25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Golaha Wasiirrada Somalia oo maanta ansixiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meel-mariyay waxaa ka mid ah sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa la sheegay inuu kasoo gudbay la-tashiyo ballaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha hay’adda maaraynta deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada golaha ansixiyay waxaa ka mid ah:

1.⁠ ⁠Heshiis ss-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaran ee maareynta deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka sharciga ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga caalamiga ah baadi-goobka iyo samatabixinta badda [Axdiga Sar 1979].

5. Axdiyada Geneva – 12 August 1949 [Additional Protocols].

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee qof iyo cod, taas oo weli uu ka taagan muran xooggan.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhex-dhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda arrimaha gudaha.

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan la yeeshay Lafta-gareen, Qoor-Qoor iyo Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir xasaasi ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda saddexdan maamul goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka biyo-diideen ololaha siyaasadeed ee deegaannadooda ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee JSP.

Madaxweyne Xasan ayaa hadda xoogga saaraya in aanu lumin dowlad-goboleedyadan safkiisa ah, si ay dowladda federaalka ugu sii socoto hannaanka doorashadeeda ee qof iyo cod, oo weli si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa cagaha la gashay loolanka doorashada qof iyo cod, iyadoo xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay qorsheynayaan inay shirweyne ku qabsadaan magaalada, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Guddiga doorashada oo u digay maamullada degmooyinka G/Banaadir – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir faray inay si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda, isagoo uga digay carqaladeynta ololaha doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in ururrada siyaasadda iyo musharaxiintoodu ay xaq u leeyihiin olole doorasho oo xor ah, sharci iyo anshax ku dhisan.

“Ururada laguma sameyn karo wax kasta oo loo fasiran karo faragelin ama is-hortaag siyaasadeed,” ayuu guddigu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Guddiga ayaa maamullada degmooyinka xasuusiyay in doorkoodu yahay fududeyayaal ee aysan ahayn carqaladeyeyaal, lagana filayo dhex-dhexaadnimo, mas’uuliyad wada-shaqeyn oo lagu aamini karo iyo dhawrista sharciga.

“Maamullada degmooyinka waa in ay fududeeyaan qaadashada kaadhka codbixiyaha goobaha loo asteeyay, ayna si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda iyo hay’adda amniga si loo xaqiijiyo jawi nabdoon,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeed guddiga doorashooyinka.

Digniinta guddiga ayaa imanaysa xilli ururrada qaar ay cabasho ka muujiyeen maamullada degmooyinka oo iyagu inta badan ka tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wargelin sharciyeed: fududeynta ololaha doorashada & qaadashada kaadhka codbixiyaha.

GMDQS, isaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha sharci ee ku xusan qodobada 46aad iyo 47aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, waxa uu ku wargelinayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir in ay noqdaan fududeyeyaayal xaqiijiya xorriimada ololaha ururrada siyaasadda iyo helitaanka kaadhka codbixiyaha, iyadoo la ilaalinayo anshaxa, hufnaanta, iyo xasilloonida bulshada.

Tilmaamo sharci iyo digniin

1. Ururrada siyaasadda iyo musharaxiintoodu waxay xaq u leeyihiin olole doorasho oo xor ah, sharci iyo anshax ku dhisan, lagumana sameyn karo wax kasta oo loo fasiran karo faragelin ama is-hortaag siyaasadeed.

2. Maamullada degmooyinka waa in ay fududeeyaan qaadashada kaadhka codbixiyaha goobaha loo asteeyay, ayna si dhow ula shaqeeyaan ururrada siyaasadda iyo hay’adda amniga si loo xaqiijiyo jawi nabdoon.

3. GMDQS waxa uu tixgelinayaa cabashooyinka sharciyeysan ee ururrada, balse uma dul-qaadan doono eedeymo ama cabashooyin keeni kara hurin bulsho, carqalad amni, ama dhaawac ku yimaada hufnaanta, kalsoonida iyo danta guud ee doorashada.

4. Maamullada degmooyinka waxa la xasuusinayaa in doorkoodu yahay fududeyayaal (Facilitators) ee aysan ahayn carqaladeyeyaal (Obstructors), lagana filayo dhex-dhexaadnimo, mas’uuliyad wadashaqeyn oo lagu aamini karo iyo dhawrista sharciga.

