25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Kadib guushii taariikhiga ee Soomaaliya, wafdi culus oo yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Eleanor Sanders ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib guushii Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsiga guddigeeda xuquuqal insaanka, taasoo muddo 34 ah Qaramada Midoobay soo magacaabaysay, taas oo horumar weyn u ah ilaalinta iyo kor u qaadida xuquuqal insaanka gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ay hoggaaminayso Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u-la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga xuquuqda aadanaha ee QM.

Mudane Xamza oo warbixin siinayey wafdiga ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

Si kastaba, booqashada Eleanor Sanders ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah, iyadoo Sanders ay door muhiim ah ka ciyaartay diyaarinta qaraarka ay Soomaaliya ku heshay aqoonsiga guddigeeda xuquuqal insaanka.

Dekedda Muqdisho oo dhigtay rikoor cusub oo taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Muqdisho ayaa dhigtay rikoor cusub oo taariikhi ah, kadib markii bishii dhammaatay ee November ay maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes.

Maamulka dekedda ayaa tan ku tilmaamay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda.

“Bishii November, dekedda Muqdisho waxa ay dhigtay rikoor cusub, kadib markii ay hal bil gudaheed maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes, taas oo noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka dekedda.

Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu qiimeeyay dekedda ugu waxtarka badan Bariga Afrika, sida lagu sheegay Warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) 2024 oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.

Warbixintu waxay sheegtay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta 163-aad ka gashay 407 dekedood oo caalami ah. Sidoo kale waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Saxaraha Afrika, iyadoo kaalinta koowaad uu haysto Dekedda Dakar ee Senegal.

Dekedda Muqdisho ayaa ka hor martay dekedaha waaweyn ee gobolka sida: Dekedda Dar es Salaam (kaalinta 360-aad), Dekedda Jabuuti, kaalinta 364-aad, Dekedda Mombasa (kaalinta 375aad)

Qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda, laga bilaabo marka ay ku sugnaadaan biyo-fadhiga ilaa inta ay ku jiraan marsada (berth), taas oo cabbiraysa waxtarka adeegyada dekedda.

Faah-faahinta shil naxdin leh oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo sababay dhimashada haweeney 60 jir ah oo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Culusow ayaa xalay ka dhacay degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Gaariga shilka geystay oo noociisu ahaa (Ina-tareey) ayaa la sheegay in darawalku damacsanaa inuu kala wareego, balse uu ka waayay bareegga. Tani ayaa sababtay in uu si xooggan ugu dhaco guriga ay ku sugneyd marxuumaddu iyo maqaayad ku dhow.

Shilka ayaa sidoo kale sababay dhaawaca afar qof oo ku sugnaa goobta, kuwaas oo la sheegay in xaaladooda caafimaad ay kala duwan tahay. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in jug weyn ay ka dhalatay dhacdadan.

Goobta uu shilku ka dhacay oo u dhow isgoyska Howl-wadaag iyo saldhigga booliska degmada ayaa waxaa si degdeg ah u tegay ciidamo ka tirsan amniga dowladda, kuwaas oo xiray waddada.

Ciidamada ayaa meydka marxuumadda u qaaday xarunta CID ee dambi-baarista. Qoyska marxuumadda ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu wareejiyo maydka si aas loogu sameeyo.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay shilalka ay ku lug leeyihiin gaadiidka xamuulka, taas oo walaac ku abuurtay shacabka. Dad badan ayaa ku baaqay in la xoojiyo kormeerka gaadiidka noocan ah.

Waxaa inta badan loo aanaynayaa in wadayaal badan ay kaxeeyaan gaadiid aan si buuxda loo hubin, taas oo keentay in mararka qaarkoodna ay ka waayaan bareegga.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shilalka kusoo badanaya caasimadda, gawaarida xamuulka ah oo lagu raro culeys ka badan inta ay qaadi karaan, kuwaas oo intooda badan ah kuwo duqoobay.

Xaalad adag oo ka taagan maamulka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland waxaa ka jirta abaar ba’an oo biyo la’aantu ugu daran tahay, iyadoo meelaha miyiga ah ay wajahayaan xaalad adag.

Wararka ayaa sheegaya in deegaannada miyiga ay xoolihii iyo dadkuba la’yihiin wax ay dhuunta ku qooyaan, kadib markii ay angageen baraagihii nurbiyoodku ay gali-jireen,maadaama la waayay sanadkaan roobkii dayrta.

Deegaannada ugu daran ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ka mid yihiin tuulooyinka ku dhow degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, oo reer guuraagu la tacaalaan cunto yari iyo biyo la’aan.

Bulshada deegaanka Godbo ayaa sheegay in xaaladdu faraha ka baxday, xoolihiina ay halis ugu jiraan harraad iyo nafaqo darro, maadaama baahida ugu weyn ay tahay helitaanka biyo nadiif ah.

Dadku waxay tilmaameen in deegaanka uusan ka jirin ceelal biyo ah, halka baraagihii ay ku tiirsanaayeen ay engegeen, booyadaha biyaha keena ayaana qiimahoodu gaarayo $150, taasoo ka sarreysa awooddooda dhaqaale.

Qoysaska ay abaartu saameysay ee ku nool Godbo ayaa baaq u diray dowladda Puntland iyo hay’adaha samafalka, iyagoo codsaday in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar.

Maamulka Puntland ayaan weli qaadin tallaabo loogu gurmanayo dadka biyo la’aanta iyo abaartu isugu darantay, marka laga reebo guddi dhawaan la magacaabay.

