25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Trump oo 7 dal ku kordhiyey liiska dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii saxiixay wareegto cusub oo uu ku ballaarinayo liiska dalalka ay muwaadiniintoodu wajahaan mamnuucista dhanka safarka ah ee Mareykanka. Go’aankan ayaa liiska mamnuucista ku daray toddoba dal oo horleh, oo ay ka mid tahay Suuriya, kuwaas oo gebi ahaanba laga joojiyay inay soo galaan gudaha Mareykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in ujeedka wareegtadan uu yahay “xoojinta iyo adkeynta xaddidaadaha saaran dadka ka imaanaya dalalka leh daldaloolo muuqda oo dhanka amniga ah, isla markaana ku guuldareystay inay la yimaadaan hannaanka baarista iyo wadaagista xogta ee lagama maarmaanka u ah badqabka amniga qaranka Mareykanka.”

Tallaabadan cusub ayaa si toos ah u saameyneysa muwaadiniinta u dhashay dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, Koonfur Suudaan, Suuriya, iyo shaqsiyaadka haysta dokumeentiyada safarka ee Maamulka Falastiin.  

Sidoo kale, amarkan wuxuu mamnuucis buuxda kusoo rogay dalalka Laos iyo Sierra Leone, kuwaas oo horey u saarnaa xaddidaad qayb ah balse hadda wixii ka dambeeya wajahaya xayiraad dhammaystiran. Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in amarkan uu dhaqangeli doono laga billaabo 1-da bisha Janaayo.

Xiriirka Suuriya iyo isbeddelka Trump

Go’aankan ayaa imaanaya xilli uu jiro is-khilaaf siyaasadeed oo muuqda. Trump ayaa horey ugu celceliyay inuu garab istaagi doono Madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharca—hoggaamiyihii hore ee fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar Al-Asad—balse hadda u muuqda inuu wajahayo cadaadis kaga imaanaya Washington.

Sharca, oo horey Mareykanku ugu calaamadeeyay argagixiso, ayaa sannadkan soo bandhigay isbeddel weyn, isagoo isku dayaya inuu dunida tuso inuu yahay hoggaamiye dhex-dhexaad ah oo doonaya inuu mideeyo dalkiisa dagaalladu aafeeyeen.

Hase yeeshee, qoraal uu Trump Sabtidii soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku goodiyay “aargoosi culus” kaddib markii weerar ka dhacay Suuriya lagu dilay laba askari oo Mareykan ah iyo tarjumaan rayid ah.

Weerarkaas, oo lala beegsaday kolonyo ciidan, waxaa sheegtay kooxda Daacish. Aqalka Cad ayaa cuskaday in Suuriya ay weli tahay dal kasoo kabanaya dagaal sokeeye, ayna ka maqan tahay hay’ad dhexe oo awood u leh bixinta baasaboorro la isku hallayn karo iyo hannaanka baarista dadka dhoofaya.

Nigeria iyo xaddidaadaha kale

Dhinaca kale, Trump wuxuu xaddidaad dhanka socdaalka ah kusoo rogay 15 dal oo kale, oo ay ku jirto Nigeria. Dalkan ayaa si gaar ah isha ugu haya maamulka Trump, kaddib markii madaxweynuhu uu horraantii bishii Nofembar ku hanjabay tallaabo milatari oo ka dhan ah Nigeria, isagoo daliishanaya in la dhibaateeyo dadka Masiixiyiinta ah.

Dowladda Nigeria ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaamtay kuwo aan ka turjumeynin xaqiiqada dhabta ah ee amniga dalkaasi.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay adkeynta socdaalka iyo xuduudaha, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, isla markaana xoojiyay diidmada magangalyo-doonka ee xuduudda Mexico.

Ballaarinta liiskan ayaa loo arkaa tallaabo sii hurineysa tallaabooyinka socdaalka ee maamulka Trump, gaar ahaan kaddib toogashadii bishii hore ka dhacday Washington D.C. ee lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard).

Baarayaasha ayaa sheegay in toogashadaas uu fuliyay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka ku galay barnaamijka dib-u-dejinta sannadkii 2021—barnaamijkaas oo maamulka Trump ay ku tilmaameen mid aan lahayn baaris ku filan.

Maalmo kaddib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “kumeel-gaar ah u hakiyo” socdaalka ka imaanaya dhammaan “Dalalka Dunia Saddexaad” (Third World Countries), inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin dalalkaas ama uusan qeixin waxa uu ula jeedo erey-bixintaas.

DF iyo Qaramada Midoobay oo maanta kala saxiixday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday hagaha hirgelinta qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

Hagahan waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, dhinaca Qaramada Midoobay ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.

Saxiixan ayaa wuxuu ka tarjumayaa dib-u-habayn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo badqabka carruurta.

Qorshe howleedkan wuxuu ku dhisan yahay horumarkii la gaaray sannadihii u dambeeyay wuxuuna muujinayaa go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in laga hortago xad-gudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, isla markaana si dhow loola shaqeeyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo ilaalinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha guddiga isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubaysan (CAAC), ee Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyo hirgelinta ballanqaadyada la xiriira ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay hirgelinta hagaha qorsha howleedka 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta Carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan, wada-shaqaynta hay’adaha, iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah carruurta inta lagu jiro howlgallada amniga.

