27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Daawo: Xasan Macallin oo diiday inuu raali-gelin ka bixiyo arrintii carada weyn dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho.

Wasiir Xasan Macallin ayaa markaas sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho oo dowladda dhexe ay ka taliso, aysan dowladda ku lahayn waxbarasho, caafimaad iyo cunto midna.

Inkastoo uu sheegay in si khaldan loo fasiray hadalkiisa oo ka careysiiyay shacabka Soomaaliyeed, haddana wax raalli-gelin ah kama bixin. “Hadalka haddii maqaamkii iyo madashii loogu talagalay laga saaro, macno kale ayuu soo saaraya. Goob kastana hadal u gaar ah ayay leedahay,” ayuu yiri.

Xasan Macallin ayaa ku dooday in hadalkiisu ahaa mid dood cilmiyeed ku saleysan oo uu ka jeediyay buug dowlad-dhis ah oo lagu soo bandhigay Muqdisho, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan hadda u diyaarsaneyn sidii dowladaha casriga ah ee Yurub oo bixiya adeeg dadweyne.

“Dowladaha modern-ka ah ee casriga maxay kusoo kordhiyeen dowladnimada? Waxay ku dareen qarnigii 19-aad in xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka ay bixiso. Waana meesha ay dooddaydu kasoo galeyso oo aan lahaa: dowladdan xuquuqda siyaasiga ah doorasho ayaa u dareeri doontaan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: “Soomaaliya in ka badan 50 sano xuquuq siyaasadeed ma lahayn, sida kacaanku u yimidba. Kacaanku wuxuu yiri xuquuqda bulshada idin siinayaan waxbarasho iyo caafimaad, waana idinka qaaday xuquuqdii siyaasadeed.”

Si kastaba, nuxurka hadalka wasiirka ayaa ah inuu isagu saxnaa balse ay bulshadu qalad u fahantay, taas oo weli dood ka taagan tahay, isla markaana dad badan ay dalbadeen inuu si buuxda raalli-gelin uga bixiyo arrintaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Wada-hadalladii DF iyo Somaliland oo dib loo billaabayo

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa billowday dadaallo ay dib ugu soo nooleynayso wadahadalladii hakadka galay ee u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa ah isku day cusub oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii heshiis dekedeed oo muran badan dhaliyay oo ay Somaliland la gashay Itoobiya uu carqaladeeyay dadaalladii hore ee socday.

Dadaalkan waxaa hoggaaminaya madaxweynaha muddada dheer ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu isbeddel hoggaamineed ka dhacay Somaliland, waxaana looga gol leeyahay in dib loogu dhiso kalsoonidii si weyn u dhaawacantay kaddib heshiiskii baddeed ee ay Muqdisho ku tilmaantay “gardarro qaawan”.

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland ayaa soo hagaagay tan iyo markii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo loo yaqaano “Cirro”, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somaliland bishii Nofeembar 2024. Maamulkiisa ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu dib u furo wadahadalka Muqdisho, isagoo ka tallaabsanaya habkii iska hor-imaadka ahaa ee madaxweynihii ka horreeyay.

Geelle ayaa soo dhoweeyay furfurnaantaas, balse wuxuu ku riixayaa in la maro geeddi-socod habaysan oo leh “tilmaamo cad oo ku saabsan dib u bilaabidda wadahadallada iyo xuduudo adag oo aanu maamulka gooni-u-goosadka ahi ka tallaabsan karin,” sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo gobolka ku sugan.

Saameynta heshiiskii Itoobiya

Dadaalka Jabuuti wuxuu daba socdaa fashilkii ku yimid isku day hore oo wadahadal ah. Bishii Diseembar 2023, Jabuuti waxay martigelisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyihii xilligaas ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa iskaashi dhow.

Laakiin wax kayar laba maalmood kaddib, Biixi wuxuu Heshiis Is-afgarad (Memorandum of Understanding) la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Heshiiskaas wuxuu Itoobiya oo aan bad lahayn siinayay kiro 50 sano ah o ah dhul dhan 20 kiilomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland u ballanqaadday saami ay ka siinayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, iyo tan ugu muhiimsan, suurtagalnimada in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siiso Somaliland.

Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ah, heshiiskan wuxuu u ahaa mid lagu soo dhoweeyay guul taariikhi ah. Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxay u aragtay inuu yahay xadgudub culus oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska Is-afgaradka ah wuxuu sidoo kale walaac ku abuuray dowladda Jabuuti. Dekeddeeda waxaa mara in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga Itoobiya, waxaana soo bixitaanka deked kale oo ay Itoobiya maamusho oo deris la noqonaysa loo arkay khatar toos ah oo ku wajahan dhaqaalaheeda iyo amnigeeda. Taas oo jawaab u ah, Jabuuti waxay dib u cusboonaysiisay Heshiiskii Iskaashiga Difaaca (Defence Cooperation Treaty) ee ay la leedahay Faransiiska si ay u xoojiso difaaceeda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cirro, ayaa la sheegay inuu u furan yahay wadahadallada, inkastoo “uu ka taxadarayo inuusan ku dheeraan khaladaadkii siyaasadeed ee madaxweynihii isaga ka horreeyay, kuwaas oo carqaladeeyay geeddi-socodkii hore ee wadahadalka,” sida uu Caasimada Online u sheegay diblomaasi xog-ogaal u ah arrimahan.

