25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Mareykanka oo joojiyey barnaamijka caanka ee Lottery-ga kadib dhacdo argagax leh

0

Washington (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu hakad gelinayo barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee dal-ku-galka Mareykanka (Green Card Lottery), tallaabadaas oo ka dhalatay markii la xaqiijiyay in ninkii geystay xasuuqii Jaamacadda Brown iyo dilkii barre ka tirsan Jaamacadda MIT uu dalka kusoo galay barnaamijkan.

Baarayaasha dambiyada ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Claudio Neves Valente, oo ah 48 jir u dhashay dalka Portugal, uu ahaa gacan-ku-dhiiglihii hubaysnaa ee xoogga ku galay dhismaha jaamacadda caanka ah ee Brown University, halkaas oo uu toogasho ku dilay laba arday, sagaal kalena ku dhaawacay dhamaadkii toddobaadkan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkani uu laba maalmood kaddib weerarkaas dilay professor wax ka dhigayay Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts (MIT), kaas oo ay horey wax u soo wada barteen.

Dhacdadan ayaa dhalisay tallaabo degdeg ah oo dhanka socdaalka ah. Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in Neves Valente uu Mareykanka kusoo galay barnaamijka Diversity Visa lottery sannadkii 2017-kii, sidaasna uu ku helay sharciga degenaanshaha rasmiga ah (Green Card).

Noem ayaa ninkan ku tilmaamtay “bahal” aan marnaba mudneyn in loo ogolaado inuu cag soo dhigo ciidda Mareykanka.

“Iyadoo la raacayo amarka Madaxweyne Trump, waxaan si degdeg ah u farayaa Hay’adda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (USCIS) inay hakiso barnaamijka DV-ga, si loo xaqiijiyo inaanay dhibaato dambe kasoo gaarin dadka Mareykanka barnaamijkan masiibada ah,” ayay tiri Noem.

Go’aankan ayaa dib u soo celinaya xusuusta muddo-xileedkii hore ee Madaxweyne Trump, xilligaas oo uu wacad ku maray inuu meesha ka saarayo bakhtiyaa-nasiibka Green Card-ka kaddib weerar argagixiso oo ka dhacay New York. Noem ayaa qoraalkeeda ku xustay dhacdadaas hore.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, Leah Foley, oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Neves Valente uu waxbarasho u joogay Jaamacadda Brown intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2021, isagoo markii dambena helay sharciga degenaanshaha, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeri ah. Foley waxay intaas ku dartay in dableyga iyo borofisoorka la dilay, Nuno Loureiro, ay horey isugu yaqaaneen dalka Portugal intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2000. Professor-ka ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla Brookline, ee duleedka Boston.

Ilaa hadda ma cadda ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya toogashadan ruxday xarumaha waxbarasho ee ugu magaca dheer gobolka New England.

Meydka Neves Valente ayaa laga helay qol wax lagu keydsado oo ku yaalla gobolka New Hampshire, isagoo ay ag yaallaan laba qori. Taliyaha Booliska Providence, Oscar Perez, ayaa xaqiijiyay in ninku uu is-dilay, lana rumeysan yahay inuu keligii fuliyay weerarka kaddib hawlgal baadi-goob ah oo maalmo qaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Portugal, Paulo Rangel, ayaa muujiyay “tiiraanyo weyn” kaddib markii la ogaaday in eedeysanaha ugu weyn uu yahay muwaadin u dhashay dalkiisa, iyadoo booliska Portugal ay sheegeen inay la shaqeynayaan baarayaasha Mareykanka.

Ardayda la dilay ayaa kala ahaa Ella Cook, oo ahayd guddoomiye ku-xigeenka ururka xisbiga Jamhuuriga ee jaamacadda, iyo Mukhammad Aziz Umurzokov oo u dhashay dalka Uzbekistan. Lix kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa weli ku jira isbitaalka oo xaaladdoodu deggan tahay.

Foley ayaa sheegtay in Neves Valente uu ahaa nin aad u xeel-dheer oo si farsameysan u qarinayay raadkiisa, isagoo beddelay taarikada gaarigii uu kiraystay, isla markaana isticmaalayay taleefan ay adkeyd in la raad-raaco. Sidaas oo ay tahay, raadadka maaliyadda iyo kaamirooyinka CCTV-ga ayaa ugu dambeyn horseeday in la helo halka uu ku dhuumaaleysanayay.

Mareykanka ayaa sanadkan diiwaangeliyay in ka badan 300 oo dhacdo oo ah toogasho wadareed, xilli weli ay jirto is-mari-waa siyaasadeed oo ku aaddan xakamaynta hubka.

Axmed Madoobe oo ku adkeystay inay fulinayaan heshiiska ay gaareen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, kaas oo uu martigeliyay maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay fulinta qodobada kasoo baxay shirkooda, wuxuuna seegay inay ficil u beddalayaan heshiiska.

“Waxaan si rasmi ah u soo gaba-gabaynay Shirka Aayaha-Tashiga Soomaaliyeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dhammaan qodobadii iyo warmurtiyeedkii shirka kasoo baxay waan fulinaynaa, waxaana naga go’an in ficil lagu beddelo wixii lagu heshiiyey” ayaa ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonan ka maamul ahaan dadaallada lagu doonayo in looga tashado aayaha dalka si xal waara looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la’isku hayo.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in wada-hadalladu ay fure u yihiin midnimada iyo mustaqablka ummadda Soomaaliyeed.

