25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Golaha Wasiirada oo tallaabo culus u qaaday hirgelinta doorasho qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in todobaadyada soo socda ay ka bilowdaan gobolka Banaadir.

Shirka maanta oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza, ayaa intiisa badan looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna boggaadiyay dedaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed iyo Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo dhammaantood ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran. Labadan sharci ayaa ka soo gudbay dhammaan hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo lagala yeeshay culumada, iyada oo mas’uuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay faahfaahin dheer golaha ka siiyeen shaqada laga soo qabtay xeerarkan.

Labadan xeer ayaa la ansixiyay iyada oo wasaaradda ay quseyso la faray in ay wax kasoo badesho arrimo la xiriira ereybixinno kooban.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), taas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka, si loo xaqiijiyo maalgelinno lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

Muungaab oo weerar ku qaaday Axmed Madoobe iyo ragga tegay Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday xaafadda Gubta ee degmada Dayniile ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jubbaland iyo ragga kale ee mucaaradka ee iska xaadiriyay shirka magaalada Kismaayo.

Muungaab ayaa doorasho diid ku tilmaamay xubnaha isugu tegay Kismaayo ee ka shiraya xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka.

“Niman ayaa waxay rabaan inay Xamar ay ka dhigaan Kismaayo oo kale marka nin oday ah oo dhowr bil kahor halkan ka cararay isaga oo doorasho diid ah oo yiri doorasho toos ah ma rabo ayay dhaheen odeygaas ayaan doorasho ka jarineynaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaalidu waxay ku maah-maadaa ninka aad kobaha ka tolan rabtid waxaa la fiirshaa kobahiisa nin marka in doorasho la qabto halkan uga cararay ayay leeyihiin cadaalad iyo doorasho ayaan ka jarineynaa”.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in mucaaradka looga baahan yahay inay tegaan goobaha doorashada ee Muqdisho, ayna ku kalsoonaadaan shacabkooda.

“Doorasho Xamar ayay taallaa oo ay ka socotaa intaas oo sano ayaan ugu baaqeynay inay qaataan kaalintooda, ururradoodana ay diiwaan-gashadaan, tartanka dhinac ka galaan”.

Ugu dambeyn wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Haddii shalay xalka Soomaaliya ku jiray Garoowe one iyo Garoowe two maanta Kismaayo one iyo Kismaayo two Soomaaliya maanta way ka gudubtay, Muqdishana way ka gudubtay, cid u celin kartana ma jirto”.

Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan Golaha Mustaqbalka uu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Xiisad culus oo mar kale ka soo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale xiisad culus ay kasoo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysa shaqaalaha ka howlgala garoonka iyo shirkadda Favori.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo si weyn uga cabanaya maamulka sare ee shirkadda ayaa maanta dibad-bax ka dhigay afaafka hore ee garoonka, iyaga oo sidoo kale sameeyay shaqo joojoojin, si wax looga qabto cabashadooda.

Shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta ayaa shirkadda maamusha garoonka ku eedeeyay mushaar goosasho aan sharci ahayn iyo xad-gudubyo kale.

“Qof bani’aadan ah oo 30 maalmood shaqeynayay ayaa maanta 18-ka bisha tahay mushaarkiisii uu maqan yahay, maanta wax walba waan waynay marka shaqaalaha boosaskoodii in laga eryo, loona shaqo abuuro Kenyaan, Yugaandhees iyo Turki, iyadoo dadkii Soomaaliyeed ay baaga muudo wada yihiin” ayay tiri Nasro oo kamid ah shaqaalaha garoonka Aadan cadde.

Sidoo kale, waxay farriin u dirtay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha, iyaga oo ka codsatay inuu soo farageliyo arrintooda.

“Waxaan codsaneynaa oo aan cod dheer iyo cod gaaban ku codsaneynaa in shaqaalahan xuquuqdoodii ay waddanka ku lahaayeen oo lagu gabood falay loo raadiyo” ayay mar kale tiri Nasro.

Marar badan ayay soo laa laabtay cabashada shaqaalaha Soomaalida ee garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo mar kasta dhibaato ka sheegta Favori , haddane ma jiro cid si muuqata wax uga qabata cabashadooda.

Dhawaan Ra’iisul wasaaraha oo booqday garoonka ayaa u yeeray madaxda shirkadda Favori, isaga oo kala hadlay wax ka qabashada cabashada ka taagan garoonka iyo horumarinta adeegyadiisa oo meelaha qaar ka liita.

Faah-faahinta dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dilay askari kale.

Dilka ayaa eedeysanaha waxa uu u adeegsaday bistoolad uu marxuumka kaga dhuftay caloosha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa isla markiiba gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilka gaystay oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Cabdi, kaas oo dilay marxuum Xidigle Fu’aad Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay eedaysane K/k: Maxamuud Xasan Cabdi, oo ku eedaysan dilka marxuum Xidigle Fu’aad Maxamed Nuur, kana tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Booliska ayaa intaas ku daray in dambiilaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Marxuumka ayaa u geeriyooday xabbad ka dhacday bistooladda eedaysnaha, taas oo kaga dhacday caloosha, Ciidanka Booliska ayaa wada baaritaanno ku saabsan dhacdada, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal iyo dhac ay gaysanayaan askar iyo burcad inta badan lagu arko xaafadaha qaar, waxaana dhawaan koox isku xiran oo laga soo qabtay Dayniile la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada oo xukunno adag ku ridday.

