25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo la xirayo

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la joojiyo xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) sanadka soo socda, kaddib codsi ka yimid Dowladda Federaalka.

Go’aankan ayaa qeyb ka ahaa qaraarka tirsigiisu yahay 2809 (2025), kaas oo sidoo kale lagu kordhiyay muddada oggolaanshaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ilaa 31-ka December 2026.

Golaha Ammaanka wuxuu u oggolaaday waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan dirista ciidamo dhan 11,826, oo ay ku jiraan 680 askari oo booliis ah, si ay uga hawlgalaan AUSSOM ilaa dhammaadka 2026.

Kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) la joojiyo dhammaan hawlihiisa marka la gaaro 31-ka Oktoobar 2026.

Joojinta ayaa dhici doonta kaddib marka la dhammeeyo wejiga labaad ee kala-guurka. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ansixiyay hirgelinta khariidadda-jidka uu soo jeediyay Xoghayaha Guud, sida ku cad warbixintiisii 30-ka Sebtembar.

Maxay yihiin howlaha xafiiska?

Golaha Ammaanka ayaa sannadkii 2013 si buuxda isugu raacay qaraar tirsigiisu yahay 2102, kaas oo lagu asaasay xafiis cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sannadkii 2024 ayaa mar kale magaca xafiiska la beddelay, waxaana loo bixiyay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Howlaha uu qabanayo UNTMIS waxaa ka mid ah taageeridda mudnaanta kala-guurka iyo dhismaha dowladnimada, oo ay ku jiraan habraaca dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada lagu qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxaa kale oo ka mid ah horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xukunka sharciga, caddaaladda, nidaamka xabsiyada, iyo taageerada waaxda amniga.

Sida ku cad howlaha loo igmaday, xafiisku wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa isku-duwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, isagoo la shaqeynaya la-hawlgalayaal laba-geesood ah, isla markaana isku-duweya dadaallada Qaramada Midoobay ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo loo igmaday xoojinta hay’adaha dowladda, sare u qaadista xuquuqda aadanaha, iyo awood-siinta dumarka iyo carruurta.

Hase yeeshee, sida ku cad bogga rasmiga ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaa la tilmaamaa in Soomaaliya ay ka soo baxdo howlaha ay tahay in beesha caalamka ay ka taageerto.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa saddexdii biloodba mar si joogto ah ugu wargeliya Golaha Ammaanka hirgelinta howlaha loo igmaday hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya

Xilli Qaramada Midoobay sheegtay in la joojinayo howlaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS), waxaa jiray shaqooyin badan oo xafiisku qaban jiray.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa ka digaya in weli aan laga maarmin doorka xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Maxamed Mukhtaar, oo horey u soo noqday Wasiirka Batroolka Soomaaliya, haatanna falanqeeya arrimaha siyaasadda, ayaa u arka in go’aankani yahay mid muhiim ah, balse u baahan in si qoto dheer loo eego waxa ka dhalan kara.

Mukhtaar wuxuu farta ku fiiqay in weli dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay taageerada Qaramada Midoobay.

“Go’aankani waa go’aan muhiim ah, balse weli wuxuu muujinayaa in Soomaaliya u baahan tahay taageero amni, marka la rabo in si tartiib-tartiib ah Soomaaliya loogu wareejiyo mas’uuliyaddaas,” ayuu yiri Mukhtaar.

Wuxuu sidoo kale xusay in baahidaasi ay salka ku hayso khatarta weli ka imaanaysa Al-Shabaab, isla markaana dowladda Soomaaliya u baahan tahay garab iyo taageero arrintaas la xiriirta.

“Salka waxay arrintaasi ku haysaa baahida UNTMIS loo qabo, oo ah inuu weli sii joogo, sababtoo ah waddanka weli waxaa ka jirta khatar Al-Shabaab ah. Sidoo kale, ciidamada Soomaaliya kuma filna amniga guud ee dalka inay iyaga kaligood maareeyaan,” ayuu yiri Mukhtaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u codsatay in la soo gabagabeeyo howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaya taalis cusub oo qaabilsan hawlgallada cirka

0

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qorshe istiraatiiji ah oo ay ku dhisayso Talis Cusub oo u qaabilsan Hawlgallada Cirka (Air Task Command) gudaha Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah ballaarinta iskaashiga difaaca ee qotada dheer ee kala dhexeeya xukuumadda Muqdisho, waxaa sidaas shaaciyey wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler.

Wasiir Güler ayaa sheegay in taliskan lagu qalabeyn doono awood ciidan oo dhanka cirka ah, taas oo isugu jirta diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters), diyaaradaha taageerada saadka, iyo kuwa dagaalka. Ujeedka ugu weyn ee dhismaha taliskan ayaa lagu sheegay in kor loo qaado awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sugidda badqabka ciidamada, iyo guud ahaan adkeynta difaaca qaranka.

Wasiirka ayaa qorshahan ku tilmaamay tiir istaraatiiji ah oo xoojinaya iskaashiga amniga ee muddada dheer u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, gaar ahaan dhinacyada tababarka, taageerada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada.

Turkiga ayaa horey magaalada Muqdisho ugu lahaa saldhiggiisa milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dalka dibaddiisa, halkaas oo hawlgalka TURKSOM uu ku tababaro ciidamada Soomaaliya, kana taageero dhismaha hay’adaha milatariga.

Taliska cusub ee cirka ayaa xiriirkaas u yeelaya waji cusub, isagoo diiradda saaraya dhaqdhaqaaqa cirka, jawaab-celinta degdegga ah, iyo taageerada hawlgallada dhulka.

Saraakiisha iyo dadka indho-indheeya arrimaha amniga ayaa qaba in dhismaha awooddan cirka ay Soomaaliya ka caawin doonto in ciidamada si degdeg ah loogu daabulo dhulalka maritaankoodu adag yahay, horumarinta daad-gureynta dhaawaca iyo gaarsiinta saadka, iyo weliba bixinta xog-sahan, iyo cabsi-gelin lagu sameeyo goobaha ay weli ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Haddii loo fuliyo sida loo qorsheeyay, tallaabadani waxay noqon doontaa mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee Soomaaliya u qaaddo dhismaha awood ciidan oo isku dhafan (cir iyo dhul).

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeystay xiriirka amni ee labada dal, iyadoo Ankara iyo Muqdisho ay iskaashigan ku qeexeen mid looga gol leeyahay taageeridda xasilloonida iyo xoojinta awoodda dowladnimada Soomaaliya.

DF oo caawa qaaday tallaabadii u dambeysay ee lagu hirgelinayo doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ciidanka loogu tala-galay sugidda amniga doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir u kala diray fariisimaha loo qorsheeyay inay ka howl-galaan.

Ciidankan ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda amniga muwaadiniinta codkooda dhiibanaya maalinta berri ah oo ku astaysan 25-ka December 2025.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa ciidankii u dambeeyay caawa u kala direy goobaha loo asteeyay.

Taliyuhu waxa uu saraakiisha iyo ciidamada kula dardaarmay in waajibaadka ilaalinta amniga ay u gutaan si hufan, iyadoo la tixgelinayo danta dalka iyo dadka.

Sidoo kale, wuxuu faray in si gaar ah loo caawiyo waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka.

Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo bandow la gelinayo caasimadda inta ay soconeyso codeynta doorashada oo ah lixda aroornimo 6:00 AM) ilaa lixda maqribnimo (6:00 PM), waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay si adag uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

Daawo: Xasan Sheekh oo shir jaraa’id oo degdeg ah qabtay ka hor doorashada berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada berri ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo madaxweynaha uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, ayaa waxaa la filayaa in lagu soo doorto golaha deegaanka gobolka Banaadir.

