26.7 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Xog: Siyaasiga DF u xulatay madaxweynaha maamul cusub oo loo dhisayo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u wakiishay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland, isaga oo faray in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo dhismaha maamul cusub oo lagu dhabar-jabinaayo midka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sida ay Caasimada heshay, qorshahan ayaa la isku raacay in lagu soo gabagabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo wasiirka amniga gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdrashiid Janan, kaas oo la isku raacay in uu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee wasiirka amniga gudaha.

Janan oo shalay kulan uu la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kae, wuxuu shacabka faray inay u diyaar garoobaan dhismaha maamulkaas oo uu tilmaamay inuu si toos ah ula shaqeyn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Jubbada Hoose waxaa haysta Axmed Madoobe oo dowlad-diid ah, Jubbada-dhexe-na waxa joogta Al-Shabaab, Gedo oo xor ah ah waxaa DFS u samaynaysaa maamul ay u dhan yihiin reer Jubbaland oo ku xiran Xamar, aanna u xirnayn Nairobi iyo Addis Ababa,” ayuu yiri Janan.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa la filayaa in wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro uu hoggaaminayo Wasiir Fartaag ay gaaraan gobolka Gedo, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan qorshaha dhismaha Jubbaland cusub.

Arrintan oo ahayd qorshaha labaad (Plan B) ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, ayaa la guday galay in la hirgeliyo kadib wada-hadalladii Kismaayo oo Axmed Madoobe uu diiday dalabaadka Madaxweynaha.

Haddii arrintani dhacdo, waxaa la filayaa in uu sii kaco khilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Villa Somalia. Si kastaba ha ahaatee, waxay tani u muuqatay fursad u suurtagelinaysa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka baxo cadaadiska beesha caalamka ee ku saabsanaa wada-hadallada Kismaayo, iyadoo muujinaysa in socdaalkii uu ku tegay halkaas uu horseeday tanaasul iyo guul siyaasadeed.

Wasiir Fiqi oo si kulul ugu jawaabay Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo xalay khudbad ku weeraray madaxda dowladda.

Shariif ayaa sidoo kale jeediyay hanjabaad culus, isaga oo farriin kama dambeys ah u diray madaxda xilka haysa ee mar kasta u jawaaba siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeedo, isaga oo ugu goodiyay inay is arki doonaan oo ay is baran doonaan.

“Kuwa qabiilka lagu abaabulay ee beenta loo sheegay qabiil qaran waa ku dumaa ee kuma dhismo, taariikh haddii ay noqotana waa is naqaanaa inta aanan caloosha soo qufin hala aamuso, haddii la aamusi waayo qof walba waxa uu yahay ayaan sheegeynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Kuwa xilka lagu siiyay inay nasoo caayaan meesha ay gali lahaayeen ayaa leyska rabaa, howsha kaftan waa soo dhaaftay aniga iyo Xasan waan is naqaanaa”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in xubnaha Madasha Samatabixita ay ka dhammaadeen xikmadihii, kadibna ay bilaabeen inay duruufta uga faa’iideystaan dadka danta yar, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mucaaradka hadda uusan lahayn ajende siyaasadeed, ayna rabaan in dalka ay geliyaan fowdo horleh iyo qalalaase.

“Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan. Oday Waayeel kaarkiisa in ay xoqdaan ayay isku dayeen waxay sababtay saldhig booliis in ay weeararaan, haddana maamo weyn ayay keeneen, waxay dadka uga faa’idaysanayaan duruufta, umaddana kama xishoon, waxay la’yihiin ajende siyaasadeed oo ay umadda la horyimaadaan”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aantooda, siyaasad xumadooda iyo in aysan danta umadda ka shaqaynayn!”.

Si kataba, Mucaaradka iyo dowladda ayaa si weyn isku haayo, waxaana khilaafkooda uu ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

Dowladda Eritrea iyo kooxda TPLF ‘oo dhisay’ isbaheysi dagaal ku qaadaya Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu eedeysay Eritrea iyo xoogagga Tigray inay sameysteen isbahaysi cusub oo militari oo lagu magacaabo “Tsimdo,” kaas oo ay ku doodayso in uu ujeedkiisu yahay “dagaal lagu qaadayo” dowladda federaalka.

Eedeyntan cusub ayaa dib u kicisay cabsi laga qabo in colaadaha Geeska Afrika ay mar kale qarxaan.

Eedeynta Itoobiya

Warqad rasmi ah oo ay Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Eritrea iyo garabka mayalka adag ee Tigrayga, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), ay sameeyeen isbahaysi cusub oo militari.

Dowladda ayaa ku andacootay in iskaashigan uu halis ku yahay xasilloonida dalka isla markaana uu jebinayo heshiiskii nabadda ee Pretoria ee la gaaray sanadkii 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii sokeeye ee laba sano socday.

Warqadda oo taariikheedu tahay 2-da Oktoobar 2025, loona diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu “isbahaysigan qarsoon” ku tilmaamay mid si isa soo taraysa u muuqda.

Sida ku cad dokumeentiga, labada dhinac ee isbahaysiga sameeyay ayaa “si firfircoon ugu diyaar garoobaya dagaal ka dhan ah Itoobiya,” iyadoo lagu eedeeyay “maalgelinta, abaabulka iyo hagidda kooxaha hubeysan sida Fano si loo ballaariyo colaadda.”

