25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xogta saldhigga milatari ee Somaliland siineyso Mareykanka

Bebera (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ay saldhig milatari ku siineyso dowladda Mareykanka, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyay ee ku aadan hirgelinta saldhiggaasi milatari.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in qorshahan uu si dadar leh ku socdo, wuxuuna xaqiijiyay in saldhigga ay ku martigelinayaan Mareykanka ay ka siinayaan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale wuxuu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay inay diyaar u yihiin in saldhig uu Maraykanku ka samaysto Berbera, isaga oo xusay in u wanaagsan tahay danaha labada dal.

“Somaliland waa u diyaar inay saldhig millatari siiso Maraykanka, haddii uu ka shaqeynayo masaalixda labada dal ee Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan,” ayuu yiri Bashiir Good.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in Somaliland ay ka go’an tahay inay cilaaqaad iyo iskaashi la yeelato Maraykanka iyo dalalka kale ee caalamka, si loo horumariyo xiriirkooda caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa jira qorshe kale oo ay Somaliland ku dooneyso in Mareykanka ay uga hesho ictiraaf, waxaana ololahaas horkacaya xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry, kaas oo aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

DF oo xayiraad kusoo rogtay degmooyin ka tirsan GEDO

Doolow (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay haatan xayiraad dhanka hawada ah kusoo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere, halkaas oo ay kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaaqyada u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarkan toos loola wadaagay shirkadaha duulimaadyada oo laga mamnuucay inay diyaaradahooda ka dagaan halkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ugu wayn ayaa ah in dowladda ay rabto inay ka hortegto dhaqaqaaqa Jubbaland ay ka wado degmooyinkaasi, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xuigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi oo haatan ku sugan degmada Doolow.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa haatan si weyn isku hayo, waxaana hadda xiisadda ay u weecatay gobolka Gedo oo ay ku hardamayaal labada dhinac.

Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkan ayaa isku fidinayo degmooyin horleh, waxaana kamid ah Baardheere, Garabahaarey, Beledxaawo iyo deegaano kale.

Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan yaab leh oo Puntland ay ku sameysaneyso lacag

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo sii fogeyn kara maamulkaasi, xilli ay haatan taagan tahay xiisad kala dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyo lacag, taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka.

Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.

Khilaafka ayaa weli halkiisii ah, waxaana Puntland ay ka maqan tahay shirarka golaha wadatashiga qaranka oo lagu gaaray go’aanno xasaasi ah sida doorashooyin qof iyo cod ah.

DF oo qaaday tallaabo ay uga hortageyso aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo ay uga hortageyso ololaha ay Somaliland aqoonsiga uga raadineyso dowladda Mareykanka, si gebi ahaanba meesha looga saaro qorshaha hadda socda.

Tallaabadan deg-degga ah ee ay qaaday dowladda ayaa waxaa hormuud u ah safaaradda Soomaaliya ee Washington oo bilowday qorshe ay uga hortageyso aqoonsiga Somaliland.

Safaaradda ayaa lagu soo warramayaa in ay heshiis la saxiixatay mid kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee ka shaqeeya u qareemidda iyo u ololaynta Maraykanka, iyadoo ujeedadu yahay in la taageero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax bannaanida Somaliland.

Sida uu daabacay Wargeyska The Africa Report, shirkadda heshiiska lala galay oo lagu magacaabo BGR ayaa qandaraas ku qaadatay lacag dhan $600,000 muddo 12 bilood ah, si ay saamayn ugu yeelato go’aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira arrinta aqoonsiga Somaliland.

Shirkaddan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doonto wanaajinta cilaaqaadka dowladda federaalka kala dhexeeya maamulka cusub ee madaxweyne Donald Trump.

Wargeyska oo sidoo kale soo xigtay safaaradda Soomaaliya ayaau sheegtay in haatan uu wanaagsan yahay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

“Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan ballaarinno iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka labada dhinacba,” ayay safaaraddu u sheegtay The Africa Report.

Ololaha ay Somaliland ictiraafka uga dooneyso Mareykanka ayaa waxaa horkacaya xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry, kaas oo aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Waxaa kale oo uu sharcigu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.

