27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Lama-loodiyaha Jubaland: Sida A/Madoobe u noqday jookarka siyaasadda Somalia

0

HORDHAC

Haddii siyaasadda Soomaaliya ay tahay badweyn kacsan oo hirarkeedu ay marba dhinac u ridaan hoggaamiyeyaasha dalka, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waa “jookarka” si xirfad leh uga dhex dabaasha mowjadahaas.

Laga soo bilaabo kaymihii Raas-Kaambooni ilaa qasriga Madaxtooyada Jubbaland, safarkiisu ma ahayn mid nasiib ku yimid, balse waa natiijo ka dhalatay awood ciidan, diblumaasiyad ku dhisan dano (pragmatism), iyo awood dhaqaale oo madax-bannaan.

Iyadoo siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed ay saaxadda ka baxaan marka dabayshu is beddesho, Axmed Madoobe wuxuu noqday “lama-loodiye” siyaasadeed. Haddaba, waa kuma siyaasigan ay adkaatay in la jebiyo? Maxaase ka dhigay inuu yahay tiirka ugu adag ee Federaalka Soomaaliya ee maanta? Falanqeyntan waxay daaha ka rogaysaa tiirarka uu ku taagan yahay xukunkiisa iyo sababta uu ugu egyahay siyaasigii caanka ahaa ee Mareykanka ee la oran jiray Huey Long.

Tiirka awoodda: Awood ciidan iyo dhaqaale isku sidkan

Siyaasiyiinta Soomaaliya badankoodu waxay ku tiirsan yihiin laba arrimood oo aan gacantooda ku jirin: ciidamo qabiil oo aan nidaamsanayn iyo dhaqaale laga sugo Villa Somalia ama deeq-bixiyeyaal. Axmed Madoobe wuu ka duwan yahay; wuxuu dhisay lahaanshaha awood ciidan oo gaar ah (monopoly of violence).

Ciidanka Raas-Kaambooni ma aha maleeshiyo beeleed macawiisley ah; waa ciidan tababaran, dagaalyahan ah (combat-hardened), isla markaana toos uga amar qaata Axmed Madoobe. Awooddan ciidan ayaa ka dhigtay inaan xoog wax looga qaadi karin, isaga oo isku hubbiyay waxa loo yaqaan “insurance policy” ama caymis amni.

Dhinaca kale, Axmed wuxuu fahmay in “cidda jeebka kuu haysa ay ku xukunto.” Sidaas darteed, wuxuu abuuray maamul dhaqaale oo madax-bannaan (financial autonomy). Dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha waxay u noqdeen ilaha dhaqaale ee uu ku maareeyo maamulkiisa, isagoo aan Muqdisho ka sugin mushaar ama kabid miisaaniyadeed. Madax-bannaanidan dhaqaale ayaa siisay awood uu “diidmo” ku sameyn karo markii uu doono.

Diblumaasiyadda “buffer zone” iyo isbeddelka joogtada ah

Guusha Axmed Madoobe kuma koobna gudaha; wuxuu si xirfad leh u akhriyey cabsida amni ee dalalka deriska. Wuxuu Kenya iyo Itoobiya ka iibiyay istaraatiijiyadda “buffer zone” (khad cagaaran).

Wuxuu iska dhigay darbiga kaliya ee labadaas dal ka celin kara Al-Shabaab, taas oo ku beddeshay inuu helo “xasaanad caalami ah.” Xitaa marka Dowladda Federaalku rabto inay awoodiisa wiiqdo, danaha amniga ee gobolka ayaa difaac u noqda.

Laakiin, kartidiisa ugu weyn waa inuu yahay “political chameleon”. Waa nin midabkiisa beddeli kara hadba sida dabayshu u socoto.

• 2006: Wuxuu ahaa xagjir si uu u qabsado awoodda isagoo dhanka diinta sii maraya.
• 2009–2011: Wuxuu isu beddelay waddani si uu u helo taageerada deriska.
• 2013–hadda: Waa federalist/oday Soomaaliyeed si uu u helo aqoonsiga caalamka.

Awooddan uu isugu rogi karo (Islamist to secular warlord to president) waa sifo ka mid ah sifooyinka siyaasiyiinta dhifka ah ee dunida soo maray.

Maareynta gudaha: Awoodda diidmada iyo maamulka beelaha

Siyaasadda Muqdisho, Axmed Madoobe wuxuu bartay isticmaalka “negative power” (awoodda wax diidista). Wuxuu ogaaday in awoodda aad wax ku hor istaagto ay ka saamayn badan tahay tan yes-manka inaad noqoto. Wuxuu si joogto ah u “veto-gareeyaa” go’aannada Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), isagoo Muqdisho ku qasbaya in loola dhaqmo sidii “madaxweyne” aan la’aantiis tallaabo la qaadi karin.

Gudaha Jubbaland, wuxuu ku guuleystay xakamaynta iyo qancinta beelaha. Wuxuu abuuray nidaam “abalmarin iyo ciqaab” (carrot and stick) isku dhafan, isagoo awood siinaya beelaha yaryar si uu isugu dheellitiro kuwa waaweyn. Wuxuu dadka deegaanka ka iibiyay in “xukunkiisa adag ay nabad ku heli karaan” beddelkii fowdada, taas oo siisay sharciyad maxalli ah.

Si kastaba ha ahaatee, qodobka ugu khatarta badan waa hay’addeynta shaqsiga. Axmed Madoobe ma dhisin hay’ado dowladeed, wuxuu dhisay hay’ado isaga un ku dul wareegaya. Axmed Madoobe iyo Jubbaland waa isku mid (synonymous). Haddii uu meesha ka baxo, nidaamka oo dhan ayaa halis u ah inuu dumo.

HUEY LONG: Mataankiisii Mareykanka ee qarnigii 20-aad

Marka si qoto dheer loo eego taariikhda siyaasadda, Axmed Madoobe wuxuu leeyahay mataan taariikhi ah oo aan Soomaali ahayn. Waa Huey Long, senatarkii iyo guddoomiyihii gobolka Louisiana ee Mareykanka (1928–1935).

