25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Qunsulka ay Itoobiya usoo magacowday Puntland oo gaaray Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka cusub ee ay Itoobiya u soo magacowday maamulkaasMajor General Tagesse Lambamo Dimbore, kaas oo ugu dambeyn soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi aha waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland iyo mas’uuliyiin ka socday xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan amaanka, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Deni ayaa marka hore Major General Tagesse Lambamo Dimbore kusoo dhaweeyay caasimada Puntland ee Garoowe, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta labada dhinac, si loo sii adkeeyo xiriirkooda soo jireenka ah.

Sidoo kale Qunsulka cusub ee Itoobiya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Puntland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeea xiriir adag, iyaga oo leh iskaashi dhow oo ku dhisan saaxibtinimo iyo wada shaqeyn toos ah.

“Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayaa horay looga soo xigtay Madaxweyne Deni xilli uu markaas ka hadlayay la macaamilkooda Itoobiya.

Itoobiya ayaa horay heshiisyo waa wayn ula gashay Puntland oo haatan khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xisbiga Kulmiye oo soo saaray digniin culus oo ku socota Cabdiraxmaan Cirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Kulmiye ee maamulka Somaliland oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, isaga oo digniin culus kasoo saaray dib u dhac ku yimaada waqtigeeda.

Xisbiga Kulmiye ayaa farriin u diray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in aanu marnaba aqbali doonin muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada xilliga doorashada.

“Sidaa darteed, waxa Xisbiga KULMIYE oo in dhawayd dadaal ugu jiray sidii doorashooyinka soo socdaa ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen uu bulshada u sheegayaa in aannu marnaba aqbalayn dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka, masuuliyad ka saarana aanay jirin oo aan ahayn inuu isku diyaariyo ka qaybgalkooda iyo ka talo-bixintooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ma jirto meel ay Xukuumaddu kaga dhuuman karto masuuliyadda qabsoomidda doorashooyinka muddaysan 31ka May 2026, waana inay ku qabataa muddadaa cayiman”.

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedkan baaq loogu diray komishanka doorashooyinka Somaliland oo laga dalbaday inay dadajiyaan arrimaha farsamo ee doorashooyinka lagama maarmaanka u ah oo ay kow ka tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sida ku cad xeerka guud ee doorashooyinka maamulkaasi.

WAR-SAXAAFADEED:      Date:26/10/2025

Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE waxa uu si cad ugu sheegayaa dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka iyo shacabka Somaliland in masuuliyadda koowaad ee doorashooyinka soo socda ay leedahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay dummaddiisa tahay inuu Qaranka ka ilaaliyo dib-u-dhac doorasho sidii uu ummadda ugu ballanqaaday marar badan oo hore.

Sida lala wada socdo Xisbiga KULMIYE xukuumaddiisii waxay ku guulaystay inay soo afjarto muddo-kordhino ay Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada dalku ku fadhiyeen sida Golihii Wakiillada ee uu hoggaamin jiray Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee fadhiyey 16ka sanno iyo Golihii Deegaannada ee la doortay 2012, kuwaasi oo ugu dambayn kuraasida banneeyey sannadkii 2021kii.

Sidaa darteed, waxa Xisbiga KULMIYE oo in dhawayd dadaal ugu jiray sidii doorashooyinka soo socdaa ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen uu bulshada u sheegayaa in aannu marnaba aqbalayn dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka, masuuliyad ka saarana aanay jirin oo aan ahayn inuu isku diyaariyo ka qaybgalkooda iyo ka talo-bixintooda.

Waxa xisbi ahaan aannu halkan ku caddanaynaa in masuuliyadda qabashada doorashooyinka uu leeyahay Madaxweynaha Qaranka, waqtigoodana ku qabto.

Sidoo kale, waxaannu ugu baaqaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay dadajiyaan arrimaha farsamo ee doorashooyinka lagama maarmaanka u ah oo ay kow ka tahay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka Xeer Lr.91/2023 qodobadiisa 46aad iyo 47aad.

Xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadda talada haysaba xasuusinayaa in muddadii uu xilka Qaranka hayey uu tuurta u ritay bixinta ilaa boqolkiiba 85% kharashkii ku baxay doorashooyinka, halka xilliyadii hore ay qaadhaan-bixiyeyaashu ay bixin jireen boqolkiiba 75%.

Gebogabo, ma jirto meel ay Xukuumaddu kaga dhuuman karto masuuliyadda qabsoomidda doorashooyinka muddaysan 31ka May 2026, waana inay ku qabataa muddadaa cayiman.

DF oo diiday inay Puntland ku wareejiso Jaamac (Ildab) kadib sarkaal lagu xiray Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diidday in ay maamul goboleedka Puntland u gacan geliso agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho, Jaamac Maxamuud Cabdi. Ninkan ayaa lagu eedeeyay kufsi iyo in uu faafiyay muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku sugan Qardho.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo war-saxaafadeed soo saaray 19-kii bihsan ayaa shaaca ka qaaday in Jaamac Cabdi Maxamuud (Ildab) in isaga oo baxsad ah laga soo qabtay dalka Rwanda.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsiga qaybta baarista dambiyada Booliska ee CID, iyada oo haatan ay ku socoto baaris dheeraad ah.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID,” ayaa lagu yiri bayaanka xeer ilaaliyaha.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano ayaa riixaya in eedaysanaha lagu maxkamadeeyo Muqdisho, balse aan loo dirin Puntland. Wararka ayaa tilmaamaya in la soo sheegayo in eedaysanaha horey loogu waayay dambiyada kiiskiisa gudaha Puntland, halkaas oo ay sidoo kale ku xiran yihiin shakhsiyaad kale oo falkan ku lug leh.

Dowladda Federaalka ayaa markii hore qorsheynaysay in eedaysanaha loo wareejiyo Puntland. Si kastaba ha ahaatee, waxaa qorshahaas laga laabtay kaddib markii magaalada Garowe lagu xiray sarkaal ka tirsan laamaha amniga Puntland oo kiiska gacanta ku hayay. Sarkaalkaas ayaa lagu eedeeyay inuu la shaqeeyay Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka, oo ka carootay xarigga sarkaalkaasi, ayaa la sheegay inay go’aansatay inaan eedaysanaha loo wareejin Puntland. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa markii dambe soo saaray bayaan uu ku xaqiijinayo in Dowladda Federaalka ay la wareegtay kiiska. Taasi oo ka dhigan in eedaysanaha hadda lagu maxkamadayn doono Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa maalintii Axadda sheegay in baaritaan lagu ogaaday in Jama uu ku lug lahaa falal kufsi ah, iyo sidoo kale inuu duubayay muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhashay dhacdooyin ka dhacay Qardho uuna ku faafinayay baraha bulshada.

Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in agaasimihii hore isbitaalka guud ee Qardho uu wajihi doono maxkamadeyn, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda u leh, si uu uwajaho cadaaladda” ayaa ma kale lagu yiri warqadda.

Daawo: Wasiir Jaamac oo qaaday tallaabo si weyn loogu boggaadiyay

0

Waajid (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo shalay gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa qaaday tallaabo si weyn loogu boggaadiyay, kadib markii uu maanta iska diiwaangeliyay degmadaas oo ah deegaan doorashadiisa rasmiga ah.

Jaamac oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa Waajid u tegay inuu qayb ka noqdo ololaha is-diiwaangelinta dadweynaha oo maanta si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in ku dhawaad 60 sano kadib ay Waajid safka hore ka gasho doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo fursaddaas uga mahadceliyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinnka.

“Maanta ilaahey waxa uu nasiibkeenna ka dhigay 60 sano ku dhawaad kadib in aan degmadaan Waajid aan u imaano inaan iska diiwaangelinno guddiga doorashooyinka aad ayuu u mahadsan yahay inuu soo gaarsiiyay fursadan deegaankan” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Anigu waxaan kamid ahay codbixyeyaasha meeshaan ka qaadan doono kaararka, farxad wayn ayayna ii tahay Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto waxaan leeyahay halaga qayb qaato in taariikhda qayb laga noqdo”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda kale uu uga duwan yahay in uu isagu kaarka cod-bixinta ka qaatay deegaan doorashadiisa rasmiga ah, halka wasiirrada iyo madaxda kale ay iska diiwaangeliyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

“Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada qaar haddii ay Muqdisho iska diiwaangeliyeen anigu deegaanka aan u dhashay ayaan iska diiwaangeliyey” ayuu mar kale yiri.

Jaamac ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabadan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.

Muna Diirshe: “Maashaa Allaah wasiir taariikh cajiib ah iyo Waajid maanta, yaa ku dayda wasiir Abdulkadir Mohamed Nur oo intaan geeya deegaankiisa?”.

Cabdinaasir Filibiin: “Wasiir Jaamac wuxuu sameeyay taariikh cusub reer Waajid guul baan u rajeynayaa”.

Farxaan Axmed: “Wasiir deegaankiisa wax u qabtay nabad Allah, Mudane guuleyso”

Si kastaba, Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo 30-ka bisha Novermber lagu wado in Muqdisho ay ka bilaabato doorashada golaha deegaanka oo noqoneyso qof iyo cod.

Howlgal culus oo ka dhacay Muqdisho laguna soo qabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay rag dhac ka waday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Ragga lasoo qabtay oo ahaa laba nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Faysal Maxamed Xaashi iyo Saalaad Cali Cusmaan waxaan lasoo qabtay, iyaga oo dhacayay dad shacab ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Raggan ayaa xilligaas adeegsanayay mooto Fekon ah iyo bistoolad caag ah si ay shacabka ugu cabsi geliyaan, kadibna uga qaataan taleefoonnada iyo agabyada kale ee muhiimka ah.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Xamar Jajab ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Faysal Maxamed Xaashi iyo Saalaad Cali Cusmaan, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo dhac u geysanaya muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana adeegsanayay mooto Fekon iyo bistoolad caag ah” ayaa lagu yiri qaraalka.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in raggan laga qaadi doono tallaabo adag, isla markaana la horgeyn doono maxkamaddda ku shaqada leh.

“Eedeysanayaasha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay habeen hore oo ay Kaaraan kusoo bandhigeen kooxo ciyaal weero ah iyo rag kale oo ka ganacsayay waxyaabaha maanka dooriya.

“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu yiri guddoomiyaha degmada Karaan Maxamuud Socdaal oo xilligaas qayb ka ahaa howlgalka.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.

Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib qorshayaal amni sugid ah oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.

Al-Shabaabkii ku soo dhawaaday Muqdisho oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hortegay ‘xubno Shabaab ah oo kusoo dhawaaday caasimada’ kadib markii ay dhuumaaleysi kusoo gaareen halkaasi.

Ciidamada oo qaaday howlgal culus ayaa isku fidiyay deegaanno dhaca jinka Wabiga Shabelle oo ay inta kasoo gudbaan maleeshiyada Al-Shabaab, si ay halkaas uga sameeyaan amni darro, ugana soo abaabulaan weeraro halis ah ku ah shacabka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ururka 302-aad ee Ilaalada Hiilweyne Cali Xuseen Odowaa oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay inay ku gaareen aagga Beeraha Walamow, isla markaana ay xaqiijiyeen amniga deegaannadaas oo mararka qaar dhuumaaleysi ay kusoo galaan Al-Shabaab.

“Beeraha Walamow illaa halkaas waxaan tegnay Geed Faqe nimanka argagixisada ah meeshaan mararka qaar si dhuumaaleysi ah ayay ku yimaadaan, iyaga oo kasoo gudba wabiga aaga aan soo marnay hadda waxba kuma arag si nabad-gelyo ah ayay shacabka ku joogaan” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ayna u taagan yihiin ciribtirka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu u taagan yahay ciribtirka Khawaarijta iyo inay mar walba la dagaalamaan, waana dabar jari doonaa, Insha allah” ayuu sii raaciyay.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Boolis iyo Milatari gaysay daafaha caasimada, si ay uga hortegaan weeraro ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi, waxaana ciidamadaas ay sameeyeen howlgallo culus oo amni xaqiijin ah.

Muqdisho ayaa hadda xasiloon, waxaana guuleystay qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo laga nastay weeraradii iyo qaraxyadii horay u dhici jiray.

UK’s BAE Systems grounds vital fleet for Somalia

London, UK — UK arms manufacturer BAE Systems has withdrawn support for a commercial aircraft model, grounding a fleet that delivered humanitarian aid in Somalia and other East African countries.

