25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Saameynta xiriirka Somalia & Ethiopia ee ururka ONLF (7 su’aal oo jawaab mudan)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Jabhada Xoreynta Gobalka Ogaden ee ONLF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay kaalin hormuud uga qaadan la heed isbedelada cusub ee ka socda dalka Ethiopia kadib markii laga qaaday Sumadii Arga-gaxisada lana sii daayay Maxaabiistii ku xirneed magaca ONLF, lagana dalbay in ay hubka dhigaan kana qeyb-qaataan Siyaasada cusub ee Ethiopia.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan:

1-ONLF Siyaasada ma ku matali-doontaa Magaca Somaaliya iyo Halgankii dheeraa ee soo dhex maray Somaaliya iyo Ethiopia! Mise waxa ay ku matali-doonaan Gobal gaar ah iyo Beel gaar ah?

2-Magaca ONLF oo beddelay Jabhadii Xoreynta Somaali Galbeed WSLF Siyaasada ma ku matali-doonan dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Somaali Galbeed?

3-ONLF maxey kaga duwantahay Jabhaddii SNM ee ku bilaabatay Wadaniyad iyo Somaalinimo kuna dhamaatay Gobalaysi iyo Beelaysi 1991?.

4-Mirihii halgankii Taariikhda dheer socday ma ku dhamaanayaa jagooyin la siiyo Madaxda ONLF mise waa sii soconayaa?

5-Kaalintee ayey ka qaadan-doontaa ONLF xiriirka dawladda Somaaliya iyo Ethiopia kaalin Posative ah mise mid Negative ah?.

6-ONLF ma gudi-doontaa abaalkii Somaaliya u gashay mise waxa ay ka mid noqon-doontaa Siyaasada Ethiopia ee ku aadan Somaaliya?

7-Qalbi-dhagax oo helay taageerada Somaali badan ahna Muwaadin labada dal ee Somaaliya iyo Ethiopia kee baa kaw u ah? Waxna ma ka bedeli-doonaa xiriirka labada dal? Mise waxa uu la safan-doonaa Ethiopia kaliya?

Waxaan wada ognahay markii la sii daayey Qalbi-dhagax ONLF waxa ay Libinta sii daynta siisay Ethiopia mana xusin dadaalkii iyo qayla-dhaantii dadka Somaaliyeed iyo Barlamaanka labada Aqal! Bedel-keedana waxa ay eed u jeediyeen dawladda Somaaliya! Halka Qalbi-dhagax iyo dadkii Somaaliyeed ee soo dhaweeyay ay aad u amaaneen una bogaadiyeen RW Abiy Ahmed iyo Beeshiisa Oromada! Halka ay ka eedeeyeen Booqashadiisii uu Muqdisho tegay iyo Is fahamkii labada dawladood!

Hadaba waxaa suurta gal ah in ONLF bedesho maamulkii ka haray Tegreega ee Gobalka Somaalida Zoonka 5 aad! Waxaana dhici kara in Madaxweyne Cabdi M. Cumar lagu bedelo Mujaahid Qalbi-dhagax ama Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kadibna ay noqdaan buundada isku xirta Somaaliya iyo Ethiopia ee Somaaliya maxay ka filan kartaa????.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Madaxweyne Donald Trump oo dalka Soomaaliya usoo magacaabay danjire cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia.

Madaxweyne Trump ayaa Danjire u magacaabay Donald Yukio Yamamoto oo horay uga soo shaqeeyay dalal dhowr ah.

Danjiraha cusub ee uu soo magacaabay Trump laguna magacaabo Donald Yukio Yamamoto ayaa da’diisa lagu sheegay 65-jir waxa uuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii.

Waxa uu danjirahaani mar soo noqday Madaxa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire KMG ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.

Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale Magacaabida danjirahaani ayaa timid iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo lagu wado inuu ka shaqo galo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa khibrad fog u leh danaha Mareykanka ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ciidankii Imaaraadka uu kala diray oo arrin halis ah ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in dhibaato ay soo food saartay ciidamadii ay horay u tababari jirtay dowlada Imaaraadka ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho.

Illo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in ciidamada ka haray kuwa shaqada ka tagay eryinta Imaaraadka kadib ay iminka iibinayaan Hubkooda.

Ciidamadan oo aan qaadan mushaar ku filan ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada lagu kala iibsado Hubka kuwaa oo suuq geynaaya qoryihii ay siisay dowlda Imaaraadka.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in iibinta Hubka loo xiray ku dhawaad Sagaal askari, oo ku andacoonaya in dowlada Somalia ay kala kulmeen mushaar aan joogto aheyn iyo lacag yari, maadaama ay mushaar fiican qaadan jireen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in askartaasi ay caan ku ahaayen qoriga nooca loo yaqaan “Cali shucaac” ay iminka isaga iibinayaan dhaqaale xumid soo foodsaartay.

Askartaan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Hubka ee Cirtoogte, Zoobe iyo dhabarka danbe ee dhismihii ay ka guurtay Wasaarada Amniga kuna dhow taalada daljirka daahsoon.

Hubka ay iib geynayaan askartan ayaa qalqal amni ku haya magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in lagu kala iibsanaayo dhaqaale aad u yar, maadaama dowlada Imaaraadka ay u fasaxday qoryaha.

Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa horay suuqyada magaalada ugu fasaxday ku dhawaad laba kunteenar oo ay ku jiraan hubka noocyadooda kala duwan.

Geesta kale, dowlada Somalia gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaan ka feejigneyn halista ka dhalankarta Hubka ay iibinayaan ciidamada uu kala diray imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

4 arrin oo aan ka fahanay khudbadii Qalbi-Dhagax iyo saameynta kooxda Daljir

Cabdikariin Sheekh Musse oo magac dheer Qalbi-dhagax maahan mid maqalkisu nagu cusub yahay. Tobanki bilood ee lasoo dhaafay xaaladdiisu waxay ahayd mid haraysay sheeko maalmeedka ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba.

27ki Agoosto 2017 ayay ahayd maalinti iigu horraysay ee aan maqlo magaciisa iyo jiritaankiisaba. Waa maalinti loo gacan galiyay cadowga Soomaaliyeed, waana maalin dhaawacday karaamadi ummadda soomaaliyeed daqarna ku dhufatay sharafta madaxda xilka hayso.