Sida Axmed Madoobe, Huey Long waxaa lagu naanaysi jiray “The Kingfish” ama boqorka aan la caleemo saarin. Wuxuu lahaa ciidan u gaar ah, wuxuu dagaal siyaasadeed oo qaraar kula jiray Dowladda Dhexe ee Washington, wuxuuna ahaa nin dadkiisa wax u dhisay balse ku xukumayay gacan bir ah. Huey Long wuxuu dhihi jiray “I am the Constitution around here” (anigaa ah dastuurka halkan), weedh si weyn uga dhex muuqata hab-dhaqanka Axmed Madoobe ee maanta.

GUNAANAD: Mustaqbalka “master survivor”

Axmed Madoobe waa “master survivor”. Wuxuu ka soo badbaaday isku day dil, xabsi Itoobiya, dagaalkii Al-Shabaab, iyo cadaadiska Dowladda Federaalka.

Sirta guushiisu ma aha kaliya qoriga, ee waa samir iyo adkeysi. Wuxuu yaqaannaa goorta la weeraro iyo goorta la gabbado. Ilaa inta nidaamka federaalka Soomaaliya uu yahay mid jilicsan oo aan dhammaystirnayn, Axmed Madoobe wuxuu ahaan doonaa boqorka aan la caleemo saarin ee Jubbooyinka. Waa nin fahmay in Soomaaliya aysan shaqaynayn sharci qoran, balse ay shaqaynayso awood iyo isbahaysi.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Boorama iyo xiisadda oo weji kale yeelatay

0

Boorama (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa kusoo laabanaysa sidii caadiga ahayd, kadib maalmo bannaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen.

Rabshadahan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa salka ku hayay go’aankii habeenkii Jimcihii kasoo baxay xukuumadda Somaliland, kaasi oo lagu fasaxay qabashada munaasabadda Xeer Ciise.

Bannaanbaxyada rabshadaha watay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 ruux.

Inkastoo Somaliland ay ka laabatay go’aankeeda, isla markaana uu shalay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyay munaasabadda Xeer Ciise ee ka dhici lahayd degmada Saylac, haddana xiisaddu waxay yeelatay weji cusub.

Sidee ku bilowdeen rabshaduhu?

Habeenimadii Jimcihii, markii uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqay in la fasaxay qabashada xuska Xeer Ciise, waxaa magaalada Boorama isugu soo baxay dadweyne careysan.

Xeerkan oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay xeer qaddiimi ah sanadkii hore, ayaa la doonayay in lagu qabto magaalada Saylac.

Dadkan oo u badnaa dhallinyaro ayaa waddooyinka muhiimka ah ku gubay taayirro, iyagoo gebi ahaanba xanibay isu socodka gudaha magaalada.

Dhallinyaradu waxay sidoo kale weerareen Bankiga Dhexe ee magaalada Boorama iyo saldhigyada, halkaas oo rabshaduhu ka bilowdeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda magaalada kusoo daabushey ciidan milatari ah oo aad u badan, waxaana gudaha magaalada iska hor imaad ku dhex maray ciidanka iyo shacabkii gadoodsanaa.

Dhallinyaradii dhigayay dibadbaxa ayaa dhagxaan adeegsanayay, halka ciidamadu ay ku ridayeen rasaas nool, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Ciidamada Somaliland ayaa la arkayay intii ay socdeen rabshaduhu iyagoo si bareer ah u tooganaya qaar kamid ah shacabka, taas oo dab ku sii shidday xiisadda.

Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa isku dayay inay xakameeyaan dhallinyarada dhigayay bannaanbaxa, ilaa markii dambe uu soo baxay amar madaxweyne oo lagu joojiyay bandhiggii dhaliyay rabshadaha.

Xiisadda oo yeelatay weji cusub

Rabshadihii Boorama ayaa si buuxda u istaagay, kadib markii beesha Ciise oo iyadu qabanaysay bandhigga ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo beelaha Gadabuursi, kuwaas oo si adag uga horyimid xuska Xeer Ciise iyo sheegashada degmada Saylac.

Kadib markii ugaaska guud iyo odayaasha dhaqanka Ciise ay ku dhawaaqeen dagaalka, waxaa isbeddelay aagga laga cabsi qabo inuu noqdo goob colaadeed.

Intaas kadib, ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi ayaa isaguna sheegay inuu ka aqbalay dagaalka uu ku baaqay ugaaska Ciise, taas oo jihada u leexisay dhanka Saylac.

Saylac ayaa haatan noqotay ubucda xiisadda ka dhalatay qabashada xuska Xeer Ciise, iyadoo labada beelood ay mid walba dhankeeda sheeganayso lahaanshaha deegaankaasi.

Beelaha Gadabuursi ayaa u arka dhawaaqa Ciise mid uu ku hunguriyeynayo dhul uusan lahayn, halka Ciise-na u arko in dhulkiisa loo diidayo inuu ku qabsado xeerkiisa.

Waxaa haatan ka socda abaabul dagaal oo xooggan deegaannada ku teedsan degmada Saylac, halkaas oo laga cabsi qabo in labada dhinac uu ku dhex maro dagaal lagu riiqmo.

Xukuumadda Somaliland oo hore ugu fashilantay isku soo dhaweynta beelahan wada dega iyo ka hortagga xiisadda faraha ka sii baxaysa ayaa si dhow isha loogu hayaa sida ay u maareyn doonto arrimaha taagan.

Maxay ka dhigan tahay in wasiirkii ugu saameynta badnaa Awdal uu iska casilo S/Land?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, isla markaana ahaa Afhayeenka xukuumadda, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Is-casilaaddiisa ayuu ku sababeeyay xaaladda ka taagan magaalada Boorama iyo go’aannadii kala duwanaa ee xukuumaddu ka qaadatay muranka ku saabsan xuska Xeerka Ciise ee lagu qaban lahaa magaalada Saylac.

Axmed-Yaasiin, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in markii hore uu xilka aqbalay isagoo og “in uu ku shaqaynayo go’aannada dowladda, ha yeeshee uu ka baxay markii laba go’aan oo is khilaafsan kasoo baxeen madaxweynaha, midna isaga lagu yidhi ku dhawaaq, midna uu madaxweynuhu ku dhawaaqay.”

