26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Somaliland oo war lama filaan ah ka soo saartay magacaabista Yusuf Garad

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hortimid xil uu madaxweynaha Soomaaliya maalintii shalay u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, kaasi oo ahaa inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in magacaabistaasi ay tahay mid laga leeyahay ujeedo lagu rabo in lagu maran habaabiyo aragtida iyo fahamka bulshada caalamka ee ku aadan madax-banaanida Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad  iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo  marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden)” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa magaabista Yuusuf Garaad ku tilmaamtay mid ah “riyo maalmeed iyo sheegasho aan jirin”, iyadoona ku dooday in Soomaaliya aysan meelna ku laheyn gacanka cadmeed, marka lagu saleeyo xuduudihii  gumeysiga ee khariidadda Qaaradda Afrika.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadeeda, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca madax-banaanideeda iyo xuduudahaba.

Waxay ku wargalisay beesha caalamka, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD inaysan Somaliland marnaba aqbaleyn magacaabista uu shalay sameeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal ay ku difaacan doonto qadiyadeeda.Ergeyga uu shalay

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.

“Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka  Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin  habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala  dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay  yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay  ay tahay indho sarcaad siyaasadeed”.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland

Yuusuf Garaad oo ballan-qaad sameeyey, kadib xilka cusub ee loo magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo shalay loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo dhoweeyay xilkaasi loo magacaabay.

Ugu horreyn Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey madaweynaha Soomaaliya, kalsoonida uu siiyey iyo xilka sare ee uu u magacaabay.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu si daacadnimo ah, kartina ay ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyadda culus ee loo xil-saaray.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu si hufan oo khibrad leh uga qeyb  qaadan doono xilli kasto arrimaha waa weyn ee mandiqadda Geeska Afrika.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood.

Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo  aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.

Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.

Ducada Aammiin.

Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn am aka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.

Puntland oo go’aan culus kasoo saartay lacagaha la isugu diro Mobile-ka

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii u horeysay go’aamo adag kasoo saaray xiisada ka dhalatay sicir bararka muddooyinkii dambe faraha ba’an ku hayay deegaanada maamulkaasi, xili ay ganacsatada qaar ay diideen shilinka Soomaaliga.

Puntland ayaa soo rogtay in laga bilaabo maalinta Sabtida aan adeega lacagta mobile-ka la iskugu diri karin hal doolar iyo wixii ka yar, iyada oo la faray shirkadaha SAHAL, E- DAHAB iyo kuwa la mid ah inay ka saaran system-kooda.

“Iyadoo laga jawaabayo cabashooyinka la xiriira Sarifka lacagaha, Dowladdu waxay go’aamisay laga bilaabo 05 December 2020 in  $1 iyo wixii ka yar aan lagu diri Karin adeega lacagta-danbeysan ee Mobile-da la isugu diro sida SAHAL, E- DAHAB iyo kuwa la mid ah” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Jaamac Yuusuf Dabaraani.

Waxa kale oo go’aamadaasi lagu faray in Xafiisyada dowladda hoose ee degmooyinka maamulkaasi ay qaadan karaan Shilinka Soomaaliga, oo aysan diidi karin xili uu dhawaan madaxweynaha Puntland amray in canshuuraha deegaanada maamulkiisa lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah.

Sidoo kale waxay dowlad goboleedka Puntland ay fartay ganacsatada iyo bulshada deegaanadeeda in marnaba aan la joojin karin isticmaalka Shilinka Soomaaliga, isla markaana ay qaadan karaan.

“Xafiisyada Dowladdaha hoose ee degmooyinkana waxaa la faray inay qaadan karaan Shillin Soomaaliga oo aysan diidi Karin” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Isticmaalka Shillin Soomaaliga lagama joojin deegaanada Puntland, wax waad ku iibsan kartaa, waana lagaga iibsan karaa”.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhaceysay sicir bararka, iyada oo deegaanadeeda uu ka dhaliyay xiisad hor leh oo looga soo horjeedo maamulka Saciid Deni, maadama ay ku fashilantay wax ka qabashada arrintaasi.

