25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Aqri: Maxaad kala socotaa qodobada diirada lagu saari doono shirka Brussels

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia.

Magaalada Brussels ayaa waxaa jooga wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirka magaalada Brussels wuxuu daba socdaa  shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Madaxda dalka ayaa la filayaa in shirka ay kusoo bandhigan waxyaabaha ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doona saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka.

Seddexda shir kale ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

“Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog ku saabsan habkii Suuriya loogu dilay Soomaali taliye sare ka ahaa Daacish

Damascus (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London, waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla  K/galbeed ee dalka Syria.

Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu Hurayrah Al-Somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore.

Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid).

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Xog: Xilalka Xamar oo loo bixinayo hab yaab leh oo ku cusub dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay Mahad Cilmi oo ka tirsan baarlamanka Galmudug u magacaabay gudodomiyaha degmada Waaberi, xilli uu maalmahan magacaabayey gudodomiyeyaal cuusb.

Magacaabistan ayaa timid laba maalin un kadib markii sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan ee Muqdisho loo magacaabay Cabdixakiin Dhagajuun, oo beddelay Maxamed Axmed Cantoobo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sidoo kale lix guddoomiye degmo oo cusub la filayo in dhowaam uu magacaabo Yariisow, ayada oo maalinba mid lagu dhawaaqayo. Magacaabista xilalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu qanciyo xildibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo kaalin weyn ku lahaa ridistii guddoomiye Jawaari, iyo shaqsiyaad kale oo dowladda aad ugu dhow.

Tusaale, Mahad Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ayaa waxaa lagu qanciyey xildhibaan Abtidoon Yare oo isla beeshaas u dhashay, iyo xubno kale oo isaga ku beel ah, halka Dhagajuun uu keensaday nin lagu magacaabo Cali Yare, oo aan dowladda ka tirsaneyn balse ku dhow Villa Somalia. Dhagajuun iyo Cali Yare labadaba waxay kasoo jeedaan beesha Ceyr.

Sidoo kale, xubnaha kale ee la qorsheeyey in la magacaabo ayaa iyagana lagu qancin doonaa xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Ilo-wareedyo ku dhow Caasimada Online ayaa sheegaya in Yariisow uusan wax shaqo ah ku lahayn magacaabista, ayna ka socoto xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxtooyada, oo dhammaan magacyadan usoo gudbinaya gudodomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa yaab leh in dadka la magacaabay qaarkood ama kuwa la magacaabayo aysan xitaa deegaan u lahayn degmooyinka loo dhiibayo, waana calaamad kale oo muujineya habka maamul xumo ee ka jira magaalada, oo dhowaan amnigeeda uu faraha kasii baxay.

Horey waxaa u jirtay in xildhibaano iyo siyaasiyiin badan lacag baad ah ay bil walba uga qorneyd qasnadda gobolka Banaadir, haddana waxaa kusoo biiray xilal qancis ah. Waa calaamad kale oo muujineysa heerka uu gaaray musuq-maasuqa ka jira dowladda iyo gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaadan ogeyn oo laga dhexlay maanta qaraxii agagaarka Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa shalay weerar culus oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay Qaraxyo uu ka dhacay afafka hore ee xarunta Villa Somalia.

Qaraxan ayaa waxaa laga dhexlay dhibaatooyin kala duwan, waxaana go’ay dhamaan waddooyinka ku hareersanaa goobta uu weerarka ka dhacay shalay.

Dhibaatooyinka laga dhexlay weerarka shalay ayaa waxaa kamid ahaa in gabi ahaan maanta la jaray isticmaalka gaadidka wadadaasi marayay kadib weerarka, iyada oo markii horeba ay yaraayeen gaadiidka isticmaalayay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa maanta waxaanan jirin dhaqdhaqaaq wadadaasi ka jira.

Ciidanka koofi guduuda ayaa maanta oo Axad ah la arkayay gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowladda iyaga oo u diidaya inay wadadaasi maraan, xitaa iyaga oo wata aqoonsiyo.

