25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Dad shacab ah oo maanta aano qabiil loogu dilay gobolka…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba nin oo shacab ah lagu dilay halkaas, kadib weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dableyda dilka geystay ay kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, isla markaana uu falkaasi la xiriiray aargoosi aano qabiil.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ee falka geystay ay si degdeg ah goobta uga carareen, halka deegaanka Huurshe iyo nawaaxigiisaba laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Dilka labadan qof ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii dambe ay sii kordhayeen falalka aanooyinka qabiilka ee ka dhacaya deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo ilaa hadda aan xal loo helin.

Maalmo ka hor, deegaanka Guudoole ee isla gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay haweeney 80 sano jir ah, halka wiilkeedii uu ku dhaawacmay, taasoo iyaduna la xiriirtay aano qabiil.

Qoyska oo ahaa reer guuraa ayaa waxaa markaas weeraray maleeshiyaad hubeysan oo si lama filaan ah rasaas oodda uga qaaday, kuwaas oo isla markiiba ka baxsaday deegaanka uu falku ka dhacay.

Dilkaas ayaa la sheegay inuu ahaa aargudasho loo geystay hooyadan iyo carruurteeda, taasoo la xiriirtay dil hore loogu gaystay hooyo kale iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, isla gobolkaas.

Kiiska ayaa gaaray maxkamadaha Galmudug, iyadoo si rasmi ah ula wareegtay Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud, kadib markii ehellada marxuumiinta iyo xeer-ilaalintu ay ku qanci waayeen xukun ay dhawaan soo saartay Maxkamadda Darajada 1-aad.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana dhowaan deegaanka Raxan-Reeble lagu dilay nin shacab ahaa, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegeen maalmo qura.

Daawo: Wasiirka caafimaadka oo shaaciyay xogta baarista hordhaca ah ee kiiskii xalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta booqasho deg-deg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.

Kormeerka Wasiirka ayaa u daarna si uu ugu kuurgalo dhacdadii lagu faafiyay baraha bulshada ee muujinaysay hooyo Soomaaliyeed oo aan helin gurmad deg-deg ah.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku jiray shaqada 26-kii October 2025 xilligii ay dhacdadu dhacday.

Wasiirka Caafimaadka ayaa u kuurgalay faah-faahinta buuxda ee xaaladda, oo ay ku jiraan dib u eegista CCTV-ga, shaqaalaha iyo diiwaanada bukaan-qaadista.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in dhacdadan aan marnaba la aqbali karin, maadaama adeegyada caafimaad ee deg-degga ah yihiin xuquuq asaasi ah.

“Waxaan aad uga xunahay umadda Soomaaliyeed ka raali-gelinayna in kiis noocaas ah ay ka dhacaan isbitaalka Banaadir hortiisa, oo ah isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka lagu daryeelo ee dowladdu ku faanto,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in marka baaritaanka si dhab ah loo soo gebo-gabeeyo tallaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.

“Waxaa noo soo baxday marka wareysanay shaqaalaha iyo maamulka, ee aan daawanay kaamirada CCTV in kiiska uu ahaa cunug bilaha aan dhameysan, in loo xawilay isbitaal kale. Waxaan u caddeynaynaa umadda Soomaaliyeed in baaritaan dheeri aan sameyn doono, oo si dhab ah aan uga daba tegi doono wax kastoo qaladaad iyo dayacaad ah.”

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada Soomaaliyeed u xaqiijisay in ilaalinta badbaadada hooyada iyo dhallaanka ay mudnaanta koowaad tahay, isla markaana aysan jiri doonin cid laga aqbalayo dayacaad halis galinaysa nolosha shacabka.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirrada:

Shaqaalaha markabka ay qabsadeen burcad badeedda oo sameeyey arrin cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad badeed Soomaali ah ayaa Khamiistii fuulay markab booyad ah oo sita calanka Malta, kaasi oo marayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Waxaa hadda soo baxaya in shaqaalihii markabka ay galeen qol gaar ah oo adag oo ammaan ah, waxayna weli gacanta ku hayaan maamulka markabka, sida ay sheegeen ilo dhanka amniga badaha ah.

Weeraro hubeysan oo is-daba-joog ah oo lala beegsaday maraakiibta gobolka, oo ay ku jirto dhacdadii ugu horreysay ee muddo sannad ah looga shakiyo burcad badeed Soomaali ah, ayaa dib u soo celiyay walaacii laga qabay waddooyinka maraakiibta ee loo isticmaalo gaadiidka tamarta iyo badeecadaha muhiimka ah ee loo qaado suuqyada caalamka.

Markabka Hellas Aphrodite, oo siday shidaal, ayaa ku wajahnaa dalka South Africa isagoo ka yimid India markii “dhacdo amni” ay dhacday subaxnimadii Khamiista, sida ay sheegtay shirkadda Gariigga ah ee maamusha ee Latsco Marine Management. Dhammaan shaqaaluhu way badqabaan, ayay intaa ku dartay.

Burcad-badeed saarnaa doon yar ayaa rasaas ku furay markabka, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Ambrey. Burcad-badeedda ayaa sidoo kale markabka ku dhuftay gantaalka garbaha laga tuuro (RPG), sida ay sheegeen ilo dhinaca amniga badda ah.

Ciidanka Badda ee Midowga Yurub (EU Naval Force) ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda uu “u dhow yahay goobta dhacdada uuna soo dhowaanayo, isla markaana uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga jawaabo digniintan burcad-badeednimo.”

Shaqaalaha oo badqaba

Shaqaalaha ayaa magan galay “qalcadda” (citadel) markabka, oo ah qol ammaan ah oo la adkeeyay, waxayna weli gacanta ku hayeen markabka, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socday shirkadda amniga badda ee Diaplous iyo kooxda Ingiriiska ah ee maaraynta halista badda ee Vanguard.

Kabtanka markabka waa u dhashay dalka Montenegro, sida uu sheegay ilo xog ogaal u ah hawlgalka. Shan ka mid ah shaqaalaha, oo uu ku jiro madaxa injineerada, ayaa ah Gariig, halka inta kalena ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalka Filibiin, ayuu intaa raaciyay isha.

“Dhammaan 24-ka xubnood ee shaqaalaha way badqabaan, xaaladdoodana waa la ogyahay, waxaana weli xiriir dhow la leenahay,” ayay Latsco Marine Management ku tiri bayaan ay soo saartay.

Latsco waxay sheegtay inay hawlgelisay kooxdeeda wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ayna la kaashanaysay mas’uuliyiinta si loo xaqiijiyo badqabka iyo daryeelka joogtada ah ee shaqaalaha.

“Shaqaaluhu waxay soo sheegeen inay maqlayeen sawaxan markabka dhexdiisa ah,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha amniga badda.

Diyaarad Japan ah ayaa dul heehaabtay aagga si ay kormeer u samayso, balse kuma aysan arag wax dhaqdhaqaaq ah ama calaamado muujinaya hawl ka socota markabka, ayuu isha ku daray.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho. Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa markii dambe soo badbaadiyay 17-kii xubnood ee shaqaalaha ka dib markii ay xarig ugu degeen markabkaas.

Maalintii Isniinta, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkan sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iiraan ayaa khatar ka weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku shubanta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu bilowday weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo taageero u muujinayay Falastiiniyiinta ku aaddan dagaalka Israel ee Gaza.

In kasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen heshiis ay ku joojinayaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, haddana shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka walaacsan inay dib u bilaabaan safarradii ay ku mari jireen biyahaas.

Xog: DF oo xannibaaddii dhaqaale ka qaaday Jubaland iyo arrinta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay u fasaxay Dowlad-goboleedka Jubaland kabka miisaaniyadeed ee ka iman jiray Dowladda Federaalka oo muddo xayirnaa, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida aan xog ku helnay, Xamza ayaa amray in Jubaland loo wareejiyo lacag dhan $5.5 milyan oo muddo ka xannibnayd kaddib khilaafkii ka dhashay doorashada Axmed Madoobe ee dhammaadkii sannadkii 2024-kii dhacay.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda ayaa la faray inay lacagtaas gaarsiiyaan Jubaland, waana saamiga ay Jubaland ka heshay deeqda Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ee taageerada shaqo-socodsiinta iyo miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha dowladeed ee ka tirsan.

Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka waa laba ka mid ah ilaha taageero dhaqaale ee Soomaaliya. Maalmo ka hor, Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka daah-furay mashruuc cusub oo lagu abuurayo 28,000 oo shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada, isla markaana lacag caddaan ah lagu siinayo 123,000 oo qoys oo baylah ah. Guud ahaan, mashruucan ayaa higsanaya inuu caawiyo ilaa 738,000 oo qof.

Mashruucan oo ku kacaya $112 milyan, looguna magac daray “Horumarinta Fursadaha iyo Natiijooyinka Daryeelka Bulshada iyo Shaqaaleynta Dhallinyarada (BOOST-You),” ayaa loogu talagalay inuu Soomaaliya ka caawiyo inay ka gudubto gargaarka degdegga ah una wareegto hannaan daryeel bulsho oo joogto ah oo ay dowladdu maamusho.

Xayiraadda laga qaaday Jubaland ayaa imaanaysa toddobaadyo kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo Kismaayo ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe, inkasta oo weli ay jirto rajo ah in dib loo wada fariisto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku laaban doono Kismaayo. Safarkan labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay in uu heshiis ka keeno; hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe labo sano oo muddo-xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu dhammaystiri doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama horey u dhammaatay hal sano. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026-ka.

Qorshaha shirka uu madaxweynuhu Kismaayo la tagayo ayaa la sheegay inay wax ka ogyihiin dowladaha deriska ah ee galaangalka ku leh arrimaha Jubaland, kaddib safarradii uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi.

Dagaalka Suudaan oo weji cusub yeeshay: Turkey & Masar oo la loolamaya Imaaraadka

Qaahira (Caasimada Online) — Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isbahaysi naadir ah oo dhex maraya Masar iyo Turkey oo ku aaddan Sudan uu soo ifbaxayo, kaasi oo looga gol leeyahay in looga hortago horumarka maleeshiyada RSF ee Suudaan oo ah koox uu hubeeyo Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay ciidamada RSF si istiraatiiji ah u qabsadeen el-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur.

Gacan ku dhigidda magaalada ayaa walaac ku abuurtay dalka deriska la ah ee Masar, oo hadda ka cabsi qaba in dagaalku ku soo fido soohdinteeda koonfureed.

Qaahira ayaa dib u qaabeyn ku sameyneysa qorshaheeda amniga, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Middle East Eye, taasoo soo xiganeysa ilo sare oo Masaari iyo Turki ah.

Qaahira waxay si hoose u xoojisay fariisimaheeda ku yaal xuduudaha ay la wadaagto Sudan iyo Libya.

“Wada shaqeyn ayaa u socotay ciidamada Masar iyo Sudan si loo dhiso ciidan talis wadajir ah oo lagaga hortagayo RSF iyo isku day kasta oo suurtagal ah oo lagu soo dhex galo Masar,” sida uu sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka millatariga Masar u sheegay Middle East Eye.

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan (SAF) iyo ciidamada hubeysan ee RSF wuxuu billowday Abriil 2023. Dagaalku wuxuu barakiciyay malaayiin qof, wuxuuna abuuray masiibo bini’aadannimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ciidanka RSF, oo ka soo farcamay maleeshiyada Janjaweed, ayaa Mareykanku wuxuu ku eedeeyay isir-sifeyn iyo xasuuq ka dhacay Darfur.

Isbahaysiga Masar iyo Turkey

Qabsashadii el-Fasher waxay horseedday isku soo dhowaansho la taaban karo oo dhex mara dalalka gobolka ku xifaaltama ee Masar iyo Turkey. Labada dal waxay dan guud ka yeesheen taageeridda Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan (SAF).

“Ciidamada Masar iyo Turkey waxay billaabeen wada shaqeyn toos ah oo ku aaddan arrimaha Sudan,” sida uu sheegay ilo-wareed sare oo dhanka amniga Masar ah.

Wada shaqeyntan ayaa la sheegay inay diiradda saareyso xakameynta guulaha dhuleed ee RSF iyo dejinta gobolka Darfur ee dagaalladu la degeen.

“Diyaargarow ayaa socda oo loogu jiro weerar mustaqbalka dhici kara oo dib loogu qabsanayo el-Fasher iyo dhulalka ku xeeran, waxaana ka mid ah tallaabooyin looga hortagayo in taageero cirka ah oo shisheeye ay soo gaarto cutubyada RSF,” ayuu raaciyay il-wareedka.

Ankara ayaa horey u siisay ciidanka SAF diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo.Waxay hadda qorsheyneysaa inay kordhiso taageeradeeda, sida uu ilo Turkish ah u sheegay Middle East Eye.

“Waxaan horey u qorsheyneynay inaan dirno nidaamyo (hub) dheeri ah, laakiin xasuuqii el-Fasher wuxuu kaliya sii xoojiyay go’aankeenna,” ayuu yiri il-wareedka, isagoo tixraacaya “tacaddiyada isdaba joogga ah” ee RSF ay ka geysteen magaalada la qabsaday.

Doorka Imaaraadka ee guulaha RSF

Guulaha RSF ee furimaha dagaalka iyo hubka casriga ah ee ay haystaan waxay soo jiiteen in si weyn loo baaro taageerahooda koowaad ee caalamiga ah, oo ah Imaaraadka Carabta.

In kasta oo Abu Dhabi ay beeniso, warbixinno calami ah ayaa muujinaya in Imaaraadku uu hub siinayay RSF intii uu dagaalku socday. Warbixinnada ayaa soo xiganaya sawirro dayax-gacmeed, xogta duulimaadyada, iyo ilo wareedyo.

Intaa waxaa dheer, sahaydan ayaa la sheegay inay sii marto waddooyin mara Libya, Chad, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo Uganda.

Waddooyinka kale ee la soo sheegay waxaa ka mid ah Boosaaso ee gobolka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasoo ugu dambeyntii gaara saldhigyada RSF ee gudaha Sudan.

Hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, oo si fiican loogu yaqaan Hemedti, wuxuu xiriir maaliyadeed iyo mid millatari oo soo jireen ah la leeyahay Imaaraadka.

Ciidamada Hemedti ayaa horey ugu yaraan 40,000 oo dagaalyahan ugu biiriyay isbahaysiga uu Imaaraadku hoggaaminayay ee Yemen.

