26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Qorshaha France ee Geeska Afrika iyo doorka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu si weyn hoos ugu dhacay saameynta Faransiiska ee Qaaradda Afrika, iyadoo Faransiisku lumiyay awooddiisa dalal badan oo ku yaalla Geeska iyo galbeedka Afrika, Paris ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd saameyntii hore iyo sidii ay u ilaalin lahayd waxa ay ka haysato.

Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah khubarada iyo dabagalayaasha xaaladaha siyaasadeed ee Afrika, hadalladii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hawlgallada ciidamada Faransiiska ee qaaradda ayaa kiciyay su’aalo iyo sharaxaadyo badan oo ku saabsan qorshayaasha Paris ee soo celinta saameyntii ay lumisay ee Afrika.

Hoos u dhaca saameynta Faransiiska ee Afrika

Kadib guul darradii weynayd ee Faransiiska, iyadoo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd dalalka Saaxil (Mali, Niger, iyo Burkina Faso) iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, Faransiiska ayaa dhawaan ka mid noqday dalalka kale ee aan ka jirin saameyn xoog leh, sida Chad iyo Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqay dhammaadkii Noofambar ee 2023 inay joojiyeen joogitaanka milatariga Faransiiska iyo heshiisyadii iskaashiga difaaca ee jiray.

Tallaabooyinkaas ayaa ku waajibiyay ciidamada Faransiiska inay ka baxaan dalalkaas.

Qorshaha Soo Celinta Saameynta Faransiiska ee Afrika

Sida uu sheegay Maxamed Cali Gabaani, khabiir ku xeeldheer arrimaha Afrika, hadalladii uu sheegay Macron iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Faransiiska ee qaaradda waxay muujinayaan qorshe cad oo Faransiisku uu doonayo inuu ku soo celiyo saameyntiisa, gaar ahaan laga bilaabo xeebaha Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyadoo la tixgelinayo kororka saameynta Turkiye ee gobolka.

Faransiisku wuxuu u arkaa Jabuuti inay tahay “xisaabtiisa xoogga ugu weyn” ee Afrika, sidaas darteed waxay noqon doontaa saldhigga ciidamada Faransiiska ee ka hawlgelaya dalalka deriska ah, si ay ugu soo celiyaan awoodda badda Cas.

Jabuuti: Xarunta Guud ee Faransiiska

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

Faransiisku wuxuu sidoo kale heshiis cusub la galay Jabuuti oo lagu kordhinayo iskaashiga milatariga ee 10 sano kale, iyadoo la kordhinayo awoodda ciidan ee Faransiisku ku leeyihiin Jabuuti, si ay u noqoto xarunta laga bilaabo hawlgallada milatariga Faransiiska ee gobolka.

Faransiisku wuxuu ku raacsan yahay inay Jabuuti noqon doonto xarunta ugu muhiimsan ee ka hawlgelaysa dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.

Faransiisku wuxuu ku lug leeyahay xaaladaha gudaha ee Afrika

Intaas waxaa dheer, Faransiisku wuxuu si qarsoodi ah uga shaqeynayaa kordhinta saameyntiisa gudaha dalalka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, halkaas oo uu si cad uga taageerayo mucaaradka dalka iyo sidoo kale in la abuuro xaalad khilaaf, si loo saameeyo siyaasadda gudaha ee dalalkaas.

Faransiisku wuxuu qorsheynayaa inuu ka faa’ideysto mucaaradka gudaha iyo xaaladaha siyaasadeed, si uu dib ugu soo celiyo saameyntiisa.

Turkiye iyo Saameynta Korortay ee Geeska Afrika

Dhinaca kale, saameynta Turkiga ee Geeska Afrika iyo badda Cas ayaa noqotay caqabad weyn oo ku wajahan Faransiiska.

Dalalka ugu muhiimsan Geeska, sida Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku jira saameyn xooggan oo ka timaadda Turkiye, waxaana jira iskaashi milatari iyo heshiisyo ganacsi oo labadaas dal uu Turkigu la galay.

Tani waxay Faransiisku u arkaan inay tahay khatar weyn, maadaama Soomaaliya ay tahay meel muhiim ah oo ay Faransiisku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan.

