25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Fiqi oo weerar xun ku qaaday madaxweyne Farmaajo iyo Khayre kadib markii hay’adda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka qayb-galay daah-furka shirweynaha labaad ee u adkeysiga aafooyinka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Khayre.

Ugu horreyn Fiqi oo madasha hadal ka jeediyay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka dalka, iyadoo loo marayo cilmi baaris iyo daraasado xog-ogaalnimo iyo aqoon ku dhisan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in kumannaan ruux oo Soomaaliyeed ay ku naf waayeen musiibooyinka dalka ka dhacay, taas oo muujinaysa baahida deg-degga ah ee loo qabo nidaamyo wax ku ool ah oo ka hortagaya musiibooyinka soo laalaabtay.

Intaas kadib wuxuu guda galay arrimaha siyaasadda ee lagu yaqiinay, wuxuuna weeraray Farmaajo iyo Khayre oo uu ku eedeeyay inay horay u burburiyeen Hay’adda SoDMA oo iyadu maanta soo qaban qaabisay shirweynaha, taas oo u xilsaaran howlaha gaargaarka dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka iyo Ra’iisul wasaarihii ay wasaarad ka dhigeen hay’adda, isla markaana ay qaribeen shaqadeeda, balse ay iyagu ku dadaaleen in lasoo celiyo, si ay wax uga qabato musiibooyinka iyo arrimaa bani’aadanimada.

“Mar-baa hay’addan laga dhigay wasaarad oo qashaad bay gashay 5-tii sano oo ninkii saaxibkeen ahaa Xasan Cali Khayre iyo Farmaajo ay joogeen wasaarad ayaa laga dhigay waa qaribantay, laakiin markii hay’ad lagu soo celiyay Institution jira ayay noqotay” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaa ku datay “Waa ujeedaan shaqooyinka ay qabatay iyo waxa ay isku keeneyso, waana hambalyeyneynaa guusha ay gaareen Maxamuud Macallin iyo teamkiisa”.

Fiqi ayaa inta badan khudbadihiisa ku weerara xubnaha mucaaradka iyo madaxdii hore, isaga oo lagu yaqaanno inuu afkiisa ku difaaco xukuumadda uu markaas ka tirsan yahay.

Dowladda oo ciidamo gaysay daafaha Muqdisho kadib xaalad kasoo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ciidamo dheeraad ah oo suga amniga gaysay daafaha magaalada Muqdisho, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo waxa soo galaya gudaha caasimada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay bannaanka caasimada, waxayna ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadan ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqyada xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar sida dhuumaaleysiga ah ku yimaada deegaannada u dhow Muqdisho.

“Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha howlalka hoggaamineysay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeeddadu tahay ka hortagga wax kasta oo halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo kalsoonida shacabka.

“Ciidanka Haramcad ayaa horey u sameeyay howlgallo miro dhal ah oo lagu soo qabtay dad iyo walxo khatar ku ahaa bulshada” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidan badan u dhigtay baraha laga soo galo caasimada, si ay u hubiyaan gaadiidka, ugana hortagaan weerarada qaraxyada ah.

Muqdisho ayaa hadda xasiloon, waxaana dadaalka la sameeyay uu horseeday in laga nasto qaraxyadii tirada badnaa iyo dilalkii qorsheysnaa ee ay soo abaabuli jireen Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isbeddal wayn ka sameysay amniga iyo dhismaha ciidanka, taas oo lagu boggaadiyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Digniin culus oo kasoo baxday baarlamanka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Arbaco ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo qorshuhu in golaha uu akhrinta labaad marsiiyo Hindise Sharciyeed ay usoo gudbisay Xukuumadda.

Kulanka ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana kaliya soo xaadiray illaa 123 Xildhibaan halkii laga rabay inuu ku furmo 139 Mudane, sida uu qabo xeerka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa digniin adag u diray xildhibaannada maqan ee jooga Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay caqabad ku yihiin in ay horay u socoto shaqada Baarlamaanka Soomaaliya.

“Shaqo aad u culus ayaa noo taallo kalfadhigan waxaa rajeyneynaa waxyaalihii ugu muhiimsanaa oo horay nooga baaqday iyo waxa cusub ee lasoo gudbiyay in la dhaqaajiyo ayaa la rabaa, laakiin dadka qaar haddii ay shaqada u arkaan inay macno ku fadhin dhibaato ayay noqoneysaa” ayuu yiri gudoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda kadib lala xisaabtami doono xildhibaannada ka maqnaada Baarlamaanka, isaga oo amray in la yeeriyo, si loo ogaado kuwa maqan.

“Waxaan rabaa xildhibaannada fasax la’aanta iska maqan si loo ogaado, marqaatina aad u noqotaan waxaan yeerineynaa magacyadooda, digniina waan u direynaa” ayuu sii raaciyay.

Intaasi kadib Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi (Nuux) ayaa kulanka ka akhriyay magacyada xildhibaannada maqan, iyada oo lala wadaagay shacabka.

Kulamada Baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Fadhiyo hora oo ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana ugu dambeeyay Sabtidii oo sidaan oo kale ay dhacday.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa

Is-beddel weyn oo ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya kadib go’aankii Mareykanka

London (Caasimada Online) – Joojintii hawlaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ee horaantii sanadkan ayaa dhaawacday kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna hoos u dhigtay dakhligii dowladda, sida ay Talaadadii sheegtay madaxa Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Soomaaliya, waxay si weyn u saamaysay wax-soo-saarkeena guud (GDP),” ayay madaxa bankiga Hodan Cusmaan ka sheegtay shirka Financial Times Africa Summit ee London. Waxay intaa ku dartay in hakadka gargaarku uu saameeyay suuqyada uuna hoos u dhigay dakhligii canshuurta iibka in ka badan intii ay saraakiishu filayeen.

Xiritaanka USAID ayaa daba socotay dhimis ballaaran oo lagu sameeyay gargaarka dibadda ee Mareykanka, taasoo uu amray Madaxweyne Donald Trump. Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd dib-u-waajihid ballaaran oo lagu sameeyay kharashaadka horumarinta, taasoo carqaladaysay barnaamijyo caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqaale oo dunida oo dhan ka socday.

Soomaaliya waxay si gaar ah ugu nugushahay saamaynta noocan ah. Deeqaha iyo taageerada dibadda ayaa muddo dheer tiir-dhexaad u ahaa kharashaadka dowladda iyo qaybo ka mid ah hawlaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.

In kasta oo Muqdisho ay ka shaqaynayso ballaarinta salka canshuuraha, haddana ka bixitaanka degdegga ah ee deeq-bixiyeyaashu waxay hoos u dhigtaa dalabka, waxayna si dhakhso ah uga dhex muuqataa diiwaannada dakhliga billaha ah.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixisay in dakhliga gudaha uu ka kordhay $329.5 milyan sanadkii 2023 illaa $369.4 milyan sanadkii 2024, waana horumar nugul marka uu yaraado isticmaalka badeecadaha.