Sawirro: Maxaa xalay ka dhacay xarunta Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa casho sharaf ku maamusay ganacsatada uu la kulmay, isaga oo ku boggaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Sidoo kale madaxweyne Xasan oo la hadlay ganacsatada ayaa tilmaamay in mashruucan wayn uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Waxaa kale oo uu ganacsatada uga mahad-celiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda.

Sidoo kale wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo dadaallada ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankooda ganacsatada ayaa ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeelanayaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda qorshayaal waa wayn oo horumarineed, isla markaana lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub iyo dekad laga hirgelinayo banaanka caasimada.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa maalmahan waday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo todobaadkii hore qaabilay aqoonyahannadii ka qayb-galay shirweynihii 15-aad ee Darasaadka Soomaaliyeed oo 35 kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qorshaha Villa Soomaaliya oo ka hirgalaya gobolka Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo si toos ah ula saftay dowladda federaalka ayaa ka hadlay xaaladda ka jirta gobolka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeyo dowladda iyo Jubbaland.

Cabdullahi Shimbir oo ka qayb-galay kulan uu guddoomiyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka dhaqan galayo qorshaha Villa Soomaaliya ee doorashooyinka qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka degmada Garbahaarey ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladdooda, si dalka loo gaarsiiyo qof iyo cod ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka degmada Garbahaarey oo fikirkii la waday oo wasiirada iyo xildhibaannada ay noo wadeen oo ahaa in dalkan la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah nala aqbalay” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Shimbir.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka Gedo oo uu ugu baaqay inay ku deydaan Garbahaarey  ayna taageeraan qorshaha dowladda dhexe.

“Waxaan ugu baaqayaa degmooyinka kale inay soo maraan waddada ay martay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo” ayuu mar kale yiri gudddoomiyuhu.

Arrintan ayaa muujineyso in Axmed Madoobe looga sii adkaanayo gobolka Gedo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay isku sii fidiineyso degmooyinka gobolkaasi.

Gobolka Gedo waa laga nacay Axmed Madoobe, waxaana hadda fursad ka heshay dowladda federaalka oo sida la sheegay maalmaha soo socda ciidamo badan geyneysa degmooyinka gobolkaas, si qorshaha dowladda ee Jubbaland loo meel-mariyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore qorsheyneysa in guluf dagaal lagu bilaabo Axmed Madoobe, maadaama ay dowladdu ku guul-dareysatay kii Raaskambooni, hadii uu isdifaaco Axmed Madoobe waxaa la sheegay inay suurtagal tahay in maamul kale oo Jubbaland ah lagu dhiso gobolka Gedo.

Xasan oo go’aan la xiriira doorashada la wadaagay..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Munaasabadda xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyad ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay go’aankiisa ah in uu dalka uu gaarsiiyo qoorashooyin qof iyo cod ah, isaga oo faray Booliska in ay u diyaar garoobaan.

“56 sano kadib dalka doorasho way ka dhaceysaa,  ciidanka Booliisku ha isku diyaariyaano nabad gelyada muwaadiniinta codbixiyaasha ah.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukunka loo soo celinayo dadweynaha, iyagana ay soo dooran doonaan hoggaankooda.

“Umadda waxaan ka balan qaadnay inuusan xukumin qof aysan dooran, mudo dheer kadib xukunku wuxuu kusoo laabanaa gacanta muwaadinka” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay xiisad xoogan ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay dood ka keeneen maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa haatan wadda qorsho ay ku dooneyso in dalka ay ku gaarsiiyo qof iyo cod, waxaana baarlamaanka uu isna qaaday tallaabooyin muhiim ah.

Wax badan ka ogow Muqdishada sugeysa duqa cusub ee caasimadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Muqdisho ee cusub, Maxamed Axmed Amiir, waa aqoonyahan iyo oday xilliyo kala duwan soo shaqeeyay. Wuxuu ka mid yahay dadka aamminsan in xaajada la rogrogo oo la isku dayo in dhan walba laga eego si xalkeeda loo helo.

