25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Maxay tahay sababta Eritrea ay uga baxday IGAD?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Bishii December sanadkii 2006, ciidamada Itoobiya ayaa u dhaqaaqay Muqdisho si ay u taageeraan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho xiligaas waxaa ka talinayay maxaakiimta Islaamiga. Sagaal bilood kaddib, Eritrea waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD.

Qoraal ay Eritrea soo saartay xiligaas ayey ku eedeysay IGAD in ay si aamusan u taageereen wax ay ugu yeertay “dullaan” ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya. Eritrea oo taas ka jawaabeysa waxay ururka ka maqneyd muddo 16 sano ah.

Ku dhawaad 20 sano kaddib, Eritrea waxay gaartay go’aan la mid ah kii hore. Bayaan ay dawladda Eritrea soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in ay uga baxday xubinnimada IGAD sababo la xiriira in ururka “ku guuldarreystay in uu guto waajibaadkiisa sharciga ahaa”.

Inkasta oo Eritrea aanay si toos ah ugu xusin Itoobiya bayaankeeda, haddana Dr. Qalaab Tadesse, oo ah cilmi-baare ku takhasusay nabadda iyo amniga isla markaana daraasad ku sameeyay IGAD, ayaa sheegay in xiisadda ka dhex taagan Addis Ababa iyo Asmara ay u badan tahay in ay tahay sababta ugu weyn ee go’aankan.

Xarunta IGAD waxay ku taal Jabuuti, waxaana loo dhisay in wax looga qabto abaaraha soo noqnoqday iyo musiibooyinka dabiiciga ee gobolka. Qaabka hadda IGAD ay u dhisan tahay waxaa la qaatay 1996-dii kaddib markii kulan guud laysugu yimid magaalada Addis Ababa.

Meelaha ay IGAD diiradda saarto waxaa ka mid ah arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo is-dhexgalka wadamada gobolka.

Dalalkii aasaasay IGAD markii hore waxay ahaayeen Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda. Eritrea waxay ku biirtay ururka sannadkii 1993-dii, kaddib markii ay noqotay dal madax-bannaan. Koonfurta Suudaan oo 15 sano ka hor dal noqotay ayaa ku biirtay ururka, waxayna xubnaha ururka sidaas ku noqdeen sideed dal.

Sababta ugu weyn ee Eritrea markii hore uga baxday IGAD waxay la xiriirtay faragelintii ay Itoobiya ku samaysay Soomaaliya.

Maxkamadihii Islaamka ayaa magaalada Muqdisho dullaan kula wareegay. Arrintaas ayaa keentay in dowladdii kumeel gaarka aheyd Soomaaliya aysan imaan karin caasimada iyadoo ku wareeganeysay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Sida cad ay maxaakiimtu u sheegeen in ay dagaal ku qaadayaan Itoobiya ayaa soo dedejisay in xukuumadii raysalwasaare Meles Zenawi ay ciidamo u dirto Soomaaliya si loo soo celiyo awoodda dowladda.

Faragelintaasi waxay dhalisay diidmo ka timid Soomaali badan, welina natiijadeedu waxay noqotay dagaal iyo dhimasho.

Si kastaba ha ahaatee, shan bilood kaddib markii ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya, dawladdii kumeel-gaarka ahayd waxay ku guulaysatay in ay dib ugu soo laabato Muqdisho.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dawladda Eritrea in ay siiso taageero hub iyo talo ah ciidamada maxaakiimta Islaamiga ee la dagaallamayay Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la sheegay in Eritrea ay taageertay Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan oo xiriir la lahaa Al-Qaacida, kaddib burburkii Maxkamadaha Islaamiga ah.

Eritrea way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aanay wax hub ah u dirin Soomaaliya. Waxay ku tilmaantay eedeymahaasi been cad iyo dacaayad laga sameeyay.

Eritrea ma ahayn oo keliya mid diiday gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale ka baxday ururka IGAD, iyadoo ku eedeysay ururka in uu taageeray tallaabada Itoobiya.

Bayaan ay soo saartay Eritrea ayay ku sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay qayb ka noqoto waxa ay ku tilmaantay gardarro iyo dulmi lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladda waxay is beddeshay kaddib markii raysalwasaare Abiy Ahmed uu talada la wareegay, taas oo keentay in xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu soo hagaago. Wixii markaa ka dambeeyay , Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ka qaaday Eritrea cunaqabatayntii muddada dheer saarnayd dalka.

Eritrea waxay makale dib ugu soo laabatay ururka IGAD kaddib 16 sano oo ay ka maqneyd, waxayna ka qaybgashay shir caadi ah oo ka dhacay Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, go’aankaasi ma sii waarin, waxayna Eritrea mar kale ay ku dhawaaqday in ay ka baxday ururka.

Eritrea waxay IGAD ku eedeysay in ay muddo dheer u adeegeysay dano gaar ah oo ka dhan ah dalal xubno ah ururka, gaar ahaan Eritrea, isla markaana aysan wax faa’iido ah u lahayn xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray markii la gaaray heshiiskii Pretoria ee dagaalka gobolka Tigray lagu soo afjarayay. Xaalada waxay ka sii dartay markii raysalwasaare Abiy uu ka hadlay in dalkiisa doonayo badda Cas.

Dr. Qaalab waxa uu rumeysan yahay in go’aanka Eritrea ay ururka kaga baday uu ka turjumayo xiisadan.

Isha: BBC

Ciidanka tarxiilka ee ICE oo beegsaday wiilka Ilhaan Cumar

0

Minneapolis (Caasimada Online— Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kana tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka socdaalka iyo kastamka Mareykanka (ICE) ay Sabtidii joojiyeen wiilkeeda, iyagoo weydiiyay caddeymo muujinaya dhalashadiisa Mareykanka.

“Shalay, kaddib markii uu ka soo baxay dukaanka Target, waxaa jidka u galay ciidanka ICE. Markii uu u soo bandhigay baasaboorkiisa oo caddeynaya inuu muwaadin yahay, way iska sii daayeen,” ayay tiri Ilhaan oo wareysi siinaysay barnaamijka Sunday Morning ee telefishinka WCCO. 

WCCO ayaa la xiriirtay hay’adda ICE si ay wax uga weydiiso dhacdadan, balse weli kama aysan jawaabin.