Soo dayntiisi ka dib wuxuu jeediyay qudbad isagoo joogo magaalada Nayroobi ee Kiinya. Qudbadaan ayaa ahayd mid aad loo sugayay maadaama la filayay inuu faahfaahin doono sideey wax u dhaceen iyo cidda sida rasmiga loogu eedayn karo dhiibistiisi. Waxaa si gooni ah loo naawilayay inuu bidhaamin doono kaalimihii ay madaxweynaha iyo raysul waraasruhu ka cayaareen dhiibistiisi iyo soo dayntiisi.

Xalay ayaan dhagaystay qudbadi oo duuban. Waxaa ka hormaray dad badan oo masuuliyiin ah kuwaas oo waddada usii xaaray hadalka masuulka loo hammuun qabay. Waxaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan soomaaliyeed oo matalo xaafadda Kamaguuji ee Nayroobi.

Qalbi-dhagax oo hadalkiisi ku furay xamdi Eebbe salliga Suubbahana ayaa jeediyaya qudbad qiiro iyo xamaasad leh. Wuxuu ku hadalay cod fasiix ah, afsoomaali saafi ah iyo erayo loo meel dayay sifiicanna looga fiirsaday sida loo yiri. Dhowr qodob ayaan rabaa inaan ka iraahdo waxaan ka fahmay hadalkiisi.

Diblomaasi

Qalbi-dhagax hadalkiisu wuxuu ahaa mahad-celin uu u jeedinayay soomaalidi taageertay meel walba oo ay joogeen. Wuxuu isku dayay inuu ka fogaado inuu wax ka taabto arrimihi aadka loo sugayay ee ahaa cidda ka masuulka ahayd dhiibistiisi. Marki uu yara galay sidi lasoo qabtay iyo ihaanadi lagu sameeyay ayuu dhexda iska qabtay isagoo yiri “waxaan xamaasadaysanahay marka inuu hadal iga dhacdhaco ayaa laga yaabaa. Aan usoo noqodo mahad-naqaygi.  Arrimahaas mar kale ayaan si faahfaahsan ooga hadli doona”.

Waxaa fiiro dheer mudan sida uu isu ilaalayay iyo sida uu isu qabtay isagoo dhiiggiisu aad ku kacsanyahay. Arrintaan maahan mid aan ku barannay soomaalida. Caadiyan waxaan naqaannay in qofka soomaaliga ah markuu dhib gaaro uu afka ku ciil baxo kuna hadlo erayo baabi’iyo taageeradi loo muujiyay. Xasuuso qudbadii Cabdiraxmaan CabdiShakuur uu jeediyay marki xabisga Xamar laga sii daayay.

Aragtidayda waxaa isoo baxday inay dhowr arrimood ay ka qayb qaateen habka uu u hadlay halyeey Qalbi-dhafax. kow, inuu helay lataliyayaal waxgarad ah kuwaas oo  tusaaleeyay siduu u hadli lahaa. Labo, inuu yahay ruux daggan oo miisaan culus taasoo sahashay inuu qaato waanadi ciddi lasoo talisay, waayo hadduu yahay qof fudud wixii loo sheegayba inta illaawo ayuu bad gali lahaa.

Saddex inuu yahay nin yaqaan meesha laga hadlo, cidda lala hadlo iyo goorta la hadlo. Tusaale, inuu fahamsanaa inay ceeb tahay inuu hadallo dumarka iyo caruurta ka oohiyo uu jeediyo waqti lala faraxsanaa imaanshihiisa; iyo inuu dareensanaa in hadalkiisu qiimo beelayo haddii uu isagoo qiiraysan oo ilmaynayo uu shaqsiyaad magacaabo, taasoo ay u badnaan lahayd in laga soo qaado hadal uu yri nin ciil qabo oo xanaaqsan.

Afar, wuxuu sheegay in dhawaan la qori doono buug ku saabsan noloshiisa kasoo dabooli doono dhamaan su’aalihii loo baahnaa. Marka laga yabaabo inuu doonayay inuusan buugga ka hor dhicin waxa uu qabana isago dagan oo kaligiis iyo cidda ka qorayso kaliya ah uu yiraahdo waxa uu rabo taasoo u sahli karto in laga ilaaliyo gaf iyo khalad isaga ka dhaco. Iyo ugu danbayn inuu rabo inuu siyaasadda galo sidaas darteedna uusan ka dhicin hadal hadhow caqabad ku noqon doono.

Han siyaasadeed

Waxaa muuqatay inuu leeyahay han siyaasadeed oo sare. Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shaqadi caamka ahayd ee dadka soomaaliyeed u hahay, halganki iyo middaynta soomaalida. Taasoo ka dhigan kama bixin arrimihii siyaasadda. Laakiin waxaa muuqato inuu baddalay qaabki halganku ahaa oo wuxuu yiri waxaan aaminsanahay in xalka lagu raadiyo wadahadal, lagana fogaado dagaal aan dhammaad laahyn oo aan waxba keenayn. 

Hadalkaan ayaa muuqaday inuu ku tilmaamayo inuu ka tanaasulay halganki hubaysnaa ee uu muddada kusoo jiray taasoo u oggolaan karto inuu qayb ka noqdo xisbiyada siyaasadeed ee ka jiro dhulalka soomaaliyeed. Waxaanse kala caddayn inuu rabo inuu usoo istaago hanashada kursiga madaxweyne ee Soomaaliya  iyo inuu rabo inuu u tafa xayto sidii uu  Soomaaligalbeed xornimo u gaarsiin lahaa isagoo marayo hab ka duwan kii hore.

Mahadnaqi iyo ammaanti uu u jeediyay raysulwasaaraha Itoobiya, sheegidiisa inuu sii wadayo halgankii xornimo doonka Soomaaligalbeed iyo bidhaamintiisa inuu ka tanaasulay halgankii hubaysnaa waxay tusayaan inuu rabo inuu kasoo dhex muuqdo siyaasadda Soomaaligalbeed.