Waxaan ku kalsoonahay haddii taageerada uu mudan yahay uu ka helo shacabka Muqdisho iyo Dowladda Federaalka in uu caasimadda horumarin kari doono.

Xataa asaga oo aan wax baarbaarin qofka Xamar dhex mara, waxaa uu arkayaa in barakacaayshu ay xal u baahan yihiin, in loo baahan yahay in saboolnimada lala tacaalo, in magaaladu aanay lahayn beero nasasho, in aan dhallinyaradu haysan garoommo loo asteeyay oo ay ku cayaaraan, in aan xeebaha yar ee lagu dabaalan karo aan nadaafaddoodu wanaagsaneyn iyo in dhismayaasha Dowladda ee burbursan ay u baahan yihiin in dib loo dhiso haddii kale qummaati loo dumiyo ama ugu yaraan deyr qariya lagu wareejiyo.

Daadka iyo biyo degeenka sida balliga noqda iyaguna waa dhibka xilliga roobka.

Si loo sahlo isu socodka magaalada waxaa u baahan in su’aal la geliyo qiilka amni ee ku jira in waddo muhiim ah laga dhex dhisto Ganjeello sidii in ay tahay guri qof leeyahay.

Horumarka iyo isu socodka Muqdisho hey’adaha ogaal la’aan cuuryaamiyay ee waddooyin muhiim ah ka dhex dhistay gidaar ay ganjeello saaran tahay waxaa ka mid ah Xarunta Gobolka Banaadir, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, He’adda Nabad Sugidda oo dhowr degmo midba cad ka goosatay iyo qaar kale.

Saddexdaas hey’adood aagga ay magaalada ka goosteen marka la isu geeyo bedkiisu kama yara Degmooyinka Gobolka banaadir qaarkood, waana ka mid sababta ay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis iyo Shibis qeybo ka mid ah ay kor ugu kici la’ yihiin marka la barbardhigo degmooyinka haysta ganacsiga iyo isu socodka xorta ah.

Waxaa intaa dheer in dhulkaas weyn ee he’ydahaasi ay qiil amni dartiis u goosteen in xataa gudahiisa aanay ka muuqan bilic caasimadeed.

Intaasi waa af billowga howlaha ku hor yaalla, ayada oo aan loo gelin xuquuqda matalaadda siyaasadeed ee dadweynaha Gobolka Banaadir iyo in ay doortaan, sidii aad adiguba u tiri, Duqii adiga ku beddeli lahaa ama aan kuugu daree ay adiga kaaga dhigaan mid codkooda iyo rabitaankooda ku fadhiya xafiiska.

Guddoomiye Amiir soo dhowow.
Allah ha kugu guuleeyo xilgudashada.

W/Q: Yuusuf Garaad

Maleeshiyaad hubeysan oo ciidamo ku dilay DDS

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka, halkaasi oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa is-maamulka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsan booliska dowlad deegaanka, kadib markii ay weerar gaadmo kala kulmeen dabley hubeysan oo beegsatay xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Dacawaley oo ay ka jirto xiisad xooggan.

Weerarkan ayaa daba socday dagaal shalay ka dhacay deegaanka oo dhex-maray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka, kaas oo saameyn xoogan dhaliyay, kadib markii ay isku dhaceen labada dhinac.

Xukuumadda is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in uu u dhaxeeyay ciidamadooda iyo dablayda hubaysan uuna yimid, kaddib markii ragga hubeysan ay weerareen qaar kamid ah Masuuliyiinta degaanka iyo xubno Boolis ah.

Ciidamada la weeraray ayaa tilmaamtay in xilligaasi ay deegaanka u joogeen xallinta hilaafaad halkaas ka jiray, kadibna ay la kulmeen weerara uga yimid dableysa hubeysan.

Sidoo kale xukuumadda ayaa sheegtay in haatan ay waddo dedaallo dheeraad ah oo looga hortagayo xiisaddaasi, waxayna baaq nabadeed u dirtay shacabka degaannada ay colaaddu ka dhacday, iyada oo ka dalbatay in nabadda iyo xasilloonida ay ka shaqeeyaan.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.