The decision halted vital food shipments for millions facing starvation in countries including Somalia, South Sudan, and the Democratic Republic of Congo (DRC).

The move, first reported by The Guardian newspaper, immediately cancelled a contract with the UN’s World Food Programme (WFP) to fly aid to 12 destinations in Somalia. According to the UN, 4.6 million people in the country face crisis levels of hunger.

The decision comes as BAE announced record underlying profits of £3.015 billion ($3.7 billion) for 2024, driven by increased global defence spending.

The aircraft at the center of the dispute is the BAE Advanced Turbo-Prop (ATP). Its 8.2-tonne payload and ability to use short airstrips made it ideal for remote aid delivery.

The primary sticking point is BAE’s decision to surrender the model’s “type certificate, which revokes its airworthiness. The last known operator, EnComm Aviation, used 12 of the aircraft for humanitarian contracts, according to The Guardian.

‘Vital supplies cut off’

EnComm Aviation said the decision grounded its 12-aircraft fleet and cut off essential aid.

“The aid our aircraft delivered provided a lifeline to the people of South Sudan, Somalia, and the DRC, said Jackton Obuola, EnComm Aviation’s director, in comments to The Guardian.

“BAE’s decision to suddenly withdraw support for all our planes has grounded the fleet and cut off vital supplies to those most in need, Obuola added.

Between March 2023 and September 2025, EnComm’s aircraft delivered 18,677 tonnes of aid. The WFP estimates one tonne of food can meet the daily needs of about 1,660 people.

EnComm is now seeking £187 million in damages, according to a pre-action letter dated October 13, 2025, first reported by The Guardian.

The letter alleges that BAE’s decision was made “without any consultation with or formal notice to EnComm. It claims the Nairobi-based firm was led to believe BAE would support the aircraft for at least five more years.

A BAE Systems spokesperson said: “We do not comment on potential litigation.”

Correspondence from BAE, dated May 27, 2025, reportedly stated its intention to surrender the certificate by December 2026. The letter described the decision as “permanent and irreversible.

Crisis levels of hunger

The grounded fleet has severe implications for regions on the brink of famine.

The cancelled WFP Somalia contract was scheduled to run from September 2025 to August 2026. It involved transporting food to regions where 4.6 million people face acute food insecurity.

Another 1.8 million children suffer from acute malnutrition, according to the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA).

In South Sudan, where EnComm flew to 12 destinations, the situation is also critical. The UN warns that 7.7 million people—more than half the population—face acute food insecurity. The WFP reports that 3.2 million children and women in the country are at risk of malnutrition.

The impact extends to the DRC, which the UN described in March 2025 as facing its “worst hunger crisis ever. A record 27.7 million people are experiencing acute hunger, according to the UN’s Food and Agriculture Organization (FAO).

EnComm said it also had to cancel a 10-year agreement to operate flights to 11 destinations in the DRC, including Goma in the conflict-hit eastern provinces.

EnComm Aviation has since closed its operations in Kenya. Analysts expect BAE Systems’ profits to rise further amid globally increasing military spending.

Djibouti mulls age limit change to let Guelleh, 77, run

Djibouti City, Djibouti — Djibouti’s National Assembly will hold a special session on October 26 to vote on a controversial constitutional amendment, widely seen as an attempt to remove the presidential age limit. This would allow President Ismael Omer Guelleh to run for re-election in 2026.

Guelleh, 77, is currently ineligible to run under the constitution’s 75-year age cap. The vote is scheduled just 18 months before the April 2026 polls. It has ignited fierce political debate over the future of the Horn of Africa nation.

National Assembly Speaker Dileita Mohamed Dileita announced the special session on Wednesday, calling it “a contemporary moment of great importance.” He urged lawmakers to “demonstrate exemplary engagement” and stressed adherence to quorum and majority rules.

Guelleh has led Djibouti since 1999, when he succeeded his uncle, the country’s first president. A 2010 constitutional revision removed term limits but imposed the 75-year age cap.

The country of 1.1 million people hosts major foreign military bases, including those from the US and China. This is due to its strategic location on the Bab el-Mandeb Strait, according to the World Bank and security analysts.

A ‘coup d’état’

The government has not officially detailed the proposed change. It has drawn sharp condemnation from critics who believe it targets Article 23 of the Constitution.

That article stipulates that presidential candidates must be between 40 and 75 years old. President Guelleh would be ineligible to run again under this rule.

Alexis Mohamed, a prominent former senior advisor to the president, issued a scathing public letter calling the plan a “coup d’état in preparation.” 

In the letter addressed to Assembly Speaker Dileita, Mohamed warned of a “historic political decline” and urged him not to participate.

“I also urge you not to compromise yourself in what history will remember as an exception whose stench will resonate for decades,” Mohamed wrote.

He called on the speaker to “remain loyal to the one and only Republic, and not to a man” and reject what he termed the “final heist of the century.”

The government has not confirmed that the amendment targets the age limit. Officials did not immediately respond to emailed questions from Somalia Today seeking comment on the bill’s contents or Mohamed’s accusations. 

Dual political maneuvers

The parliamentary session is part of a two-pronged political manoeuvre by the ruling establishment ahead of the 2026 polls.

Days after the October 26 constitutional vote, the ruling Rassemblement Populaire pour le Progrès (RPP) will convene its own extraordinary congress on November 8.

The congress, initially scheduled for October 25, was postponed due to “political calendar adjustments,” according to the party.

President Guelleh, who serves as the RPP’s chairman, is expected to preside over the meeting.

Other top party figures, including Prime Minister Abdoulkader Kamil Mohamed (RPP vice-president) and Finance Minister Ilyas Moussa Dawaleh (RPP secretary-general), are set to attend.

Observers view the congress as a crucial step to consolidate party leadership and strategy. It will likely set the stage to nominate a candidate following the outcome of the constitutional vote.

Stability and continuity

The RPP, founded in 1979, is the oldest political party in Djibouti and dominates the ruling Union for the Presidential Majority (UMP) coalition.

Guelleh’s 25-year tenure has provided significant stability in the Horn of Africa, a region frequently affected by conflict.

