25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

TRUMP oo hal arrin ugu hanjabay Midowga Yurub – Maxay tahay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu hanjabay Midowga Yurub canshuuro, haddii ururka uusan dhimin farqiga “weyn” ee ganacsi ee kala dhaxeeya Washington oo aanu ka iibsan saliid iyo gaas.

“Waxaan u sheegay Midowga Yurub in ay waajib ku tahay in ay kabaan nuskhaanka baaxadda leh ee ganacsiga kala dhaxeeya Mareykanka, ayaga oo si ballaaran u iibsanaya saliiddeena iyo gaaskeena,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, saacadihii hore ee Jimcaha.

“Haddii kale, waa canshuur,” ayuu yiri.

Sida ku cad tirooyinka Mareykanka, badeecadaha laga keeno Midowga Yurub waxay ahaayeen $553.3 bilyan 2022-kii, halka badeecadaha loo dhoofiyo Midowga Yurub ay ahaayeen $350.8 bilyan.

Tani waxay ka dhigeysaa farqiga ganacsiga badeecadaha ee Mareykanka iyo Midowga Yurub $ 202.5 bilyan sanadkaas.

Trump, oo xafiiska la wareegaya bisha Janaayo, ayaa ku hanjabay canshuur dharbaaxo ah oo uu ku soo rogayo saaxiibada ganacsi ee Mareykanka – oo ay ku jiraan Canada, Mexico iyo Shiinaha – taas oo gilgili karta dhaqaalaha adduunka.

Isaga oo ku eedeeyay Canada iyo Mexico in ay ogolaadeen in Maraykanka lagu soo daadiyo daroogooyinka sharci darrada ah iyo muhaajiriinta aan sharciyeysnayn, waxa uu ku dhawaaqay 25 boqolkiiba canshuur ah oo la saaro badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka, halka uu sidoo kale wacad ku maray ugu yaraan 10 boqolkiiba oo ka dhan ah Shiinaha.

Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa ah saddex ka mid ah saaxiibada ganacsi ee ugu weyn e Mareykanka.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu soo gabagabeeyey heshiis ganacsi oo ballaaran oo uu lala galay afar waddan oo ku yaalla Koonfurta Ameerika – Argentina, Brazil, Paraguay iyo Uruguay – kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro aag ganacsi oo xor ah oo dhan 700 milyan.

VOA

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta qaabilay wafdi sare oo dhambaal ka siday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dalka Aljeeriya, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Wafdigan ayaa waxa hoggaaminayey Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Kamel Badari oo ay kulan gaar ah wada qaateen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhex-galka Qaaradda Afrika.

Caalamka ayaa hadda daneynaya Soomaaliya, maadaama ay tahay wadan qani ah oo dad furfuran ay ku nool yihiin, waxaana meesha ka sii baxeysa duruuftii lagu nici jiray Soomaaliya oo aheyd dowlad la’aanta.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa caalamka ka helaya casuumaad, sidoo kale farriimo iyo dhambaalo marxabo wata ayaa si joogto ah caalamka uga soo gaara madaxda Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinaya soo kabashada deg degga ah ee socota iyo sida ay dowladdu ugu adkeysaneyso sharuucda caalamiga ah.

Kheyraadka ceegaaga gudaha dalka oo hadda baaritaan lagu bilaabay, deyn cafinta, dib u habeynta maaliyadda dalka, kororka dakhliga dalka, ka soo kabashada dagaaladii sokeeye, maalgashiga iyo dalkaan dihan ee xogtiisu caalamka gaartay ayaa sababtay in aad loo daneeyo Soomaaliya.

Xog: Go’aanka Soomaaliya ee ciidamada Itoobiya kadib heshiiskii ka dhacay Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankeedii hore ee ahaa in Ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda ayaa amartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan ka hor 31-ka December, xilliggaasi oo uu ku egyahay muddo xileedka howlgalka ATMIS. Go’aankaas ayaa ka dhashay caradii ay Soomaaliya ay ka qaaday heshiiska Itoobiy iyo Soomaaliya.

Hase yeeshee, labada dal ayaa dhowaan gaaray heshiis lagu soo afjaray khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) ee Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii January, kaas oo soo jeediyay in dhul xeebeedka laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka dhigato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, taas beddelkeedna ay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.