“Mar walba waxaa naga go’an in dadka Soomaaliyeed ay tashadaan, isla markaana ay door firfircoon ku yeeshaan jihada uu dalkeennu u socda iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Wada-tashi, midnimo iyo mas’uuliyad wadajir ah ayaa ah furaha mustaqbalka Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Shirka Kismayo oo xalay laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

DENI oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa farriin toos ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay si weyn isugu hayaan arrimaha guud ee siyaasadda dalka.

Deni ayaa marka hore ku ugu baaqay Madaxweynaha iyo xukuumadda inay aqbalaan go’aannada kasoo baxa shirkooda, ayna u istaagaan xalka guud.

“Waxaan rajeynayaa madaxda DFS oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha inuu baaqa kasoo baxay si niyadan uu u abaari doono, waa xog ogaal waa maraaxil uu soo maray, isla markaana dareenkeeda qabo” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha inuu ka istaago waddada uu ku socdo, isla markaana uu saxo qaladaadkiisa, si loo badbaadiyo dalka.

”Wixii qalad aad gashay way qaldameen Madaxweynow laguuma qabsanaayo ee hada ka istaag waddada halista ah hadaad miyir leedahay” ayuu raaciyay.

Shirka Kismayo oo xalay laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Madaxweynaha Somaliland oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisaddii Boorama

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddi ka kooban 23 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan rabshadihii horaantii bishan ka dhacay magaalada Borama, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, oo Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Dayr), u akhriyay warbaahinta, ayaa lagu sheegay in marka ay dhacaan dhibaatooyin noocan ah loo baahan yahay in si dhab ah loo kuurgalo, loona sameeyo baadhitaan dhammaystiran, si loo qiimeeyo baaxadda dhacdada, isla markaana xal loogu helo tabashooyinka jira.

“Madaxweynuhu waxa uu maanta go’aamiyay inuu magacaabo guddi heer qaran ah oo leh awoodda iyo masuuliyadda inay baadhaan, qiimeeyaan, isla markaana xukuumadda u soo jeediyaan xalalka ugu habboon ee ka soo baxa baadhista iyo qiimaynta,” ayuu yidhi Dayr.

Afhayeenku waxa uu sheegay in guddidu ku shaqayn doonto oo keliya waxa sharcigu farayo, isla markaana ay ka madaxbannaan tahay saamayn kasta oo ka baxsan waajibaadkeeda. Waxa uu intaas ku daray in marka ay soo gebogabeeyaan baadhista ay xogta ay soo ururiyaan u gudbin doonaan Madaxweynaha.

“Guddidan heer qaran waxay awood u leedahay inay sii magacawdo guddiyo kale oo heer deegaan iyo heer gobol ah, kuwaas oo kala shaqayn doona waajibaadka loo igmaday,” ayuu yidhi Dayr.

Guddidan ayaa ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madax ka socota xisbiyada mucaaradka, xildhibaanno, culimo iyo aqoonyahanno. Waxa kale oo xubno ka ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Rabshadihii Borama, oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro ka cadhooday munaasibadda Xeer Ciise ee xukuumaddu oggolaatay in lagu qabto Saylac, ayaa sababay dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 qof, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo mudaharaadayaal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa hore u sheegay in 19-ka qof ee dhintay ay 18 ka mid ahi rag ahaayeen, halka mid kalena ay ahayd haweenay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in 214-ka qof ee ku dhaawacmay dhacdadaasi ay 194 ka mid ahi ahaayeen dhaawacyo fudud.

Waxa uu intaas ku daray in 22 qof ay weli isbitaalka jiifaan, kuwaas oo 20 ka mid ahi ku sugan yihiin Boorama, halka laba kalena lagu daaweynayo Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sagaal qof markii hore loo qaaday isbitaallada Hargeysa, balse toddoba ka mid ah xukuumaddu u dirtay Addis Ababa, Itoobiya, si loogu sii daweeyo. Waxa uu tilmaamay in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay soo hagaagayso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in dhacdadii keentay dhimashada iyo dhaawaca aanay ahayn mid si ula kac ah loo qorsheeyay, balse ay ahayd arrin lama filaan ah oo dhalisay khasaare.

Mudaharaadadii Borama ka dhacay ayaa billowday kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda lagu muransan yahay ee Xeer Ciise, taas oo markii dambe la hakiyay.

War-murtiyeed culus oo laga soo saaray shirka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa caawa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, amni, dhaqaale iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah.

War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sheegay “in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beddelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, uuna afduubay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dheelitiri lahaa awoodda laanta fulinta,” uuna ogolaaday in qaar kamid dowlad-goboleedyada ay muddo dhaaf xileed iskaga joogaan madaxtinimada, taas oo ay sheegeen “inay ugub ku tahay siyaasadda.”

