan dowladda.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka aya haatan ka socota caasimada, iyada oo guddiyada labada dhinac ay diyaariyeen ajendaha shirka, waxayna sidoo kale shalay si wadajir ah ula kulmeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo la fiayaa in madaxda ka qayb-galeysa shirka ay soo wada xaroodaan, si uu shirka u furmo maalita beri ah oo ku beegan 2 Febraayo.

Sidoo kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda si dhow ula socda shirkan oo muhiim u ah marxaladda haatan ka taagan dalka, maadaama ay hore u muujiyeen taageerada gogosha wada-hadal ee ay soo jeedisay dowladda iyo aqbalaadda ay ka bixiyeen dhinacyada Mucaaradka.

Ajendaha shirka Isniinta ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamada guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ka gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyaga oo doortay in shirku ka dhaco goob ka baxsan madaxtooyada oo la’isku haleyn karo.

Si kastaba, Muqdisho ayaa galeysa mashquul siyaasadeed bilowga Febraayo, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer wada-hadal fool ka fool ah ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafyo siyaasadeed ka dhex taagnaayeen.

Fariin Diblomaasiyadeed: DF oo magaca Itoobiya ka reebtay safarka Xasan ee Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayey safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Jigjiga ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo fasiraado kala duwan oo dhanka dublamaasiyadda ah, kaddib markii qoraalka rasmiga ah laga dhex waayey magaca dalka “Itoobiya” iyo kan “Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.”

Tallaabadan, oo ay dadka odorosa siyaasadda Geeska Afrika ku tilmaameen mid “si ula-kac ah loo qorsheeyey” ayaa ku soo aadaysa xilli xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Jigjiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socotay Kenya iyo Jabuuti. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd xarig-jarka xarun dalxiis oo loogu talagalay in lagu soo jiito dakhli, taasoo laga hirgeliyey dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho.

Si kastaba ha ahaatee, qaab-dhismeedka qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa loo arkaa mid xambaarsan farriin culus. Qoraalka laguma xusin in dhulka la tagay uu ka tirsan yahay Itoobiya, taa beddelkeedana waxaa diiradda la saaray magaca “Jigjiga” iyo “Madaxda Gobolka” oo keliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.”

“Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.” 

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tallaabadan ay jawaab toos ah u tahay xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya.

Sannadkii 2024-kii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay haysato dhul ka mid ah Soomaaliya, isagoo ula jeeday Deegaanka Soomaalida.

Maqnaanshaha magaca “Itoobiya” ee bayaankan ugu dambeeyey ayaa loo fasirtay in Muqdisho aysan dareensanayn mas’uuliyad qaanuuni ah oo ka saaran inay qirto madaxbannaanida Itoobiya ee gobolkaas, haddii Addis Ababa ay sii waddo xiriirka gaarka ah ee ay la samaynayso Somaliland si ay u hesho marin-badeed.

Inkastoo luuqadda dublamaasiyadeed ay adkayd, haddana Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in Madaxweynaha iyo madaxda kale ay Jigjiga kaga wada hadleen arrimaha amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Safarkan iyo qaabka loo soo bandhigay ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beddeshay taatikada xiriirka ay la leedahay Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa kaararka siyaasadeed ee gacanteeda ku jira si ay u difaacdo madaxbannaanida dalka.

Isimada Cali Saleebaan oo soo saaray qodobo xasaasi ah, ka dalbaday Puntland in ay…

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Beelaha Cali Saleebaan, oo ka mid ah tiirarka ugu miisaanka culus ee gobolka Bari, ayaa Sabtida maanta ah soo saaray war-saxaafadeed culus oo ay kaga dalbanayaan Xukuumadda Puntland inay si degdeg ah u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed.

War-saxaafadeed ay maanta ka soo saareen Garowe, beesha ayaa si cad u sheegtay inay taageero buuxda u hayaan midnimada, wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ka shaqeynta xasilloonida Puntland iyadoo lagu dhaqmayaayo dastuurka iyo nidaamka sharci ee jira.

Beesha Cali Saleebaan waxay si gaar ah diiradda u saartay muhiimadda ay leedahay in beelaha iyo bulshada Puntland ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala-qaybsanaan ama khilaaf gudaha ah, xilli gobolka uu wajahayo khatar amni oo joogto ah.

