25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Ciidamada ammaanka oo weeraray dad ku sugnaa Dayniile iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile, gaar ahaan xaafadda Gubta oo uu dhawaan deegaan u aqoonsaday maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa weeraray dad shacab ah oo dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee loo magaacabay deegaanka Gubta, kuwaas oo qaarkood lasoo xir-xiray.

Dadka gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa u badan dhalinyaro, si weyn u diidan maamulka uu Muungaab u  dhisay deegaanka Gubta.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xabsiga dhigay suxufiyiin badan oo goobta u tegay inay soo wariyaan dibad-baxa, kuwaas oo iyana la qab-qabtay, kadibna la dhigay xabsiga.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa durbo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ammaanka ee lagu beegsaday shacabka iyo wariyeyaasha.

Ra’iisul wasaarihii hore ee daka Xasan Cali Kheyre oo falkan cambaareeyay ayaa afduub ku tilmaamay, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka ay ciidanka boolisku deegaanka Gubta ugu gaysteen shacab si nabdoon u bannaanbaxayay iyo wariyayaal tabinayay. Waxaa ayaandarro ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay caadeysatay xarigga dadweynaha iyo saxaafadda madaxa bannaan, si ay u cabsigeliso, una caburiso warbaahinta iyo bulshada” ayuu yiri Khayre.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso dadweynaha iyo wariyayaasha, ayna joojiso xarigga iyo caburinta ay ku hawllan tahay oo wiiqaya dowladnimada, dimuquraadiyadda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed”.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa waday howlgallo ka dhan ah dadka banaanbaxa ka dhiga gudaha caasimada, maadaama xiisado waa wayn ay ka dhasheen barakicinta dhulalka danta guud ee ku yaal Muqdisho.

Daawo: Xasan Sheekh oo jawaab kasoo saaray shirkii Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta ka qayb-galay olole weyn oo uu xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ku qabsaday Muqdisho ayaa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ee dhawaan shirka ku yeeshay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xusay in dowladdiisa ay qaadan doonto qodobada muhiimka u ah dalka ee ay soo saareen xubnaha Golahaas, isla markaana ay diyaar u yihiin in xal siyaasadeed laga gaaro xiisadda taagan.

“Qoladii ku shirtay magaalada Kismaayo wixii ay kasoo saareen halkaas wixii wanaagsan ee ku jira waa la qaadaneynaa, waana la hadleynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin wada-hadalka ay ku baaqeen raggii tegay Kismaayo, isaga oo carabka ku dhuftay in qoraal rasmi ah oo jawaab ah ay dowladdu kasoo saari doonto war-murtiyeedkii Kismaayo.

“Waxaa kamid ahayd hala wada-hadlo, gogosha wey furan tahay, welinaa waa fidsan tahay kuwii horay uga qayb-galay waa soo dhaweyneynaa, kuwa kaloo rabana inay kusoo biiraan waan soo dhaweyneynaa dowladduna baaqaas jawaab ayay kasoo saareysaa mardhow” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo intaas kusii daray “Colaad ma qabno, ciil ma qabno cid aan diidanahay ma jirto hala heshiiyo ma diidanin horay haloo socdana ma diidanin”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Waxaa kale oo ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Ku dhawaad 50 xildhibaan oo mooshin culus gudbiyay + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, una badan kuwa mucaaradka ayaa maanta mooshin culus u gudbiyay guddoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada saxiixay mooshinkan ayaa gaaraya ilaa 41 mudane, sida ku cad, nuqul kamid ah moshinkooda oo ay aragtay Caasimada Online.

Mooshinka ayaa ku saabsan lacag gaareysa $46 milyan oo deyn ah oo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bankiga Horumarinta Midowga Yurub, taas oo lagu soo daray miisaaniyadda Qaranka ee maanta la ansixiyay.

“Mooshinku wuxuu ku saabsan yahay in miisaaniyadda dowladda ee 2026 dib loogu celiyo xukuumadda si dib u sixid loogu sameeyo iyadoo la waafajinaayo shuruudaha Dastuurka, sharciga maareynta guud iyo xeer hoosaad golaha isla markaana la tixgalinaayo mudnaanta kharashaadka dowladda”. ayaa lagu yiri warqadda.

Xildhibannada ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deyn cusub oo ay rabto in haatan ay qaadato dowladdu, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo.

“In si ku-meel gaar ah loo joojiyo, dib loogu dhigo deymo/amaah cusub dammaanado xukuumadeed iyo Demand Guarantees ilaa Baarlamaanka loo keeno qorshayaal/warbixinno iyo ogolaansho sharci”. ayaa mar kale lagu yiri.

Sidoo kale, waxay qoraalkooda ku sheegeen in loo baahan yahay in si deg-deg ah deynta looga saaro miisaaniyadda, lana sugo ilaa sanadka kale ee 2027-ka.

Waxaa kale oo ay dalbadeen “In miisaaniyadaha aan mudnaanta badan lahayn laga soo wareejiyo madaxyada ay ku qoran tahay iyo hay’adaa sida dheeriga ah loogu qoray laguna wareejiyo Ciidamada Qalabka Sida”.

Ugu dambeyn waxay xildhibaannada soo gudbiyay mooshinkan ay guddoonka Baarlamaanka ka dalbadeen inuu tixgeliyo soo jeedintooda, isla markaana dib loo celiyo miisaaniyadda dowladda ee maanta la ansixiyay, dibna loo soo saxo.

 

Shariif oo dhaq-dhaqaaqyo kasii wada Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weli kulamo xasaasi ah kasii wada magaalada Kismaayo oo uu dhawaan uga qayb-galay shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Shariif oo ay wehlinayaan xubno kamid ah Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta qaabilay guddoonka dhallinyarada Jubbaland, isaga oo la yeeshay kulan is xog wareysi ah.