Xildhibaanadda ayaa xustay in wiilkeeda uu “mar walba jeebka ku sito” baasaboorkiisa si uu uga gaashaanto xaaladaha noocan ah. Ilhaan ayaa intaas ku dartay in ciidanka ICE ay dhawaan galeen masaajid ay wiilkeedu iyo dad kale ku tukanayeen, balse ay dib uga bexeen iyadoon wax dhib ahi dhicin.

“Waxaan ku qasbanaaday inaan xasuusiyo sida aan u walwalsanahay,” ayay tiri Ilhaan, “waayo goobaha ay hawlgallada ka wadaan waa meelo ay macquul tahay inuu isagu tago, waxayna ku kacayaan beegsi ku saleysan isir (racial profiling), iyagoo si gaar ah u raadinaya dhallinyaro rag ah oo u muuqaal eg Soomaali oo ay u haystaan inay dalka sharci-darro ku joogaan.”

Horraantii bishan, ciidamo federaal ah ayaa hawlgalo culus oo kedis ah ka billaabay magaalooyinka mataanaha ah (Twin Cities) ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota, iyagoo sheegay in ujeedkoodu yahay beegsiga soo-galootiga Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga.

Beegsigan gaarka ah ee lagu hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Trump uu sheegay in aanu u “rabin dadkan dalkiisa,” isagoo Ilhaan qudheeda ku tilmaamay “qashin.”

Maalintii Jimcaha, Ilhaan ayaa warqad kulul u dirtay Xoghaya Amniga Gudaha Kristi Noem iyo Todd Lyons oo ah sii-hayaha agaasimaha ICE, iyadoo ku eedeysay ciidamada federaalka inay ku kacayaan “takoor isir oo qaawan” iyo “awood sheegasho aan loo baahnayn oo heerkeedu sarreeyo” oo ka dhacaysa Twin Cities.

“Way ii caddahay in weerarkan cusub uu yahay jawaab toos ah oo ka dhalatay hadallada cunsuriyadda ah ee Trump uu ka sheegay dadka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan aniga,” ayay Ilhan ku qortay warqadda ay u dirtay laamaha amniga.

Xogta rasmiga ah ee Waaxda Tirakoobka Mareykanka (Census Bureau) ayaa muujineysa in Minnesota ay tahay gobolka ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka—ku dhawaad 107,000, iyadoo in ka badan 80,000 oo kamid ah ay deggen yihiin magaalooyinka mataanaha ah.

Ilhaan ayaa ku doodeysa in “in ka badan 90% Soomaalida Mareykanka ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada,” iyadoo soo xiganeysa sahanka Bulshada Mareykanka oo qiyaasaya in qiyaastii 22,000 oo Soomaali ah oo dalka ku sugan—oo u dhiganta 8.4%—aysan haysan dhalashada.

Ilhaan Cumar ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxayna Mareykanka soo gashay iyadoo ilmo yar ah, iyadoo dhalashada qaadatay sannadkii 2000.

Daawo: Shir xasaasi ah oo caawa mucaaradka uga furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa caawa shir xasaasi ah uga furmay hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen dhamaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga arrinsanayaa hanaanka doorasho ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iskugu jira ganacsato, haween, dadkii laga barakiciyay dhulalkii dowladda iyo dadweyne kale, kuwaas oo qeyb ka ah dadka ku qanacsan aragtida mucaaradka.

Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay mid mucaaradka uu ku aruurinayo aragtida dadweynaha, kuwaasi oo lagu dari doono shirweynaha Golaha Mustaqbalka oo dhawaan ka dhici magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka caawa ka furmay hoteel Jazeera ayaa waxa uu si cad u sheegay in aan waqtiga u dhiman dowladda Xasan Sheekh aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod.

“5 bil ayaa ka dhiman waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh. Dalka xilligaan kama jiro amni lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray: “Nasiib darro madaxda dowladda federaalka oo ay riixayaan dano gaar ah ayaa laalay dastuurkii iyaga lagu doortay ee jaangooyay muddo xileedkooda, welina dadka Soomaaliyeed heshiis kuma aha waqtiga, nuuca iyo hanaanka doorashada dalka.”

Shirweynaha Kismaayo oo muddo dheer ay qaban-qaabinayeen mucaaradka ayaa lagu wadaa inuu furmo toddobaadkan, haddii uusan isbeddel ku iman.

Ujeedada ugu wayn ee shirkan ayaa ah in la helo aragti dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin iyo hannaan doorasho oo hufan oo suurtagal ah, keeni karana wax ka wanaagsan wixii ka horeeyey ee ah in khilaafaadka lagu xalliyo.

Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana qorshuhu yahay in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.

Shirweynahan ayaa la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka , xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Goorta la bilaabayo qodista shidaalka Somaliland oo la shaaciyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay bandhigga carwada macdanaha Somaliland (Somaliland Minerals Expo 2025) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Cirro oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa shaaca ka qaaday in qodista shidaalka Somaliland la bilaabayo sannadka 2027-ka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tahay dal lagu aamini karo heer kasta oo ah maalgashi, iskaashi, shuraako, deyn iyo macaamil kasta oo Caalami ah.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u iftiimiyey in Somaliland ay u dhammaystiran yihiin dhammaan xeerarka, siyaasadaha, hab-raacyada iyo nidaamka maamul ee malgashadaha u fududayn lahaa in uu si fudud u bilaabo shaqadiisa.

“Xasiloonida ka jirta Somaliland, nidaamkeeda maamul ee dimuqraadiga ah, sugnaanshaha amniga gudaha iyo xuduudaha, nidaamka garsoor waxay dhammaanba waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah, kuwaasi oo maalgashatada caalamiga ah siinaya kalsooni buuxda,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale maalgashatada caalamka u caddeeyey maamulkiisa uu diyaar u yahay in si caddaalad iyo dano-wadaag ah looga wada faa’idaysto khayraadka dabiiciga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Sidoo kale, Wsiirka Macdanta ee Somaliland ayaa isaguna sheegay in hawsha shidaal qodistu hadda tahay mid miiska saaran oo la guda geli doono dhammaadka sannadka soo socda.

Ceelka ugu horreeya ayaa laga daloolinayaa deegaanka Xood ee degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer, waxana gacanta ku haysa shirkadda genel Energy. Ceelkan oo hore sahamintiisa iyo waddooyinkiisaba loo sameeyay ayaa la filayaa in la qodo sannadka 2027.