“Xaaladda hadda taagan waxay u baahan tahay midnimo iyo mas’uuliyad qaran, ma aha kala-qaybin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Buuraha Calmiskaad ayaa bilihii la soo dhaafay noqday mid xooggiisu kordhay, iyadoo ciidamada Puntland ay fuliyeen howlgallo isdaba-joog ah oo lagu beegsaday saldhigyo iyo marinno ay kooxdaasi ku lahayd dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa sheegaya in howlgalladu ay wiiqeen awoodda kooxdu ku lahayd deegaanka, inkastoo ay weli jirto khatar firfircoon.

War-saxaafadeedka ayaa beesha ku bogaadisay ciidamada Puntland iyo shacabka deegaanka kaalinta ay ka qaateen dagaalka, iyadoo lagu tilmaamay “dadaal qaran oo u baahan garab istaag joogto ah.”

Qodob muhiim ah oo beesha ay xoogga saartay ayaa ah in guusha amni aysan ku imaan karin awood militari oo keliya, balse ay u baahan tahay taageero bulsho, wada-jir siyaasadeed iyo kalsooni lagu qabo hay’adaha dowliga ah.

Beesha Cali Saleebaan waxay sheegtay inay ka go’an tahay in ay la shaqeyso Dowladda Puntland iyo hay’adaha sharciyeed si loo adkeeyo wada-noolaanshaha bulshada, loogana hortago isku day kasta oo lagu dhaawacayo nidaamka dowladnimo.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in Puntland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana horumarka iyo amniga gobolka uu ku xiran yahay wada-shaqeyn heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Beesha ayaa ku baaqday in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Puntland, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta adeegyada bulshada, maadaama deegaanno badan ay saameeyeen abaar iyo barakac.

Qodob kale oo ay beesha si cad uga digtay ayaa ahaa in lagu mashquulo muran siyaasadeed ama is-qabqabsi bulsho xilli dagaal adag lagula jiro argagixiso. Waxay sheegeen in xaaladda noocaas ahi ay si toos ah u wiiqeyso dadaallada amni, isla markaana fursad u abuureyso kooxaha hubeysan.

“Waqtigan ma aha mid la isku khilaafayo. Waa waqti midnimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Gebogabadii, Beesha Cali Saleebaan waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada wada-tashiga iyo doorka ay ku leedahay nabadda, iyadoo ballan-qaadday in ay garab istaag u noqon doonto tallaabo kasta oo lagu xoojinayo amniga, dowladnimada iyo wadajirka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu iclaamiyey shir guud oo ay yeelan doonaan Beelaha Cali Saleebaan, kaas oo looga arrinsanayo aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka.

Saxiixayaasha Bayaanka

Bayaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay:

  • Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacii
  • Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar Ismaaciil
  • Suldaan Mursal Muuse Koonte
  • Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi Bilcil

Warkan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda gudaha ee Puntland maalmaha soo socda, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay bixin doonto Madaxtooyada Puntland.

Ka hor shirka, guddiyada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar a la yeeshay xubno metalayey qeybaha kala duwan bulshada sida, culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Inta uu socday kulanka waxay dhinacyadu is-weydaarsadeen xogo iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga gogosha wadahadallada, kuwaas oo ku qabsoomay jawi isfahan iyo is-ixtiraam leh.

Sidoo kale, gudiyadda diyaargarowga shirka wadahadaladda ayaa waxa ay u mahadceliyeen culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo qaatay doorkooda, iyada oo la tixgelinayo talooyinkooda iyo daneyntooda masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddisocodka wadahadallada arimaha masiiriga ah ee dalka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Dallada Ururada Bushada rayidka Mudane Cismaan Shaatax oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aragtidooda iyo talooyinkooda ay ku biiriyeen guddiyada, si ay wada-hadallada u noqdaan kuwa guuleysta, maadaama looga hadlayo xaaladda kala guurka ah ee dalka.

“Waxaan manta kulan la qaadaney xubnaha labada guddi ee farsamada kuwaas oo ka socdey dowladda federaalka iyo golaha mustaqbalka Soomaliyeed. Shirka oo ay I weheliyeen xubno ka socda duubabka dhaqanka, culumo udiinka iyo bulshadda rayidka ayaa waxa looga hadlaayey sidii gogosha wadahadalada loo balansan yahay 2 Bisha Fabraayo u noqon laheyd mid lagu guuleysto” ayuu yiri Cismaan Shaatax.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddiyada ay la wadaageen in lasii wado dadaalka, lana xoojiyo kalsoonida shacabka, si looga gudbo caqabada taagan.

