24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Arsenal iyo Tottenham oo Man Utd kula biiray xiisaha Strootman.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda PSV Kevin Strootman ayaa si diiran usoo jiitay kooxihii doonayey kulankii sabtidii ay kooxdiisu la ciyaartay Ajax.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa waxaa daawanaayey wakiilka Arsenal wax u indha-indheeya Steve Rowley iyo wakiil kale oo ka socda Manchester United.

Sidoo kale sarkaal ka socda Tottenham ayaa ku sugnaa Amsterdam Arena kulankii ayAjax3-1 ku garaacday PSV.

22-jirkaan ayaa ciyaaray 15 kulan oo heer caalami ah, waxaana lagu qiimeyaa mid ka mid ah xidigaha qadka dhexe ee Yurub ugu fiican.

Kooxaha Premier League ayaana bilaabay inay xod xotaan xidigaan lagu qiimeeyo 20 milyan oo ginni.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa xidiga ay isku wadanka yihiin Strootman ee Klass-Jan Huntelaar, kaasoo 10 gool xilli ciyaareedkaan u dhaliyey Schalke.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ferguson: Mourinho ayaa iga bedeli kara Manchester United.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa rumeysan inuu Jose Mourinho ka bedeli karo shaqadiisa Manchester United.

Isbuucyo ka hor ayey labadaan nin shah ku wada cabeen Lowry Hotel oo ku yaala magaalada Manchester, halkaas oo ay Real Madrid u joogtay inay kulan Champions League ah kula ciyaarto Manchester City.

Tababaraha reer Portugal ayaan qarshan fikirkiisa ah inuu mar kale ku laabto HoryaalkaEngland, markii la weydiiyey Fergie hadii uu Mourinho ka bedeli karo United wuxuu ku jawaabay: “Sida cad wuxuu tababare ka noqon karaa meel walba.

“Marna kuma fekerin in nin aan ciyaarin kubada inuu noqon karo tababare sare, laakiin hadana waa inaad fiirisaa dabeecadiisa. Waxuu leeyahay dabeecad xoogan oo buuxinaya booskaas.

“Waxaan xusuustaa shirkiisii jaraa’id ee ugu horeysay [ee Chelsea], waxaana ku fekerayay Alla muxuu isla qobweyn yahay. Waxa uu ciyaartoyda ku dhahayay ‘Fiiriya, waxaan ahay Special One’, ma ahan inay guul darro nasoo gaarto.

“IsagooEnglandyimid islamarkaana ah nin da’ yar ayuu hadana leeyahay waxaan ahay Special One! Laakiin waxey ciyaartoyda ka dhaadhicisay hadalkaas inay horyaalka ku guuleysanayaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Benitez: Chelsea hiilo ayey uga baahan tahay Shakhtar Donetsk.

Tababaraha kooxda Chelsea  Rafael Benitez ayaa u sheegay kooxda Shakhtar Donetsk inay kordhiso tayadeeda kulanka ay Arbacada Champions League ku wajahayan Juventus, waana kulankii Blues usoo bixin lahaa Koobka Kooxaha Yurub ama ka reebi lahaa tartanka.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayey qasab ku tahay inay garaacdo Nordsjaelland ayna kooxda heysata Horyaalka Talyaaniga u rajeyso inay guul darro kasoo gaarto Ukraine si ay ugu soo baxaan wareega 16ka Uefa Champions League.

Laakiin, inkastoo kooxda Mircea Lucescu ay horaan jaratay Tikidhkeeda wareega 16ka, Benitez ayaa dareensan inay Shakhtar weli u baahan tahay inay kor u qaado kulankeeda ugu dambeeye ee Group-ka.

Wuxuu u sheegay Sky Sports: “Waan ognahay inay bareejo tahay wax aan noo fiicneyn laakiin wax fiican ayaa ah inay Shakhtar heysato ciyaartooy badan oo aad u fiican qof walbana wuxuu ka hadlayaa iyaga, sidaas darteed inta kale ee hartay waa inay tusaan inay yihiin ciyaartooy fiican.

”Markii aad ogtahay in kooxaha ugu sareeya Yurub ama caalamka ay ku daawanayaan ka dib waa inaad soo bandhigtaa. Sida cad Juve guul ayey halkaas u aadi doontaa laakiin Shakhtar waxay u baahan doontaa inay tusto heerka ay yihiin.

“Inaad ku dhameysato kaalinta labaad aadna la ciyaarto kooxda ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub way adkaan doontaa, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay isku dayi doonaan inay guul gaaraan.”

Hadii ay Chelsea ku harto wareega Group-ka waxay noqoneysaa kooxdii ugu horeysay ee iyadoo koobkan difaacaneysa ku harta marxaladan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Chelsea oo Janaayo 70 milyan ku dooneysa Cavani iyo Hamsik.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa mar kale Napoli ka doonaya labada ciyaaryahan oo ay ku duusho Edinson Cavani iyo Marek Hamsik kuwaas oo ay ka go’an tahay inuu keeno Stamford Bridge, sida uu qoray wargeyska Cough offside.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto weeraryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay Edinson Cavani iyo kubad sameeye Marek Hamsik iyadoo ay Blues dooneyso inay dib u dhis isku sameyso maadaama ay xaalad xun ku jirtay lixdii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Waxaana ay xilka ka qaaday tababareheedii Roberto Di Matteo iyadoo u magacaawday Rafa Benitez kaasoo aan guul gaarin sedaxdiisii kulan ee ugu horeysay.

