27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xaaska Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo kiis xatooyo loogu xiray Mareykanka

Minneapolis, (Caasimada Online) – Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa xiray oo dacwad ku soo oogay qofkii 75-aad oo loo haysto in ay ku lug laheyd kiis musuq-maasuq oo baaxad weyn, kaasoo lagu lunsaday $250 milyan oo doollar oo laga dhacay barnaamij Mareykan ah oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta xilligii uu socday cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Muna Wacays Fidhin, oo 44 jir Soomaali ah, gaar ahaan reer Somaliland, ayaa Jimcihii lagu xiray magaalada Minneapolis, waxaana lagu soo oogay toban dacwadood, oo ay ku jiraan khayaano xagga isgaarsiinta ah, laaluush, iyo been xalaaleyn lacag, sida uu sheegay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Minnesota.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Muna Wacays Fidhin ay tahay xaaska wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Mareykanka.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, Muna waxay jeebka ku shubatay qiyaastii $1 milyan oo doollar iyadoo si been ah u sheegatay inay siisay boqollaal kun oo cunto ah carruur u baahneyd. Hay’adaha sharci-fulinta waxay ku eedeeyeen inay taa beddelkeeda lacagtaas ku bixisay deyn guri oo lagu lahaa, ku iibsatay gaari, ayna lacag ugu dirtay dibadda.

“Iyadoo dacwad lagu soogay eedeysanihii 75-aad ee fadeexadda Feeding Our Future, farriintu intan kama sii caddaan karto,” ayuu yiri Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joseph H. Thompson. “Haddii aad door ku lahayd musuq-maasuqan, taleefanka qaado oo la hadal FBI-da maanta.”

Xuddunta kiiskan ayaa ah Feeding Our Future, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Minnesota, mas’uulna ka ahayd qaybinta lacagaha federaalka ee ka imaanayay barnaamijyada nafaqeynta carruurta ee Wasaaradda Beeraha Mareykanka (U.S. Department of Agriculture’s – USDA).

Intii lagu jiray COVID-19, USDA waxay debcisay sharciyadeedii si carruurta ka soo jeedda qoysaska danyarta ah ay weli u heli karaan cunto marka ay iskuullada ka maqan yihiin. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in dabacsanaantaasi ay albaabka u furtay shabakad ballaaran oo musuq-maasuq ah, iyadoo shirkado magac u yaal ah iyo goobo cunto-qaybin oo been abuur ah ay dowladda uga qaateen lacag cunto aan weligeed la bixin.

Hay’adda Feeding Our Future, oo ay hoggaaminaysay aasaasaheeda Aimee Bock, ayaa si weyn u kortay muddadaas—iyadoo maamulaysay kaliya $3.4 milyan oo kaalmo federaal ah sannadkii 2019, marka la barbar dhigo ku dhowaad $200 milyan sannadkii 2021. Bock waxaa lagu helay dambiyo musuq-maasuq iyo laaluush bishii Juun 2024, waxaana hadda ay sugaysaa xukunkeeda.

“Xarigga maanta ee Muna Wacays Fidhin wuxuu astaan u yahay tallaabo kale oo weyn oo horumar ah oo laga gaaray baaritaankan,” ayuu yiri Alvin M. Winston, Sr., oo ah Sarkaalka Sare ee Mas’uulka ka ah xafiiska FBI-da ee Minneapolis.

“Muna, iyo dhammaan kuwa lagu soo eedeeyay qorshahan, waxaa laga yaabaa inay dhayalsadeen awoodda FBI-da ee ay ku dabageli karto kuwa xada lacagta canshuur-bixiyeyaasha—gaar ahaan marka lacagta loogu talagalay in lagu quudiyo carruur gaajeysan.”

Qaansheegyo been abuur ah iyo kharash dhab ah

Dacwad-oogayaashu waxay ku andacoonayaan in Muna ay adeegsatay laba hay’adood—M5 Café iyo urur aan faa’iido doon ahayn oo ay markii dambe aasaastay oo la yiraahdo M5 Care—si ay isugu diiwaan geliso inay yihiin goobo cunto qaybin ah oo hoos taga Feeding Our Future iyo hay’ad kale oo kafaala-qaad ah.

Waxay sheegatay inay quudin jirtay 500 oo carruur ah maalin kasta, toddobada maalmood ee toddobaadka. Si ay u xoojiso sheegashadaas, saraakiishu waxay sheegeen inay gudbisay qaansheegyo cunto oo been abuur ah, iyadoo ugu dambayn dowladda u dirtay biilasha in ka badan 300,000 oo cunto ah oo aan marnaba jirin.

Dowladda waxay sheegtay in lacagtaas $1-ka milyan ah ee ay heshay loo isticmaalay in lagu bixiyo deyn guri, lagu iibsado gaari, lagu daboolo kharashyadeeda gaarka ah, iyo in tobanaan kun oo doollar loo diro dibadda.

Baarayaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inay bixisay ku dhowaad $27,000 oo laaluush ah (kickbacks) oo ay siisay shaqaale ka tirsanaa Feeding Our Future si uu qorshuhu si habsami leh ugu socdo.

Baaritaankan, oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan FBI-da, Waaxda Dambi-baarista ee Hay’adda Canshuuraha (IRS Criminal Investigation), iyo Adeegga Baarista Boostada Mareykanka (U.S. Postal Inspection Service), ayaa iftiimiyay waxa ay saraakiishu ugu yeereen musuq-maasuq baahsan oo ka jira barnaamijyada kaalmada ee dowladda.

“Baaritaanka musuq-maasuqa Feeding Our Future wuxuu kiciyay wacyigelin ku saabsan musuq-maasuqa baahsan ee ka jira barnaamijyada ay dowladdu maalgeliso ee gobolkan,” ayuu yiri Adam Jobes, oo ah Sarkaalka Sare ee Mas’uulka ka ah Waaxda Dambi-baarista ee IRS ee Chicago.

In kasta oo xarigga Jimcihii uu ahaa guul kale oo la gaaray, Jobes wuxuu ka digay in “ay weli jirto shaqo intan ka badan oo u baahan in laga qabto kiiskan iyo qorshayaasha kale ee musuqmaasuqa.”

Eedeymaha loo jeediyay Muna waa kuwo aan weli la xaqiijin, waxaana loo aqoonsan yahay inay tahay dembi laawe ilaa maxkamad ay si kama dambays ah dembi ugu hesho.