Sababta madaxweyne Putin uga qoomameeyay in uusan mar hore weerarin Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inay aheyd in dalkiisu uu mar hore duullaan ballaaran ku qaado Ukraine, iyadoo si wanaagsan loogu diyaar garoobayo dagaalkaasi.

Putin ayaa sidan ka sheegay shirkiisi jaraa’id ee sanadlaha ahaa, oo uu ku sheegay inay ahayd in diyaarin nidaamsan loo sameeyo duulaanka 2022-kii, kaas oo uu ku tilmaamay howl-gal militari oo gaar ah.

Putin ayaa intii uu socday shirka jaraa’id kasoo muuqday shaashad weyn oo buluug ah oo muujinaysa khariidadda federaalka Ruushka, oo ay ku jiraan qaybo kamid ah Ukraine-ta uu dagaalka kala dhaxeeyo.

Shirka jaraa’id ee Putin oo u muuqday mid si adag loo xakameeyay, haddana intii lagu guda jiray waxaa su’aalo weydiiyey saxafiyiinta qaara, kuwaas oo ku aadana inta badan dagaalka Ukraine.

Putin ayaa mar la weydiiyay inuu dareemayo in waddanku ku jiro xaalad ka wanaagsan tii markii uu ka tagay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Boris Yeltsin 25 sano ka hor, Putin waxa uu sheegay in Ruushku uu dib u helay wuxuu ugu yeeray “madax-bannaani.”

“Wax walba oo ku dhacayay Ruushka xilli hore, waxaan u soconay inaan lumino madax-banaanideena,” ayuu Putin sii raaciyay hadalkiisa, isagoo u jawaabaya Steve Rosenberg, oo ah tafatiraha BBC-da ee Ruushka.

Si kastaba, Ruushka ayaa Crimea ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014-kii, waxaana ciidamada taageersan Ruushka ay dagaal ka bilaabeen bariga Ukraine, balse sideed sano kadib Putin ayaa isku dayay inuu qabsado caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Sidee loo xusay maalinta aas aaska BOOLISKA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusay sannad guurada 81-aad ee kasoo wareegtay maalinta aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo madaxweynaha dowladda federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo khudbad ka keediyay munaasabadda ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

 

Golaha Wakiillada dalka Mareykanka oo ansixiyay miisaaniyad ku-meel gaar ah

Washington (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada ee Mareykanka ayaa ugu dambeyn meel mariyay miisaaniyad kumeel-gaar ah oo lagu sii maalgelinayo dowladda federaalka Mareykanka ilaa bisha Maarch, kadib labo isku day oo hore oo fashilmay.

Codbixintii ka dhacday Golaha ayaa waxaa taageeray 366 mudane, halka 34 ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Dhamaan mudanayaasha diiday miisaaniyadda waxay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa isku raacay soo jeedin cusub oo la xiriirta miisaaniyadda. Shir dheer oo ay yeesheen xildhibaannada Jamhuuriga kadib, Afhayeenka Golaha Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay in la isku afgartay qorshe cusub oo looga fogaado xirnaanshaha shaqada dowladda.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii xildhibaanada Jamhuuriga ee Kongareeska ay Khamiistii ku guul-dareysteen in ay meel mariyaan miisaaniyad uu taageerayay Madaxweyne la doortay Donald Trump.

Si miisaaniyadda loo ansixiyo oo looga fogaado xiritaanka dowladda, labada aqal ee Kongareeska – Aqalka hoose oo Jamhuuriga uu ku badan yahay iyo Aqalka Senate-ka oo Dimuqraadiyiinta maamulaan – waa inay ansixiyaan. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu taageersan yahay miisaaniyadda uuna saxiixi doono.

Jubbaland iyo Puntland oo loogu baaqay inay aqbalaan arrin ay si weyn u diidan yihiin

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda nidaamka doorasho ee Villa Soomaaliya ay wado ayuu guddoomiyaha golaha shacabka u direy baaq cusub.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in nasiib xumo ay tahay in waqtigaan la joogo ay arkaan dowlad-goboleedyo diidan doorashooyinka qof iyo codka, isagoo ugu baaqay maamullada Jubbaland iyo Puntland inay aqbalaan nidaamkan doorasho.

