25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Warbixin: Sheekh C/llaahi Maxamed Rooble oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa saakay waxa ay duleedka magalada Muqdisho ku dileyn nin Sheekh ah, kadib markii ay wadada u galeyn gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay gaari Noha ah, isla markaana ay rasaaseeyeen rag watay mootada loo yaqaano dhug dhugleyda, isla markaana ay baxsadeen.

“Isaga oo maraya meel u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa mootooyin lagu hor jaray gaarigii uu watay laguna rasaaseeyey, waxaa la saarnaa laba xaas uu qabay iyo walaalkiis, rag watay mooto dhugdhugledya ayaa wadada u galay weyna baxsadeen, wuxuu ahaa Sheekh ka tirsan culimada Suufiyada gaar ahaan qaadiriyada” ayuu yiri qof ka mid ah eheladiisa.

Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka SOMALILAND iyo Puntland u dhaxeeya oo mar kale maanta billowday

Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxa uu bilowday kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dayeen inay ku siqaan halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen meydadka Afar askari oo labada dhinac ah iyo dhaawacyada lix ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaaray Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale, Saraakiisha kala hogaamineysa labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo, waxa ayna ciidamada Somaliland qireen inay khasaro xoogan u geysteen kuwa Puntland.

Geesta kale, dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada labada maamul ay weli yihiin kuwo isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dowladdu ma 3 shirkadood dartood ayay kumanaan Somali ah u afduubeysaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xajku waa rukniga shanaad oo ay diinta Islaamku ku dhisan tahay waxaana uu waajib ku yahay qof walba oo Muslim ah ee awooda, sidaan wada ognahay boqlaal qof oo Soomaaliyeed  ayaa sanad walba   u diyaar garowday iney xajiyaan waxaana waqtigoodii sii dhaafinaya muran iyo isjiid jiid ay hormuud u tahay xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waligeed kama dhicin Soomaaliya oo dowlad ka dhisantahay in Xujeyda Soomaaliyeed waqtigan oo kale aan loo soo saarin dal ku galka ama  fiisaha Xajka, waxaana sabab u ah saddex shirkadood oo si aan sharci aheyn loogu daray nidaamkii xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn jiray iney ka dhoofaan Soomaaliya si ay u xajiyaan, waana shirkado la ogaaday iney xukuumadda ka dambeyso.

Shirkadaha lagu kala magacaabo  Ocean, Freedom iyo African Expreess ayaa lagu soo biiriyay shirkadaha Jubba iyo Daallo oo howlaha Xujeyda ku guda jiray in muddo ah,  waxaana ka hor yimid dowladda Sacuudiga oo sheegtay in aysan hadda qaabili karin shirkadahan cusub maadama la joogo  waqtigii ay dhoofi lahaayeen xujeyda.

Dowladda Soomaaliya wali go’aan cad kama aysan qaadan arimaha xajka ee taagan oo looga fadhiyay in ay maareyso maadaama boqolaal qof oo Soomaaliyeed sanad waliba xajiyaan, waxeyna u muuqataa in Xukuumadda ganacsi gaar ah ka leedahay saddexdan shirkadood ee la soo kordhiyay ee sababay dib u dhaca iyo tuhunka ah in aan Soomaaliya xaj laga aadin sanadkan.

Marka la eego danaha gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ujeedkeedu yahay in sanadkan in shirkadaha ay wadato lagu daro ama xajka la baajiyo, maadama laga rabay in shirkadaha cusub ay ku wargeliso in sacuudiga uu diiday heshiiska shirkado cusub oo Soomaaliya ka imanaya, waxaana si dar dar leh u socon lahaa howlaha xajka hadii loo dhaafi lahaa Jubba iyo Daallo oo shirkadaha cusub lagu soo biiriyay.

Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkado aan awood u lahayn in xajka ay u qaadaan dadka sidoo kalena ogolaansho ka haysan dowladda Sacuudiga  in qeyb laga siiyey daabulista dadka aadaya xajka, taas oo u guddigu sheegay in xukuumadda ka dambeyso iyadoo aan eegin nidaamka iyo habmaamulka u dagsan dowladda Sacuudiga.

Eex, qaraabakiil iyo musuq maasuq ayey guddigu sheegeen in shirkadahan loogu soo daray liiska oo laga rabay xukuumadda in shirkadaha duulimaadyada ay u  qabato tartan furan kuwooda daneenaya arimaha xajka iney ka shaqeeyaan.

Xildhibaan Cabdullahi Maxmaed Nuur oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in acmaashii waajibka ahayd ee xajka loo qal-qal geliyo raali gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah, waxaana la ogyahay  in Wasiirki labaad arrimahani  dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, taa oo banaanka keentay fadeexada musuq maasuq ee Ra’isul Wasaare Kheyre.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Doorashada Soomaaliya ee 2020: Damaca Imaaraatka Carabta iyo Sucuudigu ma suurta gali doonaa?

Isku daygii fashilinta xisbiga wadaniga/islaamiga ah ee xisbu nahdaha Tunis, taageeradii Xariiri, iskudaygii fashilinta Erdogan iyo Mahater kadib imaaraatka iyo Sucuudigu waxaa diiradda usaaran doorashada Soomaaliya ee 2020-ka.

Dalalka Malaysia, Lubnaan, Turkiga, iyo Tunis doorooshooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay waxaa jiray faragalin ay malaayiin doolar Ku baxday oo ay wadeen Imaaraatka iyo Sucuudiga, inkastoo uu fashilmay isku daygooda. hadana wuxuu ahaa iskudayo khatartooda leh oo ayba qaarkood Ku dhawaadeen in ay suurta galaan.

Sida qorshuhu yahay doorashada 2020-ka ee soo socota, Imaaraatka iyo Sucuudigu waxay damacsanyihiin abuurista xisbi ay Ku midaysanyihiin madaxda maamul goboleedyada, xisbiyada daljir&damuljadiid, iyo siyaasiyiinta taageersan aragtidooda, ayadoo lagu maalgalinayo dhaqaale xaddhaaf ah.

Inksatoo Imaaraatka iyo Sucuudigu damacoodu uu aad khattar uyahay hadana wada shaqaynta MD farmaajo iyo RW kheyre iyo taageerada ay shacabka ka haystaan markii la isku daro waxay uegtahay in uu fashilmi doono damaca Imaaraatka iyo xulufadooda Sucuudiga. sida ay ugu fashilmeen doorashooyinkii Lubnaan, Tuunis, Turkiga iyo Malaysia.

Dardargalinta iyo dajinta istiraatiijiyada uu Ku fuli lahaa mashruucaas ayaa baryahaanba si xawli ah uga Socday magaalada Nairobi ayyadoo halkaas ay isugu tageen Siyaasiyiin farabadan oo kakala socda garabyo siyaadeed ookala duwan.