Heshiiskii 11-kii December, oo uu fududeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadyada labada waddan ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo shuruucda caalamiga ah. 

Si kastaba, mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa laga soo xigtay in mar hore la qorsheeyey ciidamada ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM, sidaas darteedna, uusan jirin waqti ku filan oo hadda isbeddel loogu sameeyo.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa horay u ansixiyay AUSSOM, oo loo qorsheeyay in lagu beddelo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) laga bilaabo Janaayo 2025. 

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dowladda ku cadaadinaya ka qaybgalka Itoobiya ee hawlgalka cusub ee AU-da. Waxayna horey u qiimeeyeen in Itoobiya ay u badan tahay inay ku sii sugnaan doonto Soomaaliya. Balse arrintan ayey Soomaaliya sheegeysa in ay adag tahay. 

Soomaaliya ayaa horey Masar waxay bishii Agoosto 2024 la saxeexatay heshiis difaac. Masar ayaa qorshaynaysa inay ku dhowaad 10,000 askari oo Masaari ah ay geyso Soomaaliya, si ay u beddelaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga.

R/Wasaare Xamza, Aadan Madoobe iyo Asad Diyaano oo farriin cusub u direy…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u direy ciifanka booliska Soomaaliyeed.

Ugu horreyntii, Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hoggaannada kala duwan, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay yihiin hooyada dhammaan ciidanka qalabka sida ee dalkeennu leeyahay, sidaas awgeedna ay muhiimad gaara ah u leeyihiin Qaranka.

“Booliska waa halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, waxaaan ku bogaadinayaa sida ay har iyo habeen uga feejigan yihiin dhagarta Khawaariijtu la damacsan tahay shacabka Soonaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan saraakiisha, saraakiil xigeenadda, dableyda, alifleyda guud ahaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, xaasaskooda iyo caruurtooda la qeybsanayaa farxadda maalintooda oo kasoo wareegatay 81-sano ka dib markii la aas-aasay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu door muuqda oo firfircoon kaga jiro dowladnimada Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay adeegaha bulshada, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada, Alifleyda, Dableyda, xaasaska iyo carruurtooda, sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (1943 – 2024).”

Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii bishii December sanadkii 1943-dii ayaa maanta u dabaal-degaya sanad guuradii 81-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskoodii.

FAHAD YAASIIN: Afarta la yaab ee Raaskambooni

Doha (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay 𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐘𝐀𝐀𝐁 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐀𝐒𝐊𝐀𝐍𝐁𝐎𝐎𝐍𝐈, oo uu uga hadlayo dagaalkii ka dhacay magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubadda Hoose.

Raaskambooni ayaa waxaa fadeexad culus ay ka soo gaartay dowladda federaalka kadib markii kadib markii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku dagaalameen ugu dambeeyna keentay in ciidankii Dowladda ay qaar isku dhiibaan Jubaland kuwa kalana ay u baxsadeen dhinaca soodinta Kenya. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad.

𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐘𝐀𝐀𝐁 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐀𝐒𝐊𝐀𝐍𝐁𝐎𝐎𝐍𝐈:

𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃:  In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas le’eg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗𝐀𝐀𝐃: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐀𝐅𝐑𝐀𝐀𝐃: Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu door bidayaa la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha. Waa mahadho kale oo taariikhda ku hari doonta.

Halkuu marayaa tarxiilka dadka sharci darada kusoo galay Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Hay’ada Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ayaa in ka badan 270,000 oo qof u tarxiilay 192 waddan muddo 12 bilood ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee sannadle ah tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay Khamiista.

Warbixintan ayaa muujineysa qaar kamid ah caqabadaha maaliyadeed iyo kuwa shaqo ee Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu wajihi doono si uu u fuliyo balan qaadkiisii ahaa masaafurinta dad aad u badan.

Ha’yada ICE, oo ah hay’adda ugu weyn ee dawladda ee mas’uulka ka ah ka saarista dadka sida sharci-darro ah dalkan ku soo gala ayaa sheegeytey in 271,484 la masaafuriyay sannad maaliyadeedkeeda dhamaaday Sebtembar 30 keedii, ku dhawaad labanlaab marka loo eego 142,580 isla muddadaas sanad ka hor.