“Waxaan halkan usoo istaagay in aan idinkala hadlo riyo muddo dheer aan ku riyoonaynay oo rumoobi doonta saacado kadib haddii Alle raali ka noqdo. Waa riyo aad u muhiim ah, taariikhi ah oo saameyna ku leh mustaqbalka dowladnimada iyo dimuqraadiyeynta xukunka ee dalkeenna” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.

“Waxaa lasoo gaaray waqtigii shacabka Muqdisho cabiri lahaayeen rabitaankooda. Waxaa lasoo gaaray xilligii ay dheefsan lahaayeen halgankii ay soo galeen iyo dhabar adeygii ay muujiyeen, ayna dareemi lahaayeen inay wax dooran karaan, waxna diidi karaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweynuhu in dowladdu ay dadaal iyo waqti badan ku bixisay hirgalinta doorashadan oo Soomaaliya ku soo celinaysa wadada dib u kabashada iyo dowlad wanaagga.

“Muwaadiniinta sharafta leh ee isdiiwaan-geliyay ee kaarka codeynta qaatay waxaa idinka codsanaya, idinkuna boorinayaa inaad si weyn oo kala har laheyn ugu soo baxdaan doorashada deegaanka ee gobolka Banaadir ee berri qorsheysan haddii Alle idmo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray: “Muwaadin ha ogolaanin in caqabado aan macno laheyn lagu dhigto saacadaha ugu dambeeya. Ha ogolaan in xamxamle fariimo cabsi-gelin ah kusoo diro, ha ogolaanin in xumo iyo lugooyo lagugu qaraabeysto. Doorashada waa xaq dastuuri ah, waana habdhaqan ilbaxnimo ah.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida taliyaha guud ee ciidamada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee Liibiya, Sarreeye Guuto Rukun Maxamed Cali Axmed Al-Xaddaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Liibiya ug tacsiyeysay geerida taliyaha iyo saraakiil kale oo sare oo ay la burburtay diyaaraddii ay la socdeen.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxayna ku burburtay agagaarka degmada Haymana ee gobolka Ankara.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ku qornaa luuqadda Carabiga, ayaa lagu muujiyay garab-istaag iyo taageero loo fidinayo dowladda iyo shacabka Liibiya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee ay la leedahay Dowladda Midnimada Qaranka ee Liibiya, iyo qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo la wadaagaysa murugada iyo xanuunka ka dhashay masiibadan culus,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo aan soo turjunnay:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Liibiya, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, Sarreeye Guuto Rukun Maxamed Cali Axmed Al-Xaddaad.

Shilka diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka degmada Haymana ee gobolka Ankara, dalka Turkiga, Talaadadii 23-kii Diseembar, ayaa sidoo kale waxaa ku naf waayay afar ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada iyo saddex ka tirsan shaqaalaha duulimaadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee ay la leedahay Dowladda Midnimada Qaranka ee Liibiya, iyo qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo la wadaagaysa murugada iyo xanuunka ka dhashay masiibadan culus.

Waxaan Alle Subxaanahu wa Tacalaa ka baryaynaa inuu marxuumka naxariistiisa waasica ah ku mannaysto, Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, darajooyinkoodana kor ugu qaado, eheladooda iyo shacabka Liibiya ee walaalaha ahna ku gallado samir iyo adkaysi xilligan adag.

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashada berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in tirada codeeyasha ee qaatay kaarka codbixinta doorashada Muqdisho ay dhan tahay 503,916 oo qof.

Dadkan ayaa ka qeyb qaadanaya doorashada berri oo Khamiis ah 25-ka bisha December 2025 ka dhaceysa magaalada Muqdisho, taas oo dadweynaha gobolka Banaadir ku soo dooranayaan metelayaashooda goleyaasha deegaanka.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed ayaa sheegay in muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta oo keliya ay ka qayb qaadan karaan doorashada, isagoo adkeeyay in aan la oggolaan doonin in ay codeeyaan dad aan haysan kaarka rasmiga ah.

“Shacabka ku dhaqan Muqdisho waa in ay si nabad ah, xilkasnimo leh, kana fogaadaan qalalaase u gutaan waajibaadkooda doorasho, si ay doorashadu ugu dhacdo jawi deggen oo hufan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo bandow la gelinayo caasimadda inta ay soconeyso codeynta doorashada oo ah lixda aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda maqribnimo (6:00 PM), waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay si adag uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

Shirkadaha shidaal sahminta UK oo isaga baxay Somaliland, shaaciyeyna sababta

0

London (Caasimada Online) — Shirkadaha tamarta ee laga leeyahay dalka Britain, Afentra iyo Genel Energy, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay ka-bixitaankooda saami-qaybsiga shidaal-baarista ee xirmada Odweyne (Odewayne block) ee Somaliland, iyagoo gacan ku haynta buuxda ee mashruucaas ku wareejiyay shirkadda maxalliga ah ee Petrosoma. 

Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkadda Afentra, oo ka diiwaan-gashan suuqa saamiyada ee London, ay wareejiso saami dhan 34% oo ay ku lahayd mashruuca balse aysan maamulin, halka Genel Energy ay wareejisay saamigeedii hawl-wadeennimo oo gaarayay 50%.

Tallaabadan, oo heshay ogolaanshaha rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa ka dhigan in hadda wixii ka dambeeya ay shirkadda Petrosoma si buuxda u maamuli doonto 100% saamiga xirmadan.

Sida ku cad heshiiska kama-dambaysta ah, Afentra waxay lacag dhan $1.97 milyan ka heli doontaa Genel si loo xalliyo waajibaadkii hore ee maaliyadeed. Hase yeeshee, shirkadda Petrosoma wax lacag ah kama bixin wareejinta saamigan, taasoo ku qasabtay Afentra inay gebi ahaanba diiwaankeeda ka tirtirto qiimihii hantidaas (write down) oo lagu qiyaasay $21.5 milyan ilaa bishii Juun 2025.

Afentra ayaa xirmada Odweyne ku tilmaantay “hanti aan udub-dhexaad u ahayn istiraatiijiyaddeeda, isla markaana leh khatar sare,” waxayna caddeysay in ka-bixitaankani uu la jaanqaadayo qorshaheeda cusub ee diiradda lagu saarayo mashaariicda wax-soo-saarka iyo horumarinta ee Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalka Angola oo noqday xudunta hawlgalladeeda.

“Dhameystirka wareejintan waxay waafaqsan tahay himilada shirkadda iyo hannaankeeda taxaddarka leh ee maareynta maalgashiga,” ayay tiri Afentra oo soo saartay war-saxaafadeed.

Dhinaca kale, tallaabadan ayaa Genel Energy u oggolaaneysa inay awooddeeda isugu geyso hawlgalladeeda ugu muhiimsan ee Kurdistan-ta Ciraaq. Inkastoo ay ka baxday Odweyne, Genel weli way ku sugan tahay Somaliland, iyadoo sii haysata maamulka xirmada goonida ah ee SL10-B13 (frontier block).

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu Isniintii shaaca ka qaaday in qodista shidaalka ceyriin la filayo inay billaabato sannadka 2027. Wuxuuna tilmaamay in tallaabadani ay tahay guul muddada dheer la sugayay oo loo qaaday dhanka wax-soo-saarka shidaalka kaddib sanado badan oo sahmin iyo dib-u-dhacyo ah.

Madaxweyne Cirro, oo ka hadlayay Bandhigga Macdanta Somaliland ee Hargeysa, ayaa sheegay in qodistu ay billaaban karto labo sano gudahood, balse ay suurtagal tahay in laga soo hormariyo haddii diyaargarowga farsamo iyo heshiisyada qandaraasyada la dhammeystiro waqtiga loogu talo-galay.

Maamulka Somaliland ayaa ku doodaya in dhulku leeyahay kayd shidaal iyo macdan oo ballaaran, iyagoo ugu baaqay maal-gashadayaasha caalamiga ah inay ka qayb qaataan, iyagoo cuskanaya sharciyada maxalliga ah iyo hay’adaha nidaaminta ee jira.