Ciidamada ayaa wadada hormarta Villa Somalia xitaa ka mamnuucay inay maraan gaari gacanada iyo kuwa dameerka, halka wadad ceel gaabta meel ku dhow Buundooyinka lagu jaray Gaadiid dagaal, Dhagxaan iyo sheega baabuurta.

Dhaqanada cusub ee laga dhexlay weerarkii shalay ka dhacay aaga Villa Somalia ayaa waxaa kamid ah in shacabka wadadaasi lugtooda ku mara xitaa loo diiday maanta.

Waxa ay arintaani dhibaato ku noqoneysaa hadii ay sii socoto dadka rayidka ah ee degan degmooyinka ka dambeeya Madaxtooyada gaar ahaan degmada Hawlwadaag ee u soo shaqo tago Suuqa Xamar Weyne, maadaama dadka oo dhan aysan wada heysan aqoonsiyo.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa mar waliba oo ay dhacaan Qaraxyo dhibaatada ugu badan kala duldhacda dadka shacabka ah, waxa ayna su’aashu tahay yaa u maqan shacabka Muqdisho.

Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa sii laba jibaareysa talaabada ay ku adkeyneyso amnigeeda maadaama maalmahaani ay marti galisay Qaraxyo iyo weeraro toosa oo aad u xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

2 sano kaddib afgambigii dhicisoobey, TURKIGA oo barwaaqo cagta saaray

Istanbul (Caasimada Online) – Maanta waa July 15keeda, waxaa 2bo sano laga joogaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan  askarta dalkaaasi ay sameeyey afgambi  dhicisoobay,  waxaa uu ahaa afgambigii  7aad ee ka dhaca dalkaasi.

Afgambigan dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen saraakiil daacad u ah  dhaqdhaqaaqa Gülen  oo 2014kii lagu daray liiska argigixisada, waxaa ku dhintay 250 qof  halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000.

Kooxdan Gülen , waxaa ay saacado yar gudahood gacanta ku dhigeen madaxtooyada, xarumaha baarlamaanka iyo sirdoonka iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dadkii ka dambeeyey afgambiga ee gacanta ku hayey waxay aaminsanayeen in afgambiga la soo afjari doono subaxa hore iyadoo la isticmaalayo awood, waana rajada ay qabtay kooxda Gulen waxayna ugu magac dareen afgambiga “hawlgalkii biriqda” taasi oo markii dambe guul-darro ku dhamaatay.

Dhinaca kale, Dadka reer Turkey waxaa ay diideen afgambigaas, waxaa guuleystay rabitaankooda iyo jaceylka ay u qabaan hoggaamiyahooda Recep Tayyip Erdoğan, iyaga oo bad-baadiyay hey’adaha dimoqoraadiga ah, waxaana maalintaas noqotay mid taariikhi ah.

Dadka inay ay weli jecel yihiin waxaa kugu daliil ah markii Erdoğan dartiis dastuurka loo badalay sanadkii hore, lagana guuray nidaamkii baarlamaaniga ahaa oo loo guuray nimaad madaxweyne, si taas looga miro dhaliyo waxaa ay shacuubta Turkiga aqlabiyad 52.6 ku doorteen doorashadii bishii hore June 24, hadda waxaa uu madaxweynaha soo dhisay xukuumad, waxaa lagu wadaa in xaaladda deg-deg ah la qaado todobaadka soo socda 2 sano kadib, Turkigana waxaa uu cagta saaray waddadii horumarka iyo hoggaaminta.

Inkasta uu dalkaasi dagaal kula jiro argigixisada, NATO-na uu ciidan badan siiyay, hadana dhaqaalaha dalkaasi waa mid adag, sanadkii tagay waxaa uu noqday dalka ugu korista badan xagga dhaqaalaha adduunka, waxaa xoogan hey’adaha kala duwan, waxaa intaas dheer shaqo abuur badan.

