Shaacin: Dhul ballaarsiga casriyaysan ee OROMADA
Gudoomiyaha maxkamadda sare oo markii u horeysay diray fariin hanjabaad ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf, ayaa markuu ugu horeysay diray hanjabaad ku aadan la dagaalanka shaqsiyaadka ku howlan falalka la xiriira musuqa.
Guddoomiye Baashe Yuusuf waxa uu sheegay in musuqa jira aawgii ay sameynayaan galal cusub waxa uuna ka digay in awooda Garsoorka loo adeegsado dadka shacabka ah.
Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay ku kordheyso dacwado lid ku ah Garsoorayaasha waxa uuna cadeeyay in mararka qaar loo soo gudbiyo shacab badan Garsoorayaal uu qariyay magacooda.
Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka aysan aheyn goobo dhaqaalo loo soo doonto cid alaala iyo cidii ku fikireysana uu kula talinayo in ay shaqada isaga tagto oo ay Shaqooyin kale ka raadsato, sida uu hadalka u dhigay.
“Nidaamka maaha inaan ku dhabar jabino shacabkena cidii ka tirsan Garsoorka ee aan ku helnaa kiis laga abuurayo dhaqaale waxa ay muteysan doonta in la horgeeyo sharciga”
Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan halkaan u nimid in aan ugu adeegno Shacabka Soomaaliyeed si cadaalada ah balse umaanan imaan in aan dhaqaale ka tacbano ummada Soomaaliyed ee tabaaleysan sidaasi darteed cid alaala cidii Garsoorka dalka u timid in ay dhaqaalo ka sameysato, ha isaga tagto ee Ganacsi ama sahqooyin kale ha abuurato”.
Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in lagu kala bixi doono sharciga, isla markaana aysan dooneynin inay ku xadgudbaan shaqsiyaad gaar ah.
Haddalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid lagu doonaayo in mugdiga looga saaro musuqa baahsan ee ka dhex jira Hay’adaha Garsoorka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Warqad: Musuq-maasuqa DF ee shirkadaha Xajka iyo go’aanka Sacuudiga (Aqri)
Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xoogan ayaa ka taagan sidii xajka Soomaaliya lagu aadi lahaa kadib markii shaqsiyaad awood leh oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay billaabeen olole wax looga beddelayo shirkadihii dadka xajka u qaadi jiray.
Dowladda Soomaaliya oo fulineysa codsiga shaqsiyaadkan ayaa codsi u dirtay dowladda Sacuudiga, ayada oo doonaysa in ruqsad ogolaasho ah la siiyo shirkada Ocean oo dhowaan la aaas-aasay, meeshana looga saaro shirkadihii hore sida Jubba Airways iyo Daallo.
Shirkaddan ayaa waxaa saami ku leh rag aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Siyaad Maxamuud Shire, Cabdi Shakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan iyo Cabairizaaq Shoole, oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada.
Dowlada Sacuudi ayaa diiday inay ruqsad siiyo shirkadaha ay wataan raggan, waxeyna ku soo jawaabtay in dowladda Sacuudiga ay ogashahay kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo, oo muddo waday howshan.
Arrintan ayaa sidoo kale saameysay wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta oo shaqadiisa ku waayey, kadib markii uu ka horyimid qorshaha ka dhanka ah shirkadaha Jubba iyo Daallo.
Tallaabadan ayaa loo arkay mid magaca ka dhaawaceysa dowladda, ayada oo u kala xaglineysa laba ganacsi oo ay kala leyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, balse qabiil lagu kala doorbiday.
Arag Sawirada: Muxuu ku saabsanaa kulankii dhex maray Xasan & Farmaajo?
Ankara (Caasimadda Online) – Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo is arag ah oo labada Madaxweyne ay yeesheen, tan iyo markii 16 bishii February ee sanadkii hore ay xilka isku wareejiyeen.
Labada Madaxweyne ayaa kulanka xaalada uu dalku marayo, caqabadaha siyaasadeed ee dalka iyo inay iska yeeshaan mustaqbalka iyo horumarka dalka.
Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Page-kiisa Facebook ayaa lagu yiri.
“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna”.
Wararka la helayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeyn arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Arimo kale.
Xil ka-qaadistii Cabdicasiis xildhibaan iyo saddex arrin oo kaa qarsoon (Warbixin)
Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo.
Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis.
Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga.
Hadalkii la qoonsaday?
Xil ka tagistiisa ma ahayn mid kadis ku dhacday, waxayse ahayd arrin la filan karay kadib markii hadalo siyaabo kala duwan loo fasirtay uu warbaahinta ka sheegay Cabdicasiis Xildhibaan.
Isaga oo meel fagaaro ka hadlayay, lana hadlayay dhalinyaro caasimadda ku sugan, ayuu Cabdicasiis su’aal galiyay sida dowladda uga go’antahay sugista amniga “Sidee suurtogal ku noqotey in baabuurkaasi meesha soo gaaro?, la isma weeydiinayo” ayuu yiri Cabdicasiis oo ka hadlayay qarixii ka dhacay xarunta Otto Otto ee ay dadka ku dhinteen.
Halkaasi kuma uusan sii ekeyn hadalka, waa uu sii waday, wuxuuna yiri “Waxaan ka imid goob ka xasiloon, goob ka gaadiid qurxoon, ma rumeynaysaan afhayeenkii wasaaradda amniga ayaan ahay, 11 bilood wax mushaar ah maanan qaadanin, waxaan u shaqaynayaa, nafteydana u hurayaa in ay dadkayga badbaadaan”.
Biilka Boqoradda Ingiriiska
Cabdicasiis Xildhibaan waxa uu heystaa dhalashada dalka Ingiriiska, halkaas oo uu u degenyahay reerkiisa, wuxuuna yiri “Waxaan ahay aabbe, 10 carruur ah ayaa ii joogta, midka ugu yarna uu labo jir yahay, waxaan rabaa in ay ogaadaan asalkayga meesha uu kasoo jeedo, dal in ay leeyihiin, maanta uma baahna Soomaaliya, haddii aan dhinto xitaa boqorada (Ingiriiska) ayaa bixinaysa biilma ilmahayga”.
Hadal loo fasirtay in uu ugu duurxulayay mas’uuliyiintadowladda federaalka ayaa ahaa “Tuugo boorsooyin wata haddii aad doorataan maalin kasta oo idinka adeeganaysa, canshuurta idinka qaadaysa, uusana jirin wax adeeg dadweyne ah 30 sano ee lasoo dhaafay, aniga afhayeenka amniga ayaan ahay, ima weeydiinaysaan sida uu qaraxa ku dhacay, aniga subax kasta waan idin soo hortaagnahay, hoggaamiye kii xishoodo waaye, haddii ay guuldaro timaado waa in uu yiraahdaa hawshii aan ummadda u hayay waan ka tagay, weli ma aragteen mid is casilaya”.
Cabdicasiis Xildhibaan aragti ayuu ka qabaa mas’uuliyiinta uu isaga ka midka yahay ee baasaboorada ajniga heysta, ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri “Aniga qabiil ma ahi, beri haddii ay xabad dhacdo garoonka ayaan ka baxayaa, baasaboor ayaan wataa, adiga ma dhoofi kartaa?, marka nin baasaboor kale wata ha yeelina in uu idin soo hor istaago, maslaxada ummaddani kuma jirto”.
Madaxda ugu saraysa dowladda oo ay ka midyihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa haysta baasabooro dalal kale ah.
Lama oga in hadalkaasi qayaxan ee Afhayeenka la qoonsaday iyo in kale , sidaasina xilka looga qaaday, mise ahan afhayeenkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado.
Ninkii xilkaas kaga horeeyay Axmed Carab ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii uu u dulqaadan waayay xil gudasho la’aanta laamaha amniga, balse wasaaradda amniga ayaa xilligaas sheegtay in ay xilkii ka qaadday Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab).
