25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ma qalad dastuuri ah ayuu ku dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid go’aankii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Golaha ayaa darajooyin u sameeyay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka degmooyinka Gobalka Banaadir. Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa loo kala qayb-biyay A iyo B, waxayna kala yihiin sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Prof Yaxye ayaa go’aankan ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn, isla markaana ka hor imaanaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhisay, geesta kalena ah qalad dastuuri ah, sida uu sheegay.

“Qaabka loo qeybiyay degmooyinka ee A & B, ma ahan howl u taal Golaha Wasiirada oo heer qaran aan ku ogeyn, waxa ay sax noqon laheyd haddii ay ka soo bixi laheyd dowladda hoose iyada ayey shaqadeeda tahay,” ayuu yiri Prof-ka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabada Goluhu qaaday ay tahay mid “ka hor imaneysa mabda’a federaalka qabiillada Soomaaliyeed lagu heshiiyay,” ayna gogol xaar u tahay “in shacabka Muqdisho laga hor istaago maamul madax-bannaan.” sida uu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Yaab iyo Dulmi qaan gaaray. Tiinka maanta la abuuray, Mogdishu Berri ayey guran doontaa.

Golaha Wasiiradu waa hay’ad sharciya, waana u aqoonsanahay, laakiin khaladka ay maanta 23/10/2025 galeen ku taageeri meynu, haddii uu yahay, ogaal, hoos halis, ama dulmi ku tala-gal ah.

Qaabka loo qeybiyay degmooyinka ee A & B, ma ahan howl u taal Golaha Wasiirada oo heer qaran aan ku ogeyn, waxa ay sax noqon leheyd haddii ay ka soo bixi leheyd Dowladda hoose iyada ayey shaqadeeda tahay.

Laakiin tani waa talaabo ka soo horjeedo federaalkii qabiilada Soomaalida wax loogu dhisay ee la isku ogaa iyo talaabo si bareer ah loogu sii gogol xaarayo in Muqdisho dadkeedu aynan yeelan maamul ay u madax banaan yihiin, iyada oo la tusaayo Tabeele ay ku qoran tahay qof iyo cod, midida daabkeedana laga heeysto, si iyaga loogu muddo.

Yaa dabaal ah oo duurka loo diraa, ishaan arkeeyn Khatarta ku soo socoto, indha la’aan ayaa dhaanto, walba aad berri ku doodid indhool ayaan ahaa.

Qof ahaan horaan u sheegay in aanan ka qeyb galeeyn shakhsiyan doorashada Qof iyo codka ah ee Muqdisho, tan heer qaranna Somalida ayaan ula simanahay oo codkeyga waan dhiiba karaa.

Golaha Wasiirada waxaan ka codsanaa in go’aanka muwaadiniinta Soomaalida xaqooda lagu duudsinayo ay ka noqdaan, isaga ayaanba socon doonine.

FG: Wwixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

W/Q: Yahya Amir

Maamulka Waqooyi Bari oo diiday sii deynta maxaabiista Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shuruud adag ku xiray sii deynta maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalladdi Laascaanood, xilli haatan ay soo baxeen dadaallo waa wayn oo la doonayo in lagu daayo maxaabiista xiran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in sii deynta maxaabiista ciidanka Somaliland ee ay gacanta ku hayaan ay ku xiran tahay in marka hore la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dhinac.

Aw-Xasan ayaa intaasi kusii daray in aysan suuragal ahayn in maxaabiista lasii daayo iyada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalladii ka dhacay Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in qaa kamid ah maxaabiista xiran ay dambiyo culus ka galeen shacabka Laascaanood, loona baahan yahay in lagula xisaabtamo.

“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri Aadan.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu sii raaciyay “Inta Somaliland aaminsan tahay inay dhulkan xoog ku qabsan karto, ma suurtoobi karto in maxaabiis la kala wareego”.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay is-difaac ka dhan ah Somaliland iyo Puntland, oo dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in labada maamul ay u heshiiyeen in ay wiiqaan Woqooyi Bari, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

“Waqooyi Bari waa dhalatay, waa jireysa, waana joogta, Somaliland waa inay intaas aamintaa,” ayuu mar kale Guddoomiye Aadan ku yiri wareysiga cusub ee uu bixiyay.

Waxa uu intaas kusii daray “Culeys kasta oo yimaada, madaafiic ayaa lagu garaacay Laascaanood, markaas wax kasta difaac ayaa laga galayaa, oo xaqa ayaa guuleysanaya. Waqooyi Bari xaq ayey ku taagan tahay oo cidna ma dulmineyso.”

Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ayuu ku tilmaamay mid aan ka shaqeyn karin deegaanada maamulka Waqooyi Bari, maadaama labada dhinac “ay haatan wadaagin xuduud dhab ah.”

Si kastaba, Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskuugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loo qaybiyay A iyo B iyo Kaxda oo..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah, waxayna warbixin ka dhageysteen guddiga doorashada.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Wasiirrada la wadaagay qorshahooda ku aadan hal qof iyo hal cod oo loo asteeyay inay bilowdaan dhammaadka bisha soo socota ee Novermber ee sanadkan 2025.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa loo kala qayb-biyay A iyo B, waxayna kala yihiin sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Sida ka muuqata shaxdan waxaa gebi ahaan liiska degmooyinka rasmiga ah laga saaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana lala meel dhigay degmooyinka cusub ee Garasbaaley, Gubadley iyo Daarusalaam oo iyagana aan ku soo bixin liiska lasoo saaray

Arrintan ayaa keentay dood wayn, iyada oo si aad ah loogu falanqeeyay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana shacabka ay su’aalo ka keeneen tallaabadaasi.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.
𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

US aid cuts hit Somalia’s economy, tax base, bank chief says

LONDON, UK — A shutdown of US development aid this year has directly harmed Somalia’s economy, depressing sales and squeezing the government’s fragile tax base, a senior Somali banker said Tuesday.

The halt in funding from the US Agency for International Development (USAID) rippled through markets faster than officials anticipated, according to Hodan Osman, president of the Somali Development and Reconstruction Bank.

“In Somalia, it really impacted our GDP,” Osman told the Financial Times Africa Summit in London. She said the cuts weakened collections of consumption taxes that Mogadishu heavily relies on.

Washington halted most foreign assistance in January as part of a sweeping review, with USAID subsequently stopping aid implementation. The move, part of a broader US policy pivot, has disrupted development programs globally. For Somalia, the timing is particularly damaging, coming just over a year after the country achieved a significant milestone.

After decades of conflict and instability, Somalia reached the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Completion Point in December 2023.