“Adduunka waa nala yaaban yahay sida ay Soomaalida oo dad Islaam ah ay ugu midoobi la’yihiin nidaam doorasho oo xor ah,” ayuu Sheekh Axmed Madoobe ka sheegay khudbadii xalay uu ka jeediyay munaasabadii lix sano guuradii markii Lafta-gareen loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed, taas oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xamza.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay Somaliland, oo ayadu si xor iyo xalaal ah doorashooyinkeedii uga qabatay deegaanadeeda, taas oo looga adkaaday Muuse Biixi oo hoggaamiyanayay maamulka in ka badan 7 sano.

Baaqan ayaa imanaya xilli uu guddoomiye Aadan Madoobe uu baarlamaanka u marsiiyay Villa Soomaaliya shuruuc muhiim u ah nidaamka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo hoos u dhigi karta culeyska baaqan.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa qeyb ka aheyn wada-hadallada ay dowladda Soomaaliya go’aan uga gaartay inay dalka guud ahaan ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, waxaana labada maamul qabaan in hanaan sharci ah loo marin nidaamkan doorasho.

Nidaamka doorasho ee muddooyinkii dambe ay sida weyn uga shaqeynaysay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid oo qaadacay madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiiyinta mucaaradka, oo ayagu sheegay in looga dan leeyahay “muddo kororsi sharci darro ah.”

DF oo bilowday qorshaheeda Gedo – Maxaa maanta ka dhacay Garbahaarey?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaarey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladaasi.

Kulankan ayaa waxaa wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ku wehlinayay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo horumarinta wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga.

Wasiir Fartaag ayaa ballan-qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka, kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

Kulamada maanta dhacay ayaa qeyb ka ah qorshaha uu wafdiga wasiir Fartaag uu ku tegay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, si ay halkaas uga bilaabaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Shacabka iyo maamulka gobolka Gedo ayaa muujiyey taageero badan oo ay u hayaan dhaq-dhaqaaqa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado Jubbaland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in qorshe kasta oo dowladdu ay wadato ayna garab istaagayaan.

Gobolka Gedo waa laga nacay Axmed Madoobe, waxaana hadda fursad ka heshay dowladda federaalka oo sida la sheegay maalmaha soo socda ciidamo badan geyneysa degmooyinka gobolkaas, si qorshaha dowladda ee Jubbaland loo meel-mariyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore qorsheyneysa in guluf dagaal lagu bilaabo Axmed Madoobe, maadaama ay dowladdu ku guul-dareysatay kii Raaskambooni, hadii uu isdifaaco Axmed Madoobe waxaa la sheegay inay suurtagal tahay in maamul kale oo Jubbaland ah lagu dhiso gobolka Gedo.

Cirro oo arrimo xasaasi ah kala hadlay golihiisa wasiirada xilli uu dagaal socdo

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa yeeshay fadhigoodii labaad, kaas oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehlinayo madaxweyne ku-xigeenkiisa.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxa uu madaxweyne Cirro kula wadaagay golihiisa wasiirrada in isaga iyo ku xigeenkiisaba loo dhaariyey in ay difaacaan Somaliland, dadka iyo diintaba, ayna taas ka duulayaan.

Cirro ayaa sidoo kale wuxuu golaha u sheegay in xukuumadiisu ay mudnaanta 1-aad siinayso wada-hadal, nabad iyo walaalnimo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada Somaliland.

Waxa uuna caddeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay difaaca Somaliland, goor kasta iyo goob kasta.

Dhinaca kale, shirka ayaa intii uu socday waxa uu madaxweynuhu dib-u-milicsi ku sameeyey arrimihii lagu balamay fadhigii 1-aad iyo waxa ka fulay, iyadoo kadib uu ka dalbaday wasiirrada inay mid mid uga warbixiyaan qaabka ay ula wareegeen wasaaradaha.

Dhammaan wasiirada waxay sheegeen in muddadii loo qabtay ay kula wareegeen Wasaaradaha, marka laga reebo wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadamnimada ee Somaliland, oo hore loo odhan jiray hay’adda qaxootiga qaranka iyo barakacayaasha.