Dalka Turkiga, waxaa uu sidoo kale maalgeshi u aaday caalamka, dalalka ay maalgeshteen waxaa ka mid ah  Soomaaliya, waxaa uu dalka ka fuliyay mashaariic badan oo ay ku jiraan dhismaha jidad, Isbitaallo,  Dekadda iyo Airportiga Muqdisho halka Turkish Airways ay tahay diyaaradda keliya ee caalamiga ah ee ka soo degta Muqdisho, iskuna xirta Soomaaliya iyo Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected] 

Xog: Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo DF oo meel aad u xun gaaray

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya maamulka isku magacaabay Jubbaland ee kajira magaalada Kismaayo iyo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay in ay garoonka diyaaraaha Kismaayo ka celiyeen Jeneraal Cali Bogmadoow oo Farmaajo uu usoo magacaabay taliyaha guutada 43-aad ee ciidamada dowladda.

Taliyaha cusub ayaa markii loo diiday in uu caga dhigto magaalada Kismaayo wuxuu ka dagay dhanka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo halkaas oo uu ka sheegay in si xun loola dhaqmay.

Wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonaan deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyagoo aan cidna uga heybaysaneyn wuxuuna ku eedeeyay maamulka Axmed Madoobe in uu ku kacay fal halis ku ah wax uu ugu yeeray jiritaanka dowladnimo.

“Falka dhacay maahan wax ku haboon dowladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiin,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarrey ayaan u duulnay,waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Bog-madoow.

Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbalanad ayaa isna ku eedeeyay Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre in ay ku dhaqaaqeen fal ay ku kala qeybinayaan maamulka ‘Jubbaland’.

“Madaxda dowladda waxay soo magacaabeen taliye cusub iyadoo taliye Saxardiid Muqdisho ku suganyahay, taliyaha lasoo magacaabay wuxuu halis gelin karaa ammaanka deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland sidaas ayaan uga celinay Kismaayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Qoraal bishii lasoo dhaafay uu Axmed Madoobe udiray Farmaajo ayaa muujinayay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ee ku aaddan arrinta ciidamada.

Maamul goboleedyada kajira Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn dowladda Fadhiidka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxayna maamulladaasi ka amar qaataan itoobiya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

FAAH-FAAHIN ku saabsan nin walaalkiis ku gowracay xaafad ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhacdadaan layaabka leh ayaa waxa ay Maanta ka dhacay Xaafada Kaawa-Godeey dhinaca degmada Dharenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka dilka wiilka waxaa uu u adeegsaday Toorreey, waxaana la sheegay in ninka Madaxa looga jiro uu kasoo baxsaday goob uu ku xirnaa.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninkaasi oo ku xirnaan jiray guriga Banaankiisa, Gudaha guriga soo galay, islamarkaana ay u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo Toorrey.

Markii uu tooreyda soo qaatay, ayaa wuxuu soo galay guriga, kadibna wuxuu mindidii caloosha ka galiyay walaalkiisa, ugu dambeyna qoorta ayuu ka jaray, sida uu xaqiijiyay ruux daris la’ah guriga dhacdada ay ka dhacday.

“Ninkaan wuu xanuunsanaa muddo ayuu xirnaa Banaanka guriga ayuuna ku xirnaa, laakiin saaka afar saac ayuu meeshii uu ku xirnaa ka soo fakaday tooreyda nooca hilibka lagu qalo, ayuu soo qaatay markii uu guriga soo galay wuxuu caloosha ka galiyay walaalkiisa, kadibna qoorta ayuu kaga dhuftay tooreyda sidaas ayuuna ku dhintay.” Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadka deegaanka.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka gaystay  ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka kunool Xaafada soo wajahday Cabsi badan,maadaama laga cabsi qabo in uu geysto dilal kale.

Dhacdooyinka ku saabsan dadka walaalaha ah ee isdilaya ayaa bilihii u dambeysay kusoo batay Magalada Muqdisho,waxana todobaadkii hore suuqa Bakaaraha uu nin kale walaalkiis roorey ku dilay ka dibna uu baxsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Kismaayo mise J/Land? Axmed Madobe oo sidii qabqable u dhaqmaya

Kismaayo (Caasimadda Online) – Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka Federal-ka oo hadda magac ahaan loo adeegsado “In theory” balse duruufo jira awgeed loo isticmaalo “Consociation”.

