25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Thabit Cabdi oo madaxweyne Xasan Sheekh uga digay in uu dadka gobolka Banaadir…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan hanaanka doorashada dalka, xilli Dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho ka qabanayso doorasho qof iyo cod.

Thaabit ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in uusan bulshada gobolka Banaadir ku kala qeybin doorasho sharci darro ah oo garsoor laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasanow, min fadlak dadka Gobolka Banaadir haku kala qaybin doorashada sharci darrada ah oo aan lahayn garsoore caadila iyo calan-wade xeer-illaaliye ah, midna,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu si adag uga digay khatarta aan la dhayalsan karin ee kasoo socota doorashada aan la isku raacsanayn ee la qaban-qaabinayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit

Madaxweyne Xasanow, min fadlak dadka Gobolka Banaadir haku kala qaybin doorashada sharci darrada ah oo aan lahayn garsoore caadila iyo calan-wade xeer-illaaliye ah, midna.

Madaxweynow labbo mar baad Madaxweyne noqotay, waxaase ugub ah in Guddi Doorasho Qaran oo lagu muransan yahay iskaba daayee xitaa Guddi sharci ah ee heer Doorasho Qaran uusan qaban karin doorasho Gole Deegaan.

Soomaaliya hadda warkeedaba daa, ee Madaxweynow reer Muqdisho oo ceeshow-milix ah ha sii kala qaybin, awal baaba doorashadan sharci darrada ah lagu faquuqay Degmada Kaxda, Daarusalaam, Garasbaaley iyo Gubadley oo canshuur bixiyayaal ah.

Maxaa maanta ka dhacay xeebta Liido? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dhacay ololihii ugu ballaarnaa ee nadaafadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa saaka kormeeray ololaha nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka ee ka socday Xeebta Liido.

Ololahan oo ah kii 223-aad ayaa waxaa si joogto ah toddobaad kasta u qabta dhalinyaro mutadawiciin ah, kuwaas oo ka shaqeeya nadiifinta xeebta Liido.

Inta lagu jiro ololaha, waxaa laga qaadaa qashinka kala duwan, gaar ahaan caagagga, bacaha, dhalooyinka iyo walxo kale oo khatar ku ah caafimaadka bulshada iyo badbaadada deegaanka.

Sidoo kale, Naadiga Dhalinyarada Nabadda ee Muqdisho, ee maalintii shalay loo soo xiray tababar kor loogu qaadayo doorkooda bulsho, oo saaka si rasmi ah ugu biiray ololahan, ayaa kaalin muuqata ka qaatay hawlaha ilaalinta deegaanka, gaar ahaan Xeebta Liido.

Waxay sidoo kale halkaas kasoo jeediyeen fariimo wacyigelin ah oo ku saabsan nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo mas’uuliyadda muwaadinnimo.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa adkeynaya muhiimadda ay leedahay awood-siinta bulshada iyo kor-u-qaadista dhaqanka wanaagsan ee mutadawacnimada, kuwaas oo ah tiirarka lagu xaqiijin karo bulsho iyo dowlad wadashaqeeya.

Tan ayaa muujinaya mas’uuliyad wadareed uu muwaadin kasta doorkiisa ka qaadanayo horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka.

Somaliland oo shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca rabshadihii Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in rabshadihii horraantii bishan ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ay sababeen dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 kale.

Tirada khasaaraha ayaa lagu soo bandhigay munaasabad uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan uu xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in isku dhacyadii dhexmaray ciidammada ammaanka iyo dhallinyaro mudaharaadaysay ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh.

Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in 19-ka qof ee dhintay ay 18 ka mid ahi rag ahaayeen, halka mid kalena ay ahayd haweenay. Sidoo kale, wuxuu xusay in 214 qof ee ku dhaawacmay dhacdadaasi, ay 194 ka mid ah ahaayeen dhaawacyo fudud.

Dadka weli isbitaalka jiifa ayuu ku sheegay 22 qof, kuwaas oo 20 ka mid ah ku sugan yihiin Boorama, halka laba kalena lagu daaweynayo Hargeysa.

Waxa uu intaas ku daray in sagaal qof markii hore loo qaaday isbitaallada Hargeysa, balse toddoba ka mid ah ay xukuumaddu u dirtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si loogu sii daweeyo, isaga oo tilmaamay in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay soo hagaagayso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal uu ka mid yahay gobollada ugu nabdoon Somaliland.

Waxa uu tilmaanay in dhacdadii keentay dhimashada iyo dhaawaca aanay ahayn mid si ula kac ah loo qorsheeyay, balse ay ahayd arrin lama filaan ah oo dhalisay khasaare.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan qalalaase kale oo ka dhaca Boorama iyo guud ahaan gobollada galbeedka, isagoo beelaha deggan deegaannadaas ku boorriyey in ay sii xoojiyaan wada noolaanshaha nabadeed.

Mudaharaadada Borama ka dhacay ayaa billowday kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda lagu muransan yahay ee Xeer Ciise, taas oo markii dambe la hakiyay.

Si kastaba, rabshadaha Boorama ayaa si buuxda u istaagay kadib markii beesha Ciise oo iyadu qabsaneysay bandhiga ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo beelaha Gadabuursi oo ayagu si adag uga horyimid xuska Xeer Ciise iyo sheegashada degmada Saylac.

Kadib markii Ugaaska guud iyo odayaasha dhaqanka Ciise ay ku dhawaaqeen dagaalka, waxaa isbedeshay goobta noqoneysa aagga dagaal.

Intaas kadib, Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi ayaa isna shaaciyay inuu Ugaaska Ciise ka guddoomay dagaalka uu ku baaqay, taas oo jihada u leexisay dhanka Saylac.

