25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidanka Kenya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ay ku leeyihiin gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow, waxaana xigay dagaal dhex-maray labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan 4 kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday, iyada oo la dhaawacay saddex kale oo ay goobta ka qaateen Al-Shabaab.

Sidoo kale, kooxda oo war kasoo saartay dagaalka ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh ay gaarsiisay ciidamada Kenya ee dagan saldhigga lagu dagaalamay ee Hoosingow, balse ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, iyada oo ciidamada ay bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxdu.

Gobolladan oo hoosataga Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka socda howlgallo ay fuliyaan ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga oo duqeymo la beegsada Al-Shabaab.

Sawirro: Somalia iyo Nigeria oo yeelanaya iskaashi milatari

0

Kigali (Caasimada Online) –  Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) oo haatan ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan muhiim la yeeshay dhiggiisa dallka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Labada Taliye ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhanka ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo tababarada ciidamada.

Sidoo kale Sahal iyo Usman Abdulmumin ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahayaan cadow isku mid ah oo argagixiso ah, ayna muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa horay sidana oo kale kulan miro-dhal ah ula yeeshay dhiggiisa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Kulankaas ayaa isna diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee tababarada iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) ayaa Kigali u tegay u tegay ka qayb-galka shirka taliyeyaasha ciidamada Ddulka ee Afrika, Land Forces Commanders Symposium 2025, kaas oo la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta tooska ah ee dalalka iyo xiriirka ciidamada, sidoo kalena la is-weydaarsado khibradaha ku saabsan ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Soomaaliya oo maanta gaartay guul taariikhi ah kadib markii loo doortay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaartay guul taariikhi ah kadib markii loo doortay Ku-xigeenka Guddoomiyaha (Co-Chair) ee Madasha Caalamiga ah ee Guryeynta ee UN-Habitat.

Doorashadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray kal-fadhiga labaad ee Madasha Furan ee Dowladda Dhexe ee hoos timaada Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaamaynta iyo Magaalooyinka, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Intii uu socday shirkan, Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay Ku-xigeenka Guddoomiyaha ee Madasha Caalamiga ah ee Guryeynta. Doorashadan ayaa loo arkaa guul taariikhi ah oo muujinaysa kaalinta sii kordheysa ee dalka ee dhanka guryeynta, dib-u-dhiska iyo qorsheynta magaalooyinka waara.

Doorashadaasi ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Soomaaliya ay dadaallo xooggan ku bixineyso soo celinta adeegyada aas-aasiga ah ee magaalooyinka iyo hirgelinta qorshayaal guryo jaban loogu talagalay bulshada danyarta ah iyo barakacayaasha gudaha dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee UN-Habitat ee Nairobi ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay u xoojin lahaayeen iskaashiga maalgashiga guryaha, dhismaha guryo la awoodi karo, iyo qorshayaasha waara ee magaalooyinka.

Azerbaijan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha, iyadoo Soomaaliya la wadaagi doonta hoggaanka mudada 2025–2026. Kahor, xilkan waxaa hayay dalalka Kenya iyo Faransiiska.

Madashan ayaa door muhiim ah ka qaadata hirgelinta siyaasadaha caalamiga ah ee guryaha, iyadoo taageerta mideynta dadaallada dowladaha xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo guryo ammaan ah, waara, oo la awoodi karo qof walba.

SOMALILAND oo xirtay Cabdimaalik COLDOON

0

Burco (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka.

Sida ay ilo xogagaal ah u sheegeen Caasimda Online, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxaa watay ciidamada sirdoonka Somaliland.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxa uu Coldoon maalmihii dambe si weyn uga hadlayay arrimaha canshuuraha, isagoo xukuumadd Somaliland ku eedeeyay in aysan bulshada dib wax ugu soo celin, isla markaana ay shaqsiyaadka xilalka u haya jeebka ku shubtaan.

“Dadka leh cashuurta waxa lagu dhisaa dugsiyo (iskuullo) iyo Dhakhtarro (hospital) xagaad ku aragteen iskuul iyo dhakhtarro bilaash ah?! Oo dadka loogu adeegayo si lacag la’aan ah?! Soo sheega dugsiga ama cisbitaalka ay dhiseen-cashuurqaadayaaahu ee bilaashka ah?! Cashuur-qaadayaaahu adeeg bilaash ah ma bixiyaan walaalayaal,” ayuu Coldoon ku yiri maalmo ka hor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale, Cabdimaalik ayaa si cad uga horyimid qaadista canshuurta, isagoo qoraal kale ku yiri “Muslimiinta sako ayaa ku waajib ah, cashuur in laga qaadaa waa xaaraan.”

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada booliska Somaliland ay xiraan Cabdimaalik Coldoon, ayada oo kal hore maxkamadda gobolka Maroodijeex ay xukuno kala duwan ku riday. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka oo ku aadan xarigiisa.

DF oo farriin mid ah u dirtay Somaliland iyo Waqooyi Bari ka hor safarka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa farriin toos ah u dirtay Somaliland iyo maamulka cusub ee Waqooyi Bari, xilli uu maalmahan soo aadan uu magaalada Laascaanood tegayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa baaq mid ah u diray maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari, isagoo ka dalbaday in heshiis nabadeed la gaaro.

Cali Xoosh ayaa labada maamul ee is-haya usoo jeediyay inay shacabka u daneeyaan, isla markaana ay ka heshiiyaan xiisadda ka dhex aloosan, si maxaabiista la isku dhaafsado isu socodkana la iskugu furo.

“Somaliland iyo Waqooyi Bari labada maamulba waa inay heshiiyaan oo masaalixda ku heshiiyaan, shacabkana u turaan ayaa laga rabaa,” ayuu Wasiir Cali Xoosh ku yiri wareysi cusub oo uu bixiyay.

Dhinaca kale, Wasiir Cali Xoosh oo la weydiiyey in uusan tegi karin magaalada Garoowe ee laga soo doorto ayaa sheegay inuu booqan karo, isla markaana aysan jirin cid u diidi karta sida uu hadalka u dhigay.