Eedeymahan ayaa astaan u ah xumaanta sii xoogeysanaysa ee xiriirka gobolka, waxayna khatar cusub ku yihiin nabadda jilicsan ee laga dhisay dalka tan iyo heshiiskii 2022.

Xiisadda Amxaara

Warqadda Itoobiya ayaa sheegtay in iskaashigan lagu eedeeyay Eritrea iyo TPLF uu qayb ka yahay sababaha ka dambeeya dagaalladii dhowaan dib uga qarxay deegaanka Amxaarada.

Dowladda ayaa ku andacoonaysa in isbahaysigu uu taageeray weerar ay maleeshiyada Fano ku qaadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Woldiya.

Wasiirka arrimaha dibadda, Gedion Timothewos, ayaa sheegay in saraakiil iyo dagaalyahanno TPLF ah ay si toos ah uga qayb qaateen weerarkaasi, iyadoo sidoo kale dagaallo kale laga soo sheegayo deegaannada Raya iyo Welkait.

Sida uu sheegay, falalkaas waxay jebinayaan heshiiskii joojinta colaadda ee lagu saxiixay Pretoria bishii Nofeembar 2022, kaas oo dhameeyay dagaalkii u dhexeeyay ciidanka federaalka iyo TPLF.

“Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) wuxuu muujiyay samir iyo is-xakameyn heer sare ah,” ayuu yiri Timothewos, balse wuxuu ka digay in xaaladdan “aysan sii ahaan doonin mid joogto ah” haddii weerarrada iyo daandaansiga la sii wado.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray digniin ku wajahan jawaab militari oo adag.

Xuddunta khilaafka

Addis Ababa ayaa Eritrea ku tilmaantay “maskaxda ka dambeysa falalka gurracan,” iyadoo ku eedeysay Asmara inay siiso “taageero dhaqaale, agab iyo mid siyaasadeed” kooxaha doonaya inay dumiyaan xasilloonida Itoobiya.

Warqadda ayaa sheegtay in ujeedada dhabta ah ee Eritrea ay tahay in la hor istaago dadaallada Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed — arrin muran dhalisay tan iyo markii Eritrea ay xorriyaddeeda qaadatay 1993, taas oo Itoobiya ka dhigtay dal aan bad lahayn.

“Eritrea waxay ficilladeeda colaadeed ugu soo bandhigtaa sidii tallaabooyin difaac ah,” ayuu yiri Timothewos, isagoo ku tilmaamay sheegashooyinkaas “marmarsiiyo lagu qiilayo qorshaha Eritrea ee muddada dheer ahaa ee lagu carqaladeynayo Itoobiya.”

Xuddunta muranka ayaa ah dadaalka Itoobiya ee ku wajahan helitaanka deked, arrin welwel ku abuurtay dalalka dariska ah ee gobolka.

Inkasta oo eedeymahan culus ay jiraan, Itoobiya waxay sheegtay inay weli u heellan tahay wadahadal nabadeed. Wasiir Timothewos ayaa xusay in dowladdiisu ay rabto inay “si nabadeed” ku hesho marin badeed, iyadoo hiigsanaysa “barwaaqo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraamka madaxbannaanida iyo qarannimada labada dal.”

Warqaddan cusub ayaa daba socota mid la mid ah oo Itoobiya u gudbisay dowladda Maraykanka bishii Luulyo, taasoo muujinaysa cabsi sii kordheysa oo ay ka qabto dhaq-dhaqaaqyada Eritrea.

Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, inay cadaadis saaraan Asmara si ay u joojiso “ficilladeeda colaadeed ee tooska ah iyo kuwa dadban.”

Iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ay sii xoogeysanayso, khubarada gobolka ayaa ka digaya in Geeska Afrika uu wajahayo khatar cusub oo colaadeed, taasoo dhaawici karta dadaallada nabadeed ee sannadihii la soo waday.

Daawo: Shariif oo lacag ugu deeqay Xasan Sheekh habaryartiis kadib markii..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo uu soo qaban qaabiyay xisbigiisa Himilo Qaran ayaa lacag kun dollar ah ugu deeqay Maamo Fowsiyo oo sheegatay inay Habaryar u tahay Madaxweye Xasan Sheekh, uuna ka barackiyay gurigii ay daganeyd.

Maamada oo ka hadashay kulanka Xisbiga Himilo Qaran oo looga hadlayay dhul boobka ayaa ku hor ilmeysay Sheekh Shariif iyo madaxdii kale oo kulanka fadhisay, waxayna sheegtay in dhibaatada loo gaystay ay ku kaliftay inay ka dawarsato baraha bulshada.

“Waxaan ahay Maamo Fowsiya Media-yaha wax badan ayaan ku ooyay Tiktok-na aan ka dawarsaday, maanta Xasan Sheekh cidna igama xigto hooyadii dhashay oo barbaarisay walaasheed ayaan ahay, waligey qabiil kuma hadlin caawa waxaa iga keentay shucuurteyda” ayay tiri maama Fowsiya oo ka hadashay kulanka Xisbiga Himilo Qaran.