Dhinaca kale, hadalkiisi uu ku caddeeyay inuu yahay muwaaddin soomaaliyeed, doonayo horumarinta iyo samata-bixinteeda iyo isu keenidda soomaalida; ammaanta uu jeediayay Soomaalilaan (Soomaalilaand waa meeshi ay ka billaabatay dhiibisti mujaahidiinta ONF, tirada ugu badanna laga dhiibay) iyo ugu yeeriddisi soomaalida kale inay horumarka kaga daydaan Soomaalilaan waxay tilmaamaysaa inuu leeyahay hammi ka sarreeyo mid gobal uuna doonayo inuu kasoo muuqdo loollanka kurisga madaxweynaha Soomaaliya. Kuu yahay waqtigaa sheegi.

Saamaynta Daljir

Ilaa maalintuu yimid Nayroobi waxaa hoosta ooga jiray xisbiga ku kacsan dowladda ee Daljir. Waxaa muuqato inaysan wali ku guulaysan waxay ka rabeen oo ahayd helidda xog ay ku dagaal galaan. Hasa ahaatee waxaa jiray erayo tilmaamayay inay si un u saameeyeen. Tusaale, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu dalka oo dhan safar dhulka ah ku mari doono. Wuxuu sheegay inuu safarkaas ka billaabi doono Dhuusomareeb, Boosaaso sii mari doono ilaa Dumayra uuu tagi doono.

Ma uusan soo qaadin inuu Xamar tagi doono. Haddii uu Soomaaliya wada marayo Xamar ayay ahayd meesha mudan bilowga. Sababta keentay inuu Dhuusomareeb oo xarun u ah meeshi laga soo qabtay dhibka ugu badanna ONF loogu gaystay ka billaabo safarkisaa waxaan tuhmayaa inay tahay talo ka timid Daljir isaguna uu aqbalay si uu iyaga u qanciyo.

Meel Su’aal mudan

Guud ahaan hadalka Qalbi-dhagax waa hufnaa, wuxuuna ahaa hadal ku habboon saacaddi uu hadlay. Hasa ahaatee waxaa jirtay meel aan is iri maxaa wacay inuu sidaas yeelo. Mar uu ka hadlayay halganka gobonima doonka soomaalida wuxuu sheegay inuu soo bilowday qarnigii lix iyo tobnaad ila maantana uu socdo. Kacdoonnadi kala duwanaa ee waqtiyadaas dhacay mid walba wuxuu ku cabbiray hoggamiyihii dagaalkaas marki laga reebo kii 77.

Tusaale, wuxuu yiri halgankii Axmed Gurey, Halgankii Sayid Maxamed laakiin markii usoo gaaray halgaankii 77 wuxuu yiri dagaalkii ay qaadeen ciidamada iyo shacabka soomaaliyeed, afkiisana waa uu ka ilaaliyay inuu sheego Maxamed Siyaad oo dagaalkaas hoggaaminayay. Dhibaatooyin badanba ha laga tirsadee inuu Maxamed Siyaad dagaalkaas qaaday cidna dood kama qabto intaan ogahay, marka ammaan iyo dhaliilba isagaa iska lahaa hoggaanka dagaalkaas.

Iima cadda sababta. Laga yaabo inuu raali galinayay qaarka mid ah dadka dhagaysanayay ama dhagaysan doono oo Maxamed Siyaad dhib ka tabanayay. Haddana waxaan is iri ma sayid Maxamed ayaa ammaan loo wada hayaa. Waxaa dhici karto inuu qaatay dhaqanka soomaaliyeed ee ah in qofkii uu khalad ka dhaco la xaqiro wanaaggiisi oo khaladka kaliya la sheego. Haddana waxaan is iri ma Sayid Maxamed ayaa khalad yaraa mise Axmed Gureey ayaa macsuum ahaa.

Ujeedkaygu maahan inaan isbarbardhigo hoggaamiyayashaas noolaa waqtiyo kala duwan kuna noolaa duruufo kala duwan ee waxaan isku dayayaa inaan fahmo sababta keentay inuu doorto qaabka usoo gudbiyay dhacdooyinkaan maadaama uu iila muuqdo nin hubo waxa uu ku hadlayo.

Ugu danbayn, soo daynta Qalbi-dhagax waa faraj Ilaahay furay. Inkastoo dhiibistii ay tahay nabar ku dhacay Soomaalida oo aan waligiis bogsan doonin, haddana waxaa kasii darnaan lahayd isagoo xabsi ku dhinto. Sida uu isaguba sheegay waxaan rajayanayaa inay noqoto musiibadii ugu danbaysay ee nagu dhacdo.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Heshiiska dalalka Ethiopia iyo Eritrea ma caddeynaa in DF aysan qalad sameyn?

Farmaajo oo sheegay in hal arrin oo keliya uu ka filan karo madaxweyne Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga dibna ugu soo laabtay dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto kordhinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada Turkiga.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay qeyb weyn ku leedahay taariikhda dalka, waxa uuna arrin lama hiraana ku sheegay laba jibaarka xiriirka iminka kala dhexeeya dalkaas.

Farmaajo waxa uu cadeeyay in dowlada Turkiga ay uga dhow dahay dowlado badan oo dhaca qaaradaha adduunka, waxa uuna taasi ku micneeyay garabka ay ka heleen sanadihii abaarta iyo xiligaanba.

Isaga oo ka hadlaayay arrintaasi ayuu yiri “Somalia Turkiga kama fileyso dhib waxaanu ka fili karno waa keliya inay garab nagu siiso waxyaabaha qabyada naga ah”

“Dowladeydu wey ka shaqeyn doontaa sida looga faa’iideysan lahaa fursadaha ay nasiineyso dowlada turkiga si aan uga gudubno dhibaatooyinka na heysta”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay tababarada iyo dhismooyinka isdabajooga ah oo Turkidu ay kawado Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisu aysan gudi Karin abaalka Turkiga.

Geesta kale, waxa uu ballanqaaday inay kor u qaadi doonaan xiriirka kala dhexeeya Turkiga iyadoo mar waliba laga faa’iideysan doono khibrada uu dalkaasi u leeyahay dunida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

3 arrin oo laga faa’iidayo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya dhex-maraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa arrin muhiima ku sheegay in dib usoo nooleynta xiriirka Somalia kala dhexeeya dalka Shiinaha.

Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ay xiligaan ahmiyad gaara u aragto inuu soo laabto xiriirkii soo jireenka ahaa ee kala dhexeeyay dalka Shiinaha, waxa uuna carab dhabay in xitaa Geeska Africa ay muhiim u tahay iskaashiga Shiinah.

Cawad waxa uu sheegay in Somalia ay garaneyso waxa u dan ah, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin cid ay Somalia kala tashaneyso hormarkeeda, maadaama ay tahay dowlad madax-banaan oo xor ah.

Axmed Ciise Cawad oo tilmaamayay ahmiyada iskaashiga ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in xiriir taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

Waxa uu carab dhabay in iskaashiga ay dowlada Somalia la sameyneyso Shiinaha uu leeyahay faa’iidooyin gaar ah waxa uuna ku sheegay 3 oo kala ah:-

1-Dowlada Somalia oo aan heysan mid lamida Shiinaha maadaama dhismooyinka kaabayaasha dhaqaale iyo waddooyinka ay gacanta ku heyn jirtay dowlada shiinaha.

2-Xiriirka Somalia iyo Shiinaha oo sanado badan jirsaday, iyadoo hanaanha iskaashi ee shiinaha uu yahay mid ay ka bixikarto Somalia oo aan heysan dhaqaale ku filan.

3-Shiinaha oo ahmiyad gaara u arka Somalia oo ku taal goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, waxa ay hoos u dhigeysaa dhaqaalaha ay Somalia ku bixin laheyd dib usoo nooleynta kaabayaasha maadama ay Somalia gorgortan ku galeyso kheyraadkeeda.

Sidoo kale, Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in mar waliba mowqifka dowlada uu yahay inay ka faa’ido dowladaha ka quwada badan, si ay uga soo kabato dhibta burbur ee wali ka jira dalka.

Haddalka Wasiir Cawad ayaa muujinaaya in dowlada Somalia ay ahmiyad gaara u aragto inay soo ceshato xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeyay dalka Shiinaha oo taariikh ku leh Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayaa loo soo badbaadiyey rakaabkii diyaarada dhacday, Alaska

Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada waxaa la badbaadiyay Rakaab la socday diyarad ku dhacday buurta Mount Jumbo ee gobolka Alaska ee dalka Maraykanka.

Diyaaradan ayaa waxaa dadkii la socday badbaadiyay ilaalada xeebaha ee Maraykanka kuwaa oo tiro ahaan lagu sheegay 11 ruux.

Saraakiisha ilaalada oo dhacdada kadib ay xigteen wargeysyada ayaa sheegay in shilka uusan qof  ku dhiman balse dhawr ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markay diyaaradoodii dhacday.

Dhicitaanka diyaarada kadib waxaa la xaqiijiyay in buurta laga howlgaliyay ilaa iyo labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, iyagoo ku guuleysta samatobixinta dadka la badbaadiyay.

Waxa ay wararku intaa kusii darayaan in Rakaabkii diyaaradda la socday laga helay meel dhulka ka saraysa 609 mitir, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Maraykanka.

Warbaahinta ETHIOPIA oo shaaciyey xaqiiqda sida loo ceyriyey Jeneral Gabre

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka Opride.com oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Ethiopia, ayaa faahfaahin iyo xog aad u dheer ka qoray qaabkii Colonel Gebregziabher Alemseged ama Jeneral Gebre looga ceyriyey Soomaaliya.

Website-ka ayaa sheegay in magacaabistii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaraaha Ethiopia ay billow u ahayd inuu soo dhammaado waqtigii Gebre ee galaangalka siyaasadda Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa u dhaqaaqay inuu shaqada ka ceyriyo saraakiil badan oo musuq maasuq iyo xadgudubyo kale lagu tuhmayey, ayada oo ay jirto Gebre lagu eedeeyey inuu xasuuq ka gaystay Soomaaliya.

Dadka shaqada laga ceyriyey waxaa ka mid ahaa General Samora Younis, oo ay aad isugu dhowaayeen Gebre, kana soo wada shaqeeyeen dagaalkii Soomaaliya lagu qaaday 2006.

Sida wargeysku leeyahay, booqashadii Abiy Ahmed uu 16-kii June ku tagey Muqdisho, kulana kulmay Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku yeelatay in Gebre meesha laga saaro.

In kasta oo aysan caddeyn, haddii Farmaajo si rasmi ah Abiy u weydiistay in Gebre la cayriyo, haddana website-ka wuxuu leeyahay, Farmaajo ma uusan qarin sida uu u neceb yahay Gebre.

Markii la doortay bishii Febraayo ee 2017, ayaa wixii ugu horreeyey ee uu sameeyey Farmaajo waxay ahayd inuu Gebre ka mamnuuco inuu cag soo dhigo Soomaaliya, sida uu qorayo Opride.com. Ayada oo taas uu ku guuleystay Farmaajo, ayaa hadda website-ka wuxuu leeyahay, kuma qanacsaneyn in xitaa Gebre uu kasii shaqeeyo IGAD.

Kulankii IGAD ee 21-kii June ka dhacay Addis-Ababa, oo Farmaajo uu ka qeyb-galay, islamarkaana Gebre uusan cag soo dhigin, ayaa sii kordhisay shakiga ku saabsan in Farmaajo dalbaday xil ka qaadista Gebre, ayuu leeyahay website-ka.

In xilka laga qaaday ka sokow, in Gebre lagu soo dabaacay qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation, ayaa muujineysa in hadda iyo waqti ugu soo dhow uusan kusoo laaban doonin siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolkaba.

Warbixinta wargeyska Opride.com oo dheer halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

 

Aqriso: Guddoomiyaha BF oo soo saaray WARQAD muhiim ah oo ku saabsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa lagu wargaliyay xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Shalay ayay qorshaha aheyd in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Guddiga dastuurka Somalia oo shaaciyey farogelin lagu hayo (Yaa ka dambeeya?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu wareejinaayay qeybtii ugu horeysay ee howlaha dib u-eegista Dastuurka dalka.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Xildhibaanada guddiga la socodka Dastuurka ee labada aqal ee Baarlaamaanka, Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wasiirka Dastuurka.