Dowladda ayaa sidoo kale dhaqan-gelisay canshuur iib oo ah 5% magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2024, si loo xoojiyo dakhli ururinta. Taasi waa sabab kale oo keentay in hoos u dhac ku yimaada wax-isticmaalka uu si toos ah u saameeyo miisaaniyadda.

Ganacsatada ayaa muddo kooban ka banaanbaxay canshuurtan sanadkii hore, arrintaasoo muujinaysa daciifnimada soo kabashada iyo muhiimadda ay leedahay inuu jiro dhaqdhaqaaq dhaqaale oo joogto ah si dakhli ururintu u sii socoto.

Hay’adaha deymaha bixiya ee caalamiga ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumarisay fulinta miisaaniyadda iyo maamulka dakhliga, balse waxay ka digeen in dalku uu weli si weyn ugu tiirsan yahay maalgelinta dibadda.

Qiimeyn ay sanadkan samaysay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa lagu xusay in dakhliga gudaha uu gaaray $369 milyan dhammaadkii 2024, taasoo ka sarreysa bartilmaameedyadii barnaamijka. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado dib-u-habaynta, xilli ay jirto xaalad maal-gelineed oo adag.

Fariinta Hodan Cusmaan ee Talaadadii ayaa ahayd mid cad: luminta doollarka horumarinta ee Mareykanka ma ahan oo kaliya farqi xisaabeed. Waa saamayn culus oo dhex martay silsiladaha saadka iyo goobaha ganacsiga, taasoo hoos u dhigtay iibka, soona ciriirisay salka canshuuraha ee dowladda ee hore u koobnaa.

Waa cadaadis sii jiri kara haddii aan la helin maalgelin kale ama aanu kordhin maalgashiga gaarka loo leeyahay.

In ka badan 60 qof oo saaka dhintay kadib markii dalka…

0

Kampala (Caasimada Online) – Ugu yaraan 63 qof ayaa dhintay ka dib markii dhowr baabuur ay shil ku galeen waddo weyn oo ku taalla galbeedka dalka Uganda, sida ay saaka sheegeen Booliisku.

Labo bas oo ku safrayay jihooyin iska soo horjeeda ayaa isku dhacay iyaga oo isku dayaya in ay dhaafaan labo baabuur oo kale oo marayey Waddada Kampala-Gulu 00:15 wakhtiga maxaliga ah (21:15 GMT), sida ay sheegeen Ciidanka Booliiska Uganda.

Mid ka mid ah baska ayaa leexday isagoo isku dayaya inuusan shil gelin, balse markii ay arrintu socotay waxa uu sababay “isku dhac madaxa iyo dhinaca ah” kaas oo sababay dhowr shil, oo gawaadhida kale ay is xakameyn waayeen isla markaana rogmadeen.

Sidoo kale shilkan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rakaab ah oo la socday gaadiidka iyo dad kale, sida ay booliisku sheegeen, waxaana la bilaabay baaritaan.

Waxaa sidoo kale haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada Booliska oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, iyaga oo buux dhaafiyay goobta uu shulka ka dhacay.

Dhanka kale, dowladda ayaa la filayaa inay war rasmi ah kasoo saarto dhacdadaan, kadib marka ay soo dhammaadaan baaritaannada socda.

Xogta shir maalintii afaraad u socda Soomaaliya iyo Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jabuuti ka socda shir aqoon-isweydaarsi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo maanta galay maalintiisii afraad.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dal iyo isweydaarsiga khibradaha ku saabsan arrimaha Awqaafta iyo Diiwaanka Sakada, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhiso hanaan mideysan oo qayb ka ah qorshaha isbeddelka qaran ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray shirkan ayaa Wasiirrada labada dal, Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Muumin Xasan ayaa sidoo kale waxay diirada saareen dardar-gelinta fulinta qorshaha isbeddelka qaran ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta nidaamka Awqaafta iyo Sakada.

Kulanka kadib, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa warbixin kooban siiyey warbaahinta, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay wada-shaqeynta labada dal iyo sida ay iskaashigan uga qeyb qaadan karto dhismaha hay’adaha diinta iyo horumarinta adeegyada bulshada ee ku dhisan qiyamka Islaamka.

Shirkan afar maalmood socday ayaa la filayaa in lagu soo saaro heshiisyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga diimeed, dhaqan iyo bulsho ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo noqon doona saldhig muhiim u ah hirgelinta qorshaha isbeddelka qaran ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka inta u dhaxeysa 2025–2030.

Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Ibraahim Aadan Nadarra, Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sheekh Cali Xaaji Daahir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Macallin Abuukar (Sh. Suufi Yare), Guddoomiye-ku-xigeenka Midowga Culimada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo xubno kale oo ka tirsan howl-wadeenada Wasaaradda.

Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah ha’yad ku kacday…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay xiritaanka Ha’yadda Consilient Limited Company oo maalinnimadii Isniinta ahayd albaabada la’isugu dhuftay, kadib amar culus oo soo baxay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inay xiran yihiin maamulka iyo shaqaalaha ha’yadda oo lagu eedeeyay inay ku kaceen arrimo ku lid ah Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu caddeeyay qoraalka.

Booliska ayaa tallaabadan qaaday,markii lagu wargeliyay xogta hay’addan, kagadaal markii baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warar ka dhan ah Somaliland.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 20/10/2025, ku soo qabtay maamulka iyo shaqaalaha Ha’yadda Consilient Limited Company, kadib markii Ciidanka lagu wargeliyay in hay’addu waddo arrimo ku lid ah Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, waxaa kiiskan soo farageliyay laanta dambi baarista CID ee Booliska Somaliland, waxayna sheegtay inay xaqiijisay in been abuur ay yihiin wararka la faafiyay, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu sumcad dilo Qarannimada Somaliland.

“Hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska JSL, oo sameeyay baadhitaan qoto dheer, waxa uu xaqiijiyay in warkaas uu ahaa been abuur, isla markaana aanay jirin wax barnaamij ah oo noocaas ah oo ay hay’addu qabanaysay” ayaa lasii raaciyar warka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu yiri “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada u caddaynayaa in wararkaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka mid yihiin barobogaandada lagu marin habaabinayo bulshada”.

Dhanka kale, waxaa haatan soconayo dabagal lagu hayo cidda ka dambeysay falkaasi, gaar ahaan wararka laga faafiyay Somaliland, si wax looga waydiiyo xogaha la baahiyay.

“Ciidamada Booliska JSL waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka.

