25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Soomaaliya oo ku baaqday iskaashi goboleed ka dhan ah…

0

Jeddah (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa ku boorriyey dalalka gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika inay xoojiyaan iskaashiga ka dhanka ah musuq-maasuqa, si dib loogu soo celiyo hantida la dhacay.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Kulankii Sanadlaha ahaa ee ugu horreeyay ee Shabakadda Hay’adaha Dib-u-celinta Hantida ee MENA-ARIN, kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga.

Kulankan oo dhacay Arbacadii ayaa isugu keenay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa ee gobolka, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isdhaafsiga khibradaha ku saabsan raadinta iyo soo celinta hantida la lunsaday.

Wasiir Xasan ayaa sheegay in shabakadda MENA-ARIN ay tahay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo awoodda hay’adaha cadaaladda iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, isagoo ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah oo mideyneysa dadaallada gobolka.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in dambiyada maaliyadeed ee sida musuqmaasuqa, dhaqidda lacagta sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada aysan lahayn xuduud qaran, sidaas darteedna loo baahan yahay iskaashi mideysan oo lagu wajaho.

Wasiir Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si firfircoon uga qayb qaadato howlaha shabakadda, isla markaana ay la wadaagto dalalka kale waayo-aragnimada iyo farsamooyinka ay horay u soo baratay.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay dowladda Sacuudiga oo martigelisay kulanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya dadaallada MENA-ARIN, isagoo tilmaamay in iskaashigan uu horseedi karo horumar muuqda oo dhinaca daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka ah.

“MENA-ARIN waxay dhidibada u taagtay jid cusub oo iskaashi, kaas oo fursad u ah in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, cadaaladda iyo dib-u-helidda hantida la dhacay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.

Faah-faahinta dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay dalka…

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Khayelitsha ee magaalada Cape Town, Koonfur Afrika ayaa sheegaya in habeenimadii xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Abuukar ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee si wanaagsan looga yaqaanay gobolka Western Cape, halkaas oo uu ganacsi ku lahaa.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi, waxaana falkan geystay rag hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday.

Booliska Koonfur Afrika ayaa goor dambe gaaray halkii uu falka ka dhacay, balse baaritaan kooban oo ay sameeyeen kama soo bixin natiijo la taaban karo.

Falkan ayaa qayb ka ah dilalka iyo weerarrada sii kordhaya ee lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo inta badan aan wax jawaab ah laga helin hay’adaha amniga.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan caasimadda Cape Town waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay heshiiska taariikhiga ahaa ee lagu gaaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabad-joojinta ee dalka Masar ku gaareen Israa’iil iyo Xamaas, kaasi oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa rajeysay in heshiiskan uu noqdo tallaabo dhab ah oo lagu gaarayo nabad caddaalad iyo dhammeystiran oo soo afjarta silica shacabka Falastiin, isla markaana xoojinaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Mowqifkan mabda’a ah wuxuu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta sharciyadda caalamiga ah iyo qiyamka karaamada, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

Xabbad joojinta Gaza ee shalay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka iyo dhex-dhexaadiyeyaal ka socda gobolka ay cadaadis ku saareen Israel iyo Xamaas inay soo afjaraan dagaalka baabi’iyay Marinka Gaza, kuna dhinteen tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, huriyayna colaado kale, isla markaana go’doomiyay Israel.

Cadaadiskaas ayaa suurageliyay heshiis ku saabsan wejiga koowaad kaasoo lagu sii deyn doono la-haystayaasha Israel ee weli nool maalmo gudahood, iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa mahadnaq qoto dheer oo ay u hayso dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ee horseeday heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Sharm El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Heshiiskaas ayaa ka kooban qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan xabbad-joojin, fududeynta gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo, sii deynta maxaabiista iyo dadka la xannibay, iyo dib u bilaabidda wadahadallada siyaasadeed ee hoos yimaada kafaala-qaad caalami ah.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan uu noqdo tallaabo dhab ah oo lagu gaarayo nabad caddaalad iyo dhammeystiran oo soo afjarta silica shacabka Falastiin, isla markaana xoojinaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageerada adag ee ay u hayso xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqooda ah inay dhistaan dawlad madax-bannaan oo suveraan ah.

Mowqifkan mabda’a ah wuxuu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta sharciyadda caalamiga ah iyo qiyamka karaamada, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha nabadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa taageerada buuxda ee ay u hayso dhammaan dadaallada iyo hindisayaasha lagu difaacayo karaamada aadanaha, lagu xoojinayo ixtiraamka sharciga caalamiga ah, lana taageerayo dadaallada lagu hormarinayo xal caddaalad ah oo dhammeystiran oo ku saabsan qadiyadda Falastiin.

Mareykanka oo shaaca ka qaaday inuu ciidamo dirayo kadib heshiiskii dagaalka Gaza

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaad 200 oo askari u diraysa Israel si ay uga caawiyaan taageeridda iyo kormeeridda heshiiska xabad-joojinta ee Gaza, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah koox ay ku mideysan yihiin dalal saaxiibo ah, hay’ado aan dowli ahayn, iyo shirkado gaar loo leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah maalintii Khamiista.

Saraakiishan, oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin maadaama aysan u fasaxnayn inay faahfaahintan bixiyaan, ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) uu xarun isku-dubbarid oo isugu jirta rayid iyo militari ka furan doono Israel.

Xaruntan ayaa fududeyn doonta qulqulka gargaarka bini’aadannimo iyo sidoo kale taageerada saadka iyo amniga ee loo dirayo dhulka ay aafeeyeen labo sano oo dagaal ah.

Hadalladan ayaa bixinaya qaar ka mid ah faahfaahintii ugu horreysay ee ku saabsan sida loo kormeeri doono heshiiska xabad-joojinta iyo in militariga Mareykanku uu door ku yeelan doono dadaalkaas.

Kadib markii ay Israel iyo Xamaas ku heshiiyeen wejiga koowaad ee qorshe uu maamulka Trump soo diyaariyay oo lagu joojinayo dagaalka, waxaa weli taagan su’aalo badan oo ku aaddan tallaabooyinka xiga, oo ay ka mid yihiin hub-ka-dhigista Xamaas, ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, iyo mustaqbalka dowlad ka dhalata dhulkaas.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan cusub ay gacan ka geysan doonto kormeerka dhaqangelinta heshiiska xabad-joojinta iyo u-gudubka dowlad rayid ah oo laga dhiso Gaza.

Xaruntan isku-dubbaridka waxaa ka howl-geli doona ku dhawaad 200 oo askari oo Mareykan ah, kuwaasoo khibrad u leh gaadiidka, qorsheynta, amniga, saadka iyo injineeriyadda, sida uu sheegay sarkaalku, isagoo xusay inaan wax ciidan Mareykan ah la geyn doonin gudaha Gaza.