Macron iyo Itoobiya

Macron wuxuu sidoo kale muujiyey taageeradiisa Itoobiya ee codsigeeda ah inay heli karto marin badeed oo loo aqoonsado inuu yahay “dalab sax ah,” isagoo sidoo kale ballan-qaaday taageero dhaqaale iyo iskaashi milatariga oo dheeri ah.

Sudan iyo Xiisadda Gobolka

Dalka Sudan ayaa sidoo kale ku jira siyaasadda Faransiiska, iyadoo la sheegay in Faransiisku uu si qarsoodi ah ugu taageero kooxaha qaarkood sida “Difaaca Xoogga” ee ay taageerto.

Iskaashigaan ayaa noqon kara qayb ka mid ah dadaalka Faransiiska ee loogu talagalay inuu ka faa’ideysto xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Gabagabadii, dhaq-dhaqaaqyada Faransiiska ee Afrika iyo kororka saameynta dalalka kale sida Turkiga waxay keeni kartaa khilaaf iyo khalalaase waaweyn oo saameyn ku yeelan doona nabadda gobolka.

W/Q: Maxamed Saadig oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

71 qof oo ku dhintay dalka ITOOBIYA, kadib markii…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya, tobnaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa caafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.

Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.

Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.

Madaxa Dowladda Hoose ee Deegaanka Musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo Mate Mengesha ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd markii dhibaatadu ku dhacday Dadka la socday Gaariga Xamuulka ah ee shilkaas galay.

Itoobiya oo dhul buuraley u badan waxaa kusii kordhay shilalka Gaadiidka rogmanaya iyo kuwa ka baxaya Waddooyinka, Sababta ugu weyn ee la aaminsan yahay waa in Wadayaasha kaxeeya Gaadiidka ay cabaan walxaha maanka-dooriya.

Fiqi iyo Jaamac oo ka hadlay go’aanka ay Burundi uga hartay howlgalka AUSSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM.

Dowladda Burundi ayaa ka carootay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,000 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay dalabka Burundi ay uga hareyso howlgalka cusub.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa muujiyay sida ay dawladda Soomaaliya uga mahadcelinayso ciidamada Burundi ee ka soo qeyb qaatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, naf-hurnimadii, taageeradii, soo nooleyntii amniga Soomaaliya iyo la dagaallankii kooxaha argagixisada ah.

“Geesinimadooda Ciidamada Burundi waxay ku duugan tahay taariikhda, Soomaaliyana waligeed way uga mahadceli doontaa dhaxalkooda ka qeyb qaadashadii dowlad-dhiskeeda,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Wasiirka Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Jamhuuriyadda Burundi, isagoo yiri, “Inkastoo aan ka xunahay in la isku afgartay tirada aad saluugteen ee loo qoondeeyey doorka howlgalkaas ee Burundi, hadana waxaan ixtiraamaynaa go’aankaaga, waxaan ku qasbanahay in aan qirno ka qaybgalka aan BNDF ee AUSSOM.”

Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray “Anagoo taas ka duulayna, waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa xafiiskaaga Mudane Wasiir, inuu noo soo diro koox farsamo oo si habsami leh u bilaaba doorka ciidanka Burundi ee dhamaadka shaqada ATMIS iyo ku wareejinta amniga ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada Burundi uga mahadcelisay naf-hurnimadii iyo garab istaagii ay u muujiyeen, “Waligeen ma iloobi doono abaalka Burundi” ayey dheheen wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xog: Odowaa oo u safray Ceeldheer iyo gadood ciidan oo ka jira furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa u hoyday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida saaraakiil ka tirsan Taliska Xoogga ay Caasimada Online u sheegeen waxaa taliyaha u bilowday safar uu ku marayo degmooyinka ay yaallaan difaacyada ugu dambeeya uga jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safarka Taliye Odowaa Yuusuf ayaa ku soo aadaya xilli maanta ilaa shalay ay meelo kala duwan ka soo yeereen warar sheegaya inay furimaha dagaalka isaga baxeen ciidamo ka gadooday dil wadareedkii askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay maleeshiyaad hubeysan qaab qabiil ugu geysteen deegaanka Ceelbaraf ee Sh/Dhexe.

Taliyaha ciidamada Gorgor ee degmada Xarardheere Cali Cagey ayaa maanta beeniyey in ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen furimaha dagaalka ee degmadaas, isagoo sheegay in marnaba aysan jebi doonin amarka dowladda iyo difaaca qaranka oo ay u dhaarteen.