“Garowe waan tagi doonaa, cid iga hor istaagi kartaana ma jirto,” ayuu hadalkiisi sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa dhawaan si cad uga horyimid in maxaabiista Somaliland lasii daayo iyadoo heshiis laga gaarin dagaalladii ka dhacay Laascaanood, xilli haatan ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu daayo maxaabiista xiran.

Maamulka ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ciidanka Somaliland ee gacanta ku hayaan ay ku xiran tahay in marka hore la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dhinac.

Si kastaba, baaqan ay dowladda dhexe u jeedisay maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmahan soo aadan uu tegi doono magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), oo bishii August loo doortay Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee Laascaanood lagu arkayay sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo calanka qaranka oo laga taagay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd in magaalada Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminaya 5-ta sano ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.

Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

Madaxweyne Trump oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah…

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto beegsiga dadka ku lugta leh ganacsiga daroogada, isagoo adeegsaday ereyga in “dad la dili doono”.

Trump ayaa hawl-galladaasi ku sifeeyay dagaal dhab ah, inkasta oo uu qirtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay u baahan tahay oggolaanshaha Congress-ka.

Maamulka Trump ayaa toddobaadyo duqeymo ka fulinaya badaha Caribbean-ka iyo Pacific-ga, halkaas oo ay ku dileen 37 qof, inkasta oo aan la soo bandhigin caddayn muujinaysa in doomaha la beegsaday ay daroogo wadeen.

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa dhaleeceeyay hawlgalladaas, isagoo yiri: ”dhimashadu waxay u sii kordhaysaa sida mitirka tagsiga”.

Hadallada Trump ayaa durba dhaliyay doodo ballaaran oo ku saabsan isticmaalka xoog militariga ee gudaha iyo dibadda.

Qorshahan ayaa abuuri karo khilaaf sharci iyo mid diblumaasiyadeed, iyadoo saraakiil hore oo Pentagon ah ay ka digeen in tallaabooyinkaas ay horseedi karaan dhimasho rayid oo aan loo meel dayin.

Sidoo kale, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo duqeymaha, maadaama aysan jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in dadka la dilay ay ahaayeen ganacsato daroogo.

Si kastaba, Trump ayaa qorsheynaya in Senate-ka uu ka codsado in howl-galka lagu balaariyo dhulka, taas oo sii kordhisay dhaleeceynta iyo su’aalaha la iska weydiinayo sharcinimada hawl-galladan.

Soomaaliya iyo Turkiga oo wada-hadal ka yeeshay dhibaato soo korodhay

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa wada-hadal muhiim ah ka yeeshay xal u helista dhibaatooyinka kusoo kordhay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa wada-hadalladan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya.

Labada dhinac ayaa kulankaas diiradda ku saaray arrimo la xiriira sidii jaaliyadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa sharci xagga degenaanshaha ah iyo sidii xal waara loogu gaari lahaa cabashooyinka iyo dhibaatooyinka kale ee ay tirsanayaan jaaliyadda Soomaalida.

Danjiraha ayaa si weyn ugu mahadceliyay Jamhuuriyadda Turkiga oo mar kasta taageero iyo garab-istaag joogto ah u fidisa dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

“Danjire Fatxudiin ayaa mahad gaar ah u celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo si dhow safaaradda ugala shaqeeyay helidda arrimaha sharciga ee ay u baahan yihiin jaaliyadda Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay dadaal ugu jiray xal u helidda dhanka degenaanshaha ee ay daneynayaan qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.

Si kastaba, Soomaalida ku nool Turkiga ayaa cabasho ka keenay sharciga degenaanshaha dalkaas oo qaarkood dartiis xabsi u galeen, halka kuwa kalena la sheegay in laga masaafurinayo dalkaas sababo la xiriira dhinaca sharciga.

Israel oo shuruud yaab leh ku xirtay Sacuudiga xilli uu socdo qorshe xasaasi ah

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa Khamiistii shaaciyay in ay oggolaan doonaan heshiis diblumaasiyadeed oo lala yeesho Sacuudi Carabiya oo keliya haddii uusan heshiiskaasi ku jirin qorshe lagu dhisayo dowlad Falastiin ah. Smotrich ayaa sidoo kale ku booriyay Sacuudiga “inay dib ugu noqdaan geel wadidda.”

“Marka Sacuudi Carabiya ay na tiraahdo xiriirka caadiga ah wuxuu suurtagal noqonayaa oo keliya haddii Falastiin noqoto qaran madax-bannaan, taas kama aqbaleyno. Mahadsanid,” ayuu yiri Smotrich.

Wuxuu intaas kusii daray: “Dadweynaha Sacuudi Carabiya ha sii wadaan geel raacnimada saxaraha, annaguna waxaan sii wadi doonaa horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo dalkayaga.”

Hadalkan ayuu ka jeediyay shir uu cinwaankiisu ahaa “Halakha in the Age of Technology,” oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka Zomet iyo wargeyska Makor Rishon.

Bayaanka Smotrich ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo uga timid siyaasiyiin mucaarad ah iyo xildhibaano ka tirsan isbahaysiga talada haya, kuwaas oo ku tilmaamay hadalkiisa mid jaahilnimo iyo mid dhaawacaya sumcadda Israa’iil.

Smotrich ayaa saacadood kadib bixiyay raalli-gelin, isagoo yiri: “Hadalladii aan ka sheegay Sacuudi Carabiya ma ahayn kuwo munaasib ah, waxaana ka cudurdaaranayaa gefka dhacay.”

Hadalka hoggaamiyaha xisbiga garabka midig, ayaa imanaya xilli Mareykanka uu si hoose uga shaqeynayo sidii Sacuudiga loogu soo dari lahaa Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), inkastoo dhammaan wada-hadalladii caadiyeynta xiriirka Israa’iil ay burbureen kadib weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 ee ay Xamaas hoggaaminaysay ee koonfurta Israa’iil, iyo xasuuqii xigay ee Israa’iil ay ka geysatay Gaza ee ka dhanka ahaa Falastiiniyiinta.

Iyadoo ay hadda jirto xabbad-joojin aan sal adkeyn, ayuu ergayga Trump u qaabilsan hawlgallada nabadda, Steve Witkoff, wuxuu toddobaadkii hore sheegay inuu aaminsan yahay in duruufuhu hadda u saamaxayaan waddamada gobolka inay mar kale ka fikiraan caadiyeynta xiriirka.