Kiiskan ballaaran ayaa horay u horseeday in tobanaan qof ay dembiga qirteen iyo dhowr xukun oo la riday, iyadoo dacwad-oogayaashu ay sii wadaan inay kala furfuraan waxa ay ku tilmaameen mid ka mid ah shabakadaha musuqmaasuqa ee ugu dhiirran taariikhda gobolka Minnesota.

Amarkii Duqa magaalada Muqdisho oo shaqeyn waayay iyo xaalad weli ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar culus oo uu todobaadkii hore soo saaray Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shaqeyn waayay, isaga oo markaas 48 saac u qabtay shirkadda dhiseysa laamiga Zoobe oo haatan dhibaato wayn ay ku qabaan shacabka mara waddadaas.

Muungaab oo kormeer ku tagay dhismaha Laamiga Zoobe ayaa sidoo kale ka raalli geliyay ciriiriga ka dhashay dhismaha waddadan iyo dib-u-dhaca ku yimid, wuxuuna kadib soo saaray mar 48 saac, kaas oo illaa iyo hadda aan dhaqan-gelin, waxaana weli culeys uu ka taagan yahay waddadaasi.

“Waxa aan ka xumahay saxmadda ka dhalatay dhismahan, waana ka warqabnaa cabashadiinna. Sababta dib-u-dhaca ayaa ah in aan dhisno laami tayo leh oo aysan biyuhu fariisan karin. Waa in 48 saac gudahood laamigaan lagu furo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Arrintan ayaa keentay walaac xooggan iyo tabasho ay qabaan shacabka, waxaana si weyn maamulka gobolka loogu dhaliilay inuu ka gaabiyay inuu fulo amarkaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa baaq u diray guddoomiye Muungaab, wuxuuna ka codsaday inuu mar kale kusoo laabto waddada, uuna arko dhibaatada haatan ka jira halkaasi.

“Amarkii Duqa Magaalada Muqdisho ee dhawr maalin ka hor ee ahaa in 48 saacadood lagu furo Jidka Zoppe, ma fulin. Aad ayaana loogu Dhib qabaa xirnaanshaha Jidkaas ee Duqa haku soo laabto” ayuu yiri Cabdullahi Nuur Cismaan.

Xasan Maxamed-Deeq oo isna kamid ah dadka ka falceiyay ayaa yiri “Waddooyin badan ayaa saakay jaam ah waxaa ugu daran mida Zoobe oo halbowle ah dadka shaqaalaha ah dhib weyn ku qabaan maadaama shaqada laga daahaayo”.

Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa isna yiri “Waa run agaasime, wali howshaas dhib wayn ayaa lagu qabaa”.

Si kastaba, ha’ahaateen Dhismaha waddada Zoobe ayaa aad u daahay, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay roobka xilliga iyo in shirkadda dhismaha lagula heshiiyay in ay dhisto laami tayo sare leh oo aysan biyuhu fariisan karin.

Donald Trump oo shaaca ka qaaday inuu wada-hadallo qoto dheer kula jiro kooxda….

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii in Washington ay “wada xaajoodyo aad u qoto dheer” kula jirto kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamas, wuxuuna ku boorriyay inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha Israel ee lagu hayo Marinka Gaza.

“Waxaan wada xaajoodyo aad u qoto dheer kula jirnaa Xamas,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha, isagoo sheegay in xaaladdu ay noqon doonto mid “adag” oo “xun” haddii Xamas ay sii haysato la haystayaasha reer Israel.

“Waxaan ku niri sii daayaa dhammaantood, hadda isla markiiba ha soo wada daayaan. Waxyaabo aad uga wanaagsan ayaa ku dhici doona, laakiin haddii aadan dhammaantood sii dayn, waxay noqon doontaa xaalad adag, oo fool xun,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in Xamas ay “codsanayso waxyaabo qaarkood oo wanaagsan.”

Trump ma uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 250 la hayste u kaxaystay Marinka Gaza kaddib weerar bishii Oktoobar 2023 ay ku qaadeen Israel, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof, sida lagu sheegay tirokoobyada Israel.

Weerarkii xigay ee ay Israel, oo xulufo la ah Mareykanka, ku qaadday Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay dhammaan dadweynihii Gaza, isagoo sidoo kale horseeday eedeymo isir-sifeyn iyo dembiyo dagaal oo looga soo jeediyay maxkamadaha caalamiga ah iyo kooxo badan oo xuquuqda aadanaha u dooda. Israel way beenisay eedeymahaas.

Trump wuxuu intii uu ku jiray ololihiisa doorashada madaxweynenimada ballanqaaday inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Gaza, balse xal laga gaaro ayaa weli ah mid aan la helin.

Ku dhowaad 50 la hayste oo Israeli ah ayaa weli ku jira gacanta Xamas ee Gaza, iyadoo la aaminsan yahay in 20 ka mid ah ay weli nool yihiin.

Ururka Xamas wuxuu sheegay inuu sii deyn doono qaar ka mid ah la haystayaasha si loogu beddesho xabbad-joojin ku-meelgaar ah, halka Trump uu si isdaba joog ah u sheegay inuu doonayo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalka Gaza uu dhammaan doono oo keliya haddii la sii daayo dhammaan la haystayaasha, hubka laga dhigo Xamas, Israel-na ay la wareegto gacan ku haynta amniga marinkaas, lana dhiso maamul rayid ah oo beddela kii hore.

Dhanka kale, Xamas waxay dalbanaysaa in dagaalka la joojiyo oo Israel ay ka baxdo Marinka Gaza.

War kasoo kordhay ciidanka ay Masar keeneyso Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee ay ciidamadeeda ku keeneyso gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee magaciiisa loo soo gaabiyo AUSSOM.

Masar ayaa todobaadkii hore soo dirsatay guddi qiimeyn ah, kaas oo u kuurgalayay halka la dejin lahaa ciidamadooda, waxaana haatan ay soo gabagabeeyeen qiimeyntooda.

Socdaalka guddiga qiimaynta ee Masar ayaa u dhexeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo sidoo kale dalalka xubnaha ka ah.

Intaasi kadib guddiga ka socday Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxahowwlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyaga oo ka wada-hadlay imaanshaha ciidamada cusub ee Masar.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo diyaarin lahaa ku biirista ciidanka Masar ee Hawlgalka AUSSOM, taasoo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo taageerada la siiyo Soomaaliya xilligan kala guurka ah.

