26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Ilhaan Cumar oo shaacisay qorshe iyo arrin uu Trump ku qarinayo weerarka Soomaalida

Washington (Caasimada Online) — Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in weerarka bahalnimada ah iyo hadallada kulul ee Madaxweyne Trump uu la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka Mareykanka.

Wareysi gaar ah oo ay Khamiistii siisay raadiyaha NPR, ayay xildhibaanadda xisbiga Dimoqraadigu ku tilmaantay tallaabada madaxweynaha mid uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Ilhaan ayaa sheegtay in dhaqanka Madaxweynuhu uu yahay mid horay looga bartay. Waxay aaminsan tahay in mar kasta oo Trump uu wajaho cadaadis ama su’aalo adag, uu isku dayo inuu mawduuca beddelo isagoo weerar ku qaadaya dad kale. Sida ay tiri Ilhaan, Madaxweynuhu wuxuu haatan ku sugan yahay xaalad quus ah (desperate), wuxuuna doonayaa inuu indhaha ka leexiyo liis dheer oo dhibaatooyin culus ah.

Waxay farta ku fiiqday fadeexooyin dhowr ah oo uu isku dayayo inuu dadka ka qariyo.

Waxay ustay in Madaxweynaha iyo Xoghayihiisa Difaaca ay hadda wajahayaan eedeymo la xiriira suurta-galnimada dambiyo dagaal. Sidoo kale, waxay soo hadal qaadday xaaladda dhaqaale ee dalka, iyadoo sheegtay in maciishaddu ay qaaliowday, tirada shaqo abuurkuna aanay waafaqsanayn ballanqaadkiisii.

Intaas waxaa dheer, Ilhaan waxay ku eedeysay Trump inuu isku dayayo inuu qariyo “Faylasha Epstein” si uu u difaaco shakhsiyaadka ku lugta leh fadeexaddaas. Waxay ku doodday in maadaama Trump ay haystaan su’aalo badan oo uusan rabin inuu ka jawaabo, uu doortay inuu beddelkeeda weeraro soo-galootiga.

Xildhibaanaddu kama aysan gaban inay si adag u qeexdo madaxweynaha, iyadoo hadalladiisa dhowaan soo yeeray ku tilmaantay “wax laga yaxyaxo,” madaxweynahana ku sifeysay “oday maan-doorsoomay oo is-xakamayn waayay” (deranged old man). Waxay sheegtay in “fatahaadda iyo hadallada aan loo meel dayin” ee kasoo yeeraya ay ceeb ku yihiin ma aha isaga oo keliya, balse guud ahaan dalka Mareykanka.

Weerarka Madaxweynaha ayaa soo bilowday Arbacadii markii uu ka hadlayay kiisas musuq-maasuq oo ka dhacay Minnesota. Wuxuu soogalootiga Soomaalida ah ku tilmaamay “qashin,” isagoo sheegay inay “burburiyeen dalkeenna.”1 Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in dalka laga masaafuriyo xildhibaan Ilhaan, in kastoo ay tahay muwaadinad Mareykan ah. 

Mar ay ka hadlaysay kiisaska musuq-maasuqa ee Trump uu cuskaday, Ilhaan waxay qirtay xaqiiqada jirta. Xeer-ilaaliyeyaasha Minnesota ayaa dacwad kusoo oogay 86 qof oo lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada cuntada iyo hoyga, kuwaas oo badankoodu yihiin dad asalkoodu Soomaali yahay.

Ilhaan way cambaareysay falkaas, waxayna tiri: “Waan ku faraxsanahay in sharcigu jiro oo la ciqaabo kuwa xadaya hantida canshuur-bixiyayaasha; dadka dambiyada galayna waa inay xabsi muddo dheer ah galaan.”

Hase yeeshee, Ilhaan waxay si adag u diidday, una gaashaanka u daruurtay isku dayga Madaxweynaha ee ah inuu dembiga shakhsiyaad kooban dusha ka saaro guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxay sharraxday in nidaamka Mareykanka, dembiga qof gaar ah uusan noqon karin mid loo saariyo bulsho dhan. Waxay difaacday dadka laga soo doorto, iyadoo ku tilmaantay dad sharciga dhowra oo abaal-guda, balse la doonayo in dusha laga saaro eed aanay lahayn.

Ugu dambeyntii, Ilhaan waxay ka digtay in hanjabaadda Madaxweynuhu aysan ahayn afka baarkiisa oo kaliya. Waxay xustay in bulshadeedu ay u diyaar-garoobayso suurtagalnimada in maamulku isku dayo masaafurinta soo-galootiga, xitaa la beegsado muwaadiniinta rasmiga ah.

Inkastoo hadallada Madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

Dibadbaxyo rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa xalay ka bilowday rabshado xooggan oo ka dhan ah go’aankii ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise.

Bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aankaasi, oo xalay soo bilowday ayaa illaa saaka ka socda magaalada Boorama, kuwaas oo haatan kusii fidaya magaalooyinka kale ee gobolka.

Shacab careysan ayaa xirtay waddooyinka halbowlayaasha ah ee magaalada, iyagoo gubay goobo uu kamid yahay bankiga dhexe, waxaana la maqlayaa dhawaaqa noocyada kala duwan ee hubka oo ay ciidamada boolisku u adeegsanayaan shacabka.

Inkasta oo aan tiro sugan la shaacin, haddana warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ay dhinteen in ka badan 3 qof, halka dhaawacu uu kor u dhaafayo 10 ruux, waxaana la tilmaamaya in khasaaruhu intaas ka badan karo.

Sidoo kale, waxaa jira jabhad hubaysan oo ka dilaacday gobolka, taas oo ka dhan ah go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise, oo ay sheegtay in 14-ka December 2025 lagu qabanayo magaalada Saylac.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah kusoo daadbineysa magaalada Boorama, halka dibadbaxayaashu ay sheegeen in aanay aqbali doonin in buugga lagu soo bandhigo magaalada Saylac.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa laga cabsi qabaa inay faraha kasii baxdo, ayna rabshaduhu isu beddelaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Woqooyi Bari.

Wixii kasoo kordha, kala soco Caasimada Online.

Yaasir Abuu Shabaab – Daba-dhilifkii loogu doon-doonista badnaa Gaza oo la khaarajiyay

Gaza (Caasimada Online) — Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay in Khamiistii la soo dhaafay Marinka Gaza lagu khaarajiyay Yaasir Abuu Shabaab, oo ahaa hoggaamiye maleeshiyo, isla markaana ah shakhsiga ay Xamaas aadka u baadigoobaysay, laguna tilmaamo inuu gacan-saar dhaw la lahaa Israa’iil. 

Inkastoo warbaahinta Israa’iil ay baahisay warka dilkiisa, haddana ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda fulisay hawlgalka iyo qaabka loo beegsaday toona. Waxaase la xaqiijiyay in lagu dilay magaalada Rafax ee koonfurta Gaza, aaggaas oo ah mid ay haatan si buuxda gacanta ugu hayso Israa’iil.

Abuu Shabaab ayaa muddo laba sano ah oo uu socday xasuuqa Gaza si toos ah ula shaqeynayay ciidamada Israa’iil, isagoo caan ku ahaa boobka gargaarka bini’aadannimo, afduubka, iyo dilka dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada Xamaas intaba.

Dambiilahan caanka ah ayaa haystay hub iyo taageero dhanka cirka ah oo ay siinayeen ciidamada Israa’iil, isagoo saldhig ka dhigtay bariga Rafax tan iyo markii uu soo shaac-baxay.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhimashadiisa, shacabka Gaza ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u dabaaldegaan, iyagoo qeybinaya macmacaan, ridayana rasaas ay ku muujinayaan farxadda laga dareemay dilka ninkan. Ciidamada amniga ee Xamaas ayaa hore u wacad ku maray inay soo qaban doonaan intii uu socday dagaalku, in kastoo kooxdu aysan weli war rasmi ah ka soo saarin dilkiisa.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa weriyay in Abuu Shabaab markii la beegsaday ay ciidamada Israa’iil u qaadeen Isbitaalka Soroka, halkaas oo markii dambe lagaga dhawaaqay dhimashadiisa, in kastoo maamulka isbitaalku uu warkaas beeniyay.