Sidoo kale dowladda ayaa xalisay ciidankii shalay gadooday ee ka soo baxay furimaha deegaanka Xawaadley ee galbeedka degmada Balcad, kuwaas oo ka carooday in saaxiibadood kala tirsanaa ciidanka jidka loo galay oo aano qabiil loo dilay.

Taliyaha xoogga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku maro fulimaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka, sidoo kale waxaa socota qiimeynta qaabka loo bilaabi karo howlgallo cusub oo dalka inta ay ka joogaan looga xoreynayo Khawaarijta.

In ciidanka xoogga dalka ay caroodaan oo qeylo dhaan cusub ay ka soo yeerto furimaha dagaalka waxaa sababtay dhacdadii naxdinta laheed ee maalmo ka hor maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dhaqaaqeen, kuwaas oo jidka u galay kadibna laayey 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Askarta la laayey ayaa ka baxday deegaanka Xawaadley, halkaas oo laga fasaxay si reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan ay u soo booqdaan, balse rag ka soo jeeda beesha Agoonyar ee Abgaal ayaa u galay jidka, gaar ahaan aagga deegaanka Ceelbafar, halkaas ayaa lagu laayey, waxaana loo dilay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle.

Arrintaan waxay noqotay mid aad looga murugooday, dalka oo dhan waxaa is qabsatay qeylo dhaan sababtay, in meelaha qaar ay ciidanku gadoodaan, Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii dib loo soo magacaabay u baxay furimaha, wuxuuna caawa ku hoyanayaa Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ay ka soo yeertay qeylo dhaanta gadoodka ciidanka xoogga ee ka damqaday wixii ka dhacay Ceelbaraf.

Xasan Sheekh oo kulan muhiim ah la qaatay madaxweyne Geelle + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Jabuuti soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM).

Waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Muxuu Saalax maanta kusoo arkay mid kamid ah wasaaradaha DF oo u tegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Ujeedka kormeerkan ayaa lagu sheegay u kuurgalida hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku guda jiray Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa.

Ra’iisul wasaare ku-igeenka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo qorshaha isbeddelka qaran (NTP), kaas oo ahmiyad ballaaran siinaya isku tashiga dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in qorshaha isbeddelka qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa in ay sii xoojiyaan dadaalladooda.

Tan ayaa dhabaha u xaareysa si loo xaqiijiyo himilooyinka qorshaha isbeddelka qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Puntland oo qaadeysa tallaabo culus kadib arrin halis ah oo soo korortay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay inuu bilaabanayo howl-gal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda maamulkaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii uu maamulka Puntland soo bandhigay hub iyo ciidan uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan oo sanooyinkii h dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland.

“In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen,” ayuu yiri wasiir Dirir oo la hadlay BBC-da.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Puntland waxay go’aansatay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo ah dhul qorfa ah oo adag oo boqolala kilo mitir dheerarkoodu dhan yahay inay soo afjarto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaariyeen ciidamo gooni ab oo ay u qorsheeyeen howl-galkan cusub, isagoo caddeeyay in maamulka uu fursad siinayo xubnaha kooxda ee doonaya in ay isaga baxaan kahor inta uusan bilaaban dagaalka.

“Howlgalka waa uu bilaabmay oo ciidamadii waa la geeyay meeshii ay ka gaari lahaayeen oo nimanku ay ku dhuumanayeen oo buuraha ahaa waa la geeyay, waad maqlaysay in ciidamadii iyo saraakiishii ay isa soo taageen iyaga oo diyaarsan howlgalkaasi daqiiqad kasta wuu bilaaban karaa” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaas kusii daray wasiir Ceydiid “Waxaan jeclan lahayn inay isa soo dhiibaan dhaqan-celin ayaa loo sameynayaa gurigii iyo meeshii uu ka yimid ayaa loo celin doonaa.”

Ugu dambayntiina wuxuu caalamka ugu baaqay ka qeyb qaadashada howl-galkan oo uu sheegay in muddo diyaarineysay, ayna ku dooneyso in kooxda ku cirib-tirto, si meesha looga saaro khatarteeda.