W/Q: Sacad Cabduqadir Awmagan.

Kenyatta: Madaxda DF iyo maamulada waxay Somalia u horseedeen arrin xun

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay halka ay ka quransan tahay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in is aaminaad la’aan ka dhex jirta ay meesha ka saartay in nabad ay helaan dadka Soomaaliyeed, taa oo sahli kartay in la soo afjaro dhibaatada ragaadisay dalka.

Waxa uu hadalkan la wadaagay Thomas Waldhauser oo ah taliyaha howlgalka Mareykanka  u qaabilsan qaaradda Africa (AFRICOM), isagoo xusay in uu sii xumaanayo xeriirka u dhaxeeya dowladda Federalka ah ee  Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana u muujiyay walaac xoogan oo arintani uu ka qabo, taa oo god dheer ku tuureysa rajada ah in Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho, isagoo xusay in colaada iyo kala qeybsanaanta Soomaalida iney ugu wacan tahay is aaminaad la’aan ka dhex jirta dadka iyo Madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Mr Waldhauser oo ah Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in xasilooni darrada Soomaaliya ay sii hurinayaan dalaka carbeed oo iyago xeriiro kala duwan la leh, dowladda Federalka Iyo Madaxda Maamulada kale ee dalka ka jira.

Uhuru Kenyatta ayaa Soomaaliya ka dalbaday in ay joogto booskeeda dhex dhexaadnimada ee arimaha khalej-ka carabta oo saameyn dhan walbo ah ku yeelan kara Soomaaliya.

Thomas Waldhauser iyo Uhuru Kenyatta oo Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan, laakiin waxa farta ku fiiqeen in arintu adagtahay hadii Soomaalidu dhexdeeda wadajir aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

Imaaraatka oo sheegay in Jabuuti iyo Somaliland dartood uu ku kasbaday…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr. Anwar Bin Muxammed Qarqaash ayaa caddeeyey in Imaaraadka Carabta xidhiidhadiisa Geeska Afrika ay yihiin kuwo togan oo uu maamuus iyo ixtiraam ku kasbaday.

Xidhiidhada uu wasiir Anwar Qarqaash sheegay in uu dalkiisu ku noqday jaal la xurmeeyo, ayaa waxaa ka mid ah maalgashiga ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysay dekedda Berbera.

Waxa uu wasiirku sheegay in la macaamilka gobalka Geeska Afrika ay tahay arrin khatarteeda iyo fursadaheedu isbarbar yaallaan, laakiin muhiimadda uu gobalkani u leeyahay dunida Carabtu ay qasab ka dhigayso in ay xidhiidh fiican iyo la macaamil togan la yeelato.

Waxa kale oo uu wasiirku si dadban u iftiimiyey kaalinta ay dawladdiisu ku lahayd isu soo dhowaanshiyaha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya oo muddo labaatan sano ah colaad dhiig badani ku daatay u dhexeysay.

Wasiirka oo hadalladan ku faafiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Twitter ka oo uu si aad ah wararkiisa ugu faafiyo, ayaa waxa uu ugu horreyn ka hadlaya arrinta khatarta iyo fursadaha is-barbar yaalla uu ku sheegay ee gobalka Geeska Afrika, isaga oo qoray, “Dabcan, xidhiidh siyaasi ah oo lala yeesho Geeska Afrika waxaa ku ladhan khataro iyo fursado is barkan. Laakiin ku xidhnaanta gobalkani waxa ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo horumarka dunideenna carabta” Wasiir Qarqaash waxa uu intaas ku sii daray, “Siyaasadda Imaaraadka ee ku dhisan macaamil waqti dheer ah oo xaqiiqada ku fadhiya ayaa maamuus iyo ixtiraam ka kasbaday gobalka Geeska iyo dunidaba”

Wasiir Qarqaash oo weli soo wada qoraalladiisa uu arrimahan kaga hadlayo ayaa mar kale qoray, “Shaqo adag oo aan sannado badan ku taageeraynay xasiloonida, la dagaalanka argagaxisada, iyo budhcad badeedda Soomaaliya, iyo dadaallo horumarineed oo aanu ka geysannay Jabbuuti iyo Somaliland, iyo sida oo kale xidhiidhka siyaasiga ah ee aanu ka dhex samaynay Itoobiya iyo Ereteriya, waxa uu imaaraadku ku kasbaday in uu noqdo saaxiib laga qaddariyo Geeska Afrika, hormuudna ka ah, joogitaanka Carbeed ee gobalkan muhiimka ah”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Aqri: Muxuu Mareykanka taageerada uga jarayaa milatariga DF Somalia?

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay jari doonto Kaalmadda la siiyo dalalka Afrikaanka ee dagaalka kula jira Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda.

Tallaabadaasi ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda Difaaca Maraykanka ee cabsida badan uga imaanaya Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha.

Milliteriga Maraykanka ee ka jooga Qaaradda Afrika ayaa la kordhiyey, kadib, markii Askartooda joogta dalalka Somalia iyo Nayjar la kulmeen weeraro lagu dilay 6 Askar tan iyo bilowgii sannadkii hore ee 2017-kii.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump waxa la filayaa inuu ibedel lagu sameeyo Istaraatijiyadda cusub ee Difaaca Maraykanka, iyadoo la dhimayo Taageeradda Dhaqaale ee Hawlgalladda Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Kooxaha ay ugu yeeraan Argagixisadda ee ku sugan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

Miisaaniyadda Hawlgalladda Milliteriga  Maraykanka ka wadaan dalalka ka hooseeya Lama-degaanka Afrika ayuuna saamaynayaa Dhimistaasi, iyadoo miisaaniyad-sannadeedkii 2015-kii ilaa 2018-ka ay Dowladda Maraykanka ku kharaj gareynayso 954 million oo Dollar  Hawlgalladda ay ka wadaan dalka Somalia iyo dalalka ka hosoeeya Lama-degaanka Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Madaxweynaha Eritrea oo 28 sano kadib booqanaya dalka Ethiopia kadib marki..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah uu booqdo magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Isaias Afwerki, oo muddo dheer heysta xilka ayaa booqashadii ugu danbeysay ee uu ku tago dalka Ethiopia aheyd sannadkii1996-kii.

Sida ay qortay wakaalada AP booqashada Madaxweyne Isaias Afwerki uu ku tagi doono dalka Ethiopia ayaa noqoneysa tallaabadii ugu dambeysay ee dadaalka Diplomaasiyadeed ee lagu hagaajinayo Xiriirka labadaasi dal.

Yemane Gebremeskel oo ah Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in Madaxweyne Isaias Afwerki uu booqasho ku tegayo dalka Ethiopia.