Saylac ayaa haatan noqotay ubucda xiisadda ka dhalatay qabashada xuska xeer Ciise, iyadoo labada beelood ay mid walba dhankeeda sheeganeyso lahaanshaha deegaankaasi.

Beelaha Gadabuursi ayaa u arka dhawaaqa Ciise mid uu ku hunguriyeynayo dhul uusan laheyn, halka Ciise-na u arka in dhulkiisa loo diidan yahay inuu ku qabsado xeerkiisa.

Waxaa haatan abaabul dagaal oo xooggan uu ka socda deegaannada dhaca degmada Saylac, halkaasi oo laga cabsi qabo in labada dhinac uu ku dhexmaro dagaal lagu riiqmo.

Xukuumadda Somaliland oo ayadu ku fashilantay isku haynta beelaha wada dega iyo ka hortagga xiisadda faraha kasii baxaysa ayaa isha lagu hayaa sida ay u maareyso arrimaha taagan.

Prof. Dr. Salah Aidarus Nasir oo lagu soo dhoweeyey Dalmar Hospital (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa martigeliyey munaasabad kooban balse xambaarsan qiimo weyn, taasoo soo si milgo iyo maamuus leh loogu dhoweeyey Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo in muddo ah dibadda ku maqnaa, kuna soo laabtay dalka.

Dr. Saalax Caydaruus Naasir waa dhaqtar ku taqasusay qaliinka guud iyo macalin caan ku ahaa baridda cilmiga Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda xiligii beri samaadkii wuxuuna door weyn ka soo qaatay tayeynta iyo soo saarista dhaqaatiir badan oo maanta ka shaqeeya isbitaallada dalka iyo dibaddaba.

Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay iney farxad & sharaf u tahay soo dhoweynta Dr. Saalax Caydaruus Naasir oo ka mid ahaa macalimiintiisii sida gaarka u soo barbaariyey, una hagay intii uu ku jiray waxbarashadiisii Jaamacadeed.

“Maanta farxad ayey inoo tahay haddii aan nahay bahda Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar iyo gaar ahaan anigoo ah Dr. C/risaaq Dalmar, maxaa yeelay waxaa nala jooga Profasorkaygii aniga macalinka ii ahaa Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo sidoo kale ahaa Dhaqtar weyn oo Soomaaliyeed, xili hore ayaan bartay anigoo arday ahaa ayuu macalin ii ahaa isagoo inoo dhigi jiray Maadada qaliinada deg deg ah (Emergency Surgery) xiligii Jaamacadda, waxaana kala soo shaqeeyey meelo  meelo badan oo isbarashadeenii ay ka sii socotay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo sidoo kale xusay in Prof. Saalax Caydaruus uu ahaa barre ku dhiirrigeliyey jacaylka cilmiga, anshaxa shaqada, iyo u adeegidda bulshada.

“Profasor Caydaruus ma ahan oo kaliya qof ii dhigay casharro Jaamacadeed, balse wuxuu ahaa hagaha nolosheyda xirfadeed iyo qof aan fiirsano (Role Model) Soo laabashadiisana waxay inoo tahay farxad iyo xusuus weyn” ayuu intaas ku daray Dr. Dalmar oo ku dheeraaday taariikhdii ay isla mareen isaga iyo Prof. Saalax Caydaruus xiligii jaamacada ka dib iyo khibradii uu ka dhaxlay.

“Maanta ma ahan oo keliya maalin soo dhoweyn, balse waa maalin xusuus iyo qaddarin. Prof. Ceydaruus waa macalinkii i baray cilmiga, anshaxa shaqada, iyo in aqoonta loo adeegsado badbaadinta nolosha aadanaha, Aniga iyo dhaqaatiir badan oo maanta jooga waxaan nahay miro ka baxay geedkii uu beeray macalinkeenna waxaana jirta qaacido oraneysa Macalin wax baray hal dhaqtar ma uusan barin qof keliya, balse wuxuu dhisay mustaqbal bulsho dhan. Prof. Caydaruusna wuxuu ka mid yahay macalimiinta dhifka ah ee raad waara ku reebay ardaydooda,” ayuu yiri Dr Dalmar.

Dhankiisa, Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) oo si khiiro leh u hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Isbitaalka Dalmar iyo sida diiran ee loogu soo dhoweeyey oo uu uga mahad celiyey maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka, isagoo sheegay in soo dhoweynta loo sameeyey ay ka tarjumeyso ixtiraamka ay ardaydiisu u hayaan macalinkoodii.

Waxaa uu sidoo kale muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko ardaydiisii oo noqday dhaqaatiir hormuud ah, isla markaana ka shaqeynaya horumarinta adeegyada Caafimaadka dalka. Wuxuu bogaadiyey dadaalka isbitaalka Dalmar iyo doorka ay aqoonyahanku ka qaadanayaan dib u dhiska nidaamka Caafimaadka.

“Waxyaabaha aan sida weyn uga farxay waxaa ka mid ah horumarka weyn ee uu ku talaabsaday isbitaalka Dalmar oo bulshada u fidiya adeegyo Caafimaad oo tayo leh oo la jaanqaadaya kuwa caalamka horumaray, isagoo adeegsanaya khubaro caafimaad iyo qalab casri ah oo qeybo badan leh, meelaha sida weyn ii soo jiitay waxaa ka mid ah qeybta Kelyo Sifeynta (Dialysis Unit) maadaama ay dalka ku soo badanayaan xanuunada kelyaha iyo sida naxariista leh ee bukaanada loogu adeego iyadoo hoos loo eegayo duruufahooda dhaqaale” ayuu yiri Prof. Caydaruus.