Laakiin dhaqanka Israa’iil ee Gaza oo si weyn loo dhaliilay iyo duqeymaha ay ka geysatay toddoba dal oo kale labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa yaraynaysa suurtagalnimada in haatan la ballaariyo heshiisyada Abraham, ugu yaraan hadda.

Dowladda Soomaaliya oo ruqsaynaysa askarta lagu helo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciidanka dowladda ka saareyso askarta lagu helo isticmaalka maandooriyaha.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhankiisa shaaciyay in isbeddel ballaaran lagu sameeyay ciidanka asluubta, isagoo xusay in si adag loola tacaalay askarta isticmaasha walxaha maanka dooriya iyo kuwa ku lugta leh iibinta hubka.

Taliye Shub ayaa hoosta ka xarriiqay in inkasta oo tirada ciidanka asluubta ay ka yar tahay kuwa kale, haddana tayadoodu tahay tan ugu muhiimsan, maadaama ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta nidaamka gudaha xabsiyada dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in askari kasta oo la ogaado inuu qarinayo xogta la xiriirta askari kale oo ku hawlan iibka hubka la ciqaabi doono, isla markaana laga ruqseyn doono shaqada.

Wuxuu ku boorriyay ciidanka in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo lid ku ah anshaxa iyo masuuliyadda shaqo.

“Waxaan ciidanka ka sifaynaynaa xashiisheenta iyo Aalkaluusta. Cid kasta oo lagu qabto waa laga saaraya ciidanka, waana arrin amar madaxweyne ku taagan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in la wado dhismaha iyo tayaynta ciidanka asluubta, isagoo caddeeyay in dhalinyaro cusub loo tababaray si ay u beddelaan saraakiisha da’da ah ee shaqada ka fariisanaysa, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhisayo ciidan casri ah oo tayo leh.

Dowladda Federaalka ayaa hore u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay soo celiso sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka qaranka, oo sanadihii lasoo dhaafay si weyn u lumay kadib ficillada askarta qaar ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

SOOMAALIYA, Itoobiya iyo Eritrea oo loo aqoonsaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa loo aqoonsaday inay yihiin waddammo ay si weyn ugu howlgalaan dadka dadka tahriibiya, kuwaasoo adeegsada waddooyin halis ah si ay u fududeeyaan socdaalka sharci-darrada ah.

Sida ku cad xogta Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), waxaa kordhay socdaalka shaqo doonka ah ee sharci-darrada ah ee mara Jidka Bari — kaasoo isku xira Ethiopia, Jabuuti, Soomaaliya iyo Yemen — siddeeddii bilood ee ugu horreysay sanadkii 2025.

Hay’adda IOM ayaa jidkan ku tilmaantay mid ka mid ah marinada socdaalka ee ugu mashquulka badan uguna khatarta badan caalamka, ayna isticmaalaan boqollaal kun oo tahriibayaal ah.

Nihan Erdogan, oo ah agaasime ku-xigeenka gobolka ee IOM u qaabilsan Bariga, Geeska, iyo Koonfurta Afrika, ayaa tiri: “Dabagalka aan samaynay wuxuu muujinayaa in muwaadiniinta ka socda Ethiopia iyo Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee ku lug leh tahriibka sharci-darrada ah. Taasi waa bariga Geeska Afrika. Dadka kale ee gobolka waxay sidoo kale doortaan inay u socdaalaan waddamada koonfurta, halkaasoo ay ka jiraan dhaqaale dakhligoodu dhexdhexaad yahay oo bixiya fursado shaqo,” ayay tiri Ms Erdogan oo ka hadlaysay kulanka 3-aad ee ku saabsan Shaqaalaha, Shaqada, iyo Socdaalka Shaqaalaha. Shirkaas waxaa isugu yimid dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Horumarinta (Igad) oo ku kulmay Nairobi.

Warbixin shirka lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in shaqo la’aantu ay dhallinyaro badan u nugleysay ballanqaadyo been ah oo la xiriira shaqooyin laga helayo dibadda.

Warbixintu waxay muujisay in tirada dadka maray Jidka Bari ay ka kordheen 178,300 sanadkii 2024 ayna gaareen 238,000 bishii Juun 2025. Hay’adda IOM ayaa kororkan ku sababaysay dhibco cusub oo lagu dego oo laga sameeyay magaalada Ta’izz ee dalka Yemen — taasoo ah waddo sharci-darro ah oo ay tahriibiyeyaashu u adeegsadaan inay kaga dhuuntaan laamaha xuduudaha — iyo koror dhexdhexaad ah (lix boqolkiiba) oo ku yimid tirada dadka ka dhoofaya Ethiopia.

Xogta IOM waxay kaloo muujineysaa in 55,700 oo muhaajiriin Ethiopian ah si qasab ah looga soo celiyay dalka Saudi Arabia, taasoo ah qiyaastii 2 boqolkiiba wax ka yar tiradii sanadkii hore.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaa kordhay soo celinta wiilasha (+31 boqolkiiba) iyo gabdhaha (+18 boqolkiiba). Tirada dadka la soo celiyay ayaa si weyn u korodhay intii u dhaxaysay rubucii hore (12,800) iyo rubucii labaad (42,950) ee sanadka. Dadka la soo celiyay badankood waxay u jiheysteen gobollada ay colaaduhu saameeyeen ee Amhara (36 boqolkiiba), Tigray (35 boqolkiiba), iyo Oromia (25 boqolkiiba), kuwaasoo sidoo kale hoy u ah dad barakacayaal ah oo aad u tiro badan (1.7 milyan).”

Tirada muhaajiriinta sida iskood ah u soo laabtay ayaa ka korodhay 7,400 sanadkii 2024 waxayna gaartay 12,000 bishii Juun 2025.

Ms Erdogan waxay sheegtay in 78 muhaajiriin ah ay dhinteen ama la waayay — 66 waxay ku geeriyoodeen Jabuuti, 11 Yemen, iyo hal qof Soomaaliya — intii u dhaxaysay Abriil iyo Juun 2025, xilli ay ku safrayeen Jidka Bari.