Amniga Caasimadda
Xil ka tagista afhayeenka, ahaana la taliyaha wasaaradda ayaa waxa ay toosh ku ifinaysaa amniga caasimadda, halkaas oo dowladda federaalka la tacaalayso sidii ay u joojin lahayn falal amni daro oo soo noqnoqday, kana midyihiin qaraxyada ismiidaaminta ah oo kii ugu dambeeyay uu dhacay maalmo ka hor.
Waxaa magaalada ka hawlgala ciidamo lagu magacaabo xasilinta caasimadda, waxaana madax ka ah Prof Yaxye Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed, waxaana loo xil saaray in magaalada Muqdisho ay kusoo celiyaan amniga iyo kala dambeynta.
Inkasta oo lagu amaanay in ay qabteen hawlo badan, qaraxyadiina hoos u dhaceen, haddane weli si dhab ah looguma guuleysan in si rasmi ah loo joojiyo, waxaana dhaca falal amni daro iyada oo weliba ay shacabka ka cabanayaan waddooyin laga xiray, kuwaas oo ay dowladda ku fasirtay in arrimo amni sugis dartood loo xiray.
Xigasho: BBC Somali
Dhaarinta Erdogan kaddib, akhriso isbadallada cusub ee dalka Turkey ka dhacaya
Ankara (Caasimada Online) – Dhaarinta Madaxwene Recep Tayyip Erdogan kadib, dalka Turkiga waxaa uu galay marxalad cusub, waxaa uu noqday Nidaam Madaxweyne, waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017.
Dhaarinta kadib, Madaxwene Recep Tayyip Erdogan waxaa uu magacaabay xubnaha cusub ee golihiisa fulinta.
Liiska Waaxda Fulinta:
Madaxweyne ku-xigeenka: Fuat Oktay
Wasiirka Cadaaladda: Abdülhamit Gül
Wasiirka arrimaha dibadda: Mevlüt Çavuşoğlu
Wasiirka arrimaha gudaha: Süleyman Soylu
Wasiirka Difaaca: Hulusi Akar
Wasiirka Maaliyadda: Berat Albayrak
Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka: Fatih Dönmez
Wasiirka Warshadaha: Mustafa Varank
Wasiirka Ganacsiga: Ruhsar Pekcan
Wasiirka Deegaanka: Murat Kurum
Wasiirka Waxbarashada: Ziya Selçuk
Wasiirka Caafimaadka: Fahrettin Koca
Wasiirka Gaadiidka: Cahit Turan
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska: Mehmet Ersoy
Wasiirka shaqda iyo Qoyska: Zehra Zümrüt Selçuk
Wasiirka Beeraha: Bekir Pakdemirli
Wasiirka Dhalinyrada iyo Sportiga: Mehmet Muharrem Kasapoğlu
Liiskan cusub ee Wasiirrada waxaa ay xilka la wareegi-doonaan July 10., 2018.
3 Arrin Oo Laga Wal-wal Qabo:
Madaxwene Recep Tayyip Erdogan, keliya awoodihiisa kuma koobna fulinta ee waxaa ay u gudbayaan sharci-dejinta iyo garsoorka, taasi oo keeni karta inuu isticmaalo awoodo saa’id ah.
Madaxwernaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu xilka la wareegay iyada oo shaqada laga ceyriyay 18,600 qof oo shaqaalaha dowladda ah
Dadka shaqada laga diray waxaa kale oo ku jira, 9,000 oo Booliis ah, 6,000 oo ciidamada qalabka sida ah, waxaa kale oo la xiray 3 waregeys, hal Telefeshin iyo 12 jamciyad.
Waxa kale oo su’aalo badan laga keenay magacaabista uu wiil sodihiisa ah uu u mgacaabay wasiirka maliyadda.
Oromada oo gowracday Soomaali badan kadibna la diiday in meydadka la aaso
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa sheegaya in dabley hubeysnaa oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ay gowraceen dhalinyaro Soomaali ah.
