26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Somaliland oo DF u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta rabshadaha Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Awdal.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan xaaladda Magaalada Boorama” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Somaliland waxa ay sheegtay in ficillada Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan  xaaladda Magaalada Boorama.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu caddeeyay in Tallaabooyinka maamulka Muqdisho ay yihiin qaar si qorshaysan loo hindisay, loona abaabulay si ay u abuuraan  xiisado isla markaana u faafiyaan marin-habaabin, si ay ugu abuuraan  kala-qaybsanaan laga dhex dhaliyo bulshada Somaliland ee nabadda iyo deganaanshaha ku wada nool.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in facaa’ilka Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, iyadoo farogelin aan la aqbali karin ku haysa arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeedkaas waxa lagu iftiimiyay in Dawladda Somaliland marnaba aanay ogolaan doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga guud, lagu dhaawacayo midnimada ummadda ama lagu kicinayo rabshado gudaha ah.

Waxa kaloo ay bayaamisay in Hay’adaha amniga Somaliland ay u heellan yihiin ilaalinta amniga shacabka, dejinta xaaladda, iyo ku dhaqanka sharciga si xirfad iyo xasillooni leh.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in dawladda Somaliland ay  ka tacsiyadaysay ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay  rebshadihii ugu dambeeyay ee dhacay Boorame. Waxa kaloo warku intaas ku daray in  Hay’adaha ay khuseysaa ay diyaarinayaan guddi baadhitaan madax-bannaan oo xaqiiqo raadin ah, si loo caddeeyo duruufaha ku xeeran dhacdooyinkaasi.

War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa lagu bayaamiyay in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu shacbiga ugu baaqay deganaansho, waxaannu xaqiijiyay in dawladdu ay si dhow ula shaqayn doonto madaxda dhaqanka, bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaasha si loo hubanti looga dhigo xasilloonida iyo xal nabadeed oo waara.

“Somaliland waxa ay  adkaysay in midnimadeeda iyo xasilloonideedu yihiin kuwo aan wiiqmi karin oo aanay suurtogal ahayn in lagu waxyeeleeyo farogelin lagu abaabulayo rebshado iyo dayaacado la faafiyo,”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Ugu dambayn, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dalalka gobolka, beesha caalamka iyo hay’adaha masuulka ka ah amniga inay gaashaanka u daruuraan  falalka wiiqaya xasilinta mandaqada  ee ay Soomaaliya samaynayso.

Maxaa ka soo baxay wada-hadlladii Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar? + Sawirro

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, guud ahaan xaaladda gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa isla soo qaaday heshiisyada iskaashi ee ay horey u wada galeen labada dowladood, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiirka ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Qatar u tegay ka qeyb-galka Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Sidoo kale, booqashadiisa ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Cirro oo joojiyay bandhigga Xeer Ciise ee horseeday rabshadaha Boorama

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.

Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

“Dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal waxan ugu baaqayaa nabad, xasilooni iyo isku duubni umaddeed” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan farayaa ciidamada kala duwan ee amniga in la adkeeyo nabad-gelyada, khasaare dambena aanu dhicin”. ayuu sii raaciyay.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Ramla Cali: “DF way igaga baxday ballantii ay iga qaaday”

London (Caasimada Online) – Feeryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda TikTok ku sheegtay in Dowladda Maraykanka loo diiday dal-ku-gal ay kaga qayb gashay barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix oo ay kasoo qaybgalayaan feeryahanno caan ah.

Ciyaarta ugu culus ayay dhex mari doontaa feeryahankii caanka ahaa ee hore, laba jeer ku guuleystay biladda feerka culus, Anthony Joshua oo 36 sano jir ah oo reer Britain ah, iyo YouTuber-ka feeryahan noqday ee Jake Paul.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka ciyaaraha ee Kaseya Center ee ku yaalla magaalada Miami.

Kulankan feerka, oo si toos ah looga daawan doono Netflix, ayaa la qaban doonaa 19-ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, midkiiba saddex daqiiqo.

Ramla, oo ku hadlaysay muuqaal ay duubtay, ayaa sheegtay in booqashadeedii dhowaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaago ka-qaybgalka tartan la qorsheeyay in uu qabsoomo 19-ka December.