Maxamed Daahir Afrax oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dibu eegista Dastuurka ayaa sheegay in Guddiga uu bilaabay dadajinta howlaha loo igmaday ee dastuurka.

Waxa uu yiri “Waxaa leygu wareejiyay qeybtii ugu horeysay ee dib u-eegista labaad ee cutubyada Dastuurka Qeybtaas oo ah shanta cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay faragelin uu sheegay in lagu hayo shaqadii loo Igmaday Guddigooda.

Waxa uu sheegay Senatorka in loo Gacan dhaafay Howshii loo xil saartay Guddiga, Isagoo dhinaca kalena sheegay ineysan Jirin cid wax ka qabaneysa Cabashadooda oo mudooyinkanba soo taagneyd, dhowr jeerna ay Gaarsiiyeen Cida ay quseyso.

Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka labadiisa  Aqal, ayaa sidoo kale sheegay ineysan lamid eheyn Xukuumadaha Heer Federal iyo Dowlad Goboleed, balse iyagu ay yihiin Guddi Shaqo loo dirsaday islamar ahaantaasina aaney heysan wixii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Si Kastaba, Guddigan uu Gudoomiyaha u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay Caqabado Shaqadooda heysta, iyadoo wali loo dhag raaricin la’yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdi Iley oo ku dhawaqay go’aan laga gaaray xabsigii laga qeyliye ee Jail Ogaden

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer “Jeel Ogaadeen”, wuxuuna sheegay in masaajid loo badali doono.

Isbedelada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sababtay in ay isku-soo dhawaadaan Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya oo mudo Sanado ah wada dagaalamayey,waxana sidoo kale Xabsiyo ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siidaayey Boqolaal ruux oo ay ku jiraan dad ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo daba socda qorshaha isku-soo dhawaasha iyo isbedelada ka jira dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in lasiideyn doono dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga kaas oo loo yaqaano “Jeel Ogaadeen”,.

Warbixinta ka kooban 88 bog islamarkaana ay dhawaan soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeeniya” .

Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “jeeyl Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

Tallaabada lagu siideynayo dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga iyo isbedelada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey dadka ku nool dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya iyo meelahaa ka baxsan intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Hakinta hawlgalka Tukaraq ee madaxweyne GAAS, iyo damaca muddo kororsiga

Shacabka Puntland oo si weyn uga dhiidhiyey duulaankii Somaliland ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyo hanjabaadii ka timid Maamulka Muuse Biixi ayaa su’ aalo badan iska weydiinaya hakadka ku yimid dhaq dhaqaaqii Puntland dooneysay inay ku xoreyso dhulka horey loo qabsaday gaar ahaan gobalka Sool.

Tan iyo 8dii bishii Janaayo ee sanadkan oo ku beegnayd xiligii ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii Puntland xili shacabka Puntland ku mashquulsanaayeen soodhaweyntii wafdigii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa socday dhaq dhaqaaq ciidan oo ay xoogiisa wadeen beelaha ku dhaqan gobalada Puntland oo iskood isu abaabulayey, kuwaasi oo ciidamo badan geeyey gobalka Sool iyo waliba xoolo ay ugu deeqeen ciidamada Puntland.

Dadaalkaasi ka yimid beelaha Puntland ayaa ahaa kii sababay in isbedal ku yimaado dhawaaqii kasoo baxayey Maamulka Muuse Biixi oo horey ugu hanjabad in ay tagi doonaan caasimada Puntland iyo Garowe.

Xukuumada Puntland oo iyadu ku dhawaaqday in dagaal ay u geli doonto xoreynta gobalka Sool ayaa baaqyo kala duwan u dirtay shacabka Puntland inay garab istaagaan ciidamada difaaca, baaqyadaasi oo ay shacabka si mugleh uga jawaabeen, iyagoo ku deeqay hub, ciidan, saanad iyo xoolo.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaalooyinka ay ciidamada Somaliland qabsadeen sida Laascaanood ayaa ka jawaabay baaqyadii kasoo baxay xukuumada Puntland, iyagoo dhigay banaanbaxyo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo looga soo horjeedo Somaliland kuwaasi oo ka dhacay xarunta gobalka Sool, ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay tiro badan oo dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaa iyaguna jiray weeraro hubeysan oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood oo ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda magaalada oo taageersan dhaq dhaqaaqa Somaliland looga saarayo gobalkaasi.

Hadaba xiligan ayey shacabka Puntland su’ aalo badan iska weydiinayaan dib u dhaca ay keentay xukuumada Puntland oo ay hogaamiyaan Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Kuxigeenkiisa Eng.Cabdixakiim Camey oo xiligan u muuqda inay ka gaabsadeen duulaan xiligan lagu qaado fariisimaha Somaliland ka sameysatay deegaanka Tukaraq oo wax ka yar 80km u jirta caasimada Puntland ee Garowe.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in arrintan ay la xariirto culeyska Beesha Caalamka ay ku saartay dowlada Puntland in la joojiyo dagaalka gobalka Sool, balse waxaa iyaguna jira warar isa soo taraya iyo tuhumo la xariira in xukuumada Madaxweyne Gaas sida ay daacad uga tahay qorshahii xoreynta Sool, arrimahan oo ay shacabka Puntland billabeen inay si weyn ugu falanqeeyaan baraha Bulshada ku sheekaysato.

Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Puntland oo la doortey shan sano ka hor yaa lagu doortey barnaamij siyaasadeed oo uu wax ka qabanayo Amniga, hagaajinta dhaqaalaha, dhismaha ciidanka, daryeelka arrimaha bulshada, la dagaalanka Musuqmaasuqa,hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan iyo midnmada Puntland ee dib u soo celinta magaalooyinka xukuumadihii hore lagala wareegay ee ka tirsan Puntland. Haddaba iyada oo la marayo malamihii u danbeeyey ee xilka loo dhaariyey ayaa la is weydiinayaa waxa ka hirgalay ballan qaadkiisi iyo dhartii uu shacabka u qaadey, sida Dhaqaalaha Puntland heerka uu maanta taagan yahay, Amniga, dhismaha ciidanka, la dagaalanka Musuqa, so celinta deegaanada maqan iyo hirgelinta nidaamka Dimoqraadiyadda.

