25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Horjooge Goofoow oo lagu dilay howlgal ka dhacay…

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aya waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xudur, kaas oo lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Abal ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa khawaarijta uu yahay “Goofoow” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu daabacay warbaahinta qaranka.

“Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 21 kiiloomitir dhanka koonfur bari u jira magaalada Xudur, ayaa lagu beegsaday horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa khawaarijta uu yahay “Goofoow”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaha la dilay uu argagixisada u qaabilsanaa deegaanka Abal, uuna yahay maskaxda dambeysa weerarada ay halkaas kasoo abaabusho kooxda.

“Horjoogahan la dilay ayaa ahaa mas’uulka saldhigga kooxda ee deegaanka Abal, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheeya weerarrada argagaxisada ee lagula kacayay shacabka gobolka Bakool.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa ku soo furtay qoraygii iyo boorsadii uu watay horjoogaha la khaarijiyay, taas oo ay ku jireen dukumiintiyo iyo qalab kale oo muhiim ah.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ayaa xoojiyay howlgallada ka socday gobollada Baay iyo Bakool, waxaana ahayd dhawaan markii duleedka Baydhaba lau dilay laba horjooge iyo ilaaladooda oo lagu weeraray aagga deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalkaas oo isna guuleystay ayaa waxaa lagu dilay horjoogihii dhanka maaliyadda Al-Shabaab ee aaga Daynuunaay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yaxye, afgarashadiisuna ay ahady Abuu Khaalid, sidoo kale waxaa lala dilay ku xigeenkiisii iyo rag kale oo ilaalo u ahaa, kadib markii ay dul tageen ciidamada huwanta ee weerarka qaaday.

Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo la xiriirta ninkii lagu gubay Wanlaweyn

0

Baydhaaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee shalay ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaasi si arxan daro ah loogu dilay nin odey ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, lana gubay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo koox rag ah oo ulo ku garaacaya marxuumka, kadibna dilaya, iyaga oo ugu dambeyn  gubay, sida laga arki karo muuqaalka oo ku baahay baraha bulshada ee Internet-ka, dadkuna ay ka xumaadeen.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda u baari doonto falkaasi, ayna ka xun tahay, iyada oo sidoo kale ballan qaaday in ay soo qaban doonto dambiileyaasha.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi.

Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan aagga Wanlaweyn oo ay marar badan kusoo laa laabteen dagaal beeleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystitan;-

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u canbaareyneysaa dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Falkan oo ahaa mid argagax leh oo liddi ku ah qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay Cadayneysaa in aysan marnaba aqbalayn in falal noocaan oo kale ah laguna carqaladeeynaayo amniga iyo xasilloonida shacabka, iyadoo tilmaamtay in kooxaha falkaasi ka dambeeyay ay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada.

Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga.

Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehellada iyo qoysaska Marxuumkii ku geeriyooday falkaasi, waxayna Alle uga baryeysaa inuu u naxariisto.

Dowladdu waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay ka feejignaadaan kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi gelin ku fidiyaan bulshada dhexdeeda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal noocan oo kale ah.

Oday si arxan darro ah loogu dilay kadibna lagu gubay…

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday bannaanka degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaasi si arxan darro ah loogu dilay nin odey ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kadibna la gubay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo koox rag ah oo ulo ku garaacaya marxuumka, kadibna dilaya, iyaga oo ugu dambeyn dab qabadsiiyay, sida laga dheehan karo muuqaalka oo ku baahay baraha bulshada, dadkuna ay ka xumaadeen.

Guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaaahinta ayaa xaqiijiyay inay jirto dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday tuulada Dadumaay oo hoostagta degmadaasi, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin laga naxo.

Cabdulqaadir Maxamed ayaa inay arkeen muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada, kadibna ay qaadeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

“Waa arrin ka dhacday tuulo hoos timaada Wanlaweyn oo lagu magacaabo Dudumaay waa arrin murugadeeda leh oo aan aad uga xunahay geeri naxdin leh oo wax lagu sifeeyo aysan jirinka shacab ahaan iyo maamulkana waxaan ka direynaa tacsi tiiraanyo leh” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wanlaweyn oo ka warbixiyay dhacdadaasi.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Muuqaallada sida ay bulshada u aragtay ayaan u aragnay waa arrin aad noo taabatay damiirka bani’aanimadana wax ogol ma’aha”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in lasoo qabtay qaar kamid ah eedeysanayaasha, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda, si loo qaado tallaabo sharci ah.

“Xubno qayb ah ayaa gacanta lagu soo dhigay baaris ayaa ku socoto, haddii ay soo dhammaato baarista waxaan la wadaagi doonaa Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaan u gudbin doonaa hay’adaha cadaalada ee ku shaqada leh” ayuu mar kale yiri.

Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan aagga Wanlaweyn oo ay marar badan kusoo laa laabteen dagaal beeleedyada.

BF oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Isbitaal Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dhacdadii Isbitaalka Banaadir oo sababtay isbeddal degdeg ah lagu sameeyo maamulka Isbitaalka, taas oo ka dhalatay hooyadii la dayacay ee ku umushay laamiga, falkaas oo aad looga xumaaday, sidoo kalena dhaliyay caro xooggan

Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehliyaan Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Gudi-hoosaadka Caafimaadka ayaa maanta kormeer shaqo ku ragay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali xaaji Aadan iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Dr Guuleed Cabdijaliil.

Ugu horreyn guddiga oo ka daba socda dhibka dhacay ayaa warbixin guud ka dhageystay wasiirka, isagoo aad ugu dheeraaday, dhacdadii dhawaan kad hacday irida hore ee isbitaalka oo hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay dhacdadaas oo badashay quluubta umadda Soomaaliyeed, madaxda dalka iyo sidoo kale talaabada uu arinkaas ka qaaday isagoo caddeeyay in masuuliyaddaas isla xisaabtankeedu uu socddo.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa guddiga la wadaagay inuu Isbitaalka u diyaarsan yahay qeybaha kala duwan ee lagu Daryeelo Bukaanada, sida Hooyada iyo dhalaanka cudurada guud,qeybta gargaarka degdega ah, nafaqo darida caruurta, iyo qeybta la-tacaalida cudurada HIV iyo Cancer-ka, ayadoo uu qeyb walba oo kamid ah qeybahaasi ay leeyihiin dhaqaatiir si gaar ah ugu taqasustay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan caqabado u baahan in la xaliyo oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha oo yar iyo bukaanada loo shaqeeyo oo aad u badan sidaasina ay marmarka qaar bukaanaddu ay ku dheeraato shaqadda loo qabanaayo.