“Dadka reer Puntland iyaga iyo dowladooda isku tashaday, saaxiibada caalamka ah, dagaalkani waa dagaal caalami ah. Argagixiso weeye. In uu aduunku ka qeyb qaato waan ugu baaqeynaa uma saaxiibo la’in.”

CC Shakuur oo shaaciyay tallaabo loo baahan yahay kadib dhacdadii Ceel Baraf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf oo lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Warsame ayaa marka hore cambaareeyay falkaasi, isaga oo tacsi u diray ehellada askarta lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay muujineyso in loo baahan yaay in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah, sidoo kalena soo bandhigtay sida ay ciidamada ugu nugul yihiin saamaynta taban ee ka dhalaya colaadaha sokeeye.

“Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;-

Waxaan cambaaraynayaa falka lagu laayey askartii ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhacay degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelka askarta la laayey, waxaana Alle uga baryayaa in uu naxariistiisii jano siiyo.

Waa fal argagax leh oo ka baxsan dhammaan xeerarka dowladnimada. Si loo xakameeyo dhacdadaan waa in muggeeda lagu wajaho, jidka ay mudan yihiinna la marsiiyo kuwii ka danbeeyey fal danbiyeedka.

Waxaa ayaan darro wayn ah in ciidankii ku jiray jiidda hore ee dagaalka, horfadhiyayna cadowga, halkii uu ka heli lahaa dadka degaanka garab iyo gaashaan ay kala kulmeen cadowtooyo iyo dhabarjebin.

Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta.

Dib u heshiinta iyo xasilloonida siyaasadda waa udub dhexaadka dowlad dhiska iyo dhammaynta colaadaha dalka ka tagaan, waana kan uu hoggaanka dalka ku guuldaraystay in uu mudnaanta koowaad siiyo. Haddii aan siyaasadda heshiis laga ahayn,  waxaan suuroobi karin in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha kale

Daawo: Wasiir Fartaag oo amar siiyay ciidanka DF ee ku sugan GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo weli ku sugan degmada Garbahaarey ayaa dhaq-dhaqaaqyo ku aadan hirgelinta dorashaha Villaha Soomaaliya ka wada gobolka Gedo.

Fartaag oo maanta booqasho ku tegay taliska ciidanka booliska degmada Garbahaarey ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, wuxuuna sheegay in doorashooyin qof cod ah dalka uu aaday, gobolka Gedo-na uu qayb ka yahay.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinkaasi ay ka dhici doonaan illaa lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo laba degmo oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaad nasiib u hesheen haddii aad tihiin gobolka Gedo, ama Jubbaland dhulka la yiraahdo in 8 degmo ay nooga soo hagaagtay in loo asteeyo deegaan doorashada, waxaa weeye magaalada Kismaayo, magaalada Afmadow iyo lix degmo oo Gedo ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay ciidamada uu la hadlay iyo guud ahaan kuwa dowladda ee ku sugan Gedo, isaga oo faray inay u diyaar garoobaan sugidda amniga doorashooyinkaasi.

“Cidda doorashada fulineysa oo amnigeeda qaadeyso waa ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyaga oo kaalmeysanayo ciidamada kale ee qalabka sida, waaa inaad u diyaar garowdaan qaybta aad ku leedihiin ee idin kaaga soo aaday doorashadaas ay Soomaaliya u guurtay” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Ugu damebyn wasiir Fartaag ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka iyo shacabka, isaga oo ku amaanay inay qaateen fikirka dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan Gedo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhowaan ku dagaalamay degmada Doolow ee gobolkaasi.

Falagle: Ceel Baraf waxaa kasoo jeeda Shariif oo la ogahay cadaawadda uu u hayo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Galmudug,  Mudane Axmed Shire Falagle ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe iyo dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horreyn Falagle oo soo hadal qaaday askartii lagu laayay Ceel Baraf ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado, wuxuuna intaasi ku daray in colaadahan sokeeye la abaabulayo.

Wasiir hore Axmed Shire Falagle ayaa ku hadal qabsaday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif oo kasoo jeeda Ceel Baraf, wuxuuna sheegay in Shariifka uu kamid yahay xubnaha siyaasiyiinta ah ee sida wayn u diidan habka ay wax u wado dowladda.