Si kastaba, carwada bandhigga macdanaha Somaliland oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland, waxa si heer caalami ah u soo diyaariyay wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland oo kaashanaysa shirkadaha iyo daneeyeyaasha khayraadka macdanaha, waxana ay socon doontaa muddo laba cisho ah.

Ujeeddada guud ee carwada macdanaha Somaliland waxa ay ahayd in maalgashatada caalamka iyo muwaadiniinta si aqoon iyo xirfad leh loogu soo bandhigo macdanaha iyo khayraadka kala duwan ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Xog: Xafiiska R/W Xamza oo fududeynaya tarxiilka Soomaalida ku nool dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Safaaradda Soomaaliya ee Sweden ayaa bilowday inay dadka Soomaalida ah ee laga soo tarxiilayo Sweden u sameyso waraaqaha Go Home-ka, si dib loogu soo celiyo dalka.

Sida ay sheegayaan xogo hoose oo soo baxaya, safaaraddu tallaabadan ayay qaaday kaddib amar uga yimid Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Warqadda Go Home-ka la’aanteed, qofka Soomaaliga ah dib looguma soo celin karo Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka ku jira xabsiga, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warbaahinta u sheegay in loo keenay warqad sawirkiisa ku dheggan yahay, loona sheegay in safaaraddu u sameysay, isla markaana loo celinayo Soomaaliya.

“Raalli kama ihi dib u celinta. Sweden awood uma laha inay iisoo celiso Soomaaliya, balse waxaa si aan sharci ahayn u fududeysay Safaaradda,” ayuu yiri shaqsigaan, oo sheegay in xabsiga dhexdiisa looga qaaday sawirka warqada Go Home-ka loogu soo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in qofka Soomaaliga ah, marka uu raalli ka yahay inuu dalkiisa ku laabto uu si iskiis ah uga dalban karo safaaradda, balse haatan si sharci-darro ah loogu jarayo Soomaalida sida qasabka loo celinayo.

Inkastoo uusan awood u lahayn safiirku sameynta waraaqaha tarxiilka, haddana waxaa soo baxaya in amarku uu ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo hore u baahisay warbaahinta Sweden heshiis hoose oo dhexmaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamza iyo dowladda Sweden, si ay u aqbalaan tarxiilka Soomaalida ku nool Sweden.

Dowladda Sweden ayaa siisay Soomaaliya shan milyan oo kronor (qiyaastii 450,000 oo doolarka Mareykanka ah), si ay Soomaaliya u aqbasho dad badan oo laga tarxiilayo Sweden, sida ay dhawaan baahisay warbaahinta Sweden.

Wargeyska Dagens Nyheter (DN) ee ka soo baxa Sweden ayaa kashifay in dowladda Sweden ay lacagtan siisay Soomaaliya, taas oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u adeegsatay inay ku maalgeliso saddex shaqo oo loo abuuray dad ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu beeniyay heshiiskan, kuna tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, haddana waxaa isa soo taraya xogaha la xiriira arrintan, oo si dhow ugu gacan leh Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo ku qotoma dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida horay loogu sheegay warbixinno warbaahineed oo si weyn u baahay.

AQALKA SARE oo maanta ansixiyay wax ka beddelka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kadib dood iyo akhrin rasmi ah oo ay ku sameeyeen Golaha.

Kulanka maanta oo ahaa kii 12-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Aqalka Sareataq waxaa shir-gudoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo kan 2-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu horrayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada ka hor-akhriyay Warbixinta wax-ka-beddelka Hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

Kaddibna waxaa la geliyay cod, ansaxinta wax ka badalka hindise sharciyeedkaas, iyadoo ay oggol u codeeyeen 29 Sanatar, labo Sanatar ayaa ka aamustay, ma jirin Sanatar diiday, sidaas ayuuna hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed uu goluhu ku meel-mariyay.

Dhinaca kale, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen (Cawke) ayaa Sanatarrada u faah-faahiyay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo qaabkii uu guddiga Garsoorka, Cadaaladda ee Aqalka Sare uu u qaabeeyay soo- eedinnadii lala wadaagay Guddiga.

Kaddibna waxaa la gudo galay ansaxinta hinde sharicyeedkaas, iyadoo ay oggol u codeeyeen 30 Sanatar, waxaa diiday hal senator, mana jirin cid ka aamustay, sidaas ayaana Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ku ansaxmy.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Macallin Maxamuud oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa Sanatarrada uga mahadceliyay ansixinta sharcigan muhiimka ah.

Sidoo kale wuxuu xusay in sharcigani kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta nidaamka caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan da’yarta.

Sweden says it will continue forced deportations to Somalia

0

Stockholm, Sweden — Sweden will continue forcibly deporting Somali nationals and aims to replicate the model with other countries, Migration Minister Johan Forssell said, despite a growing political row over Swedish funds tied to returns cooperation.

Swedish media, citing police figures, reported that Somali authorities accepted 25 people forcibly removed from Sweden by November, including 14 deported after criminal convictions. The figures show forced removals rising from six in 2023 to 29 last year.

Forssell stated Sweden has “no plans” to cancel the cooperation, arguing it delivers results. In remarks published by Sweden’s public broadcaster, Forssell’s comments addressed weeks of scrutiny over what Swedish outlets have termed the “Somalia money.”

For the Swedish government, the challenge is practical. Deportation orders require a country of origin to confirm nationality and accept returnees. Without such cooperation, removals stall, and legal decisions remain unenforced.

Stockholm notes it also supports return and reintegration capacity through international partners, including the UN migration agency. IOM describes its approach as “safe, dignified and rights-based” return and reintegration in its policy framework.

The Swedish debate, however, has shifted beyond the principle of deportation to the process: how Sweden structured the cooperation, exactly what was funded, and the documented safeguards.

Money row

The controversy centres on two funding streams that Swedish media and opposition politicians have grouped under the phrase “Somalia money.”

In late October, SVT reported that Sweden paid approximately five million kronor outside the aid budget to support deportations to Somalia, citing a Dagens Nyheter investigation.

SVT’s account of the government-funded support for deportations triggered calls for parliamentary scrutiny from opposition parties.

A larger component involves roughly 100 million kronor in development funds. According to Sweden’s parliament, this funding shifted toward arrangements closer to Somali state structures than previous setups.

In a written response to lawmakers in October, Minister for International Development Cooperation and Foreign Trade Benjamin Dousa stated that development cooperation can serve as foreign-policy leverage to improve migration partnerships, including returns.

