27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii qarsoodiga ahaa ee Abiy Ahmed iyo ONLF?

Asmara(Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria uu ka dhacay kulan khaasa oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ONLF.

Kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay ku dhawaad laba saac ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu furay albaabka wadahadal iyo wax wada qeybsiga.

Kulanka labada dhinaca oo banaan joog ay ka aheyd warbaahinta ayaa looga wadahadlay sida ONLF ay qeyb uga ahaan laheyd dowlada Abiy isla markaana wax ula qeybsan lahaayen dadka kala duwan ee kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.

Abiy Axmed ayaa Saraakiisha ONLF ee uu la kulmay u xaqiijiyay in dowladiisu ay diyaar u tahay wadahadal iyo wada shaqeyn, waxa uuna ku celcelshay in kulan khaasa oo kan ka weyn uu ku qaban doono magaalada Addis Ababa.

Wasiirrada uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.

Sidoo kale, magaalada Asmara ayaa xarun u ah  Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.

Dhinaca kale, ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre   22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood.

Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan:

1: Shirkadda Daalo Airlines

2: Shirkadda Jubba Airways

3: Shirkadda Ocean Airways

4: Shirkadda African Express

5: Shirkadda Freedom Airlines

Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo  kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah  Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka.

Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka.

Waxaase  soo ifbaxday in shirkadaha cusub  ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan  doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya  oo horay aan u jirin.

Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay  diyaar u yihiin  qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka  Shirkadaha   Jubba Airways iyo Daalo Airlines,  ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar).

Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah  inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo:

1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro.

2) in sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida.

Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daalo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka.

Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn  oo waxaa  go’aan lagama gaarin  arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan.

Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir  ee Islaamku ku dhisanyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu sharciga ka qabaa mas’uuliyiinta rayidka ah ee xirta dharka ciidamada?

Sanadihii dambe, waxaa Soomaaliya ka bilowday dhaqan cusub kaas oo mas’uuliyiin qaran, oo rayid ahi ay ku labistaan dharka ciidanka. Haddaba sharci ahaan waa sidee? Ma jirtaa cid dastuuri ah oo loo ogolyahay? Sidee ayey ahaayeen dowladihii hore? Haddii uu dhaqankan sii-socdana maxaa dhacaya?!!

Su’aalahaasi waxaan hor-dhignay saraakiil ka tirsan ciidamada, qeybahooda kala duwan iyaga oo si qotto-dheer uga hadlay sharciyada arrintan la xiriira iyo xataa dareenkooda ciidannimo.

Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” Taliyihii hore ee Ciidanka Badda iyo  rugcaddaa ka tirsan ciidamada, isaga oo arrintaasi ka hadlayo waxaa uu yiri“Sharciga iyo dhaqanka aan arki jiray kuma jirin, kutubta aan soo arkay kuma jirin. Dharka ciidanka, keliya ciidan ayaa qaadan karo”.

Mudane Qarre, mar aan wax ka weydiinney madaxdii hore haddii ay qaadan jireen waxaa uu ku jawaabay“Kuwan kuwii ka horreeyay kuma arkin, aniga waxaan soo joogay Aaden Cadde iyo Cabdirashid, xilliyadaas dhaqankan ma jirin, weligeyna kuma arkin, Laakin Maxamed Siyaad Xilligiisii Dalka Ciidamo ayaaba heystay”.

Admiral Faarax Qarre, mar aan sababta kuwan ku kalifeysa weydiiney waxaa uu yiri“Waxaan u fahmay dhiiri-gelin iyo adinka ayaa idiinka mid nahay, laakin waa qalad”.

Col. Sharif Roobow oo xilligii dowladdii dhexe ka tirsanaa xoogga dalka oo isna arrinkan ka hadlayo waxaa uu yiri“Dharka ciidanka waa darajo la helo, in la iska labisto waa qalad, waxaan u fahmay is-tus tus, looma baahna showgaas, waxaan arkey wasiirro labisanaya, wuxuu rabaa inuu dadka tuso inuu (opration)howlgal ku jiro, taasina waa qalad, wasiirka shaqadiisa Operation ma aha, waa jago siyaasadeed, waa inuu habeeyo ciidanka, xuquuqdooda siiyo, lana xisaabtamo”.