Gunaannad

GMDQS waxa uu ku kalsoon yahay in maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ay sii adkeyn doonaan iskaashiga iyo fududeynta geedi-socodka si muwaadiniintu u helaan adeeg doorasho oo siman, hufan, oo ammaan ah.

-Dhammaad-

Faah-faahinta dab xooggan oo caawa ka kacay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo warramay inuu saameeyay xarumo badan oo halkaasi ku yaalla.

Wararka ayaa tilmaamaya in ganacsatada iyo dadka deegaanka ay wadaan dadaallo lagu daminayo dabka, halka ciidanka dab-damiska ay ku hawlan yihiin xakameynta inuu ku sii faafo qeybo kale oo suuqa ka mid ah.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka, balse warar hordhac ah ayaa muujinaya inuu jiro khasaare hantiyeed oo soo gaaray goobaha ganacsi ee ku dhow halka uu dabku ka bilowday.

Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo noq-noqotay, lamana oga sababta ka dambeysa dabka caawa kacay.

Wixii faah-faahin ee soo kordha halkan kala soco Insha Allah.

Muxuu yahay heshiiska uu maanta meel-mariyay BF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 17-aad ayaa ansixiyay heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika

Kooramka kulanka oo ku furmay 147-Xildhibaan ayaa marka hore xildhibaanadu akhrinta saddexaad marsiiyeen heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika, iyadoo warbixinta akhrinta saddexaad ee heshiiskan golaha u faah-faahiyey Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan guddiga arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa cod u qaaday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika, waxaana ogolaatay 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, halka laba xildhibaanna ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey hindise-sharciyeedka daawada, waxaana guddoomiyaha guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha, xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ay golaha u faah-faahisay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka daawada, iyadoo sheegtay in hindise sharciyeedkan ay ka talo geliyeen bahda mihnadlayaasha caafimaadka iyo ururada ganacsatada daawoleyda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedka daawada, iyagoo su’aalo ay ka mid yihiin sida looga hortagi karo daawada dhacday iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay hindise sharciyeedkan weydiiyey Wasiirka Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga horrumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka daawada, isla markaana dib ugu soo celiyaan golaha si cod loogu qaado.

Ugu dambeyn, Mudanayaasha golaha ayaa loo qeybiyey axdiga Ilaalinta yo Isticmaalka wabiyada xuduudaha dhaafsan iyo harooyinka caalamiga ah iyo hindise-sharciyeedka amniga saybarka Soomaaliya.

Somaliland oo Qatar u soo bandhigtay arrin xasaasi ah oo la xiriirta…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Labada mas’uul ayaa kulankan uga wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan xagga iskaashiga horumarka bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimada.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Cirro ayaa safiirka Qatar u soo bandhigay in Somaliland ay ka furtaan xafiis diblumaasiyadeed, xilli ay dalal dhowr ah Hargeysa ku leeyihiin xafiisyo diblumaasiyadeed.

“Madaxweynuhu waxa uu Safiirka u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhawaynayso haddii ay dowladda Qatar Somaliland ka furanayso xafiisyo Horumarineed, kuwo khayri ah iyo kuwo diblomasiyadeedba,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale wuxuu safiirka dowladda Qatar u caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay xaqiijinta iyo xoojinta iskaashi buuxa oo dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dhinac, gaar ahaan ka wada-shaqaynta arrimaha amniga gobolka, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Cirro ayaa si laab-furan dowladda Qatar uga mahad-naqay gargaarka iyo deeqaha ay u fidiso bulshada Somaliland, gaar ahaan xilliyada adag, sida gurmadka abaaraha oo kale.

Dhankiisa, Safiirka dowladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha qaabilaada, isagoo xaqiijiyey in Qatar ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Somaliland, gaar ahaan kuwa bini’aadannimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo ballan-qaad ku saabsan in labada dhinac ay sii wadaan wada-shaqaynta iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag iyo is-tixgelin buuxda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xasan oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada 8 dal + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro ka socda siddeed dal.