Asbuucii tagay ayey aheyd markii Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu booqasho maalmo qaatay ku tagay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Dhinaca kale, Booqashooyinka ay is dhaafsanayaan labada dal ayaa albaabada u furtay Xiriirka Diplomasiyadeed oo labadaasi dal oo uu horey u dhex maray dagaal socday muddo 2 sanno, kuna geeriyoodeen 80,000 oo qof .

Source:  AP

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

PUNTLAND dhagtu waa ay taagan tahay (3 arrin oo xasaasi ah wax ka ogow)

Puntland waxa oogu horeeya oo dadku isweydiyaa waa: Maxaa Tukaraq ka Cusub? Doorashada Baarlamanka waa goorma? Wey kudarsanayaan baan maqlay? Dakada Bossaso goormaa dhismaheedu bilaabmi?

Hadaba qormadani waxaan jeclahay inaan mid mid udul istaago, sualahan reer Puntland maskaxdooda mashquuliyay, kuna abuurtay dareen aan xasilneen iyo mustaqbal mad madow leh.

Maxaa Tukaraq ka Cusub?

Walow mudo degaankani ay kuwada sugnayeen Somaliland iyo Puntland ciidamadooda, balse xasarada cusubi waxay timi markii ciidamada Somaliland ay kasoo durqeen masafo yar halkii horey ay ujoogeen. Iyadoo taas ay jirto ayaa madaxweynaha cusub ee Somaliland uu dhaar, hanjabaad iyo aflagaato kula kacay dadka dagaanka iyo Puntland, taas oo abuurtay caro aanan lamaleysaneyn heerkeedu halkii uu gaaray. Waxa xigay dagalo is xigay oo labo mar kudhexmaray labada ciidan isla aaga taas oo ay kadhalatay geeri iyo xamaasad dagaal oo sii laba kacleysay.

Intaa wixii kadanbeeyay hub urursi, calaf iyo ciidan lagu daabuleeyo aagaga dagaalka ayeey labada garaba wadeen. Xagga Puntland waji cusub ayuu yeeshay abaabulka dagaalka. Dagaalka ayaa noqday mid beelo beelo loogu biiro, beel walbana hub, ciidan iyo calaf ayeey keeysay jiida dagaalka.

Dowlada Puntland oo markii hore fursado badan ka arkeysay dagaalkan ayaa hada umuuqata mid taladiisa iyo abaabulkiisa lala yeeshay. Puntland ma aysan yeelay ciidan habeysan tan iyo markii la aas aasay. Marka laga tago guutooyin ay ajaanib tababartay oo taladooda ka go’da qolada kacanta kuheysa. Ciidamada Puntland ee darawiish loogu yeero, waxay udhisan yihiin qaab beeleedyo, inta badan guuto kasta iyo horjoogahoda waa iskubeel.

Walow 70% miisaniyada Puntland ay kuqoran tahay in ay kubaxdo ciidamada iyo amniga balse xaqiiqdii lama yaqaan tirada rasmiga ee cidanka daraawiishta. Labadii maamul ee Puntland oogu danbeyay wey isku dayeen in lasameeyo ciidamo sumad ciidan leh oo layaqaan tiradooda iyo tayadooda balse waxaa ka horyimi taliyaasha ciidamada oo qandaraas ku heysta; qorida, rusqeynta iyo mushaharka ciidamada iyaga udiwaan gashay. Waxaan is leeyahay ababulka dagaal ee iminka Puntland kasocda wuxuu noqonkaraa fursad ciidamada lagu mideeyo, laguna diwaan galiyo.

Doorashada Baarlamanka waa goorma? Wey kudarsanayaan baan maqlay?

Waxaa dhow wakhtigii Puntland doorasho kadhici laheyd. Sida caadada noqotay wakhti kasta oo ay Puntland doorasho soo dhowaato waxaa cagaha lala galaa qalalaase siyasadeed. Wadanku malaha maxkamad dastuuri, madaxweyne kasta oo soo mara wuxuu doorashada ku galaa inuu dhisi doono maxkamad dasduuri, doorashada tan kuxigtana noqon doonto mid hal qof iyo hal cod ah. Balse waxoogaa markuu joogo waxaa usoo baxa in sida hada xaalku yahay ay ubadiso isaga (status of quo), markuu wakhtigiisu dhamaad yahayna oogu yaraan halsano ayuu isku dayaa inuu kudarsado. Inkastoo hada 5 sano lamarayo oo ah wakhti aad udheer marka laga hadlayo aduunka oo xawli iyo isbadal badani kasocdo, dadbadani waxayba qabaan in 4 sano lagu noqdo.

Baarlamnka hada Jira ee Puntland, in badan waxay rajeynayaan in ay soo noqdaan, sidoo kalena madaxda wadanka oogu sareysa. Waxa jira tiro badan oo musharaxiin baarlamaan iyo madaxweyne oo raba iyagana in ay tartamaan. Qolo walba xisabteeda iyadaa jeebka kuwadata, qolo udhaxeysa kooxahan tartanku kadhaxeeyo majirto oo sharci ku kala saari karta oo aanan aheyn sidii dhaqanku ahaa in la iskula noqodo odey dhaqameydyada.

Dadka siyaasiinta kasokow waxaa jira dad daaha ku qarsoon oo iyaguna marwalba masalaxadooda ay ka weyntahay daganaanshaha iyo horumarka Puntland. Madax kasto oo soo marta Puntland waxa jira koox lagu kuunyo in iyagu ay awooda iyo dhaqalaha wadanka iska maamushaan.

Alaha unaxariistee wakhtigii Cade iyo Cabdullahi, kooxdaasi waxaa loo yiqiinay CAYAAL BUTAANO. Waxay iskugu jireen rag waxoogaa waaya arag ah oo xukumadii militariga iyo jabhadii SSDF jagooyin kasoo qabtay iyo kuwo qoos ama qaraabo hoose la ahaa labada marxuun. Waxay gacanta kuhayeen dhamaan qandarasyada dowlada iyo hay adahaba. Sida magacoodaba kamuuqata waxa lagu xaman jiray in ay ahayeen rag aad ubalwad badan oo aanan waxba deeqin.

Waxaa kuxigay Madaxweyne Faroole wakhtiigiisii kuwa loogu yeeri jiray AARAN JAAN, oo qoys hoose la ahayeen madaxweyne Faroole. Wax khibrad maamul, mid dhaqaale iyo mid aqoon fog ma aysan laheen. Niman handaad iyo cagajugleen badan ayeey ahayeen, oo aad looga cabsan jiray, aadna loo necbaa. Wakhtiigii doorashadii udanbeysay ay soo dhoweyd waxa ay odayga ku cadadiyeen doorasho dhicis noqotay inuu sameeyo oo marna ma aysan rabin inuu xukunka baneeyo.