Xiriir kala duwan oo lala sameysey saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga Tukaraq oo waxna looga weydiiyey dareenka shacabku ka qabaan hakinta hawlgalka ayaa waxay sheegeen in xukuumadda baaqeedi si weyn looga jawaabey, loona diyaar garoobey in Sool laga xoreeyo Somaliland, laakiin aysan ka soo dhamaan Madaxtooyada Garoowe, iyagoo ka gaabsaday inay ka hadlaan in arrintan la xariirto arrimo siyaasadeed iyo dano kale.

Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas markii horeba aanu dagaalka diyaar u ahayn, taas oo ay tusaale u tahay qaabka dagaalku ku bilowdey 15 May 2018, isaga oo ku maqan magaalada Baydhabo.

Gaas ayaa docda kale ku argagaxay cududa militari iyo hubka ay ku jiraan gaadiidka dagaalka ee badan oo ay keeneen beelaha Puntland kuwaasi oo hadda noqday ciidamo ka baaxad iyo cudud badan ciidamadii ay dowlada Puntland geysay Tukaraq, isla markaana u arkeen xubnaha Xukuumada talada heysa in hawlgalkan uu waji kale yeelan karo hadii qaabkan lagu dagaal galo iyo cidda hantiyi doonta guusha xoreynta Sool oo hubaal ah inay saameyn weyn ku yeelan doonto Doorashada 2019.

Waxaana la rumeysan yahay in dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka madax banaan xukuumada talada heysa ay sidoo kale caqabad iyo jidgooyo ku noqotay qorshe la hadal hayey oo ahayd in xukuumada Gaas iyo Camey codsadaan muddo kordhin ku aadan xaalada dagaal ee lagu jiro.

Mucaaridka damacsan inay u tartamaan doorashada 2019 ayaa sidoo kale ku lug yeeshay abaabulka ciidan ee socday isla markaana ka qeyb qaatay ololaha ay wadaan beelaha ciidamada ku deeqay, middaasi oo cabsi dheeraad ah ku abuurtay hogaanka sare ee dowlada Puntland.

Xogta Muddo kororsiga ee Madaxweyne Gaas oo si weyn isu soo taraysa inkasta oo isagu aanu ku dhawaaqin ayaa keeni karta cawaaqib xumo ku habsata Puntland, marka la eego ciidamo beeledyada aadka u tirada badan ee Dowladdu durbaanka u tuntey, marka la eego xiisadahii ka dhashay isku dayayadii muddo kororsiga ahayd oo ay damceen xukuumadihii ka horeeyey tan hada joogta iyo waxybaaihii ka dhashey ayaa la oran karaa maanta ayeyba ka sii khatar badan tahay, marka la eego dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

LASACO QAYBTA LABAAD EE MAQAALKAN

W/Q: Hussein Farah
Horseed Media

Muxuu Yusuf Garad ka yiri qunsuliyadaha dalka Kenya ee Kismaayo iyo Hargeysa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qunsuliyado ay dowladda Kenya qorsheyneyso inay ka furato ka furato magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa sideeddii bishan shaacisay faahfaahin ku saabsan qorshaha Kenya ee qunsuliyadahan. Halka akhri warbixintaas.

Qoraal uu facebook soo dhigay ayuu Yuusuf Garaad ku yiri:-

“Kenya waxay Afrika iyo Asia ka fureysaa 16 Xafiis Ergo-Diblomaasiyadeed oo hor leh. Waxay isugu jiraan Safaarado midkood laga furayo caasimadda Djibouti, Qunsuliyado iyo laba xafiis oo ay ka fureyso Hargeysa iyo Kismaayo.

Diblomaasiyiin culus oo lix ka mid ah ay hore u ahaan jireen Wasiirro ayaa qaban doona xilalkaas, sida ay ay qorayaan Wargeysyadu.

Dhankeenna Soomaaliya dhowr iyo tobanka Safaaradood ee Danjire laawayaasha ah waxaan rajeynayaa in iyagana dhowaan la buuxin doono oo labada mas’uul ee waaxda Fulinta ee dalka ugu sarreeyaa ay howlmaalmeedkooda mashquulka ah ay ku darsan doonaan magacaabidda Danjirayaal na matala.

Xiriirka laba waddan ka dhexeeya meesha ugu horreysa ee laga akhrisan karo waa wejiga uu leeyahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Safaarad sannad ku-dhowaad amaba ka badan ahayd Danjire la’aan, iyo Safaarado ku yaal caasimado muhiim ah laakiin aan xataa hal diblomaasi joogin ma ahan sida ugu qurxoon ee lagu kobciyo xiriir wax wadaqabsi oo laba dal dhex mara.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqri: Muxuu ahaa ujeedka kulankii Keating iyo safiirka Imaaraadka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cuthmaan iyo ergayga gaarka ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

Warbaahinta dalka Imaaraadka ayaa sheegay in Labadan mas’uul ay ugu horreyn ka wadahadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradda iyo sidoo kale xafiiska UNSOM.

Sidoo kale, waxay Labadan dhinac ka wadahadleen sidii looga shaqeyn lahaa in Soomaaliya laga taafeero amniga, degnaanshiyaha iyo sidoo kale horumarka.

Wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta (WAM) ayaa sheegtay in Keating uu ku booriyey Imaaraadka iney sii wadaan teegeerada ay siiyaan Soomaaliya sida dhinacyada Bini’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, Safiir Maxamed Al-Cuthmaan ayaa uga mahadceliyey Michael Keating sida uu ugu soo booqday xafiiskiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Abiy Axmed oo shaaciyay waxa lagu beddeli doono xabsiyada ku yaala DDSI

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka DDSI.

Amarka lagu xiraayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xiritaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xiraa tuhmanayaal iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF.

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, waxa uuna ka digay in burburinta qololka Xabsiyada iyo guud ahaan dhismaha laga dib dhigo xiliga loogu tallo galay.

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada.

Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected] 

Xog: Cadaalad darrada iyo musuqa garsoorka iyo maxkamadaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa meelaha ugu muhiimsan ee dal laga qiimeeyo sidoo kalena uu ka xasilo marka si hufan  oo cadaalad ah ay u shaqeynayaan hay’adaha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqsiga.