Sarkaal kale ayaa sheegay in ciidamadan ay ka imaan doonaan Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) iyo sidoo kale qeybaha kale ee caalamka. Sarkaalkaas wuxuu intaa ku daray in ciidamadu ay horey u bilaabeen inay yimaadaan, ayna sii wadi doonaan safarkooda gobolka dhammaadka asbuuca si ay u bilaabaan qorsheynta iyo dadaallada lagu dhisayo xarunta.

Heshiis wax-ku-ool ah oo lagu hakiniyo dagaalka Gaza ayaa la gaaray Arbacadii kadib markii Mareykanka iyo dhex-dhexaadiyeyaal ka socda gobolka ay cadaadis ku saareen Israel iyo Xamaas inay soo afjaraan dagaalka baabi’iyay Marinka Gaza, kuna dhinteen tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, huriyayna colaado kale, isla markaana go’doomiyay Israel.

Cadaadiskaas ayaa suurageliyay heshiis ku saabsan wejiga koowaad kaasoo lagu sii deyn doono la-haystayaasha Israel ee weli nool maalmo gudahood, iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Kadib heshiiska GAZA, Trump oo shaaciyay safar uu ku tagayo…

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo maanta khudbad ka jeediyay shirka golaha wasiirrada ee Aqalka Cad ayaa sheegay in xaaladda Bariga Dhexe ay gashay marxalad cusub oo rajo leh.

Trump ayaa ku tilmaamay waxa dhacay “horumar taariikhi ah,” isagoo sheegay in dagaalkii Gaza la soo afjaray. “Waxaan dhisnay saldhig adag oo nabadeed, waxaana rajaynayaa in nabaddu ay noqoto mid waarta,” ayuu yiri madaxweynaha.

Trump oo sii hadlaya ayaa sheegay in la haystayaasha harsan la filayo in la sii daayo Isniinta ama Talaadada, balse uu qiray in geeddi-socodkaas uu yahay mid adag. “Waxay ku sugan yihiin meelaha aan la rabin in la tago, balse dadaal weyn ayaa socda,” ayuu raaciyay.

Trump ayaa intaas ku daray in maalintaas ay noqon doonto “maalin farxad leh,” isagoo sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago Bariga Dhexe.

“Waxaan aadeynaa Masar si aan u saxiixno heshiiska rasmiga ah ee nabadda,” ayuu yiri, isagoo xusay in heshiiska horey loo sii diyaariyay, balse hadda si rasmi ah loo dhameystirayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uu doonayo in shirka golaha wasiirradu uu si degdeg ah u qabsoomo, maadaama uu qorsheynayo inuu safar ku baxo. “Hawlo badan ayaa ina sugaya, waana inaan dhaqso u dhaqaaqnaa,” ayuu ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Saar ayaa warbaahinta u sheegay in xabbad-joojin rasmi ah ay dhaqan galeyso marka golaha wasiirrada Israa’iil ansixiyo heshiiska caawa fiidkii. “Haddii Xamaas ay sii deyso la haystayaasha haray 72 saacadood gudahood, dagaalku wuu soo afjarmi doonaa,” ayuu yiri Saar.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixinayo heshiiska xabbad-joojinta dib loo dhigay ilaa 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, iyadoo la filayo in kulamo horudhac ah ay bilaabmaan 5:00 fiidnimo, inkasta oo jadwalku mar kale dib u dhacay.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan ayadoo uu xigo kulan buuxa oo ay dowladdu yeelato si loo oggolaado sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, looguna beddelo la haystayaasha. Xamaas ayaa xaqiijisay inay sugayso ansixinta kama dambaysta ah ee liiska maxaabiista.

Waa xabbad joojintii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Ku-dhawaaqista Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka gacan ka gaystay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiiska uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo iyana ah guul kale oo wayn.

“Kani waa maalin weyn oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Si kastaba, Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Muxuu yahay nidaamka cusub ee ay dhisayaan DF iyo saaxiibada caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka wada shaqeynaya dhismaha nidaam digniinaha, si loo helo nidaam qaran oo isku dhafan oo awood leh.

Shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha isku-xirka nidaamyada digniinaha hore ee khatarta badan ee Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban-qaabisay hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka Soomaaliyeed (SODMA).

Shirkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb-galay hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah iyo daneeyayaasha ka shaqeeya digniinta hore iyo maareynta musiibooyinka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la mideeyo nidaamyada kala duwan ee bixiya digniinaha hore, si loo abuuro nidaam qaran oo isku dhafan oo awood u leh ogaanshaha, ka hortagga iyo jawaab degdeg ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka soo food saara dalka.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahad-celiyay dhammaan ka qayb-galayaasha dadaalkii ay muujiyeen iyo ansixinta nidaamka isku-xirka nidaamyada digniinaha hore ee khatarta badan ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay shirkan tallaabo taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha nidaam casri ah oo qaran, kaas oo gacan ka geysan doona yareynta halista musiibooyinka, korna u qaadi doona awoodda dalka ee u diyaar garowga degdegga ah.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bahda caalamiga ah ee gacan ka geystay hirgelinta iyo ansixinta nidaamka isku-xirka. Tani waa guul wadajir ah oo u horseedi doonta Soomaaliya mustaqbal adkeysi leh,” ayuu yiir Guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Sidoo kale wuxuu ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta si loo hirgeliyo nidaamka cusub, loona hubiyo in fariimaha digniinta hore ay si hufan u gaaran bulshada Soomaaliyeed.

“Wada-shaqeyn iyo mideynta dadaallada qaranku waa furaha lagu gaari karo Soomaaliya adkeysi leh oo u diyaarsan la tacaalidda khatar kasta oo soo food saarta,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud Macalin.

Maamulka Puntland oo joojiyay dhoofka…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa joojisey dhoofka Adhiga yaryar ee loo yaqaan Jiqiiq, iyada oo Wasaaradda Xoolaha Puntland ay shaacisay in tayo-xumo loo soo celiyey marar badan.

Warqad kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa lagu mamnuucay in dekadaha, garoomaadda iyo marsooyinka yar-yar ee maamulka aan laga dhoofin karin xoolo aan marin habraacyada baarista caafimaadka xoolaha ee ay dejisay wasaaradda xannaanada xoolaha iyo dallalka loo dhoofinayo xoolaha.

“Waxaa la joojiyey laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 09/10/2025 dhoofinta xoolaha da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda xannaanada xoolaha Puntland.

Sidoo kale waxaa la faray maxjaradda magaalada Bosaso in aysan ogolaan in xeryohooda la soo geliyo isla markaana lagu baadho xoolaha da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.