“Go’aanka xukuumaddu gaadho ee ahaa in xafladda xeerka Ciise lagu qabanayo Saylac, muu ahayn go’aan Axmed-Yaasiin jeebkiisa kala soo baxay ee wuxuu ahaa go’aan xukuumaddeed. Afhayeenkii xukuumadda ayaan ahaa, waana ku dhawaaqay” ayuu yiri.

Is-casilaaddan ayaa ah tii ugu horreysay ee ka dhacda xukuumadda tan iyo markii uu sanadka xilka hayay madaxweyne Cirro.

Maxay ka dhigan tahay is-casilaaddan?

Qareen Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo arrintan ka hadlay sheegay in tallaabadan ay dhaawici karto kalsoonida xukuumadda, isla markaana laga yaabo inay keento isku shaandhayn cusub si loo adkeeyo kalsoonida golaha wasiirrada.

“Wasiirka wuxuu ka mid aha wasiirrada loogu ixtiraamka badan yahay xukuumadda madaxwayne Cirro. Ka bixitaankiisa xukuumadda waxa ay ku keenaysaa xukuumadda dhaawac xagga kalsoonida ah,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay sidoo kale soo dadejin kartaa in madaxwaynuhu sameeyo isku shaandhayn si uu kor ugu qaado kalsoonida lagu qabo golihiisa wasiirrada.”

Guuleed Dafac wuxuu tilmaamay in Axmed-Yaasiin uu ahaa wasiirka ugu miisaanka culus ee kasoo jeeda gobolka Awdal, isla markaana kaalin ku yeelan lahaa dejinta xiisadda gobolka hadda taagan.

Si kastaba, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa siyaasadda Somaliland ka muuqday tan iyo 2005-tii, markaas oo uu noqday xildhibaan ka socday gobolka Awdal.

Sannadkii 2017-kii wuxuu noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, xilkaas oo uu hayay ilaa 2021-kii. Bishii December ee 2024-kii ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Afhayeenka xukuumadda, xilkaas oo uu si rasmi ah uga degay xalay.

Waxaa sidoo kale la xusuustaa inuu ka soo jeedo ganacsatada gobolka Awdal, halka aabihii Sheekh Cali Ayaanle uu ka mid ahaa culimada waaweyn ee gobolka.

Somaliland oo jiho kale ku eedeysay dadkii lagu laayay Boorama

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Milateriga Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Boorama, iyadoo milaterigu iska fogeeyay inuu si bareer ah u dilay shacabka.

G/Sare Maxamed Cabdi Cabdille, oo ku hadlayay afka ciidanka milateriga Somaliland, ayaa sheegay inay daba socdaan xogo sheegaya in dad ku hubaysan qoriga sniper-ka ay qayb ka qaateen laynta shacabka Boorama.

Waxa uu ku dooday in marnaba ay ciidamada Somaliland ka suurtageli karin inay si bareer ah u beegsadaan shacabka, balse ay tuhunsan yihiin in dad aan reer Somaliland ahayn ay sheedda ka tooganayeen shacabka, iyagoo adeegsanaya qoryaha sniper-ka.

“Ciidamada qaranku waa ciidamadiinnii idinku aad lahaydeen, amnigiinna ka shaqaynayay, kama suurtagasho inay shacabkooda, hablahooda, carruurtooda iyo dumarka reer Awdal iyo Salal ay si badheedh ah wax u gaadhsiiyaan, kamana dhexeyso cadaawad,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdille.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaanu dareensanahay inay jirto gacan saddexaad, dad meelo fog fog wax ka shiishayay, in la isticmaalay qoriga isnaybarka la yidhaa. Waxaanu daba soconnaa warbixino caynkaa ah oo isdaba-joog ah.”

G/Sare Maxamed ayaa nabad ugu baaqay dadka reer Boorama iyo guud ahaan bulshada degta gobollada Awdal iyo Salal, isagoo ka tacsiyeynaya dhallinyaradii ku geeriyootay dhibaatadii ka dhacday magaalada.

“Ciidanka qaranku wuxuu diyaariyay dawooyin, dhakhaatiir iyo gaadiid caafimaad oo loo diray magaalada Boorama si ay qayb uga qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhaawaca ah.”

Taliska ciidanka milateriga ma soo bandhigin caddeymo uu ku xoojinayo in jiho kale ay ku lug lahayd laynta shacabka ku banaanbaxayay Boorama. Mana jirto illaa hadda cid arrintan loo soo qabtay, iyadoo taas beddelkeed la arkayay ciidanka oo shacabka rasaas u adeegsanaya intii ay socdeen rabshaduhu.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadihii magaalada Boorama oo socday saddex maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 ruux.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ra’iisul wasaare Xamza oo war cusub kasoo saaray hawada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka ayaa xusay marxaladihii ay soo martay hawada Soomaaliya.

Xamza ayaa sheegay in maalintani ay fursad u tahay in la milicsado dadaallada waaweyn ee Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-soo-nooleynta duulista rayidka.

Tan ayuu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay kobaca dhaqaalaha dalka, soo celinta xasilloonida, iyo muujinta awoodda qaranka ee dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2023-kii gaartay heerka A ee Warlalisyada Duulimaadyada (Air Navigation Services), taas oo ah heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah, kana tarjumaya horumar ballaaran oo laga sameeyay badqabka, adeeg bixinta, iyo waafaqidda hab-raacyada ICAO.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay sameysay xeerarka caalamiga ah ee amniga duulista rayidka, taas oo kordhisay kalsoonida shacabka gudaha iyo tan caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka dalka, iyadoo bishii Sebteembar ee Sanadkaan dalka laga hirgeliyay habka ogolaanshaha socdaalka ee (eTA).

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo caalamka, iyo dhammaan bahda ku hawlan horumarinta duulista dalka.

Masar oo xaqiijisay in ay Soomaaliya laf-dhabar u tahay…

0

Doooxa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aaty ayaa maanta sheegay in Soomaaliya ay tahay dal leh muhiimad istaraatiiji ah oo gaar ah, isagoo ku qeexay tiir dhexaad ka mid ah amniga Masar, Carabta iyo Afrika.