Intaasi kadib, Guddiga ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyagoo mid mid u wareystay bukaanada Isbitaalka ku jita.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay kuna dhiiragelisay shaqada wanaagsan ee ay qaranka Soomaaliyeed uhayaan howlwadeenada kala duwan ee ka howlgala isbitaalka, sidoo kalena ay dowr wanaagsan ka qaadan doonaan sidii loo horumarin lahaa, loona dabooli lahaa, baahiyaha kajira Isbitaalka.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday dhibaatada ku dhacday hooyada ku hor umushay Isbitaalka Banaadir oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa waxaa isa soo tarayay dhaleeceynta loo jeedinayay howlwadeennada Isbitaalka, iyada oo dowladda loogu baaqay inay ka qaado tallaabo deg-deg ah, lana baaro kiiska hooyadaas.

Cumar Cabdirashiid oo diray digniin culus oo ku socota maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray digniin culus ka dhan ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, taas oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka.

Sharmaake ayaa si gaar ah uga digay in maamullada toos loo hoos geeyo doorashada, isaga oo sheegay haddii loo gacan geliyo  in dalka ay gelin doonaan xaalad ka sii xun tii doorashadii hore.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqa in weli ay joogaan madaxdii maamul-goboleedyada ee boobay kuraastii xildhibaannada, haddana ay ka digayaan in mar kale loo ogolaado in iyagu ay faragelin ku yeeshaan jiheynta doorashada dalka.

“Waxaa lagu hoogi doono waa in mar kale la siiyo dowlad-goboleedyada awood ay ku maamulaan doorashada. Xitaa haddii la dhaho tirada dadka hala kordhiyo ama State-yada ha loo dhiibo maamulka doorashada, natiijadu kama duwanaan doonto tii hore. Waa in la sameeyaa guddi madax bannaan oo qaran, oo aan Dowlad Goboleedyadu wax gacan ah ku lahayn,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku taliyay in meesha laga saaro guddiyada is barbar socday ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee doorashada, wuxuuna soo jeediyay in kaliya guddiga qaran ee hadda jira uu mgacaabo shaqaale u maamulaya doorashooyinka ka dhacaya gobollada dalka.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in dowladda dhexe ay awood buuxda siiso guddiga qaran ee heer federaal ee doorashooyinka dalka, si ay iyaga u maamulaan doorashada xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay qabsoomidda doorashooyinka maamullada oo aad uga daahay xilligooda, waxaase qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan ama bilowga sanadka cusub la guda galo doorashooyinkaas oo si isku mid ah uga dhici doono maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Guud ahaan doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan ismari-waa, iyada oo ay jirto dood culus oo u dhexeyso mucaaradka iyo Villa Somalia.

PUNTLAND oo qaylo dhaan culus soo saartay kadib xaalad soo korortay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, ahna haatan ku simaha Madaxweynaha Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan xubo ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa maanta soo saaray qayladhaan culus, kadib xaalad bani’aadanimo oo kasoo korortay maamulkaasi.

Lugatoor ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay soo foodsaartay xaalad abaareed, taasi oo saamaysay ku dhowaad hal milyanoo qof oo ku nool dhammaan gobollada Puntland.

“Mudanayaal iyo Murwooyin, anigoo ah kus-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaan halkaan ka dirayaa maanta oo ay taariikhu tahay Sabti, 8-da, November, 2025 Qaylo-dhaan ku saabsan in Puntland ay soo food saartay xaalad Abaareed oo aad u darran oo saameysay ku dhawaad hal milyan oo qof, kuwaas oo ku nool qaybo ka mid ah Gobollada ee Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raasicasayr” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Puntland ayaa banaanka ah soo saartay ku sheegtay in abaartan ay sabab u tahay isbeddelka cimilada iyo roobabkii oo ku yimid hakad afar xilli oo xiriir ah, taas oo keentay in dhulka intiisa badan uusan helin roob ku filan muddo labo sano ah.

“Abaartan oo aan horay loo arag ayaa ka dhalatay Isbeddellada Cimilada oo sababay in ay yaraadeen roobabkii la filaayey afartii xilli-roobaad ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in aysan deegaannada Puntland helin roobab ku filan labadiisano ee u danbaysey, sida ku cad saadaasha ay sameeyeen Xarunta Maareynta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC), Xarunta Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya (SWALIM) iyo Xarunta Saadaasha iyo Isbedelka Cimilada IGAD (ICPAC) isla markaana laga soo xigtay Wasaarada Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa tilmaamaysa in xaddiga roobabka ka da’aya deegaanada Puntland ay ka hoosayndoonaan Min-qiyaaskii caadiga ahaa ee la filaayey xilli-roobaadka Gu’ga iyo Dayrta” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidaa daraadeed, Waxaa xaalad hubanti la’aan cunto iyo biyo soo food-saartay 940,000 oo qof, halka ay ku jiraan iminka 130,000 oo qof xaalad daran oo deg deg ah una baahan in lagaga jawaabo si dhakhso ah. Sida ay muujinayso Xogta la ururiyey in ka badan 310,770 caruur ah oo da’doodu ka yartahay shan (5) sano ayaa la ildaran xaalad nafaqadarro ah, kuwaas oo ku sugan Gobollada Puntland. Sidoo kale, 360,000 oo ka mid ah Barakacayaasha Gudaha oo ku firirsan dhammaan Gobolladda Puntland oo 70% ku tiirsanaa miyiga ayaa wajahaya xaaladda adag, halka 50,000 oo hor leh ay ka soo xeroodeen miyiga, si ay u helaan biyo iyo cunto.

Sidoo kale, waxaa lasii raaciyey “Haddaba, si aan uga jawaabo xaaladda abaarta, waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in ay dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Caalamig ah iyo kuwa maxaliga ahi ee ay khusayso xaaladda abaartu isugu yimaaddaan shir maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku began tahay 10ka November, 2025, subaxdii saddex saac (9:00AM),goobtuna waa hoolka shirarka ee Madaxtooyada.”

Sawirro: Somaliland oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah go’aankii DF Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha JSL, halkaasi oo uu kula kulmay Wasiirka iyo Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan adeegga e-Visa ee ay soo kordhisay Dowladda Federaalka, waxaana shirka laga soo saaray go’aanno culus oo la xiriira maamulka hawada.

Somaliland ayaa si cad uga cad hortimid qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan adeegga eVisa, waxayna ku dooday in iyadu ay maamusho hawadeeda, isla markaana go’aannada kasoo baxa Muqdisho aysan ka shaqeyn doonin magaalada Hargeysa.