Xog: Maxay Villa Somalia ka tiri kabkii miisaaniyadda ee Turkigu ka hakiyey DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib soo jireen ah oo garab taagan Soomaaliya dhanka horumarka iyo amniga, ayaa markan dib u dhigtay lacagtii ay ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda federaalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda. 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa shaaca ka qaaday inaysan weli soo dhicin lacagtii sanadlaha ahayd ee Turkigu ugu talo-galay sanad-maaliyadeedkan, taasoo lagu qiyaasay $30 milyan.

“Turkiga wuxuu ahaa dal si joogto ah nooga taageera dhanka miisaaniyadda sanadihii la soo dhaafay; balse sanadkan taageeradii $30-ka milyan ahayd way dib-dhacday, loomana soo shubin waqtigii looga bartay,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Dib-u-dhacan ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan sababta keentay in Turkigu hakiyo taageeradiisa, maadaama uu yahay dal taariikh dheer ku leh garab-istaagga barnaamijyada horumarinta, amniga iyo gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxay tilmaamtay inay xaaladda si dhow u la socoto.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay la xiriirto oo kaliya dib u dhac, ayna filayaan in lacagta ay timaado horraanta 2026.

“Wax walaac ah kama qabno dhanka Ankara, arrintan waa dib u dhac kaliya, mana jirto sabab aan u walaacno, waxaan fileynaa in lacagta ay timaado horraanta 2026 Inshaa’Allah,” ayuu yiri ilo-wareedka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Xilli ay arrintani jirto, dowladda Soomaaliya ayaa culeyska saareysa kaalmooyinka kaga yimaada saaxiibada kale ee caalamiga ah, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo huwan ah, si loo sii wado adeegyada muhiimka ah ee dalka, loona maareeyo hawlaha maaliyadeed ee xukuumadda.

Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli Miisaaniyadda Guud ee Dowladda Federaalka, oo kor u dhaafeysa $1 bilyan, ay weli hortaallo Baarlamaanka, iyadoo ansixinteedu ay wajahday dib-u-dhac ka dhashay doodo iyo is-mari-waa u dhaxeeya xildhibaannada, taasoo sii cakireysa xaaladda dhaqaale ee dalka.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa aaminsan in tallaabadan Turkiga ay culeys horleh ku noqon doonto nidaamka maaliyadeed ee dalka, kaasoo awalba la daalaa-dhacayay caqabado ka jira heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba.

Ku-tiirsanaanta kaalmada shisheeye ayaa ah astaan aan weli laga gudbin oo curyaamisay madax-bannaanida maaliyadeed ee Soomaaliya. Hakadka ku yimid kaalmada Turkiga ayaa daaha ka rogaya sida ay weli dowladda ugu nugushahay isbeddelada ku yimaada ballan-qaadyada dibadda, taasoo saameyn toos ah ku yeelan karta bixinta mushaaraadka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto wada-hadallada ay kula jirto mas’uuliyiinta Ankara si loo xaqiijiyo soo-deynta dhaqaalahaas. Dhanka kale, dowladda ayaa sheegtay inay waddo dadaallo lagu xoojinayo dakhliga gudaha iyo hagaajinta qorsheynta maaliyadeed, si mustaqbalka loo yareeyo ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa weli ah saaxiib istiraatiiji ah oo door weyn ku leh dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo mashaariicda gargaarka, in kasta oo dib-u-dhacani uu iftiiminayo caqabadaha haysta hannaanka isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah iyo joogteynta nidaam maaliyadeed oo deggan.

Ilhaan oo wajaheysa xaalad halis ah kadib weerarkii Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weerarradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadallada ka dhanka ah bini’aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.

Iyadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynuhu ku baaqay in dalka laga saaro, ayay Ilhaan Cumar sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay “meesha ugu xun ee qof bani’aadan ah uu gaari karo”, isla markaana uu dadka ku dhiirrigeliyo inay ficil sameeyaan.

“Waxaa jira dad loo xiray inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayay u sheegtay wargeyska The Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington.

“Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in dadkaas ay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, iyagoo moodaya inaan aniga ahay, oo ay waxyeello u geystaan,” ayay tiri Ilhaan.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay xaflad u eg isu-soo-bax todobaadkii hore oo ka dhacday gobolka Pennsylvania, halkaas oo taageerayaashu ku dhawaaqayeen “dib u celi!” Kadib markii uu madaxweynuhu dabada ka riixay aragti aan sal lahayn oo ah in Ilhaan Cumar, oo Soomaali ah, ay walaalkeed guursatay si ay dhalasho Mareykan ah u qaadato.

Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo ku timid Mareykanka qaxoontinimo iyadoo da’deedu ahayd 12 jir, ayaa noqotay muwaadin markii ay gaartay 17 jir, waxayna ku tilmaantay go’aanka Trump mid “wax xun” iyo “caafimaad-darro” ah, isla markaana “qof lagu dhegto”.

Ilhaan, oo ka tirsan aqalka Koongareeska kana soo gasha gobolka Minnesota, ayaa sheegtay in weerarradu ay raaceen hab aan cusbayn. “Marka arrimuhu si fiican ugu socon waayaan isaga… anaaniyad ayaa shaqaysa,” ayay tiri, iyadoo ku eedaysay Trump inuu iska leexinayo guuldarradii uu ku waayay inuu wax ka qabto culayska dadka ka haysta nolosha. “Waa isla qorshihiisii, wuuna ku soo noqday; wax kale ma garanayo,” ayay tiri Ilhaan.

Wareysiga, oo sidoo kale qayb ka ahaa sayga Ilhaan Cumar, Tim Mynett, ayaa sheegay in hanjabaaduhu aysan ahayn kuwo cusub. Intii lagu guda jiray muddo-xileedkii ugu horreeyay ee Trump, wuxuu soo qaaday in dowladda federaalku ay uga baahatay lammaanahan inay helaan lix qof oo amnigooda ka shaqeeya, ka dib markii ay ogaadeen shirqool ka dhan ah iyada.

“Tani ma aha riwaayaddii ugu horreysay,” ayuu yiri Mynett. “Laakiin waa wax laga xumaado in la arko in tani ay tahay meesha hoggaamiyaha dalkeennu uu doonayo inuu u soo jeediyo indhaha qaranka.”

Booliiska Capitol-ka Mareykanka ayaa baaray 9,474 kiis oo ku saabsan hadallo iyo hanjabaad toos ah oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka sannadkii 2024, taasoo ka badan laba jibbaar wadarta guud ee 2017. Sare u kaca ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jireen weerarro isdaba joog ah oo lagu hoobtay, oo ay ku jiraan dilkii Melissa Hortman oo ka mid ahayd sharci-dejiyeyaasha gobolka Minnesota iyo ninkeeda horaantii sanadkan.

Ilhaan ayaa ka hadashay, iyadoo u warramaysa The Guardian, xiriir toos ah oo ka dhexeeya waqtigii Trump ee xafiiska iyo rabshado siyaasadeed. Intii lagu guda jiray madaxtinimada Joe Biden, ayay tiri, hanjabaadaha dilka ee ka dhanka ah iyada “waxay noqdeen kuwo ku dhawaad eber”, ka hor intaysan mar kale soo kicin.

Sannadkii 2019, ka dib markii Trump uu weeraray iyada iyo Dimuqraadiyiinta kale ee horumarka leh ee loo yaqaan “Squad”, waxay heshay hanjabaad dil ah oo ka badan xubin kasta oo Congress-ka ka tirsan.

Trump ayaa sidoo kale sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka ah, isagoo dhawaan ku tilmaamay “qashin”, halka Soomaaliyana uu ku sheegay inay tahay “dalka ugu xun adduunka”.

Ilhaan Cumar waxay ku eedaysay inuu bulshada oo dhan ku canaananayo kiisas musuq-maasuq ah oo gooni-gooni ah, iyadoo xustay in inta badan Soomaalida Minnesota ay heystaan dhalashada Mareykanka, qaar badanna ay ku dhasheen dalkaas.

Trump ayaa ku faanay inuu hakiyay socdaalka dadka ka imaanaya “meelo cadaab u eg sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo dalal kale oo badan.”

“Anigu ma oran ‘kuwo xun’—idinkaa yiri,” ayuu Trump yiri ka dib markii mid ka mid ah taageerayaashiisa uu ku qayliyay ereygaas, iyadoo horay Trump uu ugu qeexay dalalka Afrikaanka intii lagu guda jiray muddo-xileedkiisii koowaad.

Ilhaan Cumar, oo Mareykanka iyadoo yar tagtay 1995-kii, ayay dhowr jeer erayo is dhaafsadeen Trump.

Trump ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in Ilhaan ay “si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed.” “Waxay guursatay walaalkeed, si ay dalka u soo gasho, sax?” ayuu yiri.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump sheego in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed. Sheegashadan ah inay si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho Mareykan ah ayaa markii ugu horreysay ka soo shaac baxday mareegayaasha muxaafidka ah sannadkii 2016, markaas oo ay u tartamaysay xildhibaanka gobolka Minnesota.

Isla sannadkaas, Ilhaan ayaa ku tilmaantay “xan aan sal iyo raad toona lahayn” oo “gabi ahaanba been iyo wax lagu qoslo” ah. Tan iyo markaas way sii wadday inay beeniso sheegashada.

Arrinta uu aadka uga wel-welsan yahay Xasan Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay jihada ay dowladda federaalka hadda ku waddo arrimaha doorashada, isagoo ka digay halista firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo dalka soo wajihi karta bilaha soo socda.