Si kastaba ha ahaatee, waaxdan ayaa weli waxaa hareereeya muranno sharci iyo kuwo siyaasadeed oo aan xal loo helin.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii balse ma haysato aqoonsi caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celisay in iyada oo kaliya ay xaq u leedahay bixinta shatiyada shidaalka iyo gaaska dalka oo dhan, iyadoo sannadkii 2022 si cad u diidday xuquuqda shidaal-baarista ee ay sheeganayaan shirkadaha ka hawlgala deegaannada Somaliland.

5 arrin ka ogow doorashada Xasan Sheekh uu berri ka qabanayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa berri ka dhacaysa Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku loolamayaan 20 urur siyaasadeed oo ku kala badan tirada Musharrixiinta, degmooyinka ay ka tartamayaan, kuraasta ay raadinayaan iyo shan qodob oo diiwaanka galaya.

Ugu horrayn waxa aan diiradda saaraynaa shanta qodob ee ugu muhiimsan ee laga baranayo ama laga diiwaangelinayo doorashadaas berri ka dhacaysa Magaalada Muqdisho oo indhuhu ay haatan kuwada jeedaan, waxa ay kala yihiin:

  1. Waxaa la qaban doonaa doorashada golaha deegaanka oo kaliya, lama qaban doona doorashada golaha caasimadda & tan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
  2. Urur Siyaasadeedka Caddaaladda & Wadajirka ee JSP ayaa ah Ururka kaliya ee dhammeystiray dhammaan Musharraxiinta Degmooyinka oo gaaraya 390 Musharrax.
  3. Yaaqshiid ayaa noqotay Degmada ugu badan ay ka sharraxan yihiin musharraxiinta ugu badan, waxaana ka sharraxan 132 musharrax, halka Heliwaa ay noqotay Degmada ugu yar, waxaa ka sharraxan 87 Musharrax.
  4. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Magaalada Muqdisho ka hirgaliya doorashada golaha deegaanka 58 sanno ka dib.
  5. Dhaqaalaha doorashada ku baxaya oo markii ugu horreysay dowladda bixinayso 100%, iyada oo aysan taageero maaliyadeed ka helayinin beesha caalamka oo bixin jirtay lacagihii lagu qabtay Doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Jaantuska guud ee doorashada

  • Degmooyinka: 16
  • Kuraasta: 390
  • Musharraxiinta: 1,604
  • Xisbiyada: 20
  • Codbixiyaasha: 503,916

Shanta degmo ay ka sharaxan yihiin musharraxiinta ugu badan

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah 20 Degmo waxa uu Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka asteeyay in ay Doorashadaan ka dhacdo 16 kamid ah, Shanta Degmo ee ugu musharrixiinta badan ayaa kala ah:-

1- Yaashiid: 132 Musharrax

2- Hodan: 127 Musharrax

3- Dharkiiley: 119

4- Wadajir: 113 Musharrax

5- Hawlwadaag: 105

Shanta xisbi ee musharraxiinta ugu badan ay ka sharaxan yihiin

Xisbiga talada haatan haya ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee loosoo gaabiyo JSP ayaa haysta musharrixiinta ugu badan, waxaa ku xiga Karaama, Ramaas, Towfiiq iyo Sincad oo ah kan ugu musharrixiinta yar, waxa ay kala wataan musharrixiinta hoos ku qoran

1- JSP: 390 musharrax

2- Karaama: 230 Musharrax

3- Ramaas: 215 Musharrax

4- Towfiiq: 222 Musharrax

5- Sincad: 217 Musharrax

Waxaa shalay soo idlaaday Ololaha Doorashada Ururrada Siyaasadda oo ka kooban 20 Urur, maanta waa ay nasanayaan, halka berri ay dhacayso codaynta ay ku kala calaf qaadanayaan iyada oo maalmo la sugayo natiijada codbixintaas.

Isha: Mustaqbal

Daawo: Xildhibaan Xaadoole iyo Jacfar oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka wada tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay maanta ka dhex-tafatay, iyaga oo isku qabtay arrinta Gubta oo uu dhawaan deegaan rasmi ah u aqoonsaday Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Jacfar oo shalay tegay Gubta ayaa la hadlay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Murusade, isaga oo ugu baaqay inay iska diidaan maamulka lasoo magacaabay, isaga oo ku dooday in xaqooda la dudsiiyay.

“Gubta meeshi ahayd oo ognahay dadka deggan oo sida loo kala dagan yahay aan annagu naqaan in maanta la yiraahdo hal qof ayay Murusade maamulka ku leeyihiin inta kale dad laga yaqaabo inay na dhexmarin deegaanka inay maanta qayb ku yeeshaan wax xisaab ku yimiday ma’aha” ayuu yiri Jacfar.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Dowladu tan kaliya ma’aha hadda ayay imaaneysaa waa la’iska wareejinaa anaa idin sheegaa si gobanima leh ayaa wixiina u qaadaneysiin cidna ka tuugu maysiin”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo isna la hadlay dadka uu metalo oo uu sheegay inay dagan yihiin Gubta, wuxuuna ku dooday in deegaanka uu ka dhexeeyo labada beelood, ayna wada dagaan.

“Dhulkan oo ay dagan yihiin dadka aan xildhibaanka u ahay ayay sheegahaayaan dhulka ay leeyihiin oo ay goonida u sheeganayaan oo Murusade kaligiis leeyahay maha uu ku yaallo aniga ma qaano, Dayniile ayaa naga dhexeyso oo ay qayb ka dagan yihiin, Daarusalaam ayay naga dhexeyso” ayuu yiri Xaadoole.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Jacfar ee ku aadan lahaanshaha Gubta, taas oo abuurtay xiisadda taagan.

“Ninkan saaxkeeya ee Jacfar ah oo xalay aniga dadka igu kacshay oo aan ka hurdi waayay oo yiri Murusadow iska diida ee nimanka loo soo magacaabay Gubta yiri waa tuugtameen, ma tuugtamin ee adaa hadda been wado” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Mursade haddaa ku hadashay anne waxaa ku hadlaa gorgaarte hawiye”.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dibad-bax rabshada watay oo lagu diiday maamulka cusub uu ka dhacay halkaasi, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada ammaanka oo soo xiray dad shacab ah iyo wariyeyaal deegaanka Gubta u tegay inay soo tabiyaan xaaladda meesha ka jirta.

Daawo: Mucaaradka oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah doorashada berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee qaybta ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoteelka Jaziira ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Xubnahan oo ay kamid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo dalka soo maray ayaa ku dhawaaqay go’aanno xasaasi ah oo ka dhan doorashooyinka golaha deegaanka ee beri oo Khamiis ah ka dhaceysa qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Golaha ayaa marka hore ku eedeeyay kooxda Villa Soomaaliya in lacagihii ummadda Soomaaliyeed ay u adeegsadeen xisbigooda iyo ololaha doorashada, isla markaana doorashada beri dhaceysa ay tahay mid hal dhinac ah.

“Kaliya meeshaan waxaa isugu nimid inaan idin sheegno shacabka Soomaaliyeedna u sheegno in ayaan darro ay tahay in xooggii iyo xoolihii ummadda Soomaaliyeed la geliyay meel aan ognahay inaanay natiijo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed yadadiilo u horseedaayo aanay kasoo baxayn” ayuu yiri Musharrax Xasan Cali Khayre oo u hadlay mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada la iclaamiyay in beri ay ka dhaceyso caasimada, isaga oo tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan nahay Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan shacabk Soomaaliyeed u caddeyno inaan doorashadaas aaminsaneyn in doorasho sax ah tahay inaanan aaminsaneyn natiijada kasoo baxeysa inay tahay natiijo sax ah inaan aaminsaneyn inay waafaqsan tahay shuruucda iyo nidaamka dalka u dagsan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare hore Khayre.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan aaminsanahay inaan aaminsanahay doorasho ay tahay in qolo ay sameysatay si ay isugu deydo inay tiraahdo doorasho ayaan qabanay si ay u raadiso muddo kordhin aan laga qabali doonin”.