He noted Sweden has not entered a formal agreement linking aid to readmissions, describing instead a “shared understanding” that Somalia should accept its citizens under international principles.

Forssell and other ministers have rejected allegations of wrongdoing, stating Sweden has tightened anti-corruption controls.

KU scrutiny

The dispute has moved from headlines to Sweden’s constitutional oversight committee.

In a complaint to the Committee on the Constitution (KU), Social Democrat Morgan Johansson alleged Sweden paid at least 105 million kronor during 2024–2025. This includes 100 million from the aid budget and five million routed via IOM from a Justice Ministry allocation for migration policy.

The complaint alleges that a Sida-UNDP arrangement earmarked 11.5 million kronor for Somalia’s prime minister’s office, and that the five million kronor routed via IOM went to the same office.

Forssell has denied claims, cited in Swedish reporting, that funds went to “ghost workers” or high-ranking officials. He stated Sweden received reporting on outputs and results, though details remain unreleased.

Somalia’s governance record complicates the issue.

Transparency International scored Somalia 9 out of 100 and ranked it 179th out of 180 in its 2024 Corruption Perceptions Index. While the ranking does not prove misuse in this specific programme, it contextualizes the demand for documentary clarity regarding financial transfers and deportations.

Somalia pressures

Members of the Somali community in Sweden told Somalia Today that Somalia’s prime minister’s office has facilitated deportations by instructing Somalia’s embassy in Stockholm to issue clearance documents for individuals identified for removal. Several described this reported role as a betrayal.

Somalia’s embassy in Stockholm and the prime minister’s office did not respond to requests for comment.

For Somalia, returns from Europe add to the pressure on migration systems already managing return flows from the Gulf and neighbouring countries, alongside internal displacement.

Somalia’s National Bureau of Statistics described return migration as a major policy area involving multiple institutions and international partners in its Migration Statistics Report 2024.

A tension exists between these frameworks. IOM’s “rights-based” language emphasizes humanitarian standards, while Sweden’s agenda prioritizes enforcement.

The intersection of these logics through funding invites scrutiny regarding the financial architecture behind the deportations.

For now, Forssell indicated Sweden seeks more arrangements similar to the Somalia cooperation, including by conditioning aid more tightly on returns. Parliament will now examine the evidence the government provides.

Ukrainian pilot held by Al-Shabaab in Somalia appeals to Kyiv, UN

0

Mogadish, Somalia — A Ukrainian helicopter pilot held by Al-Shabaab since early 2024 has resurfaced in newly released footage, urging Kyiv and the United Nations to open talks for his release and that of other captives from a UN-linked flight forced down in central Somalia.

The pilot, identifying himself as Captain Oleynik Aleksandr, appears in a video released Saturday by the armed group’s media wing. In the clip, he speaks directly to Ukrainian President Volodymyr Zelensky and UN Secretary-General António Guterres.

Somalia Today could not independently verify the video’s authenticity, or when and where it was filmed.

“I speak today with you not as a free man, but as a prisoner of war held captive by Al-Shabaab in Somalia,” Aleksandr says in English.

He places his captivity “a thousand miles away” from his homeland. The use of the term “prisoner of war” suggests Al-Shabaab is deliberately framing the civilian contractor as a combatant to raise the stakes for his release.

The new footage pulls a long-running, sensitive case back into view. It also highlights the extreme hazards facing air crews who support international operations across Somalia’s fractured conflict zones.

Hostage appeal

In the clip, Aleksandr frames his plea around responsibility. He argues that the institutions that sent the crew into Somalia’s frontline airspace must now help bring them home.

“I came here as a part of the mission of the United Nations to support the Somali government,” he says. “My crew and I performed medical evacuation flights.”

He addresses Zelensky directly: “Don’t forget about us, please use your influence to negotiate our release, let the world know that we exist, that we need help.”

Turning to the Ukrainian public, he urges pressure on the government.

“I urge you to raise your voices for us,” he says, adding that the crew remains captive and “fighting for our survival.”

Aleksandr also appeals to the United Nations, invoking the organisation’s symbolism and legal responsibilities.

“I also appeal to the United Nations, whose emblem and flag flew proudly on our mission,” he says. “We were sent here by the United Nations, yet now we find ourselves in dire need of protection and assistance ourselves.”

“The UN has a duty to secure the release of its contractors taken captive,” he adds, begging Guterres to “help return us safely”.

The UN has not publicly commented on the specific demands in the video. It previously confirmed an aviation incident involving a UN-contracted helicopter in Galmudug conducting an air medical evacuation.

Forced landing

Al-Shabaab fighters seized the helicopter on January 10, 2024, after it made an emergency landing near Hindhere. This rural area sits on the dangerous fault line between government control and insurgent territory in central Somalia.

According to Reuters, the aircraft encountered a defect shortly after taking off from Beledweyne, the capital of the Hiiraan region.

The flight was heading toward Wisil, a town in the Mudug region administered by Galmudug state. Wisil lies roughly 487 kilometres from Mogadishu.

The distance underscores how quickly UN-linked aviation moves between distant, loosely connected frontlines where government control often vanishes just kilometres outside town limits.

Early accounts of the landing differed. Somali officials told the Associated Press that the helicopter went down due to engine failure. Al Jazeera, citing a UN memo, reported that an object struck the main rotor blade before the crash landing.

Ukraine’s Foreign Ministry confirmed at the time that four Ukrainians were among those captured. They identified the men as crew members working under a contract linked to the UN flight.

The chaotic hours following the crash remain murky. The aircraft came down inside insurgent-held territory, limiting independent observation. AP reported that militants attacked the helicopter after it landed, killing one passenger and abducting the others.

In the video, Aleksandr says the emergency landing took place “on January 2004.” This appears to be a slip of the tongue due to stress or scripting errors, as the seizure is publicly documented as occurring in January 2024.

Flight lifeline

The incident underlines the critical—and dangerous—role aviation plays in keeping Somalia’s international support architecture running.

UNSOS is mandated to provide logistical support, including aviation, to the African Union mission (ATMIS) and UN entities.

In a country where long road journeys cross contested territory and often face the threat of improvised explosive devices (IEDs), medical evacuation hinges on rapid airlift.

That reliance is especially sharp in central regions. Towns sit far apart, and state authority often thins out beyond urban perimeters.

El Buur, a district capital in the Galgadud region, lies about 325 kilometres from Mogadishu in straight-line distance.