Dableyda hubeysnaa ayaa gowracay 5 Soomaali ah waxaana lasoo sheegayaa in falka gowraca uu ka dhacay tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Ethiopia.
Shanta ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysnaa oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud.
Nabadoon Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in falkaani gowraca ah uu sii hurinaayo colaada ka dhexeysa Soomaalida iyo Oromada.
Waxa uu sheegay Nabadoonka in wali uu socdo dagaalka Soomaalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan.
Sidoo kale, Oromada ayaa la xaqiijiyay inay diideen in goobta laga qaado meydadka Shanta Soomaalida oo weli yaala Tuulada lagu gowracay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii xoogeysanaaya colaada Soomaalida kala dhexeysa Qowmiyada Oromada waxaana adag in xal loo helo dagaalka labada dhinac.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Aqri: Maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha oo shaqada laga joojiyey
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaarayo shabakadsa Caasimada Online ayaa sheegayo in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf Jaalle.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Mr Yuusuf Jaalle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay salka ku heyso is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha iyo qorsha la rabo in lagu soo nooleeyo Somali Airlines oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada
Abaabulka uu wado R/W Abiy Ahmed oo lagu cirib tirayo dalka Soomaaliya
Soomaaliya kama mid aha dalalka Africa ee isku tashtay kuwaa oo sameeyay isbadal xoog leh iyagoo u midooway ilaalinta Qaranimadooda gaar ahaan waxaa Soomaaliya ay ku guul dareysatay in ay wax kabarato dalalka deriska la ah sida Kenya, Itoobiya iyo dalka koofurta Suudaan.
Waxaa Soomaaliya ay u kala qeybsantahay maamul maamul, waxeyna lakala safanyihiin dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh iyagoo ka ilaalinaya Soomaalida iney Midowdo.
Tan iyo markii Abyi Ahmed uu noqday Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu cafsi u fidiyay maxaabiistii mucaaradka ee xabsiga ku jirtay sidoo kale waxa uu la heshiiyay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi isagoo ka hortagaya kala qeybsanaan iyo burbur.
Howlo dar dar leh ayuu la soo baxay Ra’isul wasaare Abyi wuxuu heshiiso dalkiisa anfacaya la saxiixday dalal dhowr sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Eriteriya oo uu soo afjaray colaadii ka dhaxeysay labada dal, waxaana dhamaantood ay ku saabsan yihiin heshiisyadaasi in dakadahooda Itoobiya maalgashato si ay u isticmaasho.
Soomaalida kuma baraarugsana dowladaha Imaaradka Iyo Sacuudiga oo Ra’isul wasaaraha Itoobiya la abaabulaya in dhulka, badda , dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu daro wadanka Itoobiya.
Booqashadii koowaad ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimaado Soomaaliya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ka saxiixday heshiiska Afar Dekadood markii uu dalkiisa ku laabtayna waxa uu sheegay in labada dal la mideynayo.
Sidaas darted waa in ay kuu muuqataa in Booqashada labaad ee Ra’iusl wasaaraha Itoobiya ku iman doono Soomaaliya iney ahaato mid madaxda dalka uu kaga dhaadhaicinayo in Soomaaliya Iyo Itoobiya Midowdo, maxaa yeelay Abyi Ahmed herar aan caadi aheyn ayaa la socda sida dalalka quwadaha leh ,iyadoo la ogyahay in si xoog ah oo sharci darro ah iney shidaal kaga soo saaratay Itoobiya dhulka aan ku muransanahay ee Ogaadeeniya oo labada dal ay ku dagaalameen.
Waa in laga hortagaa oo ay tashadaan dadka soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga iyo Koonfurta soomaaliya inta aan dhulkooda bada iyo bariga la hoos keenin Abysinia-yada cusub ee Qarniga 21-aad.
