24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Afwerki oo farriin digniin u muuqata usoo diray Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ku booriyay Soomaaliya inay ilaashato xeebaheeda, oo uu sheegay inay ku filan tahay difaacooda, xilli Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadineyso marin badeed.

Afwerki ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Qaahira uu kaga hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka iyo khilaafaadka ka jira Badda Cas. Afwerki, oo ah madaxweynaha keliya ee Eritrea tan iyo markii ay ka xorowday Itoobiya, ayaa sheegay in dhibaatooyinka gobolka ay salka ku hayaan faragelin ay sameeyaan dalal iyo xoogag shisheeye.

Wuxuu sheegay in dhibaatadu aanay ahayn mid gudaha dalalkaas ku egtahay, balse ay tahay mid ballaaran oo saameynaysa guud ahaan gobolka iyo xitaa caalamka.

Tusaale ahaan, wuxuu usoo qaatay xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, isagoo ku tilmaamay tusaaleyaal muujinaya sida fara-gelinta shisheeye u keentay kala qaybsanaan iyo xasillooni darro joogto ah.

“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaarayo 3,300 KM, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri Afwerki. Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyinka Soomaaliya aysan ahayn kuwo gudaha ka abuurmay oo keliya, balse ay yihiin kuwo ay gacan weyn ku leeyihiin danaha goboleed iyo kuwa caalami ah.

Isagoo ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka, ayuu sheegay in aan loo baahnayn fara-gelin shisheeye, balse ay tahay in dal kasta mas’uuliyaddiisa qaato si uu u ilaaliyo amniga iyo xeebihiisa.

“Amniga badda Cas waa mas’uuliyad dalalka gobolka wada saaran, mana aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca ee waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Afwerki ayaa ku baaqay in dalalka gobolka ay yeeshaan iskaashi dhab ah oo lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamiga ah, isagoo sheegay in isdhexgalka goboleed uu noqon karo furaha nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka.

Mar la weyddiiyay joogitaanka ciidamada shisheeye ee gobolka, Afwerki wuxuu si cad u sheegay in ay yihiin sababta ugu weyn ee keenta xiisadaha iyo xasilooni darrada.

“Fara-gelinta shisheeye waa wax aan la aqbali karin, waxaana waajib ah in dalalka gobolka ay iyagu sugaan amnigooda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dalalka gobolka ay mas’uuliyaddooda qaataan oo ay si daacad ah u wada shaqeeyaan, oo ay iyaga qudhoodu sugaan amniga marin-biyoodkan caalamiga ah.”

Afwerka ayaa carrabka ku adkeeyay in dalalka ku yaalla xeebaha Badda Cas ay dhammaantood awood u leeyihiin difaaca iyo ilaalinta biyahooda, isla markaana aan loo baahnayn kaalmo shisheeye ama in ciidamo ajnabi ah u difaacaan dhul badeedkooda.

“Soomaaliya, Eritrea, Yemen, Jabuuti, Suudaan iyo Sucuudi Carabiya dhammaantood way awoodaan in ay ilaaliyaan xeebahooda. Uma baahna ciidamo shisheeye,” ayuu yiri madaxweynaha Eritrea oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay intii uu socday wareysiga, taas oo u dhignayd “in waddamadu gobolku ay ku filan yihiin qabashada hawshaasi iyo in kale”.

Basaasiin: Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo oo ka soo muuqday Maxkamadda CQS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta guda gashay kiis culus oo ka dhan ah laba eedeysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ugu dambeyn soo galay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) iyo Salaad Ciise Siyaad Abtidoon (Salaad Oolyo) ayaa lagu soo eedeeyay howlo basaasnimo iyo in ay gawaari u iibiyeen Al-Shabaab.

Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo oo kahor hadlay Maxkamadda Ciidanka ayaa qirtay inay la shaqeynayeen Shabaab, waxayna sheegeen in la qasbay sidoo kalena ay daruuf u gaysay.

Eedeysanaha koowaad Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ahaa basaas u xilsaanaa indho-indheynta baraha kontaroollada, iyo gudbinta xogaha muhiimka ah ee Muqdisho, isagoo la wadaagi jiray argagixisada oo u iibisay Mooto Bajaaj.

Ninkan oo ah Kirishboy hore oo isku maray Boosaaso, Dhoobley, Kismaayo, Jilib, Beledweyne iyo Muqdisho ayaa Al-Shabaab ku biiray 2024-kii, wuxuuna sheegay inuu ku tashkiiliyay nin kale oo lagu magacaabo Macallin Xariif oo ay isku xaafad ahaan jireen.

Xaaji Suuxaaye ayaa kooxda kala shaqeeyay 14 dhagar, oo ay kamid tahay sahminta kontaroollada, Kuliyadda Jaalle Siyaad, Xayle Bariise iyo suuqa Ariga lagu iibiyo ee Dayniile.

“Waxay i dheheen lacag ayaan ku siineynaa ee meelaha noo fiir fiiri anoo fiiris ku jirana waa lay soo qabtay” ayuu yiri Xaaji Suuxaaye oo kahor hadlay Maxkamadda Ciidamada.

Eedeysanaha labaad Salaad Ciise Siyaad Abtidoon (Salaad Oolyo) 58 jir ah, isla markaana ah dalaal ka macaasha iibinta dhulalka ayaa isna qirtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa iibinta baabuurta, uuna u gaday laba gaari oo ay kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda.

“Aniga laba baabuur ayaan gaday Saarifta iyo Suzoko, lafaheyga ayaan u baqay wax kalena ma aanan qaban” ayuu yiri Salaad Oolyo oo isna lagu wareystay Maxkamadda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Gaariga waa u diyaarinayaa meel heblo noo dhig, furahana meeshaas geli kana tag ayaa lagu yiri. Labada gaari waxaan dhigay Ceelasha Biyaha.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute), oo sheegay in go’aanka labada eedeysane ee Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo ay dib ka shaacin doonaan.

Midowga Yurub oo maraakiib dagaal u soo diray Somalia kadib weerarkii lagu qaaday….

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka la dagaalanka burcad-badeedda ee Midowga Yurub ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay burcad-badeed ay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta aaggaas, sida ay ilo-wareedyo dhinaca badda ah sheegeen Arbacadii.

Dabley hubeysan ayaa weerartay markab nooca booyadda ah oo marayay meel ka baxsan xeebta Muqdisho Isniintii. Waxay rasaas ku fureen markabka kaddib markii ay isku dayeen inay korkiisa fuulaan, waana dhacdadii ugu horreysay ee looga shakiyo fal burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Weerarkaas iyo dhacdooyin kale ayaa walaac ka abuuray marinka maraakiibta ee loo isticmaalo in lagu geeyo tamar iyo badeecooyin muhiim ah suuqyada caalamka.

Markab kalluumeysi oo calanka Seychelles sitay ayaa sidoo kale waxaa toddobaadkan u dhowaaday doon dheereysa, halka ilo dhinaca amniga badda ah ay sheegeen in doon kalluumeysi oo gaar ah oo laga leeyahay Iran ay qabsadeen kooxo aan la aqoonsan.

Kooxda Maareynta Khataraha Badda ee Britain ee Vanguard ayaa sheegtay inay aad ugu dhowdahay in doonta kalluumeysiga lala wareegay si loogu isticmaalo “markab hooyo” oo laga soo qaado weerarrada.