Intaas kadib waxaa maamada soo garab istaagay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu deeqay lacag kun dollar ah iyo lacagta ijaara guriga oo joogta ah.

“Maamada waad arkeysiin shucuurta ayaa ka adkaatay, runtii dalkan dulmiga ka jira waxyar oo kamid ah waayay, xisbiga waxa uu go’aansaday familkan inuu ugu deeqo kun dollar, gabadha waxbarashadeedana uu ku bixiyo kun dollar 150 joogta ah oo ijaarka ahna bixiyo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waa lagu garab taagan yahay kaligaa maahid xuquuqdaadana waa lasoo dhicinaa, Insha allah”.

Dhankiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo isna hadalka qaaday ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay inuu ka xishoon waayay xigtadiisa iyo dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee uu barakiciyay.

“Habaryartaa ayaa ka oysiisay, waxaad kaloo ka oysiisay adaygii adeerkaa ahaa car anaga nagu dar, ma rabno qiyaali dagaal sokeeye ma rabno nabad ayaan rabnaa” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan mucaaradka ay abaabulayaan dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha iyo dowladdiisa, kaas oo qorshuhu yahay inuu Khamiista ka dhaco saddex goobood oo ku yaala Muqdisho, kuwaas oo kala ah Dayniile, Tarabuunka & Siinaay.

Si kastaba, Ujeedka dibadbaxa  ayaa ah mid looga soo horjeedo DFS uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaalay caasimada.

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay Trump oo mar kale u gefay Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo mar kale Talaadadii jeediyay hadal uu ugu gefay Soomaaliya.

Trump oo jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey ayaa Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka la barbar dhigay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in hoggaan la’aan uu yahay, sida Soomaaliya oo kale.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo soo hadal qaaday Ilhaan Cumar, isaga oo ku celiyay in dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay New York uu kala hadlay inuu ku celiyo Soomaaliya, balse arrintaasi uu ka diiday.

Ilhaan oo hadda soo jawaabtay ayaa Trump ku sheegtay inuu yahay cunsuri, isla markaana uu mar walba dadka u sheego been, sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo saartay.

“Maalin cusub, sheeko been ah oo isla mid ah, Donald Trump waa nin aan xishoon, cunsuri ah oo musuq-maasuq iyo been sheegid isku darsaday, waad ku mahadsan tahay dareenka arrintaan” ayay qoraalka ku tiri Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Hadalka Donald Trump oo dhaliyay falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan u sheegay dhibaatada uu dalkiisu leeyahay. Waxaan ku iri, ‘Waxaad leedihiin qof Soomaali ah oo noo sheegaya sida aan dalka u maamulno, kana timid Soomaaliya.’ Waxaan weydiiyay, ‘Ma dooneysaa inaad dib u celiso?’ Wuxuu igu yiri, ‘Maya, ma doonayo!’” ayuu Trump si caraysan u yiri, isagoo hadalkiisa sii watay si aan nidaam lahayn.

Trump wuxuu ula jeeday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, kana soo jeeda Minnesota, taas oo horey uga badbaaday weerarro iyo hanjabaado ay u jeediyeen siyaasiyiin Jamhuuri ah oo cunsuriyiin ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Si kastaba, Ku adkeysiga Trump ee ah in uusan aqoon cidda ay yihiin hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga, isla markaana aysan lahayn hoggaan dhab ah, ayaa muujinaysa sida aanu u daacad uga ahayn dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xirnaanshaha dowladda.

TRUMP oo Soomaaliya la barbar dhigay xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey, isagoo mar kale Xisbiga Dimuqraadiga la barbar dhigay dalka Soomaaliya.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, isagoo u muuqday mid ku faanaya in uusan aqoon magacyada xildhibaannada Dimoqraadiga ee doonaya wada-hadal ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa xirnaanshaha dowladda.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.

Hadalkan oo si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, ayuu Trump sii waday isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan u sheegay dhibaatada uu dalkiisu leeyahay. Waxaan ku iri, ‘Waxaad leedihiin qof Soomaali ah oo noo sheegaya sida aan dalka u maamulno, kana timid Soomaaliya.’ Waxaan weydiiyay, ‘Ma dooneysaa inaad dib u celiso?’ Wuxuu igu yiri, ‘Maya, ma doonayo!’” ayuu Trump si caraysan u yiri, isagoo hadalkiisa sii watay si aan nidaam lahayn.

Trump wuxuu ula jeeday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, kana soo jeeda Minnesota, taas oo horey uga badbaaday weerarro iyo hanjabaado ay u jeediyeen siyaasiyiin Jamhuuri ah oo cunsuriyiin ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Ku adkeysiga Trump ee ah in uusan aqoon cidda ay yihiin hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga, isla markaana aysan lahayn hoggaan dhab ah, ayaa muujinaysa sida aanu u daacad uga ahayn dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xirnaanshaha dowladda.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in aysan jirin wax xog ah oo muujinaysa in Trump uu si toos ah ula hadlay Dimoqraadiyiinta, balse uu arrimahaas u diray wakiillo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka oo u shaqeeya isaga.