Somaliland oo xirtay siyaasi dhawaan tegay Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay siyaasi Jaamac Shabeel, kadib safar uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Jaamac Shabeel oo si weyn uga soo horjeeday siyaasaddii uu hormuudka ka ahaa madaxweynihii hore Muuse Biixi ee dagaalkii Laascaanood, isla markaana ku baaqi jiray wada-hadal iyo heshiisiin ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay ficillo lid ku ah jiritaanka Somaliland.

Jaamac ayaa sidoo kale tegay magaalada Buuhoodle, isaga oo sheegay inuu doonayo inuu dhex-dhexaadiyo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan la dhisay.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Shabeel “oo ku eedaysan arrimo kasoo horjeeda qaranimada, xad-gudubna ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlana.”

“Eedaysanaha waxa deg-deg loo horgayn doonaa ha’yaddaha garsoorka ee dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka taliska booliska Somaliland

Taliska booliska ayaa digniin u diray dadka ku hawlan arrimo ay ku sheegeen inay wax u dhimayaan qaranimada, iyagoo ka digay fal kasta oo lagu carqaladeeyo jiritaanka Somaliland. “Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland.”

Intii uu joogay Laascaanood, Jaamac Shabeel ayaa la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan maamulka Waqooyi Bari, oo uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa wadahadallo toos ah iyo in la is dhaafsado maxaabiista labada dhinac.

Shabeel ayaa hore u sheegay in Somaliland aysan gaari karin xuduud ay sheeganayso haddii dadka deegaanka aanay taageersanayn, isagoo dhowaan warbaahinta ka sheegay in Somaliland iyo Waqooyi Bari ay u baahan yihiin wada-hadal siman oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda.

Horey ayaa fanaanka Cabdirisaaq Anshax loogu xiray Hargeysa, kadib markii uu safar ku tegay Laascaanood, inkastoo oo markii dambe xorriyadiisa dib u helay kadib markii uu raalli-gelin ka bixiyay safarkiisa.

Xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Waqooyi Bari oo dhawaan la dhameystiray ayaa weli taagan, iyadoo dhinacyadu ay kala qabsadeen maxaabiis badan, kuwaas oo aan weli la is dhaafsan.

Maxkamadda Sare oo riday go’aan ka dhan ah wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa ku ammaanay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, kadib markii ay maxkamaddu baabi’isay magacaabistii Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Xaaji ayaa dhawaan magacaabay Xoghayaha Guud ee guddiga, isagoo xilka ka qaaday Xoghayihii hore. Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay mid muujinaya madax-bannaanida golaha.

Maxkamadda Sare oo xukunkeeda ku dhawaaqday 27-kii Noofambar 2025, waxay meesha ka saartay go’aankii wasaaraddu soo saartay 29-kii Maajo 2025, kaas oo lagu magacaabay Maxamed Maxamuud Aadow.

Maxkamaddu waxay caddeysay in Wasaaradda Caafimaadka aanay sharciyan u lahayn in ay sameyso magacaabistan, waxayna amartay bixinta $300 oo kharashka dacwadda ah, iyadoo la fulinayo 30 maalmood gudahood.

Golaha oo ka kooban 15 xubnood waxaa laga soo xulaa wasaaradaha dowladda sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Caddaaladda, ururrada xirfadlayaasha, qaybaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka ah. Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa dhexdiisa ku doorta xubnaha golaha, sida uu sheegay goluhu.

Sida ku cad dacwaddii goluhu gudbiyey 2-dii Luulyo 2025, taas oo ku salaysnayd warqad ka timid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa la xaqiijiyay in goluhu yahay hay’ad si madax-bannaan u shaqaysa, ayna Wasaaraddu awood u lahayn magacaabista Xoghayaha Guud.

Guddoomiye Cumar Daahir Maxamuud, oo Axaddii shir jaraa’id qabtay, ayaa xusay in xukunka Maxkamadda Sare uu si cad u muujinayo madax-bannaanida golaha isla markaana uu meesha ka saarayo magacaabistii sharci-darrada ahayd.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in maxkamaddu garowsatay awoodda sharciga ah ee golaha, isla markaana la buriyay dhammaan tallaabooyinkii ka dhashay magacaabistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uulka la magacaabay ayaan weli ka jawaabin go’aanka maxkamadda.

Xaaladda Imran Khan oo war laga la’yahay xilli la faafiyey warar in lagu dilay xabsiga

Islamabad (Caasimada Online) – Wiilasha uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan, oo haatan u xiran dowladda dalkaas, ayaa muujiyey walaac aad u xooggan oo ku aaddan in maamulku qarinayo xaalad halis ah oo soo wajahday aabahood. Waxay sheegeen in muddo ka badan saddex toddobaad aanay haynin wax caddaynaya inuu weli nool yahay, taas oo cabsidooda cirka ku shareertay.

Iyadoo ay weli xayiraad adag saaran tahay booqashooyinkii xabsiga ee ay maxkamaddu amartay, isla markaana ay suuqa ku jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Khan loo wareejinayo xabsi kale, ayuu wiilkiisa Kasim Khan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qoysku aanu wax xiriir ah la samayn, xog sugganna ka helin aabahood, inkastoo uu jiro amar garsoor oo fasaxaya kulammo toddobaadle ah.

“Inaad garan weydo geeri iyo nolol meel uu aabahaa ku sugan yahay, ama inuu badqabo iyo inuu dhaawac yahay, waa nooc kamid ah jirdilka iyo cadaabka maskaxda,” ayuu Kasim ku yiri qoraal uu soo diray, isagoo intaas ku daray inaysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay xaaladdiisa muddo bilo ah.

Wuxuu sii raaciyey: “Maanta ma hayno wax xog ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan xaaladdiisa. Cabsida ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in nala ka qarinayo musiibo dhacday oo aan dib loo sixi karin ama aan laga soo waaqsan karin.”