Koonfur Galbeed oo digniin soo saartay kadib xaalad…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta digniin culus kasoo saaray xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, maadaama ay saameysay abaar xoogan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta MusiibooyinkaKoonfur Galbeed ayaa goodhow shaacisay inay ka digeyso khatar bani’aadanimo oo ku soo wajahan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg-deg ah.

Sida ay ku sheegtay qiimeyn ay sameysay Wasaaraddu waxayn muujineysaa in 621,000 qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka 134,970 carruur ah oo ka yar 5 sano ay wajahayaan nafaqo-darro aad u daran.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay roobkii deyrta oo yaraaday aawgii ay saameyn ku yeesheen ilo-biyoodka iyo wax-soo-saarka beeraha, taasoo sii xoojisay duruufaha nololeed ee bulshada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha samafalka inay bixiyaan jawaab degdeg ah si looga hortago halista sii kordheysa.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Koonfur Galbeed ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu garab istaagi karo dadka danta yar, maadaama barakacayaasha ugu badan ay ku nool duleedka magaalada Baydhaba

“Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ballanqaadaysaa inay sameyneyso dhammaan wixii suurtagal ah si bulshadeedu u hesho gargaar ku filan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka.

Soomaliya ayaa waxaa haatan meelo kala duwan oo gobollada dalka ah laga soo warinayaa abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada.

Dagaalka kooxaha ay kala taageerayaan Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya oo…

Cadan (Caasimada Online) — Kaddib toddobaadyo ay kacsanayd xiisadda ka aloosan gobollada bari ee dalka Yemen, taas oo ay hurinayeen dhaqdhaqaaqyada Golaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ee ku aaddan la wareegista gobollada Xadramuut iyo Al-Mahra, waxaa hadda soo baxaya calaamado muujinaya in ciidamada Sucuudigu taageero ay billaabeen inay banneeyaan fariisimahoodii caadiga ahaa, iyagoo u wareegaya goobo kale. 

Ciidamada Difaaca Qaranka (NSF), oo ah garab milatari oo taabacsan dowladda, ayaa ka guuray saldhigyadoodii ay ku lahaayeen gobollada koonfureed ee Cadan, Laxij, Abyan iyo Al-Daalic, iyagoo u wareegay dhulka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya deegaannada Al-Wadica iyo Al-Cabr ee bariga dalkaas.

Tallaabadan ayaa ciidamadan dhigeysa jiidda galbeed ee Xadramuut, gobolkaas oo ay weli ku dheggen yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfurta—garabka hubeysan ee STC-da ay Imaaraadku taageeraan—kuwaas oo diiday inay banneeyaan inkastoo uu cadaadis kaga imaanayo Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC) ee beesha caalamku aqoonsan tahay.

Farriin cod ah oo lagu baahiyay WhatsApp-ka, oo uu duubay Taliyaha NSF Bashiir Seyf, ayuu ugu hambalyeeyay ciidamada hawlgalkan dib-u-habeynta ah. Arrinta xusidda mudan, kana turjumaysa khilaafka jira, ayaa ah in farriintaas aan gabi ahaanba lagu soo hadal-qaadin Madaxweynaha Golaha PLC, Raashaad Al-Calimi, iyadoo taliyuhu uu mahadcelin u jeediyay kaliya Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga.

Wararka hoose ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in kaddib kulan dhex maray wakiillada STC iyo saraakiisha milatariga Sacuudiga, labada dhinac ay gaareen is-afgarad dhigaya in gacan ku haynta Xadramuut lagu wareejiyo Ciidamada “Hadrami Elite Forces” ee xulafada la ah STC, iyadoo kooxda gooni-u-goosadkuna ay ballanqaadday inay la baxayso maleeshiyaadkeeda kale.

Sida ku cad heshiiskan dadban, STC ayaa sii haysan doonta awoodda buuxda ee Cadan iyo Jasiiradda Sokodra, halka u-wareegista ciidamada NSF ee aagga Xadramuut iyo Al-Mahra ee u dhow xuduudda Sacuudiga loo arko tallaabo qayb ka ah qorshahan cusub.

Loolanka Sucuudiga iyo Imaaraadka

Todobaadkii hore, STC waxay ku tilmaameen la wareegistooda Xadramuut mid lagama maarmaan ah oo looga hortagayo musuqmaasuqa, tahriibinta, iyo kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Qaacidda. Kooxdu waxay sheegtay inay hiigsaneyso soo celinta kala-dambeynta gobol ay ku tilmaameen mid muddo dheer la dayacay.

Si kastaba ha ahaatee, hadafka siyaasadeed ee rasmiga ah ee STC waa in dalka la kala gooyo, laguna noqdo xuduudihii jiray ka hor midnimadii 1990-kii, si dib loogu dhiso Jamhuuriyaddii Koonfurta Yemen. Kooxdan waxaa dhaqaale iyo cududba ku taageera Imaaraadka Carabta, iyadoo hoggaamiyayaashooda siyaasadda iyo kuwa milatariguba ay xiriir toos ah la leeyihiin Abu Dhabi.

Is-ballaarinta STC ee gobollada bari ayaa dhalisay iska-hor-imaad hubeysan oo dhex maray iyaga iyo qabaa’ilka reer Xadramuut oo diiddan sharciyaddooda—gaar ahaan muranka ka taagan gacan ku haynta Shirkadda Petrolmasila oo maamusha ceelasha shidaalka ee ugu weyn gobolka. Arrintan ayaa abuurtay loolan qabow balse muuqda oo u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi, maadaama Sucuudigu uu taariikh ahaan garab istaag u muujin jiray qabaa’ilka Xadramuut iyo dowladda sharciga ah ee Al-Calimi.

Xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa banaanka u soo saartay kala-fogaansho dhanka siyaasadda ah, iyadoo warbaahinta ugu waaweyn Sacuudiga iyo dadka faaqida siyaasadda ay si aan looga baran u weerareen siyaasadda Imaaraadka—tani waxay muujineysaa kala-aragti duwanaansho la mid ah midda labada dal ka dhex taagan colaadda Suudaan.

Kaddib dhaqdhaqaaqa milatari ee STC, Sucuudiga ayaa si kumeel-gaar ah u xiray hawada Yemen, tallaabadaas oo dadka indho-indheeya ay ku sheegeen mid lagu fududeynayay bixitaanka ciidamada Sacuudiga ee ku sugnaa goobaha ay STC maamusho. Goobaha ay banneeyeen waxaa kamid ah Madaxtooyada Cadan, saldhigga milatari ee garoonka diyaaradaha Cadan, iyo Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Mayuun oo ku taal marinka Baabul Mandab.

Dhanka kale, STC-da Cadan ayaa billowday inay dhidibbada u aastao maamul u gaar ah iyo hay’ado diimeed oo barbar-socda kuwa dowladda, iyagoo dhawaan dhisay Hay’adda Fatwada Koonfurta. Tani waxay calaamad u tahay in kooxdu ay dooneyso inay saameynteeda ku fidiso sharciyadda diinta, marka laga soo tago awoodda amniga iyo maamulka.

NISA oo howlgal culus ku dishay xubno Al-Shabaab ah, kuna burburisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal dhanka cirka ah oo Talaadadii Al-Shabaab lagula beegsaday deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay la kaashatay saaxibada caalamiga ah, isla markaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo isku uruursanayay aagga deegaanka Tardo.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in weerarka lagu khaarijiyay ugu yaraan illaa 9 xubnood oo isugu jiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugnaa goobta la duqeeyay.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaacisay in xubnaha la dilay ay dhagar u diyaarinayeen shacabka, balse laga hortegay, iyada oo sidoo kale la burburiyay bara koontarool oo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

“Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta” ayaa lasii raaciyay.

NISA ayaa intaasi kusii dartay in ay ka go’an tahay sii wadista howlgallada lagu cuuryaaminayo Khawaarijta, si loo ooga hortago weerarada ay soo qaado.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgallada la doonayo in lagu naafeeyo kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Jubaland oo heegan gelisay ciidankeeda kadibna gaysay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirweynaha mucaaradka ee dhawaan ka dhacaya gudaha magaaladaasi.

Jubbaland ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, waxayna gaysay gudaha iyo daafaha Kismaayo, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamada ayaa bilaabay baaritaanno dheeraad ah, waxaana lasoo warinayaa in duleedka magaalada lagu xayiray gaadiid ku socday gudaha Kismaayo, sababo la xiriira amniga, maadaama haatan madax badan ay joogaan halkaas.

Sidoo kale, waxaa maanta la filayaa in Kismaayo ay tagaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo toos ugu xirtay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo ka qayb-galaya shirka Kismaayo oo furmaya maalinta Khaamiista ah ee soo socota.

Shirweynahan ayaa la sheegay in uusan ka mid ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo beesha caalamkuna si gaar ah isha ugu hayso go’aannada kasoo baxa shirkan, xilli ay Dowladda Federaalka sii waddo qorshaheeda doorasho toos ah.

Sida qorshuhu yahay mucaaradka ayaa shirkan kaga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

CC Shakuur iyo guddoomiye Cabdullahi Axmed oo ay ka dhex-tafatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Howlwadaag, Cabdulaahi Axmed Siyaad oo ka shaqeynayay hawlaha doorashooyinka.

Warsame oo baahiyay sawirka guddoomiyaha oo xiran dharka tuutaha ee Booliska ayaa u tilmaamay inuu yahay kabtan u ololeynayo doorashada qof iyo codka ah ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kabtan ololaynaya waa Astaamaha lagu garto doorashada “qof iyo qoriga ah” ee Mudane Madaxweyne birmade, diktoor Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay guddoomiye ku xigeenka amniga Howlwadaag oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id, wuxuuna beeniyay inuu yahay sarkaal Boolis ah, isla markaana lagu been abuurtay, isaga oo gudanayo mid kamid waajibaadkiisa shaqo ee qaranka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in fasax la’aan la deegsaday sawirkiisa, isla markaana siyaasad laga raadiyay shaqsiyadiisa.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka been sheegay xilkeyga waxaan ahay gudoomiye ku xigeenka amniga degmada Howl-wadaag isaga oo aan fasax iga qaadan ayuu sawirkeyga isticmaalay” ayuu yiri Cabdulaahi Axmed gudoomiye ku xigeenka amniga Howlwadaag.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in qofka uu isku kalsoonaado, uuna yimaado fagaaraha, si uu uga qaybgalo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhaceysa.

“Waxaan leeyahay siyaasiyiinta raba inay meel daloosha ka raadiyaan hamigooda idin suuragal noqon mayso personal attack, tan kale doorasho qof iyo cod ah waxaa aqbalaayo oo qaabilaayo qof isku kalsoon” ayuu mar kale yiri Cabdulaahi Axmed Siyaad.

Fahad Yaasiin oo weerar culus ku qaaday Xasan – Muxuu ka sheegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan dibad-joog ah ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad ayaa soo saaray farriin uu uga hadlay damaca Xasan ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, isaga oo is barbar dhigay xilligii uu ahaa mucaaradka iyo hadda.