“Sidaas daraadeed waxaa laga codsanayaa hay’adaha ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay u dhaqaan galiyaan sida ay tahay, Isla markaasna cidii isku dayda inay jabiso laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ujeeddo: Joojinta Dhoofka Xoolaha Yar-yar ee (Jaqiiqda) loo yaqaan

Markuu arkay: Xeernarka Caalamiga ah ee ku saabsan Caafimaadka iyo Dhoofka Xoolaha.

Markuu arkay: Dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ay keentay dhoofinta Xoolaha yar yar taasoo sababtay dhimasho iyo in tayo xumo loo soo celiyo Xoolihii Dhoofay.

Markuu arkay:Sharci Lr.2 ee 8/09/2005 kuna saabsan sharciga Xannaanada Xoolaha DPL, kaasoo si faahfaahsan u qeexaya Shuruudaha Caafimaadka iyo Dhoofka Xoolaha.

Markuu la tashaday: Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Wuxuu soo saaray go’aamadan hoos ku xusan.

1. Inaan Dekadaha, Garoomaadda iyo marsooyinka yar-yar ee DPL laga dhoofin Karin Xoolo aan marin habraacyada baarista Caafimaadka Xoolaha ee ay Dejisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Dallalka loo dhoofinayo Xoolaha.

2. Waxaa la joojiyey laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 09/10/2025 dhoofinta Xoolaha Da’doodu tahay Sanad iyo wixii ka yar.

3. Maxjaradda Magaalada Bosaso waxa la farayaa inaysan ogolaan in Xeryohooda la soo geliyo isla markaana lagu baadho Xoolaha Da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.

Sidaas daraadeed waxaa laga Codsanayaa Hay’adaha ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay u dhaqaan galiyaan sida ay tahay, Isla markaasna cidii isku dayda inay jabiso laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

ONLF oo si adag uga hortimid qorshaha cusub ee uu Abiy Ahmed ku dhaqaaqay

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay sheegay in Itoobiya ay haatan diyaar u tahay in shidaalka la soo saaray lagu isticmaalo suuqyada maxalliga ah, si uu gacan uga geysto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ceelasha shidaalka ee la daahfuray ayaa ku kala yaalla deegaannada Kaali oo ka tirsan degmada Dhoobaweyn ee Gobolka Qorraxay, iyo degmada Elele ee Gobolka Shabeelle, kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Hase yeeshee, Ururka ONLF ayaa si cad uga hor yimid qaabka ay dowladda dhexe ee Itoobiya u maamuleyso khayraadka laga helo deegaankaas.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in aan dadka deegaanka lagala tashan qorshaha soo saarista shidaalka, isla markaana aan si caddaalad ah loo wadaagin dakhliga kasoo baxaya.

Afhayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, oo la hadlay BBC ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay shidaalka deegaanka ku wareejisay shirkado shisheeye, iyada oo aan shacabka deegaanka wax oggolaansho ah la weydiin.

Sidoo kale wuxuu xusay in arrintaasi ay lid ku tahay danaha dadka Soomaalida ah ee deegaanka, maadaama aysan ka helin wax faa’iido ah oo muuqata.

Hiirmooge ayaa sheegay in dowladdu aanay waligeed qeyb ka siin kheyraadka dalka dowlad-deegaannada, isagoo tusaale u soo qaatay meelaha sida Wajaalle iyo Jabuuti oo uu sheegay in ay bixiyaan dakhliga ugu badan, balse aanay dadka deegaannadaas waxba ka helin. “Dadkeena lagalama tashan, xitaa maamulka deegaanka laftiisa lagalama tashan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in ururka ONLF iyo shacabka deegaanka ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan sida dhulkooda iyo hantidooda loo maamulo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Australia, isagoo sheegay in hal god shidaal ah aan lagu qodi karin degaan haddii aan dadka deegaanka oggolaan.

Dadaal lagu doonayay in jawaab laga helo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku aaddan eedeymaha ONLF ayaan guulaysan, maadaama aysan weli ka soo bixin wax war ah.

ONLF ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan sida loo qeybsanayo dakhliga shidaalka, iyaga oo ku dooday in nidaamka hadda jira uusan caddaalad ahayn.

“Natijadu ma noqoneyso waa lasoo saarayaa, oo faa’iduu kuu leeyahay, oo anaa kuu qeybinaya, oo anaa kuu cunaya adna waa in aad ku faraxsanaataa ma shaqeyneyso,” ayuu yiri Hiirmooge oo sheegay in go’aanka arrintaan ay leeyihiin Soomaalida.

Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, khubaro ayaa horay u saadaaliyay in Itoobiya ay sanadihii ugu horreeyay ka heli karto shidaalka dakhli dhan 1.2 bilyan oo doollar, iyadoo la filayo in sannadaha dambe uu kor u kaco oo gaadho ilaa 7 bilyan oo doollar.

Dhaqaale xumada Puntland oo gaartay meel aad u saraysa – Maxaa dhacay maanta?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la daala dhacaya dhaqaale la’aan baahsan, iyadoo haatan ay ka dhex bilaabatay wasaaradihii maamulka oo isku haysta dakhliga.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulka Puntland ayaa maanta shaaca ka qaadday in shaqadeedii badda iyo kalluumeysiga ay ku haysato Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, Maxamed Balaak, oo eedeyntan jeediyay, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay bixineyso “shatiyo sharci-darro ah.”

Agaasime Balaak ayaa xusay in arrintani hor istaagtay dakhliga dowladda soo galayay, isla markaana ay wajahayaan dakhli-yari.

Kadib eedeynta Wasaaradda Kalluumeysiga, mas’uuliyiinta Wasaaradda Dekedaha oo difaacaya Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in mas’uuliyadda dakhliga guud ee dowladda ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Dekedaha Puntland, Cabdikajiid Jaafaan, ayaa Maaliyadda ku sifeeyay “sanduuqa dowladda,” isla markaana ay xaq u leedahay inay qaaddo lacagaha dakhli ee ay ka qeylisay Wasaaradda Kalluumeysiga, sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka labadan wasaaradood ee haatan soo ifbaxay ayaa imanaya xilli ay labada wasaaradoodba dardar-geliyeen shaqooyinkooda dakhli-raadinta, taas oo keentay in iska hor imaadyo sababeen dhimasho, dhaawac iyo jaahwareer uu ka dhaco xeebaha bari ee Puntland.

Sida ay inoo sheegeen khubaro sharci, Wasaaradda Kalluumeysigu waxay guud ahaan ka mas’uul tahay badda iyo kalluumeysigeeda, halka Maaliyaddu ay leedahay howlaha dakhliga dowladda.

Khilaafka soo kala dhex galay wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumeysiga ayaa lagu tilmaamay mid saameyn xooggan ku yeelanaya habsami u socodka howlaha kalluumeysiga maamulka.

Sidoo kale, waxaa laga muujinaya walaac, maadaama wasaaradda kalluumeysiga ka hortimida shatiyada ay bixisay wasaaradda maaliyadda, taas oo horseedi karta in la hakiyo shatiyada ganacsiyo ka hawl-gala xeebaha Puntland.