Marka hore maxay ku kala duwan yihiin Federal-ka iyo Consociation-ka?

Federal-ka waa nidaam dowladeed ay dadku, qeyb weyn ka mid ah ay leeyihiin ay awood dheeri ah ka helaan dowladda iyada oo ay xafiisyada maamulkooda ay soo doortaan dadka.

Consociationalism, waa nidaam dimuqraadi ah oo xasilloon balse ay adeegsato bulsho aad u kala qeybsan iyaga oo qeybsada awoodaha dowladda kuna salleeya sida ay u kala xoog badan yihiin qabaa’ilada kala duwan.

Soomaaliya walow ay rasmi ahaan nidaamkeeda dowladeed yahay Federal hadana waxa ay awoodaha qabaa’ilka ku saleeyaan nidaam dimuqraadi ah oo ay isku afgarteen beelaha!

Tusaale, haddii sida hadda uu Madaxeynaha noqdo beesha Daarood waxaa qasab ah in Ra’isul wasaaraha laga keeno beesha Hawiye, kursiga golaha shacabka in muddo ah waxaa buuxin jirtay beesha Digil iyo Mirifle, waxaa taas dheer in lagu soo daray gole baarlaam oo sare kaas oo isna loo qoondeeyey beesha direed.

Sidoo kale golaha wasiirada iyo xubnaha kale ee dowladda waxaa loo qeybsadaan nidaam ku saleysan 4.5 ama haddaan si kale u dhigno dowladda Soomaliya hadda jirta waa mid Consociationalism ku salleysan.

Wadamada nidaamkaas adeegsada waxaa ka mid ah Lebanon oo Madaxweynaha loo qoondeeyo madhab ka mid ah Christian-ka halka Raisul Wasaaraha ay helaan Muslinmiinta Sunni-ga ah.

Hadaba dulucda qormadeyda waxa weeye iyada oo ay dalku isticmaalayey nidaam Federal ah oo aan fadhin taas oo ay dheertahay in uusan haysan afti dadweyne, hadana maamulada qaar waxa ay u dhaqmaan sidii hoggaamiye kooxeedii Muqdisho iyo qaar ka mida goboladda dalka muddo ka arimin jiray.

Waxaa ugu daran tusaale weynna u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhawaan waxa uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka soo celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland, oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay.

Ma aha markii ugu horreeysay ee uu ficilka noocaas ah ku dhaqmo Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale dowladdii Xassan Shiikh Maxamuud Madaxeynaha ka ahaa isla garoonka Kismaayo u diiday in ay ka dagaan wafti heer Federal ah oo uu hoggaaminayey wasiirkii gaashaandhigga ee xilligaas Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi .

Taliyaha uu Axmed Madobe ka soo celiyey madaarka Kismaayo oo lagu magacaabo Cali Bogmadow waxa uu ka dagay magaalada Garbahaareey ee ah xarunta gobolka Gedo.

Taas waxa ay muujineysaa in Axmed Madoobe uusan awood ku lahayn gobolka Gedo!

Maamulka Jubbaland oo loo aqoonsan yahay saddexda Gobol ee kala Jubbada  Hoose (Kisaayo), (Jubbalada Dhexe “Bu’aale) iyo Gedo (Garbahaareey) waxa uu Axmed Madoobe ka taliyaa magaalda Kismaayo iyo dhawr degmo oo ay beeshiisu degto, taas soo lama oran karo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe waa Maamul Gobolleedka Kismaayo ee ma aha Jubbaland?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdikariin Qalbidhagax oo casuumad ka helay mid ka mid ah maamulada dalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu casuumaad u fidinaayo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax oo dhawaan laga sii daayay Xabsi ku yaala dalka Ethiopia.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maamulka uu ku howlan yahay qorsho uu casuumaad ugu fidinaayo Qalbi-Dhagax.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin dadka kasoo jeeda dhulka Soomaalia Ethiopia, sidaa aawgeed ay Somaliland garatay inay casuumaad gaara u sameyso Qalbi-Dhagax oo hadda ku sugan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax loo sameynayo xaflad dhiiragelin ah maadaama uu yiri uu kasoo baxay gacanta DFS iyo tan Ethiopia.

