27 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Sawirro: Soomaaliya oo soo dhoweysay sarkaalkii ugu horeeyay ee 40 sano kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xusayay guusha uu sarkaalkani ka gaaray dhanka tababarka ciidanka.

Dhamme Maxamed Muuse Maxamed ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano kadib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst). Tani ayaa loo arkay guul weyn oo dib u soo celinaysa xiriirka iskaashiga milatari ee labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil kale oo ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida uu uga go’an yahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in sarkaalkani uu tusaale wanaagsan u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda u adeegaan.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Wuxuu xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka ciyaaro dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in guusha uu gaaray Dhamme Maxamed Muuse ay muujinayso dadaalka dowladda ee ah in la helo ciidamo aqoon iyo xirfad sare leh oo awood u leh difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadda dalka.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale siisaa qalab iyo taageero farsamo si loo xoojiyo awoodda dowliga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta amniga guud ee dalka.

Xog: DF oo ku dhaqaaqeysa qorshaha Plan B ee Jubaland kadib fashilkii wada-hadallada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay bilaabto dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay gelinkii dambe yeesheen shir socday saacado badan, kaas oo looga arrinsaday sida loo bilaabi karo dhismaha maamulka cusub.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanadii iyo wasiirradii joogay u sheegay in wadahadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Isla xalay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna shir kale u qabtay xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Tallaabadan ayaa imaneysa kaddib markii wadahadalladii Kismaayo ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, iyadoo labada hoggaamiye ay ku adkeysteen mowqifyadooda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbanayay in Axmed Madoobe ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adagaa in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Wafdiyadii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya ayaa sidoo kale Kismaayo ka ambabaxay, iyagoo ku laabtay Nairobi kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii ay ku doonayeen inay labada dhinac is-fahamsiiyaan.

Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqata inay qaadatay go’aan siyaasadeed oo cad — in Jubaland dib loo dhiso, lana mideeyo gobolka Gedo oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

Xaaladda Jubaland ayaa la filayaa inay sii cakirmi doonto maalmaha soo socda, iyadoo ilo wareedyo sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in si degdeg ah loo dhiso maamul ku-meelgaar ah oo Garbahaarey saldhig u noqda.

Dowladda ayaa bilihii dhowaa gacanta ku dhigtay degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna haysataa taageerada beesha Mareexaan ee ugu badan gobolka, taasi oo sahleysa dhaqan-gelinta qorshahan cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu aysan mar dambe u dulqaadan doonin maamul goboleed aan ku dhisnayn sharci federaal ah, isaga oo faray xukuumadda in ay “si degdeg ah u bilowdo howlaha dhismaha Jubaland cusub.” 

DF iyo Sweden oo ka wada-hadlay laba qodob + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay dhiggiisa dalka Sweden Mudane Pål Jonson oo saaka diyaarad qaas ah ku yimid gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Labada wasiir oo yeeshay kulan laba geesood ah ayaa diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan labada qodob ee kala ah ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa xusay in xiriirka Sweden iyo Soomaaliya uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasaillinta gobolka.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo milatariga.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Sweden, Pål Jonson ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka  dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, maadaama dhul ballaaran laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada  iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed

Wada-hadallada ayaa sii socon doono, iyada oo la filayo in labada dowlaood ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo la xiriira wada-shaqeynta difaaca, si loo sii adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden.

Soomaaliya iyo Sweden ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhanka amniga ee labada dal, iyadoo la filayo in dowladda Sweden ay kordhiso tababarada iyo taageeradda ay u fidiso ciidanka Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado, kuna jira dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Si kastaba ha’ahaatee Sweden oo ku taalla waqooyiga qaaradda Yurub, waa dal ka tirsan gobolka Scandinavia ayaa 7-dii Maarso 2024 si rasmi ah uga mid noqday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii uu oggolaaday Turkigu oo hore u diidanaa xubinnimadiisa.

NISA oo ku guuleysatay inay khaarajiso madax Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa ku guuleystay dilka horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howl-gal qorshaysan oo laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab.

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex xubnood oo kale kadib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goob ay isku aruursaneyeen Shabaabka la weeraray, sida ay sheegtay NISA.

Howl-galka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Shabaabka ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

“Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo ciidanka NISA ay si buuxda uga hortageen qorshihii Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso, sida ay sheegtay hay’addu.

Hay’adda ayaa xaqiijisay in uusan jirin intii uu socday howl-galka wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

War-saxaafadeed:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Fadlan muwaaddin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

SOMALILAND oo kashiftay qodob la qariyey oo ku jira heshiiska PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay gaareen heshiis aan caadi ahayn oo ay si wadajir ah uga soo horjeedaan dhismaha maamulka cusub ee “Waqooyi Bari”, kaas oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood. Labada maamul ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis ku ah xasilloonida gobolka.

Maxamed Yuusuf, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan sidii loo joojin lahaa hirgelinta maamulkaas cusub, islamarkaana loo xakameyn lahaa khataraha amni ee ka soo ifbaxaya gobollada waqooyi.

Wuxuu si toos ah ugu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay dhiirrigelisay abuuritaanka maamulka Waqooyi Bari, isagoo ku tilmaamay isku day lagu doonayo in lagu kala qaybiyo deegaannada muranka ka taagan yahay.

“Iyagu (Puntland) ma aqoonsana maamulka Waqooyi Bari, annaguna (Somaliland) sidoo kale ma aqoonsanin,” ayuu yiri wasiirka.

Maxamed Yuusuf ayaa intaas ku daray in labada maamul ay xoojinayaan iskaashiga amniga si wadajir ah, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada iyo halisaha ka imaan kara xuduudaha ay wadaagaan.

Wuxuu ka digay in kooxaha xagjirka ah iyo xoogag shisheeye ay ka faa’iidaysan karaan xasillooni darrada ka taagan deegaannadaas xadka u dhexeeya labada dhinac.

Sida uu sheegay wasiirka, Somaliland iyo Puntland waxay sidoo kale isku raaceen in la dejiyo xaaladda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyo in la taageero dadka barakacayaasha ah ee ku soo laabanaya guryahooda. Qodobada heshiiska waxaa sidoo kale ku jira in la xoojiyo ganacsiga, isu-socodka dadka, iyo iskaashiga lagula dagaallamayo argagixisada.