“Xubnaha bulshada rayidka, kuwa dhaqanka iyo culumo udiinka ayaa diirada saarey sidii aan wax sharuud ah lagu xirin wada hadalada isla markaasna wixii caqabad ah Meesha looga saari lahaa. Waxa kale oo aan kala hadalney labada guddi kaalinta bulshada rayidka eek or joogteynta wada hadalada si wixii cuslaado ay kaalin dhexdhexaadin uga qayb qaadan lahaayeen. Waxaan la wadaagney xubnaha labada guddi muhiimada ay leedahey in la xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan gogosha taas oo ku imaan karto kor joogteynta xubnaha bulshada rayidka ee gogosha wada hadalka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa lagama maarmaan ah xaqiijinta hirgelinta hishiis laga gaaro wada hadalada taas oo ku imaan karto mas’uuliyad wadareed ay qayb ka yihiin bulshada rayidka”.

NISA oo weerartay goob ay ku shirayeen madaxda Shabaab

0

Warsheekh (Caasimada Online)  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ku qaadeen deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa lagu qaaday goob uu shir uga socday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa xustay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayna weli waddo xog uruurin ku aadan khasaaraha gaaray Khawaarijta.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda NISA.

Saraakiil amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhulka lala simay goobta ay ku sugnaayeen xubnaha Khawaarijta, waxaana loo gaystay jab culus.

Deegaanka Maxaa siciid ee uu weerarka cirka ah ka dhacay ayaa u dhow Nuur Dugle, waana magaalo caan ah, halkaas oo cashir loogu dhigay argagixisada.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan jab culus lagu gaarsiiyay deegaana Jabad-Godane, halkaas oo looga dilay illaa 550 xubnood oo 80 kamid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida ay dhawaan shaaca ka qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan oo noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo firxadkooda looga sii daba tegay deegaanka Alanley oo mar kale lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Shiinaha oo ballan qaa culus u sameeyay Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeesay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Wang Yu, kaas oo ku booqday xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya waddamada Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda dalka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo ballan qaaday in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo.

Shiinaha ayaa horay garab istaag buuxa ugu muujiyay Soomaaliya, isaga oo si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka yimid dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Dhinaca kale, Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020.

Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo.

Warbaahinta DF oo fadeexad lugaha la gashay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta lugaha la gashay gashay fadeexad wayn, kadib warbixin ay ka qortay safar uu saaka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay gudaha magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-dowlad deegaanka Soomaalida.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo qoraalkan daabacay ayaa adeegsaday magada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana aad u dhibsaday qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga fal-celiyay qoraalkaasi.

“Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga. Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh iyo madaxweyne, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jigjiga u tegay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan.

Haddaba waxaa arrintaan dood culus ka keenay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay in Jigjiga la hoos geeyo Itoobiya, maadaama ay tahay dhul Soomaaliyeed oo horay loogu waayay halyeeyo Qaran.

Cabdullahi Xasan: “Dolwad Deegaanka Soomaalida maa iskaaga gaabsataan?, Itoobiya maa isleedihiin ku raaligeliya ayagaaba ogolee”.

Faarax Xiirey: “Waxaaas inaa sheegtaan maahan Tv Qaran ayaa tihiin, Hassan iyo Qaranka waa ku ceeeb”.

Cabdirashiid Shaakir Xuseen: “Xarunta Dawlad Deeganka Soomaalida, Not Ethiopia”.

Umulkheyr Cali: “Waa nasiib xumo in uu madaxweynaheenna tago dhul Soomaaliyeed oo xoog lagu heysto”.

Maxamed Axmed: “Aaway midnimadii Soomaaliyeed oo loo barooranayay?, Jigjiga immisa wiil Soomaaliyeed ayaa ku naf-waayay sidii loo xoreyn lahaa”.

Maxaa ka jira in Masar ay joojisay baasaboorka Somalia?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa beenisay in la joojiyay Baasaboorka Soomaaliga ee lagu dalbado Fiisaheeda, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar la xiriira in la hakiyay Baasaboorka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu joojiyay Baasaboorka Soomaalig ah oo dadka Soomaaliyeed ku tegaan dalkaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in xittaa aan lagu soo wargelin wax isbadal ah oo ku yimid socdaalka Soomaaliya iyo Masar oo haatan ah labada dal oo saaxibo ah, isla markaana wadaaga iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

“EgyptAir waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in aysan jirin wax Baasaaboorka Soomaaliga ah oo la joojiyay ama la hakiyay” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan rakaabka u safraya Cairo (CAI) ee wata OKTB, isla markaana haysta Baasaaboorka Soomaaliga, waa la aqbalayaa si caadi ah, mana jiro wax isbeddel ah waqtigan”.

Shirkadda ayaa ugu dambeyn xustay haddii uu jiro isbeddal cusub in ay si rasmi ah ula wadaagi doonto dadka Soomaaliyeed, si ay ula socdaan xaaladda.