Shariif Sheekh Axmed oo dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’id ayaa tilmaamay in doorashadan aysan waxba soo kordhin doonin, isla markaana ay tahay waqti lumis, ujeedaduna tahay muddo kororsi, taasna ay kasoo horjeedaan.

“Doorasho beenaadka beri dhaceyso waxba iskama badalayaan, maxaa yeelay guddoomiye gobol lama dooranaayo, mana ogolin muddo kororsiga ay rabto dowladda” ayuu isaguna yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.

Xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wayn u saluugsan qaabka ay wax u wado dowladda Soomaaliya, waxayna kol-hore ka istaageen bannaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay tageen Kismaayo oo ay kula soo shireen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo soo saaray go’aanno ka dhan ah doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qaban qaabineyso Villa Somalia.

Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.


Mareykanka oo kashifay sir culus oo Soomaaliya ah iyo khasaaraha 8,000 askari oo…

0

New York (Somalia Today) — Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday xog xanuun badan oo muujineysa in 8,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka muddada 18-ka sano ah ka socda Soomaaliya.  

Tiradan naxdinta leh ayuu Mareykanku u cuskaday dalabkiisa adag ee ah in la dejiyo istiraatiijiyad “macquul ah” oo ciidamada shisheeye ay dalka kaga baxayaan.

Kulan xasaasi ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cusbooneysiinayay waqtiga Howlgalka Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AUSSOM), ayuu Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Maamulka iyo Dib-u-habeynta Qaramada Midoobay, Jeffrey Bartos, jebiyay dhaqankii diblomaasiyadeed ee taxadarka lahaa, isagoo miiska soo saaray tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray dalalka ciidamada ku deeqa.

“Waxaan qireynaa, maanka ku haynaa, in 8,000 oo askari oo Afrikaan ah ay naftooda ku waayeen ama ku dhaawacmeen gudashada waajibkooda 18-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Bartos.

Bartos ayaa hoosta ka xariiqay in inkastoo naf iyo maal (balaayiin dollar) la huray, haddana ku wareejinta mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya ay weli u muuqato mid “aan la gaari karin” oo cakiran.

Inkastoo Washington ay taageertay muddo-kordhinta howlgalka, haddana waxay bixisay calaamad muujineysa in taageeradeedu aysan ahayn mid waligeed sii soconeysa.

Bartos wuxuu si cad u dalbaday in howlgalka loo sameeyo khariidad lagu kalsoonaan karo oo lagu “soo afjarayo”, taas oo ah farriintii ugu caddeyd ee Mareykanku ku muujiyo inuu doonayo in la soo xiro howlgalkan tobannaanka sano qaatay.

Danjiraha ayaa xusay in Mareykanku bixiyay ku dhawaad $1.6 bilyan oo taageero toos ah oo la siiyay dalalka ciidamada soo diray, iyo $2 bilyan oo kale oo qaaraan ah oo la mariyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay (UNSOS).

Wuxuuna ku dooday in mustaqbalka la joogteeyo “ka faa’iideysiga kheyraadka” iyo in la dejiyo halbeegyo waxqabad oo cad.

Mareykanka ayaa sidoo kale dhaliil kulul u jeediyay kala-qeybsanaanta siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo beelaha inay “midoobaan” si wax looga qabto caqabadaha amniga.

“Mas’uuliyadda la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish waa inay u wareegto kuwa ay arrintu sida tooska ah u khuseyso (Soomaalida),” ayuu yiri Bartos, taas oo ah farriin toos ah oo ku socota madaxda Soomaalida si ay u xalliyaan khilaafaadka ragaadiyay horumarka milatariga.

Ugu dambeyntii, Mareykanka ayaa muujiyay niyad-jab ku aaddan in xubnaha qaar ee Golaha ay geeddi-socodka cusbooneysiinta u adeegsadeen in lagu soo daro “luuqad wax-ka-jeedin ah iyo mid kala-qeybin abuuraysa, oo ay ku jirto arrinta jinsiga,” isagoo ku adkeystay in diiradda la saaro natiijooyinka amniga oo kaliya.

Xog: Xasan oo u baxaya safar dibadeed + Qorshihiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in si gaar ah uu Madaxweynaha u ambabixi doono 27-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socoto, waxaana casuumaad rasmi ah uu ka helay dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynaha dalka Kenya, isla markaana ay diiradda saari doonaan xaaladaha guud ee gobolka iyo arrimo Soomaaliya, maadaama ay Kenya qayb ka tahay dalalka dariska ah, amnigana ka taageera dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada la filayo in Xasan Sheekh uu ku tego Nairobi ayaa imaaneysa, kaddib safarkii halka maalin ahaa ee uu dhawaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula soo kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale maalintaas adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu safarkan kusoo beegmayaa, xilli haatan la kordhiyay joogitaanka ciidamada Hawlgalka Afrika (AUSSOM) ee Soomaaliya jooga, isla markaana ay qayb ka yihiin ciidamada difaaca Kenya ee ku sugan Jubbaland.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan si wayn deddaal ugu jira inuu ka miradhaliyo ajandihiisa qaran ee ku wajahan hoggaamintiisa Soomaaliya, gaar ahaan qorshihiisa hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay weli diiddan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Nin Al-Shabaab ay u dirtay in uu Mareykanka ka fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 oo…

0

New York (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Isniintii xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cholo Cabdi Cabdullaahi, oo ah nin u dhashay dalka Kenya, kaas oo tababar duuliyenimo qaatay isagoo qorsheynayay inuu afduubo diyaarad rakaab, kaddibna uu ku dhufto dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Mareykanka, isagoo ka amar qaadanaya kooxda Al-Shabaab.

Xukunkan oo ka dhacay Maxkamadda Federaalka ee New York ayaa soo afjaraya baaritaan caalami ah oo muddo dheer qaatay, kaas oo daaha ka rogay damaca dhabta ah ee Al-Shabaab ay ku dooneyso inay weeraro uga geysato gudaha Mareykanka. Kiiskan ayaa meesha ka saaray malo-awaalkii hore ee ahaa in kooxdu ay diiradda saarto oo keliya arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Bishii Nofembar ee sanadkii hore, xeer-beegti federaal ah ayaa Cabdullaahi, oo 35 jir ah, ku heshay dambi ah inuu maleegayay shirqool lagu dilayo muwaadiniin Mareykan ah iyo falal argagixiso oo ka gudba xuduudaha dalalka. Isniintii, Garsoore Analisa Torres ayaa ku dhawaaqday xukunka ugu sarreeya ee sharciga, taasoo ka dhigan in ninkan uu inta noloshiisa ka dhiman ku qaadan doono xabsiga federaalka.

“Cholo Cabdi Cabdullaahi wuxuu ahaa xubin si heer sarre ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna taamayay inuu dib u soo celiyo weeraradii argagixiso ee naxdinta lahaa ee 11-kii September,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Jay Clayton oo war-saxaafadeed soo saaray dhageysiga kadib. 

Clayton ayaa hoosta ka xariiqay go’aanka adag ee ninkan, isagoo xusay in Cabdullaahi uu “si buuxda ugu diyaar garoobay inuu dhinto” si uu u fuliyo hawlgalkaas. 

Bartilmaameedka Atlanta

Sida ku cad dokumeentiyada maxkamadda iyo caddeymihii la horkeenay xeer-beegtida, eedeysanuhu wuxuu si gaar ah u calaamadsaday bartilmaameedkiisa: dhismaha loo yaqaan Bank of America Plaza ee magaalada Atlanta, gobolka Georgia, kaas oo ka kooban 55 dabaq. 