Sidoo kale, wasiirka maliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland ayaa golaha la wadaagay xaaladda dhaqaale iyo dardar-gelinta dakhli ururinta, iyadoo wasiirka gaashaandhigga iyo diaaca uu isna golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee shaqaaqooyinkii magaalada Ceerigaabo dhexdeeda ka dhacay.

Wasiirka waxa uu sheegay in guud ahanba ay Somaliland amaan tahay, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay taxadir iyo feejignaan.

Ugu dambeyntiina, waxa golaha si kooban ula hadlay wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay hawlaha hortabinta leh 100 maalmood ee u horeeya muddo xileedka xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.

TRUMP oo hal arrin ugu hanjabay Midowga Yurub – Maxay tahay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu hanjabay Midowga Yurub canshuuro, haddii ururka uusan dhimin farqiga “weyn” ee ganacsi ee kala dhaxeeya Washington oo aanu ka iibsan saliid iyo gaas.

“Waxaan u sheegay Midowga Yurub in ay waajib ku tahay in ay kabaan nuskhaanka baaxadda leh ee ganacsiga kala dhaxeeya Mareykanka, ayaga oo si ballaaran u iibsanaya saliiddeena iyo gaaskeena,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, saacadihii hore ee Jimcaha.

“Haddii kale, waa canshuur,” ayuu yiri.

Sida ku cad tirooyinka Mareykanka, badeecadaha laga keeno Midowga Yurub waxay ahaayeen $553.3 bilyan 2022-kii, halka badeecadaha loo dhoofiyo Midowga Yurub ay ahaayeen $350.8 bilyan.

Tani waxay ka dhigeysaa farqiga ganacsiga badeecadaha ee Mareykanka iyo Midowga Yurub $ 202.5 bilyan sanadkaas.

Trump, oo xafiiska la wareegaya bisha Janaayo, ayaa ku hanjabay canshuur dharbaaxo ah oo uu ku soo rogayo saaxiibada ganacsi ee Mareykanka – oo ay ku jiraan Canada, Mexico iyo Shiinaha – taas oo gilgili karta dhaqaalaha adduunka.

Isaga oo ku eedeeyay Canada iyo Mexico in ay ogolaadeen in Maraykanka lagu soo daadiyo daroogooyinka sharci darrada ah iyo muhaajiriinta aan sharciyeysnayn, waxa uu ku dhawaaqay 25 boqolkiiba canshuur ah oo la saaro badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka, halka uu sidoo kale wacad ku maray ugu yaraan 10 boqolkiiba oo ka dhan ah Shiinaha.

Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa ah saddex ka mid ah saaxiibada ganacsi ee ugu weyn e Mareykanka.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu soo gabagabeeyey heshiis ganacsi oo ballaaran oo uu lala galay afar waddan oo ku yaalla Koonfurta Ameerika – Argentina, Brazil, Paraguay iyo Uruguay – kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro aag ganacsi oo xor ah oo dhan 700 milyan.

VOA

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta qaabilay wafdi sare oo dhambaal ka siday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dalka Aljeeriya, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Wafdigan ayaa waxa hoggaaminayey Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Kamel Badari oo ay kulan gaar ah wada qaateen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhex-galka Qaaradda Afrika.

Caalamka ayaa hadda daneynaya Soomaaliya, maadaama ay tahay wadan qani ah oo dad furfuran ay ku nool yihiin, waxaana meesha ka sii baxeysa duruuftii lagu nici jiray Soomaaliya oo aheyd dowlad la’aanta.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa caalamka ka helaya casuumaad, sidoo kale farriimo iyo dhambaalo marxabo wata ayaa si joogto ah caalamka uga soo gaara madaxda Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinaya soo kabashada deg degga ah ee socota iyo sida ay dowladdu ugu adkeysaneyso sharuucda caalamiga ah.

Kheyraadka ceegaaga gudaha dalka oo hadda baaritaan lagu bilaabay, deyn cafinta, dib u habeynta maaliyadda dalka, kororka dakhliga dalka, ka soo kabashada dagaaladii sokeeye, maalgashiga iyo dalkaan dihan ee xogtiisu caalamka gaartay ayaa sababtay in aad loo daneeyo Soomaaliya.