The crash highlights how quickly a mechanical failure can leave a crew stranded far from any realistic ground rescue corridor.

Al-Shabaab has repeatedly sought to exploit these vulnerabilities. The group uses high-profile hostages to project control and gain leverage.

Linked to al-Qaeda, the group has waged an insurgency against Somalia’s federal government for nearly two decades. It continues to mount attacks in the capital even as it holds rural strongholds in parts of south and central Somalia.

Somalia’s government said in January 2024 it was working to rescue the passengers. However, military officers warned at the time that accessing the specific area would be difficult due to heavy militant presence.

Xog: Villa Somalia oo leexisay malaayiin dollar oo loogu talo-galay 3 maamul goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya eedeymo la xiriira in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay leexsatay dhaqaale loogu talagalay kabista miisaaniyadda Dowlad Goboleedyada, si loogu daboolo baahiyaha maaliyadeed ee Dowladda Dhexe.

Ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu heshiis la gaaray madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, kaas oo dhigaya in qayb ka mid ah qoondada Bankiga Adduunka loo weeciyo dhanka dowladda dhexe.

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo la hadlay warbaahinta Somali Stream, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray codsi ahaa in maamul kastaa uu bixiyo lacag dhan hal milyan oo doollar. Gorgortanka ayaa markii hore hakad galay ka hor safarkii Madaxweynaha ee Madasha Dooxa (Doha Forum)—iyadoo madaxda maamulladu ay markaas miiska soo saareen $500,000 oo kaliya—balse markii dambe, heshiis buuxa ayaa la gaaray markii uu madaxweynaha soo laabtay, kaas oo lagu aqbalay bixinta halkii milyan ee la isku haystay.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed oo haysata saddexda hoggaamiye, kuwaas oo dhammaantood muddo-xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday.

Ilo-wareedyo ayaa ku eedeynaya in beddelka lacagtan, Madaxweynuhu uu bixiyay dammaanad afka ah oo ah inaan wax doorashooyin ah laga qaban doonin deegaannadooda hadda, taas oo la macno ah in muddo-xileedkooda loo kordhiyay ilaa horraanta sanadka soo socda.

Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu ka gaabsaday inuu bixiyo ballan-qaad qoran, isagoo dhanka kalena si hoose u diyaarsanaya musharraxiin kale oo taabacsan isbahaysiga Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada (JSP) haddii xaaladdu is-beddesho.

Hannaanka lacagaha loo wareejiyay ayaa la sheegay inuu maray nidaam gaar ah. Wasaaradda Maaliyadda ee Federaalka ayaa marka hore lacagta kaalmada Bankiga Adduunka oo dhammaystiran u marisay maamullada, iyadoo sii marinaysa Bankiga Dhexe. Intaas kadib, Wasaaradaha Maaliyadda ee saddexda maamul ayaa fuliyay heshiiska, iyagoo min hal milyan oo doollar dib u soo celiyay, kuna bixiyay laba dufcadood.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si hoose u qiray in duruufo dhaqaale ay sabab u yihiin go’aankan.

Iyadoo ay yaraatay kaalmadii miisaaniyadeed ee ka imaan jirtay Maraykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub, ayaa xukuumaddu waxay wajahday firaaq dhaqaale oo ku aaddan mashaariicda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Muqdisho.

Kadib markii la sheegay in la helay lacagtaas gaaraysa $3 milyan, Madaxweynaha ayaa booqday Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC) si uu u faro inay dardargeliyaan doorashooyinka qorsheysan, isagoo u xaqiijiyay in kharashaadkii dhimanaa la daboolay.

Waxaa xusid mudan in maamullada Puntland iyo Jubaland, oo ka madax-bannaan saamaynta tooska ah ee Villa Somalia, ay si buuxda u heleen qoondadoodii kaalmada Bankiga Adduunka.

Dadka fallanqeeya arrimaha ayaa ka digaya in eedeymahan, haddii ay dhab noqdaan, ay halis gelin karaan barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya. Weecinta dhaqaalaha loogu talagalay xasillinta gobollada ayaa wiiqi karta kalsoonida deeq-bixiyeyaasha, isla markaana dhaawici karta aaminaadda lagu qabo nidaamka federaalka.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo maanta maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, taas oo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan aagga lagu dagaalamay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobaha lagu dagaalamay oo weli ciidamada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku direen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaad weerarka soo qaaday, ayna dhaawaceen tiro kale oo intaas ka badan.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo iyaguna wa soo saaray waxay baraha bulshada ku sheegteen inay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa gudaha saldhigga, balse ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labad dhinac ee ku aadan daagalka.

Al-Shabaab ayaa marar badan soo weerartay deegaanka Burjeed, iyada oo marar badan lag jabiyay halkaasi, kadib markii looga layay xubno badan oo weerarka soo qaaday.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab oo xilligaas la laayay aya la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

Wiil iyo aabihii oo fuliyey weerarkii shalay lagu laayey Yahuudda dalka Australia

0

Sydney (Caasimada Online) — Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in laba nin oo is-dhalay – aabe iyo wiilkiisa – ay ka dambeeyeen weerarkii dhiigga badani ku daatay ee lagu qaaday munaasabad ay lahayd bulshada Yuhuudda oo ka dhacday Xeebta Bondi.  

Weerarkan oo galaaftay nolosha 15 qof ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee loo adeegsado hubka noocaas ah ee dalkaas ka dhaca muddo ku siman 30 sano, iyadoo guud ahaan dalkaasi uu galay xaalad tiiraanyo iyo baroordiiq qaran ah. 

Shir jaraa’id oo ay Isniintii qabteen saraakiisha booliska ayay ku sheegeen in aabaha, oo 50 jir ahaa, ay toogasho ku dileen ciidamadu isla goobta, halka wiilkiisa 24 jirka ah uu dhaawac ahaan ugu jiro xaalad halis ah.

Masuuliyiinta ayaa dhacdadan axaddii dhacday ku tilmaamay weerar argagixiso oo si gaar ah loogu beegsaday bulshadaas, kuna saleysan xagjirnimo iyo naceybka loo qabo Yuhuudda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarku qaatay qiyaastii 10 daqiiqo, xilli xeebta caanka ah ee Bondi ay la ciir-ciireysay dadweyne ku naaloonayay jawiga kulul ee fiidkii. Rasaasta ayaa sababtay kala carar iyo jahwareer xooggan, iyadoo boqolaal qof ay u firxadeen waddooyinka iyo jardiinooyinka u dhow.