“Laga soo bilaabo Juun 2025, 348 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay ama lagu la’yahay Jidka Bari, marka la barbar dhigo 310 qof oo isla muddadaas dhintay sanadkii 2024,” ayay tiri.

Dalka Ethiopia — oo lagu tilmaamo inuu leeyahay xuduudo daloola oo fududeeya tahriibka sharci-darrada ah — ayaa dib u cusbooneysiiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta is-dhexgalka gobolka, fududeynta socdaalka shaqaalaha ee badqaba, iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ku sugan gobolka IGAD.

Ururka IGAD wuxuu ka kooban yahay dalalka Kenya, Soomaaliya, Uganda, South Sudan, Ethiopia, Sudan, Jabuuti, iyo Eritrea. Dhammaan waddamadan waxay la daalaa-dhacayeen sidii ay u xakameyn lahaayeen qulqulka dhallinyarada xirfadda-dhexaadka ah ee u jihaysta waddamada Khaliijka si ay shaqo uga raadsadaan.

Dadkii ka hadlay shirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo sharciyada socdaalka shaqaalaha ee gobolka.

Doodaha ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin mushahar yarida, khataraha la xiriira socdaalka, iyo xuduudaha daloola ee kumanaan qof u bandhiga dhiig-miirasho ay u geystaan loo-shaqeeyayaal aan damiir lahayn. Arrintan waxaa suurtageliyay la’aanta sharciyo ku habboon oo maamula socdaalka shaqaalaha.

Dr Workneh Gebeyehu, xoghayaha fulinta ee IGAD, ayaa sheegay in malaayiin muwaadin oo gobolka ka soo jeeda ay sanad walba u shaqo doontaan Bariga Dhexe, Khaliijka, iyo meelo ka baxsan — iyagoo inta badan aan tixgelin khataraha ku gedaaman.

“Hase ahaatee, dad aad u badan, oo uu quus ku riixayo, ayaa naftooda halis ku geliya marinno dilaa ah sida Badda Cas, oo galaafatay nolosha in ka badan 3,400 oo qof 10-kii sano ee la soo dhaafay. Annagoo ah IGAD, waa inaan u xaqiijinnaa xaalado caddaalad ku dhisan shaqaalaheenna dibadda jooga, isla markaana aan shaqo abuur ka samaynaa dalkeenna si ay dadkeennu ugu barwaaqoobaan halkii ay u dhasheen.”

Wasiirrada Shaqaalaha ayaa ku tilmaamay socdaalka shaqo ee sharci-darrada ah “bam saacadaysan” oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah iyo ka go’naansho lagu xaqiijinayo socdaal badqaba, sharaf leh, oo si wanaagsan loo maamulo oo ka dhaca gobolka iyo meelaha ka baxsan.

Wasiirka Shaqada ee Kenya, Dr Alfred Mutua, ayaa sheegay in gobolku ay waajib ku tahay inuu isku xiro arrimaha shaqaalaha, shaqooyinka, iyo xuquuqul insaanka.

“Waxaa jira dhallinyaro badan oo aqoon leh balse shaqo la’aan ah. Waxaan rabnaa inaan doodda u weecinno sidii dadku ay shaqo ugu aadi lahaayeen dibadda, dibna ugu soo laaban lahaayeen, loogulana dhaqmi lahaa si habboon. Waa inay helaan shaqooyin wanaagsan, si fiican loo siiyo mushaar, ayna helaan heerar la isku halleyn karo oo dhanka xuquuqul insaanka ah,” ayuu yiri Dr Mutua.

“Waa inaan wax ka qabannaa ka ganacsiga dadka si aan dadka looga faa’iideysan oo kaliya sababtoo ah waa dad quus ah.”

Dr Workneh wuxuu ku dhiirrigeliyay in la sameeyo nidaam fiiso mideysan.

“Arrintan kuma cusba adduunka, waxna u dhimayso amniga iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah. Waxaa looga jeedaa in lagu fududeeyo socdaalka shaqaalaha oo noqda mid hufan oo waxtar leh,” ayuu yiri.

Xog: Mucaaradka oo isku khilaafay muddo kororsiga lagu tuhmayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaya kala qeybsanaan u dhaxeysa xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku saabsan muddo-kordhinta la rumeysan yahay inay raadineyso Villa Somalia, xilli uu gabaabsi yahay muddo-xileedka Dowladda Federaalka.

Sida aan xog ku helnay, khilaafka ayaa ka taagan sida loo wajahayo muddo-kordhinta la tuhunsan yahay inay ku socoto Villa Somalia, iyadoo xubno qaar ay qabaan in hadda war laga soo saaro oo la dhalleeceeyo, halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in aan laga hadlin maadaama weli madaxweynaha uu waqti sharci ah u harsan yahay.

Farriimo ay is-dhaafsadeen xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta ayaa lagu gorfeeyay sida looga hortagayo damaca madaxtooyada, balse weli iskuma raacin go’aankooda iyo sidii loo soo saari lahaa war mideysan oo arrintan ku saabsan.

Xubno ay ku jiraan Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qaba in laga hortago hawshaas, oo si rasmi ah mawqif looga qaato lana soo saaro war-murtiyeed, si loo weeciyo dhiirigelin kasta oo Villa Somalia ay ka qabto inay ku dhaqaaqdo qorshahan.

Hase yeeshee, xubno kale oo ay ka mid yihiin laba ra’iisul-wasaare hore, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa aaminsan in warkan uu yahay mid aan sal lahayn, sidaas darteedna ka hadalkeedu uu sharciyad iyo dhiirigelin siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh. Xubnahan ayaa qaba in la sugo illaa Villa Somalia ay tallaabadan ku dhaqaaqdo ama muujiso calaamado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa muddo-xileedkiisa ka harsan ku dhowaad 7 bilood, oo macnaheedu yahay in weli uu waqti ku filan u harsan yahay si loo billaabo qabashada doorashada.