Kheyre ayaa si xisaabeysan u tilmaamay in saddex sano iyo toddoba bilood laga joogo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, halka shan bilood oo keliya ay ka harsan tahay muddadii dastuurku u asteeyay in la qabto doorashada xigta. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka Federaalka ay u harsan tahay oo keliya afar bilood, taasoo muujinaysa, sida uu sheegay, in dalka uu ku jiro waqti xasaasi ah oo u baahan heshiis siyaasadeed oo degdeg ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka in ay laaleen dastuurkii iyaga lagu doortay, isla markaana ay ku dhaqaaqeen qorsheyaal doorasho oo aysan dadka Soomaaliyeed ku heshiin, kana tarjumaya dano gaar ah. Wuxuu sheegay in weli uusan jirin is-afgarad qaran oo ku saabsan waqtiga, nooca iyo hanaanka doorashada, inkastoo ay dhammaanayso muddada sharciga ah ee hay’adaha dowladda.

Kheyre ayaa qorshaha dowladda ee doorashooyinka ku tilmaamay “doorasho dhalanteed ah” oo si khasab ah loogu wado magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha lagu diiwaangeliyey cabsi, qafaal iyo qori caaradiis. Wuxuu intaas ku daray in hadda la baadi-goobayo dadkii sida qasabka ah loogu diiwaangeliyey doorashadaas, isla markaana jaamacadaha dalka lagu cadaadinayo in xarumahooda lagu qabto hannaan doorasho oo aysan raalli ka ahayn.

Inkasta oo uu qiray in doorasho qof iyo cod ah ay tahay hiigsi qaran iyo xuquuq dastuuri ah, haddana Kheyre wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladda hadda jirta aysan suurto-gelin karin hirgelinta doorasho noocaas ah. Wuxuu sheegay in waqtiga yar ee ka haray muddada dowladda, maqnaanshaha heshiis siyaasadeed, sharciyad la’aanta guddiyada doorashada, iyo amni darrada ka jirta deegaanno badan oo ay weli ka taliyaan Al-Shabaab ay caqabad weyn ku yihiin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku guuldareysatay diyaarinta shuruudaha iyo hawlaha aasaasiga ah ee u baahan doorasho hufan, isagoo tusaale u soo qaatay in nidaamka doorashada lagu koobay hal xisbi oo ay leeyihiin madaxda hadda talada haysa. Wuxuu sheegay in xisbigaas uu xitaa ku fashilmay in uu dhexdiisa ka hirgeliyo caddaalad, taasoo muujinaysa, sida uu sheegay, karti la’aan iyo hufnaan darro guud.

Kheyre ayaa guddiga doorashooyinka ku tilmaamay mid lagu dhisay hannaan aan sax ahayn, isla markaana ay soo xusheen madaxda dowladda si ay ugu fuliyaan doorasho ay iyagu rabaan.

Wuxuu xusay in shirkadaha ka shaqeeya maamulka doorashooyinka ay xiriir dhow la leeyihiin isla xisbigaas, halka dhaqaalaha lagu maamulayo geeddi-socodka doorashadana uusan ku caddayn miisaaniyadda sanadlaha ah, taas oo keentay in ururro siyaasadeed oo isdiiwaangeliyey ay ka baxeen tartanka doorashada, iyagoo ka cabanaya faragelin iyo hufnaan la’aan.

Ugu dambayn, Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay in qorshaha doorashada qof iyo cod ah ee ay dowladda waddo uu noqon karo xeelad muddo-kororsi.

Wuxuu ugu baaqay saamileyda siyaasadda in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta dalka, lana hirgeliyo doorasho loo dhan yahay, waqtigeeda ku dhacda, kana hufan tii 2022, si looga fogaado firaaq dastuuri ah iyo qalalaase siyaasadeed.

Xigasho: Dawan TV

Sheekh Shariif oo goordhow ka dagay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga hortagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah.

Shariif oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb-galaya shirka Kismaayo ee furmi doono maalinta berri ah, kaas oo ay sidoo kale tegi doonaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta ayaa inta uu joogo Kismaayo shirar gaar gaar ah la geli doono madaxda Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta isugu tegaya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sida qorshuhu yahay Golaha Mustaqbalka ayaa shirkan kaga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynaha Kismaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Si kastaba, Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Nuur Dugle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeya ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah ggobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, isla markaana jab culus la gaarsiiyay xubnihii weerarka lagu qaaday.

Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo badan oo kaid ah gobolkan oo hoostaga maamul-goboleedka HirShabelle.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mustaf Dhuxulow oo Visaha Yurub iyo Mareykanka u fududeynaya TikToklayda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo xalay Muqdisho ku qabsaday xaflad uu ugu dabaal-dagayay sanad-guuradiisa koowaad markii loo magacaabay xilka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhalinyarada TikToklayda oo qaarkood ku sugnaa munaasabadda.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhowr safaaradood ay kala hadleen in dhalinyaradan oo isugu jiro gabdho iyo wiilal la siiyo Visaha dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo Talyaaniga, si ay barnaamijyo uga soo diyaariyaan, kadibna ay dib ugu soo laabtaan dalkooda

“Safaradaha waxaan kala hadlay in gabdhaha iyo wiilasha TikToklayda la siiyo Visaha si Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka ay uga soo diyaariyaan Barnaamijyo” ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda.