This stability has made Djibouti a key partner for global powers. The country leverages its strategic port on the Bab el-Mandeb Strait, a vital global shipping lane. It uses the port to host military bases for the United States, China, France, Japan, and Italy.

However, critics and human rights organizations accuse the government of using this strategic importance to deflect scrutiny. They argue that stability has been maintained through tight media control and the suppression of dissent. This has resulted in a lack of genuine political pluralism.

The last major constitutional change in 2010 was similarly controversial. It removed the two-term limit, allowing Guelleh to run for a third term. But it also introduced the 75-year age cap, which now presents a barrier to his continued rule. 

Djibouti’s political class now focuses on the October 26 session, which Speaker Dileita has framed as a test of the country’s “institutional maturity.”

If the amendment passes and the RPP congress endorses Guelleh, Djibouti will be set for an election defined by continuity, cementing one of Africa’s longest-serving presidencies.

Deni oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu dhisay Nairobi ka dalbaday in ay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntlnad Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka doorashooyinka.

Ugu horreyn Saciid Deni ayaa farriin culus u diray Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka, maadaama lagu jiro xaalad adag oo hubanti la’aan ah.

Golaha oo lagu dhisay Nairobi ayuu sheegay in Puntland ay si buuxda u taageereyso, isla markaana loo baahan yahay inuu qaato mas’uuliyaddda ka saaran badbaadinta dalka.

“Haddaba dowladda Puntland waxay si buuxda u taageereysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, waxa uu baaq u diray xubnaha Beesha Caalamka oo uu ka dalbaday inay taageero ku siiyaan sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka Soomaaliya, si xal loogu helo jahwareerka taagan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd hubanti la’aanta amni iyo jahwareerka siyaasadeed” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhankale, waxa uu ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah isaga oo caddeeyay marnaba aysan Puntland ogolaan doonin in meesha laga saaro dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu yahay, xilli horay Villa Somaliaugu ku guuleystay wax ka beddal lagu sameeyo qodobada qaar oo la horgeeyay Baarlamaanka.

“Dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”. ayuu sii raaciyay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay isku hayaan Villa Somalia, mucaaradka la baxay Madasha Samatanixinta Soomaaliyeed, Jubbaland iyo Puntland.

Daawo: Maxaa maanta kala qabsaday Muuse Suudi iyo Cabdiraxmaan Faroole?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka wada tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayay ka dhex-tafatay, kadib dood kulul oo ku dhex-martay kulankii maanta ee Golaha.

Weerarka waxaa bilaabay Cabdiraxmaan Faroole oo ku hadal qabsaday Muuse Suudi, isaga oo sheegay in labadooda ay ugu da’wayn yihiin Golaha, balse waxaa taasi ka biyo diiday Muuse oo isna kadib jawaab bixiyay.

“Muuse Suudi baa halkan cirro cad waxaan u maleynayaa in uusan waxba iga yareyn waa u joogay inta aan anigu u joogay,” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator Muuse Suudi oo hadalka ka daba qaatay ayaa isna weerar cad ku qaaday Faroole, wuxuuna ku eedeeyay inuu yahay ninka khalday dastuurka uu maanta muranka ka taagan yahay.

Waxaa kale oo usoo jeediyay inuu qirto dambigiisa, maadaama intii uu hayay xilka Madaxweynaha Puntland uu sameeyay khaladaad badan, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole dastuurkaan ninkii khalday isaga waayey, ninkii magaalo aan lala daganeyn oo kaligiis wexeeda iska cuna ka yimid ee raba inuu Xamarna wax ka cuno Alxamdulillaah ha dhaho hana aamuso” ayuu yiri Muuse Suudi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka dmabigeeda inay qirato aa la rabaa inay nadiif iska dhigto oo iyadu wax kusoo jeesato lama rabo horta eeddaas ha qaato”.

Marar badan ayay dhacday in sidaan oo kale ay Sanatorada dhexdooda isugu jawaabeen, waana marka ay jiraan doodaha waa wayn ee taabanaya siyaasadda guud ee dalka.

Daawo: Wasiir Jaamac oo maanta ciidan badan la tegay Koonfur Galbeed + Ujeedka

0

Waajid (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka ayaa ciidamo badan oo ilaaliya la tegay degmadaasi, waxaana kadib uu bilaabay dhaq-dhaqaaqyo iyo inuu la kulmo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Qaar kamid ah shacabka degmada Waajid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah nin saameyn wayn ku leh deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jaamac oo isaguna warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in halkaasi uu u tegay qorshe la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan ololaha is-diiwaangelinta ee haatan ka socda deegaanno kamid ah Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga iyo wafdigeyga maanta waxaan soo gaarnay degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka daah furi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha Degmada.  Waxaa guud ahaan dalka ka socda olole ballaaran oo lagu xaqiijinayo in muwaadin kasta uu helo fursad uu codkiisa ku dhiibto iyada oo degmada Waajid-na ay qeyb ka noqon doonto goobaha muhiimka ah ee laga diiwaan gelinayo codbixiyeyaasha” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxaan halkan mahad ballaaran ugu soo jeedinayaa Maamulka Degmada ee uu hogaamiyo Gudoomiye Maxmamed Macalin Yuusuf iyo Shacabka Degamada soo dhoweynta sharafta badan ee ay moo sameeyeen. Sidoo kale waxaan u mahad celinaayaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen in shacabka Soomaaliyeed oo dhan la siiyo fursad loo siman yahay”.

Ninkan oo ay horay aad isugu hayeen Madaxweyne  Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inuu yahay musharax u socda Koonfur Galbeed oo doorasho galeysa, waxaana safarkiisa uu noqday mid isha lagu hayo, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale kamid ah Xukuumadda Dan-Qaran oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan, waana saaxib ku dhow Villa Somali, sidoo kalena saameyn weyn ku leh siyaasadda.

Ma cadda waxyaabaha laga filan karo dhanka Koonfur Galbeed oo iyadu dhawaan Baydhaba ka celisay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo rabay in xisbigiisa uu xarun uga furo magaaladaasi, maadaama la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.

Si kastaba, Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa muuqata mid ka dareysa, maadaama la galayo marxalad adag oo tartan ah, loona diyaar garoobayo doorashada hoggaanka maamulkaasi oo loo qorsheeyay inuu isbeddel ka dhaco, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaashu.