“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in siyaasad xumadiisa ay sababtay fashil amni iyo in ay dhuntay kala dambeyntii, niyaddii iyo caqiiqadadii ee ciidanka, taas oo ay sheegeen inay sabab u tahay musuq, eex iyo ku tagri-fal awoodeed oo lagula kacay ciidanka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in uu diyaar u yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

 

 

 

Shirka Kismaayo oo isfaham buuxa lagu gaaray – Maxaa lagu heshiiyay?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka mucaaradka uga socday magaalada Kismaayo ayaa isfaham buuxa kusoo dhammaaday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan oo u dhaxeeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa waxaaa maanta lagu jaangooyay qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka, iyadoo dhinacyadu isfaham ka gaareen arrintaas.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale isku afgartay nuxurka war-murtiyeedka guud ee shirwaynaha aaya-katashiga ee Kismaayo.

Golaha ayaa isku raacday in hannaan saddex geesood ah oo kala ah: Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta loo hago hawlaha golahan. Tan ayaa xal looga gaaray ismari-waaggii xalay ka taagnaa hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in Guddiga Farsamada ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdullaahi Abuular Xaaji (Carab) inay sii hayaan hawlaha Golaha Mustaqbalka.

Shirweynaha ayaa lasoo xirayaa caawa, iyadoo goordhow uu soo baxayo war-murtiyeedka, waxaana muuqata in garabyada Kismaayo iskugu tegay ay si buuxdo iskugu afgarteen arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxay dhinacyadu isla qaateen dhawrista dastuurkii 2012, kaas oo wax ka beddel ay ku sameysay Dowladda Federaalka iyo maaraynta xilliga kala-guurka ah.

Madaxda saddexda maalmood ku shirsanaa Kismaayo ayaa sidoo kale aragti mideysan ka qaatay waxa laga yeelayo marka uu idlaado muddo xileedka dastuuriga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka 16-ka May 2026, iyagoo si wadajir ah uga horyimid muddo kororsi sharci darro ah.

Xasan oo shaaciyay arrin uu diyaar ula yahay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026-ka.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in mar kale uu wada-hadal la galo ragga kasoo horjeedo, si loo xalliyo tabashada ay qabaan, waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in albaabkooda uu u furan yahay cid kasta oo kasoo horjeedo, ayna muujin doonaan tanaasul, si la’isku aqbalo.

“Walaalaha shakiga qaba ee annaga naga qaba oo maanta talada joogo ama shaati la’eg ayay tolanayaan hana dhaho ama waxbey qaldaan hana dhahaano waxaan leenahay albaabkeenna waa furan yahay waxaan diyaar u nahay dood waxaan diyaar u nahay tanasul” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Is aqbalidda iyo is qaadashada ayaa wax weliba ka wayn wixii maanta aan isla garan weyno inaan dib u dhigano ayaan berri isla garan doonaa”.

Waaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in aysan jirin cid la qasbayo amaba lagu beegsanayo fikirkeeda, ayna xor u tahay inay soo bandhigto aragtideed.

“Mas’uuliyiin dalkan laga yaqaano ayaa tihiin bannaanka ayaan taagnaaneynaa ma rabno iyo qaylo ayaan bannaanka la taagnaaneynaa. Qofka inta uu hadlaayo waa xor qof la aamusinaayana ma jirto” ayuu mar kale yiri Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Kismaayo uu ka socda shirka mucaaradka, kaas oo la filayo inay kasoo  baxaan go’aanno xasaasi ah oo  ku aadan doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.

Si kastaba, Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubaland iyo Puntland oo banaanka jooga.

Booliska Soomaaliya oo maanta wacdaro ka dhigay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada  Booliska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-daggay sanad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda ayaa maanta wacdaro ka dhigay magaalada Muqdisho oo ay kusoo bandhigeen dhoolatus ciidan oo aad loogu riyaaqay, waxaana goobjoog ahaa madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guulaha muuqda ee laga xaqiijiyay sugidda amniga dalka, dib u dhiska Xarumaha Booliska iyo tayeynta iyo horumarinta ciidamada.

Sidoo kale waxa uu faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta nabad-galyada doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Benaadir.

“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ku qabteen waqtiga kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka” ayuu khudbaddiisa ku yiri Xasan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan, waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska CBS, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha  Ciidanka Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

Guddiga doorashada oo shaaca ka qaaday goobaha cod-bixinta Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay goobaha cod-bixinta doorashooyinka dhawaan ka bilaabanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa soo bandhigay liiska xarumaha iyo goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.

Liiska degmooyinka ee doorashooyinka ka dhacayaan ayaa ah 16 degmo, iyada oo xarumaha iyo goobaha ay ku kala badan yihiin degmooyinka.

Xarumaha guud ayaa ah 213, halka goobaha rasmiga ah ee loo asteeyay cod-bixinta ay iyana gaarayaan illaa 523 goobood, sida ku cad warqad kasoo baxday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta doorashada darteed loo fasaxay goobaha waxbarashada gobolka Banaadir, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay  Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Wasaaradda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha”.

Doorashooyinkan ayaa qabsoomaya, iyadoo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

KENYA oo wafdi culus u soo dirtay Kismaayo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli haatan uu ka socdo shirka Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaamineyso Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya, Soipan Tuya, taas oo booqatay ciidamadooda ku sugan aagga Kismaayo.

Soipan Tuya ayaa la kulantay saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyada oo si gaar ah uga xog-wareystay dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa kale oo la filayaa inay la kulanto madaxda Jubbaland oo xiriir dhow la leh dowladda Kenya, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga labada dhinac.