Madaxweyne hore ayaa uga mahadceliyay dhallinyarada Jubbaland doorkooda ku aadan dowlad-dhiska iyo isku xirnaanta guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu dhallinyarada kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda, isla markaana ay si firfircoon uga qayb-galaan siyaasadda iyo dowlad dhiska.

Horay Sheekh Shariif ayaa uga qaybgalay kulan dadwayne oo ay soo agaasintay Jaamacadda kismaayo, halkaas oo lagu waydiiyay su’aalo ku saabsan hayaanka dowlad-dhiska iyo badbaadinta jamhuuridda 3-aad ee Soomaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa qayb ka ah mid uu ololihiisa doorasho kusii xoojinayo Sheekh Shariif oo hadda hoggaamiya xubnaha mucaaradka ee sida wayn uga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrimaha doorashooyinka oo ay weli bannaanka ka joogaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo intaa dheer xaalad kale oo bani’aadanimo oo dalka ka jirta, taas oo ka dhalatay abaar baahsan oo ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka.

Aadan Madoobe oo lagu dhagan yahay kadib markii uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood culus ayaa ka dhalatay ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, taas oo ay maanta meel-mariyeen xildhibaannada labada gole oo kulan wadajir ah ku yeeshay Villa Hargeysa.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar), waxaana guddoonka Baarlamaanka uu sheegay inay codkooda ku meel-mariyeen illaa 174 xildhibaan oo ka kooban labada aqal.

Intaas kadib waxaa qaylo dhaan afka furtay mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo si weyn uga horyimid ansixinta miisaaniyadda, waxayna dhaliil u jeediyeen guddoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaan Maxamed Diini ayaa arrinta maanta dhacday ku tilmaamay afduub, wuxuuna ku dooday in miisaaniyaddan aaney dan u ahayn ciidanka iyo ummadda Soomaaliyeed.

“Ansixin miisaaniyadeed ma ahayn waxa ay ahayd afduub miisaaniyadeed guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waan u tegnay waan la fariisanay waxaana u sheegay in aanu ka shaqeynin wax dan u ah Ummadda Soomaaliyeed xittaa waxay u quuri waayeen iN ciidanka Xoogga dalka ay xaquuqdoodii tixigelin siin waayaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Diini.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sharci darro ayay ahayd Ummadda Soomaaliyeed maanta deyn horleh ma qaadan karto, mana awoodo”.

Dhankeeda Xildhibaan Faa’isa Jayte ayaa ku dooday in xildhibaano yar oo kaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda, iyada oo sidoo kale ka digtay in dayn la siiyo dowladda hadda jirta.

“Waxba kama jiraan ansixinta lagu sheegay Miisaaniyada, xildhibaano yar ayaa gacanta taagay deyn lama siin karo dowladdan” ayay iyana tiri Faa’isa Jayte.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2026 ee dooda dhalisay ayaa ka badan tii hore $27,092,914. Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd $1,359,714,328 (hal bilyan, saddex boqol iyo sagaal iyo konton milyan, toddoba boqol iyo afar iyo toban kun, saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan dollar).

 

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka keenay lacag gaareysa 46 Malyan oo Deyn ah oo Dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bankiga Horumarinta Midowga Yurub lagunasoo daray Miisaaniyadda Dowladda ee maanta la ansaxiyey.

Xaaladda Soomaaliya oo ka sii dareysa kadib markii..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda bini’aadantinimo ee dalka ayaa kasii dareysa iyadoo in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ay wajahayaan xaalad adag.

Tiradan ayaa ka dhigan in ku dhowaad rubuc ka mid ah tirada dadka dalka ay wajahayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ugu yaraan 120,000 qof ay ku barakaceen muddadii u dhexeysay September iyo December, xilli ay sare u kacayaan qiimaha biyaha, cuntaduna sii yaraaneyso, xooluhuna ay dhimayaan, isla markaana ay sii burburayaan ilihii nololeed, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee QM (OCHA).

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in in ka badan 75,000 arday oo ku kala nool gobollada dalka lagu qasbay inay ka haraab waxbarashadooda.

OCHA waxay ka digtay in xilliga abaarta ee la filayo inta u dhaxeysa Janaayo illaa Maarso uu sii adkeyn doono xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo biyo la’aan sii xoogeysa, dhimasho badan oo ku timaadda xoolaha, iyo khatar sii kordheysa oo cunto-yaraan ah oo ka jirta meelo badan oo dalka ah.

Hay’addu waxay ku baaqday in gargaar degdeg ah la bixiyo si loo badbaadiyo nolol-maalmeedka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, isla markaana looga hortago khasaare nafeed oo laga hortagi karo.

OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in afarta bilood ee soo socda ay yihiin kuwo aad u nugul, maaddaama aan la filayn in roobab da’aan illaa bisha Abriil ee sanadka 2026.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada xaaladda abaaraha, iyagoo isku dubbaridaya jawaabaha degdegga ah ee la xiriira biyaha, cuntada, nafaqada, caafimaadka iyo hoyga.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale wada bixinaya kaalmada lacageed, quudinta xoolaha, iyo dayactirka ceelasha, iyagoo booqanaya goobaha ay saameyntu ka jirto si ay u qiimeeyaan heerka dhibaatada, una ogaadaan kheyraadka loo adeegsan karo tallaabooyin hore.

Si kastaba, dadaalladan waxaa caqabad weyn ku ah dhaqaale yari baahsan, iyadoo OCHA ay sheegtay in baahida jirta ay aad uga badan tahay taageerada hadda la heli karo, isla markaana gargaar dheeri ah si deg-deg ah loogu baahan yahay.