The achievement unlocked $4.5 billion in debt relief, slashing the country’s external debt from 64 percent of GDP in 2018 to below six percent, according to the International Monetary Fund (IMF). The milestone was intended to normalize relations with international partners and attract new investment.

‘Severe impact’

Osman said the US aid cuts have quickly undermined that progress, creating a shock that moved through supply chains and shop floors.

“It also had a severe impact just on the economy alone that we weren’t really thinking about,” Osman said.

Somalia’s economy is highly exposed to swings in external finance. Grants and aid support the national budget and fund parts of the private sector. When those dollars disappear, traders cut orders, contractors delay projects, and households reduce purchases.

This chain reaction feeds directly into monthly tax receipts.

The strain threatens a recent run of fiscal improvements. Somalia’s finance ministry reported that domestic revenue rose 12 percent to $369 million in 2024, aided by better compliance and new sales taxes.

A five percent sales tax introduced across Mogadishu last year helped broaden the tax base. However, it also made the government’s budget more sensitive to the exact kind of spending slowdown the aid cuts have caused.

While domestic revenue has grown, it remains one of the lowest in the world as a share of the economy, forcing reliance on external support.

Outlook darkens

International lenders have echoed Osman’s concerns, warning that weaker aid flows are darkening Somalia’s economic outlook.

The IMF said this month that Somalia’s near-term prospects have softened due to cuts in foreign aid and climate shocks. The Fund now projects growth of 3.0-3.25 percent for 2025–2026, a significant drop from an estimated 4.1 percent in 2024.

The World Bank, in a recent report, also attributed a projected slowdown in 2025 primarily to “increased aid uncertainty.”

Somali authorities have asked the IMF to augment access under their current program to help protect social spending from the budget squeeze.

Humanitarian agencies report parallel pressures. The World Food Programme (WFP) has flagged a sharp fall in donor funding this year. The WFP warned that reduced contributions are pushing millions of people into emergency levels of hunger in several countries, including Somalia.

According to the UN, 6.9 million people in Somalia required humanitarian assistance in 2024. Aid groups warn that scaling back operations increases household stress and reduces the discretionary spending that powers the economy, reinforcing the drag Osman described.

Policy challenge

For policymakers in Mogadishu, the challenge is twofold: stabilizing demand in the short term while keeping long-term reforms on track.

Officials say they will continue efforts to widen the tax net, digitize payments, and improve customs. They acknowledge, however, that such reforms take time to yield significant revenue. In the meantime, the government must manage cash flows carefully to avoid arrears and protect priority services.

Investors at the London summit said there is still appetite for Somali projects in logistics, telecoms, and energy, provided policy momentum holds and security conditions improve.

Osman, who has been courting private capital for small and medium-sized enterprises, argued that blended-finance tools can help bridge the current gap while concessional flows reset.

The US policy shift is still playing out. Reports last month indicated the administration plans to redirect portions of foreign aid toward “America First” priorities.

For fragile states like Somalia, clarity over future US support—which totaled $1.18 billion in fiscal year 2023, including over $880 million from USAID—will be critical for budget planning into 2026.

Osman’s message was blunt: the loss of US development dollars is an economic shock, not just a line-item cut.

“We saw it immediately in activity and revenues,” she said. “That wasn’t fully anticipated.”

Nigeria foils women trafficking plot to Somalia

KANO, Nigeria — Hisbah authorities in Nigeria’s Kano State on Monday have  rescued two women allegedly being trafficked from Katsina State to Somalia and have also arrested a 43-year-old man suspected of organizing the journey.

The Kano State Hisbah Board said the rescue followed an intelligence report from concerned citizens. These citizens had alerted officials to suspicious movements.

The operation highlights the ongoing challenge of transnational trafficking networks that lure Nigerians with false promises of employment abroad.

Tip-off at transport park

Hisbah Deputy Commander General Sheikh Mujahid Aminudeen Abubakar confirmed the incident at a press briefing in Kano. He said the board’s Motor Parks Operations Unit acted quickly on the public tip-off.

“We received a tip-off about a suspected human trafficking movement, and our officers… acted swiftly,” Abubakar said.

The suspect, identified as Abubakar Adodo, was intercepted at a motor park in Kano. He was allegedly attempting to transport the two women, 22-year-old Hajara Ismail and 33-year-old Bilkisu Haruna, to Lagos.

Abubakar said investigations showed the journey was a planned, multi-country route starting in Katsina State, passing through Kano to Lagos, then on to Benin Republic and finally Somalia.

The women were from Funtua and Kofar Marusa in Katsina State. Traffickers reportedly promised them jobs and lured them into the plan.

“The prompt intervention of Hisbah officials prevented the victims from being trafficked out of the country and ensured their safety,” Abubakar added.

Hisbah handed the suspect and the two rescued women over to the National Agency for the Prohibition of Trafficking in Persons (NAPTIP). The federal agency will lead the investigation and potential prosecution.

NAPTIP officials in Kano confirmed an investigation is underway. They will work to determine if the suspect is part of a larger, organized trafficking network.

The agency will also provide counseling and rehabilitation support to the victims. It will then work to reunite them with their families.

Ongoing trafficking challenge

Human trafficking remains a persistent threat in Nigeria. The US State Department identifies the nation as a key source, transit, and destination country. Traffickers frequently exploit economic desperation, luring victims with false job offers in Europe, North Africa, and the Middle East.

Nigeria’s federal anti-trafficking agency, NAPTIP, reported it rescued 1,619 victims in 2023 alone. Porous borders and sophisticated networks remain a significant challenge for law enforcement.

NAPTIP has repeatedly warned the public about the methods these networks use. These networks often target young people of all gender in rural communities. The agency has urged transport operators, community leaders, and religious institutions to report any suspicious movements.

Authorities have identified several trafficking routes from Nigeria. Many pass through neighboring West African nations like Niger and Benin, which serve as corridors to other continents.

The Kano State Hisbah Board is primarily responsible for enforcing Islamic moral standards under the state’s Ministry of Religious Affairs. It has expanded its role in recent years. It increasingly cooperates with national security agencies on cases involving human rights violations and cross-border crimes.

Sheikh Mujahid said Hisbah will continue to work closely with security agencies. Their goal is to “curb such cases” in Kano and northern Nigeria. The Nigerian government has intensified efforts to combat transnational crime through increased border patrols and community awareness campaigns.

Ciyaal weero oo dib loogu arkay Kaaraan + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa kale lagu arkay kooxo ciyaal weero ah oo dhibaato ku hayo dadka deegaanka iyo amniga degmadaasi, waxaana isla markiiba tallaabo deg deg ah qaaday maamulka iyo laamaha amniga.