Waxay ahayd tiradii ugu badneyd ee dad ah oo la masaafuriyey tan iyo 2014, markaasoo ay ICE dalka ka saartay 315,943 qof. Tiradii ugu badneyd ee mudadii hore ee uu xilka hayey Trump waxa ay aheyd 267,258 sanadkii 2019.

Duulimaadyada masaafurinta ee kordhay, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa ah, iyo habraaca safarka ee dadka loo diro Guatemala, Honduras iyo El Salvador ayaa sare usii qaadey howlaha masaafurinta, sida ay sheegtey ICE.

Hay’addu waxay duulimaadkeedii ugu horreesey ay ku tagtay Shiinaha muddo lix sano ah, waxayna sidoo kale diyaaraduhu ku hakadeen Albania, Angola, Masar, Georgia, Ghana, Guinea, India, Mauritania, Romania, Senegal, Tajikistan iyo Uzbekistan.

Sidoo kale Khamiista, Hay’ada Kastamyada Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha ayaa sheegay in ay xireen 46,612 kuwaasoo si sharci darro ah uga soo gudbey xuduuda Mexico bishii Nofembar, tani waxay hoos u dhacdey 18% marka loo eego 56,526 bil ka hor iyo in ka badan 80% marka loo eego heerkii ugu sarreeyay abid ee 250,000 bishii Diseembar 2023.

Dadka ka soo gudbaya xuduuda ayaa hoos u dhacay kala bar markii masuuliyiinta Mexico ay kordhiyeen adkeynta ka soo gudbida xuduudahooda sanad ka hor.

Booqashadii Xue Bing ee Muqdisho iyo arrinta Shiinaha uu aadka uga walaacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Diblomaasi sare oo u dhashay dalka Shiinaha Mr Xue Bing ayaa booqasho heer sare ah ku yimid magaalada Muqdisho, taasi oo muujineysa sida ay Beijing uga go’an tahay taageerada midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa mar kale ku celisay inay taageersan tahay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan baaqyada ka imaanaya Mareykanka ee ah in ay aqoonsadaan maamulka Somaliland. Loolanka diblomaasiyadeed wuxuu muujinayaa kororka tartanka awoodda weyn ee Geeska Afrika ee istaraatiijiyadeed ee muhiimka ah.

Ergeyga gaarka ah ee Shiinaha Xue Bing ayaa booqasho ku tagay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Talaadadii, isagoo muujiyay sida ay xukuumadda Beijing u taageersan tahay madax bannaanida Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo qaar kamid ah madaxda xisbiga Jamhuuriga ee Washington ay dabada ka riixayaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland oo ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii, balse aan cidina aqoonsan.

Xafladdii caleema saarka madaxweynaha Somaliland ee 12-kii December ayaa soo jiidatey dareenka Shiinaha, kadib markii ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday jasiirada Taiwan iyo Maraykanka. Shiinaha ayaa si degdeg ah uga mudaaharaaday joogitaanka Taiwan ee xafladda, isaga oo ka soo horjeestay in Taiwan iyo Somaliland ay isweydaarsadaan xiriir dublamaasiyadeed.

Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka, ayaa soo bandhigay sharci ku baaqaya in Somaliland loo aqoonsado qaran madax-bannaan, kaas oo lagu saldhig looga dhigay sida dimuqraadiyadda ah ee ay u maamulayso gobolkeeda iyo doorashooyin nabad ah.

Soo jeedintu waxa ay la socotaa mashruuca muranka dhaliyay ee loo yaqaan 2025 project, oo ah liis siyaasaded oo loo arkay in uu yahay qorshe u samayn kara maamulka soo socda ee Donald Trump, in kasta oo Trump uu iska fogeeyay dukumeentiga.

Dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ayaa ka tarjumaya danaha istaraatiijiyadeed ee ballaaran ee Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka marin biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Shiinuhu waxa uu saldhigii u horeeyay ee uu ku leeyahay dibadda ka dhisay dalka Djibouti, halka uu Maraykanku sahaminayo gelitaanka dekeda Berbera ee Somaliland isaga oo ballaarinaayo joogitaankiisa gobolka.