Ciidanka DF oo la wareegay afar deegaan oo muhiim ah + Sawirro

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgal guuleystay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Ciidamada milatariga oo kaashanaya kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday xubno ka tirsanaa Khawaarijta, iyaga oo ka saaray dhammaan deegaannadii howlgalka laga sameeyay, sida ay sheegtay dowladdu.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen afar deegaan oo kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

“Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha Qaybta Koowaad Kumaandooska Gorgor G/Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere) waxaana laga fuliyey deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo deegaanada ay howlgalladu ka dhaceen ay si buuxda ula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, intii uu howlgalka ciidamada ayaa wadooyinka ka soo saaray miinooyin ay Al-Shabaab la damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo ciidamada isticmaaa jidadkaasi.

Waxaa kale oo ay ciidamadu burburiyeen fariisimo muhiim ah oo ay kooxda ku baadi jirtay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaarka ah ee kooxda Al-Shabaab lagula dagaalamayo, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay Ciidanka Xoogga ayaa  diirada saaray dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ka fuliyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.

BF oo maanta meel-mariyay miisaaniyadda DF ee 2026

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).

Miisaaniyadda Qaranka ayaa si rasmi ah u noqotay mid ansax ah kaddib markii ay oggolaadeen 174 xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaanna uu ka aamusay.

Sida ku cad jaantuska ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, miisaaniyaddan waxaa ku jira $46 milyan oo ah deyn ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadaneyso Bangiga Horumarinta Yurub.

Ka hor ansixinta, xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, kororka ku yimid iyo meelaha loogu talagalay weydiiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.

Ansixinta miisaaniyadda qaranka ee maanta ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa martay saddex akhrin, waxaana soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2026 ayaa ka badan tii hore $27,092,914. Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd $1,359,714,328 (hal bilyan, saddex boqol iyo sagaal iyo konton milyan, toddoba boqol iyo afar iyo toban kun, saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan dollar).

Faah-faahinta dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xasan, kaas oo ku shaqaysan jiray mooto Bajaaj.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu geystay askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland, kaas oo illaa hadda aa gacanta lagu dhigin, hase yeeshe la aqoonsaday shaqsiyadiisa.

Marxuumka ayaa la toogtay xilli uu ku sii socday isbitaalka Gaalkacyo, oo u waday wiil dhaawac ah oo ay taleefoon ka qaateen koox burcad ah.

Ilaa hadda laamaha ammaanka ee magaalada Gaalkacyo wax faahfaahin ah kama bixin dhacdadaas, halka dilka wiilka dhalinyarada ah uu murugo iyo hadal-hayn ku reebay bulshada deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal kala duwan, kuwaas oo qaarkood la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagnaa colaad beeleed soo jiitamaysay sanado badan.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay laamaha ammaanka muddooyinkii u dambeeyay kordhiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

Dowladda Mareykanka oo u yeertay safiirkeeda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyay in Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley, uu dib ugu laabto dalkiisa, tallaabadaas oo soo afjaraysa shaqadiisii diblomaasiyadeed ee Muqdisho ka hor waqtigii loogu talo-galay.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP, go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu waafajinayo hoggaanka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee dalalka shisheeye siyaasadda Madaxweyne Trump ee ah “Mareykanka ayaa Horeynaya” (America First).

Riley wuxuu ka mid yahay ku dhawaad 30 danjire oo rug-caddaa ah iyo madax hawlgallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo toddobaadkii hore lagu wargeliyay in shaqadoodu ku egtahay bisha Janaayo.

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadan ku qeexay mid lagu hubinayo in hoggaanka safaaraduhu noqdaan kuwo “si buuxda ula jaanqaadi kara” ajendaha maamulka Trump.

Riley, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha dibadda, ayaa xilka Soomaaliya la wareegay sannadkii 2024, waxaana la dhaariyey 8-dii May 2024, iyadoo waraaqihiisa aqoonsiga la guddoomay bishii Juun ee isla sannadkaas.

Haddii bixitaankiisu uu dhaco bisha Janaayo, sida ay AP sheegtay, Riley wuxuu Muqdisho ka shaqeynayay muddo qiyaastii 20 bilood ah—waqtigaas oo aad uga yar muddada caadiga ah ee 3 ilaa 4 sano ah ee danjireyaasha looga bartay.

Afrika ayaa ah gobolka ay saameynta ugu weyn ku yeelatay tallaabadan diblomaasiyadeed. Warbixinta AP ayaa sheegtay in danjireyaasha 13 dal oo Afrikaan ah loo sheegay in shaqadoodu dhammaatay, waxaana dalalkaas ka mid ah: Burundi, Cameroon, Cape Verde, Gabon, Ivory Coast, Madagascar, Mauritius, Niger, Nigeria, Rwanda, Senegal, Soomaaliya, iyo Uganda.

Culeyska isbeddelkan ee Afrika ayaa Soomaaliya dhigaya bartamaha istiraatiijiyad cusub oo saameynaysa guud ahaan gobolka.

Gudaha Soomaaliya, isbeddelka diblomaasiyadeed wuxuu ku soo aadayaa xilli xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu wajahayo saddex culeys oo isbarbar socda: hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, iyo is-mari-waa siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada.

Aqalka Cad weli ma shaacin cidda beddeleysa booska Muqdisho. Waxaa la filayaa in safaaradda uu si ku-meel-gaar ah u sii wado sii-haye (Chargé d’Affaires), inta Washington ay ka go’aansanayso hannaanka magacaabista.

Doorashada Somalia: Fursad horumar haa, qalalaase maya!