Dhinaca kale, Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) ayaa ku bogaadiyey Dr. Dalmar sida uu shaqadiisa dhaqtarnimo ugu barbar wado soo saarida jiilal cusub ee dhaqaatiir ah maadaama uu ka mid yahay Asaasayaasha iyo barreyaasha Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir, isagoo ku amaanay doorka hormuudnimo ee Dr. Dalmar iyo dhaqaatiirka kale ee uu wax soo baray kaga jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.

“Ma jirto farxad ka weyn in macalinku arko ardaydiisii oo noqday dhaqaatiir u adeegaya dadkoodii, Dr. Dalmar iyo temakiisa maanta halkan jooga, waa tusaale cad oo muujinaya in aqoon la barto aysan lumin. Waxaan ku faanayaa in aqoontii aan idin baray aad maanta bulshada u adeegaysaan.” ayuu yiri Dr. Caydaruus.

Maamulka Isbitaalka ayaa qado sharaf ku maamusay Prof. Caydaruus iyo xubnaha la socday, waxaana qado sharaftaas ka soo qeyb galay Senator Prof. Dr. Cusman Maxamuud Dufle oo ah Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Golaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia iyo aqoonyahano kale, iyadoo munaasabadaas hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyey Prof. Saalax Caydaruus Naasir.

Senator Dufle oo munaasabadda soo xiray ayaa uga mahadceliyay Prof. Dalmar casuumadda iyo hab maamuuska uu u sameeyay Macallinkooda Prof. Saalax Caydaruus oo uu ku tilmaamay halyay taariikhda Caafimaadka Soomaaliya kaga jira baal dahab ah.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay duco iyo ballanqaad ah in Prof. Dr. Saalax Caydaruus Naasir (Al Camuudi) uu la-talin aqooneed siin doono dhaqaatiirta iyo ardayda caafimaadka, si uu khibraddiisa ugu biiriyo horumarka dalka.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulmay – Maxaa laga wada-hadlay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay safar shaqo oo hal maalin ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya oo saacado kooban ah ayaa imanaya kadib shirka Kismaayo, ee u dhaxeeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagaya, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii xoogganaa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya ee Somaliland.

Inkastoo si rasmi ah loo xaliyay khilaafkii Soomaaliya kala dhaxeeyay Itoobiya, kadib dhex-dhexaadintii Ankara, haddana waxaa muuqata ifafaalo ay mar kale ku kala tagi karaan labada dhinac, maadaama ay Addis Ababa weli ka tanaasulin damaceeda badda.

Shirweynaha Kismaayo oo galay maalintii labaad iyo xogtii u dambeysay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii labaad, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa weli ku jira shir albaabadu u xiran yihiin, iyadoo xogaha soo baxaya ay tilmaamayaan in isfaham hordhac ah laga gaaray guddoonka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Guddoonka golahan ayaa la sheegay in la siiyay Madasha Samatabixinta, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, halka Jubaland iyo Puntland ay qaadanayaan xilalka ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo shirka, waxaana intaas ka hor sii soconaya kulamo gaar-gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda kala duwan, kuwaas Oo ku saabsan sidii ay u samaysan lahaayeen isbahaysi dhexdooda ah, si ay u wajahaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Xubnaha mucaaradka ayaa lagu wadaa in xiritaanka shirka ay ka soo saaraan war-murtiyeed, kaas oo ay ku xusan yihiin waxyaabaha ay dhinacyadu isku fahmeen, iyo baaqyo la xiriira xaaladda dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kulamo kale ku ballami doonnaan, si loo sii amba-qaado qodobada ka soo baxaya shirweynaha Kismaayo.

Si kastaba, madaxda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee shirkan ka qaybgalay ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.

Xubnahan ayaa si isku mid ah u sheegay inay hal jiho isugu raaci doonaan gunaanadka shirarkooda, si loo badbaadiyo dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Shirweynahan ayaa qorshuhu  yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee ay hirgelinteeda waddo Dowladda Federaalka, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Daawo: Jeesow oo cafis ka dalbaday Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana qeyb ka ah shirka mucaaradka ee Kismaayo ayaa cafis ka dalbaday Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Jeesow oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirweynaha ayaa cafis ka dalbaday Axmed Madoobe, kadib markii uu hore ugu baaqay in lasoo xiro Madaxweynaha Jubaland, oo xiisad xooggan kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

“Mudane Axmed Madoobe iyo aniga xoogaa ayaa xafiiltamnay, waxaa leeyahay marka hore iska kay cafi, dhamaan reer Jubaland aha iska kay cafiyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaanka ayaa xusay in markii hore uusan islaheyn in Jubaland ay ka shaqeynayso badbaadada dalka, isagoo badbaadiye ku tilmaamay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

“Maan lahayn Jubaland ayaa intaan oo dad ah isku keenaysa oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda badbaadinaysa, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa badbaadiye Odayga (Axmed Madoobe),” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhinaca kale, waxa uu si weyn u dhaliilay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu noqday “mudane ansax”. “Baarlamaan ma jiro, oo xaaladdiisa waxay noqotay ansax, oo wax walba oo la geeyo ansax ayau noqotay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa hoggaamiyeyaasha mucaarada iyo hoggaanka maamullada Jubaland iyo Puntland ee shirka uga socdo Kismaayo ugu baaqay in ay qaataan go’aan lagu badbaadinayo dalka.