Sidoo kale wxuu hoosta ka xariiqay in doorashada la qaban qaabinayo ay tahay qof iyo qori, uuna qabsanayo hal xasbi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guddiga doorashada uu yahay guddi hal dhinac u raran, isla markaana uu ka shaqeynayo danaha Madaxweynaha oo kaliya.

“Waxaan kaligay qabsanayaa doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh.  La idiin oojin maayo ee ogaada!” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

 Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

𝙆𝘼: 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙚𝙮𝙣𝙚 𝙓𝙖𝙨𝙖𝙣 𝙎𝙝𝙚𝙚𝙠𝙝

𝙆𝙐: 𝙈𝙪𝙘𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙆𝙞𝙨𝙢𝙖𝙖𝙮𝙤 𝙠𝙪 𝙨𝙝𝙞𝙧𝙖𝙮𝙖

𝙐𝙅𝙀𝙀𝘿𝘿𝙊: 𝙇𝙊𝙊 𝙅𝙊𝙊𝙅𝙄𝙉 𝙈𝘼𝘼𝙔𝙊

  1. Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Farmaajo ka hor istaago qabashada doorasho qof iyo cod ah, waliba aan xabbad ku joojiyo, Mirinaayo usoo fariisto ilaa aan Farmaajo ku qasbay inuu talada Doorashada iska wareejiyo. Sidaas waxaan yeelay anigoo mucaarad ah.
  2. Waxaan ku guulaystay in aan Madaxweyne Saciid Dani ka fashiliyo doorasho qof iyo cod ah, waliba waxaan ku handaday in Putnland ay 24 cisho gudahood ku dumisayso haduusan jojinin.

Dani, wuxuu ku qasbanaaday inuu qabto doorasho dadban. Sidaas waxaan hirgaliyey anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah. Loo joojin maayo.

Waxaan kaligay qabsanayaa  doorasho magaceeda la dhaho qof iyo qori. Waa doorasho hal magaalo ah, hal xisbi ah, guddi hal dhinac ah. Qalabka anigaa leh, Natiijadana anigaa sii aqaan. Kartidaas dalka oo dhan kaligay baa leh.  La idiin oojin maayo ee ogaada!

Wabillaahi Towfiiq

Dil caawa ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo caawa ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ah ku dilay degmadaasi.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Oodweyne, waxaana loo gaystay marxuum lagu mgacaabi jiray marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa isla markiiba gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilka gaystay oo lagu mgacaabo Axmed Cadaawe Cali, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile waaxda Odwayne, ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale, Booliska ayaa intaas ku daray in dambiilaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dayniile ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal iyo dhac ay gaysanayaan askar iyo burcad inta badan lagu arko xaafadaha degmadaasi, waxaana dhawaan koox isku xiran oo laga soo qabtay degmadan la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada oo xukunno adag ku ridday

 

Sadex maamul-goboleed oo diiday inay ka qayb-galaan…

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug oo soo saaray go’aan culus oo isku mid ah ayaa si cad u diiday ka qayb-galka tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada dalka oo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu shaaciyay inuu bilaaban doono 24-ka January 2026-ka.

Diidmada ka timid saddexdan maamul goboleed ayaa waxa ay sabab uga dhigeen maamul-xumo, isla xisaabtan la’aan iyo taageero la’aan oo ay ku eedeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah waxaa loogu caddeeyay in xulkooda aanu ka qeyb-gali doonin tartanka ciyaareed ee la shaaciyey in loo qabanayo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, sababo la xiriira qodobbadan hoos ku xusan:

In aan weli laga wada hadlin, lana xallin tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii loo geystay ciyaartooyda Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana aan wax garawshiyo ah laga bixin.

In waqtiga la shaaciyey ee tartanka uusan ku habboonayn, islamarkaana loo baahan yahay tashi guud iyo wada-xaajood buuxa oo ku saabsan arrimahan.

Sidoo kale, Jubbaland oo go’aankan oo kale qaadatay ayaa sheegtay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uusan siin wax taageero farsamo ah, sida tababaro, qalab sports iyo horumarinta ciyaartoyda, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan).

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sidoo kale xusay in ka qeyb-galka tartanka aan lagu dhisin cadaalad iyo wada-shaqeyn dhab ah, sida uu ku dooday.

Dhanka kale, Xiriirka Kubadda Cagta ee Galmudug ayaa isaguna ku eedeeyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii shaqo, isla markaana uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku maamulo tartanka heer qaran ah.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday guri ay degan yihiin dad Shiinees ah

0

Mandera (Caasimada Online) — Laamaha amniga ee magaalada Mandera ayaa fashiliyay isku-day weerar oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayeen inay xoog ku galaan xarun ay deggan yihiin qandaraasley u dhashay dalka Shiinaha, kaas oo qiyaastii hal kiiloomitir u jira Saldhigga Booliska ee Ceelwaaq.

Dhacdadan oo dhacday abaare 1:00-kii habeennimo, ayaa dhalisay is-rasaaseyn culus oo dhex martay dableyda weerarka soo qaadday iyo ciidankii booliska ee ilaalada ka ahaa gurigaas. Maleeshiyaadka, oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan—mid fudud iyo mid culusba—ayaa burburiyay albaabka weyn ee laga galo xarunta iyo darbiga difaaca ee ku wareegsan.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dableyda lagu soo daad-gureeyay afar kamid ah gawaarida loo yaqaan Probox-ka, kuwaas oo magaalada Ceelwaaq kasoo galay dhanka deegaanka Buraache, iyagoo soo maray waddooyinka qardo-jeexa ah ee xuduudda.