Hase yeeshee, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in doorashada qof iyo cod ee muddo uu ka shaqeynayey madaxweynaha ay tahay mid aan dhici doonin, ujeeddaduna tahay in marka waqtigu soo dhowaado laga laabto; taasi oo waqti dheeri ah siinaysa madaxweynaha si uu xafiiska u sii joogo, ka dibna billaabo qabashada doorasho dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo ku adkeysanayey in uusan rabin muddo-kororsi, ayna ka go’an tahay inuu fuliyo ballan-qaadkii uu sameeyey ka hor inta aan la dooran, oo ahaa inuu dalka ka saaro nidaamka qabiilka, una gudbiyo doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu hore uga aqbalay xubnihii ka baxay Madasha, sida Shariif Xasan, Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Mursal, in madaxweynaha ay xildhibaannadu soo doortaan, halka xildhibaannada iyo xubnaha golayaasha deegaanka ay ku imanayaan doorasho qof iyo cod.

Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka waxay isku waafaqeen in diidmo laga hor keeno qorshe kasta oo muddo-kordhin ah, hase yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay sida loo wajahayo iyo goorta laga jawaabayo, waxaana weli socda la-tashiyo arrintan ku saabsan.

Sawirro: Muxuu yahay shirka uu Danjire Ameeriko uga qeyb-galay magaalada Dubai?

Dubai (Caasimada Online) – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa magaalada Dubai uga qayb galay Shirkii 2-aad ee Port Development Middle East & Africa Forum.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu Ameeriko ku yiri: “Waxaan ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Port Development Middle East & Africa Forum oo lagu qabtay Dubai, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dekedaha, maal­gashadayaasha iyo khubarada badda ee caalamka.”

“Waxaan kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering iyo hay’ado kale oo goboleed. Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo in Dekedda Muqdisho noqoto xarun badeed oo istaraatiiji ah,” ayuu yiri Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nur (Americo).

Sida uu sheegay, iskaashiyadan cusub waxaa loogu talagalay in ay xoojiyaan awoodda badda ee Soomaaliya, isla markaana meel sare ka gaarsiiyaan Dekedda Muqdisho, taas oo dhawaan lagu aqoonsaday qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka inay tahay dekedda ugu horumarsan Bariga Afrika.

Shirweynaha 2-aad ee Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe & Afrika wuxuu u adeegaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirrada u dhexeeya hawl-wadeenada dekedaha, bixiyeyaasha xalalka iyo daneeyayaasha warshadaha.

Wuxuu fududeeyaa isu-xirnaan macno leh, wadaagista aqoonta iyo iskaashi si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha gobolka. Ka-qaybgalayaashu waxay helaan faham ku saabsan xalal hal-abuur leh, hab-raacyo ugu fiican iyo isbeddello mustaqbal ah, taas oo u suurto gelisa inay wadaan hufnaan, joogteyn iyo tartan dekedeed.

Natiijooyinka shirka waxaa ka mid ah istaraatijiyado la fulin karo, iskaashiyo iyo fikrado taageera kobaca iyo isbeddel-sameynta warshadda dekedaha ee Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nur (Americo), tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, waxa uu sare u kac xooggan iyo kobcin ku wadda Dekedda Muqdisho, waana shaqsi hawl-badan oo wax badan ku soo kordhin doona Dekedda Muqdisho. Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
+254-711-830-393

Madaxweyne Trump oo shaaciyey in uu taageerada kala laabanayo Israel haddii…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Israel ay waayi doonto taageerada muhiimka ah ee ay ka hesho Mareykanka haddii ay goosato oo ay ku darsato dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay majaladda Time Magazine.

Hadallada Trump, oo Time ay sheegtay inuu ku bixiyay khadka telefoonka 15-kii Oktoobar, ayaa la daabacay maalintii Khamiista, xilli ay madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ay labaduba ka digeen wax kasta oo la xiriira ku darsasho dhul.

“Ma dhici doonto. Ma dhici doonto sababtoo ah waxaan ballan siiyay waddamada Carabta. Taasna hadda ma samayn karaan. Waxaan helnay taageero weyn oo Carbeed,” ayuu yiri Trump mar la weydiiyay waxa ay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara Israel haddii ay sidaas samayso.

“Israel waxay waayi doontaa dhammaan taageeradii ay ka heli jirtay Mareykanka haddii ay taasi dhacdo.”

Trump ayaa sidoo kale u sheegay Time Magazine inuu aaminsan yahay in Sacuudi Carabiya ay ku biiri doonto Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), oo caadi ka dhigaya xiriirka u dhexeeya Israel iyo dalalka Carabta, dhammaadka sanadkan.

“Haa, waan aaminsanahay. Waan aaminsanahay,” ayuu yiri mar la weydiiyay inuu u malaynayo in Riyadh ay ku biiri doonto muddadaas.

“Bal eeg dhibaato ayay qabeen. Waxay qabeen dhibaatada Gaza, waxayna qabeen dhibaatada Iran. Hadda ma qabaan labadaas dhibaato,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya dagaalka Israel ee Gaza iyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, oo duqeymaha cirka ee Mareykanka ay beegsadeen horraantii sanadkan.

Trump ayaa markaas sheegay inuu “go’aan ka gaari doono” in Israel ay sii dayso maxbuuska caanka ah ee Falastiiniga ah, Marwan Barghouti, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka nabadda.

Barghouti, oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Fatah, ayaa ka mid ahaa maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee Xamas ay doonaysay in la sii daayo taasoo qayb ka ah heshiiska Gaza, sida ay sheegeen warbaahinta dawladda Masar la xiriirta.

Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay u diray Israel saraakiil sarsare oo isdaba joog ah si ay u xoojiyaan xabbad-joojinta jilicsan ee Gaza, oo uu isagu dhex-dhexaadiyay horraantii bishan.

Laakiin xilli uu Vance soo gaba-gabeynayay booqashadiisii saddexda maalmood ahayd, Rubio-na uu soo gaaray, waxay sharci-dajiyayaasha Israel meel mariyeen laba sharci oo gogol-xaar u ah ku darsashada Daanta Galbeed.

Vance ayaa sheegay inay ahayd “wax siyaasadeed oo aad u doqonimo ah, shakhsiyan anigana waxaan u arkaa gef.”

Markii uu Rubio ka soo ambabaxayay Washington, wuxuu uga digay Israel inay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabooyinka ay qaadeen baarlamaanka iyo rabshadaha dadka deegaanka sharci-darrada ah ay halis gelinayaan xabbad-joojinta Gaza.