Sidoo kale Agaasimaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Warbixin Sanadeedka Waxqabadka ee Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheggu yahay “Secure Borders, Safe Somalia / Xakamaynta Xuduudaheenna – Ilaalinta Dadkeenna.”

Warbixintan ayaa muujinaysa horumar ballaaran oo Hay’addu ka gaartay sugidda amniga xuduudaha dalka, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo saldhig u ah hufnaan, daahfurnaan iyo adeeg tayo leh. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay dib-u-habeynta sharciyeed, nidaamyo iyo qaab-dhismeed hay’adeed oo waafaqsan qorshaha istiraatiijiga ah ee HSJ (2025–2029).

Sannadka 2025, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay guulo la taaban karo ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada waafaqsan heerarka ICAO, xoojinta la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta, ilaalinta xogta iyo maamulka waxqabadka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga qaranka, fududeynta safarka sharciga ah, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo hirgelinta hannaan casri ah oo ku dhisan xog, tiknoolajiyad iyo isla-xisaabtan.

Maxaa caawa ka socda Kismaayo ka hor furitaanka shirweynaha mucaaradka?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intooda badan caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo badi hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa maanta gaaray Kismaayo, iyadoo maalinta berri ahna uu halkaasi gaari doono Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha berri furmaya ayaa caawa ka socoto magaalada Kismaayo, iyadoo madaxda halkaasi ku sugan ay leeyihiin kulamo gooni-gooni ah.

Shirweynahan oo furmaya berri galinka dambe ayaa waxaa lagu sii amba-qaadaya dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban siyaasiyiinta mucaaridka Muqdisho, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Golaha ayaa shirweynahan ku dooran doona hoggaan, iyadoo lagu wado in ay guddoon u doortaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland, Axmed Madoobe.

Sidoo kale, golaha ayaa go’aanno ka soo saaraya xaaladda kala-guurka dalka, iyada oo durba la bilaabay ka hadalka noocyo doorasho oo ka dhan ah qof iyo codka ay wado Villa-Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaridka qaar ayaa soo jeediyey in lagu dhawaaqo dhismaha dowlad kale, haddii Dowladda Federaalka ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo Kismaayo.

Inkasta oo siyaasiyiinta mucaaridka qaar ay walaac ka qabaan doorashadii 2022 oo kale, haddana madaxda maamullada ayaa xilligaan door bidaya doorasho dadban oo keliya la badiyey ergada iyo deegaannada.

Si kastaba, shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Garsoorihii Soomaalida ugu sareeyay ee Kenya oo geeriyooday

0

Nairobi (Caasimada Online) – Garsoore Maxamed Ibraahim oo ahaa Garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu sarreeyay ee ka tirsanaa Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaa geeriyooday, sida ay si rasmi ah u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta garsoorka dalkaasi.

Madaxa Garsoorka Kenya, Martha Koome ayaa tacsi murugo leh u dirtay ehelladiisa, saaxiibbadiisa iyo guud ahaan bahda caddaaladda, iyadoo ka tacsiyaysay geerida ku timid Garsoore Maxamed.

Maxamed ayaa ku soo jiray bahda garsoorka muddo dhan 23 sano, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah kana soo shaqeeyay maxkamado kala heer ah.

Garsoorahan ayaa waxaa si weyn loogu aqoonsanaa kaalinta uu ku lahaa dib-u-habaynta hay’adaha dowliga ah, hoggaaminta xeer-beegtida iyo dadaalladii lagu horumarinayay helitaanka caddaaladda dalka Kenya.

Ka hor inta aan loo magacaabin Maxkamadda Sare, Garsoore Ibraahim waxa uu ka tirsanaa Maxkamadda Racfaanka, halkaas oo uu ka go’aamin jiray dacwado culus oo la xiriiray dastuurka, ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha.

“Garsoore Maxamed Ibraahim wuxuu ku geeriyooday maanta oo Arbaca ah isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi wax yar kaddib 4:30 galabnimo,” ayuu yiri Garsoore Maxamed Warsame.

Garsooraha, waxaa hore loogu dabiibayay qeybta daryeelka deg-degga ah ee dalka Hindiya, balse dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in dib loogu soo celiyo Kenya si uu waqti ula qaato qoyskiisa inta ka harsan noloshiisa. Maxamed oo jiray 69 sano ayaa ka tagay xaas iyo afar carruur ah.

Daawo: Qalabka doorashada qof iyo cod ee Muqdisho oo la soo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay agabka loo adeegsanayo doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in dhammaan qalabka loo baahan yahay uu si buuxda u diyaarsan yahay, isla markaana uu sugayo in loo raro goobaha codbixinta ee horay loo asteeyay.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa xusay in agabka doorashadu yahay mid dhammeystiran, ayna ka harsan tahay oo kaliya in la gaarsiiyo goobaha lagu codeyn doono, xilli uu heer geba-gebo ah marayo diyaargarowga doorashada.