Howlgalka badda ee Midowga Yurub, Hawlgalka ATALANTA (Operation ATALANTA), ayaa sheegay inuu “ka warqabo xaaladda uuna markab ciidan u dirayo aagga”, iyagoo ka gaabsaday faahfaahin intaas dhaafsiisan sababo dhinaca amniga ah.

“Waxaa aad ugu dhow inay badda ku jirto koox fallaago ah oo Burcad-badeed Soomaali ah, ayna ka hawlgaleysay meel ka baxsan 300 oo mayl-badeed xeebta Soomaaliya,” ayey tiri shirkadda amniga badda ee Britain ee Ambrey Arbacadii.

“Maraakiibtaas (ganacsiga) ee loo dhowaaday waxay u dhigmaan sifooyinka iyo awoodaha la ogyahay ee bartilmaameedka burcad-badeedda Soomaalida.”

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, oo ka hawlgeli jiray agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircooneyn sannado badan.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh Iran ayaa khatar weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku xiranta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu weerarradii ugu horreeyay ku qaadday maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo u hiilinaya Falastiiniyiinta dagaalka ku jira Israel ee Gaza.

In kasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen xabbad-joojin ku aaddan bartilmaameedsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka caga jiidaya inay dib u bilaabaan safarrada ay ku maraan biyahaas.

Sawirro: Laba horjooge iyo ilaaladooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay si wadajir ah uga fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay horjoogihii dhanka maaliyadda Al-Shabaab ee aaga Daynuunaay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yaxye, afgarashadiisuna ay ahady Abuu Khaalid, sidoo kale waxaa lala dilay ku xigeenkiisii iyo rag kale oo ilaalo u ahaa, kadib markii ay dul tageen ciidamada huwanta ee weerarka qaaday.

“Howgal ballaaran oo dhowr waji leh islamarkaana lagu khaarajiyay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka maaliyadda deegaanka Daynuunaay, ku-xigeenkiisa iyo ilaaladooda (Yaxye) oo magaciisa af garashadana uu yahay (Abuu Khaalid) ayaa waxaa laga fuliyey tuulooyin ay kamid yihiin Buul Dooro”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalkan guuleystay qaaday, kadib markii ay heleen xogo ku saabsan horjoogayaasha Khawaarijta iyo ilaaladooda ee goobtaasi lagu dilay.

Sidoo kale intii uu socday howlgalka ciidamada ayaa waxaa lagu soo furtay saanad ciidan, gaar ahaan saddex qoray oo AK47 ah iyo booshashkooda.

Taliyaha guutada 8-aad, qaybta 60-aad Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow) oo ka hadlay howlgalka ayaa si weyn ugu mahadceliyey ciidanka geesiyaasha ee sida gaarka ah u beegsaday horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka maanta lagu laayay halkaasi.

Maalmihii dambe ciidamada ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan duleedka Baydhaba, halkaas oo inta badan weeraro arbushaad ah ay kasoo qaadaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Amar culus oo soo baxay kahor ciyaarta Finalka ee Howlwadaag iyo Warsheekh

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha laamaha amniga magaalada Muqdisho, isla markaana uu goobjoog ahaa, taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimada, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saaray ciyaarta galabta ee Stadium Muqdisho.

Ciyaarta oo Final ah ayaa dhex-mari doonto labada degmo ee kala ah Howlwadaag iyo Warsheekh, waaana tartan xiiso leh oo ay ka qayb-geli doonaan taageerayaal fara badan.

Macallin Mahdi oo kulanka ka hadlay ayaa saraakiisha Booliska amar ku siiyay in aan wax hub ah ama walxo amni-darro keeni kara lala geli karin gudaha Stadium Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay dagnaan muujiyaan, isla markaan ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka imaanaya garoonka.

Dadweynaha ayaa goor sii horreysay bilaabay inay iska sii xaadiriyaan garoonka, iyaga oo kala imaanaya dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlwadaag iyo Warsheekh ayaa degmadii badiso waxay qaadi doonta koobka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, halka degmada laga badiyo ay geli doonto kaalinta labaad.

Ciyaarahan oo ah is-dhexgal bulsho ayaa haddane wata xiiso gooni ah, iyada oo taageerayaasha iyo kooxahaba ay si weyn ugu xifaaltamayaan ciyaarta galabta.

Tartankan oo galabta lasoo xiri doono ayaa sidoo kale muujiyay horumarka caasimada iyo amniga oo haatan guul wayn laga gaaray, maadaama uu si nabdoon kusoo dhammaaday.

Galmudug oo dhambaal u dirtay Jacob Frey kadib markii uu ka adkaaday Omar Fateh

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Duqa Degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Jacob Frey oo mar kale ku guuleystay xilka Duqa magaalada Minneapolis.

Duqa Gaalkacyo ayaa sheegay in dib-u-doorashada Frey ay caddeyneyso kalsoonida shacabka Minneapolis ay ku qabaan hoggaamintiisa daah-furan iyo dadaalkiisa horumarineed.

Duqa Gaalkacyo ayaa xusay in uu horey ula kulmay Jacob Frey 17-kii February 2023, xilligaas oo uu sheegay in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga magaalooyinka Gaalkacyo iyo Minneapolis, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

“Duqa Gaalkacyo ayaa u rajeeyay dhiggiisa Jacob Frey in uu guul iyo barwaaqo ku hogaamiyo bulshada Minneapolis, ayna sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada magaalo,” ayaa lagu yiri faafin deg-deg ah oo kasoo baxay xafiiska Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Jacob Frey ayaa caawa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii duqa magaalada Minneapolis ee 2025, isagoo ku guuleystay muddo xileed saddexaad, wuxuuna ka adkaaday Omar Fateh oo Soomaali ah.

Frey ayaa guuleystay kaddib markii dib loo tiriyay codadka doorashada oo ahayd midda kala-dookhashada (ranked-choice), taasoo soo jiidatay tiradii ugu badnayd ee codbixiyayaal ee doorasho magaalo, 55% codbixiyayaasha diiwaangashan, jabisayna rikoorkii 54% ee la dhigay 2021.

Frey wuxuu iska difaacay loolan kaga yimid dhankiisa bidix, oo uu ugu horreeyay Fateh, oo 35 jir Soomaali ah, ahna senatar gobol oo ku jira muddo xileedkiisii labaad.

Frey ayaa helay 42% codadka dookha-koowaad, waxaana kusoo xigay Fateh oo helay 32%, DeWayne Davis oo helay 14% iyo ganacsade Jazz Hampton oo helay 10%.

Sababtoo ah ma jirin cid ku guuleysatay aqlabiyad Talaadadii (in ka badan 50%), saraakiisha doorashada ayaa Arbacada maanta ah meesha ka saaray musharraxiintii aan xisaab ahaan guuleysan karin, waxaana codadkoodii loo wareejiyay dookhooda xiga. Geeddi-socodka reebitaanka ayaa sii socday ilaa uu Frey ka helay aqlabiyad.

Intii lagu guda jiray xafladdiisii daawashada doorashada habeenkii Talaadada, Frey wuxuu ammaanay adkaysiga Minneapolis ee dhibaatooyinka, wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo horumarka sii socda ee magaalada.

“Waxaan wax ka qabannay duruufihii ugu adkaa. Waxaan ku samaynay si gacan-ka-gacan ah, anagoo wajahayna adduunka,” ayuu yiri. “Minneapolis way soo kacaysaa, mid kasta oo naga mid ahna waan la kici doonnaa.”

Yaa ku guuleystay doorashadii duqa Minneapolis?