Amit Segal, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Channel 12, ayaa dilka ninkan ku tilmaamay “dhacdo xun oo u soo hoyatay Israa’iil.”

Taariikhda madow ee ‘ciidamada shacabka’

Kooxda uu hoggaamiyo oo loo yaqaan “Ciidamada Shacabka” (Popular Forces), ayaa kooxaha Falastiiniyiintu ku tilmaameen “khaa’iniin” u adeega cadowga, kuwaas oo ku lug leh boobka gargaarka iyo xiriir ay la leeyihiin kooxda Daacish.

Inkastoo Abuu Shabaab uu kooxdiisa ku sheegi jiray mid ka soo horjeedda xukunka Xamaas, haddana warar badan ayaa xaqiijinaya inay ku kaceen falal baad ah iyo boobka gargaarka, iyagoo la shaqeynaya Sanduuqa Gargaarka Bini’aadannimo ee Gaza (GHF) oo Mareykanku taageero, kaas oo lagu eedeeyay dhimashada boqolaal Falastiiniyiin ah.

Wareysi uu horraantii sannadkan siiyay idaacadda rasmiga ah ee Israa’iil (Makan), ayuu Abuu Shabaab ku faanay in maleeshiyadiisu ay “si raaxo leh” uga hawlgasho aagagga ay maamusho Israa’iil, isagoo qiray inay xogta la wadaagaan ciidamada Yuhuudda, ayna helaan taageero dibadda ah. Hase yeeshee, hoggaamiyahan 35-jirka ah ayaa markii dambe iska fogeeyay wareysigaas, isagoo wargeyska Yedioth Ahronoth u sheegay inaanu waligiis la hadlin warbaahinta Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hore u qiray inuu hubeeyay kooxda uu hoggaamiyo Abuu Shabaab.

Warbixin qarsoodi ah oo Qaramada Midoobay ay soo saartay sannadkan 2024 ayaa kooxdan ku tilmaantay “awoodda ugu weyn ee ka dambeysa boobka nidaamsan ee lagu hayo kolonyada gargaarka.”

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray bishii Oktoobar ku dhowaad 600 oo jeer, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 360 qof, ayna ku dhaawacday 900 oo kale.

Sidoo kale, Israa’iil waxay weli hortaagan tahay isu-socodka bukaanada iyo gargaarka ee marinka Rafax, taasoo xadgudub ku ah heshiiskii la wada gaaray.

Howl-galka tarxiilka ee ICE ay ku beegsaneyso Soomaalida oo ka billowday Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo ay waddo Laanta Socdaalka iyo Kastamada (ICE), kuwaas oo si gaar ah loogu beegsanayo soo-galootiga Soomaaliyeed, ayaa haatan si toos ah uga socda gobolka Minnesota, gaar ahaan Magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities). 

Tallaabadan xawliga lagu dardargeliyay ayaa timid maalin qura kadib markii Madaxweyne Trump uu si cad u yiri: “Ma rabo in [Soomaalidu] ay dalkeenna sii joogto.”

Toddobaadkii hore, xilli lagu guda jiray munaasabadda Thanksgiving-ka, Trump waxa uu weerar afka ah ku qaaday barasaabka Minnesota Tim Walz isagoo adeegsanaya erayo takoor ah oo lagu liidayo dadka naafada ah. Qoraalkaas ayuu Trump sidoo kale ku sheegay in qaxootiga Soomaalida ahi ay “si buuxda u qabsadeen, una beddeleen wajigii wanaagsanaa ee gobolka Minnesota.”

Trump kuma joogsan intaas, balse wuxuu hore amar ugu bixiyay in dib-u-eegis adag lagu sameeyo dhammaan dadka haysta kaararka deggenanshaha (Green Card) ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale, isagoo ku hanjabay inuu gebi ahaanba meesha ka saari doono Maqaamka Magangalyada Kumeelgaarka ah (TPS) ee ay ku joogaan Soomaalida Minnesota.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa Talaadadii xaqiijiyay in hay’adda ICE ay qorsheynayso inay cududdeeda iyo agabkeedaba isugu geyso aagga Minneapolis-St. Paul, si ay u fuliso hawlgallo ka dhan ah shakhsiyaadka ay u yaallaan amarrada masaafurinta. Ilo xog-ogaal ah oo la socda qorshahan ayaa tilmaamay in boqolaal qof la filayo in lagu beigsado hawlgalkan.

Hase yeeshee, xaqiiqdu waxay tahay in inta badan Soomaalida ku dhaqan gobolka ay yihiin muwaadiniin Maraykan ah ama dad haysta degganaansho rasmi ah, taas oo ka dhigaysa tirada dadka sharcigu qaban karo ee la masaafurin karaa kuwo aad u kooban.

Dhanka kale, cimilada barafka iyo dhaxanta daran ee xilligan jirta ayaa la filayaa inay caqabad ku noqoto, xaddiddo-na baaxadda hawlgallada iyo ugaarsiga ay wadaan wakiilada socdaalku.”

Xaaladdan cakiran darteed, xubnaha bulshada iyo culimada diinta ayaa galabnimadii Khamiista isugu soo baxay kulan duco iyo garab istaag ah oo ka dhacay xaafadda Cedar-Riverside.

“Maanta waxaan halkan idiin kugu nimid annagoo quluubteennu ay midaysan tahay, kana buuxo jacayl iyo walaac weyn oo aan u qabno ehelkeenna iyo dhiiggeenna Soomaaliyeed,” ayay tiri Amber Jones oo ka tirsan Kaniisadda Fellowship Missionary Baptist.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Minneapolis, Brian O’Hara, oo goobjoog ka ahaa kulankaas, ayaa qiray xanuunka jira, wuxuuna yiri: “Xaqiiqdu waxay tahay, dadka bulshadeenna ku dhex nool maanta aad bay u damqanayaan.”

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa si kulul u weeraray hadallada naceybka xambaarsan ee Madaxweyne Trump, isagoo ku tilmaamay “been abuur, naceyb qaawan, iyo sharaf-dil lagu hayo walaalaheen reer Minnesota.”

“In Donald Trump uu dariskeenna Soomaaliyeed ku tilmaamo ‘qashin’, gobolka Minnesotana uu ugu yeero ‘godka naarta’, waa arrin ugub ku ah taariikhda madaxweyne Mareykan ah,” ayuu yiri Walz. “Maanta waxaan leenahay carruur yaryar oo iskuulada aadaya, iyagoo og in madaxweynahoodii uu ku tilmaamay qashin.”

Walz ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta kale inay cod dheer ku cambaareeyaan hadallada gurracan ee Trump.

“Qof kasta oo gobolkan ku sugan, gaar ahaan madaxda la doortay, haddii aad awoodi weydaan inaad cambaareysaan weerarkan foosha xun ee lagu hayo dariskeenna iyo gobolkeenna, idinkuna toos baad qayb uga tihiin dembiga,” ayuu yiri Walz. “Arrintani kama socon doonto Minnesota.”

Dhanka kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Minnesota, Peggy Flanagan, oo subaxnimadii Arbacada ka hadashay telefishinka CNN, ayaa sheegtay in joogitaanka ciidamada federaalka ee la kordhiyay ay cabsi weyn ku beertay bulshada, taasina ay wiiqayso amniga guud.

“Si degdeg ah ayay u soo galayaan, dadkana way gurayaan. Wararkaas ayaan ka helaynaa dadka goobta jooga, laakiin ujeedka dhabta ah waa in argagax la geliyo quluubta reer Minnesota,” ayay tiri Flanagan.