Safiirradan ayaa kala ah; Masar: Mudane Mohamed Salah Keshtah, Indonesia: Mudane Witjaksono Adji, Sweden: Mudane Hans Henric Lundvqist, Cuba: Marwo Inés Fors Fernandez, Canada: Mudane Joshua Brenber Tabah, Finland: Marwo Riina Riikka Heikka, Norway: Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain: Mudane Jaime Alejandro Moreno Bua.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjireyaasha xilka loo soo igmaday ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan.

Sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay in si buuxda loogu garabsiinayo gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyey salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda.

Waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyagoo ka mahad celiyey qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyey Villa Somalia.

Munaasabaddan ayaa si maamuus sare leh ugu qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo salaan sharaf ku maamuusay Danjireyaasha warqadahooda u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Daawo: Xamza oo weerar xun ku qaaday Fahad kadib arrintii Maxamed Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo dhawaan qoraal uga jawaabay hadal kasoo yeerau Xamza, kaasi oo uu ku eedeynayay kacaankii.

Xamza ayaa Fahad ku tilmaamay qof aan aqoon cilmiyeed lahayn, isaga oo ku qeexay jawaabtii uu ka bixiyay hadalkiisa mid aan dhammaystirnayn, maadaama aysan miisaan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Hal xabbo oo taban (negative) ah kama uusan sheegin kacaankii, waa u garaabayaa maadaama uusan aqoon cilmiyeed lahayn. Dhibaatadaas waan ugu dulqaadanayaa, haddiise aan macallin ahaan lahaa waxaa ku siin lahaa eber,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Xamza ayaa ku adkaystay in qoraalku yahay mid dhaxal reeb ah, isla markaana ay lagama maarmaan tahay marka wax la qiimeynayo in labada dhinac laga eego (togan & taban).

“Wuxuu iloobayaa saaxiibkay, u fiirso: Khamriga iyo khamaarka marka uu Ilaahay sheegayay, dambi weyn ayaa ku jira, dadkana manfacooyin ayaa uga jira, habka uu Ilaahay u dhigay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhawaan si weyn loogu dhaliilay hadal uu ka jeediyay madal ka dhacday Muqdisho, kaasi oo uu kacaankii ku eedeeyay burburka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka ka falceliyay hadalkaasi, isaga oo sheegay in kacaanku intii uu dalka u qabtay uusan maalin u qaban Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xamza oo si yaab leh uga jawaabay aflagaadada Trump

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay hadalladii aflagaadada ahaa ee dhowaan ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in hadallada guracan ee Trump aysan hadda bilaaban, isla markaana uu horey weeraro afka ah ugu qaaday dalal badan oo caalamka ah.

Xamza oo hoos u dhigaya hadallada Trump ayaa tilmaamay in aysan u qalmin in la isku hawlo, ayna tahay in laga aamuso oo aan waxba laga soo qaadin, sida uu hadalka u dhigay.

“Donald Trump wadamo badan ayuu wax ka sheegay, in aynan ka hadlin oo iska dhaafno ayaa ka dhib yar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalkan ayaa imanaya xilli bulshada Soomaaliyeed ay caro xooggan ka muujiyeen hadallada aan loo meel dayin ee ka imaanaya Trump, kuwaas oo si xun ugu aflagaadeynayo dowladda Soomaaliya iyo Soomaalidaba.

Trump ayaa muddooyinkii dambe si isdaba-joog ah u bahdilayay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay meel dunida ka hadhay, oo aan lahayn dowlad iyo ciidan toona, isla markaana aysan ka jirin wax aan dagaal iyo dambi ahayn.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka dhigtay dal uu mar walba u soo qaato tusaale xun, isagoo eedeymo aan loo meel dayin u jeediyay bulshada Soomaaliyeed.

Trump ayaa gaaray xitaa heer uu Soomaalida ku tilmaamo “qashin. Wuxuu sheegay in Mareykanku aadi doono jihada khaldan haddii uu sii wado in uu qaabilo qashin, oo ula jeedo Soomaalida soo-galootiga.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, oo uu sheegay inay “waxba ku soo kordhin,” isla markaana uusan doonayn in dalkooda joogaan.

Hadalladiisa ayaa imanaya, xilli la filayo in howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka soo-galootiga ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota uu ka bilowdo halkaas, kaas oo si gaar ah u beegsanaya jaaliyadda Soomaaliyeed, kadib amar kasoo baxay Trump.