Si kastaba, isqab-qabsiyaasha dakhliga iyo mashaariicda ayaa badanaa ka dhaca hay’adaha maamul ee Soomaalida, iyadoo haatan uu maamulka Puntland wajahayo dhaqaale la’aan baahsan.

Tan iyo dib-u-doorashadii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, maamulka ayaa la daala dhacayay dhaqaale-xumo, iyadoo shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan ee maamulka ay ka cawdaan mushaar la’aan baahsan.

Xiisad xoogan oo ka taagan Laascaanood kadib go’aankii maamulka Firdhiye ka qaatay….

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Shacabka Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay saameynta ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha maamulka uu kusoo rogay shirkadaha isgaarsiinta.

Shacabka ayaa ka cawday xirnaanshaha shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ee magaaladaas oo muddo labo todobaad ku dhow aan shaqayn, kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay iyaga iyo maamulka Waqooyi Bari.

Dadweyne careysan oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Laascaanood ayaa sheegay in arrintaan ay si weyn u saameysay suuqii iyo dhaq-dhaqaaqii maaliyadeed ee gudaha magaalada. Dadka qaar ayaa sheegay in lacagahoodii uga jiraan bankiyada loo xiray amarka kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxay sheegeen in haatan ay keliya isticmaalaan lacagaha telefoonka, sida; Zaad, Sahal iyo e-Dahab, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Firdhiye inuu fasaxo shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka howl-gala magaaladaasi.

Maxay isku hayaan maamulka iyo shirkadaha?

Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhawaan shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka howl-gala gudaha magaalada Laascaanood kusoo rogtay lacag loogu yeeray “dowlad dhis”.

Maamulka shirkadaha ayaa ku gacan sayray inay bixiyaan lacagtaasi, iyadoo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Amal Bank, Golis, Dahabshiil iyo Telesom lagu caddeeyay in aysan awoodin lacag ka baxsan tan cashuurta ah ee ku waajibtay.

Dhinaca kale, Warqad kasoo baxday wasaaradda maaliyadda Waqooyi Bari ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid shirkadaha waa wayn iyo bangiyada ka howl-gala deegaanka ay si cad uga biyo diideen inay bixiyaan lacagaha cashuuraha ee ku waajibay.

Wasaaradda ayaa ku andacootay in shirkaduhu ay gabi ahaan diideen inay la shaqeeyaan dowladda cusub, si horay loogu wado maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maamulka ayaa xusay in laga soo bilaabo Janaayo 2024 ilaa bishii dhammaatay ee Sebteembar 2025 ay wasaaraddu si isdaba joog ah shirkadaha ugu gudbisay waraaqo iyo amarro culus, balse ay ka dhaga fureysteen inay kasoo jawaabaan fariimaha la gaarsiiyay.

“Qaar kamid ah shirkadahaa ka howlgala Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxa ay cadaysteen inay si badheedh ah u diidaan bixinta canshuuraha ku waajibtay iyo ka qayb qaadashada dawlad dhiska” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaliyadda maamulka.

Waxaa kale shirkaha lagu eedeeyay marin habaabin bulsho iyo inay ku kaceen “abaabul kooxaysan iyo isutag aan sharci ahayn, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Shirkadaha sameeyay amar diidada ayaa sidoo kale lagu amray in deg-deg uga soo jawaabaan warqadaha la gaarsiiyay, ayna bixiyaan canshuurta maamulka. “Haddaba waxaa la farayaa shirkadahaas in shirkad kasta si gooni ah uga soo jawaabto codsiyadii isdaba joogga ahaa ee lagu amray la shaqeynta dowladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Indhowaanahan ayay taagneyd dooda labada dhinac, waxaana todobaadkii hore shirkadaha ka jira deegaanka ay cambaaeeyeen xayiraad iyo xiritaan lagu sameeyay qaar kamid ah laamihii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qorshihii ugu weynaa ee mucaaradka oo dhicisoobay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshaha xubnaha la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo indhawaanahan ku howlanaa abaabulka dibadbax ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh ayaa dhicisoobay, kadib markii dib loo dhigay laba jeer oo isku xigta.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqato in siyaasad ahaan ay ka adkaatay mucaaradka, iyada oo laba jeer si xeeladeysan uga baajisay inay dhigaan dibadbaxooda.

Kulan ay xalay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta ayaa ugu dameyn la’isku afgartay in dib loo dhigo banaanbaxa markii labaad, iyadoo horey loo baajiyay banaanbixii kan ka horeeyay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu gaaray in aan magaalada lagu dhex wadan karin hubka waaweyn, halka gaadiidka (Cabdi-Bileyaasha) ay wataan xubnaha mucaaradka la diiwaangelin doono.

“Iyadoo la qaddarinayo duruufaha amni ee soo kordhay, xilna la iska saarayo amniga caasimadda, waxaa la isku afgartay in la saaro guddi ka kala socda Madasha iyo Dowladda oo ka wada shaqeeya sidii mudaharaadku ugu dhici lahaa si nabad ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubnaha mucaaradka ku metalayay shirka.

Haddaba arrintan ayaa dhalisay in dadku ay si weyn uga falceliyaan, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay guul-darrada ku dhacday mucaaradka.

Xuseen Cali: “Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan”.

Aadan Amiin: “Shimbirayahow heesa Madaxweyne Xasan Sheekh rag dheh, kuwa kalana been boodayaal dheh”.

Cabdullahi Jibaax: “Hadeyba suurtagal tahay in banaanbaxa iyo qaabka uu u dhacayo aad ka heshiisaan sababta banaanbaxa keeneysana maad ka heshiisaan!”.

Xasan Kiimiko: “Shacabkii baa idin nacay markaas ayaa mar marsiiyo keenteen”.

Mustaf Maxamed: “Wadankaan ciyaal weero oo dhibaato lagu qabay ayaa meel la saaray mala socotaan?”.

Cabdicasiis Daahir: “Maadaama shirkiina aad ku qabsateen Nairobi banaanbaxana meeshaas ku qabsada, duco la’idiinku daraa”.

Hooyo iyo sadexdeeda gabar oo si arxan darro ah loo dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kadib markii si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Dilkan argagaxa leh oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Marcaanyo, oo hoostagta deegaanka Xiindheere, iyaga kadib goobta ka baxsaday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Allaha u naxariistee marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.

Sidoo kale wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka uu dilku ka dhacay ayaan haatan mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in xiisad xooggan oo ka dhalatay dilka dadkaas ay ka taagan tahay halkaasi.