Maxay tahay abaalmarinta ay markii ugu horeysay ku dhawaaqday Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hirgelinaya abaal-marin madaxweyne oo cusub oo lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka teknoolajiyada ee dhalinyarada Somaliland.

Abaal-marintan oo lagu magacaabayo “Abaalmarinta madaxweynaha ee hal-abuurka Teknoolajiyada dhalinyarada Somaliland”, ayaa noqoneysa mid sanadle ah, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay telefishanka Somaliland.

Abaalmarinta ayuu madaxweynuhu ku maamuusaya dhalinyarada la timaadda hal-abuur dhinaca teknoolakiyada ah, sida barnaamijyo iyo kaabayaal teknoolajiyadeed oo daboolaya baahi jirta, ama shaqo fududaynaya, dedejinaya ama waxtarkeeda kordhinaya.

Abaalmarintan ayaa la sheegay inuu mutaysanayo qof kasta oo dhalinyaro ah oo kaalinta u sarraysa ka gala tartanka hal-abuurka dhalinyarada ee teknoolajiyada oo ay xukuumaddu sannadle u qabanayso.

“Waa hindse uu madaxweynuhu dhalinyarada ku dhiirrigelinayo barashada iyo ka faa’idaynta teknoolajiyadda, sidoo kalana ay dhalinyaradu ka helayso abaalmarin lacageed, si ay ficil ugu beddelaan hal-abuurkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Somaliland.

Abaalmarintaan ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo Carwada Teknoolajiyadda iyo Shirweynaha 7-aad ee ICT-ga Somaliland 2025 oo ah carwada ugu weyn ee teknoolajiyada Somaliland.

Carwadan ayaa lagu qabtaa Hargeysa, si loo xoojiyo isdhex-galka, hal-abuurka, iyo maalgashiga dhijitaalka ah ee Somaliland, iyadoo la filayo in 25 ilaa 31-ka bishaan uu Hargeysa ka qabsoomo shirkaan.

Tartanka hal-abuurka oo ay xukuumadda Somaliland qorsheyneyso in la qabto sannad kasta ayaa lagu dooran doonaa dhalinyarada leh fikrado cusub oo la taaban karo, kuwaas oo ku guuleysta abaalmarintaan.

Si kastaba, abaalmarintan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Somaliland ee uu madaxweynaha si gaar ah ugu maamuuso hal-abuurka dhallinyarada Somaliland, taasoo astaan u ah siyaasadda cusub ee xukuumadda ee lagu horumarinayo aqoonta, dijitaalka iyo hal-abuurka gudaha ah.

Shakiga inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo Somaliland la gaartay DF oo xoogeysanaya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa wajaheysa fadeexaddii ugu xooganeyd ee gudaha ah, kadib markii si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa).

Mucaaradka Somaliland oo si adag u dhaliilay hanaanka ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u wajaheyso arrintaan, ayaa shaki xooggan ka muujiyay inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo u dhaxeeyay Muqdisho iyo Hargeysa, kaasi oo la xiriira go’aanka e-Visaha.

Xisbiga mucaaradka ee Kaah ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in arrintaan ay dhaawac weyn ku tahay Somaliland, iyadoo sida xukuumadda uga gaabsanayso arrintaan ku tilmaamay “mas’uuliyad darro iyo meeqaam xumo siyaasadeed”.

“Maxay xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday shirkadaha diyaaradeed ee fulinaya una hoggaansamaya amarka e-Visa Somalia? Waxaan arkayey warqad wiifto ahayd ay oo Wasaaradda duulistu ugu jawaabaysay muwaadiniinteeda, halkii ay warqad amar ama digniin ah ugu qori lahayd cidda arrintaas ku kacday,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Kaah.

Somaliland oo shalay si kooban uga hadashay arrintaan ayaa sheegtay in culeyska ay dareemeen dadka ka imaanaya Mareykanka, Canada iyo Yurub, iyadoo la waydiinayo nidaamka Dowladda Federaalka ee e-Visa.

Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa sheegtay in ay xiriir la sameysay dhinacyada ay quseyso, iyadoo markaas si adag uga digtay in arrintaasi la siyaasadeeyo, taasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn looga fal-celiyay. Hase yeeshe, Somaliland ma qaadin tallaabo la taaban karo oo uga jawaabeyso arrintaan, waxayna ka gaabsatay inay shirkadaha diyaaradaha kusoo rogto amar ka dhan ah go’aanka dhaqan-galay.

Isniintii ayey ahayd, markii Guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi uu sheegay in garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.

“Dubai ayaa laygu weydiiyey dal-ku-galka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, muran ayaan ku dhaafay, maanta waa la sii adkeeyey, xukuumaddeenna Somaliland ka aqbali mayno arrintaas waan ku dhaliilaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Kaah.

Maxamuud Xaashi ayaa markaas hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan, oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu jarto midka e-Visa ee Dowladda Federaalka, kaasi oo laga rabo in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Kaah

FAAFIN RASMI AH: BARNAAMIJKA E-VISA

Barnaamijka e-Visa, Madax-bannaanida (Sovereignty), dhaqaalaha, Siyaasadda iyo bulshada Somalilandba waxa uu ku yahay dhaawac weyn. Balse sida xukuumadda aamusku astaanta u yahay uga gaabsanayso ee ay u marin habaabinayso waa mas’uuliyad darro iyo Meeqaam xumo siyaasadeed.

Dadka ugu badan ee Madaarka Hargeysa kasoo dega waa qurbe joogta oo haysta baasaboorrada dalal kale. Lacagta ay Visaha ku dalbanayaanna waxay ku dhacaysaa Hay’adda socdaalka iyo waaxda maaliyadda ee wasaaradda duulista iyo hawada ee Soomaaliya.

Diyaaradda Hargeysa kasoo degaysa ee muwaadiniinta Somaliland imanaya ku fulinaysa amarka Xamar, waa labo midkood:

1. Inay dabcsanaan iyo daciifnimo ka dareemeen xukuumadda Waddani ee xukunku haysa, iyo

2. In uu jiro qodob arrintaas ku saabsan oo Soomaaliya iyo Xukuumadda Waddani isla ogyihiin, shacabkauna aanay ogayn balse jugta un ay ku war heleen, ilayn waa umad xukuumadoodii afkaba buuq juuq uga odhan e.