Dacwado farabadan ayaa yaala maxkamadaha dalka, qaarkood sanado ka hor ayaa loo gudbiyay xaakimyada iyo dadka ku shaqada leh dacwad qaadista, walina lama furin,  sababo la xiriira lacago laaluush ah oo dacwad walbo lagu furo, iyo qaar waxaa jira aan la qaban amaba aan la furin hadii qofka ama hay’dda dacwadda laga gudbiyay ay bixiso l laaluush ah oo ay qaadanayaan madaxda hay’adaha garsoorka iyo Xaakimyada maxkamadaha heer gobol iyo heer dagmaba.

Cabasho badan ayeey shacaku ka gudbiyeen hay’daha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka , dad badan ayaa lala wareegay hanti ay lahaayeen si aan xaq aheyn amaba lagu xukumay sanado badan  oo xabsi ah waxeyna u xeran yihiin si sharci darro ah, qaarna xabsiyada ayaa laga sii daayay iyagoo dambi leh balse laaluush laga qaatay, kuwo kalena cafis ayey maxkamaduhu u fidisaa marka laaluush ay dhibaan.

Qof si sharci darro ah lagu xeray oo dadkii soo xeray ay lacag laaluush ah xabsiga ugu taxaabeen oo Caasimadda Online wareysatay ayaa inoo sheegay in lagu waayay wax dambe ah markii  baaris lagu sameeyay laakiin   3,000 oo doller  ay uga baxday inuu xuriyadiisa dib u helo  sidaasna waxaa ku wargelisay  maxkamadda.

Dadka laga tirada badan yahay, kuwa aan dhaqaalaha badan heysan iyo dadka dacwadda ka gudbiya shaqsiyaad magac leh, waa kuwo ugu daran ee la kulma cadaalad darrada xita qareenka ay qabsadaan laaluush ayaa lagu aamusiyaa.

Si lamid ah xabsiyada, musqmaasuqa wuxuu ka bilowdaa marka qofka xabsiga lagu xerayo, qol fiican in laguugu xero hadii aad rabto waxaa kaa xiga cadadka lacagta aad bixiso, askariga qoraya Obiga wuxuu kaa rabaa lacag, wax walba oo u baahato intaad ku jirto xasbiga waxaad ku heli kartaa inaa laaluush bixiso si laguugu keeno,-sidoo kale hadii maxkamad laguu gudbinaya waa sidaas oo kale lacag farabadan ayaad shubeysaa.

Dadka maal qabeenada ah ama xigtada ay yihiin kuwo wax kala garsooraya aad ayaa loogu fududeeyaa marka dacwad ay gudbisanayaan, waana loo soo dhiciyaa wixii ay cabsho ka yihiin, waxaana dhif iyo naadir ah hadii mas’uul dowladeed uu dambi galo in dacwadiisa  maxkamadda qabato, laakiin dadka danta yar ee cabashada qaba ee aada Maxkamadaha dhag jalaq looma siiyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu horay u balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono adeegga garsoorka iyo Maxkamadaha dalka oo cadaalad darro badani ay ka jirto, oo wali wax isbadal ah aan lagu sameynin.

Sababaha ugu weyn ee keentay cadaalad darrada baahsan ayaa ah in shaqsiyaad  aan aqoon u laheyn arimaha dacwadaha iyo maxkamadaha oo howsha iska heysta iyadoo aan lala xisaabtamin xitaa lagama war qabo , iyagoo sideey doonaan wax u dhiga kaliya qiimeeya cadadka lacag ee dacwad walba wadato, waana masiibo u baahan in si deg deh ah wax looga qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Feysal Cali Waraabe: Inaan Soomaaliya la midowno waxaa nooga roon dalka…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Engineer. Feysal Cali Waraabi ayaa daboolka ka qaaday inay adkaan doonto in Somaliland ay dib ula midowdo Somalia inteeda kale.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in Somaliland ay ka niyad goosatay Somalia, sidaa aawgeed aysan waxba u arag wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay Feysal Cali Waraabe in la midoobida Somalia ay ka doorbidayaan la midoobida dalalka kale ee xaduuda kala dhexeysa Somaliland.

“Adeer wey nooga dhamaatay Xamar waxaanu ka doorbideynaa inaan la midowno wadamada kale aanu xadka wadaagno”.

“Somaliland wakhtiga ayey reer xamarku ka dhuminayaan anaguna waxbaa noo cad dooni meyno inaan wadahadal danbe la galno Somalia”.

Feysal ayaa sheegay in carruurta Somaliland xitaa aysan wali ilaabin dhibaato uu carab dhabay inay kala kulmeen Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka hortaagan tahay ictiraafka.

“Somalia inaan la midowno iskaba daaye carruurteena ayaanba ilaawin waxa naga dhexeeya waxaan xamar ugu baaqeynaa inay tashato anaga noo ogolaato xoriyadeena”

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee la shaqeeya dowlada Somalia uga digay inay faragishtaan howlaha aan khuseyn maadaama aysan xamar u dhalan, isla markaana ka carareen Somaliland.

Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu sii hurinaayo khilaafka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Shaacin: Dhul ballaarsiga casriyaysan ee OROMADA