Wasiir Fu’aad Axmed Nuux ayaa ugu horreyn Madaxweynaha warbixin faahfaahsan ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha shaqo ee ka socda Madaarka Egal International Airport iyo tan Wasaaraddaba iyo horumarka lagu sameeyey adeegyada Duulimaadyada iyo bulshada ee Madaarka Caasimadda Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxwaynaha waxa uu kormeeray Xarunta Maamulka Hawada Sare (FIC) oo lagu soo xoojiyay qalab cusub oo suurto-galinaya Maamulka Hawada Sare iyo Hagida Diyaaradaha isticmaala marin-haweedka Jamhuuriyadda Somaliland.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweynaha waxa uu bogaadiyey Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha Wasaaradda Duulista dedaalka ay ku bixiyeen hagaajinta nidaamka hawada dalka, casriyeynta madaarrada iyo tayeynta adeegyada duulimaadyada, isaga oo xusay in Duulista Hawadu tahay mid ka mid ah laf-dhabarta isku xidhka dalka iyo sumcadda Qaranka ee caalamka.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta Madaxbannaanida Hawada Dalka iyo in la dhiso awood farsamo iyo mid maamul oo buuxda, si Somaliland ay si rasmi ah ugu maamusho hawadeeda.

Kormeerka kadib, Madaxweynuhu waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka Heer Qaran ee Maamulka Hawada Jamhuuriyadda Somaliland (𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗔𝗶𝗿𝘀𝗽𝗮𝗰𝗲 𝗠𝗮𝗻𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗛𝗶𝗴𝗵-𝗟𝗲𝘃𝗲𝗹 𝗖𝗼𝗼𝗿𝗱𝗶𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗠𝗲𝗲𝘁𝗶𝗻𝗴), kaasi oo lagaga arrin-sanayey arrimo muhiim ah oo la xidhiidha Maamulka iyo Madax-bannaanida Hawada Somaliland, amniga Duulimaadyada, iyo arrinta e-Visa-ha iyo qaabka ugu habboon ee loo horumarin karo nidaamka isgaadhsiinta hawada iyo maamulka Duulimaadyada Caalamiga ah.

Maamulka, maaraynta iyo ka soo talo bixinta arrinta Hawada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynuhu waxa uu u xil saaray Guddi ka kooban WASIIRADDA Duulista Hawada sare iyo Horumarinta Madaaradda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Madaxtooyada, Gaashaan-Dhigga iyo Difaaca Qaranka, iyo Garyaqaanka Madaxweynaha.

Shirkaasi waxa laga soo saaray BAYAAN ama WAR MURTIYEED adag oo lagu xaqiijinayo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland. Qodobbada Bayaankana waxa ka mid ahaa:

1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bulshada Caalamka u caddaynaysaa in Maamulka, Madax-bannaanida iyo Bad-qabka Hawada (Airspace Sovereignty and Safety) ay Somaliland leedahay Hawada Cirka, Dhulka iyo Badda, oggolaanshaha isticmaalkeedana laga qaadan karo oo kaliya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Somaliland, si waafaqsan Shuruucda Qaranka JSL iyo kuwa Caalamiga ah.

2. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in dal-ku-galka ay dhawaan soo saartay Somaliya ee loo yaqaano e-Visa aanu haba yaraatee khusaynin Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aan dalkeeda lagu soo gali karin (Disapproval of Somalia’s unlawful eVisa).

3. Laga bilaabo November 10th, 2025, dhammaan Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee JSL waa in ay haystaan oggolaanshaha isticmaalka Hawada Somaliland, kaasi oo laga qaadanayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL

4. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Beesha Caalamka, (International Appeal) Hay’addaha Caalamiga ah (International Aviation Authorities), Wadaagayaasha Adeegyada Diyaaradaha iyo Duulimaadyada (ICAO, IATA), Qaramada Midoobay ugu baaqaysaa in ay ku baraarugaan dhibaatada ka soo socota Hawada Somaliland iyo Somalia, iyo tallaabooyinka khaldan ee ay qaaday Xukuumadda Somalia, taasi oo ay ku khal-khal gelinayso Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasoo khatar weyn ku ah Duulimaadyada Ray’idka ah.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u sheegay in Somaliland aanay cidna u daba fadhiisanayn Maamulka iyo Maaraynta Hawadeeda Sare, isaga oo hoosta ka xarriiqay in maamulka Hawada Somaliland ay tahay qadiyad Qaran iyo Astaanta Madaxbannaanida Somaliland.

Xog: Xasan oo u baxaya safar kale oo dibadeed + Ujeedka

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadkan gudihiisa ay u ambabaxaan dalka Aljeeriya, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay safarka Xasan Sheekh ee Aljeeriya, halkaas oo ay isku arki doonaan dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo ay ballansan yihiin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xaaladda labada dal, xiriirka, Iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya, sida ay xaqiijiyeen ila wareedyadu.

Kulankan ayaa daba socda wada-hadallo bishii Augusta 10, 2025 dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhahay) iyo dhiggiisa dalka Aljeeriya Axmed Ataf oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarada diplomatisiiyiinta, iyo xoolaha.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa kulankaas inta uu socday isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo kahor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax u socdaan geeska Afrika iyo caalamka.

Machadka Sirdoonka Turkey oo soo saaray warbixin muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Akadeemiyadda Sirdoonka Qaranka ee Türkiye (MIA) ayaa soo saaray warbixin dhammaystiran oo falanqeynaysa iskaashiga kobcaya ee dalkaas kala dhexeeyey Soomaaliya 15-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ku tilmaantay “hab iskaashi oo dhinacyo badan leh.”

Warbixintan oo ka kooban 111 bog, ciwaankeeduna yahay “Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya: Hab Iskaashi oo Dhinacyo Badan Leh,” ayaa ku billaabanaysa hordhac uu qoray madaxa MIA, Talha Köse, waxayna xambaarsan tahay falanqeyn ballaaran oo lagu kabay jaantusyo, garaafyo iyo sawirro.

Daraasaddan, oo u qaybsan siddeed cutub iyo gebagebo, ayaa lagu eegayaa xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Soomaaliya, aasaaska taariikhiga ah ee xiriirka labada dal oo salka ku haya dhaxalkii Cusmaaniyiinta, iyo heerar muhiim ah oo laga soo maray is-dhexgalka diblomaasiyadeed.

Sida ay warbixintu xustay, ka qaybqaadashada ballaaran ee Türkiye waxay ku bilaabatay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku tagay sanadkii 2011, taasoo xiriirka ka wareejisay gargaar bini’aadannimo una beddeshay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan difaaca, tamarta, caafimaadka iyo waxbarashada.