“Puntland, Jubaland iyo madaxda kaleba go’aan qaata, inagana dhankeenna ayaa ka hirgelinayna go’aanka aad qaadataan,” ayuu yiri Jeesoow

Hoos ka daawo muuqaalka

MUUNGAAB oo Gubta u aqoonsaday beel, una magacaabay maamul cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay deegaanka Gubta u aqoonsaday beel ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale Gubta u magacaabay maamul cusub oo dhammaystiran, kuwaas oo kala ah:

1. Axmed Xaanshi Culusow – Guddoomiyaha beesha Gubta ee gobolka Banaadir

2. Duniyo Maxamed Caddow – Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda beesha Gubta ee gobolka Banaadir

3. Liibaan Saciid Cali – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga beesha Gubta ee gobolka Banaadir

4. Ismaaciil Xasan Maxamed – Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada beesha Gubta ee gobolka Banaadir

5. Cabdirashiid Xuseen Cali – Xoghayaha beesha Gubta ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Muungaab ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee beesha Gubta in ay mudnaanta koowaad siiyaan horumarinta beesha, bilicda deegaanka, iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa si dardar leh u shaqeynayay tan iyo markii uu dib ula wareegay xilka, waxaana lagu tilmaamay hoggaamiye si wanaagsan u garanaya shaqada loo igmaday iyo mas’uuliyadda hoggaaminta gobolka.

Al-Jazeera oo shaacisay in si fudud loo jabsan karo website-ka e-Visa ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Somalia Today) — Bogga cusub ee dal-ku-galka elektarooniga ah (E-visa) ee dowladda Soomaaliya ayaa leh nusqaamo amni oo aad u waaweyn, kuwaas oo u sahli kara kooxaha dambiilayaasha ah iyo burcadda dhijitaalka ah inay si fudud u la baxaan xogta xasaasiga ah ee kumanaan qof, sida lagu ogaaday baaritaan ay sameysay Al-Jazeera. 

Xogta dayacan ayaa isugu jirta faahfaahinta baasaboorada, magacyada oo saddexan, iyo taariikhda dhalashada dadka codsaday fiisaha.

Telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay jiritaanka dayacaaddan asbuucan, kaddib markii ay xog ka heleen khabiir ku takhasusay horumarinta mareegaha (web development) oo soo helay dal-daloolkan.

Isha warkan dusisay ayaa Al-Jazeera u bandhigtay caddeymo muujinaya inay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku wargeliyeen khatartan toddobaadkii hore si wax looga qabto, balse nasiib-darro, ilaa hadda wax jawaab ah lagama bixin, ciladdina sidii ayay weli u taagan tahay oo lama xallin.

“Xatooyada xogta shaqsiga ah ee xasaasiga ah waa arrin aad u halis ah, waxayna dadka u horseedi kartaa dhibaatooyin ay kamid yihiin xatooyada aqoonsiga (identity theft), khiyaano lacageed, iyo in kooxaha xun-xun ay xogtaas u adeegsadaan basaasnimo,” ayay tiri Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xuquuqda dhijitaalka ah ee Access Now, oo la hadashay Al-Jazeera.

Dayacnaantan cusub ayaa soo ifbaxeysa bil un kaddib markii mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay bilaabeen baaritaan la xiriira weerar dhanka internetka ah (hack) oo lagu jabsaday isla nidaamka E-visa-ga ee dalka.

Todobaadkan gudihiisa, Al-Jazeera ayaa tijaabisay ciladdan ay isha xog-ogaalka ahi soo gudbisay, waxayna muddo kooban gudaheed ku guuleysatay inay soo dejiso faylasha E-visa ee dad badan. Dadka xogtooda la helay waxaa kamid ah shaqsiyaad u dhashay dalalka Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.

Dowladda Soomaaliya oo wax laga weydiiyay arrintan, lana ogeysiiyay ciladda jirta, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin.

“In dowladda ay ku degdegto hirgelinta nidaamka E-visa iyadoo aan u diyaarsanayn khataraha amni ee ka dhalan kara, kaddibna ay dib u soo celiso iyadoo weli uusan xal waara jirin, waxay tusaale cad u tahay tixgelin la’aanta walaaca dadweynaha iyo xuquuqda aadanaha marka la hirgelinayo kaabayaasha dhijitaalka ah. Tani waxay meesha ka saareysaa kalsoonida shacabka, waxayna abuureysaa dayac aan loo baahnayn,” ayay tiri Andere.

Waxay intaas ku dartay inay tahay wax laga naxo in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan wax digniin rasmi ah kasoo saarin jabintii xogta ee dhacday bishii November.

“Xaaladaha noocan ah, sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya wuxuu farayaa in hay’adaha maamula xogta ay degdeg u wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta, iyo dadka ay saameyntu ku yeelatay, gaar ahaan marka ay jirto khatar sare oo sidan oo kale ah,” ayay raacisay Andere.

“Waa in taxadar dheeri ah la muujiyaa maadaama arrintani ay saameyneyso dad u dhashay dalal kala duwan, taasoo keenaysa in sharciyo caalami ah ay soo galaan.”

Al-Jazeera waxay go’aansatay in aanay shaacin faahfaahinta farsamo ee ciladdan (technical details) maadaama aan weli la xallin, taasoo haddii la baahiyo u sahli karta haakariska inay si fudud u xadaan xogta. Sidoo kale, dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee la helay intii uu socday baaritaanka waa la burburiyay si loo dhowro asturnaanta dadka ay khuseyso.

Weerarkii hore iyo xaaladda amni

Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin la xiriirta in xogta in ka badan 35,000 oo qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya la dusiyay.

“Xogta la helay waxaa ku jiray magacyada codsadayaasha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaannada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaannada guryahooda,” ayay tiri Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya xilligaas.

Si looga jawaabo dhacdadaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay cinwaanka mareegta (domain) si ay u xoojiso amniga. 16-kii November, hay’addu waxay sheegtay inay arrinta siinayso “ahmiyad gaar ah” ayna billowday baaritaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in isla toddobaadkaas, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi uu ammaanay nidaamka E-visa, isagoo sheegay inuu guul weyn ka gaaray ka hortagga in dagaalyahannada Daacish (ISIS) ay dalka soo galaan, xilli ay waqooyiga dalka ka socdeen dagaallo ka dhan ah kooxdaas.