Sawirro: Gen. Mukhtaar oo gaaray Beledweyne si uu wax uga qabto Jeneral Xuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka Soomaaliya, Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, kan gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka ku soo dhoweeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka gobolkaasi.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii uu uga qeyb qaadan lahaa xalinta xiisada ka taagan Beledweyne ee ka dhalatay doorashadii dowlad goboleedka HirShabelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Mukhtaar oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dillaacay maleeshiyo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, taasi oo diiday in madaxweyne Cali Guudlaawe uu magaalada yimaado

Wasiir Jeneral Mukhtaar ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu arrintan xal u helo, isaga oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka beesha ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Jeneral Xuud.

Baarlamanka maamulka Puntland oo xasaanada ka qaaday sideed xildhibaan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilada ka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.

Intaasi kadib ayaa la qaaday cod gacan taag ah, waxaana u codeysay in kalsoonida lagala noqdo xildhibaanadaasi illaa 35 mudane, saddex xildhibaan ayaa diiday, halka mid kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhowaaaqay natiijada guddoonka golaha wakiilada.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo si weyn uga horjeeday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Arrintan ayaa soo socotay todobaadyadii u dambeysay, waxaana ka dhashay buuq iyo fowdo hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland oo lagu kala tegay.

Askar ka tirsan ciidamada Kenya oo la waayey, kadib weerar ay qaaday Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Faafi oo hoostaga magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaal-yahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Taliyaha Booliiska gobolka Waqooyi Bari, Runo Bunie oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay u badnaayeen, islamarkaana ay ku hubeysnaayeen bam-baanooyin iyo garnayladda garbaha laga gano.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarka kadib la waayey hal askari oo ka tirsan Booliiska oo ay haatan baadi goobayaan, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Runo Bunie oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ka ciidan ahaan ay bixiyeen dadaallo badan oo lagu sugayo amniga, balse wuxuu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

“Wax kasta oo karaankeena ah waanu sameynay,balse waxaanu garab uga baahanahay dadweynaha. Weerar noocaan ah ma dhici karo ka warqab la’aantooda,” ayuu yiri.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

CC Shakuur oo shaaciyey arrin xasaasi ah oo Farmaajo ‘uu ku cadaadinayo’ Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku shaaciyey xog uu sheegay inuu ka helay damaca madaxweyne Farmajo ee ku aadan arrinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis culus ku haayo ra’iisul wasaarihiisa Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in dhulka Jubbaland uu cadaw gacanta u galay.

“Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreeynayo,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku sii daray, “Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin.”

Warka siyaasigan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta uu wasiirka warfaafintu yiri “Magaalada Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya looga soo duulo, lagana fashiliyo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.”

Dowladda ayaa maalin ka hor markii ay dalka ka ceyrisay safiirka Kenya waxay sheegtay dowladda Kenya ay madaxweynaha Jubbaland u adeegsaneyso fashilinta heshiiskii doorashada.

Waxaa xusid mudan in ciidamo ka tirsan milateriga Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, balse waxaa la sheegaa in fulinta danaha dalkooda ay u joogaan Soomaaliya, iyagoo garab siiya maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo xiriir wanaagsan la leh Kenya.

Sidoo kale, dhowaan ayaa Caasimada Online ay heshay xog sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in maamul cusub ka dhisto Jubaland.

“Eedeynta la xiriirta u shaqeynta dal shisheeye waa mid aad u culus, waxayna albaabada u fureysa in dowladda ay qaaddo tallaabooyin ay markii hore ku dhiiran karin,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan dowladda oo codsaday inaan la magacaabin.