Kenya galaangal xooggan ku leh arrimaha Jubbaland, waxayna sidoo kale ciidankeeda ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Soipan, waa Haweeneydii 3-aad ee taarkiihda dalkaas noqota Wasiirka Difaaca, waxaa sidaan oo kale booqashada ciidamada ka jooga Soomaaliya uga horreeyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo hadda ah Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale.

Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Jubbaland ay ku mashquulsan tahay shirka mucaaradka ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena ay dhinac kale ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay ku garab siinayaan ciidamada Kenya iyo saaxibada caalamiga ah.

Si kastaba, waxaa isweydiin mudan: maxay Dowladda Kenya uga dan leedahay in xilligan ay wafdi culus usoo dirto deegaannada Jubbaland, iyadoo la ogyahay in horay ay ugu fashilantay isku-day ay ku dooneysay inay ku dhex-dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Madaxweyn Xasan Sheekh Maxauud.

Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay shirka Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-dagayay sanad-guurada 82-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo hadal qaaday shirka Golaha Mustaqbalka ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul-goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weerar ku qaaday xubnaha mucaaradka ee u safray magaaladaas, kuwaas oo horay shirarkooda ugu qabsan jiray hoteel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

“Hoteel Jaziira ayey ku shiri jireen magaran karo caqliga marka ay Kismaayo aadeen ku soo dagaayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mas’uuliyiin dalkan laga yaqaano ayaa tihiin bannaanka ayaan taagnaaneynaa ma rabno iyo qaylo ayaan bannaanka la taagnaaneynaa. Qofka inta uu hadlaayo waa xor qof la aamusinaayana ma jirto”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, intaasi kusii daray in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin in xubnaha ku shiray Kismaayo oo ay ku jiraan madaxda Jubbaland iyo Puntland inay kala doodaan tabashadooda, si xal loo gaaro.

“Walaalaha Xamar iyo meelaha kale isaga kala yimid waxaan leenahay haddii aad isku timaadeen tashada is raaca si la fahmi karo isku raaca ra’yina la imaada waa idin kala doodeynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalintii 3-aad uu galay shirweynaha ka socda Kismaayo oo la filayo inay kasoo baxaan go’aanno xasaasi ah oo  ku aadan doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.

Si kastaba, Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo bannaanka jooga.

Mareykanka oo Itoobiya ka codsaday in ay ciidamo u dirto…

0

Washington (Caasimada Online) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa toddobaadkan horraantiisii codsi toos ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isagoo ka dalbaday in xukuumadda Addis Ababa ay ciidamo ku biiriso Ciidanka Amniga Caalamiga ah (ISF) ee loo qorsheynayo in la geeyo marinka Gaza, waxaa sidaas wargeyska The Times of Israel u xaqiijiyay laba diblomaasi oo reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah arrintan. 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha 20-ka qodob ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo dhigaya in ciidamo caalami ah ay kormeeraan xilliga kala-guurka ee dib-u-dhiska iyo soo-kabashada dhaqaale ee dhulka Falastiiniyiinta, kaddib in ka badan labo sano oo dagaal burburiyay, naafeeyayna nolosha gobolkaas.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa wajahaya caqabado waaweyn. Wadamo badan ayaa muujinaya cagajiid xooggan oo ku aaddan ka-qaybgalka hawlgalkan, gaar ahaan qodobka xasaasiga ah ee ku saabsan hub-ka-dhigista kooxda Xamaas. Wararka ayaa sheegaya in maamulka Trump uu la daalaa-dhacayo sidii uu u heli lahaa dalal buuxiya safafka ciidankan, xitaa iyadoo weli lagu jiro heerka qorsheynta.

Wargeyska The Times of Israel ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan jawaabta uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ka bixiyay codsiga Rubio, balse tallaabadan ayaa muujineysa sida Washington ay ugu ooman tahay inay hesho dalal ogolaada inay askartooda u diraan goobtaas colaaddu ragaadisay.

Caqabadda Pakistan iyo Indonesia

Washington ayaa cadaadis ku saareysa dowladda Pakistan inay ciidamo u dirto Gaza, inkastoo Islamabad ay si cad u diidday inay qayb ka noqoto hawlgal ujeedkiisu yahay in hubka laga dhigo Xamaas. Saraakiisha ugu sarreysa milatariga Pakistan ayaa kulamo la qaatay Trump, iyadoo la filayo in kulan saddexaad uu dhawaan dhaco.

Inkastoo ilo-wareedyo u sheegeen Reuters in ciidankan la geyn karo Gaza bisha soo socota, isla markaana aanay “la dagaallami doonin Xamaas,” haddana qorshaha xabbad-joojinta ee Trump wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in ciidanka caalamiga ahi ay fuliyaan hub-ka-dhigis buuxda oo lagu sameeyo kooxaha wax iska caabinta.  

Qodobkan is-diiddan ayaa abuuray jahwareer iyo diidmo ka timid dalalka Islaamka.

Ishaq Dar, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa 30-kii Nofembar si cad u yiri: “Haddii ujeedka ciidankan uu yahay in hubka laga dhigo Xamaas, diyaar uma nihin taas; taasi shaqadeenna ma aha, waa shaqada hay’adaha amniga Falastiin.”

Wuxuu intaas ku daray in xitaa Indonesia, oo horay u ballanqaadday inay ku deeqeyso ilaa 20,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah, ay walaac xooggan ka muujisay qodobka hub-ka-dhigista intii lagu guda jiray wadahadallada horudhaca ah.