“Waxay fariisimo ka sameysteen dhanka kasoo horjeeda albaabka weyn ee guriga Shiinuhu deggan yahay, balse askartii ilaalada ahayd ayaa si geesinimo leh u difaacay goobta, iyagoo ku guuleystay inay iska caabiyaan weerarkaas,” ayay raaciyeen saraakiisha amnigu.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha (BPU) ee saldhiggoodu yahay Ceelwaaq ayaa gurmad degdeg ah u fidiyay kooxda la weeraray, iyadoo hawlgal wadajir ah lagu badbaadiyay dhammaan 10-kii qof ee guriga ku sugnaa.

Weerarka ayaa sababay khasaare hantiyeed oo baahsan. Maleeshiyaadku waxay waxyeello u geysteen gaari boolis iyo shan gaari oo nooca raaxada ah, makiinad dhulka qodda, iyo booyad biyo, kuwaas oo dhammaantood ay lahaayeen muwaadiniinta Shiinaha ee mashruuca ka wada aaggaas. Waxaa sidoo kale burbur xooggan soo gaaray albaabka weyn iyo ooda difaaca ee dhismaha hortiisa ku xirnaa.

“Xaaladda hadda gacanta ayaa lagu hayaa, jawiguna waa mid deggan,” ayay boolisku xaqiijiyeen. Kiiska waxaa la wareegay Ciidanka La-dagaalanka Argagixisada (ATPU), iyadoo dhacdada laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Ceelwaaq.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli laamaha amnigu ay sii kordhiyeen hawlgallada dhanka xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, si looga hortago isku-dayada ay Al-Shabaab ku doonayaan inay gudaha dalka u soo dhex-dhuuntaan.

Warbixin dhawaan kasoo baxday xarunta u qaabilsan Urur-goboleedka IGAD ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata (ICEPCVE), ayaa iftiimisay in dalka Kenya uu wajahay khatar aad u sarreysa oo kaga imaanaysa colaadaha xuduudaha intii u dhaxeysay bilihii Luulyo iyo Sebteembar. Warbixinta ayaa ka digtay in caqabaddani ay u gudbi karto rubuca ugu dambeeya ee sannadkan.

Sirdoonka IGAD ayaa xusay in inkastoo tirada guud ee weerarada ay yaraadeen, haddana waxaa sii socday weerarada qorsheysan iyo kuwa xuduudaha isaga gudba, taasoo muujineysa la-qabsiga iyo adkeysiga shabakadaha xagjirka ah ee gobolka.

Colaadda ayaa isu baddashay mid ku dhisan xeelado dhuumaaleysi iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagula dagaalamayo argagixisada.

“Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), maalgelinta dhanka lacagaha dhijitaalka ah, iyo hubka xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa calaamad u ah horumar cusub oo dhanka teknoolajiyadda ah. Bishii Agoosto waxaa la diiwaangeliyay koror dhanka weerarada ah, taasoo ahayd jawaab celin ay maleeshiyaadku kaga falcelinayeen hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwanta ah, iyo duqeymaha caalamiga ah,” ayay tiri xarunta IGAD.

Intii lagu guda jiray waqtiga daraasadda la sameeyay, waxaa la diiwaangeliyay weeraro kooban oo isugu jira kuwa xuduudaha iyo qaraxyada miinooyinka (IEDs) oo ka dhacay waqooyi-bari iyo xeebaha Kenya, gaar ahaan marinka isku xira Mandera, Gaarisa iyo Laamu.

Madaxweyne Xasan oo qaabilay wafdiga ay soo dirtay Sweden + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socda dowladda Sweden ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa ayaa wada-hadallo gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, wasiirka maaliyada iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Labada dhinac ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah.

Waxaa kale oo Soomaaliya iyo Sweden ay falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn miro dhal ah oo dhex-marta labada dowladood, si loo ballaariyo iskaashiga Stockholm iyo Muqdisho.

Ujeedka booqashada uu Muqdisho ku joogo Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal iyo in lasii amba qaado heshiisyadii hore ee labada dowladood.

Sweden ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira Soomaaliya iyo qorshe kale oo la xiriira tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi.

Si kastaba, Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo kusii qul-qulaya Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kusii qul-qulaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, iyadoo maanta ay halkaasi gaareen siyaasiyiinta u badnaa ee mucaaradka.

Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in uu maalinta Khamiista ka furmo magaalada Kismaayo, kaas oo lagu dhamaystirayo dhismaha golahaasi.

Shirweynahan ayaa sidoo kale mucaaradku kaga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku bahoobay Madasha Mucaaradka, iyo madaxda Jubbaland oo keliya ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in ay ka qeyb-galayaan wejiga koowaad ee shirka.

Shirweynahan ayaa la sheegay in uusan ka mid ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo beesha caalamkuna si gaar ah isha ugu hayso go’aannada kasoo baxa shirkan, xilli ay Dowladda Federaalka sii waddo qorshaheeda doorasho toos ah.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

Sidoo kale, goluhu wuxuu si adag u diiday wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo dalka ka dhacda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyo wax-ka-beddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Goluhu wuxuu markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay u istaagaan badbaadinta dalka, ayna adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka, taas oo ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland iyo Somaliland oo ay ka dhex tafatay kadib markii maamulka Deni uu…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah mas’uuliyiintii Somaliland ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ahaa 9 qof oo ciidamada ammaanka Puntland ay kasoo xireen magaalada Badhan, kuwaas oo ku eedeysan inay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo Somaliland.