Minneapolis (Caasimada Online) – Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii duqa magaalada ee 2025, isagoo ku guuleystay muddo xileed saddexaad, wuxuuna ka adkaaday Omar Fateh oo Soomaali ah.

Frey ayaa guuleystay kaddib markii dib loo tiriyay codadka doorashada oo ahayd midda kala-dookhashada (ranked-choice), taasoo soo jiidatay tiradii ugu badnayd ee codbixiyayaal ee doorasho magaalo, 55% codbixiyayaasha diiwaangashan, jabisayna rikoorkii 54% ee la dhigay 2021.

Isagoo ku ololaynayay ballanqaad ah in magaaladu ay kasoo kabanayso laba muddo xileed oo qasnaa, wuxuu Frey helay 42% codadka dookha-koowaad, waxaana kusoo xigay Fateh oo helay 32%, DeWayne Davis oo helay 14% iyo ganacsade Jazz Hampton oo helay 10%.

Sababtoo ah ma jirin cid ku guuleysatay aqlabiyad Talaadadii (in ka badan 50%), saraakiisha doorashada ayaa Arbacada maanta ah meesha ka saaray musharraxiintii aan xisaab ahaan guuleysan karin, waxaana codadkoodii loo wareejiyay dookhooda xiga. Geeddi-socodka reebitaanka ayaa sii socday ilaa uu Frey ka helay aqlabiyad.

Intii lagu guda jiray xafladdiisii daawashada doorashada habeenkii Talaadada, Frey wuxuu ammaanay adkaysiga Minneapolis ee dhibaatooyinka, wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo horumarka sii socda ee magaalada.

“Waxaan wax ka qabannay duruufihii ugu adkaa. Waxaan ku samaynay si gacan-ka-gacan ah, anagoo wajahayna adduunka,” ayuu yiri. “Minneapolis way soo kacaysaa, mid kasta oo naga mid ahna waan la kici doonnaa.”

Wuxuu sheegay in codbixiyayaashu ay bayaan ka bixiyeen nooca hoggaan ee ay qiimeeyaan, kaasoo aan ahayn mid xagjirnimo ama kala qaybsanaan ku dhisan, balse ah “maamul wanaagsan, oo feker leh, oo aad la shaqayso dadka ku soo doortay, aana aad magaaladaada uga jeceshahay fikraddaada.”

Frey ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday maamulka Trump, isagoo ballanqaaday in Minneapolis ay ahaan doonto magaalo lagu qeexo naxariis iyo go’aan adag balse aan ahayn cabsi ama fikrad.

Wuxuu sheegay in magaaladu ay “iska hor istaagi doonto kalitalisnimada” ayna taageeri doonto kuwa inta badan lagu beegsado siyaasadaha heer qaran, isagoo xusay in Minneapolis, “aysan ahayn muhaajiriin aan la diiwaangelin. Waa deriskeenna.”

Sare u kaca degdegga ahaa ee Fateh oo istaagay

Frey wuxuu iska difaacay loolan kaga yimid dhankiisa bidix, oo uu ugu horreeyay Fateh, oo 35 jir Soomaali ah, ahna senatar gobol oo ku jira muddo xileedkiisii labaad.

Fateh wuxuu si degdeg ah usoo baxay shantii sano ee la soo dhaafay isagoo noqday ninka ugu weyn ee la loolamaya Frey, wuxuuna helay taageero muddo kooban socotay oo ay siiyeen Dimoqraadiyiinta Minneapolis bishii Luulyo. Taasi waxay soo jiidatay dareen heer qaran ah iyadoo dadku ay isbarbardhig ku sameeyeen isaga iyo Zohran Mamdani, oo si aqlabiyad ah loogu doortay duqa magaalada New York xalay: Labaduba waa soddomeeyo, Muslim ah, sharci-dejiyayaal gobol iyo hantiwadaag dimoqraadi ah oo la loolamay nidaamka taagan.

Sida Mamdani oo kale, Fateh wuxuu ballanqaaday inuu Minneapolis ka dhigayo mid la awoodi karo nolosheeda, iyada oo loo marayo xakameynta kirada, mushaharka ugu yar oo  ah $20 saacadii, iyo laga yaabee canshuur dakhli oo lagu soo rogo kuwa hodanka ah.

Fateh wuxuu sheegay inuu dhaqan-gelin doono dib-u-habeyn dhab ah oo booliiska lagu sameeyo, qaab bani’aadamnimo ahna ula tacaali doono teendhooyinka dadka guryo la’aanta ah, uuna joojin doono cagaf-cagafaynta lagu sameeyo.

Fateh ayaa u sheegay taageerayaashiisa xafladdii daawashada doorashada habeenkii Talaadada in ololihiisu uu “horeyba u beddelay doodda ku saabsan waxa ay Minneapolis noqon karto.”

“Dagaalkani wuxuu had iyo jeer ku saabsanaa mustaqbalkeena. Mustaqbal ay badqabka bulshadu ka dhigan tahay daryeel, ee aysan ahayn tallaabo adag,” ayuu yiri.

“Mustaqbal aan kula dhaqanno deriskeena guryo la’aanta ah si sharaf leh, oo aan dhisno guryo si weyn loo awoodi karo, dadkana aan ku hayno bulshooyinkii ay dhisteen, halkaas oo shaqaalaha magaalada sii haya ay helaan mushahar nolosha ku filan iyo ixtiraamka ay mudan yihiin.”

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo shir xasaasi ah ku yeeshay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha shaqo ee golaha. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, guddigu wuxuu qorsheeyay in shirka guud ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya la qabto bartamaha bishan November.

Shirweynahan ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto magaalada Kismaayo, ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada shirkan ayaa lagu sheegay in lagu diyaarinayo ajandaha iyo qaab-dhismeedka golaha, si uu u yeesho hoggaan rasmi ah iyo hannaan shaqo oo mideysan. Xubnaha ayaa sidoo kale falanqeeyay sida loo dardargelin karo wada-shaqeynta maamul-goboleedyada iyo mucaaridka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, lagu wado in loo doorto hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ujeeddadiisu tahay in uu ka hortago qorshayaasha Villa Soomaaliya ee la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hirgelinta doorasho toos ah.

Kulankan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ka yimid Puntland iyo Jubbaland.

Puntland waxaa guddiga uga jira Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubbaland-na ay metelaan xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixintana waxaa uga jira laba xubnood oo kala ah xildhibaan Cabdullaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Guddigan ka kooban lix xubnood ayaa dardar-gelinaya qabanqaabada shirka koowaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Shirkaas ayaa lagu dhammaystiri doonaa qaab-dhismeedka golaha, sidoo kalena looga arrinsan doonaa go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka, sida ku xusan bayaankii Nairobi ee ay soo saareen bishii October.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay inay si buuxda u taageerayaan in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda badbaadinta mustaqbalka dalka.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi lahayd hubanti la’aanta amniga iyo jaahwareerka siyaasadeed,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, oo dhawaan hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Puntland.

Puntland, Jubbaland iyo xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta oo 2-dii October shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku heshiiyeen inay dhistaan ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay shir isugu yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka.

Ummadda Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda.