Agabka la soo bandhigay waxaa ka mid ah sanaadiiqda codbixinta, miisas loogu talagalay waraaqaha codka, iyo kombiyuutarro lagu hubinayo aqoonsiga codbixiyeyaasha.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir oo la qorsheeyay in ay qabsoonto 25-ka December 2025, ayaa loo arkaa mid door weyn ka qaadan doonta jihada siyaasadeed ee dalka, wallow ay jiraan dhaliilo ka imaanaya dhinaca mucaaradka oo la xiriira habraaca doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa haatan muujinaya rajo ah in doorashadu ay u dhacdo si nabad ah oo guul leh, iyagoo adkeeyay in guddigu si buuxda ugu diyaarsan yahay gudashada waajibaadkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa u arka doorashooyinka qof iyo cod ee haatan ku howlan tahay Dowladda Federaalka kuwo dhinac ka raran, isla markaana loo maray hannaan aan sharci ahayn.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa si adag u diiday wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, oo ay sheegeen in Villa Soomaaliya dhabaha ugu xaartay qorshaha doorasho qof iyo cod ah, taas oo xubnaha mucaaradka u arkaan mid aan haatan ka qabsoomi karin dalka, maadaama aan heshiis lagu ahayn.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri shirka mucaaradka uga furmaya Kismaayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay shirweynaha mucaaradka ee maalinta berri ah ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Wasiir Cali Xoosh ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in marnaba dowladdu kasoo horjeedin in ay shir yeeshaan mucaaradka, balse wuxuu su’aal geliyay sababta xubnaha Kismaayo iskugu tegay u diidan yihiin in dalka hore loo socodsiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay xubnaha mucaaradka ee haatan ku sugan Kismaayo in aysan qaarkood dhaqan u laheyn qabashada doorasho hufan.

“Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ayuu sheegay in ay diidan yihiin in awoodda loo celiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka oo dhameystiran:

Ma mudan yihiin in ay ka hadlaan hufnaan doorasho, maxayse marwalba u yihiin caqabad?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey.

Su’aalaha isweydiinta mudan waxa weeye; maxay odayaasha isku urursanaya Kismaayo u diidan yihiin in dalka hore loo socodsiiyo?, Maxay mudadda dheer u hortaagan yihiin in la dhameystiro dastuurka dalka?

Maxay mudadda dheer u diidan yihiin in doodahooda ay geeyaan gogolaha wadda hadaladda Qaran?, Sidee u maamuleen doorashooyinka maamuladda ay hogaaminayeen iyo doorashooyinkii dadbanaa ee 2022?

Iyadoo la yaqaan sooyaalkooda maamulidda arimaha doorashadda iyo qaabkii ay iskugu doorteen kuraasta ay ku fadhiyaan, maxay tahay aragtida ay dalka u hayaan? Maxayse sida gaarka ah ugu hortaagan yihiin in la qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir? Maxay uga baqayaan in talada dib loogu celiyo shacabka?

Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka.

Jubaland: Soomaaliya waxay wajahaysa masiibo hoggaan-xumo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso masiibo qaran, taas oo ka dhalatay hoggaan-xumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Jubaland, Maxamed Xuseen Oogle ayaa masiibada qaran ee wajahayso Soomaaliya ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka.

“Rejadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ma muuqato maanta,” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in jihadii laga filayay hoggaanka dalka ay noqotay mid ka duwan xaaladda dhabta ah ee maanta taagan.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira ku tumashada dastuurka, ku tagri-fal awoodeed iyo raacid la’aan nidaamka sharciyeed ee lagu heshiiyay.

“Xaaladdan ayaa halis ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli la sheegayo in waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha qaar uu dhammaanayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Oogle ayaa sheegay in shirka Kismaayo ee haatan u madlan yihiin mucaaradka ay ujeeddadiisu tahay in dib loo hago jihada siyaasadda qaranka.

Shirkan ayuu sheegay in lagu martiqaaday madaxda hore ee dalka iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka ah, isagoo sheegay in shirka Kismaayo laga filayo talooyin iyo go’aanno lagu wajihi doono hoggaanka dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in dalka u baahan yahay hoggaan mideeya ummadda, hagaya jihada saxda ah, isla markaana ku shaqeeya dastuurka.

“Talooyinka ka soo baxa shirkaan waxay gacan ka geysan doonaan xasillinta siyaasadda dalka,” ayuu yiri Wasiirka oo rejo ka muujiyay natiijada shirweynaha Kismaayo.

Shirweynaha Kismaayo ayaa mucaaradka kaga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay go’aanno ka soo saarayaan, xilli ay billooyin kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku bahoobay Madasha mucaaridka iyo madaxda Jubaland oo keli ah ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in wejiga koowaad ee shirka ka qeyb-galayaan.