Kuwa hada jooga waxaa loo yaqaan CAYAAL SOCIAL MEDIA. Xaga aqoon xumida, waaayo aragnimo la’aanta, damaca waalan, boobka iyo hanti urursiga waxay kala siman yihiin AARAN JAAN, balse waa dad aad ooga dabacsan xaga dabeecada oonan laheyn cagajugleen iyo cabsigalintii AARAN JAAN lagu yiqiin. Hada waxay usuxul duubayaan sidii madaxweyne GAAS oogu darsan lahaa ama markale usoo noqon lahaa wado kasta ha umaree. Meelkasta madaxweyne GAAS ka khudbeynayo waxa ay kudiyaariyaan rag iyo dumar ay soo xusheen oo meesha kasheega madaxweynaha in dadku ladhacsanyahay hogaankiisa ayna rajeynayaan in uu sii joogo iyagoo aad ufahamsan sida madaxweyne GAAS uu amaanta uugu nugul yahay.

Dakada Bossaso goormaa dhismaheedu bilaabmi?

Dadka qaarkii waxay aamin sanyihiin laga soo bilaabo markuu dagaal sokeeye qarxay ilaa 2008 in 60% dhaqalaha Somalida uu yiilay Bossaso halka iminka lagu qiyaaso 15% oo kaliya.

Juquraafi ahaan Somalia, khusuusan Puntland waa dhulka oogu istiraajisan marka laga hadlayo isu gooshka alaabaha kayimaada ama kusocda Asia,Africa iyo Europe. Puntland waa Cost Rica in Africa. Cost Rica waa wadan yar oo South America kuyaal. Sanadkii 1996 ayaa nin wasiir dhaqale kanoqday fahmay in wadankiisu meeshuu kuyaalo awgeed uu noqonkaro (logistic hup) xudunta qeybisa alaabta US and South America ukala socota, riyadas oo rumowday 10 sano kadib.

Bossaso waa meel daris la ah wadamo wax soo saarkoodu uu korayo iyo suuqyada oogu waa weyn ee Africa iyo Carabta. Waa mida Raysal Wasaraha Pakistan uu Farmajo kala hadlay kulankoodii Istambul.

Xagga duulimaadyada, diyaaradaha Asia kasoo duula kuna socda Africa inta badani waxay kor maraan Bossaso. Magalooyinka ganacsiga somalida kuxiran yahay sida: Dubai waa 2-saac, Jeddah -3-saac, Khartoom -3-saac, Heyderabad 1-saac, Kaula Lumpur -4-saac. Taas waxay tusale fiican utahay in diyaradaha xamuulka ahi ay aad oogu baahan yhihiin isticmaalka Bossaso airport hadii lahabeeyo loona qalabeeyo hab calami ah.

Hada Caqabadaha Heysta iminka iyo kuwa kusoo foodle leh Bossaso maxay yihiin?

Bada-Cas waxaa ka hanaqaaday dakado waaweyn oo mid walba dooneyso in ay noqoto xaruunta ganacsiga xorta ah ee Bariga Africa. Dakadahani waxaa kamid ah; tan Jabuuti, Casmara iyo Barbera.

Sidookale wadanka Oman ayaa balaarinaya dakada magalada Duqm, oo uu donayo in ay noqoto meesha oogu weyn ee kaluunka bada cas iyo India mara laga qabto laguna warshadeeyo. Hadii ay taas hirgasho waxaa yaraan doona kaluunka laga helo Puntland. Waxaa dhici doonta in badweynta ay iman doonaan shirkado waa weyn oo ka kaluumeysta kuwaas oo ku xiran dakada Duqm.

Intii ay P&O la wareegtay Dakada Bossaaso mudo hada sanad laga joogo waxaa jiray oraahyo sheegayay in dakad caalami oo leh xaruun canshuurta ka caagan la dhisi doono i.w.m. Ilaa iyo iminka wax horumar ah oo dakada laga hirgaliyay majiraan. Hadii dowlada Puntland laweydiiyo waxay kuu shegayaan in qandaraaska dhismaha dakada mar dhow lagu dhawaaqi doono, hadaad P&O weydiiso waxay kuu sheegayaan in dowlada Puntland loo xayiran yahay oo aysan fulin balamo ay lagashay. Waxaa cad, in amuuraha jira ee P&O iyo dowlada Puntland udhaxeeya ay kaweyn yihiin waxa dadka loo sheegayo. Dowlada Puntland ee wakhtigeedu gabaabsiga yahay waxaa kumaqan lacago badan oo aysan kufulin wixii ay balan qaaday in ay kusameyneyso. Xagga shirkada, waxaa jira shaki ay qabto oo ah in hadii maamul cusub yimaado, sidii wax ay urabtay lagayaabo ineysan noqon, iyadoo og in hab mugdi kujiro heshiiskan ay ku gashay.

Gunaanad

  1. Arinta Tukaraq hadaan oogu horeeyo. Mareykanka ayaa aad u isticmaala oraah ah guusha dagaalka waxaa ka adag guusha nabada (wining the peace is harder than winning the war). In Laascano laxoreeyo waa lagaari karaa, balse waxaa in la isweydiiyo mudan, damacyada isdaba yaaca ah ee iminka jira sidee laga yeeli doonaa? Siyaasiinta mid xil haya mid xil doona, qabaa’ilada meesha dagan, iyo in badan oo hada aamusanba baa mid walba si wax oogu muuqdaan, dan iyo damac khaasna wata. Waxaan kutalin lahaa in marka hore meel la isla dhigo mustaqbalka dhow ee Sool iyo Sanaag, inta aanan Laascano latagin.
  2. Xaga Doorashada. Isimadu waa in ay xaqiijiyaan wadanka in ay doorasho xalaala kadhacdo oo waliba dad aad ooga duwan kuwii hore loo soo xulo golaha baarlamanka cusub. Waxaan kaloo kutalin lahaa in baarlamanka cusub lagu cadaadiyo in ay wakhtiga hogaaminta wadanka wax kabadalaan oo kadhigaan 4 sano si federalka waafaqsan. Sidookale inta aanan la dooran Madaxweyne, in lasoo xulo gudiga maxkamada sare oo ay doortaan hogaanka maxkamada sare, si aan mardanbe loogu haleyn in madaxweyne yimaada soo magacaabo xaakimka maxkamada sare.
  3. Dekada Bossaso. Isimada waa iyagii horey ugalay arinta dakada, wakhtigii dowlada ay cadeen laheyd mustaqbalka dakada waa lasoo dhaafay. Waxaa loo bahan yahay in Isimadu markale ay arkaan Shirkada dakada haysa iyo dowlada si loo helo xal dan u ah dalka iyo dadka.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Axmed Xaaji

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo magacaabay gudoomiye degmo cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) uu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hodan loogu magacaabey Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun) kaas oo la filayo in uu dhawaan xilka la wareego.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in magacaabida Guddoomiyaha cusub ay ku imaaday latashiyo uu la sameeyay dhinacyada waxgaradka.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa horay u ahaa Maxamed Axmed Cantoobo,balse waxaa xilkaasi laga qaaday ka dib markii loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in isku shaandheyn iyo xil ka qaadis lagu sameeyo dhammaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sacuudiga oo xukun qoor goyn ku fuliyay nin Somali ah (Magaca iyo Sababta)

Jidah (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay Muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii uu dilay gabar Soomaali ah.