Dadka la xiray waxaa kamid ah Taliyihii Booliska Somaliland ee magaalada Badhan, sawir-qaade iyo dad kale oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen qaban-qaabada xaflada taageerada loogu muujinayay Somaliland.

Somaliland ayaa maalin ka hor degmooyinka Badhan iyo Laasqoray u magacowday maayirro cusub, balse waxa la xaqiijiyey in aysan ka mid ahayn dadka ay Puntland xidh-xidhay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shaqsiyaadkan ay ku jiraan mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa uu maamulka Puntland maanta u dhaadhiciyay xabsiga Boosaaso.

Waa markii u horreysey ee muddooyinkan danbe oo maamulka Puntland qaadayso tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa maamulka Somaliland uu ka wado gobolka Sanaag.

Tan ayaa dib usoo nooleyn karta murankii mudada dheer ka taagnaa habmaamulka magaalooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, ee u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo dhanba dhanka kale ugu muujinayo awoodda uu halkaaas ku leeyahay.

Dhawaan ayey aheyd markii Puntland iyo Somaliland ay heshiis taariikhi ah ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Labada maamul ayaa markaas ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa markaas si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa xoojiyay cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Malaayiintii dollar ee Turkiga uu siin jiray Soomaaliya oo gaabis uu ku yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dib u dhac ku yimid kabkii lacageed ee miisaaniyadda dowladda Turkiga ku bixin jirtay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in sanadkan aysan soo gaarin dowladda kabkii lacageed ee Turkiga.

Waxa uu sheegay in sanad walba ay Dowladda Federaalka joogto uga heli jirtay Soomaaliya, balse sanadkaan gaba-gabada maraya aysan weli bixin lacagihii kabka ahaa ee ay caadiyan ku taageeri jireen miisaaniyadda dowladda.

“Kabka sanadkan ee ay bixin jirtay dowladda Turkiga, oo gaarayay 30 milyan oo doollar, ayaa gaabis ku yimid. Sannadihii hore si joogto ah ayay u bixin jireen,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka heshay dhaqaalihii kabka miisaaniyadda inta badan xubnaha beesha caalamka, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya.

Waxaa durba la isweydiinaya sababta Turkiga oo ka mid ah dowladaha ugu dhow Soomaaliya, uusan weli sannadkan soo bixin kabkii uu ku taageeri jiray miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadkan ay ka badan tahay hal bilyan oo doollar, taas oo hortaalla baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.

Tan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso dhaqaale yari baahsan oo saameyn weyn ku leh dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xaaladdan dhaqaale ayaa ka dhalatay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin khilaafaadyada siyaasadeed, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo caqabadaha gudaha.

Dowladda Soomaaliya waxay waddaa dadaallo ay ku doonayso dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo ka faa’iideysanaysa fursadaha dhaqaalaha badda iyo beeraha, inkastoo caqabaduhu ay weli jiraan.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay duqeyn ka dhacday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo is-daba joog ah iyo howlgallo culus oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, laguna beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo si gaar ay uga dhacday deegaanka Kabsuuma iyo tuulooyin dhaca waqooyiga Kismaayo ayaa lagu laayay xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weeraradan lagu dilay ku dhawaad 60 xubnood iyo horjoogayaashii la socday.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku darin in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedka uu yahay in maleeshiyaada Khawaarijta laga xoreeyo dhammaan deegaannadaas.

Dhinaca kale, war kooban oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ay 14-kii bishan diyaaradahooda ka fuliyeen meel qiyaastii 30 KM waqooyi ka xigta Kismaayo, laguna beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM ma shaacin tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ee lagu dilay duqeynta, marka laga tego in au ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa horraantii sanadkan joojiyay baahinta xogaha khasaaraha iyo qiimeynta waxyeellada gaartay dadka rayidka ah.

“Faah-faahin ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono, si loo ilaaliyo ammaanka howlgallada socda” ayay AFRICOM ku tiri qoraalka ay soo saartay.

Gobollada Jubbooyinka oo ay si aad ah ugu xoogan tahay argagixisada ayaa waxaa badanaa ka dhaca howlgallo culus oo lagu beegsado saldhigyada kooxda ee gobolladaas.

Dekedda Muqdisho oo lagu qabtay konteenar lagu soo qariyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mar kale dekedda weyn ee Muqdisho ku soo bandhigay kunteenarro ay ka buuxeen waxyaabo maanka dooriya oo si qarsoodi ah loogu soo gelin rabay suuqyada caasimadda.

Maandooriyahan lagu qabtay dekedda Muqdisho ayaa ah nooc mudooyinkii u dambeeyay si isa soo taraysa ugu faafayay isticmaalka dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ah kaniiniyo halis ku ah nolosha dadka isticmaala.

Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in hay’adaha amniga dekedda ay gacanta ku dhigeen hal kunteenar oo maandooriye si xeeladeysan loogu soo qariyay.

Jeneraal Bariise ayaa sheegay in tani ay tahay markii afaraad oo la soo bandhigo maandooriye laga soo dejiyay dekedda.

Waxa uu farriin u diray ganacsatada ku howlan keenista waxyaabahaas, kuna boorriyay inay ka waantoobaan falalkaas isla markaana dalka u keenaan wax bulshada anfaca.