Shirweynahan ayaa waxaa la sheegay inuu qayb ka ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo beesha caalamka ay si gaar ah isha ugu hayso go’aannada shirkan, xilli dowladda federaalka ay sii waddo qorsheheeda doorasho toos ah.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Jubaland oo ka hadashay arrinta madaxweyne Farmaajo iyo xiriir kala dhexeeya…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa haatan Kismaayo ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka mucaaradka ee la filayo in Khamiista uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo ay ka qayb-galayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Jubbaland ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka Kismaayo, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan madaxda mucaaradka ee isugu tegaya halkaasi, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday doorka Farmaajo ee shirka Kismaayo.

“Hakani waa garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ee Jubbaland waxaan halkan u wada joognaa soo dhaweynta wafuuda qiimaha badan ee Soomaaliyeed madaxdii qaranka oo innoo imaanaya, iyadoo aad ogtihiin shirka halkan ka furmi doono”. ayuu yiri Xidig.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wixii war ah oo shirkaas ku saaban iyo xaalkiisa odayaasha ayaan deyneynaa, laakiin annaga doorkeenna waxaa waayay soo dhaweyn”.

Intaas kadib xildhibaanka oo saaxib dhow la ah Axmed Madoobe ayaa sheegay in Farmaajo uu la dhacsan yahay shirka, isla markaana uu raali ka yahay waxa ka socda magaalo xeebeedka Kismaayo oo ay ka dhacayaan wada-hadallada.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in xiriir wanaagsan oo toos ah uu ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Axmed Madoobe, isla markaana aanu wax dhibaato ka jirin dhexdooda, sida uu hadaka u dhigay.

“Farmaajo aniga saddex maalin kahor ayaan la kulmay waxa halkan ka socda iyo shirka raalli ayuu ka yahay inuu hadda kasoo qayb-galo wax cudur ah oo hadda ka jiraa ma jiro, laakiin waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Mudane Farmaajo waxay leeyihiin xiriir toos ah” ayuu mar kale yiri Xidig.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Is Assad returning to his old profession in Moscow exile?

Moscow, Somalia — A year after rebels toppled his regime and Russian allies spirited him to Moscow, Bashar al-Assad has reportedly returned to the classroom—studying Russian and revisiting the ophthalmology training that once defined his pre-politics life, a Guardian report said.

Assad, a London-trained eye doctor who inherited power from his father in 2000, fled Damascus in the early hours of Dec. 8, 2024, as insurgents closed in.

He was not originally groomed to rule. His path shifted after the death of his older brother, Basil, and he trained and worked as an ophthalmologist before politics consumed him.

After Russian forces evacuated him via the Hmeimim air base, the former strongman of the Middle East’s last Ba’athist regime is now reportedly “brushing up” on ophthalmology again.

It appears less a career comeback than a return to an abandoned identity, insulated by exile and money but constrained by strict Kremlin rules.

Gilded exile

According to The Guardian, Assad and his family have settled into a quiet, heavily managed life split between Moscow and the UAE, leaning on a narrow circle of contacts while avoiding the spotlight.

Two sources cited by the paper placed the family in Rublyovka, the gated belt of mansions west of Moscow associated with the Russian elite.

The address puts them among other political exiles who washed up in Russia after losing power, such as Ukraine’s Viktor Yanukovych.

Despite the luxury, isolation defines their new reality. Russian authorities have reportedly blocked Assad from political activity and even media appearances.

Russia’s ambassador to Iraq recently confirmed that the Kremlin “does not allow” the toppled leader to engage in politics. The ambassador said Assad “has no right to engage in any media or political activity,” in an interview published by Rudaw.

Assad’s current silence contrasts sharply with the chaotic final hours of his rule. Insurgent forces led by Hayat Tahrir al-Sham swept through Syria in a rapid offensive that ended more than five decades of Assad-family rule.

The Guardian noted that Assad left without warning many allies and even relatives, fueling bitterness among former regime figures who believe he abandoned them to save himself.

His return to medical study holds a sharp symbolic edge in Syria. His rise once projected a “moderniser” narrative—a doctor-president with a Western education—before the state’s security machine crushed protests and plunged the country into war.

Russia’s role was decisive well before Assad’s fall. Moscow launched air strikes in 2015 in its largest Middle East intervention in decades, shoring up Assad at a moment when his forces were under heavy pressure.

A legacy of ruin

The Syrian uprising began in March 2011 after security forces arrested teenagers in Daraa for anti-government graffiti.

Authorities responded with lethal force, and what started as street protests metastasised into a multi-front conflict involving regional powers, transnational jihadists, and rival militias.

The crackdown also triggered a sanctions spiral. The European Union imposed restrictive measures in May 2011, citing violent repression, and Washington followed with sanctions authorities targeting Assad and senior officials.

Over the next 13 years, outside monitors produced competing death tolls, reflecting the war’s scale and the difficulty of counting.

The UN human rights office, using named, documented cases, estimated the conflict killed at least 306,887 civilians between March 2011 and March 2021, though it cautioned the figure was an undercount.