“Haddii ay jiraan wax isbeddel ah ama macluumaad cusub, EgyptAir waxay si rasmi ah ugu soo gudbin doontaa kanaalladeeda warbaahineed ee rasmiga ah. Mahadsanidiin kalsoonida aad siisaan EgyptAir” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda beenisay warkan, iyada oo Hay’adda Socdaalka ay dadka Soomaaliyeed la wadaagtay faafinta de-degga ah ee Masar.

Xeeladaha Kenya iyo Itoobiya iyo mowqifka aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) — Tallaabada ay dowladda Israa’iil 26-kii December ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan ayaa noqotay dhul-gariir siyaasadeed oo gilgilay gobolka Geeska Afrika, kaas oo ku qasbay dalalka tunka weyn ee Kenya iyo Itoobiya inay dib u eegis degdeg ah ku sameeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid “sharci-darro ah” oo xadgudub ku ah qarannimadeeda, iyadoo wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu burinayo go’aankaas.

Dhanka kale, Ururka Midowga Afrika ayaa si degdeg ah u diiday aqoonsigan, isagoo ka digay inuu hurin karo xiisado horleh isla markaana wiiqi karo mabda’a guud ee Afrika ee ilaalinta xuduudaha.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa aaminsan in tallaabadani ay dhiirrigelin karto dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee ka jira meelo kale oo qaaradda ah, taasina ay adkeyn doonto xal u helidda khilaafaadka xuduudaha ee gobolka.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo gobolka ay ka jiraan loollan dhanka amniga ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ah marinno ganacsi iyo milatari oo muhiim ah, xilli ay jirto xasilooni darro ka taagan Suudaan iyo Soomaaliya.

Diblomaasiyiinta ayaa ka walaacsan in loollankan aqoonsiga uu isku beddelo mid salka ku haya tartanka dekedaha iyo awoodda badda.

Siyaasadda aamusntaanta ee Itoobiya

Dalka Itoobiya ayaa ku jira xaalad cakiran. Addis Ababa, oo bishii Janaayo ee 2024 heshiis is-afgarad (MoU) la gashay Somaliland—kaas oo dhigayay in Itoobiya ay hesho marin badeed badalkeeduna ay aqoonsato Somaliland—ayaa wajahaysa xaalad cusub.

Aqoonsiga Israa’iil ayaa culays horleh ku kordhinaya xukuumadda Abiy Ahmed. Itoobiya waxay ka gaabsatay inay shaaciso mowqif cad oo degdeg ah, iyadoo isku dayaysa inay dheellitirto baahideeda istiraatiijiyadeed ee badda iyo cabsida ay ka qabto inay si toos ah uga hor timaaddo mabaadi’da Midowga Afrika, taas oo sii xumeyn karta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hay’adaha amniga ee Itoobiya ay weli u arkaan marinnada ganacsiga inay yihiin arrin masiiri ah.

Kenya: Dheellitirka danaha is-diiddan

Dhinaca kale, Kenya ayaa iyaduna wajaheysa xaalad diblomaasiyadeed oo qallafsan. Nairobi oo inta badan la safan mowqifka Midowga Afrika ee madax-bannaanida dalalka, ayaa haddana xiriir ficil ah la leh maamulka Somaliland, oo ay ku jirto in xafiis wakiil uu uga furan yahay Hargeysa.

Go’aanka Israa’iil ayaa soo koobaya fursaddii Kenya ee siyaasadda “horreysiinta xasilloonida”. Kenya waxay sheegtay in ay taageereyso madax-banaanida Soomaaliya ayada oo aan cambaareyn Israa’iil, sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee Tel Aviv.

Tallaabo kasta oo ay hadda qaaddo oo u muuqata inay sharciyad siinayso Somaliland waxay dhaawici kartaa iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Muqdisho, halka mowqif adag oo ay qaadataana uu carqalad ku noqon karo ganacsiga iyo xiriirka siyaasadeed ee waqooyiga.

Toddobaadyada soo socda ayaa noqon doona imtixaan culus oo tijaabin doona awoodda diblomaasiyadeed ee gobolka iyo haddii Midowga Afrika uu awood u yeelan doono inuu ilaaliyo mabaadi’diisa asaasiga ah xilli ay jirto kala-qeybsanaan weyn oo ka dhex aloosan Geeska Afrika.