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo usoo wareegtay gudaha Soomaaliya – Maxaa dhacay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si adag uga jawaabtay hadalladii uu dhawaan jeediyay safiirka Itoobiya, kuwaas oo uu ku dhaliilay qorshaha ciidamada Masar loogu keenayo Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedada ka dambeysa joogitaanka ciidamada Masar, kuwaas oo markii u horreysay ku biiraya howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Masar waxay ku eedeysay Itoobiya in ay isku dayayso in bulshada caalamka iyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay si khaldan u fahmaan ka qayb-galka ciidamada Masar ee howl-galka AUSSOM.

Ilo diblumaasiyadeed oo ka tirsan dowladda Qaahira ayaa tilmaamay in Itoobiya ay si ula kac ah u doonayso in la abuuro diidmo ka dhan ah ciidamada Masar ee Soomaaliya la geeyay.

Masar dhankeeda waxay caddeysay in hawlaheedu yihiin kuwo furan oo ku saleysan iskaashi, isla markaana aysan jirin wax qorshe sir ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Ciidamadeeda waxaa lagu qeexay in ay ku shaqeynayaan nabad ilaalin iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, balse Itoobiya ayaa ka qabta walaac xooggan, maadaama ay Masar kala dhaxeyso xiisadda Wabiga Nile-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ka qayb-galka Masar, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid xoojinaysa amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay qorshaha lagu darayo ciidamada Masar, halka tababarkii ugu horreeyay ee loo diyaariyay ciidamadaas uu si guul leh u soo dhamaaday.

Bishii August 2024, Muqdisho iyo Qaahira ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari oo shan sano soconaya, iyadoo Masar intaas kadib u dirtay Soomaaliya aga milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in go’aanka ciidamada Masar loogu soo daray howl-galka uu yahay mid madax-bannaan oo ay labada dal gaareen, isla markaana uusan wax saameyn ah ku lahayn khilaafka siyaasiga ah ee Itoobiya.

Wasiir hore oo loo xukumay lunsasho hanti dadweyne

0

Lusaka (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Zambia, Joseph Malanji ayaa lagu riday xukun afar sano oo xabsi ah, kadib markii maxkamad ku heshay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Malanji ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falkaas intii uu xilka hayay u dhexeeyay 2018 illaa 2021, xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Zambia.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa soo shaac baxay sanadkii 2021-kii, xilligaas oo la xiray kadib markii la ogaaday inuu ku lug lahaa hantida luntay.

Waxaa ka mid ahaa hanti ay dowladda sheegtay inuu si sharci darro ah u qaatay laba diyaaradood oo helicopter ah oo markii dambe laga soo helay gudaha Koonfur Afrika.

Maxkamadda ku taalla caasimadda Lusaka ayaa go’aanka ku dhawaaqday, iyadoo sheegtay in dambiyadaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Garsoorayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday in mas’uul kasta oo xil qaran haya lala xisaabtami doono haddii lagu helo ku takri-fal awoodeed ama musuq.

Xukunka Malanji ayaa loo arkay digniin loo diray wasiirrada iyo saraakiisha kale ee dowladda Zambia, si looga hortago ku takrifalka hantida shacabka.

Howl-gallo ka dhan Shabaab oo ka dhacay Sh/Hoose

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee guutada 14-ka October ayaa saacadihii ugu dambeeyay fuliyay howlgallo qorshaysan oo ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-gallada ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulooyinka Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada deegaanka Janaale. Tuulooyinkan waxaa ku sugnaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 14-ka October, Gashaanle Dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa hoggaaminayay howl-galka, wuxuuna warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ciidanku ka takhaluseen maleeshiyaad Al-Shabaab u diyaariyay inay dadka beeraleyda ah ku cadaadiyaan baad.

Howl-gallada la midka ah kuwan ayaa sii socon doona ilaa Al-Shabaab laga cirib tiro guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliye Munye.

Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu xooggan ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin saldhigyo iyo fariisimo, waxaana ciidamada xoogga dalka muddo dheer ka wadeen dagaal iyo howlgallo joogto ah oo ka dhan ah kooxdaasi.

Howl-galkan ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada xoogga dalka ay ku xoojinayaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Sh/Hoose.

Waxa uuna imanaya xilli ay hoos u dhaceen howl-galladii tooska ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda, kaas oo iska garabsanayeen ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ee Macawisleyda.

Djibouti pushes to revive Somalia–Somaliland talks

0

DJIBOUTI CITY – Djibouti is moving to revive stalled talks between Somalia’s federal government and the breakaway region of Somaliland, diplomatic sources told Caasimada Online, in a fresh attempt to ease tensions in the Horn of Africa after a contentious port deal with Ethiopia derailed earlier efforts.

The initiative is being led by Djibouti’s long-time president, Ismail Omar Guelleh. It comes on the heels of Somaliland’s recent leadership change and seeks to rebuild trust badly shaken by a maritime agreement that Mogadishu denounced as an “act of aggression.”

Relations between Djibouti and Somaliland have warmed since Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as “Irro,” won Somaliland’s presidential election in November 2024. His administration has signaled readiness to reopen dialogue with Mogadishu, breaking from the combative approach of his predecessor.

Guelleh has welcomed the opening but is pushing for a structured process with “clear guidelines for resuming talks and firm red lines that the secessionist administration should not cross,” according to regional sources.

Shadow of the Ethiopia deal

Djibouti’s push follows the collapse of a previous attempt at dialogue. In December 2023, Djibouti hosted Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Somaliland’s then-leader Muse Bihi Abdi, who agreed to work toward closer cooperation.