Xog: Go’aanka Soomaaliya ee ciidamada Itoobiya kadib heshiiskii ka dhacay Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankeedii hore ee ahaa in Ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda ayaa amartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan ka hor 31-ka December, xilliggaasi oo uu ku egyahay muddo xileedka howlgalka ATMIS. Go’aankaas ayaa ka dhashay caradii ay Soomaaliya ay ka qaaday heshiiska Itoobiy iyo Soomaaliya.

Hase yeeshee, labada dal ayaa dhowaan gaaray heshiis lagu soo afjaray khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) ee Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii January, kaas oo soo jeediyay in dhul xeebeedka laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka dhigato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, taas beddelkeedna ay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.

Heshiiskii 11-kii December, oo uu fududeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadyada labada waddan ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo shuruucda caalamiga ah. 

Si kastaba, mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa laga soo xigtay in mar hore la qorsheeyey ciidamada ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM, sidaas darteedna, uusan jirin waqti ku filan oo hadda isbeddel loogu sameeyo.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa horay u ansixiyay AUSSOM, oo loo qorsheeyay in lagu beddelo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) laga bilaabo Janaayo 2025. 

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dowladda ku cadaadinaya ka qaybgalka Itoobiya ee hawlgalka cusub ee AU-da. Waxayna horey u qiimeeyeen in Itoobiya ay u badan tahay inay ku sii sugnaan doonto Soomaaliya. Balse arrintan ayey Soomaaliya sheegeysa in ay adag tahay. 

Soomaaliya ayaa horey Masar waxay bishii Agoosto 2024 la saxeexatay heshiis difaac. Masar ayaa qorshaynaysa inay ku dhowaad 10,000 askari oo Masaari ah ay geyso Soomaaliya, si ay u beddelaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga.

R/Wasaare Xamza, Aadan Madoobe iyo Asad Diyaano oo farriin cusub u direy…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u direy ciifanka booliska Soomaaliyeed.

Ugu horreyntii, Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hoggaannada kala duwan, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay yihiin hooyada dhammaan ciidanka qalabka sida ee dalkeennu leeyahay, sidaas awgeedna ay muhiimad gaara ah u leeyihiin Qaranka.

“Booliska waa halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, waxaaan ku bogaadinayaa sida ay har iyo habeen uga feejigan yihiin dhagarta Khawaariijtu la damacsan tahay shacabka Soonaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan saraakiisha, saraakiil xigeenadda, dableyda, alifleyda guud ahaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, xaasaskooda iyo caruurtooda la qeybsanayaa farxadda maalintooda oo kasoo wareegatay 81-sano ka dib markii la aas-aasay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu door muuqda oo firfircoon kaga jiro dowladnimada Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay adeegaha bulshada, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada, Alifleyda, Dableyda, xaasaska iyo carruurtooda, sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (1943 – 2024).”

Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii bishii December sanadkii 1943-dii ayaa maanta u dabaal-degaya sanad guuradii 81-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskoodii.

FAHAD YAASIIN: Afarta la yaab ee Raaskambooni

Doha (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay 𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐘𝐀𝐀𝐁 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐀𝐒𝐊𝐀𝐍𝐁𝐎𝐎𝐍𝐈, oo uu uga hadlayo dagaalkii ka dhacay magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubadda Hoose.

Raaskambooni ayaa waxaa fadeexad culus ay ka soo gaartay dowladda federaalka kadib markii kadib markii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku dagaalameen ugu dambeeyna keentay in ciidankii Dowladda ay qaar isku dhiibaan Jubaland kuwa kalana ay u baxsadeen dhinaca soodinta Kenya. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad.

𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐘𝐀𝐀𝐁 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐀𝐒𝐊𝐀𝐍𝐁𝐎𝐎𝐍𝐈:

𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃:  In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas le’eg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗𝐀𝐀𝐃: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐀𝐅𝐑𝐀𝐀𝐃: Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu door bidayaa la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha. Waa mahadho kale oo taariikhda ku hari doonta.