Maamulka cusub ayaa kadib qaban doona doorashooyinka dalka ee qeybta Jubaland, maadaama aysan dowladda federaalka lasii macaamili karin maamul ay ku eedeysay inuu la shaqeynayo dal shisheeye, sida la qorsheynayo

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dowladda federaalka ay ku amarto ciidamada Kenya inay dalka ka baxaaan.

China oo go’aan ka qaadatay gobolka Tigray kadib markii duqeyn culus ay dhacday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowaldda federaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeymo culus la beegsadeen Warshad Sonkorta soo saari jirtay Sonkorta oo dowladda Shiinuhu ay maal-galisay, taas oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Guancha oo ka tirsan gobolka Tigray.

Warbaahinta Shiinaha ayaa werisay intii duqeymahaasi ay socdeen in la beegsaday goobo ay deganyihiin dad rayid ah, sidoo kalena la burburiyey inta badan goobihii kaabayaasha dhaqaalaha ee ku yiilay magaaladaas.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in dowladda Shiinaha ay 630 ka mid ah muwaadiniinteeda ka daad gureysay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo mudo bil ah ay ku hardamayaan kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda federaalka.

Magaalooyinka waaweyn ee gobolka Tigray waxaa ka jiray mashaariic kala duwan oo Shiinuhu maal-galiyey, sidoo kale waxaa jiray muwaadiniin badan oo Shiineys ah oo ka howlgeli jiray warshadaha ka shaqeeya gobolkaas.

Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobolka Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay bad-qabkooda. Waxaana loo qaaday goobaha nabdoon ee dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Shiinaha ee himiladeeda ay ugu magacdareen Belt iyo Road Initiative – oo ah mashruuc balaayiin dollar ku kacaya oo ka kooban dhisidda waddooyin, tareenno iyo dekedo.

Todobaadkan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii ka socday gobolkaas, isagoo sheegay in duqeymaha cirka aysan bartilmaameedsan doonin goobaha dadka rayidka ah ay ku noolyihiin. Waxuuna  hogaamiyeyaasha gobolka Tigray ku tilmaamay kuwo qarankooda khiyaamay.

DF oo si lama filaan ah mucaaradka ula xiriirisay go’aanka ka dhanka ah Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ka ceyrisay safiirka Kenya ee Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay xukuumadda Nairobi faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meesha looga soo duulo Soomaaliya, isla markaana laga soo abaabulo qorshayaasha ka dhanka ah dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in Nairobi ay tahay goobta lagu bur-buriyo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya, iyada oo laga waarido rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inaysan xukuumaddu ku deg-degin go’aanka Kenya, balse dowladda Kenya ay tallaabadaan oo kale qaaday 16-kii Bishii febaraayo sanadkii 2019-kii, hase yeeshe xukuumadda Farmaajo ay markasta muujineysay biseyl siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta mucaaridku shirar ku yeeshen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo markii dambena isugu yimid magaalada Muqdisho oo ay ku qaadaceen guddiyada doorashooyinka.

Mucaaridka ayaa inta badan kulamo iyo shirar ku qabsada dalka Kenya, inkasta oo maalmihii u dambeeyay ay u soo wareegen caasimada Soomaaliye ee Muqdisho, halkaasi oo ay kaga arinsanayeen xaalada cakiran ee dalka.

Midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo shalay war-saxaafadeed ayaa waxay walaac ka muujiyeen isku-dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Xog cusub oo laga helay dagaalkii ay shacabka ku laayeen Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn ee hoos taga gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa wareysi ku sheegay in dadka shacabka ah ee dagan deegaankaas ay la dagaalameen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha oo la hadlayay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dagaalyahanada ay banaanka magaalada ka qaateen gaadiidka ay soo bandhigeen, sidoo kalana ay dhaceen dhimashooyin iyo dhaawac, hase ahaatee ay si xun kaga adkaadeen.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney ka qabsadeen tiro qoryo ah iyo gawaari dagaal, sidoo kalana ay jab xun gaarsiiyeen dagaalyahanada uu ugu yeeray maleeshiyaad, wuxuuna qiray in saraakiisha iyo ciidamada dowladda ay soo gaareen iyadoo dagaalka lagu kala baxay.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa galay dadka shacabka, Ciidanka & saraakiishu waxa ay nasoo gaareen markii dagaalka uu dhacay kadib, dadka rayidka ah waxey go’aan ku gaareen sidii ay ka yeeli lahaayeen dadka dhiiggooda baneystay,” ayuu yiri gudoomiye Axmed.