W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Israel oo aqbashay codsigii Sacuudiga ee ka dhanka ahaa madaxweyne Erdogan
Qudus (Caasimada Online) – Israel ayaa ka fakareysa inay qaado tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada hay’adaha Turkish-ka ee gargaarka ka wada magaalada Qudus, si looga hortago saameynta madaxweyne Erdogan, sida uu qoray wargeyska Times of Israel.
Arrintan ayaa timid kadib codsi ay Sacuudiga, Jordan iyo kooxda Mahmoud Abbas u jeediyeen maamulka Yahuudda, ayaga oo uga digay in Erdogan uu doonayo inuu qabsado Qudus.
Golaha amniga qaranka Israel ayaa diyaarinaya qaraar ka dhan ah hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ee ka howlgasha Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.
Warbixinta ayaa sheegtay in sirdoonka Israel ay rumeysan yihiin in hay’adda TIKA ay xafiisyadeeda ku marti-gelisay xubno ka tirsan dhaqaaqa Islaamiyiinta, ayna lacag iyo akhbaaraad u gudbisay kooxda Xamas, inkasta oo tani ay u muuqato mid cudurdaar loogu sameynayo tallabada Israel.
Tallaabooyinka ka dhanka ah TIKA ee la qorsheynayo ayaa waxaa ka mid ah in la xaddido dhammaan dhaqdhaqaaqyada hay’addan, laguna qasbo inay fasax u qaataan mashruuc kasta oo ay fulinayaan.
Bishii tagtay, Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel.
Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus.
Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.
Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda.
Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]
Abiy Ahmed oo Cabdi Iley u gudbiyey warqad go’aan xasaasi ah uu ku gaaray
Jigjiga (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorsho lagu xiraayo Xabsiyada ku yaalla dhulka DDSI.
Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xiro Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”.
Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia.
Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa.
Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka.
Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaalo buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostii.
Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia.
Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xiran ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah.
Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]
SHARIIF Xasan oo qiray in Amisom ay ku fashilantay qorshihii ay u joogtay dalka
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay fashilmeen ciidamada AMISOM.
Shariif Xasan, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hana waayen amniga dalka gaar ahaan deegaanada maamulkiisa.
Waxa uu Shariif sheegay in ciidamada AMISOM ay isku furi la’yihiin xitaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo go’an, waxa uuna cadeeyay in wadadaasi ay dhibaatooyin badan ka jiraan, AMISOM-na ay joojisay isticmaalka wadada.
Shariif Xasan waxa uu intaa raaciyay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay muhiim u tahay shacabka Koonfur Galbeed, hase yeeshee ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ugu fashilmeen furista wadadaasi.
Sidoo kale, waxa uu Hoggaamiyaha ugu baaqay dowladda federaalka iney ka shaqeyso furista iyo nabadeynta wadadaasi, waxa uuna ku celcelshay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo.
Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer AMISOM la faray inay furto wadada hase yeeshee aysan ka bixin wax jawaab ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Madaxweyne Erdogan oo xil sare u dhiibay wiil ay xididi yihiin (Faahfaahin)
Istanbul (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo.
Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa.
Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.
Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]
Maxay tahay sababta uu Prof. Samantar uga qayb qaatey dagaalka Tukaraq?
Waxaa in badan oo dadka Soomaaliyeed ah la yaab ku noqotey in Prof. Axmed Ismaaciil Samantar uu booqasho ku tegey jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland halkaas oo dagaallo culus ay ka dhaceen bishii May 2018, ilaa haddana u socdo diyaar garow dagaal.
Prof. Axmed ayaa khudbad kooban u jeediyey ciidanka Somaliland waxaana uu ku boriyey in y difaacaan xuduudka, waxaana uu ku yaboohay 50 neef oo adhi ah in uu ugu deeqay dhiirigelinta ciidanka.
Dhulka Soomaalidu degto waxay u kala qaybsan yihiin beelo, haddaba dhulka uu booqday ee dagaaladu ka socdaan waxaa deggan Beesha Dhulbahante oo ciidamo badan ay ka joogaan jiida dhanka Puntland kuwaas oo dagaal ugu jira in ay xoreeyaan gobolka Sool, Adduunku waxa u ugu yeeraa gobaladaas meel muran ku jiro sababta ayaa ah koox kamid ah beesha oo xilal ka haya labada maamul.