Agaasimaha farsamada Michael Emanelo iyo Benitez ayaa ka dooday macquul ahaanshiyaha Janaayo diirada lagu saarayo labadaan ciyaaryahan,  Abramovich ayaana horaan dalab ugu diray, laakiin waxaa la ogyahay inay taasi ka biyo diiday kooxda San Paolo oo aan dooneynin inay iibiso labada xidig ee halbowlaha u ah.

Abramovich ayaa arka in kooxdiisa Toban dhibcood looga hugaaminayo Premier League halka ay Champions League talaabo u jirto inay ka harto, waxaana lasoo sheegayaa inuu mar kale ka gocanaayo go’aankii uu ku ceyriyey Di Matteo.

Sidaas darteed wuxuu isha ku hayaa inuu tageerayaasha kooxda heshiisyo sare ku qanciyo bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, iyadoo markaan lasoo sheegayo in seefta maalqabeenka reer Ruush ay saaran tahay ninka reer Spian Fernando Torres.

Edinson Cavani oo muddo dheer lala xiriirinaayey Chelsea ayey bedelkiisa u raadsanayaan oo diirada u saaran, iyadoo uu xiisahaani bilowday labo sano ka hor, 26-jirkaan ayaa 83 gool Napoli u dhaliyey 112 kulan.

Chelsea ayaana rabta inay xidigaan lasoo iibsato Injineerka quudiya Hamsik iyadoo labadooda ku dooneysa 70 milyan oo ginni una dhiganta 86 milyan oo euro, milkiilaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaana laga warqabaa inuusan lacagtaan indhaha ka daboolan doonin.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

25+25+25 = 75 | Qisada Noloshaada!

Saddex wiil ayaa usafray wadan aad ufog, waxayna dageen guri aad udheer oo kakooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa usareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa usharxay nidaamka dagenaanta guriga, wuxuuna kuyiri; halkan waxaa kajira nidaam kaduwan, kan kajira wadamadiina.

Wiishka Daarta lagu fuulo 10.00 habeenimo ayuu otomatik isuxiraa, waxaana laga xukumaa meel fog oo haduu mar isxiro cid furi kartaa majirto!. Marka waa inaad soo dheel-mataan kahor 10.00 habeen-nimo, wuxuuna kacodsaday inay warkaas si fiican ufahmaan, waxayna u-adkeeyeen inay fahmeen.

Habeenkii 1aad way soo dheelmadeen 10. kahor, laakiin habeenkii 2aad bay tamashlayntii la dheeraatay, waxayna yimideen iyagoo aad u ordaya 10. iyo 5daqiiqo, albaabkiina jaa waa xirmay. Halkii bayna oohin iyo qaylo ka dhaqaaqeen, waxayna weceen qofkasta oo ay umaleeyeen inuu Daarta ufuri karo, laakiin faaiido la´aan. Markay quusteena waxay ku heshiiyeen inay Daarta kafuullaan jaranjarta ilaa iyo dabaqa 75aad, waxayna ku heshiiyeen inuu mid waliba uga sheekeeyo Qiso dheer oo xiisa badan oo soconaysa inta ay fuulayaan 25dabaq, siay isu hilmaan-siiyaan Daalka iyo jilba xanuunka.

  • Kii 1aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin marqaan badan, oo qosol idinku dilaya ilaa aad is illowdaan, oydaan Daalba xasuusanin!. Wuuna u sheekeeyay ilaa ay Qossol kudhiman gaareen, waalina ku dhawaadeen, Daarta oo dhana laga maqlay qossolkooda iyo qayladooda ilaa ay ka-gaareen dabaqaii 25aad.
  • Kii 2aad wuxuu yiri anu mahayo sheekooyin lagu waasho, balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqo ubadan, oo taa-banaya nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha. Maxaa lagud-boon qofka raba inuu Guul iyo horumara gaaro, ama wax fiican samaysto iwm. Wuuna u sheekeeyay isagoo siiyay tusaalooyin, waanooyin iyo dhacdooyin fara-badan, ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.
  • Kii 3aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin ka samaysan dhib xanuun iyo wareer, maxaayeelay waad soo maqasheen sheekoo-yinkii qosolka iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqada intaba. Marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka iyo dhibka. Labadii kalana waxay dheheen; Soodaa maxaayeelay waxaaban rabnaa inaan gaarro Gurigeenii inagoo naga-batay Daalka iyo fikirku, kadibna aan dhakhso seexano! Wuuna uga sheekeeyay ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 75aad, iyagoo Daal la dhiman raba. Wuxuuna kusoo dhameeyay; qisadan aadka unaxdinta badan;

INAAN FURIHII GURIGA KUSOO ILOWNAY WAARDIYIHII DABAQA 1AAD JOOGAY, EE AAN FURAHA WIISHKA KA RABNAY! SADDEXDIINA WAA LA MIYIR DABOOLAY, WAXAYNA KU SIGTEEN INAY NAXDIN LA DHINTAAN!