Baasaboorka Mareykanka oo qiimo-dhac aad u weyn uu ku yimid iyo sababta keentay

Washington (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah, Mareykanka ayaa ka baxay liiska tobanka baasaboor ee ugu awoodda badan caalamka, taasoo muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid dalka quwadda koowaad ee caalamka ah.

Sida ku cad qiimeyntii ugu dambaysay ee Henley Passport Index, oo ah qiimeyn lagu cabbiro inta waddan ee qofka socotada ahi ku booqan karo fiiso la’aan, baasaboorka Mareykanka ayaa hadda galay kaalinta 12-aad ee caalamka. Waxa uu kaalintaas la wadaagaa dalka Malaysia.

Sanadkii hore oo kaliya, Mareykanku wuxuu ku jiray kaalinta toddobaad, ka hor inta uusan u dhicin kaalinta 10-aad bishii Luulyo ee sanadkan. Toban sano ka hor, wuxuu ku jiray kaalinta ugu sarreysa liiska.

“Awood-darrida sii kordhaysa ee baasaboorka Mareykanka tobankii sano ee la soo dhaafay ma ahan kaliya is-beddel ku yimid kala-sarreynta, balse waxay muujinaysaa isbeddel aasaasi ah oo ku yimid dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah iyo habka awoodda jilicsan,” ayuu yiri Christian H Kaelin, oo ah guddoomiyaha Henley & Partners ahna abuuraha qiimeyntan, oo soo saaray war-saxaafadeed.

“Waddamada qaata furfurnaanta iyo iskaashiga ayaa horumar samaynaya, halka kuwa ku tiirsan mudnaantii hore ay dib u dhacayaan.”

Waddamada Aasiya ayaa hadda haya kaalmaha ugu sarreeya. Singapore ayaa hoggaaminaysa iyadoo fiiso la’aan lagu aadi karo 193 dal, waxaana ku xiga South Korea oo 190 dal ah, iyo Japan oo 189 dal ah.

Shirkadda Henley & Partners, oo fadhigeedu yahay London kuna takhasustay la-talinta jinsiyadaha iyo deganaanshaha, ayaa soo ururinaysay qiimeyntan muddo ku dhow 20 sano, iyadoo isticmaalaysa xogta Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (International Air Transport Association).

Hoos u dhacan ayaa ku soo beegmay xilli ay jireen siyaasado adag oo socdaalka iyo safarrada Mareykanka ah ee maamulkii Trump. Siyaasadahaas oo markii hore lala beegsanayay tahriibta, ayaa markii dambe lagu ballaariyay tallaabooyin adag oo ka dhan ah dalxiiska, shaqaalaha ajnabiga ah iyo ardayda caalamiga ah.

Is-dhaafsiga (Reciprocity) ayaa qayb weyn ka qaata kala-sarreynta waddan, sida ay xustay Henley & Partners. Waxay tilmaantay in inkasta oo dadka haysta baasaboorka Mareykanka ay hadda fiiso la’aan ku aadi karaan 180 dal, haddana Mareykanka laftiisu uu ogol yahay oo kaliya 46 jinsiyadood oo kale inay xuduudihiisa soo galaan fiiso la’aan.

Isbeddellada dhowaan lagu sameeyay gelitaanka dalalka ayaa qayb ka qaatay hoos u dhaca qiimeynta guud ahaan. Bishii Abriil, dalka Brazil ayaa joojiyay gelitaanka fiiso la’aanta ah ee muwaadiniinta Mareykanka, Canadians-ka iyo Australians-ka, isagoo ku sababeeyay is-dhaafsi la’aan.

Waddamo kale ayaa ballaariyay ka-dhaafitaanka fiisaha, laakiin kuma aysan darin Mareykanka. Tusaale ahaan, China iyo Vietnam, waxay Mareykanka ka saareen liisas cusub oo la ballaariyay oo ay ku jiraan waddamada u qalma dalxiiska fiiso la’aanta ah.

Sida ay sheegtay Henley & Partners, waddamada siiya muwaadiniintooda xorriyad safar oo ballaaran, balse xaddidaya gelitaanka fiiso la’aanta ah ee dadka kale, sida Mareykanka, Canada, Australia iyo New Zealand, ayaa arkay awoodda baasaboorkooda oo fadhiid noqotay ama hoos u dhacday sannadihii la soo dhaafay.

Hoos u dhacan weyn ee qiimeynta ayaa kicinaya rabitaanka dhalasho laba dal ee ka dhex jira dadka Mareykanka, sida ay sheegtay shirkaddu. Taasi waxay muujinaysaa in dhalashada Mareykanka oo kaliya aysan hadda ahayn maqaamkii awoodda weyn ee ay ahaan jirtay.

“Sannadaha soo socda, dad badan oo Mareykan ah ayaa qaadan doona jinsiyado dheeri ah si kasta oo ay ku heli karaan,” ayuu yiri Peter J Spiro, oo ah borofisar sharciga ka dhiga Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Temple (Temple University Law School.

“In la qaato jinsiyado badan waxay noqonaysaa wax caadi ka ah bulshada Mareykanka.” In kasta oo ay taasi noqon karto buunbuunin yar, sida uu qof baraha bulshada wax ku qoray uu dhawaan u dhigay, “dhalashada laba dal waa riyada cusub ee Mareykanka.”

Al-Shabaab oo lagu jabiyay dagaal ka dhacay XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ciidanka ay ku leeyihiin meel 8 KM u jirta degmadaasi, kadibna waxaa xigay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaabka duulaanka soo qaaday oo ka dhacay halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay ahaayeen xogta weeraka, ayna ka hortageen iyagoo cashir u dhigay kooxda Al-Shabaab.

“Abaare 8:00 fiidnimo ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada. Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in goobta lagu dilay in ka badan 10 dhagarqabe, sidoo kalena gacanta lagu dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47.

Dhinaca kale, wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyey guusha laga gaaay dagaalka xalay ka dhacay duleedka degmada Xudur, wuxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Xoogga Dalka, guutada 9-aad , iyo shacabka deegaanka oo iskaashaday si ay uga hortagaan weerarkii Khawaarijta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in guushan ay caddeyn u tahay sida shacabka iyo ciidamada amniga Koonfur Galbeed ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni buuxda oo ka dhalata guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed oo ay weli ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Laftagareen oo qaaday tallaabo uu ku xoojinayo saameyntiisa K/Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta qaaday tallaabo uu kusii xoojinayo saameyntiisa gudaha ee deegaannada maamulkaasi.

Laftagareen oo hadda taageero xooggan ka haysta dadka Koonfur Galbeed, marka lo eego dhanka waxqabadka ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee laga hirgelinayo xarunta Madaxtooyada, si uu taageerayaashiisa u tuso shaqada socoto iyo horumarka maamulka.