“Ceel Baraf waxaa daga madaxweyne Sheekh Shariif oo aad ogtahay cadaawadda uu hayo dowladda federaalka oo aad isugu dayo isaga iyo kooxdiisa inay farageliyaan Xamar nabad-gelyadeeda” ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu  siiyay Idaacadda Rirsaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xittaa haddii uusan lug lahayn wixii ka dhacay tuuladaas waa saameyneysaa, maadaama ay degtso jufadiisa hoose”.

Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaallada kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada dhexe ay hurinayaan dad siyaasiyiin ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga dhex faa’iidestaan.

“Hurinta dagaal beeleedyadan waa siyaasad is haysato iyo cadowga Khawaarijta waana mid weelba ka jirto” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta maamul goboleedka Galmudug.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda colaado sokeeye oo ka qarxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka, kuwaas oo saameyn toos ah mid togan ku yeeshay dadka shacabka ah.

Laba kamid ah raggii askarta ku laayey Sh/Dhexe oo gacanta lagu soo dhigay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo weli ka socda aagga deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii dhowaan laayay askartii dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa HirShabelle, isla-markaana natiijo wanaagsan laga gaaray, welina ay sii socdaan.

Maxamuud Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyey in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada laba kamid ah raggii dilka gaystay, isla markaana kuwa kale oo baxsad ah lagu raadjoogo.

“Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii qaranka oo lagu weeraray goob ay isku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay dagan tahay, balse la xiray guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaasha deegaanka, isla markaana loo haysto inay ka gaabiyeen waajibkii looga baahnaa, kadib mashaqadii ka dhacday halkaasi.

Waxaa kale oo uu guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe ku baaqay in laga war sugo natiijada baarista socota iyo dadaallada ay wadaan, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe.

“Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax ka qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaan u caddeynayaa in falkaas uu yahay mid aan ka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hadda qaar gacanta lagu haayo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Xogta saraakiil Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay Sh/Hoose + Magacyada

0

Sablaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday meel u dhow Sabalaale, gaar ahaan aagga deegaanka Haawaay ayaa lagu garaacay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xubnaha la dilay oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, waxaana kamid ah:-

1-Maxamad Maxamuud Saalax Abuu Najiib, 2-Huseen Maxamad Qaasim Abuu Faadil, 3-Maxamad Badhiir Abuu Yaxya, 4- ⁠Abuu Rashiid oo ka soo jeeda dalka Maroco, 5- ⁠Abuu Basiira oo isna ka soo jeeda dalka Yemen, 6-Kamaal Maxamad Cilmi oo ah ninka  xukumayay saraakiisha oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xunahan ay diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadibna la helay xogtooda oo sidaasi lagu duqeeyay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay hurinayeen dagaal beeleedyada dalka ka socda, iyaga tashkiilinaya maleeshiyaadka hubka isku haysta ee ku dagaalamaya meelo kala duwan oo kamid ah dalka.

Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ka dhacday aagga degmada Kuunyo Barrow oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo u qaabilsanaa gobollada.

Awoodda aadan ogeyn ee uu heshiiska Ankara leeyahay

0

Ankara (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ah masuulkii ugu dambeeyay oo ka hadla heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna qoraal ku sheegay in heshiiska uu cago adag ku taaganyahay.

Heshiiskan ma ahan mid caadi ah, lamana mid ahan dhammaan heshiisyadii dowliga ahaa ee Soomaaliya la gashay dalalka dunida. Waxaaba lagu doodi karaa in uu yahay mid dalka ka badbaadiyay halistii ugu cuslayd ee dhowaanahan soo marta qaranimadeena. Heshiiskan kaliya muusan quseynin is fahamsii Somaliland, ee wuxuu ka hortagayaa isku dayga kasta oo Itoobiya ku damacdo in ay ugu soo xadgudubto qeybo ka mid ah dalka.

Maalin ka hor heshiiska, xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa taleefoon kula hadlay Raisulwasaare Abiy Axmed, kuna cadaadiyay in uu Ankara aado, saxiixana heshiiska ay Turkida soo bandhigeen.

Tani waxa ay ka dhigantahay in heshiiska uu haysto damaanad qaadka dowladdo awood u leh korjoogtaynta fulintiisa. Waxaa sidoo kale heshiiska aad usoo dhoweeyay dalal badan oo ka mid ah kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya.