But less than two days later, Bihi signed a Memorandum of Understanding with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The deal gave landlocked Ethiopia a 50-year lease on 20 kilometers (12 miles) of Somaliland’s coastline for a naval base and commercial port. In exchange, Ethiopia offered shares in Ethiopian Airlines and, crucially, the prospect of diplomatic recognition of Somaliland.

For Somaliland, which declared independence in 1991 but lacks international recognition, the agreement was hailed as a historic breakthrough. Mogadishu, however, saw it as a grave violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.

The MoU also alarmed Djibouti. Its port handles more than 95 percent of Ethiopia’s trade, and the emergence of a rival, Ethiopian-controlled port next door was viewed as a direct economic and security threat. In response, Djibouti renewed its Defence Cooperation Treaty with France to shore up its defenses.

Djibouti’s deep Influence

Djibouti’s mediation efforts carry weight thanks to its political clout within Somalia’s clan-based system. President Guelleh, from the Issa sub-clan of the Dir, is seen as a key power broker over the “Dir block” in Somalia’s federal parliament.

This bloc, born out of the Djibouti-hosted Somali Reconciliation Conference in 2000, often gives northern sub-clans — including those dominant in Somaliland and Djibouti — leverage over their southern rivals. Its support was pivotal in the 2022 election that returned President Mohamud to power.

Somaliland’s new president, Irro, is said to be open to the talks, though “he is cautious not to dwell on his predecessor’s political missteps that derailed the previous dialogue,” one diplomat familiar with the process told Caasimada Online.

Yet any breakthrough faces headwinds from Somalia’s own federal dynamics. States such as Puntland and Jubaland remain deeply skeptical.

Puntland, which has long sparred with Mogadishu, severed ties with the federal government in 2023 over constitutional disputes and Somaliland’s absence from national decision-making. “For Puntland, the maritime MoU proves its argument that Somaliland cannot enjoy federal representation while rejecting Somalia’s sovereignty,” said a researcher in Garowe, the regional capital.

These internal rifts underscore the difficulty of building consensus on Somaliland’s future. Djibouti, meanwhile, continues to reinforce its role on the ground.

Its peacekeepers, deployed in Somalia under the African Union Transition Mission (ATMIS) as “Hiil Walaal,” recently expanded cooperation with Mogadishu under a new security agreement, tightening its grip as both mediator and security partner in a volatile period.

Laba bil kadib Cali Xoosh oo libin siyaasadeed kula soo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Wasiir Xoosh ayaa labo bil howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood. Xoosh ayaa libin siyaasadeed taariikhi ah kala soo laabtay safarkiisa.

Wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha dowlad-goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweyntan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka Wasaaradda; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud, Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminya 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

Daawo: Wasiir shaaciyay sababta Xasan Sheekh u aqbalay inuu la heshiiyo qeyb kamid ah mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka dowladda ayaa faah-faahiyay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta, ayaa Madaxweynaha uga tanaasulay qeybo ka mid ah wax ka beddelka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa shaaciyay in Madaxweynaha uu mucaaradka uga tanaasulay in doorashada hoggaanka dalka ay noqoto baarlamaani, si dalka uga hirgasho doorasho qof iyo cod, isla markaana ay xubnaha baarlamaanka soo doortaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa lasoo jeediyay halkeedii ha lagu soo cesho, oo baarlamaanka Madaxweynaha ha doorto. Tanaasulkaas xukuumadda waa aqbashay waxayna ku aqbashay in baarlaamanka yahay mid la soo doortay oo ku yimaada qof iyo cod,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Tan ayaa meesha ka saaraysa in baarlamaanka ay soo xulaan ergada beelaha, sidii hore u dhici jirtay, isla markaana ay saameyn ku yeelan jireen hoggaannada maamullada.

“Meeshaas waxaa ka dhacay tanaasul, waxaana la isla gaaray in uusan noqon baarlamaankii doorashada dadban ku imaan jiray, oo qof iska soo qoran jiray, ayna noqoto mid ay dadweynaha soo doortaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay hanaan doorasho ee qof iyo cod ayaa raba inuu soo saarto mudaneyaal u damaanad qaadi kara soo laabashadiisa, sida ay qabaan xubnaha mucaaradka ee diidan heshiiskan, maadaama hanaankan doorasho uusan aheyn mid loo dhan yahay, isla markaana ay guddigeeda magacaabatay xukuumadda.

Si kastaba, heshiiska cusub ayaa sidoo kale dhigaya in hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada ay soo doortaan golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada.

Heshiiska ayaa waxaa kale oo qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Hoos ka daawo muuqaalka

Deegaan dhaca Mudug oo bacaad uu liqay iyo xaalad adag oo laga soo sheegayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Degaanka Kulub ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxaa si buuxda u liqay bacaad, kaas oo sababay in dhammaan qoysaskii halkaas ku noolaa ay ka barakacaan.

Dadka deegaankaasi ayaa waxay nolol maalmeedkooda ku tiirsanaayeen kalluumeysiga iyo xoolo-dhaqashada, balse xaaladda cusub ayaa gebi ahaanba curyaamisay noloshoodii.

Kulub oo markii hore ahayd magaalo camiran oo ay ku noolaayeen boqolaal qoys, ayaa haatan lumisay dadkeedii, kadib markii ay si tartiib ah ay ugaa guureen dadkii deganaa.

Bacaadka oo si xawli ah u qabsaday dhulka ayaa hoos u dhigay fursadihii nololeed, waxaana meesha ka baxay dhammaan dhaq-dhaqaaqii bulshada. Deegaankan ayaa muddo dheer ahaa meel muhiim u ah dadka ku tiirsan kalluumaysiga xeebaha iyo xanaanada xoolaha.