Qisadu waa mid xanuun badan, oo laga naxo balse waxay kusaabsan-tahay xaqiiqada nolosha Bani aadamka ee caadiga ah. Oo hadaan uqaybino nolosha qofka 3qaybood waxay noqonaysaa 25+25+25=75, intaasina waa cumriga sare ee qofka caadiga ahi uu gaari karo. Oo Rasuulkeenii (scw) wuxuu inoo sheegay umadiisa cumri dhexaad-keedu inuu yahay inta udhaxaysa 60 iyo 70, in yarina ay halkaa dhafi karto.

Hadaba maxay kala-yihiin sadexda qaybood? Waxaa badan in dadku ay; 25sano ee dhalin yaranimada ku nool yihiin; nolol ubadan ciyaar, qosol, fikir la´aan, madadaalo iwm. Waana wakhtiga uu qofku ugu xoog bad-yahay, ugu firifircoon yahay, haduu dhinaca khayrka ujeedsadana uu wax badan qabsan karo. 25sano ee xigta inta badan waxaa lagu mashquulaa noloshii dhabta ahayd; Shaqo raadin, Guur raadin, reer samayn, ilmo dhalid iyo korin, waa wakhtiga tabcashada iyo dhibka  nolosha lagu mashquulo.

25sano ee xigtana waxaa bilaabata dhibaatada caafimaadka;  xanuun badan, tabar darro badan, daawo qaadasho farabadan iyo in da´da laysku noco oo shaqada loo-diido qofka ay Da´diisu 50sano kor udhaaftay. Dhinaca kalana Ilmihii dhibkooda ayaa sii bata, mid shaqo la´aan ah, oo Biil u bahan, mid guur ubaahan, mid lasoo furay, mid wax haleeyay oo ubaahan in dhib laga-badbaadiyo iwm. Waxaana bilaabata inuu qofku ukala wareego Isbitaalada isagoo ladagaa-lamaya xanuuno badan oo soo weeraraya.

Waana waqtiga uu qofka Caqligiisu dhamays-tirmo, xaqiiqada noloshana sixeel dheer udareemo, aadna uu ubadiyo shalaytada iyo maxaan waxaa uqabsan waayay, maxaan sidaa usamayn waayay, maxaan waxaa uqalday iwm?

Qisada waxaa udanbaysay uguna xanuun badnayd inuu dhalinta kii udanbeeyay yiri waxaan hoos kusoo ilownay furihii Guriga! Taasi maxay kadhigan-tahay?  Jawaabtu way sahlan-tahay, oo dadka badan-koodu markay da´yarta yihiin waxay iloobaan ama dhinac maraan Diinta Rabbi (swt) qaada-shadeeda, ku dhaqankeeda, wax u qabadkeeda, u Jihaadkeeda.

Taasina waxay lamid tahay qof kasoo tagay Furihii uu Gurigiisa/ Qabrigiisa ku gali lahaa, raalli ahaan-shaha Rabbina (swt) ku mudan lahaa uu kasoo dhumay, goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan fure haysanin.  Waxaana dhab ah qofkaasi inuu lakul-mayo xanuun, dhib, ceeb iyo naxdin iyo shlayto fara-badan.

Taasina waxay naxasuusin kartaa; Xadiiskii uu Nabigu (scw) inoo sheegay in maalinta Qiyaamada ay jiraan 7tilmaamood oo dadka wataa ay harsan doonaan hooska Rabbi (swt) waxaana kamid ah, qof dhalin yar oo kusoo barbaaray Alle (swt) kacabsi, Iimaan iyo khayr, oo aan soo marin waqtigii waalida, madadaala, haw-raaca, Diin ka-fogaanta iyo qiimaha arintaasi leedahay.


Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia[email protected]

Hooyda ugu yar iyo hooyada ugu weyn taariikhda inta la ogyahay + Sawirro

Hooyada lagu magacabo Lina Vanessa Medina ayaa waxa ay ku dhalatay September 27, 1939-kii xaafada Antacancha degmada Ticrapo ee dalka Peru,waxa ayna hooyo noqotay May 14, 1945 xilligaas oo ay ku dhashay magaalada Lima iyada oo jirta 5-sano iyo 7-bilood.

Waxa ay dhashay wiil waxaana loo bixiyay Gerardo, Qoyska Medina oo xlligii ay foolaneysay ku fikirsanaa in ay qabto cudurka tumor ,ayaa u qaady isbital iyaga oo lagu war geliyay gabadhoodu in ay dhaleysao arintaa oo fajaciso ku noqotay.