Meelaha uu kormeeray ayaa waxaa qeyb ka ah mashruuca dib-u-habaynta iyo casriyeynta goobaha dowladda, gaar ahaan Aqalka Madaxtooyada ee Koonfur Galbeed Hirgelinayso, kuwaas oo loo dhisay qaab casri ah.

Sawirro laga soo qaaday dhismayaashan oo soo jiidasho leh ayaa Madaxtooyadu ku faafisay baraha bulshada, waxaana si weyn loogu ammaanka hoggaamiye Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale, intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Laftagareen ayaa warbixin kooban ka dhageystay mas’uuliyiinta ku howlan dhismaha, kuwaas oo u faah-faahiyay heerka uu marayo dhismiyaasha hadda socda.

Intaasi kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaalka ay shirkadaha iyo shaqaalaha ay ku bixiyeen dhismayaasha cusub, isagoo xusay in mashruucani uu qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha Dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha Dowladda iyo casriyeynta Xarumaha Dowliga ah ee muhiimka ah.

Tallaabadan ayay dad u badan u arkeen mid uu isku muujinayay Laftagareen, xilli maanta uu xubnaha mucaaradka u diiday inay tagaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Mucaaradka ayaa doonayay inay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka bilaabaan halkaasi, gaar ahaan ololahooda ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.

Horay wuxuu maamulka ugu guuleystay fulinta qorshayaal hormarineed iyo mashaariic waa wayn oo laga hirgaliyay Baydhaba, kuwaas oo uu taageerada badan ku helay Madaxweynuhu.

Maxay Madasha ka tiri jabka ku dhacay xubnihii la heshiiyay XASAN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa ka hadashay is hortaaggii maanta lagu sameeyay qaar kamid ah xubnihii isaga baxay Madasha, xilli ay ku wajahnaayeen magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahaas oo ay hoggaaminayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo diiday inay u duulaan garoonka Baydhaba, sababa la xiriira khilaafka siyaasadeed ee weli kala dhexeeya Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Syaasiyintan loo diiday Koonfur Galbeed ayaa  qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban ololahooda doorashooyinka qof iyo codka ee ay kula heshiiyeen Dowladda Federaalka, waxaase ka horyimid safarkooda maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa wareysi uu siiyay Somali Cable Tv uga hadlay jabka ku dhacay xubnaha la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inay ku fududaadeen go’aankooda, ayna iska tageen, iyada oo aan la xaqiijin hadafka loo dhisay Madasha Samatabixinta.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maanta ay haysato xaalad adag, isla markaana bixidooda aanay sameyn ku yeelan isbaheysiga mucaaradka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay u baxeen waxa ahayd uun rag taleefoonnada laga qaban waayay oo rabay inay Madasha ku dhex tahriibaan, maanta ayayse hayaan waxa ay u baxeen” ayuu yiri Caananuug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tegitaankood Madasha wax saameyn ah kuma yeelan, balse faa’iido ayay u ahayd rag badan oo aan aamini lahayn ayaa kusoo biiray oo Jubbaland iyo Puntland ayaa kamid ah iyo rag kale oo odayaal ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii horeba been loo sheegay, isla markaana ay maanta kusoo dhaceen meel cidlo ah, oo ay soo caban doonaan.

“Beentii Villa Somalia lagu haayay iyo indho sar-caadintii bey run moodeen hillaac been ah ayaa u baxay maanta maalin aan ahayn ayayna ka sheekeynayaan, waana arki doontaan iyaga oo cabaanayao oo Tv-yada taagan” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Caananuug.

Si kastaba, Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka, lana safteen mucaaridka, iyaga oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka.

War cusub oo kasoo kordhay aqoonsiga Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal oo maanta warbaahinta la hadlay, xilli uu la shirayay hay’adaha amniga ayaa soo hadal qaaday arrimaha aqoonsiga, isaga oo ka warbixiyay halka ay wax u marayaan.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ololahooda ku aadan inay helaan ictiraaf buuxa, wuxuuna sheegay in maanta Somaliland ay ugu dhowdahay in la aqoonsado.

“Somaliland meel fiican ayay mareysaa waa waqtigii ay ugu dhaweyd ee Somaliland in la ictiaafo ay ku dhowdahay, waxaanu ognahay soo dhawaawashaha ictiraafku in uu jiro cadow badan oo aan raalli ka ahayn oo meelo badan ka imaanayo” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay tahay nabad-gelyo buuxda, isla markaana ay tahay in lasii xoojiyo, taas oo uu tilmaamay inay ku xiran tahay aqoonsiga.

“Somaliland waxaa lagu ictiraafayaa inay tahay dal nabad-gelyo ah oo meesha aad doonto mareyso waxaad doonto qabsan karto cid alaala oo nabad-gelyadaada waxyeeli karta aanan jirin” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan dad cadow ku ah Somaliland oo dadaal ugu jira sidii loo carqaladeyn lahaa ictiraafkooda, balse ay ka guuleysan doonaan.

“Waxaa dadaal wayn loogu jiraa sidii arrintaa carqalad loo galin lahaa aqoonsiga Somaliland. Qof waxaa wadaa shaar kale ayuu soo gashanayaa iyo midaba kale ayuu soo marayaa taasubaa u baahan inaan taxadar ka sameyno” ayuu mar kale yiri wasiir Bakaal.

Somaliland ayaa muddooyin xoogga saartay arrimaha aqoonsiga, iyada oo ololaheeda gaarsiisay Washington, si ay ictiraaf uga hesho Mareykanka, waxayna toos ugu xiratay xubno ku dhow Madaxweyne Trump oo ay ku jiraan xildhibaanno taageersan qadiyadooda.

Xog: Laftagareen oo diiday dalab uga yimid Xasan Sheekh ka hor dhacdadii maanta

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaareen) ayaa lagu soo warramayaa go’aanka uu maanta ku diiday in xubnaha mucaaradka ku ah ay ku tegaan magaalada Baydhaba uu lasii wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo shuruud adag ku xiray.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ay hoggaaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta laga hor istaagay inay u duulaan Baydhaba, sababa la xiriira khilaafka siyaasadeed ee weli kala dhexeeya Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta xubnahan loogu diiday Koonfur Galbeed, waxaana qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo codka ee ay kula heshiiyeen Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Cabdirashiid Jirre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Laftagareen uu si cad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh in xubnahaasi uu ogolaado Baydhaba, sababo la xiriira khilaafkooda oo weli sii taagan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Xasan Sheekh u shee in isaguna uu fasaxo mucaaradka kasoo horjeedo, si dibadbaxooda u qabsadaan.