Booliska ayaa qiyaasay in goobta lagu dhigayay munaasabadda Hanukkah ay ku sugnaayeen dad gaaraya 1,000 qof.

Xarumaha caafimaadka ayaa la tacaalaya dawaynta 40 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo ay ku jiraan laba askari oo xaaladdoodu deggan tahay balse culus. Da’da dhibbanayaasha ayaa u dhexaysa 10 jir ilaa 87 jir oo ah dad waayeel ah.

Laamaha amniga ayaa meesha ka saaray shaki horey u jiray oo ku aaddanaa inuu jiray dabley saddexaad, iyagoo ku kalsoon in weerarka ay fuliyeen labadaas qof oo qura. Baaritaannada ayaa weli socda, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga xaafadaha ay deggen yihiin bulshada Yuhuudda ah.

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese, oo booqday goobta masiibadu ka dhacday, ayaa dhacdadan ku sifeeyay “Bog madow oo u furmay qaranka.” Wuxuuna intaas ku daray in laamaha amnigu ay si qoto dheer u baarayaan ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya weerarka.

“Waxa aan shalay aragnay wuxuu ahaa shar saafi ah, fal ku dhisan naceyb, iyo argagixisanimo ka dhacday mid kamid ah goobaha ugu caansan Australia,” ayuu yiri Albanese oo la hadlayay warbaahinta.

Isagoo garab istaag u muujinaya bulshada Yuhuudda, wuxuu yiri: “Maanta Australia oo dhan ayaa idinku soo gurmaneysa, waana idin garab taagannahay. Wax kasta oo lagama maarmaan ah waan sameyn doonnaa si aan u dabar-goyno naceybka noocan ah; waa aafo bulsho, waana ciribtiri doonnaa.”

Albanese ayaa xusay in madax caalami ah oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay la soo xiriireen si ay u muujiyaan garab istaag.

Trump, oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad, ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagax leh oo salka ku haya naceybka Yuhuudda, isagoo u tacsiyeeyay dhibbanayaasha Bondi iyo weerar kale oo ka dhacay Jaamacadda Brown ee gobolka Rhode Island ee Mareykanka.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay geesinimo naadir ah oo uu sameeyay qof shacab ah oo la legdamay, hubkana ka dhigay mid kamid ah dableyda, tallaabadaas oo si weyn loo bogaadiyay, lana rumeysan yahay inay badbaadisay nolosha dad badan.

Qofkaas ayaa markii dambe lagu sheegay nin muslim ah oo lagu magacabo Ahmed.

Boqolaal askari ayaa Isniintii weli ku sugnaa degmada Bondi, iyadoo waddada weyn ee deegaankaas ay xirneyd maadaama goobta loo aqoonsaday goob dambi.

Rabbi Mendel Kastel, oo dumaashigii Eli Schlanger lagu dilay weerarka, ayaa sheegay in habeenku ahaa mid aad u xanuun badan. “Waa wax aad u sahlan in qofku caroodo oo cid eedeeyo, laakiin tani taas ma aha. Waa arrin ku saabsan midnimada bulshada,” ayuu yiri. “Waa waqti aan u baahannahay inaan is garab istaagno oo aanan is eedeysan. Waana ka gudbi doonnaa dhibaatadan.”

Haweeney goobjoog ahayd oo lagu magacaabo Danielle, taasoo u carartay inay badbaadiso gabadheeda oo ku sugnayd goob u dhow halka rasaastu ka dhacaysay, ayaa tiri: “Waxaan maqlay rasaas, waxaana u orday inaan soo kaxeeyo gabadheyda. Waxaan arkay meydad daadsan dhulka. Tan iyo 7-dii October, waxaan ku nooleyn cabsi joogto ah.”

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu cusleyd ee soo marta silsilad weeraro ah oo lala beegsaday macbadyada iyo hantida Yuhuudda Australia tan iyo billowgii dagaalka Gaza ee October 2023. Bulshada Yuhuudda ee Australia, oo tiradoodu gaareyso 150,000, ayaa intooda badan ku nool xaafadaha bari ee Sydney oo ay Bondi kamid tahay. 

Cosoble oo si cajiib ah ‘ugu caqli celiyay’ Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa si adag ugu jawabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, isaga oo si cajiib ah ugu Caqli celiyay.

Shariif oo dhawaan bixiyay wareysi dhaliyay falcelin xooggan, kaas oo uu uga hadlay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay amniga ka jira caasimada, taas oo dhalisay dood culus, maadaama haatan Muqdisho laga dareemayo xasilooni weyn oo dhinaca ammaanka ah.

“In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xur ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo” ayuu Shariif ku yiri wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Intaas kadib Cali Cosoble oo soo jawaabay ayaa sheegay in Shariif ay mucaaradnimadii la gashay in a siyaasadeeyo amiga, shacabkana lagu cabsi geliyo Al-Shabaab.

“Waxaa la yirahdaa nimey hal ka maqan tahay haan ayuu gacanta geliyaa. Sharifka mucaradnimadii ma wexey la gashay inuu Shabab ku cabsi geliyo shacabka ku nool caasimadda ee u diyaar garoobay iney doortaan wakiiladii ku matali lahaa maamullada degmooyinka iyo Gobolka Banadir.” ayuu yiri Madaweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale, wuxuu talo u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna yiri ” Waxaan gartay inaan ku siiyo talo odeynimo waxaana rajeynayaa iney idin anfacdo adiga iyo saaxiibadaa” ayuu yiri Cosoble, wuxuuna usoo jeediyay saddexda qodob ee hoose:-

  1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah inuu hey’adaha amniga la wadaago xogta uu ka hayo cadawga umadda; halka ay ku dhuumaaleysanayaan, inta ay gaareyso tiradooda iyo qaabka ay doonayaan iney u fuliyaan qorshayaashooda.

2.  La wadaagid la’aanta hey’adaha qaabilsan amniga xogta laga hayo cadawga waa dambi.

3. Warbaahinta iyo baraha bulshada oo lagu baahiyo khatar aan jirin si khalkhal loo geliyo shacabka ayadoo ujeedka uu yahay in laga hor istaago doorashooyinka qaranka waa dambi.

Sweden oo war cusub ka soo saartay tarxiilka Soomaalida iyo tiradii ugu dambeysay

0

Stockholm (Caasimada Online) — Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay sii wadi doonto tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalena qorsheyneyso inay heshiisyo noocan ah la gasho dalal kale.