Wargeyska alriyadh oo kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in Muwaadinkan la qisaasay lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Xasan Cabdi, isagoo si ku tallo gal ah u dilay marxuumada Fatxiya Buule Xasan.

Gacan ku dhiiglaha la qisaasay ayaa dilka haweeneyda u adeegsaday toorey kadib markii uu uga dhacay Hooyga ay ka daganeed magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga.

Dilka danbiilaha ayaa yimid kadib markii qoyska marxuumada ay boqortooyada Sacuudiga ka dalbadeen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha la qisaasay.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay iyadoo la tixgalinaayo rabitaanka qoyska marxuumada la go’aansaday in xukun dil ah uu ku dhaco dilaaga.

Dhinaca kale,qisaasta oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa goobta ku sugnaa qoyska marxuumada.

Caasimada Online

Xafiiska Jidah

[email protected]

“Raali-gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah ayaa Xajkii loo qal-qal geliyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo hortaagan in sanadkan xajka la aado, sababo al xiriira dowladda Sacuudiga oo soo diiday shirkado diyaaradeed oo ay wataan shaqsiyaad ka tirsan dowladda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in acmaashii waajibka ahayd ee xajka loo qal-qal geliyo raali gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraal uu xildhibaanka soo dhigay facebook:

Gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan oo u xiran sidii waddooyinka Xamar oo kale.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan, kaddib markii lagu dhex milay howlaha xajka dano shakhsiyaad/shirkado gaar ah howlihii Xajkana waxaa loo xanibay dano ganacsi iyo kuwa siyaasadeed, lamana siin wax tixgelin ah shacabka duruufaysan ee doonaya in ay soo gutaan acmaasha xajka sanadkan 2018/1439 Hijriyadda.

Haddaba waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa inay ka tanaasulaan tixgelinta masaaliixda shakhsiyaadka gaarka ah lana tixgeliyo maslaxadda Xujayda Soomaaliyeed loona fududeeyo oo loo fasaxo shirkadaha ruqsada ka haysta labada dal in ay daabulaan xujayda maadaama waqtigi Visaha la dablbi jiray uu sii idlaanayo mudadii xajkana ay ka harsan tahay 1 bil oo kaliya, halka aan weli wax Visa ah la soo saarin, iyadooa Sanadkaan Soomaaliya loo qoondeeyay tiro ka badan 9 kun oo ruux inay soo xajiso, mana harin muddo lagu soo saaro 9 kun oo Viso, isla markaana lagu daabulo 9 kun oo ruux waxaan mar kale xusuusinayaa in ay madaxdu mas’uuliyad gaar ah iska saarto arrimaha xajka, halka ay ku mashquuleen in ay shaqada ka ceyriyaan kolba Wasiirka ama sarkaalka kale ee wax yar ka xishooda in ummadda la dhibo una fikira sidi loogu dhimri lahaa, waxaa kale oo aan mar walba aragnaa warqado is burinaya, kana soo baxaya xafiisyada laanta fulinta ee dalka oo aan ahayn kuwa ka turjumaya maslaxada dalka, welibana meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada dowladnimo, loogna gol leeyahay dano gaar ah.

Waxaan sidoo kale la soconnaa in Wasiirki labaad arrimahan dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, waxaana layaab ah in markii u horeysay in Acmaashii Xajka ee sanadlaha ahaa uu qalqal u galo dano shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed oo laga wado Xafiisyada ugu sareeya dalkasa.

 

BF oo banaanka soo dhigay musuq-masuqa DF ee xajka (Xog ceebeysay Kheyre)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dheer oo ay u gudbiyeen guddoomiyaha golahan waxay kusoo bandhigeen baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen muranka ka jira aadista Xajka sanadkan 2018 ee dhanka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in halis weyn ay Xujeyda Soomaaliyeed ugu jiraan in sanadkaan aanay bixin sababo la xiriira muranno jira.

Qoraalka ayaa waxaa si aad ah loogu ceebeeyey xukuumadda Kheyre oo goluhu sheegay in shirkado aan awood u lahayn inay xajka u qaadaan dadka, oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Sacuudiga qeyb laga siiyey daabulista dadka aadaya xajka.

Shirkadaha cusub, ee raba xajka waxaa ka mid ah Freedom, African iyo Ocean, waxaana wata oo lacag ka qaata xildhibaano uu ka mid yahay Cabdishakuur Cali Mire iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Cabdirisaaq Shoole, oo sidoo kale qabiil aanu ka marneyn

Gudiga ayaa sheegay in shirkadaha Jubba iyo Daalo kaliya laga ogolyahay Sacuudiga, sidaas darteedna ay qasab tahay in dowladdu fasaxdo, oo aan xayirin haddii shirkadihii kale la diiday.

Guddiga ayaa ku eedeeyey xukuumadda musuq maasuq iyo in ayada oo aan qaban wax tartan ah ay shirkado cusub siisay awood ay dadka xajka ugu qaadaan.

Hoos ka aqri warbixinta guddiga

Diyaaradaha qaar oo laga mamnuuci doono garoonka Aadan Cadde iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaaradaha aan buuxin sharuudaha looga baahan yahay aysan ka shaqo geli garin Garoonka Diyaaraha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo maanta booqasho ku tegay Garoonka Muqdisho ayaa la sheegay inuu kormeerkiisy ahaa si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dega iyo kuwa ka duula Garoonka Aadan cadde iyo bedqabka isticmaalka hawada dalka, isagoo amarkan siiyay maamulka Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin karin Garoonka.

’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

“Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12- 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan bedqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiirka.

Amarka Wasiirka ayaan la ogeyn shirkadaha loola jeedo iyadoo ay socoto xiisad ka dhalatau arrinta xajka, isla markaana qorshe ay xukuumadda Soomaaliya u dhigtay xajkana sanadkan uu ku dhow yahay inuu fashilmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faahfaahin: Dilal, qaraxyo iyo banaanbax maanta ka dhacay magaalada Xamar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  AMISOM ayaa waxaa goordhow qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaaafda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano buurka oo ah Goob aad u masqhuul badan.

Qof ka mid ah dadka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureyn rasaas farabadan,isla markaana ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo shacab ah.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka jirta Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata.

Shaqaaqada ayaa ku bilaabatay rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 4 kale.

Intaasi kadib ayaa dadweyne careysan waxay bilaabeyn Banaanbax fowda wata, waxaana daqiiqado kadib la maqlay Dhawaaqa ugu yaraan 3 qarax oo ah Nuuca dhulka la geliyo kuwaas oo la sheegay in lala damacsanaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah waxa uu haleelay Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ilaa hadda halkaasi ku gubanya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee dadka shacabka ah rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu Gaari ka gubtay kadib markii ay Qore Saban ah ku dhuftayn Ciidamo nabad Sugid ah.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shacabka Banaanbaxya oo dhinac ah iyo Milatariga Soomaaliya ee rasaasta furay ayaa la sheegay iney shaqaaqada u dhaxeyso halka Ciidamada AMISMO uu haleelay Qaraxyo dhulka ku aasnaa xili ay marayeen meel u dhaw halka ay shaqaaqada ka socoto.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda Banaanbaxa istaagay balse ay jirto xiisad u dhaxeysa Milatariga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo isku khilaafsan dadkii shacabka ahaa ee Milatarigu ku dileen Suuqa Xoolaha, falkaan ayaa la sheegay inuu yahay markii Labaad oo ay sameeyaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya Bishaan Gadaheed.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbineynaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wararkii u dambeeyey khilaafka Xajka iyo qorshihii dowlada oo fashil ku dhow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshihii xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Xajka sanadkan ay xujeyda Soomaalida helaan qiime jaban iyo shirkado kala duwan oo laga baxo shirkadii keligeed heysatay leynkaasi ayaa qarka u saaran inuu fashilmo ama ugu yaraan dib u dhac ku yimaado sanad kale.

Qorshaha Xukuumadda ayaa ahaa in saddex shirkadood oo kale ay qeyb ka noqdaan daabulka xujeyda sanadkan, qiimahana xajkana uu noqdo $3300 aya waxaa ka hor yimid shuruudaha u yaalla qeybta xajka ee Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan lacago dabaaji ah oo laga doonayo diyaaradaha xujeyda qaada.

Shirkadda Jubba oo heysatay leynka Xajka iyo Daallo oo ku shirko kula ah ayaa wada qabashada iyo soo saarida dokukentiga Xajka, waxayna dadka ka qaadayaan qiimihii hore oo ah $3800, iyadoo faracyada shirkadaha ku leeyihiin magaalada Muqdisho qiimaha gaarsiiyeen $3900 iyo lacag ka badan mararka qaarkood.

Shirkadaha kale ee xukuumaddu siisay inay dhinacooda ka qaadaan xujeyda (Freedom Airlines, Ocean iyo African) ayaan heysan fasax ay ku tagaan Sacuudiga, waxayna la yimaadeen qorshe kale oo ah inay diyaarado kale adeegsadaan, taasoo shaki weyn gelisay xujeyda u xilan lahaa qiimaha $3300 ee ay shirkadadahaasi qaadayaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin go’aankii hore iyo isbedelka ku yimid, waxaana sidoo kale xiisadan ay galaafatay wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xasan Macalin Xuseen oo xilka looga qaaday muranka ka taagan arrimaha xajka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saameynta xiriirka Somalia & Ethiopia ee ururka ONLF (7 su’aal oo jawaab mudan)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Jabhada Xoreynta Gobalka Ogaden ee ONLF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay kaalin hormuud uga qaadan la heed isbedelada cusub ee ka socda dalka Ethiopia kadib markii laga qaaday Sumadii Arga-gaxisada lana sii daayay Maxaabiistii ku xirneed magaca ONLF, lagana dalbay in ay hubka dhigaan kana qeyb-qaataan Siyaasada cusub ee Ethiopia.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan:

1-ONLF Siyaasada ma ku matali-doontaa Magaca Somaaliya iyo Halgankii dheeraa ee soo dhex maray Somaaliya iyo Ethiopia! Mise waxa ay ku matali-doonaan Gobal gaar ah iyo Beel gaar ah?

2-Magaca ONLF oo beddelay Jabhadii Xoreynta Somaali Galbeed WSLF Siyaasada ma ku matali-doonan dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Somaali Galbeed?

3-ONLF maxey kaga duwantahay Jabhaddii SNM ee ku bilaabatay Wadaniyad iyo Somaalinimo kuna dhamaatay Gobalaysi iyo Beelaysi 1991?.

4-Mirihii halgankii Taariikhda dheer socday ma ku dhamaanayaa jagooyin la siiyo Madaxda ONLF mise waa sii soconayaa?

5-Kaalintee ayey ka qaadan-doontaa ONLF xiriirka dawladda Somaaliya iyo Ethiopia kaalin Posative ah mise mid Negative ah?.

6-ONLF ma gudi-doontaa abaalkii Somaaliya u gashay mise waxa ay ka mid noqon-doontaa Siyaasada Ethiopia ee ku aadan Somaaliya?

7-Qalbi-dhagax oo helay taageerada Somaali badan ahna Muwaadin labada dal ee Somaaliya iyo Ethiopia kee baa kaw u ah? Waxna ma ka bedeli-doonaa xiriirka labada dal? Mise waxa uu la safan-doonaa Ethiopia kaliya?

Waxaan wada ognahay markii la sii daayey Qalbi-dhagax ONLF waxa ay Libinta sii daynta siisay Ethiopia mana xusin dadaalkii iyo qayla-dhaantii dadka Somaaliyeed iyo Barlamaanka labada Aqal! Bedel-keedana waxa ay eed u jeediyeen dawladda Somaaliya! Halka Qalbi-dhagax iyo dadkii Somaaliyeed ee soo dhaweeyay ay aad u amaaneen una bogaadiyeen RW Abiy Ahmed iyo Beeshiisa Oromada! Halka ay ka eedeeyeen Booqashadiisii uu Muqdisho tegay iyo Is fahamkii labada dawladood!

Hadaba waxaa suurta gal ah in ONLF bedesho maamulkii ka haray Tegreega ee Gobalka Somaalida Zoonka 5 aad! Waxaana dhici kara in Madaxweyne Cabdi M. Cumar lagu bedelo Mujaahid Qalbi-dhagax ama Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kadibna ay noqdaan buundada isku xirta Somaaliya iyo Ethiopia ee Somaaliya maxay ka filan kartaa????.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Madaxweyne Donald Trump oo dalka Soomaaliya usoo magacaabay danjire cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia.

Madaxweyne Trump ayaa Danjire u magacaabay Donald Yukio Yamamoto oo horay uga soo shaqeeyay dalal dhowr ah.