Danjire El Hadji Ibrahima oo madasha ka hadkay ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar iyo kooxda qiimaynta dadaallada ay wadaan, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay soo daabulida guutada cusub ee Masar ee ka qayb qaadanaya howlaha xaslinta ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Dhankiisa sarkaalka hoggaaminayay kooxda ka socotay Masar oo lagu magacaabo Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa isaguna meesha ka shaqeyn in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo dhowaan safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho, Suleymaan Dedefo uu ka digay ciidanka Masar ee imaanaya Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan keeneen nabad, balse ay horseedi doonaan dhibaato horleh.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Si kastaba, Masar ayaa si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan dalka.

Neymar oo dhaxal $1 bilyan ah ka helay ganacsade uusan weligiis arag oo geeriyooday

Rio de Janeiro (Caasimada Online) – Bilyaneer reer Brazil ah ayaa la sheegay inuu hantidiisa oo dhan dardaaran ahaan ugu reebay cayaaryahan Neymar, inkastoo la sheegay in labadoodu aysan weligood is arag.

Neymar, oo 33 jir ah, ayaa lagu warramayaa in loo ballanqaaday lacag aad u badan oo dhan hal bilyan oo dollar, taasoo uu uga tagay nin reer Brazil ah oo geeriyooday oo aan magaciisa la shaacin, kaasoo la sheegay inuu ahaa bilyaneer.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Brazil ee RIC, dardaaranka waxaa si rasmi ah loogu diiwaan geliyay xafiis ku yaalla Porto Alegre, waxaana la ansixiyay Juun 12, iyadoo la sheegay inay goobjoog ka ahaayeen labo markhaati.

Arrintan ayaa hadda la sheegay inay u baahan tahay ansixinta maxkamadaha Brazil si Neymar loogu magacaabo dhaxal-sugaha ninkaas – kaasoo suurtagal ah inuu u doortay sababtoo ah inuusan lahayn carruur uuna ahaa doob.

Neymar weli si fagaare ah ugama hadlin wararka la xiriira hantidan – laakiin dardaaranka ayaa la kulmi kara caqabado sharciyeed xitaa haddii la ansixiyo.

Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu u doortay inuu hantidiisa siiyo Neymar sababtoo ah ‘wuxuu shakhsi ahaan isaga arkaa isaga,’ sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

Waxa la sheegay inuu la dhacsan yahay xiriirka qoysnimo ee adag ee Neymar, gaar ahaan xiriirka uu ciyaaryahanku la leeyahay aabbihiis, Neymar Sr., kaasoo ‘xusuusinaya aabbihiisii geeriyooday’.

Cayaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa hadda ku soo laabtay Brazil, isagoo bishii Janaayo doortay inuu dib ugu biiro kooxdiisii carruurnimada ee Santos, kaddib waqti aan u guulaysan oo uu ku qaatay kooxda Al-Hilal ee Horyaalka Sucuudiga.

Wuxuu dhaliyay saddex gool 14 kulan oo uu saftay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2024-25 – isagoo horey u dhaliyay 136 gool 225 kulan oo uu u saftay kooxda intii u dhaxeysay 2009 iyo 2013.

Bishii Juun, wuxuu doortay inuu cusbooneysiiyo heshiiskiisa kooxda Santos, taasoo suurtagal ah inay u gogol xaarto waddo uu kaga soo muuqan karo xulka Brazil ee Koobka Adduunka ee sannadka soo socda.

Warbixin lagu daabacay website-ka kooxda, wuxuu ku yiri: ‘Go’aan ayaan qaatay, waxaana dhagaystay qalbigayga.’

‘Santos ma ahan oo kaliya kooxdayda, waa gurigayga, xididdadayda, taariikhdayda iyo noloshayda.’

‘Halkan waxaan ku ahaa wiil yar oo nin ku noqday, si dhab ahna waa la i jecel yahay. Halkan waxaan ku noqon karaa naftayda, oo aan si dhab ah u faraxsanahay. Waana halka aan doonayo inaan ku xaqiijiyo riyooyinka ka dhiman xirfaddayda ciyaareed.’

‘Waxna ima joojin doonaan. Waan tagaa, waan soo laabtaa, waana joogayaa. Meeshii ay wax walba ka bilowdeen iyo meesha aysan weligood ku dhammaan doonin.’

Wuxuu rajeynayaa inuu helo muddo joogto ah oo uu u ciyaaro kooxda Santos isagoo ka fogaanaya dhaawacyo, kaddib markii uu la daalaa dhacayay dhaawacyo intii lagu jiray 18-kii bilood ee uu joogay Sacuudi Carabiya.

Kama uusan soo muuqan xulka Brazil tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah (anterior cruciate ligament – ACL) bishii Oktoobar 2023, laakiin wuxuu weli yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkiisa isagoo leh 79 gool.

 

Dagaalka ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo xiisad culus ka buuray KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira dagaalkii ka dhacay Beledxaawo ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuuray gudaha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenay Kipchumba Murkomen oo ka hadlayay madal amni, xilli uu ku sugnaa magaalada Kakamega  ayaa sheegay in dagaalladi dhex maray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee ka dhacay xaduuda aanay halis gelin amnigeeda, isla markaana xaaladda ay tahay mid wanaagsan.

Kipchumba Murkomen ayaa tilmaamay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo deggan, isla markaanay aysan halis ugu jirin dagaalka xuduuda ee u dhexeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo xiitaa weerarada kooxda Shabaab.

Wasiirka ayaa si weyn u dhaleeciyay mucaaradka dalkiisa, oo uu tilmaamay in siyaasad ay ka dhex raadinayaan amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan qaylo dhaan ay kasoo yeertay shacabka ku dhaqan magaalada Mandera, kuwaas oo dhigay dibadax ay uga cabanayaan ciidamada Jubbaland ee looga adkaaday dagaalkii Beledxaawo, kadin u firxaday magaaladaasi.

Dadweynaha dibad-baxa dhigay ayaa dalbaday in si deg-deg ah ciidamada Jubbaland looga saaro gudaha deegaanka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhibaato ka gaysteen halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Mandheera ayaa wajahayay xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, Kenya oo saaxiib dhaw la’ah Jubbaland ayaa haddane ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.

Mareykanka oo walwal ka qaba in sirtiisu u gacan gasho…

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay xog xasaasi ah oo dhalisay walaac amni, taas oo ku saabsan qorshe Shiinuhu kor ugu qaadayo basaasida Washington.

Xogtan ayaa sheegaysa in Shiinuhu maalgelin ku taageerayo muwaadiniin ka soo jeeda Bartamaha Ameerika si ay gudaha dalkaasi ugu gudbiyaan siraha muhiimka u ah Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in warbixin ay heleen muujineyso sida Shiinaha uu dhaqaale fara badan ugu bixinayo dhisidda shabakad basaasiin ah oo gudaha Mareykanka ka hawl-gasha.