Mar Col. Sharif Roobow weydiinney sida arrinkan looga gudbi karo, wuxuu ku jawaabay“Waa dhaqan xun, oo ay barteen, si la yeelo ma leh”.

Dhinaca kale, Dadka aan la hadalnay waxaa ka mid ahaa Axmed Mayow(Col Ruush), oo ahaa gashaanle dhexe iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga, hadda waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad.

Axmed Mayow(Col Ruush), waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu yahay taliyaha guud ee ciidanka sida dastuurka ku qoran, isaga oo intaas raaciyay“Madaxweynaha dastuurka ayaa u ogol, cid kale looma ogola, dalka waa inuu dastuur ku socdaa, laguna dhaqmaa”. “Hadda dadkan iska labisanaayo dastuur ma aha ee qardo-jeex”.

Gebogabadii, mar haddii ay caddaatay in dharka ciidamada aaney qaadan Karin qof aan ciidan aheyn, ama darajo ciidan aan heysan, mas’uuliyiinta qaranka ee labiskaas soo xirto iyaga oo aan mudneyn waa been-abuur shaqo, waana si deg-deg ah  inay arrinkaas ka tanaasulaan, una hoggaansammaan sarreynta sharciga, oo weliba tusaale u noqdaan umadda ay hoggaamiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ra’iisul wasaare Kheyre oo shaqada ka eryey mid ka mid ah wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii ka qaaday mid kamid ah wasiiradiisa kadib markii uu soo saaray Wareegto.

Ra’isul wasaaraha ayaa wareegtaan xilkii uga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.

Xil ka qaadistaan oo ah mid kadis ah oo lama filaan ah ayaa kusoo aadeyso xilli ay jirto muran ku aadan xujeeda sanadkaan xajineyso kaasoo u dhaxeeyey wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka oo mashruucaas heystay.

Ra’isul wasaaraha ayaa Sidoo kale digreetada kus sheegay in xilkaas uu si KMG ah u sii hayn doono wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu dambeeyay ee la magacaabay lamana ogo sababta rasmiga ah ee keentay xil ka qaadistiisa.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay R/W Kheyre.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Khilaafka R/W Kheyre iyo CAWAD oo kasii daray iyo mas’uuliyiin kuso baxay!!

Muqdisho( Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf siyaasadeed ka dhex aloosan Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Khilaafka labadan mas’uul oo taagan ku dhawaad Seddex asbuuc ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay shaqooyinka DFS kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

Khilaafka Kheyre iyo Cawad oo markiisa hore ahaa isfahan’waa ka dhextaagnaa labada mas’uul, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in Cawad uu u janjeersaday dowlad Imaaraadka oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo Somalia.

Warar hoose oo ku saabsan khilaafka ayaa sheegaya in cawad uu isku dayay in Imaaraadka uu uga hiiliyo Somalia, taa oo tuhun weyn kala dhex dhigtay Ra’isul wasaaraha iyo isaga.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in cawad iminka uu ka shaqeynaayo sida dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirka Somalia iyo Imaaraadka, waxaana arrinkaasi si toosa u diiday Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo ka mideysan fogeynta Imaaraadka.

Sidoo kale, Khilaafka Kheyre iyo Cawad ayaa cirka galay kadib markii Wasiir cawad uu kulamo aan la ogeyn dalka dibadiisa kula qaatay wafdi ka socday Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka kuwaa oo la rumeysan yahay inay kala hadleen arrimo khuseeyay siyaasada iyo dib usoo nooleynta xiriirka Somalia.

Xiriir hoosaadka shakiga badan abuuray ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kala dhexeeya dowlada Imaaraadka ayaa sabab u noqday in Wasiirka laga reebo safari dhowr ah oo madaxda DFS ay ku aadeysay dalka dibadiisa.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ku dhow dhow xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa laga soo xigtay in iminka uu jiro isku soo dhawaanshi u dhexeeya Kheyre iyo Cawad oo maalmahaani ku kala fogaa siyaasada dibadda.

Labada mas’uul ayaa waxaa ka dhex shaqeynaaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla Xukuumada, maadaama Wasiir Cawad uu ku imaaday rabitaanka Madaxweyne Farmaajo.