Dhan kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Galmudug iyo ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu beegsaday dadkaas isku qoyska ah.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Indhowaanahayaan ayaa waxa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan, kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Xogta dagaal ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku dhex-maray duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaas yimid.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Albiri oo ku taalla inta u dhexeysa Siinka Dheer iyo Garasbaaley, halkaas oo ay isku fara saaree labada dhinac, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay soo qaadeen weerar gaadmo ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo ku sugnaa halkaasi, kadibna waxaa halkaas ka qarxay iska hor imaad muddo daqiiqado ah ka socday aagga Albiri.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay jiraan askar ku dhaawacantay dagaalka, kuwaas oo loo soo cararay isbitaallada Muqdisho, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale kooxda weerarka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay carartay, isla markaana ay meesha uga tegtay gacan isgaarsiin ah oo ay ku wada xiriirayeen, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda goota oo lagu kala cararay ayaa hadda deggan, waxaana dhaqaaq ka wada ciidamada dowladda oo isku fidiyay meesha ay wax ka dhaceen.

Al-Shabaab ayaa marar kala duwan si dhuumaaleysi ah ku yimid waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaan kamid ah meelaha horay loogu arkay deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo ay ka sameeyeen weeraro arbushaad ah.

Sidoo kale waxa ay mar dhexdaas ah xilli habeen ah tageen Ceelasha Biya, iyaga oo demiyay layrarkii ku xirnaa jidadka, iyagoo xilligaas aan la kulmin wax iska caabin ah.

Si kastaba, Dwladda Soomaaliya oo haatan qaaday tallaabooyin culus ayaa ciidamadii ugu badnaa gaysay daafaha caasimada, kuwaas oo ka hortegay dhaq-dhaqaaqyadii Al-Shabaab iyo inay qaraxyo soo geliyaan gudaha caasimada.

Wararkii ugu dambeeyay dabaal-degyo waa wayn oo ka socda Gaza iyo Tel Aviv

Gaza (Caasimada Online) – Dabaal-degyo waa wayn ayaa maanta ka billowday gudaha magaalooyinka Gaza iyo Tel Aviv, kuwaas oo yimid kadib markii lagu dhawaaqay wajiga hore ee qorshaha nabadda, oo ay heshiis xabad joojin ah ku gaareen Israel iyo Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay “Maalin ku weyn Israa’iil,” kadib markii Arbacadii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay heshiis ku saabsan marxaladda koowaad ee qorshihiisa.

Waxaa la filayaa in uu isugu yeero dowladdiisa si uu u ansixiyo heshiiska. Xamaas ayaa ugu baaqday Maraykanka iyo dhexdhexaadiyayaasha kale inay xaqiijiyaan in Israa’iil ay fuliso heshiiska “iyagoon diidin ama dib u dhigin”.

Farxad ayey dadku xalay dibadda ugu soo baxeen markii uu warku ku faafay waddooyinka mugdiga ah ee Khan Younis ee koonfurta Gaza iyo fagaaraha La-haystayaasha ee Tel Aviv.

Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan ayadoo uu xigo kulan buuxa oo ay dowladdu yeelato si loo oggolaado sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, looguna beddelo la haystayaasha. Xamaas ayaa xaqiijisay inay sugayso ansixinta kama dambaysta ah ee liiska maxaabiista.

Waa xabbad joojintii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Ku-dhawaaqista Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar, oo ka mid ah dalalka gacan ka gaystay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiiska uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo iyana ah guul kale oo wayn.

“Kani waa maalin weyn oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Si kastaba, Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Xeeladdii Shariif rabay in uu ku dhaawaco Xasan Sheekh balse dhanka kale isu rogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Talaadada meel fagaare ah lacag ugu deeqay haweeney sheegatay inay habaryar u tahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan laga barakiciyay dhul ay dowladdu leedahay.

Waxay ahayd talaabo siyaasadeed oo si xeeladaysan loo soo agaasimay, looguna talagalay in lagu kashifo waxa ay mucaaradku ugu yeeraan labada ceebood ee ugu waaweyn ee xukuumadda: barakicinta qasabka ah ee shacabka Muqdisho iyo eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa ku dhisan qaraabo-kiilka ee madaxtooyada. 

Balse, qorshahaas oo loogu talagalay in lagu ceebeeyo madaxweynaha, ayaa u muuqda mid dib ugu soo laabtay mucaaradka. Halkii ay dhacdadu ka dhigi lahayd Xasan Sheekh hoggaamiye aan naxariis lahayn, waxay muujisay aragti kale oo ah in dowladda ay si siman ula macaamileyso shacabka oo dha, iyadoo aan loo eegin xiriirka shaqsiyadeed.

Muuqaallada laga duubay munaasabadda ayaa si xawli ah u faafay. Si ka duwan sidii la filayay, isla kiiskii ay mucaaradku rabeen inay ku muujiyaan damqashadooda ayaa sidoo kale mugdi geliyay kala duwanaanshihii akhlaaqeed ee ay sheeganayeen.

Falcelin dadweyne oo siyaasad xambaarsan

Maama Fowsiya, oo ah haweeney barakac ah, lagana saaray dhul loogu talagalay dan guud ayaa ka soo muuqatay munaasabad uu soo agaasimay xisbiga mucaaradka ee Shariif, Himilo Qaran, waxayna oohin la dhacday iyadoo ka hadlaysa dhibaatada ku dhacday.

“Anigu waxaan ahay Hooyo Fowsiya,” ayay tiri iyadoo ooyaysa dadweyne fara badan hortood. “Warbaahinta waan ka ooyay, TikTok-na waan ka baryootamay. Xasan Sheekh waa wiil aan habaryar u ahay — hooyadiis iyo anigu walaalo ayaan nahay. Weligay qabiil kuma hadlin, laakiin caawa waxaa i hadalsiinaya dareenkeyga.”

Codkeeda dareenka xambaarsanaa wuxuu soo jiitay naxariis ballaaran oo online-ka ah, wuxuuna abuuray fursad ay si degdeg ah uga faa’iideysteen mucaaradka.

Shariif, oo madasha fadhiyey ayaa istaagay si uu uga jawaabo. “Dhammaantiin waad arkaysaan in dareenkeedu uu ka tan batay,” ayuu yiri.

“Dulmiga dalka ka jira wuxuu gaaray heer aan loo dulqaadan karin. Xisbigeennu wuxuu go’aansaday inuu qoyskan siiyo kun doollar, kun kale oo waxbarashada gabadha ah, iyo inuu ka bixiyo kiradeeda bishii oo ah $150.”

Wuxuuna si gaar ah ugu daray, “Keli ma tihid. Xuquuqdaada waa laguu soo celin doonaa, Insha’Allah.”

Weerar la qorsheeyay oo lala beegsaday arrin xasaasi ah

Waqtiga uu Shariif doortay wuxuu ahaa mid istaraatiiji ah. Dhibaatada barakicinta qasabka ah ayaa noqotay mid ka mid ah arrimaha bini’aadannimo iyo siyaasadeed ee ugu xasaasisan Muqdisho.