Sidoo kale, taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyin sharci oo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay keenista kunteenarkan maandooriyaha ah, kuwaas oo halis ku ahaa bulshada iyo amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar kala duwan ugu soo bandhigay Dekada magaalada Muqdisho kunteenaro sida waxyaabaha maanka dooriya.

Tan ayaa noqonaysa markii afaraad oo sanadkan gudihiisa ciidamada amaanka ay ku qabtaan gudaha dekedda weyn ee Muqdisho kunteenar lagu soo qariyay maan dooriyaal halis ku ah nolosha qofkii isticmaala.

Bashar al-Assad oo dib ugu laabanaya shaqadiisa hore

0

Moscow (Caasimada Online) — Sannad kaddib markii jabhaduhu afgambiyeen taliskiisii, xulafadiisa Ruushkuna ay si qarsoodi ah ku geeyeen magaalada Moscow, Bashar al-Assad ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay fasalka waxbarashada—isagoo baranaya luuqadda Ruushka, isla markaana dib u soo nooleynaya aqoontiisii dhakhtarnimada indhaha oo ahayd xirfaddii lagu yiqiin ka hor inta uusan siyaasadda soo gelin, sida uu daabacay wargeyska The Guardian.

Assad, oo ah dhakhtar indho oo ku soo takhasusay magaalada London, awooddana ka dhaxlay aabbihii sannadkii 2000, ayaa magaalada Dimishiq isaga cararay saacadaha hore ee 8-dii December 2024, xilli ay kooxaha mucaaradku ku soo dhawaayeen caasimadda. Kaddib markii ciidamada Ruushku ay kala bexeen saldhigga cirka ee Hmeimim, ninkii birta adkaa ee Bariga Dhexe maamuli jiray ayaa hadda u muuqda mid dib u fekeraya, kuna laabanaya xirfaddiisi hore.

Arrintan uma muuqato dib-u-soo-kabasho siyaasadeed, balse waa dib-u-laabasho uu ninkani ku raadinayo aqoonsigii uu ka tagay, isagoo ku jira nolol ay hareereeyeen dhaqaale iyo masaafuris, balse ay xaddidayaan shuruudo adag oo kaga yimid aqalka Kremlin-ka.  

Sida uu qoray The Guardian, Assad iyo qoyskiisu waxay hadda ku nool yihiin nolol xasilloon balse si aad ah loo maamulo, oo u qaybsan Moscow iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, iyagoo ku tiirsan koox yar oo xiriir dhow la leh, kana fogaanaya indhaha warbaahinta iyo dadweynaha. 

Labo ilo-wareed oo wargeysku soo xigtay ayaa xaqiijiyay in qoysku deggen yahay xaafadda Rublyovka, oo ah deegaan u gaar ah maalqabeennada iyo madaxda sare ee Ruushka, kuwasoo guryo waaweyn ku leh galbeedka Moscow—waana goob horay u martigelisay hoggaamiyeyaal kale oo xukunka laga tuuray, sida Viktor Yanukovych-kii Ukraine.

Inkastoo ay haystaan nolol raaxo leh, haddana go’doon ayaa astaan u ah xaaladdooda cusub. Dowladda Ruushka ayaa la sheegay inay Assad ka mamnuucday wax kasta oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah iyo xitaa inuu warbaahinta soo hor istaago. Safiirka Ruushka u fadhiya Ciraaq ayaa dhawaan sheegay in Kremlin-ku aanu oggolayn in hoggaamiyaha la riday uu ku lug yeesho siyaasadda.

Aamusnaanta Assad ayaa si weyn uga duwan jawigii fowdada ahaa ee saacadihii ugu dambeeyay xukunkiisa. Ciidamada kacdoonka waday oo ay hoggaamineysay kooxda Hayat Tahrir al-Sham ayaa si xowli ah ku jiiray Suuriya, taasoo soo afjartay in ka badan nus-qarni oo qoyska Assad ay dalkaas xukumayeen.

Assad ayaa baxsaday isagoon wax digniin ah siin xulafadiisa iyo xitaa qaraabadiisa dhow, taasoo abuurtay ciil iyo uur-ku-taallo ay qabaan xubnihii hore ee taliskiisa, kuwaas oo aaminsan inuu iyaga uga cararay si uu naftiisa u badbaadiyo. 

Dib-u-noqoshada uu Assad u noqday daraasaadka caafimaadku waxay xambaarsan tahay farriin siyaasadeed oo qoto dheer oo laga dareemayo gudaha Suuriya.

Sawirkii hore ee Assad loogu arkayay “casriyeeye” reer galbeedka wax ku soo bartay, ayaa isku beddelay madaxweyne dagaal-ooge ah oo gacan bir ah wax ku xukuma kaddib kacdoonkii 2011 ka billowday magaalada Daraa, halkaas oo dhallinyaro lagu xirxiray qoraallo ay darbiyada ku xardheen oo ka dhan ahaa dowladda.

Xiisaddaas ayaa ugu dambeyn isku beddeshay dagaal sokeeye oo wajiyo badan, kaasoo soo jiitay quwado gobolka ah iyo jihaadiyiin caalami ah, islamarkaana socda 14 sano.

Inkastoo hay’adaha la socodka colaaduhu ay warinayaan in tirada guud ee dhimashadu ay dhaaftay 600,000 oo qof, haddana Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa diiwaangeliyay ugu yaraan 306,887 qof oo rayid ah oo naftooda ku waayey intii u dhaxeysay bishii Maarso 2011 illaa Maarso 2021.