Hasa yeeshee gabadha abaheed ayaa loo xiray sababtaasi darted waxaana looga shakiyay in uu isagu gabadhha uurka u yeelay, waana lasoo daayay markii lagu waayay cadeyn iyada oo lagaran waayay gabadha cunugga waxa kadhalay inkasta oo shakiga ugu weyn laga qabay aabaha iyo wiil iyada ladhashay oo waalnaa.

Dhanka kale Haweenyda ugu da’da weyn ee hooyo nototay ayaa iyana waxaa lagu sheegay Omkari Panwar oo 70-sano jir ah taas oo dalka India ku dhashay wiil iyo gabar bishii November 2008-dii.

Inkasta oo haweneydaan aysan heysan shahaado cadeyneysa xilliga ay dhalatay waxa ay sheegatay in 1957-ay jirtay sagaal sano.

Sawirada Omkari

 

Shirqool halaag badan geysan lahaa oo lagu fashiliyay Dekedda Kismaayo.

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shirqool halaag badan geysan lahaa lagu fashiliyay dekedda magaaladaasi.

Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa galab dhicii lagu qabtay albaabka hore ee dekedda, xilli la doonayay in gudaha loo geliyo dekedda.

Gaariga ayaa waxaa ku rarnaa dhuxul la doonayay in la dhoofiyo, hase yeeshee dhinacyada ayaa waxaa looga soo qariyay miinooyin tira badan, si dekedda loogu dhex qarxiyo.

Saraakiisha ciidamada Soomaalida ee jooga dekedda ayaa sheegaya in dad aysan magacaabin ay kusoo wargeliyaan arrintan, sidaas darteedna ay albaabka ku sugayeen gaariga, maadaama aysan garaneyn midka uu ahaa, xilli gawaari badan dekedda ay galeysay.

Raggii la socda gaariga ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana miinooyinkii laga dejiyay gaariga, ayada oo uusan wax dhib ah dhicin.

Hagbad siyaasadeedka Baarlamanka.

Hagbad, shaloongo ama ayuuto magaca aad doontaba ugu yeer waa un lacag ururtay oo leysku darsaday isla markaana iyada oo kuusan uu hal qof qaato, taas oo aan cid kale kala dhaxeyne uu danihiisa gaarka ah un ku fushado door wareegeedana ay inta badan dumarku xeer wadaag ku yihiin, waxaase iminka soo muuqanaya dhaqan aan ugu magac dari karno hagbadda ama ayuutada mudanayaasha gaar ahaan xildhbaannada qurba juugta ah qaarkood!.

Tooshku wuxuu ifinayaa xildhibaannada lagu soo xulay qaab beeleedka ee aan ku imaanin codka shacabka, hab dhismeedkoodu inuu ahaa yididiilo cusub oo rajo wanaagsan laga filayay, laakin hab dhaqan koodu waa damac aan qarannimo marnaba hiil u noqoneynin oo toosin iyo in laga saxo aan sinaba looga maarmeyn.

Sababtu maxey tahay?.

Dal burbur iyo dhibaato 22 sana ah ka soo kacay bey kudladdani nasiib u yeelatay in ay xilbaanno u noqdaan, iyaga oo ay tiradoodu tahay 275mudane oo ah tiro aad u badan oo culeys ku ah shacab aan ka badneyn 10milyan. Haddaba halkii laga filayay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay samir iyo waddan jacayl ku shaqeeyaan, ayey afka kala furteen, waxeyna codsadeen in xildhibaan kasta uu bil waliba mushahar ahaan u qaato ( $ 2000 )oo doollar, taas oo bil kasta noqoneysa ( $ 550,000 ) oo doollar, lacagtaas oo ah nus malyuun iyo dheeraad canshuurtii dalka ah isku duub ahaanna sanadkiiba noqoneysa adduun dhan ( $ 6,600,000 ) lix malyan iyo lix boqol oo kun oo doollar.

Su’aashu waxey tahay muwaadinka soomaaliyeedow lacagta intaa le’eg dalkaaga bil waliba ma ka go’i kartaa, iyada oo ay maatida soomaaliyeed baahi la daalaa dhacayaan, iyo iyada oo uu weli dalku burbur la il daran yahay dib u dhiskiisa iyo dib u soo nooleyntiisuna aanay weli fari ka qodneyn?, haddaba marka si kale loo eego fikirkaasi sow uma muuqdo ” in la i doorto danbaa iigu jirtay?”.

Xildhibaannada qurba joogta ah qaarkood waxey sameeyaan ama ay qaatan fasax iyo maqnaasho dhowr bilood ah, iyaga oo marka ay dalka dib ugu soo laabtaanna qaata lacago fara badan oo u ururay, taas oo la mid noqoneysa hagbaddii ururtay ama ayuutadii la keydsaday, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa ineysan sanad dalka dib ugu soo laaban oo ay howlahoodii iyo ganacsigoodii iska sii wataan, iyaga oo ku tashanaya la xisaabtan la’aanta jirta waase fal u qaab eg “xor baan u ahay xoola qaadashada”.