Waxay codsatay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, in ay fuliyaan ballanqaadkoodii ahaa in loo soo saaro baasaboorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Ramla ayaa sheegtay in loo ballanqaaday in ay heli doonto baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiyadeed si ay u booqato dalka Maraykanka ugana qayb gasho ciyaartaas.

“Wasiirrada markii aan u socday Soomaaliya ayaan u sheegay, ballan ay iga qaadeen baasaboorka diblomaasiga in ay i siiyaan si ay iigu fududaato Ameerika inaan galo,” ayay Ramla ku tiri muuqaalkii ay soo gelisay barteeda.

“Madaxweynuhu, wasiirrada iyo kuwii oo dhan way iga ballanqaadeen. Weli waan sugayaa. Weli wax iima soo dhicin, hadda ma dheeli karo 19-ka December,” ayay tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata.

Ramla Cali oo ah gabadh taariikh ka samaynaysa dhanka feerka, Soomaaliya-na ku metelaysay ciyaaro badan oo feer ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olombikada.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Ramla ay ku guuleysatay tartan feer ah, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleysata feer dalka Britain.

Wixii ka dambeeyey guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olombikada, gaar ahaan feerka.

Sanadkii 2023-kii, waxay ka mid noqotay Xulka Haweenka Adduunka ee shabakadda Time. Sidoo kale, waxay heshiis la gashay shirkadda MVP (Most Valuable Promotions) oo ah hay’ad taageerta ciyaartoyda feerka, waana shirkad uu dhismaheeda qayb ka yahay feeryahanka caanka ah ee Jake Paul oo isna ciyaar aad loo sugayo ku leh Miami.

“Ramla waa quwad isbeddel oo caalami ah, una isticmaalaysa masraxeeda in ay ku baabi’iso caqabadaha, dhiirrigelinaysana hablaha dunida,” ayay ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen markii ay heshiiska la galeen.

Ramla waxay sheegtay in ay u aaday Soomaaliya si ay u aragto dalkeeda iyo dadkeeda, balse ay haatan dareemayso niyad-jab ka dhashay, sida ay sheegtay, ballankii loo qaaday oo looga baxay darteed.

“Aniga waxaan rabay beladkayga inaan arko, dadkayga arko. Ballankii la iga qaaday markii aan Soomaaliya ka baxay waa la i ilaaway,” ayay ku sheegtay muuqaalka ay soo duubtay.

“Hadda waxaan dareemayaa in Soomaali ahaan niyadda la iga jabiyay,” ayay tiri iyada oo wajigeeda murugo ka muuqato.

Muuqaalka ay soo dhigtay barteeda waxaa ku jiray qayb uu ku hadlayo isuduwaha barnaamijkan, kaas oo sheegay in uusan hubin in fiiso loogu heli karo.

“Waxaan rabaa inaan farriintan si toos ah kuugu soo diro. Waa inaan kaa saaro munaasabadda dhacaysa 19-ka December ee Netflix, ma jirto hubanti aan fiiso kuugu heli karo,” ayuu muuqaalka ku yiri maamulaha Ramla.

“Wax walba oo aad samayn karto si aad u xaliso mustaqbalka waa wax weyn,” ayuuna kusoo gunaanaday farriintiisa.

Waxaan xiriir la samaynay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda Ciyaaraha, wuxuuna wasiirku sheegay in arrinta ay Ramla sheegtay aysan waxba ka jirin.

“Arrintaasi arrin wax ka jiraan ma aha. Cid baasaboorka diblomaasiga u ballanqaadday in ay Ramla u samaysana ma jirto. Laakiin Ramla waa ciyaaryahanad Soomaaliyeed, magaca Soomaaliyana mar ayey soo matashay,” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Gurey, oo sidaas u sheegay BBC.

Wasiirku wuxuu qiray in booqashadeedii ay Ramla ku timid Muqdisho ay ku codsatay baasaboor, balse nooca ay u awoodeen ay ahaa kan shaqaalaha.

“Way jirtay in ay mar booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Intii karaankayaga ahayd ee aan samayn karnayna waan samaynay.

Markay booqashada dhammaysatayna waxay codsatay baasaboor, waanna u sheegnay in ciyaartooyda iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha adeegga qaranka ay leeyihiin baasaboorka nooca shaqaalaha, maalinta ay codsatayna waan u dalabnay,” ayuu hadalka sii raaciyay.