“HSHM wuxuu yiri (Laftagareen siyaasiyiinta fasax oo Baydhabo ha tagaan) Laftagareena wuxuu yiri (warta-nabada ayaad siyaasiyiinta ku soo xabadeeysay, banaanbaxna u diiday ee marka hore kuwa kula jooga fasax” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdirashiid Jirre.

Inkastoo weli maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay muujinaysaa kala aragti duwanaanta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan iyo inay isku raacsanayn hanaanka doorashooyinka socda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Soomaali ku lug yeelatay weerarada argagixiso ee dalka…

0

Daniel Chapo (Caasimada Online) – Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in baaritaanno ay sameysay lagu ogaaday in dadka lagu eedeeyay weerarradii argagixiso ee gobolka Cabo Delgado muddadii siddeedda sano ahayd ay ka mid yihiin shaqsiyaad ka yimid Soomaaliya.

Mozambique ayaa xaqiijisay in la furay 918 dacwadood, halka 724 qof lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen falalkaas. Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah 105 ajaaniib ah, oo intooda badan u dhashay dalalka Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Malawi, Kenya iyo Koonfur Afrika.

Warbixintu waxay muujisay in ilaa hadda 462 qof lagu helay dambiyo, isla markaana lagu xukumay xabsi u dhexeeya laba ilaa soddon sano.

Gobolka Cabo Delgado ayaa weli wajahaya xaalad amni-darro oo ka dhalatay weerarradaas, kuwaas oo muddo siddeed sano ah socday, waxaana ku dhintay 6,257 qof — 2,631 ka mid ahna rayid — sida uu sheegay ururka ACLED.

Weerarradaas ayaa sababay in ka badan 93,000 qof ay ka barakacaan guryahoodii, iyagoo u guuray gobollada Balama, Mocímboa da Praia, Montepuez, Chiúre iyo Memba.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxaha weerarrada wada ayaa xiriir la leh ururka Daacish, taas oo sii kordhisay xasilooni-darrada gobolka.

Dowladda Mozambique ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, ilaalinta shacabka iyo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa iska kaashanaya qorshe lagu taageerayo dadka barakacay iyo soo celinta xasilloonida gobolka Cabo Delgado.

Galmudug oo mamnuucday in gaadiidka dagaalka laga soo dejiyo deegaanadeeda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Galmudug ayaa mamnuucay in gawaarida dagaalka, gaar ahaan nooca Cabdibilaha laga soo dejiyo deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan Dekedda magaalada Hubyo ee gobolka Mudug.

Warqad digniin ah oo kasoo baxday wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa  lagu sheegay in maanta kadib la mamnuucay gaadiidka nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha, isla markaana aan la keeni karin, sidoo kalena aan laga rari karin Hobyo.

“Wasaaradda amniga Galmudug ayaa maanta, 21-ka October 2025, ku dhawaaqday mamnuucid lagu soo dejinayo gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha, iyadoo laga bilaabo maanta aan la ogolaan doonin in lagu soo raro ama laga soo dajiyo dekedda Hobyo” ayaa lagu qoraalka soo baxay.

Sidoo kale, waxaa gigniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ka howlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo la faray inay u hogaansamaan inay fuliyaan amarkan oo si buuxda ay u gutaan waajibaadkooda.

“Wasaaraddu waxay digniin adag u dirtay cid kasta oo ku lug yeelata keenista gaadiidkan, iyadoo sheegtay in lagu tiri doono kuwa la shaqeeya argagixisada iyo dambiilayaasha” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Go’aankan ayaa muuqdo mid ay Galmudug ku xakameyneyso dhaq-dhaqaaqa guud ee deegaannadeeda, maadaama la galayo doorashooyin adag, isla markaana ay bilowdeen abaabul xooggan oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Qoor Qoor.

Go’aankan mid lamid ah waxaa iyana horay usoo saartay HirShabelle, oo gaadiidka ciidanka iyo hub ka mamnuucday deegaannadeeda, sababo la xiriira ammaanka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Galmudug iyo HirShabelle ay ku quud-daraynayaan hoggaanka maamulladaasi, iyadoo la sheegay in qaar kamid ah ay isku dayayaan in ay ciidan ama hub keensadaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.

Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamullada dalka ee galaya doorashada, taas la filayo in ay saamayn ku yeelato siyaasadda gobolka Shabeellada iyo Hiiraan.

Screenshot

Kadib go’aankii DF, Somaliland oo gudaheeda wajahaysa dhalleeceyntii ugu weynayd

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa wajaheysa dhalleeceyn xooggan oo gudaheeda ah kadib markii uu meel-mar noqday go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa).

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kaah ayaa shalay shaaciyay in dhawaan garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.

Inkastoo, Maxamuud Xaashi uu sheegay in uu dirqi uga bad-baaday in e-Visa ay bixiso Soomaaliya u jarto Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, haddana wuxuu arrintaan si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland, oo ayadu ka badin wayday diidmo afka ah, iyo in lacag labaad oo dal-ku-gal ah dadka rakaabka looga qaato garoonka Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland oo isna arrintaan ka hadlay ayaa qiray in Soomaaliya uga adkaatay dhanka maamulka hawada, isagoo su’aal geliyay sii jiritaanka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland, oo uu sheegay inay wax saameyn ah ku laheyn arrimaha socda.

“Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Duulista Hawada intii ay joogeen Imaaraadka haddii ay joojin kari waayeen xad-gudubka fiisaha Soomaaliya ee aan ina qaban, iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada,” ayuu Siyaasi Faysal ku yiri qoraal uu soo saaray.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hirgalay ayay siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland u arkaan mid dhaawac ku ah madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyagoo hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada mar haddii si toos ah la inoo hoos geeyey maamulka fashilmay ee Wardhiiglay – Xamar.

Halka ay iska taageen shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airline iyo FlyDubai qorshaha e-Visa Soomaaliya ee lagu soo rogay shacbiga Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa aynu si cad uga fahmi karnaa halka uu marayo xidhiidhkii Somaliland iyo labadii dal ee adduunka inoogu dhowaa.

Dhinaca kale, marka horeba ma ay habboonayn in Somaliland loo sameeyo Wasaaradda Duulista Hawada, waayo dowladaha caalamka oo dhan waxay leeyihiin Hay’adda Duulista Rayidka (Civil Aviation Authority).

Xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo AUN, waxay dawladda Ingiriisku innagu caawisay khabiir caalami ah oo JSL ka taageera sharciga Duulista Rayidka (Civil Aviation). Laakiin nasiib-darro markii muddo hal sanno ah xukuumaddu sharciga horgeyn wayday Golaha Wakiillada ayey dowladda UK dib uga noqotay qorshihii khabiirka.