Jarmalka oo aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Jarmalka ayaa maanta si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Hay’adds Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid muhiim ah oo xoojineysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal.

Hay’adda Socdaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku faraxsan tahay in aqoonsiga Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya ay ku dhawaaqdo dowladda Jarmalka, maadaama lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee dowladda dalkaasi.

“Tallaabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee dhanka maniga dukumintiyada safarka, casriyeynta, adeegyada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

 

Xisbiga Sheekh Shariif oo digniin kasoo saaray qorshe ay damacsan tahay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale si adag uga hadlay burburinta ay weli dowladda ka waddo dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiga uu ogaaday in mar kale dowladdu qorsheyneyso in ay sameyso barakicin horleh, taas oo uu ka digay, maadaaama ay saameyneyso shacab danyar ah oo hadda degan dhulkaas.

“Iyadoo ay Muqdisho wali ka sii socdaan tacadiyada joogtada ah iyo beegsiga bulshada danyarta ah kuwaas oo si loo barakiciyo laga adeejiyay ciidanka Qaranka, ayaa Xisbiga Qaran wuxuu ka war-helay in shaqsiyaad ogolaansho ka haysta Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ay ku howlanyihiin dhulboob hor leh oo ka baxsan goobihii shacabka”.

Sidoo kale, wuxuu xisbigu intaasi ku daray in barakicintan ay saameyn xooggan ku yeelatay qaar kamid ah qoysaska ciidanka Xoogga dalka, maadaama laga raray guryahooda.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in xisbiga uu cambaareynayo tacaddiyo uu sheegay in lagu hayo shacabka, kuwaas oo ay gaysanayaan qaar kamid ah ciidamada

Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray culimada , waxgaradka iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka taagan

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaalla caasimada, iyada oo arrintan ay dhalisay xiisad xooggan.

Donald Trump oo ciidamada ICE ee dadka tarxiila u diray Soomaalida Minnesota

Minneaspoli (Caasimada Online) –  Madaxweyne Donald Trump ayaa amar ku bixiyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka soo-galootiga ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota, kaas oo si gaar ah u beegsanaya jaaliyadda Soomaaliyeed, tallaabadan oo timid maalmo un kadib maalmo uu jeedinayey hadallo xanaf leh oo aad u kulul, isaga oo Soomaalida Mareykanka ku tilmaamay “qashin.”

Sida uu qoray wargeyska The New York Times, Waaxda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa Minnesota geysay ku dhawaad 100 askari oo laga soo kala ururiyay gobollada dalka, si ay u sameeyaan kooxo u qaabilsan “weerarka degdegga ah” oo ka hawlgala agagaarka magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul. 

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkani uu diiradda saarayo Soomaalida haysta amarka kama-dambaysta ah ee masaafurinta, balse waxaa jirta cabsi xooggan oo ah in howlgalka uu saameeyo dadka kale ee kiisaskooda socdaalka ay weli horyaallaan maxkamadaha.

Amarkan cusub ayaa soo baxay isla maalinkii Talaadada oo Trump uu weerar afka ah oo aan loo meel-dayin ku qaaday Soomaalida intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada. Madaxweynaha ayaa sheegay in soo-galootiga Soomaalida ah ay “ka yimaadeen jahannamo,” “aysanna waxba kusoo kordhin dalka,” isaga oo raaciyay inay tahay “inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.”

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, isaga oo iyada iyo saaxiibadeedba Soomaalida ku tilmaamay “qashin.”

Masuuliyiinta Waaxda Amniga Gudaha (Homeland Security) ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu howlgalku u dhacayo, balse waxay ku doodeen in tallaabooyinka la qaadayo ay ku saleysan yihiin xaaladda sharciga ee dadka, balse aysan shaqo ku lahayn qowmiyad ama isir.

Falcelinta iyo cambaareynta Minnesota

Barasaabka Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadan, wuxuuna ku tilmaamay “riwaayad siyaasadeed” (PR stunt) oo lagu beegsanayo soo-galootiga halkii wax laga qaban lahaa dembiyada dhabta ah. “In la jilo riwaayad siyaasadeed, islamarkaana si aan kala sooc lahayn loo beegsado soo-galootiga ma ahan xal dhab ah,” ayuu Walz ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa isna dhankiisa ka digay in weerarradan ay halis gelin karaan in xabsiga loo taxaabo muwaadiniin Mareykan ah, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid keeni karta “xad-gudubyo dastuuri ah oo waaweyn.”

Labada magaalo ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa leh siyaasado magangalyo (sanctuary policies) oo xaddidaya la-shaqeynta ciidamada federaalka ee socdaalka.

Dhinaca kale, u-doodayaasha xuquuqda soo-galootiga ayaa sheegay in calaamadihii ugu horreeyay ee howlgalkan la dareemay Talaadadii, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in dad Soomaali ah ay ciidamada federaalka kala dageen gaadiidka.

Kooxaha u dooda bulshada ayaa durba sameeyay khadad taleefan oo gargaar sharci ah iyo kooxo degdeg uga jawaaba xaaladaha soo kordha si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada.

Weerarradan ayaa qeyb ka ah qorshaha sii kordhaya ee Trump ee ka dhanka ah soo-galootiga. Xoghaya Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa soo jeedisay in “gebi ahaanba la mamnuuco” dadka ka imaanaya waddamada ay sheegtay inay dalka kusoo daadinayaan “dilaayaal iyo dhiig-miirato,” hadalkaas oo si weyn loogu fasiray in loola jeedo waddamada Afrika iyo kuwa Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaaliya.

Maamulka ayaa sidoo kale u guntaday inuu soo afjaro sharciga Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliyeed, kaas oo kumanaan qof u oggolaaday inay si sharci ah ku noolaadaan, kana shaqeystaan Mareykanka muddo tobanaan sano ah.

Bulsho wadnaha Farta ku haysa

Gobolka Minnesota waxaa ku nool qiyaastii 84,000 oo Soomaali-Mareykan ah — waana tirada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka ku dhaqan — iyada oo saddex meelood oo meel dadkaasi ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada Mareykanka. Intooda badan waxay dalka soo gaareen sagaashameeyadii iyagoo ah qaxooti ka cararay dagaalladii sokeeye.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in hadallada Trump ay dib usoo nooleeyeen cabsida iyo nacaybka loo qabo Soomaalida Mareykanka.

“Bulshadeenna horay ayay usoo martay xaalad cabsi ah,” ayuu yiri Jamal Cusmaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Minneapolis. “Ma oggolaan doonno inay na kala qeybiyaan.”

U-doodayaasha ayaa ka digaya in isku-dhafka howlgallada arxanka daran, luuqadda cunsuriyadda ku dhisan, iyo sharciyada la laalayo ay qoysaska Soomaaliyeed ku qasbi karaan inay dhuumaaleysi galaan.

“Erayada Trump waxay leeyihiin cawaaqib xun,” ayuu yiri Jaylaani Xuseen oo ka tirsan hay’adda CAIR ee Minnesota. “Marka uu madaxweynuhu bulsho dhan ku tilmaamo ‘qashin,’ waxay taasi fasax u siinaysaa dadka kale inay tacadiyo geystaan.”

Xilligan la joogo, qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ayaa sheegaya inay baajiyeen safarradoodii, islamarkaana ay ka fogaanayaan goobaha dadweynaha isugu yimaadaan, iyagoo si feejigan u sugaya halka ay ku dambeyn doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan “kooxaha weerarka” ee dowladda federaalka. 

DF oo ‘si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneysa’ Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee xabsiga gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal, ayaa shaaciyey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamo ka qoranayso gobolka Mudug, ayna arrintaasi kala shaqaynayaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo saraakiil ciidan, sida uu hadalka u dhigay. 

“Waxaa jirta in Xasan Sheekh dhalinyaro ku soo safay Gaalkacyo, oo uu ciidamo ka qoranayo, aysanna jirin cid ka warqabta, cid ka celinaysa iyo cid ka dhiidhiyeysa dhibaatada Gaalkacyo ku soo fool leh. Haddii aan hadda laga hawlgelinna waxaa laga dooni doonaa meel fog,” ayuu yiri Taliye Aadan Nuur Qaal.

Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarraysa Puntland ee gobolka Mudug inay wadashaqayn la leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayna ka shaqaynayaan sidii gobolku uga bixi lahaa gacanta Puntland.