Guddiga doorashada ‘oo khalad wayn ku dhacay’ ka hor maalinta doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo wareysi gaar ah siisay Shabelle Tv ayaa ka hadashay arrimaha doorashooyinka, iyada oo soo bandhigtay ‘khalad wayn oo ka dhacay’ Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaliimo Yarey ayaa si gaar ah uga fal-celisay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan Cabdikariin Axmed Xasan oo dhawaan shaaciyay in maalinta ay dhaceyso doorashada la xiri doono waddooyinka, balse guddiga uu diyaariyay gaadiid, isla markaana dadweynaha uu gayn doono goobaha cod-bixinta, taas oo ay ku tilmaamtay inay tahay khalad, kana hor imaaneyso shuruudaha doorashooyinka.

“Waxaan maqlaayay guddoomiyaha guddiga doorashada oo dhahaayo maalinta doorashada jidadka dhan waa xiran yihiin dadka wax dooranaayo annaga ayaa baabuur u keeneyno oo qaadeyno markaas waxaa la jabiyay shuruudihii doorashada” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in doorashadu xor tahay, isla markaana qofka la rabo inuu isagu tago goobta, amaba uu ka baaqan karo, sida ay ku dooday Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan.

Marwo Xaliimo ayaa carrabka ku dhufatay haddii ay taasi dhacdo oo uu guddigu ku adkeysto go’aankiisa in dadka ka qayb-galaya doorashada ay noqon doonaan kuwa lasoo xushay, ayna arrintaasi kala talineyso guddiga.

“Adiga guddiga ah qof doorasho aadaayo keenisteeda shaqo kuma lihid doorashadu waa xor adaa tageysid adaa diideysid” ayay mar kale tiri.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Guddiga doorasada haddii uu yiraahdo anaa keenaayo dad lasoo xushay ayaa doorashada u socdo waayay micnaheeda arrintaasna waa kala talinayaa inay iska saxaan”.

Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo bannaanka jooga.

Wasiir FIQI oo jawaab culus siiyay Cabdiraxmaan Faroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay olole doorasho oo uu xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka shalay ku qabsaday degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa jawaab culus siiyay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole oo haatan qayb ka ah madaxda ka qayb-galeysa shirka Kismaayo.

Fiqi ayaa ku eedeeyay Faroole inuu ka shaqeynayo dagaal ka dhaca caasimada isla markaana uu adeegsanayo rag uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in arrintaas aysan shaqeyn doonin, isla markaana laga soo gudbay xilligii qorayga, dalkana uu aaday doorasho qof iyo cod ah, sida uu ku dooday.

“Bal Faroole warkiisii ka warrama  hala diriro ayuu leeyahay Sheekh Shariifow qoriga qaad adaa Xasan Sheekh iska celin karee arrintaas waa soo dhammaatay doorasho ayaa la galayaa” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ka codsaday in maalinta Khamiista ah ee soo socota ay u diyaar garoobaan doorashooyinka ka bilaabanaya goboka Banaadir, isla markaana ay dul qaad muujiyaan inta ay socoto codeynta doorashada.

“Maalinka Khamiista safafka waa dheeraanayaan si edeb leh haloo istaago safafka maalinkaas hala dul qaato qorraxda way kululaan kartaa” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashada, isla markaana ay bannaanka ka joogaan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo haatan ku shirsan magaalada Kismaayo, iyaga oo la filayo in ay soo saaraan go’aanno xasaasi ah.

Xog: Khilaaf hareeyey shirka Kismaayo kadib markii la diiday hoggaanka Shariif

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada uga socda magaalada Kismaayo, ayaa durba waxaa hareeyay khilaaf xooggan oo ku saabsan cidda hoggaamineysa “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” oo ay dhiseen Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa la soo jeediyay in Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo Golaha, halka Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu noqonayo Xoghahaya Golaha.

Si kastaba ha ahaatee, musharraxiinta miisaanka culus ee beesha Hawiye oo kala ah; Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku gacan-sayray in hoggaanka loo dhiibo Shariifka. Waxay ku doodeen inuu yahay musharrax, waxayna soo jeediyeen in xilkaas loo dhiibo shaqsi aan musharrax ahayn.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa taageeray inuu hoggaanka qabto Shariif Sheekh Axmed, halka mowqifka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni aanu weli caddeyn.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah u sheegay in Shariif uu halgan xooggan iyo dadaal badan geliyay sidii uu uga hortagi lahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, tallaabadaas oo xitaa ay dadkiisu ku kala tageen. Wuxuu xusay inay ceeb tahay in Kismaayo laga diro Shariifka isaga oo laga qaaday hoggaankii mucaaradka.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal u ah shirka ayaa noo xaqiijiyay in heshiis horudhac ah laga gaaray in Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu hoggaamiyo Xoghaynta Golaha Mustaqbalka, arrintaas oo ay dhammaan dhinacyadu ogolaadeen.

Shirka ayaa hadda si ku meel-gaar ah u hakaday, waxaana socda la-tashiyo hoose oo u badan doodaha hoggaanka sare, iyada oo caawa uu Madaxweynaha Jubaland kulamo gaar-gaar ah la yeelanayo madaxda shirka.