Deni oo digniin culus ka soo saaray qorshaha Villa Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka kal-fadhigda 57-aad ee Barlamaanka maamulkaas ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Saciid Deni ayaa marka hore sheegay in Puntland ay waqti badan gelisay dhismaha dowlad-nimada Soomaalya, balse weli ay jiraan caqabado waa wayn oo horgudban.

Sidoo kale wuxuu qiray in weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasiga ah ee ka taagan hannaanka federaalka, sidaas daraadeedna, haddii la helo hoggaamiye diyaarsan laga gudbi doono, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah isaga oo caddeeyay marnaba aysan Puntland ogolaan doonin in meesha laga saaro dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu yahay, xilli horay Villa Somaliaugu ku guuleystay wax ka beddal lagu sameeyo qodobada qaar oo la horgeeyay Baarlamaanka.

“Dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”. ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha nabadeynta ee Sanaag, isaga oo si gaar ah Somaliland ugu amaanay dadaalka ay ka wada magaalada Ceerigaabo.

“Waxaan ku ammaanayaa Madaxweynaha Somaliland doorkiisii nabadaynta gobolka Sanaag iyo shirweynihii Ceerigaabo” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Puntland iyo Somaliland ayaa dhawaan yeeshay iskaashi cusub, kadib heshiis ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya.

Shirkadda UK ee hubka, BAE oo qaaday taallaabo si weyn u saameyneysa Soomaaliya

London (Caasimada Online) — Shirkadda hubka soo saarta ee Britain ee BAE Systems ayaa joojisay taageeradii ay siin jirtay nooc diyaarad ganacsi ah, tallaabadaas oo dhulka dhigtay diyaarado gargaar bini’aadannimo gayn jiray Soomaaliya iyo dalal kale.

Go’aankan ayaa hakiyay shixnado cunto oo muhiim ah oo loogu talagalay malaayiin qof oo wajahaya gaajo, dalal ay ka mid yihiin Spomaaliya, South Sudan, iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC).

Tallaabadan, oo shaaciyey wargayska The Guardian, waxay si degdeg ah u burisay qandaraas lala galay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) oo gargaar loogu daabuli lahaa 12 goobood oo Soomaaliya ku yaalla. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo dalka ku nool ayaa wajahaya heerar gaajo ah oo halis ah.

Go’aankan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo BAE Systems ay ku dhawaaqday faa’iido rikoor ah oo gaaraysa £3.015 bilyan ($3.7 bilyan) sannadkii 2024, taasoo ay horseeday kororka ku yimid kharashka difaaca caalamka.

Diyaaradda uu khilaafku ku salaysan yahay waa BAE Advanced Turbo-Prop (ATP). Xamuulkeeda oo ah 8.2 tan iyo awoodda ay u leedahay inay isticmaasho dhabbooyinka diyaaradaha ee gaagaaban ayaa ka dhigay mid ku habboon gaarsiinta gargaarka ee goobaha fogfog.

Qodobka ugu weyn ee la isku hayo waa go’aanka BAE Systems ay ku celisay “shatiga nooca” (type certificate) ee diyaaraddan, arrintaas oo meesha ka saaraysa u-qallankeeda duulimaadka (airworthiness). Shirkaddii ugu dambaysay ee la ogaa inay isticmaasho, EnComm Aviation, ayaa 12 ka mid ah diyaaradahan u adeegsan jirtay qandaraasyo bini’aadannimo, sida uu qoray The Guardian.

‘Sahaydii muhiimka ahayd oo la jaray’

Shirkadda EnComm Aviation waxay sheegtay in go’aanku uu dhulka dhigay 12-keedii diyaaradood uuna jaray gargaar muhiim ahaa.

“Gargaarka ay diyaaradaheena gaarsiiyeen wuxuu halbowle u ahaa dadka South Sudan, Soomaaliya, iyo DRC,” ayuu yiri Jackton Obuola, agaasimaha EnComm Aviation, isagoo la hadlayay The Guardian.

“Go’aanka BAE ay si kedis ah ugala noqotay taageerada dhammaan diyaaradaheena ayaa dhulka dhigay duulimaadyadii, wuxuuna jaray sahaydii muhiimka ahayd ee loogu talagalay kuwa ugu baahida badan,” ayuu raaciyay Obuola.

Intii u dhaxaysay March 2023 iyo September 2025, diyaaradaha EnComm waxay gaarsiiyeen 18,677 tan oo gargaar ah. WFP waxay ku qiyaastaa in hal tan oo cunto ah ay dabooli karto baahida maalinlaha ah ee qiyaastii 1,660 qof.

EnComm ayaa hadda dalbanaysa £187 milyan oo magdhow ah, sida ku cad warqad dacwad-horudhac ah oo ku taariikhaysan October 13, 2025, taasoo uu daabacay The Guardian.

Warqadda ayaa lagu eedeeyay in go’aanka BAE la qaatay “iyada oo aan wax la-tashi ah lala samayn ama si rasmi ah loogu wargelin EnComm.” Waxay ku andacoonaysaa in shirkadda fadhigeedu yahay Nairobi la rumeysiiyay in BAE ay taageeri doonto diyaaradda ugu yaraan shan sano oo kale.

Afhayeen u hadlay BAE Systems wuxuu yiri: “Kama hadalno dacwadaha suurtagalka ah.”

Warqado ka soo baxay BAE, oo ku taariikhaysan May 27, 2025, ayaa la sheegay inay ku caddeeyeen damacooda ah inay shatiga ku celiyaan marka la gaaro December 2026. Warqaddu waxay ku tilmaantay go’aanka mid “rasmi ah oo aan laga noqon karin.”

Heerar gaajo oo ‘halis ah’

Diyaaradaha la joojiyay waxay cawaaqib xun ku leeyihiin gobollo qarka u saaran macluul.

Qandaraaskii WFP ee Soomaaliya ee la joojiyay wuxuu qorshaysnaa inuu socdo September 2025 ilaa August 2026. Wuxuu ku saabsanaa in cunto loo daabulo gobollo ay 4.6 milyan oo qof wajahayaan cunto yari ba’an.

Waxaa sidoo kale jira 1.8 milyan oo carruur ah oo la ildaran nafaqo-darro ba’an, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA).