0

Doodda sheegaysa in doorashada Soomaaliya ay horseedi doonto qalalaase sharciyadeed (legitimacy crisis) waxay ku dhisan tahay aragti aad u feejigan, isla markaana ka baqdin badan xaqiiqooyinka jira. Inkasta oo feejignaantu ay tahay mid la fahmi karo marka la eego sooyaalkii adkaa ee dalku soo maray, haddana rajo-xumada xad-dhaafka ah waxay qarinaysaa horumarka dhabta ah, kartida bulshada Soomaaliyeed, iyo fursadaha jira. Halkii 2026 loo arki lahaa burbur soo socda, waa in loo arkaa marxalad adag balse la gaari karo, kana mid ah safarka dheer ee dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Cod-bixinta guud (one person, one vote) ma aha eray siyaasadeed oo lagu gambado; waa himilo qaran oo ay wadaagaan inta badan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, haweenka, bulshada rayidka ah, iyo qurba-joogta. Dal ay in ka badan 70% dadkiisu ka yar yihiin 30 sano, nidaamyada dadban ee jira waxay u muuqdaan kuwo duugoobay, isla markaana xaddidaya ka-qaybgalka da’daas.

In ay jiraan khilaafaad siyaasadeed ma burinayso ujeeddada dimuqraadiyadeed. Dalal badan oo dagaallo ka soo kabanayay ayaa qabtay doorashooyin iyagoo wajahayey khilaaf, amni-darro, iyo hay’ado tabar-daran. Sugitaanka xaalad qumman ama waqti munaasab ah oo aan la ogeyn goorta uu imanayo waxay khatar ku tahay in kala-guurku noqdo mid aan dhammaad lahayn. Dadaalka Soomaaliya ee ka gudbidda doorashooyin ay kaliya hoggaamiyaashu maamulaan waa tallaabo lagama maarmaan ah—xitaa haddii ay halis wado.

Waxaa la yiraahdaa Soomaaliya weli uma diyaarsana hay’ad ahaan. Laakiin hay’adaha laguma dhiso meel maran; waxay ku kobcaan adeegsiga iyo dhaqangelinta. Sharciyada doorashada, guddiyada, iyo nidaamka xisbiyadu waxay marayaan tijaabo iyo sixid. In la diido hay’ado cusub kaliya sababta oo ah xukuumad gaar ah ayaa bilaawday, waxay iska indho-tiraysaa xaqiiqda ah in dhammaan hay’adihii horeba ay ku dhasheen hannaan muran iyo qalad lahaa.

Halkii lagu eedayn lahaa ujeeddo xun, waxaa ka wax-ku-oolsan in la dalbado daahfurnaan, kormeer madax-bannaan, iyo taageero farsamo oo caalami ah—si hay’aduhu u xoogaystaan inta ay shaqeynayaan.

Hanjabaadda amni weli waa mid dhab ah; hase yeeshee, Soomaaliya hore ayay u fulisay hannaan siyaasadeed xilli amni-darro jirtay—doorashooyin, wadatashiyo dastuur, iyo heshiisyo federaal. Amniga waligiis ma noqon mid dhammaystiran, haddana dowladnimadu way socotay.

Waxaa intaa dheer, awoodda ciidammada amniga maanta way ka sarreysaa tii toban sano ka hor: isku-duwid ka wanaagsan, magaalooyin waaweyn oo gacanta lagu hayo, iyo kalsooni bulsho oo sii kordhaysa. Doorasho micne leh uma baahna amni buuxa oo dalka oo dhan ah; waxay u baahan tahay amni ku filan xarumaha dadka iyo qorsheyn lagu yareeyo qatarta—kuwaas oo maanta la gaari karo.

Mucaaradku waa astaanta dimuqraadiyadda, ma aha fashil

Isu-ururinta mucaaradka iyo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan ma aha calaamad burbur; waa astaanta kala-duwanaanshaha siyaasadeed. In siyaasiyiintu ku murmaan siyaasad iyo hannaan—ee aysan hub u qaadan—waa horumar marka loo eego waayihii hore.

Khilaafka ku saabsan nidaamka waa mid caadi ka ah dalalka ku jira kala-guurka. Muhiimadu waa in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal, dhexdhexaadin, iyo heshiis. Soomaaliya marar badan ayay muujisay awood ay uga laaban karto meelaha qatarta ah marka dhibaatada siyaasadeed si dhab ah loo fahmo.

Doorasho dadban kaliya ma aha xalka xasilloonida

Doorashooyinka dadban waxay keeneen xasillooni ku-meel-gaar ah, balse sidoo kale waxay xoojiyeen musuqmaasuq, gorgortan, iyo ka-go’naansho shacabka. Ku celcelinta nidaamkan si aan dhammaad lahayn waxay dhaawici kartaa sharciyadda dowladnimada.

Hab isku-dhafan—oo meelaha amniga leh lagu bilaabo cod-bixin toos ah, meelaha kalena lagu sii wado nidaam dadban—wuxuu isku dheellitiri karaa xaqiiqda jirta iyo gaaridda horumar la taaban karo. Ballaarinta ka-qaybgalka si tartiib ah ma aha halis indho-la’aan ah; waa habka ay dimuqraadiyadaha nugul ku bartaan kuna koraan.

Beesha caalamku door muhiim ah ayay leedahay, balse waa in ay ka gudubtaa maaraynta qalalaasaha oo ay u guurtaa taageeridda isbeddelka. Xaddididda adag ee ka dhanka ah tijaabinta siyaasadeed mararka qaar waxay dhiirrigelisaa carqalado iyo diidmo joogto ah.

Taageeridda dib-u-habeynta ay Soomaalidu hoggaaminayso—iyadoo la ilaalinayo kormeer madax-bannaan, hab-maareynta khilaafaadka, iyo xaqiijinta ka-qaybgalka haweenka iyo kooxaha la haybsooco—waxay xoojinaysaa madax-bannaanida qaranka.

In ka badan 25 sano, Soomaaliya waxay ka badbaadday saadaallo burbur. Waxay dib u dhistay hay’ado, soo celisay nidaam federaal, ku biirtay madalaha caalamiga ah, waxayna ilaalisay joogteyn siyaasadeed. Guulahan laguma gaarin ka fogaansho halis, balse waxaa lagu gaaray la tacaalid geesinimo leh iyo u bareerid.

Doorashada waa in loo arkaa imtixaan muujinaya bislaanshaha siyaasadeed ee Soomaaliya—ma aha burbur hor leh. Halista dhabta ahi ma aha isku-dayga dib-u-habeyn, ee waa ku dhicidda cabsi, rajo-xumo, iyo kala-guur aan dhammaad lahayn.

Shacabka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkaysi, wacyi siyaasadeed, iyo rabitaan cad oo ah in codkooda la maqlo. Haddii la helo hoggaan mas’uul ah, wada-hadal loo dhan yahay, iyo taageero caalami ah oo mabda’ ku dhisan, 2026 waxay noqon kartaa tallaabo kale—aan qummanayn balse macno leh—oo horay u sii qaadda mustaqbalka Soomaaliya.

W.Q. Yusuf Shuqale
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Taiwan oo si adag ugu soo jawaabtay madaxweyne Xasan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan ayaa si adag uga jawaabtay hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku duray qadiyada Taiwan, kadib wareysi uu 21-kii December 2025 siiyay telefishinka CGTN.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu wareysigaas ku sheegay in Shiinuhu haysto awood ciidan oo uu ku “soo ceshan karo” Taiwan, hadalkaas oo Taiwan ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad ku lahayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobolka.

Xafiisku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Taiwan tahay dal si buuxda u madaxbannaan, lehna dawladnimo dhammeystiran, isla markaana aanu jirin wax xiriir hoosaad ah oo kala dhexeeya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha (PRC).

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Indo-Pacific ay tahay arrin ay beesha caalamku isku raacsan tahay, isagoo ka digay in tallaabooyin militari oo hal dhinac ah oo Shiinuhu qaado ay khatar gelin karaan xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba.

Xafiiska Wakiilka Taiwan ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay dowladda Soomaaliya in ay diiradda saarto arrimaheeda gudaha iyo mudnaanta qarankeeda, halkii ay ku milmi lahayd loollan siyaasadeed oo caalami ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadallo colaad hurin ah ay waxyeello u geysanayaan kalsoonida iyo nabadda adduunka.

Bayaanku wuxuu caddeeyay in Taiwan ay sii wadayso taageerada qiyamka dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqayn doonto saaxiibbadeeda diblomaasiyadeed iyo dalalka ay wadaagaan aragtiyaha, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.

Bayaankan ayaa imanaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay sida Soomaaliya ay uga soo horjeedo madax-bannaanida Taiwan, isla markaana ay taageerayso mowqifka Shiinaha ee ah in uu dib ula wareego jasiiraddaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka Shiinaha (CMG), ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay qayb ka tahay, si weynna u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan afarta tiir ee Beijing ay hormuudka ka tahay. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ay ku ballaarineyso kaalinteeda kaga aaddan madal-yada caalamiga ah ee Shiinuhu hoggaamiyo.

“Dunidu way kala duwan tahay juquraafi ahaan iyo heerka horumarkaba; sidaas si la mid ah, caqabadaha waddan walba haysta waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray in qiimaha dhabta ah ee qorshayaashani uu ku jiro “mabaadi’da iyo hannaanka” ay xambaarsan yihiin—kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhowrista madax-bannaanida qarannimo, oggolaanshaha aragtiyada kala duwan, iyo iskaashi aan ku dhisnayn ka faa’iideysiga daciifnimada dadka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa tan iyo sannadkii 2013 wadday aragtida ah “Dhismaha Bulsho Wadaagta Mustaqbal Mid ah,” waxayna soo bandhigtay afar hindise oo waaweyn: Tashuubka Horumarinta Caalamiga ah (2021), Amniga Caalamiga ah (2022), Ilbaxnimada Caalamiga ah (2023), iyo Hindisaha cusub ee Maamulka Caalamiga ah (2025).

Golaha Mustaqbalka oo soo saaray bayaan cusub kuna dhowaaqay in ay si buuxda…

0

Kismaayo (Caasimada Online) — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyed ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay “si buuxda u taageerayaan” go’aannadii ka soo baxay Shirweynihii aayo-katashiga Soomaaliyeed ee dhowaan ka dhacay Kismaayo, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay is-afgarad siyaasadeed oo degdeg ah si loo wajaho xiisadaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray kadib shir gooni ah oo ay Kismaayo ku yeesheen, ayaa lagu sheegay in goluhu uu sidoo kale warbixin ka dhageystay guddiga farsamada, kuwaas oo “soo bandhigay qorshaha dhammaystirka dhismaha” golaha, iyo aragtiyo ku saabsan doorkiisa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay in uu soo dhisay hawl-wadeenno lix xubnood ka kooban, oo isugu jira xeer-ilaaliyeyaal iyo xoghayn, kuwaas oo ka kala socda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Hawl-wadeenadan ayaa loo xil saaray “isku-xirka iyo socodsiinta hawlaha” golaha, halka hoggaanka lagu amray inuu diyaariyo qorshe hawleed lix bilood ah oo lagu hawlgelinayo howlaha hortabinta.

Bayaanka ayaa si gaar ah u taxay waajibaadka golaha, oo ay ku jiraan ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, dhowrista dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012, taageeridda dhismaha dowlad dhexe oo federaal ah, ka shaqeynta in dalka loo dhammeeyo nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo ka hortagga wax kasta oo horseedi kara muddo-kororsi ama xukun aan sharciyad buuxda ku fadhiyin.

Waxaa kale oo bayaanka lagu adkeeyay xoojinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, daryeelka dadka ay saameeyeen abaaraha iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo, iyo hormarinta wada-hadal siyaasadeed oo “wada-tashi qaran” lagu gaari karo.

Shirweynihii aayo-katashiga Soomaaliyeed ee Kismaayo, oo la qabtay 18–20 December, ayaa dhowaan soo saaray war-murtiyeed ka digay “firaaq dastuuri ah” iyo sii-kordhinta khilaafka doorashooyinka, isaga oo ku baaqay wadahadal siyaasadeed oo degdeg ah iyo in la diido wax kasta oo loo arko muddo-kororsi ama hab doorasho oo aan heshiis qaran ku dhisnayn.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyed ayaa sheegay in go’aannadaas ay u arkaan “jihada saxda ah” ee lagu xasillin karo is-mariwaaga siyaasadeed, islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ballaarinayo wada-tashiga iyo isku-xirka dhinacyada siyaasadda.

Bayaanka golaha ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowlad Goboleedyada qaar, kuwaas oo diidan hannaanka doorashada qof iyo cod ee dowladda dhexe ay riixeyso, iyagoo ku doodaya inaanay jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Booliska oo xabsiga dhigay askar Muqdisho ku dhex watay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay qabteen 11 askari oo lagu tuhunsan yahay in ay hub si sharci-darro ah ugu dhex qaateen magaalada Muqdisho, taas oo ka hor imanaysa awaamiir hore oo lagu mamnuucayay falkaas.

Taliska ayaa sheegay in askartan ay ka dhega-adaygeen amarro si cad uga soo baxay hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo hore loogu wargeliyay dhammaan ciidamada, isla markaana lagu amray in aan hub lala dhex socon caasimadda iyadoo aan shaqo rasmi ah lagu jirin.

Sidaas darteed, boolisku waxa ay sheegeen in dacwaddooda loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh.

Qoraal ka soo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri: “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha caasimadda.”

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku daray in eedeysanayaashu ay jebiyeen awaamiirta amniga ee mamnuucaysay in askari aan howl ku jirin uu si gaar ah hub ula dhex maro Muqdisho, waxaana hadda ay ku jiraan gacanta booliska, iyadoo loo diyaarinayo in maxkamad la horgeeyo.

“Eedaysanayaashan ayaa baalmaray awaamiirta hay’adaha amniga ee farayay in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda magaalada. 11-ka eedaysane waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka booliska.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay magaalada Muqdisho uga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka culus ee qaarkood gaadiidka lagu xiro, tirada badan ee ilaalada dadka is-ilaaliya, iyo in askartu hub ula dhex socoto magaalada.

Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa siyaasadeed ee dalka, kana digay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed culus kasoo saaray xaaladda dalka, isagoo caddeeyay mowqifkiisa siyaasadeed.

Farmaajo ayaa sheegay in khatarta amni ee hortaagan qarannimadda Soomaaliyeed iyo bad qabka nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed ay wali ka imaanayso kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka, isagoo hoggaanka talada dalka haya ku eedeeyay in tan iyo markii uu talada la wareegay wuxuu ka leexdey hannaankii dowlad dhiska Soomaaliya oo ay laf dhabarka u ahayd siyaasadda loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

“Waxaa uu hoggaanka hadda jira si kaligiis tashinimo ah wax ka baddal ugu sameeyey dastuurka KMG ah ee ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, iyadoo aan loo marin jidkii sharciga iyo heshiis loo dhan yahay midna,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu madaxda qaranka ugu baaqay inay la yimaadaan isbeddel iyo siyaasad qaran oo lagu sixi karo arrimaha in ciidanka xoogga dalka uu burburo ama uu gudan waayo waajibka loo igmaday, sida uu sheegay.

Madaxweynihii hore ayaa ka digay muddo kororsi aan sharciyad haysan, doorasho hal dhinac ah iyo in dalka loo horseedo in la iska garab dhiso laba dowladood oo laba dastuur kala wata.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Tan iyo dib u aas-aaskii jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya ee sannadkii 2000 lagu soo dhisay dowlad KMG ahayd, waxa ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay halgan siyaasadeed oo hadafkiisu ahaa dib-u-dhiska qaran taabaggal ah oo gudan kara waajibaadka ka saaran ilaalinta gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, awoodna u yeelan kara daryeelka iyo adeegga ay shacabka Soomaaliyeed baahida u qabaan.

Inkasta oo dadaallo badan oo naf iyo maalba leh lagu bixshay sidii loo gaari lahaa himilooyinkaasi, haddana waxaa cad in dib u dhac weyn ku yimid xaqiijinta ujeeddooyinkaas qaran.

“Haddaba, aniga oo aaminsan iney lagama maarmaan tahay in ummadda Soomaaliyeed marnaba ka quusan qaranista himilooyinkooda qaran, ayaa waxaa xusid mudan in mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta wadajirka dalka iyo daryeelka shacabka loo doortay hay’adda dastuuriga ah iyo madax qaran oo ay ahayd inay wax walba ka hormariyaan waajibaadkooda dastuuriga ah”.

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ka amba qaadaya mas’uuliyadda qaran ee na wada saaran iyo xaaladaha amni, siyaasadeed, dhaqaale, abaaro iyo khataraha soo foodsaaray midnimada iyo wadajirka dalka ayuu wuxuu latashiyo ballaaran la sameeyey qeybaha kala duwan ee bulshada, sida xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiinta, culimada, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah, wuxuuna halkan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aaddan xaaladda dalku ku sugan yahay.
Amniga:

“Waxaan aaminsanahay in khatarta amni ee hortaagan qarannimadda Soomaaliyeed iyo bad qabka nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed ay wali ka imaanayso kooxda nabad-diidka Alshabaab oo wali ah khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana nasiib darro ah in dowladdda hadda jirta ka leexatay siyaasaddii iyo istaraatiijiyaddii lagu cirib tiri lahaa kooxaha argagaxisada.

Waxaan aad uga xumahay burburkii ku yimid ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagaliyey dagaallo aan qorshe iyo istaraatiijiyad laga fiirsadey lahayn, taaso keentay in kooxaha argagaxisadu sii xoogaystaan, dibna u qabsadaan deegaanno dhiig badan loo huray xorayntooda.