Waxa uu Faysal Cali haddalkan ka sheegay kulan uu ka hadlaayay mar uu kasoo laabtay safar uu ku aaday deegaanka Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag , halkaasi uu dagaal ku dhexmay Beelo mudo dagaalkooda uu soo laab laabtay.

Dhinaca kale, Faysal Cali ayaa sheegay inay kalsooni siin doonaan cid waliba oo kasoo horjeeda dowlada Somalia maadaama ay caqabad ku tahay jiritaanka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: Halkee ka yimaadeen labada gaari ee shalay lagu weeraray VILLA Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar u muuqday mid wakhti badan laga soo shaqeeyay oo maalinimadii shalay lagu qaaday baro ay fadhiistaan ilaalada xarunta Madaxtooyada Somalia.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaa oo ku qarxay meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada gaar ahaan meelo u dhow Hotelka SYL iyo Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab.

Maleeshiyada hubeysneed iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in mudo ka badan 30 daqiiqo ay halkaasi ku dagaalamayeen, iyadoo markii danbe laga adkaaday maleeshiyada dooneysay inay awooda ku galaan Madaxtooyada.

Sida aan xogta ku heleyno labada Gaari oo midi ahaa nooca loo yaqaan Saruf ay abaaro (Afar saac oo subaxnimo) kasoo dhaqaajiyey gudaha Degmada Waabari, waxa uuna ku nastay goob ku tiilay agagaarka buundo labaad oo aan sidaa uga sii fogeyn Ceelgaabta.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in buundo labaad uu ku sugaayay Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo muddo kadib buundada ku gaaray Mooto bajaaj ay la socdeen.

Waxa ayna sidaa ku raaceen gaariga Sarufta oo qadar 17 daqiiqo kadib u dhaqaajiyay dhanka Ceelgaabta oo ah halka uu ka dhacay weerarka koowaad.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo u dhexeeyay 5 ilaa 7, ayaa waxaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow Afar cisho ay ku sugnaayen Degmada Waabari, halkaa oo laga abaabulay weerarka, sida aan kasoo xiganay illo lagu kalsoon yahay.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in maleeshiyaadka la socday gaariga Sarufta ee Madaxtooyada ka koray Ceelgaabta uu waday laba caag shidaal oo kiiba uu yahay 20-le.

Shidaalka ayaa gaariga la saaray inta uu taagnaa Buundada, waxaana ujeedka shidaalka la sheegay inuu ahaa in lagu ololiyo Qaraxa si uu u geesto khasaaro xoogan.

Dowlada Somalia ayaa maalmahaani aad u adkeysay amniga magaalada Muqdisho, waxaana jiray xogo muujinaayay in gudaha magaalada ay ku jiraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Sidoo kale, waxaa su’aalo ka taagan yihiin sida ay Hay’adaha amaanka ku ogaan waayen gaadiidka weerarka lagu fuliyay oo maalmahaani aad loo hadalhayay.

Geesta kale, Qaraxyada shalay ka dhacay afafka xarunta Villa Somalia, ayaa kusoo beegmaaya xili asbuuci lasoo dhaafay uu Qarax lamid ah ka dhacay Xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu SOOMAALIDA ku soo kordhin karaa shirka ka furmaya BRUSSELS?

Brussels (Caasimada Online) – Inta badan madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku sugan Magaalada Brusseles oo lagu qabanyo shir looga hadlayo danaha Soomaaliya oo saaxiibada beesha calamkaa sida dowladda Ingiriiska, dowladda Swedan iyo hay’adaha taageera Soomaaliya ku kulmi doonaan.

Shirkan Brussels  waxa uu ka duwanyahay shirarkii London Somalia conference iyo New deal Somalia waxaana shirkan uu yahay “Somali partnership forum, oo diiradda lagu saari doonaa arimo kala duwan sida: wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore ee lagu kala qabtay London iyo Muqdisho,  guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska , dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii dalka.