“Dadka Gaalkacyo mas’uuliyiinta ka ah intooda badan DFS ayey la shaqaynayaan; hal qof oo Gaalkacyo ka naxayana kuma jiro. Waxyaabaha ay samaynayaan warbaahin lagama sheegi karee waa in wax laga qabtaa. Waxay taagan tahay in Gaalkacyo gacanta Puntland ka baxdo. Waxaan codsanayaa saraakiisha dowladda iyo wasiirradu inay yimaadaan oo arrintaan wax ka qabtaan,” ayuu yiri mar kale Aadan Nuur Qaal.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu shaaciyey inay jiraan ciidamo ka amar qaata dowladda Soomaaliya oo ku sugan deegaanno ka tirsan Puntland.

Wuxuu sidoo kale imaanaya xilli Puntland ay kordhisay eedeymaha ka dhanka ah mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa Isniintii sheegay inuu gabagabo marayo heshiis u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Dirir waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in awoodda maamul ee dalka lagu wareejiyo 60%, halka inta dhimanna ay la doonayaan madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo dhankeeda dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay doonayaan inay 60% ka badan awood qaybsi ahaan u helaan, halka Xasan uu doonayo kaliya 50%. Muddadii uu Madaxweyne Xasan xafiiska joogay Al-Shabaab dad badan ayey ku darsadeen dowladnimada Soomaaliyeed; wasiiro iyo xubno kale ayaa kamid ah,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Maaliyadda Mareykanka oo ku dhowaaqday tallaabo lagu beegsanayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa billowday baaritaan ku aaddan eedeymo sheegaya in lacagaha canshuurta ee laga ururiyo gobolka Minnesota si qarsoodi ah loogu leexiyay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent ayaa go’aankan ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay barta X, maalmo uun kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku tilmaamay Minnesota “xarun udub-dhexaad u ah musuq-maasuqa iyo lacag-dhaqidda sharci-darrada ah.”

Hadalka Trump ayaa u muuqday mid jawaab u ah warbixinno ay qoreen warbaahinta garabka midig, balse aan la xaqiijin, kuwaas oo ay sii faafiyeen xildhibaanno Jamhuuri ah, iyagoo ku andacoonaya in Al-Shabaab ay ka faa’iideysatay falal wax is-daba-marin ah oo ka dhacay Minnesota.

Bessent, ayaa yiri: “Iyadoo la fulinayo amarkeyga, Waaxda Maaliyaddu waxay baaritaan ku sameyneysaa eedeymaha la xiriira in maamul-xumada, habacsanaanta iyo dayacaadda xukuumaddii Biden iyo barasaab Tim Walz ay sababtay in lacagihii ay dhibka kusoo shaqeysteen dadka reer Minnesota loo leexiyo dhanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.”

Xafiiska Guddoomiye Walz ayaan weli jawaab degdeg ah ka bixin codsi fal-celin oo loo diray. Hase yeeshee, Walz ayaa marar hore iska fogeeyay eedeymaha noocan ah, isagoo sheegay in Trump uu wado olole “sumcad-dil” ah oo ka dhan ah guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Wareysi Axaddii ka baxay telefishinka NBC, ayaa Walz si gaar ah wax looga weydiiyay eedeymaha Trump iyo xukunnada lagu riday shaqsiyaad badan oo asal ahaan kasoo jeeda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu helay lunsashada lacagihii dowladda ee loogu talagalay barnaamijyadii xilligii COVID-19.

Walz wuxuu qiray in Minnesota ay tahay gobol soo jiita dadka, balse cid kasta oo dambi gasha sharciga lala tiigsado.

“Waa inaan hoosta ka xarriiqo, arrintani kuma koobna Soomaalida oo keliya. Minnesota waa gobol gacan furan, waa gobol barwaaqo ah… laakiin deeqsinimadaasi waxay soo jiidataa dambiilayaasha. Dadkaasna kama baxsanayaan sharciga, xabsiga ayayna ku dambeynayaan,” ayuu yiri Walz.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyay difaac adag isagoo yiri: “Balse in bulsho dhan la ceebeeyo, laguna shaabadeeyo falal ay gaysteen shaqsiyaad faro ku-tiris ah, waa tallaabo aad u liidata oo muujineysa garaad-yari.”