Ugu danbeystii xikmad baa oraneysa ” mukulaasha ama bisadda, wax korkeeda taabto waxey ugu neceb tahay biyo, wax ay cuntana waxey ugu jeceshahay mallaayga ama kalluunka”, su’aashu waxey tahay haddii ay biyo neceb tahay sidee bey kalluun ku heleysaa?, waa su’aal is weydiin mudan oo u dhiganta haddii aad xil gudashada neceb tahay sidee baad xildhibaan ku tahay?.

Aaan ka guurno qabiilka aan u guurno qarannimo. Aan baranno xalaasha aan ka tagno xaaraanta. Aan qaadanno nabadda aan ka gudubno colaadda. Aan ku dhaqanno caddaaladda aan ka tagno dulmiga. Yaanan ku mashquulin dhaqaale urursi ee aan eegno danta ummadda. Aan gudanno waajibaadka xilka aan illowno mas’uuliyad xumida.

W/Q: Fanaan Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga u saxiixan.

Isku aadka wareega sedaxaad koobka FA Cup oo la sameeyey.

Kooxda heysa Koobka Chelsea ayaa u safri doonta Southampton ka dib iyadoo la sameeyey isku aadka wareega sedaxaad ee koobka FA Cup.

Manchester United ayaa Upson Park kula ciyaari doonta kooxda West Ham, halka Arsenal ay qoorta u geli doonto kooxdii shalay Emirates ku xasuuqday ee Swansea.

Queens Park Rangers ayaa gurigeeda ku qaabili doonta kooxdaWest Brom. Iyadoo Liverpool ay sugi doonto midkood Lincoln ama Mansfield kuwaas oo ciyaara horyaalka shanaad ee Ingiriiska, kooxda heysata Barclays Premier League Manchester City ayaa Etihad Stadium kusoo dhoweyn doonta Watford.

Tottenham ayaa booqan doonta kooxdii 1987 koobkaan ku garaacday ee Coventry.

Isku aadka wareega Sedaxaad ee FA Cup waa sidaan:

CrystalPalace v Stoke

Brighton v Newcastle

Tottenham v Coventry

Wigan v Bournemouth

Fulham v Blackpool

Aston Villa v Ipswich

Charlton v Huddersfield

Barrow/Macclesfield v Cardiff

Barnsley v Burnley

ManchesterCity v Watford

Swansea v Arsenal

Leicester v Burton

Millwall v Preston

Cheltenham/Hereford v Everton

Derby v Tranmere

Crawley v Reading

Aldershot v Rotherham/Notts County

Middlesbroughv Harrogate/Hastings

Accrington/Oxford v Sheffield United

Southampton v  Chelsea

QPR v West Brom

Peterboroughv Norwich

Lincoln/Mansfield v Liverpool

Bolton v Sunderland

NottinghamForest v Oldham

West Ham v Manchester United

Hull v Alfreton/Leyton Orient

Blackburn vBristolCity

Leeds v Birmingham

Bury/Southend v Bradford/Brentford

Lutonv Wolves

SheffieldWednesday v MK Dons

Kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa 6da ilaa 5ta Janaayo.

 

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu hada ma furna laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararka xanta ah ee maanta la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga.

Xanta tooska ah:

Tababaraha cusub ee QPR Harry Redknapp ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 31-jirka Liverpool u ciyaara Joe Cole marka uu Janaayo suuqu furmo, wuxuuna weydiiyey Reds 5.5 milyan inuu qandaraaskiisa ku burburiyo (Daily Star)

Kooxda heysata Horyalka Talyaaniga ee Juventus ayaa ka fikireysa inay Janaayo dalab u dirto 34-jirka qadka dhexe uga ciyaara Chelsea Frank Lampard keliya todobo bilood ayaana ka hartay qandaraaskiisaStamfordBridge(Metro)

Kubad sameeyaha Inter Milan Wesley Sneijder oo 28 jir ah, ayaa wadada ugu jira inuu six or ah uga tago kooxdiisa waxaana doonaya kooxo dhowr ah oo ka ciyaara Premier League (Sunday Mirror )

David Beckham ayaa soo dhoweyn lahaa hadii lagu daro kooxda Monaco, sida laga soo xigtay macalinka kooxda Faransiiska ah Claudio Ranieri kaasoo soo leyliyey Chelsea (Sky Sports )

Anzhi Makhachkala ayaa isku diyaarineysa inay dalab u dirto 28-jirka weerarka uga ciyaara Chelsea Fernando Torres (The People)

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa qarka u saaran inuu dalab u diro weeraryahanka 27-jirka weerarka uga ciyaaraLyoniyo France Bafetimbi Gomis (The Sun)

Tottenham ayaa Celtic ka xayuubsan karta da’yarka xulka Poland Arkaduisz Milik,kaasoo 10 gool u dhaliyey xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Gornik Zabreze (Sunday Mail)

Tababaraha kooxda Chelsea Rafael Benitez ayaa ka fikiraya inaysan kooxda uu haatan heysto aysan ku filneyn marka lagu daro qaab ciyaareedka weerarka ee Fernando Torres wuxuuna dalaban karaa ciyaartoy kale (Sunday Express )

Xanta aan tooska aheyn:

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho, oo ay kooxdiisa xalay 2-0 ku garaacday AtleticoMadrid, ayaa daydayan kara koox kale oouu ka shaqo bilaabo sida laga soo xigtay tababaraha Manchester City Roberto Mancini (Sunday Mirror)

 

Isbaaradii ugu waynayd oo lagu qaaday amarka madaxweynaha.