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid dhif ah, maadaama ay aad u yar yihiin mararka ay iskaashi dhab ah yeeshaan Somaliland iyo Puntland — labadaas maamul oo muddo dheer isku hayay muranno xuduudeed iyo dagaallo goos-goos ah oo ka dhacay gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Ku dhawaaqistii dowladda federaalka ee “Maamulka Waqooyi Bari” ayaa sii hurisay xiisadaha ka jiray waqooyiga. Maamulkan cusub ayaa lagu daray gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn nidaamka federaalka Soomaaliya, wuxuuna daba socdaa geeddi-socod socday muddo sanad ah oo ka bilowday maamulka ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa soo xulisay baarlamaan deegaan oo ka kooban 83 xubnood, kuwaas oo ugu dambeyn doortay Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku Xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil — labaduba lagu tilmaamo inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda Muqdisho.

Go’aankaas ayaa markiiba diiday Somaliland iyo Puntland labaduba. Bishii Agoosto 3-deedii, Golaha Wasiirrada Somaliland waxay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in maamulka cusub uu yahay “mid sharci darro ah”, iyagoo ku adkeystay in xuduudahooda ay yihiin kuwii ay dhaxleen markii ay xorriyadda qaateen 1960-kii.

“Sool, Sanaag, iyo Togdheer waa qayb aan marnaba laga goyn karin Somaliland,” ayuu xilligaas yiri Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin Sheekh Cali Cayaale.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa isna cambaareeyay maamulka cusub, isagoo ku tilmaamay “mid abuuri kara kala qaybin siyaasadeed” isla markaana uga digay inuu sii hurin karo khilaafaadka bulsho ee waqooyiga Soomaaliya.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland la geeyay deegaannada Boocame iyo Falariyele ee gobolka Sool, halkaas oo guddiyada doorashooyinka federaalka iyo kuwa maamulka Waqooyi Bari ay ka bilaabeen diiwaangelinta codbixinta qof iyo cod ah.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo deegaankaas u dhashay, ayaa ballanqaaday inuu si buuxda u joojin doono hawshaas, isagoo sheegay in degmooyinkaas ay hoos yimaadaan maamulka Puntland.

Dhowr maalmood kadib, 17-kii Sebteembar, maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland inay ciidamo soo dhoobtay xuduudaha lagu muransan yahay, iyagoo sheegay in Hargeysa u diyaar garoobayso duullaan — eedeynta ay Somaliland beenisay.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa arrintaas ku tilmaamay “khatar weyn oo ku wajahan nabadda,” wuxuuna ka codsaday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo urur goboleedka IGAD inay soo farageliyaan.

Iskaashigan cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa astaan u ah xaalad cusub oo siyaasadeed, iyadoo labada maamul ee hore ugu tartami jiray gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay hadda isu arkeen dan mideynaysa.

Mowqifkooda wadajirka ah ee ka dhanka ah maamulka Waqooyi Bari ayaa loo arkaa inuu calaamad u yahay isbeddel siyaasadeed oo ka dhex abuurmaya waqooyiga, kaas oo ay salka ku hayso walaac laga qabo faragelinta dowladda federaalka iyo xasillooni darrada gobolka. 

Midowga Afrika oo ku baaqay arrin sii fogeynaysa qorshaha DF kadib weerarkii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kadib weerarkii dhimashada lahaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in la joogo xilli ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo garab istaagga Soomaaliya iyo Hawl-galka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Maxamuud ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah ururka, kuwa ciidanka iyo booliska ku tabaruca iyo sidoo kale saaxiibbada caalamiga ah, inay sii kordhiyaan taageerada si wax ku ool ah loola dagaallamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee weli khatar ku ah amniga dalka.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in taageeradaas ay muhiim u tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Baaqan ayaa yimid saacado kadib weerar argagixiso oo lala beegsaday xarunta baaritaanka ee Jilacow, oo ah goob ammaankeedu aad u sarreeyo, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Guddoomiye Maxamuud ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay, isagoo sheegay in Midowga Afrika uu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya xilligan adag.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in hawl-galka AUSSOM uu sii wadi doono iskaashiga dhow ee uu la leeyahay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka loona xasiliyo deegaanadii laga saaray kooxaha argagixisada ah.

Weerarka ay Al-Shabaab ay dhawaan ku galeen gudaha Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho ayaa imanaya xilli ay dowladdu furtay waddooyinkii u badnaa, kadib dadaal xooggan oo lagu xasiliyay amniga caasimadda.

Weerarkaas oo kooxdu usoo qorsheeyeen si ka duwan weeraradadii hore, iyagoo adeegsaday xeelad cusub oo ay ku qaldeen hay’adaha ammaanka, kadib markii ay isku soo ekeysiiyeen ciidamada, ayna isticmaaleen dareeska ciidanka Duufaan iyo astaantooda oo ay ku buufiyeen gaari Cabdi Bile ah oo ay u adeegsadeen qaraxa koowaad ee lagu furay weerarka.

Ragga weerarka fuliyay iyo gaarigooda ayaa magaalada kasoo galay dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna si caadi ah uga soo gudbeen ex-koontarool Afgooye, kadibna waxay soo abaareen gudaha oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed aad looga soo shaqeeyay.

Sidoo kale, waxaa u suurageliyay in gudaha ay usii gudbaan in Godka Jilacow ay xero ku dhex leeyihiin Duuufaan, taas oo keentay in aan laga shakin, lana baarin gaarigooda oo kadib qarxay, uuna xigay dagaalka ay meesha ku galeen raggii saarnaa oo dhammaantood xalay lagu toogtay gudaha taliska.

Weerarkan ayaa noqday mid muujinaya habacsanaanta habraaca ciidanku maraan gudaha caasimadda, iyadoo haatan dowladdu soo rogtay in la baaro gaadiidka ciidamada, si loo hubiyo cidda saaran.