Haddii aanay labadaas mid ahayn, maxay xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday shirkadaha diyaaradeed ee fulinaya una hoggaansamaya amarka e-Vsa Somalia? Waxaan arkayey warqad wiifto ahayd ay oo Wasaaradda duulistu ugu jawaabaysay muwaadiniinteeda, halkii ay warqad amar ama digniin ah ugu qori lahayd cidda arrintaas ku kacday.

Arrintan waxay culays daran saarayaa imaanshaha qurbe joogta oo Somaliland u ah il dhaqaale oo aad weyn. Sidoo kale Airport-ku waa ilaha dakhli ee dalka kuwa ugu waaweyn, taasina waxay dhaawacaysaa mid kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Duqeymo culus oo lagu beegsaday godadkii ugu adkaa ee Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeymo cirka ah ka fulisay togga Baallade, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish.

Xogo hordhac ah oo laga helayo ilo amni oo Puntland ah ayaa xaqiijiyay in duqeyntu lagu bartilmaameedsaday godad adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka mid ah firxadkii kooxdaas, kuwaas oo ku go’doonsanaa aaggaas.

Goobaha la beegsaday ayaa lagu sheegay Hays, Baarikallaah iyo Marraagade, kuwaas oo dhamaan ku yaalla togga Baallade, halkaas oo ciidamada difaaca Puntland ay muddooyinkii dambe ku hareereeyeen dagaal-yahaannada kooxdaasi.

Saraakiil amni ayaa sheegay in ciidamada ay saaka waaberigii weerar dhulka ah ku qaadeen meelihii xalay la duqeeyay, si loo xaqiijiyo in aysan jirin xubno ka badbaaday ama isku ururinaya mar kale.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hawl-galku weli socdo, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaan iyo sifeyn lagu raadinayo xubno kale oo Daacish ah.

Ilaa hadda ma cadda tirada khasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarrada dhulka ah.

Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee maamulka doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayuu maamulku sheegay inuu marayo heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish.

Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka bilowday dalalka Yurub + Qorshaha

0

Berlin (Caasimada Online) – Dagaal sirdoon oo qarsoon ayaa ka socda gudaha dalalka Yurub, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha tamarta gaaska ee Ruushka, si loo jaro xiriirka dhaqaale ee Ruushka iyo Yurub.

Dad badan waxay ogyihiin dagaalka Ukraine, balse waxa aanay garanayn in gadaashiisa uu socda dagaal qarsoon oo ka khatar badan, kaas oo aan lagu wadin dhul furan ama ciidamo, balse lagu dagaallamayo dhuumaha shidaalka, xarumaha sifaynta saliidda, iyo ilaha tamarta ee isku xidha qaaradda.

Waxa dhacday toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa tusaale u ah dagaal aan magac loo bixin oo sirdoon ah, mid ay u muuqato in uu leeyahay qorshe istaraatiiji ah oo waqti dheer lagu dhisayo.

Subaxdii Isniinta, qarax xooggan ayaa gilgilay dalka Romania, oo ka tirsan xulafada NATO. Qaraxaas wuxuu si toos ah u beegsaday mid ka mid ah warshadihii ugu waaweynaa ee sifaynta saliidda Romania ee Petrotel Refinery, oo si buuxda ay u leedahay shirkadda Ruushka ee Lukoil. Marka hore dadka waxay u qaateen shil, balse si degdeg ah waxaa usoo baxday in si toos ah loo weerarray xarunta.

Dhacdo layaab leh ayaa isla maalintaas ka dhacday dalka deriska la ah Romania ee Hungary. Dabkaasi wuxuu qabsaday warshaddii ugu weynayd sifaynta saliidda ee Hungary, taas oo ah, tan keliya ee Yurub ku dhexe ku taal oo sifeysa shidaal cayriin ee Ruushka, iyada oo loo marayo khadka tamarta ee caanka ah Druzhba Pipeline.

Hungary waa dal caan ku ah xiriirkiisa dhow ee uu la leeyahay Moscow, waana mid ka mid ah dalalka reer Yurub ee si cad u diiday in ay ka go’aan gaaska Ruushka.

Marka labada dhacdo la isku daro qarax ka dhacay Romania oo la xiriira shirkad Ruush ah iyo dab ka kacay Hungary oo qabsaday xarun shidaal oo Ruushku leeyahay,waxaa meesha ka baxaya is waydiinta in dhacdooyin loo qaato shil.

Fallanqeeyaasha Yurub iyo Ruushka , waxay si cad u sheegayaan inan marna shil lagu tilmaami karin. Waxa dhacaya waa hawlgallo sirdoon oo si qoto dheer loo qorsheeyay, kuwaas oo bartilmaameedsanaya kaabayaasha tamarta ee xiriir toos ah la leh Ruushka.

Ujeedka howlgalladan waa in la burburiyaa dhaqaalaha iyo xiriirka uu Yurub la leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, dalalka qaarkood waxay aaminsan yihiin in aan la oran karin Ukraine ayaa ka dambeysa, sababtoo ah howlahan farsamo iyo sirdoon ee heerkan ah waxay u baahan yihiin awood dhaqaale, tiknoolajiyad iyo aqoon sirdoon oo ka sarraysa awoodda Kyiv.

Taasi waxay keentay in la is weydiiyo: yaa dhab ahaantii ka dambeeya weerarradan? NATO? Sirdoon gaar ah? mise awood saddexaad oo ka faa’iidaysanaysa isku dhacyada.

Faransiiska iyo Ingiriiska waxay leeyihiin awoodda ay ku fulin karaan howlgal noocaas ah. Laakiin waa in la fiiriyaa cidda ugu badan ka faa’iideysanayaa arrinkan ama yaa faa’iido ku qaba haddii gaaska Ruushka laga joojiyo Yurub!

Ujeeddada howlgaladan ee muuqata waa cadaadis dhaqaale oo loo saarayo Ruushka iyo in la dhimo ku tiirsanaanta Yurub ee gaaska Ruushka.