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in Cabdullaahi uu sanado badan ku bixiyay u-gogol-xaaridda weerarkan, isagoo amarro toos ah ka qaadanayay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Soomaaliya.

Intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, wuxuu iska diiwaangeliyay dugsi lagu barto duulista oo ku yaalla dalka Filibiin (Philippines), halkaas oo uu ku dhammeystirtay ku dhawaad dhammaan shuruudihii looga baahnaa shatiga duuliyenimada ganacsiga.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa caddeeyay in Al-Shabaab ay kumanaan doollar u dirtay Cabdullaahi si looga bixiyo qarashka waxbarashada, lacagahaas oo kasoo xarooday shabakadda baadda ee kooxdu ku leedahay gudaha Soomaaliya. 

Farriin sir ah oo uu u diray madaxdiisa, ayuu Cabdullaahi ku bixiyay qiimeyn farsamo oo naxdin leh oo ku saabsan afduubyadii hore ee diyaaradaha.

“Afduubkii kaliya ee guuleystay wixii ka dambeeyay 9/11 wuxuu ahaa… mid uu fuliyay duuliyihii laftiisa,” ayuu qoray, isagoo ku soo gaba-gabeeyay in si uu u guuleysto, ay lagama maarmaan tahay inuu diyaaradda ka maamulo gudaha qolka duuliyaha (cockpit).

‘Hawlgalka Qudus’

Saraakiisha Mareykanka ayaa xiriiriyay shirqoolkan iyo olole istiraatiijiyadeed oo ballaaran oo la billaabay 2018, kaas oo loogu magac daray “Hawlgalka Qudus Weligeed Ma Yahuudaysobo” (Operation Jerusalem Will Never Be Judaized). 

Hindisahan ayaa dhaliyay weeraro dhowr ah oo caan baxay, waxaana ugu weynaa weerarkii Janaayo 2019 lagu qaaday dhismaha hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

Xiriirka ka dhexeeya weerarkii Nairobi iyo qorshaha Cabdullaahi ee Mareykanka ayaa ahaa mid shaqsi ah. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa shaaciyay in sarkaalkii Al-Shabaab ee hagayay Cabdullaahi—kaas oo tababarkiisa duulista kala socday Soomaaliya—uu ahaa isla sarkaalkii soo agaasimay weerarkii DusitD2.

Ciidamada ammaanka ee Filibiin ayaa xiray Cabdullaahi bishii Luulyo 2019 iyagoo u haystay dambiyo maxalli ah, tallaabadaas oo hakisay wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa la wareegay bishii Disembar 2020 si uu u wajaho dambiyo argagixiso oo heer federaal ah.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud, John A. Eisenberg, ayaa sheegay in xukunka xabsi daa’inka ah uu ka tarjumayo heerka halista ee khatartan.

“Waxaan fashilinnay shirqoolkan anagoo kaashaneyna dadaalka hagar la’aanta ah ee hay’adaha fulinta sharciga Mareykanka, sidaasna waxaan u badbaadinay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri Eisenberg.

Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay shaqaalaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose Xamar, si ay berri oo ay dhaceyso doorashada u gutaan waajbaadkooda shaqo.

Muungaab ayaa sheegay in la diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ku filan shacabka, kaas oo ka kooban ambalaasyada, gaadiidka dab-damiska iyo booyadaha biyaha, si ay ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda Hooe ee Xamar waxay halkan kusoo bandhigeysaa ayna u sheegeysaa shacabka canshuur bixiyeyaasha ah in ay codkooda u dhiibtaan si walwal la’aan ah, waxaana diyaar ah waaxdii gurmadka deg-degga ah oo gaadiidkeeda ambalaaska ah iyo gaadiidkeeda dab-damiska ah ay dhammaan diyaar u yihiin” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in la ilaaliyo badqabka muwaadiniinta usoo baxaya doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanka degmooyinka oo beri Khamiis ah ka dhici doonto magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Ujeedka waxa uu yahay si loo ilaaliyo badqabka dadka codka bixinaya berri ee safafka dhaadheer ku jiro Dowladda Hoose ee Xamar qaybteeda waaxda gurmadka deg-degga ah diyaar ayay u tahay inay howshaas gutaan heeganbey u jiraan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in la diyaariyay ciidamadii ammaanka oo isugu jiro Boolis, Nabad-sugid iyo Boolis Mitaaro, si ay u sugaan nabad-gelyada, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu soo daadi doono waddooyinka.

“Waxaa laamiyada ku sugan ciidamada nabad-gelyada, ciidankaana waxaa waayey waa ciidankii xaaladaha gaarka ah ka jawaabi lahaa, iyaguna heegan ayay ku jiraan” ayuu sii raaciyay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xalay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay in lasoo gabagabeeyay ololahii doorashada ee ururrada siyaasadda, wuxuuna sidoo kale soo bandhigay liiska goobaha codeynta ee degmooyinka, halkaas oo ay dadweynuu tegi doonaan.

Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka gaaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) –  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka shiray xaaladda ammaan ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan culus ka gaaray howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Golaha ayaa isku raacay in muddo sanad ah loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), lana gaarsiiyo ilaa 31-ka December 2026.

Codeyn ka dhacday xarunta golaha ayaa waqtiga loogu cusbooneysiiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in la taageero howlgalka oo hadda wajahaya duruufo dhinaca dhaqaalaha ah si loo xaqiijiyo ujeedka ciidankan loo keenay Soomaaliya oo ah adkaynta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Dhinaca kale, waxaa tallaabadan si deg-deg ah usoo dhaweeyay howlgalka Midowga Afrika, isaga oo codsaday in taageero dhaqaale lala garab istaago.

“AUSSOM waxay soo dhawaynaysaa go’aanka loo dhan yahay ee Golaha Ammaanka ee QM uu ku cusboonaysiiyay waajibaadka Hawlgalka tan iyo 31 Disembar 2026. Go’aankan ayaa mar kale xaqiijinaya sida beesha caalamka ay uga tahay Nabadda, Xasilloonida iyo Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AUSSOM.

Sidoo kale, wuxuu howlgalka intaas ku daray inay ka go’an tahay inuu sii wado dadaalladiisa, isla markaana uu gudan doono waajibaadkiisa ku aadan xasilinta Soomaaliya, si looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee halista ku ah gobolka.

“AUSSOM waxaa ka go’an inay si buuxdo u hirgeliso waajibaadkan cusub oo dan u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Go’aankan dib loogu cusbooniyay waqtiga howlgalka Midowga ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay uu ururka la daala dhacayay culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Doorashada dhalanteedka ah iyo caqabadaha ku gedaaman

In ka badan 20 sano ayay Soomaaliya ku taamaysay inay ka gudubto nidaamka awoodqeybsiga qabaa’ilka ee 4.5 una gudubto hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka. Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee lagu dhawaaqday ay in dhacaan maalinta Khamiista ee 25-ka December waa dhalanteed siyaasadeed oo xukuumaddu ku dooneyso boob kale oo ku wahan masiirka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Marka aad si miyir leh u eegto doorasho-ku-sheegga xukuumadda, waxaad garowsaneysaa in ay ka fog tahay xor iyo xalaal, oo hadafkooda dhabta ahi uu yahay in ay toshaan “shaati” ama sameystaan “ruqsad” ay xukunka kusii joogaan si aan waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Dabcan wax uga fiicnaan lahaa ma jirto shacabka Soomaaliyeed in ay helaan doorasho iyo nidaam caadil ah oo ay afkaartooda iyo codkooda ku muujiyaan cidda markaas ay doonayaan in ay xukunka ku tasho, oo markaas si aqlabiyad iyo dimuqraadiyad leh la isku doorto. Laakiin xaqiiqda jirta iyo waaqica Soomaaliya maanta sidaas ma ahan.

