25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Siyaasiyiinta K/Galbeed oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah Shariifka

Baydhabo (Caasimadda Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray war murtiyeed xasaasi ah oo ku saabsan doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

War Murtiyeedka ayaa ka koobnaa talo soo jeedin, Cabasho iyo digniin, isagoo dhameystirana waxaad ka akhrisan kartaa qeybta hoose.

 

WAR MURTIYEED

 

Ujeeddo: Xaalada Kala Guurka ah iyo Doorashada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed November 2018.

Qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ka kooban Siyaasiyiin, Oday dhaqameedyo, Culama u diin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Haween ka soo jeeda Koonfur Galbeed (KG) oo kulamo is dabajoog ah ka yeeshay xaaladda Koonfur Galbeed ku sugan tahay waqtigan xaaadirka ah ayaa waxay qiimeeyeen:
1. Xasilooni darrada soo kordheysa kaasoo khatar gelin kara amniga iyadoo qarka loo saran yahay in beelaha qaar gacan isula tagaan:
2. Maamulka KG oo ku hawlan sidii uu ku abuuri lahaa xaalad kasta oo suuragelinaysa inaanay doorasho ka dhicin deegaanka.
3. Hanjabaad iyo ku takrifal awoodeed oo lagu khalkhal gelinayo cid alla cidii maamulka dhaliisha.
4. Maamulka KG oo aan ka muuqanin diyaar garow in ay doorasho dhacdo, iyadoo aan weli la samayn shuruucdii doorashada IWM.
Sidaa daraadeed, xaaladda oo ka sii daraysa awgeed, isla markaana aanay muuqan sidii xal lagu heli lahaa waxay go’aan ku gaareen:
1. In Maamulka KG ee mudadiisu dhamaatay uusan awood sharciyeed u laheyn inuuu xil ka qaadis ama xil u magacaabis sameeyo.
2. In mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed bilaha November 17, 2018 oo ah Fulinta iyo December 8, 2019 oo ah baarlamaanka, sida ay u kala horeeyaan. 
Isku day kasta oo muddo kordhin ah waa mid aan marnaba la aqbali karin oo sharci daro ah.
3. In la sameeyo guddi doorasho isku dhaf ah laguna wada kalsoon yahay.
4. In goobta iyo mudada doorashada ay ka wada heshiiyaan dhamaan musharaxiinta, baarlamaanka KG, maamulka KG iyo dowladda dhexe.
5. In cid walba isku dayda inay xaalad colaaded ku dhex abuurto bulshada KG dhexdeeda laga qaado talaabo sharci ah.
6. In maamulka iyo garsoorka KG uu noqdo mid go’aanadiisa lagu saleeyo maslaxadda bulshada lagana saxo dhammaan talaabooyinkii kiciyey dareenka reer KG ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
7. Waxaan soo dhoweynaynaa kunaalinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka ay odayaashu wadaan ee xalka loogu raadinayo cabashada beelaha Koonfur Galbeed ka soo yeeraysa.
8. Waxaan madaxda Koonfur Galbeed ugu baaqaynaa ilaalinta 
dastuurka iyo shuruucda wadanka. Kana fogaadaan in khalkhal iyo cabsi lagu abuuro bulshada dhexdeeda.
9. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka in ay fiiro gaar ah u yeeshaan in maamulku qaaado tallabooyin liddi ku noqon kara in doorasho xalaal ahi ka ka dhacdo maamulka KG.

Wabilaahi Tawfiiq

14 Luulyo 2018

SALAAD Cali oo shaaciyey dowladda Farmaajo iyo tii Xasan midda wanaagsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu caansan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedelada ay ku talaabeyso dowlada Somalia tan iyo markii la dhisay dowlada hadda jirta.

Salaad Cali waxa uu sheegay in dowlada hadda jirta ay waxbadan ka wanaagsan tahay dowladihii hore waxa uuna cadeeyay inay ka fursado badan tahay kuwii hore.

Dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka ayuu sheegay in dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xooga saartay, isagoo intaa raaciyay in si dhow ay uga warqabto ciidamada qeybahooda kala duwan oo xiligaan qaata xuquuq rasmi ah.

Salaad Cali, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay aad u adkeysay amniga waxa uuna yiri “Dowladani waxa ay waxbadan ka qabatay amni daradii ka jirtay dalka xiligii hore waxaa maalin dhaaf u dhici jiray Qaraxa iyo dagaal hadase waxaa dhalatay nabad buuxda”

“Waxaan aheyn dad ku tashan jiray Qarax joogta ah hadda Qaraxa waxa uu noqday dhowrkii bilba hal mar, waxaan dareemeynaa inuu soo hagaagayo dalka dowladuna ay lasoo baxday awood muujineysa in dalka uu ka jiro dowlad”

Salaad Cali, waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka ay tahay qeybaha mucaaradka oo mar waliba dalka u horseeda dhibaatooyin aan dhamaan, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in wadan sanado badan burbursanaa hadana la hor istaago nabadiisa.

Waxa uu sheegay Salaad Cali inaan awood lagu dhameyn dowlad laga aqoonsan yahay adduunka “Dowlad laguma dhamo awood mucaradna waxaa lagu yaqaana inuu dhiso dalkiisa, maaha in mucaaradnimadu tahay inaad burburiso dalka oo aad dib ugu celiso halkii laga soo bilaabay taasna yeeli meyno”

Sidoo kale, Salaad Cali ayaa ku baaqay in dowlada Somalia laga dhaafo dhibaatooyinka iyo hadalada xun, waxa uuna sidoo kale carab dhabay in dowladu aysan diidaneyn mucaarad balse shuruuda la doonaayo ay tahay in mucaaradka uu noqdo mid dalka dhisa.

Haddalka Salaad Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu difaacayo dowlada Somalia, isla markaana lagu muujinaayo dhibaatooyinka ay mucaaradka u horseedayaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenyatta oo Farmaajo uga baxay saddex QODOB oo horay loogu heshiiyay.!!!

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Kenya ayaa Qunsuliyado ka furaneysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa oo nidaam ahaan hoostaga dowlada Somalia.

Dowlada Kenya ayaa furashada Qunsuliyadahani ula gol leh isu socodka shacabka Kenya iyo dadka ku dhaqan deegaanadaasi waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin ogolaanshiyo ay Kenya ka heshay dowlada Somalia.

Qorshaha lagu furaayo Qunsuliyadaha ayaa waxaa gadaal ka riixaya Madxaweynaha Kenya Uhurro Kenyatta oo dhawaan loo gudbiyay in gudaha Somalia ay ku noolyihiin Kenyan kor u dhaafaya 3,000 oo intooda badan Somalia ku jooga sifo sharci la’aan ah.

Kmowi Matiangi oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Kenya ayaa sheegay in talaabada lagu furaayo Qunsuliyadaha uu yahay mid ka imaaday Madaxtooyada Kenya oo dhawaan la gaarsiiyay baahiyo ku aadan furista Qunsuliyadaha.

Waxa uu Sarkaalkan qiray inaanu jirin wadahadal ay Somalia iyo Kenya ka galeen furashada Qunsuliyadaha, hase yeeshee ay suuragal tahay inuu bilowdo wadahadal labada dhinac oo ku aadan furashada xafiisyada.

Qorshaha ay Kenya ku irdo fureyso xafiisyada Qunsuliyadaha Kismaayo iyo Hargeysa ayaa cagsi ku ah Heshiis ay sanadkii hore kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta.

Qodobada ka hor imaanaya furashada Xafiisyada wargalin la’aanta ah ayaawaxa kamid ah:

1-In labada wadan ay si wada jira u tixgaliyaan madaxbanaanida. Waxaa tani caddeyn u ah in Kenya weli sheeganeyso badda Soomaaliya, dhinaca xuduuddana uga soo gardarootay Soomaaliya Beledxaawo.