Haddaba waxaa la is weydiinayaa sababta ku xanbaartey aqoonyahankanka tirsan Xisbu xaakimka Somailaland in uu ka qayb-qaato dagaalada tukaraq ka socda? ma fikir isaga ka yimid ayaa mise waxa uu donayaa in uu beddelo wacyi siyaasadeed ee jira.
Prof. Axmed Ismaaciil Samantar oo shaqadiisi hore ka bilaabey Weriye laanta afsoomaaliga ee BBC ayaa muddo dheer ahaa macalin ka tirsanaa Macalester College ee dalka Maraykanka, sanadkii 2011 waxa uu ku dhawaaqey Xisbi siyaasadeed oo la magacbaxay Hiil Qaran. Prof. Samatar si lamid ah walaalkiis waxa u kamid ahaa codadka ugu dhaadheer ee ka so horjeeda Somaliland iyo qaddiyadeeda gooni isu taaga.
Sanadkii 2012 waxa u kamid noqdey Baarlamaankii Soomaaliya, waxaana uu u tartamey xilka Madaxweynaha waxaana uu helay 8 cod oo keliya, muddo kadib waxa uu ka baxay Baarlamaanka kadib markii uu kamid noqon waayey golihii wasiirada oo aad u daneynaayey in uu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo markaas oo la magacaabey Fawsiya Yusuf.
Sanadkii 2015 Prof. Axmed Ismaaciil waxa uu u diga rogtey maamulka Somaliland, muddo kadibna waxa uu ku biirey xisbiga Kulmiye, laakiin nasiib darro waxa uu aad u doonaayey in uu noqdo Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka taas oo iyaduna noqotey mid uu ku fashilmey. Tan iyo markii uu u wareegay Somaliland wax xil ah kama qaban aan ka ahayn in uu kamid yahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Haddaba sababta ku xanbaartey Prof. Samatar in uu qayb ka noqdo dagaalka Tukaraq ayaa la aaminsan yahay in ay laba arrimood ay keentay mid isaga ka timid iyo mid laga codsadey.
- Dagaalka Tukaraq ka socda iyo duulaanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi soo qaadey 8 Janaayo ayaa lagu shaabadeeyey in ay yihiin mid ay wadaan laba beelood oo kamid ah Somaliland kuwaas oo samaystey dalada Jeegaan, haddaba si wax looga beddelo fikirkaas caalamkana loo tuso in dagaalka loo dhan yahay ayaa Madaxtoyada Hargeysa ku qal-qaalisey Prof. Samatar in u ciyaaro kaarkiisi u danbeeyey.
- Arrimnta labaad ; waxaa jira tuhun weyn oo hoggaamiyaasha Somaliland ka qabaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo 70 sano ku gaarey ka soo horjeedka qaddiyadda Somaliland, waxaana uu qoraalo badan iyo dacwadoba ka sameeyey xasuuqii jamhadda SNM ay ka geystaey gobolka Awdal, haddaba maadaama muddo saddex sano ah uu uu ku sugnaa Somaliland wax xil weyn ah aanu qaban ayuu u arkaa fursaddii u danbeysey ee lagu aamini karo in qaddiyadu ka dhab tahay uuna ka qayb-qaatey dagaalkii ka socdey jiida Tukaraq.
Waxaa is weydiin mudan, maadaama beesha Dhulbahante ay u arkaan cidanka Somaliland iyo wakiilnimada Beesha Hargeysa sheeganayso xuduudka mid ka dhan ah jiritaankooda, dadnimadooda iyo kala lahaanshaha dhulka waxaana la is weydiinayaa farrinta Axmed Ismaaciil u dirayo beeshaas, dhaxalka ay ku reebi donto ka qayb-qaadashada dagaalka Tukaraq ee uu deeqda geeyey.