Nuqulkan waxaan ku qiimeyn doonaa xaaladaha ku gedaaman doorashada la-tuhunsan yahay ee xukuumadda, anagoo ka eegeyna dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sharciyadda. Waxaan ku soo gunnaanadi doonaa tallooyin iyo dabcan sida marxaladan looga bixi karo si looga badbaado qalalaase siyaasadeed iyo dibu-dhac baahsan oo saameyn kara geedi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Sida ay ku andacootay xukuumadda, doorashooyinka golaha deegaanka waxay ka dhacayaan degmooyinkii jiray ka hor 1991-kii, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in dalku galay isbeddel weyn mudaddii burburka taas oo wax ka badan ka beddeshay tirsiga degmooyinka iyo gobolada dalka. Tusaale ahaan, Gobolka Banaadir wuxuu ka koobnaa 16 degmo oo keliya burburkii ka hor. Dhawr degmo oo ku soo korortay gobolka, sida degmada Kaxda, Garasbaaley, Deyniile iyo Daarusalaam, misena waxaa cad in aysan jirin hannaan iyo qorshe ay shacabka degmooyinkaas ay ku muujiyaan codkooda.

Tirada guud ee degmooyinkii dalka ka jiray ka hor 1991-kii waxay ahayd 92 degmo. Marka la eego inta gacanta Dawladda Federaalka ku hayso, waxa ay si toos ah u maamushaa oo keliya 29 degmo. Taas waxay u dhigantaa qiyaastii 27% degmooyinka dalka. Sidaas darteed, in ka badan 70% degmooyinka dalka waxa ay ka maqan yihiin gacan-ku-haynta dawladda, mana jirto xaalad suurtagelinaysa in laga qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Tusaale, gobollada sida Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag, iyo qaybo badan oo ka tirsan Bari, Nugaal, Shabeelooyinka, Mudug, Baay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, dawladdu saamayn siyaasadeed kuma laha. Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: sidee bay xukuumad gacanta ku haysa wax ka yar saddex-meelood meel dalka u sheegan kartaa inay matalayso rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed, xataa waa haddii aan iska indha tirno dhammaan caqabadaha kale ee hannaanka doorashada ku xeeran? 

Amniga

Inkasta oo marar badan la sheegayo in ammaanku soo hagaagayo, gaar ahaan gobolka Banaadir, haddana xaqiiqadu waa mid ka duwan sida ay dawladdu u dhigtay. Degmooyin badan oo lagu daray jadwalka doorashada ma laha amni buuxa. Deegaanno dawladdu sheegato inay maamusho, dadku kuma dhiirran karaan in ay ka qaybgalaan doorasho sababtoo ah waxa ay ka baqayaan in Al-Shabaab ay beegsato. Jubadda Dhexe weli waa gacanta Al-Shabaab, halka degmooyin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay xaaladdoodu liidato, culeys badanna ay saareen argagixisada Al Shabaab. Doorasho qof iyo cod ah lama qaban karo iyada oo aan la hubin badqabka iyo amniga qofka codeynaya.

Dagaalkii ay xukuumadda iclaamisay saddex sano ka hor waxa uu kusoo dhammaaday fashil, waana sababta keentay in asbuucan ay argagixisadu qabsato deegaan istaraatiiji ah oo lagu magacaabo Nuur-Dugle, halkaas oo teed-difaac oo muhiim ah u aheyd degmooyinka Ceeldheer, Jowhar iyo Warshiikh.

Xaaladda Dhaqaalaha Dalka

Tirsiga ururada ku hodmay isdiiwaangelinta waa 61 urur siyaasadeed. Intooda badan ururadan ma heystaan dhaqaale ay ku hawlgalaan si u helaan codbixiyeyaal ama xubno taageersan falsafadooda siyaasadeed oo ay ku xisaabtami karaan.  Sababtuna waa in dalka uu ka jiro saboolnimo iyo fakhri baahsan, taas oo ay ugu wacan tahay shaqo la’aanta iyo dhaqaalaha dalka oo aad u liita. Waxaan ognahay in doorasho macna leh ay u baahan tahay olole ballaaran, wacyigelin iyo aaladdo saamaxaya in ururada siyaasadeed ku gudbiyaan fariimahooda siyaasadeed. Sida muuqata, hawlahaas suuragal uma ahan xisbiyadda isdiiwaangeliyay marka laga reebo midka talada dalka haya ee Cadaaladda iyo Wadajirka ee loo soo gaabiyo JSP.

Dhanka kale markaan ka eegno, waxaa isna wallaaca jira sii kordhinaya sharciga lagu murransan yahay ee Doorashada, kaas oo ku khasbaya urur walba in uu musharaxiintiisa ka soo gudbiyo degmo kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir (16 guud ahaan). Degmooyinka oo u kala soocan A iyo B, hadana urur walba waxaa laga doonayaa in uu soo gudbiyo musharaxiin ku dhow 400 oo qof. Marka la isku daro kharashaadka diiwaangelinta ($100 qofkiiba) iyo warqadda dambi-la’aanta ee CID ($20 qofkiiba), urur walba waxaa ku waajib ah inuu bixiyo ugu yaraan $48,000, taas oo aan suuragal aheyn markaad eegto wacyiga jira ee dhaqaalaha ururada siyaasadda. Sidaas awgeed, hannaankan ma aha mid fursad siinaya tartan xor ah, balse waa qaab si ula kac ah ugu hiilinaya xisbiga JSP.

Guddiga Doorashooyinka

Waxaan shaki ku jirin in guddiga xukuumadda u sameysatay in uu ka arrimiyo hannaanka doorashada uu yahay mid lagu mursan yahay, oo aan marnaba dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha doorashooyinka. Laga soo bilaabo hannaanka iyo soo xulista xubnaha, ilaa sharciga guddiga, dhammaantood waxaa ka taagan dood culus oo salka ku heysa hufnaanta guddiga, mana jiraan dadaalo ay xukuumaddu ku bixisay sidii ay uga garaabi laheyd xal-u-helida arrimahaas.

Dhaqdhaqaaqyada guddiga iyo hoggaankiisa ayaa dalka sii galinaya marxalad abuureysa sii kala fogaansho siyaasadeed, maadaama lagu soo xulay hannaan ku dhisan eex, nin-jecleysi iyo ku-tagrifal awoodeed. Halkii laga filayay guddi madax-bannaan oo ilaaliya hufnaanta nidaamka caddaaladda iyo sharafta codka muwaadinka, waxa dalka loo keenay koox aan haba yaraatee u qalmin (xitaa markaad eegto waaya-aragnimadooda shaqo) masuuliyadda masiiriga ah ee ay sheeganayso inay hayso. Fashilka intaas le’eg wuxuu ka dhigan yahay in garsoorihii doorashada uu isku beddalay tartame, taas oo aflagaado ku ah caqliga iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ka sii anfariir badan taas in gebi ahaanba uusan jirin dhabbo caddaaladdeed oo madaxbanaan oo lagu xaliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada. Aan si kale u dhigno, ma jirto maxkamad dastuuri ah oo madaxbanaan isla markaana awood u leh in ay kala saarto xisbiyada iyo ururadda siyaasadda, gaar ahaan, markii ay timaado khilaaf salka ku haya boob iyo ku-shubasho codadka ah.  Maadaama hay’adihii garsoorka aysan jirin, waxa meesha ka baxaya suuragalnimada doorasho ku dhisan xor iyo xalaal, waana sababta keentay in xisbiga JSP uu sameysto isbaarooyin/jigdooyo oo uu gaboodfalladiisa ku xalaaleysto mustaqbalka dhow. Xataa nidaam ahaan, Wasaaraddii Arrimaha Gudaha oo ahayd in ay noqoto kor-joogaha hannaanka doorasho waxay isu beddeshay hay’ad magac-u-yaal ah, oo ka weecatay doorkeedii dastuuriga ahaa.