Danjiraha cusub ee uu soo magacaabay Trump laguna magacaabo Donald Yukio Yamamoto ayaa da’diisa lagu sheegay 65-jir waxa uuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii.

Waxa uu danjirahaani mar soo noqday Madaxa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire KMG ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.

Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale Magacaabida danjirahaani ayaa timid iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo lagu wado inuu ka shaqo galo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa khibrad fog u leh danaha Mareykanka ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ciidankii Imaaraadka uu kala diray oo arrin halis ah ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in dhibaato ay soo food saartay ciidamadii ay horay u tababari jirtay dowlada Imaaraadka ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho.

Illo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in ciidamada ka haray kuwa shaqada ka tagay eryinta Imaaraadka kadib ay iminka iibinayaan Hubkooda.

Ciidamadan oo aan qaadan mushaar ku filan ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada lagu kala iibsado Hubka kuwaa oo suuq geynaaya qoryihii ay siisay dowlda Imaaraadka.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in iibinta Hubka loo xiray ku dhawaad Sagaal askari, oo ku andacoonaya in dowlada Somalia ay kala kulmeen mushaar aan joogto aheyn iyo lacag yari, maadaama ay mushaar fiican qaadan jireen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in askartaasi ay caan ku ahaayen qoriga nooca loo yaqaan “Cali shucaac” ay iminka isaga iibinayaan dhaqaale xumid soo foodsaartay.

Askartaan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Hubka ee Cirtoogte, Zoobe iyo dhabarka danbe ee dhismihii ay ka guurtay Wasaarada Amniga kuna dhow taalada daljirka daahsoon.

Hubka ay iib geynayaan askartan ayaa qalqal amni ku haya magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in lagu kala iibsanaayo dhaqaale aad u yar, maadaama dowlada Imaaraadka ay u fasaxday qoryaha.

Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa horay suuqyada magaalada ugu fasaxday ku dhawaad laba kunteenar oo ay ku jiraan hubka noocyadooda kala duwan.

Geesta kale, dowlada Somalia gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaan ka feejigneyn halista ka dhalankarta Hubka ay iibinayaan ciidamada uu kala diray imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

4 arrin oo aan ka fahanay khudbadii Qalbi-Dhagax iyo saameynta kooxda Daljir

Cabdikariin Sheekh Musse oo magac dheer Qalbi-dhagax maahan mid maqalkisu nagu cusub yahay. Tobanki bilood ee lasoo dhaafay xaaladdiisu waxay ahayd mid haraysay sheeko maalmeedka ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba.

27ki Agoosto 2017 ayay ahayd maalinti iigu horraysay ee aan maqlo magaciisa iyo jiritaankiisaba. Waa maalinti loo gacan galiyay cadowga Soomaaliyeed, waana maalin dhaawacday karaamadi ummadda soomaaliyeed daqarna ku dhufatay sharafta madaxda xilka hayso.

Soo dayntiisi ka dib wuxuu jeediyay qudbad isagoo joogo magaalada Nayroobi ee Kiinya. Qudbadaan ayaa ahayd mid aad loo sugayay maadaama la filayay inuu faahfaahin doono sideey wax u dhaceen iyo cidda sida rasmiga loogu eedayn karo dhiibistiisi. Waxaa si gooni ah loo naawilayay inuu bidhaamin doono kaalimihii ay madaxweynaha iyo raysul waraasruhu ka cayaareen dhiibistiisi iyo soo dayntiisi.

Xalay ayaan dhagaystay qudbadi oo duuban. Waxaa ka hormaray dad badan oo masuuliyiin ah kuwaas oo waddada usii xaaray hadalka masuulka loo hammuun qabay. Waxaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan soomaaliyeed oo matalo xaafadda Kamaguuji ee Nayroobi.

Qalbi-dhagax oo hadalkiisi ku furay xamdi Eebbe salliga Suubbahana ayaa jeediyaya qudbad qiiro iyo xamaasad leh. Wuxuu ku hadalay cod fasiix ah, afsoomaali saafi ah iyo erayo loo meel dayay sifiicanna looga fiirsaday sida loo yiri. Dhowr qodob ayaan rabaa inaan ka iraahdo waxaan ka fahmay hadalkiisi.

Diblomaasi

Qalbi-dhagax hadalkiisu wuxuu ahaa mahad-celin uu u jeedinayay soomaalidi taageertay meel walba oo ay joogeen. Wuxuu isku dayay inuu ka fogaado inuu wax ka taabto arrimihi aadka loo sugayay ee ahaa cidda ka masuulka ahayd dhiibistiisi. Marki uu yara galay sidi lasoo qabtay iyo ihaanadi lagu sameeyay ayuu dhexda iska qabtay isagoo yiri “waxaan xamaasadaysanahay marka inuu hadal iga dhacdhaco ayaa laga yaabaa. Aan usoo noqodo mahad-naqaygi.  Arrimahaas mar kale ayaan si faahfaahsan ooga hadli doona”.

Waxaa fiiro dheer mudan sida uu isu ilaalayay iyo sida uu isu qabtay isagoo dhiiggiisu aad ku kacsanyahay. Arrintaan maahan mid aan ku barannay soomaalida. Caadiyan waxaan naqaannay in qofka soomaaliga ah markuu dhib gaaro uu afka ku ciil baxo kuna hadlo erayo baabi’iyo taageeradi loo muujiyay. Xasuuso qudbadii Cabdiraxmaan CabdiShakuur uu jeediyay marki xabisga Xamar laga sii daayay.

Aragtidayda waxaa isoo baxday inay dhowr arrimood ay ka qayb qaateen habka uu u hadlay halyeey Qalbi-dhafax. kow, inuu helay lataliyayaal waxgarad ah kuwaas oo  tusaaleeyay siduu u hadli lahaa. Labo, inuu yahay ruux daggan oo miisaan culus taasoo sahashay inuu qaato waanadi ciddi lasoo talisay, waayo hadduu yahay qof fudud wixii loo sheegayba inta illaawo ayuu bad gali lahaa.

Saddex inuu yahay nin yaqaan meesha laga hadlo, cidda lala hadlo iyo goorta la hadlo. Tusaale, inuu fahamsanaa inay ceeb tahay inuu hadallo dumarka iyo caruurta ka oohiyo uu jeediyo waqti lala faraxsanaa imaanshihiisa; iyo inuu dareensanaa in hadalkiisu qiimo beelayo haddii uu isagoo qiiraysan oo ilmaynayo uu shaqsiyaad magacaabo, taasoo ay u badnaan lahayd in laga soo qaado hadal uu yri nin ciil qabo oo xanaaqsan.