Howlgal culus oo ay iska shaadeen ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad-sugidda ayaa xalay ka dhacay Kaaraan, waxaana lagu soo qabtay kooxo ciyaal weero ah iyo rag kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha, kuwaas oo lagu soo xiray saldhigga Booliska degmadaasi.

Guddoomiyaha maamulka demada Kaaraan Mudane Maxamuud Cabdullaahi Cumar (Socdaal), oo howlgalka horkacayay ayaa si adag uga hadlay arrinta ciyaal weerada, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan, si guud ahaan looga tirtiro degmada.

Socdaal ayaa sidoo kale farriin u diray waalidiinta dhalinyaradaasi, wuxuuna ka codsaday in marka hore ay ceshadaan, haddii kale ay uga dambeeyaan laamaha amniga iyo sharciga.

“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Socdaal.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray askarta dowladda ee deggan degmada, isaga oo ku eedeeyay in mararka qaar ay lasoo kala saftaan ciyaal weerada, ayna halis ku yihiin amniga shacabka.

“Nimanka dhahaayo annaga ciidan ayaan nahay ee buulooyinka ku jiraan hadana qoryaha qaata ee ciyaal weerada u kala hiiliya iyagana kama akhrisaneyno, kana yeelimeyno, caawa inta lasoo qatay ayaa tusaale u noqon doonta hadduu Ilaah yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd kooxaha ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib ay qorshayaal amni sugid oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.

Xog: Xasan oo maanta la kulmaya 3 madax goboleed, kuna wajahan Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir wadatashi ah isugu yeeray hoggaamiyeyaasha saddexda dowlad-goboleed ee ay isku xisbiga yihiin, sida aan xog ku helnay.

Saddexda madaxweyne dowlad-goboleed ayaa kala ah: Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor; Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Guudlaawe; iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaashan uu kala hadlayo qorshaha uu la tagayo Kismaayo, oo lagu wado in madaxweynuhu maalmaha soo socda dib ugu laabto, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii horraantii bishan Oktoobar uu la yeeshay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Burburkaas kadib, hoggaanka dowladda ayaa bilaabay qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo bar-bar socda Jubbaland, kaas oo fadhigiisu noqon doono Garbahaarreey, oo ah xarunta gobolka Gedo. Ma cadda haddii qorshahaas yahay mid dhab ah ama mid loogu talo-galay in tanaasul looga qasbo Axmed Madoobe.

Safarkan labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay inuu heshiis ka keeno; hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe laba sano oo muddo xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe dhammaystan doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama hadda ay goor horeba u dhammaatay sanad. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026.

Qorshaha shirka uu madaxweynuhu Kismaayo la tagayo ayaa la sheegayaa inay wax ka ogyihiin dowladaha deriska ah ee galaangalka ku leh arrimaha Jubaland, kaddib safarradii uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi.

Madaxweyne Xasan ayaa safar ku tagay Itoobiya 12-kii Oktoobar, wuxuuna la kulmay Ra’iisul-Wasaare Abiy Ahmed, oo la sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xiriira Jubaland, sida ay hore u shaacisay Caasimada Online.

Itoobiya waxay si weyn uga soo horjeeddaa qorshe kasta oo Gedo looga dhisayo Jubaland cusub, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Itoobiya ayaa la sheegay inay arrintan u aragto “halis ku ah amnigeeda qaranka.”

Si ay u muujiso sida ay arrintan dhab uga tahay, Addis Ababa ayaa dhowaan saraakiil milatari iyo sirdoon ah u dirtay Doolow, oo ah magaalo xuduudeed Soomaaliyeed oo ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale toddobaadkii tegay booqasho ku tagay Nairobi si uu uga qeyb-galo tacsida hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday Raila Odinga, balse sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne William Ruto.

Kenya ayaa aad ula socota xaaladda Jubbaland, ayada oo wafdi Kenyaan ah ay qayb ka ahaayeen dhex-dhexaadintii wadahadalladii Kismaayo ee horraantii Oktoobar, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed. Nairobi waxay muddo dheer ku tiirsanayd Jubaland iyo Axmed Madoobe si ay ugu noqdaan aag-difaac muhiim ah oo ka celinaya kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Gabdho Nigerian ah oo loo soo iib gayn rabay Soomaaliya oo laga hortagay – Warbixin

Kano (Caasimada Online) – Guddiga Hisbada ee Gobolka Kano (Kano State Hisbah Board) ayaa soo badbaadiyay laba dumar ah oo la sheegay in si sharci darro ah looga soo tahriibinayay Gobolka Katsina ee dalka Nigeria, loona soo waday dalka Soomaaliya. Hawlgalkan ayaa sidoo kale horseeday in la soo qabto nin 43 jir ah oo la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay isku dayga tahriibintan.

Sida uu sheegay guddigu, soo badbaadinta ayaa timid ka dib markii ay heleen xog ay la wadaageen dadweyne ka walaacsanaa arrintan, kuwaas oo saraakiisha ku wargeliyay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo uu ku lug lahaa eedaysanaha iyo labada haween ah.

Waaxda Hawlgallada Goobaha Baabuurta ee Hisbada ayaa ka hawlgashay xogtaas, waxayna samaysay hawlgal dabagal ah oo horseeday in eedaysanaha lagu qabto goob baabuurta laga raaco oo ku taal Kano.

Abaanduule ku;xigeenka Guud ee Guddiga Hisbada, Sheikh Mujahid Aminudeen Abubakar, ayaa xaqiijiyay dhacdadan mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kano. Wuxuu sheegay in badbaadintu ay ahayd natiijada ka dhalatay ka jawaabid isku dubaridan oo ay qayb ka ahayd tallaabo degdeg ah oo ay qaadeen saraakiisha Hisbada ka dib xogtii dadweynaha.

“Waxaan helnay xog ku saabsan dhaqdhaqaaq looga shakiyay tahriibin dad, saraakiisheenna ka tirsan Waaxda Hawlgallada Goobaha Baabuurta ee Hisbadana si degdeg ah ayay uga hawlgaleen,” ayuu yiri Sheikh Mujahid.

Wuxuu sharraxay in eedaysanaha, oo lagu magacaabo Abubakar Adodo, la joojiyay isagoo ku sugan goobta baabuurta xilli uu isku dayayay inuu labada haween ah u qaado magaalada Lagos. Baaritaanno uu guddigu sameeyay ayaa daaha ka rogay in safarku uu qayb ka ahaa waddo la qorsheeyay oo dhibbanayaasha looga qaadi lahaa Lagos, loo geyn lahaa dalka Benin, kaddibna loo sii gudbin lahaa Soomaaliya.