Hase yeeshee, isku dhaca deegaanka dabiiciga ah iyo bacaadka ku soo fiday ayaa ka dhigay meel aan sii joogitaan lahayn, iyadoo dhibaato hor leh ay soo wajahday bulshadii halkaasi deganayd.

Qoysaskii ugu dambeeyay ee halkaas ku haray ayaa dhawaan go’aansaday inay isaga guuraan Kulub. Waxa ay isku aruursadeen deegaan aan ka fogeyn halkii ay ka soo barakaceen, balse nolosha cusub ayaa ka adag tii ay ku noolaan jireen.

Dadkaasi barakacay ayaa la sheegaya inay la ildaran yihiin duruufo nololeed oo aad u adag. Waxay la kulmaan hoy la’aan, cunto yari iyo adeegyada aas-aasiga ah oo gebi ahaanba ka maqan. Carruurta iyo haweenka ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay.

Xaaladdaasi waxay sidoo kale ku reebtay saameyn dhaqaale oo muuqata qoysaskii ku noolaa deegaanka. Dhaqaalaha ka imaan jiray kalluumaysiga iyo xoolaha nool ayaa istaagay, taas oo sii adkaysay nolol-maalmeedka dadka barakacay.

Kulub ayaa haatan u muuqata mid sii baaba’aysa, kadib markii magaalada uu daboolay bacaad, ayna ka barakaceen dadkeedii.

Madaxweyne Xasan oo ku wajahan Itoobiya + Ujeedka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkan tegi doona magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb-geli doono shirka cimilada ee Afrika, isla markaana uu kulan kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Socdaalkan ayaa imanaya xilli hoggaanka Itoobiya uu ku cadaadinayo madaxda dowladda Soomaaliya in ay kala qeyb-galaan furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Masar, oo iyadu qeyb ka noqotay howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintan.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa dhawaan shaaciyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsanaa biyo-xireenka Itoobiya ay istaageen, taas oo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalladii diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isagoo xusay in Masar ay mar walba ka shaqaynaysay sidii wada-hadalladu u mira dhalin lahaayeen, balse ay ku dhammaadeen is-faham la’aan.

Sawirro: Dowladda oo daah-furtay mashruuc ay 805,000 qof ka faa’iideysanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka (SODMA) looga daahfuray wajiga afaraad ee mashruuc ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaan hal milyan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan oo ah sugnaanta cunnada, ayaa waxaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu si weyn u saameysay. Wajigan cusub waxaa fulinaya xarunta King Salman ee samafalka iyo gargaar aadanaha (KSRelief).

Sidoo kale waxaa si toos ah u hirgelinaysa hay’adda Tadamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Ambassador Axmed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in Boqortooyadu mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay sida Sacuudiga ay uga go’an tahay taageerada walaalaha Soomaaliyeed xilli kasta oo ay u baahdaan.

Agaasimaha Hay’adda Tadamun, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq ayaa xusay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh bulshada tabaaleysan, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kor u qaadista taageerada dadka nugul.

Amb. Cabdalla Al-Utaybi, Safiirka Jaamacadda Carabta oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gargaar noocan oo kale ahi uu xoojinayo wadajirka iyo walaaltinimada ka dhexeysa.

Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Amb. Maxamed Bamba ayaa dhankiisa mahad-celiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida taageeradan cuntadu si toos ah u taabaneyso nolosha dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallim ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshaha qaranka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo abaaraha.

“Mashruucan waxa uu muujinaya sida SODMA uga go’an tahay la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada ah si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo horumar waara,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka mahad-celiyay taageerada balaaran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Mareykanka oo ballan-qaad muhiim u ah Soomaaliya u sameeyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelisay kulan ballaaran oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Jeneral Dagvin R. M. Anderson.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Jeneral Anderson ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay qorshaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku wajahan la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Taliyaha Mareykanka ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga guud ee Geeska Afrika, iyagoo si gaar ah uga dooday khataraha ka imaanaya kooxaha hubeysan ee xuduudaha gudba iyo muhiimadda iskaashi goboleed oo xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay AFRICOM taageerada joogtada ah, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni gobolka ka hirgasha.

Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

Ganacsade Jabuutaawi oo kiis culus maanta lagu xiray Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijinaya in xabsiga la dhigay ganacsadaha caan ah ee lagu magacaabo Maxamed Jabuutaawi.

Go’aanka lagu xiray ayaa ka yimid Maxkamadda Gobolka Sool oo waaran qabasho ah usoo jartay ganacsadaha, oo dhawaan isku soo sharaxay xilka madaxweynaha, iyadoo markiiba dambe laga reebay liiska musharaxiinta rasmiga ah.

Isimada dhaqanka beesha Jaamac Siyaad oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa saldhiga geeyey Jabuutaawi, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Garaadka ayaa ciidamada booliska ku wareejiyay Jabuutaawi, oo caawa u hooyanaya xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

Ganacsade Jabuutaawi ayaa sida la sheegay ku eedeysan in uu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo dhawaan Laascanood ka dhacay, kuwaas oo dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee, saraakiisha booliska ee Waqooyi Bari weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan xariga ganacsadaha, kaas oo dhawaan laga hor istaagay inuu ka qeyb galo tartanka doorashadii madaxtinimada maamulka ee 30-kii August ka dhacday Laascaanood.