Fulinta Amarkii Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay Wali ka socotaa Magalada Muqdisho iyadoo maanta la qaaday isbaaradii ugu waynayd ee duleedka Muqdisho dadka xaqooda lagu banaysan jiray.

Isgooska Ex-controol Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga qaaday isbaaro taalay taasna waxaa ay muujisay in Madaxwaynaha dalka Amarkiisa uu shaqaynayo.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inay Maanta Isbaaradaii ugu waynayd ay qaadeen Guud ahaana ay soo gaba gabay doonaan Isbaarooyinka yaala Gobolada iyo Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Ex-control Axmed yare oo warbaahinta kula hadlay Ex Control Afgooye ayaa wuxuu sheegay in qaadista isbaarada ay ka dambeysay kadib howlgal ay halkaasi saakay waaberigii ay ka sameeyeen ciidanka

Wuxuu sheegay Afhayeenka In Amarka Madaxwaynaha ay  u her geliyeen Sidii looga Tala galay Maadama Amar ka sareeya aysan jirin ayuu yiri.

25-kii bishan ayay Ahayd Markii Madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la qaado Isbaarooyinka Sharcidarada ee yaala Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga oo qarax ka bad baaday.

Wararka ka Imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax lagu weeraraay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Qaraxyada oo ah labo ayaa kan hore waxaa uu ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo ciidamada Amisom  lagu bartilmaameedsaday.

Dad kusugan Afgooye aya sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Buundada Afgooye xaafadaheeda kala barta wallow aan wali la xaqiijin qasaaraha.

Dhinaca kale Qaraxa ayaa lagu qaaday wafdi uu hogaaminayay wasiirka Arimaha gudaha oo todobaadkan wada howlo socdaal ah oo uu ku kala bixinayo Gobolada dalka.

Qaraxa ayaa wasiirka iyo wafdigiisa ay ka dhacay deegaanka Buufow ee hoostaga degmada Marka maadama uu wafdiga halkaas uu ku sii jeeday.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Marka ayaa sheegay inaysan jirin waxyeelo soo gaartay Wafdiga.

Jaaliyada Mataan Cabdule ee Holland oo taageertay talada Malaaqa.

Jaalilayada Soomaaliyeed ee Mataan Cabdulle ee Dalka Holland, ayaa waxaa ay siweyn u taageereen hadal dhawaan ka soo yeeray Malaaqa Xamar iyo Xamr daye Malaaq Ali Malaaq Showri.

War qoraal ah oo jaaliyada Mataan Cabdulle  ee Holland ay soo gaarsiisay Saxaafada Maanta ,ayaa waxaa lagu sheegay in Jaaliyada ay taagerayaan warka ka soo yeeray Malaaqa oo ahaa in Maamul u sameynta Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir ,lagala tashto Mushtamaca degan deegaanadaasi laguan tixgiliyo.

Jaaliyada ,ayaa waxa ay sidookale soo jeedisay in loobaahanyahay in dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay si taxadar leh u gu fiirsato Armimaha Maamul u sameynta  Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir waxaana ay hoosta ka xaqriiqeen in Isbadalka Wadanka Ka dhacay ay aad ugu kol sooniyihiin ,ayna daneynayaan in wax badan laga badalidoono armimaha Maamul usameynta Gobalada aan Sooxusanay.

Jaaliyada ,waxaa ay sidookale soo jeejeedinayaan  in Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaaliyeed ay Taageeraan Hadalka Maalqa 2da shabelle iyo Gobolka Banaadir si looga fogaado Cadaalad Dari mesha ka dhalata.

Ugudanbeyntii qoraalka Jaaliyada Mataan Cabdulle ee Holland waxaa ay ku soo dhaweyeen kuna taagereen Isbadalka Ka dhacay wadanka Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Rafa Benitez oo ka cabsanaya in Chelsea laga ceyriyo.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Rafa Benitez ayaa qirtay inuu ka cabsanaayo in shaqadiisa uu waayo ka dib markii uu guulo gaari waayey sedaxidiisii kulan ee ugu horeysay Blues.

Tababaraha reer Spain ayaa laba kulan oo goolal la’aan ah kooxdiisu la dhaafi weysay Manchester City iyo Fulham halka uu guul darro 3-1 ah shalay kala kulmay West Ham ka dib markii Roberto Di Matteo laga reecdeeyey Stamford Bridge.

Markii wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa ka dib kulankii sabtida ee Upton Park, wuxuu yiri: “Marka koowaad ma ihi boqolkiiba boqol. Ma aanan ku guuleysan kulankaan muhimka ah.