Al-Shabaab waxey soo bandhigeen tiro gaadiid ah oo ay sheegeen iney qabsadeen, balse ma inkirin gudoomiyaha wuxuu sheegay iney duleedka deegaanka ka kaxeysteen.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maal ah, Gaadiidkaas wuu jiraa in ay wateen, meel ka baxsan Magaalada ayay si kedis ah ugu qaateen.”

Dhanka kale dowladda Federaalka ayaa bogaadisay shacabka deegaanka Bacaadweyn iyagoo sheegay iney garab siiyeen ciidamada dowladda oo khasaare gaarsiiyay dagaalyahanada Al-Shabaab walow wareysiga gudoomiyaha uu ku sheegay in saraakiisha iyo ciidankaba ay soo gaareen mar lagu kala baxay dagaalka.

Xog: Sababta ka dambeysa inaysan 17 maalin kulmin xildhibaanada BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan wax kulan ah yelan 17-kii cisho ee ugu dambeeyay, iyadoo dalka uu marayo waqtigii kala guurka.

Sida la xasuusto xildhibaanada waxey cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xukuumadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble 24-kii October 2020, iyadoo fadhigaas uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay ineysan jirin wakhti ay fasax dheer ku qaataan.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney soo afjari doonaan kalfadhiga 7-aad, sidaas darteedna ay si dhaqso leh ku furi doonaan kalfadhiga 8-aad. 26-kii Oktoobar ayuu gudoomiyaha ka dhawaajiyay inuu furmay kalfadhigii 8-aad iyadoo loo baahan yahay iney dhameystiraan hawlo badan oo horyaalla maadaama aysan isku dhigmin wakhtiga u haray iyo waxyaabaha laga doonayo.

Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada ku wargaliyay iney isbuucii saddex maalmood kulmi doonaan si oo dar-dargaliyo hawlaha horyaalla baalarmaanka muddo xileedkiisa sii dhamaanayo.

Haddaba maxaa qabsaday wixii ka dambeeyay bartamahii November?

Wixii ka dambeeyay 16-kii November waxaa gaabis ku yimid kulamadii xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan laanta xeer dajinta, ma qabsoomin wax fadhi guud ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxey ku milmeen ololaha doorashada iyo xiisadaha ka jira dalka iyagoo u kala qeybsamay qaanadaha doorarka iska soo kala horjeeda, waxeyna qudhooda ku jiraan xusul-duub ku saabsan sidii ay kuraastooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Maalmahii dambe waxaa socday shirar u qabsoomay musharaxiinta mucaaradka, guddiga doorashooyinka uu muranka ku jiro oo hawlahooda iska wata, tabashada iyo cabsida laga qabo boob ku yimaada kuraasta waqooyi iyo kuwa banaadiriga oo wali jirta, waxaana jirta xiisad guud oo ay xildhibaanada golaha shacabka ku lug leeyahiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal & ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudey waxey 23-ka November 2020 ka qeybgaleen shirkii u socday musharaxiinta mucaaradka tiiyoo ay jirto iney kulamo gooni-gooni ah musharaxiinta kula yeesheen goobo kala gaddisan.

Waxaa la fahamsan yahay in ololaha doorashada ee jira ay saameyn ku yeelatay qabsoomidda kulamada u haray golaha shacabka.

Wiil hooyadiis iyo walaalkiis ku dilay Muqdisho kadibna isaga la dilay (Faahfaahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo aad u murugo badan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil lagu magacaabo Cabsiiye Caddaan uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd si xun u dilay, isla markaana dhaawacay walaalkiis la dhashay iyo wiil kale oo qaraabo ahaayeen.