2-In Kenya aysan xiriir toosa la sameyn maamul Goboleedyada, iyadoo wixii howl ah la marin doono dowlada Somalia. Weli way socotaa arrintaas, oo maamul goboleedyada waxaaba xarun u ah Nairobi, Addis-Ababa iyo Dubai oo casharada ooga meeriyaa.

3-Iska warqab iyo wada shaqeyn aasaas u noqota labada dal, si loo dhowro nidaamka iyo madaxbanaanida.

Qodobada koowaad iyo labaad ayaa meesha ka saaraya Heshiiska wada jirka ahaa oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Kenya, waxa ayna jabinta Heshiisyada ka imaaneysa dhanka Kenya.

Sidoo kale, Dowlada Kenya oo dhulal badan ka heysata Somalia ayaan furashada xafiisyada kuwar galin Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo nidaam ahaan ku shaqo leh.

Geesta kale, dowlada Kenya oo waayadii danbe u muuqatay mid wanaagsan ayaa iminka dib u dhaqan galineysa faragalin Siyaasadeed oo ay ku sameyso Somalia.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sheekh caana oo shaaciyey sirta xiriir ee Bin Salman iyo Yahuudda kadibna la…

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga dhigtay Sheikh Safar Al-Hawali oo ka mid ah culimada ugu caansan dalkaas iyo wiilal uu dhalay kadib markii uu jeediyey hadallo ka dhan ah boqortooyada.

Sheikh Safar Al-Hawali ayaa ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Sahwa ama Baraaruga, oo u ololeeya in bulshada Islaamka ku baraarugaan dhibaatada iyo naceybka gaalada.

Xarigiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii uu daabacay buug cusub oo uu ugu magac daray Muslims and the Western Civilisation oo macnaheedu yahay Muslimiinta iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka, kaasi oo uu ku weeraray qoyska boqortooyada Sacuudiga iyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed.

Sheekha ayaa buugiisa shaaca uga qaaday in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu xiriir la leeyahya Yahuuda, oo gumaad ku haysa shacabka Falastiin, xoogna ku haysata masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Waxa uu sheegay in Maxamed Bin Salman uu dhabar-jebiyey Islaamka.

Sheikh Safar Al-Hawali ayaa kadib waxaa gurigiisa tagey ciidamo jirdilay, kadibna kaxeystay isaga iyo wiilashiisa, lamana oga illaa hadda halka lagu hayo iyo sida xalakoodu yahay midna.

Maxamed Bin Salman iyo Imaaraatka ayaa dhowaanahan saaxiibo dhow la ahaa Yahuuda iyo maamulka madaxweyne Donald Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

3 ARRIN oo muujinaaya in Cabdi Iley uusan usii ahaan doonin madaxweyne DDSI

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowlada isbedel doonta Ethiopia ay wado qorsho xilka looga qaadayo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Qorshaha ay Ethiopia ku laaleyso Cabdi Iley ayaa looga gol leeyahay in dowlada Isbedel doonka Ethiopia ay ku kasbato Soomaalida kasoo jeeda Kililka Shanaad oo caburin lagu hayay dhowrkii sano ee ina dhaaftay.

Isbedelka lagu saarayo Cabdi Iley ayaa waxaa hormuud ka ah Ra’sul wasaare Abiy Axmed oo aan isagu la dhacsaneyn maamulada kasoo hara xukuumadii uu talada dalka kala wareegay sida maamulka Soomaalida iyo Oromada.

Sii joogitaanka Cabdi Iley ayaa caqabad hor leh u horseedi kara Maamulka Abiy Axmed oo u muuqda mid dib u saxaaya khaladaadkii horay u dhacay.