Mareykanka oo $71 milyan ku maal-gelinaya saldhig lagala dagaalamo Al-Shabaab

Lamu (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka iyo xukuumadda Kenya ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo ku kacaya $71 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo dhabaha dayuuraduhu ka haadaan ee saldhigga ciidamada ee Manda Bay.  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Mas’uuliyiin ka tirsan milatariga labada dal ayaa Khamiistii daah-furay dhismaha mashruucan, kaas oo dhabaha dayuuradaha (runway) gaarsiin doona dherer dhan 10,000 oo fiit (feet).  

Kharashka ku baxaya dhismaha mashruucan waxaa bixinaysa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxaana looga golleeyahay in lagu kordhiyo awoodda saadka iyo isku-socodka ciidamada ee gobolka.

Janaraal Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo goobjoog ka ahaa munaasabadda, ayaa sheegay in ballaarinta saldhiggan ay tahay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal.

“Waa caddahay sida mashruucani u xoojinayo amniga Kenya, balse sidoo kale wuxuu xoojinayaa amniga dhammaanteen,” ayuu yiri Janaraal Anderson.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa dhankeeda ku tilmaantay mashruucan “tallaabo istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah,” iyadoo sheegtay in ballaarinta garoonka ay sahli doonto in dayuuradaha xamuulka culus ay si fudud u isticmaalaan saldhigga. Tani ayaa la filayaa inay sare u qaaddo awoodda taageerada ciidamada iyo hawlgallada wadajirka ah ee laga fuliyo xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maraykanka ayaa sanadihii u dambeeyay maalgelin xooggan ku samaynayay xarumaha ay ciidamadoodu kaga sugan yihiin Kenya, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Soomaaliya, halkaas oo ay ka fuliyaan hawlgallo joogto ah oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee saldhigga Manda Bay ayaa soo shaac-baxday bishii Janaayo ee sannadkii 2020-kii, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xerada Camp Simba oo ku taal isla deegaankaas.

Weerarkaas waxaa lagu dilay askari Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield Jr., iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayay Waaxda Difaaca, kuwaas oo kala ahaa Dustin Harrison iyo Bruce Triplett. 

Wixii ka dambeeyay weerarkaas, Taliska AFRICOM iyo ciidamada Kenya ayaa si weyn u adkeeyay amniga saldhigyada Manda Bay iyo Camp Simba, si loo xaqiijiyo badqabka ciidamada loogana hortago khataraha joogtada ah ee kaga imanaya kooxaha argagixisada.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan ka damacsan yahay degaankeeda

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya, muddada xil-haynta ee u dhimman, juhdi dheeraad ah gelin doonto burburinta iyo dhibaataynta guud ahaan deegaannada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayey kulan ka dhacay Garoowe, ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Puntland inay dhiiranaan dheeraad ah yeeshaan.

“Xasan 110-ka habeen ee u hartay wuxuu ka shaqaynayaa inuu burburiyo. Marka waxaan u baahanahay inaan is difaacno. Weliba ogaada, sannadkii dhawaa dagaalkii Daacish ayaan ku mashquulnay, sannadkanna xoog baan u soo jeednaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa digniin u diray masuuliyiinta dowladda ee aan xilkooda u gudan sida ugu habboon, wuxuuse sheegay inaan qofna reer ama xilkiisa lagu beegsan doonin haddii uu ka baxo xilkiisa.

“Intaa waxaa la yiraahdaa madaxtooyada isku shaandhayn baa ka socota. Ciddii fiican taaban mayno. Qofkii shaqaynaya wax loo taabtaa ma jirto, cidna reer looma saari doono. Laakiin qofkii aan shaqaynayn maxaa diidaya in mid ka karti badan la keeno,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu soo aaday xilli magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ay dhawaan soo gaareen siyaasiyiin ay Puntland sheegtay in ay gacan saar la leh dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in lacag ka timid dowladda federaalka ay soo gaartay Puntland, taas oo ay qaateen ciidamo ku sugan dhowr magaalo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo markii hore ka tirsanaa ciidamada Puntland, balse hadda ku biiray federaalka.

Puntland waxay dhawaan shaacisay tirada ciidamada ay mushaarka siiso dowladda federaalka ee ku sugan deegaannadeeda, iyadoo ku sheegtay 1,376 askari oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland, sida uu yiri la-taliyaha arrimaha amniga ee madaxweynaha, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Dhinaca kale, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka.

PUNSAA waxay sheegtay inaanay marnaba qayb ka noqon wax ka beddelka cutubyadii hore ee harsanaa ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

PUNSAA waxay xustay in mowqifkeedu yahay kii ay soo saartay 30-kii Maarso, 2024, kaas oo lagu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uusan ku iman wada-tashi iyo isla-ogol.