Cabsiiye ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey kuna dhaawacay walaalkiis iyo wiilka kale ee qaraabada yihiin, kadib markii ay ku murmeen dhaxal dhul oo uu doonayay Cabsiiye in la iibiyo.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Dhaawac soo gaaray kadib ayaa loola cararay isbitaal Keysaney hase ahaatee saacad kadib ayuu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in marxuumka dilay hooyadiis uu ahaa qof maandooriyeysnaa oo balwadaha maskaxda dooriya isticmaalay xiligaasi.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayay guud ahaan dalka Somalia.

Maxay ka wada-hadleen Cosoble iyo safiirka Britain?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dalkeena Soomaaliya, Amb Ben Fender.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Mushurrax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulanka uula yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey inuu ahaa mid ah mid ah oo mira dhal ku soo dhammaaday.

“Waxaan kulan muhiim iyo mira dhal ah wada qaadanay Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somaliya Ben Fender kaas oo aan isla soo qaadnay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda guud ee Wadankeena Somaliya uu hadda ku suganyahay, si gaar ah Arimaha doorashada ee la filayo dhawaan in dalka ay ka qabsoonto taas oo aragtiyo isku mid ah aan ka qabnay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda adag ee weli ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa, si ay u dhacdo doorasho or iyo xalaal ah.

Dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si weyn ugu kala aragti duwan hannaanka loo wajahayo doorashada oo muran oogan uu ka taagan yahay.

Khilaafka baarlamaanka Puntland oo meel sare gaaray iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo qaarkood taageersan guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo kuwa kale oo ka soo horjeeda gudoomiyaha.

Xildhibaanada labada garab ayaa sidoo kale saacadihii u dambeeyey kulamo iska horjeeda ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiyaha ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Sidoo kale xildhibaanada taageersan guddoomiyaha ayaa kulamo iyana ku yeeshay Garoowe, kuwaas oo looga hadlayey khilaafka ka dhex aloolsan baarlamaanka Puntland.

Waxaa sidoo kale socda qorshe uu guddoomiyaha wado, islamarkaana ku doonayo in xasaanada lagala laabto illaa sideed ildhibaan mucaarad ah, kuwaas oo kala ah:-Xil.Saleebaan Faarax, Xil.Maxamuud Maxamed Barre, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xil.Cabdi Jamaal Cismaan, Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato ,Xil.General Baduugaaye iyo Xil.Muuse Jajabsay.

Xiisada siyaasadeed ee Garoowe ayaa sii xoogeysaneyso, waxaana saaka ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka u dhow xarunta golaha wakiilada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii uu buuq iyo fowdo uu ku soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland, kaas oo gabi ahaantiisba lagu kala kacay

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka amba-baxaya magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo Afrax ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi,

Sidoo kale ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaaladaas oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sidii uu qeyb uga noqon lahaa xoojinta hawlaha dib u heshiisiineed ee maamulka cusub ee HirShabeelle, si gaar ah xiisada ka dhalatay doorashadii lagu qabtay Jowhar ee ka taagan halkaasi.

Wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in dhowaan uu safar ku tago magaaladaasi, madaxweynaha cusub ee HirShabelle, Cali Guudlaawe, walow ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaasi oo ay is weyn uga soo horjeedaan maleeshiyaad ku sugan deegaanka Ceelgaal oo hoostaga magaaladaasi Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Mahad Salaad oo weerar xun ku qaaday Dubbe kadib hadalkii maanta kasoo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka fal-celiyey jirkii jaraa’id ee maanta uu Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo sheegay in Nairobi qalqal gelin amni iyo mid qaranimo ay ku heyso Soomaaliya.

Mahad Salaad oo qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Dubbe Farmaajo isgaa waalan” ayaa Wasiir Dubbe waxa uu su’aalay “Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?”