Khubaradu waxay soo jeedinayaan in aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland uu saamayn weyn ku yeelan karo saamaynta Shiinaha ee gobolka, isla markaana ay suurtogal tahay inuu xoojiyo mawqifka diblomaasiyadeed ee Taiwan ee Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, tillaabadan noocaan oo kale ah ayaa Soomaaliya ku riixi karta in ay ku sii dhawaato Shiinaha iyo Ruushka, inkastoo falanqeeyayaasha ay xuseen in xasillooni darrada Soomaaliya ee hadda jirta ay xaddidi karto iskaashigaas.

Xaaladdu weli waa khatarteeda leh, iyada oo saamayn ku yeelan karta xasilloonida gobolka, amniga badda ee caalamiga ah, iyo tartanka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ee Afrika.

Xog: DF oo Jubaland ka hor istaagtay hub culus oo Itoobiya ay ka dejin rabtay Kismaayo

Doolow (Caasimada Online) – Diyaarad Jubbaland hub u siday oo shalay ka baxday degmada Doolow ayey joojisay dowladda Soomaaliya, sida ay ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Hubkaas waxaa la sheegay in dowladda Itoobiya ay dalka soo gelisay mudadii uu jiray khilaafkii kala dhexeeyey dowladda federaalka, ka hor heshiiskii Ankara.

Hadda waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ka codsaday Itoobiya, waxaana diyaarad looga qaaday magaalada Doolow, si loo geeyo Kismaayo, balse hay’adda duulista Soomaaliya ayaa diyaaradaas ku amartay inay soo marto Muqdisho.

Qorshahaas ayaa fashilmay, waxaana diyaaradii dib loogu celiyey Doolow, maadaama ay dowladda federaalka u gacan geleyso, hadii ay Muqdisho soo marsiido hubkaas.

Axmed Madoobe oo cunaqabateyn adag oo dhaqaale iyo safar isugu jirta ay saartay dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in hubkaan uu ka dalbaday Itoobiya, si ciidamada u dagaalamaya uu ugu qalabeeyo.

Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ku xoogan ciidamada Axmed Madoobe, waxaana jooga wasiirka Amniga Jubbaland, sidoo kale waxaa jooga ciidamada Itoobiya oo taageersan nidaamka Axmed Madoobe ee Jubbaland lagu hoggaamiyo.

Ciidamada Itoobiya ayaa taageerada Axmed Madoobe ku xumeynaya dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama xiisad adag ay ka dhexeyso Itoobiya iyo Soomaaliya, taageerada Itoobiya ee Jubbaland ayaa lagu qeexaa ‘qeyb ka mid ah qorshaha dowladaas ee cuuryaaminta Soomaaliya.’

Waa kuma Maahir Al-Assad loo yaqaanay ‘kawaanlihii arxanka darnaa’

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa beenisay in Mahir al-Assad oo ay walaalo yihiin madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu ku sugan yahay gudaha dhulka Ciraaq.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenkooda oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Ciraaq, wasaaraddu waxay ugu baaqday warbaahinta inay “si sax ah u muujiyaan oo ay ka digtoonaadaan gudbinta wararka aan laga helin ilaha rasmiga ah,” iyadoo ku nuux-nuuxsatay in waxa lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan joogitaanka Mahir al-Assad ee Ciraaq uu ahaa war aan “sax ahayn”.

Tan iyo markii uu burburay nidaamka Bashaar Al-Asad todobaadkii hore, isla markaana ay madaxweynaha xilka ka tagay iyo qoyskiisa ay tageen magaalada Moscow, ayaa waxaa aad loo hadal hayay halka uu ku dambeyn doono walaalkii Maher oo lagu tilmaamo inuu yahay mas’uulka qoyska reer Asad.

Haddaba maxaan ka ognahay Mahir al-Assad?

Mahir Hafez al-Assad waxa uu ku dhashay Dimishiq 8-dii December 1967-dii, waxa uu ku soo barbaaray qoyska Asad ee xukumayay Suuriya tobanaan sano.

Beddelkii adeerkiis Rifaat al-Assad
Tan iyo caruurnimadiisii, Mahir waxa lagu yaqaanay shakhsiyad xoog badan oo dabeecad adag, laakiin muuqaalkiisa guud ma noqon mid la dareemo ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku noolaa meel u dhow madaxtooyada Dimishiq, waa “Fardoole aad u jecel fardaha” wuxuuna beer fardaha ku leeyahay deegaanka Yafour oo u dhow Dimishiq.