Wareysigaas oo qaatay saddex daqiiqo, ayay Flanagan ku xustay in inta badan Soomaalida Minnesota ay yihiin muwaadiniin sharci buuxa ku jooga dalka, waxayna ku eedeysay maamulka Trump inay khalkhal gelinayaan nidaamka badbaadada dadweynaha ee Minnesota.

“Ugu dambeyn, waxaan qabaa in tani tahay mashquulin indhaha lagaga jeedinayo diiwaanka fashilmay ee Donald Trump. Dadku waxay hadda aad uga walwalsan yihiin nolosha qaaliyowday. Isagu ma rabo inuu taas ka hadlo, wuxuuna rabaa inuu naga jeediyo. Toddobaadkan waxaa bilowday hadal haynta dambiyada dagaalka, markaasuu leeyahay: ‘Bal aan raadinno koox dhan oo aan shaydaan ka dhigno si aan eedda dusha uga saarno,'” ayay tiri Flanagan.

“Tani waa buuggiisa siyaasadda iyo xeeladdiisa caadiga ah, waxayna dhammaanteen naga dhigaysaa kuwo aan amni haysan.”

Türkiye plans oil drilling off Somalia coast by 2026

Ankara, Türkiye — Türkiye plans to begin drilling for oil off Somalia’s coast by 2026, energy minister said — offering the clearest timeline yet for turning a headline hydrocarbon deal into actual wells.

Speaking to reporters in Ankara on Wednesday, Alparslan Bayraktar said Türkiye had completed seismic work in three offshore zones and was now preparing for deep-water drilling once it finishes analysing the data, according to Middle East Eye, which first reported his remarks.

“Most likely 2026 will be a drilling year for us in Somalia’s offshore region,” he said, adding that officials expect to announce the results in January, once they finalise the surveys.

Bayraktar said Türkiye would deploy “recently acquired vessels” for the next phase and warned that operating in waters as deep as 3,000 metres would be technically demanding and costly.

Offshore push

Ankara sent the seismic research ship Oruc Reis to Somali waters in October 2024 after parliament authorised naval deployments to protect joint oil and gas exploration.

The vessel has carried out 3D seismic surveys across three licensed offshore zones, each covering about 5,000 square kilometres, under an inter-governmental cooperation agreement that grants exploration rights to state-owned Turkish Petroleum.

Turkish officials say the Oruc Reis worked off Somalia for close to ten months, escorted by naval frigates amid piracy risks, al-Shabaab activity, and broader insecurity along the country’s long, thinly policed coast.

Bayraktar’s comments suggest Ankara now believes the seismic data is mature enough to justify test wells in the most promising structures. But he stressed that any drilling campaign will still depend on the final interpretation of the surveys and follow-up technical studies.

The minister also confirmed plans for onshore drilling in Somalia. He said Türkiye aims in 2026 “to move from seismic studies to direct drilling in the onshore block” awarded under the same partnership.

Those plans face a different set of obstacles. Bayraktar said there is “not even road access” to the designated onshore area, meaning the partners must build basic infrastructure before they can move rigs and heavy equipment inland.

A Somali source familiar with the project told Middle East Eye that authorities will soon launch a tender for road construction, with works due to finish ahead of drilling.

Security also remains a concern. Central and southern Somalia still face attacks from al-Qaeda-linked al-Shabaab, while clan tensions and criminal networks complicate large-scale industrial projects.

Ankara says it is working with Somali authorities to secure both coastal and inland sites before drilling begins.

High stakes, high costs

Geo-seismic studies cited by the US government estimate that Somalia may hold at least 30 billion barrels of oil and gas. However, only a fraction is likely to be commercially recoverable.

The same assessments note that exploration typically takes 3 to 5 years before production can begin.

Energy specialists quoted in regional coverage say offshore exploration and initial drilling in Somali waters could cost Türkiye up to $500 million. Any full development of oil or gas fields would then run into several billion dollars.

For Somalia, one of the world’s poorest and most heavily indebted states, even modest commercial finds could transform public finances over time.

But officials and analysts also warn that early talk of offshore oil drilling in Somalia can fuel unrealistic expectations in a country still wrestling with debt relief, weak institutions, and a fragile federal system that must share any future revenues between Mogadishu and the member states.

Energy deal atop defence pact

The planned offshore campaign builds on a sweeping oil and gas cooperation deal the two governments signed on 7 March 2024.

That inter-governmental agreement, detailed by Somalia’s Petroleum Authority, covers exploration, development, production, transportation, refining, and sales of hydrocarbons from both onshore and offshore blocks.

It positions Turkish Petroleum as a central partner in mapping and exploiting Somali reserves.

The energy accord followed a separate 10-year Defense and Economic Cooperation Framework Agreement, under which Türkiye will train, equip, and help rebuild Somalia’s navy while providing maritime security support to protect its territorial waters.

In July 2024, President Recep Tayyip Erdogan secured parliamentary approval to deploy Turkish naval assets to Somali waters, formally tying the hydrocarbon push to a longer-term security presence in the western Indian Ocean.

Analysts say these moves lock in a decade-long partnership that blends offshore oil ambitions with naval projection at a time when competition for influence in the Red Sea and Gulf of Aden is intensifying.

A decade-long bet on Somalia

Türkiye’s latest energy plans build on more than a decade of deep political and economic engagement in Somalia.

Ankara reopened its embassy in Mogadishu in 2011 and later inaugurated what it describes as its largest diplomatic complex worldwide in the Somali capital, according to the Turkish foreign ministry’s page on relations between Türkiye and Somalia.

Since a landmark visit by Erdogan that same year during a devastating famine, Turkish humanitarian and development assistance to Somalia has exceeded $1 billion, Turkish officials and aid agencies say.

The state development agency TIKA says it has implemented more than 500 projects in Somalia, from hospitals and schools to roadworks and municipal infrastructure, as noted in a summary of Somalia projects.

Turkish companies, meanwhile, operate Mogadishu’s main port and airport under long-term concession contracts, giving Ankara a commercial foothold at key gateways.

On the security side, the Turksom military academy and base in Mogadishu serves as Türkiye’s largest overseas training facility. 

Turkish officials say they have trained thousands of Somali troops there and in Türkiye, forming a substantial share of the country’s regular army and elite units.

Somali officials frame the energy and defence packages as a way to convert a political alliance into long-term economic gains.

Mogadishu argues that working with Türkiye — a non-Western partner with experience in complex security environments — offers a chance to develop oil and gas without ceding all leverage to major international oil companies.

Others are more cautious. Analysts and diplomats warn that implementation of the twin security and hydrocarbons deals will depend not only on global oil prices and geology, but also on Somalia’s fraught domestic politics and its tense relations with Ethiopia.

Kenya oo dhaqaale waali ah ka sameysa Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa Soomaaliya u dhoofisa inta u dhaxaysa 13 ilaa iyo 17 tan oo qaad ah maalin kasta, sida uu xaqiijiyay wasiirka beeraha Mutahi Kagwe.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in in ka badan 40 tan ay dalka ka baxaan maalin kasta, isaga oo ku tilmaamay tirooyinkan kuwa “aad loo buunbuuniyay oo aanay jirin cadaymo la xaqiijiyey oo taageeraya.”

Wasiirku waxa uu u nisbeeyay kala duwanaanshaha xadiga dhoofinta la soo sheegay ee isbedbeddelka suuqa, farqiga awoodda xamuulka, iyo dhaqdhaqaaqa isbeddellada suuqyada.

Kagwe ayaa u xaqiijiyay baarlamaanka in dowladdu ay is waafajisay diiwaannada dhoofinta ee guud ahaan Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA), KenTrade, iyo Hay’adda Dakhliga Kenya iyada oo la isugu keenay hal madal kombiyuutar oo midaysan.