Sidaa darteed, mar haddii dhammaan hawada JSL ay si buuxda ula wareegtay Soomaaliya waqtigii Maxamuud Xaashi Wasiirka Duulista ahaa, haatanna maamulka Muqdisho inagu soo rogay e-Visa, oo Madaxweyne Cirro iyo Wasiir Fu’aad ay intii ay joogeen Imaaraadka joojin kari waayeen xad-gudubka fiisaha Soomaaliya ee aan ina qaban iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada.

Ilaahay ha badbaadiyo JSL.

W/Q: Faysal Cali Waraabe

Xog: Xasan iyo mucaaradka oo ku shirsan Villa Somalia kadib dhacdadii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kamid ah mucaaradkii hore ula heshiiyay ayaa haatan shir uga socda xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta kala ah: Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan oo ahaa mid deg-deg ah ayaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhacdadii maanta lagu joojiyay safarkii ay xubnahan mucaaradka ah ku tegi lahaayeen Baydhabo.

Xasan Sheekh ayaa isku dayaya in xal laga gaaro khilaafka siyaaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaannadda Koofur Galbeed, si aysan saameyn ugu yeelan qorshihiisa doorasho iyo heshiiskii uu xubnahan mucaaradka la gaaray.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u dhaqaaqi doono sidii siyaasiyiinta mucaaradka loogu ogolaan lahaa tagida Baydhabo, inkastoo la ogeyn in Lafta-gareen uu ka aqbali doono Madaxweynaha in xubnahan loo fasaxo safarkooda, maadaama uu isagu amar ku bixiyay in aan loo soo qaadi karin maamulka.

Dhacdadii maanta ayaa haddii ay sii socoto ka dhigan in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan aysan haatan isku aragti ka aheyn hanaanka doorashooyinka socda, isla markaana loo wajahayo doorashooyinkooda.

Guddoomiye Mursal ayaa horey u sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbigooda, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Wuxuu ku dooday in xisbigiisu uu si rasmi ah u diiwaan-gashan yahay, isla markaana uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Axmed Madoobe oo sheegtay in uu DF uga hormaray….

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku faanay horumar uu sheegay in ay gaartay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubaland (JISA).

Madoobe ayaa sheegay in sirdoonka Jubaland uu haatan ka awood iyo horumarsan yahay kan NISA, isagoo gaarsiiyay heerka “hay’adda ugu xog ogaalka badan ee amniga Geeska Afrika.”

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay lagu daah-furayay xarunta dhexe ee cusub ee JISA, oo si casri ah loo dhisay, laguna tilmaamay “mid ka mid ah xarumaha sirdoonka ee ugu horumarsan dalka.”

“Hay’adda sirdoonka Jubaland maanta waa tii ugu aqoonta iyo xogta badneyd ee Geeska Afrika. Xitaa dowladda federaalka iyadaa uga horreysa.,” ayuu yiri Madoobe.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in JISA ay gaartay heer sare oo xirfadeed iyo awood farsamo oo lagu kalsoonaan karo, taasoo uu ku sheegay natiijo ka dhalatay dedaal iyo maalgelin uu isagu hormuud ka ahaa tan iyo markii la aasaasay hay’adda sanadkii 2013-kii.

Xarunta cusub ee la furay ayaa la sheegay in lagu qalabeeyay tiknoolojiyad casri ah oo awood u siinaysa JISA inay si deg-deg ah u ururiso, u falanqeyso, uguna jawaabto xogaha amniga ee gobolka. Waxaa sidoo kale halkaas ka shaqeynaya saraakiil si gaar ah loo tababaray.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo is-mariwaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Axmed Madoobe ayaa horey ugu dhaliilay dowladda federaalka in ay carqaladeysay wada shaqeynta amniga, isagoo ku dooday in taasi sababtay in Jubaland si buuxda u madax-bannaaneyso hay’addeeda sirdoonka iyo nabad-sugidda.

Mucaaradkii la heshiiyay Xasan Sheekh oo maanta laga hor istaagay inay tagaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee dhawaan la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga hor istaagay inay maanta u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan oo qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo cod ee kula heshiiyeen Dowladda Federaalka ayaa laga hor istaagay safarkooda, kadib markii uu qorshahooda diiday hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaanno la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur Galbeed in uu diyaaradaha ku wargeliyey in aysan soo qaadi karin siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi oo ay ku jiraan Guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal iyo Shariif Xasan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare hore, Cumar Cabdirashiid uu haatan bilaabay waan-waan, si loo dejiyo xaaladda siyaasiyiinta si aysan uga bixin garabka Dowladda Federaalka oo dhawaan ay la heshiiyeen.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka, lana safteen mucaaridka, iyaga oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka.

Inkastoo weli maamulka Koonfur Galbeed ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay muujinaysaa kala aragti duwanaanta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan iyo inay isku raacsanayn hanaanka doorashooyinka socda.

Guddoomiye Mursal ayaa horey u sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbigooda, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Wuxuu ku dooday in xisbigiisu uu si rasmi ah u diiwaan-gashan yahay, isla markaana uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddiga ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay inay u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.

Dowladda Federaalka ayaa weli ku dhagan qorshaha hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaase weli bannaanka ka jooga oo diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta.

Baaritaan: Akoonada baraha bulshada ee Soomaalida iska dhiga balse u shaqeeya…

London (Caasimada Online) – Tobaneeyo akoonno baraha bulshada ah oo iska dhigaya inay yihiin Muslimiin, Soomaali saamayn leh iyo dadka dharka xayeysiisa ayaa baaritaan ay BBC-du samaysay waxaa lagu ogaaday inay faafinayeen warar borobogaando siyaasadeed ah.

Ruqiya oo sawirkeeda laga qaaday iyadoo dhoolla-caddaynaysa, isla markaana xiran cabaayad buluug khafiif ah iyo xijaab caddaan ah, ayaa si firfircoon uga dhex muuqata baraha bulshada ee X, TikTok, iyo Facebook. Waxay inta badan soo dhigtaa farriimo muujinaya sida ay dalkeeda, Soomaaliya, u jeceshahay.

Laakiin haweeneyda sawirka ku jirta magaceedu ma aha Ruqiya. Markii BBC-du la xiriirtay qofka saxda ah oo ah saameeye nolosha ah balse dooratay in aan magaceeda la shaacin — waxay la yaabtay arrinta, waxayna sheegtay inaysan horay u arkin akoonnadaas.

“Anigu ma ihi qofkaas. Sawirradeyda ayaa la isticmaalayaa, mana awoodo inaan wax ka qabto dadka iska kay dhigaya aniga,” ayay tiri.