DF oo si yaab leh uga hadashay arrinta saldhiga Boosaaso ee Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrinta saldhiga magaalada Boosaaso ee Imaaraadka Carabta, oo maalmihii dambe si weyn loola xiriirinayay inuu qeyb ka yahay dagaalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa marka hore xaqiijiyay in ay jiraan diyaarado ka duulay garoonka Boosaaso, oo ka dagay dalka Sudan. Inkastoo uu sheegay in uusan si rasmi ah u ogayn ujeedada duullimaadyadaas ama waxa ay siddaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa inay jiraan diyaarado ka duula garoonka Boosaaso oo aada Sudan, balse ma garaneyno waxay qaadaan oo ay geeyaan,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo uu maanta hortagay, halkaas oo Senataradu ay su’aalo ku weydiiyeen isaga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Dowladda Soomaaliya ay ogaan weyday xogta diyaaradahan ay sheegtay inay u duuleen Sudan, kuwaas oo isticmaalay hawada dalka, maadaama ay waajib tahay in la hayo xogta diyaaradaha ka hor inta aysan soo gelin hawada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe warbaahinta gudaha iyo tan caalamka ay si weyn u hadal hayeen warar sheegaya in diyaarado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay Boosaaso ku degayaan, kaddibna ay sii aadaan dalka Sudan oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa RSF.

Dhawaan, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta la guddoonsiiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta.

Haddiyadan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, maadaama ay Wasaaradda dhismaha Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka ahayd Matxafka Nabadda ee Carta.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Xamza ka siiyey warbixin faah-faahsan oo ku saabsan marxaladii uu soo maray Matxafka Nabadda ee Carta, kaasoo 30-kii October si wadajir ah uu u daah-furey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.

Wasiirku wuxuu si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha ugu faah-faahiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ee ku aaddanaa qalabeynta iyo qabanqaabada munaasabadda daah-furka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey hirgelinta Matxafka taariikhiga ah ee Carta, isagoo xusay in booqashadii bilowga ahayd ay ka dhalatay aragtida ah in taallo Nabadeed laga dhiso.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku lahayd qalabeynta iyo furitaanka Matxafka, kaasoo lagu daah furay 25 guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta, oo sanadkii 2000 lagu qabtay gobolka Carta ee Dalka Jabuuti.

Geba-gebadii, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoonsiiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamza Cabdi Barre, haddiyadaha uu u diyaariyey guddigii dhismaha iyo qalabeynta Matxafka Nabadda Carta, oo uu guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yoonis Cali Guedi.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay fal arxan darro ah oo ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay fal kufsi ah oo dhawaan ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Kufsigan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid si arxan darro ah loogu geystay gabar 11 jir ah, 30-kii October ee 2025.

“Falkan naxdinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadamnimada, isla markaanana si cad u burinaya xuquuqda Carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacadiyada iyo xadgudubyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa waxay ku boorisay hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha ku lugta leh kiiskaan si deg-deg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo, iyadoo wasaaraddu uga mahad-celisay maamulka iyo ciidanka booliska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aaddan qabashada eedeysanayaasha loo hayo dambigan foosha xun.

“Wasaaraddu waxa ay si adag u cambaareyneysaa falal kala duwan oo lagu kacey Hooyooyin iyo Carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo kuwaasai oo ka dhacay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda qoyska.

Falalkaasi ayey wasaaraddu ku tilmaamtay kuwo xad-gudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta ayadoo Haweenka iyo carruurtu ay xaq u leeyihiin in si gaar ah loo ilaaliyo maadaama ay yihiin Biri-mageydo.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka arxan darrada ah ee lagu kacy gabar yar oo lagu magacaabo Samiira Cabdikariim Maxamuud, oo 11 jir ahayd, kaas oo ka dhacay deegaanka Xingalool ee hoos yimaada gobolka Sanaag ee maamulka Puntland taariikhdu markay ahayd 30 Oktoobar 2025.

Falkan naxdinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadamnimada, isla markaanana si cad u burinaya xuquuqda Carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacadiyada iyo xadgudubyada.

Sidoo kale, Wasaaradda waxay u mahad celinaysaa maamulka iyo Ciidanka Booliiska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aaddan qabashada eedeysanayaasha loo hayo dambigan foosha xun. Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo.

Dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS waxa ay si adag u cambaareyneysaa falal kala duwan oo lagu kacey Hooyooyin iyo Carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo kuwaasai oo ka dhacay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya, falalkaasi oo xad gudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta ayadoo Haweenka iyo carruurtu ay xaq u leeyihiin in si gaar ah loo ilaaliyo maadaama ay yihiin Biri-mageydo.

Waxa ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS uga mahad celinaysaa ciidammada Amniga Galmudug, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka dhiidhintan falalkaasi waxuushnimada ah iyo in lasoo qabtay kuwii lagu tuhmayey iney ka dambeeyeen falalkaasi arxan daran.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay feejignaadaan, isla markaanay ay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo lagu tuhumo inay ku lug leedahay tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta. Waxa muuqata kororka kiisaska noocan ah ee soo noqnoqday saddexdii bilood ee u dambeeyey, taas oo u baahan in si wadajir ah looga hortago.

Wasaaraddu sidoo kale waxay ku dhiirrigelinaysaa Culimaa’udiinta iyo odayaasha dhaqanka inay door muhiim ah ka qaataan wacyigelinta bulshada, ka hortagga falalka xadgudubka ah, iyo ku baraarujinta bulshada wanaagga iyo is-ixtiraamka ay diinteennu Islaamka farayso, si loo dhiso bulsho nabdoon oo dhowrta dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.

Odowaa oo shaaciyay tirada askarta DF looga dilay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo dheer socda.

Taliyaha oo su’aallo ay waydiiyeen Senatorada Aqalka Sare ayaa si faah-faahsan uga hadlay howlgallada, wuxuuna shaaciyay tirada askara dowladda ee ku dhintay dagaalka Shabaab.

Odowaa ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada askarta, kuwa naafada noqday iyo kuwa hawlgabka ay u dhexeyso 10,000 illaa 15,000 oo askari, taas oo ah mid aad loola yaabo.

“Haddii aan idin sheego tirada ciidamada dowladda ee howlgalka ku jiray waxay idinla noqoneysaa wax lala yaabo shuhadada, naafada iyo hawlgabka waxa ay u dhexeeyaan 10,000 illaa 15,000″ ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta miisaanidda ciidamada, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in si gaar ah ciidanka looga warqabo, si ay u helaan xuquuq gaar ah.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ahaa kulanka ayaa ka warbixiyay jabka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallada gobollada, isaga oo xusay in sanadkii lasoo dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka ay muujiyeen naf-hurnimo, isla markaana ay cashir u dhigeen kooxaha argagixisada ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in la fuliyay in ka badan 200 oo duqeymood, laguna laayay ku dhawaad 1000 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

“Sanadkan bilowgiisii, tirada cadowga laga naafeeyay ayaa ka badan kuwii hore, ciidamadu waxay fuliyeen 220 duqeyn, kuwaas oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana ku jiray 52 horjooge” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana mar kale ay bilowday guluf ka dhan ah kooxda oo haatan ka socda deegaannada maamullada HirShabelle, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Puntland oo la wareegtay agaasimihii kufsiga loo haystay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in maanta ay la wareegeen agaasimihii hore ee isbitaalka Qardho, Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) oo ku eedeysan kufsi uu u gaystay gabdho iyo muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay.

Puntland ayaa sheegtay in eedeysanaha oo dhawaan laga soo qabtay dalka dibaddiisa ay kala wareegtay INTERPOL, isla markaana wareejinta ay ka dhacday magaalada Garoowe.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu mari doono baaris kale oo dheeri ah, lana horgeynayo cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) laga soo dajiyay garoonka Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa kala kaashatay Booliska caalamiga ah ee INTERPOL, isaga oo laga soo qabtay dalka Rwanda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdho Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Si kastaba, Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan waxaana laga war dhowrayaa sida loo xakameeyo, maadaama lasoo qabtay eedeysanaha oo mudo ka dhuumanayay cadaaladda.