Wasiirk ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo cinwaankiisu ahaa “Dowladnimo ka hanaqaada Soomaaliya: Istaraatiijiyado isku duuban oo lagu ilaalinayo horumarka la gaaray,” kaas oo ka dhacay Madasha Doha.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado badan oo isku dhafan, kuwaas oo u baahan qorshe mideysan iyo iskaashi caalami ah si loo xoojiyo guulaha la gaaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dhinacyo isku dayaya inay u beddelaan Badda Cas goob tartan siyaasadeed oo khatar gelin karta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Dr. Abdel Aaty ayaa sheegay in siyaasadda Masar ee ku wajahan Soomaaliya ay ku saleysan tahay dhowr mabda’, oo ay ka mid yihiin taageeridda midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo diidmada tallaabo kasta oo wax ka beddeli karta xaqiiqda dhulka.

Sidoo kalena ay qeyb ka tahay ka qeyb qaadashada dhismaha hay’adaha dowliga ah ee awoodda u yeesha sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta sharciyadda.

Wuxuu xusay kaalinta Masar ee dhanka tababarrada, waxbarashada iyo kobcinta aqoonta, isagoo sheegay in boqolaal Soomaaliyeed ay ka faa’iideysteen barnaamijyada hay’adaha Masar sida Al-Azhar, jaamacadaha dalka iyo Machadka Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka.

“Waxaa ka digayaa caqabadaha cusub ee dalka ka jira, oo kamid yihiin argagaxisada iyo duruufaha adag ee la socda marxaladda dib u dhiska dowladnimada,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyay muhiimada ay leedahay taageerada Midowga Afrika ee xasillinta Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in doorka Masar uu yahay mid ka tarjumaya masuuliyad istaraatiiji ah oo ku aaddan amniga gobolka.

Ugu dambayn, Dr. Abdel Aaty ayaa ugu baaqay beesha caalamka maalgelin joogto ah oo ku filan howl-galka AUSSOM, si ay u gutaan waajibaadkooda isla markaana looga digo hoos u dhaca ku yimid maalgelinta.

Jubaland oo ku dhawaaqday inay tahay dowlad gaar ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan culus oo xasaasi ah, isla markaana uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in wax ka beddal ay ku sameeyeen dastuurka, waxaana uu tilmaamay inay ka guureen magaca dowlad-goboleed, isaga oo ku dhawaaqay in Jubbaland ay tahay dowlad.

Cabdi Maxamed oo ka qayb-galay shirweynaha 8-aad ee caafimaadka Jubbaland ayaa golaha wasiirada faray inay u hoggaansamaan dastuurka, ayna adeegsadaan magaca cusub ee dowladda Jubbaland.

“Waad ogtihiin dastuurka waa ka saarnay dowlad-goboleed xubnaha baarlamaanka waa fadhiyaan goboleedka ayaan ka saarnay, haddana waa dowladda Jubbaland” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ma bixin guddoomiyaha baarlamaanka faah-faahin intaasi dhaafsiisan, iyo sababta ka dambeysa inay ku dhawaaqaan dowlad, iyaga oo weli xubin ka ah dowladda federaalka.

Jubbaland ayaa waxaa haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyaa Villa Somalia, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana go’ay gebi ahaan xiriirkii labada dhinac.

Waddadan waxaa horay u qaaday Puntland, oo iyadu ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso, sida dowlad madax banaan oo kale, kadib markii ay isku dhaceen dowladda dhexe.

Si kastaba, labada maamul ayaa haatan bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka, waxayna toos xiriirka ugu jareen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Howl-galka ICE ee ka dhanka ah Soomaalida Minnesota oo natiijo lama filaan ah keenay

Minneapolis (Somalia Today) — Ciidamada Federaalka Mareykanka ayaa magaalada Minneapolis ka fuliyay hawlgal qorsheysan oo lagu beegsanayay soo-galootiga Soomaaliyeed ee sharcidarrada ku jooga dalkaas. Hase yeeshee, hawlgalkan oo soo bilowday toddobaadkan ayaa natiijadiisu noqotay mid lama filaan ah, kadib markii dadka xabsiga loo taxaabay ay badankood noqdeen kuwo aan Soomaali ahayn. 

Warbixin ay Khamiistii soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Xaqiijinta Kastamyada (ICE) ayaa lagu xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay 12 qof. Dadkan la qabqabtay ayaa kala ahaa lix u dhalatay dalka Mexico, shan Soomaali ah iyo hal qof oo kasoo jeeda El Salvador.

Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul, oo ah xuddunta ay ku dhaqan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu ballaaran dalka Mareykanka, ayaa noqday goobihii ugu dambeeyay ee uu saameeyo ololaha raafka ah ee maamulka Trump.

Tallaabadan ayaa daba socota hawlgallo is-daba-joog ah oo laga fuliyay magaalooyinka Chicago, Los Angeles iyo Charlotte. Sidoo kale, saraakiisha socdaalka ayaa toddobaadkan gaaray New Orleans, halkaas oo ay shaaciyeen qorshe lagu xirayo ilaa 5,000 oo qof.

Bayaanka kasoo baxay hay’adda ICE ayaa dadka la xiray lagu tilmaamay inay yihiin “dambiilayaasha ajaanibta ah ee ugu khatarta badan”. Sida ay hay’addu sheegtay, siddeed kamid ah dadkan ayaa horay loogu soo oogay ama lagu helay dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin gacan-ka-hadal, musuq-maasuq, tacaddiyo qoyska dhexdiisa ah iyo kaxeynta gaadiidka iyadoo maandooriye la isticmaalay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan weerar afka ah oo aan gabasho lahayn ku qaaday soo-galootiga Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay “qashin”, isla markaana sheegay inaanay waxba ku soo kordhin dalka.

Trump wuxuu sidoo kale eedeyn culus dusha uga tuuray Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, isagoo ku eedeeyay inuu oggolaaday in barnaamijyada dowladda lagu sameeyo musuq-maasuq—arrin ay warbaahinta muxaafidka ahi ku fasireen in lacago si dadban loogu dusiyay koox hubeysan oo Soomaali ah.