Saldhigga Tababarka Millateriga ee TÜRKSOM, oo tababarro bixinayay tan iyo 2017, waxaa lagu tababaray kumanaan askari oo Soomaali ah si ay gacan uga geystaan amniga iyo xasilloonida dalka. Taageerada la-talinta millateri ee Türkiye, is-dhaafsiga sirdoonka, iyo kaalmada dhanka qalabka ayaa si toos ah u xoojiyay madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhanka kale, laga soo bilaabo 2012 iyadoo la raacayo heshiisyo iskaashi oo laba geesood ah iyo kuwo amni, Akadeemiyadda Booliska ee Türkiye iyo Akadeemiyadda Jandarimariga iyo Ilaalada Xeebaha ayaa sidoo kale aqbalay arday ka socota Soomaaliya oo dhigata heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarashada sare.

Sanadkii 2024, heshiis qaab-dhismeed cusub, Shirkadda Shidaalka ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) waxay sahminta shidaalka iyo gaaska ka bilowday saddex xirmo oo badda ku yaal.

Sidoo kale, waxaa la horumarinayaa mashaariic koronto oo isku-dhaf ah (cadceed iyo naafto) iyadoo la helayo taageero farsamo oo Turkiga ah si loo xoojiyo sugnaanta tamarta Soomaaliya. Is-afgarad la kala saxiixday 2018 ayaa sidoo kale siiyay maraakiibta Turkiga xuquuq sharci ah oo ay kaga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya, taasoo dhanka badaha u beddeshay goob iskaashi oo “dhaqaale buluug ah”.

Hay’adaha horumarinta, oo ay ku jiraan Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-dubbaridka Turkiga (TIKA), Maamulka Masiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah (AFAD), Bisha Cas ee Turkiga (Kızılay), Madaxtooyada Dadka Turkida ah ee Dibadda iyo Jaaliyadaha la Xiriira (YTB), Machadka Yunus Emre (YEE) iyo Mu’asasada Maarif ee Türkiye, ayaa isku dubariday dadaallo dhinacyada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha.

Waxaa arrimahaas ka mid ah Cisbitaalka Waxbarashada iyo Cilmi-baarista ee Erdoğan iyo dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dhismaha Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku ammaanaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee Türkiye, gaar ahaan “Baaqa Ankara,” inuu xalliyay xiisaddii Ethiopia iyo Soomaaliya ee horraantii sanadkan, taasoo adkeynaysa doorka Ankara ee ah xasiilye goboleed.

Baaqa Ankara wuxuu ka dhashay wadahadallo ay dhex-dhexaadisay Türkiye oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Xiriirka u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii ay Ethiopia heshiis la gashay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland bishii Janaayo 2024. Si kastaba ha ahaatee, doorka Türkiye ee xoojinta wada-hadalka labada dal ee Afrikaanka ah ayaa abuuray jawi horseedi kara is-faham, waxaana ka dhashay nabad waarta oo gobolka ka hirgasha.

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo xasaasi ah

0

Hargeysa (Caasimada Online)  – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo saartay warbixinta todobaadlaha ee looga hadlo xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Warbixinta oo ka kooban 18 qodob ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii lasoo dhaafay, taas oo ay mar kasta shaaciso wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso qodobada:-

1, Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaas oo lagaga hadlay 11 qodob oo muhiim ah.

2, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb galay Shirweynaha Maalgashiga Somaliland, oo lagu qabtay Hotel Sarovar Premier Caasimadda Hargeysa, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah, waxaana la isu keenay maalgashadayaal ka kala yimid 23 dal dal oo ay igu mudan yihiin Waddammada Geeska Afrika.

3,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Mudane Ozan PEKIN iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Anil Koray KOCAMAN.

4,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.

5,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaranka ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda ICT-ga ardaydii tartamayaasha ahaa ee ku guulaystay sannadka 2025-ka, kuwaasi oo soo bandhigay fikrado iyo hal-abuur cusub oo la xidhiidha aqoonta casriga ah ee ICT-ga.

6,Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Md Cabdirahman Nuur ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Expertise France.

7,Agaasimaha Wacyigalinta Komishanka xakameynta HIV/Aids-ka Barkhad Geeddi ayaa sheegay in bulshadu u baahan tahay wacyigalin joogto ah iyo in dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka la siiyo daryeel gooni ah.

8,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda tallaalka heer gobol ee Wasaaradda.

9,Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aanno waaweyn oo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo qiimaha shidaalka korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, taasi oo la sheegay inay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhaqan gelinayo ballan-qaadkii Madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada.

10,Xukuumadda Somaliland ayaa qasriga madaxtooyadda ee dalka looga taliyi kulan balaadhan kula yeelatay qeybaha bahda suugaanta iyo fanka ee dalka Somaliland .

11,Agaasimha Guud Ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL ,Mudane,Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNDP.

12,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Maxamed Siciid Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNDP oo ay hoggaaminaysay Ms. Luna Nagatomo.

13,Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macalin), ayaa Casuumad ku maamuusay qaar ka mid ah hal doorka Haweenka Xisbiga Talada haya ee Wadani.

14,Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ahna af hayeenka xukuumadda Axmed Yasin Sheikh Cali Ayaanle ayaa qado-sharaf ku casuumay shaqaalaha wasaaradda ee sanadkan soo baxay Jaamacadaha dalka.

15,Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland waxay soo saartay wareegto cusub oo lagu dhimayo qiimaha korontadda dalka laga bilaabo December 2025.

16,Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay qiimayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyey kala badhka (Mid-Term Review) ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), gaar ahaan Wadaagaha Maamul-wanaaga.

17,Agaasimaha Fullinta Sanduuqa Horrumarinta Dhallinyaradda Somaliland Muddane Cabdiqaadir ismail Ahmed Jaylaani ayaa booqday Qatar Fund for Development (QFFD) iyo Qatar Charity, isagoo matalaya Somaliland Youth Development Fund (SLYDF). Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada hadlo fursadaha iskaashi ee lagu horumarin karo dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta, xirfadaha, iyo kobcinta ganacsiyada yaryar ee ay dhalinyaradu hayaan.

18,Xukuumadda Somaliland ayaa isu soo bax lagu taageerayo nabada gobolka Sanaag ku qabtay fagaaraha kheyridda magaaladda Hargeysa taas oo ay kazoo qeyb galeen kumanaan kun oo ka mida dhalinayarada ku nool caasimadda Hargeysa iyo kuwo goboladda dalka uga yimi isu soo baxaasi.