Rubio wuxuu intaa ku daray in dowladdiisu qaadeyso tallaabooyin lagu adkeynayo nidaamka dal-ku-galka, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo dadka ka imaanaya Bartamaha Ameerika, si loo jaro xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo shabakadaha khatarta ku noqon kara amniga qaranka.

Warbixin ay baahisay Reuters ayaa tilmaamaysa in cabsida Mareykanka ka qabto dhaq-dhaqaaqyadaas ay la xiriirto tartanka xooggan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga ee kala dhexeeya Shiinaha.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid kale oo hurdada u diiday maamulka Washington, oo horey uga walaacsana tabaha basaasnimo ee Shiinaha.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysiyo cusub oo ka dhan ah danihiisa ay samaysanayaan dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo qaar kale oo ku yaalla Aasiya iyo Afrika.

NISA oo shaacisay khasaaraha howlgal lagu beegsaday 400 oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ay ka qayb qaateen saaxibada caalamiga lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen 400 oo Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda.

Sidoo kale inta uu socday howgalka ayaa waxaa lagu dhaawacay 13 kale oo kamid ah maleeshiyaadka lagu diyaarinayay deegaanka la duqeeyay ee Ceel-dhiiqo Weyne.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo ah halka lagu beegsaday Al-Shabaab, isla markaana jabka culus maanta lagu gaarsiiyay.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayaa waxaa lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo, isla markaana ku sugnaa  deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Somali woman in Minnesota arrested in $250M fraud

0

MINNEAPOLIS, United States – Federal prosecutors have charged the 75th person in a sweeping fraud case that siphoned off $250 million from a U.S. program meant to feed children during the COVID-19 pandemic — the largest pandemic-related fraud uncovered in the country to date.

Muna Wais Fidhin, 44, was arrested Friday in Minneapolis and indicted on ten counts, including wire fraud, bribery, and money laundering, the U.S. Attorney’s Office in Minnesota said.

According to prosecutors, Fidhin pocketed approximately $1 million by falsely claiming to have provided hundreds of thousands of meals to children in need. Instead, authorities allege she paid off her mortgage, bought a car, and wired money overseas.

“With the 75th defendant charged in the Feeding Our Future scandal, the message could not be clearer,” Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson said. “If you had any role in these frauds, pick up the phone and call the FBI today.”

A scheme of ‘staggering proportions’

At the center of the case is Feeding Our Future, a Minnesota nonprofit responsible for distributing federal funds from the U.S. Department of Agriculture’s (USDA) child nutrition programs.

During the pandemic, the USDA loosened its rules so low-income children could still access meals outside of school. Prosecutors say that flexibility opened the door to a sprawling network of fraud, with shell companies and fake meal sites billing the government for food that was never served.

Feeding Our Future, led by its founder Aimee Bock, ballooned during this period — handling just $3.4 million in federal aid in 2019 compared with nearly $200 million by 2021. Bock was convicted in June 2024 of fraud and bribery and now awaits sentencing.

“Today’s arrest of Muna Wais Fidhin represents yet another major milestone in this investigation,” said Alvin M. Winston, Sr., Special Agent in Charge of the Minneapolis FBI office.

“Fidhin, and all of those charged in connection with this scheme, may have underestimated the FBI’s ability to track down those who steal from taxpayers — especially when the money was meant to feed hungry children.”

Fake invoices, real spending

Prosecutors allege Fidhin used two entities — M5 Café and a nonprofit she later set up called M5 Care — to enroll as food distribution sites under Feeding Our Future and another sponsor organization.

She claimed to serve 500 children every single day, seven days a week. To support those claims, officials say she filed fake food invoices, ultimately billing for more than 300,000 meals that never existed.

The government claims that the $1 million she received was used to pay down her mortgage, purchase a vehicle, cover personal expenses, and transfer tens of thousands of dollars abroad.

Investigators also accuse her of paying roughly $27,000 in kickbacks to a Feeding Our Future employee to keep the scheme running smoothly.

‘More work to be done’

The investigation, led jointly by the FBI, IRS Criminal Investigation, and the U.S. Postal Inspection Service, has highlighted what officials call widespread fraud in government aid programs.

“The Feeding Our Future fraud investigation ignited an awareness of the pervasive fraud that exists in government-funded programs in this state,” said Adam Jobes, Special Agent in Charge of IRS Criminal Investigation in Chicago.

While Friday’s arrest marked another milestone, Jobes cautioned that “there is still more work to be done on this and other fraud schemes.”

Fidhin’s charges remain allegations, and she is presumed innocent until proven guilty in a court of law. The broader case has already led to dozens of guilty pleas and several convictions, with prosecutors continuing to unravel what they call one of the most brazen fraud networks in Minnesota’s history.

Dagaalka Gaza oo weji cusub galay kadib markii qaar ka mid ah ciidanka Israel ay diideen…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Tobanaan kun oo askar kayd ah ayaa lagu amray inay ku biiraan Ciidanka Difaaca Israel (IDF), abaabul loo arkay inuu yahay kii ugu ballaarnaa tan iyo markii dagaalka uu bilowday ku dhawaad laba sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in ka-qaybgalka iyo askarta aqbashay baaqaas uu aad u hooseeyo, iyadoo tiro yar oo askarta kaydka ah ay soo xaadireen.

Warbaahinta ku hadasha afka Cibraaniga ayaa sheegtay in abaabulkan — oo ah wejiga koowaad ee qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Gaza — uu wajahayo caqabado, maadaama askar badan oo kayd ah ay ka caga-jiidayaan inay dib ugu laabtaan dagaal soo jiitamayay laba sano, marar badan oo adeeg ciidan ah, iyo dareen ah in culayska dagaalka aanu si siman bulshada ugu qaybsanayn.

Qiyaastii 60,000 askari ayaa lagu talo galay in lagu abaabulo mowjado kala duwan, iyadoo 40,000 ilaa 50,000 la faray inay soo xaadiraan Talaadada, hal maalin kaddib bilowga sannad-dugsiyeedka.

Askarta kaydka ah ee badan ayaa codsaday in laga dhaafo, iyagoo ku sababeeyay arrimo shaqsi iyo dhaqaale, halka cutubyadu ay ka arkeen ka-qaybgal ka yar intii hore ee xaaladaha degdegga ah. Boqolaal askari ayaa saxiixay warqad ballanqaadaysa inaanay iman doonin, iyadoo mid ka mid ah ku tilmaamay howlgalka Gaza “mid sharci-darro cad ah.”