Balse heshiiskan wuxuu yeelan karaa caqabadihiisa, waase kuwa la maareyn karo. Tusaale Masaarida, Jabuuti iyo Eritrea oo shuruud la’aan isku barbar taagay Soomaaliya markii Itoobiya qamaamka ahayd ayaa u arki kara heshiiskan in uu halis ku yahay.

Waxayse ku xirantahay damaanad-qaadka madaxda iyo diblumaasiyiinta Soomaalida siiyaan dalalkan saaxiibada ah.

Waxaa iyana jira qurbajoog saamayn xooggan ku leh baraha bulshada oo heshiiskan ku eeggaya indho guracan, iyaga oo dabcan u arka fursad ay ku weeraraan madaxda dowladda oo ay ku kala aragti duwanyihiin arrimaha gudaha. Sidaas oo ay tahay, qurbajoogto waa awood aanan la dhaliishan karin marka ay timaado difaaca dalka ee fagaarayaasha caalamka, waxaana loo baahanyahay in si dhow loola macaamilo codadka miyirka qaba.

Hadalkii dhowaan uu qorey wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi ee ahaa in arrimaha Itoobiya la xiriira ay u dhacayaan si daahfurnaan ah, waa hadal dhiirogalin leh, muujinaya in ay jirto baraarugsanaan culus ee xagga dareenka shacabka.

Waxaase xusid mudan in si kasta oo arrimaha loo hagaajiyo, loona soxo ay markasta jirayaan dad aanan la qancin karin oo noloshooda dhan ay ku tiirsantahay dhaliil iyo dhaleeceyn illaa iyaga ay helayaan waxa ay ka doonayaan dowladda si shaqsi ah.

W/Q: Cabdinassir Axmed Sheekh Bashiir

Burundi oo ka hartay howl-galka cusub ee Somalia iyo Itoobiya oo wada qorshe halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ay ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib “markii ay ku qanciwaysay tirada ciidanka loo qoondeeyay”.

Dowladda Burundi ayaa go’aankeeda ku wargalisay Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika oo hadda ay ku fadhiso dowladda Jabuuti.

Sidoo kale Burundi ayaa dalbatay in howlgalka cusub loogu daro 2,000 oo askari, halka Soomaaliya ay sheegtay in ay u qoondaysay 1,000 askari.

Dowladda Burundi ayaa horay u shaacisay in tiradaas kooban ay khatar gelin karto ciidankeeda, maadaama aysan iska difaaci karin cadow badan.

Dhinaca kale, ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Itoobiya ay isku dayayso in ay ku qanciso wadamada ciidanka u soo diraya Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalka.

Itoobiya ayaa dooneysa inay ‘culays amni’ saarto dowladda Soomaaliya, si caalamka looga gado in Soomaaliya ku socoto wadadii Afganistaan, isla markaana aan laga maarmin in ciidamada Itoobiya ay wadankanka ka difaacaan Al-Shabaab.

Qorshaha cusub ee Itoobiya weli ma guuleysan, balse Dowladda Soomaaliya ayaa horay baaraan degtay shirqoolkaas, waxaana u diyaarsan ciidamo kale, hadii ay wadamada la qorsheeyey in ciidankaas ay ka yimaadaan ay isku dayaan inay la saftaan Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Eritrea iyo Masar ku wargalisay in ay heegan galiyaan ciidamo ka howlgala Soomaaliya, hadii loo baahdo ciidan buuxin kara saldhigyada ay baneyaan ciidamada Midowga Afrika.

124 QOF oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay…

Seoul (Caasimada Online) – Diyaarad siday 181 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana ku dhintay ugu yaraan 124 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska ee dalkaasi.

Wakaalada wararka ee Yonhap ayaa sheegtay in diyaarada ay ka soo kacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan waxayna ku dhacday darbiga garoonka diyaaradaha ee Muan International Airport ee ku yaala koofur galbeed ee dalkaasi.

Diyaarada Jeju Air oo siday 175 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxayna burburtay xili ay soo caga dhigatay saacadu markay ahayd 09:00 subaxnimo xiliga gudaha dalka Thailand.

Ilaa iyo hadda labo qof ayaa nolol lagu helay, waxaana weli socda howlaha samata bixinta, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan dab damiska.