Xariiqa cas ee cusub ee Qaahira

Masar ahaan, gacan ku haynta RSF ee el-Fasher iyo saddex-xagalka soohdinta ee Libya ma ahan oo kaliya khasaare istiraatiiji ah oo soo gaaray xulafadooda SAF. Sidoo kale waa hanjabaad toos ah oo ku wajahan amnigeeda qaranka.

Booqashooyin uu dhowaan sameeyay taliyaha ciidanka Masar, Gaashaanle Sare Ahmed Fathi, ayaa muujiyay degdegga arrinta. Wuxuu u safray Sacuudi Carabiya iyo Port Sudan, oo ah saldhigga dowladda ee SAF hadda.

Fathi wuxuu la guddoomiyay guddi millatari oo ku sugnaa Riyadh ka hor inta uusan isku dubaridin qorshayaasha hawlgallada ee Sudan.

Ilo rasmi ah oo Masaari ah ayaa xaqiijiyay in Qaahira ay siisay SAF “tilmaamo hawlgal iyo hub,” wuxuuna ka digay “in khaladaad ama dib u dhac ku yimaada ka jawaabista dhaqdhaqaaqyada RSF ay halis gelin karaan amniga soohdinta Masar.”

Taageeradan tooska ah ee millatari waxay barbar socotaa isbahaysiga heerka sare ah ee Masar iyo Turkey ee Sudan, taasoo muujineysa isku soo dhowaansho istiraatiiji ah oo cusub.

Ciidanka RSF ayaa hadda la soo sheegayaa inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah Omdurman, oo ku taal dhinaca kale ee Webiga Niil kana soo horjeedda caasimadda Khartoum.

“Weerarka la qorsheeyay ee RSF ay ku qaadayaan Omdurman bilooyinka soo socda wuxuu soo dedejin karaa faragelinta Qaahira, maadaama caasimaddu ay mar walba xariiq cas u ahayd Masar,” sida ay sheegtay Kholood Khair, oo ah agaasimaha xarunta fikirka ee Confluence Advisory.

Si taas looga hortago, Masar iyo SAF waxay qol kale oo hawlgal wadajir ah ka sameynayaan magaalada el-Obeid ee Waqooyiga Kordofan, si “loo soo celiyo joogitaanka ciidanka Sudan” ee goobihii ay dhowaan qabsadeen RSF, sida uu sheegay il-wareedka sare ee Masar.

Xoojintan millatari ayaa ku soo aadeysa xilli ay istaageen dadaalladii diblomaasiyadeed.

Tusaale ahaan, ciidanka SAF ayaa la sheegay inay diideen xabbad-joojin lagu soo qaaday wadahadallo uu Mareykanku hoggaaminayay oo ka dhacay Washington.

Wafdiga RSF ee halkaas jooga waxaa si gaar ah uga mid ah Algoney Dagalo, oo ah walaalka Hemedti, kaasoo ay saaran yihiin cunaqabateynno Mareykan ah.

“Istiraatiijiyaddan cusub waxay Qaahira ka fogeyneysaa doorkeedii ay doorbideysay ee ahaa nabad-doon,” ayay raacisay Khair.

Qabsashadii el-Fasher waxay hadda u muuqataa mid sii adkeysay faragelinta quwadaha gobolka, ayna sii xoojisay isbahaysiga Masar iyo Turkey ee Sudan.

Arrintan waxay dalka ku sii riixeysaa inuu si buuxda u kala qaybsamo.

 

DF Soomaaliya oo baareysa dhacdadii naxdinta laheyd ee isbitaalka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan deg-deg ah oo ku saabsan dhacdadii murugada laheyd ee haweeney Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir.

Haweenaydan oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa halis gashay, iyadoo ku umushay laamiga hormara isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, Dr. Cali Xaaji Aadam uu amar ku bixiyay in dib loo eego muuqaalada CCTV-da isbitaalka iyo in la soo ururiyo warbixin dhameystiran, iyadoo la warsanayo maamulka iyo howl-wadeennada isbitaalka, si loo ogaado xaqiiqda ku saabsan sida ay arrintu u dhacday.

Wasaaraddu waxay tilmaamtay inay si buuxda uga go’an tahay difaaca iyo daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed, ayna muhiimad gaar ah siinayso in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan si loo helo xaqiiqada dhabta ah.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in haddii baaritaanka lagu ogaado dayacaad, mas’uuliyad-darro ama khalad ka dhacay shaqaalaha ama maamulka Isbitaalka Banaadir, tallaabo sharci iyo mid maamul laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo eeddaas.

Dhanka kale, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa sheegay inay arkeen muuqaal muujinaya haweeney Soomaaliyeed oo ku umushay banaanka isbitaalka Banaadir, iyadoo aan helin daryeel caafimaad, isla markaana ay bilaabayaan baarista dhacdadan.

“Golaha oo ka xun dhacdadan waxa uu baaritaan daahfurn ku sameyn doonaa kiiskan, waxa uuna degdeg bulshada ula wadaagi doonaa sababta keentay dayaca iyo daryeel la’aanta ku dhacday hooyada iyo natiijada baaritaanka, waxa uuna qaadi doona tallaabooyinka sharciga ah ee la gudboon,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen.

Puntland oo jawaab rasmi ah ka bixisay arrinta Boosaaso iyo askarta Colombian-ka ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii hortagay Aqalka Sare si uu uga warbixiyo xaaladda amniga ee dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay qiratay in diyaarado ka duula garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay dalka Suudaan u qaadaan “wax aan la cayimin”.

Hadalkan wasiirka ayaa yimid xilli ay muddooyinkii la soo dhaafay kordheen warar iyo warbixinno ay tebinayaan warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa Carabta, kuwaas oo ku saabsan duullimaadyadan iyo suurtagalnimada xiriir ka dhexeeya dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Bishii Oktoobar, warbixin ay si wadajir ah u daabaceen The Guardian iyo warbaahinta Colombia ee La Silla Vacía ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno Colombian ah oo loo dirayey Suudaan laga dhoofiyay magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiir Fiqi su’aalo ka weydiiyeen arrimo la xiriira amniga dalka, la dagaallanka Al-Shabaab, iyo gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha u kala socda Soomaaliya iyo Suudaan.

“Way jiraan. Waxaan ka qirayaa dadka Soomaaliyeed iyo senatarrada hortooda, in diyaarado meeshaas ka duula ay Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan wax geeyaan. Maxay geeyaan oo ay qaadaan? Annagu ma naqaan. Taasi waxay u baahantahay in la xaqiijiyo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday wararka indhawaale la hadal-hayay ee ku saabsan ciidammo calooshood u shaqaystayaal ah oo laga dhoofiyo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

“In niman Colombian ah oo calooshood-u-shaqaystayaal ah laga qaado, waxa qoraya warbixinno. Laakiin annagu xaqiiqo uma hayno. Waxa aanaan xaqiiqo u hayn, hadda ka sii fogaan mayno.”

“Annagoo Muslim ah, dhibaato gaadhaysa dad walaalaheen ah oo Muslimiin ah, haddii aan siyaasad ku saboolno, waxa aan ku dhacaynna wax ka weyn waxa aan difaacaynno, oo adduun iyo aakhiro ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Boosaaso, oo ah magaalo deked leh oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland, ayaa hoy u ah joogitaan xooggan oo Imaaraadka Carabta ah, kuwaas oo tababar iyo taageero siinaya cutubyo ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Maxay Puntland ka tiri eedeymahan?