“Markii ugu horreysay, xogta dhoofinta qaadka waa mid shaqaynaysa ayadoo aan loo jeedin, la xaqiijin karo, oo dhammaan hay’adaha oo dhanna ay ku wada midaysan yihiin” ayuu yiri.

Wargayska The Star ayaa qoray in sida laga soo xigtay AFA, Kenya ay Soomaaliya u dhoofisay in ka badan 17 milyan oo kiilogaram oo qaad ah tan iyo bishii Luulyo 2022, markii suuqa uu dib u furmay ka dib toban sano oo xayiraad ay ka saarnayd Yurub.

Qaadku waa dalagga muhiimka ah ee Kenya, kaasoo ay beertaan ku dhawaad 110,000 beeraley ah ku dhawaad 360,940 eekar oo dhul ah, taas oo taageerta nolosha qoysas badan.

Waxa uu waddanku soo saaraa qiyaastii 32,000 metrik tan sannadkii, oo lagu qiimeeyay 13 bilyan oo shilinka Kenya ah, iyadoo 80-90 boqolkiiba gudaha laga isticmaalo. Soomaaliya ayaa weli ah meesha ugu badan ee loo dhoofiyo.

Wargayska The Star oo warkan daabacay ayaa sheegaya in si loo xoojiyo sugnaanshaha xogta iyo ilaalinta dakhliga, Wasaaraddu ay soo saartay kontaroolo adag oo dhoofinta.

Waxaa ka mid ah soo gudbinta sharci ahaan khasabka ah ee ruqsadda duullimaadyada hawada iyo warqadaha duulimaadka, kormeerka qasabka ah ee KEPHIS ee dhammaan shixnadaha, diyaarinta kormeerayaasha dalagyada AFA ee bakhaarada dhoofinta, iyo warbixin bille ah oo ay shirkadaha diyaaraduhu u gudbiyaan Maamulka Garoomada Kenya.

“Waxaan dooneynaa inaan baabi’inno mala awaalka oo aan hubinno in kiilo kasta oo dalka ka baxaysa la diiwaan-geliyo” ayuu yiri Kagwe.

Dawladda waxay sidoo kale sahaminaysaa wadooyin kale oo dhoofinta ah si loogu saldhigo dhoofinta qaadka loona yareeyo kharashaadka loojiistikada.

Qorshayaashaas waxaa ka mid ah furitaanka goobo dheeraad ah oo laga dejiyo qaadka tagaya Soomaaliya, in la hawlgeliyo waddooyinka la mariyo qaadka la dhoofinayo ee waqooyiga Kenya, iyo in la bilaabo duullimaadyo xamuul oo toos ah oo ka yimaada Isiolo ilaa Jasiiradda Manda si loo yareeyo ciriiriga garoonka dayaaradaha JKIA.

Si loo taageero beeralayda, Wasaaraddu waxay maalgelisay waraabka, dakhliyada ka soo xarooda suuqyada, ceelasha riigga ah, iyo biyo-xireennada dhulka ee guud ahaan gobollada Meru, Embu, iyo Tharaka Nithi. Iskaashatooyinka qaadka waxay heleen lacag dhan 220 milyan oo Shilin.

Laga soo bilaabo 2023, dawladdu waxay soo aruurisay 67.9 milyan oo shilin oo canshuur ah taasoo ka soo xarootay qaadka, ayadoo dib loogu maalgalinayo cilmi baarista, ballaarinta suuqa iyo horumarinta kaabayaasha.

“Dowladda waxaa si buuxda uga go’an in ay xirfad u yeelato silsiladda qiimaha qaadka iyo furitaanka suuqyo cusub oo ay beeralaydeennu u dhoofiyaan ” ayuu yiri Kagwe.

Isha: BBC

Isbeddel cusub oo ku yimid kaarka NIRA – Waqtigee lacag laga dhigayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay muddada diiwaan-gelinta kaarka aqoonsiga qaranka uu sii ahaanayo bilaashka.

Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in waqtiga cusub ee lagu daray inuu bilaash sii ahaado kaarka aqoonsigu uu ku egyahay 31-ka Janaayo 2026, kaddib markii waqtigii hore uu ku dhammaaday 30-kii November.

Sidoo kale waxay sheegtay in kordhinta muddadan ay ugu talo gashay in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.

Hay’addu ma sheegin inta ay la’eegtahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan haddii uu haleeli waayo waqtiga kooban ee ka haray muddada ay qabatay NIRA.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayaa muhiim ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ugu dhawaaqay go’aanka lagu dhaqan-gelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Xasan Sheekh oo maanta soo xiray shirweynihii 6-aad ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xiritaanka shirweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed.

Qorshayaashan ayuu sheegay inay ka mid yihiin dib u habeynta waxbarashada, dhiirri-gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha, taas oo suurta-gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhalinyarada ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

Somaliland oo fasaxday qabashada bandhiga xeer Ciise

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday inay fasaxday qabashada bandhigga xeerka Ciise, kaasi oo qabashadiisa ay xiisad xooggan ka abuurtay gudaha gobolka Awdal iyo Selel.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda ay fasaxday bandhiga xeer Ciise.

“Xukuumaddu waxay si rasmi ah u go’aamisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marti-geliso munaasabadda xuska xeerka Ciise oo ka qabsoomi doonta magaalada Saylac 14-ka December 2025,” ayuu yiri Wasiir Axmed Yaasiin.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay qaaday mas’uuliyada amniga ee bandhiga xeer Ciise, xilli ay beelaha Gadabuursi ay hore si adag uga horyimaadeen qabsoomida bandhigan oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid.

“Xukuumadda Somaliland ayaa iska leh mas’uuliyadda hagista, maamulista, fududeynta, la socodka diyaarinta qaban-qaabada munaasabadda iyo sugida ammaanka, iyadoo ilaalineysa xeerarka dalka habraacyada amniga, sinaanta bulshada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu gogal nabadeed oo ballaaran u fidiyay bulshada walaalaha ee ku dhaqanka gobollada Awdal iyo Selel, gaar ah beelaha wada dega degmada Selel.

Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in gudaha deegaanadeeda laga sameyn karin xuduudo beeleed, isla markaana aan la aqbali doonin xuduud qabiileed oo ka dhex sameyn gudaha Somaliland.

Go’aankan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe magaalada Saylac iyo guud ahaan gobollada Awdal iyo Selel ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay qabashada bandhiga xeer Ciise, oo si adag uga horyimaadeen beelaha Gadabuursi.

War ka cusub shirweynaha mucaaradka ee Kismaayo iyo Jubaland oo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa si habsami leh u socota qaban-qaabada shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo hoggaannada maamullada Jubaland iyo Puntland.

Shirweynahan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, waxaana haatan uu maamulka Jubaland guddi u saaray qaban-qaabada shirka.

Shirweynahan ayaa noqonaya midkii ugu weyn ee mucaaridku ay doonayaan in ay uga hortagaan doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah madal ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Turkiga oo shaaciyey xilliga uu billaabayo qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday inay qorsheynayso in sanadka 2026-ka ay si rasmi ah u billowdo qodista ceelasha shidaalka iyo gaaska ee ku jira xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii la soo gabagabeeyay, natiijo wanaagsanna laga helay sahankii dhuleed ee laga sameeyay qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Xukuumadda Ankara ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore u dirtay Soomaaliya markabka cilmi-baarista ee Oruc Reis, kaas oo sameeyay sahan saddex-cabir ah (3D seismic study) oo laga fuliyay saddex aag oo loo qoondeeyay shirkadda Batroolka Turkiga (Turkish Petroleum).

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa rajo weyn ka qaba in xogta laga ururiyay saddexdan aag—oo midkiiba ku fadhiyo bed dhan 5,000 oo kiiloomitir oo isku wareeg ah—ay muujin doonto jiritaanka keyd shidaal oo baaxad leh.