Gudaha South Sudan, oo EnComm ay u duuli jirtay 12 goobood, xaaladdu sidoo kale waa mid adag. Qaramada Midoobay waxay ka digaysaa in 7.7 milyan oo qof—in ka badan kala bar dadweynaha—ay wajahayaan cunto yari ba’an. WFP waxay warinaysaa in 3.2 milyan oo carruur iyo haween ah oo dalkaas ku nool ay halis ugu jiraan nafaqo-darro.

Saamayntu waxay sidoo kale gaartay DRC, oo ay Qaramada Midoobay bishii March 2025 ku tilmaantay inay wajahayso “dhibaatadii gaajo ee ugu xumayd abid.” Tiro rikoor ah oo gaaraysa 27.7 milyan oo qof ayaa la kulmaya gaajo ba’an, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

EnComm waxay sheegtay inay sidoo kale ku qasbanaatay inay joojiso heshiis 10 sano ah oo ay duulimaadyo kaga hawlgeli lahayd 11 goobood oo DRC ah, oo ay ku jirto Goma oo ku taal gobollada bari ee ay colaaduhu saameeyeen.

EnComm Aviation ayaa tan iyo markaas xirtay hawlaheedii Kenya. Falanqeeyayaashu waxay filayaan in faa’iidada BAE Systems ay sii kordhi doonto iyadoo uu jiro kharashka militari ee caalamka oo sii kordhaya.

Sawirro: R/W Xamza oo la-xisaabtan ku billaabay Favori – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa diiradda lagu saara horumarinta garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intii uu socday kulanka warbixin guud ka dhageystay madaxa shirkadda Favori, kaas oo faah-faahiyay qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, maadaama loo baahan yahay in isbeddal la sameeyo, lana hormariyo adeegyada muhiimka ah.

Madaxa shirkadda ayaa ballan qaaday in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah ee dunida inteeda kale.

Dhakniisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna intaasi ku daray in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga saaray shaqada garoonka, kadib markii ay kasoo laabteen cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaara ayaa dhowr mar kormeer ku tegay gudaha garoonka, taas oo keentay in si deg-deg ah wax looga qabto dayacaad badan oo ka jirtay gudaha iyo adeeg xumo lagu hayay shacabka, waxaana haddda uu usoo jeestay dhismaha guud iyo qalabka garoonka.

Madaxweyne Xasan oo kormeer ku tegay Hay’adda Socdaalka xilli ay taagan tahay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, isaga oo u kuur galay howlaha muhiimka ah ee hay’adda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow iyo holwadeennada kale ee hay’adda

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiir Fartaag, Agaasime Mustafe Dhuxulow oo dhismaha kusoo dhaweeyay.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray in hay’addu ay muhiim u tahay Amniga Qaranka, iyo xuduudaha dalka, loona baahan yahay in lasii laba jibaaro shaqada socota.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

Kormeerkan ayaa yimid, xilli haatan ay taagan tahay saameyn ka dhalatay adeegga e-Visa ee ay soo kordhisay Hay’adda Socdaalka, kaas oo laga rabo muwaadiniinta Soomaalida ee sharciyada ka haysta dalalka kale wuxuuna si gaar ah u sameeyay Somaliland iyo Puntland.

Maalmihii u dambeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa la timid dardar shaqo oo xoogleh kaas oo si weyn loo dareemay, iyadoo lagu amaanay hoggaanka sare ee Hay’adda.

Dacwad ka dhan soo xulistii xildhibaanada Soomaaliya ee EALA oo loo gudbiyey EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay eedeymo ku saabsan wax is-daba marin hareeyay xulistii xubnaha Soomaaliya u matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), iyadoo xildhibaanno ay sheegeen in ay dhacday eex, laaluush, iyo in aan loo wada dhamayn habraaca.

Qayb ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay qaabka iyo hannaanka ay Muqdisho ku soo saartay liiska sagaalka xubnood ee loo magacaabay EALA. Waxay Xeer-ilaaliyaha Guud ku dacweeyeen Maxkamadda Bariga Afrika, sidoo kale waxay dacwad u gudbiyeen Guddoomiyaha EALA iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) si loo buriyo magacaabistaas.

Xildhibaannadan oo uu horkacayo Cabdullaahi Maxamed Axmed, waxay ku eedeynayaan in Xisbiga Cadaaladda iyo Sinnaanta (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ah u soo xushay xubnaha, taasoo ka hor imaneysa shuruudaha iyo habraaca loo maro xulista EALA.

Arrintan ayaa dhalisay su’aallo laga qabo hufnaanta hannaanka lagu soo xulay xubnaha.

“Anagoo ah Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaan si rasmi ah u muujineynaa walaac qoto dheer iyo sida aan uga soo horjeedno tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan magacaabista Xubnaha EALA,” ayaa lagu yiri warqadda loo diray Guddoomiyaha EALA Joseph Ntakirutimana iyo Xoghayaha Guud Veronica Nduva.

“Mas’uuliyiinta Federaalka Soomaaliya waxay si hal dhinac ah u soo magacaabeen sagaal qof oo horay loo sii go’aamiyay, iyagoo u maray hab shaki badan ku jiro, kuwaasoo matali doona Soomaaliya, waxaana la sheegay inay yihiin dad ku dhow dhow iyo xubno ka tirsan qoysaska madaxda sare, iyagoon loo marin habraacyadii baarlamaaniga ahaa ee sharciga ahaa. Wax is-daba marintan waxay ka dhigan tahay jebin culus oo lagu sameeyay qoraalka iyo ujeeddada Qodobka 50-aad ee Heshiiska EAC. Waxay meesha ka saarayaan qiyamka dimoqraadiga ah ee aas-aaska u ah dadaalladeenna is-dhexgalka gobolka, waxayna wiiqayaan sharciyadda matalaadda Soomaaliya ee baarlamanka Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri dacwadda.

“Sidaa darteed waxaan si degdeg ah kaaga codsaneynaa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, inaad tallaabo degdeg ah ka qaaddo oo aad buriso soo jeedinta uu soo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan kaloo kugu boorineynaa inaad hubiso in la raaco habraacyada doorashada ee saxda ah, si waafaqsan Heshiiska iyo caadooyinka dimuqraadiga ah.”