DBbishii lasoo dhaafay, Trump ayaa iclaamiyay inuu joojinayo barnaamijka ilaalinta kumeel-gaarka ah ee TPS-ta ee ay ku joogaan Soomaalida Minnesota, isagoo ku marmarsiyooday in “burcad Soomaali ah ay argagax ku hayaan” bulshada gobolkaas.

Tallaabadan ayaa soo dadajineysa soo afjaridda barnaamij soo jiray tan iyo 1991-kii, xilligaas oo uu xukunka hayay madaxweyne kale oo Jamhuuri ahaa.

Xukuumaddii Dimoqraadiga ahayd ee Trump ka horreysay, ee uu hoggaaminayay Joe Biden, ayaa waqtiga u kordhisay Soomaalida barnaamijkan ku jirta illaa Maarso 17, 2026.

Sida lagu xusay warbixin kasoo baxday Xafiiska Madaxa-bannaan ee Cilmi-baarista Congress-ka (Congressional Research Service), inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin heysta dhalashada Mareykanka, waxaana guud ahaan dalka oo dhan ku sugan 705 qof oo keliya oo asal ahaan Soomaali ah oo ku jooga sharciyadda TPS-ta.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku raacay saddex qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo maanta wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay saddex qodob oo muhiim ah, isla markaana la xiriira xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Arrintan ayaa lagu gorfeeyay kulan gaar ah oo dhex-maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed bin Maxamed Al-Muwalled oo ku kulmay magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa wada-hadal dheer kadib isku afgartay in la adkeeyo iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana dhawaan Hay’adda Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sucuudiga (KSrelief) ay dhagax-dhigtay mashruuc ballaaran oo 200 oo guri loogu dhisayo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay deegaannada Jubaland.

Mashruucaas ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay in hoy loo sameeyo qoysaska guryahoodii ku waayey masiibadii fatahaadaha. Qorshaha mashruuca kuma koobna oo kaliya dhismaha guryaha, balse waxaa barbar socda hirgelinta xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo weliba dhismaha kaabayaasha nolosha asaasiga u ah sida biyaha iyo waddooyinka.

Tallaabadan ayaa gacan ka geysaneyso xoojinta xasilloonida bulshada ee deegaankaas, maadaama ay qoysaska dhibaateysan helayaan dib-u-dejin rasmi ah.

Ilhan Omar oo u jawaabtay Trump oo Soomaalida ku tilmaamay khashin

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo mar kale iyada weerar ku qaaday, sidoo kalena u gefay dadka Soomaaliyeed.

Trump ayaa isagoo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin “khashin” iyo in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan.”

Ilhaan oo si adag ugu jawaabtay ayaa iyaduna tiri “Ku mashquuliddeyda waa cabsi gelin. “Waxaana rajeynayaa inuu heli doono caawinaadda uu aadka ugu baahan yahay.”

Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo la filayo inay billowdaan howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.

Mas’uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

Si kastaba, Trump oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay Suudaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo boggaadin mudan ayaa garab istaag wayn u muujisay shacabka dalka Suudaan oo ay saameeyeen dagaallada sokeeye ee la dagay dalkaasi, una dhexeeya ciidanka dowladda iyo RSF.

Soomaaliya ayaa si gaar ah taageero ugu fidisay qaar kamid ah ardayda Suudaan, iyada oo siisay deeq waxbarasho, taas abaal gud ah, maadaama horay Suudaan ay u caawisay Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in ardaydan ay waxbarashadooda sare ku qaadan doonaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in garab istaag dhab ah u muujiso walaalaha reer Suudaan

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la illaawi karin” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qeybtii ugu horreysay”

Dhinaca kale, safiirka Suudaan ee Soomaaliya oo ka hadlay deeqdan waxbarasho ayaa ka mahadceliyay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya iyo Suudaan ay yihiin laba dal oo saaxibo ah, isla markaana leh xiriir qoto dheer oo wax wada qabsi ah

“Soomaaliya waxay muujisay garab istaag dhab ah, Ardaydeennu fursad ay mustaqbal ku dhistaan ayey halkan ka heli doonaan.” ayuu yiri Safiirka Suudaan ee Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa tallaabadan lagu amaanay, maadaama Suudaan oo hadda xaalad adag ku jirta ay horay u caawisay Soomaaliya, waxaana jira kumanaan arday ah oo dalkaas wax kusoo bartay, haddana xilal sar ka haya dowladda.