Prof. Samanter oo noqdey Bare Jaamacaedeed, ahaa nin furfuran oo ka qaybqaata doodaha Soomaalida, mararka qaarkood kabanka ciyaara oo leh cod debecsan, noqdey Xildhibaan Soomaaliyeed, noqdey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadibna dib ugu noqdey fikirki uu diidanaa muddada dheer ee kala goynta dalka Soomaaliya, waxay maanta ka mareysaa in xayn adhi ah uga qayb-qaato dagaalka Tukaraq.
W/Q: Maxamed Cismaan
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Maxaa R/W Abiy Axmed u qabsoomay 100 maalin ee uu xilka hayo? (Warbixin)
Isbadalo waaweyn ayaa ka socda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’isulwasaare Abiy Axmed 100 maalmood ka hor.
Haddaba waxa aan halkan idinkula wadaagaynaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay Ra’isulwasaaraha iyo tallaabooyinkii uu qaada
2 Abriil 2018
Abiy Axmed wuxuu hor yimid baarlamaanka, waxaana loo dhaariyey inuu noqdo ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee federaalka Itoobiya, todobaad ka dib markii loo doortay guddoomiyenimada xisbul-xaakimlka EPRDF. Khudbadiisii ugu horreysay ee 36ka daqiiqo socotay ayuu ku codsaday midnimo, wuxuuna tilmaamay isbeddello uu qaadi doono.
ISHA BBC
DP World oo xil qaadis ku sameysay ninkii dekadda Berbera ugu qaabilsanaa…
Hargeysa (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maamulka shirkada DP World ay xil ka qaadis ku sameeyen Xisaabiyaha guud ee shirkada u fadhiyay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.
Xisaabiyaha Dekadda Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa xilkaasi laga qaaday kadib markii uu isfahan’waa dhexmaray isaga iyo maamulka Dekadda waxaana xigay xil ka qaadistiisa.
Maamulka DP World ayaa si KMG ah xilka laga qaaday Iimaan Yuusuf Iimaan ugu magacaabay nin kasoo jeeda dalka Senegal oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada.
Warar hoose ayaa sheegaya in Iimaan Yuusuf Iimaan uu ka hor imaaday ku tagrifal awoodeed oo uu kala kulmay maamulka shirkada taasina ay dhalisay in lagu sameeyo xil ka qaadis degdeg ah.
Shirkada DP World ayaa lagu eedeeyay inay ku amar taagleyso shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Dekadda, taa oo kala fogaanshu ka dhex abuurta maamulka iyo shaqaalaha.
Sidoo kale, shirkada DP World ayaan jirin cid kala hadli karta ku tagrifalka shaqaalaha, waxaana xusid mudan in madaxda Somaliland aysan awood u laheyn faragalinta howsha shirkada.
Docda kale, Shirkada DP World ayaan dhag jalaq usiin amarada kasoo baxay madaxda dowlada kaa oo lagu mamnuucay hanaanka khaldan ee shirkadaas ay uga howlgaleyso Dekadda Berbera.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]
Afhayeenkii wasaaradda amniga oo xil ka qaadis lagu sameeyay
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay xil ka qaadis ku sameysay Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan).
Afhayeenka oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in dowladda Somalia ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaadayo.
Afhayeenka ayaa sheegay in warqadaasi ay uga imaaday Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah kahor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaas.
Waxa uu sheegay inuusan jecleen inuu lasii shaqeeyo Dowlada, sidaa aawgeed uu xilka mar hore isaga casilay iminkana ay soo baxday warqad xilka looga qaaday.
Sidoo kale, Afhayeenka xilkiisa waayay ayaa laba cisho ka hor warar aflagaado ah hawada u mariyay Madaxda ugu sareysa dalka taa oo la aaminsan yahay inay soo dadajisay xil ka qaadistiisa.