Wasiir FIQI oo sheegay in laga hortegay in Al-Shabaab qabsadaan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ayaa faah-faahin ka bixiyay jabka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallada ka socda dalka, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday amniga caasimada.

Ugu horreyn wasiirka ayaa shaaciyay in ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab iyo qiimeyntii lagu sheegay in ay qabsanayaan Muqdisho, sida ka dhacday dalka Afghanistan oo kale.

“12-kii bilood ee lasoo dhaafay waxay ciidamada dowladda muujiyeen naf-hurid iyo adkeysi waxay hakiyeen daadkii waynaa ee soo fatahmay oo adduunka ku qiimeeyay in sida Afghanistan ka dhacday loo qabsan doono caasimadda” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka ay muujiyeen naf-hurnimo isla markaana ay cashir u dhigeen kooxaha argagixisada ah ee dagaalka adag kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in la fuliyay in ka badan 200 oo duqeymood, laguna laayay ku dhawaad 1000 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

“Sanadkan bilowgiisii, tirada cadowga laga naafeeyay ayaa ka badan kuwii hore, ciidamadu waxay fuliyeen 220 duqeyn, kuwaas oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana ku jiray 52 horjooge” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana mar kale ay bilowday guluf ka dhan ah kooxda oo haatan ka socda deegaannada maamullada HirShabelle, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeysay amniga guud ee caasimada, waxaana la howlgeliyay ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Boolis Milataaro oo la geeyay daafaha Muqdisho.

Mucaaradkii Xasan Sheekh la heshiiyay oo soo saaray dalab la xiriira doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii mucaaradka ee dhawaan heshiiska la gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed guud oo ay uga hadleen doorashooyinka iyo xaaladaha ku geedaaman.

Xubnahan oo ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal, Daahir Maxamuud Geelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ku taliyey in bil kale dib loo dhigo qabashadda doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Siyaasiyiintan oo qayb ka ah ololaha doorashooyinka ayaa soo jeediyay in doorashada gobolka Banaadir ee qof iyo codka ah la qabto 30-ka December 2025, si ay waqti u helaan ururrada siyaasadda ee is-diiwaangeliyay.

“Kadib shirkiisii joogtada ahaa ee Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) waxaa lagu taliyay in doorashada gobolka Banaadir la qabto 30-ka December 2025” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan liiska musharrixiinta uga qayb-galaya tartamada ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir, si ay ugu diyaargaroobaan doorashooyinkaas oo ah kuwo adag.

Guddiga doorashada ayay sidoo kale ugu baaqeen inuu soo saaro jadwal rasmi ah oo qeexaya ololaha iyo kaar qaadashada taageerayaasha xisbiyada ka qayb-galaya tartanka.

Dhinaca kale, waxa ay ka hadleen is hortaagga lagu sameeyay urruraddooda, si ay u gaaraan xarumaha maamul-goboleedyada, iyaga oo guddiga ugu baaqay inuu jawaab deg-deg ah ka bixiyo arrintaasi, si wax looga qabto maamullada haatan hortaagn xisbiyada.

“Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) wuxuu sidoo kale usoo jeediyay Guddiga Doorashooyinka Qaranku in uu jawaab ka bixiyo is hor-istaagga ay sameeyeen maamul goboleedyada qaarkood iyaga oo u diiday in ururrada siyaasaddu ka howl-gelaan, kana furaan xafiisyada xisbiyadooda degmooyinka ay maamulaan” ayaa mar kale lagu yiri.

Ugu dambeyn Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin 23 urur ayaa farriin u diray shacabka gobolka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen inay diyaargaroobaan kana qaybgalaan doorashooyinka bilaabanaya.

Sirdoonka Mossad oo gilgilay Malaysia – Maxaa dhacay?

Kuala Lumpur (Caasimada Online) — Waxaa sii kordhaya walaaca dhinaca amniga ee Malaysia, kaasi oo ka dhashay hawlgallo la sheegay in sirdoonka Israel ee Mossad ay ka fulisay dalkaas, kuwaas oo isugu jiray xarig heersare ah, hawlgallo qarsoodi ah, iyo weerarro dhinaca internet-ka ah, arrimahaas oo heegan sare geliyay hay’adaha ammaanka ee qaranka.

Dhacdooyinkan ayaa sii huriyay walaaca laga qabo suurtagalnimada in sirdoonka Israel ay soo dhex galeen dalkaas, taasoo keentay in booliiska iyo saraakiisha dowladda ee waddankan oo ah mid ay Muslimiin u badan yihiin, ay si dhow ula socdaan xaaladda. Dalka Malaysia xiriir diblomaasiyadeed lama laha Israel.

Kiiska ugu caansan ayaa la soo gabagabeeyay Febraayo 2025. Muwaadin u dhashay Israel oo lagu magacaabo Shalom Avitan ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xarig ah, ka dib markii uu qirtay eedeymo la xiriira hub haysasho. Avitan, oo 39 jir ah, ayaa la xiray March 27, 2024, isagoo ku sugnaa hoteel ku yaal Kuala Lumpur. Wuxuu Malaysia ku soo galay baasaboor Faransiis ah, waxaana laga helay lix bistooladood iyo 200 oo xabbadood oo rasaas ah.

Xarigiisa ka dib, Taliyaha Guud ee Booliiska Razarudin Husain ayaa sheegay in hay’adaha ay baarayaan suurtagalnimada basaasnimo. Taliyaha booliiska ayaa xusay in Avitan uu “halis” ku noqon karo madaxda Malaysia ama xubnaha Xamaas.

In kasta oo warbaahinta Israel ay ku warrantay in Avitan uu ahaa xubin ka tirsan burcad dambiilayaal ah oo beegsanayay qof ay is hayaan, haddana maxkamadaha Malaysia way sii wadeen dacwadda. Qirashada dambiga ee Avitan ee Febraayo 26, 2025, waxay horseedday xukunka toddobada sano ah. Qareenkiisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in xukunku uu ka bilaabanayo taariikhdii la xiray ee March 2024.

Dhowr qof oo u dhashay Malaysia, oo ay ku jiraan lamaane isqaba, ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ku saabsan in la sheegay inay hubka siiyeen Avitan. Booliisku waxay sheegeen in hubka laga soo galiyay dalka Thailand.

Soo dhex-galka Israel ee Malaysia

Kiiska Avitan waa kii ugu dambeeyay ee silsilad hawlgallo ah oo looga shakisan yahay in Mossad ay ka fulisay gudaha Malaysia, kuwaas oo walaac geliyay saraakiisha.

Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Malaysia ayaa shaaca ka qaadday in sirdoonka Mossad ay u adeegsadeen muwaadiniin reer Malaysia ah fulinta qafaalasho. Sida ay ku warameen wargeyska New Straits Times iyo taleefishinka Al-Jazeera, kooxda hawlgalka fulisay waxay September 28 afduubteen barnaamij-sameeye Falastiini ah oo ka yimid Gaza. Waxaa lagu magacaabay Cumar al-Balbaisi.

Nin kale oo Falastiini ah ayaa baxsaday oo booliiska ku wargeliyay. Warbixintu waxay sheegtay in ninka la geeyay guri dalxiis, la garaacay, lagana wareystay muuqaal fogaan arag ah, iyadoo ay wareysanayeen rag la rumeysan yahay inay yihiin Israa’iiliyiin.

Ragga wax wareysanayay ayaa la sheegay inay al-Balbaisi wax ka weydiiyeen xiriirka lagu eedeeyay inuu la leeyahay Xamaas iyo khibraddiisa dhinaca jabsiga internet-ka. Tan waxaa ka mid ahaa guul la sheegay inuu ka gaaray jabsiga nidaamka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome sanado ka hor.

Sirdoonka Malaysia, oo la sheegay inay kaalmo ka helayeen Turkiga, ayaa soo badbaadiyay al-Balbaisi 24 saac ka dib. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Falastiin ayaa si fagaare ah ugu mahadcelisay hay’adaha Malaysia kashifaadda “unugga Mossad.” Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu soo waramayaa inay daaha ka rogeen in unuggaas uu sidoo kale basaasayay garoomada diyaaradaha iyo shirkadaha elektaroonigga ah ee dowladda.

Malaysia, oo si weyn u dhaliisha siyaasadaha Israel, wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama laha Israel, waxaana ku nool ilaa 600 oo qaxooti Falastiini ah, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR. Sanadkii 2018, injineer Falastiini ah oo lagu magacaabi jiray Fadi al-Batsh ayaa lagu toogtay magaalada Kuala Lumpur, dilkaas oo ahaa shirqool ay Xamaas ku eedaysay Mossad. Israel way beenisay eedeyntaas.

Dilkii al-Batsh ee 2018, oo ahaa injineer koronto oo 35 jir ah, ayaa weli ah tixraac muhiim ah oo loo aaneeyo walaaca amni ee hadda jira. Al-Batsh waxaa dilay labo nin oo bistoolado ku hubeysan oo mooto watay, xilli uu u socday salaadda subax.

Garabka militariga Xamaas ayaa sheegtay inuu ahaa xubin iyo taliye ka tirsan. Wasiirkii difaaca Israel ee xilligaas, Avigdor Lieberman, wuxuu beeniyay inay Mossad ku lug lahayd. Laakiin wuxuu sheegay in al-Batsh uu ahaa khabiir ku takhasusay gantaalaha uuna ahayn “qof quman.”

Weerarrada Internet-ka iyo walaaca dadweynaha

Indha-indheyntan muuqata ee Israel ee Malaysia waxay soo gaartay dhinaca internet-ka. Xarunta Isku-dubbaridka iyo Taliska Internet-ka Qaranka (National Cyber Coordination and Command Centre) ee dowladda ayaa mowjad weerarro internet ah la xiriirisay mawqifka siyaasadeed ee Malaysia ee ku aaddan dagaalka Gaza.

Shirkadaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin shirkadda weyn ee isgaarsiinta ee Maxis, shirkadda saliidda timirta ee Aminia, iyo xarunta gobolka ee shirkadda weyn ee teknoolajiyadda ee Dell. Hawlgalladan looga shakisan yahay Mossad ee Malaysia waxay ka ballaarteen beegsiga jireed waxayna u gudbeen mid dhijitaal ah.

Dhacdooyin yaryar ayaa sidoo kale kiciyay walaaca dadweynaha. Bishii Oktoobar 2025, booliiska magaalada Malacca waxay baareen gaari nooca raaxada ah oo ay ku dheggan tahay istiikar ku qoran afka Cibraaniga. Istiikarka waxaa ku qornaa “Malaysia waa dhulkeenna hooyo.”

Darawalka oo ah 59 jir reer Malaysia ah, wuxuu sheegtay inuu istiikarka iibsaday 13 sano ka hor. Wuxuu sheegay inuu beddelay qoraalkii asalka ahaa oo ahaa “Israel” una beddelay “Malaysia.” In kasta oo ay hay’aduhu raadinayeen khubaro ku xeel dheer luqadda, hadana dhacdadan waxay muujisay shaki badan oo dadweynaha ka dhex dhashay.

Dowladda ayaa si taxaddar leh ula tacaalaysa arrintan. Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim ayaa bishii Juun 2024 sheegay in Mossad-ka Israel ay ka dhex shaqeyso dalka iyadoo soo mareysa shabakado tahriibiya hubka iyo mukhaadaraadka, sida ay warbaahintu tebisay. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah muwaadiniinta loo adeegsaday basaasnimo.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu waxay ka cabsi qabaan in hadal haynta xad-dhaafka ah ee warbaahinta ay kicin karto argagax ama ay wiiqi karto xasiloonida gudaha ee dalkan oo ay kuwada nool yihiin qowmiyado kala duwan. Ilo dhinaca amniga ah ayaa sidoo kale ka digay dadka badan ee soo galootiga iyo qaxootiga ah ee dalka ku nool oo kor u dhaafaya 3 milyan. Qaar badan oo ka mid ah waxay la kulmaan xaalado dhaqaale oo liita waxayna “u nugul yihiin in la askareeyo.”

In kasta oo uusan jirin xiriir diblomaasiyadeed, labada dal waxay leeyihiin ganacsi yar oo qarsoodi ah. Si kastaba ha ahaatee, Malaysia waxay bishii Diseembar 2023 shirkadda maraakiibta Israel ee Zim ka mamnuucday dekeddeheeda. Dowladdu waxay sii waddaa inay ku baaqdo in Israel laga saaro Qaramada Midoobay, iyadoo ku sababeynaysa ku xadgudubka sharciga caalamiga ah.

Xiisad culus oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyey taliyaha saldhigga Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii saldhigga booliska Dayniile, Axmed Yalaxow, kaas oo lagu bedday Gaashaanle Dhexe Liibaan Shidane oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga Dharkenley.

Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay isbeddalka lagu sameeyay taliska saldhigga booliska degmada Dayniile, waxayna ku eedeysay inuu ka dambeeyo taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi.

Faa’isa ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka loo soo magcaabay taliyaha cusub uu yahay in lagu boobo dhulka dadka shacabka ah, uuna fuliyo amarrada la siinayo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Haddii magafe Macallin Mahdi uu sida dhaxal u heysan karo kursiga Taliyaha Gobalka Banaadir Taliyaha saldhiga Dayniilana xilka uga qaado dadka rayidka ah aan boobo ee ogolow waa la arkaa” ayaa qoraalkeeda ku tiri Fa’iiso Maxamed Jayte.

Dhankiisa, Yaasiin Fiidshe oo kamid ah dhalinyarada deegaanka ayaa si adag uga falceliyay magacaabista taliyaha cusub, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin horay uga qayb qaatay barakicintii lagu sameeyay shacabkii ku dhaqnaa xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho.

“Taliyaha saldhigga Degmada Dayniile ayaa loo magacaabay G.dhexe Liibaan Shidane waa sarkaal Siinaay burburintiisa ka qey-qaatay jirdilna u geystay dad shacab ahaa” ayuu isna yiri Yaasiin Fiidshe.

Dayniile ayaa waxaa indhowaanahan ka taagneyd xiisad culus oo ka dhalatay dhul ku yaalla degmadaasi oo ay dowladdu amartay in laga guuro, balse shacabka ay ka biyo diideen, waxayna sameeyeen dibadbaxayo sababay inay isku dhacaan iyaga iyo ciidanka amniga.

Tani ayaa sidoo kale keentay in mucaaradku ay ka dhigtaan Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay in ay noqdaan meelihii ay qorsheeyeen inay ku qabtaan dibadbaxyadooda, balse aysan suuragelin, sababo la xiriira ammaanka iyo diidmo ka timid dhinaca Villa Soomaaliya.

JARMALKA oo go’aan lama filaan ah ka gaaray Soomaaligii fuliyey weerarkii Würzburg

Munich (Caasimada Online) — Xeer-ilaaliyeyaasha Jarmalka ayaa hor istaagay tarxiilidda ninkii weerarka ka geystay magaalada Würzburg ee loo celin lahaa Soomaaliya, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Ninkan, oo saddex qof ku dilay weerar ba’an oo middi loo adeegsaday sannadkii 2021, ayaa ku sii jiri doona daryeel caafimaadka dhimirka ah muddo aan la cayimin, iyadoo laga cabsi qabo inuu Jarmalka dib ugu soo laabto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Munich ayaa ku dhawaaqay in sii deynta ninkan, Cabdiraxmaan Jibriil, si loo tarxiilo aysan suurtagal ahayn “si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha guud.”

Warbixin ay khubaro diyaariyeen ayaa lagu ogaaday inay jirto “khatar sare oo ah inuu dib ugu soo laabto Jarmalka” haddii la tarxiilo. Xeer-ilaalintu waxay intaa ku dartay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u badan tahay inay sii deyn doonaan, taasoo abuuraysa halis ah “fal-dambiyeedyo kale oo culus.”

Weerarkii Würzburg wuxuu dhacay 25-kii Juun, 2021. Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu middi weyn ka soo qaatay dukaan weyn oo qaybo badan leh, waxa uuna dilay saddex haween ah (oo da’doodu kala ahayd 24, 49, iyo 82 jir), waxa uuna dhaawacay sagaal qof oo kale.

Bishii Luulyo 2022, maxkamad ayaa go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn kaddib markii laga helay cudurka ‘paranoid schizophrenia’, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah, sida ku cad diiwaannada maxkamadda.

‘Weli waa khatar’

Wuxuu ku sii jiri doonaa qaybta caafimaadka dhimirka ee maxkamaddu amartay oo ku taal isbitaal ku yaal Lohr, oo u dhow Würzburg. Xafiiska xeer-ilaalinta Munich wuxuu sheegay in weli loo arko inuu khatar ku yahay bulshada.

Xafiiska Gobolka Bavaria ee Magangalyada iyo Celinta (Bavarian State Office for Asylum and Repatriation) ayaa hore u baaray suurtagalnimada in la tarxiilo ninkan Soomaaliga ah. Tallaabadaasi waxay u baahnayd oggolaanshaha xeer-ilaalinta, taasoo hadda si rasmi ah loo diiday.

Qareenkiisa difaaca ee ay maxkamaddu u magacawday, Hanjo Schrepfer, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Jarmalka ee Dpa inuu u arko go’aankan mid “sax ah” oo “ku habboon.”

Schrepfer wuxuu sheegay in ay qasab tahay in lala socdo horumarka daweynta ninkan. Wuxuu intaa ku daray, “sida saxda ah,” in daweyntu aysan weli bilaaban karin sababtoo ah eedeysanuhu “weli ma qiran dambi.”

Weerarkii 2021-kii

Weerarku wuxuu billowday abaare 5:00 galabnimo gudaha dukaanka Woolworth ee ku yaal fagaaraha Barbarossaplatz ee Würzburg. Ninkii weerarka gaystay, oo xilligaas 31 jir ahaa, ayaa middi weyn oo jikada ah ka soo qaatay khaanad wuxuuna tooreeyeeyay dadkii wax ka dukaameysanayay.

Wuxuu dilay saddex haween ah: Steffi W., oo 24 jir ahayd, taasoo u dukaameysaneysay dhar arooska saaxiibaddeed; Christiane H., oo 49 jir ahayd, taasoo u dhimatay iyadoo gaashaan u ahayd gabadheeda 11-jirka ah; iyo Johanna H., oo 82 jir ahayd, oo la sheegay inay isku dayday inay soo farageliso.

Kaddib dukaanka ayuu ka baxay oo uu weeraray dadkii jidka marayay, isagoo dhaawacay sagaal qof oo kale, kuwaasoo dhowr ka mid ah uu soo gaaray dhaawac halis gelin kara noloshooda. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu ku dhawaaqayay “Allahu akbar,” taasoo dhalisay cabsi markii hore laga qabay in falku lahaa ujeeddo argagixiso.

Dad rayid ah oo goobjoog ka ahaa ayaa ku eryaday kuraas iyo ulo, wayna hareereeyeen. Askari boolis ah ayaa lugta ka toogtay kaddibna waa uu xiray.

Taariikhda Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu Jarmalka yimid bishii Maajo 2015 isagoo ka yimid Talyaaniga, xilligaas oo ay jirtay xiisaddii qaxootiga ee Yurub. Wuxuu dalbaday magangalyo, isagoo sheegay in maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ku silciyeen Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa diiday codsigiisii magangalyada balse waxay siiyeen ilaalo hoosaad — oo ah xaalad la siiyo dadka aan u qalmin magangalyo balse la kulmi kara dhibaato culus haddii dib loo celiyo.

Weerarka ka hor, wuxuu ku noolaa xarun dadka aan hoyga lahayn oo lagu hayo oo ku taal Würzburg, wuxuuna lahaa diiwaan muujinaya gacan ka hadal iyo dhaqan aan la fahmi karin. Wuxuu dhowr jeer dad kale ugu hanjabay mindiyo. Bilo ka hor dilka uu geystay, isbitaal ayaa muddo kooban la dhigay qaybta cudurrada dhimirka kaddibna waa la sii daayay.

Maxkamadeyntiisii 2022, xeer-ilaalinta iyo khubarada maxkamaddu waxay sheegeen inaysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir argagixiso. Khubarada qiimeynta ku sameeyay ayaa ka marag kacay inuu qabay cudurka ‘paranoid schizophrenia’ uuna la kulmayay “maqal codad aan jirin” ama “codad gudaha ah” oo ku amrayay inuu dil geysto.

Maxkamaddu waxay go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn falka, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah oo si adag loo ilaaliyo, beddelkii xabsi la gelin lahaa.

Go’aankan toddobaadkan ka soo baxay xeer-ilaalinta ayaa hor istaagaya tarxiiliddiisa wuxuuna ku sii haynayaa daryeelka caafimaadka dhimirka ee Jarmalka, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta khatarta ee socota.

Mamdani oo ku guuleystay New York – Cunsuriyiinta Mareykanka oo laga adkaaday

New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani ayaa loo doortay duqa magaalada ugu weyn Mareykanka ee New York City Talaadadii, taasoo soo gabagabeysay sare u kac lama filaan ah oo uu gaaray sharci-dejiyahan 34-jirka ah.

Guushan oo ahayd mid u soo hoyatay garabka bidixda fog ee xisbiga Dimoqraadiga, Mamdani wuxuu kaga adkaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka New York Andrew Cuomo iyo Curtis Sliwa oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Mamdani waa inuu hadda la tacaalaa baahiyaha aan dhammaadka lahayn ee magaalada ugu weyn Ameerika, ayna tahay inuu fuliyo ballanqaadyadii ololaha ee waaweynaa, kuwaasoo ay dadka dhaliilaa ku sifeeyeen kuwo aan dhab noqon karin.

Guushan, ayuu Mamdani oo ah hanti-wadaag dimoqraadi ah, wuxuu magaciisa kaga qori doona taariikhda isagoo noqonaya duqii ugu horreeyay ee Muslim ah ee magaalada, kii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Koonfurta Aasiya iyo kii ugu horreeyay ee ku dhasha Afrika – Wuxuu ku dhashay Uganda. Wuxuu sidoo kale noqon doonaa duqa ugu da’da yar ee magaalada soo mara muddo qarni ka badan marka uu xafiiska la wareego 1-da Janaayo.

Sare u kaca lama filaanka ah ee Mamdani waxay xoojineysaa aragtida Dimoqraadiyiinta ku boorrinayay xisbiga inuu soo bandhigo musharraxiin badan oo bidix fog ah, halkii la isugu tagi lahaa kuwa dhexdhexaadka ah iyadoo la rajeynayo in dib loo soo ceshado cod-bixiyayaasha is-bedbeddela ee xisbiga ka fogaaday.

Wuxuu durba la kulmay eedeymo kaga yimid Jamhuuriyiinta, oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo ku sifeeyay inuu yahay halis iyo wejiga waxa ay ku tilmaameen Xisbi Dimoqraadi oo xagjir ah. Hase yeeshee, dadka qaar ayaa eedeymahan u arkay Islaam naceyb lagu soo dhex-qariyey dhaliil siyaasadeed.

Tartankan wuxuu sababay soo bixitaankii ugu ballaarnaa ee cod-bixiyeyaal doorasho duq magaalo ah muddo ka badan 50 sano, iyadoo in ka badan 2 milyan oo reer New York ah ay codadkooda dhiibteen, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka ee magaalada.

Ololaha Mamdani ee shacabka ka dhex yimid wuxuu diiradda saarayay nolosha la awoodi karo, shakhsiyaddiisa soo jiidashada lehna waxay meesha ka saartay isku-daygii soo laabashada siyaasadeed ee Cuomo.

Guddoomiyihii hore, oo is-casilay afar sano ka hor kaddib eedeymo la xiriira faraxumeyn galmo oo uu weli dafirsan yahay, ayaa waxaa hareeyay mowqifyadiisii hore intii uu tartanku socday, waxaana lagu dhaliilay inuu waday olole diiradda saarayay dhaliisha.

Waxaa sidoo kale la is-weydiinayaa sida uu ula macaamili doono Trump, oo ku hanjabay inuu la wareegi doono magaalada, isla markaana xiri doono oo tarxiili doono Mamdani haddii uu guuleysto.

Mamdani wuxuu ku dhashay Uganda, halkaasoo uu ku qaatay carruurnimadiisii hore, balse wuxuu ku soo barbaaray magaalada New York City wuxuuna muwaadin Mareykan ah noqday sanadkii 2018.

Mamdani wuxuu ololihiisa ku bilaabay isagoo ah sharci-dejiye gobol oo aan si weyn loo aqoon, xitaa magaalada New York City gudaheeda.

Markii la galayay is-reeb-reebka xisbiga Dimoqraadiga, Cuomo ayaa loo arkayay inuu yahay kan ugu cadcad, isagoo caan ka ahaa isla markaana lahaa xiriiro siyaasadeed oo qoto dheer. Fursadaha Cuomo waxaa sii xoojiyay markii duqii xilka hayay ee Eric Adams uu ka haray tartanka isreeb-reebka, xilli uu la tacaalayay cawaaqibka kiis musuq-maasuq oo heer federaal ah, kaasoo markii dambe meesha laga saaray.

Laakiin intii uu tartanku socday, shakhsiyadda dabiiciga ah ee Mamdani, muuqaalladiisa baraha bulshada ee soo jiidashada leh iyo barnaamijkiisa dhaqaale ee shacabka ku wajahan ayaa kiciyay cod-bixiyayaasha magaaladaas oo caan ku ah nolosha qaaliga ah. Wuxuu sidoo kale bilaabay inuu soo jiito dareenka dadka dibadda ka jooga markii magaciisa la sii bartay.

Ugu dambeyn, Mamdani wuxuu isreeb-reebka kaga adkaaday Cuomo qiyaastii 13 dhibcood.

Guddoomiyihii hore wuxuu ololihiisa dib ugu soo laabtay isagoo ah musharax madax-bannaan doorashadii guud, wuxuuna ballanqaaday inuu la imaan doono hab firfircoon. Si kastaba ha ahaatee, inteeda badan ololihiisu wuxuu diiradda saarayay weerarka mucaaradkiisa. Marxaladdii ugu dambaysay ee tartanka, wuxuu ku andacooday in doorashada Mamdani ay keeni doonto in Yuhuuddu ay dareemaan ammaan-darro.

Dhanka kale, taageerayaal ayaa buux dhaafiyay isu-soo-baxyadii Mamdani, wuxuuna qabtay munaasabado madadaalo ah, oo ay ku jiraan tartan wax-raadsi ah iyo tartan kubadda cagta ah oo heer bulsho ah.

Cuomo wuxuu sidoo kale is barbardhigay khibraddiisa dheer ee dhanka dowladda iyo Mamdani oo wax ka yar shan sano ku jiray sharci-dejinta gobolka. Laakiin guddoomiyihii hore wuxuu isaguna wajahayay culeysyo siyaasadeed oo u gaar ah, iyadoo mucaaradkiisu ay dib u soo kiciyeen eedeymihii faraxumeynta galmo ee horseeday is-casilaadiisa, iyo sidoo kale go’aammadiisii xilliyadii hore ee intii uu socday cudurka COVID-19.

Sliwa, oo ah aasaasaha kooxda roondada dembiyada ee Guardian Angels, ayaa ku dhibtooday inuu taageero helo isagoo ah Jamhuuri ka tartamaya magaalo ay si weyn u maamulaan Dimoqraadiyiinta.

Maxay DF ka tiri falkii loo gaystay Samiira Cabdikariin iyo tacaddiyada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay kiisas kala duwan oo dhawaan ka dhacay gobollada Sanaag iyo Galgaduud, kuwaas oo lagula kacay carruur iyo dumar Soomaaliyeed.

Bayaanka Wasaaradda ayaa waxaa ugu horreyn si xooggan loogu cambaareeyay falkii arxan darrada ahaa ee lagula kacay Samiira Cabdikariin Maxamuud oo 11 jir ahayd, taas oo dhawaan dhibaato xooggan loogu gaystay deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag.

Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaas uu muujinayo in la buriyay xuquuqda carruurta ay u leeyihiin in ku noolaaan meel ka nabadoon tacaddiyada iyo xadgudubyada.

“Falka naxtinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadanimada, islamarkaana si cad u burinaya xuquuqda carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacaddiyada iyo xadgudubyada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday laamaha amniga Puntland oo soo qabtay eedeysanayaasha inay tallaabo ka qaadaan, ayna si deg-deg ah u horgeeyaan maxkamadda ku shaqada leh.

“Wasaaraddu waxay ku boorineysaa hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo” ayaa lasii raaciyay.

Dhinaca kale, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa ka hadashay dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ka taagan gobollada dhexe, gaar ahaan dilalka loo gaysanayo haweenka iyo carruurta oo kusoo badanaya deegaannada maamulka Galmudug.

Waxa ay ugu baaqday bulshada inay taxadar sameeyaan, isla markaana ay soo wargeliyaan laamaha amniga cid kasta oo dhibaato ku ah carruurta iyo haweenka deegaanka.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay feejignaadaan, islamarkaana si degdeg ah usoo sheegaan cidkasta oo lagu tuhmayo in lagu tuhmayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta”.

Waxaa kale oo ay ku dartay “Waxaa muuqata kororka kiisaska noocaan ee soo noqnoqday saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasoo u baahan in si wadajir ah looga hortego”.