Trump horey ayuu u la kulmay hoggaamiyeyaasha sare ee Dimoqraadiga, sida Hakeem Jeffries oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Yar ee Aqalka Wakiillada iyo Chuck Schumer oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Yar ee Senate-ka — kaas oo Trump marar badan uu ugu yeeray “Falastiini,” hadal loo arkay mid aflagaaddo cunsuriyad ah.

Si kastaba, kulankaas ayaa madaxweynuhu u adeegsaday fursad sawir oo uu ku faano baraha bulshada ka hor inta uusan eedda xirnaanshaha dusha ka saarin Dimoqraadiyiinta, isla markaana uu sii watay qorshihiisa lagu shaqo ka eryayo shaqaale badan iyo in si sharci-darro ah loo joojiyo mushaharkii shaqaalaha la fasaxay.

Somalia pushes Swahili in major East African integration drive

MOGADISHU, Somalia — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Tuesday opened a major regional business summit in Mogadishu, urging the nationwide promotion of the Swahili language to accelerate Somalia’s integration into East Africa.

The initiative reflects a dual strategy to strengthen both economic and cultural ties across the region.

Speaking at the second East African Cooperation Business Conference (EACON-2025), President Mohamud said Somalia is ready to take on a leading role within the East African Community (EAC). Somalia officially joined in March 2024 as the bloc’s eighth member.

“Mogadishu is a city with a long history of trade and connectivity,” Mohamud said. “Hosting this conference shows Somalia’s commitment to playing an active role in regional integration and advancing peace and trade in East Africa.”

The summit brought together business leaders, academics, and policymakers to discuss ways to strengthen economic, political, and social cooperation.

Mohamud called on experts to provide evidence-based research to guide investments and policymaking, aligning with his administration’s focus on structured national development.

A strategic push for Swahili

In one of the summit’s most notable announcements, President Mohamud directed Somali universities to lead efforts in promoting and teaching Swahili — a language spoken widely across East Africa.

The move underscores Somalia’s intention to deepen its regional integration beyond trade and economics.

“I urge the Somali National University and all universities in the country to invest heavily in developing the Swahili language, which is the language of East Africa,” Mohamud said.

He described universities as essential institutions for producing and spreading knowledge that advances both national priorities and regional cooperation.

Education Minister Farah Abdulkadir echoed the president’s remarks, sparking broad public discussion in Somalia. Promoting Swahili — one of the EAC’s official languages — is seen as a practical way to overcome communication barriers and foster a shared regional identity.

Solidifying a new regional role

Somalia’s entry into the East African Community followed years of negotiation, culminating in its admission early last year. The membership marks a cornerstone of President Mohamud’s foreign policy, which aims to anchor Somalia within regional economic and security frameworks firmly.

Joining the bloc gives Somalia access to a common market of over 300 million people. It is also opening up opportunities for tariff-free trade and shared infrastructure projects. The government hopes these connections will also bolster domestic efforts to achieve long-term political stability and security.

The Mogadishu conference serves as a platform to highlight Somalia’s progress and investment potential. By promoting both business partnerships and cultural alignment, the administration is positioning the country for a more enduring and influential role within the region.

As EACON-2025 continues, delegates are expected to focus on harmonizing trade regulations and identifying cross-border investment opportunities. Yet, the push for Swahili stands out as a long-term cultural and diplomatic shift — a clear reflection of Somalia’s ambition to become a fully integrated and influential member of the East African bloc.

Dhismaha Jubaland cusub oo lagu dhawaaqay kadib fashilkii wada-hadallada

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Jubbaland cusub, kadib kulan uu la yeeshay waxgaradka gobolkaasi.

Janan oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kae, wuxuu shacabka faray inay u diyaar garoobaan dhismaha maamulkaas oo uu tilmaamay inuu si toos ah ula shaqeyn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Jubbada Hoose waxaa haysta Axmed Madoobe oo dowlad-diid ah, Jubbada-dhexe-na waxa joogta Al-Shabaab, Gedo oo xor ah ah waxaa DFS u samaynaysaa maamul ay u dhan yihiin reer Jubbaland oo ku xiran Xamar, aanna ku xirnayn Nairobi iyo Addis Ababa.” ayuu yiri Janan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Dowladda Federaalka ay haatan go’aansatay in ay bilowdo dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu noqoneyso Garbahaarey, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Kismaayo ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Fashilka ayaa yimid, kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda, isla markaana Madaxweyne Xasan uu dalbaday in Axmed ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adeegay in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Si kstaba, Kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Daawo: Shariif oo diiday qorshaha DF soona saaray hanjabaad culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo caawa khudbad ka jeediyay kulan uu soo qaban qaabiyay xisbigiisa Himilo Qaran ayaa diiday qorshaha hub ka dhigista dowladda, wuxuuna soo saaray hanjabaad culus.

Ugu horreyn Shariifka ayaa u jawaabay mas’uuliyiinta xilalka haya ee inta badan dura xubnaha mucaaradka, wuxuuga ugu goodiyay inay is arki doonaan oo la’is baran doono.