Ololahan raafka ah ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo kaga timid mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si kulul u cambaareeyay hadallada xanafta leh ee Trump, iyaga oo wacad ku maray inay difaaci doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa si cad u sheegay in ciidamada booliska magaaladu aanay marnaba qeyb ka noqon doonin fulinta hawlgallada socdaalka ee federaalka.

Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Amniga Gudaha, Tricia McLaughlin, ayaa bayaanka ICE dhexdiisa weerar culus ku qaadday Frey iyo Walz, iyadoo ku eedeysay inay hor-taagan yihiin shuruucda socdaalka, taasina ay halis gelinayso badqabka muwaadiniinta.

PUNTLAND oo farriin culus u dirtay Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isaga oo farriin culus u diray xukuumadda Somaliland.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland in tabashada reer Awdal ay ku xalliyaan wada-hadal, iyada oo fursad la siinayo dadka deegaanka.

Sidoo kale, wuxuu ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ka socda Boorama oo sababay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyeed oo xoogleh.

“Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda, waxa aan ugu baaqayaaa in tabasho kasta oo jirta lagu abaaro oo lagu xaliyo wadahal iyo dhaqankii ilbaxnimada lahaa ee aad caan baxdeen; xejista nabadiina… waan ka tacsiyeynaynaa intii ku nafweydey shaqaaqooyinka ka dhacay Boorame.”  ayuu yir Wasiiru-dowlaha Madaxtootada Cabdifitaax Cabdinuur.

Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.

Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

DF oo soo saartay bayaan ay ku qaboojineyso xiisadda ka dhalatay dhabar-jebintii Rabat

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan siyaasadeed si taxadar leh loo miisaamay, kaas oo ay ku saxayso, kuna caddeynayso mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan qadiyadda muranku ka taagan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Dowladda ayaa shaaca ka qaadday in siyaasaddeeda arrimaha dibadda ay ka turjumayaan oo kaliya bayaannada rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha dowladda, iyadoo markale xaqiijisay in mowqifkeedu uu saldhig u yahay geeddi-socodka ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii dhacdo siyaasadeed oo dhowaan ka dhacday magaalada Rabat ee caasimadda dalka Morocco ay walaac weyn ku beertay dowladda Aljeeriya, isla markaana ay caro iyo guux ka dhalisay gudaha Madaxtooyada Villa Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sabtidii ayaa lagu sheegay in wararka maalmahan ay warbaahintu faafineysay—kuwaas oo Soomaaliya u xambaarinayay hadallo aan rasmi ahayn oo ku saabsan Saxaraha Galbeed—ay yihiin kuwo aan ka tarjumeyn xaqiiqada dhabta ah. Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in mowqifka dowladda “lagu gudbiyo oo keliya bayaannada rasmiga ah iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee tooska ah.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay “la socoto” Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2797, ayna qirayso doorka muhiimka ah ee uu qaraarkaasi ku leeyahay taageeridda “geeddi-socodka xalka nabadeed ee hoos taga dallada Qaramada Midoobay.”

Soomaaliya waxay ugu baaqday “labada dhinac” inay guda galaan wada-hadallo dhab ah oo toos ah, si loo gaaro xal nabadeed oo kama dambays ah, kaas oo ay raalli ka wada yihiin dhinacyada is haya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergeygiisa Gaarka ah ee arrimaha Saxaraha.

Dhinaca kale, Muqdisho waxay carrabka ku adkaysay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Boqortooyada Marooko, iyadoo xustay xurmada ay u hayso midnimada iyo madaxbannaanida qarannimo ee dal kasta. Eray-bixintan ayaa loo fasirtay farriin diblomaasiyadeed oo lagu qancinayo Rabat oo arrimaha midnimada dhuleed ay u tahay “khad cas”, xilli Soomaaliya ay dhanka kale ku dheggan tahay xalka Qaramada Midoobay.

Diblomaasiyad cakiran iyo jahawareerka dhacay

Sixitaankan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya kadib toddobaadyo ay jirtay diblomaasiyad huwan xasaasiyad iyo xiisad hoose.

31-kii Oktoobar, Soomaaliya waxay u codaysay Qaraarka 2797 ee Golaha Ammaanka, tallaabo ay diblumaasiyiin badan u fahmeen inay tahay mid lagu taageerayo qorshaha is-maamulka ee Marooko oo saldhig u noqonaya wada-hadallada. Dowladda Aljeeriya, oo taageero weyn siisa dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka ah ee Saxaraha, ayaa ka fogaatay qaraarkaas, iyadoo si hoose walaac uga muujisay codkii Soomaaliya.

Si loo qaboojiyo xiisaddaas, horraantii bishan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tagay magaalada Algiers. Saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu madaxda Aljeeriya u xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay geeddi-socodka Qaramada Midoobay, ayna ka fog tahay wax kasta oo wiiqaya doorka gobolka ee Aljeeriya.

Hase yeeshee, is-fahamkaas jilicsanaa ayaa gilgilmay maalmo yar kadib, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Cabdi Cali uu ka soo muuqday magaalada Rabat isagoo saxiixaya bayaan wadajir ah oo uu la galay dhiggiisa Marooko, Nasser Bourita.

Warbaahinta Marooko iyo tan gobolka ayaa dukumeentigaas u dhigay mid caddeyn u ah in Soomaaliya ay taageertay madaxbannaanida Marooko ee Saxaraha Galbeed iyo qorshaheeda is-maamulka, iyagoo iftiimiyay qodobbada ku saabsan midnimada dhuleed iyo soo dhoweynta qaraarkii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanka.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan Muqdisho, Madaxtooyadu waxay warka bayaankaas ka heshay warbaahinta rasmiga ah ee Marooko, halkii ay ka heli lahayd kanaalladeeda gaarka ah.

Sarkaal sare oo la taliye ah ayaa dhacdadaas ku tilmaamay “dabin diblomaasiyadeed oo gudaha ah”, isagoo ku dooday inay burisay ballanqaadkii iyo kalsooni-dhisidii uu Madaxweyne Xasan Sheekh kasoo sameeyey Algiers, isla markaana ay Soomaaliya ka dhigtay mid si lama filaan ah ugu janjeersatay dhanka Rabat.

Ugu dambeyntii, iyada oo ku adkaysanaysa in siyaasadda Saxaraha Galbeed laga qaato oo keliya bayaannada rasmiga ah, isla markaana udub-dhexaad uga dhigeysa Qaraarada Qaramada Midoobay iyo wada-hadallada tooska ah—iyadoo aan meesha ka saareynin xiriirka diirran ee kala dhexeeya Marooko—Villa Somalia ayaa hadda isku dayeysa inay dib u hanato maamulka faylkan xasaasiga ah ee yaalla xudduudda colaadeed ee u dhaxaysa Aljeeriya iyo Marooko, si ay diiwaanka u geliso mawqif dhex-dhexaad ah oo ka madaxbannaan jahawareerka dhacay.

Imaaraadka oo $23 milyan siiyey kooxda JNIM kadib markii laga afduubtay Amiir

Muqdisho (Caasimada Online) — Warbixin xasaasi ah oo uu daabacay wargeyska Wall Street Journal (WSJ) ayaa shaaca ka qaadday in Dowladda Imaaraadka Carabta—oo ah mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe—ay bixisay lacag madax-furasho ah oo ka badan $20 milyan, isla markaana ay gacan ka geysatay sii-deynta tobaneeyo dagaalyahan, si ay u badbaadiso xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Dubai oo ay afduub u haysteen faraca Al-Qaacida ee Galbeedka Afrika. 

Sida ay saraakiil Reer Galbeed ah u xaqiijiyeen wargeyska, heshiiskan qarsoodiga ahaa wuxuu isugu jiray lacag caddaan ah iyo sii-deynta maxaabiis Islaamiyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Maali. Dhaqaalahan xooggan iyo maxaabiista la sii daayay ayaa toos u galay gacanta kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), oo ah garabka ugu awoodda badan Al-Qaacida ee gobolka Saaxil. 

Tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli kooxda JNIM ay go’doomin culus kusoo rogtay caasimadda Bamako, ayna halis ku tahay jiritaanka xukuumadda dalkaas oo ay ku nool yihiin 25 milyan oo qof.

Wargeyska ayaa sheegay in afhayeenno u hadlay Imaaraadka, Maali iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan codsiyo la xiriira arrintan.

Wall Street Journal ayaa farta ku fiiqday in bixinta madax-furashadan ay iftiimineyso doorka mugdigu ku jiro ee Imaaraadka. Inkasta oo Abu Dhabi ay tahay saaxiib amni oo muhiim u ah Washington, haddana waxay marar badan fulisaa ajandeyaal u gaar ah oo ka hor-imanaya danaha Mareykanka. 

Imaaraadka ayaa xiriir caadi ah la sameystay Israa’iil, wuxuuna martigeliyaa ciidamo Mareykan ah, balse dhanka kale wuxuu wajahayaa eedeymo culus oo la xiriira inuu hubeyso xoogagga Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan—maleeshiyaad uu Mareykanku ku eedeeyey inay xasuuq ka geysteen Darfur.

Haatan, wargeyska ayaa qoray in Imaaraadku uu “dib u buuxiyay khasnadda dagaalka” ee mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan Al-Qaacida, xilli ay kooxdaasi ku sii siqayso caasimadda Maali, isla markaana ay jartay sahaydii shidaalka ee dadweynaha.

“Madax-furashadan xad-dhaafka ah ee Abu Dhabi ay siisay JNIM waxay timid xilligii ugu xumaa,” ayay tiri Justyna Gudzowska, oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee The Sentry. Waxay intaas ku dartay, “Duritaan dhaqaale oo intaas la eg waa guul weyn oo u soo hoyatay kooxda, wuxuuna u sahli doonaa inay ballaariso damaceeda xagjirnimo ee qaaradda.” 

Qofka la afduubtay oo lagu magacaabo Sheekh Axmed bin Maktuum bin Jumca al-Maktuum, oo 78 jir ah, kana tirsan qoyska maamula Dubai, ayaa lagu qafaashay weerar bishii Sebtembar ka dhacay beer uu ku lahaa koonfurta Bamako. Sheekha ayaa xiriir la lahaa ganacsiga dahabka ee Maali. Muuqaal ay baahisay kooxdu ayaa muujinayay dabley gudaha u galeysa hangaar lagu keydiyo diyaaradahiisa gaarka ah.

Ganacsatada Imaaraadka ayaa raad weyn ku leh dalka Maali, kaas oo inta badan dahabkiisa u dhoofiya Dubai. Kadib afduubka, ergooyin ka socda qoyska Dubai ayaa la kulmay saraakiil Maali ah iyo dhex-dhexaadiyeyaal, oo uu kamid yahay Axmed Ag Bibi, oo ah nin Tuareg ah oo horay usoo ahaa dagaalyahan Islaami ah, xiriirna la leh hoggaamiyaha JNIM, Iyad Ag Ghali.

Amiirka iyo labo qof oo kale ayaa la sii daayay dhammaadkii bishii Oktoobar, kadib markii la bixiyay lacag caddaan ah oo u dhiganta ugu yaraan $23 milyan, taas oo laga soo qaaday khasnadaha Imaaraadka loona duuliyay Maali. Diyaarad nooca Gulfstream ah ayaa Amiirka dib ugu celisay Dubai.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Saaxil uu la daalaa-dhacayo toban sano oo kacdoon hubeysan ah, kaas oo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof, sababayna afgambiyo is-xigxigay oo ka dhacay Maali, Burkina Faso iyo Niger. Rabshadaha jihaad-doonka ah ayaa sidoo kale u tallaabay dalalka dhaca xeebaha sida Benin, Ivory Coast iyo Togo.

Bishii Oktoobar, kooxda JNIM ayaa sheegatay weerarkeedii ugu horreeyay ee Nigeria. Isla bishaas, dabley ayaa caasimadda Niger ee Niamey ka afduubatay Kevin Rideout oo ah duuliye Mareykan ah oo ka shaqeynayay arrimaha faafinta diinta masiixiga (missionary), kaas oo saraakiil Reer Galbeed ahi sheegeen in loo gacan-geliyay kooxda Daacish ee Saxaraha Weyn (ISGS).

Si kastaba ha ahaatee, Maali ayaa u muuqata dalka ugu dhow inuu burburo. Taliyaha JNIM ee hoggaaminaya go’doominta Bamako ayaa ah isla shakhsigii amray afduubka Amiirka Imaaraadka, waana ninka la filayo inuu faa’iidada ugu badan ka helo madax-furashada ay bixisay Abu Dhabi, sida ay sheegeen saraakiisha la hadlay Wall Street Journal.

Ciidanka DF oo la wareegay sagaal deegaan oo muhiim ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi, kuwaas oo ay ugu sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada oo maanta qaaday howlgal guuleystay ayaa gudaha u galay tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, laguna jabiyay Khawaarijta.

“Howlgallada waxay ka socdaan galbeedka gobolka Hiiraan, qaasatay agagaarka deegaanka Ceel-cadde, si nabad-gelyo ah ayayn ku bilowdeen alxm, wax dhibaato ah ma jiraan dhufeyso badana waa la burburiyay” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen illaa 9 deegaan, ayna bururiyeen dhufeysyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

“Illaa 9 deegaan ayaa la wareegnay oo aan ka saarnay cadowga, hadda ciidamada waxay kusii jeedaan deegaanno horleh” ayuu sii raaciyay.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada baaritaanno ka wadaan gudaha tuulooyinka ay maanta howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, si looga xaqiijiyo amniga loogana hortago soo rogaal celinta Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay saartay Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhacay howlgallo culus oo lagu jabiyay argagixisada loogana saaray deeganno dhowr ah.

Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo toos ah oo saaxibada caalamiga ah ay ku garaacayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo lasoo bandhigay gaadiid qaraxyo oo la burburinayo iyo firxadka Al-Shabaab oo la leynayo.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

Sawirro: Xogta kulamo uu Xasan Sheekh ka wado Qatar

0

Dooxa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay magaaladaasi, kuwaas oo uu la yeelanayo madaxda isugu tegtay Dooxa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intii uu socday kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna, isla markaana laga gaaray guullo wax ku ool ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu shalay Madaxweynuhu la qaatay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani, kulankaas ayaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, guud ahaan xaaladda gobolka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

DF oo war kasoo saartay cudur ay u dhinteen 50 carruur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay faafitaanka cudurka Gowrcatada oo haatan fara ba’an ku hayo carruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda oo ogeysiis guud u dirtay shacabka ayaa sheegtay in xanuunka ay hadda la’il daran yihiin in ka badan kun carruur ah, kuwaas oo lala tacaalayo xaaladooda.

Sida lagu sheegay bayaanka waxaa cudurka Gowrcatada u dhimatay carruur kor u dhaafeyso illaa 50, kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso 5 jir ilaa 15 sano.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in bulshada ay la wadaageyso farriimo wacyigelin ah oo ku aadan talooyin la xiriira sida looga hortagayo cudurkan oo dilaa ah.

“Sanadkan, Wasaaraddu waxay la tacaalaysay cudurka Gowracatada, waxaana ilaa hadda cudurkan uu ku dhacay in ka badan 1,000 carruur ah, halka ay u geeriyoodeen in ka badan 50 carruur ah. Da’da ugu badan ee uu cudurku saameeyay waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 15 sano” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in bartamaha bishaan ay billaabi doonto olole lagu tallaalayo carruurta, si wax laga qabto xaaladda carruurta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed in carruurtooda ay geeyaan goobaha tallaalka, ayna u hoggaansamaan habraacyada ay dajisay wasaaraddu.

Wararkii ugu dambeeyay afgembiga dalka Benin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku day afgambi ayaa ka socda dalka Benin, iyadoo koox askar ah ay sheegeen inay xukunka ka tuureen Madaxweyne Patrice Talon, ayna la wareegayaan talada dalka.

Askartan oo samaystay waxa ay ugu yeereen “Guddiga Milateriga ee Dib-u-aasaasidda” ayaa ka soo muuqday Telefishanka Dawladda subaxnimadan Axadda ah, iyagoo ku dhawaaqay inay sidoo kale hakiyeen dastuurka, ayna kala direen dawladda iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxay ku sababeeyeen tallaabadooda iyagoo dhaleeceeyay maamulka Madaxweyne Talon ee dalka. Raggan waxaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Pascal Tigri.

Hadda, weli ma cadda meel uu Madaxweyne Talon joogo, maaddaama la sheegay in askartu ay u dhowaadeen gurigiisa oo ku yaalla Cotonou. Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xiganeysa madaxtooyada oo sheegtay inuu nabad qabo, iyo in ciidamada milaterigu ay dib u xakameynayaan xaaladda.

Subaxdii ayaa magaalada laga maqlayay rasaas, iyadoo wararku ay sheegayaan in diyaaradaha qummaatiga u kaca ee milateriga ay dul heehaabayeen Cotonou.

Dalka Benin waxaa lagu waday in doorasho madaxtinnimo ay ka dhacdo bisha Abriil 2026, marka uu dhammaado muddada xilka ee Madaxweyne Talon. Waxa uu ballan qaaday inuusan isa soo sharrixi doonin mar saddexaad, wuxuuna horay u magacaabay qofkii beddeli lahaa.

Isku dayga afgambiga ee Benin ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii madaxweynihii Guinea-Bissau ee deriska la ah Benin, ee Umaro Sissoco Embalo xukunka laga tuuray.

Sannadihii u dambeeyay, Galbeedka Afrika waxaa ka dhacay afgambiyo dhowr ah, taasoo kordhinaysa cabsideeda laga qabo in xaaladda amniga ee gobolka ay ka sii darto.

Isha: BBC

Wasiirkii ugu horreeyay oo iska casilay Somaliland kadib rabshadaha Boorama

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, kadib markii go’aankii uu habeen hore ku dhawaaqay ay ka dhasheen rabshado xooggan oo ka dhacay gobolka Awdal.

Wasiirka oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa saacadihii u dambeeyay wajahayay dhalleeceyn xooggan oo uga imaneysay bulshada uu metelo.

Go’aanka uu horey ugu dhawaaqay wasiirkan is-casilay oo lagu fasaxay bandhiga xeer Ciise ayaa waxaa saaka gebi ahaanba joojiyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, kaasi oo qorshuhu ahaa in 14-ka bishaan ka dhaco degmada Saylac.

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadan ayaa gashay maalintii labaad oo xiriir ah, iyada oo weli banaanbaxyadu ay kasii socdaan gudaha magaaladaas, waxaana hoggaaminaya dhalinyarada deegaanka.

Khasaaraha ka dhashay rabshadahan ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo dhimashadu kor u dhaaftay 30, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.

Dhinaca kale, Beesha Ciise ayaa dhankeeda ku dhawaaqday dagaal kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu maanta gebi ahaanba joojiyay munaasabadda xuska Xeer Ciise.

Ugaaska guud ee beesha iyo odayaasha dhaqanka oo galabtii qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa iclaamiyay dagaal, isla markaana aysan aqbalayn dhawaaqa kasoo baxay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u fasaxday qabashada munaasabaddan, waxayna mar kale joojisay maanta kadib markii ay rabshado xooggan ka bilowdeen magaalada Boorama.

Tan ayaa uga sii dareysa xaaladda taagan, xilli ay magaalooyinka gobollada Awdal iyo Selel ay ka socdaan rabshado xooggan, waxaana isha lagu hayaa sida ay Somaliland u maareyso arrimaha taagan.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadan ayaa gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah, iyada oo weli banaanbaxyadu ay kasii socdaan gudaha magaaladaas, waxaana hoggaaminaya dhalinyarada deegaanka.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaaraha uu sii kordhay, isla markaana dhimashada iyo dhaawaca ay ku dhowdahay illaa 100 qof, isaga oo sidoo kale dalbaday in ciidamada Somaliland laga saaro Boorama.

“Dhimashadu waa dhowr iyo toban, dhaawacuna waa dhowr iyo todobaatan intaas ayaaba 100 ku dhow” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Boorama.

Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.

Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la isku feeray kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta galay xaalad fowdo ah, kadib markii uu buuq ka dhashay mooshin ku saabsan xiisadda ka taagan magaalada Boorama, kaas oo ay keeneen xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Awdal.

Xildhibaannada ayaa ku kala qaybsamay arrintan, waxaana la arkaayay qaar kamid ah xubnaha oo gacmaha iskula tegay, taas oo keentay in la kala qabto.

Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed oo sidoo kale ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo kamid ah xildhibaannada buuqa ka sameeyay golaha ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in warqaddii mooshinkooda la jeex-jeexay.

“Waxaan ka xumahay xildhibaan aanu walaala nahay oo si sharci darro ah warqaddii mooshinka ahayd u jar-jaray, waana wax aan ku habooneen Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu taageeray kacdoonka shacab ee ka socda magaalada Boorama, isaga oo sheegay in loo dhow-yahay in la gaaro midnimo buuxda.

“Dalkeennu waxa kasoo gudbay caqabado badan, waxa uuna maanta joogaa heer midnimadii sidii hore ay midnimada ka dhowdahay” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Dhinaca kale, waxa uu eedeyn culus u jeediyay xukuumadda Somaliland, isaga oo sheegay in mar kale ciidamadii ay kusoo celiyeen magaalada, uuna sii socda xasuuqa.

“Ciidamadii ka baxa la yiri Awdal labo saac kadib waa lagu soo celiyay, Gumaadkii lagu haayay Reer Awdal way dhamaatay” ayuu sii raaciyay.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Somaliland oo DF u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta rabshadaha Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Awdal.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan xaaladda Magaalada Boorama” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Somaliland waxa ay sheegtay in ficillada Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan  xaaladda Magaalada Boorama.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu caddeeyay in Tallaabooyinka maamulka Muqdisho ay yihiin qaar si qorshaysan loo hindisay, loona abaabulay si ay u abuuraan  xiisado isla markaana u faafiyaan marin-habaabin, si ay ugu abuuraan  kala-qaybsanaan laga dhex dhaliyo bulshada Somaliland ee nabadda iyo deganaanshaha ku wada nool.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in facaa’ilka Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, iyadoo farogelin aan la aqbali karin ku haysa arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeedkaas waxa lagu iftiimiyay in Dawladda Somaliland marnaba aanay ogolaan doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga guud, lagu dhaawacayo midnimada ummadda ama lagu kicinayo rabshado gudaha ah.

Waxa kaloo ay bayaamisay in Hay’adaha amniga Somaliland ay u heellan yihiin ilaalinta amniga shacabka, dejinta xaaladda, iyo ku dhaqanka sharciga si xirfad iyo xasillooni leh.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in dawladda Somaliland ay  ka tacsiyadaysay ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay  rebshadihii ugu dambeeyay ee dhacay Boorame. Waxa kaloo warku intaas ku daray in  Hay’adaha ay khuseysaa ay diyaarinayaan guddi baadhitaan madax-bannaan oo xaqiiqo raadin ah, si loo caddeeyo duruufaha ku xeeran dhacdooyinkaasi.

War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa lagu bayaamiyay in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu shacbiga ugu baaqay deganaansho, waxaannu xaqiijiyay in dawladdu ay si dhow ula shaqayn doonto madaxda dhaqanka, bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaasha si loo hubanti looga dhigo xasilloonida iyo xal nabadeed oo waara.

“Somaliland waxa ay  adkaysay in midnimadeeda iyo xasilloonideedu yihiin kuwo aan wiiqmi karin oo aanay suurtogal ahayn in lagu waxyeeleeyo farogelin lagu abaabulayo rebshado iyo dayaacado la faafiyo,”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Ugu dambayn, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dalalka gobolka, beesha caalamka iyo hay’adaha masuulka ka ah amniga inay gaashaanka u daruuraan  falalka wiiqaya xasilinta mandaqada  ee ay Soomaaliya samaynayso.

Maxaa ka soo baxay wada-hadlladii Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar? + Sawirro

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, guud ahaan xaaladda gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa isla soo qaaday heshiisyada iskaashi ee ay horey u wada galeen labada dowladood, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiirka ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Qatar u tegay ka qeyb-galka Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Sidoo kale, booqashadiisa ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.