Marka la eego Siyaasad uu hiigsanaayo Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed waxa uu Cabdi Iley xilkiisa ku weyn doona arrimaha kala ah:-

1 – Xadgudubyadii ka dhacay xabsiga Jeel Ogaadeen ee dhowaan la xiray, oo uu Cabdi Iley ku eedeeyey madaxii hore ee sirdoonka Ethiopia, taasi oo xisbiga talada haya ee Tigreega si carro leh uga jawaabeen.

2-Sii shaqeynta Cabdi Iley waxa ay sii xoojineysaa colaada dhiiga badan ku daatay ee Soomaalida kala dhexeysa Oromada, iyadoo taasi ay soo dadajineyso fashilka Xukuumada Abiy.

3-ONLF oo shirkii ay Ra’isul wasaare Abiy Axmed kula galeen magaalada Asmara ee dalka Eriterea kusoo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay in meesha laga saaro maamulka hadda ka arimiya DDSI ee uu hogaamiyo Cabdi Iley.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed qudhiisa kuma qanacsana howlaha uu hayo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), waxa uuna khudbadihiisa hore ku sheegay inuusan la shaqeyn doonin maamul caqabad u horseedi kara midowga Ethiopia.

Isbedelada Abiy Axmed ee lagu saadaalinkaro kan kusoo fool leh DDSI waxaa kamid ah in tabashooyinka xisbiyada mucaaradaka Oromada ay xilka ku wayeen ku dhawaan 7 Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo si fool-xun kula dhaqmi jiray Hogaamiyayaasha iyo Xubnaha Mucaaradka.

Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh maamulka DDSI waxaa ifafaalo u ah Madaxweynaha maamulka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo shacabkiisa ka dalbaday cafis, isagoo sidoo kale albaabada u xiray Xabsiga weyn Jeel Ogaadeni oo lagu ciqaabi jiray ONLF.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasadaha iminka ka socda Ethiopia ayaa muujineysa in Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) uu weyn doono xilkiisa, si ay Ethiopia cabsi la’aan kula soo baxdo shidaalka ku jira dhulka Soomaalida oo hadda la rumeysan yahay inay caqabad ku yihiin ONLF.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Sawirro: Sida AFEWERKIi loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

Addis ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afewerki ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Booqashada Isias Afewerki ee maanta ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed.

Isias Afewerki socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo 20-kii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa.

Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday.

Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.

Xildhibaan Aadan Bare oo ka hadlay arrin qatar ku ah dhalinyarada Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadlay isticmaalka shiishada.

Xildhibaan Aadan Barre ayaa sheegay in dhalinyarada ku sugan magaalada Nairobi ay yihiin kuwo intooda badan isticmaala shiishada waxa uuna ka digay in lasii wado shiishada.

Xildhibaanka oo la hadlayay dadweyne badan oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa dhalinyarada uga digay inay adeegsadaan Shiishada waxa uuna ku baaqay in la hakiyo.

Waxa uu cadeeyay in dhalinyarada qaarkood ay ku dhex isticmaalan guryahooda kuwaasi oo uu sheegay inay muteysan doonaan ciqaab.

Sidoo kale, xildhibaan Aadan Barre ayaa hay’adaha amaanka ugu baaqay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Kenya joogta ee isticmaasha shiishada.

Haddalka Xildhibaan Aadan Barre ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan ay dowlada Kenya mamnuucday isticmaalka shiishada.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

MUQDISHO waxaa weli ciidan ka ah maleeshiyaad

Waxaa laga yaabaa qormadeydaan inaysan ku raaxeysan aqrinteeda dad badan oo dowlada taageero weyn u ah durbana igu dari doonna liiska mucaaradka, iyagoon wax su’aal ama sabab ah is weydiin, hase ahaatee waxaan rajeynayaa qaar badan oo caqli saliim Ilaahey siiyay in ay warbixinteyda wax ka fahmi doonaan.

Markasta waxaa la is weydiiyaa sababta ay weli dowlada ugu suura gali la’adahay in magaalada Muqdisho ay ku soo dabaasho amaan la isku haleyn karo iyadoo dowlada ay bixineyso dadaal aad u balaaran si loo sugo amniga tiiyoo ay jirto in ciidanka dowlada tiradooda buux dhaafiyeen magaalada Muqdisho.

Anigoo kaashanaya macluumaad iyo dhacdooyin badan aan hubo xaqiiqdooda inta badan ciidamada ka howl gala magaalada Muqdisho ma ahan ciidanki saxda ahaa ee magaalada Muqdisho nabada u keeni kara sababahan soo socda awgood:

Marka lasoo xulanayo ciidan waxaa laga fiiriyaa dhowr tayo oo ay ka mid tahay heerka waxbarsho, danbi-gelis hore iyo shaqsi muuqaal  iyo maskax ahaan aqbali kara shaqada ciidanka.

Hase ahaatee inta badan ciidanka ka howla gala Muqdisho waa kuwa aan buuxin shuuradahaas, waxaas ka daran taas in lagu soo xulay qaab beeleed mudnaanta koobaadna la siiyay beelo gaar ah, ku darsoo qaarkood waaba ciidamadii hogaamiye kooxeeedyadii magaalada muqdisho ka talin jiray, mid laabadna aan kugu sii daree uma lahan aqoon shuruucda kala gedisan ee ciidmada wallow tababaro kooban la siiyay hadana taas waxba kama bedelin mar hadii heerka waxbarasho aad u liito amaba aysan soo marin, waxaase intaaso dhan ka daran inay yihiin kuwa balwad leh oo isticmaalla waxyaabaha mukhaadaraadka, taaso gebi ahaanba mamnuuc ka ah  qof ciidan loogu tala galay in shacab amaankiisa sugaan, intaas kaliya kuma eka’e waxaa taliye loogu sii dhigaa shaqsi aan weligiis howl ciidan soo qaban laguna keenay nin jecleysi amaba dantiisa gaarka ah ay kala weynta tahay howsha loo xilsaaray, taasoo sababtay inaysan jirin dhibaatooyinka ciidanka geystaan meel loo raacdo.

Arimahaas oo dhan waxay keeneen in ciidanka shaqad loo igmaday ay garan waayeen mar hadii ay buuxin waayeen shuruudihi ciidanka loogu tala galay una dhaqmaan sida maleeshiyaadki hogaamiye kooxeedyadi wadanka soo maray kuwaasoo aan u jixinjixin shacabka, iyagoo kala kulma dil, dhac, madax-furasho, jid-xirid tiiyoo ay jirto in qaarkood ay fududeeyaan qaraxyada ka dhaca magaalada IWM.

Inkastoo ay jiraan qaar yar oo ka mid ciidamada oo ay ka go’antahay inay si daacad u ah u gutaan howshooda amni, hadana waxaa barbar socda kuwa badan aan daacad ka heyn howsha amaba aan aqoon u laheyn shaqada kuwaasoo wiiqay dadaalkooda amni.

Iyadoo  ay xusid mudantahay dowlada federaalak horumarka ay dalka gaarsiisay xaga horumarinta dhaqaalaha, dhisida hey’adaha dowliga, horumarinta xiriirka diblomaasiyada iyo sida weli ugu go’antahay inay horumar gaarsiiyaan dalka, ayaa waxaa muhiim ah in ay xil weyn iska saarto dhisida ciidan tayo iyo aqoon u leh howsha loo igamanayo.

Isku soo wada duub si loo helo amaan iyo nabad waxaa lama huraan ah in la helo ciidan aan lagu soo xulin qaab beeleed, ka maran danbiyo hore, ugu yaraan soo dhaameystay waxbarasho dugsi-dhexe, lana marsiiyay imtixaan shaqsiyadeed si loo ogaado dareenkiisa iyo heerkiisa howlqabad. Hadii arimahaas la dhaqan geliyo waxaan aaminsanahay in guud ahaan wadanka soomaaliya amaankiisa dib usoo laabanayo inta ka horeysase, Baadidaada nin baa kula daydayi daalna kaa badane oo inaad heshana aan dooneyn.

W/Q: Abdinasir Ahmed
Email:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qarax labaad oo ka dhacay agagaarka Villa Somalia iyo rasaas xoogan oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal toos ah ayaa waxa uu ka socdaa  Agagaarka Madaxtooyadda  Soomaaliya , waxaana sidoo kale la maqlay qarax labaad oo ka dhacay isla eeryada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan In dagaalka uu u dhexeeyo dabley hubeysan oo la socday labada gaari ee Qaraxday kuwaa oo la dagaalamaaya ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa Koofi casta loo yaqaan ee ilaalada ka ah Villa Somalia.

Maleeshiyada ayaa Qaraxyada ka hor weeraray goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwo loo yaqaano Koofigaduuda iyo kuwo Boolis ah oo ku sugnaa afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.

Labada Qarax oo loo adeegsaday laba gaari oo nooca raaxada ah ayaa waxa uu kan koowaad ka dhacay eeryada Madaxtooyada gaar ahaan meel ku dhow Hoteel SYL oo kasoo horjeeda dhismaha Madaxtooyada.

Qaraxyo loo maleynaayo in loo adeegsaday Bamgacmeedyo ayaa sidoo kale laga maqlayaa meel ku dhow Isgooska Ceelgaabta walow lasoo sheegayo in meel aan ka figeen Ceelgaabta uu markii danbe ka dhacay Qarax gaari oo la doonaayay in Villa Somalia laga galiyo wadada hormarta beertanabada.

Sidoo kale, Rasaas xoogan ayaa la maqlayaa waxaana goobaha uu Qaraxa ka dhacay yaala Meydad iyo dhaawacyo u badan shacab oo xiliga qaraxa maraayay halkaa.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxyada laga maqlaayo eeryada Xarunta Villa Somalia walow wali ay socdaan rasaas xoogan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax culus oo ka dhacay agagaarka Villa Somalia

Qaraxa loo adeegsaday gaari raaxo ayaa waxa uu goordhow ka dhacayay afafka hore ee xarunta Villa Somalia.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari raaxo ayaa waxa uu si gaara uga dhacay meel aan ka fogeyn dhismaha Ex Fiyoore oo ku dhow Villa Somalia.

Gaariga Qarxay ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo koray wadada ceelgaabta waxa uuna ku gadoomay afafka Ex Fiyoore waxaana xiliga uu qarxaayay ku socday rasaas.

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Qaraxa waxaana hadda socda rasaas xoogan.

Waxaa xiran dhamaan waddooyinka gala xarunta Villa Somalia waxaana lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan.

Dhinaca kale gaadiidka gurmadka ayaa ku qulqulaaya eeryada xarunta Villa somalia waxaana la gurayaa dhaawacyo iyo meydad ku waxyeeloobmay Qaraxa.

Rasaas laga maqlayo afka hore ee VILLA SOMALIA

Muqdiaho (Caasimada Online) – Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa afafka hore ee xarunta Villa Somalia waxaana lasoo sheegayaa in rasaasta ay u dhaxeyso ciidamo kawada tirsan dowlada.

Ciidamada militeriga ayaa lasoo sheegayaa inay rasaas ku ridayaan gaari raaxo oo ku gadoomay afafka madaxtooyada.

Ciudamada ayaa ka shakisan gaariga waxaana xiran dhamaan afafka hore ee xarunta Villa Somalia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo loo badinaayo in lagu ridaayo gaari xoog kusoo galay wadad Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Taliyihii Kismaayo laga celiyey oo ka degay degmo kale oo Jubaland ah

Garbahaarey (Caasimada Online) – Jeneral Cali Maxmed Maxamuud ( Bogmadow) oo saakay diyaaradii siday laga celiyay garoonka Kismaayo ayaa sida la  xaqiijiyay ka dagay degmadda Garbahaarey ee gobalka Gedo, oo si diirran loogu soo dhaweyay.

“Jubbland ma ahan Axmed Madoobe iyo Kismaayo kaliya ee Gobolka Gedo ayaan shaqadeyda ka billaabayaa” ayuu yiri Jeneral Bogmadow.

Gudoomiyaha gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolkaas iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweysay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada gobolka Gedo.

Maanta barqadii ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo loo diiday in uu ka dego taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxana Jubbaland ay sheegtay in aan lagala tashan magacaabista taliyahaas.

Dhowaan ayaa waxaa sii kordhayey xiisadda dowladda iyo Jubaland, ayada oo Axmed Madoobe uu ka cabsi qabo in ciidamada ku sugan Gedo ee beesha Mareexaan ay doonayaan inay qabsadaan Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dowladda NORWAY oo si RASMI ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya isla markaasna ay hadda kadib Visaha ku bixin doonto Baasaboorka Soomaaliga halkii ay markii hore ku dhufan jirtay waraaqo.

Agaaismaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa arrintaan xaqiijiyey.

Koofi ayaa sheegay wada hadal dheer kadib inay dowladda Norwar aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya isla markaasna aysan arrintaan saameyn ku yeelan doonin Soomaalida dalkaas ku nool.

Taliyaha oo mar la waydiiyey tirade dowladaha aqoonsan Baasaboorka Soomaaliga ayaa sheegay inay arrintaas ku wadaan baaritaan balse wuxuu sheegay in Qaaradaha Africa iyo Aasiya guud ahaan laga aqoonsaday.

Sidoo kale wuxu sheegay marka la fiiriyo qaaradda Yurub inay Baasaboorka Soomaaliya aqoonsan yihiin dowladaha Faransiiska, Talyaaniga iyo Norway oo hadda kusoo biirtay, wuxuuna xusay in hadda wada hadal lagu jiro dowladda Ingiriiska.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay inay ku dadaalayaan inay baasaboorka Soomaaliya ku qanciyaan dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Canada.

Koofi ayaa Sanadkii 2017 sidaan camal horey u sheegay inay dowladda Norway aqoonsatay Baasaboorka Somalia, arrintaasna waxay noqotay wax kama jiraan, lamana ogo sida uu u dhaqan geli karo hadalkaan cusub ee sanad kadib kasoo yeeray Koofi sida aad ka aragtaan sawirka hoose oo ah wareysi uu Sanadkii 2017 siiyey Radio Muqdisho

Haddaba halkaan hoose ka dhageysi Wareysiga uu Koofi siiyey Idaacadda VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

JUBALAND oo shaacisay sababtii ay garoonka uga soo celisay Jen. Bogmadow

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay sababta ay garoonka uga celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada Jubbooyinka, taasi oo uu ku sheegay in aanan lagala tashanin soo magacaabista.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah General Ismaaciil Saxardiid.

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Sida ku cad qoraalka ku soo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yiri “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya ku soo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo”.

Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43-aad ee XDS Gen. Cali Bogamdow”.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Waxaa shirkaas ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Prof. Galeyr “Haddii xaalku sidan sii ahaado, shacabka ayaa tallaabi qaadi doono”

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii hore ee maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Cali Khaliif oo ka hadlayay xiisadaha colaadeed iyo dagaallada ku soo noq noqday deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegay in dagaalka uu sababay hoos u dhac ku imaada tirada shacabka ku nool Tukaraq.

Cali Khaliif, ayaa sheegay in dagaalka Tukaraq ay ku dhinteen tirro aad u farabadan waxa uuna cadeeyay in hoos u dhaca tirada shacabka ay noqoneyso musiibo kusii kordheysa Gobolka.

Waxa uu xusay in wax laga xumaado ay tahay in gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq ay weli isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

“Way ii dhimantahay dagaal kan lamid ah oo ka dhaca gobolka Sool, maalin aan shacab ku dhiman dagaalka iyo is rasaaseynta ma jirto waa musiibo nagu habsatay”

“Muddo intaa ka badan waxa ay dadka deegaanka ku khasbanaan doonaan inay iska dulqaadan labada ciidan ee dheef doonka ah, waayo dhiiga daadanaayo waa kooda”

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal iyo deganaan.

Haddalka Cali Khaliif ayaa u muuqanaaya mid lagu dalbanaayo xal degdeg ah oo laga gaaro dagaalka, waxaana aad u adag in si sahlan uu ku hakado dagaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey heshiis madaxda GALMUDUG ay gaareeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-faham uu sheegay inay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xisbiga maamula Ethiopia ee EPRDF oo jawaab siiyey madaxweyne CABDI ILEY

Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa ay hadda jawaab ka timid xisbiga haya talada ee EPRDF.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga.

Haddaba BBC-da laanteeda Afka Amxaariga ayaa waxaa waraysi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxayna tiri.

“Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”.

Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr Saadaat madaxa arrimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuuna yiri “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”

Mustafa Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay deegaanka, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa BBC-da sidoo kale uga waramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yiri “midda koobaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay”, midda labaadna waxay tahay “Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.”

Mr Gatachew Asafe ayaa waxaa xilka ka qaaday Ra’isulwasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale.

Kama uusan jawaabin shaqsiyan eedeymaha uu madaxweynaha u jeediyay.

Xigasho: BBC Somali

Dagaal xooggan oo maanta MUQDISHO ku dhex maray ciidamo ka tirsan laba beel

Muqdisho (Caasimda Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo muddo kooban socday ayaa waxa uu si gaara ugu dhexeeyay ciidamo isugu jira Militeriga iyo Booliska, kaa oo ka dhacay waaxda liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Qeyb kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in hab qabiil uu u adeegsanaayay ganacsade uu muran kala dhexeeyay ciidamada kale, halka dhinaca kalena ay ka soo horjeeden ciidamada la watay.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 qof oo ka mid ah dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay dad kor u dhaafaya afar ruux oo ay ku jiraan ciidamada ay dirirtu u dhexeysa, waxaana iminka socda waan-waan lagu joojinaayo dagaalka u dhexeeya labada ciidan.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya dagaalada ka dhasha dhulalka oo ay ka qeybqaatan ciidamada Qaranka oo amniga ka hormariyay tooda gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Sheekh C/llaahi Maxamed Rooble oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa saakay waxa ay duleedka magalada Muqdisho ku dileyn nin Sheekh ah, kadib markii ay wadada u galeyn gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay gaari Noha ah, isla markaana ay rasaaseeyeen rag watay mootada loo yaqaano dhug dhugleyda, isla markaana ay baxsadeen.

“Isaga oo maraya meel u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa mootooyin lagu hor jaray gaarigii uu watay laguna rasaaseeyey, waxaa la saarnaa laba xaas uu qabay iyo walaalkiis, rag watay mooto dhugdhugledya ayaa wadada u galay weyna baxsadeen, wuxuu ahaa Sheekh ka tirsan culimada Suufiyada gaar ahaan qaadiriyada” ayuu yiri qof ka mid ah eheladiisa.

Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka SOMALILAND iyo Puntland u dhaxeeya oo mar kale maanta billowday

Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxa uu bilowday kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dayeen inay ku siqaan halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen meydadka Afar askari oo labada dhinac ah iyo dhaawacyada lix ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaaray Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale, Saraakiisha kala hogaamineysa labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo, waxa ayna ciidamada Somaliland qireen inay khasaro xoogan u geysteen kuwa Puntland.

Geesta kale, dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada labada maamul ay weli yihiin kuwo isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]