“Kuwa qabiilka lagu abaabulay ee beenta loo sheegay qabiil qaran waa ku dumaa ee kuma dhismo, taariikh haddii ay noqotana waa is naqaanaa inta aanan caloosha soo qufin hala aamuso, haddii la aamusi waayo qof walba waxa uu yahay ayaan sheegeynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “”Kuwa xilka lagu siiyay inay nasoo caayaan meesha ay gali lahaayeen ayaa leyska rabaa, howsha kaftan waa soo dhaaftay aniga iyo Xasan waan is naqaanaa”.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad uga yimid qorshaha dowladda ee ku aadan hub ka dhigista mucaaradka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu u arko in si gaar ah loo beegsanayo, isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalkii saldhigga degmada Warta Nabadda.

“Hub ka dhis ma aqbaleyno waxaana u aragnaa wado nagula baneesanayo lana rabo in ay na dilaan ragii daraad na xabadeeyay iyo Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Dhakiisa, Ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa xoojiyay qabsoomidda dibadbaxa ay mucaaradka Khamiista ku qaban doonaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in balantu ay tahay in lasoo buux dhaafiyo dibadbaxa.

“Madasha Samatabixinta waxay ku dhawaaqday mucaarad ahaan banaanbax nabadeed oo dastuuri ah oo cidna aan lagu dhibaateyneen intaas diyaar ma u tihiin?. Annagu waa idin garab taaganahay, waana innoo maalinta Khamiista” ayuu isna yiri Xasan Cali Khayre.

Mucaaradka iyo dowladda ayaa si weyn isku haayo, waxaana khilaafka uu ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

 

Daawo: “Soomaaliya waxay u baahan tahay wixii ka dhacay Nepal oo kale,” waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee ururrada bulshada rayidka ah Mudane Diini Maxamed Diini oo ka qayb-galay kulan uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, loogana hadlayay dardargelinta dibadbaxa ay iclaamiyeen mucaaradka ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Diini ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahantay kacdoon lamid ah midkii ka dhacay dalka Nepal, kaas oo ay sameeyeen dhalinyarada dalkaasi, isla markaana horseeday isbeddal deg-deg ah.

Ninkan ayaa ku taliyay in lagu bannaanbaxo, isla markaana la canaanto madaxda dalka, si wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay ‘dhul boobka’ iyo barakicinta shacabka caasimada.

“Soomaaliya waxey u baahan tahay wixii ka dhacay Nepal oo kale wixii dalkaas ka dhacay waa daawateen ayaan filaa, haddaba kuwa sheeganaya inay idin metalaan waxey mudan yihiin in Dacas lala dhaco”, ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Ururrada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale wuxuu intaas ku sii daray “Ninka mas’uulka kuu ah waa in la canaanto oo lala xisaabtamo laga bilaabo Madaxweyne Xasan Sheekh waa shaqaale shacabka u shaqeeya”.

Waxaa kale oo jawaab uu siiyay Madaxweynaha oo dhawaan jeediyay hadallo ka dhan ah siyaasiyiita mucaaradka ee dibadbaxa ka abaabulaya magaalada Muqdisho.

Diini Maxamed Diini oo hadalkiis sii wata ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa la filayo in Khamiista uu ka dhaco caasimada.

“In Madaxweynaha uu maanta ku jawaabo faqri waa noolaan jiray ee sidii ay barigii hore u noolaan jireen ha u noolaadeen xaq maaha, waxaan codsaneynaa in lasoo wado baxo oo laga qayb-galo dibad-baxa nabadeed” ayuu mar kale yiri Mudane Diini Maxamed Diini.

Ujeedka dibadbaxa mucaaradka ayaa ah mid looga soo horjeedo DFS uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaalay caasimada.

Arrinta dibadbaxa waxaa horay ugu baxay Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye kuwaas oo horseeday is-afgarad ka gaaro dibna loo dhigo, si loog baaqsado rabshado iyo dhibato ka dhacda gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa xilligaas la isku raacay in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, oo kusoo aadeysa maalinta Khamiista ah.

Xasan oo soo jeediyay in Soomaaliya ay hormariso luuqad aan laga fileyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro luqadda Sawaaxiliga.

Xasan Sheekh ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faray inay ka shaqeyso horumarinta luqadda Sawaaxiliga, maadaama ay tahay luqadda bariga Afrika oo ay dhawaan xubin buuxda ka noqotay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan jaamacadaha dalka waxaan ku boorinayaa inay xoog badan geliyaan horumarinta luqadda Sawaaxiliga oo ah luqadda ay leedahay East Africa” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sii raaciyay “Jaamacadaha sideedaba laba farriin ayay ximbaasan yihiin cilmi iyo aqoon inay abuuraan oo ay curiyaan waa mid. Cilmigaas iyo aqoontaas ay dhaliyeen iyo kuwa horay loo soo dhaliyay inay baahiyaan oo gaarsiiyaan dadka waa midda labaad”.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir oo isna khudbad ka jeediyay madasha ayaa arrintan sii xoojiyay, waxaana ka dhalatay hadal heyn xoogan iyo falcelin ay ka sameeyeen bulshada Soomaaliyeed.

Cali Yare Cali: “Dowladdii saakay waxeey la soo toostay mashruuc la yiraahdo afka Sawaaxiliga ayaan horumarin ku sameeyneynaa manhajka waxbasho ayaana lagu darayaa. Ma kala hubo qorshe dowlo iyo qeyb dagaalka Ahmed Madoobe ka mid ah oo loogu qasbanaaday kan uu yahay”.