Intii ay socotay doorashada maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari ayaa waxaa gudaha magaalada Laascaanood ka dhacay rabshado salka ku haya khilaaf siyaasi ah, kadib markii beelaha qaar ay saluug ka muujiyeen hanaanka doorasho ee ku soo baxay Madaxweyne Firdhiye.

Ololaha aqoonsi raadiska Somaliland oo galay weji kale – Maxaa ka socda Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa loogu baaqay inay dib uga saarto Somaliland digniintii guud ee safarka Soomaaliya.

Baaqan ayaa waxaa si wadajir ah u jeediyay guddoomiyayaasha guddiyada Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka xisbiga shuuciga Shiinaha.

Xildhibaanadan waxay ku andacoodeen in haddii tallaabadaas la qaado, ay si weyn u muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana ay dhiirrigelin doonto maal-gashiga Mareykanka iyo yareynta saameynta Shiinaha ee Geeska Afrika.

Qoraal ay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio ayay ku sheegeen in digniinta guud ee Soomaaliya ay xannibayso socdaalka iyo ganacsiga Somaliland, inkastoo Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadi ah, amni xasilloon, kana hortagta burcad-badeedda iyo argagixisada, iyadoo ilaalisa biyaha ku xeeran.

John Moolenaar iyo Chris Smith, oo ah labada xildhibaan ee arrintan ka hadlay waxay ku adkaysteen in Somaliland loogu sameeyo digniin safar oo u gaar ah, taasoo dhiirrigelin karta maal-gashiga Mareykanka, gaar ahaan fursadaha ku saabsan macdanta muhiimka ah sida lithium iyo copper.

Waxay tusaale u soo qaateen in wadamo kale oo Afrika ah sida Kenya iyo Itoobiya loo sameeyo talooyin safar oo gaar ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Somaliland si lamid ah loo tixgeliyo.

Sidoo kale qoraalka ayaa xusay in talaabadan ay Mareykanka ka caawin karto ka hortagga saameynta Shiinaha, oo leh saldhig ciidan oo weyn oo ku yaalla Jabuuti, isla markaana taageero siiya weerarada ay Xuutiyiinta ka fuliyaan Badda Cas.

Labada xildhibaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal dimuqraadi ah oo ay ka mid yihiin Taiwan iyo Israel, iyadoo iskaashi kula leh dhinacyada caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga badda.

Ciidamadii Jubaland ee u baxsaday Kenya, oo arrimo yaab leh ku kacay, qabsaday…

0

Mandera (Caasimada Online) – Dadka reer Kenya ee deggan deegaannada xuduudda la leh Soomaaliya ayaa Arbacadii walaac ka muujiyay soo gelitaanka dagaalyahanno ka tirsan maamul goboleedka Jubaland, kuwaasoo u soo gudbay xadka kaddib iska horimaadyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda dhexe.

Maamul goboleedka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya iyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa muddo dheer waxaa u dhexeeyay ismaandhaaf.

Bishii tagtay, ciidamada dowladda federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Beled-Xaawo oo ka tirsan Jubaland, tallaabadaas oo ku qasabtay ciidamadii maamulkaas inay ka cararaan oo ay u tallaabaan xadka dhinaca ismaamulka Mandera ee waqooyi-bari Kenya.

“Deegaanka waxaa ka jirta cabsi weyn… dadka badankiisuna way isaga carareen,” sidaa waxa khadka taleefanka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP, Urgus Shukra, oo ah oday deegaanka Mandera ka tirsan.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamadaas hubeysan ee Soomaalida ay deegaanka ku sugnaayeen muddo afar toddobaad ah, ayna la wareegeen “goobihii beeraha ee ugu muhiimsanaa.”

“Si joogto ah ayay rasaas u ridaan. Waxay xitaa halkaas ku samaysteen tababarro,” ayuu raaciyay Shukra.

Ali Ibrahim Roba, oo ah senetarka ismaamulka Mandera, ayaa bartiisa X ku qoray: “Ciidamada Jubaland waxay hadda gudaha ugu jiraan magaalada Mandera. Dugsiyadii waa la xiray, dhaqdhaqaaqii ganacsigu wuu istaagay, qoysaskiina way barakaceen cabsi ay ka qabaan rasaasta habowda, gantaallada garbaha laga rido (RPGs) iyo walxaha qarxa ee aan weli shaqa gelin.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa dhankiisa sheegay “in aysan jirin sabab loogu walaaco arrintan,” isagoo ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta deegaanka kuwo la buunbuuniyay oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

“Ma xaqiijin karno xilligan cidda ay yihiin dadkaas… inay yihiin ciidan iyo in kale,” ayuu Murkomen u sheegay warbaahinta.

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera, Mohamed Adan Khalif, ayaa isna toddobaadkii hore ka digay joogitaanka ciidamadan Soomaalida, isagoo ku dooday in arrintani ay meel kadhac ku tahay madax-bannaanida qaranka. Talaadadii, dadka deegaanka ayaa arrintan ka dhigay bannaanbax.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Kenya ayaa dhaliilay aamusnaanta Madaxweyne William Ruto ee arrintan, waxayna dalbadeen in tallaabo degdeg ah lagu qaado si ciidamadaas looga saaro dalka.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka joogaan gobolka Jubaland — oo ah deegaan hodan ah oo ku yaal koonfurta Soomaaliya — si ay ugu adeegsato gashaanti ay kaga hortagto kooxda Al-Shabaab. Kooxdan ayaa horey weerarro dhiig badan ku daatay uga fulisay gudaha Kenya.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe — oo ah xulufo siyaasadeed oo dhow oo ay leedahay Nairobi — ayaa wajahaya iska caabbin kaga imaanaysa dowladda Muqdisho, taasoo diidan inay aqoonsato sharciyadda maamulkiisa.

Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah Mudug, kuwaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta ee ku sugan halkaas.

Taliyaha howlgelinta ciidanka Xoogga dalka ee Koonfurta gobolka Mudug Mursal Cumar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgallada ay qaadeen, wuxuuna tilmaamay inay ku gaareen dhulka hawdka ee ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Mursal ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen ajaaniib ka tirsan argagixisada oo firxad ahaa, kuna dhuumaaleysanayay deegaannada ay howlgallada ka sameyeen.

“Howlgallada si habsami leh ayay u socdaan wayna socon doonaan ciidanka Xoogga dalka wuxuu gaaray guulo la taaban karo isaga oo gacanta kusoo dhigay xubno aad iyo aad loola xiriirianayo inay la shaqeynayeen Khawaarijta oo jaaniib ah” ayuu yiri Taliye Mursal Cumar.

Xubnaha la qabtay waxaa ku jira nin kaoo jeeda Itoobiya, wuxuuna taliyuhu sheegay in haatan ay ku hayaan baaris, isla markaana ay dib ka faah-faahin doonaan natiijada.

“Hadda gacanta ayaan ku haynaa, xubnaha la qabtay firxad ayay ahaayeen, waxaana ku jira Itoobiyaan kasoo goostay Al-Shabaab, dib ayaana ka faah-faahin doonaa” ayuu mar kale yiri Taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in gobolka oo dhan laga xoreeyo Al-Shabaabka ku sugan.

Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xooggan oo ay iska kaashadaan dowladda iyo saaxibadeeda.

Si kastaba, Soo qabashaa ajaaniibtan ayaa kusoo aadeysa , ayada oo todobaadyadii u dambeeyay ay Al-Shabaab xoogga saareen deegaanno kamid ah maamullada Galmudug iyo HirShabelle, halkaa s oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus iyo is uruursi ciidan.

Somaaliya iyo Mareykanka oo go’aan cusub gaaray kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Mareykanka ayaa gaaray go’aan cusub oo la xiriira kordhinta taageerada ay Washington siiso ciidanka Soomaaliya, kadib kulan saacado qaatay oo gelinkii dambe ee Arbacadii dhex-maray Madaxweyne Xasan oo uu wehliyo taliyaha Xoogga iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Gen. Dagvin R.M. Anderson.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda guud ee gobolka iyo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, waxayna go’aamiyeen in lasii xoojiyo wada shaqeyntooda, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday doorka AFRICOM ee dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan sidii ay usii wadi lahayd duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo aad u kordha bilihii lasoo dhaafay, maadaama lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah.

Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa intii lagu guda jiray kulan Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay warbixin la xiriirta qorshahiisa dagaalka Al-Shabaab iyo sida uu kaalin uga qaadan karo dadaallada ay dowladda dib ugu dhiseyso Ciidanka Qalabka Sida, si ay helaan tababar iyo qala dhammeystiran.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Taliska AFRICOM taageeradooda dib u habeynta amniga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada gobolka.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo hordhac oo Anderson la yeeshay saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa isbarasho, kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn xooggan, waxaana sidoo kale Washington ay taageero milatari siisaa Dowladda Federaalka, waxaana intaas dheer in sidoo kale ay ka qayb qaadato dagaalka tooska ah ee lagula jiro argagixisada.

Soomaaliya oo guul weyn gaartay, ugana sare martay Ruushka iyo dalal dhowr ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isbeddal wayn oo dhanka amniga ah sameysay, iyada oo lagu muujiyay warbixinta sanadkan 2025 ee ay soo saartay hay’adda qiimeysa amniga caalamka ee Global Peace Index (GPI), taas oo qirtay in Soomaaliya ay xagga amniga kaga horumartay dalal waa wayn, sida Ruuskha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haatan Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay amniga gudaha, marka loo eego qiimeyntii sanadihii hore.

Sidoo kale warbixinta ayaa caddeysay in Soomaaliya ay ka baxday liiska 10-ka dal ee ugu ammaanka liita caalamka, waxayna sanadkan gashay kaainta 14-aad, halka ay horay ugu jirtay kaalinta 6-aad ee waddamada ugu amniga xun aduunka.

Dalalka ay Soomaaliya ka horreyso dhinaca amniga ee warbixinta xustay waxaa kamid ah Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo haatan ka hooseeya, waana hormar wayn oo ku yimid dadaalka la sameeyay.

Isbeddalkan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ee ay dowladda federaalka ku xoojisay amniga guud ee dalka iyo la dagaallaanka Al-Shabaab oo xoogga la saaray, waxaana kamid ah meelaha horumarka laga sameeyay caasimada oo ka xasilan sidiii ay ahayd markii hore.

Soomaaliya ayaa sanad kasta liiska dalalka ugu amniga wanaagsan kor uga soo kaceysay tirooyinka hoose, tillaabadaasi oo lagu sababeeyay howlaha ay Dowladda Federaalka ka qabatay amniga gudaha dalka.

Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa soo dhaweysay warbixinta sanadlaha ah ee Global Peace Index (GPI), iyada oo sheegtay in ay tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed, maadaama la qiray horumarka ka jira dalka.

Waxaa kale oo wasaaraddu tilmaamtay in guushan ay ku timid dadaalka ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka iyo saaxibada caalamiga ah ee taageerada siiya Soomaaliya.