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀

Burcad-badeeddii qabsatay markabka shidaalka oo arrin lama filaan ah sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan howlgalka la dagaallanka burcad-badeedda ee Midowga Yurub ayaa gaaray markabka shidaalka qaada ee Hellas Aphrodite, ee sitay calanka Malta, kaasoo ay burcad-badeed ka qabsadeen meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya Khamiistii, sida uu sheegay howlgalka badda ee Midowga Yurub ee Operation Atalanta.

Howlgalka Operation Atalanta ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in dhammaan 24-kii qof ee shaqaalaha ahaa ay badqabaan, isla markaana aan la soo sheegin wax dhaawac ah.

Howlgalka ayaa sheegay in “awood muujin degdeg ah” oo uu sameeyay markabka ESPS Victoria ay ku dhiirrigelisay burcad-badeeddii inay ka cararaan markabka, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Howlgalka waxaa ka qayb qaatay diyaarad helicopter ah, diyaarad drone ah, iyo diyaarad kale oo la socotay markabka dagaalka (frigate).

“Qiimaynta khatarta ee aagga ku xeeran dhacdadu waxay weli tahay mid culus,” ayuu ka digay Operation Atalanta.

“Markabkii hooyada ahaa iyo burcad-badeeddii weli waxay ku sugan yihiin aagga. Waxaa socda howlgal wadajir ah oo la isku dubariday oo lagu doonayo in lagu hor-istaago doonnida (dhow) ee weerarkan loo adeegsaday.”

Xogta lagula socday dhaqdhaqaaqa markabka ayaa muujisay inuu xeebaha Soomaaliya u jiray in ka badan 1,000km (620 mayl), sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee The Associated Press.

Shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarkii Khamiista ay u muuqatay in ay fuliyeen isla kooxdii burcad-badeedda Soomaalida ahayd ee dhowaan qabsatay doon kalluumeysi oo Iraani ah, taasoo ay markii dambe u adeegsanayeen saldhig ay ka fuliyaan howlgalladooda.

Xilli ay ciidamada badda ee Midowga Yurub u dhowaanayeen Hellas Aphrodite Jimcihii, ayay xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee militariga Britain (UK Maritime Trade Operations centre – UKMTO) sheegtay in markab kale ay si guul-darraysatay u beegsadeen burcad-badeed isla Jimcihii.

Digniin lagu daabacay barta X, ayay UKMTO, oo ku boorrisay maraakiibta aagga inay “si taxaddar leh u maraan”, waxay sheegtay in kabtanka markab sida gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah uu soo sheegay in doon ay ka soo dhowaatay dhinaciisa dambe, isagoo jooga meel 528 mayl-badeed (oo u dhiganta qiyaastii 980km) koonfur-bari ka xigta Eyl, Soomaaliya.

“Doonta yar waxay markabka ku soo ridday hub fudud iyo qoryaha garabka laga tuuro (RPGs),” ayay tiri UKMTO, oo xustay in markabka weyn uu ku baxsaday kaddib markii uu xawaaraha kordhiyay.

Kaddib markii ay burcad-badeedda ka baxsan xeebaha Soomaaliya gaartay meeshii ugu sarraysay sannadkii 2011, oo la diiwaangeliyay 237 weerar, ayay khatartu hoos u dhacday taasoo ay sabab u ahayd kormeerka maraakiibta caalamiga ah iyo xoojinta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray tiro dhacdooyin burcad-badeednimo ah oo gobolka ka dhacay sannadkii la soo dhaafay.

Sannadkii 2024, waxaa jiray toddobo dhacdo oo laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (International Maritime Bureau). Sannadkan gudihiisa, burcad-badeed Soomaali ah ayaa qabsatay doonyo kalluumeysi oo dhowr ah.

Markabka Hellas Aphrodite ayaa noqonaya markabkii ganacsi ee ugu horreeyay ee ay burcad-badeed ka qafaashaan xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii May 2024.

Turkey oo soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu soo saaray waaran lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddiisa, oo lagu eedeeyay xasuuq la xiriira dagaalka Gaza.

Israel ayaa si adag uga hortimid ku dhawaaqistaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar ayaa sheegay in Israel ay “si adag oo quursi leh u diiddayso” eedeymaha, isagoo ku tilmaamay “tallaabadii ugu dambaysay ee dacaayad ah oo uu sameeyay kaligii taliyaha (Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip) Erdogan”.

Xafiiska xeer ilaalinta Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in waarannada xarigga ay la beegsadeen 37 eedaysane, iyagoo aan bixin liiska oo dhameystiran.

Dadkaas waxaa ku jira Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir iyo Taliyaha Ciidanka Gaashaanle Sare Eyal Zamir.

Turkiga ayaa saraakiishan ku eedeeyay “xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha” oo ay Israel “si habaysan” uga geysatay Gaza.

Bayaanka ayaa sidoo kale tixraacaya “Isbitaalka Saaxiibtinimada Turkiga iyo Falastiin”, oo uu Turkigu ka dhisay Marinka Gaza, kaasoo ay Israel duqeysay bishii March.

Turkiga, oo ka mid ah waddamada ugu codka dheer ee dhaleeceeyay dagaalka Gaza, ayaa sanadkii hore ku biiray dacwadda ay South Africa kaga dhanka ahayd Israel ee xasuuqa ee ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (International Court of Justice – ICJ).

Xabbad-joojin aan sal adkayn ayaa ka jirtay dhulka Falastiiniyiinta ee la baabi’iyay tan iyo 10-kii October, taasoo qayb ka ah qorshaha nabadda gobolka ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista Turkiga, iyagoo ku tilmaamay “tallaabo ammaan mudan (oo xaqiijinaysa) mowqifyada daacadda ah ee shacabka Turkiga iyo hoggaamiyayaashooda, kuwaas oo ay ka go’an tahay qiyamka caddaaladda, aadanaha iyo walaaltinimada ee ka dhexeeya iyaga iyo shacabkeena Falastiiniyiinta ah ee la dulmiyay”.

Ciidanka xasilinta

Saar ayaa qoraal uu Ingiriis ku soo dhigay barta bulshada ee X ku sheegay in “Turkiga uu hoggaamiyo Erdogan, garsoorku uu muddo dheer ahaa qalab lagu aamusiyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, laguna xirxiro saxafiyiinta, garsoorayaasha iyo duqayda magaalooyinka”.

Wuxuu intaa ku daray in xafiiska xeer ilaaliyaha Istanbul uu “dhawaan agaasimay xarigga Duqa Magaalada Istanbul, sababtoo ah wuxuu ku dhiirraday inuu Erdogan kula tartamo doorashada”, isagoo ula jeeday Ekrem Imamoglu, oo la xiray bishii March.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Israel Avigdor Lieberman ayaa barta X ku qoray in waarannada xarigga ee ka dhanka ah saraakiisha sare ee Israel ay “si cad u muujinayaan sababta aysan habboonayn in Turkigu uu u joogo Marinka Gaza — ha ahaato si toos ah ama si dadban”.

