26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo DF oo maanta ku sii jeeda…

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah.

Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan.

Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf.

Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka. Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.

Xuutiyiinta oo gantaallo ku garaacay ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online)Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.

Fanaanadda Luul Jaylaani oo ku geeriyootay Minneapolis

Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani.

Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.

Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha.

Bishii April 2021, Luul waxay ka mid noqotay dad badan oo caan ah oo Soomaaliyeed oo dhibane u noqday xanta dil, kadib markii la sheegay in ay geeriyootay.

Warkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, iyadoo markii dambe la sheegay inay nooshahay oo ay wanaagsan tahay. 

Wareysi muuqaal ah oo ay siisay Radio Muqdisho ayay xilligaas ku tiri “Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan noolahay.” Waxa ay sidoo kale sheegtay in warkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay dhammaan qoyskeeda iyo saaxiibadeeda adduunka oo dhan.

Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.

Ruushka iyo Ukraine oo is-weydaarsaday maxaabiis dagaal

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah.

Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Halka wasaaradda Ruushka ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda.

Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka.

Zelenskyy waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.

Xog: Odowaa oo go’aan culus ka gaaray ciidankii kasoo gadooday furimaha dagaalka

Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa tallaabo adag ka qaaday ciidan gaaraya 30 askari oo ka gadooday saldhigyadoodii degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidankaas oo ka gadooday falkii askarta lagu dilay ee toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Taliye Odowaa ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas aysan dhaafin Wisil oo hub ka dhigis lagu sameeyo, is rasaaseyn kooban oo wax khasaare ah aan geysan ayaa maanta ka dhacday degmada Wisil, waxaana ugu dambeyn is dhiibay ciidamadii gadooday ee ka baxay Xarardheere.

Taliyaha Xoogga ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas hubka laga dhigo, lagana reebo dariiska ama tuutaha iyo gaadiidka dowladda, kadibna la fasaxo, balse inta badan ciidankaas ayaa ku soo laabtay Xarardheere, maadaama aysan dooneyn in laga saaro ciidanka qaranka, waxayna u hoggaansameen amarka saraakiishooda.

Xalay ayaa sidaan oo kale ciidan u gadooday oo ka kala tirsan xoogga dalka iyo NISA waxay tageen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, goobtii lagu soo dhaweeyey ciidankaas, waxaa si adag loogu aflagaadeeyey, looguna dhaliilay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Ciidamada gadoodaya waxay ka caroodeen askartii jidka loo galay ee maleeshiyaadku u dileen aanada qabiilka, balse gadoodka ciidan ee socda ayaa la tuhmayaa inuu yahay mid siyaasadeysan oo lagu imtixaanayo dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah uga jawaabtay falkii bahalnimada ahaa ee askarta lagu laayey, balse ciidanka qaranka inay ka amar diidaan dowladda oo baneeyaan furimihii muhiimka ahaa ee cadowga ay ku hortaagnaayeen ayaa noqotay wax lala yaabo oo shaki badan uu hareeyey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo arrimaha gadoodka dartood uga baxay Muqdisho ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Ceeldheer, halka Taliyaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ay ku sugan yihiin gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagii uu ka dhacay falkii lagu laayey askarta, waxayna hogaaminayaan howlgalka lagu soo qabanayo dambiilayaasha.

Daawo: DF oo shaacisay guul taariikhi ah oo deyn cafintii ay ka dhaxashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka.

Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah.

Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka uu maro dal kasta markii deymaha caalamku ku leeyahay oo uu iska bixi waayey laga cafiyo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 37-aad eel aga cafiyey deyn caalami ah.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in dadaalka ay Soomaaliya u gashay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee caalamku siiyo ay sidooda u sii socdaan ay qaadatay muddo 8 bilood ah.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan dooneyn inay culeys kale oo caalami ah aysan ku celi doonin dalka.

Hoos ka daawo faahfaahinta wasiirka

DF oo ku dhowaaqday in dalku galay xaalad adag – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in dalka uu galay xaalad adag, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SODMA ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah.

3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA.

Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayuu sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof.

Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto.

Ugu dambeyntiina wuxuu guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

Cirro oo golihiisa ku cadaadinaya wax ka qabashada arrimihii uu ku eedeyn jiray BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa wasiirradiisa faray in ay wax ka qabtaan daldalooladii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in howsha ugu horreysa in ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca maamulka, maaliyadda iyo adkeynta amniga oo ah meelaha ugu badan ee laga eegayo xukuumaddiisa.

Sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in wasiirradiisa ay si hufan shaqada ula wadaan, islamarkaana kala shaqeeyaan ka gudubka culeyska kahor imaan kara si aanay loo helin fursado lagu dhaliili karo sida uu horay u sameyn jiray oo kale.

“Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.”

Cirro ayaa tilmaamay in maalintii xilka loo dhaariyay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa, isagoo faray golihiisa in ay ka dheeraadaan arrimahaas.

Bulshada reer Somaliland ayaa indhaha ku haya waxqabadka boqolka maalmood ugu horreeya xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, xilli ay Somaliland wajaheyso xaalado dhowr ah oo isbiirsaday.

Galka shidaal baarista Soomaaliya oo maanta la wareejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Daahir Shire Maxamed iyo wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Daahir Shire ayaa sidoo kale wuxuu la wareegay galka shidaal baarista Soomaaliya oo haatan maraya marxalad wanaagsan, xilli qeybo kamid ah dalka si rasmi ah looga bilaabay sahminta, kadib markii ay Soomaaliya u fasaxday shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo kamid ah baddeeda.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabada xil-wareejinta ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kal wuxuu xusay in wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore ee wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle, sida uu sheegay.

Qorshaha kala dirista kooxdii xukunka ka tuurtay Bashar Al-Asad iyo waxa xigga

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya ayaa markii u horreysay sheegay in muddo afar sano ah ay qaadan karto xilliga la qaban doono doorasho ka dhacdo Suuriya.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan sidi loo kala diri lahaa kooxdiisa islaamiga ah ee hogaaminaysay kacdoonka dalkaasi ee xakunka looga tuuray dowladdii taliskii Bashar Al Asad ee muddada dheer dalkaasi xakumayay.

Ahmad al-Sharaa oo hoggaamiya Jabhadda Xayat Taxrir Al Sham oo ah kooxda majaraha u heysa dhaq dhaqaaqyada hadda la wareegay awoodda Suuriya, ayaa hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka laga leeyahay Sacuudiga ee Al Carabiya.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo ay xakunka hayaan, ka gadaal marki ay sidi biriqdi oo kale gobollada dalka oo dhan uga xureeyeen dhammaan ciidanki dowladdii waqtiga dheereyd ee reer Asad, taas oo Suuriya xakumay muddo ka badan 50 sano.

Kacdoonkaasi ayaa soo billowday sannadkii 2011-ki, waxaana ku dhintay tobnaan kun, halka malaayiin kale ay qaxeen ama barakacaeen.

Axmed Al Sharca wuxuu sheegay in ay waqti qaadan doonto doorasho xor ah, iyadoo oo loo baahan yahay buu yiri ciidamo kala duwan, wadahadallo siyaasadeed iyo in dib loo qoro dastuurka Suuriya. Wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha dalka ay aad u liitaan loona baahanyahay dib u dhis cusub loo lagu sameeyo Suurya.

DF Soomaaliya oo digniin kama dambeys u dirtay shaqsiyaad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka.

Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

“Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeenna walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, shacabka Soomaaliyeed.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay uga mahad-celisy warbaahinta iyo isticmaalayasha baraha bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyntiina, hay’adaha qaranka ee sharci fulinta ah oo ay ugu horeeyaan booliska iyo xeer ilaalinta ayey sheegeen iny heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.

Daawo: R/W Xamza oo war culus kasoo saaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, loona dilay aano qabiil darteed.

Xamza oo si adag uga hadlay falkaasi ayaa ayaan darro ku tilmaamay, isaga oo xusaynin dadka gaystay ay yihiin dad qalato aan arxan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi oo dhaliya caro aad u xooggan.

Dowladda Dhexe iyo HirShabele oo iskaashanyo ayaa haatan wada dadaallo lagu soo qabanyo dambiilayaasha, iyada oo guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaal loo soo xiray dhacdadaasi, kuwaas maalin kahor diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Rag hubeysan iyo alaab ay wadeen oo lagu qabtay MUQDISHO + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo waday Maan-dooriye.

Ragga lasoo qabtay oo 4 ka kooban ayaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Heliwaaa, halkaas oo lagu xiray, sida lag sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Sida lagu sheegay warka Booliska raggan oo hubeysanaa ayaa waday ku dhowaad 10 loor oo Xashiish ah, isla markaana loo soo ekeysiiyay dhuxul.

“Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan”.