Weli si rasmi ah looma dhammaystirin qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka, waxaana jira aragtiyo is-diiddan oo ka dhex aloosan Madasha Samatabixinta, taasi oo la-yaab ku noqotay dadkii shirka ka qeyb-galay.

Shirka ayaa furmay Khamiistii, waxaana ujeedka ugu weyn uu ahaa in lagu muujiyo diidmo mideysan oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse sida hadda muuqata weli arrintaas laguma guuleysan.

Falcelin weyn oo ka dhalatay safarka Xasan ee Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay safar uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudan Xasan Sheekh Maxamuud ku aaday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Addis Ababa, ayaa isla shalay kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo ka dhacay magaalada caasimada ah e Addis Ababa.

Xasan Sheekh iyo Abiy ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya oo saacado kooban ah ayaa imanaya kadib shirka Kismaayo, ee u dhaxeeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Haddaba sidee looga falceliyay safarka Xasan Sheekh ee Itoobiya?.

Maxamed Maxamuud: “Madaxwaynaha maxa laga siiya Itoobiya?”.

Samatar: “Madaxwaynaha kaliya ee marka la caayo marna la dhaho ii kaalay canjeero Xabashi kulul baa kuu hayaa waa kuwa Somalia Madaxwaynayaasha ka noqdo”.

Faysal Garaad: “Madaxweynaha aduunka ugu safarka badan. Madaxda aduunku xitaa telefoon bay ku xidhiidhaan”.

Axmed Nuur: “Marka xaalku ku adkaado ayuu Abiy Xasuustaa”.

Ireland oo xukun adag ku riday diblomaasi Soomaali ah oo gabdho tahriibinayey

0

Dublin (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla magaalada Dublin ayaa xukun adag oo xabsi ah ku ridday nin u dhashay Soomaaliya, kaas oo lagu helay dambi ah inuu baasaboorka diblomaasiga ah u adeegsaday tahriibinta haween sifo sharci-darro ah ku gelayay dalka Ireland.

Cabdiladiif Maxamed, oo 40 jir ah, laguna naanayso Xuseen, ayaa lagu xukumay afar sano iyo bar xabsi ah kaddib markii uu qirtay inuu ka faa’iideystay maqaamkiisa diblomaasiyadeed si uu haween dhowr ah uga caawiyo inay kasoo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Dublin muddo saddex bilood gudahood ah sanadkii 2024.

Ninkan ayaa qirtay afar dacwadood oo la xiriira caawinta dad si sharci-darro ah dalka ku galayay, taas oo xadgudub ku ah Qodobka 6-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada ee 2021. Maxkamadda Dambiyada ee Dublin ayaa loo sheegay in xilliga uu dambiyadan galayay uu ka shaqeynayay adeegga diblomaasiyadda.

Dhacdada ugu weyn ee ninkan lagu qabtay ayaa timid 26-kii Nofembar 2024, kaddib markii diyaarad ka timid Abu Dhabi ay soo caga-dhigatay garoonka.

Cabdiladiif wuxuu la safrayay laba haween ah oo iska dhigayay inay yihiin xaaskiisa iyo gabadhiisa. Dhammaantood waxay ku socdaalayeen baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya. Inkastoo baasabooradu ahaayeen kuwo asal ah (genuine), haddana loogu ma talo-galin, loomana soo saarin labadaas haween ah.

Ciidamada amniga iyo socdaalka ee garoonka oo albaabka diyaaradda ku qaabilay rakaabka, ayaa isla markiiba dareemay in haweenku aysan u ekeyn sawirrada ku dheggan baasaboorada ay wateen.

Cabdiladiif ayaa markii dambe lagu arkay xafiisyada Waaxda Socdaalka Qaranka isagoo isku dayaya inuu dharkiisa ku dhex qariyo baasabooradii rasmiga ahaa ee haweenkaas wateen. Baaritaan lagu sameeyay ayaa laga helay laba taleefan, lacag cadaan ah oo gaareysa $13,910 iyo lacago kale oo qalaad.

Haweenka la qabtay ayaa qirtay in baasaboorada laga helay ninka ay yihiin kuwoodii saxda ahaa, iyagoo sheegay inay lacag ku siiyeen inuu halkan keeno. Haweeneydii hore ayaa sheegtay inay bixisay $14,000, halka tan kalena ay tiri waxaan bixiyay $15,000.

Qiraalka iyo xukunka

Intii uu socday wareysiga booliska, Cabdiladiif ayaa qirtay in qorshihiisu ahaa inuu sheego inuu todobaad fasax ah u yimid dalka, isagoo soo bandhigi lahaa tikidh uu dalka kaga baxayo maalinta xigta, halka haweenkaasina ay qorsheynayeen inay dalka iska joogaan.

Wuxuu sidoo kale qirtay inuu horey u fuliyay laba hawlgal oo noocan oo kale ah 30-kii Sebteembar iyo 6-dii Nofembar 2024. Booliska ayaa dhacdooyinkaas ku xaqiijiyay kaamirooyinka CCTV-ga, kuwaas oo muujinayay isagoo haween kala duwan soo gelinaya garoonka, kadibna ka tagaya iyagoo aan wadan wax dukumeenti ah si ay magangalyo (asylum) u codsadaan, halka isaguna uu sii qaadan jiray baasabooradoodii.