Sida Taarikhdu Tibaaxayso Dhul Balaadhsiga Oramadu Wuxuu Soo Bilowday Qarnigii 16aad, waxaana Sabab U ahaa Dhawr arimood oo ay kamid ahaayeen Hanaankii iyo Xeer dhaqameedkii GADA SYSTEM oo inta Badan Bulshada Nolosheeda Gacanta Ku Hayay Sidoo kale Waxaa Loo Sababeeyaa Koriinka iyo Taranka Bulshada Oo Xawli ku socday islamarkaana Sababtay inay Dad Badani Guryo Deganaansho Waayaan.
Dhulkii u horeeyay ee Oromo qabsato wuxuu bilawday 1530 Kadib markii Boranadu Qabsatay #Bali, Sidoo kale intii udhaxaysay 1530-1538 Waxay Oramadu Qabsatay #WABI.
Intii Udhaxaysay 1562-79 Oromada oo uu hogaaminayo  HARMUFA GADA Waxay Weeraro is Daba jooga ku Qaaday Goobaha ay kamid ahayeen #Angot #Amhara iyo #Bagamender .
Waxay Taarikhdu Xusaysaa in Dhul balaadhsigii Oromadu Ku Hungoobeen Soomalida islamarkaana iska Caabin Badan kala kulmeen Maamulkii #Adal Balse Qoomiyadaha #Tigreega Iyo #Amxaaradu waxay Lumiyeen islamarkaana Lagala Wareegay Dhulalka #Shewa iyo #Dawaro( Arsi).
Hadaba Sida Aan Ka Milicsan Karno Taarikhdii Hore Oromadu Waligoood ba Waxay Ahaayeen Qoomiyad u hanwayn inay Qabsadaan Dhul Balaadhan islamarkaana Isku balaadhiyaan, Waxaanan Odhan karnaa Qorshihii Hore ee In xoog lagu Qabsado wuxuu ka hirgalay Guud ahaan Itoobiya, Qoomiyad kastana waxay Duudsiiyeen Xaqoodii iyagoo Garab ka Helayay Maamuladii kala Gadisnaa Ee Soo Maray Gaar ahaan  (Haile Selase iyo Menelik).
Kadib Markii Uu Dhicisooobey islamarkaana laga Hungoobey in Soomalida Dhulkeeda Boqol kiiba Boqol gacanta lagu Dhigo waxay Oromadu La Timid Xeelad Cusub oo Aad looga soo Shaqeeyay islamarkaana Si Casriyaysan Qorshihii Hore lagu Soo Gunaanado .
Waxaana Tusaale cad kuugu Filan Oromadu Waxay sheegataa ilaa Ber-Bera, Hargeysa,Xamar iyo waliba ilaa Buurta #Dumeera Ee Jabuuti, Taasina Waxay ku Tusaysaa Damaca iyo Hungiriga Aan loo Meel Dayin Ee Maamulkooda, Aqoonyahankooda iyo Culimadoodu Wadaaagaan.
DHUL BALAADHSIGA CASRIYAYSAN EE QARNIGAN
Sida Aan wada Ogsoonahay Qarnigan waa Qarnigii Maskaxda iyo Aqoonta Lagu Maamulalay Caalamka, Maadama Xoogii Dagaalkii Oromo 50% Qorshaheedii ugu Qabsoomay Waxaa Si Cilmiyaysan Layskula Qaatay In Dhamayatirka Qorshihii Qabyada ahaa Lagu Gunaanado Istraatijiyad Casriyaysan Oo Dhinacyo Badan Looga Meel Dayay.
Hadaba Qorshahan oo Aad ubalaadhan ayaan Idin La wadaagayaa Qayb Kamida Siyaabaha Casriyaysan Ee Lagu Qabsanayo Dhulka Soomalida .
#QODOBADA
1. In Soomalida lagu Dhex Milmo Dhanka dhaqanka iyo Diiinta
2. In Soomalida La Baro Luuqadaha Afka Oromada
3. In Soomalida Dhalan Rogota Loo Adeegsado kuwa Kale Sida Hada ka Taagan Goobo Badan( Soomali Soomali Dilaya)
4. In Dhanka Siyaasada Had iyo Jeer Xilka Loogu Dhiibo Soomali Caade Qaata Oo Fuliya Rabitaankooda.
5. In Dhaqaalaha Deeganka lala Qaybaso Laguna Dhex Daraado #Sirdoon Sida Jaariyadaha Guryaha Ka shaqeeya
Isku soo wada Duuboo Waxaa Marag Ma Doona in Yoolashii laga Lahaa Inta Badan laga midho dhaliyay islamarkaana lagu Guulaystay.
Walow Qormadan Aan Si Qoto Dheer ugu Lafa guri Doono Qaybta labaad Hadanaa waxaa Tusaale cad kuugu Filan Magaalada #DireDawa Oo Taliska Cusub ee hada ku tilmaameen Mid Oromo leedahay islamarkaana  Aqoonyahan koodu ku doodayaan in la tirtiro hanaanka Kuraaasta loo Qaybasado Ee 40-40-20 Oo ka dhigan Afartan Oromo, Afartan Soomali iyo Labaatan Qowmiyadaha Kale iyagoo ku Andacoonaya islamarkankaana Ku Talinaya in Soomalida #Garaha xilka Magaalada Raysal wasaruhu udhibo Maadama 90% Ku Hadlaan Afka Oromada.
Waxaan Si Kooban uga Dheehan Karnaa Hamiga oromada Khariirada Hooose
W/Q Mahamud Sigad

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo markii u horeysay diray fariin hanjabaad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf, ayaa markuu ugu horeysay diray hanjabaad ku aadan la dagaalanka shaqsiyaadka ku howlan falalka la xiriira musuqa.

Guddoomiye Baashe Yuusuf waxa uu sheegay in musuqa jira aawgii ay sameynayaan galal cusub waxa uuna ka digay in awooda Garsoorka loo adeegsado dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay ku kordheyso dacwado lid ku ah Garsoorayaasha waxa uuna cadeeyay in mararka qaar loo soo gudbiyo shacab badan Garsoorayaal uu qariyay magacooda.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka aysan aheyn goobo dhaqaalo loo soo doonto cid alaala iyo cidii ku fikireysana uu kula talinayo in ay shaqada isaga tagto oo ay Shaqooyin kale ka raadsato, sida uu hadalka u dhigay.

“Nidaamka maaha inaan ku dhabar jabino shacabkena cidii ka tirsan Garsoorka ee aan ku helnaa kiis laga abuurayo dhaqaale waxa ay muteysan doonta in la horgeeyo sharciga”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan halkaan u nimid in aan ugu adeegno Shacabka Soomaaliyeed si cadaalada ah balse umaanan imaan in aan dhaqaale ka tacbano ummada Soomaaliyed ee tabaaleysan sidaasi darteed cid alaala cidii Garsoorka dalka u timid in ay dhaqaalo ka sameysato, ha isaga tagto ee Ganacsi ama sahqooyin kale ha abuurato”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in lagu kala bixi doono sharciga, isla markaana aysan dooneynin inay ku xadgudbaan shaqsiyaad gaar ah.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid lagu doonaayo in mugdiga looga saaro musuqa baahsan ee ka dhex jira Hay’adaha Garsoorka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]