Haweenka la soo badbaadiyay ayaa lagu kala magacaabay Hajara Ismail oo 22 jir ah, kana timid Funtua, iyo Bilkisu Haruna oo 33 jir ah, kana timid Kofar Marusa, oo labaduba ka tirsan Gobolka Katsina. Waxaa la sheegay in haweenkan loo ballan qaaday shaqooyin dibadda ah ka hor inta aan lagu soo dabin qorshahan tahriibinta.

Sheikh Mujahid ayaa sheegay in faragelinta ay sameeyeen saraakiisha Hisbada ay ka hortagtay in dhibbanayaasha dalka laga saaro.

“Faragelinta degdegga ah ee saraakiisha Hisbada ayaa ka hortagtay in dhibbanayaasha dalka laga tahriibiyo waxayna xaqiijisay badqabkooda,” ayuu yiri.

Eedaysanaha iyo labada dhibbane ayaa markii dambe lagu wareejiyay Hay’adda Qaran ee La-dagaallanka Ka-ganacsiga Dadka (NAPTIP) si baaritaan dheeri ah iyo maxkamadayn suurtagal ah loogu sameeyo.

Sheikh Mujahid wuxuu sheegay in Hisbada ay sii wadi doonto inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga fuliya si loo xakameeyo kiisaska noocan oo kale ah ee ka dhaca Kano iyo qaybaha kale ee waqooyiga Nigeria.

Ka ganacsiga dadka ayaa weli caqabad weyn ku ah qaybo ka mid ah dalka Nigeria, iyadoo dhibbanayaal badan lagu khiyaano ballanqaadyo ku aaddan nolol wanaagsan iyo shaqooyin dibadda ah.

Dhowr waddo oo wax lagu tahriibiyo ayaa dalka gudihiisa lagu aqoonsaday, kuwaas oo inta badan sii mara dalalka Galbeedka Africa sida Niger iyo Benin ka hor inta aysan gaarin meelaha loo socdo ee Waqooyiga Africa iyo Bariga Dhexe.

Hay’adda NAPTIP ayaa si isdaba joog ah uga digtay dadweynaha isbeddelka sii kordhaya ee shabakadaha ka ganacsiga dadka, kuwaas oo beegsada haweenka iyo ragga da’da yar ee ku nool deegaannada miyiga ah.

Hay’addu waxay ku boorrisay hoggaamiyeyaasha bulshada, hay’adaha diinta, iyo hawl-wadeennada gaadiidka inay soo sheegaan dhaq-dhaqaaqyada shaki gelin kara oo laga yaabo inay ku lug leeyihiin falal tahriibin ah.

Saraakiil ka tirsan NAPTIP ee Kano ayaa sheegay in hay’addu ay baaritaan ku furtay kiiska ayna go’aamin doonto in eedaysanuhu uu qayb ka yahay shabakad ballaaran oo dadka tahriibisa.

Hay’addu waxay kaloo qorshaynaysaa inay siiso la-talin iyo taageero dhaqan-celin ah haweenka la soo badbaadiyay ka hor inta aan dib loogula midayn qoysaskooda.

Guddiga Hisbada ee Gobolka Kano, oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Diinta, ayaa mas’uul ka ah dhaqangelinta mabaadi’da anshaxa Islaamka ee gobolka.

Sannadihii la soo dhaafay, guddigu wuxuu ballaariyay doorkiisa si ay ugu jiraan dadaallada ilaalinta bulshada iyo la shaqeynta hay’adaha amniga qaranka ee kiisaska ku saabsan ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo dembiyada xuduudaha isaga gudba.

Ka ganacsiga dadka ayaa lagu daray dembiyada waaweyn ee caalamiga ah ee ka jira gobolka, dowladda Nigeria-na waxay xoojisay dadaallada lagula dagaallamayo iyadoo la kordhiyay ilaalada xuduudaha, ololeyaasha wacyigelinta, iyo iskaashiga bulshada.

Jahwareer ka taagan xaalada hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya C/qaadir Muumin

Boosaaso (Caasimada Online) – Muddo bilooyin ah, lama garanayo halka uu jaan iyo cirib dhigay hoggaamiyaha kooxda argagixisada ah ee Daacishta Soomaaliya, iyadoo dadku ay ku jiraan mala-awaal xilli ay howlgallo ka socdaan buuraha Cal-Miskaad ee Puntland, Soomaaliya.

Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha kooxdan, ayaan wax muuqaal ah samayn muddooyinkii u dambeeyay, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu dalka isaga baxsaday, ayna suurtagal tahay inuu ku sugan yahay Sudan ama Mozambique.

Waxaa kale oo macquul ah in lagu dilay duqeymihii cirka, kooxduna ay qarinayso masiirkiisa si ay uga fogaato khilaaf iyo in aysan lumin taageerada dadka deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay meesha ka saarayaan suurta-galnimada inuu si toos ah uga qayb-qaadanayo dagaalka socda, marka la eego dhulka oo ah mid adag iyo da’diisa oo weyn.

Horraantii sanadkan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in suurtagal ay tahay in la khaarijiyay Muumin, balse ma jirto caddeyn la aamini karo oo arrintaas xaqiijinaysa, maadaama uusan Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wax war ah ka soo saarin. Sannadkan oo dhan, Taliska AFRICOM wuxuu si isdaba joog ah u duqeynayay mintidiinta Daacish ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad.

Taliye kale oo sare, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Yuusuf, ayaa la sheegay in la qabtay bishii Luulyo 2025, inkastoo warar dambe ay tilmaamayaan inuu dhab ahaantii is-dhiibay. Wuxuu ahaa nin la saadaalinayay inuu la wareego hoggaanka kooxda.

Taasi waxay ka dhigeysaa Cabdiraxmaan Faaxiye, oo ah shakhsi aragtiyo kala duwan laga qabo isla markaana ah jihaadi dagaal-yaqaan ah, ninka hadda si buuxda u maamula Daacishta Soomaaliya. Waxaa la socda taliyayaal ajnabi ah oo ka soo jeeda waqooyiga iyo bariga Afrika, balse warkan weli la ma xaqiijin.

Mintidiinta Daacish waxay ka goosteen Al-Shabaab qiyaastii toban sano ka hor, waxayna la mubaayacoodeen khaliifkii Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, oo ahaa hoggaamiyihii kooxdaas ee xilligaas.

Ka dib markii ay Al-Shabaab soo saartay hanjabaado, kooxdan oo uu hoggaaminayo wadaadka Salafiga ah ee caanka ah, horena uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, Sheekh Cabdulqaadir Muumin, waxay u guureen dhulka buuraleyda ah ee bariga gobolka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Waxay deegaankaas ku dageen iyagoo adeegsanaya qabyaalad iyo xeelado kale. Al-Shabaab ayaa ka aargudatay, waxayna rag badan oo ka tirsanaa ku toogteen koonfurta dalka. Al-Shabaab waxay sidoo kale ku ugaarsadeen Buuraha Cal-Miskaad, iyagoo isku dayayay inay soo afjaraan kooxdan jihaadiga ah ee ay xafiiltamaan. Dagaalyahannada Muumin ayaa is-difaacay, waxayna ku qasbeen Al-Shabaab inay ka tanaasusho damaceedaas, ugu yaraan xilligan.

Laakiin kooxdu waxay sannadihii lasoo dhaafay ku soo badbaaday xaalado adag, oo ay sabab u ahaayeen dhulka oo dhib badan, khilaafyo gudahooda ah, iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka. Waxay u kobceen si tartiib ah ilaa ay ku guuleysteen inay qortaan boqolaal dagaalyahan, oo intooda badan ay yihiin ajaaniib.

Waxay sidoo kale malaayiin doollar ka ururiyeen baad, lacagtaas oo ay u adeegsanayeen fulinta hawlgalladooda iyo xitaa taageeridda hawlgallada caalamiga ah ee Daacish. Sannadihii u dambeeyay, waxay tayeynayeen hubkooda iyo tababarradooda, waxayna qarka u saarnaayeen inay khatar weyn ku noqdaan guud ahaan gobolka, sida uu sheegay Harun Maruf, oo ah saxafi ruug-caddaa ah.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ee deegaanka Puntland waxay dabayaaqadii sanadkii hore qaadeen howlgal ballaaran, iyagoo mintidiinta ka saaray inta badan saldhigyoodii waaweynaa iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Daacish waxay ku weyday rag tiro badan dagaallo toos ah iyo sidoo kale duqeymo cirka ah oo ka kala yimid Mareykanka iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ka caawinayay ciidamada Soomaalida.

Balse toban bilood ka dib, dagaalyahannada Daacish waxay weli halis ku yihiin ciidamada maxalliga ah, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa ee IED-yada loo yaqaan iyo xeeladaha dagaal-ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah.

Haddana, saadaashu waxay weli u badan tahay in Puntland ay kaga adkaan doonto dagaal xooggan oo loo wada dhan yahay. Laakiin, sidoo kale layaab ma noqon doonto haddii ay mintidiintu ku guuleystaan inay dagaalka sii jiidaan sannado badan, ayna ugu dambeyntii daaliyaan ololaha ka dhanka ah.

Liiska 61 urur oo isu diiwaan-geliyey doorashada qof iyo cod oo maanta la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo weli ku howlan diyaarinta iyo qorsheynta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka ayaa soo saaray liiska ururrada rasmiga ah ee is-diiwaangeliyay.

Illaa 61 urur siyaasadeed ayaa is-diiwanageliyay sida lagu soo bandhigay warbixinta guddiga, kuwaas oo sameystay astaamo gaar ah oo ay ku galayaan ololahooda.

Guddiga ayaa sidoo kale farriin ogeysiis ah u diray dhammaan ururrada iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo la xiriirta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee bilaabanaya.

“Xafiiska Diiwaanhayaha Guud ee GMDQS wuxuu ogeysiinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in Guddigu soo dhammeystiray hubinta iyo diiwaangelinta astaamaha (Symbols) sida ku cad lifaaqa qoraalkan, kuwaas oo ay ururradu ku geli doonaan doorashada goleyaasha deegaanka, sida ku qeexan Sharciga Doorashooyinka Qaranka”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale waxaa intaasi la raaciyay “Tallaabadani waxay qayb ka tahay xoojinta hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida dadweynaha, iyo sidoo kale gudashada waajibaadka sharci ee Guddiga, oo ah ilaalinta sinnaanta iyo tartan xor ah oo caddaalad ah”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Wargelin Rasmi ah oo kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ku: Ururrada Siyaasadda ee Diiwaangashan

Ujeeddo: Hubinta Astaamaha iyo Nambarada Ololaha Doorashada

Xafiiska Diiwaanhayaha Guud ee GMDQS wuxuu ogeysiinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in Guddigu soo dhammeystiray hubinta iyo diiwaangelinta astaamaha (Symbols) sida ku cad lifaaqa qoraalkan, kuwaas oo ay ururradu ku geli doonaan doorashada goleyaasha deegaanka, sida ku qeexan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Ururrada waxaa lagu wargelinayaa:

  1. In ay xaqiijiyaan astaamahooda iyo nambarada liiska qori-tuurka ee ololaha doorashada.
  2. In ay hubiyaan in xogtu sax tahay oo aanay jirin khalad u baahan sixid.
  3. Haddii ay jiraan tabasho ama isbeddel, waa in jawaab rasmi ah lagu soo gudbiyaa muddo 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda wargelintan, lana soo xiriiraan Xafiiska Diiwaanhayaha Guud ee GMDQS.

Tallaabadani waxay qayb ka tahay xoojinta hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida dadweynaha, iyo sidoo kale gudashada waajibaadka sharci ee Guddiga, oo ah ilaalinta sinnaanta iyo tartan xor ah oo caddaalad ah.

Wabilaahi Towfiiq

Xafiiska Diiwaanhayaha Guud

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Qaramaynta Siyaasadda (GMDQS)

Galmudug oo qaaday weerar qorsheysan oo lagu laayay…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgallo culus oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Howlgalllada oo ay sameeyeen ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys, waxaana lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladaas khasaare wayn lagu gaarsiiyay argagixisada, isla markaana lagu dilay ugu yaraan illaa 5 dhagarqabe, sidoo kalena lagu dhaawacay maleeshiyaad kale iyo horjoogayaal sar sare.

Horjoogayaasha dhaawaca ah waxaa kamid ah horjoogihii Khawaarijta ee aagga deegaanka Ceelgaras, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay baahisay warbaahinta Qaranka.

“Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyag aoo howlgalkaas ku dhaawacay maleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro”. ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale howlgallada ayaa weli sii socda, waxaana haatan ciidamada ay isku fidinayaan dhulka howdka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, si loo xoreeyo.

“Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen”. ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkan ka socday howlgallo lagu dhaafiyay Khawaarijta, waxaana iska kaashanaya ciidanka Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Howlgalladii ugu cuslaa ee guuleystay waxaa kamid ah midkii Ceeldheer oo cashir lama ilaawaan ah dhawaan loogu dhigay Al-Shabaab oo isku deyday inay weerar kusoo qaado degmadaas oo kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay argagixisada.

HirShabelle oo sameysay magacaabis si weyn looga fal-celiyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose HirShabelle oo xalay soo saartay wareegto ayaa sameysay magacaabis si weyn looga falceliyay, kadib markii guddoomiye cusub ay u magacowday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo hadda gacanta ugu jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Digreetadan oo uu ku saxiixnaa Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa waxaa guddoomiyha cusub ee Aadan Yabaal loogu magacaabay Cali Cumar Maxamuud oo beddalaya guddoomiyihii hore Cumar Qalabside oo isna dhawaan uun xilka laga qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in magacaabista guddoomiyaha cusub ay ku timid baahi loo qabo in la dardargeliyo howlaha shaqo iyo xoreynta degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

“Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Abdi Dahir Guure Karoore : Kadib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta howlaha shaqo iyo xoreynta Degmada Aadan yabaal. Markuu la tashaday Madaxda sare ee Dowladda Hirshabelle. Waxa uu u magacaabay: Mudane Cali Cumar Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal” ayaa lagu yiri wareegtada soo baxday.

Dhinaca kale, magacaabistan ayaa dhalisay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen shacabka, kuwaas oo su’aalo ka keenay halka uu ku shaqeynayo guddoomiyaha cusub, maadaama degmada loo magacaabay ay xoog ku haysato kooxda Al-Shabaab.

Cabdulqaadir Maxamed: “Waa sheeko raqiisa ahi Aadan Yabaal Shabaab ayaa ka taliso waa maxay guddoomiyaha loo magacaabayo?”.

Xuseen Cabdi Xuseen: “Wllhi caawa ani toos u yaabay awal waa yaabay waa iska dhihi jiray lee”.

Goodax: “Howlaha shaqo intow ka qabanaa maba tagi karee mise xaafada horseed ayow kusii shaqeyna”.

Layla Ciise: “Warki hore war soo dhaaf Aadan Yabaal ninka loo magacaabay intoow ka shaqeeyn doonaa?”.

Cali Cabdullahi: “Ani markaa idin dhahaayay meesha maamul laguma hayo been ayaa u maleyseen meeshan waa meel lagu ba’ay”.

Cabdi Naxar: ” Aadan Yabaal kale oo cusub maa jirto mase waa tii cadawga ow haystay ar meeshaan maxey maaweelo ama riyo maalin cadey ah ay ka jirtaa?”.

Qoyska Ismaaciil Haniyeh oo beeniyey warar la faafiyey oo sheegayey in Turkiga uu…

Gaza (Caasimada Online) – Qoyska hoggaamiyihii geeriyooday ee Xamas, Ismaaciil Haniyeh, ayaa Arbacadii beeniyay warar sheegayay in qaar ka mid ah eheladooda loo oggolaaday inay ka baxaan Marinka Gaza, kaddib codsi ka yimid Turkey.

“Gabi ahaanba ma jiro qof ka tirsan qoyska Haniyeh oo baxay,” ayuu yiri Cabdul Salam Haniyeh, oo ah curadka hoggaamiyihii geeriyooday, bayaan uu siiyay warbaahinta Middle East Eye.

“Cidna weli ma bixin, mana jiraan wax qorshayaal ah oo arrintaas ku saabsan ama xitaa wadahadal laga yeeshay.”

Warbaahinta Middle East Eye ayaa Isniintii tabisay in Israel ay oggolaatay in ugu yaraan 66 Falastiiniyiin ah iyo muwaadiniin Turkish ah ay ka baxaan Gaza horraantii bishan, kaddib codsi ka yimid dowladda Turkey.

In kasta oo ilo-wareedyo ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay wadaageen magac qoys oo isku mid ah, haddana Cabdul Salam Haniyeh wuxuu sheegay inaan cidna ka tirsan ehelka hoggaamiyihii geeriyooday aysan bixin, ama aysan damacsanayn inay baxaan.

“Warku waa khaldan yahay, waxaana looga gol leeyahay in lagu abuuro jahawareer,” ayuu raaciyay.

Sida ay sheegtay xogtii hore, waxaa loo oggolaaday inay baxaan 14 muwaadin oo Turkish ah iyo 40 qof oo ehel dhow la ah muwaadiniinta Turkish-ka, oo ay ku jiraan xaasas, carruur, waalidiin, iyo xubno kale oo qoyska dhow ah, iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah oo dhex maray Israel iyo Turkey, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Heshiiskan la sheegay ayaa yimid kaddib xabbad-joojin ay Gaza ku gaareen Israel iyo Xamas horraantii bishii Oktoobar, taasoo uu Turkey qayb ka ahaa fududeynteeda.

Turkey waxay xiriir soo jireen ah la lahayd Ismaaciil Haniyeh, oo hoggaaminayay xafiiska siyaasadda ee Xamas illaa ay Israel ku dishay magaalada Tehran bishii Luulyo 2024.

In kasta oo aysan Turkey martigelin xafiis rasmi ah oo Xamaas ay leedahay, haddana hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa ayaa si joogto ah ugu safra dalalka Qatar, Turkey, Masar iyo Lubnaan, iyagoo mararka qaarkood Turkey jooga dhowr bilood.

Wargeyska The Telegraph ayaa warbixin uu soo saaray 2020-kii ku sheegay in Turkey ay dhalasho siisay dhowr hoggaamiye oo Xamaas ka tirsan, oo uu ku jiro Haniyeh.

Go’aan ay Israel ku oggolaanayso in ehelka Haniyeh ay ka baxaan Gaza wuxuu noqon lahaa mid si gaar ah loola yaabo, marka la eego in militariga Israel ay dileen saddex wiil oo uu dhalay iyo afar carruur ah oo ay sii dhaleen bishii Abriil 2024, kaddib duqeyn cirka ah oo lagula beegsaday gaarigooda oo ku sugnaa Gaza.

Isla xilligaas, Israel waxay sidoo kale xirtay Haniyeh walaashiis, Sabah al-Salem Haniyeh, oo ku noolayd magaalada Tel Sheva ee koonfurta Israel.

Golaha Wasiirada XFS oo tallaabo culus u qaaday hirgelinta QOF iyo COD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Golaha ayaa maanta warbixin guud oo la xiriirta howlaha doorashooyinka ka dhageystay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo wasiirrada la wadaagay qorshahooda ku aadan hal qof iyo hal cod oo loo asteeyay inay bilowday dhammaadka bisha Novermber.

Intaas kadib golaha ayaa ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah, sida lagu soo bandhigay warbixinta.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa lagu meel-mariyay shuruuc iyo heshiisyo kale oo muhiim u ah dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray shirka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dammeystiran;-

Muqdisho, Khamiis, 23 Oktoobar 2025: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.
𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Soomaaliya oo la shaaciyey in ay kaalinta 1-aad ka gashay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoofinta xoolaha Soomaaliya ayaa si xoog leh u kordheysa, taasoo loo aaneynayo hoos u dhaca tartankii kaga imaan jiray Australia iyo Suudaan, sida lagu sheegay warbixin uu qoray Bloomberg.

Isbeddelkan ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya, waxaana la filayaa in dakhli ka badan hal bilyan oo dollar laga helo dhoofinta xoolaha sannadkan. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay xoolo dhoofinta.

Xogta dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa in dakhliga dhoofinta xoolaha uu sare u kacay, iyadoo laga bilaabo $523 milyan sanadkii 2021 uu gaadhay $974 milyan sanadkii hore.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xoolaha ayaa sheegay in kororkaasi u badan yahay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee Suudaan iyo hoos u dhaca dhoofinta xoolaha ee Australia.

Qaasim Cabdi Moallim, agaasimaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda ayaa sheegay in xaaladdaasi ay Soomaaliya siisay fursad ay ku ballaariso suuqyadeeda.

“Dalkeenna wuxuu si wanaagsan uga faa’iidaystay xaaladdaas, isagoo dardar cusub geliyay dhoofinta xoolaha,” ayuu yiri Agaasimaha. Wuxuu xusay in masaafada dhow ee Soomaaliya u jirto dalalka Gacanka — sida Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka — ay sidoo kale ka mid tahay faa’iidooyinka suuq-geynta xoolaha.

Dhanka kale, dhoofinta xoolaha nool ee Australia ayaa si weyn hoos ugu dhacday sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladda dalkaasi qorsheyneyso in la joojiyo gebi ahaan dhoofinta idaha badda laga raro marka la gaaro May 2028.

Xog rasmi ah ayaa muujineysa in Australia ay sanadkii 2022–2023 dhoofisay 652,000 neef oo xoolo ah, halka labaatan sano ka hor ay tiradu ahayd ku dhawaad lix milyan.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay hadda gacanta ku hayso qayb weyn oo ka mid ah suuqyadii dalalka Gacanka ee markii hore adeegsan jiray Suudaan, oo dagaallo sokeeye ay si weyn u saameeyeen. Warbixin uu soo saaray Sudan Transparency and Policy Tracker ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya oo keliya ay sanadkii 2023 Suudaan ka iibsatay xoolo qiimahoodu gaarayay $715 milyan.

Inkasta oo Soomaaliya muddo dheer la tacaalaysay amni xumo iyo siyaasado isbeddel badan, haddana dalka waxaa ku nool in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir. Sannad kasta, Soomaaliya waxay u dhoofisa dalalka Bariga Dhexe afar ilaa lix milyan oo neef.

Xoolaha nool ayaa hadda noqday badeecadda ugu muhiimsan ee Soomaaliya u dhoofiso dibadda. Dakhliga laga filayo sannadkan, oo gaari kara $1 bilyan, ayaa ka sarreeya dakhliga gudaha ee dowladda oo lagu qiyaasay $430 milyan, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda.

Miisaaniyadda guud ee dalka sannadkan ayaa lagu sheegay $1.36 bilyan, taas oo inta badan ku tiirsan deeqaha caalamiga ah, halka dhoofinta xoolaha ay noqotay laf-dhabarta dhaqaalaha gudaha.

Maamulka Waqooyi Bari oo iclaamiyey is-difaac ka dhan ah Somaliland iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay is-difaac ka dhan ah Somaliland iyo Puntland, oo dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa sheegay in labada maamul ay u heshiiyeen in ay wiiqaan Woqooyi Bari, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

“Waqooyi Bari waa dhalatay, waa jireysa, waana joogta, Somaliland waa inay intaas aamintaa,” ayuu Guddoomiye Aadan ku yiri wareysi cusub oo uu bixiyay.

Waxa uu intaas kusii daray “Culeys kasta oo yimaada, madaafiic ayaa lagu garaacay Laascaanood, markaas wax kasta difaac ayaa laga galayaa, oo xaqa ayaa guuleysanaya. Waqooyi Bari xaq ayey ku taagan tahay oo cidna ma dulmineyso.”

Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ayuu ku tilmaamay mid aan ka shaqeyn karin deegaanada maamulka Waqooyi Bari, maadaama labada dhinac “ay haatan wadaagin xuduud dhab ah.”

Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ay dhawaan ku gaareen Nairobi ayaa loo fasiray “mid labada maamul ugu midoobayaan diidmada maamulka cusub ee Waqooyi Bari”.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan Hargeysa iyo Garoowe. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Somaliland oo shaacisay in dalal dhowr ah ay dhawaan aqoonsan doonaan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dhawaan dalal dhowr ah ay aqoonsan doonaan, halka kuwa kalena ay kor u qaadi doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee la leeyihiin Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro oo uu kamid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta arrintaan ka sheegay kulan ay xukuumadda la yeelatay saxaafadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirarkan ayey ujeeddadoodu ahayd is-xaal waraysi guud iyo in qaybahan muhiimka ah ee bulshada xogo laga siiyo xaaladda maamulka, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada iyo arrimaha dibadda oo muddooyinkii u dambeeyey, shaqooyin badani ka qabsoomeen. Gaar ahaan shirka nabadda ee lagu soo afjaray colaaddii walaalaha gobalka Sanaag oo uu madaxweynuhu dadaal xooggan geliyey.

Ururrada bulshada rayidka ah iyo waraahinta oo isugu jirtay warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, ayey mas’uuliyiintani uga warrameen natiijada dadaallada aqoonsi raadiska ah ee madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyey sida aadka ah u dardar-geliyey.

Waxay sheegeen in dalal kala duwan ay si togan uga soo jawaabeen, baaqii codsiga aqoonsiga ee madaxweynuhu 193 dal u diray 17-kii May 2025, iyo dadaallo xooggan oo intii ka dambaysay uu arrintaas geliyey.

Dhawaan ayey sheegeen in la filayo inay ka soo jawaabaan dalalkii ugu horreeyey oo isugu jira, kuwo aqoonsan doona Somaliland, iyo kuwo kor u qaadi doona heerka xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Mas’uuliyiintan ayaa warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ka codsaday, in si hagar la’aan ah loogala shaqeeyo sii adkaynta nabadda iyo “in ay noqdaan farriin sidayaal iyo safiirro wadaniyiin ah oo si madax-bannaan uga shaqeeya sidii uu u sii xoogaysan lahaa, sawirka quruxda badan ee Somaliland ku soo jeediyay indhaha caalamka.”