“Sanadkan waxaan fulinnay howlgalladii sahanka, waxayna u badan tahay in 2026-ku uu noo noqon doono sanadkii qodista ee xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Bayraktar oo warbaahinta la hadlayay Arbacadii.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in shaacinta rasmiga ah ee arrintan la sameyn doono bisha koowaad ee sanadka cusub ee Janaayo. Sidoo kale, sarkaal Turkish ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa shabakadda Middle East Eye u sheegay bishii hore in natiijada rasmiga ah ee sahanka ay si buuxda u soo bixi doonto isla bisha Janaayo.

Maraakiib cusub iyo howlgal culus

Bayraktar ayaa tilmaamay in Ankara ay goobta u diri doonto maraakiib casri ah oo ay dhowaan soo iibsatay dowladda, si ay u fuliyaan howsha qodista iyo soo saarista kheyraadka ku jira badda gunteeda.

Wuxuu qiray in qodista shidaalka badda ay noqon doonto mid farsamo ahaan aad u adag, maadaama laga shaqeynayo biyo aad u qoto dheer oo gaaraya illaa 3,000 oo mitir.

Xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale leh caqabado dhanka amniga ah, taas oo keentay in markabkii Oruc Reis ay muddo ku dhow toban bilood galbinayeen maraakiibta dagaalka ee Turkiga illaa intii uu shaqada ka dhameysanayay.

Heshiiska dhex maray Turkiga iyo Soomaaliya kuma koobna oo kaliya badda, balse wuxuu sidoo kale dhigayaa in shirkadaha Turkigu ay qodis iyo soo-saar ka sameyn karaan dhulka berriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Bayraktar ayaa xusay in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo u baahan in wax laga qabto ka hor inta aan la gaarin heerka soo-saarista.

“Xitaa ma jirto waddo la isku halleyn karo oo lagu tago goobta. Sidaa darteed, waxaa waajib nagu ah inaan dhisno kaabayaashii dhaqaale ee loo baahnaa. Amnigu waa caqabad kale, waana ku howlanahay sidii aan arrimahaas u xalin lahayn,” ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu intaas raaciyay: “Sanadka 2026-ka waxaan higsaneynaa inaan billowno howlgallada, markanna ma noqon doonto sahan oo kaliya, balse waxay noqon doontaa qodis toos ah oo laga sameeyo aagga berriga ee Soomaaliya.”

Ilo-wareed Soomaali ah oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in dhowaan la bixin doono qandaraaska dhismaha waddooyinka loo maro goobaha shidaalka, lana filayo in kaabayaashaas ay diyaar noqdaan ka hor inta aan la billaabin howlgallada qodista.

Kharashka iyo baaxadda kheyraadka

Sida lagu xusay warbixino kasoo baxay dowladda Mareykanka, Soomaaliya waxaa la aaminsan yahay inay leedahay ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo isugu jira keyd shidaal iyo gaas. Si kastaba ha ahaatee, in kheyraadkan la horumariyo waxay u baahan tahay maalgashi aad u ballaaran oo qaadan kara inta u dhaxeysa saddex illaa shan sano.

Khabiir dhanka tamarta ah oo sanadkan 2024 la hadlay warbaahinta ayaa saadaaliyay in Turkiga looga baahan yahay inuu ku bixiyo nus-bilyan doollar si uu u dhameystiro sahanka iyo qodista hordhaca ah ee biyaha Soomaaliya. Horumarinta keydka shidaalka iyo gaaska ee buuxa ayaa iyaduna la filayaa inay ku kacdo dhowr bilyan oo doollar oo dheeri ah.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si weyn u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, xilligaas oo xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay gurmad bini’aadanimo oo qiimihiisu ka badnaa $1 bilyan u fidisay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Turkiga ayaa haatan Muqdisho ku leh safaaradda ugu weyn ee uu caalamka ku leeyahay, iyo saldhig milatari oo ballaaran.

Sidoo kale, shirkadaha Turkiga ayaa maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, iyadoo dowladda Turkiguna ay tababartay kumanaan askari oo Soomaali ah, kuwaas oo qiyaastii ka dhigan saddex meelood oo meel ciidanka xoogga dalka.

Soomaaliya oo shir muhiim ah la yeelatay Mareykanka, Midowga Yurub iyo QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay deeq-bixiyayaal ka socday dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan oo ka qabsoomay dhanka aaladda Zoom-ka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka oo haatan maraysa heer khatar ah.

Xaaladda taagan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay gobollada kala duwan ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Guddoomiye Maxamuud ayaa deeq-bixiyayaasha si faah-faahsan ugu warbixiyay sida abaartu u kala culus tahay gobollada dalka, isagoo xusay in gobollo badan ay ku jiraan xaalad adag oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo deg-deg ah.

Deeq-bixiyayaasha ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo dareen ku aaddan halista abaarta Soomaaliya oo kasii dareysa.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda adag ee ka taagan dalka.

Xaaladda abaareed ee ka taagandalka ayaa laga deyrinayaa, iyadoo guddoomiyaha hay’adda SODMA uu baaq dheer u diray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dardar-geliyo hawlaha lagu badbaadinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu tilmaamay in dalka ay ka jirto abaar ba’an oo si weyn u saamaysay bulshooyinka nugul, taas oo u baahan gurmad deg-deg ah iyo dadaal mideysan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda SODMA ay diyaarisay qorshayaal cad oo hagaya gurmadka, isagoo ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan gurmadka, maadaama ay weli yihiin laf-dhabarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Somaliland pushes for Qatari diplomatic office in Hargeisa

Hargeisa, Somalia — Somaliland’s president has urged Qatar to open diplomatic and development offices in Hargeisa, using talks with Doha’s envoy to press for a more permanent Gulf presence in the breakaway territory.

President Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro” made the request on Wednesday at the presidential palace in Hargeisa during a meeting with Qatar’s ambassador to Somalia, Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, according to a statement from the Somaliland presidency.

The two men discussed ways to deepen cooperation in social development, the economy, investment, and humanitarian aid, the statement said, echoing parallel readouts carried by regional media.

Office request

Irro thanked Qatar for its past support to Somaliland, particularly relief during recent droughts, and said his government wanted to see that engagement “taken to the next level”.

He invited Doha to establish development, charitable, and diplomatic offices in Somaliland, signalling that Hargeisa wants a visible, on-the-ground Qatari presence rather than ad hoc engagement through Mogadishu.

Such offices would not amount to formal recognition of Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognised by any state.

However, they would bring Qatar into the group of partners that already operate representative missions in Hargeisa, even as they maintain official relations with Somalia.

The president also told the ambassador that Somaliland is ready to engage in broad cooperation with Qatar on regional security, infrastructure, water, health, and education.

He framed that agenda as part of a longer-term effort to anchor Somaliland in Gulf economic and political networks along the Red Sea corridor.

Aid and investment

Qatar has become a notable donor to Somaliland during recent dry spells.

In August, Doha pledged $3 million in emergency funding for drought-hit communities, a package local officials said would help families facing acute shortages of food and water.

The presidency said Irro used Wednesday’s talks to welcome that support and to encourage Qatar to expand development and investment projects tailored specifically to Somaliland.

For his part, Al Nuaimi thanked the president for the reception and reiterated Qatar’s commitment to existing humanitarian and development programmes in Somaliland, according to the official readout and matching accounts in local outlets.

Qatar has not publicly commented on the specific call to open a diplomatic office in Hargeisa.

The ambassador remains formally accredited to Somalia’s federal government in Mogadishu, where he has held a series of meetings this year with senior officials to review bilateral ties.

Unrecognised but active

Somaliland runs its own government and security forces. It has cultivated a reputation for relative stability, helped by foreign investment in the strategic port of Berbera on the Gulf of Aden.

Dubai-based DP World operates the facility under a long-term Berbera port concession, which it promotes as a future hub for trade into Ethiopia and the wider region.