Sannadkii 1999-kii, Maher al-Assad waxa uu sameeyay ciwaanno ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu toogtay seedigiis, Assef Shawkat, ka dib khilaaf soo kala dhex galay, isaga oo dhaawacay Shawkat, waxaana loo gudbiyay cusbitaal milateri oo ku yaalla Faransiiska si loogu daweeyo.

Iyadoo ay taasi jirto, Mahir waxa uu sii xoojiyay mowqifkiisa gudaha taliska Suuriya.

Bishii Juun 2000, Mahir waxaa loo doortay Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee xisbul Bacath, tallaabadaas oo muujinaysa doorkiisa sii kordhayay ee taliska.

Kadib geeridii walaalkii Basil Al-Asad ee shilka baabuur bishii Janaayo 1994-tii, waxaa jiray rajo ah in Mahir laga yaabo in uu xukunka kala wareego aabihiis Hafez al-Assad, laakiin dabeecadda “qallafsan” ee Maher ayaa taas ka hor istaagtay, waxaana taas beddelkeeda loo doortay Bashaar.

Wargayska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in dad badan oo Suuriyaan ahi ay Mahir u arkaan in uu yahay Rifaat cusub oo uu la dhashay Madaxweynihii hore ee Hafez al-Assad. Wargeysku waxa uu sheegay in xiriirka Mahir al-Assad iyo Bashaar Al-Assad uu “ku salaysan yahay habka wax ku oolka ah” ee ay dejiyeen Hafed iyo Rifaat al-Assad.

“Kawaanlihii Daraa”

Iyada oo mudaaharaadyada Suuriya ee looga soo horjeedo nidaamka reer Assad ay qarxeen 2011, Mahir al-Assad ayaa door muhiim ah ka qaatay xakamaynta mudaaharaadyada.

Isaga oo ahaa taliyaha qaybta 4-aad ee gaashaaman iyo ciidanka ilaalada Jamhuuriga, waxa uu gacan weyn ku lahaa maaraynta hawlgallada ciidamada.

Sababtaas awgeed, warbaahintu waxay ku tilmaantay inuu yahay “Kawaanlihii Daraa” ka dib markii uu ku lug lahaa xakamaynta mudaaharaadyadii magaalada ka dhacay bishii Abriil 2011.

Ilaalada Jamhuuriga, oo uu hoggaamiyo Mahir al-Assad, ayaa ahaa qaybta kaliya ee ciidamada Suuriya loo ogolaaday in la geeyo Dimishiq.

Bishii Abriil isla sannadkaas, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo saaray amar madaxweyne oo lagu xayirayo hantida Mahir al-Assad ee Maraykanka “doorka uu ku leeyahay caburinta mudaaharaadayaasha.”

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku daray liiska saraakiisha Suuriya ee cunaqabataynta saaran, iyaga oo ku sifeeyay inuu yahay “horjoogaha ugu weyn ee rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha.”

Sannadkii 2012, hay’adda ka faalloota xasaradaha caalamka ayaa daabacday warbixin ay qaar ka mid ah taageerayaasha nidaamka Suuriya ku tilmaameen Mahir al-Assad inuu yahay “qofka xooggan ee nidaamka”.

Mishiinka tahriibinta iyo ka ganacsiga daroogada

Isla sanadkaas waxaa soo baxay warar sheegaya in Mahir Al-Asad uu ku dhintay ama lagu dhaawacay qarax lagu dilay Assef Shawkat iyo madax kale, balse wararkaas waa la beeniyay.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Channel 2 ee Israa’iil inuu bixiyay amar ah in lagu qaado weerarrada kiimikada ee deegaanka Ghouta ee baadiyaha Dimishiq, kaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo qof bishii Agoosto 2013.

Markii uu sii waday taliskii Ilaalada Jamhuuriga, Mahir al-Assad waxa uu noqday qofka ugu saamaynta badan millatariga Suuriya, isaga oo leh qayb gaashaaman, Ilaalada Jamhuuriga ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ugu daacadsan taliska.

Bishii Maarso 2023, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogay Mahir al-Assad iyo saaxiibadiis, oo ay weheliyaan kuwa ka ganacsada daroogada, eedeymaha ay ku lug leeyihiin warshadaha daroogada Suuriya iyo tahriibinta daroogada Captagon.