Garsoore Dara Hayes, oo xukunka riday Jimcihii, ayaa falkan ku tilmaamay dambi culus, isagoo xusay in adeegsiga baasaboorka diblomaasiga ay tahay arrin sii xumeynaysa kiiska.

“Baasaboorka diblomaasiga maqaam gaar ah ayuu leeyahay sabab wanaagsan awgeed, waana in lagu ilaaliyo shaqaalaha hawlaha qaranka u socda marka ay dunida marayaan, ee ma ahan in lagu caawiyo dambiyo,” ayuu yiri Garsooruhu.

Garsooraha ayaa iska diiday doodda qareenka difaaca oo sheegtay in ninkan qoyskiisa la afduubtay oo cadaadis la saaray, maadaama aan wax caddeyn ah loo hayn, lacagta faraha badan ee lagu qabtayna ay burinayso sheegashadaas.

“Waa arrin yaab leh in dadkan ay u ogolaadaan inuu la safro lacag intaas la eg oo ah faa’iidada uu hawshan ka helay,” ayuu yiri garsooruhu, isagoo xusay inaan wax sharraxaad ah loo hayn sababta uu u watay ku dhawaad $14,000 oo cadaan ah.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, iyadoo lixda bilood ee ugu dambeysa laga cafiyay shuruudo adag dartood, taasoo xukunka ka dhigeysa afar sano iyo bar, waxaana laga soo billaabay maalintii xabsiga la dhigay.

Turkiga oo qaatay go’aan adag oo la xiriira S-400 kadib markii Mareykanka uu ku…

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah uga codsatay xukuumadda Moscow inay dib u ceshato gantaallada difaaca hawada ee S-400, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaalka ay Ankara ugu jirto inay mar kale gacanta ku dhigto diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Mareykanka (F-35).

Codsigan, oo uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u gudbiyay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa la sheegay inuu dhacay intii uu socday kulan ay labada hoggaamiye ku yeesheen dalka Turkmenistan toddobaadkii hore, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg. Wadahadalladan heerka sare ah ayaa yimid kaddib shirar horudhac ah oo u dhexeeyay saraakiisha labada dal.

Warbixintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack, uu shaaca ka qaaday in Ankara iyo Washington ay wada-hadallo uga socdaan sidii Turkigu dib ugu biiri lahaa barnaamijka wada-jirka ah ee soo-saarista diyaaradahaas.

“Mareykanku wuxuu wada-hadallo joogto ah kula jiraa Turkiga oo ku aaddan rabitaankooda ah inay dib ugu soo laabtaan barnaamijka F-35 iyo arrinta ku saabsan haysashadooda nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee Ruushku sameeyay,” ayuu Barrack ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Inkastoo Turkigu uusan weli si rasmi ah u hawlgelin diyaaradaha F-35, haddana waxaa laga saaray barnaamijka wax-soo-saarka sannadkii 2019-kii, kaddib markii uu go’aansaday inuu Ruushka ka iibsado gantaallada S-400.

Congress-ka Mareykanka, oo markii horeba ka caraysnaa faragelinta Turkiga ee Suuriya iyo xad-gudubyada hawada Giriigga, ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Ankara sababo la xiriira iibsashada hubkaas.

Sannadkii 2020, sharci difaaca oo la ansixiyay ayaa dhigayay shuruud adag oo ah in Turkiga laga mamnuuco helitaanka F-35 illaa madaxweynaha Mareykanku uu caddeeyo in Ankara aysan haysan S-400. Intaas waxaa dheer, cunaqabateyntu waxay curyaamisay iskaashigii difaaca ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Hay’adda Qalabeynta Ciidamada Turkiga.

Codsiga Erdogan ee ah in Ruushku dib u ceshado S-400 ayaa loo arkaa tanaasul weyn iyo ka-noqosho mowqifkii hore ee Turkiga, kaas oo ahaa inuu haysto gantaallada—xitaa haddii la keydiyo—isagoo isla markaasna doonayay inuu helo diyaaradaha F-35.

Falanqeeyayaasha ayaa horey u hadal-hayay xal dhexdhexaad ah oo ah in Turkigu uu S-400 ku hayo bakhaarrada isagoon kicinayn, balse uu oggolaado in kormeerayaasha NATO ay si joogto ah u xaqiijiyaan arrintaas. Turkiga ayaa horey u diiday inuu hubkan u diro dal saddexaad.

Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa soo hagaagayay tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Trump, kaas oo ku tiirsanaa saameynta Turkiga ee Suuriya, isla markaana Ankara u adeegsaday inay ku qanciso Xamaas xabbad-joojinta Gaza.

Aaron Stein, oo ah madaxa Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Arrimaha Dibadda, ayaa Middle East Eye u sheegay in Trump uu aad u daneynayo inuu heshiis la galo Turkiga. 

“Macaamiisha ugu waaweyn ee F-35 waa Turkiga, Imaaraadka iyo Sucuudiga,” ayuu yiri. “Trump wax uu ka jecel yahay ma jiraan inuu Turkiga ka iibiyo F-35. Waxaan filayaa inuu ka horyimaado rabitaanka Israa’iil. Afartan diyaaradood waa dalab weyn,” ayuu raaciyay, isagoo tixraacaya tirada diyaaradaha ay Ankara dooneyso.