Wasiirka Socdaalka Sweden, Johan Forssell, ayaa diiday baaqyo loo jeedinayay oo ku aaddanaa in la hakiyo iskaashigan, kaddib markii warbaahinta dalkaasi ay soo bandhigeen dhaqaale mugdi ku jiro oo la xiriira dadka la celinayo.

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Sweden, oo soo xiganaya xogta rasmiga ah ee Booliska, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay aqbashay in dalkeeda dib loogu celiyo 25 qof oo si qasab ah looga soo tarxiilay Sweden bishii November ee sannadkan.

Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.

Wasiir Forssell ayaa ku adkeystay in xukuumadda Sweden aysan wax qorshe ah u haynin joojinta iskaashigan, isagoo ku tilmaamay mid “miro-dhal ah” oo shaqeynaya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xisbiyada mucaaradka ay dalbanayaan in daah-furnaan buuxda laga sameeyo waxa ay dowladda Sweden dhaqaalahan ku bixisay iyo sida loola xisaabtamayo hannaanka socda.

Muranka ayaa salka ku haya waxa ay warbaahinta Sweden ugu yeertay “Lacagta Soomaaliya” (Somalia Money); taasoo ah isku-dhaf ka kooban deeqo gargaar oo loo weeciyay dhankan iyo lacago kale oo gaar ah oo ka baxsan miisaaniyadda gargaarka.

Idaacadda Dadweynaha Sweden (SR), oo soo xiganeysa baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens Nyheter, ayaa werisay in dowladda Sweden ay bixisay qiyaastii shan milyan oo karoon (SEK) si loogu taageero howlaha tarxiilka ee loo sameynayo Soomaaliya. 

Dowladda Sweden ayaa dhankeeda ku doodeysa in iskaashigani uu soo maro marino caalami ah oo xiriir la leh Qaramada Midoobay, sida Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ujeedkuna uu yahay in kor loo qaado awoodda hay’adaha ku shaqada leh dib-u-celinta.

Hay’adda IOM ayaa hannaankeeda ku qeexday mid ah “dib-u-celin iyo dib-u-dhexgalin ku dhisan sharaf, badqab, iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.”

Arrintan ayaa haatan u gudubtay heer dastuuri iyo isla-xisaabtan baarlamaani ah. Xisbiga Social Democrats-ka ayaa dacwad u gudbiyay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka (KU), iyagoo ka dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo lacagaha ay Sweden la xiriirisay Soomaaliya.

Xisbiga ayaa eedeyntiisa ku sheegay in dhaqaale xooggan, oo sii maraya hay’adaha UNDP/Sida iyo IOM, si toos ah loogu shubay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dacwaddan ayaa hadda hortaalla Guddiga Dastuurka.

Jawaab qoraal ah oo ay dowladda Sweden u dirtay xildhibaannada ayay ku sheegtay in istiraatiijiyadda horumarinta ee dalkaasi ay horeyba qayb uga ahayd taageeridda awoodda Soomaaliya ee maareynta socdaalka, oo ay ku jirto dib-u-celinta dadka, iyadoo ku dooday in hannaankeedu uu yahay mid cad oo daah-furan.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden oo la hadlay warbaahinta Somalia Today ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu fududeeyay tarxiilka, isagoo amray in Safaaradda Soomaaliya ee Stockholm ay bixiso waraaqaha aqoonsiga (Go home papers) ee dadka ay Sweden go’aansatay inay dalkeeda ka saarto.  

Ilo wareedyo kala duwan ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “Gabbood-fal iyo khiyaano” ku ah dadka Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee Stockholm iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha midna kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo ku aaddanaa inay arrintan ka hadlaan.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka dhex-maray Xasan Cali Khayre iyo Madaale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Khayre ayaa yimid, kadib markii uu Madaale booqasho ugu tegay, waxaana wehlinayay xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa booqasho sharafeed uu guddoomiye Yuusuf Madaale ugu tegay musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo haatan dhaq-dhaqaaq ka wada caasimada, maadaama lagu jiro xilli doorasho oo xasaasi ah.

Qoraal kooban oo uu soo saaray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Khayre ay iska xog wareysteen xaaladda guude dalka, xal u helidda arrimaha siyaasadda iyo  dhameystirka hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Waxaan Booqasho sharafeed iyo is-xog wareysi ugu tagay Raysul Wasaarihii Hore ee JFS, Mudane Xasan Cali kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa sida maamuuska leh uu iisoo dhaweeyay, waxaana ka wadahadalnay sidii deganaashaha dalkeena leysaga kaashan lahaa” ayuu qoraalkiisa yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadda kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dhawaan uu ka carooday markii musharraxa xisbiga ee gobolka laga dhigay guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), cabashadaas oo mar dambe si hoose xal looga gaaray.

Mar kasta oo lasoo gaaro xilliga kala guurka siyaasiyiinta ayaa sameeya kala gurasho, waxaaana sii xoogeysta dhaq-dhaqaaqa ay koox kasta ku dooneyso inay kula wareegto hoggaanka Villa Soomaaliya, waxayna kulamadaan iyo abaabulka ka socda Muqdisho ay qayb ka yihiin ololaha doorasho oo ay ururradu ku doonayaan in ay guul wayn ku gaaraan.

Sweden oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Sweden, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana hoggaaminaya Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa.

Inta lagu guda jiray soo dhaweynta oo ka dhacay qeybta qaabilaadda garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah, oo dhex-marta labada dhinac si loo sii ballaariyo iskaashiga Stockholm iyo Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo in lasii amba qaado heshiisyadii hore ee labada dowladood.

Wxaa kale oo la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo haatannay Dowladda Soomaaliya danaynayso in la maalgaliyo.

Sweden ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira Soomaaliya iyo qorshe kale oo la xiriira tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi.

Si kastaba, Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.

 

Xogta dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo maanta ka dhacay banaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay xerada ayaa iska difaacay duulaanka Al-Shabaab, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka la’isku laabtay laba mar, waxaana ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Jubbalnad ayaa sheegay in dagaalka ay ku jabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad qayb ka ahaa weerarka la fashiliyay.

Waxaa kale oo ay tilmaameen inay soo furteen hub iyo saanad milatari oo ay ka carareen xubnaha weerarka soo qaaday ee markii dambe lagu jabiyay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Shabaab ayaa ku xooggan Jubbooyinka oo ay ku leeyihiin saldhigyo waa wayn oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolladaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

FIQI oo si yaab leh u difaacay qorshaha doorasho ee madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Maalim Fiqi ayaa si weyn u difaacay hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ay tahay xalka Soomaaliya, isagoo si adag u dhaleeceeyay doorashooyinka dadban, oo uu ku tilmaamay in ay yihiin nooc “addoonsi”.

“Haddii addoonsi uu jiro qarnigan 21-aad, waxaa lagu arkaa cadaalad-darrada doorashooyinka dadban, Waxaad ku dhowdahay in aad naftaada u hoos dhigto ama aad noqoto addoon,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalkan ayaa muujinaya sida dowladda Xasan Sheekh ay weli ugu dhagan tahay doorasho qof iyo cod, xilli ay weli taagan tahay doodda la xiriirta habka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabay hadallada siyaasiyiin mucaarad ah oo ku doodaya in “Muqdisho aysan nabad ahayn”, isaga oo ku tilmaamay aragtidaas mid aan loo meel dayin.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadallada noocaas ah ay mucaaradka iskaga indha-tirayaan horumarka dhanka amniga ee laga gaaray caasimadda.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG oo dhawaan ka hadlay xaaladda guud ee Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la dhaho amni baa ka jira caasimada, taas oo dhalisay dood culus, maadaama haatan Muqdisho laga dareemayo xasilooni weyn oo dhinaca ammaanka ah.

“In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo,” ayuu Shariif ku yiri wareysi uu maalmo kahor siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin hanaanka doorashooyinka dalka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

Shabaab oo soo bandhigtay duuliye u dhashay Ukraine oo u gacan galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay muuqaal cusub oo uu kasoo muuqday Oleynik Aleksandr, oo u dhashay dalka Ukraine, ahaana kabtanka diyaarad helicopter ah oo u gacan gashay kooxda.

Diyaaradan oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa waxaa la sheegay in ay ku khasbanaatay inay deg-deg ugu dagto dhul ay Al-Shabaab ka taliso bishii Janaayo 2024, xilli ay ku sii jeedday degaanka Wisil, kuna dhow Ceelbuur.

Tan iyo markaas, duuliyaha iyo shaqaalihii kale ee saarnaa diyaaradda ayaa ku jira gacanta kooxda.

Muuqaalka ay baahisay kooxda, Oleynik Aleksandr ayaa wuxuu kaga codsaday dowladda Ukraine iyo Qaramada Midoobay in ay wada-xaajood ka galaan sidii loo sii dayn lahaa isaga iyo shaqaalaha kale.

Muuqaalka ay soo saartay AS, Oleynik Aleksandr ayaa codsi u jeediyay dowladda Ukraine iyo Qaramada Midoobay, isaga oo ka dalbaday in la furo wada-hadallo lagu xaqiijinayo sii deyntiisa iyo tan shaqaalaha kale.

Sidoo kale, kabtanka ayaa fariin u diray Madaxweynaha Ukraine iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku booriyay in aan la dayacin xaaladdooda, lana dardar-geliyo dadaallada lagu doonayo in lagu helo xorriyaddooda.

Diyaaradda ayaa waxay u shaqaynaysay xafiiska UNSOS ee tasiilaadka u fidiya hawl-galka Midowga Afrika, dowladda federaalka Soomaaliya iyo weliba xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, tasiilaadkaas oo ay ka mid yihiin duulimaadyada gudaha.

Horay Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan.

Koox dil, dhaawac iyo dhac ka geystay Muqdisho oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday koox dil, dhaawac iyo dhac ka gaeysatay magaalada Muqdisho.

Xukunnada maxkamadda kasoo baxay ayaa waxay u dhignaayeen sidan:

1- Dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ayaa lagu xukumay.

– Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmadda Dayniile, Falkaas oo ka dhacay Dayniile Todobadii Bishii Juun ee sanadkaan.

– In uu Bixiyo Mobile Iphone Mini ah iyo Bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim.

2- Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Clidan ah.

3- Dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake) 4- Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) 5- Dable Xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) ayey Maxkamaddu ku wada xukuntay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6- Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) ayaa isna lagu xukumay seddex Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu ku kala Xukuntay In ay wada bixiyaan Moobeeladii iyo hantidii ay ka dhaceen Dhibaneyaasha.

Maxkamadda, ayaa Sidoo kale Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) lyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) si gaar ah ugu xukuntay In ay wada bixiyaan magta iyo Qarashka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.

7- Dable Xoogga Cabdishakuur Eelaay oo (Maqane) ah iyo 8- Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga) oo (Maqane) ah ,ayaa lagu Xukumay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

9- Dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) ayey Maxkamaddu ku Xukuntay Hal Sano oo Xabsi Ciidan ah.

10- Halka Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ay maxkamaddu siisay xorriyadiisa.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dubbe oo is barbar-dhigay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qadaafigii la dagay Liibiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta ka hadlay kulan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si toos ah weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loogu haysto arrimaha doorashooyinka, maadaama oo uu weli ku adkeysanayo inuu qabto doorasho qof & cod ah.

Dubbe ayaa Xasan Sheekh la meeldhigay Qadaafigii la dagay Liibiya, wuxuuna sheegay inuu uga digayo in xukunka uu isku dhajiyo.

“Qadaafi wuxuu xukunka hayay 42 sano, isagoo hor istaagay horumarka shacabka Liibiya- bal ka fakar waxa dhici kara haddii Xasan Sheekh uu xilka isku dhejiyo”. ayuu Dubbe.

Senatorka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xubnaha golaha wasiirradda oo ugu horreeyo Axmed Macallin Fiqi oo ku eedeeyay inay u ololeynayaan inay sii haystaan xilalka.

“Bal waxaa sawirataan wasiirrada oo Bashiir iyo Fiqi oo 21 sano wasiirro idin ah oo subax kasta idin khudbadeeya maxaa dareemi lahaydeen? iyaga laftooda ayaa daali lahaa”. ayuu mar kale yiri Senatorku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa loo baahan yahay 4 sano kadib in la sameeyo isbeddal, dabadeedna waa fresh”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntand.

Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweynuhu sii qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda, uguna dhabeynayo go’aankiisa, kadib markii uu degmad Warta Nabadda ka qaatay kaarka cod-bixinta doorashooyinka oo dhawaan la filayo inay ka bilowdaan gobolka Banaadir.