Saraakiil sare ayaa tilmaamay in xitaa cutubyada joogtada ahi ay yaraadeen tirada guutooyinka iyo kooxaha, halka qaar badan oo ka mid ah kuwii yimid ay ahaayeen mutadawiciin aan asal ahaan qayb ka ahayn cutubyada. “Markan kooxo yar ayaa xaqiijiyay imaanshahooda marka loo eego waqtiyadii hore. Guutooyinka iyo kooxuhu si buuxda uma jiraan — waa inaan sugno cidda imaan doonta,” ayuu yiri sarkaal aan magaciisa la shaacin oo la hadlay TV-ga Kan.

Tababar iyo qorshayaal cusub

Askarta kaydka ah ee la abaabulay, oo ka maqnaan doona guryahooda inta lagu jiro ciidaha Yuhuudda ee soo socda, ayaa la filayaa inay qaataan tababarro maalmaha soo socda. Qaar ka mid ah ayaa lagu beddeli doonaa ciidammada joogtada ah ee ku sugan woqooyiga Israel iyo Daanta Galbeed, iyadoo IDF ay qorsheyneyso in ugu dambayn ay afarta qaybood ee ciidan ku daadgureyso Gaza City.

Warbixin uu qoray Wall Street Journal ayaa sheegtay in saraakiil sare ay adeegsanayaan xeelado cusub si ay u helaan ciidamo ku filan. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa u qoray WhatsApp Group ay leeyihiin arday jaamacadeed: “Waxaan raadinayaa askar dagaal — gaar ahaan kalkaaliyaal caafimaad iyo kuwa wax toogta — muddo 70 maalmood ah oo ka bilaabanaysa 11-ka Sebtembar. Haddii ay jiraan kayd xiisaynaya, fadlan ila soo xiriira si gaar ah.”

Omer Ben Hemo, oo ka tirsan ururka Israeli Reservists – Generation of Victory, ayaa ugu baaqay ragga xagjirka diinta ee Ultra-Orthodox inay ku biiraan ciidanka si ay u fududeeyaan culayska.

Qiyaastii 80,000 oo rag ah oo da’doodu u dhexayso 18 ilaa 24 ayaa la aaminsan yahay inay u qalmaan adeeg ciidan balse aan weli ku biirin. IDF ayaa sheegtay inay si degdeg ah ugu baahan tahay 12,000 askari cusub, sababo la xiriira culayska dagaalka Gaza iyo jiidaha kale ee milatari.

“Xaaladda dadka, ciidanka kaydka iyo askartuba way adagtahay. Haddii aad walaalaheen tihiin, waa inaad na garab istaagtaan,” ayuu Ben Hemo u sheegay Channel 12. “Ma macno badna in 300 maalmood sanadkii lagu qaato adeeg kayd ah. Ma nihin ciidan joogto ah ee waxaa nahay ciidan kayd ah. Waxaan leenahay qoysas, ganacsiyo iyo waxbarasho — arrintu sidan uma ekaan karto,” ayuu raaciyay.

Talaadadii, koox ka badan 300 askari kayd ah oo ka soo horjeeda qabsashada Gaza ayaa ku dhawaaqay inaysan iman doonin haddii la abaabulo. Qoraalkooda ayaa lagu sheegay in dadaalkani uu xiriir la leeyahay ururka bidixda ee nabad-doonka Standing Together.

“Waxaan nahay in ka badan 365 askari oo dagaalka ka qeyb qaatay, balse hadda caddeeyay inaanan mar kale iman doonin haddii naloo yeero,” ayuu ku yiri sarkaal Max Kresch shir jaraa’id oo ka dhacay Tel Aviv. “Waxaan diidanahay inaan ka qeybgalno dagaalka sharci-darrada ah ee Netanyahu, waxaana u aragnaa waajibaad qaran inaan diidno oo aan hogaamiyeyaasha mas’uuliyad ka dalbanno.”

Qoysaska iyo culayska dagaalka

Saraakiil iyo askar badan ayaa sheegay in culayska uu sidoo kale ku dhacay qoysaskooda. Hillel, oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Gaashaaman ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu soo xaadiro si uu ugu adeego danta dadka la haysto iyo kuwa ku nool xadka Gaza. “Qiimuhu wuu sii kordhayaa, waxaadna ka arkeysaa carruurta. Waxaan joogayaa maalinta koowaad ee dugsiga, balse inta kale ma joogi doono,” ayuu yiri.

Dalit Kislev Spektor, oo hoggaamisa kooxda Ima Era, ayaa sheegtay in rag badan oo ku jiray cutubka ninkeeda oo ka koobnaa 150 askari ay hadda yihiin shaqo la’aan, furriin soo maray ama dhaqaale burbur ku dhacay. Waxay intaa ku dartay in ninkeeda si weyn uu uga naxay markii uu aqoonsaday maydka askari saaxiibkood ah oo isdilay.

Warbixinnada gudaha ciidanka ayaa muujinaya in dhimashada ismiidaaminta ah ee askarta Israel ay sii kordhayaan, kuwaas oo lala xiriiriyay dhaawacyo nafsiyeed oo ka dhashay dagaalka socda.

Askari kayd ah Avshalom Zohar-Saar ayaa sheegay inuu ka carooday hogaanka siyaasadeed ee dalka, balse weli uu u iman doono adeeg “sababo la xiriira aaminaadda muhiimadda ilaalinta dadka Israel.”

Hawlgalka cusub ee Gaza waxaa markii hore lagu qiyaasay inuu socon doono afar ilaa shan bilood, balse saraakiisha ayaa sheegaya in dhaqaaqyada iyo daadgureynta dadka rayidka ah ay ka dheer yihiin intii la qorsheeyay. Qoysaska dadka la haysta ayaa si adag uga soo horjeeda qorshaha, iyagoo ka baqaya in nolosha dadkooda khatar gasho. In ka badan hal milyan Falastiiniyiin ah ayaa lagu qiyaasaa inay ku sugan yihiin magaalada Gaza.

Taliyaha Guud ee IDF, Maj. Gen. Eyal Zamir, ayaa ku digay in qorshaha Gaza uu Israel ku riixi doono duullaan buuxa oo qabsasho ah, isagoo ku taliyay in la raadiyo heshiis lagu beddelanayo dadka la haysto. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday in cod loo qaado heshiiskaas, isagoo ku adkeystay “in uusan miiska saarnayn.”