Waxay ka mid tahay dhowr dumar ah oo sawirradooda si qarsoodi ah loo adeegsaday iyagoo aan waxba ka ogeyn, si loogu faafiyo borobogaando la xiriirta Soomaaliya, Suudaan, iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Waaxda BBC qaybta la-dagaallanka marin-habaabinta iyo kooxda baaritaanka Af-Carabiga ayaa aqoonsatay in ka badan 100 akoon baraha bulshada ah oo ka tirsan shabakaddan.

Ma cadda cidda ka dambeeya hawlgalkan, balse waxaa jira ammaan iyo bogaadin loo jeedinayo howlaha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in nuxurka wararkaasi uu la jaanqaadayo danaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta, ayaa noqday mid door weyn ka ciyaara gobolka Geeska Afrika guud ahaan, iyagoo si weyn maalgelin ugu sameynaya qaybaha kala duwan, sida amniga si loola dagaallamo kooxaha hubeysan ee xagjirka ah, iyo kaabayaasha badda — gaar ahaan dekedaha iyo marinnada istiraatiijiga ah ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ah halka ay Soomaaliya ku taallo.

Akoonnada ayaa u muuqda kuwo taageero u muujinaya Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, oo ah mid ka mid ah dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan. Ciidanka Suudaan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay siiyaan taageero dhaqaale iyo mid ciidan RSF, taas oo Abu Dhabi si isdaba joog ah u beenisay.

Annagoo adeegsanayna qalabka falanqaynta baraha bulshada, waxaan ogaanay in inta u dhexeysay Janaayo 2023 iyo Sebteembar 2025, shabakadda ay ka soo baxeen 47,000 oo qoraal oo ka yimid 111 akoon oo X ah, kuwaas oo helay qiyaastii 300,000 oo like ah, lana gaarsiiyey in ka badan 215 milyan oo isticmaale.

Akoonnadan waxaa badanaa lagu abuuraa daqiiqado gudahooda midba midka kale, waxayna beddeleen magac-isticmaalka si ay uga baxsadaan ogaanshaha, waxay ku tiirsan yihiin sawirrada AI-abuuray, hashtag la isku daray, oo loo adeegsaday qoraallo isku dhow oo luqado badan ah, kuwaas oo cilmi-baarayaasha warbaahinta bulshada ay tilmaameen inay yihiin calaamado isku-dubbarid iyo hab-dhaqan aan sax ahayn.

Waxaa jira nuqullo ka mid ah akoontiyadaas oo leh Facebook iyo TikTok, kuwaas oo dhawaan la abuuray oo isla nuxurkaas ku soo qoraya, inkastoo tiradoodu ka yar tahay, haddana waxay muujinayaan sida shabakadda looga dhex raadin karo aaladaha warbaahinta bulshada.

Yey yihiin?

Akoonnada aan la soconnay waxay isu bandhigeen inay yihiin muwaadiniin Soomaali ah ama ugu yaraan ku nool dalka, inta badan nuxurkooduna wuxuu ku saabsan yahay ammaan u jeedin dowladda Soomaaliya iyo dabaaldegga guulaha milateriga. Qoraalladooduna sidoo kale waxay ammaan u yihiin quruxda dadka Soomaaliyeed, magaalooyinka iyo goobaha dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Akoonnadani waxay isticmaaleen magacyada qabiilooyinka Soomaaliyeed sida Isaaq, Ogaaden, Ajuuraan, Dir, Digil, Daarood iyo Akisho oo u adeegsaday magacyadooda qoys, taas oo ay u badan tahay in lagu qanciyo dadweynaha Soomaaliyeed in akoontiyadaasi yihiin kuwo dhab ah.

Annagoo adeegsanayna raadraaca sawirrada, BBC-du waxay aqoonsatay dadka dhabta ah ee ku jira qaar ka mid ah sawirrada, waxaana la ogaaday in ay yihiin moodallo caan ah iyo dadka saamayn leh.

Waxaan ku wargelinay gabar hore ugu guuleysatay tartanka quruxda in sawirkeeda lagu isticmaalayo bog Facebook ah oo faafinaya qoraallo taageeraya dowladda Soomaaliya iyo milaterigeeda.

Waxay sheegtay inaysan isticmaalin Facebook iyo inaysan wax shaqo ah ku lahayn akoonnadaas lagu isticmaalayo sawirkeeda.

Wuxuu ku shaqaynayey iyadoo la isticmaalayo magaca Xaliima, balse magacii ayaa loo beddelay mid ka mid ah mareegaha wararka oo daabaca sheekooyin inta badan wanaagsan oo ku saabsan Soomaaliya, kuna qoran Af-Carabi. Meta waxay sheegtay inay qiimeynayso akoonka maadaama uu muujinayo dhaqan aan run ahayn.

Afar kale oo haween ah ayaa xaqiijiyeen in sawiradooda la isticmaalayey iyagoo ogayn.

Hooyo ka mid ah kuwaas ayaa sheegtay in gabadheedu aysan lahayn akoon X, isla markaana aysan ogeyn in sawirradeeda ay dad kale adeegsanayeen. Waxay sidoo kale sheegtay in gabadheedu aysan wax xiriir ah la lahayn shabakaddaas, aysanna xiisayn siyaasadda.

Qof leh saamayn oo ka shaqeeya arrimaha qurxinta fadhigiisuna yahay California, sawirkeeda wajiga ayaa lagu isticmaalay mid ka mid ah akoonnada TikTok. Waxa ay noo sheegtay — iyada oo soo marinaysa maamulkeeda — inaysan ogeyn in sawirkeeda la isticmaalay, iyadoon oggolaansho laga haysan sawiradeeda.

Afhayeenka TikTok ayaa sheegay in akoonnada iska dhigaya qof saamayn leh la baaray oo laga saaray, iyadoo ay weheliso tiro akoonno kale ah oo xadgudub ku ah siyaasadaha saamaynta qarsoon ee madalaha.

“Waxaan aad uga feejigannahay isku dayga lagu wiiqayo isdhexgalka dhabta ah ee TikTok, waxaanan leenahay kooxo waqti buuxa u shaqeeya si ay u carqaladeeyaan dhaqamada khiyaanada leh.”

Marc Owen Jones, oo ah khabiir ku takhasusay wararka been abuurka ah kuna sugan Jaamacadda Northwestern ee Qatar, kana baadhay ololeyaal warar been abuur ah oo la mid ah oo ka dhacay baraha bulshada ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in akoonnadaasi ay si cad u yihiin “akoonno been abuur ah oo la xakameeyo” isla markaana ay qayb ka yihiin shabakad weyn oo isku xiran.

Akoonnada la soo dhexmaro waa aqoonsiyo been abuur ah oo laga sameeyo baraha bulshada, waxaana loo adeegsadaa in lagu horumariyo aragti gaar ah ama lagu maamulo fikirka dadweynaha, iyadoo la qarinayo dadka dhabta ah ee ka dambeeya.