Docda kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka mideysan in lasoo afjaro shaqooyinka cid waliba oo xiriir dhow la sameysa Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QALBI-DHAGAX: Aniga oo qaawan oo caga cad ayey dowlada i dhiibtay (Sawirro)

Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaalka ONLF Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo maalmo un ka hor laga sii daayay xabsi ku yaalla Addis ababa ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay munaasabad looga hadlaayay arrimo kala duwan.

Munaasabada oo aheyd mid si gaara loogu qabtay Sarkaalka ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimaha Somalia, waxaana halkaa khudbado kala duwan ka jeediyay Qalbi-Dhagax iyo qaar kamid ah Mucaaradka dowlada.

Khudbadaha ugu badan ee munaasabada kabaxay ayaa waxaa jeediyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda dowlada Somalia.

Qalbi-Dhagax ayaa inta uu ku guda jiray khudbadiisa ka sheekeeyay qaabkii ay ula dhaqantay dowladda Somalia iyo sida loogu wareejiyay dowladda Ethiopia.

Qalbi-Dhagax, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka dhoofisay magaalada Muqdisho isaga oo aan xiligaa isku arag mid danbiile ah.

Nuqul kamid ah khudbada Qalbi-Dhagax ayaa aheyd “Aniga oo indho duuban,  cago cad,  qaawan, ayaa Muqisho la iga dhoofiyay, balse waxaan ogaaday in aan leeyahay 30 milyan oo walaalo Soomaaliyeed ah”

Qalbi-Dhagax, waxa uu intaa ku daray in qaabka loogu wareejiyay Ethiopia ay muujineyso inay tahay mid fariin u ah Umadda Soomaaliyeed waxa uuna cadeeyay inay suuragal tahay in muwaadin waliba uu mari karo halka uu hadda maray isaga.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin siideyntii dowladda Itoobiya ee Qalbi-Dhagax oo ay ku wareejisay Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 marka laga reebo in dowladda Itoobiya ay shaacisay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay siideyntaas.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xog: Maxaadan ogeyn oo laga dhex helay xarunta Otto Otto weerarka kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar sabtidii lagu qaaday Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia ee Otto Otto, oo ku taalla isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorox dhicii shalay gudaha Xarunta laga helay darees hor leh oo ay tureen maleeshiyaadkii weeraray xarunta.

Dareeska oo ilaa labo ahaa ayaa laga helay qeybta danbe ee xarunta waxaana lasoo sheegayaa inay tureen maleeshiyaadkii qaaday weerarka oo markii danbe si nabadgalyo ah u baxsaday.

Dareeska la helay oo kaaki ahaa ayaa waxaa jeebkooda laga helay warqado dardaaran iyo duco ay ku qornaayen, halka mid kamid ah laga helay Kitaab xusnul-Muslim ah.

Waxyaabaha laga helay xarunta ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Bamgacmeedyo ay maleeshiyaadka ku tureen gudaha xarunta inta ay ahaayen baxsadka.

Sidoo kale, waxaa galabta gudaha xarunta laga helay qeybo kamid ah jirka bani’aadamka sida Lug, Madax iyo hilbo bani’aadam, kuwaa oo uu baabi’iyay Qaraxa.

Hilbahaani ayaa laga helay dhagxaan hoostooda iyo halka uu ku Qarxay gaarigii hore, xili xarunta lagu waday nadaafad guud.

Weerarka oo ay ku naf waayen ilaa 17 ruux ayaa waxa ay Dowlada Somalia u xirtay Taliyayaal iyo Saraakiil la sheegay inay waxbadan ka ogaayen Qaraxa.

Dowlada Somalia ayaan weli ku qancin habka uu u dhacay weerarka waxaana jira shaki xoogan oo ka dhextaagan Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixintii EU-da ma tahay mid muujineysa in DFS ay ku saxneyd go’aakeeda?

Xog: Xilal magacaabis uu qabyaaladeeyey Gaas oo ciidamo ay ka gadoodeen

Tan iyo markii Madaxweyne Gaas isbadalo ku sameeyey Agaasime waxeedyada  maaliyada iyo maamulka wasaaradaha Puntland ayaa waxaa soo kordhaya welwelka shacabka ka qabo danaha mas’uulka ugu sareeya xafiiska Madaxtooyada ka leeyahay xilalka uu magacaabayo xiligaan kala guurka ah.

Madaxweyne Gaas oo muddo xileedkiisu ku egtahay dhamaadka sanadkaan ayaa xilal hoose u magacaabay shaqsiyaad ay isku beel hoose wadaagaan, talabadaan oo qaar ka tirsan beelaha daga Puntland ka caroodeen.

Magacabistii ugu dambeysay uu ku sameeyey  xisaabaiyaha maaliyada gobolka Mudug 4 July,2018 kadib markii mas’uulkii ka horeeyey lagu soo eedeyey xatooyo xoolo dadweyne ayaa waxaa ka caroodey sida warsidahaan ogaadey qaar ka tirsan beelaha daga gobolka Mudug.

Xisaabiyaha cusub ee wasaarda maaliyada gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinur Maxamud (Geesay) oo kasoo jeedaa beesha Reer Khalaf Cumar Maxamud ayaa dadka la socda siyaasada Puntland waxay aminsan yihiin in talaabadaan meesha ka saareyso isu dheelitirka nidaamka qaybsiga xilalka ee beelaha ku wada nool gobolkaas.

Madaxweyne Gaas oo isagu isku baho hoose kawada tirsan yihiin xisaabiyaha cusub marka la eego qaabka wada dhalasho ee beel weynta Cumar Maxamuud ayaa talaabada uu qaadey, waxaa ay saameyn ku yeelatey  ciidamo ku sugan jiida hore ee Tukaraq.

Ciidmadaan oo ka gadoodey go’aanka magacaabista xisaabiyaha iyo cabashooyin kale ayaa wararka sheegayaan in saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ka shaqeyneyso sidii ay dib ugu noqon lahaayeen.

Xisaabiyaha Wasaarada maaliyada gobolka Mudug ayaa tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulka Puntland waxaa laga soo dhex magacaabi jirey beesha Reer Mahad Cumar Maxamud kuwasoo qayb wayn ka qaata difaaca gobokaas.

Go’aanada Gaas ku magacaabayo saraakiisha ay isku beelaha hoose yihiin ayaa sidoo kale waxa ay saameyn ku yeelaneysa qorshaha difaaca Puntland.

Beelaha daga Puntland ayaa qayb weyn ka ah ciidamada ku sugan jiida hore ee Tukaraq kadib markii dowlada Madaxweyne Gaas kasoo bixi waydey mas’uuliyadii ka saarneyd difaaca maamulkaan.

Dhinaca kale waxaa muran ka taagan yahay gobolka Mudug gaar ahaan Galakacayo kadib markii xeryo dowlada leedahay dhul ku yaal  Madaxweyne Gaas amar ku bixiyey in la iibsho talabadaas oo diidmo ka muujiyeen qaar ka tirsan beelaha daga gobolkaan.

Beelahaan ayaa ciidamo ka buuxiyey labadaan xero taasoo wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland dhulkaan iney iibsadaan heshiis kula soo galey ganacsato dagan wadamada Afrikada Barri.

Dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ka socdeen muddo ku dhow 30 sano ayaa Hab qaybsiga dowladeed heer dowlad Federal iyo maamul waxa uu ku saleysan yahay nidaamka qabaa’ilka taasoo siyaasiyiinta hogaanka u soo qabatey ku guuleysan waayeen in laga gudbo.

Xigasho: Garowe Online

Sawirro: Wasiir ka tirsan DF oo guursaday waxyar un kadib magacaabistiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somalia Daahir Maxamed Geelle ayaa guursaday maalmo un kadib markii xilkaasi loo magacaabay, oo laga soo beddelay safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga.

Wasiir Daahir oo xilka Wasaarada loo magacaabay xili warbaahinta dalka ay isku dhex qasan tahay ayaa waxa uu qaaday talaabo guur oo hadal heynteeda laga dareemayo magaalada Muqdisho iyi baraha bulshada..

Dadka Muqdisho ayaa aad u hadal haya howsha ugu horeysa ee uu qabtay Wasiirka oo noqotay aroos, isaga oo guursaday gabar dhallinyaro ah toddobaadkii tagey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland: Jawaab aan la mahdin ayaan tallaabadii Puntland ka bixin doonnaa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ay waheliyaan xildhibaano golaha wakiilada ka tirsan oo ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa ka hadlay dhacdadii jidgooyada ahayd ee maamulka gobalka Xaysimo loogu galay wadada habeen hore.

Jidgooyadan ayaa lagu dilay mid ka mid ah taliyayaasha ciidmada Somaliland ee Gobalka Sool gaashaanle Saleebaan Cabdi, waxa lagu dhaawacay maayarka degmada Taleex sida oo kale waxa dirqi kaga baxsaday guddoomiyaha gobalka Taleex, sida ay masuuliyiintani ku warameen.

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa Puntland ku eedeeyay dhacdadan, waxaanu sheegay inay Somaliland jawaab rasmi ah ka bixin doonto dhacdadan jid gooyada ah, waxaana sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo way wada jir ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxaana wasiir Saleebaan Cali Koore oo dhacdadan ka hadallaayay uu ku waramay “Waxa dhacday sida aad ogsoontihiin maamul gobaleedka Puntland ciidamo ka tirsan inay xalay habeen badhkii (Habeen hore) gobalka Xaysimo maamulkiisii oo dhan inay u sameeyeen jidgooyo qoshaysan oo loogu talo galay in dadkaas lagu khaarajiyo, iyada oo madaxdaas gobalka Xaysimo ay marayeen deegaankoodii iyo dalkoodii, wadadoodii iyo meeshii ay ku dhasheen, iyaga oo u socday arimo nabadgalyo iyo arimo aadaminimo oo dad xanuunsanaaya daawooyin iyo raashin u qaybinaaya.”

Wasiirka oo dhacdadan faah faahinayaa waxa uu yidhi“Waxa wadada si qorshaysan loogu galay in lagu khaarajiyo nimankaas madaxda ah qaar ka mid ah waxa si xilkasnimada iyo milgaa aadamaha ka baxsan loogu dilay goobta, isaga oo aan wax dhib ah wadin, hubaysnayn oo u socday arimo aadaminimo oo uu dadka ugu shaqaynaayay, waxa falkaas lagu dilay oo ku shihiiday gaashaanle Saleebaan Cabdi Caateeye oo ka mid ahaa taliyayaasha guutooyinka ciidamada ee Laasacaanood, waxa kale oo dhaawac khatar ah la soo gaadhsiiyay maayarkii Taleex, oo jajab iyo xabado kalena qaba, oo xaaladiisu tahay mid adag,wax xabad lagu baacsaday mudo ku dhaw 30 Km guddoomiyihii gobalka Xaysimo isaguna Alle amarkii ayuu kaga badbaaday.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiir Saleebaan sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan dhacdadan“Waa caado hor leh oo ay Puntland ku soo rogtay deegaamada awal laba ciidan ayaa is hor fadhiyay laakiin in wadada layska ugaadhsado oo madaxda iyo raga ugu sareeya sidaas loo dilo iyaga oo deegaankoodii maraaya, waanu ognahay raga deegaankaas fadhiyaa beesha ay ka soo jeedaan, wax ciidan Puntland la yidhaahdaa ma jiro ee waa qabiilo iyo qoysas midba meel laga keenay oo ciidanka Somaliland canjilaaya, qoyska meesha degan iyo raga laayayna si fiican ayaanu u ognahay oo u garanaynaa, waana arin ay gadaal ka ogaan doonaan jawaabteeda. Ka dawlad ahaan iyo ka xukuumad ahaan ma ka dul qaadanayno waxaanay naga heli doonaan jawaab cad.”

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa isaguna dhankiisa dhacdadan ka hadlay“Puntland in  dhabooyinka laysku galo cid uga nuguli ma jirto xuduudayadu ilaa Boosaaso iyo Garoowe ooda ayaanu ku haynaa, xaga hawdkana ilaa Gaalkacayo ilaa Garoowe ooda ayaanu ku haynaa, sune ayaad abuurteene meel u samaysta.”

Ugu danbayntiina Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa Puntland ugu hanjbay inay Somaliland iyo deegaankaasiba ay ka aarsan doonaan“Aad iyo aad ayaanu uga xunahay waxii aanu anagu ka xishoonaynay inay nagu kalifaan iyaga oo ku xaragoonaaya, jawaab degdeg ah ayay naga helayaan mid dawladeed iyo mid deegaanba, dadkaasina dad abaaraysan ayay u socdeen, dad xanuunsanaya ayay sideen oo qoryo may sidan, waxaan leeyahay soo dhawaada oo waxaas aad bilowdeen ha ka cabanina.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

DF oo caawa xabsi dhigtay saraakiil lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha weerarkii Otto Otto

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa Xabsi la dhigay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Somalia. Saraakiisha caawa xabsiga la dhigay oo tirro ahaan lagu sheegay 14 Sarkaal ayaa lagu tuhunsan yahay inay kaalin weyn ka qaaten weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo tan amniga.

Saraakiisha la xiray ayaa la xaqiijiyay inay taliyayaal ka ahaayeen Koontoroolada laga soo galay Xaruntii la weeraray iyo waddooyinka ay soo mareen gaadiidka loo adeegsaday ismiidaaminta.

Saraakiisha caawa u hoyday Xabsiga ayaa maamuli jiray Isgoosyo ay kamid yihiin Dabka iyo tan ka timaada degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir,waxa ayna isugu jiraan Boolis iyo Nabadsugid.

Waxaa ku jira Saraakiisha la xiray kuwo maamuli jiray barahakoontarool ee Isgooska Bakaaraha kuwaa oo la sheegay in lagala sii dardaarmay gaadiidka ismiidaamiyay.

Saraakiisha xiran qaarkood ayaa lagu helay cadeymo kadib markii la dhageystay Teleefanada ay sida gaarka ah u isticmaalayeen.

Sidoo kale, Amaraka lagu xiray Saraakiisha ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Ducaalle oo tan iyo markii uu dhacay Qaraxa hayay baaritaan.

Geesta kale, Xariga Saraakiisha ayaa imaanaya 24 Saacadood kadib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo ku taalla Otta Otta ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ganacsade la sheegay in uu ajnabi ahaa oo caawa lagu toogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade ajnabi ah.

Ganacsadahan ajnabiga ahaa ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Yemen, kaa oo lagu toogtay meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgooska Debka ee wadada Makka Al-Mukkarama.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dilka ay geysteen maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado waxa uuna dilka dhacay xili ninkaasi uu ku sugnaa goob uu ku iibiyo waxyaabaha farshaxanka oo ku taalla dhabarka dambe ee Colow Taawar.

Ciidamada xasilinta ayaa goobta ku qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayen dilka Ganacsadaha.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada dilka Ganacsadaha ajnabiga ah, waxa uuna dilkaani qeyb ka noqonayaa dilal maalmahaani ka dhacaayay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Afhayeenka wasaaradda amniga oo weerar culus ku qaaday madaxda dowlada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xildibaan ayaa afka furtay isagoo is weydiiyey sida ay ku dhici karto in weerarkii shalay oo kale uu dhaco iyadoo wadooyinka xiran yihiin, dadkuna mari la’ yahay.

Afhayeenka ayaa weerar ku qaaday madaxda dowladda isagoo ku sheegay in mar kasta la doorto tuugo boorso wadata oo aanu jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay, wuxuuna intaas ku daray in 11 bilood oo uu aha afhayeenka Wasaaradda Amniga aanu mushaar qaadan, isla markaana uu leeyahay 13 caruur

“Sidee suura gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee baabuurka uu ku yimid meeshaiyadoo magaalada qad cagaaran uu ka jiro, ma arkin Hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in mar walba la doorto Madax tuugo ah oo boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

Afhayeenka C/Casiis Xildhibaan oo ku faanay inuu heysto dhalasho ingiriis ah oo haddii ay wax ka dhacaan uu ka dhoofayo garoonka Muqdisho, isla markaana ay caruurteydiisa biileyso Boqoradda Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdogan oo madaxweyne Farmaajo uga yeeray Istanbul + Ujeedka

Muqdiaho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u kictamo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Jabouti ayaa u sii gudbaya dalka Turkiga si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha Turkiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Turkiga ayaa ku qotoma ka qeybgalka Munaasabada Caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha dalalka carbeed ee casuumaada ka helay Erdogan waxaana la filayaa in maalinta Berrito ah ay ka dhacdo dalka Turkiga,waxana ka qeybgeli doona madax badan oo ka mid ah saaxiibada dalka turkiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in caleemasaarka dhigiisa Turkiga uu ka jeediyo Khudbad dardaaran ah oo ku saleysnaan doonta gudashada mas’uuliyada saaran.

Dhinaca kale, Erdogan ayaa marti galiyay ku dhawaad lix Madaxweyne oo afrikan ah kuwaa oo siyaasad ahaan aad ugu dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hantida ERDOGAN oo si rasmi loo shaaciyey mana aamini doontid tiradeeda

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga.

Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaareyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla.

Lacagtan ayaa ah mid aad u yar marka loo eego maqaamka madaxweyne Erdogan, lalana barbardhigo madaxda kale ee dunida.

Waxaa kaloo la sheegay in madaxweyne Erdogan uu Dhul beereed ku leeyahay Gobolka Riza ee dalka Turkiga, kasoo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 2600 oo doolar, iyo Guri uu ku leeyahay magaalada Istanbuul oo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 200-kun oo Doolar.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa hantidiisa ka mida Gaari nooca AUDI A8 oo qiimihiisu yahay 50,000 doolar, waxaana xusid mudan in wargeyska dowladda Turkiga uu sheegay in Madaxweynaha Turkiga lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan 420-kun oo Doolar, waxaana lacagtaasi ku leh ganacsadaha Mohame d Gour.

Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa hore u baahisay in madaxweyne Erdogan uu yahay hantiile lacagtiisu gaareyso 58 Milyan oo Doolar, waxaana la tilmaamay Qasriga ugu weyn White Palace ee uu dhisay Erdogan.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Kenya oo xafiis diblomasi [safaarado] ka furaneysa Kismaayo iyo HARGEYSA

Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay 16 xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso 16 wadan oo Afrikaan ah saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Kenya furanayso 16 xafiis diblomaasiyadeed oo mid ka mid ah ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland.

Magaalooyinka Afrika ee ay xafiisyada ka furanayso ayaa waxa gobalka Geeska Afrika ku yaala saddexda magaalo ee kala ah Hargeysa, Djibouti iyo Kismaayo. Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma oo ka hadlaysa sababta ay Kenya xafiisyada u furanayso waxay tidhi

“Diblumaasiyaddayadu waxa ay ka shaqaynaysaa dedaalka aanu ku xoojinayno aqoonsigayaga / ahaanshiyahayaga gaarka ah, higsigayaga qaran iyo qarannimadayada, kagana ilaalinayno faragelinta shisheeye ee iman karta. Halka aanu dhinaca kalana ka dhisayno kana xoojinayno awooddayada tartan.”

Ganacsatada Qaadka Miirooga ee Kenya ayaa dhawr goor dawladooda ugu baaqay inay xidhiidh diblomaasiyadeed oo aqoonsi gaadhsiisan la samayso maamulka Somaliland, si ay Hargeysa ugu iib keenaan qaadka oo ay sheegeen inay ku soo arkeen suuq dihin, balse u baahan tartan lala galo qaadka Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Naiorbi
[email protected] 

Nooca doorasho ee 2020 oo la sheegay in laba mid ay noqon doonto (Aqri)

Guddiga doorashooyinka Qaranka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaya marka la gaaro 2020-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne oo labo nuuc midkood noqon doonta balse  wali aan go’aan laga gaarin.

In go’aan laga gaaro nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto 2020-ka waxey u baahantahay marka hore in la soo dhameystiro sharciga doorashada oo wali guddiga doorashooyinka oo kaa shanaya hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn ay ku howlanyihiin.

Labo Nuuc oo doorasho ayaa la filayaa in ay dalka ka dhacdo kuwaa oo kala ah (Proportional Representation)  nidaamka Isku dheelatiran iyo (Majoritian) oo ah aqlibiyad cod dheer .

Nidaamka Doorasho ayey u badantahay inuu noqon doono nidaam xisbi ah waana doorashada isku dheelitiran  oo qof iyo cod ah sidoo kale waana nidaamka la filayo in 2020-ka wax lagu doorto waxaana lagu maamulaa dalal badan sida Turkiga, Ciraaq Brazil, Jarmalka, South Africa, Angolo iyo dalal kale.

Weey fududahay in la hubiyo tusaale ahaan Saami qeybsiga, matalaada dadka laga tirade badan yahay,  kootada haweenka, xuduudeynta marka la joogo nidaamka doorasho ee isku dheelatirsan waxaase adag in la ogaado marka ay doorashadu tahay aqlibiyad cod dheer.

Sidoo kale waxyaabaha uu ku xunyahay waxaa kamid ah matalaada Juquraafiga, isla xisaabtanka iyo awood badan oo xisbiyada la siiyo.

15 Xisibi ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan geliyay walina lama dhameystirin sharciyadda waxaana harsan waqti kooban iyadoo la tabayo howlo badan oo ku saabsan in dalka loo diyaaro doorasho qof iyo cod ah, balse wali lagu howlanyahay.

Bishii Maarso Sanadii 1969-kii oo laga joogo 50 sano ayaa Soomaaliya ugu dambeysay doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doortay Mudanayaal shacabka matalaya (90 mudane gobaladii koofur iyo 33 Mudane Gobaladii Waqooyi) waxaana ay ku timid tirakoob la sameeyay xiligii gobonimada oo dhamaan lagu sameeyay deegaan doorasho 8-dii Gobal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marka la eego baaxada ay leedahay in laga gudbo hanaanka 4.5 iyo caqabadaha waa weyn ee ku xeeran  waxeey u baahnatahay mas’uuliyad wadareed labada Aqal ee dowladda, xukuumadda, Guddiga doorashooyinka, Guddiga madaxa banana iyo shacabka.

Howlo badan ayaa horyaala dowladda gaar ahaa guddiga doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqeeyo waxaana sidoo kale muhiim ah in ay xoogga saaraan  dariiqooyinka ugu haboon ee dadweynaha lagu gaarsiin karo laguna fahansiin karo sharciga doorashooiyinka si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo dalka uu galo iyagoo tagaya deegaano kala duwan oo katirsan Gobalada dalka.

Arday jaceyl uu u qaaday haweeney xildhibaanad ah ku muteystay XABSI

Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa xabsi dhigtay arday la sheegay inuu Jaceyl u qaaday haweeney ka tirsan Xubnaha Barlamaanka dalkaasi.

Ardaygan oo lagu magacaabo Brian Isiko ayaa lagu xukumay xabsi laba sano ah, waxa uuna maxkamada ka hor qirtay in jaceylka uu u qaaday haweeneydaas uu sababay in interneedka uu u mariyo hanjabaad ka dhalatay Jaceylka.

Qoraalka hanjabaada oo lahorgeeyay Maxkamada ayaa waxaa ka muuqday erayo adag oo lagu soo celcelshay kuwaa oo qalqal amni galiyay haweeneyda laga soo doortay degmada kabalore Sylvia kwabwoogo.

Waxa ay iyana haweeneydan maxkamada ka hor sheegtay in ay markii hore qiyaali la aheyd sheegashada ah in wiilkasi uu u qabo jaceyl, hase yeeshee markii danbe ay rumeysatay kadib markii ay kala kulantay hanjabaad xunbaarsan jaceyl.

Sidoo kale, waxa ay maxkamada ka hor cadeysay in ay seexan weyday markii ay aragtay fariin ah in uu u dhimanayo jaceylka uu u qaaday hadii ay diidana uu dili doono.

Kiiskan jaceylka iyo hanjabaada u dhexeeya ayaa dalka Ugandha ka noqday mid hadal heyntiisu badan tahay, waana kiis ay ku wareertay maxkamada.

Dhinaca kale, Maxkamada oo xadgudub siyaasi u aragta kiiska ayaa xukun laba sano ah ku riday ardaygan lagu magacaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

Abiy Ahmed oo maanta ku wajahan magaalada Asmara ee Eritrea

Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Eritrea maalmo uun ka dib markii labada dal wadahadallo ay ku soo af jarayaan colaaddii labaataneeyaha sanadood ka taagnayd soohdinta u dhaxaysa ay bilaabeen.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.

Source: BBC