Dhinaca kale, sababta ugu weyn ee xil ka qaadista Afhayeenka ayaa lagu sheegay inay tahay inuu ka been sheegay dowlada isla markaana carab dhabay in 11 bil uusan qaadan Mushaar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo looga digay arrin laga cabsi qabo inuu sameeyo
Nairobi (Caasimada Online)-Xildhibaanka u matala aqalka Barlamaanka Degmada Kamakunji ee Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi Yuusuf Xasan oo ka qeybgalay kulanka magaalada Nairobi loogu qabtay Kenya ayaa ka digay in Qalbi-Dhagax uu sabab u noqdo kala geynta Soomaalida.
Xildhibaan Yuusuf Xasan, ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uu heysto fursado badan, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay inuu ka shaqeeyo wanaaga midnimada Soomaaliyeed., isla markaana ka fogaado wixii kala fogeynkara Umadda.
Xildhibaan Yuusuf Xasan, waxa uu Sargaalka ONLF Abdikariim Sh Muse Qalbi-Dhagax, u cadeeyay in dantii laga lahaa aysan aheyn la shaqeynta mucaaradka dowlada Somalia iyo dhinacyo gaara balse laga doonaayo inuu isku geeyo dowlada iyo jihooyinka mucaaradka ku ah si aan loo laqdabeyn dowlada iminka u curatay Somalia.
Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo ka hadlay xaflad ka dhacday mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ugu baaqay Qalbi Dhagax in fursada uu heesto uu uga faa’ideeyo mideynta umada Somaliyeed.
Xildhibaaanka Kamakunji ayaa waxaa uu sheegay in aysan dani ugu jirin xiligaan shacabka Soomaliyeed tafaraaruq iyo kala tag balse loo baahan yahay in dadka indhaha u ah in ay marwalba ka shaqeyaan midnaanta si ay u soo noqoto karaamada iyo sharafta umada.
“Qalbi-Dhagax anaga kuuma taageerin inaad kala goyso Soomaalida waa inaad ka fogaataa kala geynta isla markaana taageertaa Somalia oo mid ah”
Geesta kale, Abdakriim Qalbi Dhagax oo maalmo ka hor gaaray magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kadib markii laga sii daayay xabsi ku yaal wadanka Ethiopia ayaa waxaa loo dhigayay xaflado lagu soo dhaweynayo in uu Markale Xornimadiisa Helay.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii qarsoodiga ahaa ee Abiy Ahmed iyo ONLF?
Asmara(Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria uu ka dhacay kulan khaasa oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ONLF.
Kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay ku dhawaad laba saac ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu furay albaabka wadahadal iyo wax wada qeybsiga.
Kulanka labada dhinaca oo banaan joog ay ka aheyd warbaahinta ayaa looga wadahadlay sida ONLF ay qeyb uga ahaan laheyd dowlada Abiy isla markaana wax ula qeybsan lahaayen dadka kala duwan ee kasoo jeeda dalka Ethiopia.
Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.
Abiy Axmed ayaa Saraakiisha ONLF ee uu la kulmay u xaqiijiyay in dowladiisu ay diyaar u tahay wadahadal iyo wada shaqeyn, waxa uuna ku celcelshay in kulan khaasa oo kan ka weyn uu ku qaban doono magaalada Addis Ababa.
Wasiirrada uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.
Sidoo kale, magaalada Asmara ayaa xarun u ah Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.
Dhinaca kale, ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]
Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre 22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood.
Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.
Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan:
1: Shirkadda Daalo Airlines
2: Shirkadda Jubba Airways
3: Shirkadda Ocean Airways
4: Shirkadda African Express
5: Shirkadda Freedom Airlines
Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka.
Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka.
Waxaase soo ifbaxday in shirkadaha cusub ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya oo horay aan u jirin.
Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka Shirkadaha Jubba Airways iyo Daalo Airlines, ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar).
Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda.
Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo:
1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro.
2) in sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida.
Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daalo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka.
Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn oo waxaa go’aan lagama gaarin arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan.
Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir ee Islaamku ku dhisanyahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]