Marka la yareeyo ku tiirsanaanta Yurub ee gaaska Ruushka, waxaa si dabiici ah u kordhaya baahida loo qabo gaaska dareeraha ah (LNG) ee Maraykanka.

Tusaale ahaan, marka aan dib taariikhda ugu laabano dagaalkii labaad ee adduunka , markii Yurub ay ku jirtay burbur dagaal, Maraykanku wuxuu ka faa’iideystay isagoo ka ganacsanayay hubka iyo sahayda, xilligaa oo lacag badan uu ka helay, Yurubna waxay ku jirtay xaalad dhibaato.

Hawlaha maanta socda waxay la mid yihiin mabda’aas: Yurub Galbeed ayaa waxyeeloobaya marka laga jaro gaaska Ruushka ama marka la carqaladeeyo khadadka sahayda.

Dhanka kale, Maraykanka wuxuu istaagayaa dhinaca kale sida bixiye kale oo LNG ah iyo il kale oo tamar, taasoo kordhisa dalabka iyo qiimaha, taasina waxay kordhisaa faa’iido aad u weyn oo shirkadaha tamarta ee Mareykanka iska leh, isla markaana waxay xoojinaysaa saameynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Maraykanka uu ku leeyahay gudaha Yurub.

Farqiga u weyn ee maanta jira waa in dagaalku yahay mid dhaqaale iyo istiraatiiji ah, halkii uu horey u ahaa dagaal ay ciidamo ka qey galaan, balse natiijadu waa isku mid, faa’iidooyin waaweyn oo ay heleyaan Maraykanka iyo shirkadiisa, halka Yurub iyo Ruushkaba ay bixiyaan qiimo culus.

Axmed Madoobe oo u dhaqaaqay diyaar-garowga doorashada…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa intii uu kulanka socday soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaar-garowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay.

Axmed Madoobe ayaa ku booriyay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladeed ee arrintaan khuseyso in ay dardar-geliyaan u diyaar-garowga, si doorashooyinka golayaasha deegaanka loogu qabto waqtigooda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa shirka golaha ku soo bandhigtay siyaasadda dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska.

Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.

Sidoo kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka siyaasadda ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Si kastaba, go’aanka Jubaland ee diyaar-garowga doorashada golaha deegaanka ayaa imanaya xilli maalmaha soo aadan la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Safarkan labaad ee Xasan uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay inuu heshiis ka keeno, hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe laba sano oo muddo xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Madoobe dhammaysan doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama hadda ay goor horeba u dhammaatay sanad. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026.

Imaaraadka oo mashruuc ballaaran ku dhaqaaqaya kadib heshiiskii Saciid Deni iyo Cirro

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan Somaliland ka bilaabi doona dhoofinta hilibka ceeriin, iyadoo suuqa ugu weyn ee dhoofintaas loogu tala-galay uu noqonayo magaalada Ceerigaabo, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweyne Cirro ayaa arrintan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay waxgaradka magaalada Ceerigaabo, isagoo tilmaamay in gobolka Sanaag uu u baahan yahay dowladdo ama shirkado waaweyn oo maalgashada macdanta qaaliga ah ee ku jirta, kuwaas oo uu xusay in ay diyaar yihiin.

Madaxweyne Cirro ayaa carabaabay in qaabka hadda macdanta looga guro gobolka Sanaag ay tahay mid aan munaasab ahayn oo u baahan in la nidaamiyo, taas oo xukuumadda ay ka shaqeyn doonto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu waxgaradka iyo waayeelka gobolka Sanaag kula dardaarmay in bulsho ahaan loo jeesto xagga horumarka bulshada iyo wax-soo-saarka, maadaama gobolka Sanaag uu yahay gobol hodan ah oo leh khayraad badan oo kala duwan.

Sidoo kalena wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Sanaag uu heli doono dhammaan mashaariicda horumarka bulshada ee gobol ahaan loogu talo galay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli magaalada Ceerigooda lagu soo gaba-gabeeyay shirka nabadda, oo gogoshiisa uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo beelaha gobolka Sanaag ku gaareen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul ka tahay Somaliland.

Somaliland ayaa awood buuxda loo siiyay in cid kasta oo nabadda caqabad ku ah ay tallaabo ka qaado, iyadoo beelaha ka maqnaa shirkan loogu baaqay qeyb ka noqoshada nabadda ka hanaqaaday gobolkaasi.

Shirkan ayaa marka laga imaado Somaliland, sidoo kale waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulka Puntland oo Hargeysa kala shaqeeyay qabsoomida shirka iyo in la gaaro heshiis nabadeed oo saldhig u tahay in ammaanka gobolkaasi si buuxda ula wareegto Somaliland.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi, kaasi oo soo dadajiyay nabadeynta gobolka Sanaag. Heshiiskaas ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan Hargeysa iyo Garoowe.

Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada. Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxay markaas labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay…

0

Berlin (Caasimada Online) – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Soomaaliya ay ku biirtay Kooxda Bahwadaagta Qaramada Midoobay ee Cimilada iyo Amniga (UN Group of Friends on Climate and Security).

Bahwadaagtan ayaa waxay ka kooban tahay 78 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan 77 dal iyo Wakiillada Midowga Yurub (EU Delegation).

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ku biirista Bahwadaagta QM ee Cimilada iyo Amniga shaaciyay xilli uu maanta ka qeyb-galay Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (Berlin Climate and Security Conference 2025).

Shirweynahan ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wasiirro, madax ka socotay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo khubaro caalami ah ayaa lagu falanqeeyay xiriirka u dhexeeya isbeddelka cimilada iyo amniga.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray habka dalalka dunidu u mideyn karaan dadaallada lagu xoojinayo xalalka nabadda ee adkaysiga u leh cimilada (climate-resilient peace solutions).

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale ka qeyb-galay dood muhiim ah oo diiradda lagu saaray saameynta cimilada iyo amniga ee dalalka nugul.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay sida uu dalka Soomaaliya uga go’an yahay inuu door firfircoon ka qaato dadaallada caalamiga ah ee la xiriira amniga iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayaan dhisidda adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.