Tallaabadii Puntland ‘oo liiday maqaamkeeda, una geftay’ midnimada Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Caddaaladda iyo Dimoqraadiyadda Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay kaga hadlayaan heshiiskii Axadda lagu kala saxiixday magaalada Nairobi, kaas oo dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid si toos ah u khilaafaya mabaadi’da iyo himilooyinkii lagu aas-aasay maamulka Puntland, isla markaana uu dhaawacayo midnimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu ku tilmaamay heshiiska mid si cad uga hor imaanaya himilada Puntland, gaar ahaan qodobada Dastuurka maamulka ee qeexaya ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in heshiiska lagu sheegay Puntland ay “soo dhoweynayso Somaliland,” taas oo ay sheegeen inay tahay hadal aan waafaqsanayn mabda’a aasaasiga ah ee lagu dhisay maamulka Puntland.

Sidoo kale, goluhu wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu hoos u dhigayo maqaamka dowladnimo ee Puntland, maadaama magaca rasmiga ah ee “Dowladda Puntland” lagu beddelay “Puntland” oo keliya. Tallaabadan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waa mid dhaawaceysa sumcadda iyo madax-bannaanida maamulka, islamarkaana aan marnaba la aqbali karin.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiiska lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashi dhinacyada amniga iyo siyaasadda, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, balse uu yahay mid aan sharciyad rasmi ah ku fadhiyin, maadaama uusan helin oggolaansho ka yimid hay’adaha dastuuriga ah ee Puntland.

Golaha ayaa ku adkeystay in arrimaha noocan oo kale ah ay u baahan yihiin wada-tashi ballaaran, oo ay si buuxda uga qeyb qaataan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda Puntland iyo xubno ka tirsan maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si adag uga falceliyay heshiiskan, iyagoo ku tilmaamay gebi ahaan gef siyaasadeed iyo sharciyeed.

Waxay sheegeen in aysan jirin xuduud rasmi ah ama xiriir dowladeed oo ka dhexeeya labada dhinac, ayna tahay arrin dhaawaceysa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca Sweden oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Maaday Nuurey Sheekh Ufuroow iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Wasiir Jonson ayaa inta uu joogo Muqdisho wuxuu la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca iyo amniga, sida ay wararku tilmaamayaan.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in labada wasiir ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo la xiriira wada-shaqeynta difaaca, si loo sii adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden.

Soomaaliya iyo Sweden ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhanka amniga ee labada dal, iyadoo la filayo in dowladda Sweden ay kordhiso tababarada iyo taageeradda ay u fidiso ciidanka Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado, kuna jira dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Sweden oo ku taalla waqooyiga qaaradda Yurub, waa dal ka tirsan gobolka Scandinavia ayaa 7-dii Maarso 2024 si rasmi ah uga mid noqday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii uu oggolaaday Turkigu oo hore u diidanaa xubinnimadiisa.

Hassan Sheikh’s master plan sets stage for New Jubaland

MOGADISHU, Somalia — When Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud traveled to Kismayo, Jubaland on Sunday, many viewed it as a high-risk move that could strengthen his regional rival, Ahmed Mohamed Islam “Madobe.”

The talks ended without any visible progress, and by Monday morning, the president had returned to Mogadishu.

However, sources now suggest that the trip may have been part of a larger plan — a test of Madobe’s willingness to cooperate and a step that quietly set the stage for more decisive federal action.

“The Kismayo visit was not a retreat but a test — a way to expose the limits of regional defiance under the guise of dialogue,” said one senior official who attended the closed-door meetings.

By giving dialogue a genuine chance, President Hassan Sheikh demonstrated the federal government’s readiness to pursue peace before resorting to tougher measures.

That sequence — talk first, act later — gives Mogadishu both moral and political legitimacy for its next move. It also undercuts any claim that the government was rushing toward confrontation.

From diplomacy to implementation

According to insiders, Monday’s back-to-back meetings at Villa Somalia marked a clear shift in approach.

The president told his ministers that “the Jubaland issue now rests fully with the federal government,” effectively signaling the end of open-ended negotiations and the start of action.

The new direction, informally referred to as Plan B, centers on Garbaharey — a town long disputed between Kismayo and Mogadishu, but now under firm federal control.

While no official announcement has been made, officials confirmed that discussions were held throughout Monday afternoon and late into the night, led by Prime Minister Hamza Abdi Barre and lawmakers from the Gedo region.

“By visiting Kismayo first, President Hassan Sheikh made clear that reconciliation was possible — and that rejection would have consequences,” said Ahmed Abdi, a political observer in Mogadishu.

In this light, the trip to Kismayo wasn’t a failure but a transitional moment — diplomacy first, enforcement second. The breakdown of talks provided clear justification for what insiders describe as a necessary federal correction, not a reactionary move.

The symbolism of the president’s visit shouldn’t be underestimated. Kismayo has long been viewed as a semi-autonomous stronghold, often operating beyond Mogadishu’s influence.

Hassan Sheikh’s decision to land there, meet with Madobe, and then walk away unscathed sent a strong message: no part of Somalia is off-limits to the president.

“Just by setting foot in Kismayo, Hassan Sheikh reminded everyone that federal authority extends across Somalia’s map — even where it’s contested,” said an analyst specializing in Somali federalism.

Rather than legitimizing Madobe’s position, the visit reaffirmed national authority in a region that has repeatedly tested it. It showed that the president could engage on hostile ground without conceding anything — an important image for a leader navigating Somalia’s fragile balance of power.

Part of a larger federal vision

Officials and analysts see the Kismayo trip as part of a wider effort to reset relations between the federal government and Somalia’s regional states.

Instead of being a one-off event, it fits into the president’s broader roadmap for political reform, decentralization, and constitutional review.

The message from Villa Somalia, according to those involved, is straightforward: dialogue remains possible — but only within the bounds of the constitution.

As one cabinet member put it, “This isn’t about punishing Jubaland; it’s about protecting the integrity of the federal system.”

If implemented, Plan B could mark a turning point — reasserting federal oversight while maintaining a tone of reconciliation.

It would also set a precedent for how future disputes with other regions might be handled: patient diplomacy first, followed by firm action.

As of late Monday night, there has still been no official statement from the government. But insiders say preparations are already underway for what they describe as a “transitional arrangement” in Garbaharey.

What began as a Sunday visit aimed at reconciliation now appears to be a strategic maneuver that has strengthened Mogadishu’s position.

By choosing patience before power, President Hassan Sheikh Mohamud appears to have turned a moment of apparent weakness into one of quiet control — and possibly reshaped the balance of authority in southern Somalia.