Akoonnadu waxay wax ku qoreen luqado isugu jira Soomaali, Ingiriisi, iyo Carabi. Isticmaalka Carabiga Fusxa ayaa si gaar ah u taagan, maaddaama uu ka leexsan yahay waxa caadiyan laga filan karo isticmaaleyaasha Carabiga ku hadla, gaar ahaan dhallinyarada. Carabiga Fusxa waxaa badanaa loo adeegsadaa xaalado diimeed, suugaaneed, ama kuwa rasmiga ah, waana arrin aan caadi ahayn in si joogto ah loogu isticmaalo wada-sheekaysiyada maalinlaha ah ee internet-ka, halkaas oo lahjadaha caadiga ah loo adeegsado badanaa.

Mareegahaas baraha bulshada ayaa la sheegay in dadka lagu daydo ama sawiradooda ama aqoonsigooda si been abuur ah loo adeegsaday ay iyagu si toos ah u sheegan karaan akoonnadaas. Shirkadda X, ee horay loo oran jiray Twitter, kama aysan hadlin in akoonnadaasi ay jebiyeen siyaasaddahooda iyo xeerarkooda.

Maxaa Suudaan diiradda loo saaray?

Inta lagu guda jiray dabagalka akoonnadan, dadka iska dhigaya Soomaalida waxay u leexdeen ka hadalka dowladda Soomaaliya una gudbeen dagaalka Suudaan, iyaga oo adeegsanaya muuqaallo AI ah oo la xoojiyay iyo fariimo soo noqnoqda.

Bishii Agoosto, qaar badan oo ka mid ah bogogaas haweenka ayaa riixay sheegashada ah in ciidamada Suudaan ay xasuuqeen 27 qof oo rayid ah ayna meydadka ku aaseen Al Obeid, Koonfurta Suudaan.

Ma aanan helin sheegashadan wax ilo rasmi ah, waxayna u muuqataa in ay ku kooban tahay baraha bulshada. BBC-da waxay la xiriirtay hay’ad madax-bannaan oo xaqiiqo-raadin ah oo fadhigeedu yahay Suudaan oo la yiraahdo Beam Reports, kuwaas oo sheegay in – inkastoo ay aad u adag tahay in la xaqiijiyo xogta gudaha Suudaan – aysan helin wax caddayn la diiwaangeliyey ama warbixin lagu kalsoonaan karo oo sheegashadaas xaqiijinaysa.

Qoraallada la baahiyey waxay u muuqdaan kuwo ah war-celis ama beenin ku wajahan wararka ka baxay telefishinno taageersan ciidanka Suudaan, kuwaas oo sheegay in ciidamada cirka ee dalkaasi ay burburiyeen diyaarad ka timid Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo sidday calooshood-u-shaqaale Kolombiyaan ah. Ilaa 40 qof ayaa lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay garoon diyaaradeed ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox ciidan ah oo ka dagaallamaysa dowladda Suudaan tan iyo Abriil 2023.

Markay jawaab-celin sameynayeen, akoonnadaas waxaa loo adeegsanayay inay faafiyaan sheekooyin u muuqda kuwo u adeegaya RSF iyo Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa mar walba diiday eedeymaha sheegaya inay taageerto RSF ama ay ka dambeeyaan calooshood-u-shaqaale ajaanib ah oo ka garab dagaallamaya.

Yaa ka dambeeya akoonnadan?

Ma garanayno cidda dhab ahaantii ka dambeysa akoonnadan, iyadoo ay jiraan caddaymo kooban oo lagu aqoonsan karo dadka ka dambeeya.

Marka hore la eego, waxay inta badan ammaanayaan Soomaaliya iyo mararka qaarkood dowladda Soomaaliya, iyadoo 40% qoraallada si toos ah u xusaya Soomaaliya.

Dr. Jones wuxuu aaminsan yahay, in kastoo ay adagtahay in la ogaado hay’adda ka dambeysa ololahan, in akoonnadan ay yihiin laanta Soomaalida ee shabakad taageerta himilooyinka siyaasadda dibadda ee Imaaraadka Carabta isla markaana isku dayaysa inay kasbato kalsoonida Soomaalida.

“Habka howlgalku waa isku mid ah guud ahaan shabakadda oo dhan – guud ahaan dad dhalinyaro ah oo soo jiidasho leh oo ka soo jeeda dal gaar ah oo muhiim u ah siyaasadda dibadda ee UAE ee gobolka. Tani waa koox Soomaali ah. Laakiin waxaan sidoo kale arkay dad u dhashay Mauritania, Algeria, iyo Morocco,” ayuu yiri.

Marka ay timaado Imaaraadka Carabta, Dr. Jones wuxuu sheegay in akoonnada ay ammaanayaan. “Waxaa jira isdhexgal u dhexeeya istiraatiijiyadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale. Qodobada hadalka ee la faafinayo waxay ku xiran yihiin danaha Imaaraadka Carabta ee dalkaas.”

Xiriirka dhaqaale ee muhiimka ah ayaa noqday mid xasaasi ah, iyadoo qaar ka mid ah Soomaalida ay ka soo horjeedaan taageerada maaliyadeed ee Imaaraadka Carabta uu siiyo gobollada kala go’ay iyo kuwa isku xukunka leh ee Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta wuxuu maalgashi ku leeyahay kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, gaadiidka, iyo amniga ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Somaliland iyo gobollada isku xukunka leh ee Puntland iyo Jubaland, halkaas oo sidoo kale ay ka caawisay tababarka ciidamada iyo bixinta lacagaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Sida uu sheegay Alessandro Accorsi, oo ah falanqeeye madax-bannaan oo ku takhasusay wararka been abuurka ah ee Bariga Dhexe, way adag tahay in si toos ah loo eedeeyo dowladda ololayaasha taageera siyaasadda dibadda ee Imaaraadka Carabta, sababtoo ah nidaamka saameynta taageersan Abu Dhabi ayaa ku tiirsan shirkado badan oo PR ah.

“Waa ka sii adag tahay in si toos ah loo tilmaamo cidda mas’uulka ka ah sababtoo ah inta badan waxaa ololayaashaas maamula shirkado PR ah iyo shirkado hawlaha saameynta fulisa oo laga yaabo inay qandaraas ka helaan qof gaar ah,” ayuu yiri.

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya labaduba kama jawaabin su’aalaheenna.

Falanqaynta kaliya ee nuxurka qoraallada ma geynayso cidda dhab ahaan maamuleysa akoonnadan, sidoo kalena dumarku way ku adag tahay inay ogaadaan cidda dhab ahaantii qaaday sawiradooda.

Xigasho: BBC