Horay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ayaa digniino culus uga soo saaray ka ganacsiga maan-dooriyaha iyo goobaha lagu isticmaalo ee caasimada.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa marar badan sidaan oo kale howlgallo ugu soo qab-qabtay shaqsiyaad waday maan-dooriye kuwaas oo ugu dambeyn la horgeeyay maxkamad.

Ciidamada DF oo burburiyay xaafad ku taalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xaafadda Buulo Weekiyo oo ku dhow dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku jarmaadeen dhulkan oo dan-guud ah, waxaana xigtay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Burburinta saaka laga sameeyay gudaha ddegmada Xamarjajab ayaa daba socotay digniin la siiyay shacabka degan dhulkaasi, balse ay ka dhego adeegeen amarka dowladda, waxaana ku xigtay burburinta iyo ciidamo loo soo diro xaafaddaasi.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dowladda ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa dhanka kale qaba fikir ka duwan midkaasi, waxayna ku eedeeyeen dowladda inay iibineyso dhulalka ay la wareegeyso, isla markaana ay helayaan ganacsato.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaafadda Buulo Weekiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Kaluunka Dab-damiska, xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla caasimada, kuwaas oo ahaa dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Badda oo loo heysto musuq iyo tallaabo degdeg ah oo laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa musuq maasuq ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin.

Jeneraal Odowaa ayaa soo saaray dikreeto uu ku reysteeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee xoogga dalka, waxaana ku bilowday baaritaan ka dhan ah musuqa lagu eedeeyey.

“Laga bilaabo maanta, S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan Maalin, wuxuu reysto ku yahay gurigiisa, ilaa inta laga dhameynayo baaritaanka ku bilaabanaya kiiskiisa,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga oo Caasimada Online ay heshay.

Taliye Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaankaan uu wada saameynayo Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana jira tuhun musuq maasuq oo sababtay in la reysteeyo Taliyaha.

“Sababta reystadaan u uku muteystay waa musuqmaasuq, waxaana shaqada Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka sii wadaya G/Dhexe Cabdiwaaxid Cali Afrax,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa. Yuusuf.

Warqada lagu reysteeyey Taliyaha oo Caasimada Online ay heshay waxaa lagu socodsiiyey labo xafiis oo kala ah, Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha iyo Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la amray inay ka gudtaan waajibkooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa ayaa la sheegay inay soo gaareen dacwado badan oo uga yimid Taliska Ciidanka Badda, taas oo sababtay in ugu dambeyn uu reysto ku dhufto taliyihii ugu sareeyey taliskaas, kadibna amro in lagu sameeyo baaritaan musuq maasuq.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo sameeyey hoggaan gaar ah oo dabagalka qaabilsan, kaasi oo baara musuqa, basaaska iyo wax kasta oo ka baxsan shaqada qaranka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay u dhaarteen.

Qorshaha France ee Geeska Afrika iyo doorka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu si weyn hoos ugu dhacay saameynta Faransiiska ee Qaaradda Afrika, iyadoo Faransiisku lumiyay awooddiisa dalal badan oo ku yaalla Geeska iyo galbeedka Afrika, Paris ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd saameyntii hore iyo sidii ay u ilaalin lahayd waxa ay ka haysato.

Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah khubarada iyo dabagalayaasha xaaladaha siyaasadeed ee Afrika, hadalladii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hawlgallada ciidamada Faransiiska ee qaaradda ayaa kiciyay su’aalo iyo sharaxaadyo badan oo ku saabsan qorshayaasha Paris ee soo celinta saameyntii ay lumisay ee Afrika.

Hoos u dhaca saameynta Faransiiska ee Afrika

Kadib guul darradii weynayd ee Faransiiska, iyadoo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd dalalka Saaxil (Mali, Niger, iyo Burkina Faso) iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, Faransiiska ayaa dhawaan ka mid noqday dalalka kale ee aan ka jirin saameyn xoog leh, sida Chad iyo Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqay dhammaadkii Noofambar ee 2023 inay joojiyeen joogitaanka milatariga Faransiiska iyo heshiisyadii iskaashiga difaaca ee jiray.

Tallaabooyinkaas ayaa ku waajibiyay ciidamada Faransiiska inay ka baxaan dalalkaas.