Maahir Ibraahim: “Haddii wax la hormarinaayo Af-maay-maayga hala hormariyo maxaa luuqad ajaaniIb iska leh loo baranaa middeena ayaaba kaseyninee”.

Yoonis Yaasiin: “English Manjaka dalka waa ku jiraa ee maxAA ku jaban in Sawaaxilina lagu daro?”.

Cabdulqaadir Daahir: “Xasanow maad na dhahdid dalka waa la kala qeybsaday marka aad luuqad islaameed aad jilka cusub ku dhirigallineyso China luqaddiisa uu ku hor marray”.

Abshir Baari: “Kiswaahiliga waa luqad muhiim ah oo badi dadka bariga Afrika dagan ay ku hadlaan, waxayna qeyb muhiim ka qaadanaysaa is dhexgalka bulshada bariga Afrika”.

Liibaan Cismaan Maxamuud: “Manhajka Somalia halagu soo daro barashada luqadda Sawaaxilaga”.

Yuusuf Macallin: “Af Soomaaligii Miyaa ka dhamMaaday?”.

Danjire Cabdirisaaq: “Luqadda in la barto guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayey dan wayn ugu jirtaa”.

Daawo: Xubnaha Madasha Mucaaradka oo maanta isugu tegay guriga Shariif + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa goordhow isugu tegay guriga Sheekh Shariif, halkaas oo ay haatan ku yihiin shir xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo qorshahooda.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif  ayaa waxaa looga arrinsanayaa qorshaha mucaaradka ee la xiriira dibadbaxii ay horay u iclaamiyeen, kaas oo loo ballansan yahay maalinta Khamiista oo ku beegan 9-ka October.

Xubnaha Madasha ayaa sidoo kale la hadlaya dadweyne kasoo qayb-galay kulankan oo lagu dardargelinayo qabsoomidda dibadbaxaas oo horay loo baajiyay, kadib markii ay xiisad ka dhalatay dagaalkii saldhiga Warta Nabadda.

Ujeedka dibadbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaallay gudaha caasimada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in mucaaradku ka hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan wada-hadalladii fashilmay ee ka dhacay Kismaayo ee u dhexeeyay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubbaland.

Arrinta dibadbaxa waxaa horay ugu baxay Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye kuwaas oo horseeday is-afgarad ka gaaro dibna loo dhigo, si loog baaqsado rabshado iyo dhibato ka dhacda gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa la isku raacay in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, oo kusoo aadeysa maalinta Khamiista ah.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbax nabdoon, lagana heshiiyo goobta iyo goorta uu dhici doono, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Janan oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Gedo kadib fashilka wadahadalladii Kismaayo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-sugidda gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xaaladda gobolkaas, isaga oo kulan isugu yeeray bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka.

Janan ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud, amniga iyo arrimaha siyaasadda, maadaama weli ay taagan tahay xiisadda dowladda iyo Jubbaland.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah, Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale bulshada rayidka ah iyo waxgaradka Beledxaawo kala hadlay qorshaha la xiriira dhismaha ‘maamulka cusub’ ee la doonayo in lagu sameeyo Jubbaland taabacsan dowladda dhexe.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay la shaqeynta maamulka iyo ilaalinta nabad-gelyada guud, sida uu sheegay taliyuhu oo qoraal soo saaray kadib kulankaasi.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay natiijo la’aan ay soo dhammaadeen kulamo qaatay laba cisho oo dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Kismaayo iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuwaas oo ku kala kacay wada-hadallada.

Fashilka ayaa waxaa keenay kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda, isla markaana Madaxweyne Xasan uu dalbaday in Axmed Madoobe ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adeegay in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Dhanka kale, kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Isla xalay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna shir kale u qabtay xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Somalia’s NISA kills 7 militants days after intel base attack

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) says its forces, supported by international partners, carried out a planned overnight raid in the Basra area of Middle Shabelle, killing seven al-Shabaab militants, including senior commanders.

Officials said the operation targeted a militant hideout after intelligence reports revealed the group was preparing attacks along the Mogadishu–Balcad corridor. Three other fighters were wounded in the assault.

According to NISA, the militants were part of a 40-member cell organizing “operations to destabilize security” in the region.

“Our forces successfully neutralized the threat and destroyed the site where the group was gathering,” NISA said in a statement on Tuesday.

Intelligence-led counterterrorism raid

The agency said the raid followed “precise intelligence verification” confirming that the militants were planning to strike transport routes linking the capital to nearby towns. The hideout — a network of tents and temporary shelters — was destroyed in the operation.

“The operation concluded successfully without civilian casualties,” NISA said, adding that Somali intelligence and security forces “fully thwarted” an imminent al-Shabaab attack.

Basra, located about 45 kilometers north of Mogadishu, has long served as a key transit corridor for militants moving between the Shabelle River region and the capital.

Somali forces, often working in conjunction with the African Union and international partners, have intensified operations in recent months to disrupt the insurgent movement.

Attack on high-security NISA base

The Basra operation came just three days after Somali security forces repelled a brazen daylight assault by al-Shabaab militants on the high-security Jilacow interrogation center in Mogadishu — one of NISA’s most sensitive facilities.