Andere, oo ka tirsan Access Now, ayaa tilmaamtay in dowlado badan ay ku degdegaan hirgelinta nidaamyada elektarooniga ah, taasoo badanaa keenta xaalado amni darro.

“Badqabka xogta iyo amniga dhijitaalka ah (cybersecurity) waa waxa ugu horreeya ee la iska indho-tiro,” ayay tiri. “Way adag tahay in mas’uuliyadda dusha laga saaro dadweynaha, maadaama lagu qasbo inay xogtooda dhiibaan si ay adeegga u helaan, iyagoon doorasho kale haysan.”

Booliska oo qaaday tallaabo culeyska ka yareynaysa shacabka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xalay fuliyay howl-gal lagu qaaday dhagaxyo horay u yiillay isgoysyada Tarabuunka iyo Digfeer ee degmada Hodan, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay sababay ciriiri xooggan oo saameeyay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Howl-galka kadib, Boolisku wuxuu dib u habeeyay goobaha lagu hubiyo gaadiidka, isaga oo ka fogeeyay isgoysyada, isla markaana meesha ka saaray dhagaxyadii yaallay, taas oo yareynaysa culeyskii dhanka isku socodka ee shacabka Muqdisho.

Tallaabadan ayaa la sheegay in lagu dejiyay nidaam marin oo u gaar ah gaadiidka iyo mootooyinka si loo yareeyo saxmadda waddooyinka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa sheegay in dhagaxyadaasi markii hore loo dhigay sababo amni awgood, balse ay caqabad ku noqdeen isu socodka caasimadda.

Macallin Mahdi ayaa xusay in qorshahan uu ka mid yahay go’aammo ay gaareen hoggaanka sare ee dalka, kuwaas oo la xiriira qaadista dhagaxaanta maadaama uu jiro horumar dhinaca amniga ah, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dhagaxaanta kale ee harsan la qorsheynayo in la qaado maalmaha kooban ee ka haray sanadka 2026.

Sidoo kale waxa uu shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga si loo sii adkeeyo nabadgelyada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho, waddooyin badan oo horay u xirnaa ayaa dib loo furay, waxaana gaadiidleydu sheegeen in arrintaasi ay si weyn u sahashay isu socodkooda, inkasta oo weli ay codsanayaan in la furo jidadka kale ee muhiim ah ee weli xiran.

Xafiiska Xamza oo jawaab ka soo saaray fadeexadda heshiiska tarxiilka ee Sweden

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Khamiistii beeniyey eedeymo sheegayay in mashaariic ay maalgelisay dowladda Sweden si khaldan loo maamulay, ama ay salka ku hayaan iskaashi qarsoon oo dhanka tarxiilka ah, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “dhinac u janjeera” oo aan ku dhisnayn xaqiiqooyin la hubiyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska 18-kii bishan Disembar, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu si adag isaga fogeeyay wararkaas, isagoo meesha ka saaray jiritaanka “maamul-xumo, iska-hor-imaad dano gaar ah, qasab, ama ku-takri-fal kaalmooyinka horumarineed.”

Wuxuu ku dooday in taageerada Sweden loo maamulo si waafaqsan shuruucda deeq-bixiyeyaasha, iyadoo ay fulinayaan hay’ado caalami ah oo lagu kalsoon yahay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Sweden ay wajaheyso cadaadis xooggan iyo su’aalo la xiriira heshiisyo la sheegay in lagu dadajinayo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo Stockholm ay sii adkeysay fulinta go’aannada dadka loo diiday magangalyada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in hay’ado caalami ah—oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay—ay fuliyaan mashaariicda Sweden iyadoo la raacayo “heshiisyo qeexan.”

“Ma jirto lacag ka tirsan deeqaha Sweden oo si toos ah loogu shubo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan maamulin lacagahaas.

Beddelkeeda, waxaa la sheegay in hay’adaha fulinta ay gacanta ku hayaan “bixinta gunnooyinka, heshiisyada shaqaalaha, iyo maareynta boosaska taageerada farsamo,” kuwaas oo mas’uuliyaddooda maamul, xisaabtan iyo kormeerba ay iyagu leeyihiin.

Dhanka kale, Xafiiska ayaa dhaliilay saldhigga cadeymaha la adeegsaday, isagoo warbixinnadaas ku tilmaamay kuwo “cuskanaya sheegashooyin aan la hubin,” isla markaana soo xiganaya xiriirro la sheegay in la sameeyay oo “aan si rasmi ah loo soo bandhigin, si madax-bannaanna aan loo xaqiijin.”

“Eedeymahani ma noqon karaan caddeymo dhab ah,” ayaa lagu yiri warka, iyadoo intaas lagu daray in ujeedku u muuqdo mid lagu doonayo “in lagu dhaawaco sumcadda mas’uuliyiin sar-sare oo dowladda ka tirsan,” taasina ay tahay mid ka hooseysa anshaxa saxaafadeed ee la aqoonsan yahay.

Muranka maaliyadda iyo warbaahinta Sweden

Jawaab-celintan ayaa ku socota eedeymo is-biirsaday oo sheegaya in taageerada Sweden ay isku dhafan yihiin mashaariic horumarineed iyo barnaamij gaar ah oo la xiriira socdaalka.

Idaacadda Dadweynaha Sweden ee Ekot ayaa horey u werisay in Sweden iyo Soomaaliya ay gaareen is-afgarad qarsoodi ah, kaas oo 100 milyan oo Karoon (SEK) loogu weeciyay mashaariic xiriir la leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, si taa beddelkeeda Soomaaliya ay u aqbasho dadka la soo tarxiilayo.

Sidoo kale, warbaahinta Sweden ayaa diiradda saartay barnaamij ay maalgelisay Wasaaradda Caddaaladda dalkaas oo soo maray Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), kaas oo la sheegay in lagu bixiyay $517,000 oo lagu maalgeliyay jagooyin la xiriira isku-dubaridka socdaalka iyo dib-u-celinta.

Somalia Today ayaa Khamiistii werisay in Ekot ay soo xigatay qoraallo gudaha ah oo muujinaya in jago sare oo xiriir la leh xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay maalgelisay Wasaaradda Caddaaladda Sweden. 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan magacaabin shaqsiyaad gaar ah, balse wuxuu diiradda saaray hannaanka guud—yaa maamula lacagta? Yaa shaqaaleysiiya dadka? Iyo sidee loo maamulaa taageerada farsamo ee deeq-bixiyeyaasha?

“Dowladda Soomaaliya ma gasho heshiisyo qarsoodi ah,” ayuu yiri Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo raaciyay in dhammaan iskaashiga kala dhexeeya dowladda Sweden uu ku dhisan yahay heshiisyo rasmi ah oo qoran.

Warka ayaa lagu xusay in kaalmada horumarineed ay waafaqsan tahay mudnaanta qaran ee Soomaaliya, loona fuliyo “si daah-furan oo ay ku jirto kormeer iyo xisaabtan caalami ah.”

Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay “heerka ugu sarreeya ee hufnaanta iyo isla-xisaabtanka,” iyagoo xusay inay qiimeynayaan iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeeya Sweden. 

Ninkii hooyadii iyo xaaskiisa dilay oo lasoo qabtay

0

Galdogob (Caasimada Online) – Booliska Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu habeenkii Arbacada degmadaas ku dilay hooyadii iyo xaaskiisa.

Taliska Saldhigga Booliska Degmada Galdogob ayaa sheegay in ciidamadu soo xireen eedeysane Cismaan Maxamuud Cali, kaas oo loo haysto inuu degmadaas ku dilay hooyadii dhashay oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cabdille Faarax iyo xaaskiisii Farxiya Maxamed Xirsi.

Taliska ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha, oo hadda ku jira gacanta booliska, la horkeeni doono sharciga.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana u gudbin doonnaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri warka booliska.

Garaad Cumar Cabdille Faarax, oo la dhashay Xaawo Cabdille Faarax, isla markaana abti u ah eedeysanaha, ayaa sheegay in ninkaasi uu dhimirka ka xanuunsanaa.

“Waalli iyo xanuun hayay iyo sababo isbiirsaday ayay arrintaasi ku timid. Way nagu dhacday, wayna nagu dhacday,” ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille oo ka murugeysan dhibka soo gaaray qoyska.

“Dhacdadu xaafaddii ay deganaayeen bay ka dhacday,” ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille, isagoo intaas ku daray in ninkaasi uu dilka u adeegsaday qori, balse uusan sheegin halka uu ka keenay qorigaas.

Garaad Cumar ayaa xusay in ninkaasi uu ahaa aabe ay sideed carruur ah u dhashay marxuumad Farxiya Maxamed Xirsi, taas oo uu sheegay in geerideeda ay gacantiisa ku timid.

Falkan ayaa argagax geliyay dadka reer Galdogob, kuwaas oo si weyn u hadal haya dhacdadaas.

Dhacdooyinka naxdinta leh ayaa muddooyinkan si aad ah ugu soo badanayay magaalooyinka iyo deegaanada Soomaalida.

Kulan uu agaasimay safiir Xuseen Cabdi Xalane oo ka dhacay Abu Dhabi + Sawirro

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Kulan uu soo agaasimay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, laguna qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, ayaa Safiirrada dalalka IGAD si wadajir ah ugu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Jamaal Bakar Cabdulle.

Kulanka soo-dhaweynta safiirka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Sierra Leone, oo ah Doyenka Safiirrada Afrika ee Abu Dhabi, Rashid Sesay, iyo safiirro kale oo ka socda dalalka Bariga Afrika ee aan ku jirin Ururka IGAD.

Kulankan ayaa muujinaya iskaashi, is-ixtiraam iyo midnimo diblomaasiyadeed oo u dhexeysa dalalka gobolka ee jooga Abu Dhabi.

Sidoo kale, kulankan ayaa, marka laga soo tago soo-dhaweynta safiirka, ahaa fursad lagu xoojinayay xiriirka diblomaasiyadeed, wada-shaqeynta, iyo mideynta mowqifka dalalka gobolka ee ku aaddan horumarinta danaha guud ee Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Maaliyadda, waxaana uu yahay shaqsi aqoon wanaagsan u leh diblomaasiyadda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya

Daawo: Shariif oo shirka Kismaayo digniin culus uga soo diray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhagaha ka fureystay tallooyinkii ay u jeediyeen.

Shariif oo ka hadlayay furitaanka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu kusii socdo wadada uu haatan hayo, oo dalka ku ridi karta god madow.

“Soomaaliya waxay kusoo caano maashay tallo, haddana talladii ayay taagan tahay. Waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha dalka oo intaas goobjoog soo ahaa inuu maanta dhagaha ka fureysto tallada dadka Soomaaliyeed, waxgaradka iyo siyaasiyiinta,” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay wax ka beddelka dastuurka oo uu sheegay in laga leeyahay dano guracan oo shaqsi ah. “Dowladnimo waxay ku dhisan tahay dastuur iyo heshiis qoran,” ayuu yiri.

“Waxaan wada ognahay dastuurkii xaaladiisa meesha ay mareyso, asbaabta keentay in dastuurka la beddelana waa in la helo hanaan gacan maroojis ah oo xalaal aheyn oo lagu joogo xukunka, taas umaddan hadey aqbaleyso maanta xaaladda sidan ma ahaateen.”

Shariifka ayaa tilmaamay in uusan Madaxweyne Xasan Sheekh kala dhaxayn wax shaqsi ah, balse ay kala dhaxayso shaqo qaran, isla markaana ay isku hayaan sixitaanka qaladaadka dowladda iyo wanaajinta dowladnimada.

“Waxaan uga digaynaa madaxda qaranka inay kasoo laabtaan aragtidiis, usoo laabtaan wanaaga, dowladnimada, wadajirka umadda Soomaaliyeed oo kow iyaga mas’uuliyadooda ah,” ayuu yiri Shariifka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aysan kasoo horjeedin in doorasho qof iyo cod lagu qabto magaalada Muqdisho, balse hanaanka doorasho ee socda uusan aheyn mid sharci ah, oo loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Kadib shirka Kismaayo, FAHAD oo farriin cajiib ah u diray R/W XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin oo qoraal kasoo saaray shirweynaha mucaaradka ee maanta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa baaq u direy Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Fahad ayaa marka hore xusay in shirweynaha Kismaayo uu ugu faraxsan yahay si uusan hore ugu farxi jirin shirkii 2019-kii. “Shirarkii Kismaayo ka dhici jiray 2019-kii, waxaan is arki jiray anigoo ka xanaaqsan. Shirka maanta ka furmay waxaan is arkay anigoo ku faraxsan,” ayuu yiri.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid aan laheyn farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo, sidaas darteedna ay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre la gudboon tahay inuu qaato go’aan geesinimo leh.

“Madaxweyne Xasan, farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo midna karti uma lahan. Raysal Wasaare Xamse waxaan ku oran lahaa, baadida hadday lunto ninka dhalay iyo nin ka dheer midna looma dirsado,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu intaas kusii daray “Jubaland Xasan waa ka dheer yahay, Axmedna wuu dhalay. Adigaa adeer u ah ee fadlan usha dhexda ka qabo.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

CAKU IYO SIYAASAD!

Shirarkii Kismaayo ka dhici jiray 2019-kii, waxaan is arki jiray anigoo ka xanaaqsan. Shirka maanta ka furmay waxaan is arkay anigoo ku faraxsan.

Madaxwayne Xasan Sheekh, bil ka hor markuu Kismaayo u safrayay intuusan Xamar ka dhoofin waxaa laga codsanayay inuu Axmed Madoobe aqoonsado.

Wuxuu Xamar ku soo laabtay Jubaland oo aqoonsigii kala laabatay Madaxwayne Xasan oo ugu yeereysa walaalkeen Xasan Sheekh. Jidka jikaarka annagaa horay u soo tijaabinay, markuu naga soo xirmayna si xirfad leh uga leexannay.

Madaxweyne Xasan, farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo midna karti uma lahan. Raysal Wasaare Xamse waxaan ku oran lahaa, baadida hadday lunto ninka dhalay iyo nin ka dheer midna looma dirsado. Jubaland Xasan waa ka dheer yahay, Axmedna wuu dhalay. Adigaa adeer u ah ee fadlan usha dhexda ka qabo.

Madaxweyne Deni: Soomaaliya wey kala tageysa haddii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay shirweynaha Golaha Mustaqbalka ee ka furmay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in Soomaaliya kala tagi karto haddii la ismaqli waayo.

“Haddii la ismaqli waayo, la is-ixtiraami waayo oo la wada noolaan waayo, horey ayay u soo dhacday, wixii ka dhasha waan garaneynaa oo waa la kala irdhoobayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Kismaayo u imaan inay eedeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, balse ujeeddadoodu tahay sidii wadatashi dhab ah loo yeelan lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa xaaladda dalka.

“Dowladda Federaalka ah ee aan ka wada tirsanahay mas’uuliyad ayaa naga wada saaran, mas’uuliyadaas haddii aan gudano waajib aan lahayn oo gudano weeyi, haddii aan dayacnana waajib umadeeda noo igmatay oo dayacmatay weeyi,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Saciid Deni ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ogolaado wada-tashi, isla markaana miiska wada-hadalka la iskugu soo laabto, si doorasho wadar-ogol ah uga qabsoomto dalka.

“Soomaali waxaan u baahanahay; Ilaahay baa meel nagu wada abuuray in aan wada noolaano sida umadaha kale u wada nool yihiin, deriskeena la noolaano, oo caalamka la noolaano,” ayuu yiri Deni.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxa noo dhaxeeya ma aha wax aan xalin karin. Baaqayga ugu muhiimsan waxaa u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu talo ogolaado, la wada leeyahay oo miiska wada-hadallada dib la iskugu soo noqdo, si dalka doorasho heshiis lagu yahay loogu hogaamiyo. Wax kale oo dhiman ma jirto.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo: Axmed Madoobe oo Kismaayo uga dhawaaqay arrin la xiriirta khilaafka Xasan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan Madaxweyne Xasan Sheekh isku hayn arrimo shaqsi ah, sidaas darteedna uu cafiyay, isla markaana uusan waxba u hayn wixii maanta ka dambeeya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xilligan loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo, isla markaana si wadajir ah loogu istaago sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa isgoyska halista ah ee ay ku jirto.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wax shaqsi ah iskuma hayno, cafis ayuuna iga yahay. Kaliya waxa aan u baahan nahay in aan dalka badbaadinno,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in isaga iyo Xasan Sheekh ay isku seegeen arrinta ku saabsan qabashada doorasho, isla markaana maamulladu ay booskooda sii joogaan.

“Waxa aan isku soo diidnay maxaa doorasho uga baahanahay; haddaan ku heshiinno, waan iska joogi karnaa inta aan doonayno,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Waxa kale oo uu Madoobe ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka warwareegayo xaqiiqada, isla markaana uu isku madadaalinayo “kelitalisnimo” aan shaqaynayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Gogashan ma aha mid Soomaali lagu duminayo ama dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’inayo, ee waa wadatashi wax lagu saxayo. Madaxweyne Xasan wax badan ayaa ka maqan shalay iyo maanta; maanta 360 ayuu wareegay, umana muuqato,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu dambeyn shirweynaha ka furmay Kismaayo ku tilmaamay “mid lagu badbaadinayo dalka,” isla markaana loo baahan yahay in Soomaaliya la samatabixiyo.

“Waxaan rajeynayaa, anigoo niyad-sami qaba, in shirkan macnihiisu yahay in Soomaaliya maanta god ay ku dhacday ay u baahan tahay samatabixin, maadaama xeerarkii laga tagay. Madaxweyne Xasanow, waxyaabihii aad shalay diidnayd cidna kama aqbalayso,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Itoobiya oo soo baahisay khariidad ay ku sheeganayso qeybo ka mid ah Soomaaliya

0

Addis Abab (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal ay ku jirto khariidad dhulal ka tirsan dalal ku yaalla Geeska Afrika oo lagu daray dalka Itoobiya.

Khariidadan oo dhalisay muran xooggan ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kusoo bandhigay munaasabaddii soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, oo booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Khariidadda ayaa muujineysa in Itoobiya ay ku fidsan tahay dhulal si caalami ah loo aqoonsan yahay inay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba khariidadda laga waayay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn iyo dhaleeceyn ka timid bulshada dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea, iyadoo khariidadan lagu tilmaamay mid marin-habaabin ah oo Itoobiya uga dan leedahay dhul-ballaarsi aan soconayn.

Khariidadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid dhaawaceysa madax-bannaanida dalalka iyo xuduudahooda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, isla markaana ah xad-gudub ay ku kacday xukuumadda Abiy Axmed.

Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa weli laga heli karaa baraha rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo aan weli laga bixin wax faah-faahin ama jawaab ah oo la xiriirta carada ka dhalatay.

Itoobiya ayaa horay sidan oo kale u baahisay khariidad xad-gudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, inkastoo Addis Ababa ay cudurdaar ka bixisay khariidadii hore oo ay ku sheegtay inay si qalad ah u baxday oo aan ku talo-gal ahayn, haddana tan kama aysan jawaabin, taasoo muujinaysa damaceeda guracan ee ka dhan ah dalkeenna.

Si kastaba, khariidadan muranka dhalisay ayaa soo baxday xilli Itoobiya ay marar badan muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed ay leedahay, si ay si madax-bannaan ugu adeegsato danaheeda iyo badeecadaheeda.

Shirka Golaha Mustaqbalka oo ka furmay Kismaayo iyo xogtii u dambeysay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ayuu haatan u bilowday shirka, iyagoo guda-galay aaya-ka-tashiga Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka ayaa shirkan diirada ku saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, golaha ayaa shirweynahan ku dooran doona hoggaan, iyadoo lagu wado in ay guddoon u doortaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland, Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta mucaaridka qaar ayaa soo jeediyey in lagu dhawaaqo dhismaha dowlad kale, haddii Dowladda Federaalka ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo Kismaayo.

Inkasta oo siyaasiyiinta mucaaridka qaar ay walaac ka qabaan doorashadii 2022 oo kale, haddana madaxda maamullada ayaa xilligaan door bidaya doorasho dadban oo keliya la badiyey ergada iyo deegaannada.

Si kastaba, shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Golaha ayaa sidoo kale si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Maxaa kala qabsaday Danab iyo Al-Shabaab soo galay duleedka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Kumaandooska Danab ay ka sameeyeen duleedka Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen Ururka 161-aad ee ciidanka Danab ayaa beegsaday deegaanno ay dhuumaaleysi ku joogeen Al-Shabaab, una dhow caasimada kuwaas oo ay kamid yihiin Basro, Baqdaad, Jambaluul, iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan deegaannadan ayaa waxaa muddoyinkii dambe ku sugnaa maleeshiyaadka Khawaarijta oo mararka qaar halkaas kasoo abaabulo weeraro arbushaad ah.

Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay burburiyeen difaacyo ay Al-Shabaab ka qoteen halkaasi, gaar ahaan godad ay sameysatay kooxda.

“Howlgalka oo ka bilowday deegaanka Basra, ayey Ciidanka Kumaandooska Danab ku burburiyay godadkii Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana halkaas isaga cararay dhagar-qabayaashii nabadiidka ahaa, kadib markii ay u adkeysan waayeen awoodda Ciidanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay goobihii ay kaga dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu deegaannada Jambaluul iyo Baqdaad ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ay dib usoo celiyeen amniga iyo xasilloonidii deegaannadaas, sidoo ciidanka ayaa kusii raad jooga firxadka nabadiidka”.

Al-Shabaab ayaa marar kala duwan si dhuumaaleysi ah ku yimid duleedka magaalada Muqdisho, waxayna kadib dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyaan daafaha caasimada, halkaas oo ay ka sameystaan maxkamado iyo baro-kontarool.

Si kastaba, Dwladda Soomaaliya oo horay u qaaday tallaabooyin culus ayaa ciidamadii ugu badnaa gaysay daafaha caasimada, kuwaas oo ka hortegay dhaq-dhaqaaqyadii Al-Shabaab iyo inay qaraxyo soo geliyaan gudaha Muqdisho.