Turkiga ayaa doonaya inuu qayb ka noqdo ciidanka caalamiga ah ee xasilinta ee loogu talagalay inay door ka ciyaaraan xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib, sida uu dhigayo qorshaha Trump.

Laakiin dadaallada Ankara, oo ay ka mid yihiin kordhinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka iyo raadinta in la saameeyo mowqifka Maraykanka ee taageera Israel, lagama soo dhoweeyo Israel dhexdeeda, oo u aragta in Turkigu uu u dhow yahay Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Israel ayaa si isdaba joog ah u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan in Turkigu uu sinaba uga qayb qaato ciidanka caalamiga ah ee xasilinta ee Gaza.

Israel ayaa ku gacan sayrtay eedeymaha xasuuqa ee ka yimid guddi ay Qaramada Midoobay u xil saartay, hay’ado dhowr ah oo aan dowli ahayn (NGOs) iyo qaar ka mid ah waddamada, iyadoo ku tilmaantay “been abuur” iyo “Yuhuud-naceyb”.

Sidee ayaa looga falceliyay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay isbeddal ku sameysay maamulka Isbitaalka Banaadir, sababo la xiriira gabadhii la dayacay ee ku hor u mushay isbitaalka, falkaas oo aad looga xumaaday, sidoo kalena dhaliyay caro xooggan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo wareegto soo saaray ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, Drs Fartuun Shariif, isaga oo u magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali, si uu usii wado shaqada.

Tallaabadan ayuu wasiirku qaaday isagoo ka jawaabaya mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel deg-deg ah oo dhanka maamulka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo deg-deg ah oo bani’aadannimo ku dhisan.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?

Cabdi Daahir “Kuma filna in xil laga qaado qof dhacdadaan, waa in dad loo soo xiraa arrintaan”.

Maxamed Jeelle “Hadda hawada maa lagu cunay qoftii laheyd tahliil maan dadka ku daaweynaa?”.

Cabdullahi Khaliif “Kuma filna xilka qaadis ee dayacii dhacay iyo ilmihii ku horsaqiiray isbitaalka waan in cidii masuuliyadaas lahayd maxkamad ha loo soo taago waxaan wax la aqbali karo maaha”.

Maryama Maxamuud “Shaqo wacan ayaad qabateyn Agaasimaha cusubna waxaan u rajeynayaa in uu wax badan ka bedeli doona howlaha cisbitaalka”.

Ibnu Cabdinaasir “Xil ka qaadis lama rabo maxkamad hala soo istaajiyo teamkii habeenkaas shaqada lahaa iyo agaasimihi hore”.

Maxamed Soomaali “shaqa wacan! Waa ku mahadsantahay wasaaradu talaabada ay qaaday. Intaas yaan lagu ekaan case kaas iyo meesha dayaacaadduba ka timina ilaa heer maxkamadeed hala gaarsiiyo”.

Somalia oo shir caalami ug qayb-gashay Brazil + Sawirro

0

Belem (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada oo ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil.

Wafdiga Soomaaliya oo ka kooban madaxda dowladda, bulshada rayidka, dhalinyarada, haweenka iyo khubarada Isbeddalka Cimillada, ayaa matalaya codka iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan la-tacaalidda isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga bulshooyinka ee ay saameeyeen abaaraha iyo nabaadguurka.

Saalax oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale wuxuu sheegay  in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Wadaa kale oo uu la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

Dhankooda, madaxda kala duwan ee ka qayb-galay shirka COP30 ayaa soo jeediyay in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah, si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada ee adduunka.

Si kastaba, Ka qaybgalka Soomaaliya ee COP30 wuxuu muujinayaa sida dalka ugu heellan yahay Wax-ka qabashada Isbeddalka Cimillada, ka qaybgalka doodaha caalamiga ah, iyo raadinta xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha cimilada.

Abiy oo dib u kiciyay xiisaddii Soomaalida iyo Oromada

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Doodda muddada dheer ka taagnayd lahaanshaha magaalada Diridhabe ayaa mar kale soo cusboonaatay kaddib hadal uu dhawaan jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Abiy oo dhawaan khudbad ka jeediyay fadhiga baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in “sida ku cad dastuurka,” magaalada Diridhabe ay ka tirsanayd gobolka Oromada.

Hadalkaas ayaa sababay fal-celin weyn, iyadoo bulshada Soomaalida iyo Oromada ay si xooggan ugu kala aragti duwanaadeen arrintaas.

Muuqaallo iyo qoraallo badan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujiyay dareen adag iyo dood hor leh oo ka dhalatay hadalka ra’iisul wasaaraha.

Doodda lahaanshaha magaalada ee u dhaxeysa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, oo marar kala duwan soo noq-noqotay ayaa haatan markale sii xoogeystay.

Halkee ayuu salka ku haya murankan?

Diridhabe waxaa la rumeysan yahay in la aas-aasay qiyaastii sannadkii 1902, xilligii Boqor Minilik uu dhisay tareenka isku xira Addis Ababa iyo Jabuuti.

Magaaladaas oo markii hore loo bixiyay magaca Hararta Cusub ayaa si dhakhso ah u kortay, una noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah oo ay degaan qowmiyado kala duwan, oo ay ku jiraan Itoobiyaan, Carab, Faransiis iyo Giriig.

Markii uu dhismaha tareenka dhammaaday, Diridhabe waxay noqotay meel isku xirta ganacsiga gudaha iyo dibadda dalka, taasoo ka dhigtay magaalo dhaqaale ahaan muhiim ah.

Su’aasha ah cidda ay magaaladu ka tirsan tahay ayaa la sheegay inay soo bilaabatay xilligii dowladdii Dimuqraadiga ee Kacaanka Ummadda Itoobiya, iyadoo dooddu salka ku hayso macnaha magaca “Diridhabe” iyo cidda asal ahaan deganeyd.

Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Darajjee Fayyisaa sannadkii 2018-kii ayaa tilmaantay in intii u dhaxeysay 1991 ilaa 1993, Diridhabe ay ka tirsaneyd Oromiya, isla markaana ay maamulayeen xubno ka tirsan Ururka Dimuqraadiga ee Dadka Oromo.

Hase yeeshee, xisbigii Soomaalida ee u halgamayay xuquuqda qowmiyadaha Ciise iyo Gurgure ayaa si cad uga hor yimid sheegashadaas.