Si jawaab loogu helo eedeymaha uu ka dhawaajiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, waxa ay BBC-du la xiriirtay wasiirka warfaafinta u qaabilsan Puntland, Maxamuud Cayddiid Dirir.

“Hadalkaasi waxa uu ahaa hadal meel ka dhac ah oo masuuliyad-darro ah. Waxay ahayd in hadallada noocan ah uu xilkiisa ku waayo, maaddaama uu Soomaali oo dhan ceebeeyay.”

“Waan beeninaynaa. Waa war been-abuur ah oo aan sal iyo raad toonna lahayn. Puntland iyo Soomaaliya xuduud lama laha Suudaan. Dalal badan baa ka xiga. Haddii ay dalal ay ka mid yihiin Turki, Masar iyo Imaaraad ay isku hayaan Suudaan dhexdeeda, ma jiro xiriir gaar ah oo ay Puntland ku leedahay,” ayuu intaasi raaciyay.

Cayddiid Dirir, dhinaca kale, waxa uu ka hadlay in Imaaraadka Carabtu ay wax saldhig ciidan ah ku leeyihiin deegaannada Puntland.

“Puntland waxa jooga ciidammo ay Imaaraadku taageeraan. Saldhigyo gaar ah oo ay leeyihiin ma jiraan. Ciidammo ay leeyihiin ma joogaan, garoon kama maamulaan. Markaa, warkaas waxba kama jiraan. In Fiqi yiraahdo diyaaradaha wax duqeeya annagaa maamulna iyo in uu yiraahdo diyaarado ay sidaan wax aan la aqoon baa kaca, labadaas lama isu keeni karo,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

“Puntland calooshood-u-shaqaystayaal lagama dhoofiyo. Mana soo maraan. Xidhiidhna lama laha,” ayuu intaas ku daray.

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si weyn loogu eedeeyaa in uu taageero ciidanna siiyo kooxda RSF ee Suudaan, inkasta oo Imaaraadku ay si dhab ah u diideen eedeyntaas.

Isha: BBC Somali

Mucaaradka oo si adag uga hadlay dhacdadii xalay ee gilgishay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dhacdadii xalay gilgishay magaalada Muqdisho, taas oo haweeney Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhacdadan xanuunka badan ay muujinayso mas’uuliyad darro, naxariis la’aan iyo dareen ka baxsan bani’aadantinnimada.

“Muuqaalka hooyada ku ummulaysay ardaaga hore ee cusbitaal Banaadir waa mid qarracan iyo qalb ijab ah. In hooyooyinka danyarta ah jidka ku ummulaan, kuwa kalana la barakiciyo, halka qaar kalana kaarka aqoonsiga saqdhexe saf u galaan oo waddooyinka ku hoydaan ma aha oo keli ah in xuquuqdoodii muwaaddinnimo lagu tuntay ee waxa lagu xadgudbay sharftoodii iyo dadnimadoodii,” ayuu yiri Warsame ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale wuxuu isweydiiyay sida ay ku dhici karto in hooyo ummulaysa isbitaal dowladdu leedahay laga xirto, kadibna lacag lagu sandulleeyo, iyada oo ay dowladdu cashuur ka qaaddo guri, ganacsi, iyo gaadiid walba oo jidka maraya. “Maxaa sabab u ah, maxaa se lagu fasiri karaa silica hooyooyinka?” Ayuu isweydiiyay siyaasigan mucaaradka ah.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa sabab u ah rageenna, kuwa ay u dhaxeen iyo ubadka ay dhaleen ama ehelkooda ah oo dulmiga ku daawanaya. Waxaan u kala baxnay kuwa danysi afqabtay, kuwo fulaynimo la aamusan iyo kuwo ka dan la’ oo aad mooddo in uu dal kale ku nool yahay ama dulmigu haleeli doonin.”

Hoos ka aqriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:

Muuqaalka hooyada ku ummulaysay ardaaga hore ee cusbitaal Banaadir waa mid qarracan iyo qalbi-jab ah. Wuxuu muujinayaa mas’uuliyad darro naxariis la’aan, iyo dareen ka baxsan bani’aadantinnimada.

In hooyooyinka danyarta ah jidka ku ummulaan, kuwa kalana la barakiciyo, halka qaar kalana kaarka aqoonsiga saqdhexe saf u galaan oo waddooyinka ku hoydaan ma aha oo keli ah in xuquuqdoodii muwaaddinnimo lagu tuntay ee waxa lagu xadgudbay sharftoodii iyo dadnimadoodii.

Sidee ayey ku dhici kartaa in hooyo ummulaysa cisbitaal dawladdu leedahay laga xirto, ka dibna lacag lagu sandulleeyo, iyada oo ay dawladdu cashuur ka qaaddo guri, ganacsi, iyo gaadiid walba oo jidka maraya. Maxaa sabab u ah, maxaa se lagu fasiri karaa silica hooyooyinka?

Waxaa sabab u ah rageenna, kuwa ay u dhaxeen iyo ubadka ay dhaleen ama ehelkooda ah oo dulmiga ku daawanaya. Waxaan u kala baxnay kuwa danysi afqabtay, kuwo fulaynimo la aamusan iyo kuwo ka dan la’ oo aad mooddo in uu dal kale ku nool yahay ama dulmigu haleeli doonin.

Baraarug bilow ah

Shalay ciyaartii kamaddanbaysta ahayd ee dhexmartay degmooyinka Hawlwadaag iyo Warsheekh, Madaxweynaha markii lagu wargeliyey in lagu oriyey, lana tuuryeeyey Duqii Muqdisho iyo Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir, in uu ka cabsaday in uu dadwaynaha salaamo, ka dib waa kii illinka danbe ee VIP-da boobay ee si qarsoodi ah loo bixiyey.

Tani waxay tilmaamaysaa baraarug cusub iyo sida shacabku u karhay maamulka dhiigmiiradka ah. Waana tusaale muujinaya marka shucuubta qalbigoodu ku diiddo, ee ku nacdo.

Waxaad ogaataan aqoonteenna, xirfadeenna, waqtigeenna iyo tamarteenn oo la ababulay waxay noqon karaan awood madani ah oo si nabad ah dulmiga iyo dullaynta dhiigmiiratada la iskaga caabiyo, loolana xisaabtamo.

Haddiise habdhaqanka dhiigmaradka iyo cadaadisku sii socdo wuxuu sababi karaa qarax ay dhici karto inuu ina dhaxalsiiyo qalalaase aan cidna joojin karin, fidnadu daan la qabto ayey leedahay, ee dabo la qabto ma leh.

Dawladnimo waa in adeeg, amni, xuquuq xorriyad, sharaf, iyo fursad laga helo, laakiin gaajo, rajo la’aan, iyo caddaalad darro, lagu laray takrifal iyo dullaysi lama daawan karo. Waa in damiirku ina gubo.

Puntland oo shaacisay waqtiga ay bilaabayso bixinta kaarka cusub ee aqoonsiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga la bilaabi doono qorshaha aqoonsiga cusub ee Puntland, kaasi oo maamulka uga hortagayo kan Dowladda Federaalka ee NIRA.

Shirka Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa lagu go’aamiyay in 1-da January 2026 la hawl-geliyo hay’addii qaban laheyd shaqada bixinta kaarka aqoonsiga cusub ee Puntland.

“Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawl-geliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID),” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Puntland.

Sidoo kale, golaha ayaa ku dhawaaqay in dal-ku-galka (Visa) ay bixinayso Wasaaradda Amniga ee Puntland, taas oo si toos ah uga hor imaneysa amarkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

“Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay shirka golaha.

Puntland ayaa bilooyin ka hor si cad uga hortimid kaarka aqoonsiga qaranka oo Dowladda Federaalka ka bilowday magaalada Laascaanood iyo Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay maamusho Galmudug.

Puntland ayaa markaas ku hanjabtay in tallaabo adag ay ka qaadi doonto qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka ayaa gaarsiiyay illaa heer in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, inkastoo aysan si faah-faahsan u sheegin xuquuqda uu waynayo qofka qaata kaarka NIRA.

Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan ayey ku sheegtay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Horey Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Daawo: Xasan Sheekh oo maanta qorshihiisa doorasho uga faa’iideystay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeyb-galay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka degmooyinka gobalka Banaadir ayaa kumanaanka kun ee usoo daawasho tegay ciyaarta ka dalbaday inay usoo baxaan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa marka hore tilmaamay in isu-soo baxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xasan oo hambalyo u diray labada degmo ee Howl-wadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii is-dhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaad maanta haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna.”

Madaxweyne ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howl-wadaag ee ku guulaystay koobka, isagoo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku hawlan qabashada doorasho qof iyo cod, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta si adag uga horyimaadeen qorshahan iyo hanaanka ay dowladdu u wado, iyadoo sidoo kale ay bannaanka ka joogaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xamza oo mashruuc noociisu cusub yahay ka daah-furay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Mashruuca “Rajo Kaaba”, oo ah barnaamij deeq waxbarasho oo loogu tala-galay haweenka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa taageero weyn siinaya haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay sii wataan waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree), si kor loogu qaado ka-qaybgalka haweenka ee tacliinta sare, horumarinta xirfadaha iyo awooddooda hoggaamineed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruuca Rajo Kaaba uu qayb ka yahay qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee lagu taageerayo laguna horumarinayo haweenka, si loo helo fursado siman oo waxbarasho, shaqo iyo hoggaan.

“Waxbarashadu waa furaha nolosha adduun iyo aakhiro, waa jidka lagu gaari karo horumar iyo dowladnimo ku taagan tiir adag. Dadkii aan waxbaran waxaa kala gooya colaad, abaar, cudur iyo gaajo, sidaas awgeed ‘Rajo Kaaba’ waa mashruuc qaran oo daliil u ah sida ay xukuumaddu xoogga u saarayso kobcinta aqoonta iyo karaanka gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed maanta ay haystaan fursaddii ay dalka ku hoggaamin lahaayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan doorashooyinka dowladaha hoose ee dhowaan dalka laga qaban doono.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxay dejisay Barnaamijka Isbeddelka Qaran, kaas oo mudnaanta siinaya kor u qaadista karaanka aadanaha. Taas oo keentay in la xoojiyo waxbarashada iyo xirfadaha lagu horumarinayo shaqada iyo shaqaalaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo tayeynta aqoonta dadka Soomaaliyeed, si waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban.

Yaa ku guuleysatay koobka degmooyinka gobolka Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Stadium Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo finalka xiisaha lahaa ay foodda is dareen degmooyinka Howl-wadaag iyo Warsheekh.

Kooxda degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Warsheekh.

Inkasta oo Warsheekh aysan ka tirsaneyn gobolka Banaadir, maadaama ay hoos timaaddo gobolka Shabeellaha Dhexe, haddana waxay tartanka uga qeyb gashay si marti ah, iyadoo sameysay mucjiso dhab ah kadib markii ay gaartay finalka, taas oo noqotay arrin dad badan ka yaabisay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa goob joog ahaa Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, halkaas oo ay ku daawanayeen ciyaarta finalka.

Sidoo kale, garoonka waxaa soo buux dhaafiyey kumannaan shacab ah oo kala taageersan labada degmo, iyadoo daawashada ciyaarta kama dambaysta ah ay goob joog ka ahaayeen madaxda Dowladda Federaalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

Si kastaba, ciyaarta kama dambaysta ah ayaa ahayd mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar xiiso leh, balse ugu dambeyn waxaa 2-1 guushu ku raacday kooxda Howl-wadaag, taas oo sidaas ku noqotay horyaalka cusub ee gobolka Banaadir.

Macallinka kooxda Howl-wadaag, Macallin Xamaam, ayaa maanta dhigay taariikh kale oo weyn, isagoo noqday tababaraha kaliya ee laba sano oo xiriir ah difaaca koobka degmooyinka Banaadir, isaga oo labada jeer kala qaaday labo degmo oo kala duwan.

Xamaam sanadkii hore wuxuu koobka kula guuleystay degmada Kaaraan, isaga oo aan hal kulan laga badin.

Sanadkan wuxuu koobka kula guuleystay degmada Howl-wadaag, sidoo kale isagoon hal kulan laga adkaanin.





 

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka hor imanaya amarka e-Visa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dal-ku-galka (Visa) ay bixinayso Wasaaradda Amniga ee Puntland, taas oo si toos ah uga hor imaneysa amarkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

Go’aankan cusub ayaa maanta lagu gaaray shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland, kaasi oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka safrin Garoowe, uuna ku wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland dib-loogu celiyay adeega bixinta deganaanshaha ee ajaanibta.

“Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay shirka golaha.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa golaha la horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta gobollada maamulka Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale, golaha ayaa waxaa loo qaybiyey wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka gobollada, degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu goluhu usoo akhriyo oo looga doodo ansixintiisa shirarka xiga ee golaha.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Deegaanka ayaa golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.

Go’aanka cusub ee kasoo baxay Puntland ayuu maamulka uga hortagaya hanaanka e-Visa oo Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u dhaqan-gelisay.

Dhawaan, maamulka Somaliland ayaa diiday dal-ku-gal elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo dhigaya in rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland in ay jartaan ka hor safarkooda.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digtay in diyaaraduhu soo qaadan rakaab aan sidan e-Visa.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si deg-deg ah looga dhaqan-geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed, iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahaya awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ay is-hayaan sida Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Siciid Deni oo Imaaraadka u baxay xilli ay bannaanka timid xogta saldhigga Boosaaso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo xiriir dhow la leh Puntland.

Deni ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, isaga oo sii maraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada Dubai, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan waxaa Madaxweyne Deni ku wehlinaya xubno ka tirsan qoyskiisa, sida ay sheegeen ilo wareedyo gudaha ah. Inta badan, Madaxweynaha Puntland ma wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa marka uu safarro dibadda ah ku baxayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarka uu la xiriiro kulammo uu Deni la qaadan doono mas’uuliyiin iyo saraakiil sare oo Imaaraad ah. Si kastaba, dowladda Puntland weli faahfaahin kama aysan bixin safarka madaxweynaha.

Siciid Deni ayaa hore dhowr jeer u tegay Imaaraadka Carabta, waana dalka ugu badan ee uu u safro. Imaaraadka ayaa loo arkaa saaxiib istiraatiiji ah oo dhaqaale iyo siyaasadba ku leh Puntland.

Socdaalka Deni ayaa imanaya xilli ay bannaanka u soo baxeen xog ku saabsan saldhigga magaalada Boosaaso oo Imaaraadku u adeegsado dagaalka Sudan, iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in diyaarado ka duulay Boosaaso ay ka degeen gudaha Sudan.

Sidoo kale, dhawaan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, kuwaas oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabatayn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, isla markaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istiraatiijiyeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawlgallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, taas oo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo kooxda RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo, isla markaana aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen raadaarka hawlaha badan ee ELM-2084 Multi-Mission Radar oo lagu sameeyay Israel, kaas oo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel, kuna shaqayn kara la socodka in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa la rumeysan yahay in Imaaraadku rakibay iyadoo aysan arrintaas ka warqabin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istiraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Shirkadda SOON oo sheegtay in ciidamada Villa Somalia ay ku soo qaadeen duullaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Somali Optical Networks (SOON) ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada (Villa Somalia) ay maalintii saddexaad burburin iyo qabsasho ka wadaan xarunteeda isgaarsiinta ee degmada Boondheere, iyaga oo adeegsaday cagafyo waaweyn si dhismaha dhulka loogu simo, taas oo sababtay hakad ballaaran oo adeegyo ah.

SOON ayaa ku warrantay in hawlgalka uu hoggaaminayo G/le Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed, islamarkaana uu sababay in la jajabiyo qalabkii isgaarsiinta, kumbuyuutarradii keydka xogta, xafiisyada iyo agabkii adeegga.

“Waxaa si bareer ah loo burburiyay kaabeyaashii isgaarsiinta ee ay ku tiirsanaayeen hay’ado dowladeed, shirkado iyo kumannaan macaamiil ah,” ayuu laga yiri bayaan ka soo baxay shirkadda, ayada oo sheegtay in sawirro iyo muuqaallo “caddeymayaal toos ah” la hayo.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macalin Cali (Maxamed Soomaali), uu tegay goobta oo uu amray in la joojiyo burburinta, balse amarkii la baalmaray. “Wasiirku si cad ayuu u sheegay ‘joojiya burburinta hadda’, hase yeeshee ciidamada amarka ma aysan qaadan,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Tani waa ku-takri-fal awood dowladeed iyo ku-tumasho sareynta sharciga.”

SOON ayaa sheegtay in weerarku horseeday in adeegyo muhiim ah istaagaan. “Qalabkii isku xira hay’adaha dowladda iyo shirkadaha kale waa la gooyey; internet-kii iyo isku-xirkii caasimadda ee dhinaceenna wuu istaagay,” ayay tiri shirkaddu. “Xaruntan Boondheere waxay ahayd laf-dhabar isgaarsiineed oo si wadajir ah loo maamulaa tan iyo heshiiskii 2015 ee aan la galnay Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.”

Shirkaddu waxay ku baaqday in la joojiyo hawlgalka iyo in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo saraakiisha ku lugta leh, iyadoo dalbatay magdhow. “Waxaan codsaneynaa faragelin degdeg ah, baaritaan madax-bannaan iyo soo celinta dhammaan adeegyada,” ayay tiri SOON. “Magaca dowladda in lagu gabbaadsado boob hanti gaar ah wuxuu dhaawacayaa kalsoonida canshuur-bixiyeyaasha iyo sumcadda hay’adaha.”

SOON waxay sheegtay in ay hayso caddeymo toos ah oo la xiriira dhacdada, oo ay ku jiraan sawirro iyo dukumentiyo. “Waxaan lifaaqnay sawirro iyo muuqaallo la qaaday 3–5 Nofeembar 2025, iyo diiwaanno farsamo (logs) oo muujinaya waqtiga adeegyada ay istaageen,” ayay tiri shirkaddu. “Waxaa kale oo jira dukumentiyada heshiiska 2015 iyo qoraallo rasmi ah oo ku saabsan wada-maamulka xarunta.”

Caasimada Online ma aysan helin jawaab degdeg ah oo ka timid Villa Somalia oo ku aaddan eedeymaha shirkadda.

Shirkadda ayaa ku adkaysatay in “weerarku yahay ku-tumasho sharci” ayna sii waday inay xog ururin sharci ah ka sameyso khasaaraha. “Waxaan ka shaqeyneynaa in maxkamad la horgeeyo cid kasta oo mas’uul ka ah burburinta iyo boobka,” ayay raacisay.

Sawirro: Mareykanka oo is-beddel ku sameynaya saldhigii ay weerareen Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Saldhig ku yaalla meel ka fog magaalada oo dalka Kenya ah, kaas oo loo adeegsado in lagu taageero hawlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sameynayaa is-beddel lagu hagaajinayo xaaladda nololeed, laguna adkeeyo amniga. Ciidamada ayaa ka guuraya teendhooyinkii ay ku jireen, waxayna u wareegayaan dhismooyin adag.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah hindise ballaaran oo lagu doonayo in lagu wanaajiyo amniga iyo diyaargarowga guud ee hawlgallada ee Camp Simba, sida uu sheegay Garabka 406-aad ee Duullimaadyada Hawada Sare (406th Air Expeditionary Wing) war-saxaafadeed uu dhowaan soo saaray.

Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa 10 teendho oo waaweyn oo la rari karo, oo inta badan loo isticmaalo hawlgallada xasaradaha, lagu beddeli doonaa 88 guri oo kontaynaro ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Guryaha noocan ah ayaa si weyn looga isticmaali jiray saldhigyo badan oo ay ciidamada Mareykanku ku lahaayeen Ciraaq sannadihii dagaalka.

“Teendhooyinka hadda jira waxay u nugul yihiin dabka, cayayaanka iyo cimilada daran, halka dhismahan cusub uu bixin doono deegaan nololeed oo ammaan ah, la isku halleyn karo, oo waara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Camp Simba, oo ku yaal meel u dhow xudduudda Soomaaliya oo ka tirsan xeebta Kenya, ayaa kaalin ka qaatay taageeridda hawlgallada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ee Soomaaliya.

Saldhigga ayaa sidoo kale bartilmaameed u noqday al-Shabaab, oo ah kooxda xagjirka ah ee Islaamiga ah ee muddo labaatan sano ah dagaal ka wadday Soomaaliya.

Sannadkii 2020, dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, oo qiyaastii hal mayl u jira Camp Simba. Labada gooboodba waxaa isticmaala ciidamada Mareykanka.

Askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield Jr., oo 23 jir ahaa, iyo laba duuliye oo qandaraaslayaal u ahaa Wasaaradda Difaaca, oo kala ahaa Dustin Harrison iyo Bruce Triplett, ayaa lagu dilay markii ay fallaagadu qabsadeen goobta Manda Bay.

AFRICOM ayaa ku qasbanaatay inay ciidamo gurmad degdeg ah ka soo dirto Jabuuti si ay u xoojiyaan saldhigga.

Weerarkaas kaddib, tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay Manda Bay iyo Camp Simba si si wanaagsan loogu ilaaliyo ciidamada Mareykanka.

Casriyeynta ka socota Camp Simba “waxay ka tarjumaysaa sida ay militariga Mareykanka uga go’an tahay joogteynta saldhigga iyo ilaalinta ciidanka iyadoo la siinayo tashiilaad ammaan ah oo shaqeynaya,” ayuu yiri garabka.

Kooxaha burcad-badeedda oo soo afduubtay markab shidaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad-badeed Soomaali ah

Kooxo hubaysan oo wata hub culus iyo qoryaha (RPG) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay soo afduubteen markab wayn oo siday shidaal, isla markaana marayay meel ka fog biyaha ku dhow Soomaaliya oo haatan loo arko meel khatar ah.

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AP, markabka waxaa fuulay koox Soomaali ah, waxaana iska leh shirkad Giriig ah, isaga oo sidoo kale ku socdaalayay Calanka Malta.

Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite ayaa kasoo safray dekedda Sikka ee dalka Hindiya, wuxuuna ku socday dhinaca magaalada Durban ee waddanka Koonfur Afrika.

Sidoo kale, waxaa markabka saaran 24 shaqaale oo hadda ay afduub ahaan u haystaan kooxda weerarka qaaday, iyadoo goobta markabka lagu afduubay ay 1,000 KM u jirto xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda ay adeegsatay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan, waxayna kala deggeen doomo yaryar oo markabka ay ku gaareen,.

Waxaa kale oo ay heleen fursad wayn, maadaama markabka aanu la socon ilaalo hubeysan xilliga la beegsanayay, iyaga oo ka weeciyay jihadii uu ku socday.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay isku day kale oo dhacay Isniintii, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen markab ganacsi oo marayay meel aad uga fog xeebaha magaalada Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dableyda oo burcadeed-badeed ahayd ayaa beegsatay markab kiimiko sida subaxnimadii hore ee Isniinta, waxayna ku fureen rasaas, balse ma jiro khasaare ka dhashay.

Afduubka maanta dhacay ayaa soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo soo rogaal-celinta burcad-badeedda Soomaalida oo loo arko halis wayn.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa haatan qaaday tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo weerarada burcadbadeeda, waxaana maraakiib dagaal oo ka tirsan howlgalka Atlanta uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, si ay u qaadaan tallaabo ka dhan ah dableyda hubeysan.

Howlgalka badda ee Ururka Midowga Yurub, Hawlgalka ATALANTA (Operation ATALANTA), ayaa sheegay inuu “ka warqabo xaaladda uuna markab ciidan u dirayo aagga”, iyagoo ka gaabsaday faahfaahin intaas dhaafsiisan sababo dhinaca amniga ah.

Sidee ku timid guusha duqa Muslimka ah ee New York oo wacad uu ka maray Trump?

0

New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani, wuxuu noqday maayirkii ugu horreeyey ee Muslim ah, ugu da’ yaraa, uguna dhawaangalsanaa dalka Maraykanka.

Sannad ka hor, markii uu Zohran u istaagay ololaha doorashada waxay taageeradiisu ahayd 1%. Lama aqoon, wuxuu ahaa 34-jir ka soo haajiray Uganda, oo dhalashada Maraykanka qaatay sannaddii 2018.

Waxa intaa dheeraa, in uusan hore xil u soo qaban, xoolana u haysan. Waxa si mayal adag u diiddanaa hantiilayaasha ugu lacagta badan adduunka ee New York deggen, warbaahinta, loobbiga Yuhuudda, madaxweyne Trump iyo guurtida ay ka go’do talada Xisbiga Jamhuuriga iyo kan Dimuqraaddiga intaba.

Jeebkiisu wuu marnaa, mana uusan haysan deeqbixiyayaal waaweyn oo garab istaaga. Waxa la iswayddiin karaa sidee ayuu kaga tallaabsaday dhammaan caqabadahaas, kuna jiiray xoogaggii waaweynaa ee isku dayey in ay hor istaagaan?

Haddii aan furfurno wayddiintan waxaan oran karnaa:

Tan koowaad: ka go’naansho han iyo ka miradhalin hadaf, taas oo lagu kabay iimaan iyo kalsooni sugan. Ma uusan qarsan Islaannimadiisa iyo aydhiyoolojiyaddiisa sooshalista ah, sida oo kalana lama uusan gabban mawqifkiisa ku aaddan dagaalka Qasa ee Falsatiin.

Tan labaad: ma uusan eegin caqabadaha waaweyn ee ku horgudban, ee wuxuu si qumman u eegay fursadaha hortiisa yaalla ee uu ka faa’iidaysan karo.

Awoodda ayuu u fahmay in ay tahay isu geynta aqoonta, xirfadda, waqtiga iyo tamarta, iyada oo lagu abaabulay qorshe degsan, oo looga faa’iideysanayo tiknoolojiyadda casriga ah ee warbaahinta baraha bulshada, taas oo maanta ah isha ugu muhiimsan ee adduunweynuhu la socdo.

Tani waxay caddayn u tahay in dad abaabulan ay ka awood badan yihiin dhaqaale iyo awood kasta oo jirta. Wuxuu jebiyey derbi ku gudbanaa dad badan oo han leh. Laakiin ka baqa awoodaha ay haystaan maalqabeennada, warbaahinta iyo guurtida xisbiyada siyaasadda.

Waxay kale oo caddayn u tahay in Maraykanka uu yahay dhulkii fursadaha, oo adiga oo dhawaangal ah, waxna haysan, horana xil muuqda u soo qaban aad xukumi karto magaalo miisaaniyaddeedu tahay $115Bilyan iyo 300,000 oo shaqaale ah.

Mamdani waa daahiro cusub oo xisbiyada dalka Maraykanka ka jira iyo xoogagga kale ee siyaasadda saamaynta ku leh ay dersi doonaan ka hor dooroshooyinka soo socda.

Mamdani iyo wiilka isirkiisu Soomaaliga yahay ee u tartamayey Maayarka magaalada Minneapolis waa isku jiil, xisbi iyo garab, isku aagna way kaga qornaayeen doorashada. Faatax, waxaan u rejaynayaa in uusan hankiisa jabin, ruuxdiisuna liicin, oo dadaalka iyo kartida shakhsiga ah uu halkaas ka wado.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo la xiriirta Ukraine iyo falcelin xooggan oo ka dhalatay

0

Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Ukraine, kadib markii ay safiir cusub u dirtay dalkaasi, kaas oo uu waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed oo horay u ahaa safiirkii Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa haatan loo diray Kyiv, si uu uga shaqeeyo xiriirka labada dal.

“Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Sidoo ale Madaxweyne Zelenskyy ayaa si weyn ugu mahadceliyay Soomaaliya, waxana uu bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay qaar akmid ah dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama tallaabadan ay kusoo aaday, xilli haatan Ukraine uu ka socda dagaal ba’an oo ay kula jirto dowladda Ruushka.

Cismaan Cabdiraxmaan Maxamed: “Xiriirka Soomaliya iyo Ukraine ka dhaxeeyo maxuu yahay?”.

Axmed Saalax: “Waxan soo xusuustay lax dhukan col & abaar moog. Dowlada Somalia ma waxay halmaantay inu dagaal socdo”.

Cabdifitaax Xeego: “Dowladdeenna dheri qiiqaaya ee laf kala baxday”.

Cabdikariin Saciid: “War waa wareernay meel aan irsaaqad laga raadin ayaan faraha la galnay”.

Cabdi Cabdullaahi Cabdi: “Safiirka Ukraine loo diraayo malaha karfantiisa horey buu usii qaatay”.

Mashruuc $112 milyan lagu siinayo 28,000 oo dhallinyaro Soomaali ah oo la shaaciyey

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka daah-furay mashruuc cusub oo lagu abuurayo 28,000 oo shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada, isla markaana lacag caddaan ah lagu siinayo 123,000 oo qoys oo baylahan. Guud ahaan, mashruucan ayaa higsanaya inuu caawiyo ilaa 738,000 oo qof.

Mashruucan oo ku kacaya $112 milyan oo dollar, looguna magac daray Horumarinta Fursadaha iyo Natiijooyinka Daryeelka Bulshada iyo Shaqaaleynta Dhallinyarada (BOOST-You), ayaa loogu talagalay inuu Soomaaliya ka caawiyo inay ka gudubto gargaarka degdegga ah una wareegto hannaan daryeel bulsho oo joogto ah oo ay dowladdu maamusho.

Soomaaliya ayaa weli kasoo kabanaysa sanado colaado ah iyo cimilo adag, oo ay ku jiraan fatahado dhowaan dhacay iyo abaaro daba dheeraaday. Shaqo la’aanta dhallinyarada ayaa aad u sarreysa, in ka badan 60 boqolkiiba, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale. Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in qiyaastii 40 boqolkiiba Soomaalida ay ku nool yihiin saboolnimo ba’an, taasoo sii kordhisa xasilooni darrada iyo barakaca.

Mashruucan wuxuu ballaarin doonaa “Baxnaano,” barnaamijka asaasiga ah ee daryeelka bulshada ee dowladda, sida uu sheegay Hideki Matsunaga, Maareeyaha Bankiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya. Wuxuu sheegay in BOOST-You uu muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda hay’ado xooggan iyo abuurista fursado dhab ah oo loo helo dhallinyarada, iyo inuu gacan ka geysan doono dib u dhiska kalsoonida u dhaxeysa dowladda iyo muwaadiniinta.

Habkan ay dowladdu hoggaaminayso ayaa daba socda tallaabo muhiim ah oo la qaaday Diseembar 2023, markaasoo Soomaaliya ay dhammeystirtay barnaamijka deyn-cafinta ee (HIPC). Tallaabadaasi waxay suurtagelisay in la helo maalgelin cusub, sida deeqdan oo kale, kaddib sanado ay socdeen dib-u-habeyn dhaqaale.

Lacagta $112 milyan ah ayaa si toos ah loogu ballaarin doonaa barnaamijka Baxnaano. Wajigii hore, oo ahaa SNHCP, ayaa markii ugu horreysay tijaabiyay barnaamijyada lacag-siinta tooska ah ee ay dowladdu maamusho iyo kuwa shaqo abuurka dhallinyarada.

Xoojinta daryeelka bulshada

Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa bixinta lacagaha caddaanka ah ee joogtada ah iyo kuwa degdegga ah, taageerada shaqooyinka dhallinyarada, iyo lacagaha la siiyo qoysaska ka faa’iideysta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Barnaamijka shaqooyinka dhallinyarada wuxuu socon doonaa ilaa 2029. Wuxuu hiigsanayaa in haweenku ay qaataan 16,800 oo ka mid ah 28,000 ee shaqo, taasoo ah 60 boqolkiiba, si loo yareeyo farqiga jinsiga ee suuqa shaqada.

Maalgelinta waxaa ku jira $100 milyan oo deeq ah oo ka timid Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Bankiga Adduunka (IDA), oo ay weheliso $10 milyan oo ka timid Sanduuqa Saaxiibbada Badan ee Soomaaliya (MPF) iyo $2 milyan oo ka timid Hay’adda Maalgelinta ee Global Shield (GSFF).

IDA waxay waddamada ugu saboolsan adduunka ku caawisaa deymo dulsaarkoodu eber yahay ama hooseeyo iyo deeqo. Lacagaha ka yimid MPF iyo GSFF waxay muujinayaan dadaal wadajir ah oo la isugu keenayo himilooyinka bini’aadannimo iyo kuwa horumarineed.

Hadafka ugu weyn waa in la tayeeeyo habka ay dowladdu adeegyada u bixiso. Qorshaha waxaa ka mid ah casriyeynta Diiwaanka Bulshada ee Mideysan (Unified Social Registry) iyo maalgelinta Sahanka Dhaqan-Dhaqaale ee Qaranka (National Socio-economic Survey) oo cusub, kaasoo lagu qiimeyn doono 12 milyan oo qof. Diiwaankan waa keyd xogeed oo gacan ka geysta aqoonsiga qoysaska nugul si gargaarka lacageed ee xilliyada masiibooyinka loo gaarsiiyo si degdeg ah oo caddaalad ku dheehan tahay.

Wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada

Shaqo la’aanta sare ee dhallinyarada waxay hurisaa xasilooni darrada. Abuuridda 28,000 oo shaqo waa jawaab toos ah oo arrintaas laga bixinayo. Kooxaha mintidiinta ah, oo ay ku jirto Al-Shabaab, waxay ka faa’iideystaan shaqo la’aanta iyagoo dhallinyarada fursaduhu ku yar yihiin u ballanqaada mushaar iyo dareen ahmiyadeed. Bixinta beddello dhaqaale oo dhab ah ayaa udub dhexaad u ah qorshaha xasilinta ee dowladda.

“BOOST-You waa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka wax ka qabashada heerarka sare ee shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliya iyo firfircooni la’aantooda,” sidaa waxaa yiri Ali Qureshi, Hoggaamiyaha Kooxda Farsamada ee mashruuca ahna Khabiir Sare oo dhanka Daryeelka Bulshada ah. Wuxuu sheegay in mashruucu uu taageeri doono shaqo abuur loo dhanyahay iyo inuu bulshooyinka ka caawin doono sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatooyinka cimilada iyo kuwa kale.

Soomaaliya waxay wajahaysaa khataro cimileed oo daran. Abaar taariikhi ah oo shan xilli socotay ayaa dhammaatay 2023, waxaana ku xigay fatahado wax burburiyey oo xilligii Deyrta ah. Masiibooyinkan waxay inta badan dadka ku qasbaan inay guryahooda ka barakacaan waxayna burburiyaan hab-nololeedkooda, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in la helo hannaanno daryeel oo la qabsan kara xaaladaha.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa maamuli doonta mashruuca. Saraakiisha waxay sheegeen in mashruucu leeyahay nidaam kormeer oo adag si loo hubiyo adeeg-bixin hufan.

Caqabado ayaa weli jira. Dowladda federaalku waxay weli la dagaallamaysaa fallaagada Al-Shabaab. In la gaaro dadka ku nool deegaannada aan amniga lahayn ama go’doonsan waxay u baahan doontaa wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho bah-wadaagta maxalliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan wuxuu taageerayaa hadafka Muqdisho ee ah inay hoggaamiso soo kabashadeeda. Guusha mashruuca BOOST-You waxaa lagu qiimeyn doonaa haddii uu keeno beddel waara oo ka duwan gargaarka bini’aadantinimo ee ku-meel-gaarka ah.