“Waxaan dhihi karaa waxay ku xiran tahay waxa aan garoonka ka sameyno. Marka hadii aan garoonka wax fiican ka sameyno, qof walba wey u fududaan doonta.”

Tababaraha kooxda West Ham Sam Allardyce, oo kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta gool looga hugaaminaayey, laakiin qeybtii labaad isbedel sameeyey, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu Benitez u baahan yahay inuu soo jiito tageerayasha Chelsea intii uu kooxda guulo ku hugaamin lahaa.

“Kooxda ma leylin kartid hadii aysan taageerayaashu garabkaaga taagneyn. Hada ka hor ma aysan dhicin. Wadada keliya ee aad taageerayasha ku heli karto waa inaad guulo gaartaa.

“Hadii aad guuleysato taageerayaashu mar walba waa kaa dambeyn doonaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Man Utd iyo Spurs oo isku heysta daafaca Udinese Benatia.

Mehdi Benatia ayaa diirada u saaran kooxaha Ingiriiska ka dhisan Manchester United iyo Tottenham xidiga kooxda Udinese Mehdi Benatia ayaa soo dhoweeyey wararka la xiriirina midkood kooxaha Manchester United ama Tottenham inta uu Janaayo suuqu furan yahay, sida uu qoray wargeyska Metro.

Ciyaaryahaka ku dhashay Faransiiska balse asal ahaan kasoo jeeda dalkaMoroccoayaa 20 kulan u saftay xulkiisa waana mid ka mid ah daafacyada heerka caalami ee Yurub ka ciyaara, wuxuuna 2010kii Udinese kaga soo biiray kooxda Clermont.

Waxaa sanadihii lasoo dhaafay daafacaan si aad ah loola xiriirinayey kooxaha ugu tunka weyn Spanish-ka Real Madrid iyo Barcelona, halka la ogyahay in kooxaha Premier League ay wakiilo daawada u dirayeen xidigaan 18kii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadii ay Udinese Janaayo midkood United ama Spurs ka iibineyso daafacaan waxaa la ogyahay inay ku xiri doonto madaxiisa 15 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Fernando Torres oo kusii jeeda kooxda Anzhi Makhachkala.

Fernando Torres ayaa wadada u geli doona inuu aado dalka Ruushka hadii uu  tababare Rafa Benitez ku guul darreysto inuu badbaadsho shaqadiisaChelsea, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Anzhi Makhachkala ayaa diyaar u ah inay qaadato weeraryahanka xulkaSpainkaasoo hada cadaadis fara badan ku saaran yahay Horyaalka Premier League.

Tababare Guus Hiddink oo leyliya kooxda reer Ruush ayaa xiriir fiican kala dhexeeyaa milkiilaha Chelsea Roman Abramovich labada nin ayaa la faham san yahay inay ka wada xaajoodeen xaalada adag ee xidigaan ku heysataStamfordBridge.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka ayaa xidigaan 50 milyan oo ginni kaga soo qaatayLiverpool.

Abramovich ayaa rajeynaayey inuu tababare Benitez soo celsho qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee Torres – laakiin midaasi ma aysan shaqeyn Anzhi ayaana diyaar u aha inay la saxiixayto Fernando.

Kooxdaan ayaa heysata ciyaaryahan magac leh oo weerarka ka ciyaara sida Samuel Eto’o  tababare Hiddink ayaase qorsheynaya inuu dhamaadka xilli cyaareedkaan iska casilo kooxda.

Taas ayaana saaameyn doonin inay soo qaataan Torres, sababtoo ah Agaasimaha Ispoortiga ee kooxda ninka reer Brazil Roberto Carlos – ayaa sidoo kale diiradu u saaran tahay Torres.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Beckham oo qarka u saaran inuu ku biiro Paris Saint ­Germain.

David Beckham ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint ­Germain inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan, sida uu qoray Daily Mirror.

Kooxda ka dhisan Faransiisa ayaa rajo ka qabta inay xidiga dalka England lasoo saxiixdaan bisha soo aadan markaas oo uu ka tegaayo LA ­Galaxy.

Beckham ayaana shakhsi ahaan kooxda kula taliyey inay bedelkiisa lasoo saxiixdaan Kaka.

Kooxda ciyaarta horyalka MLS Galaxy ayaa xaqiijisay xiisaha ay u qabto Kaka, laakiin wargeyska Sunday ­Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday inuu Beckham kooxda u sheegay talada ay kula soo wareegayaan xidigii hore eeMilan.

Beckham ayaa kubada sameeyey kala hadkay wax quseeya Horyaalka Major League Super wuxuuna u sheegay sida ay nolashiisu tahay.

Sidoo kale waxaa la faham san yahay inuu xidiga reer Brazil wadahadalo aan toos aheyn la yeeshay saraakiil ka socota Galaxy.

Galaxy ayaa sidoo kale dooneysay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank ­Lampard, laakiin xiriirka ciyaaryahankii hore ee Man Utd kala dhexeeya Kaka ayaa noqon karta inuu raasumalka yimaado kooxdaan.