Afar, wuxuu sheegay in dhawaan la qori doono buug ku saabsan noloshiisa kasoo dabooli doono dhamaan su’aalihii loo baahnaa. Marka laga yabaabo inuu doonayay inuusan buugga ka hor dhicin waxa uu qabana isago dagan oo kaligiis iyo cidda ka qorayso kaliya ah uu yiraahdo waxa uu rabo taasoo u sahli karto in laga ilaaliyo gaf iyo khalad isaga ka dhaco. Iyo ugu danbayn inuu rabo inuu siyaasadda galo sidaas darteedna uusan ka dhicin hadal hadhow caqabad ku noqon doono.

Han siyaasadeed

Waxaa muuqatay inuu leeyahay han siyaasadeed oo sare. Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shaqadi caamka ahayd ee dadka soomaaliyeed u hahay, halganki iyo middaynta soomaalida. Taasoo ka dhigan kama bixin arrimihii siyaasadda. Laakiin waxaa muuqato inuu baddalay qaabki halganku ahaa oo wuxuu yiri waxaan aaminsanahay in xalka lagu raadiyo wadahadal, lagana fogaado dagaal aan dhammaad laahyn oo aan waxba keenayn. 

Hadalkaan ayaa muuqaday inuu ku tilmaamayo inuu ka tanaasulay halganki hubaysnaa ee uu muddada kusoo jiray taasoo u oggolaan karto inuu qayb ka noqdo xisbiyada siyaasadeed ee ka jiro dhulalka soomaaliyeed. Waxaanse kala caddayn inuu rabo inuu usoo istaago hanashada kursiga madaxweyne ee Soomaaliya  iyo inuu rabo inuu u tafa xayto sidii uu  Soomaaligalbeed xornimo u gaarsiin lahaa isagoo marayo hab ka duwan kii hore.

Mahadnaqi iyo ammaanti uu u jeediyay raysulwasaaraha Itoobiya, sheegidiisa inuu sii wadayo halgankii xornimo doonka Soomaaligalbeed iyo bidhaamintiisa inuu ka tanaasulay halgankii hubaysnaa waxay tusayaan inuu rabo inuu kasoo dhex muuqdo siyaasadda Soomaaligalbeed.

Dhinaca kale, hadalkiisi uu ku caddeeyay inuu yahay muwaaddin soomaaliyeed, doonayo horumarinta iyo samata-bixinteeda iyo isu keenidda soomaalida; ammaanta uu jeediayay Soomaalilaan (Soomaalilaand waa meeshi ay ka billaabatay dhiibisti mujaahidiinta ONF, tirada ugu badanna laga dhiibay) iyo ugu yeeriddisi soomaalida kale inay horumarka kaga daydaan Soomaalilaan waxay tilmaamaysaa inuu leeyahay hammi ka sarreeyo mid gobal uuna doonayo inuu kasoo muuqdo loollanka kurisga madaxweynaha Soomaaliya. Kuu yahay waqtigaa sheegi.

Saamaynta Daljir

Ilaa maalintuu yimid Nayroobi waxaa hoosta ooga jiray xisbiga ku kacsan dowladda ee Daljir. Waxaa muuqato inaysan wali ku guulaysan waxay ka rabeen oo ahayd helidda xog ay ku dagaal galaan. Hasa ahaatee waxaa jiray erayo tilmaamayay inay si un u saameeyeen. Tusaale, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu dalka oo dhan safar dhulka ah ku mari doono. Wuxuu sheegay inuu safarkaas ka billaabi doono Dhuusomareeb, Boosaaso sii mari doono ilaa Dumayra uuu tagi doono.

Ma uusan soo qaadin inuu Xamar tagi doono. Haddii uu Soomaaliya wada marayo Xamar ayay ahayd meesha mudan bilowga. Sababta keentay inuu Dhuusomareeb oo xarun u ah meeshi laga soo qabtay dhibka ugu badanna ONF loogu gaystay ka billaabo safarkisaa waxaan tuhmayaa inay tahay talo ka timid Daljir isaguna uu aqbalay si uu iyaga u qanciyo.

Meel Su’aal mudan

Guud ahaan hadalka Qalbi-dhagax waa hufnaa, wuxuuna ahaa hadal ku habboon saacaddi uu hadlay. Hasa ahaatee waxaa jirtay meel aan is iri maxaa wacay inuu sidaas yeelo. Mar uu ka hadlayay halganka gobonima doonka soomaalida wuxuu sheegay inuu soo bilowday qarnigii lix iyo tobnaad ila maantana uu socdo. Kacdoonnadi kala duwanaa ee waqtiyadaas dhacay mid walba wuxuu ku cabbiray hoggamiyihii dagaalkaas marki laga reebo kii 77.

Tusaale, wuxuu yiri halgankii Axmed Gurey, Halgankii Sayid Maxamed laakiin markii usoo gaaray halgaankii 77 wuxuu yiri dagaalkii ay qaadeen ciidamada iyo shacabka soomaaliyeed, afkiisana waa uu ka ilaaliyay inuu sheego Maxamed Siyaad oo dagaalkaas hoggaaminayay. Dhibaatooyin badanba ha laga tirsadee inuu Maxamed Siyaad dagaalkaas qaaday cidna dood kama qabto intaan ogahay, marka ammaan iyo dhaliilba isagaa iska lahaa hoggaanka dagaalkaas.

Iima cadda sababta. Laga yaabo inuu raali galinayay qaarka mid ah dadka dhagaysanayay ama dhagaysan doono oo Maxamed Siyaad dhib ka tabanayay. Haddana waxaan is iri ma sayid Maxamed ayaa ammaan loo wada hayaa. Waxaa dhici karto inuu qaatay dhaqanka soomaaliyeed ee ah in qofkii uu khalad ka dhaco la xaqiro wanaaggiisi oo khaladka kaliya la sheego. Haddana waxaan is iri ma Sayid Maxamed ayaa khalad yaraa mise Axmed Gureey ayaa macsuum ahaa.

Ujeedkaygu maahan inaan isbarbardhigo hoggaamiyayashaas noolaa waqtiyo kala duwan kuna noolaa duruufo kala duwan ee waxaan isku dayayaa inaan fahmo sababta keentay inuu doorto qaabka usoo gudbiyay dhacdooyinkaan maadaama uu iila muuqdo nin hubo waxa uu ku hadlayo.

Ugu danbayn, soo daynta Qalbi-dhagax waa faraj Ilaahay furay. Inkastoo dhiibistii ay tahay nabar ku dhacay Soomaalida oo aan waligiis bogsan doonin, haddana waxaa kasii darnaan lahayd isagoo xabsi ku dhinto. Sida uu isaguba sheegay waxaan rajayanayaa inay noqoto musiibadii ugu danbaysay ee nagu dhacdo.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/