War monitors that track combatant and civilian deaths put overall fatalities higher. The Syrian Observatory for Human Rights reported totals exceeding 600,000 since 2011.

Chemical weapons allegations became one of the war’s most internationally fraught fault lines.

The UN Security Council endorsed the dismantling of Syria’s chemical weapons programme in 2013, and an OPCW fact-finding mission later confirmed exposure to sarin in Khan Shaykhun in April 2017, according to an OPCW statement and report.

Syria after Assad

While Assad studies in Moscow, Syria’s new authorities struggle to consolidate a fragmented country.

Transition leaders declared Ahmed al-Sharaa—the de facto leader who spearheaded the offensive—president for a transitional period in late January 2025. The announcement suspended the constitution and promised a temporary legislative council.

Sharaa’s ascent has also redrawn Syria’s international file. The United States revoked the foreign terrorist designation for Hay’at Tahrir al-Sham in mid-2025, in a major policy shift after Assad’s overthrow.

But the post-Assad landscape remains volatile. In March, major clashes and revenge killings on the coast left more than 1,000 people dead in two days, according to war monitors—a reminder that old loyalties and sectarian fear still run close to the surface.

Reports detailed sectarian massacres on the coast in March 2025, describing killings, looting, and arson across multiple sites during several days of violence.

Humanitarian pressure has not lifted with regime change. A 2025 humanitarian overview produced under the UN’s coordination system estimated that more than 16.5 million people still need aid.

At the same time, a new pattern has emerged: returns. UNHCR tracking recorded more than 1.2 million Syrians returning from abroad and about 1.9 million displaced people returning to homes inside Syria over the first year of the transition.

The agency framed this as a rare “window” to stabilize the country, provided authorities can restore basic services.

The economic reality facing the new government is stark. In October, the World Bank estimated Syria’s post-conflict reconstruction bill at about $216 billion, based on damage and recovery needs assessed from 2011 to 2024.

Assad’s reported drift back toward ophthalmology—studying rather than practicing—underlines a central tension of the post-war moment: the architect of a brutal era lives comfortably abroad while Syrians face a long, uncertain rebuild.

Sawirro: Qaraxyo loo soo waday magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo culus oo ay maanta ka hortageen ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la doonayay in lasoo galiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo qaaday howlgal guuleystay ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo nooca miinada ah oo Al-Shabaab ay usoo wadeen caasimada, si ay weeraro uga gaystaan.

Koonfur Galbeed oo ka hadashay howlgalkan ayaa sheegtay in qaraxyada lagu qabtay deegaanka Lambar Konton, isla markaana jab loo gaystay Al-Shabaab.

“Ciidamada Amniga Koonfur-galbeed iyo maamulka deegaanka Nambar 50 ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan miinooyin ay Khawaarijtu u waday caasimadda dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howlgalkaas waxaa lagu jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga hortagay khatar weyn oo ay shacabka u geysan lahaayeen”.

Sidoo kale waxa ay Koonfur Galbeed u mahadceliyay ciidamada sameeyay howlgalka ee ka hortagay in qaraxyadaas la geeyo magaalada Muqdisho, si dadka loogu dhibaateeyo.

“Dowlada Koonfur Galbeed ayaa mahadcelin iyo bogaadin u dirtay geesiyaasha ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka iyo dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Shabeellaha Hoose oo badanaa ay weeraro kasoo abaabusho Khawaarijta ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo xoreyn ah, waxaana gobolkan ay dowladda u dirtay ciidan dheeraad ah, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

Sacuudiga oo u xaqiijiyay Aadan Madoobe arrin ay u sameynayaan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad, kaas oo u xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa labada mas’uul waxa ay diiradda ku saaareen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga siyaasadda iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad ayaa boggaadiyay dadaallada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

Si kastaba, Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo muhiim ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda Gargaarka iyo Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sucuudiga (KSrelief) ay dhagax-dhigtay mashruuc ballaaran oo 200 oo guri loogu dhisayo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay deegaannada dowlad-goboleedka Jubbaland.

Mashruucan ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay in hoy loo sameeyo qoysaska guryahoodii ku waayey masiibadii fatahaadaha. Qorshaha mashruuca kuma koobna oo kaliya dhismaha guryaha, balse waxaa barbar socda hirgelinta xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo weliba dhismaha kaabayaasha nolosha asaasiga u ah sida biyaha iyo waddooyinka.

 

Saciid Deni iyo Khayre oo ka dagay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga hortagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah.

Deni oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb-galaya shirka Kismaayo ee furmi doono maalinta Khamiista ah ee soo socota, kaas oo ay sidoo kale tegi doonaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale inta uu joogo Kismaayo shirar gaar gaar ah la geli doono madaxda Jubbaland iyo xubnaha mucaaradka ee isugu tegaya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa isna goordhow Kismaayo gaaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka baxay Muqdisho, kana qaybgalayo shirka ay marti gelineyso Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Sida qorshuhu yahay Golaha Mustaqbalka ayaa shirkan kaga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynaha Kismaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Si kastaba, Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.