Ilo ku dhow kooxda Mareykanka ah ayaa sheegaya inay nasiib darro ku aheyd Galaxy inay isku dayeen lasoo saxiixashada labadaan ciyaaryahan Kaka iyo Lampard, dalabkoodii xidiga kooxda Real Madrid ayaana laga soo diiday.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Arsenal oo dooneysa inay Janaayo dalab u dirto Lampard.

Frank Lampard ayaa suuqa kala iibsigu marka uu furmo wuxuu diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa doonaya inuu lasoo wareego 34-jirkaan qadka dhexe uga ciyaara kooxdaChelsea.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ku jira sanadiisii ugu dambeysay ee qandaraaska kooxda Stamford Bridge, tababaraha cusub ee Blues Rafa Benitez ayaana horaan daaha ka qaaday inuu xidigaani six or ah kooxda uga tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wenger, ayaa baadi goob ugu jira ciyaayahan uu ku kabo da’yarka kooxda Emirates sida Jack Wilshere iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Benitez ayaa ku faraxsanaan lahaa inuu sii heysto Lampard ilaa bisha June markaas oo uu qandaraaskiisu dhamaanayo wuxuuna ku tegi karaa si xor ah.

Lampard ayaa dhaawac kasoo kabsanaayey tan iyo markii Benitez yimidStamfordBridgelaakiin tababaraha ku meel gaarka ah ayaa kalsooni ku qaba inuu halyeeygaan qadka dhexe usoo kabsado kulanka Champions League ay arbacada la dheelayaan Nordsjaelland.

Lampard ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo LA Galaxy waxaana sidoo kale diirada saaran karta kooxda QPR hadii ay ku guul darreysato saxiixa David Beckham, balse wuxuu isku sii diyaarin karaa inuu sii joogo Yurub.

Go’aanka Wenger ayey ku xiran tahay hadii uu Lampard dalab u diraayo Janaayo marka uu suuqu furmo.

Lampard ayaa ah xidig wax badan ka yaqaana qaab ciyaareedka Premier League. Halka la sheegayo inuu tababare Wenger diirada u saarnaa xidigaani inta uusan 11 ka hor West Ham kaga soo biirin kooxdaStamfordBridge

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Jose Mourinho oo qarka u saaran inuu ka tago Real Madrid.

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inuu dagaal ciyaartoydisa hareeyey awgeed uga tago kooxdiisa Real Madrid, sida u qoray wargeyska Daily Mirror.

Ilo ku dhow Real Madrid ayaa inay tahay waqtigii uu Jose Mou ka tegi lahaa kooxda Bernabeu, ka hor inta aan la ruqseyn ama shaqada laga ceyrin.

Taasi micnaheeda ayaa loo qaatay in labada tababare ee caalamka ugu wanaagsan Mourinho iyo tababarihii hore ee Barceona Pep Guardiola, ay qarka u saaran yihiin inay xagaaga soo aadan yimaadaan horyaalka xiisaha badan ee Barclays League.

Chelsea, Manchester City iyo United ayaa doonaya Guardiola halka Mourinho la sheegayo inay lacag Rikoor ah ku rabaan maalqabeenada iska leh kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain.

Wargeyska Sunday Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday in xiriirka kala dhexeeya tababare Mourinho daafaca kooxda Real Sergio Ramos uu tegitaankiisa qeyb ka yahay halka ay sidoo kale is afdhaafeen gool haye Iker Casillas.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkaan isna sheegay inuusan ku faraxsaneyn joogitaankiisa Los Blancos.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Askari Isbaaroolihii ugu horeeyay oo lagu toogtay amarka Madaxweynaha.

Dowladda Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muuqda in markan ay wixii ay yiraahdaan ay dhab ka tahay oo ay fulinayaan.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha uu amar ku bixiyay in la dilo askari kasta oo shacabka isbaaro u dhiganaya ama si kale u dhibaya.

Ayaga oo ka dhabeenaya amarka madaxweynaha, ayaa ciidamada ammaanka ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxa ay toogasho ku dileen askari fallaagoobay oo isbaaro dhigtay Xaafadda Suuq Boocle, halkaasi oo uu shacabka ku miranayay.

Maamulka degmada Dharkenley, ayaa lagu wargeliyay inuu jiro askarigaasi, oo uu ku laabtay goob hore isbaaro looga qaaday, halkaasna uu lacag ku dal dalanayay.

Maamulka, ayaa markaas kadib bixiyay amar uu siiyay ciidamada si askarigaasi wax looga qabto. Saaka ayaa ciidamada ammaanka Dharkenley waxa ay ku jarmaadeen askarigaasi, waxayna ugu tageen bartii isbaarada uu dhigtay, halkaasi oo ay ku toogteen, meydkiisana ka qaadeen.

Tani waxa ay digniin cad u tahay isbaarooleyda, oo ay u muujin doonta in xaalku uu hadal iska beddelay. Waxa kale oo ay muujineysaa in madaxweyne Xasan Sheikh uu soo jeestay oo wixii uu yiraahdo ay dhab ka yihiin.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60