Qasnadda Maraykanka ayaa ku eedaysay Mahir al-Assad iyo Qaybta Afraad inay maal-geliyaan “qorshooyin dakhli-abuur oo sharci-darro ah, oo u dhexeeya sigaarka iyo talefannada gacanta si loo fududeeyo soo-saarka iyo tahriibinta Captagon.”

Bishii Abriil 2023, Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay shakhsiyaadka iyo shirkadaha lala xiriirinayo Mahir al-Assad iyo qaybtiisa afaraad ee gaashaaman “kufsiga, dembiyada dagaalka, jirdilka, iyo fududaynta ka ganacsiga daroogada ee Suuriya.”

Nidaamka Assad waxaa loo aqoonsaday inuu yahay “shaqsigii ugu muhiimsanaa ee fududeeyey tahriibinta Captagon ee dekedaha Yurub.”

Isha: BBC

Israel oo Falastiiniyiin kale duqeymo ku dishay – Sidee wax u dhaceen?

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ay ku hayso Marinka Gaza Khamiistii shaley iyada oo dhex-dhexaadiyayaal Maraykan ah iyo Carabtu ay ka shaqaynayeen sidii heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas loo gaari lahaa, sida ay wararku sheegayaan.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku dishay 44 Falastiiniyiin ah magaalada Gaza Khamiistii, oo ay ku jiraan ugu yaraan 13 qof oo lagu dilay duqeymo kala duwan oo habeenimadii dhacay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in duqeyn kale lagu diley sagaal qof meel u dhow xerada qaxootiga ee xeebta ee magaalada Gaza, halka weerar kale lagu dilay afar qof oo ku sugnaa guryaha lacag la’aanta ah oo u dhow Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza.

Maalinimadii Khamiista, duqeymo xagga cirka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah laba guri oo ay ku nool yihiin qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla bariga Gaza, sida ay sheegeen dhaqaatiirta, halka weerar kale oo Israa’iil ay geysatey lagu dilay ugu yaraan saddex qof xaafad ku taal magaalada Gaza ku sugnaa.

Duqeymaha qaar, Israel ayaa sheegtay in ay ku bartilmaansatay xarumaha taliska Xamaas, iyada oo aan soo bandhigin cadeymo arrintaa muujinaya.

Duqeymaha iyo dhimashadaas ayaa dhacay iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ay sii wadaan ka shaqeynta heshiis lagu joojinayo dagaalka.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku guulaysteen inay dhinacyada isku soo dhaweeyaan, laakiin kala duwanaansho kale ayaa wali jira, sida ay Reuters soo werisay.

Magaalada New York Khamiistii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la weydiiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ra’yi ku saabsan waajibaadka Israa’iil si ay u fududayso gargaarka Falastiiniyiinta ee ay bixiyaan dawladaha iyo kooxaha caalamiga ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gudoomay dhambaal uga yimid Madaxweynaha Tanzania kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibidda ee dalka Tanzania Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo masuuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.

Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhinacyada Difaaca, Cilaaqaadka, Dalxiiska iyo Caafimaadka, waxaana MOU-gaan kala saxiixday wasaaradaha dowladda federaalka ee dhinacyadaas u xil-saaran iyo masuuliyiin sare oo ka socota dalka Tanzania, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka  Caafimaadka Dr. Cali Xaaji.

Wafdiga Tanzania ee saxiixa heshiiskaan Muqdisho u yimid waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dubedda Dalka Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo, waxaana qeyb ka ah Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Pindi Hazara, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr. Godwin Mollel iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Dowladda Tanzania, Saalim Haji Osman.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ahaa munaasabadda ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyadaan muhiimka u ah shucuubta iyo dowladaha labada dal.

DF oo wafdi culus u dirtay Gedo iyo qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka bilowday Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Axmed Madoobe uu ka socdo.

Dowladda Federaalka ayaa gobolka Gedo ka damacsan inay ka abaabusho guluf ka dhan ah Axmed Madoobe, Caasimada Online waxay ogaatay in dadka loo sheegayo in lala dagaalamayo Al-Shabaab, balse waxaa abaabulka kadib ciidanka loo jiheyn doonaa dhanka Axmed Madoobe.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah, waxaana dirtay dowladda federaalka, si ay halkaas uga bilaabaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

“Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriirta dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri qoraal ay wasaaradda amniga ka soo saartay safarkaan.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo xasaasi ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka.

Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda amniga Soomaaliya, balse waxaan ogaanay in qorshuhu intaas ka balaaran yahay.

Shacabka iyo maamulka gobolka Gedo ayaa muujiyey taageero badan oo ay u hayaan dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado Jubbaland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in qorshe kasta oo dowladdu ay wadato ay garab istaagaan.

Gobolka Gedo waa laga nacay Axmed Madoobe, waxaana hadda fursad ka heshay dowladda federaalka oo sida la sheegay maalmaha soo socda ciidamo badan geyneysa degmooyinka gobolkaas, si qorshaha dowladda ee Jubbaalnd loo meel mariyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore qorsheyneysa in guluf dagaal lagu bilaabo Axmed Madoobe, maadaama ay dowladdu ku guul dareysatay kii Raaskambooni, hadii uu is difaaco Axmed Madoobe waxaa la sheegay inay suurtagal tahay in maamul kale oo Jubbaland ah lagu dhiso gobolka Gedo.

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta daah-furay Muqdishada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay hindisaha Muqdishada cusub.

Hindisahan ayaaa isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo qagga dhaqaalaha Muqdisho oo laga hirgalin doono dhul masaafo ahaan ka fog caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, islamarkaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda qaran.

“Qorshahani waa iskutashi qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya ummadihii na dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda daah-furka hindisahan.

Waxa uu intaas kusii daray madaxweynaha “Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in hindisahani qaran uu caalamka u muujinayo, sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Munaasabadda daah-furka hindisaha qaran ee Muqdishada cusub ayaa waxaa saaka ka qayb-galay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiiro, xildhibaano, qaar ka mid ah danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Xogta kulan xarunta NISA ku dhex-maray Sanbaloolshe iyo Suleyman Mombo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta NISA kula yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Tanzania ee TISS Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul si weyn uga wada-hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha sirdoonka ee Soomaaliya iyo Tanzania oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista argagixisada.

Sidoo kale, labada Sirdoon iska kaashanaya amniga, sirdoonka iyo is-dhaafsiga xogaha, ka hortagga khataraha argagixiso, iyadoo labada agaasime ay maanta qalinka ku duugeen is-afgarad dhabaha u xaaraya iskaashigan muhiimka ah.

Iskaashigan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga argagixisada bariga Afrika.

Tan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu hoggaanka NISA dib ugu soo celinayo xiriirada hay’adda la laheyd hay’addaha sirdoonka dalalka saaxiibada dhow la ah Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah madaxda dalalkaas ay booqasho ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya.

Xamza oo gaaray Baydhaba xilli uu A/Madoobe uga horreeyay + Qorshaha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo boqolaal bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doona xafladda sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay muddada uu maamulka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxaa Baydhabo uga sii horreeyay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo isagu shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa markaas ka jawaabay dalab uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhabo, wuxuuna ka qeyb-galay munaasabadda sanad-guuradiisa.

Lafta-gareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka.

Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeysyo badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa haatan kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod, taas oo hanaankeeda la isku diidan yahay xilligaan.

Sawirro: Xasan oo loo gudbiyay warbixinta dal ay ku dhibaateysan yihiin Soomaali badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha safiirka safaarada dalka Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo u gudbiyay warbixin ku aadan xaaladda dalkaasi oo ay ka jiraan isku dhacyo sababay dagaallo, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Danjire Cammaar Axmed Baabakir ayaa ugu horreyn ka warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Safiirka ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.

Sidoo kale wuxuu danjiruhu madaxweynaha la wadaagay  salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

Suudaan ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay isku haysiga xukunka dalkaasi, kadib markii ay isku dhaceen labada Jeneraal ee ugu sarreeya ciidamada dalkaasi.

Maxay yihiin 5 heshiis ee Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Tanzania?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta shan heshiis oo muhiim U ah labada dal ku kala saxiiday magaalada Muqdisho, kadib markii markii dowladda fedetaalka ay caasimada mu marti qaaday wafdi ka socda dalkaasi.

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan arrimo muhiim ah, iyaga oo ka kala saxiixday shan heshiis is afgarad (MOUs) oo muhiim ah.

