27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Mareykanka oo ‘diidmada qayaxan’ ku hor istaagay qaraar lagu xakameynayo Israel

0

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ka hor istaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ku saabsanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo magaalada Gaza.

Inkastoo 14 xubnood ay taageereen qaraarka, Washington ayaa adeegsatay awoodda diidmada qayaxan (Veto).

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada, taas oo micnaheedu yahay in la baabi’iyo dadaallada lagu joojin lahaa dagaalka Gaza, xilli dadka rayidka ah ay wajahayaan xaalad aad u adag oo duqeymo joogto ah ay kala kulmayaan Israel.

Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in qaraarka Golaha Ammaanka uusan si cad u muujin xaqa Israel ee isdifaaca, isla markaana uusan cambaareynin weerarrada Xamaas. Arrintan ayaa dhalisay dhaliilo xooggan oo loo jeediyay Washington.

Dalal badan oo xubno ka ah Golaha ayaa ku tilmaamay mowqifka Mareykanka mid u gogol xaaraya xad-gudubyada Israel, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in aan la indho-tirin karin masiibada bani’aadamnimo ee ka taagan Gaza.

Safiirka Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay waayeen nabad iyo cunto, taasna ay sabab u tahay diidmada Mareykanka oo isku muujinaya dhexdhexaadnimo aan dhab ahayn.

Soomaaliya oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa caddeysay mowqifkeeda, iyadoo si toos ah u taageertay shacabka Gaza, kuna baaqday nabad, gargaar bani’aadamnimo iyo xasillooni waarta.

Ilhaan oo ka guuleysatay isku day lagu ciqaabayay

Washigton (Caasimada Online) – Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ayaa diiday inuu tallaabo ciqaab ah ka qaado mid ka mid ah xubnihiisa, taasoo la xiriirtay hadallo ay jeedisay kaddib dilkii loo geystay Charlie Kirk, balse isku daygaasi wuxuu iftiimiyey saameynta ballaaran ee ololaha Madaxweyne Donald Trump ee aargoosiga siyaasadeed, wuxuuna gogol-xaar u yahay tallaabooyin kale oo soo socda.

Cod bixin natiijadeedu noqotay 214-213 ayaa meesha ka saartay qaraar ay soo gudbisay xildhibaanadda Jamhuuriga ah ee Nancy Mace oo laga soo doorto South Carolina, kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaanadda Dimoqraadiga ah Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota, isla markaana laga saaro laba guddi oo Aqalka ka tirsan: Guddiga Waxbarashada iyo Shaqaalaha, iyo kan Miisaaniyadda.

Labada xildhibaan ayaa waxaa horey dhex maray dagaal afka ah oo kulul oo ay isku dhaafsadeen baraha bulshada.

Mace waxay sheegtay in Ilhaan, oo dhaleeceysay aragtidii Kirk ee ku aaddanayd lahaanshaha hubka iyo xiriirka dadka isku jinsiga ah kaddib dhimashadii George Floyd ee sanadkii 2020 ka dhacday Minneapolis, in dalkeeda Soomaaliya dib loogu celiyo. Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxayna dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Mace ay waddo sheeko been abuur ah si ay lacag ugu uruuriso “una xoojiso ololaheeda doorashada Guddoomiyaha Gobolka.”

“Ma sidatan ayuu ixtiraamka iyo asluubtu ka noqdeen Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan Jamhuuriyiinta?” ayuu su’aalay Hoggaamiyaha Dimoqraadiyiinta, Hakeem Jeffries.

“Waxaan ku noolnahay xilli ay sii kordhayaan rabshadaha siyaasadeed ee ba’an, sida aan ku aragnay dilalkii dhawaan loo geystay Afhayeenaddii Hore ee Aqalka Melissa Hortman iyo aasaasihii Turning Point USA Charlie Kirk,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya toogashada sharci-dejiyeyaasha Minnesota.

Dhaxalka saameynta shaqsiyadeed iyo tan siyaasadeed ee Kirk ayaa si weyn ugu baahsan uguna qotodheer Aqalka Congress-ka (Capitol Hill) — Afhayeenka Aqalka Mike Johnson wuxuu ka mid yahay dadka u arka hoggaamiyahan da’da yaraa ee muxaafidka ahaa saaxiib — waxaana, asbuucii ka dambeeyay dilkiisii, loo xusay siyaabo kala duwan, kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Habeenimadii Isniinta waxaa lagu qabtay hoolka taallooyinka ee Capitol-ka (Statuary Hall) munaasabad shumacyo lagu xusayay, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo ansixiyo qaraar Aqalku ku maamuusayo. Mid ka mid ah sharci-dejiyeyaasha, Xildhibaanad Anna Paulina Luna, R-Fla., oo qortay in “guusheyda siyaasadeed oo dhan uu sabab u ahaa Charlie Kirk,” ayaa ku baaqeysa in taallo looga dhiso Kirk dhismaha Capitol-ka “si loo maamuuso dhaxalkiisa.”

Isla mar ahaantaana, Jamhuuriyiintu waxay soo bandhigeen hindise-sharciyeedyo isdaba-joog ah oo ka tarjumaya baaqii Trump ee ahaa in tallaabo laga qaado waxa uu ku tilmaamo “bidixda xagjirka ah”—kuwaasoo ah dadka ka soo horjeeda aragtidiisa iyo tan hoggaamiyihii muxaafidka ahaa ee la dilay.

Xildhibaan Chip Roy oo ka socda Texas ayaa soo jeediyay in la dhiso guddi gaar ah oo sameeya “baaritaan buuxa oo ku saabsan shabakadda isku xiran ee bidixda ee na soo weerareysa.”

Senatarka Jamhuuriga ah Ted Cruz oo Texas ka socda ayaa isna horumariyay sharcigiisa ku daraya rabshadaha (rioting) liiska dembiyada lagu soo oogi karo ee hoos yimaada sharciyada la-dagaallanka dambiyada abaabulan (racketeering), halka Senatarka Jamhuuriga ah Mike Lee ee laga soo doorto Utah uu doonayo in Congress-ku uu dib u soo nooleeyo sharci ka soo haray xilligii Dagaalkii Qaboobaa kaasoo “dowladda Mareykanka ka mamnuucaya inay ku lug yeelato dacaayadaha siyaasadeed ee gudaha.” Wuxuuna ugu magac daray Sharciga Charlie Kirk.

Xildhibaan Buddy Carter oo Jamhuuriga ka tirsan kana soo jeeda Georgia, ayaa soo jeediyay qaraar kale oo diiradda saaraya canaan loo jeediyo Ilhaan, halka Mace ay sidoo kale soo jeedisay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka jarto maalgelinta federaalka iskuullada ku guuldareysta “inay tallaabo ka qaadaan shaqaalaha cudurdaarka u raadinaya ama ammaana dilka Charlie Kirk.”

Qaar badan oo ka mid ah dadka soo jeedinaya hindiseyaashan, oo ay ku jiraan Roy, Carter iyo Mace, ayaa dhammaantood u tartamaya xilal ka sarreeya gobolladooda, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in fariinta Trump la gaarsiiyo saldhiggooda ballaaran ee cod-bixiyeyaasha iyo taageerayaasha.

“Dilkii Charlie Kirk kaddib, siyaasiyiintu waa inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay u joojiyaan rabshadaha bidixda xagjirka ah,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday qeybta siyaasadda ee Hay’adda Heritage Foundation oo lagu magacaabo Heritage Action, iyagoo ku taageerayay soo jeedinta Roy ee ah in la dhiso guddi cusub oo baara “awoodaha ka dambeeya weerarka bidixda xagjirka ah ee lagu hayo Mareykanka.”

Ma ahan markii ugu horreysay ee Congress-ku uu tallaabo ka qaado Ilhaan Cumar ama xildhibaanno kale.

Sanadkii 2023, Ilhaan Cumar waxaa laga xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka, wuxuuna Congress-kii hore dejiyay heerar cusub oo ku saabsan bixinta cambaareynta iyo ciqaabaha.

Markan, markii ay Mace soo bandhigtay qaraarkeeda ka dhanka ah Omar, Xildhibaanka Dimoqraadiga ah ee Greg Casar oo ka socda Texas ayaa si degdeg ah uga jawaabay: wuxuu soo gudbiyay hindise liddi ku ah oo lagu canaananayo Xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Cory Mills oo ka socda Florida, kaasoo la xiriira eedeymo ku saabsan dhaqankiisa shaqsiyadeed iyo midka xirfadeed.

Mills wuxuu ka mid ahaa afar xildhibaan oo Jamhuuri ah oo kula biiray Dimoqraadiyiinta diidmada qaraarkii ka dhanka ahaa Ilhaan.

Dhawaanahan, Aqalka Wakiillada wuxuu u muuqdaa mid qaboojinaya dadaalladan. Sharci-dejiyeyaashu waxay diideen qaraar lagu cambaareynayay Xildhibaanad LaMonica McIver, D-N.J., lagagana saarayay xubinimada guddi, iyadoo wajahaysa dacwado federaal ah oo ka dhashay booqasho ay ku tagtay xarun lagu hayo dadka soo-galootiga ah.

DF Soomaaliya iyo Jubaland oo howlgal wada jir ah ka fuliyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa duleedka magaalada Kismaayo ka fuliyay howlgal ballaaran oo lagu baarayay miinooyinka lagu aasay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Jubada Hoose.

Howl-galkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray jidadka isku xira deegaanno kala duwan oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo gaadiidka, kuwaas oo marar badan ay ka dhaceen qaraxyo sababay khasaare kala duwan.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in ujeeddadu tahay in laga hortago khataraha ka dhalan kara miinooyinka, maadaama ay hore u dhaceen qaraxyo lagu beegsaday gaadiid ay saarnaayeen dad rayid ah.

Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dadaalayay in ay fuliyaan hawlgallo wadajir ah iyo kuwo gaar ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka, gaar ahaan waddooyinka ay si joogto ah u adeegsadaan dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe amni oo ay wadaan laamaha kala duwan ee ciidanka, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo halista miinooyinka iyo in shacabka gobolka ay helaan isu socod ammaan ah.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaabka.

Howl-galladan ayaa hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka.

Waa maxay ujeedka uu Fiqi u joogo Shiinaha? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeyb-galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum.

Shirweynahan oo ah mid caalami ah ayaa waxaa iskugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

Halku-dhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb-galay in ka badan 1,800 ergo oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeyb-galka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.







Ethiopia’s Abiy vows end to ‘geographic prisoner’ status

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed said his country must break free from the “shuttered doors and isolation” he blames for its poverty, dismissing suggestions that the Horn of Africa nation is destined to remain a “geographic prisoner.”

Speaking at the launch of his latest book, Medemer, on Tuesday night, Abiy declared: “If there is any Ethiopian who believes that Ethiopia will forever remain a geographic prisoner, that person is a dead one.”

He added that “it is not wise to assume that a country as large as Ethiopia should be handed to our children while encapsulated,” while insisting that “conflict and war” were not solutions.

Ethiopia has been landlocked since 1993, when Eritrea gained independence, and Abiy has repeatedly argued that maritime isolation has constrained the country’s economic growth. The issue has gained renewed urgency under his administration, as Addis Ababa looks for access to the Red Sea and the Gulf of Aden.

Escalation with Eritrea

His latest comments follow a dramatic escalation earlier this month, when Abiy declared it was “only a matter of time” before Ethiopia regained access to the Red Sea port of Assab. He described Ethiopia’s loss of a coastline three decades ago as a “historic mistake” that would be corrected, framing sea access as a question of national survival.

Eritrea swiftly condemned those remarks, calling them “reckless saber-rattling” and a “disdainful distortion” of history. The pointed exchange has threatened to unravel the fragile 2018 peace accord that ended decades of hostility between the two countries and earned Abiy the Nobel Peace Prize.

In an interview with state broadcaster EBC, Abiy argued that “the Red Sea was part of Ethiopia thirty years ago,” linking the lack of a coastline to what he called persistent “little challenges” for the nation of 120 million people.

Senior officials echoed his message, with State Minister of Finance Eyob Tekalign warning that Ethiopia was “ready to stand strong against anyone who opposes” its national interests. Military officers also described access to Assab as a matter of “historical right” and “national survival,” though they emphasized diplomacy as the preferred path.

Eritrea, however, has rejected those claims outright. Information Minister Yemane Gebremeskel defended the 1993 independence referendum as an “inalienable and exclusive national political prerogative,” dismissing Ethiopia’s historical arguments as “political hogwash.”

Tensions with Somalia 

Ties with Somalia have also been strained following a controversial 2024 memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland, the breakaway region that Mogadishu insists remains under its sovereignty.

The deal, which offered Ethiopia access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence, provoked a sharp backlash from Somalia’s government and heightened regional instability. Ankara stepped in to mediate, resulting in the Ankara Declaration in December 2024; however, tensions remain unresolved.

Analysts warn that Abiy’s increasingly vocal claims on Eritrean ports, combined with Addis Ababa’s overtures to Somaliland, risk further destabilizing the Horn of Africa, where conflict, climate change, and economic hardship already pose severe challenges.

While Abiy has repeatedly said diplomacy is the way forward, his renewed rhetoric over Red Sea access has left neighbours and international partners bracing for a dangerous new chapter in Ethiopia’s relations with Eritrea and Somalia.

Al-Shabab rejects U.S. claim over strike that killed elder

0

Mogadishu, Somalia – Al-Shabaab on Thursday dismissed U.S. claims that a recent airstrike in northeastern Somalia killed an arms dealer for the militant group, accusing Washington of fabricating justifications for attacks that harm civilians.

Local leaders, meanwhile, identified the victim as Abdullahi Omar Abdi, a prominent clan elder, sparking protests across the Sanaag region.

U.S. Africa Command (AFRICOM) said on September 17 it had carried out a “precision strike” four days earlier near the town of Badhan in Sanaag region, targeting an al-Shabaab weapons supplier.

The command said the operation, conducted in coordination with Somalia’s federal government, aimed to degrade the group’s ability to threaten U.S. and Somali interests.

AFRICOM did not name the alleged militant and has not released evidence to support its claim, citing operational security.

The September 13 strike was the 78th U.S. operation in Somalia so far this year, already surpassing the record 63 airstrikes recorded in 2019 during Donald Trump’s first year as president, according to monitoring group Airwars.

Al-Shabaab calls claims ‘baseless’

In a statement issued by its Al-Kataib media arm, the al-Qaeda affiliate rejected AFRICOM’s account, saying the slain man “had no connection whatsoever” to its network.

“The United States has a dark history of deliberately killing Somali civilians—including respected scholars, women, and children—while hiding behind false claims of targeting militants,” the statement said. It cited a 2016 strike near Galkayo that U.S. officials described as hitting al-Shabaab fighters but which locals said killed members of a government-allied militia.

The group accused Somali officials of exploiting U.S. operations to eliminate political rivals, vowing it would not allow its name to be used as cover for attacks on civilians.

Community leaders in Badhan contradicted U.S. claims, identifying the victim as Abdullahi Omar Abdi, a respected elder known for his mediation work in clan disputes. Witnesses said three missiles struck his car as he drove toward Badhan alone.

“He was a figure of reconciliation, someone who tried to bring communities together,” one elder told Caasimada Online. “There is no reason why he would be militarily targeted.”

His killing triggered demonstrations across Sanaag, where residents accused foreign powers of meddling in Somali affairs. Some protesters also pointed at the United Arab Emirates, linking the strike to Abdi’s opposition to a resource deal that grants Abu Dhabi access to Sanaag’s mineral wealth.

Silence fuels mistrust

AFRICOM has not publicly addressed the allegation that a civilian elder was killed. Rights monitors have urged Washington to investigate and disclose whether civilian harm occurred.

Civilian casualties from U.S. drone strikes in Somalia have long been a source of friction between Washington and Somali communities. Human Rights Watch and Amnesty International have documented cases where strikes were later acknowledged to have killed non-combatants.

Airstrikes in Sanaag are rare. Most U.S. operations in Puntland have focused on the Bari region, where American forces assist local security forces battling a small Islamic State affiliate.

Somalia has faced decades of instability, with al-Shabaab controlling swathes of territory in the south and center despite an African Union peacekeeping mission and U.S. military support. The group, designated a terrorist organization by Washington and the United Nations, routinely carries out bombings and raids against government and international targets.

But disputed airstrikes threaten to undermine counterterrorism objectives, analysts say. “Every time a respected elder or civilian is wrongly killed, it strengthens al-Shabaab’s narrative and alienates local communities,” said Omar Mahmood, an analyst at the International Crisis Group.

For now, the U.S. has not presented evidence to support its claim that aan arms dealer was killed. Until it does, the controversy over who died on a lonely road in Sanaag is likely to deepen Somali mistrust of foreign military operations.

Muxuu yahay hadalka madaxweyne Xasan ka soo yeeray ee qabsaday warbaahinta Itoobiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u tebinaysa hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku ammaanay Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), kuna tilmaamay mashruuc isbeddel weyn u horseedi kara Geeska Afrika.

Hadalka Madaxweyne Maxamuud ayaa soo jiidanaya dareenka, mana ahan oo keliya nuxurkiisa darteed, balse sidoo kale saameyntiisa siyaasadeed ee uu leeyahay, marka la eego isbahaysiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar—oo ka mid ah dalalka ugu adag ee sida weyn uga soo horjeeda biyo-xireenka GERD.

Wareysi uu dhowaan siiyay telefishinka Al-Arabiya ee fadhigiisu yahay Sacuudi Carabiya, ayuu Madaxweyne Xasan ku qeexay biyo-xireenka GERD inuu yahay mashruuc aasaas ahaan loogu talagalay in lagu dhaliyo koronto. Wuxuu ku sheegay in korontadu ay tahay “mid horumarka aan looga maarmi karin,” isagoo ku dooday in dhinacaas marka laga eego, uu biyo-xireenku yahay “guul.”

Hoggaamiyaha Soomaaliya wuxuu farta ku fiiqay in Itoobiya ay durba koronto u dhoofiso dalalka Kenya, Suudaan, iyo Jabuuti, isagoo biyo-xireenka GERD ku sifeeyay mid ah guul qaran iyo sidoo kale horseed u noqon kara isdhexgalka iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Biyo-xireenka GERD, oo laga dhisay Webiga Niilka Buluugga ah ee deegaanka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, kuna dhow xudduudda Suudaan, ayaa ah mashruuca koronto-biyoodka ugu weyn qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalay xafladdii furitaanka rasmiga ahayd ee dhacday Sebtembar 9, 2025, isagoo garab taagnaa madax kale oo Afrikaan ah—arrintaas oo warbaahinta Itoobiya ay si weyn u iftiimisay, kuna tilmaantay tallaabo muujineysa taageero ballaaran oo heer qaaradeed ah.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay sida ay Itoobiya diyaar ugu tahay inay wada-hadal la gasho waddamada ka walaacsan saameynta biyo-xireenka, isagoo carrabka ku adkeeyay in wada-hadallo wax-ku-ool ah ay xaqiijin karaan in faa’iidooyinka la wadaago oo la xoojiyo iskaashiga gobolka.

Miisaanka ammaanta Madaxweyne Xasan waxaa sii weyneynaya iskaashiga sii dhowaanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar, oo si joogto ah uga soo horjeedday biyo-xireenka GERD. Dowladda Qaahira waxay ku adkeysaneysaa in mashruucan uu halis gelinayo sugnaanta biyaha ee dalalka webigu hoos u maro, waxayna muddo dheer dalbaneysay heshiis sharciyad ku dhisan oo ku saabsan sida Itoobiya ay u buuxineyso una maamusho keydka biyaha. Saraakiisha Masar ayaa ka digay in tallaabooyinka kasta oo hal dhinac ah ay khatar gelin karaan sahayda biyaha Niilka oo nolosha dalkooda muhiim u ah.

Xaaladdan marka la eego, in madaxweynaha Soomaaliya uu si fagaare ah ugu yeero biyo-xireenka “guul” waxay muujineysaa aragti aad uga duwan mowqifka Masar. Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u qaadaa-dhigtay hadalkan, iyagoo taageerada Madaxweyne Maxamuud u soo bandhigay astaan caddeyn u ah in gobolka uu si ballaaran u aqbalay mashruuca.

Dhankooda, mowqifka Soomaaliya wuxuu muujinayaa in xitaa dal xulufo la ah Masar uusan biyo-xireenka u arag mid amni-darro horseedaya, balse uu u arko mid horseed u ah horumar iyo midnimo ka dhalata guud ahaan Geeska Afrika.

Iyadoo buunbuunineysa hadalkiisa, waxay Itoobiya dooneysaa inay ku xoojiso aragtideeda ah in biyo-xireenka GERD uu yahay wax aad uga weyn guul qaran—balse uu yahay guul ay wadaagaan guud ahaan qaaradda Afrika.

Xog: Wafdi ka socda Mareykanka oo ku wajahan Puntland kadib duqeyntii Sanaag

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha cusub ee AFRICOM, General Dagvid Anderson iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, waxaana halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kusoo laabanaya Boosaaso, kadib marka uu dhameysto booqashadiisa, oo u daaran u kuur-galida askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay hawl-galka Calmiskaad oo halkaasi lagu dabiibayo.

Wafdiga Mareykanka ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland kala shiri doona la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Socdaalka la filayo in saraakiisha Mareykanka ku gaaraan Boosaaso ayaa imanaya xilli uu 13-kii bishaan Mareykanka uu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag, taasoo taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda uu sheegay in lagu beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ku dilay nin gacan saar la lahaa argagixisada Al-Shabaab, haddana ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

IRAN oo tijaabisay gantaallo cusub xilli xiisad dagaal laga cabsi qabo

0

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa maanta tijaabisay gantaallo ballistic ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo diyaar-garow ah ay ka socdaan saldhigyada milatari ee dalkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkan guddiga amniga ee Baarlamaanka Midowga Yurub uu sheegay in xiisadda Iiraan iyo Israa’iil ay mar kale ku dhowdahay inay dib uga dhex qaraxdo dagaal hor leh oo ka dheer midkii 12 maalmood socday.

Warbaahinta Ruushka ee RT ayaa ku warrantay in tijaabada gantaallada Iiraan ay socotay muddo ka badan afar saacadood, iyadoo lagu arkayay guutooyin badan oo milatari oo ku sugan koonfurta dalkaas.

Ma cadda weli in gantaaladan ay yihiin kuwo cusub ama ay ku saabsan yihiin tijaabo gantaalladii hore, balse saraakiisha difaaca Iiraan ayaa tilmaamay in lagu guuleystay dhammaan hawlgalka tijaabada.

Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Iiraan ayaa dhowaan shaaciyay in dalkiisu soo saaray gantaallo leh awood wax-burburin oo ka sarreysa kuwii ay adeegsadeen dagaalkii Israa’iil, taas oo sii xoojisay walaaca ku saabsan awoodda militari ee Tehraan.

Xukuumadda Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay “khatar weyn oo ku wajahan amniga gobolka,” iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga hortago weerar kasta oo Iiraan ka yimaada.

Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa xustay in tijaabadan loo arko fariin toos ah oo lagula hadlayo Tel Aviv iyo Washington, iyada oo muujinaysa sida uu dalku ugu diyaarsan yahay dagaal kasta oo lagu soo qaado.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay in xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay halis ugu jirto inay ka dhalato dagaal ballaaran oo saameeya Bariga Dhexe oo dhan, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay xakameeyaan hadallada kacsan iyo falalka militari.

Daawo: Muungaab oo shaaciyay go’aan cajiib ah oo kor ugu qaaday dakhliga gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shaaciyay in Dowladda Hoose ee Xamar ay sameysay koror dhaqaale muddadii koobnayd ee uu joogay xafiiska.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay inuu dib-u-habeyn ku sameeyay maamulka gobolka, isla markaana uu meesha ka saaray malaayiin doollar oo si macno-darro ah uga bixi jirtay Dowladda Hoose ee Xamar.

Muungaab ayaa tilmaamay in tallaabooyinkaas ay u horseedeen in gobolka Banaadir uu dhaqaale ahaan isku filnaado, isla markaana muddo saddex bilood ah lagu dhiso waddooyin muhiim ah oo sanado badan la dhaqaajin waayay.

“79 agaasime oo qaarkood magacyadooda haddii la idin sheego fadhiga qosol uga kaceysaan ayaa meesha ku nimid, waxaan kusoo reebnay 34. Waxa nasoo galaya waa la beekhaansanay, waxa naga baxaya halka ay ku baxayaan ayaa hubinay, dakhliguna wuu noo kordhay,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Wuxuu intaas ku daray: “Cayrtii la qaadanayay iyo lacagihii sharci-darrada ku dhisnaa waa joojinay. Dhaqaalaha Dowladda Hoose qaado waa canshuur, waana in lagu bixiyaa meel shacabka wax u taraysa. Cidda aan siinayno waa inay noqoto cid shacabka u adeegaysa.”

Muungaab ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda u maalgelisay waddooyin dhowr ah oo kamid yihiin waddada Shaqaalaha iyo waddada Dabka, halka uu xusay waddooyin kale oo dhismayaashoodu socdaan, kuwaas oo ay ka taageerayaan saaxiibada caalamka.

“Bishii May iyo April waxay Dowladda Hoose ee Xamar ku sigatay inay mushaarka shaqaalaha iska bixin weyso, laakiin saddexdii bilood ee u dambeysay mushaarkii waa la bixiyay, waxaana bixinay malyuumaadkii ku baxayay waddooyin kamid yihiin shaqaalaha, dabka, soobe iyo via Moscow,” ayuu yiri.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa dhawaan u dabaal-degay waxqabadka 100 maalmood ee ugu horreeyay, kaasi oo lagu soo bandhigay guulaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo waddooyin badan oo xariga laga jaray.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Kulamo uu wasiir Jaamac ka wado Turkiga oo shaki dhaliyay

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada-hadlay xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.

Wasiir Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay u danaynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid miro dhal ah, isagoo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta horumarka, amniga iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.

“Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya. Inta lagu guda jiray kulankeenna, waxaan ka wada hadalnay in la xoojiyo saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan uga mahad-celinaayaa wasiirka soo dhoweyntiisa qiimaha badan ee Soomaaliya iyo Turkiga.”

Kulankan ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi. Jaamac ayaa xiriir dhow la leh Turkiga, waxaana la sheega inuu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilooyin kahor laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.

Kulankan ayey Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo dadka qaar ay muujiyeen shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan culus oo saameynaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan si weyn u saameynaya bulshada Soomaaliyeed, kaasi oo shardi ka dhigaya qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Cidii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.

Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.

Raali-gelin laga bixiyay hadalkii Xasan Sheekh uu Soomaalinimada uga saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadalkii xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu ku sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali.

Xasan oo ka hadlayay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa ayaa sheegay in qofka sita baasaboor ajnabi ah uu lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ka raali-gelinayo dadka Soomaaliyeed ee laga saaray Soomaalinimada.

“Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay. Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:

Ma mudna in la yiraa “kumaa tahay?” Soomaaliga heli kara in uu fasaxiisa ku qaato waddan uu dal-ku-gal lacag la’aan ah ka qaadan karo garoonka diyaaradaha ka doorbiday in uu dalkiisii Hooyo ku bixiyo waqtigii iyo qarashkii uu dal shisheeye ku bixin lahaa.

Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay.

“Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah”.

Ee waxaa la isku hayaa waa $64-ka doolar cidda ay u dhacayso. Markii horeba $60 waa la qaadi jiray, laakiin garoon kasta Haragysa, Garoowe iyo Muqdisho maamulka jooga ayaa qaadi jiray. Waxa dheeraadka ah waa in Muqdisho doonayso in ay $60-kii oo $4 lagu daray kaligeed qaadato.

Muqdisho waxay haystaa awoodda sharci (De jure), halka maamullada kalana ay hastaan awoodda ka talin (De facto).

Taas ayaana qasbaysa in qoondaynta, qaybinta, iyo dhaqangelinta awoodda, dakhliga iyo khayraadka dabiiciga ah laga wada xaajoodo.

Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.

Haddaba, si aan dadka labo lacag looga qaadinn, waa in deegannada aysan dowladda federaalka ah ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

DF oo mucaaradka Saciid DENI u adeegsaneysa qorshe xasaasi ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe tan iyo guuldarradii uu kala kulmay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 ayaa durba muujiyay mucaaradad xooggan oo ka dhan ah Saciid Deni.

Xasan Abgaal ayaa ku goodiyay in haddii madaxweyne Deni uu magaalada Garoowe keeno mucaaradka dowladda federaalka, isagna uu diyaar u yahay inuu dowladda federaalka keeno Garoowe.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu shakhsiyan u hor istaagay mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay shacabka reer Puntland.

Abgaal ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo dadaal lagu doonayo dhismaha Puntland cusub, isagoo ugu baaqay isimada dhaqanka inay isugu yimaadan shirweyne looga tashado aayaha maamulka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland ay gabi ahaanba hawlgab noqdeen, shaqaalihii iyo ciidamadiina ay muddo ka badan lix bilood la’yihiin xuquuqdoodii.

“Maanta hal xafiis dowladeed oo shaqo ka socoto Puntland kama jiro, hay’adihii dowladduna dhammaantood waa istaageen,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinka ayey isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan.”

Xasan Shire ayaa intaas ku daray in go’aannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni ay sababeen go’doon dhaqaale iyo nololeed oo ku dhacay shacabka Puntland, wuxuuna ku baaqay in madaxweynaha hadda kadib lagula xisaabtamo xaaladdaas.

Si kastaba, hanjaabadda Xasan Abgaal ee inay keenayaan dowladda federaalka magaalada Garoowe ayaa u muuqata mid dowladda dhexe uga dan leedahay in mucaaradka Puntland u adeegsato qorshaha looga hortagayo in mucaaradka Villa Somalia uu isugu tago Garoowe, xilli ay dhawaan u balansan yihiin shirweyne xasaasi ah.

Sacuudiga oo heshiis Reer Galbeedka ka nixiyey la galay Pakistan iyo Nukliyeerkeeda

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Pakistan oo hubka nukliyeerka haysata ayaa kala saxiixay heshiis is-difaac oo laba geesood ah, kaasi oo si weyn u xoojinaya iskaashi dhinaca amniga ah oo soo jiray tobanaan sano, wuxuuna yimid todobaad kaddib markii duqeymihii Israel ay ka gaysatay Qatar ay gebi ahaanba beddeleen xisaabtankii diblomaasiyadeed ee gobolka.

Xoojinta xiriirkan dhinaca difaaca ah ayaa imanaya xilli ay dalalka Khaliijka ee Carbeed ay shaki sii kordhaya ka muujinayaan isku-halleynta Mareykanka ee ah damaanad-qaade amni.

Mar la weydiiyay sarkaal sare oo Sacuudiyaan ah in Pakistan ay hadda ku qasbanaan doonto inay Sacuudiga siiso dallad nukliyeer ah, wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: “Kani waa heshiis difaac oo dhammaystiran, kaasoo ka kooban dhammaan awoodaha militari.”

Pakistan waa dalka keliya ee Muslimiintu u badan yihiin ee haysta hubka nukliyeerka, sidoo kale waxay leedahay ciidanka ugu weyn dunida Islaamka, kaasoo ay si joogto ah u sheegta inuu diiradda saarayo la tacaalidda cadowgeeda deriska la ah ee India.

Heshiiskan wuxuu ahaa natiijadii wadahadallo soo socday sanado badan, sida uu sheegay sarkaalka Sacuudiga ah mar la weydiiyay waqtiga heshiiska la gaaray. “Kani kama jawaabayo dalal gaar ah ama dhacdooyin gaar ah, balse waa rasmiyaynta iskaashi fac-weyn oo qoto dheer oo ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu sarkaalku raaciyay.

Isku daygii Israel ee 9-kii September ee ay ku doonaysay inay ku disho hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas iyadoo duqeymo cirka ah ka gaysatay magaalada Doha, xilli ay ka wada hadlayeen soo jeedin xabbad-joojin ah oo laga hirgelinayo Gaza oo ay dhexdhexaadinayso Qatar, ayaa si weyn uga caraysiiyay dalalka Carabta.

Kahor dagaalka Gaza, boqortooyooyinka Khaliijka – oo xulufo la ah Mareykanka – waxay doonayeen inay xiriirka la dejiyaan Iran iyo Israel si ay u xalliyaan welwelka amni ee mudada dheer soo taagnaa. Sanadkii la soo dhaafay, dalka Qatar waxaa laba jeer lala beegsaday weerarro toos ah, mid ay fulisay Iran iyo mid ay fulisay Israel.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in Israel ay haysato keyd hub nukliyeer ah oo aad u ballaaran, balse waxay ku dhaqantaa siyaasad aan caddayn oo ku saabsan hubkeeda nukliyeerka, iyadoo aan qiranayn ama aan dafirin inay haysato hubka noocaas ah.

Pakistan waxay horey u sheegtay in hubkeeda nukliyeerka ah uu keliya yahay mid looga hortagayo India, gantaalaheedana loo naqshadeeyay inay gaari karaan meel kasta oo dhanka bari kaga aaddan gudaha dalka India.

Dalladda nukliyeerka

Telefishinka dowladda Pakistan ayaa soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada, oo isku duubaya kaddib markii ay heshiiska saxiixeen. Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, oo loo arko qofka ugu awoodda badan dalkaas.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in gardarro kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arki doono gardarro lagu qaaday labadoodaba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan.

Isbahaysiga tobannaan sano soo jiray ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudi Carabiya – oo ah dalka ay ku yaallaan goobaha ugu barakaysan Islaamka – wuxuu salka ku hayaa caqiido ay wadaagaan, dano istiraatiijiyadeed iyo isku-tiirsanaan dhaqaale.

Pakistan waxay muddo dheer askar ku lahayd gudaha Sacuudi Carabiya, waxaana hadda lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 1,500 iyo 2,000 oo askari, kuwaasoo kaalmo dhinaca hawlgallada, farsamada iyo tababarka ah siiya militariga Sacuudiga. Taas waxaa ka mid ah gacan siinta ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ee Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya waxay Pakistan deyn ahaan u siisay lacag dhan $3 bilyan, heshiiskaas oo la cusbooneysiiyay bishii December, si loo xoojiyo keydkeeda lacagaha qalaad.

Heshiiskan wuxuu imaanayaa xilli xasaasi ah. Siyaasadda gobolka waxaa gebi ahaanba beddelay laba sano oo gardarro Israel ah – oo ay ku jiraan dagaalkeeda Gaza iyo weerarrada ay ku qaadday dalalka deriska la ah – taasoo ay soo af-meertay weerarkii Israel ee todobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha ee caasimadda Qatar, oo xad la leh Sacuudi Carabiya.

Asfandyar Mir, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Xarunta Stimson (Stimson Center) ee fadhigeedu yahay Washington DC, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid “taariikhi ah” oo u ah labada dalba.

“Pakistan waxay horey heshiisyo is-difaac ah ula lahayd Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa, laakiin waxay burbureen 70-meeyadii. Xitaa Shiinaha, inkastoo uu jiro iskaashi difaac oo ballaaran, kama dhaxeeyo Pakistan heshiis rasmi ah oo is-difaac,” ayuu Mir u sheegay Al Jazeera.

Muhammad Faisal, oo ah cilmi-baare dhinaca amniga Koonfurta Aasiya oo ka tirsan Jaamacadda Teknolojiyadda ee Sydney (University of Technology Sydney), ayaa sheegay in heshiiskan uu tusaale u noqon karo qaabka ay Pakistan iskaashi difaac oo labo geesood ah ula yeelan karto Imaaraadka Carabta iyo Qatar, oo ah labo saaxiib oo muhiim ah oo Khaliijka ku yaal.

Heshiiskan Sacuudiga lala galay wuxuu yimid bilo kadib markii Pakistan ay isku dhac militari oo kooban la gashay India bishii May.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee India, Randhir Jaiswal, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha X Khamiistii ku sheegay in India ay ka war-hayso horumarkan, ayna daraasayn doonto saameynta uu ku yeelan karo amniga New Delhi iyo xasilloonida gobolka.

Sarkaalka sare ee Sacuudiga, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa qiray baahida loo qabo in la isku dheellitiro xiriirka kala dhexeeya Pakistan iyo India, oo iyaduna ah quwad nukliyeer ah.

“Xiriirka aan la leenahay India wuu ka xooggan yahay sidii uu weligiis ahaan jiray. Waxaan sii wadi doonnaa kobcinta xiriirkan, waxaanan ku dadaali doonnaa inaan gacan ka geysanno nabadda gobolka si kasta oo aan awoodno.”

Pakistan iyo India waxay dhex mareen saddex dagaal oo waaweyn tan iyo markii labada dal laga sameeyay gumeysigii British-ka ee India sanadkii 1947.

Kaddib markii ay labadooduba heleen hubka nukliyeerka dhammaadkii 1990-meeyadii, isku dhacyadoodu waxay noqdeen kuwo baaxaddoodu xaddidan tahay, sababtoo ah khatarta ka dhalan karta in la adeegsado awoodda nukliyeerka.

 

 

PUNTLAND oo ka hortimid tallaabada DF una jawaabtay Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si weyn uga hortimid tallaabada Dawladda Federaalka ee ku aadan nidaamka cusub ee e-Visa iyo qaadashada Kaarka NIRA, kadib markii uu xalay dhaqan-galkooda sii adkeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in qof aan wadan kaarka NIRA aan loo furi karin akoon Banki, taleefan lambar, lana siin karrin buugga baabuurta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa, wuxuuna yiri  “XSM iyo xukuumaddiisu ma haystaan sharciyad ay ku dhaqan geliyaan shuruuc cusub, maadaama uu laalay sharcigii asaasiga ahaa ( Dastuurkii) heshiiska lagu ahaa”.

Juxa ayaa sidoo kale su’aal ka keenay qaadasha kaarka NIRA iyo sidoo kale arrinta nidaamka e-Visa oo ay horay uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland.

“Arrinta kaarka macmalka ah ee #NIRA iyo E-visaha wuxuu ugu gabanayaa oo weli daba socdaa sharcigii 1962 ee #Jinsiyadda #Soomaaliga oo uu rabo inuu si raad-gadasho ah u bedelo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamul-goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Qodobka 3-aad ee sharciga ayaa dhigaya ” qof kasta oo asal ahaan, af ahaan iyo caado (hiddo) ahaan  ummadda Somaliyeed uga soo jeedaa waa “Somali”.

DF Soomaaliya oo diiwan-gelinta dadweyanaha ka billaabeysa Jubaland – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumaddiisa ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololaha diiwangelinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, si loo gaarsiiyo dalka oo dhan.

Xamza ayaa sheegay in haatan inta badan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaangelinta, isla markaana ujeedka uu yahay in la qabto doorashada dowladaha hoose.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda qorshahooda uu yahay in Jubbaland ay ka bilaabaan diiwaangelinta dadweynaha ee doorasho qof iyo codka ah, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.

“Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna diiwaan galinta Doorasho qof iyo cod ah, si shacabkaasi xaqooda u helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay wada-hadallo u socdaan dowladda dhexe iyo Jubbalad, kuwaas oo lagu soo jarayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadal la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Weli waxaan wadahadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, dib-u-heshiisiinta lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay khudbad xasaasi ah oo uu xalay Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka ku aadan qaadashada e-Visa, isaga oo carrabka ku ku dhuftay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboorka dal kale iyo kan ajnabiga ah laga rabo inay Viso kusoo galaan dalka, una hoggaansamaan amarka soo baxay.

“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu sii raaciyay Madaxweyn Xasan Sheekh.

Dhankiisa Xildhibaan hore Maxamed Xasan Idiris ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada madaxweynaha, isaga soo dhaweeyay go’aankiisa ku aadan horumarinta adeegga baasaboorka.

“Waa ku mahadsantahay mudane madaxwayne sidaad warka u qeexdey!   Qofka wuxuu xuquuqda muwaadinimada  jinsiyadda aan laga qaadi karin ee ku cad Qoddobka 8aad (3) ee Dastuurka  uu lee yahay marka uu qaato Baasaboorkaan” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris.

Sidoo kale wuxuu sii raaciya “Dad badan oo  ay iskaga qaldan tahay sida warku u dhacaayayey ee ku wareersan ayaan arkayaa kuwa saxaafaddaba  ha u badnaadaane.  Walaal baasaboorkaan qaado si aad u heshid Xuquuqdiisa, meel loo dhaafo majirto!

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay khudbadda Madaxweynaha, iyaga oo inta badan soo dhaweeyay.

Hoodo Xayinimo: ‘Waddamada kale waxaad u ogashay waddankaaga u ogolow ceeb maaha”.

Liibaan Aadan: “Wasiirrada iyo xildhibaannada maxey xilalka noogu haayaan ayagoo ajaaniiba marka su’aashaas wax weydiiyo mala waayay?”.

Maxamed Madaxey: “Yaa muwaadin Soomaali ah? Muwaadin Soomaali waxaa noqonaya qofka ku dhashay xuduuda Soomaaliya, muslim ah haystana dhalashada ama baasaboorka Soomaaliya dambina aan ka galin dalka. Halkaa waa ku saxan yahay”.

Xuseen Cabdullahi: “Qof walba waddanka uu baasaboorkiisa wato ayuu muwaadin u yahay”.

 

Xasan Sheekh oo xog ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Deni iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweyne Maxamuud oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya, ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wadahadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, dib-u-heshiisiinta lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Khilaaf ka dhashay dastuur iyo dhul

Xiisadda Puntland ayaa billaabatay bishii Maarso 2024 ka dib markii baarlamaanka federaalku uu meelmariyay wax-ka-beddelo dastuuri ah. Hoggaamiyeyaasha Puntland ayaa ku dooday in isbeddelladaasi ay awoodda ku ururinayaan Muqdisho ayna wiiqayeen ismaamulka gobollada, taasoo keentay in Garoowe ay hakiso wada-shaqeyntii kala dhexeeysay dowladda federaalka.

Xiisaddu waxay sii korortay bishii Oktoobar 2024 markii Muqdisho ay soo saartay khariidad cusub oo qaran oo qaybo ballaaran oo Puntland ka tirsan ku calaamadisay dhul lagu muransan yahay. Garoowe ayaa tallaabadaas ku tilmaantay weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda.

Khilaafku wuxuu markiiba ku fiday dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Muqdisho waxay ku eedeeysay Puntland inay hor istaagtay mashaariicda shidaal-baarista ee ay ansixisay dowladda federaalku, halka Puntland ay ku jawaabtay in dowladda ay isku dayayso inay la wareegto kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Horraantii 2025, saameynta khilaafku waxay carqaladeysay iskaashigii amniga, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen inay ka gaabiyeen isku-dubbaridka howl-gallada ka dhanka ah maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha gobolka Bari ee Puntland.

Xaaladdu waxay sii cakirantay bishii Luulyo 2025 ka dib ku dhawaaqistii Maamulka Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, oo ah maamul federaal ah oo cusub oo sheeganaya maamulka gobollada Sool iyo Sanaag — dhul ay sidoo kale sheegato Puntland.

Xiisad doorasho iyo iska hor-imaadyo hubeysan

Khilaafka Jubbaland, oo ku taalla koonfurta dalka, ayaa qarxay ka dib dib-u-doorashadii lagu murmay ee hoggaamiyiheeda Axmed Maxamed Islaam, oo loo yaqaan Madoobe, bishii Nofeembar 2024. Muqdisho ayaa diidday natiijada, iyadoo ku tilmaantay codbixinta mid aan sharci ahayn.

Khilaafku wuxuu si degdeg ah isu beddelay is-qabqabsi sharci ah. Maxkamad ku taalla Muqdisho ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madoobe, iyadoo ku eedeysay qiyaano qaran. Taas beddelkeeda, maxkamad ku taalla Jubbaland ayaa aargudatay iyadoo amar soo qabasho ah u jartay Madaxweyne Xasan.

Dowladda federaalku waxay qaadday tallaabo intaas ka sii fog, iyadoo ka codsatay Booliska Caalamiga ah ee Interpol inay soo saaraan waaran cas oo lagu soo xirayo Madoobe — tallaabadaas oo Kismaayo ay ku tilmaantay mid siyaasadeysan.

Bishii Diseembar 2024, is-maandhaafku wuxuu isu rogay dagaal toos ah. Ciidamada federaalka ee la geeyay magaalada xuduudda ah ee Raaskambooni ayaa isku dhacay ciidamada Jubbaland, waxaana la soo sheegay in dagaalkaas loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) — taasoo ahayd xaalad sii-kacday oo halis ah oo ka gudubtay hadal-haynta siyaasadeed loona gudbay iska hor-imaad hubeysan.

Dagaalladu waxay dib uga qarxeen gobolka lagu muransan yahay ee Gedo bishii Luulyo 2025, ka dib markii Muqdisho ay madaxa sirdoonka gobolka u magacawday Cabdirashiid Janan, oo ahaa wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo leh taariikh muran badan dhalisay. Imaatinkiisa oo ay wehliyeen ciidamo gurmad ah oo ka socday dowladda federaalka ayaa kiciyay dagaallo cusub oo barakiciyay dad rayid ah ayna xirmeen iskuulladu, taasoo sii xoojisay is-horfadhiga militari.

Xiisadda Ilhaan Cumar iyo Nancy Mace oo ka dartay iyo hadallo kulul oo la is-dhaafsaday

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa Arbacadii si kulul uga jawaabtay soo jeedintii Xildhibaanad Nancy Mace ee ahayd “waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” iyadoo ku tilmaantay xildhibaanadda reer South Carolina mid aan “caafimaad qabin ama caqli badanayn.”

Is-weydaarsigan hadallada kulul ayaa yimid xilli ay Mace u ololaynayso qaraar ay ku doonayso in lagu canaanto Ilhaan, lagana xayuubiyo xubinnimada guddiyada ay ka tirsan tahay, kaddib markii ay Mace ku eedeysay xildhibaanadda Dimoqraadiga ah ee Minnesota inay “sumcad-dishay Charlie Kirk ayna si dadban u sheegtay inuu isagu sabab u ahaa dilkiisa” mar ay waraysi siinaysay Mehdi Hasan iyo iyadoo dib u faafisay muuqaal ku eedeynayay hadalladii Kirk inay sabab u ahaayeen shirqoolka dilkiisa.

Sidoo kale, Mace waxay iftiimisay qoraal ay Omar soo dhigtay sannadkii 2022-kii oo ay ku sheegtay in Qodobka Koowaad ee Dastuurka uusan dadka ka difaacin cawaaqibka ka dhalan kara hadalkooda, sida in la ceebeeyo ama la takooro.

“Haddii aad u dabbaaldegayso dil, waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” ayay Mace ku qortay farriin ay soo dhigtay boggeeda ololaha ee baraha bulshada ee X.

Ilhaan, oo carruurnimo ku timid Mareykanka kaddib markii qoyskeedu ay qaxooti ahaan uga soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ayaa iyaduna kaga jawaabtay qoraal kale.

“Waan ogahay inaadan caafimaad qabin ama caqli lahayn, laakiin waxaan rajeynayaa in qof kuu sharxo inuusan jirin xiriir ka dhexeeya xubinnimadayda guddiyada iyo masaafurinta,” ayay tiri Ilhaan. “Si kastaba ha ahaatee waxa aad ka yeeshaan guddiyadaan, xafiiskaygu wuxuu sii ahaan doonaa mid agtaada ah, aniguna waxaan sii ahaan doonaa xubin ka tirsan Congress-ka.”

Mace ayaa ku celisay baaqeeda. “Tikit hal-dhinac ah oo Soomaaliya aada oo magacaagu ku qoran yahay, Ilhaan Cumar,” ayay Mace ku qortay barta X.

Ilhaan ayaa markii dambe raacisay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko adigoo helaya caawimaadda aad u baahan tahay. Waxaad ku habboon tahay xarun dhaqan-celin, ee kuma habboonid Congress-ka.”

Mace ayaa markaa sii kicisay baaqeeda ah in Ilhaan dalka laga saaro, iyadoo tiri: “Ilhaan Cumar waa in laga xayuubiyaa kursigeeda iyo dhalashadeeda.”

Ilhaan ayaa waraysiga ay siisay Hasan ku tilmaantay dilka Kirk mid “argagax leh,” iyadoo sheegtay in Kirk uu difaaci jiray xuquuqda hubka lagu qaato uuna “diyaar u ahaa inuu ka doodo oo uu fududeysto dhimashadii George Floyd.” Waxay sheegtay inay tahay wax “aad u qaldan” in ay jiraan dad “ka hadlaya inuu kaliya doonayay inuu yeesho dood ilbaxnimo ah.”

Xildhibaanadda Minnesota ayaa xustay in midna hadalladii lagu soo qaatay qaraarka canaananta ee Mace uusan ahayn erayadeeda, waxayna Omar ku eedeysay Mace inay qaraarka u riixayso si ay dhaqaale ugu ururiso ololaheeda doorashada guddoomiyaha gobolka.

Qaraarka canaananta ee Mace ayaa la filayaa in tallaabo looga qaado fadhiga Golaha Wakiillada ugu dambayn Arbacada, kaddib markii Mace ay ku qasabtay in cod loo qaado arrinta.

Xildhibaanadda South Carolina ma ahan Jamhuurigii keliya ee sheegay in Ilhaan aysan ahayn inay joogto Mareykanka.

“Ilhaan Cumar (Dimoqraadiga-Soomaaliya) weligeed ma ahayn in dalkeenna la keeno,” ayuu Xildhibaan Randy Fine oo ah Jamhuuril aga soo doorto Florida ku soo qoray isagoo ka jawaabaya muuqaalkii waraysiga Omar ee Hasan.