Sida ku cad heshiiska EAC, xubnaha EALA waxaa si dadban u soo doorta baarlamaanada qaran ee dalalkooda, iyadoo waddan kasta oo xubin ka ah uu soo dooranayo sagaal wakiil.

Laakiin xulista waa inay ka tarjumtaa xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan, aragtiyaha kala duwan, iyo kooxaha danaha gaarka ah ee dalka ka jira.

Cabdullaahi Maxamed Axmed wuxuu sheegay in qodobkaas uu iska indha tiray baarlamaanka, kaasoo la sheegay inuu xubno ka soo dhex doortay hal xisbi oo keliya, halkii laga rabay in laga soo magacaabo beelaha wakiillada ku leh iyo xisbiyada mucaaradka.

Xildhibaannadu waxay ku hanjabeen inay u gudbi doonaan Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika (East African Court of Justice) si ay u hor istaagaan magacaabista xubnahan.

Waxay su’aal geliyeen hannaankii lagu soo magacaabay sagaalka xubnood, iyagoo sheegay inuu qaatay wax ka yar shan maalmood, ayna la socdeen shuruudo adag oo ay ka mid tahay in $10,000 oo dhigaal ah qasab lagu shubo dowladda, taasoo aan dammaanad qaadeyn in qofka la magacaabayo.

“Ugu yaraan hal musharrax, oo buuxiyay dhammaan shuruudihii diiwaangelinta, oo ay ku jirto bixinta kharashka iyo gudbinta dokumiintiyada, ayaa si aan sal iyo raad toona lahayn looga mamnuucay inuu ka qaybgalo hannaanka xulista. Ka-reebitaankan kuma salaysnayn wax sabab sharci ah ama mid habraac toona, wuxuuna ka dhigan yahay ku xad-gudub cad oo lagu sameeyay xuquuqda musharraxaas,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Guddiga qiimeynta waxay ka kooban yihiin Uruuriyeyaasha labada Aqal iyo Xoghayeyaasha Guud, oo ay weheliyaan laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiga talada haya. Dadkan waxaa loo xil saaray inay fuliyaan ajandaha dowladda, lamana soo darin wax xubno ah oo mucaarad ah. Ka saaristan waxay caburisay aragtiyaha kale, waxayna wiiqday matalaad isu dheelitiran. Qaab-dhismeedkan wuxuu muujinayaa eex siyaasadeed oo cad, iyadoo aysan jirin matalaad mucaarad ah ama codad madax bannaan. Sidaas darteed, dhexdhexaadnimadii iyo kalsoonidii lagu qabay hannaanka xulista ayaa gabi ahaanba meesha ka baxday.”

Guddiga soo xulista xubnaha EALA ayaa la dhisay Oktoobar 11, waxaana xulista la soo gabagabeeyay Oktoobar 15, 2025.

“Jadwalkan shanta maalmood ah wuxuu meesha ka saarayaa ka-qaybgal macno leh oo uu sameeyo musharrax kasta oo aan horay loogu sii wargelin habraaca. Wuxuu si toos ah meesha uga saarayaa shakhsiyaadka u qalma, wuxuuna jebinayaa mabaadi’da daah-furnaanta iyo fursadaha loo siman yahay,” ayaa lagu yiri warqadda Cabdullaahi.

“Waqtiga oo la soo koobay wuxuu gabi ahaanba suurtagal ka dhigin in musharrax kasta oo dhab ahaan u daneynayay uu isu diyaariyo ama ka qaybgalo, haddii uusan horay ula socon arrimaha socday.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inay jireen falal laaluush ah oo muuqday.

Mursal oo shaaciyay xog ka cusub safarkooda Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan safarkooda ku aadan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo baaqday todobaadkii hore.

Mursal ayaa shaaca ka qaaday in dalalb uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dib ugu dhigeen safarkooda, illaa bisha November ee soo socota.

“Annaga safarkeenna ma baaqan Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa la gaaro bisha November halkaas ayay baahasho taagan tahay” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Sidoo kale, wuxuu meesha ka saaray wararka la baahiyay ee ku aadan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu diiday safarkooda, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas.

Xubnahan ayaa qorshahooda uu yahay in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo cod ee kula heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhaqangeliyo heshiiska.

Ujeedka safarkodoa ayaa sidoo kale la xiriira in ay furaan xarun uu xisbgooda ku yeelanayo Baydhaba, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Waxaa kale oo ay ku doodeen in xisbigooda uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen, ayna u siman yihiin magaalada Baydhaba.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ay shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isimada Gobolka Bari oo ku baaqay shir Puntland cusub

Boosaaso (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Gobolka Bari, oo ah xudunta dhaqaalaha Puntland, ayaa soo saaray bayaan culus oo ay ku dalbanayaan in la qabto shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan Isimada Puntland, si loogu gogol-xaaro “shirweynaha saamileyda Puntland.”

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga jawaabaysa isbedellada waaweyn ee ku yimid juqraafiga siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan dhameystirkii bishii Luulyo 2025 ee dhismaha “Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.”

Maamulkan cusub, oo caasimaddiisu tahay Laascaanood, wuxuu ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), kuwaas oo ahaa gobollo muhiim ah oo Puntland ay sheegan jirtay inay ka tirsan yihiin tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1998-kii.

Bayaanka Isimada Gobolka Bari, oo ka soo baxay shir muddo uga socday magaalada Boosaaso, ayaa si qoto dheer u falanqeeyey xaaladda guud ee Puntland iyo isbedelladii dhacay.

Isimadu waxay si toos ah u qeexeen sababta keentay baaqan degdegga ah, iyagoo sheegay inuu yimid “maaddaama isbedel ku yimid tiirarkii Puntlandtii la wada lahaa 1998-dii.”

Tani waa qirashadii ugu horreysay ee heerkan ah oo ka timid awoodda dhaqanka ee ah in tiirarkii dhuleed iyo kuwii siyaasadeed ee lagu dhisay Puntland ay wax iska beddeleen, kaddib go’itaanka rasmiga ah ee gobollada SSC.