Qorshaha Soo Celinta Saameynta Faransiiska ee Afrika

Sida uu sheegay Maxamed Cali Gabaani, khabiir ku xeeldheer arrimaha Afrika, hadalladii uu sheegay Macron iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Faransiiska ee qaaradda waxay muujinayaan qorshe cad oo Faransiisku uu doonayo inuu ku soo celiyo saameyntiisa, gaar ahaan laga bilaabo xeebaha Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyadoo la tixgelinayo kororka saameynta Turkiye ee gobolka.

Faransiisku wuxuu u arkaa Jabuuti inay tahay “xisaabtiisa xoogga ugu weyn” ee Afrika, sidaas darteed waxay noqon doontaa saldhigga ciidamada Faransiiska ee ka hawlgelaya dalalka deriska ah, si ay ugu soo celiyaan awoodda badda Cas.

Jabuuti: Xarunta Guud ee Faransiiska

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

Faransiisku wuxuu sidoo kale heshiis cusub la galay Jabuuti oo lagu kordhinayo iskaashiga milatariga ee 10 sano kale, iyadoo la kordhinayo awoodda ciidan ee Faransiisku ku leeyihiin Jabuuti, si ay u noqoto xarunta laga bilaabo hawlgallada milatariga Faransiiska ee gobolka.

Faransiisku wuxuu ku raacsan yahay inay Jabuuti noqon doonto xarunta ugu muhiimsan ee ka hawlgelaysa dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.

Faransiisku wuxuu ku lug leeyahay xaaladaha gudaha ee Afrika

Intaas waxaa dheer, Faransiisku wuxuu si qarsoodi ah uga shaqeynayaa kordhinta saameyntiisa gudaha dalalka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, halkaas oo uu si cad uga taageerayo mucaaradka dalka iyo sidoo kale in la abuuro xaalad khilaaf, si loo saameeyo siyaasadda gudaha ee dalalkaas.

Faransiisku wuxuu qorsheynayaa inuu ka faa’ideysto mucaaradka gudaha iyo xaaladaha siyaasadeed, si uu dib ugu soo celiyo saameyntiisa.

Turkiye iyo Saameynta Korortay ee Geeska Afrika

Dhinaca kale, saameynta Turkiga ee Geeska Afrika iyo badda Cas ayaa noqotay caqabad weyn oo ku wajahan Faransiiska.

Dalalka ugu muhiimsan Geeska, sida Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku jira saameyn xooggan oo ka timaadda Turkiye, waxaana jira iskaashi milatari iyo heshiisyo ganacsi oo labadaas dal uu Turkigu la galay.

Tani waxay Faransiisku u arkaan inay tahay khatar weyn, maadaama Soomaaliya ay tahay meel muhiim ah oo ay Faransiisku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan.

Macron iyo Itoobiya

Macron wuxuu sidoo kale muujiyey taageeradiisa Itoobiya ee codsigeeda ah inay heli karto marin badeed oo loo aqoonsado inuu yahay “dalab sax ah,” isagoo sidoo kale ballan-qaaday taageero dhaqaale iyo iskaashi milatariga oo dheeri ah.

Sudan iyo Xiisadda Gobolka

Dalka Sudan ayaa sidoo kale ku jira siyaasadda Faransiiska, iyadoo la sheegay in Faransiisku uu si qarsoodi ah ugu taageero kooxaha qaarkood sida “Difaaca Xoogga” ee ay taageerto.

Iskaashigaan ayaa noqon kara qayb ka mid ah dadaalka Faransiiska ee loogu talagalay inuu ka faa’ideysto xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Gabagabadii, dhaq-dhaqaaqyada Faransiiska ee Afrika iyo kororka saameynta dalalka kale sida Turkiga waxay keeni kartaa khilaaf iyo khalalaase waaweyn oo saameyn ku yeelan doona nabadda gobolka.

W/Q: Maxamed Saadig oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

71 qof oo ku dhintay dalka ITOOBIYA, kadib markii…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya, tobnaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa caafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.

Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.

Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.

Madaxa Dowladda Hoose ee Deegaanka Musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo Mate Mengesha ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd markii dhibaatadu ku dhacday Dadka la socday Gaariga Xamuulka ah ee shilkaas galay.

Itoobiya oo dhul buuraley u badan waxaa kusii kordhay shilalka Gaadiidka rogmanaya iyo kuwa ka baxaya Waddooyinka, Sababta ugu weyn ee la aaminsan yahay waa in Wadayaasha kaxeeya Gaadiidka ay cabaan walxaha maanka-dooriya.

Fiqi iyo Jaamac oo ka hadlay go’aanka ay Burundi uga hartay howlgalka AUSSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM.