Qoyska ayaa marar badan dalbaday in loo ogolaado dhakhtarka gaarka ah ee Khan inuu xaaladdiisa u kuurgalo, balse dalabkaas waa la diiday in ka badan sanad, taasoo sii xoojisay shakiga.

Waxaa cabsida sii kordhisay warar aan la hubin oo baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegaya in Imran lagu dhex-dilay xabsiga. 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaan wax jawaab ah ka bixin codsi faallo looga diray arrintan. Hase yeeshee, sarkaal ka tirsan maamulka xabsiga, oo codsaday inaan magaciisa la shaaciyo, ayaa Reuters u sheegay in Khan uu caafimaad qabo, isagoo xusay inaanu ka warhayn wax qorshe ah oo hoggaamiyaha loogu wareejinayo xabsi kale oo amnigiisu ka adag yahay midka uu hadda ku jiro.

Khan, oo 72 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Ogoosto 2023, isagoo lagu riday xukunno kala duwan oo is-barkan. Khan ayaa ku tilmaamay dacwadahan qaar siyaasadeysan oo lagu maleegay kadib markii xilka looga tuuray codka kalsooni-kala-noqoshada baarlamaanka sannadkii 2022.

Xukunkii ugu horreeyay ayaa salka ku hayey eedeymo la xiriira inuu si sharci-darro ah u iibsaday hadiyado qaali ah oo uu helay intii uu xafiiska joogay, kiiskaas oo caan ku ah magaca “Toshakhana”.

Waxaa xigay xukunno kale oo xilliyo dhaadheer ah, oo ay ku jiraan 10 sano oo xarig ah oo loo cuskaday faafinta sir qaran, iyo 14 sano oo la xiriira kiis musuqmaasuq oo ku saabsan hay’adda Al-Qadir Trust, taas oo xeer-ilaalintu sheegtay inay ku lug lahayd heshiisyo dhul oo aan habboonayn.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa aaminsan in ujeedka dacwadahan is-daba-joogga ah uu yahay in Khan gebi ahaanba laga tirtiro saaxadda siyaasadda lagana reebo doorashooyinka soo socda.

Xog la’aan sii hurisay walwalka qoyska

Qoyska ayaa aaminsan in xiriir la’aantu ay tahay qorshe ula kac ah oo looga golleeyahay in Khan laga qariyo indhaha shacabka, si loo abuuro jahawareer.

Telefishinnada dalkaas ayaa lagu amray inaysan baahin karin magaca iyo sawirka Khan, iyadoo sawirka kaliya ee laga helay tan iyo intii uu xirnaa uu yahay mid tayo xun oo laga soo qaaday maxkamadda dhexdeeda, kaas oo baraha bulshada ku faafay.

“Go’doomintan waa mid qorsheysan,” ayuu yiri Kasim, oo tixraacaya mas’uuliyiinta uu aaminsan yahay inay aabihiis ka go’doomiyeen dunida. “Way ka baqayaan isaga. Waa hoggaamiyaha ugu taageerada badan Pakistan, waxayna og yihiin inaysan si dimoqraadi ah kaga adkaan karin.”

Kasim iyo walaalkiis ka weyn Suleiman Ciise Khan, oo magaalada London kula nool hooyadood Jemima Goldsmith, ayaa inta badan ka fogaada siyaasadda qoyska ku dhisan ee Pakistan.

Labada wiil, oo aabahood ugu yeera “Abba”, ayaa dhif iyo naadir warbaahinta la hadla, iyagoo inta badan ka hadla kaliya xaaladda xarigga aabahood iyo walaaca ay qabaan.

Kasim ayaa xusay in markii ugu dambeysay ee ay aabahood indhaha saaraan ay ahayd bishii Nofeembar 2022, xilligaas oo ay booqdeen Pakistan kadib markii uu Khan ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

“Muuqaalkaas weli ma iloobin, wuuna ila joogaa tan iyo waagaas. Inaad aabahaa ku aragto xaaladdaas ma ahan wax la hilmaamo,” ayuu yiri Kasim oo qiiraysan.

“Waxa naloo sheegay inuu soo kaban doono waqtiga. Laakiin hadda, kadib toddobaadyo aamusnaan ah iyo noloshiisii oo aan raad lagu hayn, xasuustaas waxay yeelatay miisaan iyo dareen ka duwan midkii hore.”

Qoyska ayaa wada dadaallo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwo maxalli ah, sida codsiyo loo dirayo hay’adaha xuquuqda aadanaha, waxayna dalbanayaan in si degdeg ah loo soo celiyo xaqii uu u lahaa inuu qoyskiisa iyo qareennadiisa la kulmo.

“Tani ma ahan kaliya khilaaf siyaasadeed,” ayuu yiri Kasim oo hadalkiisa kusoo gabagabeeyey: “Waa xaalad degdeg ah oo dhanka xuquuqda aadanaha ah. Waa in cadaadisku ka yimaadaa jiho kasta. Xoogga waxaan ka helnaa isaga, laakiin waxaan u baahannahay inaan marka hore ogaanno inuu badqabo.”

Mareykanka oo ka gaabsaday sharciyadda Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Safiirka iyo wafdigiisa waxaa Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe.

Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Dhinacyadu waxay si gaar ah diiradda u saareen arrimaha amniga, taageerada Dowladda Mareykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka, Danjire Richard H. Riley ay kulankooda ku lafa-gureen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale, Danjire Richard H. Riley ayaa qoraal uu ka soo saaray kulankan ka gaabsaday sharciyadda Axmed Madoobe, xilli ay weli Dowladda Federaalka aysan aqoonsan doorashadii Kismaayo ee dib loogu doortay Madoobe.