Sida ay caasimaddu u ballaaranayso, bulshooyin dhan oo ka kooban saboolka magaalada iyo qoysas barakacayaal ah ayaa laga saaray deegaanno aan rasmi ahayn iyo dhul dowladeed si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Mucaaradka ayaa u adeegsaday barakicintan inay ku doodaan in dowladda ay ka hormarinayso dhismaha naxariista iyo damqashada dadweynaha.

Farriinta Shariif waxay si weyn u taabatay dadweyne horeyba uga careysnaa barakicinta. Deeqdiisa fagaaraha ah waxay astaan u ahayd isgarab-taagga mucaaradka ee dadka la barakiciyay—laakiin sidoo kale waxay xambaarsanayd eedeyn toos ah: in maamulka madaxweynuhu uu lumiyay halbeeggii akhlaaqda.

Jawaabta deggan laakiin adag ee madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si fagaare ah uga hadlay arrinta dhulka 3-dii Oktoobar, isagoo iska fogeeyay howlgallada barakicinta. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in maamulka dhulku uu hoos yimaado mas’uuliyadda degmada Muqdisho, ee uusan hoos imaanin madaxtooyada:

“Dhulka Muqdisho mas’uuliyaddiisa waxaa iska leh dowladda hoose, sida Baydhaba, Dhuusamareeb, Garoowe, ama Kismaayo. Haddii wax khalad ah ay dhacaan, waan saxeynaa—laakiin madaxweynuhu dhul ma bixiyo.”

Madaxweynaha ayaa sii ambaqaaday, isagoo sharraxay aragtidiisa ku aaddan dib-u-habeynta magaalooyinka: “Muqdisho mar dambe ma ahaan doonto aag obasiibo—meel ay Al-Shabaab ku dhuuntaan, meel aysan gaarin dab-damisku, meel aan meydadka lagala soo bixi karin. Waxaan dib u habeyneynaa aagaggan, waxaan fureynaa waddooyin, waxaana dhaqan gelineynaa nidaamka.”

Wuxuu kaloo ku adkeystay inuusan ka xishoonayn bannaanbaxyada dadweynaha, isagoo yiri: “Kama xishoonayo in dadku ay qeyliyaan; xaq ayay u leeyihiin. Xaqiiqdu waxay tahay, isbeddelku waa adag yahay, laakiin waa lama huraan.”

Hadalkiisu wuxuu ahaa mid degan—aan ahayn mid is-difaac ah ama mid iska hor keen ah—isagoo si hoose barakicinta ugu soo bandhigay inay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo horumarinta magaalada ah, halkii ay ka ahaan lahayd naxariis-darro shaqsi ah.

Markii sheekadu waji kale yeelatay

Si ka duwan sidii la filayay, isla kiiskii ay mucaaradku ku rajeenayeen inay ku muujiyaan damqashadooda ayaa sidoo kale mugdi geliyay kala duwanaanshihii akhlaaqeed ee ay sheeganayeen. Dadka qaar, barakicinta haweeney sheegatay inay qaraabo yihiin madaxweynaha waxay u noqotay caddeyn maamul-wanaag sinaan ku dhisan, ee ma ahayn danayn la’aan.

Dhaqan siyaasadeed oo daacadnimada qabiilku inta badan go’aamiso awoodda, fikirka ah in xitaa qaraabada madaxweynaha ay u hoggaansamayaan amarrada dowladda ayaa yeeshay saameyn aan la fileyn.

Haddii ay ula kac ahayd iyo haddii kaleba, natiijadu waxay xoojisay aragtida ah in sharcigu ka sarreeyo xiriirka shaqsiga ah—fikrad dhif iyo naadir ku ah siyaasadda Soomaalida.

Dhacdadan waxay cutub cusub ku soo kordhinaysaa xifaaltanka qeexayay siyaasadda Soomaaliya ee xilliga kala-guurka kadib. Xasan Sheekh, oo xilligaas ku cusbaa siyaasadda, wuxuu kaga adkaaday Shariif doorashadii madaxweynaha ee 2012.

Labada nin ayaa markii dambe si kooban isugu biiray inay ka soo horjeestaan madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin isbahaysigoodu wuxuu burburay ka dib guushii Xasan ee 2022.

Shariif iyo xulafadiisu waxay tan iyo markaas ku eedeeyeen Xasan inuu qaatay siyaasad ah “guuleystuhu wax walba qaata” uuna fogeeyay saaxiibadiisii hore.

Arrinta barakicinta ayaa hadda noqotay goob kale oo dagaal oo ka mid ah loollankaas joogtada ah—mid uu isku daygii Shariif ee ahaa inuu muujiyo sarreynta akhlaaqda uu dib ugu soo noqday, isagoo xoojiyay sheegashada madaxweynaha ee ku aaddan maamulka hay’adaha dowliga ah.

Cashar laga bartay layaabka siyaasadda

Sheekada Hooyo Fowsiya, “habartarya madaxweynaha,” waxay daaha ka rogeysaa dabeecadda isku-dhafan ee loollanka awoodeed ee Soomaaliya—halkaas oo ay isku milmeen dhibaatada bini’aadannimada, xifaaltanka siyaasadeed, iyo aragtida dadweynaha.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku guuleystay inuu iftiimiyo cabasho dhab ah oo heer qaran ah: dhibaatada ka dhalata barakicinta qasabka ah. Laakiin isku daygiisii ahaa inuu xanuunkaas u adeegsado dan siyaasadeed wuxuu keenay natiijo aan la fileyn.

Halkii ay wiiqi lahayd Madaxweyne Maxamuud, waxay u oggolaatay inuu u muuqdo hoggaamiye aysan xukuumaddiisa xitaa xiriirka qoysku ka helin wax xasaanad ah.

Arrimaha asaasiga ah—xuquuqda dhulka, musuq-maasuqa, iyo maamul-wanaagga—weli lama xallin. Laakiin wejigan ka mid ah ciyaarta siyaasadeed ee shataranjiga ee Soomaaliya, tallaabo loogu talagalay in lagu kashifo daciifnimo ayaa taa beddelkeeda keentay daqiiqad kooban oo awood muujin ah.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo cusub oo lala galay 3 dal + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey illaa saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista, kadib markii kulankoodii caadiga ah ee todobaadlaha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa waxaa si buuxda loogu meel mariyay heshiisyadan oo ay soo gudbisay wasaaradda waxbarashada.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo kuwa muhiim ah ayaa kala ah:-

  1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.
  2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare iyo
  3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Intaasi kadib golaha ayaa dhageystay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradaha, kuwaas oo ay soo bandhigeen qaar kamid ah xubnaha golaha, sida wasiirada amniga iyo gaashaandhigga oo iyagu ka warbixiyay amniga guud ee dalka.

Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dardargelinta howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro argagixisada, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka argagixisada.

Heshiisyadan la ansixiyay waxaa ka horreeyay kuwa kale oo difaac, kuwaas oo kala  Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, kuwaas oo dhowaan ay meel mariiyeen golaha.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

Xog: Sweden oo si qarsoodi ah ciidamo ugu soo dirtay Somalia iyo muran ka taagan

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa si qarsoodi ah cutub militari oo khaas ah ugu soo dirtay Soomaaliya si ay u taageerto hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Mareykanku uu ka wado kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, tallaabadan oo dhacday iyadoo aan wax dood ah oo dadweyne ama baarlamaan ah laga yeelan, sida uu qoray wargeyska Expressen.

Diritaanka askartan Swedish-ka ah ee Soomaaliya ayaa ah koox yar oo sirdoon ah oo ka tirsan Guutada Amniga ee 13-aad ee Ilaalada Boqortooyada (Life Guards’ 13th Security Battalion).

Kooxdan ayaa ah khubaro ku xeel-dheer ururinta iyo falanqaynta xogta aqoonsiga noolaha (biometric data), oo ay ku jirto DNA, taasoo laga soo qaado goobaha qaraxyadu ka dhaceen iyo xubnaha looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin.

Hawlgalkoodu waa inay ka caawiyaan ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) aqoonsiga iyo dabagalka xubnaha Al-Shabaab.

Dowladda Sweden waxay guddiga difaaca ee baarlamaanka warbixin ka siisay hawlgalkan kaddib markii uu wargeyska Expressen bilaabay inuu saraakiisha su’aalo ka weydiiyo arrintan.

Xogtii la siiyay guddiga ayaa si degdeg ah loogu shaabadeeyey sir culus, taasoo hor istaagtay in si furan looga doodo. Dowladda ayaa ku adkaysanaysa in diritaanka ciidankan aanu ahayn “ciidan hubeysan,” taasoo ah qeexitaan u saamaxaya inay ka baaqsato cod baarlamaan.

Hawlgalkani wuxuu iftiiminayaa iskaashi amni oo sii qoto dheeraanaya, balse qarsoodi ah, oo u dhexeeya Stockholm iyo Washington ee Geeska Afrika.

Heshiis sir ah oo lala galay Soomaaliya

Saldhigga sharciyeed ee hawlgalkan ayaa ah heshiis iskaashi oo laba geesood ah oo ku saabsan “nabadda iyo xasiloonida,” kaasoo ay Sweden iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii Maarso.

Qodobada ku jira heshiiskan waa kuwo qarsoodi ah oo aan la shaacin. Danjirihii hore ee Sweden u fadhiyay Soomaaliya, Joachim Waern, ayaa xaqiijiyay in isaga loo idmaday saxiixa heshiiska, balse wuxuu dhammaan su’aalihii ku saabsanaa nuxurkiisa u gudbiyey Wasaaradda Difaaca.

Wasiirka Difaaca, Pål Jonson, ayaa difaacay hawlgalka, isagoo sheegay inuu “abuurayo shuruudaha sharciyeed ee u saamaxaya shaqaalaha Swedish-ka inay ka hawlgalaan dhulka Soomaaliya.”

Warbixin uu soo saaray xoghayaha saxaafadda ee Jonson, Johan Hjelmstrand, ayuu ku sheegay in ujeeddadu tahay “in la suurtageliyo tababar, la-talin iyo taageero kale oo la siiyo ciidanka Soomaaliya,” taasoo lagu xoojinayo awoodda amni ee Soomaaliya u gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, la’aanta daah-furnaanta ayaa dhalisay dhaleecayn. Peter Hultqvist, oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, isagoo sabab uga dhigay nooca sirta ah ee warbixinta.

Go’aanka lagu bixinayo kheyraadka hawlgal uu Mareykanku hoggaaminayo oo Afrika ka socda ayaa sidoo kale kiciyey walaac gudaha ah, xilli ay jirto xiisad amni oo sareysa oo ka taagan deegaannada ku dhow Sweden.

Adeegga Sirdoonka Amniga ee Baarista Dambiyada

Cutubkan Swedish-ka ah, oo loo yaqaan KTSU (Forensic Security Intelligence Service), ayaa si buuxda loogu dhex daray ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warbixinnuhu, shaqaalaha qaar ayaa ka hawlgala goobaha hore si ay u soo ururiyaan caddeymaha dembi-baarista, halka kuwa kalena ay diiradda saaraan falanqaynta iyo fasiraadda xogta. Mareykanka ayaa si gaar ah uga codsaday Sweden khibraddeeda aqoonsiga DNA-da si looga caawiyo xaqiijinta aqoonsiga argagixisada la dilay ama looga shakisan yahay.

Xogtan sirdoon ee aqoonsiga noolaha waxaa lala wadaagaa ciidamada Mareykanka iyo Hay’adda Amniga Sweden (Säpo). Kooxdan, oo ka kooban ilaa 15 khabiir, waxay ku shaqeysaa hab is-beddel ah.

Hawlgalkani wuxuu ku soo beegmayaa xilli Mareykanku uu sii wado ololihiisa muddada dheer soo socday ee duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu u arko inay halis weyn ku tahay xasiloonida gobolka.

Taliska AFRICOM ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ka-qaybgalka Sweden, wuxuuna su’aalaha u weeciyey dhanka dowladda Sweden.

Diritaanka ciidankan waxay hoosta ka xariiqaysaa danta istiraatiijiyadeed ee Sweden ay u qabto ka-qaybqaadashada dadaallada amniga caalamiga ah ee ka baxsan gobolkeeda.

Wasaaradda difaacu waxay sheegtay in hawlgallada noocan oo kale ah ay bixiyaan “khibrado muhiim ah oo xoojiya awoodaha Sweden u gaarka ah” isla markaana taageeraya “hannaanka caalamiga ah ee sharciga ku dhisan.”

Daawo: Maamulka Gobolka oo jawaab culus siiyay Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud oo xalay ka qayb-gashay kulan ballaaran oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu jawaabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed oo indhowaanahan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah dowladda ka waday caasimada.

Marwo Bilan ayaa si gaar ah uga falcelisay dhacdadii habeen hore ee Sheekh Shariif oo soo garab istaagay haweeney lagu magacaabo Fowsiyo oo la ilmeysay dhibaato ay sheegtay inay kasoo gaartay barakacinta ay ku sameysay dowladda, isaga oo sidoo kale lacag ugu deeqay.

Shariifka ayaa maamada oo sheegatay inay habaryar u tahay Madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiiyay lacag kun dollar ah, isaga oo sidoo kale u ballan qaaday lacagta ijaarka guriga oo joogta ah.