Munaasabadda saxiixa heshiisyadan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa noqotay mid ku muujinaysa sare u kaca xiriirka labada dal iyo wadajirka horumarka ay ka wada shaqeynayaan.

Haddaba maxay yihiin 5 heshiis ee la saxiixay?

1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Mudane Mahmoud Thabit Kombo, ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya qaab-dhismeed lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga xasilloonida gobolka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo horumarka caalamiga ah.

2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka ee Tansaaniya, Dr. Godwin Oloyce Mollel, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka ee labada dal. Heshiiskan wuxuu diiradda saarayaa la dagaallanka cudurrada faafa, is-dhaafsiga aqoonta caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshooyinka nugul.

3. Horumarinta Dalxiiska
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tansaaniya, Dr. Pindi Hazara Chana, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiisku wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuq-geynta dalxiiska wadajirka ah, iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga si loogu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka gaarka ah ee labada dal.

4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saaraya horumarinta awoodaha difaaca, tababarrada wadajirka ah, iyo iskaashiga amniga si loo gaaro xasillooni iyo ammaan goboleed.

5. Iskaashiga Waxbarashada
Heshiis kale oo muhiim ah ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka waxbarashada, kaas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya. Heshiiskan wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarashada, iyo abuurista barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada waxbarasho ee labada dal. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa awood-siinta dhalinyarada iyada oo loo marayo horumarinta xirfadaha iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo gaaro horumar waara.

Gaadiid sahay u siday kooxda Al-Shabaab oo la qabtay, kadibna…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa booliska oo kaashanayo ciidanka dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Howlgalkan oo ka dhacay aagga degmada Wasil ayaa waxaa laga gaaray guullo waa wayn, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda, isla markaana ay ku qabeen meel dhexe, kahor inta aanay gaarin deegaanada ay ka arrimayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay la qabtay darawalladii gawaaridaas oo ay tilmaameen in haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, maadaama la tuhmayo in sahaydaan ay u wadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.

DF oo ka laabaneyso go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka dhacay Ankara.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna maalmo kahor ku ammaanay ciidamada Itoobiya in ay naf-hurnimo u sameeyeen xasilloonida Soomaaliya.

Qorshaha kale ee ku hoos duugan ka laabashada go’aanka dowladda ayaa ah mid soo dadajinayo in Itoobiya ay burbureyso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, sida ay rumeysan quburada sida dhow ula socda xiisadda labada dal oo heerar kala duwan soo martay.

Dhinaca kale isbeddalka ku yimid go’aanka dowladda ayaa dad badan u arkaan lama filaan, maadaama tan iyo horraatii sanadkan ay madaxda qaranka ku celcelinayeen inay ciidanka Itoobiya ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka mid noqon doonin howlgalka cusub, sabab markaas ku aadaneyd heshiiska sharci darrada ee badda.

Si kastaba, lama oga sida ay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya u saameyn doonto iskaashiga milateri ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo xoogeystay wixii ka dambeeyay, markii ay kala tageen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Hargeysa: Maydadka laba QOF oo laga dhex helay gaari madow

Hargeysa (Caaasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadd Somaliland, kadib markii maydadka laba qof laga dhex helay gaari madow oo waddada yaallay.

Gaariga ayaa yaallay waddo dhacda xaafadda shacabka ee magaalada Hargaysa, waxaana laga helay maydadka labada qof oo ku jiray baabuurka oo la sheegay inay iyagu wateen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya labada qof uu mid-kood ahaa askari ku labisan direeska ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland, halka qofka kalena ay ahayd dumar.

Sidoo kale goobjoogayaal indha saaray maydadka labada qof ayaa sheegay in wax dhaawac ah uusan kor kooda ka muuqan, mana cadda sababta ka dambeysa dhimashadooda.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo isku geedaamay baabuurka, waxayna wadaan baaris ku aadan falkaas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Somaliland, waxaana laga war sugayaa natiijada baaristooda oo illaa iyo hadda socota.

Falkan oo cabsi wayn ku abuuray shacabka Hargeysa ayaa saaka si weyn loo hadal hayaa, waxaana sawirka gaariga oo maydadka ay ku dhex jiraan lagu baahiyay baraha bulshada.