Nidaamka iyo qalabka doorashada ayaa ah kuwa ay dawladdu iskeed usoo iibsatay, oo aan laheyn wax isla xisaabtan ah. Xisbiyo dhowr ah oo isku tagay ayaa arrintan ka keenay cabasho ku aaddan in “system audit” lagu sameeyo ama la tijaabiyo hufnaanta xog-keydiyaha doorashada, balse xukuumadda iyo xisbiga JSP waxba kama soo qaadin, dhagna jalaq uma siin. Dhammaan arrimahan waxay muujinayaan in dalka lagu hoggaaminayo doorasho dhalanteed ah, loona abaabulay in natiijada ka soo baxda lagu qasbo shacabka Soomaaliyeed.  

Doorka Xisbiga JSP

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka wuxuu si toos ah uga mid noqday caqabadaha ugu waaweyn ee wiiqay hufnaanta Doorashooyinka Golaha Deegaanka. Sababta ugu weyn waxay tahay in ururkan ay si buuxda ugu milmeen madaxda ugu sarreysa dawladda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, iyo madaxda maamul-goboleedyada wakhtigoodu/ruqsadii ka dhacday ay ka mid yihiin, sida Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari. Isgaashaanbuursigan kakala socda dawladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sababay khilaafyo gudaha ah iyo muran bannaanka u soo baxay, sida is-qabsigii murashaxnimada ee dhex maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo guddoomiyihii hore Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo sidoo kale dhacdooyinkii ka dhacay Galmudug oo ugu dambayn horseeday in maamulkaasi qaadaco Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Galmudug.

Xisbiga JSP ayaa si joogto ah u adeegsaday hantida dawladda, shaqaalaha hay’adaha qaranka, iyo agabka Gobolka Banaadir, gaar ahaan gaadiidka dawladda. Arrintan waxaa cadeyn u ah in magaalada Muqdisho si maxfal ah loogu arkay gaadiid tiro badan oo ay ku xardhan yihiin astaanta iyo magaca Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka, taas oo muujinaysa ku-takri-fal awood iyo hanti qaran. Marka aan dib u milicsano dhaqanka xisbiga JSP, wuxuu ku tusayaa ififaalo muujinaya dariiqii uu maray xisbigii dawladii militeriga ee dalka ka arrimisay 21 sano, lana oran jiray Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party). Doorashayooinkii uu xisbigaas dalka ka fuliyay dhammaantood waxay ahaayeen dhalanteed iyo been-abuur, mana jirin tartan furan oo u dhexeeya xisbiyo ama hufnaan ku dhisan xor iyo xalaal.

Saameynta Musuqa ee Doorashada

Soomaaliya nidaamka dawladnimo ee ka jira wuxuu had iyo jeer kaalinta koowaad ka galaa halbeegga lagu cabiro musuqa dawladaha adduunka. Dhaqanka musuqa ayaan aheyn mid uu ka madaxbanaan yahay guddiga doorashada ee lagu muransan yahay. Saxaafadda xorta ah ayaa dhawr jeer baahisay dad lagu khasbay is-diiwaan-gelin, halka kaararka codbixinta la qorsheeyay aan laga helin goobihii loogu talagalay, taas oo shaki weyn gelisay daahfurnaanta nidaamka. 

Waxaa sidoo kale dhacay caburin toos ah oo lagu beegsaday ururrada mucaaradka ah qaar ka mid ah. Bishii November shanteeda ee sanadkan, waxaa degmada Yaaqshiid asagoo ololeynaya lagu xiray gudoomiyaha Xisbiga Madalsan, Mukhtaar Feeradaar, oona lagu soo eedeeyay in uu wax ka sheegay xisbiga JSP, oo uu ku tilmaamay xisbi bulshada Muqdisho barakicin baaxad leh u geystay. Wasiirka Amniga Gudaha, C/laahi Shiikh Ismaaciil, oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Anaga hadaan Xisbiga JSP nahay guryo ma dumino.” Waa arrin xaqiiqda ka fog in la yiraahdo xukuumadda talada dalka heysa ma aysan barakicin 142,000 oo qooys, oo ah xogta saxda ah aan ka xiganeyno UNHCR iyo NRC, kuwaas oo ku tilmaamay “government-evicted, land reclamations” oo aheyd mudadii xukuumaddan ay jirtay.  

Guddiga Doorashooyinku wuxuu si kala duwan ula dhaqmaa ururrada siyaasadeed, iyadoo ururro gaar ah loo fududeeyo hannaanka, halka kuwo kalena si bareer ah loogu adkeeyo hannaanka. Xogaha jira waxay tilmaamayaan in degmooyin gaar ah loo qoondeeyay ururro gaar ah, isla markaana kaarar codbixineed loo leexinayo kooxo heshiisyo gaar ah la leh Guddiga. Sidoo kale, shirkadda loo xilsaaray audit-ka doorashada, Sirti-Trust, lama marin hannaanka iibka qaranka ama tartan furan, taas oo sii xoojisay shakiga ku aaddan daahfurnaanta natiijada.

Waxaa intaas barbar socda kutumasho bareer ah oo lagu sameeyay sharciga lagu-muransan yahay ee Doorashooyinka. Qodobka 21-aad (F) wuxuu mamnuucayaa in mas’uul xil dawladdeed haya uu u tartamo Doorashooyinka Dawladda Hoose, halka Qodobka 36-aad uu si cad u diidayo in shaqaalaha dawladda, ciidamada qalabka sida, iyo xubnaha hay’adaha madaxa-bannaan ay tartamaan iyaga oo aan shaqada ka ruqseysan lix bilood ka hor. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin ku magacaaban xilal ayaa cod-dheer ku muujiyay in ay musharaxnimo u taagan yihiin iyaga oo aan weli si rasmi ah uga tagin xilkoodii.

Maxaa xal ah?

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aan wakhti la iskaga lumin doorashada dhalanteedka ah ee loo madlan yahay maalinta Khamiista ah ee 25-ka December, 2025. Sababtuna waxay tahay in uusan jirin jawi saamaxaya in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto, maadaama shuruudihii looga baahnaa aan wali la buuxin.  Taas macnaheedu waa in marka hore dawladdu dib u hanato deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad-diidka ah, lana helo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada (gaar ahaan, kuwa ka biyo-diidan doorashada lagu muransan yahay) oo ku aaddan, guud ahaan, hannaanka doorashooyinka. Sidoo kale, waa lama huraan in la hirgeliyo Maxkamadda Dastuuriga ah sida uu dastuurka qabo, lana magacaabo guddi doorasho iyo guddi khilaafaad xallin oo  madax-bannaan, si loo hubiyo in muran kasta lagu xalliyo sharci, lagana hortago ku-takri-fal awoodeed. 

Ugu dambeyntii, dimuqraadiyad dhab ah waxay ku imaan kartaa markii uu jiro heshiis bulsho, dhab-u-heshiisiin qaran, wacyigelin dadweyne, iyo qorshe doorasho oo horey loo sii diyaariyo. Soomaaliya waa in ay ka gudubtaa doorasho qoosh-qoosh ah oo lagu doonayo sadbursi. Taas badalkeed, doorashooyinka waa in laga soo shaqeeyaa dhawr sano ka hor inta aan la hirgelin, halkii laga sugi lahaa dhammaadka muddo-xileedkeeda xukuumadda markaas jirta, si looga fogaado shaki ah in hannaanka loo adeegsanayo dano gaar ah. Si kale haddaan u dhigno, doorashadu waa inay noqotaa mid u adeegta rabitaanka shacabka, ee aan u ekaan “shaati” ay xukuumaddu isku toshay, sababtoo ah doorasho aan loo wada sinnayn ma suurageliso sharciyad (governing mandate) mana dhisto dawladnimo waarta.