“Maamada waad arkeysiin shucuurta ayaa ka adkaatay, runtii dalkan dulmiga ka jira waxyar oo kamid ah waayay, xisbiga waxa uu go’aansaday familkan inuu ugu deeqo kun dollar, gabadha waxbarashadeedana uu ku bixiyo kun dollar 150 joogta ah oo ijaarka ahna bixiyo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waa lagu garab taagan yahay kaligaa maahid xuquuqdaadana waa lasoo dhicinaa, Insha allah”.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir oo soo jawaabtay ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweyne hore Sheekh Shariif uu hab siiyo haweeney ajnabi ka ah oo haddane la qabo, sida ay hadaka u dhigtay.

“Waxaad arkeysaa gabar uu odeygeedii dhalada ka fiirsanaayo oo nin raba in waddankani uu Madaxweyne ka noqdo xagga Diintana aan leeyahay waa uu dhow yahay inuu xabadkiisa ku hurdisiinaayo Diinta Islaamka waxa ay ka qabto waa garaneysaan in gabar ajnabi kaa ah in xabadkaaga ku hurdisiiso” ayay tiri Marwo Bilan Bile Maxamuud.

Sidoo kale wixii sii raaciyay “Waad garaneysaa oo maanta jaahilnimo kuuma gaynin wallee siyaasaddu dadka way dardartaa aqoonta iyo cilmigana way dhaafsiisaa Becouse markaan arkay laba qofood oo ajnabi kala ah ee xabadka isku hurdisiinaayo waa wax aad looga xumaado”.

Bilan Bile Maxamuud oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale sheegtay in dalkan lagu soo duulay, isla markaana siyaasadda laga raadinayo haweenka, si looga faa’iideysto.

“Waddankan waaa laga soo duulay marba haddii haweenkii laga dhex kalluumeysanaayo oo la rabo in haweenkii siyaasad lagu gaaro waddankan annaga ayaa daggan oo malihin Baasaboor ajnabi ah” ayay mar kale tiri xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Xukuumadda DanQaran oo digniin kasoo saartay dibadbaxa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare ayaa si adag uga hadashay dibadbaxa mucaaradka ee maanta mar kale dib loo dhigay, kaas oo ujeedkiisu yahay mid ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay oo kulan la yeeshay waxgaradka iyo dhalinyarada Digil iyo Mirifle ayaa uga digay inay ka qayb-galaan dibadbaxa mucaaradka, wuxuuna sheegay in dhibaato ay kasoo gaari karto.

Xasan Eelaay ayaa sheegay in isku soo baxa uu sababi karo khasaare soo gaaro qofka ama in ay ka dhashaan rabshado waxyeeleen kara nabad-gelyada iyo hantida shacabka, uuna ka digayo in laga qayb-galo.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhalinyarada ku booriyay inay adkeeyaan nabad-geliyada oo ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee ku howlan xasilinta caasimada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka, isaga oo guud ahaan shacabka ugu baaqay inay qaataan shahaadada, si ay fursad ugu helaan inay codeeyaan.

“Muhiimadda waxaa waayay in marka hore la’is diiwaangeliyo laga shaqeeyo diiwaangelinta sidaas daraadeed waxaan idinkaaga mahad-naqayaa sida aad isku diiwaangeliseen” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo makii labaad maanta dib loo dhigay dibadbixii waynaa ee mucaaradka, kadib kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta, kuwaas oo ku heshiiyay in dib loo dhigo banaanbaxa markii labaad, iyada oo horey loo baajiyay banaanbixii kan ka horeeyay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale isku raacay in la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Si kastaba, qorshaha banaanbaxan ayaa ka dhashay xiisadda dhulka danta guud ee dowladda ka kicinayso shacabka degan, twas oo cirka kusii shareertay xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xamaas iyo Israa’iil oo gaaray heshiis taariikhi ah

Qaahira (Caasimada Online) – Kadib bilooyin is-mari-waa ah, Israel iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis ku saabsan sii-daynta la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, horumar weyn oo muddo la sugayay oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Madaxweyne Trump, oo gacan ka geystay dhex-dhexaadinta heshiiskan, ayaa Arbacadii baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay isku raaceen wejiga koowaad ee qorshihiisa, taasoo ay ku jirto in Israel ay ciidamadeeda kala bixi doonto xariiq horey loogu heshiiyey.

Faahfaahinta heshiisku weli ma cadda, oo ay ku jiraan nidaamka is-dhaafsiga iyo xariiqa ay ciidamada Israel ka baxayaan. Dhanka kale, Israel bayaannadeedii hore kuma aysan xusin arrinta ciidan kala baxa.

Ku-dhawaaqista Mr. Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar, oo ka mid ah dalalka gacan ka gaysanayay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiisku uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza.

“Kani waa maalin WEYN oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Mr. Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Sida ku cad qorshahaas, la-haystayaasha waxaa lagu beddelan lahaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo xabsi daa’in ku xukuman iyo 1,700 qof oo reer Gaza ah oo ay Israel xirtay intii uu dagaalku socday.

Sii-daynta la-haystayaasha ayaa la filayaa inay billaabato ugu horreyn dhammaadka toddobaadkan, waxaana durba socda diyaar-garowga howshaas, sida uu sheegay sarkaal xog-ogaal u ah heshiiska.

“Dhammaan la-haystayaasheena waa la soo celin doonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, bayaan uu soo saaray kadib ku dhawaaqistii Trump, laakiin ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Inkastoo Israel iyo Xamaas ay hadda ku heshiiyeen is-dhaafsiga, haddana weli ma cadda in dagaalka labada sano jiray ee Gaza uu dhammaan doono.

Netanyahu wuxuu ku adkeystay in Xamaas ay hubka dhigto, taasoo ah dalab ay kooxda militariga ah si cad u diidday. Qodobka hubka Xamaas laguma soo hadal qaadin bayaannadii ku saabsanaa heshiiska ee ka soo baxay Xamaas, Israel, Trump, iyo Qatar.

Netanyahu wuxuu sheegay inuu la hadlay Mr. Trump, uuna Khamiista isugu yeeri doono golihiisa wasiirada si ay u ansixiyaan heshiiska, isagoo ku tilmaamay “maalin weyn oo u soo hoyatay Israel.” 

Dhinaceeda, Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday Mr. Trump, dammaanad-qaadayaasha heshiiska, iyo dhinacyada kale inay ku cadaadiyaan Israel “inay si buuxda u meelmariso shuruudaha heshiiska, oo aan loo oggolaan inay ka weecato ama ka caga-jiiddo fulintiisa.”

Dr. Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar, ayaa sheegay in heshiisku “uu horseedi doono soo afjaridda dagaalka, sii-daynta la-haystayaasha Israel iyo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo sidoo kale fududeynta in gargaar la gaarsiiyo.”

Wuxuu intaas ku daray in faahfaahinta heshiiska goor dambe la shaacin doono.