Cilmi-baaristu waxay muujisay in markii la dhisay Dawlad-Deegaanka Soomaalida sannadkii 1993, Diridhabe loo aqoonsaday inay tahay caasimadda deegaankaas, balse arrintaas aysan meel cad ka gaarin dowladda dhexe.

Si looga fogaado muranka joogtada ah ee labada dhinac, dowladda federaalka ayaa go’aamisay in magaalada si ku-meel-gaadh ah u hoos tagto maamulka dhexe.

Sannadkii 2004-tii ayaa la ansixiyay Dastuurka Maamulka Magaalada Diridhabe (Xeer Lambar 416/2004), kaas oo dhigaya in magaalada ay si iskeed isku maamuli karto ilaa xal rasmi ah laga gaarayo arrintaan.

Sida uu xeerku dhigay, maamulka magaalada waxaa wada maamula golaha deegaanka iyo dowladda federaalka, iyadoo xilka duqa magaalada la isku wareejiyo shantii sanoba mar si ay labada dhinac u helaan matalaad siman.

Sidoo kale, cilmi-baaris uu 2017-kii qoray Balaw Warquu ayaa tilmaantay in nidaamka awood-qaybsiga ee Diridhabe uu yareeyay tartankii siyaasadeed, balse uu abuuray xaalad siyaasadeed oo aan si buuxda loo xallin.

Nidaamka maamulka magaalada lagu dhisay ayaa qareennada qaar ay qabaan in uusan si buuxda ula jaanqaadayn dastuurka dalka, taas oo keentay su’aalo iyo muran joogto ah oo ku saabsan sharciyadda maamulka Diridhabe.

Shirqool IRAN ay maleegtay oo lagu khaarijinayey safiirka Israel ee dalka Mexico oo…

0

Mexico City (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee ayaa qorsheeyay in ay khaarajiyaan safiirka Israel ee Mexico laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, balse isku daygaas waa la xakameeyay, haddana ma jirto khatar taagan, sida uu sarkaal Maraykan ah sheegay Jimcihii.

Sarkaalkan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in shirqoolka ka dhanka ah safiir, Einat Kranz Neiger, uu socday illaa qeybtii hore ee sanadkan.

“Shirqoolka waa la xakameeyay, mana aha mid hadda khatar keeni kara,” ayuu sarkaalku u sheegay wakaaladda Reuters. “Tani waa tii ugu dambaysay ee taxane dheer oo ah beegsiga halista ah ee Iran ay ku hayso diblomaasiyiinta, saxafiyiinta, mucaaradka, iyo cid kasta oo ka fikir duwan, taasoo ah arrin ay tahay in ay si weyn uga welwelaan waddan kasta oo ay Iran ku sugan tahay.”

Sarkaalka ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sida shirqoolka loo fashiliyay iyo tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan howlgalka.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa marar badan ku eedeeyay in Iran iyo wakiiladeeda ay doonayeen in ay weerarro rabshado wata ku qaadaan dadka ka soo horjeeda Tehran.

Hay’adaha amniga ee Britain iyo Sweden ayaa sanadkii hore ka digay in Tehran ay adeegsanayso wakiillo dambiilayaal ah si ay weerarro rabshado wata uga fuliyaan wadamadaas, iyadoo London ay sheegtay inay fashilisay 20 shirqool oo Iran lala xiriirinayay tan iyo 2022.

Tobaneeyo waddan oo kale ayaa cambaareeyay wax ay ugu yeereen koror ku yimid shirqoollada dilalka, afduubka, iyo dhibaateynta ee ay maleegayaan sirdoonka Iran.

Taliyaha sirdoonka gudaha Britain ee MI5, Ken McCallum, ayaa bishii hore sheegay in Iran ay “si ba’an” isugu dayayso inay aamusiso dadka dhaleeceeya ee ku kala sugan daafaha dunida. Waxa uu soo xigtay sida Australia ay u kashiftay ku lug lahaanshaha Iran ee shirqoollo ka dhan ah Yuhuudda, iyo sida ay mas’uuliyiinta Holland u shaaciyeen isku day dil oo fashilmay.

Israel ayaa muddo dheer ahayd mid bartilmaameed u ah Iran, gaar ahaan kaddib markii Israa’iiliyiintu ay dagaal cirka ah la galeen Iran, kaasoo ay ku jireen diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka oo weeraray goobaha nukliyeerka ee Iran bishii Juun.

Israel ayaa marar badan dhankeeda beegsatay, oo khaarajisay saynisyahanno Iran u qaabilsanaa barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo dadka kale oo xiriir la leh Tehran.

War ka cusub markabkii ay qabsadeen burcad-badeedda SOOMAALIDA

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox Soomaali ah oo shalay qabsatay markabka Hellas Aphrodite ayaa hadda la xaqiijiyay inay isaga degeen markabka.

Kooxda ayaa ka degtay markabka kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Warar maxalli ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah kooxdan uu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka ATALANTA ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Si kastaba, howl-galka ayaa ka digay in kooxdan ay adeegsanayaan doonyo awood u leh inay gaaraan meelo ka baxsan biyaha caalamiga ah, taas oo suuragal ka dhigaysa inay weerarro kale fuliyaan.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya. Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa markii dambe soo badbaadiyay 17-kii xubnood ee shaqaalaha ka dib markii ay xarig ugu degeen markabkaas.

Maalintii Isniinta, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkan sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iiraan ayaa khatar ka weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku shubanta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu bilowday weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo taageero u muujinayay Falastiiniyiinta ku aaddan dagaalka Israel ee Gaza.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen heshiis ay ku joojinayaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, haddana shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka walaacsan inay dib u bilaabaan safarradii ay ku mari jireen biyahaas.

Agaasimihii isbitaalka Banaadir oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa caawa xilka ka qaaday Agaasimihii Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isagoo magacaabay agaasime cusub.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Cabdirisaaq Shariif Cali u magacaabay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir. Cabdirisaaq ayaa beddelaya Dr. Fartuun Shariif oo horey u haysay xilkaan.

Tallaabadan ayuu wasiirku qaaday isagoo ka jawaabaya mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel deg-deg ah oo dhanka maamulka ah.

Wasiirka ayaa agaasimihii hore uga mahad-celiyay muddadii ay haysay xilka iyo howlihii ay kasoo qabatay isbitaalka.

Sidoo kale waxa uu xusay in isbeddellada maamul ee socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Isbeddel maamul ayaa maalmaha soo aadan lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday, sida uu shaaciyay wasiirka.

Wasiirka ayaa Agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo deg-deg ah oo bani’aadannimo ku dhisan.