“Guushaan ayaa ku suurtagashay iskaashiga iyo geesinimada Ciidamada Qalabka Sida, garab istaaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee saaxibada caalamiga ah ee ku garab taagan geeddi socodka nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sii adkeysay ballanqaadkeeda ku aadan in ay sii wadi doonto xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warbixinta Global Peace Index (GPI) waxaa sidoo kale ay muujisay in dalal kale oo gobolka ku yaalla ay sameeyeen isbedello waa wayn, waxaana kamid ah Itoobiya oo kor u kacday 5 boos (138-aad), halka Koonfurta Sudan iyo Sudan ay iyaguna muujiyeen horumar kooban.

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Serbia, diiday madax-banaanida Muslimiinta Kosovo

0

Belgrade (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay mowqifka Serbia ee ku aaddan arrinta Kosovo, iyadoo mar kale ku celisay sida ay u dhowrayso midnimada dhuleed ee Belgrade ay sheegato, go’aan Soomaaliya ka soocaya mowqifyada ay qabaan badi waddamada Islaamka iyo Maraykanka.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay xilli uu booqasho ku joogay magaalada Belgrade Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane XamzaCabdi Barre, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Serbia, Đuro Matsut.

Wada-hadalladooda ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale kulanka lagu saxiixay heshiis is-afgarad oo cusub oo dhanka caafimaadka ah, kaas oo labada dal ay ku wadaagi doonaan khibradaha caafimaad, cilmi-baarista, iyo tababarrada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia, Marko Đurić, oo isaguna si gaar ah ula yeeshay wada-hadal Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay diidmada Muqdisho ee aqoonsiga madax-bannaanidii Kosovo ee sannadkii 2008-dii — mowqifkaas oo Serbia ay u aragto guul diblomaasiyadeed oo miisaan culus.

“Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa Soomaaliya taageerada ay u muujisay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Serbia,” ayuu yiri Đurić. “Serbia sidoo kale waxay si buuxda u ixtiraamaysaa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.”

In ka badan 50 waddan oo Muslimiin ay u badan yihiin — oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo Imaaraadka Carabta — ayaa aqoonsaday Kosovo, waxaana sidoo kale aqoonsaday Mareykanka iyo quwadaha Reer Galbeedka intooda badan. Hase yeeshee, Soomaaliya waxay dooratay waddo u gaar ah, iyadoo la safatay mowqifka Serbia ee qaba in Kosovo ay weli tahay qayb aan ka go’i karin dhulkeeda.

Đurić ayaa carrabka ku adkeeyay qiimaha isbahaysigan: “Serbia waxay ku faanaysaa xiriirkeeda soo jireenka ah ee wanaagsan iyo saaxiibtinimada faca-weyn ee kala dhaxaysa Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waxaa si dhab ah naga go’an horumarinta iyo sii qotodheeraynta xiriirka aan la leenahay dalkan Afrikaanka ah — gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha, waxbarashada, iyo iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah.”

Mowqif ay ka siman yihiin labada dal

Dhinaca Serbia, arrinta Kosovo ma aha mid ku kooban xuduud oo keliya.

“Kosovo iyo Metohija waxay muhiimad aan la soo koobi karin u leeyihiin shacabka Serbia — taariikh ahaan, dowlad-dhisid ahaan, diin ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba,” ayuu sharraxay Đurić. “Goosashadeeda hal-dhinaca ah waxay cawaaqib xun oo juqraafi-siyaasadeed ku yeelatay xiriirka caalamiga ah.”

Labada wasiir waxay isku raaceen in sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ay qasab tahay inay ahaadaan udub-dhexaadka diblomaasiyadda adduunka, waxayna ka digeen in goosashada hal-dhinac ah ay abuurayso “tusaalooyin khatar gelin kara xasiloonida.”

Dhanka Soomaaliya, arrintani waxay leedahay macne gaar ah. Muqdisho waxay si joogto ah u diidan tahay sheegashada madax-bannaanida ee Somaliland, taas oo la iclaamiyay sannadkii 1991-kii balse aan ilaa maanta helin aqoonsi caalami ah.

Sida ay Serbia ugu adkaysanayso in Kosovo ay tahay qayb ka mid ah dalkeeda madax-bannaan, ayaa Soomaaliyana u aragtaa in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah dhulkeeda oo aan la kala qaybin karin. Aragtidaas ay wadaagaan ayaa si weyn isugu soo dhoweysay Muqdisho iyo Belgrade.

Kulankoodii ka dhacay Qasriga Serbia, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo dhiggiisa Matsut waxay eegeen arrimo ka ballaaran siyaasadda, iyagoo ballanqaaday inay xoojin doonaan xiriirka dhinacyada muhiimka ah. Heshiiska is-afgaradka ee caafimaadka ayaa dhiirrigelin doona iskaashiga tababarrada caafimaadka, cilmi-baarista, iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu farta ku fiiqay fursadaha ka jira waxbarashada iyo teknolojiyadda, isagoo xoogga saaray awood-siinta dhallinyarada iyo kobcinta is-dhaafsiga dhaqanka. Dhankiisa, Matsut wuxuu ballanqaaday taageerada Serbia ee arrimaha mudnaanta u leh amniga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada iyo xasiloonida gobolka.

Wada-hadallada ayaa lagu tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday dhismaha iskaashi waara — kaas oo horseedi kara iskaashi dhow oo labada dhinac ah sannadaha soo socda.