Dowladda Burundi ayaa ka carootay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,000 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay dalabka Burundi ay uga hareyso howlgalka cusub.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa muujiyay sida ay dawladda Soomaaliya uga mahadcelinayso ciidamada Burundi ee ka soo qeyb qaatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, naf-hurnimadii, taageeradii, soo nooleyntii amniga Soomaaliya iyo la dagaallankii kooxaha argagixisada ah.

“Geesinimadooda Ciidamada Burundi waxay ku duugan tahay taariikhda, Soomaaliyana waligeed way uga mahadceli doontaa dhaxalkooda ka qeyb qaadashadii dowlad-dhiskeeda,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Wasiirka Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Jamhuuriyadda Burundi, isagoo yiri, “Inkastoo aan ka xunahay in la isku afgartay tirada aad saluugteen ee loo qoondeeyey doorka howlgalkaas ee Burundi, hadana waxaan ixtiraamaynaa go’aankaaga, waxaan ku qasbanahay in aan qirno ka qaybgalka aan BNDF ee AUSSOM.”

Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray “Anagoo taas ka duulayna, waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa xafiiskaaga Mudane Wasiir, inuu noo soo diro koox farsamo oo si habsami leh u bilaaba doorka ciidanka Burundi ee dhamaadka shaqada ATMIS iyo ku wareejinta amniga ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada Burundi uga mahadcelisay naf-hurnimadii iyo garab istaagii ay u muujiyeen, “Waligeen ma iloobi doono abaalka Burundi” ayey dheheen wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xog: Odowaa oo u safray Ceeldheer iyo gadood ciidan oo ka jira furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa u hoyday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida saaraakiil ka tirsan Taliska Xoogga ay Caasimada Online u sheegeen waxaa taliyaha u bilowday safar uu ku marayo degmooyinka ay yaallaan difaacyada ugu dambeeya uga jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safarka Taliye Odowaa Yuusuf ayaa ku soo aadaya xilli maanta ilaa shalay ay meelo kala duwan ka soo yeereen warar sheegaya inay furimaha dagaalka isaga baxeen ciidamo ka gadooday dil wadareedkii askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay maleeshiyaad hubeysan qaab qabiil ugu geysteen deegaanka Ceelbaraf ee Sh/Dhexe.

Taliyaha ciidamada Gorgor ee degmada Xarardheere Cali Cagey ayaa maanta beeniyey in ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen furimaha dagaalka ee degmadaas, isagoo sheegay in marnaba aysan jebi doonin amarka dowladda iyo difaaca qaranka oo ay u dhaarteen.

Sidoo kale dowladda ayaa xalisay ciidankii shalay gadooday ee ka soo baxay furimaha deegaanka Xawaadley ee galbeedka degmada Balcad, kuwaas oo ka carooday in saaxiibadood kala tirsanaa ciidanka jidka loo galay oo aano qabiil loo dilay.

Taliyaha xoogga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku maro fulimaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka, sidoo kale waxaa socota qiimeynta qaabka loo bilaabi karo howlgallo cusub oo dalka inta ay ka joogaan looga xoreynayo Khawaarijta.

In ciidanka xoogga dalka ay caroodaan oo qeylo dhaan cusub ay ka soo yeerto furimaha dagaalka waxaa sababtay dhacdadii naxdinta laheed ee maalmo ka hor maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dhaqaaqeen, kuwaas oo jidka u galay kadibna laayey 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Askarta la laayey ayaa ka baxday deegaanka Xawaadley, halkaas oo laga fasaxay si reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan ay u soo booqdaan, balse rag ka soo jeeda beesha Agoonyar ee Abgaal ayaa u galay jidka, gaar ahaan aagga deegaanka Ceelbafar, halkaas ayaa lagu laayey, waxaana loo dilay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle.

Arrintaan waxay noqotay mid aad looga murugooday, dalka oo dhan waxaa is qabsatay qeylo dhaan sababtay, in meelaha qaar ay ciidanku gadoodaan, Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii dib loo soo magacaabay u baxay furimaha, wuxuuna caawa ku hoyanayaa Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ay ka soo yeertay qeylo dhaanta gadoodka ciidanka xoogga ee ka damqaday wixii ka dhacay Ceelbaraf.

Xasan Sheekh oo kulan muhiim ah la qaatay madaxweyne Geelle + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Jabuuti soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM).

Waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.