“Waxay [Isimadu] soo jeedinayaan in shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Isimada dhaqanka Puntland si loogu gogol-xaaro shirweynaha saamileyda Puntland,” ayaa lagu yiri qodobka labaad ee bayaanka, oo ahaa kan ugu culus. Shirkan gogol-xaarka ah ee Isimada ayaa la filayaa inuu dejiyo ajandaha iyo qaab-dhismeedka shirweyne ballaaran oo looga doodayo sida Puntland ay ula tacaalayso xaqiiqada cusub ee siyaasadeed iyo mustaqbalkeeda.

Inkasta oo ay diiradda saarayeen xaaladda Puntland, Isimadu waxay sidoo kale ka hadleen midnimada guud ee Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu “booriyey madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba inay ka shaqeeyaan maslaxadda umadda iyo isku haynta dadka iyo dalka.”

Dhinacyada kale ee muhiimka ahaa ee bayaanka lagu xusay waxaa ka mid ahaa:

Amniga Gobolka Bari: Isimadu waxay taageero u muujiyeen howlgallada ay dowladdu ka waddo buuraleyda Cal-Miskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumaaleysan jireen kooxo argagixiso ah. “Ismadu waxay boogaadinayaan howlgalka ay dowladdu ka waddo Gobolka Bari, gaar ahaan buuraleyda Cal-Miskaad,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyagoo sidoo kale ugu baaqay dowladda Puntland “in ay daryeesho dhaawacyada iyo agoomihii ay ka dhinteen askartu.”

Cabashada Kalluumeysatada: Bayaanka ayaa si adag ugu hadlay dhibaatada kalluumeysatada, wuxuuna dalbaday in dowladda Puntland ay si degdeg ah wax uga qabato “jariif sharci-darro ah” oo lagu eedeeyey in maraakiib shisheeye ka wadaan xeebaha Puntland. Isimadu waxay sheegeen in jariifkan uu “galaaftay hantidoodii iyo noloshii” dadka deegaanka.

Baahiyaha Boosaaso: Ugu dambayntii, Isimadu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen xaaladda nololeed ee magaalada Boosaaso. Waxay madaxda sare ee Puntland u soo jeediyeen “in ay hoos u eegaan cabashada ka imanaysa biyaha iyo korontada oo shacabka aysan awoodi karin.” Intaa waxaa dheer, waxay soo jeediyeen dalab muhiim ah oo ah in maamulka magaalada Boosaaso dib loogu soo celiyo saamigii dhaqaale ee ay ku lahayd dekedda magaalada.

“Waxay [Isimadu] u soo jeedinayaan madaxda Puntland in magaalada Boosaaso la siiyo boqolkiiba ay degmadu ku lahayd dekedda Boosaaso si wax loogu qabto kaabayaasha dhaqaalaha magaalada Boosaaso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka.

Bayaankan oo ka koobnaa laba bog, waxaa ku saxiixnaa toban ka mid ah isimada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo kala ah:

1- Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
2- Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
3- Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil
4- Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad
5- Beeldaaje Axmed Mataan Xasan
6- Suldaan Ciise Maxamed Ciise
7- Suldaan Mursal Muuse Konte
8- Suldaan Cali Maxamuud Ismaaciil
9- Suldaan Abshir Axmed Jibriil
10- Suldaan Daahir Suldaan Cabdulaahi (Soonte)

Somaliland oo xukun adag ku ridday Cumar Maxamed

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku ridday Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim oo lagu helay kiis anshax xumo ah oo ka dhashay muuqaallo uu ku faafiyay baraha bulshada.

Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay laba sano oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 kun oo Shilin Somaliland ah, sida lagu caddeeyay go’aanka maanta soo baxay.

Muuqaallada uu ninkan faafiyay ayaa ahaa kuwa ka hor imanaya Diinta Islaamka, dhaqanka suubban iyo badqabka bulshada, waxaana aad u dhibsaday bulshada.

Dhinaca kale, Taliska Booliska Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa digniin u diray cid kasta oo ku howlan anshax xumo ama wax u dhimanaya Diinta Islaamka.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hawlan dhaqamada kasoo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Waxaa kale oo Booliska uga mahadceliyay shacabka sida ay xilli kasta xogaha ula soo wadagaan ,ulana shaqeeyaan Ciidanka Booliska JSL. “Indhaha boolisku waa bulshada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska”.

Dhankooda qaar kamid ah shacabka ayaa si weyn uga fal-celiyay tallaabada ay qaaday Somaliland, iyaga soo dhaweeyay xukunka lagu riday Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim.

Cabdicasiis Yuusuf: “Masha allah ciidanku waa ku mahadsanyihiin waa dadaal diimeed ka hortaga macsidu”.

Dalmar Burco: “Sharaf korkiina ha ahaato laakiin 2 sano aadbaad ugu yarayseen runtii guuleysta”.

Xukun Cabdi: “Naagihii dhaqanka xumaa ee uu wax barayna soo qabta yaanay ragga wasakhaynee”.

Cabaas Axmed: “Waa xukun bogaadin mudan isaguna waa muwaadine inuu alle soo hadeeyo aynu u ducayno

Xog: Wasiir Jaamac oo ciidamo wata oo ku wajahan Koonfur Galbeed + Qorshihiisa

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku tegayo booqasho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Jaamac oo wata ciidamo badan oo ilaalo ah ayaa tegi doona degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka uu halkaasi u tegayo qorshe la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan ololaha is-diiwaangelinta ee haatan ka socda deegaanno kamid ah Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu goobta iska diwaangeliyo, maadaama ay tahay deegaan doorashadiisa, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono halkaasi.

Ninkan oo ay horay aad isugu hayeen Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inuu yahay musharax u socda Koonfur Galbeed oo doorasho galeysa, waxaana safarkiisa uu noqday mid isha lagu hayo, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale kamid ah Xukuumadda Dan-Qaran oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan, waana saaxib ku dhow Villa Somali, sidoo kalena saameyn weyn ku leh siyaasadda.

Ma cadda waxyaabaha laga filan karo dhanka Koonfur Galbeed oo iyadu dhawaan Baydhaba ka celisay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo rabay in xisbigiisa uu xarun uga furo magaaladaasi, maadaama la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.

Si kastaba, Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa muuqata mid ka dareysa, maadaama la galayo marxalad adag oo tartan ah, loona diyaar garoobayo doorashada hoggaanka maamulkaasi oo loo qorsheeyay inuu isbeddal ka dhaco, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaashu.