Xog: Wararkii u dambeeyey khilaafka Xajka iyo qorshihii dowlada oo fashil ku dhow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshihii xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Xajka sanadkan ay xujeyda Soomaalida helaan qiime jaban iyo shirkado kala duwan oo laga baxo shirkadii keligeed heysatay leynkaasi ayaa qarka u saaran inuu fashilmo ama ugu yaraan dib u dhac ku yimaado sanad kale.

Qorshaha Xukuumadda ayaa ahaa in saddex shirkadood oo kale ay qeyb ka noqdaan daabulka xujeyda sanadkan, qiimahana xajkana uu noqdo $3300 aya waxaa ka hor yimid shuruudaha u yaalla qeybta xajka ee Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan lacago dabaaji ah oo laga doonayo diyaaradaha xujeyda qaada.

Shirkadda Jubba oo heysatay leynka Xajka iyo Daallo oo ku shirko kula ah ayaa wada qabashada iyo soo saarida dokukentiga Xajka, waxayna dadka ka qaadayaan qiimihii hore oo ah $3800, iyadoo faracyada shirkadaha ku leeyihiin magaalada Muqdisho qiimaha gaarsiiyeen $3900 iyo lacag ka badan mararka qaarkood.

Shirkadaha kale ee xukuumaddu siisay inay dhinacooda ka qaadaan xujeyda (Freedom Airlines, Ocean iyo African) ayaan heysan fasax ay ku tagaan Sacuudiga, waxayna la yimaadeen qorshe kale oo ah inay diyaarado kale adeegsadaan, taasoo shaki weyn gelisay xujeyda u xilan lahaa qiimaha $3300 ee ay shirkadadahaasi qaadayaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin go’aankii hore iyo isbedelka ku yimid, waxaana sidoo kale xiisadan ay galaafatay wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xasan Macalin Xuseen oo xilka looga qaaday muranka ka taagan arrimaha xajka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com