Qoraalkan oo Safiirku ku daabacay bogga X (ex-Twitter) ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayuu si taxaddar leh uga hadlay booqashadiisa Jubaland, isagoo ka gaabsaday in Axmed Madoobe uu ugu yeero Madaxweynaha Jubaland.

“Maanta Jubaland, Madoobe iyo aniga waxaan ku kulannay Kismaayo si aan uga wada hadalno muhiimadda midnimada qaran ee la dagaallanka argagixisada, taas oo faa’iido u ah dadka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Safiirka.

Muddo sanad ah ayaa weli taagan khilaafka hoggaanka dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, inkastoo laga war sugayo in la dhameeyo khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubaland, maadaama la gaaray xilligii kala guurka.

Jarmalka oo aqoonsanaya baasaboorka Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow ayaa shaaciyay in dhowaan dalal kala duwan oo caalamka ay bilaabi doonaan inay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliga.

Dhuxulow ayaa si gaar ah u xusay in Dowladda Jarmalku ay kamid noqon doonto dalalka ugu horreeya ee aqoonsigaasi ku dhawaaqi doona.

“Dalal badan ayaa juhdi na galiyay, weliba dhawaan Jarmalka ayaa dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga,” ayuu yiri Agaasime Mustaf Dhuxulow.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo weli ay jiraan dalal badan oo gaar ahaan Yurub ah oo aan weli aqbalin baasaboorka Soomaaliya, inkastoo qaar ka mid ahi bilaabeen aqoonsigiisa maadaama amniga dalka uu soo hagaagay.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhawaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xuseen oo haatan ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in xilka uu rabo ugu tartamayo urur siyaasadeedka JSP, kaasi oo sidoo kale uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

“Musharax u taagan Koonfur Galbeed ayaa ahay oo raba inuu ku tartamo magaca xisbiga, waana inay isbeddel dhab ah u diyaar garoobaaan taageeraayasha xisbiya ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu taagerayaashiisa reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorasho goordhow bilaaban doonta, xilli uu weli mad-madow badan ku gadaaman yahay doorashooyinka hoggaannada maamullada.

Xuseen ayaa mar la weydiiyay in Lafta-gareen oo sidoo kale tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay musharax mar kale u taagan xilka ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn inuu musharrax yahay intuu ka war qabo ilaa iyo haatana uusan banaanka imaanin.

Tan ayaa imaneysa xilli xisbiga JSP uu bilaabay ololaha doorashada qof iyo cod, ayna maamulladan Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka bilowdeen ololaha hanashada xilka u sareeya ee maamuladaasi.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin hanaanka doorashooyinka dalka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

Dhalinyaro Somali ah oo ku dhintay halis ka taagan Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in ay sii kordheyso xaalad halis ah oo ay dalkaas ku wajahayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo naftooda qatar ku gelinaya waddooyinka waa wayn ee Nairobi.

Sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle laba dhalinyaro Soomaali ah, isla markaana ahaa TikTokley ayaa ku dhintay magaalada Nairobi iyaga oo waddooyinka magaaladaas isaga duubayey muuqaallo, si ay usoo geliyaan barta TikTok.

Safiirka oo ka digay halistan ka taagan Kenya ayaa xusay in dhallinyaradaan ay si sharci darro ah u marayeen laamiga iyaga oo muuqaallo duubayana, sidaasna ay ku waayeen naftooda.

Dhimashooda ayaa timid kadib markii ay dhaceen gaadiidka waddooyinkaas isticmaala oo xawli ku socda, sida uu xaqiijiyay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Dhallinyarada TikTok-ga isaga duuba magaalada Nairobi gaar ahan kuwa waddooyinka Sawirada iskaga qaada waxaa ku dhintay arrintaas 2 qof, Khatartaas waa mid dhaawici karta sumcadda Soomaalida” ayuu yiri, Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi u gudbisay dacwad ka dhan ah dhallinyaradan si wax ooga qabto, loona yareeyo halista ka imaan karta muuqaallada ay ku duubayaan waddooyinka.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale bilaabay howlgal culus oo uu uga hortagayo dhalinyaradaas oo muuqaallada ay kusoo duubaan waddooyinka muhiimka ah ka dhigto (Challenge), si ay usoo geliyaa barahooda bulshada.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaasi kusii daray in arrintan ay sababtay in ay sii kordheen shilalka iyo dhacdooyinka naxdinta leh oo ay ku dhinteen qaar kamid ah dhalinyarada halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyaga oo markaa duubayay muuqaallo baraha bulshada ah.

TRUMP oo mar kale u gefay Soomaaliya kuna dhawaaqay…

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareynka Donald Trump oo saacado kahor la hadlay warbaahinta ayaa mar kale u gefay Soomaaliya, isaga oo tusaale xun usoo qaatay, intii uu ku guda jiray hadal jeedintiisa.

Trump ayaa sheegay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah iyo ciidamo ku filan amnieeda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaalida aysan u ogolaan doonin dalkiisa, isaga oo ku sifeeyay inay yihiin dad colaadeed oo is-dilaya.

“Dalal sida Soomaaliya oo kale ah, oo aan lahayn dawlad dhab ah, ciidan dhab ahna aan lahayn oo dadka is dilaya keliya ku mashquulsan, waxay yimaadaan dalkeenna iyaga oo noo sheegaya sida aan dalkeenna u maamuli lahayn. Ma doonayno taas.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka oo horay u jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey ayaa dhawaan Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka la barbar dhigay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in hoggaan la’aan uu yahay, sida Soomaaliya oo kale.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu horay u yiri Trump.