The October 4 attack left all seven assailants dead, according to the government, which described the incident as a reminder of the group’s persistent threat despite ongoing military gains.

Authorities said their forces “swiftly responded and successfully neutralized all seven terrorists who attempted to storm the facility,” bringing the attack “to an end in a short period.”

The militants, disguised in military uniforms and driving a vehicle painted with army insignia, managed to bypass several security checkpoints in the heavily fortified capital before being stopped at the compound.

Officials said the assault exposed “security vulnerabilities that need to be addressed urgently,” prompting new directives to restrict the use of military-painted vehicles and tighten weapon movement within Mogadishu.

The Jilacow facility has been targeted before — including a 2014 attempt to free prisoners. The government described the latest assault as an “act of desperation,” coming a day after Somali forces and allied militias announced the capture of four strategic towns in the southern Lower Shabelle region.

Sustained pressure on al-Shabaab

Somalia’s government, backed by the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and international partners, has waged a year-long campaign to weaken al-Shabaab’s grip across central and southern regions.

In recent airstrikes on the group’s southern strongholds, officials said several senior operatives were killed, including Mohamed Osman Mohamed, known as Tuutax — the deputy head of the group’s intelligence and explosives division, the Amniyat.

Despite these setbacks, the al-Qaeda-linked group continues to carry out high-profile attacks in urban areas while maintaining control of some rural strongholds.

Analysts say incidents like the Jilacow assault illustrate both al-Shabaab’s adaptability and Somalia’s fragile security environment.

In its latest statement, NISA urged citizens to report any information related to militant activity through its hotlines — 199, 0770747474, or 0620545454 — emphasizing that public cooperation remains vital to national security.

“Somalia’s future stability depends on shared vigilance,” the agency said.

As the government tightens its counterterrorism measures, both the Jilacow assault and the Basra raid highlight the fragile balance between progress and persistent threats in Somalia’s long fight against extremism.

Maareeye Ameeriko oo la kulmay R/W Xamza kadib guushii dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo uu kulankaasi uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Dekedda Muqdisho iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda. Maareeyaha ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinka socda iyo qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyada dekedda, isagoo uga mahadceliyay dhagaysiga iyo taageerada joogtada ah ee uu muujiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo) ayaa sheegay in shirka lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin horumarka iyo dadaalka ballaaran ee ay wadaan maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, kuwaas oo horseeday guulo la taaban karo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kaalinta koowaad ee dekedaha Bariga Afrika iyo kaalinta afraad ee dekedaha ugu horumarsan Qaaradda Afrika.

“Guushan waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada Dekedda Muqdisho iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Dekedda Muqdisho oo si wadajir ah u horseeday natiijadan lagu faano.

Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu qiimeeyay dekedda ugu waxtarka badan Bariga Afrika, sida lagu sheegay Warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) 2024 oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.

Warbixintu waxay sheegtay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta 163-aad ka gashay 407 dekedood oo caalami ah. Sidoo kale, waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Saxaraha Afrika, iyadoo kaalinta koowaad uu haysto Dekedda Dakar ee Senegal.

Dekedda Muqdisho ayaa ka hor martay dekedaha waaweyn ee gobolka sida: Dekedda Dar es Salaam (kaalinta 360-aad), Dekedda Jabuuti, kaalinta 364-aad, Dekedda Mombasa (kaalinta 375aad)

Qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda — laga bilaabo marka ay ku sugnaadaan biyo-fadhiga ilaa inta ay ku jiraan marsada (berth), taas oo cabbiraysa waxtarka adeegyada dekedda.

Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
📞 +254 711 830 393
✉️ [email protected]

Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Dilkan ayaa loo geystay oday da’ ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere). Dilka ayaa la sheegay in loo adeegsaday bastoolad, iyadoo ninkii dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya dilkan ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran dhul, inkastoo weli ay socoto baarista kiiskan oo haatan gacanta ku hayaan laamaha amniga Somaliland.

Booliska Somaliland oo goordhoweyd ka hadlay dilkan ayaa shaaciyay magaca eedeysanaha geystay, kaasi oo ay ku sheegeen Aabi Muuse Cilmi.

“Ciidanka Booliska JSL waxa ay wadaan hawlgal baadhiseed ay ku raadinayaan eedeysane Aabi Muuse Cilmi oo ku eedeysan dilka Marxuum Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere), kaasi oo ku dilay abbaaro 10:00 subaxnimo ee maanta, degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka, “Eedeysanaha falka geystay waa la aqoonsaday, waxaana socda dadaallo xooggan oo ay Ciidanka Boolisku ku doonayaan in lagu soo qabto eedeysanaha.”

Booliska ayaa bulshada Somaliland ka codsaday inay ka qeyb qaataan gacan ku soo dhigista eedeysanaha baxsadka ah, si loo marsiiyo cadaaladda.

“Cid kasta oo xog ama warbixin ka haysa eedeysanaha ha la soo xidhiidho saldhigyada Booliska ee ugu dhow,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Booliska.

Bilihii u dambeeyay waxaa caasimadda kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii bishii August goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan-ku-dhiiglayaasha, kuwaas oo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan-ku-dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, illaa hadda booliska Somaliland waa ku guul-dareysteen soo qabashadan gacan-ku-dhiiglaha geystay oo isagu markii uu falka geystay, isla markiiba ka baxsaday goobta.

Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka furay shir ay ka qeyb-galayaan 350 ergo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkan. Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta aagga wax-soosaarka ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa muujiyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga wadamada ku bahoobay ururkan.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday warbixinta horumarka Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista suuqa bariga Afrika, kobaca dhaqaalaha, horumarka teknoolojiyadda iyo karaanka aadanaha.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Balcad oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: “Soomaalidu dad ahaan hore ayay ugu mideysnaayeen bulshada Bariga Afrika. Ganacsatada Soomaaliyeedna waxay ganacsiyo ku leeyihiin todobo dal oo ka tirsan Bariga Afrika.

Dalalka ka qeyb-galay shirkan, ayaa Soomaaliya ku ammaanay sida ay u muujisay ka-go’naanshaha iskaashiga iyo kala faa’iidaysiga dalalka ku mideysan ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ay muhiimad gaar ah u leedahay kobcinta iyo furfurnaanta suuqa ganacsiga gobolka.

Si kastaba, shirkan muhiimka ah oo ah fursad lagu xoojinayo ganacsiga, maalgeshiga iyo xiriirka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah madaxda sare ee qaranka, wasiirro, iyo wufuud caalami ah.


















Sawirro: Soomaaliya oo soo dhoweysay sarkaalkii ugu horeeyay ee 40 sano kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xusayay guusha uu sarkaalkani ka gaaray dhanka tababarka ciidanka.

Dhamme Maxamed Muuse Maxamed ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano kadib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst). Tani ayaa loo arkay guul weyn oo dib u soo celinaysa xiriirka iskaashiga milatari ee labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil kale oo ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida uu uga go’an yahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in sarkaalkani uu tusaale wanaagsan u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda u adeegaan.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Wuxuu xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka ciyaaro dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in guusha uu gaaray Dhamme Maxamed Muuse ay muujinayso dadaalka dowladda ee ah in la helo ciidamo aqoon iyo xirfad sare leh oo awood u leh difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadda dalka.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale siisaa qalab iyo taageero farsamo si loo xoojiyo awoodda dowliga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta amniga guud ee dalka.

Xog: DF oo ku dhaqaaqeysa qorshaha Plan B ee Jubaland kadib fashilkii wada-hadallada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay bilaabto dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay gelinkii dambe yeesheen shir socday saacado badan, kaas oo looga arrinsaday sida loo bilaabi karo dhismaha maamulka cusub.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanadii iyo wasiirradii joogay u sheegay in wadahadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Isla xalay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna shir kale u qabtay xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Tallaabadan ayaa imaneysa kaddib markii wadahadalladii Kismaayo ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, iyadoo labada hoggaamiye ay ku adkeysteen mowqifyadooda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbanayay in Axmed Madoobe ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adagaa in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Wafdiyadii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya ayaa sidoo kale Kismaayo ka ambabaxay, iyagoo ku laabtay Nairobi kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii ay ku doonayeen inay labada dhinac is-fahamsiiyaan.

Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqata inay qaadatay go’aan siyaasadeed oo cad — in Jubaland dib loo dhiso, lana mideeyo gobolka Gedo oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

Xaaladda Jubaland ayaa la filayaa inay sii cakirmi doonto maalmaha soo socda, iyadoo ilo wareedyo sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in si degdeg ah loo dhiso maamul ku-meelgaar ah oo Garbahaarey saldhig u noqda.

Dowladda ayaa bilihii dhowaa gacanta ku dhigtay degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna haysataa taageerada beesha Mareexaan ee ugu badan gobolka, taasi oo sahleysa dhaqan-gelinta qorshahan cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu aysan mar dambe u dulqaadan doonin maamul goboleed aan ku dhisnayn sharci federaal ah, isaga oo faray xukuumadda in ay “si degdeg ah u bilowdo howlaha dhismaha Jubaland cusub.” 

DF iyo Sweden oo ka wada-hadlay laba qodob + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay dhiggiisa dalka Sweden Mudane Pål Jonson oo saaka diyaarad qaas ah ku yimid gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Labada wasiir oo yeeshay kulan laba geesood ah ayaa diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan labada qodob ee kala ah ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa xusay in xiriirka Sweden iyo Soomaaliya uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasaillinta gobolka.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo milatariga.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Sweden, Pål Jonson ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka  dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, maadaama dhul ballaaran laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada  iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed

Wada-hadallada ayaa sii socon doono, iyada oo la filayo in labada dowlaood ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo la xiriira wada-shaqeynta difaaca, si loo sii adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden.

Soomaaliya iyo Sweden ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhanka amniga ee labada dal, iyadoo la filayo in dowladda Sweden ay kordhiso tababarada iyo taageeradda ay u fidiso ciidanka Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado, kuna jira dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Si kastaba ha’ahaatee Sweden oo ku taalla waqooyiga qaaradda Yurub, waa dal ka tirsan gobolka Scandinavia ayaa 7-dii Maarso 2024 si rasmi ah uga mid noqday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii uu oggolaaday Turkigu oo hore u diidanaa xubinnimadiisa.