25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Miisaaniyadda gobolka Banaadir oo maanta la ansixiyay – Waa imisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey kulan lagu ansixinayay miisaaniyadda sanadka 2026 ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare iyo daneeyayaal kala duwan, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey miisaaniyad dhan $63,845,852.99 (Saddex iyo lixdan milyan, sideed boqol afartan iyo shan kun, sideed boqol konton iyo laba doolar iyo sagaashan iyo sagaal senti).

Miisaaniyaddan ayuu gobolku sheegay in loo qorsheeyey hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo diiradda saaraya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku dhaqan caasimadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ansixinta miisaaniyadda oo ay xaadireen 46 xubnood, ayaa waxaa ansixinta oggolaaday 45, halka hal xubin ay diidday.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee miisaaniyadda sanadka cusub la siinayo dhismaha kaabayaasha bulshada, oo ay ka mid yihiin waddooyinka, biyo-mareennada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan daryeelka bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu horumar la taaban karo ka sameeyey dhismaha waddooyinkii burbursanaa, kuwaas oo qaar la dhammeeyey, qaarna ay marayaan gebagabo, halka kuwo kalena dhawaan la billaabi doono.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in la hirgeliyey mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iskuullo, xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH-yo), bullaacado iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay si dhow ula xisaabtamaan maamulkiisa sida canshuuraha loo ururiyo iyo halka lagu bixiyo, isaga oo dhanka kale bulshada ku boorriyey in ay gutaan waajibaadkooda canshuur-bixinta si loo horumariyo adeegyada bulshada.

Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey muwaadiniinta in ay ka qaybgalaan doorashooyinka si loo helo maamul ka tarjumaya rabitaanka dadweynaha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Axmed, ayaa xaqiijiyey in miisaaniyaddan loo maamuli doono si hufan oo waafaqsan shuruucda maaliyadeed ee dalka.

Xasan Sheekh oo la sheegay inuu aqbalay soo jeedinta mucaaradka ee shirkii Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg-deg ah u aqbalay dalabka uga yimid xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan shirka ku yeeshay magaalada Kismaayo, iyaga oo codsaday inuu kala fariisto tabashadooda.

Senator Iftin Xasan Baasto oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay soo jeedinta xubnaha mucaaradka, isla markaana uu la fariisan doono.

“Codsiga ay mucaaradka u soo direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa aqbalay, waana lala fariisan doonaa, waana uga mahadcelineynaa Madaxweynaha inuu ka jawaabay” ayuu yiri Iftin Baasto.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Codsigooda in la aqbalay baa rabaa in saxaafadda aan u sheego, Madaxweyne Xasan Sheekh wuu la fariisan doonaa dalkaana doorasho toos ah ayuu aadi doonaa wax dhibaato ah kama jiraan”.

Iftin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Madaxweynaha uu mucaaradka kala hadli doono caqabadaha jira, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Shirkii lagu soo gabagabeeyay Kismayo oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa waxaa lagu caddeeyay in Golaha Mustaqbalka uu diyaar u yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Hay’adda Duulista oo ku dhawaaqday go’aan Khamiista ka dhaqan-galaya garoonka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde la xiri doono maalinta Khamiista ah oo loo asteeyay inay dhacdo doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Warqad kasoo baxday Hay’adda oo ku qorneyd Luqadda Engilish-ka aya waxaa lagu sheegay in doorashada darteed maalinta Khaamiista ah loo xiray garoonka Aadan Cadde oo muhiim u ah duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

Ogeysiiskan ayaa toos loola wadaagay shacabka Soomaaliyeed ee garoonka isticmaala iyo shirkadaha duulimaadyada, si ay ula socdaan amarka soo baxay.

“Iyada oo la tixraacayo ogeeysiiska ku lifaaqan fariintaan, waxaa Shacabka Soomaaliyeed, Travel Agencies-ka iyo shirkaddaha diyaaraddaha la ogeeysiinayaa in Maalinta Khamiista ah oo ku beegan taariikhda 25 bisha December 2025 uu xiranyahay Garoonka Aden Adde doorashada awgeed (local Elections)” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Duulista.

Sidoo kale, waxaa xalay go’aan kan lamid ah ku dhawaaqay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

Horjoogayaal iyo maleeshiyo badan oo la dilay + Magacyada

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal cir iyo dhul ah oo maanta iyo shalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aad looga taxadaray ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jabad Godane, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo goobta lagu laayay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare ayaa lagu dilay howlgalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxaa kamid ah horjoogayaasha la khaarijiyay Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta iyo Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

“Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025, fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.

Howlgalkan waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.

Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ah:

  1. Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane.
  2. Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta.
  3. Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka.

Tani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Dagaal culus oo ka qarxay Jalalaqsi – Yuu u dhexeeyaa?

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan maamulka degmada iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaasi.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan Jalalaqsi, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gudaha degmadaasi.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa ka warbixiyay dagaalka, wuxuuna sheegay inay mar qura kusoo tooseen xabadda oo dhaceysa, aadna ay uga xun yihiin dagaalka.

“Saaka waabarigii ayaan ka war helnay xabad, waana ka xunahay meeshaas dagaalka ka dhacay oo u dhexeeyo dadkaasi walaalaha” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan, welina xaaladda ay tahay mid kacsan, maadaama labada dhinac ay is horfadhiyaan.

“Khasaare dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, aad ayaana uga xunahay, Ilaahey hakala qaboojiyo” ayuu sii raaciyay.

Maleeshiyaadka weeerarka qaaday ayaa doonayay inay soo furtaan oday dhaqameed uu soo xiray guddoomiyaha degmada, Nuur Dheere, kaas oo xarigiisa xiisad wayn ay ka abuuray halkaas.

“Maamulka degmada Jalalaqsi oo soo xiray oday dhaqan iyo jufo beel kamid ah beelaha dega Jalaqsi ayuu u dhexeeyaa, waxayna doonanaayeen odeyga” ayuu mar kale yiri Nabadoonku.

Jalalaqsi ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay isku dhacyada hubeysan, waxaana badanaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

Khaladaadka ay sameeyeen mucaaradka ee shirkii Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo, oo ah xarunta maamulka Jubaland, waxaa xalay lagu soo gunaanaday shir muddo saddex maalmood ah halkaas uga socday mucaarad, oo ka koobnaa xubnaha Madasha Samatabixinta iyo maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo markii dambe isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Shirka, oo dhinacyadu doodo iyo kulamo adag yeesheen, ayaa lagu soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13 qodob, oo soo jeedin, baaq iyo digniino isugu jira.

Qodobbada ugu waaweyn, oo kala ahaa qodobka 3-aad, 4-aad, 5-aad, 6-aad iyo 7-aad, ayaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka soo socda iyo digniin loo diray dowladda.

Dadka la socday shirkii Kismaayo ayaa qaba in qodobka 6-aad iyo 7-aad ay yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee ku jiray war-murtiyeedka mucaaradka.

Qodobka 6-aad ayaa u dhignaa: “In Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu baaqay inuu muddo bil gudaheed ah, oo ku eg 20-ka Janaayo 2026, isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo doorashada xilligeeda ku dhacda, oo waafaqsan mabaadi’da ku xusan.”

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, oo falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa BBC-da u sheegay in marka hore laga arki karo in mucaaradku yeesheen shir ay ku mideysan yihiin dhinacyadii kala duwanaa, taas oo ahayd tallaabo wanaagsan, balse uu xusay in qodobbada qaar ee war-murtiyeedka ay mugdi badan ku gadaaman yihiin.

“Inay muddeeyaan waqtigaas in la yeesho wadahadallo, haddii uu dhici waayo ama jiitamo maxaa dhici kara? Haddii madaxweynuhu aqbalo baaqooda oo waqtigu sii jiitamo, sidii kuwii hore, iyana ma cadda waxay yeelayaan. Haddii qaar ka mid ah ay aqbalaan wadahadallada, sidii hore ugu dhacday Madashii Samatabixinta, iyana ma cadda. Waxyaabahaas oo dhan mid walba wado gooni ah ayuu leeyahay,” ayuu yiri falanqeeye Maxamed Mukhtaar.

Wuxuu intaa raaciyay in weli fursad jirto, maaddaama mucaaradku dalbanayaan in wadahadallo laga yeesho xaaladda dalka, loogana baahan yahay dowladda inay dhankeeda sii xoojiso wadahadallada siyaasadeed ee dhinacyada dalka, si xal looga gaaro doorashada.

“Inaan fursaddan la lumin, oo madaxweynaha iyo dhinacyadu wada fariistaan, oo ay dadka Soomaaliyeed u dhabeeyaan xilligan kala guurka, in qabyaaladda la weyneyn ee midnimada qaranka la weyneeyo, oo wada fariistaan,” ayuu intaas raaciyay Mukhtaar.

Dhankiisa, Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa sheegay inay ula muuqato in xaaladdu, haddii aan xal siyaasadeed la gaarin, jahwareer ku keeni karto dalka. Isagoo xiganaya qodobbada mucaaradka, ayuu xusay inay yihiin kuwo adag oo shuruudaysan.

“Waxa ugu wanaagsan, kaliya, waxaan aaminsanahay in Soomaali la isugu yeero, laga wadahadlo waxa jira iyo waxa lagu kala tagay. Haddii dhanka dowladda ku eedeynayaan doorasho dhinac ka raran, iyaguna siday sheegeen inay qabtaan doorasho dhinac ka raran, markaa waxaa mooddaa mid aan macquul ahayn. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay tanaasul muujiyaan. Waxaan aaminsanahay in laysku yimaado inay dadka iyo dalkaba dan u tahay,” ayuu yiri Dr. Gurey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka ka qabanayso doorasho ka duwan tii hore dalka uga dhici jirtay ee ahayd mid dadban, taas oo ay sheegtay inay ku beddelayso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan inaanay dalka ka dhici karin doorasho noocaas ah, iyagoo ku sababeeyay inaysan dowladdu haysan waqti ku filan, isla markaana aan heshiis laga gaarin.

Doorashada qof iyo cod ee ay dowladdu ku adkaysanayso in dalka ka dhacdo, oo hordhac u ah, ayaa toddobaadkan la filayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, maalinta Khamiista.

Sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, dadka Muqdisho ayaa codkooda dhiiban doona 25-ka bishan, si ay u soo doortaan golayaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay doorashadaas, iyagoo ku tilmaamay mid ay dowladdu dano gaar ah ka leedahay, balse Muqdisho waxaa laga arkayaa astaamo muujinaya ururrada isdiiwaangeliyay doorashada, kuwaas oo olole ka wada magaalada.

Puntland oo tallaabo culus ka qaaday mas’uul amaanay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Hanti-dhowrihii gudaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha maamulkaas, Abwaan Raage Axmed (Ciiro), kaas oo shalay gabay ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Abwaanka ayaa kasoo muuqday munaasabaddii loogu dabaal-daggay sanad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shalay lagu qabtay Muqdisho, uuna ka qayb-galay Madaxweynaha.

Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa shaqada looga joojiyay Abwaan Ciiro, iyada oo sidoo kale laga jartay mushaarkii uu qaadanayay.

“Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DPL Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux wuxuu shaqada iyo mushaarka ka joojiyay Raage Axmed Xasan oo ah Hanti dhowraha gudaha ee Wasaaradd Xanaanada iyo Xoolaha Dowladda  Puntland” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Wasiirku.

Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Abwaan Raage Axmed Ciiro uu ku xadgudbay go’aankii horay uga soo baxay Puntland ee xiriirkii wada shaqeynta loogu jiray dowladda dhexe, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

“Markuu arkay go’aanka Golaha Xukuumadda Dowladda ee soo baxay 31 Maarso 2024, kaas oo lagu go’aamiyay in Dowladd Puntland xiriirkii wada shaqeyneed ay u jartay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay Abwaan Ciiro.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Markuu garowsaday in Raage Axmed Xasan oo ah Hanti dhowraha gudaha ee Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Dowladda uu ku xadgudbay qodobada sare ku xusan” ayaa mar kale lagu yiri go’aanka shaqo joojinta”/

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxa ay ku ogaatay in haatan Abwaanka looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib markii ay dowladdu ka war heshay go’aanka shaqada looga joojiyay, iyada oo la filayo in Xamza uu xafiiskiisa ku qaabilo, si arrintiisa ay dowladdu uga garaawdo.

Puntland ayaa horay sidaan oo kale tallaabo uga qaaday mas’uuliyiin, askar iyo shaqsiyaad kale oo toos ula saftay Dowladda Federaalka oo uu weli kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo saameeyay xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.

DF oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya shacabka kahor…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday go’aan culus oo saameynaya shacabka, sidoo kalena la xiriira doorashada qof iyo codka ah ee Khamiista ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Sidoo kae Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Tallaabooyinkan waxaa kasoo horjeeda Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

Ciidankii u badnaa oo loo diyaariyay hirgelinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey sugidda amniga doorashooyinka golayaasha deegaanka, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Doorashada golaha deegaanka oo muran badan ka taagan yahay ayay weli qabashadeeda ku adkaysanaysaa Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo loo muddeeyey 25-ka bishan December.

Booliska ayaa haatan dhammeystiray qorshayaasha amni ee lagu xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si nabdoon, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay mas’uul ka noqon doonaan sugidda amniga codbixiyeyaasha, goobaha codbixinta iyo shaqaalaha doorashada.

“Booliska Soomaaliyeed waa kuwo u diyaarsan, awoodna u leh inay sugaan amniga doorashooyinka; dhammaan diyaargarowgii loo baahnaa waa la dhammeystiray,” ayuu yiri Wasiirku.

Dhinaca kale, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa magaalada Muqdisho, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoostaga degmada Warsheekh oo ay soo gaareen Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday aagga deegaanka Jabad-godane oo maalmihii u dambeeyay ay soo buux dhaafiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay tuulooyinka hoostaga Warsheekh.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in duqeynta kahor ay halkaas ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, kadibna dagaalka ay sidaas ugu biireen diyaaradaha saaxibada caalamiga ah oo beegsaday difaacyo iyo godad waa wayn oo maleeshiyaadu ka qoteen halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hareereeyeen deegaanka Jabad-godane, iyaga oo qorsheynayo inay gudaha u galaan deegaankaasi, kana saaraan xubnaha Khawaarijta.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo duqeynta culus ee xigtay, waxaana weli xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo horay u qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Guud ahaan HirShabelle ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka jiray xaalado ammaan darro oo baahsan, waxaana culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay inta badan deegaanadii horay looga saaray.

Al-Shabaab oo bilowday qorshe ay malaayiin dollar uga qaadaneyso QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe ay malaayiin doollar uga soo ridanayso Hay’adda Qaramada Midoobay, iyadoo shaqaale ka tirsanaa hay’adda ay ku jiraan gacanta kooxda.

Kooxda ayaa maalmihii dambe si taxane ah u sii deysay muuqaallo ay ka soo muuqanayeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku dhowaad laba sano ay gacanta ku haysay kooxda.

Ambrose Kimiti, oo ah dhakhtar Kenyan ah kana tirsanaa kooxda daad-guraynta caafimaadka ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, ayaa ah shaqsigii ugu dambeeyay ee ay kooxdu soo bandhigto.

Kimiti ayaa farriin u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, isaga oo ka dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto arrintooda, isagoo sheegay in QM ay mas’uul ka tahay badbaadinta shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha la qafaashay xilli ay ku jireen gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ninkan ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo shacabka Kenya, isagoo Ruto ka dalbaday inuu saameyntiisa u adeegsado sidii ay u heli lahaayeen xorriyaddooda. Sidoo kale, shacabka Kenya ayuu ku boorriyay inay codkooda ku biiriyaan dadaallada lagu doonayo sii-dayntooda.

“Aniga iyo xubno ka mid ah koox aynu ka wada tirsanayn UN-ka ayaan ku jirnaa gacanta Al-Shabaab in ka badan hal sano iyo bar,” ayuu yiri Kimiti.

Kimiti iyo kooxdiisa ayaa la socday diyaarad helicopter ah oo ku burburtay 10-kii Janaayo 2024, gudaha deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku sii jeedeen deegaanka Wisil oo ku dhow Ceelbuur.

Tan iyo markaas, duuliyaha iyo shaqaalihii kale ee saarnaa diyaaradda ayaa ku jira gacanta kooxda.

“Waxaan aaminsanayn inaan u adeegayno arrin bani’aadannimo, balse Qaramada Midoobay way ku guul-darraysatay inay ka shaqeyso sidii aan xorriyaddeenna ku heli lahayn,” ayuu yiri Kimiti, isagoo xusay in ay isku dayeen inay la xiriiraan QM shilka kaddib, balse aysan jirin gargaar ama wada-xaajood rasmi ah oo loo sameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay kooxdu u sii deysay muuqaalka Oleynik Aleksandr, oo u dhashay dalka Ukraine, kana ahaa kabtanka diyaarad helicopter ah oo u gacan gashay kooxda.

Aleksandr ayaa ka codsaday dowladda Ukraine iyo Qaramada Midoobay in ay wada-xaajood ka galaan sidii loo sii dayn lahaa isaga iyo shaqaalaha kale.

Kabtanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray Madaxweynaha Ukraine iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku boorriyay in aan la dayacin xaaladdooda, lana dardar-geliyo dadaallada lagu doonayo in lagu helo xorriyaddooda.

Diyaaradda ayaa u shaqaynaysay xafiiska UNSOS, oo tasiilaad u fidiya hawl-galka Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Tasiilaadkaas waxaa ka mid ah duulimaadyada gudaha.

Horay, Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigtay diyaarado milatari iyo kuwo kale oo ku dhacay deegaanadooda, kaddib markii ay ku yimaadeen cilado farsamo oo sababay inay soo dhacaan.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaysa culeys dhaqaale ayaa u muuqata in muuqaalladan iyo baaqyada ay Qaramada Midoobay u dirayaan shaqaalaha u qafaalan uga dan leeyihiin in ay hay’adda ka hesho malaayiin doollar oo madax-furasho ah, si ay u sii daayaan shaqaalaheeda.

Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegaysa kursiga madaxtinimada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ula wareegi doonta kursiga madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kursigan ayay Soomaaliya si rasmi ah ugu fariisan doontaa bisha soo socota ee Janaayo 2026. Tallaabadan ayaa astaan weyn u ah guul qaran, kaddib in ka badan 30 sano oo Soomaaliya dunida ugu suntanayd dagaal, abaar, qaxooti, qaraxyo iyo burbur dowladeed.

Guushan diblomaasiyadeed waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay miiska go’aamada caalamka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la jaanqaadka iyo ka mid noqoshada bulshada caalamka.

Isbeddelkan waxaa ka marag kacaya horumarka gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay ee gole deegaan tan iyo xornimada, taas oo la filayo inay dhacdo 25-ka Diseembar 2025.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in sanadka cusub ee 2026 uu bilowdo qodista shidaalka badda, taas oo keeni karta fursado horumarineed iyo waji cusub oo dhaqaale.

Soomaaliya waxay muujinaysaa in ay dib isugu taagtay cagaheeda, isla markaana ay mar kale cod iyo kaalmo ku yeelanayso arrimaha nabadda iyo ammaanka caalamka.

Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib, horraantii sanadkan, si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xog: Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo weji cusub galay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) — Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, oo sannadkii la soo dhaafay ahaa mid cakiran oo mugdi hareeyay, ayaa hadda u muuqda mid ka soo kabanaya xaaladdii adkayd, kaddib safarkii Jimcaha ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Addis Ababa, kaasi oo lagu tilmaamay mid bog cusub u furaya xiriirka labada dal ee dariska ah ee Geeska Afrika. 

Muddooyinkii ugu dambeeyay, xukuumadda Muqdisho waxay si adag uga hortimid damaca gurracan ee Itoobiya, kaas oo loo arkayay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysay heshiis is-afgarad (MoU) oo Itoobiya la gashay maamulka Somaliland—deegaan raadinaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, balse dunidu ay weli u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda. Tallaabadaas ayaa caro weyn ka dhalisay Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay safaro ugu bixiyay si uu u muujiyo sida ay dowladdiisu uga soo horjeeddo tallaabadaas.

Hase yeeshee, safarkan ugu dambeeyay oo qaatay hal maalin, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee kulankaas ay kooban tahay, haddana ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in wadahadalladu ku dhaceen jawi “walaaltinimo,” iyadoo diiradda la saarayay is-ixtiraamka, amniga gobolka, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la joogteeyo marinnada xiriirka tooska ah, maadaama labada dal ay wadaagaan dano guud, isla markaana ay wajahayaan khataro amni oo ay ugu horreyso kooxaha xagjirka ah iyo colaadaha gobolka Geeska Afrika ee u baahan in laga hortago. Xiriirka shaqsiga ah iyo midka diblomaasiyadeed ee labada hoggaamiye ayaa hadda lagu tilmaamay mid “dib u soo kabtay.”

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa weli qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo hadda loo baddalay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AUSSOM). Inkastoo Soomaaliya ay xilligii xiisaddu taagnayd ku hanjabtay inay ciidamadaas saarayso, haddana weli waxay qayb ka yihiin dadaallada nabad-ilaalinta.

Arrintan ayaa imaanaysa kaddib murankii ka dhashay heshiiskii badda—kaas oo Itoobiya siin lahaa 20km oo xeeb ah beddelkeedana ay aqoonsi siin lahayd Somaliland—balse hadda heshiiskaasi wuxuu u muuqdaa mid “hakad galay” ama fulintiisu ay mugdi gashay, iyadoo dib-u-soo-celinta xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ay wiiqday rajadii laga qabay hirgelintiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Addis Ababa ka soo laabtay isagoo dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, tallaabadaas oo muhiim u ah la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, tani kama hor istaageyso Itoobiya inay sii wadato damaceeda ku aaddan helitaanka bad, balse markan waxay u muuqataa inay waddadaas u mareyso iskaashi ay la yeelato dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedkii Ankara ee ay garwadeenka ka ahayd dowladda Turkiga ayaa gogol-xaar u noqday in xiisadda la qaboojiyo, lana abuuro jawi iskaashi oo dhex mara Itoobiya oo bad la’aan ah iyo Soomaaliya oo la tacaalaysa amniga gudaha.

Dowladda Masar oo caddeysay inay Soomaaliya ka taageerayso…

0

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa la kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, kaas oo dhacay inta uu socday madasha iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga, iyadoo labada dhinacba adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo ka qayb qaata xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, wuxuuna adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Qaahira, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhisidda awoodda hay’adaha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Dr. Abdelatty ayaa xusay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale adkeeyay ballan-qaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah.

Wuxuu tilmaamay in dib-u-dejinta xarunta Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka sii wanaagsan oo u dhexeysa labada dal.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada amniga ee Soomaaliya, si guul looga gaaro nabadeynta dalka.

Masar ayaa qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM oo xaqiijinaya amniga guud ee Soomaaliya.

Intii kulanka socday waxaa sidoo kalr lagu falanqeeyay xaaladaha amniga ee gobolka, iyadoo Masar mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isla markaana adkeysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero hawl-galka AUSSOM, si loo hubiyo waxtarkiisa.

Labada wasiirba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

Saciid Deni oo arrimo xasaasi ah kala hadlay xildhibaanno ka tirsan BF + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullah Deni ayaa maanta xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka kula kulmay magaaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Deni ayaa xildhibaannada uu la kulmay oo ah kuwa mucaaradka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo uu weli ka taagan yahay muran xooggan.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland uu xildhibaannada ku adkeeyay inay ka shaqeeyaan fulinta qodobadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay inay qaataan kaalintooda, isla markaana ay door firfircoon ka qaataan sidii loogu gubi lahaa marxaladda adag ee lagu jiro.

Shirka Kismayo oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.

“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyay dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-Shabaab, ciidankii xoogga dalkana u loogay cadowga,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Shirweynaha ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Mucaaradka oo ka digay qorshe uu Xasan Sheekh damacsan yahay Khamiista

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa weli sii wada dhaq-dhaqaaqyada ay uga Soo horjeedaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay gobolka Banaadir.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte, hadana ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka ayaa marka hore ka hadlay shirkii kusoo dhamaaday Kismaayo, wuxuuna sheegay in qabashadiisa uu sabab u ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu diiday in lagaa heshiiyo hannaanka doorashooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si adag uga horyimid doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho, taas oo haatan qaban qaabadeeda ay waddo dowladda Soomaaliya.

Caynte ayaa xusay haddii ay dhacdo doorashadan in uga sii dari doonto xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay maqan yihiin qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka oo weli banaanka jooga.

“Doorasha ku sheegga uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabanayo Xamar 25-ka bishan waxay cirka ku shareeri doontaa heerkulka siyaasadda dalka, waxaana sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta hannaanka kala guurka ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynte.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Doorasho ku sheegga Gobolka Banadir ka dhaceysa waa mid natiijadeeda lasii bisleeyay, waxaana isku caana shubi doona kooxda talada dalka heysa oo doorashadaas ka ah qeybiye iyo qaate”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran:-

Bismillah,

Shirweynaha kusoo idlaaday magaalada #Kismaayo waxaa qabsoomiddiisa lahaa Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, maxaa yeelay wuxuu iska diiday inuu siyaasiyiinta dalka kala heshiiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay. Taas si lamid ah ayuu shirkii Kismaayo ee 2019-kii ku qabsoomay, kaddib markii uu Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo tubtan oo kale qaaday. Waxaa xusuusin mudan iney Farmaajo 2 sano u harsaneyd. Xasan Sheekh na 4 bilood ayaa u harsan.

Doorasha ku sheegga uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabanayo Xamar 25-ka bishan waxay cirka ku shareeri doontaa heerkulka siyaasadda dalka, waxaana sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta hannaanka kala guurka ah.

Doorasho ku sheegga Gobolka Banadir ka dhaceysa waa mid natiijadeeda lasii bisleeyay, waxaana isku caana shubi doona kooxda talada dalka heysa oo doorashadaas ka ah qeybiye iyo qaate.

Laakiin wuxuusan shaki iiga jirin inuu Madaxweyne Xasan Sheekh saaxiga keeni doono, kaddib marka doorasha ku sheegga Xamar dal & dibad lag diido, riyada muddo kororsiguna soo dhammaato.

Nin baa laga sheegay: “maalintaan tabarta lahaana talo ma hayn; markaan talo helayna tabar ma hayn.”

Afar bilood kaddib, Xasan Sheekh wuxuu noqon doonaa madaxweyne xoog ku jooga Villa Soomaaliya oo aan tabar iyo talo mid laheyn.

Maanta ayay talo u hartaye allow yaa u sheega inuu doorasho heshiis lagu yahay qabto?

DF Soomaaliya oo jawaab kasoo saartay go’aannada ka soo baxay shirkii Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab culus kasoo saartay go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee isugu tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna duray war-murtiyeedka ay soo saareen.

Fiqi ayaa xusay in raggan oo horay uga baxay wada-hadalladii u la yeeshay Madaxweynaha ay hadda soo baraarugeen, isla markaana ay mar akle dalbadeen in fursad gaar ah la siiyo, si ay ula kulmaan Xasan Sheekh.

“Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato”a ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Afkii ay ku diiday ayay ku haybinayaan!

Diseember 2022-dii ayuu Saciid Deni ka cararay wadahadalkii Villa Soomaaliya uga socday Golaha wadatashiga Qaranka ayadoo la leeyahay war ha naga tagin!

Oktoobar 2024-tii ayuu Axmed Madoobo ayadoo la baryayo kaga cararay Villa Soomaaliya Golaha wadatashiga Qaranka ee shir guddoonka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kooxda madasha Calaacalku 5 shir oo wadatashi iyo wadahadal ah ayuu madaxweynaha Jamhuuriyaddu kula yeeshay villa Soomaaliya, waa ku kala jabeen; qeyb ayaa qanacday, qeybtiii kale ayagoo weli loogu baaqayo in wadahadalku sii socdo ayay bartimihii sanadka 2025 xireen albaabkii wadahadalka.

Labadaas nin ee sare ku xusan iyo nimanka madasha calaacalku shir socday 3 maalmood ayay ku soo gabagabeeyeen Madaxweyne Xasanow nala shir!.

Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato.

Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maantay ayuu ugu baaqayay nimankaas in gogosha wadahadalka la yimaadaan wax umadda u cuntamaya!

Soomaaliya oo u weecatay Shiinaha iyo Xasan Sheekh oo shaaciyey in uu si buuxda u…

0

Beijing (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si buuxda u taageeray tallaabooyinka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ay soo bandhigtay dowladda Shiinaha, isagoo ku tilmaamay kuwo xal waara u noqon kara caqabadaha cakiran ee haysta dunida maanta, isla markaana mudan in dalalka caalamku ay tixgeliyaan. 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka Shiinaha (CMG), ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay qayb ka tahay, si weynna u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan afarta tiir ee Beijing ay hormuudka ka tahay. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ay ku ballaarineyso kaalinteeda kaga aaddan madal-yada caalamiga ah ee Shiinuhu hoggaamiyo.

“Dunidu way kala duwan tahay juquraafi ahaan iyo heerka horumarkaba; sidaas si la mid ah, caqabadaha waddan walba haysta waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray in qiimaha dhabta ah ee qorshayaashani uu ku jiro “mabaadi’da iyo hannaanka” ay xambaarsan yihiin—kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhowrista madax-bannaanida qarannimo, oggolaanshaha aragtiyada kala duwan, iyo iskaashi aan ku dhisnayn ka faa’iideysiga daciifnimada dadka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa tan iyo sannadkii 2013 wadday aragtida ah “Dhismaha Bulsho Wadaagta Mustaqbal Mid ah,” waxayna soo bandhigtay afar hindise oo waaweyn: Tashuubka Horumarinta Caalamiga ah (2021), Amniga Caalamiga ah (2022), Ilbaxnimada Caalamiga ah (2023), iyo Hindisaha cusub ee Maamulka Caalamiga ah (2025).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka sii kordhaya ee Shiinaha ee dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku biirtay madal ay Beijing taageerto oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee dalalka soo koraya. “Qaab-dhismeedkani waa mid waxtar leh, maadaama uu dal walba ka caawinayo inuu iskii u istaago,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ammaan kala duldhacay Madaxweyne Xi Jinping, isagoo sheegay inuu si weyn ula dhacay labadii kulan ee ay yeesheen sannadihii 2015 iyo 2024. “Waa hoggaamiye aad u adag,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo Madaxweyne Xi ku ammaanay sida uu dalkiisa ugu horseeday barwaaqo, kuna tilmaamay tusaale nool oo ay ku daydaan dalalka soo koraya ee doonaya inay dardargeliyaan kobcooda dhaqaale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada mugga leh ee ay siiyaan laamaha amniga Soomaaliya. Sannadkan 2025, labada dal ayaa yeeshay kulankii ugu horreeyay ee heer wasiir difaac ah, kaas oo dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Shiinaha Dong Jun. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xasiloonida gobolka, iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hawlgalka ATMIS.

Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaray heerka “Iskaashi Istiraatiijiyadeed” (Strategic Partnership), kaddib shirkii Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee bishii Siteembar 2024 ka dhacay Beijing, halkaas oo labada hoggaamiye ay ku iclaamiyeen sare-u-qaidda xiriirka labada dal.

“Waa iskaashi istiraatiijiyadeed, mana ahan mid goos-goos ah,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo qiray in dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ay hakad geliyeen xiriirkii labada dhinac xilli Shiinuhu uu sameynayay horumar xowli ah, balse hadda dib loo amba-qaaday qorshayaal fog.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa Shiinaha uga mahadceliyay garab-istaagga joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo isku-xirka arrimaha caalamiga ah, maadaama labada dal ay wadaagaan mabaadi’ iyo caqabado u baahan iskaashi dhab ah.

Xasan oo ku qasban inuu kala doorto laba arrimood kadib war-murtiyeedkii Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan la kulmaya culeys siyaasadeed oo ka dhashay go’aannadii xalay ka soo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qasban yahay inuu kala doorto laba arrimood, gaar ahaan ajendaha siyaasadda iyo ajendaha qaranka.

Sidoo kale, wuxuu aad u bogaadiyay war-murtiyeedka shirka Kismaayo, isaga oo tilmaamay in ay ka muuqato bisayl siyaasadeed iyo khibrad intaba.

“Warmurtiyeedka Kismaayo waxaa ka muuqata bisayl iyo khibrad ay culeyska u leexiyeen dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh. Qodobka 7aad wuxuu Madaxweynaha kala dooran siinayaa ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimihii hore ee Hay’adda NISA.

Waxaa kale oo uu falcelintiisa kusoo koobay laba qodob oo xasaasi ah, isla markaana toos ugu socda Madaxweynaha Soomaaliya.

“Tan koowaad, inuu noqdo Madaxweynihii ugu dambeeyeay Jamhuuriyadda 3aad, taariikhdana ku galaya kala irdheynta iyo kala tagista Soomaalidii midaysnayd. Laba doorasho hadday dalka ka qabsoonto waa jab ay adag tahay in dib loo soo kabto” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Tan labaad waa inuu noqdo Xasankii 2015 oo uu dalka isku hayo, oo doorasho heshiis lagu yahay qabto. Ajandaha qaran ee maanta waa inuu gogol ku baaqaa oo miiska wadahadalka soo fariistaa”.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay madaxda Jubbaland, mucaaradka iyo Puntland ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqooda in ay geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah oo ka dhaca dalka, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Mareykanka oo joojiyey barnaamijka caanka ee Lottery-ga kadib dhacdo argagax leh

0

Washington (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu hakad gelinayo barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee dal-ku-galka Mareykanka (Green Card Lottery), tallaabadaas oo ka dhalatay markii la xaqiijiyay in ninkii geystay xasuuqii Jaamacadda Brown iyo dilkii barre ka tirsan Jaamacadda MIT uu dalka kusoo galay barnaamijkan.

Baarayaasha dambiyada ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Claudio Neves Valente, oo ah 48 jir u dhashay dalka Portugal, uu ahaa gacan-ku-dhiiglihii hubaysnaa ee xoogga ku galay dhismaha jaamacadda caanka ah ee Brown University, halkaas oo uu toogasho ku dilay laba arday, sagaal kalena ku dhaawacay dhamaadkii toddobaadkan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkani uu laba maalmood kaddib weerarkaas dilay professor wax ka dhigayay Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts (MIT), kaas oo ay horey wax u soo wada barteen.

Dhacdadan ayaa dhalisay tallaabo degdeg ah oo dhanka socdaalka ah. Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in Neves Valente uu Mareykanka kusoo galay barnaamijka Diversity Visa lottery sannadkii 2017-kii, sidaasna uu ku helay sharciga degenaanshaha rasmiga ah (Green Card).

Noem ayaa ninkan ku tilmaamtay “bahal” aan marnaba mudneyn in loo ogolaado inuu cag soo dhigo ciidda Mareykanka.

“Iyadoo la raacayo amarka Madaxweyne Trump, waxaan si degdeg ah u farayaa Hay’adda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (USCIS) inay hakiso barnaamijka DV-ga, si loo xaqiijiyo inaanay dhibaato dambe kasoo gaarin dadka Mareykanka barnaamijkan masiibada ah,” ayay tiri Noem.

Go’aankan ayaa dib u soo celinaya xusuusta muddo-xileedkii hore ee Madaxweyne Trump, xilligaas oo uu wacad ku maray inuu meesha ka saarayo bakhtiyaa-nasiibka Green Card-ka kaddib weerar argagixiso oo ka dhacay New York. Noem ayaa qoraalkeeda ku xustay dhacdadaas hore.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, Leah Foley, oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Neves Valente uu waxbarasho u joogay Jaamacadda Brown intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2021, isagoo markii dambena helay sharciga degenaanshaha, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeri ah. Foley waxay intaas ku dartay in dableyga iyo borofisoorka la dilay, Nuno Loureiro, ay horey isugu yaqaaneen dalka Portugal intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2000. Professor-ka ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla Brookline, ee duleedka Boston.

Ilaa hadda ma cadda ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya toogashadan ruxday xarumaha waxbarasho ee ugu magaca dheer gobolka New England.

Meydka Neves Valente ayaa laga helay qol wax lagu keydsado oo ku yaalla gobolka New Hampshire, isagoo ay ag yaallaan laba qori. Taliyaha Booliska Providence, Oscar Perez, ayaa xaqiijiyay in ninku uu is-dilay, lana rumeysan yahay inuu keligii fuliyay weerarka kaddib hawlgal baadi-goob ah oo maalmo qaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Portugal, Paulo Rangel, ayaa muujiyay “tiiraanyo weyn” kaddib markii la ogaaday in eedeysanaha ugu weyn uu yahay muwaadin u dhashay dalkiisa, iyadoo booliska Portugal ay sheegeen inay la shaqeynayaan baarayaasha Mareykanka.

Ardayda la dilay ayaa kala ahaa Ella Cook, oo ahayd guddoomiye ku-xigeenka ururka xisbiga Jamhuuriga ee jaamacadda, iyo Mukhammad Aziz Umurzokov oo u dhashay dalka Uzbekistan. Lix kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa weli ku jira isbitaalka oo xaaladdoodu deggan tahay.

Foley ayaa sheegtay in Neves Valente uu ahaa nin aad u xeel-dheer oo si farsameysan u qarinayay raadkiisa, isagoo beddelay taarikada gaarigii uu kiraystay, isla markaana isticmaalayay taleefan ay adkeyd in la raad-raaco. Sidaas oo ay tahay, raadadka maaliyadda iyo kaamirooyinka CCTV-ga ayaa ugu dambeyn horseeday in la helo halka uu ku dhuumaaleysanayay.

Mareykanka ayaa sanadkan diiwaangeliyay in ka badan 300 oo dhacdo oo ah toogasho wadareed, xilli weli ay jirto is-mari-waa siyaasadeed oo ku aaddan xakamaynta hubka.