Hadalka Trump oo dhaliyay falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Nidaamka beddelka u noqon kara mixnadda federaalka ee haysata Soomaaliya

0

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay federaalnimadu, what is a federal system?” ayaa lagu yiri, “Qaata ee isku maamula,” taasoo dhalisay marxaladda hadda taagan ee maamul-goboleedyadu is-moodaan dowlado gaar ah.

Puntland oo ku andacoonaysa inay tahay hooyadii federaalka, waxaan aragnaa hab-dhaqanka Soomaalinimada ka baxsan ee ay u dhaqmayso, iyadoo iska indha tiraysa nidaamka dowladeed ee dalka ka jira, Jubbaland oo iyaduna waddadaas cagta saartay iyo Somaliland oo gooni u goosad ah.

Waxaa wax lala yaabo noqotay, marka laga soo tago diidmada dowladnimada Soomaaliya, in si qeexan ay u sheegeen maamulka Puntland inaysan aqoonsaneyn nidaamyada dowladda dhexe ay xaqa u leedahay in looga dambeeyo. Tusaale gaaban ayaa ah nidaamka kaarka aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed ee qeexaya “yaa Soomaali ah.”

Hay’adda The National Identification and Registration Authority (NIRA) ayaa ka caawin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed inay helaan adeegyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Tan kale oo iyadana quseysa waa fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya oo dowladda dhexe ay mas’uuliyaddeeda tahay inay bixiso, oo ay Somaliland iyo Puntland iska diideen inay aqoonsadaan, halka Puntland ugu yeertay qofkii qaata kaarka NIRA inuu yahay dambiile iyo argagixiso. Taasi waxay muujinaysaa diidmada nidaamka dowladnimo iyo faham qaldan oo ku saabsan nidaamka federaalnimada.

Waxaa iska cad in maamul-goboleedyadu ay yihiin maxmiyaad ay leeyihiin dalal cadow ah, ujeeddaduna tahay in Soomaaliya dal ahaan qaybsanaato, ayna qaran ahaanna halka ay maanta taagan tahay ka kiciso, maslaxaddeeduna noqoto mid hoos tagta shisheeyaha iyo dalalka cadowga ah, isla markaasna aan laga madaxbannaanayn faragelintooda cadowtinimada ah.

Jamhuuriyaddii Soomaaliya, laga soo bilaabo xilligii daakhiliyadda ilaa burburkii dowladdii dhexe ee kacaanka (1956-kii ilaa 1991-kii), waxay ku dhaqmeysay unitary system oo ah nidaam siyaasadeed oo qeexaya in maamulka iyo awoodaha dalka oo dhan gacanta ugu jireen dowladdii dhexe, inkastoo ay ku dhisnayd “xigto iyo xidid.”

Burburka nidaamkii xigto iyo xididka ku dhisnaa ka dib, Soomaaliya waxay gashay marxalad quus ah oo dhismaha dowladnimo ah. Waxaa dhegaha dadka ku dhacayay wax aysan horay u maqal: federaalnimo oo halbeeg loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka, wuxuuse noqday mixno iyo fidno la eedeeyo.

Asalkiisu wuxuu nooga yimid shirkii Embagathi, maskaxdii ka dambaysayna wuxuu ahaa Meles Zenawi oo aaminsanaa in madaxweynihii xilligaas AUN Cabdullaahi Yuusuf uu danaha Itoobiya ka shidaal qaato.

Soomaaliya waxaa lagu sheegaa dad isku isir ah (homogeneous), isku hal dal laakiin kala dhaqan ah; yacni qoomammo reer-guuraa ah oo qobka iyo qabyaaladda la weyn tahay, iyo dad deggan sida beeraley, xeebley, xirfadleey, gedisley iyo wixii la mid ah oo aaminsan in lagu noolaado qaranimo, sharci iyo dowladnimo.

Soomaaliya waxaa hadda ku habboon nidaamka centralism-ka oo ah furfurnaan ku saabsan madaxbannaanida maamul ee gobollada, iyadoo dowladda dhexe ay ku yeelaneyso door iyo qaab muraaqadeyn ah oo ah sida uu maamulka habsami ugu hoos daadego, dowladnimadana loo gaarsiinayo degmo ilaa tuulo.

Nidaamkaas furfurnaanta ah ayaa ah xalka kaliya ee ay Soomaaliya ku horumari karto, taas oo u baahan in ugu dambaynta loo coddeeyo, iyadoo laga hortegayo federaalnimada aan dareen lahayn.

Gebogebo, Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Qori iyo qiiqiisaba waa la isala tuuraa.” Federaalka iyo maxmiyadnimada ay la timid waa in ay Soomaali iska diiddaa, kuna midowdaa hal dal iyo hal maamul oo leh nidaam dowladeed casri ah. Waa in la qaataa go’aan taariikhi ah oo ku saleysan wada-tashi ummadeed oo dalkeenna karaamadiisa badbaado u ah, iyadoo dib loo soo celinayo awooddiisa dowladeed.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sanad kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe, yaa maamula gobolka Gedo?

0

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dib loo doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo 25-kii bishii November 2024, taas oo ay si adag u diiday dawladda federaalka, kuna tilmaantay mid baal marsan sharciga.

Axmed ayaa ku adkaystay sax ahaanshaha dib-u-doorashadiisa, wuxuuna dagaal toos ah iyo mid diblumaasiyadeedba la galay dawladda federaalka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe bilowgii khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, taa beddelkeeda maxkamadda Kismaayo ayaase warqad soo xirid ah u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labadaas go’aan midkoodna ma hirgelin.

Dagaal ayaa ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay dad badan, iyadoo kumannaan kalena ay ku barakaceen, waloow aan tirakoob sax ah laga hayn baaxadda khasaaraha ay geysteen dagaalladaasi.

Dadaallo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka sanad-jirsaday ee labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday. Waddamada gobolka, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya, ayaa qayb ka ahaa isku dayo labada dhinac lagu heshiisiinayay, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Kismaayo bishii la soo dhaafay ee October.

Sanad kadib sidee loo kala maamulaa degmooyinka gobolka Gedo?

Gobolka Gedo waxa uu ka tirsan yahay dawlad-goboleedka Jubbaland, waxa uuna ka kooban yahay toddoba degmo. Muddadii sanadkaa ee uu taagnaa khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubbaland waxa uu loollan adag ku dhex maray labada dhinac oo midba midka kale uu doonayay in uu ka fara-maroojiyo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo waxa gacanta ku haya maamulka gobolka ee wada-shaqaynta la leh dawladda federaalka.

Degmooyinka Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq waxaa maamula wakiillada Jubbaland ee gobolka Gedo.

Magaalooyinka qaar dagaal la isugu awood-sheegtay ayaa ka dhacay, sida Beledxaawo, Baardheere iyo Doolow.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee wada-shaqaynta la leh dawladda federaalka Cabdillaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa BBC-da u sheegay in inta badan gobolka uu hoos tago maamulkiisa.

“Gobolka inta badan dee, sidii madaxweyne Axmed Madoobe uu mar labaad isugu caano shubay si sharci-darro ah, gacanta dawladda ayuu inta badan ku jiray. Marka waxa jira degmo Doolow la yiraahdo oo inta badan ay Itoobiyaanku gacanta ku hayaan, marka meelahaasi saraakiishiisa iyo madaxda uu soo diro ayay tagaan. Marka Ceelwaaqna hore gacanta ayay ugu jirtay oo awalba iska ahayd Jubbaland, inkastoo aanay waxba ku qaban,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Aragtidaas mid ka duwan waxa qaba guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu magacaaban Jubbaland oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Al-Qaadi, waxa uuna rumeysan yahay in degmooyinka qaar weli la isla joogo.

“Gedo, degmooyinkeeda marka wax yar laga reebo, waxa gacanta ku haysa Jubbaland, oo wax hadda federaal ama dawladda Muqdisho ay gacanta ku wada hayaan ma jiro. Meel walba ciidan baa isku hor fadhiya. Marka khalkhal iyo dhibaato ma ogi e wax ay ka faa’iideen weerarka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen gobolka midna ma jiro. Hal degmo oo ay 100% maamulaan gebi ahaanteed ma jirto,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo oo mar kasta saameyn ku yeesha gobolka Gedo

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo wax cusub ma aha. Tan iyo markii uu Kismaayo maamul uga dhawaaqay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) 2012, marrar kala duwan ayay is khilaafeen maamulkiisa iyo dawladda dhexe ee Muqdisho, khilaafyadaas oo marrarka qaarkood gaaray gacan ka hadal.

Mar kasta oo uu soo shaac baxo muran labada dhinac ah, waxa goobta ugu weyn ee lagu loolamo ay noqotaa gobolka Gedo.

Inkasta oo gobolku uu ka tirsan yahay Jubbaland, haddana dadka deggan waxay muddaba saluugsanaayeen hannaanka lagu dhisay maamulka Jubbaland iyo habka awood-qaybsiga ee uu ku dhisan yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee ay taageerto dawladda federaalka, Cabdillaahi Shimbir, waxa uu aaminsan yahay in siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolku ay leeyihiin sababta koowaad ee keenta in khilaafka labada dhinac loo soo rarro gobolka.

“Waxaan arkayaa wax saddexaad oo u diyaarsan ma jiraan dadka reer Gedo; waxay iyagu sameysteen ma jiro. Odayaasha dhaqanka iyo wax lagu baxsado ma jiraan, waa uun in labada meelood lala kala istaago. Marka labada meelood diriraana waa in la kala safanaa weeye. Hadda arrinta ugu yaabka badan waxay ahayd anagoo qaarna dawladda taageeraya oo amarka dawladda qaadanaya, qaarna Axmed Madoobe taageeraya ayaan is leynay, cid kaloo meel ka timid ma jirin, waa is horfadhinaa,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Doodda la xiriirta in siyaasiyiinta gobolka yihiin kuwa Gedo u soo rara khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubbaland dhexmara, waa dood xoog badan.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu magacaaban Jubbaland, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, isagu waxa uu si gaar ah eedda u saarayaa siyaasiyiinta gobolka ku matala dawladda federaalka.

“Anigu waxaan is leeyahay sababtaas waxa keenaayo dadka federaalka ku matala gobolkan oo dad tayo leh aan ahayn, oo gobolkooda duullaanka lagu yahay midna aan ka hadlin, oo nolol maalmeed maalmo la siinayo ku xisaabtama intooda badan, eena dhammaantood ma aha,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Sida muuqata, haddii uu sii taagnaado khilaafka dawladda federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Jubbaland ee Kismaayo, waxa sii socon doona muranka maamul ee ka taagan gobolka Gedo, oo hadda degmooyinkiisa ay kala maamulaan laba guddoomiye oo taageero ka kala haysta Muqdisho iyo Kismaayo.

Isha: BBC

Muxuu yahay shirka ay DF uga qeyb-gashay Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Bashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeyb-galay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika.

Shirweynahan oo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda.

Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

Odey da’ ah oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo kale oo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas si arxan darro ah loogu dilay oday waayeel ah oo caan ka ahaa degmadaasi.

Dilka oo qorsheysnaa ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad hubeysan oo isla markiiba goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ciise Qooleey, waxaana dilkiisa lala xiriiryay aargoosi aano qabiil oo ka taagan halkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo xubno kamid ah qoyska marxuumka, iyadoo la bilaabay baaritaano dheeraad ah.

Laamaha amniga oo kaashanaya Odoyaasha dhaqanka ayaa ku raad-jooga soo qabashada raggii dilka gaysatay si loo horgeeyo cadaaladda loogana qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga walaacsan dilka loo gaystay odeyga  waayeelka ah, waxaana xiisad la xiriirta dilkiisa haatan laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo xiisadda ay sababtay ee ka taagan aaagga magaalada Caabudwaaq.

Si kastaba, ha’ahaatee dilalka loo gaysanayo dadka birimageedada ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gobollada dalka, waxayna siyaabo kala duwaan uga dhaceen Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo deegaanno kale oo lagu dilay carruur, haween iyo dad da’ah.

Dagaal dhex maray ciidamo uu watay Muuse Biixi Cabdi iyo Booliska Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in barqadii maanta uu dagaal ka dhacay aagga garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamo uu watay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo ciidamada Booliska ee ku sugan garoonka.

Iska hor imaad kooban ayaa dhex maray labada ciidan, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi oo kusii jeeday Imaaraadka loo diiday inuu ka dhoofo qaybta VIP-da ee garoonka, kadibna wuxuu ka baxay qaybta shacabka sida ay ku warameen ilow wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka Booliska ay diideen in Biixi kulanyo ciidan ah uu la galo gudaha garoonka, taas oo keentay isku dhaca labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex-maray, mana jiro wax hadal ah oo kasoo hay’adaha amniga Somaliland.

Xaaladda ayaa dagan, waxaana goobta ay is rasaaseyntu ka dhacday hadda ku sugan ciidanka Booliska Somaliland, iyadoo ganacsiga iyo gaadiidkana ay shaqeynayaan.

Arrintan ayaa u muuqato in xaalad siyaasadeed ay galeyso Hargeysa, taas oo u dhexeyso mucaaradka iyo xukuumadda oo isku haya arrimaha maamulka.

Maamulka TRUMP oo soo saaray amar saameyn kara xawaaladaha Soomaalida

Washington (Caasimada Online) –  Hay’adda dabagalka dambiyada maaliyadeed ee hoostagta Waaxda Maaliyadda Mareykanka (FinCEN) ayaa soo saartay digniin culus, iyada oo fartay shirkadaha adeegyada lacagaha in ay si aad ah u adkeeyaan hubinta lacagaha dibadda loo diro ee ay sameeyaan dadka aan haysan sharciga deganaanshaha Mareykanka.

Tallaabadan ayaa la saadaalinayaa inay saameyn weyn ku yeelato qulqulka lacagaha xawaaladaha Soomaalida, kuwaas oo ah halbawle nololeed oo ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo Geeska Afrika. 

Qoraal rasmi ah oo la faafiyay 28-kii Nofembar, ayay FinCEN ku sheegtay in digniintan loola jeedo in lagaga hortago waxa ay ugu yeertay “shisheeyaha sharci-darrada ku jooga Mareykanka” in ay nidaamka maaliyadeed u adeegsadaan gudbinta “dhaqaale si qaldan lagu tabcay” oo dibadda loo dhoofiyo.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in Mareykanku uu diiwaangeliyay mug aad u sarreeya oo lacago dibadda loo dirayo, oo ay ku jiraan xawaaladaha, iyadoo ugu baaqday shirkadaha lacagaha dira inay muujiyaan “feejignaan dheeri ah oo ku aaddan aqoonsiga dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee shakiga leh.”

Sida ku cad awaamiirta cusub, shirkadaha xawaaladaha waxaa laga doonayaa inay gudbiyaan Warbixinta Dhaqdhaqaaqa Shakiga leh (SAR) ee ku aaddan macaamil kasta oo gaaraya ugu yaraan $2,000, haddii ay ogaadaan, ka shakiyaan, ama ay hayaan sabab ay uga shakiyaan in lacagtaasi ay jabinayso shuruucda Mareykanka.

Tani waxay si gaar ah u khuseysaa lacagaha “laga helay shaqooyin sharci-darro ah” ama loo maleynayo in siyaabo kale oo aan toosnayn looga sameeyay gudaha Mareykanka.

FinCEN waxay sheegtay in digniintani ay daba socoto Wareegtadii Madaxweyne Donald Trump uu saxiixay bishii Janaayo 2025 ee tirsigeedu ahaa 14159, taas oo cinwaan looga dhigay “Ka Difaacidda Dadka Mareykanka Duulaanka.” Wareegtadaas ayaa soo-galootiga sharci-darrada ah ku tilmaamtay “duulaan,” waxaana tan iyo markaas loo adeegsaday cudurdaar lagu meel-mariyo tallaabooyin is-daba-joog ah oo la xiriira amniga iyo socdaalka.

Inkastoo digniintu aysan si toos ah u magacaabin muwaadiniinta Soomaaliyeed ama dal gaar ah, haddana shirkadaha xawaaladaha ee ay Soomaalidu maamusho ee ka howlgala magaalooyinka waaweyn sida Minneapolis, Columbus, iyo Seattle, ayaa ah laf-dhabarta isku xirta qurbajoogta iyo bulshada ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dalalka caalamka ee dhaqaalahoodu aadka ugu tiirsan yahay xawaaladaha. Xogta Bangiga Adduunka iyo daraasado kale ayaa muujinaya in lacagaha qurba-joogta ay qayb libaax ka yihiin wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), iyadoo sannadkii la qiyaaso in balaayiin doollar ay dalka soo galaan. Lacagtaas ayaa ah isha koowaad ee ay qoysas badani ka bixiyaan biilka cuntada, kirada guryaha, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Tallaabooyin hore oo la xiriiray la-dagaallanka lacag-dhaqidda ayaa sababay in bankiyo badan oo caalami ah ay xiraan xisaabaadkii shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, habkaas oo loo yaqaan “yareynta khatarta” (de-risking). Hay’adaha samafalka iyo cilmi-baarayaashu waxay carqaladahaas ku tilmaameen halis dhab ah oo soo wajahday nolosha dadka caadiga ah.

Waqtiga ay soo baxday digniintan cusub ee FinCEN ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku shareertay hadal-haynta siyaasadeed ee lagu beegsanayo soo-galootiga Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Isbuucii hore, Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjarayo Maqaamka Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, isagoo ku eedeeyay in “kooxo burcad Soomaali ah” ay “argagax gelinayaan” gobolka, wuxuuna Minnesota ku tilmaamay “xarun ay ka socoto lacag-dhaqid baahsan oo been abuur ah.” Madaxweynuhu ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo taageeraya eedeymahaas intii uu jeedinayay hadalladiisa fagaaraha ah.

Maalmihii la soo dhaafay, Madaxweynuhu wuxuu si joogta ah u weerarayay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota qoraallo uu soo dhigay baraha bulshada iyo khudbado uu jeediyay, gaar ahaan ka dib toogasho ay askari ka tirsan Ilaalada ku dhinteen oo uu geystay nin u dhashay Afghanistan oo ku sugnaa meel u dhow Aqalka Cad.

Trump ayaa sheegay in soo-galootiga Soomaalidu ay “gebi ahaanba la wareegayaan” gobolka, isagoo intaas raaciyay “Soomaalidu dhibaato badan ayay geysteen,” hadalkaas oo dhaliyay cambaareyn xooggan oo kaga timid mas’uuliyiin iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Aqalka Cad ayaa weerarkii Washington ku xiray qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo shuruucda socdaalka. Trump ayaa ku baaqay in la hakiyo soo-galootiga ka imanaya “Waddamada Dunida Saddexaad” iyo in la ballaariyo awoodaha lagu musaafurinayo dadka loo arko inay dhibaato wadaan. Falanqeeyayaasha ayaa arrintan ku tilmaamay mid la jaanqaadaysa fikradda “dib-u-celinta qaxootiga” (remigration), taas oo ay u ololeeyaan garabka midig ee mayalka adag ee Qaaradda Yurub.

Digniinta FinCEN ma soo rogeyso waajibaad sharci oo cusub oo saaran shirkadaha xawaaladaha ee ay Soomaalidu leedahay. Si kastaba ha ahaatee, waxay calaamad u tahay in si gaar ah isha loogu hayn doono lacagaha ay diraan macaamiisha aan haysan sharciga, xilli ay bulshada Soomaaliyeed wajaheyso culeys siyaasadeed oo cusub.

Madaxda shirkadaha iyo hoggaanka bulshada ayaa hadda qiimeynaya sida loo dhaqan-galin doono awaamiirtan iyo inay sii ciriirin doonto marinnada rasmiga ah ee ay qoysas badan oo Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin.

Ciidamada DF Soomaaliya oo weeraray deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka ku beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqooda.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlglkooda ku gaaray deegaannada kala ah Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Beerweyn Celi oo dhammaantood ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha ururka 191-aad, guutada 19-aad ciidamada Gorgor Gaashaanle Mukhtaar Axmed Cumar oo hoggaaminayay weerarka ay qaadeen ciidanka dowladda ayaa sheegay inay ku burburiyeen gabaadyo ay Al-Shabaab ay ka sameysteen halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Gaashaanle Mukhtaar Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay kala eryeen xubnihii Al-Shabaab ee lagu diyaarinayay deegaannadaasi, iyaga oo ujeedkooda uu ahaa inay qaadaan weeraro, iskuna fidiyaan aaggaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay si wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kusii siqayaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan Galgaduud Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay xoogga soo saartay kooxdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ib u bilaabuleyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana furimaha loo diray ciidamo dheeraad ah oo ku biiraya dagaalka xoreynta ah.

Galmudug oo si adag uga hortimid magacaabis uu sameeyay xisbiga Xasan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu degmooyinka maamulkaasi u magacaabay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasi oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xisbiga JSP ayaa maanta u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Galmudug Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u magacaabay Mahad Cali Axmed inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Galmudug Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay waxba kama jiraan, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada ururada siyaasadda.

“Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan ku heyso cidii ka danbeysay tallaabadaas oo ay ku sheegtay mid mas’uuliyad darro ah.

Warka kasoo baxay Galmudug ayaa muujinaya khilaaf cusub oo mar kale ka dhex qarxay gudaha xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli dhawaan ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qabato doorasho qof iyo cod.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-heshiisiinta Dowladda Galmudug waxay ku howlantahay diyaarinta habraacyada hagaya hanaanka ay Ururada Siyaasadda uga qeyb galayaan tartanka doorashada qof iyo codka ah, heerkeeda golayaasha deegaanka.

Sidaa Darteed, Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda.

Wasaaradu waxay baaritaan ku heysaa cidii ka danbeysay talaabadaas masuuliyad darrada ah.

Ugu danbeyn, Wasaaradu waxay ku wargalineysaa Ururada Siyaasadda ee diiwaan gashan ee daneynaya iney ka qayb galaan olalaha doorashada iney sugaan inta laga ansixinayo hanaanka ay ku hawl galayaan, oo noqonaya habraac ay isla ogolyihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Qaran.

Dhamaad