Over the past decade, Somaliland has also built especially close ties with the United Arab Emirates.

Abu Dhabi originally planned to establish a military facility at Berbera as part of a broader base and training deal. While the project was later converted into a civilian airport, Emirati money still dominates large parts of Somaliland’s coastline and logistics sector.

Those ties give the UAE significant leverage in Berbera and around Somaliland’s ports.

Diplomats say any attempt by Qatar to move from aid partner to deeper political or commercial presence would have to navigate that Emirati footprint, even though the 2017–2021 Gulf crisis formally ended with the Al-Ula reconciliation.

The territory already hosts representative or liaison offices from several partners, including Ethiopia and a Taiwan representative office in Somaliland, which handle trade, consular, and development work without recognising Somaliland as a state.

Regional sensitivities

However, foreign governments’ dealings with Hargeisa often trigger political sensitivity.

Under international law, states continue to treat Somaliland as part of Somalia, and Mogadishu insists that any embassy or formal mission anywhere on Somali territory must be cleared with the federal government.

Those red lines have been tested repeatedly. In early 2024, Ethiopia signed a controversial sea-access pact with Somaliland that would give Addis Ababa a foothold on the Red Sea in exchange for possible recognition of Somaliland’s independence.

Somalia swiftly rejected the deal, declared it had no legal force, and later passed a law nullifying the agreement.

The uproar echoed earlier rows over Taiwan’s office in Hargeisa and over foreign commercial concessions signed directly with Somaliland.

Each time, Somalia has argued that breakaway authorities have no right to sign external agreements, let alone host foreign missions, without federal consent.

Against that backdrop, Qatar will have to balance any step toward a permanent presence in Hargeisa with its long-standing ties to Somalia’s federal government, which has relied on Qatari funding and political backing in recent years.

A development or liaison office in Somaliland would fall short of recognition. Yet, it would still be read in Mogadishu as a political signal, not just a technical move.

Somaliland–Qatar alignment

At the same time, Somaliland has worked to align itself more clearly with Doha.

In September, its foreign ministry issued a statement condemning attacks on the State of Qatar and calling for regional stability, a language aimed at projecting solidarity and gratitude for assistance.

Wednesday’s readout stayed on that diplomatic tone.

It highlighted “mutual respect” and “shared interests,” and framed the proposed Qatari offices as tools for development, charity, and humanitarian work rather than overt political representation.

Officials stressed that cooperation on regional security, economic infrastructure, and basic services would benefit both sides.

There was no immediate public reaction from Somalia’s federal government to the Hargeisa meeting or to Irro’s call for a Qatari diplomatic presence in Somaliland.

For now, diplomats and analysts are watching for practical signals — more Qatari technical visits, new project announcements, or a liaison office in Hargeisa — to gauge how far Doha is willing to go without formally changing its stance on Somaliland’s status.

Four years: It is my time to eat – How Somalia’s leaders turn public office into personal opportunity

0

The phrase travels quietly through Somalia, a whisper that cuts deeper than any public speech: “When a new President  arrives, it is his time to eat.” It is spoken with humour, but it carries the weight of a national truth. Everywhere across the political landscape, the assumption holds strong: every presidency becomes a four-year window for enrichment, for rewarding networks, and for consolidating power without fear of consequences.

It is a system built not on law, but on habit.

It survives not because Somalis admire it, but because every actor inside it benefits from its endurance. 

 The Presidency as a Negotiated Inheritance

In principle, Somalia elects presidents through a parliamentary process. In practice, the election begins long before legislators arrive in Mogadishu. Power brokers, elders, business elites, factional leaders, and armed influencers shape the contest through a web of obligations and financial flows. Presidents do not rise by presenting public visions. They rise by assembling coalitions that expect a return on their investment.

The state’s institutions become currency in this exchange.
Ministerial posts, embassies, commissions, and foreign-funded programmes are distributed not for competence but for political debt settlement.

“In Somalia’s political marketplace, the presidency is less an office and more an inheritance negotiated behind closed doors.” 

A Cycle That Begins and Ends in the Same Place

Every four years, the choreography repeats itself.

A president arrives with strong promises: fight corruption, rebuild institutions, restore public trust. These commitments resonate in a country exhausted by instability.

Yet within months, familiar accusations surface, controversial contracts, mismanaged funds, captured agencies, silenced critics. Public confidence erodes, reform stalls. Patronage expands.

When the electoral season returns, the same networks that weakened institutions present themselves as the guardians of national stability. They urge continuity, warn against change, and demand another term of trust.

And the cycle begins again. 

The Quiet Pact That Governs the Country

Beneath the visible struggles lies a more powerful and less discussed truth.

No president investigates the wrongdoing of the administration before him.
None. Even when evidence is overwhelming, the new leadership does nothing.

This is not an oversight failure. It is intentional design.

A silent pact binds Somalia’s political class: Protect your predecessor, because you will need protection when your own term ends.

This informal immunity is the backbone of Somali politics. It explains why corruption grows, why institutions remain weak, and why reform is always promised but never delivered. It is the reason every leader inherits a broken system and every leader chooses to leave it broken.

“Accountability threatens everyone, so accountability is quietly banned.” 

Institutional Fragility as a Political Asset

Each administration inherits institutions that barely function: weak financial oversight, limited legal capacity, politicised security organs, and fragmented bureaucracies.

In a healthy political environment, these weaknesses would spark urgent reform.
In Somalia, they become valuable tools.

Fragile institutions allow leaders to manoeuvre without restraint. Opaque financial systems enable off-book deals. Weak courts guarantee impunity. A disempowered parliament avoids confrontation.

Thus, Somalia’s political class has no incentive to strengthen the state. A strong state would be dangerous. It would make corruption visible and punishable.

Where Does the Money Go

Somalia receives domestic revenues, donor funds, development assistance, and project financing. Citizens hear numbers. They see announcements. They watch ceremonies.

What they rarely see is accountability.

Critical questions remain unanswered:

  • Where does national revenue actually flow
  • Who receives major contracts
  • How much is lost before reaching its intended purpose
  • How often do auditors carry out unannounced inspections
  • What happens when wrongdoing is confirmed

The silence is louder than the numbers.

“A budget without transparency is not a public document. It is a private opportunity.”

The Politics of Entitlement

Across districts and regions, the same statements appear when a new president takes power:

“Our clan must receive positions; we brought him to office.”
“The financiers must be satisfied; they made the campaign possible.”
“Our allies need rewards; otherwise, the government will not survive.”

This mindset is not a side effect of the system; it is the system. Public office becomes a prize. The state becomes a resource pool. Citizens watch as national responsibility is transformed into private entitlement.

Trust evaporates when leaders behave as proprietors of the country rather than servants of the public.

A Parliament That Stands in Its Own Shadow

Somalia’s parliament reflects the same structural fragility as the executive branch.

Many MPs enter office not as independent representatives, but as extensions of regional political interests. Their survival depends not on public approval, but on the goodwill of those who sponsored their seats.

Some MPs rarely attend sessions. Some collect salaries without legislative contribution. Some remain silent out of fear of political retaliation.

Oversight disappears. Legislative work slows. The system protects itself by disabling the only institution designed to check it.

Mogadishu: The City That Pays for the Republic

Mogadishu remains the fiscal engine of Somalia. Its ports, airport, markets, and taxpayers sustain much of the federal budget. Yet Mogadishu receives:

  • No representation in the Senate
  • No proportional influence in federal structure
  • No organised defence of its fiscal contributions

The capital is both indispensable and politically marginalised.

It pays the bill but never holds the pen.

What the Country Has Never Allowed Itself to Build

Nations that break corruption cycles achieve two things:

  1. They punish wrongdoing through independent courts.
  2. They preserve a national memory of accountability.

Somalia has neither enforcement nor memory. There is no landmark conviction of a senior leader. No systematic recovery of stolen assets. No institutional archive of political wrongdoing.