Đurić wuxuu sidoo kale kulammada uga faa’iidaystay inuu ku celiyo aragtida ballaaran ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Belgrade: “Serbia waxay ku dhaqantaa siyaasad arrimo dibadeed oo madax-bannaan, taas oo ku dhisan mabaadi’da dhex-dhexaadnimada militari, taas oo macnaheedu yahay inaan kobcino xiriirka iyo iskaashiga aan la leenahay dhammaan saaxiibbada muhiimka ah ee juqraafi-siyaasadeedka, militariga, iyo dhaqaalaha ee caalamka,” ayuu yiri.

“In la raaco siyaasad noocan oo kale ah jawiga caalamiga ah ee maanta ma aha wax fudud, balse waa jidka saxda ah waxayna danta ugu jirtaa Jamhuuriyadda Serbia.”

Dhinaca Serbia, taageerada Soomaaliya waxay leedahay miisaan calaamadeed iyo mid istiraatiiji ah. Waxay xoojinaysaa ololaha Belgrade ee lagu hor istaagayo aqoonsi caalami ah oo ay hesho Kosovo, iyadoo isla markaas muujinaysa inaanay dhammaan waddamada Muslimiintu la safnayn Pristina iyo xulafadeeda Reer Galbeedka.

Xiisadda Kosovo iyo Serbia

Kosovo iyo Serbia waxaa dhex-taalla xiisad asalkeeda salka ku haysa dagaalkii Balkans-ka.

Dagaalkii Kosovo wuxuu dhacay intii u dhexeysay 1998 iyo 1999, xilli gobolkaasi uu ku jiray hoos tagga Serbia oo qayb ka ahayd Jamhuuriyaddii Federaalka Yugoslavia. Dadka deegaanka intooda badan waxay ahaayeen Albanian doonayay madax-bannaani, halka dadka Serbka ahi ay taageero ka helayeen Belgrade.

Markii Jabhadda Kosovo Liberation Army (KLA) ay qaaday kacdoon hubaysan, ciidamada Serbia iyo Yugoslavia ayaa si xooggan uga jawaabay, taas oo sababtay tacaddiyo iyo barakac ballaaran. Qiyaastii hal milyan oo qof ayaa ku qasbanaaday in ay ka cararaan guryahooda.

Si loo joojiyo xadgudubyada, NATO ayaa bishii Maarso 1999 qaaday olole duqeymo cirka ah oo socday 78 maalmood, taas oo ku qasabtay hogaamiyihii Serbia, Slobodan Milošević, inuu ciidamadiisa kala baxo Kosovo. Bishii Juun 1999, gobolka waxaa gacanta ku dhigay NATO iyo Qaramada Midoobay. Ugu dambayntii, Kosovo waxay ku dhawaaqday madax-bannaani sanadkii 2008, inkasta oo Serbia iyo qaar ka mid ah quwadaha caalamka sida Ruushka iyo Shiinaha ay wali diidan yihiin aqoonsigeeda.

Dhacdadii kale ee ugu naxdinta badnayd ee Balkan-ka waxay ahayd xasuuqii Srebrenica ee Bosnia 1995. Ciidamada Serbka oo uu hoggaaminayay General Ratko Mladić ayaa qabsaday magaaladaas oo ahayd aag Qaramada Midoobay ku dhawaaqday “ammaan”. Si kastaba ha ahaatee, maalmo gudahood in ka badan sideed kun oo rag iyo wiilal Muslimiin ah ayaa si qorshaysan loo dilay, halka haween iyo carruur la barakiciyay.

Maxkamadaha caalamiga ah ayaa go’aamiyay in xasuuqaasi ahaa dil-wadareedkii ugu weynaa ee Yurub ku dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana dambiyadaas lagu xukumay saraakiil sare oo Serb ah, oo ay ku jiraan Mladić iyo Radovan Karadžić.

Labada dhacdo ee Kosovo iyo Srebrenica waxay astaan u yihiin burburkii Yugoslavia iyo colaaddii dhiigga badnayd ee Balkan-ka, midna waxay horseedday dowlad cusub oo madax-bannaan, midna waxay caalamka xusuusisay murugada xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed.

La-taliyaha amniga qaranka oo arrimo xasaasi ah kala hadlay El Hadji Ibrahima

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aweys Xaaji Yuusuf Axmed oo La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku adan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray  istiraatiijiyada dagaalka Kooxda Al-Shabaab, maadaama dowladda Soomaaliya ay haatan sii laba jibaartay howlgallada culus ee dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ay kamid yihiin, habka kala guurka ammaanka ee Soomaaliya, dadaallada socda ee xasilinta dalka iyo mudnaanta siyaasadeed ee hadda jirta.

Madaxa AUSSOM oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay sida Midowga Afrika ugu go’an tahay taageerida geeddi-socodka nabadda ee ay hoggaaminayaan Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa lat-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliyeed ay xoojineyso wada shaqeynta labada dhinac, si looga miro dhaliyo dadaallada ay iska kaashanayaaan ee xasiloonida dalka, si looga guuleysta argagixisada.

Aweys Xaaji Yuusuf ayaa dhawaan uun loo magacaabay xilkan, kadib markii uu is casilay la-taliyihii hore ee amniga qaranka, waxaana magacaabiistiisa ay ku timid xilli uu dalka wajahayo caqabado dhanka amniga ah, iyadoo Villa Somalia ay dooneyso inay xoojiso dadaallada istiraatiijiyadeed ee la-dagaallanka argagixisada.

Ninakna ayaa sidoo kale ah siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka. Intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, wuxuu hogaaminayay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa wada-hadallada heerka sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.