Isbeddelkan ayaa imanaya xilli uu saaka Wasiirka Caafimaadka kormeer deg-deg ah ku tegay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, kadib dhacdadii naxdinta laheyd ee qabsatay baraha bulshada, taaso aheyd haweeney Soomaaliyeed oo si silic ah ugu umushay iridda Isbitaalka Banaadir.

Haweenaydan oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa halis gashay, iyadoo ku umushay laamiga hormara Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Intii uu socday kormeerka Wasiirka, wuxuu warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku jiray shaqada 26-kii October 2025 xilligii ay dhacdadu dhacday.

Wasiirka Caafimaadka oo u kuurgalay faah-faahinta buuxda ee xaaladda, oo ay ku jiraan dib u eegista CCTV-ga, shaqaalaha iyo diiwaanada bukaan-qaadista ayaa caddeeyay in dhacdadan aan marnaba la aqbali karin, maadaama adeegyada caafimaad ee deg-degga ah yihiin xuquuq asaasi ah.

“Waxaan aad uga xunahay umadda Soomaaliyeed ka raali-gelinayna in kiis noocaas ah ay ka dhacaan isbitaalka Banaadir hortiisa, oo ah isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka lagu daryeelo ee dowladdu ku faanto,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.

Wasiirka ayaa markaas ballan-qaaday in marka baaritaanka si dhab ah loo soo gebo-gabeeyo tallaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada Soomaaliyeed u xaqiijisay in ilaalinta badbaadada hooyada iyo dhallaanka ay mudnaanta koowaad tahay, isla markaana aysan jiri doonin cid laga aqbalayo dayacaad halis galinaysa nolosha shacabka.

TPLF iyo xukuumadda Abiy oo qarka u saaran dagaal culus – Maxaa cusub?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha amniga ee Tigray ayaa sheegay in dowladda federaalka Itoobiya ay duqayn diyaaradeed ku qaadday deegaanka ay maamulaan.

Sarkaalkan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in weerarku ka dhacay meel ku dhow xadka u dhexeeya gobollada Tigray iyo Canfarta.

Sarkaalka Tigray ayaa sheegay in duqayntu ay sababtay dhaawacyo fudud iyo khasaare hantiyeed, isagoo tilmaamay in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Milkaa, oo ku dhow xadka Canfarta.

Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay jebisay Heshiiskii Nabadda ee Pretoria, kaddib markii ay duqayntan fulisay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta la duqeeyay ay ku dhowdahay aag ay maamulka Canfartu hore ugu sheegeen in ciidammada Tigray ay weerarro ka gaysteen.

Tani waa xogtii ugu horreysay ee laga soo sheego iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Tigray tan iyo markii dagaalkii hore lagu soo afjaray heshiiska Pretoria.

Heshiiskaas ayaa lagu sheegay in uu soo afjaray dagaal labo sano socday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Si kastaba, labada dhinac dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa weli midba midka kale ku eedeeya inuu jebiyay heshiiskaas.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya oo ku saabsan dhacdadan. Sidoo kale ma jirto caddeyn madax-bannaan oo lagu xaqiijin karo weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Canfarta uu hore ugu eedeeyay ciidammada Tigray inay gudaha u soo galeen gobolkaas oo ay fuliyeen weerarro sababay khasaare baaxad leh.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Canfarta ayaa lagu sheegay in dad rayid ah ay barakaceen, halka maamulka Tigray uu gebi ahaanba beeniyay eedeymahaas.

Toddobaadkii hore, warbixinno ayaa tilmaamay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameeyeen kooxo lagu magacaabo “Haaraa Mareet,” kuwaas oo lagu arkay magaalooyinka Magaale iyo Tonsaar.

Horey, ururka TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Itoobiya inay halkii ay khilaafaadka ku xallin lahayd wada-hadal siyaasadeed, ay ka dooratay in ay taageero iyo tababar siiso kooxo hubeysan oo ka howl-gala gudaha gobollada Canfarta iyo galbeedka Tigray.

Dhanka kale, Brigadier General Gebregziabher Bayyana, oo loo yaqaan Waddi Anxiru, kana mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Tigray ayaa sheegay inay hadda dhisayaan ciidan cusub.

Jeneraalka ayaa xaqiijiyay uu ku guda jiro dhismaha ciidan ka madax-bannaan ururka TPLF, isagoo tilmaamay inay doonayaan in ay gebi ahaanba ka madax-bannaanaadaan xisbigaas.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddadoodu aysan ahayn inay dhisaan ciidan xisbi ama dowlad cusub u taagan oo keliya, balse ay doonayaan in TPLF laga saaro saameynta ay ku leedahay ciidamada Tigray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay qorsheynayaan in afar qaybood oo ciidan ah laga dhiso xuduudaha u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Tigray.

Maxay PUNTLAND ka tiri ciidamadeeda ku biiray DF?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa meesha ka saaray inay jiraan ciidan federaal oo ay aqoonsan tahay oo ku sugan deegaannadeeda, xilli ay dhawaan Dowladda Federaalka shaacisay in ciidamo ka tirsanaa maamulkaasi ay ku biireen Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo arrintaan ka hadashay ayaa sidoo kale sheegtay in uusan jirin heshiis amni oo ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka.

“Dowladda Puntland waxay caddaynaynaa in aysan jirn wax ciidan ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee Puntland oo ay u aqoonsan tahay in ay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya labada dhinac,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in haddii ciidamo uusan ogayn maamulka laga qoro deegaannadeeda in wixii dhib ah oo arrintaas ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda Xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay u mahad-celisay saaxiibadeeda caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya.

” Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysa shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.”

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegtay in ciidamada PSF ee Puntland oo hore Mareykanku u taageeri jiray ay si sharci ah ugu biireen ciidamada qaranka.

Dhamaadkii October ayey aheyd markii Dowladda Federaalka ay mushaar u dirtay in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo helay lacag dhan $200 midkiiba.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, lacagtan oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe.

Ciidamadaas ayaa la sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo aragti ahaan is-hayaan uu ka jartay mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan xoog leh. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahaas ayaa kusoo aaday xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.

Ciidamadan oo Madaxweynuhu sheegay in ay joogaan meelo kamid ah maamulka Puntland, ayuu tilmaamay inay geli karaan dagaalka ka socda Calmiskaad, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa markaas xusay in dagaalkan uu yahay mid ballaaran, ayna qayb ka yihiin saaxibada caalamiga ah oo ay ka wada shaqeeyaan howlgallada ka dhacaya dalka.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacish-na caalamka waa nagu kaalmeynayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay xiisad xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.