Without consequence or memory, corruption becomes not only common but logical.

The Question That Awaits the Next Election

As another election approaches, Somalia faces a stark question:

Will the coming presidency continue the 4  year feast, or will it finally confront the system that enables it

Real reform requires more than speeches:

  • A parliament willing to confront executive power
  • A judiciary free from political interference
  • Oversight bodies with real mandates and real budgets
  • A public that refuses to reduce national tragedy to political humour

Without these foundations, the next president will repeat the habits of all who came before him.

And Somalis will hear the same bitter words:

“Four years: it is my time to eat.” 

Isreal oo Soomaaliya uga digtay arrimaha uu dal kale ka wado gudaheeda

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa u digtay Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay noqotay goob uu Turkigu saameyn ballaaran ku yeeshay.

Shay Gal oo ah la-taliye sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa tilmaamay in Soomaaliya noqotay goob lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun, oo uu sheegay in loogu hanjabay Giriigga iyo Israa’iil.

Shay Gal oo hore u ahaa ku-xigeenka xiriirka dibadda ee Israa’iil ayaa farriin u diray Turkiga, isagoo yiri “Fogaanta Soomaaliya ma ah mid ka badan Iiraan.”

Gal ayaa sheegay in maamulka Israa’iil uu si dhow ula socdo xaaladda, isagoo ku daray in Turkigu ka dambeeyo saldhig ku yaal gudaha Soomaaliya oo lagu tababaro tiro badan oo askar ah.

Sidoo kale Shay Gal wuxuu sheegay in arrintan ay tahay mid dhab ah oo socota, isla markaana Giriigga iyo Israa’iil ay kordhiyeen kormeerka iyo xog ururinta ku saabsan tijaabo kasta oo Turkiga ka fuliyo Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa kasoo baxay Israa’iil, xilli dhowaan Turkigu uu amar xirid ah kusoo rogay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo 36 masuul oo kale, arrin la xiriirta dagaalka ka socda Gaza ee lagula jiro Xamaas.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli dowladda Turkiga ay ku hawlan tahay mashruucii u ballaarnaa ee gudaha Soomaaliya, kaasi oo ah dhismaha saldhig dayax-gacmeedka laga diro.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay Soomaaliya ka diri doonaan dayax-gacmeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhismaha saldhigga laga maamuli doono dayax-gacmeedka uu socdo, isla markaana mashruucani uu barbar socdo hawlaha kale ee Turkidu ka wado Soomaaliya, sida kuwa amniga, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Firdhiye oo maanta u baxaya Muqdisho xilli uu ka socdo…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyey tan iyo doorashadiisii bishii August ku tegaya magaalada Muqdisho.

Firdhiye ayaa ku biiraya shirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada taabacsan, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo muddooyinkii dambe muran xooggan ka taagnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka maamullada kala dhaxeeya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda saddexdan maamul goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka biyo-diideen ololaha siyaasadeed ee deegaannadooda ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee JSP.

Xasan Sheekh ayaa hadda xoogga saaraya in aanu lumin dowlad-goboleedyada safkiisa ah, si ay dowladda federaalka ugu sii socoto hannaanka doorashadeeda ee qof iyo cod, oo weli si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa cagaha la gashay loolanka doorashada qof iyo cod, iyadoo xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay qorsheynayaan inay shirweyne ku qabsadaan magaalada, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, socdaalka Madaxweyne Firdhiye ayaa imanaya xilli muddo bilo ah uu maamulkiisu sugayo in ay caleema-saarto Dowladda Federaalka oo iyadu dhistay.

Maleeshiyada Imaaraadka uu taageero ee STC oo guul ka gaartay qabaa’ilka Sacuudiga…

Sanca (Caasimada Online) –  Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC), oo taageero milatari iyo mid siyaasadeedba ka hela dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Say’uun. Magaaladan ayaa ah xudunta istiraatiijiga ah ee gobolka Xadramuut, isla markaana ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn bariga dalka Yemen. 

Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta la isla dhex marayay muuqaallo muujinaya ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan STC oo ku sii qulqulaya dhanka gobolka Xadramuut. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo loogu magac daray “Mustaqbalka Rajada Leh”.

Tallaabooyinkan is-xigxigay ee milatari ayaa dhaliyay cabsi xooggan oo laga qabo inuu qarxo dagaal fool-ka-fool ah oo dhex mara xoogagga Imaaraadku dabada ka riixayo iyo maleeshiyaadka qabaa’ilka deegaanka ee garabka ka hela Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Gobolka Xadramuut ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha Yemen, isagoo ku fadhiya dhul baaxaddiisu le’eg tahay saddex-meelood-meel guud ahaan dalka, wuxuuna kayd ahaan hayaa boqolkiiba siddeetan (80%) saliidda dalkaas, in kasta oo aanay aad u badnayn marka loo eego dalalka kale ee Khaliijka.

Hanjabaadaha iyo xiisadda taagan

Ciidamada loo yaqaan ‘Hadrami Elite Forces’, oo ah garabka milatari ee STC u qaabilsan hawlgalkan, ayaa hanjabaado culus u jeediyay Isbahaysiga Qabaa’ilka Xadramuut ee Sacuudigu taageero. Taliye sare oo ka tirsan ciidamadan, Abu Cali al-Xadrami, ayaa isbahaysiga qabaa’ilka ku eedeeyay inay u adeegayaan “ajandayaal shisheeye” oo lagu wiiqayo himilada STC ee ah in Koonfurta Yemen ay noqoto dal madax-bannaan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay inaanay “gacmaha laaban doonin” xilli la isku dayayo in awood ciidan lagu maquuniyo gobolka Xadramowt si loo abuuro xaqiiqo cusub.

Dhanka kale, Sheekh Camar Bin Xabriish, oo ah hoggaamiyaha Isbahaysiga Qabaa’ilka, ayaa si kulul ugu jawaabay, isagoo wacad ku maray in tallaabo kasta oo ciidan shisheeye ama mid aan deegaanka u dhalan ay soo galaan Xadramuut lagala hortagi doono awood ciidan. Waxaa xusid mudan in Ciidamada ‘Hadrami Elite Forces’ ay askartooda u badan yihiin gobollada kale ee Koonfurta Yemen, balse aanay u dhalan Xadramuut.

Wareysi uu BBC-da siiyay Talaadadii, ayuu Bin Xabriish ku cambaareeyey isku-dayga STC ee gooni-u-goosadka Koonfurta, isagoo Sucuudiga ugu baaqay inay soo farageliyaan xaaladda ka hor inta aysan faraha ka bixin. Isla maalintaas, shirkadda saliidda ugu weyn Yemen ee PetroMasila, oo xarunteedu tahay Xadramuut, ayaa hakisay soo-saaristii saliidda kadib markii rag hubeysan oo taabacsan isbahaysiga qabaa’ilka ay xoog ku galeen xarunta shirkadda.

Iska-hor-imaadkii garoonka iyo madaxtooyada 

Telefishinka Al-Mayadeen ayaa Arbacadii baahiyay in STC ay la wareegtay magaalada Say’uun kadib dagaallo qaraar oo dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda ee hoos taga Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC)—golahan oo ah hay’adda fulinta ee Koonfurta Yemen, kaas oo markii hore taageero ka helayay Sucuudiga iyo Imaaraadka, balse STC ay hadda u muuqato mid ka hor timid.

Dagaalka ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada iyo garoonka caalamiga ah ee Say’uun, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan saddex qof.

STC ayaa ciidamada ku sugan Say’uun ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo kooxo xagjir ah. Hase yeeshee, ilo ku dhow isbahaysiga qabaa’ilka ayaa wargeyska al-Akhbar u sheegay in xog sirdoon ay kashiftay qorshe Imaaraadku wato oo uu hoggaaminayo al-Xadrami, kaas oo lagu doonayo in lagu qabsado dhulka saliidda qaniga ku ah ee gobolka.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu ku jiro in la jaro waddooyinka saadka ee Sucuudiga iyo in la qabsado xarumaha muhiimka ah iyo waddooyinka lamadegaanka ah ee isku xira Xadramuut iyo xuduudda Sucuudiga.