Cumar Kalaxay oo lagu dilay Muqdisho – Yaa ka dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Kalaxay, kana mid ahaa ciidanka NISA.

Marxuumka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka isbaaradii hore ee Saruurka oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga ay toogteen rag watay bistoolado oo goobta yimid, kadib si gaadmo ah u dilay marxuumka, kuwaas oo durbadiiba baxsaday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydka marxuumka ay goobta kasoo qaadeen ciidamada ammaanka, iyada oo la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, ciidanka ayaa sameeyay baaritaanno daba socday dilkaasi, balse ma jirto cid ay gacanta kusoo dhigeen oo lala xiriirinayo toogashada Cumar Kalaxay.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladdda ammaan ee Muqdisho ay ahayd mid deggan, isla markaana laga nastay dhammaan falalkii ammaan darrada ahaa, sida dilalka qorsheysan, weerarada tooska ah, qaraxyada iyo dhaca burcadda hubeysan.

Guusha laga gaaray amniga ayaa ku timid, kadib qorshayaal ay la timid dowladda Soomaaliya oo ciidamo gaar ah u xilsaartay amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah la dhigay daafaha Muqdisho, kuwaas oo sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah oo looga hortagayo halista weerarada Al-Shabaab

Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir lagu soo bandhigayo hub casri ah

0

Qaahira (Caasimada Online) –  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta ka qayb-galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025) oo lagu qabtay dalka Masar.

Bandhiggan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa ka dhacaya Xarunta carwada caalamiga ah ee Masar (EIEC) ee magaalada Qaahira.

Sidoo kale waxaa bandhigga ka qayb qaadan doono wufuud ka kala socota in ka badan 100 dal iyo ilaa 450- shirkadood oo ka mid ah hormuudka soo-saarka difaaca iyo amniga caalamka, iyada oo si rasmi ah u daah-furay Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Bandhiggan ayaa ah mid muhiim ah, waana midka keliya ee daboola labada gobol ee Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana lagu soo bandhigayaa tiknoolajiyad iyo qalab casri ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah.

Dhanka kale, wafdiga Soomaaliya ayaa inta uu socdo bandhiggan kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb galaysa Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar, maadaama haatan labada dal ay leeyihiin iskaashi difaac oo wayn.

Ujeedka wada-hadalladan ayaa ah kuwa lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Masar ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah AS iyo sugidda amniga deegaannada la xoreeyay.

Labada dowladood ayaa hore u muujiyay inay ka go’an tahay adkeynta nabadgelyada gobolka, gaar ahaan ilaalinta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo door muhiim ah ku leh isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

Maareeye oo shaaca ka qaaday arrimo ka yaabiyay oo ka taagan Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka dariyay xaaladda Somaliland oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

Maareeye ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay 4 qodob oo uu la yaabay, isla markaana muddo dheer ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay sidaan kusii jiri karin, isla markaana haddii laga fagsan waayo uu isagu tagi doono.

“Waxaa iga yaabiyay sida ay Somaliland uga sii shaqeyn karto siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Ogaada, hadaan si degdeg rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!” Ayuu yiri Wasiir Maareeye

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;

Afar arimood oo Hargeysa iyo Somaliland mudo sanooyin ah ka dhex socda ayaa iga yaabiyey siday u sii shaqeyn karayaan.

1. Talo xumo time dhaaftay oo aan cid dib u qiimeynaysa lahayn.

2. Qof masuuliyad sheegana oo iskaga hadlaya af-xumo aan loo meel dejin, badiil siyaasadeed lahayn, oo dadkii nabadna ka kaxaysay, colaad wax ugu tarin.

3. ⁠Odayaal Koofiyado xunxun oo jifo qabiil sheeganaya oo saf ku jira oo isu jiibinaya colaad iyo caay ku wajahan dawladda iyo jufi kale oo ay Hargeysa wada degaan oo cid wax ka qabanaysaa oo xidhxidhaysa lahayn.

4. ⁠Siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn,

Ogaada, hadaan si degdeg rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!.