DF oo amartay in la xiro goobaha waxbarashada Gobolka Banaadir + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa amartay in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada gobolka Banaadir, sababo la xiriira doorashada goleyaasha deegaanka ee ka bilaabanaya magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa toos loogu wargeliyay bahda waxbarashada, gaar ahaan maamullada iskuullada iyo kuwa jaamacadaha ee gobolka Banaadir.

“WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025” ayaa lagu yiri.

Sababta loo hakinayo waxbarashada ayay wasaaraddu ku sheegtay doorashooyinka tooska ah ee la filayo in Khamiista ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

“Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale wasaaraddu ka dalbatay goobaha waxbarashada ee loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka inay la shaqeeyaan guddiga maamulaya doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa gudaha caasimada.

“Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
Maalmaha la hakiyey waxbarashada, waxaa gadaal looga dari doonaa kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tallaabo u qaaday doorashooyinka, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda ee u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii doorashadu ugu dhici lahayd si hufan, nabad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda doorashooyinka dalka.

Doorashooyinkan ayaa qabsoomaya, iyadoo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

DF oo ku dhowaaqday baasaboor cusub oo dalka uu yeelanayo

0

Muqdisho (Somalia Today) — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa shaacisay qorshe ballaaran oo dalka lagu keenayo Baasaboor cusub sanadka 2026-ka, kaas oo beddeli doona kan haatan shaqeeya ee ay muwaadiniintu isticmaalaan. 

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Dhuxulow, uu soo bandhigayay Warbixinta Waxqabadka Sanadlaha ah ee 2025, munaasabad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Muqdisho, hal-ku-dhiggeeduna ahaa: “Xuduudo Sugan, Soomaaliya oo Badqabta.”

Warbixinta ayaa iftiimisay horumar la taaban karo oo laga sameeyay sugidda amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo u-guurista nidaam casri ah (digital transformation) oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan iyo adeeg tayo leh. Waxaa sidoo kale lagu faahfaahiyay dib-u-habeyn sharci iyo mid hay’addeed oo si toos ah u waafaqsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Hay’adda ee 2025–2029.

Sida lagu xusay xogta la soo bandhigay, sanadka 2025 Hay’addu waxay ku guuleysatay hirgelinta Nidaamka Fasaxa Socdaalka Elektarooniga ah (e-TAS), iyadoo casriyeysay baasaboorka si uu u waafaqo heerarka Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Adduunka (ICAO). Waxaa intaas dheer xoojinta dadaallada lagula dagaalamayo tahriibka iyo dambiyada xuduudaha, iyo hagaajinta nidaamyada keydinta xogta iyo maareynta waxqabadka.

Warbixinta ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday kaalinta Akadeemiyada ICA ee tababaridda shaqaalaha iyo kor u qaadista xirfaddooda, iyo weliba maalgashiga lagu sameeyay kaabayaasha xuduudaha, xarumaha adeegga, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo amni waara.

“Markii aan xafiiska la wareegnay, tallaabadii ugu horreysay ee aan qaadnay waxay ahayd inaan si degdeg ah u joojinno is-bed-beddelkii joogtada ahaa ee lagu sameynayay baasaboorka iyo xogta shaqsiga,” ayuu yiri Agaasime Mustafa oo ka hadlayay caqabadihii hore.

“Inkastoo aan wajahnay culeysyo, haddana safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah way soo dhaweeyeen tallaabadaas. Dad badan ayaa caadeystay inay beddelaan magacyadooda iyo taariikhda dhalashada, taasoo halis ku ahayd in la lumiyo kalsoonida lagu qabo nidaamkeenna.”

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in 27-kii Janaayo ay heshiis is-afgarad ah la saxiixdeen Hay’adda Booliska Adduunka (Interpol), iyadoo lala kaashanayo hay’adaha kale ee dowladda, tallaabadaas oo uu sheegay inay door weyn ka qaadatay soo celinta kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa qiray in magaalada Muqdisho ay ku jirto xaaladdii amni ee ugu wanaagsanayd muddo sanado ah, isagoo guushan ku sababeeyay dadaalka joogtada ah ee laamaha amniga.

“Dowladda si weyn ayay ugu riyaaqsan tahay guulaha iyo waxqabadka caawa la soo bandhigay,” ayuu yiri Wasiir Fartaag. “Waxaan bogaadineynaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha Soomaaliya.”

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ammaanay hoggaanka hay’adda iyo dib-u-habeynta socota, isagoo xusay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa hay’adaha dowladda.

“Si dhow ayaan u la soconnaa shaqada hay’adda,” ayuu yiri Wasiir Faarax. “Agaasimuhu wuxuu u babac-dhigay culeysyo waaweyn iyo cadaadis, taasoo gacan ka geysatay horumarka aan maanta arkeyno iyo kororka kalsoonida lagu qabo tayada baasaboorka Soomaaliga.”

Wasiirka ayaa raaciyay in nidaamyada cusub ee ay soo kordhisay ICA ay xoojiyeen sinnaanta muwaadiniinta, xaqiijiyeenna in si caddaalad ah loo helo baasaboorka.

“Waxaan ku ammaanayaa Hay’adda Socdaalka dadaalka ay ku bixisay la-dagaallanka ku-takri-falka baasaboorka, taasoo horseedday in dib loo soo celiyo aaminaaddii caalamku u hayay Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.