Warbaahinta iyo masuuliyiinta ururrada bulshada ee kulamada gooni-goonida ah ka soo qayb-galay, waxa ay iyaguna dhankooda xukuumadda u soo jeediyey talooyin muhiim u ah guud ahaan danta maamulka iyo si gaar ah arrimaha nabad-gelyada, midnimada bulshada iyo aqoonsi raadinta.

Sidoo kale waxa ay talooyin muhiim ah ka soo jeediyeen hannaanka loo sixi karo wada-shaqaynta iyo iskaashiga xukuumadda iyo waraahinta, loona daweyn karo mad-madowga iyo isfahmi waaga laga yaabo in uu mararka qaarkood soo dhexgalo.

Mas’uuliyiinta ayaa warbaahinta iyo ururrada bulshadaba u sheegay in ay qaadanayaan talada iyo wixii canaan ah ee loo soo jeediyo, iyada oo dhinacyada warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ahina ballan-qaadeen in ay danta guud si buuxda uga shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan xukuumadda.

Ugu dambayntiina waxaa la iska qaatay in kulamada noocan ahi ay joogto noqon doonaan, si bulshada iyo xukuumaddu u kala warqaataan, iskulana jaanqaadaan.

Kulankan waxaa dhinaca xukuumadda Somaliland uga qayb-galay wasiirrada wasaaradaha qorshaynta, madaxtooyada iyo warfaafinta, iyo la-taliyaha istaraatijiyadaha ee Madaxweynaha Somaliland.

Somaliland oo xal u raadineysa fadeexaddii ka raacday go’aankii DF Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi uga hadashay dhaqan-galka go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa), iyadoo qirtay in go’aankani uu saameyn ku yeeshay socdaalka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa lagu sheegay in culeyska arrintaan ay dareemeen dadka ka imaanaya Mareykanka, Canada iyo Yurub, iyadoo la waydiinayo nidaamka Dowladda Federaalka ee e-Visa.

Wasaaradda ayaa caddeysay in ay xiriir la sameysay dhinacyada ay quseyso arrintaan, waxayna si adag uga digtay in la siyaasadeeyo, taasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn looga fal-celiyay gudaha Somaliland.

“Maadaama arrimaha duulimaadyada iyo adeegyadda madaaradddu ay yihiin kuwo farsamo oo leh shuruuc iyo hab-raacyo caalami ah oo loo maro nidaamyo gaar ah, uma baahna siyaasadayn, hadal-tiro iyo gole-ka-fuul toona, talo iyo tilmaamidna ugama furna kuwii eelka dhigey ee gacantaooda ku wareejiyay Hawada Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Duulista Hawada.

Qoraalkan ayaa u muuqday in qeybo kamid ah si toos ah loogu jawaabayay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kaah, Maxamuud Xaashi oo dhawaan si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland arrintaan, kadib markii uu sheegay in uu si dirqi ah uga badbaaday in e-Visaha Soomaaliya u jarto Somaliland.

Guddoomiye Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in dhawaan garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.

“Dubai ayaa laygu weydiiyey dal-ku-galka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, muran ayaan ku dhaafay, maanta waa la sii adkeeyey, xukuumaddeenna Somaliland ka aqbali mayno arrintaas waan ku dhaliilaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Kaah.

Maxamuud Xaashi ayaa hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan, oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah, midka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Kan e-Visa ayaa marka hore laga rabaa in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Somaliland iyo Puntland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

Daawo: Go’aano culus oo ka soo baxay shirka Ceerigaabo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Shirweynaha nabadda ee ka socday magaalada Ceerigaabo, ee gogoshiisa uu dhigay Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kaasi oo laga soo saaray go’aanno dhowr ah.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu shaaciyay qodobo ay ku heshiiyeen beelaha shirkaas ka qeyb-galay, kuwaas oo qalinka ku duugay “in nabad iyo walaaltimo lugu wada noolaado, degmada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.”

Beelaha ayaa waxay isla qaateen “in ay ilaashadaan nabad-gelyadooda, wadajirkooda, walaatinimadooda iyo dowladooda Somaliland,” sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirweynaha.

Sidoo kale, waxay isla gaareen beelaha reer Sanaag ee shirkan ka qeyb-galay in la raadiyo cid kasta oo ka maqan nabadda Ceerigaabo, si ay u noqoto nabadeyn loo dhan yahay, iyagoo beelaha kale loogu baaqay qeyb ka noqoshada nabadda ka hanaqaaday gobolkaasi.

“Beelaha gobalka Sanaag waxay ku heshiiyeen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul tahay dowladda Somaliland, cid kasta oo nabadda caqabad ku ahna tallaabo ka qaado,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Waxa kale oo intaas lagu daray: “Beelaha gobalka Sanaag waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay gobolka mashaariic horumarineed ka fuliso, sida ugu dhakhsaha badan.”

Shirweynaha nabadda Ceerigaabo ayaa waxaa xusid mudan in aysan ka qeyb-gelin beesha Dhulbahante oo ka mid ah beelaha dega magaaladaas iyo gobolka Sanaag.

Shirkan ayaa marka laga imaado Somaliland, sidoo kale waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulka Puntland oo Hargeysa kala shaqeeyay qabsoomida shirka iyo in la gaaro heshiis nabadeed oo saldhig u tahay in ammaanka gobolkaasi si buuxda ula wareegto Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Saddex nin oo walaalo ah oo aano qabiil darteed loogu dilay…

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal argagax leh oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii saddex nin oo walaalo ah lagu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Weerarka lagu dilay raggan oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dudumaaye, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saddexda nin ee walaalaha ah xilliga la dilayay ay ku sugnaayeen beertooda halkaas oo loogu tegay, kadibna lagu dhex-dilay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi, kuwaas oo ay isku gaysanayaan maleeshiyaad wada dega deegaanka.

Sidoo kale, dhacdadan ayaa saameyn ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan aagga degmada Wanlaweyn, kuwaas oo si aad ah uga argagaxay ragga lalaayey.

Wanlaweyn iyo aaggeeda, ayaa waxaa weli ka taagan dagaallo sokeeye, waxaana ahayd dhawaan markii halkaas lagu dilay ugu yaraan 13 qof oo xoolo dhaqaato ahaa, kuwaas oo iyana loo beegsaday aano qabiil darteed.

Dadkaas la laayay waxaa ku jiray Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdooyinkaasi kusoo laa laabtay gobolka Shabeellaha Hoose.