Somalia moves to establish rival Jubaland authority

MOGADISHU, Somalia — The Somali Federal Government (FGS) has decided to form a rival Jubaland administration based in Garbahaarey, following the collapse of reconciliation talks between President Hassan Sheikh Mohamud and regional leader Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe.

The move — described by officials as the government’s “Plan B” — marks a major escalation in the long-running constitutional and political standoff between Mogadishu and the semi-autonomous southern state.

Sources confirmed to Caasimada Online that the decision was finalized after a series of high-level meetings at Villa Somalia. President Mohamud reportedly declared that the federal government would no longer tolerate a regional authority operating outside the country’s constitutional framework.

He has since assigned direct responsibility for the process to Prime Minister Hamza Abdi Barre, saying the matter is now “firmly in the hands of the executive.”

Kismayo talks end in stalemate

The political crisis deepened after the latest round of negotiations in Kismayo, Jubaland’s administrative capital, ended without any breakthrough. Both President Mohamud and Ahmed Madobe held firm to their respective positions.

The president demanded that Madobe rescind his contested November 2024 re-election — a vote Mogadishu had denounced as unconstitutional and a breach of term limits. Madobe, meanwhile, insisted his third term be formally recognized before any further compromise could be reached.

“The talks in Kismayo did not yield any result,” President Mohamud was quoted as telling senior officials, stressing the need to align Jubaland’s governance with federal law.

The breakdown highlighted the enduring tension within Somalia’s federal system, where the balance of power between Mogadishu and regional states remains unresolved.

Mediation efforts led by neighboring Kenya — a long-time stakeholder in Jubaland’s stability — also faltered, as Kenyan envoys departed Kismayo following the failed talks.

New Jubaland in Garbahaarey

Soon after the diplomatic collapse, Prime Minister Barre convened a meeting with lawmakers and cabinet ministers hailing from Jubaland. The session focused on setting up the technical and structural groundwork for a new “Jubaland Garbahaarey administration.”

According to reliable sources, the federal government intends to swiftly establish a temporary governing body headquartered in Garbahaarey, a strategic city in the Gedo region.

Officials describe the plan as part of a broader effort to reassert federal authority and integrate Gedo — a long-disputed area within Jubaland — more tightly into Mogadishu’s orbit.

In recent months, the government has consolidated control over several key districts in Gedo, drawing support from influential local leaders within the Marehan clan.

President Mohamud has reportedly directed his cabinet to “immediately begin the process of forming a new Jubaland,” signaling a decisive pivot from negotiation toward unilateral action.

Security implications and outlook

Analysts warn that the establishment of a rival Jubaland administration could exacerbate political and security tensions across southern Somalia. The move comes as the federal government continues an internationally backed military campaign against the Al-Shabaab insurgency.

A renewed rift between Mogadishu and Kismayo risks diverting troops and resources away from counterterrorism operations — potentially creating openings that Al-Shabaab could exploit, according to regional security experts.

The rival power centers — Madobe’s established government in Kismayo and the new FGS-backed administration in Garbahaarey — are now poised to compete for legitimacy, territorial control, and key revenue sources, including border crossings and the lucrative Kismayo port.

The coming weeks will be pivotal as Mogadishu attempts to consolidate its influence in Gedo and formalize the structure of the new Jubaland government. Observers warn the process could trigger direct confrontations between rival forces and deepen Somalia’s political fragmentation.

Mareykanka oo duqeyntii 81-aad ka fuliyay Puntland iyo xogaha kasoo baxaya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu duqayn cirka ah ka fuliyay deegaannada maamulka Puntland, taas oo qeyb ka ah howl-galada joogtada ah ee Mareykanku ka wado Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay meel qiyaastii 60KM u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, isla markaana uu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaas.

Taliska Mareykanka ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha weerarka, balse waxa uu sheegay in duqayntan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada ee ku sugan waqooyiga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa muddo dheer taageero militari siiya ciidamada Puntland ee la-dagaallamaya kooxaha Daacish, maadaama maamulkaas uusan si toos ah u helin taageero ka timaadda dowladda federaalka ah ee Muqdisho fadhigeedu yahay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 81-aad ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan, iyadoo tiradaasi ay jebisay rikoodhkii hore ee duqaymaha sanadkii 2019 lagu qaaday, xilligii uu xilka hayay Donald Trump.

Intii uu Trump joogay Aqalka Cad, Mareykanku waxa uu sameeyay duqaymo badan oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, halka Madaxweyne Joe Biden uu afartii sano ee la soo dhaafay fuliyay 51 duqayn oo keliya.

Howl-gallada Mareykanka ayaa sidoo kale ka socda gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo uu taageero u fidiyo ciidamada dowladda federaalka ah ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan, AFRICOM ayaa sheegtay masuuliyadda duqayn ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay nin ay ku tilmaameen ganacsade hub u kala gudbiya Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ehelada ninka la dilay ayaa si adag u diiday sheegashada AFRICOM, iyagoo ku adkaystay in uu ahaa oday nabadoon caan ah oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.

Duqeyntaas oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ka geystay Sanaag, balse ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

Muxuu mucaaradka DF ka yiri fashilka wada-hadallada Kismaayo? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaan-darro ku tilmaamay burburka wada-hadalladii Kismaayo ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay weji gabax ku tahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu u tegay ninkii uu shalay ku tilmaamayay Shabaab kalkaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha ninkii uu sanadka la diriraayay, uu ciidanka Raaskambooni ugu raray ee maxkamadda gobolka kasoo saartay dacwad ay leedahay ha lasoo xiro, oo xeer ilaaliyihii dambi kusoo oogay, Golihii wasiiraddana ay intaas oo jeer kasoo saaray inuu dambiile yahay oo weliba Shabaab la shaqeysta, Madaxweynihii ayaa socday oo meeshaa ka dhacay,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynaha uu isagu wax walba isku noqday, taas oo wiiqday macnihii hay’adaha dowliga ah. “Horta dalkaan waxaa ogaaneysaan xeer ilaaliye ma jiro, maxkamaddan majirto, Gole wasiirrona ma jirto, haddii ay macno leeyihiin wixii ay soo saareen ayaa qiimo lahaan lahaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladnimada saas maaha, Madaxweyne sidiisaba wuxuu tagaa meel heshiiskeedu dhamaaday ayuu tagaa. Dowladnimada waxaa waaye madaxweynaha waa laga horeeya oo dad ayaa u gogol xaara, wax diyaarsan ayuu madaxweynaha tagaa, laakiin madaxweyne iska aadaya meel wax uga soo baxayaan aan aqoonin.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in uu Kismaayo kala soo laabtay fara marnaan, isagoo xusay inay aheyd inuu tanaasul muujiyo, maadaama uu u martiyay ninkii uu shalay waaranka maxkamadeed uu u soo jaray.