Hubka Imaaraadka iyo saamaynta juqraafi-siyaasadeed

Falanqeeye dhanka juqraafi-siyaasadeedka ah, Rich Tedd, ayaa toddobaadkan soo bandhigay in ciidamada STC lagu arkay hub ay Imaaraadku bixiyeen, oo ay ku jiraan madaafiicda Shiinuhu sameeyo ee 155mm AH-4 howitzers—kuwaas oo la mid ah nooca la sheegay in Imaaraadku siiyay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF). Sidoo kale, gawaarida gaashaaman ee lagu sameeyo Imaaraadka ayaa lagu arkay gacanta ciidamada taabacsan STC.

Ugu dambeyntii, shabakadda Middle East Eye ayaa bishii Oktoobar daabacday warbixin sheegaysa in xarumo ku yaalla labada jasiiradood ee Cabdil-Kuurii iyo Samxa, oo ay maamusho STC, ay qayb ka noqdeen shabakad saldhigyo ciidan ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, kuwaas oo dhammaantood ku jira gacanta iyo saamaynta tooska ah ee Imaaraadka Carabta.

Bankiga AfDB oo soo saaray go’aan taariikhi ah oo ku saabsan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa si rasmi ah u meelmariyay qorshe dheeri ah oo lagu cafiyo deynta Soomaaliya, tallaabadaas oo waddada u xaaraysa in gebi ahaanba la tirtiro deymihii uu dalka ku lahaa Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) intii u dhaxeysa sannadaha 2024 ilaa 2039.

Go’aankan, oo kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya si guul leh u soo dhammaystirtay shuruudihii Barnaamijka Deyn-cafinta Waddamada Saboolka ah ee Deyntu Daashatay (HIPC), ayaa hoos u dhigi doona deynta dibadda ee Soomaaliya lagu leeyahay qiyaastii $17.68 milyan.

Tani waxay dowladda u abuureysaa fursad maaliyadeed (fiscal space) oo muhiim u ah maalgelinta adeegyada aasaasiga ah iyo mudnaan-siinta horumarka qaranka.

Barnaamijka HIPC, oo ay Kooxda Bankiga Adduunku daah-furtay sannadkii 1996-kii, ayaa ujeeddadiisu tahay in culeyska deynta laga dulqaado waddamada soo buuxiya shuruudaha adag ee hufnaanta maaliyadda iyo la-dagaallanka saboolnimada, si ay diiradda u saaraan kobaca dhaqaalaha.

Sidoo kale, sannadkii 2005, waxaa barnaamijkan lagu kabay Hindisaha Cafinta Deymaha ee Dhinacyada Badan (MDRI), kaas oo dammaanad qaaday in boqolkiiba boqol la tirtiro deymaha u qalma ee ay waddamadaas ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika.

Ansixinta deyn-cafintan cusub ayaa ka dhalatay horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha guud, maamulka maaliyadda dadweynaha, kobcinta dakhliga gudaha, iyo dowlad-wanaagga.

Waxaa intaas dheer, in dowladda Soomaaliya ay fulisay ballanqaadkeedii ku aaddanaa yareynta saboolnimada, iyadoo sare u qaadday tayada adeegyada bulshada isla markaana ballaarisay barnaamijyada daryeelka bulshada ee lagu caawiyo qoysaska nugul.

Bubacarr Sankareh, oo ah La-taliyaha Sare ee Hawlgallada Soomaaliya u qaabilsan Kooxda Bankiga, ayaa yiri: “Soomaaliya waxay guushan ku muteysatay dhabar-adeyg iyo u-hoggaansamidda shuruucda maaliyadda. Deyn-cafintani waxay albaabada u fureysaa dhismaha hay’ado dowladeed oo xooggan, adeegyo bulsho oo tayo leh, iyo rajo cusub oo u dhalata muwaadiniinta Soomaaliyeed—waana guul saameynteeda laga dareemi doono fasallada waxbarashada, rugaha caafimaadka, beeraha, iyo suuqyada ganacsiga ee dalka oo dhan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda laga filayaa inay kheyraadka soo xarooda u weeciso maalgelinta adeegyada bulshada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, iyo barnaamijyada bulshada ee daruuriga ah.

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale loo adeegsan doonaa qorista macallimiin tayo leh, biyo-gelinta, iyo soo-noolaynta nidaamka caafimaadka ee gobollada ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha. Deyn-cafintu waxay sidoo kale xoojin doontaa adkeysiga dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, tallaabadan ayaa sare u qaadi doonta sumcadda deyn-qaadasho ee Soomaaliya (creditworthiness), waxayna soo celin doontaa kalsoonidii ay hay’adaha horumarintu ku qabeen dalka, iyadoo la furayo waddooyin cusub oo lagu helo maalgelin iyo deymo fudud oo loo adeegsado dib-u-dhiska muddada fog.

Maadaama culeyskii deynta uu si weyn hoos ugu dhacay, dowladda ayaa hadda dardargelin karta qorshayaasha qaranka ee mudnaanta leh, oo uu kamid yahay Qorshaha Qaran ee Isbeddelka (National Transformation Plan – NTP-1), iyo u-guuridda nidaam ku dhisan horumar waara oo ay dowladdu hoggaamineyso, halkii laga tiirsanaan lahaa gargaarka bini’aadannimo.

Xusuusin ahaan, bishii Maarso 2020, Soomaaliya waxay si guul leh isaga bixisay deymihii raagay (arrears) ee ay ku lahayd Kooxda Bankiga, kuwaas oo lagu qiyaasay $122.6 milyan. Intaas kadib, dalku wuxuu fuliyay dib-u-habeyn ballaaran oo loogu gogol-xaarayay dhammaystirka hannaanka HIPC.

Ugu dambeyntii, guushii ay Soomaaliya ka gaartay barta kama-dambeysta ah ee HIPC bishii Disembar 2023, ayaa u dirtay farriin cad deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah—oo ay ku jiraan AfDB, IMF, iyo IDA—inay bixiyaan qaybtooda deyn-cafinta buuxda. Tani waxay wadarta guud ee deynta dibadda ee Soomaaliya ka dhigeysaa mid hoos uga soo dhacda $5.2 bilyan (sannadkii 2018) ilaa $557 milyan oo kaliya marka la dhammaystiro hannaanka cafinta.

Golaha Wasiirrada Somalia oo maanta ansixiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meel-mariyay waxaa ka mid ah sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa la sheegay inuu kasoo gudbay la-tashiyo ballaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha hay’adda maaraynta deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada golaha ansixiyay waxaa ka mid ah:

1.⁠ ⁠Heshiis ss-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaran ee maareynta deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka sharciga ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga caalamiga ah baadi-goobka iyo samatabixinta badda [Axdiga Sar 1979].

5. Axdiyada Geneva – 12 August 1949 [Additional Protocols].

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee qof iyo cod, taas oo weli uu ka taagan muran xooggan.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhex-dhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda arrimaha gudaha.

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan la yeeshay Lafta-gareen, Qoor-Qoor iyo Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir xasaasi ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda saddexdan maamul goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka biyo-diideen ololaha siyaasadeed ee deegaannadooda ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee JSP.

Madaxweyne Xasan ayaa hadda xoogga saaraya in aanu lumin dowlad-goboleedyadan safkiisa ah, si ay dowladda federaalka ugu sii socoto hannaanka doorashadeeda ee qof iyo cod, oo weli si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa cagaha la gashay loolanka doorashada qof iyo cod, iyadoo xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay qorsheynayaan inay shirweyne ku qabsadaan magaalada, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”