Sidoo kale Mahad ayaa soo qaatay sirka intii aan la dooran madaxweyne Farmaajo isaga iyo musharaxiin kale oo ku sugan magaalada Nairobi. Isagoo qormadiisa aad ugu dhaleeceeyey wasiir Dubbe oo uu sheegay in aysan ka muuqan qaan gaarnimo siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

DUBBE FARMAAJO ISAGAA WAALAN!

Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya “ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Maantana shirkiisii jaraa’id wuxuu ku sheegay “In 10 musharax Nairobi ka soo baxaan ee Xamar yimaadaan waa qalad, doorashana maahan ee waa khalkhal gelin amniga dalka”. Wasiir Dubbe waxaan su’aalay: Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?!

Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo, hadana waxaan xasuusinayaa in Farmaajo  iyo musharaxiin badan oo sawirkaan idinkaga muuqada 2016-kii ololahooda doorashada ka soo bilaabeen Nairobi. Hotel Jazeera oo qiblo u ahayd mucaaradkii xiligaas Xasan Sheekh ka soo horjeedayna ay degaan u ahayd Fahad iyo Farmaajo iyo musharaxiin kaloo badan. Lacagta Fahad Qadar ka keenayna lagu qaybin jiray. Maalin gelinkeedna aan la dhihin xageed ka timaadeen iyo xagee u socotaan!

Lkn markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Magaca “Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo!

Inta badan magaca ama naynaasta qofka Soomaaliga ah loogu yeero waxay ka tarjumaan habdhaqanka iyo dabeecadda shaqsiyadeed ama shaqo ee qofkaas. Marka shaqada Dubbe Farmaajo u hayo intaas ayaan ku soo koobayaa yaanan sii badinne!

Hon. Mahad Salad

Midowga Yurub oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Abiy kadib dagaalkii Tigray-ga

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ka fiirsanaya inay joojiyaan taageerada miisaaniyadeed ee ay siin jireen xukuumadda Itoobiya ee Abiy Ahmed, sababo la xiriira xiisada Tigreyga ee dagaalka isku rogtay, oo toddobaadyadii u dambeeyay ka socotay waqooyiga dalkaas.

Midowga Yurub ayaa waxa uu hore taageero ahaan u siin jiray dowladda Itoobiya dhaqaale dhan 815-milyan oo euro, midaasi oo u dhiganta 975 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo lagu shubi jiray qasnada dowladda.

Sida ay baahisay wakaalada Bloomberg, mas’uuliyiinta Midowga Yurub oo kulmaya bishaan gudaheeda ayaa ka fiirsanaya sida ay ka yeelayaan lacagtaasi oo dabayaaqada sanadkan lagu wareejin lahaa xukuumadda Abiy Ahmed.

Mas’uuliyiinta midowga yurub ayaa lagu wadaa inay hakiyaan taageerada lacageed ee malaayiinta dollar, ka gadaal saameynta balaaran ee ka dhalatay howl-galka millateri ee uu Abiy Ahmed ku qaaday gobolka Tigreyga.

Arrinta u weyn ee Midowga Yurub uu u sababeyn doono joojinta taageerada Itoobiya ayaa lagu sheegay “saameynta rabshadaha Itoobiya ka socda ay ku yeesheen ilaalinta xuquuqda aadanaha”, kadib dagaalka dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa muddo ka dhago adeygaysa joojinta dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi, kaasi oo barakaciyey kumanaan dad ah oo ku noola gobolka Tigreyga, halka ay ku dhinteen boqolaal kale.

47 ka mid ah xildhibaanada DIR oo soo saaray go’aan ka dhan ah Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sarre, Cabdi Xaashi oo muddooyinkii dambe ku doodayey inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga metelaya goboladaasi.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi aahnba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal, isla markaana kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa gobollada Waqooyi ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wada-tashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda goboladaasi.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, ikasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi iyo hab-raacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxa war-saxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meel-mariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi dariiq ay usii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka ee lagu heshiiyey.

Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi ayaa muddooyinkii dambe isasoo tarayay, iyada oo ay u muuqato inay ku adkaatay xukuumadda, maadama ay dhabarka u jeediyeen Cabdi Xaashi tiradii u badneyd ee labada gole ku matelaysay gobolada Waqooyi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yusuf Garad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xilkan ayaa waxaa banneeyay la-taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo, Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda.

Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Danjire Yuusuf in u xilsaaray inuu sii amba-qaado doorka dalkeenu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wada-jirka ah ee heer Gobol.

Farmaajo ayaa u igmaday Danjiraha cusub inuu xooga saaro wax wada qabsiga, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Sidoo kale waxa wareegtada madaxweynaha lagu sheegay inuu Danjiruhu yahay xeeldheere diblumaasiyadeed, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa Danjiraha u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus, isaga oo kula dar-daarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Idiris oo hab muran dhaliyay uga hadlay loolanka Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo muddooyinkii ugu dambeeyay u muuqday shaqsi ku milmaya siyaasadda, aadna u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka.

Sheekha, oo dadka kasoo horjeeda dowladda dhexe ay ku eedeeyaan inuu qaab qabiil ah ula safan yahay madaxweynaha, ayaa qaab muran dhalisay uga hadlay arrimaha siyaasadda ee hadda xasaasiga mareysa.

Waxa uu barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay qoraal uu qaabkiisa ku saleeyay kubadda cagta kana dhigay in labada kooxood ay qaab ciyaar ah isku wajaheen, wuxuuna guusha siiyay dowladda dhexe isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya.

Labada kooxood uu ka hadlaayo wuxuu ugu magac daray kooxda (Jaziira) oo uu kala jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo koox uu ugu magac daray (Villa) oo uu kala jeedo dowladda dhexe.

Sheekh Maxamed Idiris wuxuu qoraalkiisa kusoo koobay in siyaasiyiinta Mucaaradka looga adkaaday wixii dhacay maadaama ay dowlad shisheeye dharkeeda soo xirteen, waana mid ka mid ah qoraalada aadka loog ahadal haayo baraha bulshada maanta.

Halkaan ka akhriso qoraalka Sheikh Maxamed Idris:

shacabka soomaaliyeed wuxuu daawanayaa ciyaarta tartanka (doorashada dadban) ee koobka soomaaliya 2020/21.

Maadaama aanu cod iyo ra’yi ku lahayn. Ciyaarta qaybteedii hore kooxda (jaziira) ayaa weerarka u badnayd oo dhawr goor shabaqa (villa) sigtay, laakiin kooxda (villa) ayaa difaac adag xiratay oo weeraradaas wiiqay.

Ciyaartii shalay galab ayaa ahayd mid kala bax ah oo la xiisaynayey, hayeeshee taktiiga ciyaarta iyo natiijadeeduba wexey noqotay lama filaan!

Kooxda (jaziira) ayaa garoonka ku soo gashay finaanado calanka kenya ku sawiranyahay! halka kooxda (villa) ku lebbisnayd finaanadda calanka buluugaa ee soomaaliya! Malaha tababaraha kooxda (Jaziira) kuma baraarugin in garoonka ciyaartu yahay soomaaliya, shacabka daawanayaana yihiin soomaali soocan, taasoo fursad lama filaana siisay kooxda (villa).

Sidaa awgeed ayaa natiijadii noqotay (5 iyo 0) lagu garaacay shabaqa kooxda (Jaziira) oo ay qaar iyagu si qalad ah isaga dhaliyeen! Ciyaartoyda (Jaziira) waxaa ka muuqdey koox aan ciyaarta isla haysan! halka kooxda (villa) ay mintideysey, gaar ahaan No. 9 iyo 10 oo weerar qorshaysan ciyaaray. Waxaan sugnaaba waa ciyaaraha fiinaalka inshallah.