QM ayaa si adag uga digtay in tiradan rasmiga ah ay tahay mid aad uga yar xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha nafeed ee jira.

Marxaladda kala-guurka ee Suuriya kaddib bixitaankii Assad ayaa weli ah mid cakiran oo aan cago adag ku taagnayn.

Hoggaanka cusub ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo 2025 u magacaabay Axmed Al-Sharaa inuu noqdo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyagoo dhanka kalena hakiyay ku-dhaqanka dastuurka dalkaas.

Hase yeeshee, xaaladda ayaa ku sigatay in ay faraha ka baxday bishii Maarso, kaddib markii falal aargoosi ah oo ka dhacay gobollada xeebta ay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof muddo labo maalmood gudahood ah, sida ay xaqiijiyeen kormeerayaasha dagaalka.

Warbixin guud oo ay Qaramada Midoobay ka soo saartay xaaladda bani’aadannimo ayaa lagu qiyaasay in in ka badan 16.5 milyan oo Suuriyaan ah ay weli u baahan yihiin gargaar degdeg ah, inkastoo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) ay diiwaangelisay koror ku yimid dadka dalkooda dib ugu laabanaya.

Dhanka kale, Bangiga Adduunka ayaa qiyaasaya in dib-u-dhiska dalka burburay uu u baahan yahay dhaqaale gaaraya illaa $216 bilyan.

Mucaaradka oo shaaciyey in ay dowlad kale ka garab dhisayaan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in ay dowlad kale ka garab dhisaan Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu ku sii adkeysto hanaanka doorasho ee aan heshiiska lagu aheyn.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mucaaradka ayaa sheegaya in shirweynaha Kismaayo ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad cusub, balse marka hore ay fursad siinayaan Madaxweynaha Soomaaliya, si uu dib isku daba qabto.

“Wejiga labaad waaye haddii Madaxweynaha xilka haya ee afarta bil u dhiman tahay uu sii wado ruwaayada, laakiin wejiga koowaad waa in Golaha Mustaqbalka iyo umadda Soomaaliyeed shir loo qabto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Wejiga koowaad waxaa isku arkaya Golaha Mustaqbalka, kan xigana umadda Soomaaliyeed, xisbiyada iyo musharaxiinta qeybta ka aheyn golaha ayaa iskugu imanaya si go’aan u gaaraan.”

Jeesoow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haddii muddo xileedka Madaxweynaha uu dhamaado Golaha ay gaari doonaan go’aanno masiiri ah oo lagu badbaadinayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar bilood iyo gobolka Banaadir aan gole deegaan ka dhisaa ma soconeyso. Meel ay tegi karto ma jirto, in been been xisbiga JSP kusoo saartaan halkee ayey tagi karaan? JSP uu sheegayo waa Xasan 1, Xasan 2 iyo Xasan 3 waaye,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.

Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Saciid DENI oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidan…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay inuu ka shaqaynayo sidii meesha looga saari lahaa dhammaan ciidan-beeleedyada ka sugan Puntland, loona dhisi lahaa ciidan dowladeed oo awood leh, isla markaana aan ka amar qaadan madaxweyne ama shaqsi kale oo bulshada danahiisa uga dhex adeegsada.

Madaxweyne Deni, oo ka hadlay dedaallada dhismaha ciidanka Puntland, ayaa digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay wadaan hab-qabiil iyo kicin bulsho, isagoo xusay in xukuumaddiisu doonayso dhismaha ciidan dowladeed oo dhammaan dadka u dhexeeya, isla markaana aan lahayn beel gaar ah.

“Waxaan rabaa inaan nidaamka dowliga ah ku kala baxno oo aan hoos u dhigno kicinta dadweynaha, qabyaaladda iyo si xun wax u raadiska. Waxaan rajaynayaa inaynu yeelanno ciidan u dhexeeya qabaa’ilka iyo xisbiyada. Ciidan dowladeed ayaan rabnaa inaan dhisno; ciidan reereed ma aha, ciidan kooxeedna ma aha,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in marka uu xilka ka dego uu doonayo inaanay Puntland ka jirin ciidan beeleed, kuwo isaga daacad u ah, ama ciidamo aan ku shaqayn hannaan dowladeedka Puntland.

“Ma maqli doontaan markaan xilka ka tago ciidan la yiraahdo ‘madaxweynihii weli daacad u yihiin’ oo halkaa jooga. Taas maalinna kama shaqayn, diyaarna uma ahi. Waxaan rabnaa inaan ka tago ciidan Puntland ah oo awood leh. Waxaan rabnaa inaan u gudubno wax naga wada dhexeeya,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi.

Saciid Deni ayaa dhanka kale u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo uu sheegay in Puntland ku taageertay horumarinta Booliiska, dhismaha xarunta Taliska Guud ee Booliiska iyo dhismeyaasha Talisyada qeybaha Booliiska ee Gobollada Puntland, kuwaasi oo dhammaantood loo dhisay hab casri ah loona qalabeeyay si heer sarre ah.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland, dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay diyaarinta Booliis casri ah oo adduunka la jaanqaadaya, waxaana hadda si ku meel gaar ah u hawlgalay 500 Booliis cusub ah kuwaasi oo qalabkoodu u dhameystiranyahay iyadoo tiro intaasi leegna uu hadda tababar uga socdo kulliyada tababarada Booliiska ee degmada Carmo.