Masar oo wacad ku martay in aysan aqbali doonin…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin barakicinta xooggan ee lagu hayo shacabka Falastiin, iyadoo si kulul u cambaareysay duullaanka Israa’iil ku hayso Gaza.

Tallaabadan ayaa timid xilli kumannaan qof oo ku nool magaalada Gaza ay diideen amarro ka yimid Israa’iil oo ku saabsan in ay ka guuraan guryahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty ayaa warbaahinta u sheegay in barakicintaasi aan marnaba la aqbali karin, isagoo ku tilmaamay arrin ka dhan ah qadiyadda Falastiin. “Barakaca ma aha ikhtiyaar, waa khad cas oo Masar aysan ogolaan doonin,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in dadka laga saaro dalkooda ay micnaheedu tahay in la burburiyo halganka iyo jiritaanka Falastiin, ayna arrintaasi tahay mid aan sharci iyo sabab midna loo heli karin.

Hadalka wasiirka ayaa sii adkeynaya mowqifka adag ee Masar sanadkan ka qaadatay dhaqanka Israa’iil, iyadoo mararka qaar la kaashatay dalalka Qatar iyo Maraykanka si ay u fududeeyaan dadaallada xabbad-joojinta dagaalka muddada dheer socday.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymaha xasuuqa ee Masar hore ugu jeedisay Israa’iil, isagoo sheegay in dhacdooyinka ka socda dhulka Falastiin ay ka sii fog yihiin wax kasta oo lagu malayn karo.

Dhanka Israa’iil weli jawaab kama aysan bixin hadalka Masar.

Si kastaba, Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in Gaza aysan ka wadin xasuuq, balse ay tahay inay xaq u leedahay is-difaac. Hase yeeshee, waxaa weli socda dacwad ka dhan ah oo looga furay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague.

Turkey oo iska fogeysay shirqoolkii lagu dili lahaa Ben Gvir – Sidee loo qorsheeyey?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa si adag u beenisay in ay wax lug ah ku leedahay shirqool la doonayay in lagu khaarijiyo Wasiirka Ammaanka Qaranka Israel ee xagjirka ah, Itamar Ben Gvir, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaasi “olole marin-habaab ah.”

War kasoo baxay Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Madaxtooyada Turkey ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo gudbiyay warbaahinta Israel sidii in ay yihiin kuwo cusub, inkasta oo dhacdooyinkaasi ay dhaceen siddeed bilood ka hor.

Arbacadii, hay’adda amniga gudaha Israel ee Shin Bet ayaa shaacisay in la xiray afar qof oo lala xiriirinayo shirqoolka. Baarayaashu waxay sheegeen in kooxdaasi qorsheynaysay weerar intii lagu jiro xilliga ciidaha Yuhuudda, xilligaas oo ay aaminsanaayeen in Ben Gvir uu ka qayb geli doono cibaado.

Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Yedioth Ahronoth, mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa dhowr sano ka hor u guuray Turkey, halkaas oo uu xiriir kula sameeyay xubno ka tirsan Hamas. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in “intii uu socday dagaalka Gaza, uu qorsheeyay in Ben Gvir lagu dilo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo hubaysan.”

Warbixinno kale ayaa sheegay in eedeysanayaashu heleen lacag qiyaastii $2,000 ah oo uga timid xiriiradooda Turkey, taas oo ay ku iibsadeen diyaaradaha iyo qalab kale. Booliska ayaa u sheegay Yedioth Ahronoth in kooxdaasi ay iibsadeen laba drone oo nooca DJI ah, ku xireen walxaha qarxa, isla markaana sameeyeen tijaabo guuleysatay oo lagu tuuray qarax.

Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha lagu fulinayay isku xirnaan uu la lahaa hoggaanka Hamas ee fadhigoodu yahay Turkey. Hase yeeshee, Ankara ayaa mar walba ku adkaysanaysa in ay martigeliso oo keliya hoggaanka siyaasadeed ee Hamas balse aysan siin taageero ciidan.

Sida uu sheegay Yedioth Ahronoth oo soo xiganaya ilo Israeli ah, Turkey waxay xaddideysaa xubnaha Hamas inay joogaan ugu badnaan saddex bilood socdaal kasta. Ilo ka tirsan Hamas ayaa u sheegay warbaahinta in Ankara dejisay sharciyo gaar ah oo lagu maamulo xubnaha Hamas, kuwaas oo haddii la jebiyo sababi kara musaafurin.

Heshiiskii maxaabiista ee 2011-kii lagu sii daayay askarigii Israel ee Gilad Shalit, ayaa Israel ku musaafurisay tobannaan xubnood oo Hamas ah. Qaar ayaa loo diray Gaza ama Daanta Galbeed ee la haysto, halka kuwa kale dibadda loo raray, oo ay ku jirto Turkey.

Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Turkey ayaa ku doodday in xogaha lagu faafiyay warbaahinta Israel ay ahaayeen kuwo lagu beegsanayay Ankara si loo wiiqo siyaasaddeeda ku aaddan Falastiin.

Xiisadda u dhexeysa Israel iyo Turkey ayaa sii kordhaysay bilooyinkii la soo dhaafay. Turkey ayaa joojisay ganacsigii Israel sanadkii hore, iyadoo bishii la soo dhaafay ku baaqday in xubinnimada Israel laga hakiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sababo la xiriira “xasuuqa Gaza.”

Sidoo kale, Turkey ayaa dhawaan soo rogtay xayiraado dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta Israel leedahay ama la xiriira, iyadoo laga hor istaagay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkishka.

Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ayaa daba socday ku dhawaaqistii bishii hore ee Ankara ku shaacisay lix cunaqabatayn oo ka dhan ah Israel, taas oo waafaqsan bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka ku mideysan The Hague Group intii lagu guda jiray shir degdeg ah oo Falastiin looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Bogota.

Sanadkii hore, Turkey ayaa ku biirtay dacwadda ay South Africa ka gudbisay Israel ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), taas oo ku eedeysay Israel “xasuuq.”

Tan iyo markaas, Ankara waxay si isa soo taraysa uga faa’iideysanaysay madalaha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah waxa ay ugu yeertay xasuuqa Israel ka waddo Gaza.

Garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doortay koobka adduunka ee FIFA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Cumar ayaa ka mid noqday saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda Afrikada Saxaraha ka hooseeya, si uu u dhex-dhexaadiyo FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Chile inta u dhaxeysa 27-ka Sebtember ilaa 19-ka Oktoobar.

Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Ciyaartoyga daba-galka u ah kubbadda cagta Soomaaliya, Cartan ayaa mar sii horreysay noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka socda ee qabta finalka qaaradda.

Dhawaan wuxuu kormeerayay kooxda Pyramids FC ee Masar oo ka badisay Koonfur Afrika Mamelodi Sundowns ee Qaahira. Sidoo kale waxa uu dhex-dhexaadin ka noqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON.

Caawiyayaasha kale ee laga soo xulay Afrika waxaa ka mid ah Gilbert Cheruiyot – Kenya, Abelmiro Montenegro – São Tomé and Príncipe, Khalil Hassani – Tunisia, Eric Ayimavo – Benin, Lahsen Azgaou iyo Mostafa Akarkad – Morocco.

Somaliland oo farriin u dirtay DF kadib guusha Waqooyi Bari

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay hurinayso colaad sokeeye, xilli ay dowladda Muqdisho dagaal adag kula gashay deegaano ay hore uga talin jirtay Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay ku hawlan tahay abuurista colaado cusub oo ka dhaca dhul nabad ah, kadib markii dowladda federaalka ay taageero buuxda siisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

“Xukuumadda Soomaaliya hal fariin ayaan u dirayaa; dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar, balse dowladda Soomaaliya waxay ku foogan tahay in maalin kasta ay guri nabad ah guluf, colaad iyo xasillooni darro ka abuurto,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya: “Hoggaanka Soomaaliya waxaan leeyahay, iska daaya colaadda aad ku foogan tihiin oo dadkiinna horumar u shaqeeya.”

Somaliland oo si adag uga soo horjeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayaa hore dowladda federaalka ugu eedeysay inay gobolka Sool ka wado falal lid ku ah amniga Somaliland, iyadoo xukuumadda Hargeysa weli u aragto Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool qeyb ka mid ah dhulkeeda aan laga goyn karin.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in markii ugu horreysay Madaxweynaha Soomaaliya uu booqan doono magaalada Laascaanood, si uu uga qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn u aqoonsatay inay hoos tagaan maamulka Waqooyi Bari, halka hoggaanka cusubna uu qorsheynayo in magaalada Ceerigaabo lagu daro magaalooyinka maamulkaasi hoos imanaya.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Kismaayo – Yuu u dhaxeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kooxda Al-Shabaab duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay horay u heleen xog muujinaysa qorshaha duullaankaas, isla markaana dagaal xooggan ay kala hortageen maleeshiyaadka kooxda.

Dagaalkan waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, maadaama saraakiil Ameerikaan ah ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamadan sida gaarka u tababaran ee kumaandooska Danab.

Inkasta oo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira xogaha oo xaddidan, haddana waxaa la filayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska howl-gallada Mareykanka ee AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland oo ku saabsan dagaalka maanta dhacay.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo kooban oo ka tirsan Danab, halka meel u dhowna saldhig ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Isla xeradaas waxaa sidoo kale ku sugan saraakiil iyo askar kooban oo Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanka Danab.

Xamza oo maanta kasoo laabtay safarkii dibadeed ee ugu dheeraa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, isla markaana kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu maalgashi ku sameeyo fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia, halkaas oo si taariikhi ah loogu soo dhaweeyey caasimadda Belgrade.

Wuxuuna qasriga madaxtooyada Serbia kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Duro Macut, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Intii uu wafdiga Ra’iisul Wasaaruhu ku sugnaa Serbia, Soomaaliya waxay heshiis caafimaad la gashay dalkaas. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya oo weli wajahaysa caqabado badan.

Si kastaba, safarka Ra’iisul Wasaaraha oo qaatay 12 maalmood ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay, maadaama safarradii hore ee dibadeed badankood ay ku koobnaayeen wax ka yar toddobaad.

Taliyaha cusub ee Africom oo shaaciyay sababta ay muhiim ugu tahay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimadda safarkiisa Soomaaliya.

General Dagvin ayaa sheegay in sababta uu booqashadiisa ugu bilaabay Soomaaliya ay tahay goob istiraatiiji ah, oo ay ka jiraan fursado waaweyn, kuna taalla isgoyska adduunka.

“Waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah oo ku taalla isgoyska adduunka, halkaan waxaa ku jira fursado waa weyn,” ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo caqabado argagixiso ay jiraan, waxaan Soomaaliya u imid in aan qiimeeyo xaaladda gobolka, maadaama aan ahay taliyaha cusub, Afrika kuma cusbi anigu, waxaan horay u soo noqday taliyaha cutubka gaarka ah ee howl-gallada Afrika.”

Taliyaha Mareykanka oo shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

Shalaayga go’aan ay Itoobiya 30 sano ka hor qaadatay oo mar kale dagaal ridi kara

0

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo ku saabsan rajada Itoobiya ee ku aaddan inay weli heli karto marin Badda Cas.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa ku dhaliilay Dowladda Itoobiya inay ku howlan tahay hanjabaado iyo ficillo abuuri kara xiisado cusub oo gobolka ka dhasha.

Wasiirka oo qoraal ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter), ayaa sheegay in hoggaanka xisbiga talada haya ee Itoobiya ay wadaan faafinta macluumaad aan sax ahayn iyo taariikh marin habaabin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku andacooday in dalkiisu qalad galay markii uu oggolaaday in dekadda Casab loo daayo Eritrea, taas oo hadda dalkaasi si buuxda ugu tiirsan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea oo arrintaasi ka jawaabay ayaa hoosta ka xarriiqay in dekadda Casab ay tahay dhaxal u gaar ah Eritrea oo aan cid kale xuquuq ku lahayn.

Muddo soddon sano ah tan iyo markii Eritrea xorriyaddeeda qaadatay, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, halka badeecadaha ganacsigana ay ka soo dagaan dekadaha ku yaalla Jabuuti.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Major General Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, uu si cad u sheegay in Casab ay weli ku jirto marinka Badda Cas ee Itoobiya.

“Dowlad kala guur ah oo aan sharciyad u haysan inay go’aanno masiiri ah gaarto ayaa bixisay,” ayuu yiri Jeneraalkan oo kamid ah saraakiisha sare ee Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray: “Dalal badan ayaa nagu yiraahda waa jilicsan tihiin, maxaa sabab u ah inaan ilaa hadda loo soo celin (Casab)? Ma ahayn inay idinka maqnaato.”

Jeneraalkan ayaa sheegay in Badda Cas ay hadda noqotay qodob daruuri ah oo u baahan in la soo celiyo, isla markaana lagu bixiyo qiime kasta oo ay ku kacayso.