W/Q: Gaashaan Saciid Cabdi
Qoraa iyo Baare Madaxbannaan
E-mail: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Arrimaha ay Soomaaliya ka faa’iideyso in ay hoggaanka u qabato Golaha Ammaanka

0

New York (Caasimada Online) – Billowga sanadka cusub, Soomaaliya waxa ay gaartay guul taariikhi ah, iyadoo hoggaanka u qabanaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Muddo bil ah ayay hoggaanka u haynaysaa kursiga wareega ee golahaas.

Arrintan Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, maadaama dalka muddo ku dhow 35 sano la daalaa dhacayay burbur iyo dagaallo.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, iyadoo dal walba hoggaanka qabto muddo bil ah. Habkan ayaa soo socday tan iyo 1946.

Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ku leeyahay dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhexdhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.

Markii ay Soomaaliya kursigan hananaysay, waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Safiir Xasan Daahir Dhimbil, oo horay u soo noqday safiirkii Soomaaliya ee Canada, ayaa BBC u faahfaahiyay shaqada kursigan. “Golaha Ammaanka sidiisaba waa 15 xubnood. Shanta xubnood ee joogtada ah waa Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka. Tobanka xubnood ee kale inta badan waxay ku yimaadaan si wareeg ah, waxayna joogaan labo sano oo keli ah,” ayuu yiri safiir Dhimbil.

Muddo 50 sano ah kadib, Soomaaliya waxay dib ugu fariisatay kursiga Golaha Ammaanka, iyadoo xejisatay muddada 2025 illaa 2026.

Shaqada madaxweynaha kursigan, dalka hoggaaminaya, waxa ay siinaysaa awood uu ku qabto hawlaha joogtada ah ee golaha, isla markaana uu door muuqda ku yeesho habsami-u-socodka shirarka iyo hagidda dooddooda.

“Waddanka guddoomiya golaha, hawsha ugu weyn ee uu qabtaa waa inuu guddoomiyo shirarka ka dhacaya golaha, uuna hoggaamiyo dooddooda iyo wadaxaajoodkooda. Waxa kale oo uu qabtaa isku-dubaridka mowduucyada laga hadlayo, qaabka loo wada hadlayo, iyo kala horraysiinta doodaha sida ay u kala muhiimsan yihiin,” ayuu yiri safiir Dhimbil.

Haddaba, maxay Soomaaliya uga dhigan tahay kursigani?

Kursigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay fursad u helayso inay miiska soo saarto qadiyadaha dal ahaan u muhiimka u ah, isla markaana ay taageeri karto qadiyadaha Afrika iyo saaxiibadeeda kale, iyadoo ajandaha shirka ku dari karta.

“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay inay u hadasho nabadda Afrika oo dhan, gaar ahaan nabadda Geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horreyso, iyo la dagaalanka al-Shabaab. Waxa kale oo ay ka hadli kartaa soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo isbeddelka cimilada,” ayuu yiri safiir Dhimbil.

“Hal bil ayay ahaanayaan guddoomiyaha Golaha Ammaanka, bishaasna iyaga ayaa awoodda u leh inay kala horraysiiyaan mowduucyada laga hadlayo,” ayuu sii raaciyay safiirku.

Inkasta oo muddada ay Soomaaliya ku sugan tahay Golaha Ammaanku ay kooban tahay (labo sano), haddana fursadda guddoominta bisha ah waa mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya, si ay u soo bandhigto qodobada mudnaanta u leh dalka, Geeska Afrika, iyo guud ahaan qaaradda.

Mucaaradka oo shir xasaasi ah ku leh hoteel Jaziira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir deg-deg ah kuleh hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa Madashu waxa ay diiradda ku saareysaa doorashada beri ka dhaceysa gudaha magaalada Muqdisho, taas oo haatan diyaargarowgeedii ugu dambeysay ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadda leh shir uu albaabada u xiran yahay, waxaana la filayaa inay kasoo saaraan go’aanno la xiriira doorashada dalka, gaar ahaan goleyaasha deegaanka ee beri lagu wado in laga soo doorto.

Xubnaha mucaaradka ayaa si wayn u saluugsan qaabka ay wax u wado dowladda Soomaaliya, waxayna kol-hore ka istaageen bannaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay tageen Kismaayo oo ay kula soo shireen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo soo saaray go’aanno ka dhan ah doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qaban qaabineyso Villa Somalia.

Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

Dhinacyada ayaa sidoo kale  isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Fahad Yaasiin: Madaxweynaha haloo dhaafo xafladdiisa arooska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan dibad-joog ah ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira doorashooyinka.

Fahad ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗡𝗔𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗔𝗬, 𝗔𝗡𝗔𝗔𝗡𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗜𝗦𝗗𝗛𝗔𝗬!, wuxuuna toos ugu weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku howlan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa xusay in Madaxweynuhu kaligiis maamulanayo doorashada, ayna tahay xaflad aroos oo uu dhiganayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Mucaaradku wey ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Natiijada doorashada inay aqoonsadaan loogama baahna. Dhaqaale Qaranku leeyahay lama galinin. Waa dukaan Odayga kaligiis u furan” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku yiri “Madaxweynaha haloo dhaafo xafladdiisa arooska inuu siduu doonayo u dhigto”.

Fahad ayaa sidoo kale duray guddiga doorashada iyo xisbiyada tartamaya, isaga oo xusay in dhammaantood ay hoostagaan Madaxweynaha.

“Gudiga doorashada kaligiis ayaa dhistay. Miisaaniyadda ku baxaya doorashada kaligiis ayaa jeebkiisa ka bixiya. Xisbiyada tartamaya kaligiis ayaa iska leh. Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka wax dhaqaale ah kuma darsanin” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ugu dambeyn wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Odayga, wuxuu na leeyahay, anaa gadhay, anaana gadhisdhay ee qaylada iga dhaafa. Waa gartiis ee codka hoos halooga dhigo”.

Ciidamada ammaanka oo weeraray dad ku sugnaa Dayniile iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile, gaar ahaan xaafadda Gubta oo uu dhawaan deegaan u aqoonsaday maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa weeraray dad shacab ah oo dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee loo magaacabay deegaanka Gubta, kuwaas oo qaarkood lasoo xir-xiray.

Dadka gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa u badan dhalinyaro, si weyn u diidan maamulka uu Muungaab u  dhisay deegaanka Gubta.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xabsiga dhigay suxufiyiin badan oo goobta u tegay inay soo wariyaan dibad-baxa, kuwaas oo iyana la qab-qabtay, kadibna la dhigay xabsiga.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa durbo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ammaanka ee lagu beegsaday shacabka iyo wariyeyaasha.

Ra’iisul wasaarihii hore ee daka Xasan Cali Kheyre oo falkan cambaareeyay ayaa afduub ku tilmaamay, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka ay ciidanka boolisku deegaanka Gubta ugu gaysteen shacab si nabdoon u bannaanbaxayay iyo wariyayaal tabinayay. Waxaa ayaandarro ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay caadeysatay xarigga dadweynaha iyo saxaafadda madaxa bannaan, si ay u cabsigeliso, una caburiso warbaahinta iyo bulshada” ayuu yiri Khayre.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso dadweynaha iyo wariyayaasha, ayna joojiso xarigga iyo caburinta ay ku hawllan tahay oo wiiqaya dowladnimada, dimuquraadiyadda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed”.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa waday howlgallo ka dhan ah dadka banaanbaxa ka dhiga gudaha caasimada, maadaama xiisado waa wayn ay ka dhasheen barakicinta dhulalka danta guud ee ku yaal Muqdisho.