Waxaa sidoo kale qeyb weyn ka qaatay habaca iyo niyad jabka ciidanka xoogga siyaasadda ciidan qorista iyo dalacsiinta oo ciidanka dhexdiisa ka abuurtay eex iyo caddaalad darro.

Musuqmaasuqa iyo kala daadsanaanta hoggaanka ciidanka ayaa iyana qeyb weyn ka ah hawlgudasho la’aanta Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa iyana walaac badan leh in qeybo badan oo dalka ka mid ah ay kasoo cusboonaadeen dagaal beeleedyo hubeysan oo dhibato badan ku haya amniga qaranka iyo midka shacabka, iyada oo aysan muuqan wax siyaasadda cad oo dowladdda hadda jirtaa ka leedahay ka hortagga, joojinta iyo dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.”

Siyaasadda:

Geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya oo ahaa tiirka toosinta siyaasaddii horseedday burburkii qaran ee Soomaaliya ku jirtay sanooyinkan dambe waxaa aas-aas u ahaa guushii laga gaaray in dalku yeesho Dastuur KMG ah oo dhammaan la isla oggolaaday iyo hannaan doorasho la isla oggolaaday hadda wixii duruuftu oggolato.

Labadaas qodob waxay horseedeen in dalka ay ka dhacaan doorashooyin haysta sharciyad iyo hay’ado ku dhisan dastuur la isla oggol yahay.

Haddaba, sida aan wada ognahay hoggaanka talada dalka haya tan iyo markii uu talada la wareegay wuxuu ka leexdey hannaankii dowlad dhiska Soomaaliya oo ay laf dhabarka u ahayd siyaasadda loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Waxaa uu hoggaanka hadda jira si kaligiis tashinimo ah wax ka baddal ugu sameeyey dastuurka KMG ah ee ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, iyadoo aan loo marin jidkii sharciga iyo heshiis loo dhan yahay midna.

Sawirro: Dhoolatus weyn oo ka dhacay Muqdisho – Miyaa la soo afjaray jiritaanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniintii maanta hoggaamiyay Isu-soo-bax dadweyne oo ka qabsoomay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Isu-soo-baxan dadweyne oo ahaa kii ugu dambeeyay ee wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Dhoolatuskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Mas’uuliyiinta Gobolka, Guddoomiyeyaal degmo, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqollaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Raysal Wasaaraha ku soo dhaweeyay degmada Kaaraan, oo uu sheegay in ay shacabkeedu diyaar u yihiin codbixinta, waxa uuna yiri:

“Mudane Raysal Wasaare, Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho waa isdiiwaangeliyeen, hal milyan oo qof ayaa isdiiwaangeliyey. Kaararka codbixinta waa qaateen, inay madaxdooda doortaan ayey diyaar u yihiin, inay Mustaqbalkooda ka arrimiyaan ayey diyaar u yihiin,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

“Waxa ay ka mahadcelinayaan in Xukuumadda Danqaran iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ka ay ka dhabeeyeen ballanqaadkii ahaa hirgelinta doorasho toos ah, oo qof iyo cod ah.”

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha oo hadal-jeedin sameeyay ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashada, sugidda amniga, iyo doorka shacabka ee go’aaminta masiirkooda.

Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u hananayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, iyagoo dooran doona mas’uuliyiinta ay rabaan.

“Waxaa la soo afjari doonaa wixii loo yiqiinnay doorasho dadban, in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan dad yar. Waxa aan rajaynayaa in dimoqraadiyadda bariga Muqdisho ka soo billaabato, oo ay Kaaraan ka soo billaabato,” ayuu yiri.

“Laba beri kadib 25-ka bisha 12-aad 2025, waa maalin u weyn degmadan Kaaraan, caasimadda qaranka ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaa u baryi doona waa cusub. Waxaa qormi doonta taariikh cusub. Muwaadinka Soomaaliyeed xuquuq dastuuri ah oo ka maqnayd konton sano ka badan ayuu dib u hanan doonaa.”

Isu-soo-baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay goobaha codbixinta u dareeraan maalinta khamiista ah ee soo socota si ay u gutaan waajibaadkooda uu dammaanad qaadayo dastuurka qaranka, si ay codkooda ugu gaaraan yoolka ah: in la dhiso caasimad ka ammaan badan sida maanta, ka mideysan, kana horumarsan.

Somaliland oo qiratay in uu dhaqan-galay e-visa oo ay joojin weysay amarkii DF

0

London (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si dadban u qiratay in nidaamka e-Visa ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay uu hadda si dhab ah u shaqaynayo, isla markaana aanay awoodin inay si buuxda u joojiso, inkasta oo ay ku adkaysanayso in fiisahaasi aanu ka shaqaynayn deegaannadeeda.

Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, Fuaad Axmed Nuur, oo BBC la hadlay isagoo booqasho ku jooga Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in weli aan xal sharci ah laga gaarin muranka maamulka hawada ee maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana sidoo kale aan wax heshiis ah laga gaarin qaddiyadda e-Visa.

Wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya inay “si khaldan uga faa’iidaysanayso” heshiiskii 2012, isagoo sheegay in Muqdisho ay uga dhigtay mid u sahlaya inay ku muujiso in ay maamusho hawada Somaliland.

Wasiir Fuaad ayaa sheegay in Somaliland ay arrimahaas “sharci ahaan u daba soconayso,” si ay u raacdo waddooyin ay ku muujinayso, sida uu yiri, in Soomaaliya aanay awood sharci ku lahayn Somaliland.

Hase yeeshee, marka la joogo e-Visa, wasiirku wuxuu qirtay in rakaabka la weydiinayo e-Visa, taasoo muujinaysa in nidaamku dhaqan-gal yahay, inkasta oo uu ku dooday in Somaliland aysan aqbalayn.

“Waa sax e-Visa dadka waa la weydiinayaa,” ayuu yiri, balse wuxuu ku celceliyay in Somaliland ay dunida u caddaynayso in fiisaha Soomaaliya aanu ka shaqaynayn Somaliland, isla markaana aan lagu geli karin deegaannada ay maamusho.

Markii la weydiiyay sababta ay Somaliland uga hortegi weyday in shirkadaha diyaaradaha iyo garoomada caalamiga ah ay u hoggaansamaan shuruudda e-Visa, wasiirku wuxuu sheegay in duulimaadyadu ku shaqeeyaan xeerarka caalamiga ah ee ICAO, kuwaas oo oggolaanaya in socdaalaha la weydiiyo “hal fiiso” ama “hal dal ku gal.”

Wuxuu ku tilmaamay e-Visa “isbaaro” ay Muqdisho ku raadinayso sharciyad, isagoo sheegay in Somaliland ay arrintaas la wadaagtay caalamka, islamarkaana ay rumaysan tahay in aanay sii socon doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii September dhaqan-gelisay nidaamka e-Visa, waxaana si degdeg ah uga dhashay muran siyaasadeed iyo mid farsamo, kaddib markii Somaliland ay ka hortimid.

Sidoo kale muran dhanka hawada ah oo bilowgii 2024 sababay qalqal ku yimid qaar ka mid ah duulimaadyada ayaa hakaday iyada oo aan wax xal rasmi ah la gaarin.

Somaliland ayaa hore u sheegtay inay dacwad ka gudbinayso dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay ku-tagrifal awood iyo maamul hawada ah, halka Soomaaliya ay eedeymahaas ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn, kuna adkaysatay in maamulka hawada uu yahay mas’uuliyad u taalla dowladda federaalka.

Sanadka 2025, khilaafka ayaa mar kale soo cusboonaaday kaddib markii shirkadaha sameeya duulimaadyada caalamiga ah ay ku waajibisay rakaabka wata baasaboorrada ajnabiga ah inay wataan e-Visa, taas oo Somaliland ku tilmaantay tallaabo aan sharciyad ku dhisnayn, balse hadda muuqata inay si dhab ah uga dhaqan-gashay hab-socodka safarka.

Hay’adda duulista socdaalka oo ku dhawaaqday in garoonka Muqdisho la xirayo maalinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa shaacisay in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho la xirin doono maalinta Khamiista.

Shaqada garoonka ayaa gebi ahaanba istaagi doonta Khamiista 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu ogeysiiyay shacabka, shirkadaha duulimaadyada iyo wakaaladaha safarka in muddada uu xirnaanshuhu socdo aysan jiri doonin wax diyaarado ah oo ka duulaya ama ka degaya garoonka.

Sidoo kale, Hay’adda Duulista Rayidka ayaa tilmaantay in go’aankan uu ka mid yahay tallaabooyinka amniga iyo diyaargarowga farsamo ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud iyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa kula dardaarmay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha in ay dib u habeeyaan jadwalka safarradooda, isla markaana ay ka fogaadaan qorsheyn safar oo ku beegan maalinta la xirayo garoonka.

Hay’adda ayaa caddeysay in howlaha caadiga ah ee garoonka dib loo bilaabi doono marka la qaado xayiraadaha ku-meelgaarka ah ee la xiriira doorashooyinka, iyadoo rakaabka ku boorrisay in ay la socdaan ogeysiisyada rasmiga ah si ay ula socdaan wixii isbeddel ah.

Tan ayaa imaneysa saacado kadib markii Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Sidoo kae Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Tallaabooyinkan waxaa kasoo horjeeda Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

DF oo shaacisay magacyada madax sare oo Al-Shabaab ah oo hal goob lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo howl-galay qorsheysan lagu dilay.

Howl-galkan ayaa Axaddii shalay ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley ee gobolka Shabeelle Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-galkan ku dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaataynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxda lagu dilay howl-galkan ayaa waxa kamid ah:

  1. Jacfar Aadan – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Jabad Godane.
  2. Cabdirisaaq Cali – Wuxuu kooxda u qaabilsanaa daweynta.
  3. Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyada ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Howl-galkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

Miisaaniyadda gobolka Banaadir oo maanta la ansixiyay – Waa imisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey kulan lagu ansixinayay miisaaniyadda sanadka 2026 ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare iyo daneeyayaal kala duwan, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey miisaaniyad dhan $63,845,852.99 (Saddex iyo lixdan milyan, sideed boqol afartan iyo shan kun, sideed boqol konton iyo laba doolar iyo sagaashan iyo sagaal senti).

Miisaaniyaddan ayuu gobolku sheegay in loo qorsheeyey hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo diiradda saaraya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku dhaqan caasimadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ansixinta miisaaniyadda oo ay xaadireen 46 xubnood, ayaa waxaa ansixinta oggolaaday 45, halka hal xubin ay diidday.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee miisaaniyadda sanadka cusub la siinayo dhismaha kaabayaasha bulshada, oo ay ka mid yihiin waddooyinka, biyo-mareennada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan daryeelka bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu horumar la taaban karo ka sameeyey dhismaha waddooyinkii burbursanaa, kuwaas oo qaar la dhammeeyey, qaarna ay marayaan gebagabo, halka kuwo kalena dhawaan la billaabi doono.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in la hirgeliyey mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iskuullo, xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH-yo), bullaacado iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay si dhow ula xisaabtamaan maamulkiisa sida canshuuraha loo ururiyo iyo halka lagu bixiyo, isaga oo dhanka kale bulshada ku boorriyey in ay gutaan waajibaadkooda canshuur-bixinta si loo horumariyo adeegyada bulshada.

Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey muwaadiniinta in ay ka qaybgalaan doorashooyinka si loo helo maamul ka tarjumaya rabitaanka dadweynaha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Axmed, ayaa xaqiijiyey in miisaaniyaddan loo maamuli doono si hufan oo waafaqsan shuruucda maaliyadeed ee dalka.