Rakaabkii la socday diyaaradda ayaa waxaa ku jiray 173 u dhashay Kuuriyada Koonfureed iyo laba Thailand u dhashay, sida ay sheegay Yonhap.

Dadka la xaqiijiyay in ay dhinteen ayaa waxaa ku jira 37 dumar ah iyo 25 rag ah.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay burburka diyaaradda, balse warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in laga yaabo in ay ka dhalatay shimbiro ku dhacay nidaamka diyaaradda.

Daawo: BF oo qaaday tallaabo la xiriirta askartii lagu laayay SH/DHEXE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtada Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay dagaallada sokoeeye ee dalka kasoo cusboonaaday.

Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa cambaareeyay falkii lagu laayay askarta ee ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gobollo kala duwan oo dalka ku yaalla, kadib markii ay ka qarxeen colaado sokeeye.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday meelo kamid ah dalka ‘Waa arin aad looga xumaado walaalayaal hala joojiyo dagaalka”.” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa kale oo uu kusii daray Dagaalladan dad badan oo shacab ah ayaa lagu laayay xittaa ciidanka qaranka ayaa qaarkood lagu dilay, allaha u naxariisato inta dhimatay”.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Farmaajo oo ka hadlay dagaallada dalka ka socda iyo falkii lagu laayey Ciidanka Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa baaq ka soo saaray colaadaha ka jira dalka, isagoo farriin u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Farmaajo ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu aad uga murugooday askartii ciidanka xoogga dalka ee aanada qabiil loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Dadka Soomaaliyeed ee ehelka iyo xigtada isu ah ee sida xaq darrada ah ugu dagaallamaya deegaanno badan oo ka mid ah dhulkeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan colaaddaha macno darrada ah ee aan lahayn guul, geeri mooyee.

Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda heer Maamul waxaan xasuusinaynaa qiimaha ay leedahay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimo iyo midnimo, maadaama oo ay tusaale u yihiin shacabka, taas oo yaraynaysa dareenka qabyaaladda, eexda iyo colaadaha sokeeye.

Si gaar ah, waxaan uga muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey Hirshabeelle, arrinkaas oo khatar wayn ku ah jiritaanka Ciidamada Qalabka Sida oo aan lahayn hayb iyo qabiil ka hooseeya Soomaalinimo.

Culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta deegaannada colaaduhu ay ka jiraan, si dadka walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan.

Alle waxaan ka baryayaa in uu dalka iyo dadkeenna ku mannaysto nabad iyo barwaaqo.

Wabillaahi Tawfiiq.

Laftagareen oo isbeddal sameeyay kadib talaabo uu qaaday maanta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sameeyay isbeddal maamul, kadib tallaabo culus oo uu qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday guddoomiyeyaashii gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, iyada oo la magacaabay kuwa cusub.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Cali Wardheere Dooyow, halka Shabeelaha Hoose, mar kale lagu soo celiyay Ibraahim Aadan Najax.

Najax ayaa markiisii afaraad noqonayo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay ayaa isna xilkaas horay usoo qabtay.

Wareegtada ayaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub inay xilalkooda la wareegaan, kadibna ay dardargeliyaan mas’uuliyadda culus iyo waajibaadka loo igmaday.

Dhinaca kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Xafiiska Madaxtooyada ku qaabilay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Kaniif Abdulaahi Mohamed oo maanta gaaray Baydhabo.

Kulanka waxaa ku wehlinayay madaxweynaha  Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha Ilaalada Gaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo lagu lafa guray Arimaha Ciidanka iyo horumarka laga gaaray amniga magaalada Baydhabo.

Guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Odayaal oo diyaarad lagu keenay Muqdisho

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa usoo xir xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka.

Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday saaka ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.

“Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore).

Wararka ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada ay geli doonto kiiskan oo dhaliyay xasaasiyad wayn, maadaama lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Jabuuti + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay dalka Jabuuti, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad ka helay dhiigiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna joogi doonaa muddo hal cisho ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin uu maalmahan waday, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyay uu dhowaan ku tegay waddanka Eritrea.

Ujeedka ugu wayn ee safarkan ayaa daaran xaaladda ay wajaheyso Soomaaliya, sida arrinta Itoobiya iyo sidoo kale beddalka howlgalka ATMIS oo dhacayo sanadka cusub.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.