Wuxuu xusay wasiirku in sida ay iyagu og yihiin aanay jirin meel ay Ramla hadda Soomaaliya ku matasho.

“Meel ay dowladda Soomaaliya hadda ku matalayso ma ogin, laakiin in ay ciyaartooy Soomaaliyeed tahay waan ognahay. Laakiin ciyaar ay dowladda Soomaaliya ka qaybgalayso ama wax looga baahan yahay oo annaga nala og yahay ma jirto,” ayuu ku celiyay wasiir Gurey.

Wuxuu sheegay in baasaboorka diblomaasiga ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo cid kasta oo uu madaxweynuhu u arko oo keliya.

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda Boorama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya oo faafin deg-deg ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka Somaliland iyo shacabka.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo iyadu bayaankan soo saartay ayaa marka hore sheegtay inay ka xun tahay waxa ka socda Boorama, waxayna sidoo kale tacsi u dirtay dadka ku dhintay shaqaaqadaasi.

Sidoo kale waxa ay farriin u dirtay xukuumadda Somaliland oo ay ugu baaqday in loo turo shacabka, lana dhageysto tabashadooda, si loo xalliyo.

“Waxaan ugu baqeynaa maamulka Somaliland in ay u turaan shacabka deegaanka, in la dhageysto, lana ixtiraamo dareenkooda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Dowladda Dhexe ayaa intaasi ku dartay inay ka qayb qaadaneyso gurmadka dadka ku waxyeeloobay rabshadaha ka dhacay halkaasi.

“Dawladda Federaalka waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Wasiirrada DF Soomaaliya iyo wafdi ka socda Turkiga oo tegay furimaha hore kadibna…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wafuud kala duwan oo ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, kuwa AUSSOM iyo mas’uuliyiin ka socota safaaradda Turkiga, ayaa waxa ay tageen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah xariga uga jaray buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib u dayactir ay lagu sameeyay dowladda Turkiga.

Buundadan oo dayactir lagu sameeyay ayaa muhiim u ahayd isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in furitaanka buundada ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga, iyo isku socodka bulshada deegaanka, waxaana ay dhanka kale ballan qaadeen in mashaariic kale oo horumarineed laga fulin doono guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in lix bilood kadib aan xarigga ka jareyno Buundada Sabiib iyo Caanoole, cadowgiina ka adkaanay.” ayuu yiri Sahal Cabdullahi Cumar oo ah taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Buundadan ayaa waxaa horay u burburisay kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysay deegananadaasi, balse haatan laga fara maroojiyay.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee dhinaca milatariga ka taageero dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Liiska dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka oo la kordhiyey, lana gaarsiiyey 30

Washington (Caasimada Online) –  Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in xukuumadda Washington ay qorsheynayso inay ballaariso tirada dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucayo inay soo galaan Mareykanka, iyadoo liiskaas la gaarsiinayo in ka badan 30 dal.

Mar wax laga weydiiyay wareysi ay siisay barnaamijka “The Ingraham Angle” ee telefishinka Fox News, inay xaqiijiso haddii maamulka Madaxweyne Trump uu liiska ka dhigayo 32 dal, Noem waxay tiri: “Ma rabo inaan tiro cayiman sheego, balse waa in ka badan 30, madaxweynuhuna wuxuu weli qiimayn ku hayaa dalal hor leh.”

Bishii June, Trump wuxuu saxiixay wareegto uu muwaadiniinta 12 dal kaga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, halka 7 kalena uu kusoo rogay xannibaado adag. Wuxuu tallaabadaas ku sababeeyay inay tahay mid looga gaashaamanayo “argagixisada shisheeye” iyo khataraha dhanka amniga. Xayiraaddan ayaa saameynaysa dadka soo-galootiga ah iyo kuwa booqashada u socda sida dalxiisayaasha, ardayda, iyo ganacsatada.

Inkastoo Noem aysan carrabaabin magacyada dalalka cusub ee liiska lagu darayo, haddana waxay bixisay sababta keentay go’aankan adag.

“Haddii dal uusan lahayn dowlad xasilloon, ama uusan ahayn dal is-bixin kara oo noo sheegi kara dadkaas kuwa ay yihiin, nagulana garab istaagi kara hubintooda, maxaan u oggolaanaynaa inay dadkaasi yimaadaan Mareykanka?” ayay tiri Noem.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u baahisay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu liiska ku daro 36 dal oo dheeri ah, sida lagu xusay xog diblomaasiyadeed oo sir ahayd.

Tallaabadan lagu sii adkeynayo socdaalka ayaa timid kadib markii todobaadkii hore magaalada Washington D.C. lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard). Baarayaasha ayaa sheegay in weerarkaas uu geystay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka soo galay sannadkii 2021-kii, xilligaas oo mas’uuliyiinta Trump ay ku doodayaan inaanan si dhab ah loo hubin dadka ku soo galayay barnaamijka dib-u-dejinta.

Maalmo yar kadib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “ku-meel-gaar ah u joojin doono” isu-socodka dadka ka imanaya dhammaan waddamada uu ugu yeeray “Dunida Saddexaad,” in kastoo uusan qeexin dalalka uu ula jeedo ama shuruudaha uu ku xushay.

Intaas ka hor, saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegay in Trump uu amar ku bixiyay in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo kiisaska magangalyada ee la ansixiyay xilligii maamulkii Madaxweyne Joe Biden, iyo kaararka deggenanshaha (Green Cards) ee la siiyay muwaadiniinta 19 dal.

Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay fulinta sharciga socdaalka, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, soogalootiga magangalyo-doonka ahna kasoo celiyay xadka Mexico. Maamulkiisu wuxuu inta badan diiradda saarayay masaafurinta, balse haatan waxay u muuqataa inuu xoogga saarayo qaabeynta iyo xaddididda socdaalka sharciga ah.

 

Xamza oo xaalad soo korortay kala hadlay Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti ayaa ka hadlay xaaladda soo korortay ee abaaraha, si loo dardargeliyo hawlaha gurmadka ee socda.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya Soomaaluya iyo Imaaraadka Carabta.

Danjire Axmed Jumca Al-Rumayti oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garabtaagantahay Soomaaliya.

Dhankiisa Ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaraha kulankan ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo waa wayn oo muhiim ah.

Xogta howlgal culus oo ka dhacay Cowswayne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna beegsaday fariisin ay kooxda ku lahayd halkaasi, kadibna ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.

“Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta lagu dilay xubno kamid ahaa argagixisada halka kuwa kalena ay ka firxadeen goobta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana haatan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan aagga deegaanka Cowswayne oo kamid ah deegaannadan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Cowswayne ayaa kamid ah deegaannadii ay dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2023-kii ay ka fulisay weerar ay ku leysay askar iyo saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsaan Xoogga dalka, kuwaas oo illaa hadda hadal hayo, maadaama uu noqday mid kamid ah weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Al-Shabaab oo xilligaas sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii Cowswayne waxa ay sheegtay inay ku dishay illaa 178 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Qatar – Sidee loogu soo dhaweeyay?

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.

Booqashada Madaxweynaha ee Qatar ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada-hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.

Dooxa Forum ayaa ah madal sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Maxay DF Soomaaliya ka tiri xaaladda ka taagan Boorama?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay banaanbaxayda xooggaan ee ka bilowday Boorama ayaa u digay maamulka Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa uga digay hoggaanka Somaliland caburinta shacabka iyo in dhiigooda la daadiyo, isagoo ugu baaqay in aysan hor istaagin rabitaanka shacabka reer Awdal.

“Shacabka waa in aan la caburin, dhiigooda la daadin, lana dhagaystaa codkooda iyo rabitaankooda. Haddii lagu fasiray gooni-goosadnimada rabitaan shacab, yaan la hor istaagin rabitaanka dadka reer Boorame ka soo baxaya,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u direy shacabka reer Awdal, oo uu ku booriyay adkeysiga. “Umaddii ku adkaysata hadafkeeda xaqqa ah waa guulaysanaysaa,” ayuu yiri.

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobollada Awdal.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay rabshadaha Boorama, kuna dhawaaqay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa goordhoweyd ka hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Boorama, oo saacadihii u dambeeyay ka socdeen rabshado xooggan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay shacabkii ku geeriyooday rabshadaha magaalada Boorama ka socday tan iyo xalay. “Waxay aheyd dhib laga baaqsan karayay haddii caqliga la isku geeyo, waxa ay tahay dhiilo iyo dhag xumo aan dhagaha Somaliland u wanaagsaneyn,” ayuu yiri.

Madaxweyne Cirro ayaa ku dhawaaqay in ciidamada milatariga ee lagu daabulay magaalada Boorama ay kasoo baxayaan magaalada, isagoo faray ciidanka inay dib ugu soo laabtaan xeryahooda.

“Waxaan farayaaa dhamaan ciidamada qaranka ee milateriga ee ku jirta magaalada inay dib ugu noqdaan xeryahooda. Sidoo kale waxaa ugu baaqayaa salaadiinta, oday dhaqameedka, aqoonyahanka iyo ganacsatada reer Somaliland inay deg-deg uga howl-galaan sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen xasiloonida gobolka Awdal,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Cirro oo dejinaya beelaha Gadabuursi oo ka gadooday bandhiga xeerka Ciise oo ay sheegeen in Ciise ku muujinayso sheegashadiiaa degmada Saylac, ayaa sheegay in aan marnaba laga qaadan karin dhulkooda.

“Taariikhdu waxay na bartay xaqiiqda ah in aanay cidna dhayal ku qaadan karin dhul iyo deegaan ay cid kale dagto, maantana suurta-gal ma noqoneyso in gobolka Awdal ay taariikh cusub ka qorato,iyadoo oo ay tirto taariikhdaas qarniyada soo jirtay,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay baaris dhab ah ku sameynayso wixii dhacay, isla markaana ay kala xisaabtami doonto ciddii yeelata mas’uuliyada wixii saacadihii dambe ka dhacay magaalada Boorama.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Farmaajo iyo Shariif oo shir uga socdo Muqdisho iyo arrimaha looga hadlayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa shir uga socdaa magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah kii u horreeyay ee u dhexeeya Farmaajo iyo Shariif tan iyo markii uu magaalada Muqdisho kusoo laabtay Farmaajo ayaa waxaa diiradda lagu saaraya shirweynaha mucaaradka uga furmaya magaalada Kismaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynayaashii hore ayaa lafa-guraya sidii shirkaas looga dhigi lahaa mid ballaaran oo u furan siyaasiyiinta kala duwan iyo bulshada.

Shirweynaha Kismaayo oo noqonaya midkii ugu weyn ee mucaaridku qabsadaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa wada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan qayb ka ahayn golaha ay ka qayb noqdaan.

Shirweynahan ayaa la doonayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah madal ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Boorama iyo ciidamadii lagu daabulay oo…

0

Boorama (Caasimada Online) – Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa hadda yara kala joogsaday, iyadoo la filayo in ciidamadii ay xukuumadda geysay magaalada dib looga qaado.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumadda Somaliland ayaa mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolka Awdal oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo maanta si adag ugu digay xukuumadda la qaadatay in xaaladda la dejiyo.

Xildhibaan Abiib ayaa galabta gaaray magaalada Boorama si uu u dejiyo shacabka reer Awdal ee ka biyo diidan go’aankii xalay kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Xildhibaanka ayaa wada-hadal la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka hor inta uusan ka bixin Hargeysa, iyadoo la isla qaatay in xaalka la dejiyo, isla markaan ciidamadii lagu daabulay Boorama dib looga soo qaado.

Xukuumadda Cirro iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kala duwan ee reer Awdal ayaa wada-hadallo la bilaabaya xukuumadda Somaliland, si xal looga gaaro rabshadaha khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Boorama.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanyo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo isku hayaan deegaankaasi.

Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya wajaheyso halis saddex dhinac ah

0

Ankara (Caasimada Online) – Akadeemiyada Sirdoonka Turkiga ayaa soo saartay warbixin cusub oo ka digaysa xaalad adag oo soo food saari karta Soomaaliya.

Soomaaliya ayey sheegtay in ay ku gadaaman yihiin halisyo badan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab, xiisadda siyaasadeed, tabar yarida hay’adaha dowladda, cadaadis dibadeed iyo culayska dhaqaale.

Warbixinta oo aheyd mid dheer ayaa waxay tilmaantay in xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid dhowr lakab leh, balse jawiga uu ku shaqeynayo uu ka buuxo halisyo adag oo saameyn doona xasiloonida Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Sida lagu sheegay warbixinta, Al-Shabaab ayaa weli sii wada weerarro qorsheysan, sidoo kalena waxay maamulaan deegaano ka tirsan dalka. Sidoo kale sirdoonka Turkiga ayaa muujiyay sida uu khatar ugu arkaa in ciidanka dowladda aysan weli awoodin in ay dalka ka difaacaan kooxha argigixisada iyaga oo aan taageero dibadeed.

Hay’adaha dowladda Soomaaliya ayey warbixintu muujisay in ay weli ku tiirsan yihiin deeq-bixiyeyaasha, isla markaana aysan awoodin inay si madax-bannaan u maareeyaan adeegyada muhiimka ah, halka dib-u-dhacyada mashaariicda ay noqdeen caqabad weyn oo muuqata.

Warbixintu waxay tilmaamtay in ay jiraan mashaariic horumarineed, iskaashi amni iyo fursado dhaqaale oo la xiriira xubinnimada Soomaaliya ee Jaamacadda Bariga Afrika, balse khataraha la soo sheegay ay weli yihiin caqabado culus.

Gaba-gabada warbixinta ayaa lagu adkeeyay in mustaqbalka dalka uu ku xirnaan doono dhismaha hay’ado awood leh, yareynta khatarta argagixisada, maaraynta khilaafaadka siyaasadeed, u adkeysiga cadaadiska dibadda iyo xasillinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan oo u baxay safar dibadeed + Dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Qatar, halkaasi oo uga qeyb-galayo shir heer caalami ah.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qatar ayaa la xiriira madasha Dooxa Forum oo lagu qabanayo magaalada Dooxa, taas oo qabsoomi doonta 6–7 December, sida uu qorshuhu yahay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Inta uu joogo Qatar, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale yeelan doonaa kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo hoggaanka ugu sarreeya dalkaasi, sida Amiirka, iyo masuuliyiin kale oo ka socda dalal kala duwan.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Dooxa Forum ayaa ah shir sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dalka ka fulisa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Wiil dhalinyaro ah oo calanka Awdal State ka taagay Boorama oo la toogtay

0

Boorama (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ayaa sheegaya in la toogtay wiil dhalinyaro ah oo maanta calanka Awdal State ka taagay gudaha magaalada.

Wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Mahdi Axmed Samaale ayaa ka mid noqday in ka badan 10 ruux oo ku dhintay rabshadaha ka socda Boorama.

Rabshadaha socda ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aanka xukuumadda Somaliland ay ka qaadatay bandhigga xeer Ciise ee magaalada Saylac, kaas oo markii hore ay joojisay, balse xalay dib u fasaxday.

Waxaa marba marka ka sii dambaysa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhalanaya rabshadaha, iyadoo shacab careysan ay xirteen waddooyinka halbowlayaasha ah ee magaalada, kuwaas oo ay ku gubeen taayiro.

Waxaa la maqlayaa dhawaaqa noocyada kala duwan ee hubka, oo ciidamada boolisku u adeegsanayaan shacabka.

Sidoo kale waxaa jirta jabhad hubaysan oo ayadu ka dilaacday gobolka, taas oo ka dhan ah go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah ku soo daabuleysa magaalada Boorama, halka dibadbaxayaashu ay sheegeen inaanay aqbali doonin in buugga ay xukuumaddu ku soo bandhigto magaalada Saylac.

Si kastaba, xaaladdu waxay u muuqataa mid faraha ka sii baxaysa, iyadoo rabshaduhu isu beddeli karaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Waqooyi Bari.

Xiisadda Boorama oo kasii dareysa iyo Madaxweyne Cirro oo loo qabtay 6 saac

0

Boorama (Caasimada Online) – Rabshadaha ka socda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa kasii daraya, waxaana korortay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay iska hor imaadka shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Dadka ku dhintay rasaasta ay fureen ciidanku ayaa kor u dhaafaya 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 45 ruux, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha.

Rabshadahan xooggan oo ka dhan ah go’aankii xukuumadda Somaliland ay ku fasaxday bandhiga xeer Ciise ayaa haatan kusii fidaya magaalooyinka kale ee gobolka.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid mudeyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa mas’uuliyadda xaaladda taagan dusha u saaray Madaxweynaha Somaliland.

Xildhibaan Abiib ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu magaalada Boorama geeyay maleeshiyaad uu dhawaan qarameeyay oo uu ku daray ciidanka, kuwaas oo uu sheegay inay si bareer ah u leynayaan shacabka.

Xildihbaanka oo shacbiyad ku leh gobolka Awdal ayaa Madaxweynaha Somaliland u qabtay in 6 saac gudahood uu ciidamada uga soo saaro magaalada Boorama, uuna raali-gelin ka bixiyo wixii dhacay.

“Boorama waxaa la geeyay oo dadka leynaya rag uu Cirro shalay soo qarameeyay oo tababar haysan, oo jabhado ah,” ayuu yiri Xildhibaan Abiib.

Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay dagaal haddii Madaxweyne Cirro uu mudadaas ciidamada uu geeyay Boorama uga soo saari waayo magaalada. “Cirro haddii uu ciidanka magaalada kasoo saarin inta cadceeda dhicin, khasaarahan uuna ka bixin raali-gelin, waxaa iskugu imaneyna tallo, waxaana yeelayna siduu rag yeeli jiray,” ayuu yiri.

Si kastaba, xaaladda ayaa faraha kasii baxaysa, iyadoo rabshaduhu isku beddeli karaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Waqooyi Bari.

Cabasho xooggan oo ka taagan Muqdisho iyo mucaaradka oo war ka soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan isa soo taraya ganacsato ka cabanaysa canshuur sharci darro ah oo dowladda federaalka kusoo rogtay, taasi oo si adag uga hadleen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay inay la ymaadaan tallaabooyin la taaban karo, oo dhaafsiisan calaacal iyo niyad-jab.

“Mar haddii uusan sharcigu talinayn, oo cid ku tagrifalka iyo awood sheegadka looga dacwoodana aanay jirin, waxaan idin hurayn in aad danihiina difaacataan,” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka aqriso qoraal oo dhameystiran:

Maalmahan waxa isa soo taraya ganacsato ka cabanaysa canshuur sharci darro ah, khidmooyin adeeg oo baad ah, iyo isbaarooyin awood sheegad ah.

Cid kasta oo barakicin, dhul fidsi, iyo isbaaro dawladeed ka cabataa waxay farriin toos ah ku wajahdaa Madaxweynaha. Halkaa waxa ka cad in aysan shaqaynayn hay’adaha kale ee dawladda laga bilaabo xukuumadda uu Raysalwasaaruhu madaxda ka yahay, baarlamaanka iyo garsoorka intaba.

Marka laga soo tago hay’adaha dawladda waxa jira awoodo kale oo dheellitira taliska talada haya, shacabkana u hadla waa siyiisiinta mucaaradka ah iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Siyaasiga u hadla bulshada, xaqoodana si dhiirran u difaaca, waxa u muuqata rejo xukun oo ah in uu soo bandhigayo xal wanaagsan iyo talo toosan oo ta maanta la hayo ka fiican.

Waxa se jira siyaasiyiin aan u hadlin bulshada oo aan la noolayn duruuftooda nololeed, laakiin isku abaabulaya sidii ay xukunka u hanan lahaayeen. Waa siyaasiyiin ka go’an waaqaca iyo duruufta bulshada ee lagu jiro.

Ururradii bulshada rayidku way nuxuuseen, waxayna u gacangaleen rajiimka xukunka jooga.

Ganacsatadu waa in ay fahmaan in ay yihiin awood ka mid ah awoodaha bulshada. Waa in ay la yimaaddaan tallaabooyin la taaban karo, oo dhaafsiisan calaacal iyo niyadjab .

Mar haddii uusan sharcigu talinayn, oo cid ku tagrifalka iyo awood sheegadka looga dacwoodana aanay jirin, waxaan idin hurayn in aad danihiina difaacataan oo aad waqtigiina, tamartiina iyo iyo shilinkiinaba isugu geysaan abaabul iyo isku xirnaan si aad awooddiina u soo bandhigtaan, ka dibna u dhistaan rug ganacsi oo aan madaxtooyada u afduubnayn.

Ilhaan Cumar oo shaacisay qorshe iyo arrin uu Trump ku qarinayo weerarka Soomaalida

Washington (Caasimada Online) — Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in weerarka bahalnimada ah iyo hadallada kulul ee Madaxweyne Trump uu la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka Mareykanka.

Wareysi gaar ah oo ay Khamiistii siisay raadiyaha NPR, ayay xildhibaanadda xisbiga Dimoqraadigu ku tilmaantay tallaabada madaxweynaha mid uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Ilhaan ayaa sheegtay in dhaqanka Madaxweynuhu uu yahay mid horay looga bartay. Waxay aaminsan tahay in mar kasta oo Trump uu wajaho cadaadis ama su’aalo adag, uu isku dayo inuu mawduuca beddelo isagoo weerar ku qaadaya dad kale. Sida ay tiri Ilhaan, Madaxweynuhu wuxuu haatan ku sugan yahay xaalad quus ah (desperate), wuxuuna doonayaa inuu indhaha ka leexiyo liis dheer oo dhibaatooyin culus ah.

Waxay farta ku fiiqday fadeexooyin dhowr ah oo uu isku dayayo inuu dadka ka qariyo.

Waxay ustay in Madaxweynaha iyo Xoghayihiisa Difaaca ay hadda wajahayaan eedeymo la xiriira suurta-galnimada dambiyo dagaal. Sidoo kale, waxay soo hadal qaadday xaaladda dhaqaale ee dalka, iyadoo sheegtay in maciishaddu ay qaaliowday, tirada shaqo abuurkuna aanay waafaqsanayn ballanqaadkiisii.

Intaas waxaa dheer, Ilhaan waxay ku eedeysay Trump inuu isku dayayo inuu qariyo “Faylasha Epstein” si uu u difaaco shakhsiyaadka ku lugta leh fadeexaddaas. Waxay ku doodday in maadaama Trump ay haystaan su’aalo badan oo uusan rabin inuu ka jawaabo, uu doortay inuu beddelkeeda weeraro soo-galootiga.

Xildhibaanaddu kama aysan gaban inay si adag u qeexdo madaxweynaha, iyadoo hadalladiisa dhowaan soo yeeray ku tilmaantay “wax laga yaxyaxo,” madaxweynahana ku sifeysay “oday maan-doorsoomay oo is-xakamayn waayay” (deranged old man). Waxay sheegtay in “fatahaadda iyo hadallada aan loo meel dayin” ee kasoo yeeraya ay ceeb ku yihiin ma aha isaga oo keliya, balse guud ahaan dalka Mareykanka.

Weerarka Madaxweynaha ayaa soo bilowday Arbacadii markii uu ka hadlayay kiisas musuq-maasuq oo ka dhacay Minnesota. Wuxuu soogalootiga Soomaalida ah ku tilmaamay “qashin,” isagoo sheegay inay “burburiyeen dalkeenna.”1 Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in dalka laga masaafuriyo xildhibaan Ilhaan, in kastoo ay tahay muwaadinad Mareykan ah. 

Mar ay ka hadlaysay kiisaska musuq-maasuqa ee Trump uu cuskaday, Ilhaan waxay qirtay xaqiiqada jirta. Xeer-ilaaliyeyaasha Minnesota ayaa dacwad kusoo oogay 86 qof oo lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada cuntada iyo hoyga, kuwaas oo badankoodu yihiin dad asalkoodu Soomaali yahay.

Ilhaan way cambaareysay falkaas, waxayna tiri: “Waan ku faraxsanahay in sharcigu jiro oo la ciqaabo kuwa xadaya hantida canshuur-bixiyayaasha; dadka dambiyada galayna waa inay xabsi muddo dheer ah galaan.”

Hase yeeshee, Ilhaan waxay si adag u diidday, una gaashaanka u daruurtay isku dayga Madaxweynaha ee ah inuu dembiga shakhsiyaad kooban dusha ka saaro guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxay sharraxday in nidaamka Mareykanka, dembiga qof gaar ah uusan noqon karin mid loo saariyo bulsho dhan. Waxay difaacday dadka laga soo doorto, iyadoo ku tilmaantay dad sharciga dhowra oo abaal-guda, balse la doonayo in dusha laga saaro eed aanay lahayn.

Ugu dambeyntii, Ilhaan waxay ka digtay in hanjabaadda Madaxweynuhu aysan ahayn afka baarkiisa oo kaliya. Waxay xustay in bulshadeedu ay u diyaar-garoobayso suurtagalnimada in maamulku isku dayo masaafurinta soo-galootiga, xitaa la beegsado muwaadiniinta rasmiga ah.

Inkastoo hadallada Madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.