“Waxay aheyd haddii uu dhiiraday oo uu tegay Kismaayo inuu soo tanaasul asay mudneyd, maadaama cidda la fiirinayo ee dalka madaxda ka ah waa saga,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Madaxweynahu waa marjaca loo laaban lahaa markii la is fahmi waayo, ma ahan halka wadahadalku ka billaaban lahaa, haddiise uu Kismaayo tagay, waxay ahayd inuu tanaasulo.”

Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha mucaaradka ee ka hor safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo kula soo shiray Axmed Madoobe magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaas oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland, ayaa waxay labada hoggaamiye iyo xubnaha mucaaradka ugu heshiiyeen in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxay dhinacyadan isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

“Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale, bayaankaas ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho “mustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.”

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo shuruudihiisa.

Si kastaba, Mucaaradka iyo Saciid Deni ayaa Madoobe u arka mid muhiim u ah dagaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo haatan ku qanciyay in uu dib uga joogsado heshiis uu la gaaro dowladda dhexe, uuna aad uga fiirsado wada-hadallada Xasan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somaliland iyo Puntland oo si weyn isku qabtay kadib heshiiskii Nairobi – Maxaa dhacay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isku qabtay fasiraadsa heshiiskii ay shalay ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada maamul ayaa isku fahmi waayay in heshiiska loo muujiyo mid ka dhan ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari, maadaama ay Somaliland weli ku taameyso soo celinta Laascaanood.

Somaliland ayaa kadib heshiiska sii deysay in is-afgaradkaasi uu qeyb ka yahay iskaashi dagaal oo ka dhan ah maamulka Waqooyi Bari. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Puntland iska kaashaan doonaan dagaalka maamulka Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xudduudaha Somaliland yihiin kuwii u dhexeeyay Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ah fasiraad sababtay dagaalkii 2023 ka dhacay Laascaanood.

“Dowladda Somaliland waa meel la wada yaqaano, waana xad la yaqaano. Puntland waxaan ka wada-hadalnay oo meesha laga saaraya waa xuduudaha sameyska ah ee lasoo dhex galiyay ee maamulka (Waqooyi Bari) oo iyaguna ogoleyn, oo anaguna aan ogoleyn,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

Waxa uu intaas kusii darqy “Duruufo badan oo aan wadaagno ayaa jiro oo kamid ah mushkiladaas dowladda Soomaaliya ka dhex abuurtay Somaliland iyo Puntland ee maamulka ku sheegtay iyo cadowyada dibadeed ee la dagaalamaan Puntland si aysan usoo talaabin dhinaca Somaliland, marka iskaashigu kaas ayuu u daaran yahay.”

Wasiirka ayaa muujiyay in labada maamul ay maamulka cusub ee Waqooyi Bari u arkaan mushkilad ay ku dhex abuurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna iska kaashanayaan sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha halkaasi laga abaabulayo.

Kadib hadalka wasiirka, maamulka Puntland ayaa dhankeeda beenisay in Somaliland ay ka wada shaqeynayaan wiiqista Waqooyi Bari, balse ay iska kaashanayaan dagaalka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa si cad u sheegay in heshiiska is-afgarad uusan ka dhan ahayn maamulka Waqooyi Bari.

“Waxa aannu ka wada-hadalnay la-dagaalka argagixisada, nabadda Ceerigaabo, isu socodka iyo ganacsiga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrinta Laascaanoodna ka ma mid ahayn wada-hadalkeena. Calmiskaad Daacish baan ku dagaallamaynaa, Calmadow-na Al-Shabaab baa joogta, waana dhinaca Somaliland.”

Si kastaba, heshiiska Nairobi ayaa ahaa mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Jubaland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Palestine: An ongoing tragedy

Two years have passed since October 7, 2023, the day this horrible war began, which continues unabated to this day. And of course the sunlight has disappeared in this tragic region of the planet and everything has been covered in darkness. There are no more smiles on people’s faces, there is no more optimism and joy, and hearts have turned black from deep pain. The children who have been saved from the bombs and bullets that fall like hail, are very gloomy and distressed, seeing destroyed houses and muddy streets around them.

Children in particular have suffered dramatic consequences. According to the UN, in the last 4 years there have been more dead children in Gaza than in the whole world. The humanitarian crisis is deepening every day. Famine threatens the survivors with death. Hunger is taking its toll, especially on children, who faint from exhaustion in the streets, in front of the eyes of desperate parents and unable to help them. According to UNICEF, approximately 17,000 minors have been unaccompanied or separated from their parents since the day the war began.

And the total number of dead since the start of the war in the Gaza Strip, which now resembles an open wound in the heart of humanity, has exceeded 60,000, while there are over 150,000 injured, often seriously, many with amputated limbs, without access to care, in bombed-out hospitals. And thousands more remain buried alive or dead under the rubble, in cities and villages that were turned into piles of rubble in just a few hours.

The photos of children emerging from the rubble, covered in dust and blood, are shocking. Photos that can only cause heartbreak and tears.

But why is this war happening? Why is this conflict perpetuated? The Israelis have the right to have their own state, but the Palestinians also have the right to have their own piece of land with statehood.

For 77 years – since 1948, the year the state of Israel was created – there has been a UN resolution to create an independent Palestinian state and it has not been implemented. At that time, from the area designated as “Historical Palestine”, Israel took 56% and the remaining 44% were used to define the borders for the Palestinian state that was to be established. On the contrary, the state of Israel – and the state is those who govern each time – attacks the Palestinian people and has expanded the occupation of Palestinian lands.

And it is certain that people all over the world, and of course the Palestinians and Israelis, in their overwhelming majority, do not want war. They do not want killings, dead people and crimes. They want to live in a peaceful environment, beautifully, peacefully and happily. They want and yearn for peace. They want to smile every day and dream. All people in this world set goals and try to achieve them, thus giving meaning to their lives. They do not want these goals to be interrupted violently, suddenly and abruptly, as happens when a country plunges into the maelstrom of war. They do not want to be immersed for months or even years in this horror. Fathers and mothers want to see their children progress and fill them with pride. They do not want to send them to war and be killed in the most horrific way.

In closing, I would like to emphasize that this incredible tragedy cannot leave anyone who has sensitivity, compassion and humanity in their soul unmoved. All that is happening there is a black mark on human civilization. Especially writers and artists who bear the enormous responsibility of emotional exhortation must shout as loudly as they can: “Stop the war now”, “End the genocide”. So I, too, decided, feeling pain, sadness and anger, to write a poem about this unspeakable tragedy. Recently, this poem was set to music by the composer Pavlos Zissakos and is available on Youtube under the title “The Tragedy of Palestine”. The lyrics of which I quote below:

The tragedy of Palestine 

A region steeped in war and in the mud
Without sun, without joy, without flowers
Watered with bitter tears and red blood
Without carefree children, without songs.  

Deformed human bodies are found everywhere
Moveless, without various body parts
Destroyed cities that look like death lands
And in the sky the pigeons nowhere.

Caravans of refugees without a compass
With bombs flying in the melancholic air
They leave their beloved homeland in fear
And on the pole the flag, bloody and torn.

Dreams buried in the wounded terrain
And hearts broken into a thousand pieces
Pale faces lacerate by indescribable pain
And around the Death with his black horses. 

Victims in this miserable and unfair world
They are always the innocent and good humans
Which give off a nice perfume by their soul
Either they are Israelis or Palestinians.
O Palestine, our soul is full of bitterness
For this terrible tragedy and savagery
Our planet is sinking into darkness
And in our eyes, anger and sadness.

The Tragedy of Palestine (Title)
Tragödie of Palestine (Youtube)

TRAGÖDIE OF PALESTINE – YouTube

Interpretation: Suno
Music-Video: Paul Zissakos
Lyrics: Isidoros Karderinis

Isidoros Karderinis, journalist accredited by the Ministry of Foreign Affairs, regular member of the Foreign Press Correspondents’ Association of Greece, novelist, poet and lyricist. Facebook: Karderinis Isidoros

DF Soomaaliya oo abaal-marineysa askarigii Villa Soomaaliya ka celiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay abaalmarin siinayso askarigii wadada Madaxtooyada ka celiyay Shabaabkii weeraray xarunta NISA ee Godka Jilicow.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay arrintan.

“Waxaan ballanqaadayaa in dowladda ay abaalmarin siin doonto askarigii Khawaarijta ka celiyay inay u soo gudbaan dhanka wadada Madaxtooyada. Askariga iyo kuwa la midka ah waa la abaalmarin doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.

Sidoo kale, wuxuu weerarkii Godka Jilicow ee Sabtidii ka dhacay ku tilmaamay mid la mid ah kuwa ka dhaca caalamka, sidaas darteedna aysan ahayn in la buunbuuniyo.

“Weerarkii Godka Jilicow ku qaaday Khawaarijta wuxuu la mid yahay weerarrada argagixiso ee dunida ka dhaca. Muqdisho waa amni, sanad gudaheedna hal qarax ayaa dhacay,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Weerarkaasi oo kooxda u adeegsatay xeelad cusub, ayaa raggii fuliyay iyo gaarigooduba magaalada kasoo galeen dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo si caadi ah uga soo gudbay ex-koontarool Afgooye, kadibna ay soo abaareen gudaha magaalada oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed si weyn loo qorsheeyay.

Ragga fuliyay weerarka oo ahaa ilaa 7 nin ayaa soo maray koontaroollo kala duwan, ayna ciidanka ku qaldeen dareeska iyo astaanta gaariga oo ahayd midda ay adeegsadaan ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA, taas oo u fududeysay inaysan marin wax baaritaan ah.

Koontaroollada ay raggan soo mareen waxaa kamid ahaa kan aagga Madaxtooyada, iyadoo wadadaas laga celiyay kadib markii mid kamid ah askartii ilaalada ku jirtay uu ka shakiyay.

Kadib weerarkaasi, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la adkeeyo xakamaynta gaadiidka ciidamada, waxayna Wasaaradda Amniga Gudaha ku wargelisay ciidanka amniga ee jooga baraha hubinta inay si buuxda u baaraan gaadiidka dowladda.

Sidoo kale, waxay fartay in si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho.

Tan haddii la dhaqan geliyo, si toos ah ayey u saameyn doontaa ciidamada ku socda gaadiid buufsan, maadaama hore baaritaanka baraha hubinta uu inta badan ku koobnaa gaadiidka rayidka ah ee safaf dhaadheer ku gala isgoysyada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkii Sabtidii ayaa daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabaysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

La-taliyaha sare ee xafiiska Xamza oo soo jeediyay arrin ka dhan ah A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Naasir Cige ayaa soo jeedin cusub sameeyay kadib wada-hadallada natiijo la’aanta kusoo idlaaday ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

La-taliye Naasir ayaa soo jeediyay in aan waqti dambe lagu bixin wada-hadal lala yeesho Axmed Madoobe, balse ay xukuumadda u dhaqaaqdo dhismaha Jubbaland cusub.

“Waxaa qabaa in aan dib dambe loogu laaban wada-hadal, lana dardar-geliyo maamul cusub ‘New Jubaland’ la dhiso,” ayuu yiri La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Naasir Cige.

La-taliyaha ayaa ku dooday in Axmed Madoobe uusan fikirkiisa ku socon, balse uu fikir dalal shasheeye ku socda, sida uu hadalka u dhigay.

Soo jeedintan ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu faro marnaan uga soo laabtay magaalada Kismaayo, maadaama ay weli labada dhinac ku kala taagan yihiin mowqifyadoodii hore.

Xasan Sheekh ayaa kahor inta aanu aadin Kismaayo qorshihiisa wuxuu ahaa in maamul uu ka garab dhiso Axmed Madoobe, laakiin waxaa qorshahaas kasoo hormaray ballanka wada-hadallada Madoobe iyo socdaalka Kismaayo.

Qoraal kooban oo ay Villa Soomaaliya soo saartay, lagana dhowray magaca Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan, laguna ballamay fadhi kale, si looga xal looga gaaro khilaafka taagan.

“Wada-hadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.

Jubbaland ayaa dhankeeda qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.

“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankii BF ee maanta oo lagu kala tegay xilli la geeyay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmi waayay kadib kooram la’aan.

Xildhibaannada qaar oo soo xaadiray kulanka, balse buuxin waayay tiradii loo baahnaa ee Xildhibaannadu uu ku furmi lahaa kulanka, taas oo keentay in kulankii maanta lagu kala tago, uuna sidaas ku baaqdo.

Kulanka maanta ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in akhrinta koowaad la marsiiyo warbixinta sannadlaha ah ee xisaab xirka dowladda, sida uu sheegay Guddoomiyaha labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in fadhigii maanta uu u baaqdo kooram la’aan, isagoo xildhibaannada xasuusiyay in waajibaadkooda ugu weyn uu yahay ka qeyb-galka kulamada iyo gudashada shaqooyinka qaranka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada aan soo xaadirin inay muujiyaan xilkasnimo, isla markaana si joogto ah uga soo qayb galaan kulamada Baarlamaanka si loo guda galo howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanay habboonayn in xildhibaannada baarlamaanka ay ku maqnaadaan gobollada xilli shaqooyinka baarlamaanku socdaan.

Wuxuu tilmaamay in safarada gobollada loo ogol yahay oo keliya marka ay jiraan doorashooyin ama fasax rasmi ah.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta la filayay in xildhibaannada ka doodaan ajendayaal muhiim ah.

Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama weli laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Erayga indhaha soo jiitay ee ka maqan qoraalka heshiiska Puntland iyo Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Puntland iyo Somaliland ayaa gaaray is-afgarad naadir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilinta gobollada xuduudda, taasoo muujineysa isbeddel waaqici ah oo ku yimid xiriirka labada maamul ee woqooyiga — xill labaduba uu weli khilaaf kala dhexeeyo Villa Somalia kaas oo ku saabsan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Kulankan oo laba maalmood socday, kuna qabsoomay magaalada Nairobi 4-tii iyo 5-tii Oktoobar, 2025, ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin sarsare oo labada dhinac ka socday si ay uga wada hadlaan nabadda gobolka, la-dagaallanka argagixisada, iyo dib u celinta dadkii ka barakacay deegaannadooda si nabadgelyo ah.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen, ayay labada dhinac ku ballanqaadeen inay iska kaashan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo maleeshiyooyinka xiriirka la leh Daacish, xoojinta amniga badaha, iyo ka hortagga isku dhacyo cusub oo ka dhaca deegaannada lagu muransan yahay sida Ceerigaabo iyo Bo’ame.

“Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga ku aaddan xaqiijinta nabadda, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xasilloonida guud ahaan aagagga xuduudda ee ay wadaagaan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la abuuro guddiyo amni oo wadajir ah si ay ula socdaan badqabka xeebaha una xakameeyaan ka ganacsiga dadka, iyadoo isla markaana lagu boorriyay in la sameeyo dadaallo dib-u-heshiisiin oo heer deegaan ah si loo bogsiiyo kala-qaybsanaantii ka dhalatay kalsooni-darrada siyaasadeed iyo colaadaha ee sannadaha soo jiray.

Erayada la adeegsaday oo muujinaya dibloomaasiyad xasaasi ah

Dibloomaasiyiinta ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa waaqicinnimo siyaasadeed, iyagoo xusay inay timid xilli ay sii xumaanayaan xiriirka u dhexeeya labada maamul iyo dowladda federaalka ah ee Muqdisho.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Villa Somalia ay taageertay maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ee lagaga dhawaaqay Laascaanood — go’aankaas oo ay Puntland iyo Somaliland labaduba cambaareeyeen, kuna tilmaameen mid xasilooni-darro abuuraya, iyadoo mid walba uu sheeganayo lahaanshaha dhulkaas.

Falanqeeyayaasha ayaa se leh, waxa dhab ahaan istaahila in la xuso ma aha heshiiska laftiisa, balse waa erayada si xeeladaysan loo doortay. War-murtiyeedka wadajirka ah waxaa lagaga fogaaday ereyga “Jamhuuriyadda Somaliland” — oo ay Hargeysa muddo dheer u adeegsan jirtay si ay ugu adkaysato madaxbannaanideeda — waxaase taa beddelkeeda loo adeegsaday “Dowladda Somaliland.”

Sida ay sheegeen ilo dibloomaasiyadeed oo la socday wada-hadallada, ergooyinka Puntland ayaa diiday inay saxiixaan wax dokumenti ah oo ay ku qoran tahay ereyga “Jamhuuriyad.” Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in aqbalaadda eraybixintaas ay noqon lahayd markii ugu horreysay ee maamul Soomaaliyeed uu si rasmi ah u aqoonsado madaxbannaanida iskeed isugu dhawaaqday ee Somaliland — tallaabo ay Puntland u aragtay mid siyaasad ahaan aan la aqbali karin xilligan oo u dhiganta sharciyeynta gooni-u-goosadnimada.

Taa beddelkeeda, labada dhinac waxay isku raaceen weedha dhex-dhexaadka ah ee ah “Dowladda Somaliland,” taasoo aqoonsanaysa jiritaanka maamul balse aan tilmaamayn madaxbannaani.

“Tani waxay ahayd tanaasul si ula kac ah loo sameeyay oo dhanka luuqadda ah,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada la socday wada-hadalka. “Puntland ma saxiixi karin bayaan si dadban u aqoonsanaya jamhuuriyad, laakiin ereyga ‘Dowlad’ wuxuu suurtageliyay in iskaashigu hore u socdo.”

Puntland, ka-tagista ereygaas waxay u tahay guul dibloomaasiyadeed oo aamusan — taasoo dib u xaqiijinaysa mowqifkeeda ah in Somaliland ay weli ka mid tahay hab-dhismeedka federaalka Soomaaliya.

Somaliland, ereygan wuxuu weli siinayaa sharciyad astaan ah, isagoo aqoonsanaya awooddeeda dowladnimo iyo maamulkeeda — waana eraybixin ay Hargeysa gudaha dalkeeda ugu soo bandhigi karto nooc ka mid ah guul siyaasadeed.

“Siyaasadda Soomaalida, hal eray wuxuu yeelan karaa miisaan dastuuri ah,” ayuu yiri Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho. “Markii la isticmaalay ‘Dowlad’ halkii laga isticmaali lahaa ‘Jamhuuriyad,’ labada dhinacba waxay ilaashadeen aragtidooda siyaasadeed, iyagoo isla markaana albaabka u furay iskaashiga.”

Isku-dheellitirka aqoonsiga iyo ka-hortagga

Heshiiska Nairobi wuxuu hoosta ka xarriiqayaa dib-u-habeyn ballaaran oo ka socota siyaasadda woqooyiga Soomaaliya. Labada maamul waxay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay iska kaashadaan amniga iyo ganacsiga, iyagoo isla markaasna ka fogaanaya Villa Somalia, oo ay u arkaan in siyaasaddeeda federaalku ay tahay mid faragelin qaawan wadda.

Puntland, oo muddo dheer ku eedeynaysay dowladda federaalka inay wiiqayso ismaamulkeeda, heshiiskan wuxuu muujinayaa sida ay diyaar ugu tahay inay si madaxbannaan u dhaqanto — xitaa haddii ay la shaqeynayso maamul ay muddo xafiiltamayeen — si ay u adkaysato awooddeeda is-maamul.

Dhanka Somaliland, oo weli raadinaysa aqoonsi caalami ah, heshiiskani wuxuu u yahay iskaashi waaqici ah: fursad ay kula shaqeyn karto dhinacyada kale iyadoon si rasmi ah uga tanaasulin madaxbannaanida ay iskeed ugu dhawaaqday.

Falanqeeyayaasha waxay soo jeedinayaan in qaabkan — iskaashi aan aqoonsi lahayn — uu horseedi karo tusaale cusub oo lagu daydo marka la eego saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya ee kala-qaybsan. Wuxuu labada dhinacba u suurtagelinayaa inay ilaashadaan xadadkooda siyaasadeed ee aan laga gudbi karin, iyagoo isla markaana horumarinaya xasilooni ay dani ugu wada jirto.

“Haddii ay Puntland aqbali lahayd ereyga ‘Jamhuuriyadda Somaliland,’ waxay noqon lahayd wax aan hore loo arag — aqoonsigii ugu horreeyay ee si dadban uga yimaada maamul Soomaaliyeed,” ayuu yiri dibloomaasi ku sugan Nairobi. “Taa beddelkeeda, waxay heleen hannaan u oggolaanaya iskaashi iyadoo aan laga tallaabsan xadkaas.”

In kasta oo heshiiskani aanu xallinayn murannadii soo jireenka ahaa ee dhulka iyo madaxbannaanida, haddana wuxuu soo kordhinayaa jawi is-faham oo taxaddar leh. Gobol hal weedh ay xiisad ka kicin karto, in ereyga “Jamhuuriyad” lagu beddelo “Dowlad” waxay noqon kartaa wax ka weyn isbeddel eray oo kaliya — waxay ka tarjumaysaa waaqicinnimo siyaasadeed oo qaangaar ah.

Heshiiska amniga ee Puntland iyo Somaliland ee 2025 wuxuu noqon karaa mid tusaale u noqda iskaashiga heer deegaan ee ka dhex dhalan kara woqooyiga Soomaaliya ee inta badan siyaasad ahaan kala fog, isagoo isku darsanaya waaqicinnimada amniga iyo dibloomaasiyadda luqadda ku dhisan.

“Mararka qaar dibloomaasiyaddu waxay ka bilaabataa luuqadda,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha. “Xaaladdan, maqnaanshaha hal eray ayaa suurtageliyay in iskaashigu hirgalo.”

Yaa faa’iido qaba Xasan iyo Axmed kadib fashilka wada-hadalladii Kismaayo?

0

Kismaayo (Caasimada Online ) – Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-haddallo foolka fool ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wada-hadalladan oo soo bilowday shalay ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ay Villa Soomaaliya soo saartay, lagana dhowray magaca Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan, laguna ballamay fadhi kale, si looga xal looga gaaro khilaafka taagan.

“Wadahadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.

Jubbaland ayaa dhankeeda qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.

“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Haddaba ayaa faa’iido qaba Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?

Falanqeyeyaasha ayaa rumeysan in mar kasta oo ay dib u dhacdo natiijada ay fursad wayn siineyso Axmed Madoobe, maadaama inta lagu jiro xeyndaabka wada-hadalka ay Dawladda Federaalka ka daaheysa ama uu kahor istaagayo inay u dhaqaaqdo arrinta gobolka Gedo iyo dhismaha Jubbaland cusub.

Xasan Sheekh ayaa kahor inta aanu aadin Kismaayo qorshihiisa wuxuu ahaa in maamul uu ka garab dhiso Axmed Madoobe, laakiin waxaa qorshahaas kasoo hormaray ballanka cusub ee ku aadan in wada-hadallada sii socon doonaan oo fadhiyo ay geli doonaan labada dhinac.

Sidoo kale, arrintan ayaa hubanti la’aan sii galiyay rajadii reer Gedo oo dawladda ka filayay inay si buuxda u garab istaagto, maadaama gobolkaas intiisa badan uu ka haray Gedo.

Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.

Villa Somalia oo shaacisay in mar kale ay wada-hadlayaan Xasan Sheekh iyo A/Madoobe

0

Muqdisho (Casimada Online) – War kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii Kismaayo ku dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, oo maanta lagu soo gabagabeeyay gudaha magaaladaasi.

Qoraalka Villa Soomaaliya oo laga ilaaliyay magaca Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in wada-hadalladii dhacay horumar laga sameeyay, isla markaana lagu ballamay fadhiyo kale, si loo sii wado dadaallada xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

“Wadahadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale u mahadcelisay Jubbaland iyo shacabkeeda, maadaama ay si Soomaalinimo ah usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Dhankeeda Jubbaland ayaa qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.

“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii ay socdeen wada-hadallada ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isaguna ku gows adeegay in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.

Xogaha ayaa intaasi kusii daraya in wafdigii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya, ay iyaguna ka ambabaxeen Kismaayo, kuna laabteen magaalada caasimada ah ee Nairobi, maadaama aan lagu guuleysan dadaalladii indhowaanahan soo socday, si xal loo gaaro.

Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.