Arrintan ayaa mar kale abuuri karta dagaal halis ah oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo xiisad siyaasadeed oo xooggan ay haatan ka dhex aloosan tahay labada dal, taas oo walaac weyn laga muujinayo.

Wasiir Jaamac oo dal kale u soo jiiday maalgashiga dekedaha Soomaaliya

0

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Baxreyn ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ka taageerayso horumarinta dekeddaha dalka, iyadoo ballanqaaday dhismaha deked cusub iyo garoon diyaaradeed casri ah.

Ballanqaadka Boqortooyada Baxreyn ayaa imanaya kadib kulan muhiim ah oo magaalada Jeddah ku dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Dr. Sheikh Abdullah bin Ahmed Al-Khalifa.

Kulankan gaarka ah ayaa qabsoomay intii lagu guda jiray shirweynaha meertada labaad ee sancada gaadiidka badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha, iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac oo sii xoojinaya cilaaqaadka dhanka dekedaha ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa maanta kulan kale la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Rumaih Al-Rumaih.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka, iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale, iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Trump oo magaca ka bedelay Wasaaradda Gaashaandhigga, una bixiyey magac yaab leh

Washington (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo inuu Jimcaha saxiixo awaamir fulineed oo lagu beddelayo magaca Wasaaradda Gaashaandhigga loona bixinayo “Wasaaradda Dagaalka.”

Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Aqalka Cad, amarkan ayaa awood u siin doona Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo saraakiisha ka hooseysa inay adeegsadaan magacyo kale oo labaad sida “Xoghayaha Dagaalka,” “Wasaaradda Dagaalka,” iyo “Xog-haye ku xigeenka Dagaalka” marka ay isticmaalayaan waraaqaha rasmiga ah iyo xiriirrada dadweynaha.

Tallaabadan, oo taabadiisa gaarka ah kaga tagi doonta hay’adda ugu weyn ee dowladda, kuna kici doonta sida la filayo boqollaal milyan oo doollar, ayaa faraysa Hegseth inuu soo jeediyo tallaabooyin sharci-dejin iyo kuwa fulineed oo lagama maarmaan u ah in magac beddelka laga dhigo mid joogto ah.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Trump wuxuu bilaabay inuu magacyada ka beddelo goobo iyo hay’ado kala duwan, oo uu ku jiro Gacanka Mexico (Gulf of Mexico), iyo inuu soo celiyo magacyadii asalka ahaa ee saldhigyada militariga ee la beddelay kaddib dibadbaxyadii cadaaladda isirka.

Magac beddelidda wasaaraduhu waa wax iska yar, waxayna u baahan tahay ansixinta Koongareeska, balse xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ciriiri ah ku leh aqallada Senate-ka iyo Wakiillada, waxaana hoggaamiyeyaasha xisbiga ee Koongareesku aanay muujin rabitaan weyn oo ay kaga hor imanayaan mid ka mid ah qorshayaasha Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka waxaa loogu yeeri jiray Waaxda Dagaalka (War Department) illaa sannadkii 1949-kii, markaasoo Koongareesku uu isku daray Ciidammada Dhulka, Badda, iyo Cirka kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sida ay sheegeen taariikhyahannadu, magacan waxaa loo doortay qayb ahaan si loo muujiyo in xilligii Nukliyeerka, Mareykanku uu diiradda saarayay ka hortagga dagaallada.

In magaca mar kale la beddelo waxay noqon doontaa mid qaali ah waxayna u baahan doontaa in la cusbooneysiiyo boorarka iyo warqadaha rasmiga ah ee aysan isticmaalin oo keliya saraakiisha Pentagon-ka ee Washington, D.C., balse ay sidoo kale adeegsadaan xarumaha militariga ee daafaha dunida.

Dadaal uu sameeyay Madaxweynihii hore Joe Biden oo lagu doonayay in magacyada looga beddelo sagaal saldhig oo lagu maamuusayay hoggaamiyeyaashii gooni u goosadka ama Confederacy loo yaqaan, ayaa waxay Ciidanka ku kici lahayd $39 milyan. Dadaalkaas waxaa horraantii sanadkan meesha ka saaray Hegseth.

Kooxda maamulka Trump u qaabilsan yaraynta dowladda, oo loo yaqaan Waaxda Hufnaanta Dowladda (Department of Government Efficiency), ayaa doonaysay inay kharash-dhimis ku sameyso Pentagon-ka si ay lacag u keydiso.

Qorshe muddo soo jiray

Dadka dhaliila qorshahan ayaa sheegay in magac beddelka la qorsheeyay uusan ahayn oo keliya mid qaali ah, balse sidoo kale uu yahay arrin aan loo baahnayn oo ka jeedinaysa Pentagon-ka shaqadiisa.

Hegseth ayaa sheegay in magac beddelku “uusan ku saabsanayn erayo oo keliya—balse uu ku saabsan yahay ruuxda dagaalyahannimo.”

Sannadkan, mid ka mid ah xulafada ugu dhow Trump ee Koongareeska, Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, James Comer oo Jamhuuri ah, ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed u fududeynaya madaxweynaha inuu dib u habeyn iyo magac beddel ku sameeyo hay’adaha.

“Waan sameyn doonnaa. Waan hubaa in Koongareesku uu nala raaci doono haddii aan u baahanno… Gaashaandhigga is-difaacid. Waxaan rabnaa inaan is-difaacno, laakiin sidoo kale waxaan rabnaa inaan weerar qaadno haddii ay qasab noqoto,” ayuu yiri Trump bishii hore.

Trump ayaa sidoo kale xusay suurtagalnimada magac beddelka bishii Juun, markaasoo uu soo jeediyay in magaca markii hore loo beddelay si uu u noqdo mid “siyaasad ahaan sax ah.”

Laakiin qaar ka mid ah maamulka Trump, dadaalkan wuxuu soo jiray waqti aad uga fog.

Intii lagu jiray muddadii xileedkii hore ee Trump, Agaasimaha hadda ee FBI-da Kash Patel, oo muddo kooban ka soo shaqeeyay Pentagon-ka, wuxuu lahaa qoraal uu ku soo gabagabeeyo iimaylladiisa oo u dhignaa: “Madaxa Shaqaalaha ee Xoghayaha Gaashaandhigga & Waaxda Dagaalka.”

“Waxaan u arkaa inay tahay maamuus lagu xusayo taariikhda iyo dhaxalka Wasaaradda Gaashaandhigga,” ayuu Patel u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters sannadkii 2021-kii.