Madaxda Soomaaliyeed ayaa la fahansanyahay in aysan aheyn isku ajando iyo isku aragti gaar ahaan Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada  dalka oo arimo dhowr ah isku khilaafsan- walina aan xal laga gaarin, waxaana la saadaalinayaa in uu noqon doono shirkii Bishii May ee isla sanadkan ka dhacay Brussels oo Ra’isul wasaare kheyre iyo wafdi ka socda Maamul goboleedyada dalka isku khilaafeen, taa oo ururka midowga Yurub aad uga careysiisay is aaminaad la aanta ka dhextaagan Soomaalida.

Dowladda waxey Madasha horgeyn doontaa; Siyaasadda loo dhanyahay, Kheyraadka Wadaagiisa, Nidaamka Doorashada, Dib uhabeynta dastuurka, Xeerka Doorashooyinka iyo Nidaamka Doorashooyinka oo la isla qaatay si dalka Hal qof iyo Hal cod doorasho ah uga dhacdo dalka.

Waxaa xusid mudan in Maamul Goboleedyada ay doonayaan in siyaasadahooda dibadda loo madax banaaneeyo maadamada maadaama Dowladda Federalka Soomaaliya horey u shaaciyay in ay tahay mida kaliya ee Soomaaliya ku mateli karta shirarka caalamiga ah, waxeyna badi ka soo horjeedaan Ajandaha u diaayrsan Dowladda Federalka ee shirka Brussels sida in AMISOM dalka laga saaro iyo arimaha qeybsiga Kheyraadka dalka.

Soomaaliya ayaa weji gabax kala kulmi doonto beesha Beesha caalamka oo taageero dhinacyo kala duwan ah siisa hadii ay isku khilaafaan Qodobada looga hadlayo iyo waxa ka soo bixi doona, taa oo dhabar jab weyn ku ah Soomaalida iyo Saaxiibadeeda Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected] 

Muxuu ka dhiggan yahay heshiiskii muhiimka ee ka dhacay VILLA SOMALIA?

Is-afgaradkii jimcihii ay Villa Somalia ka shaqeysay, una dhaxeeyey dhinacyada Galmudug, waa arrin la soo wada dhoweeyay, laakin waxaa jirto cabsi laga qabo sida Ahlu-sunna ula dhaqmi-doonto hirgelinta arrimaha la isku afgartay, taasi oo sheekada ku celin karta meel “Eber ah”.

Khilaafka Muqdisho lagu xalliyay ma aha mid ku kooban madaxweynaha Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamaanka, arrinta salkeeda waa sida loo fulinayo heshiiskii 14ka qodob ahaa ee Galmudug iyo Ahlu sunna wada gaareen.

Galmudug iyo Ahlu sunna, ma aha markii ugu horeysay ee arrintooda Villa Somalia u fariisato, ee waa markii 3aad ee madaxweyne Farmaajo uu arrintan isku xil saaro 7dii bil ee ugu dambeysay, laga soo bilaabo heshiiskii December 6, ee 10ka qodob ahaa ilaa midkan lagu dhameystirayo heshiiskii Djibouti.

Heshiisyada Galmudug iyo Ahlu sunna waxaa ay soo socdeen tan iyo July 30, 2014kii, xillgan waa markii ay ugu dhowaayeen balse ku adkeysiga Ahlu-sunna ee ah in ay baarlamaanka Galmudug ku soo darto tiro ka badan midka Cadaado ku sugan, in laga tillaabsado awood qeysiga beelaha iyo arrimo kale waxaa ay horseedi karaan jug jug meeshaada jog iyo in mar walbo meel eber ah wax laga soo bilaabo.

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug waxaa ay qabaan in Ahlu-sunna aaney u hoggaansami-doonin heshiiska lagu saxiixay Djibouti, taasina ay waxba kama jiraan ka dhigi-doonto is-afgaradkii madaxweyne Xaaf, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Liibaan Cabdullahi Sheekh Xasan waxaa uu sheegay in arrinta dhacday ay aheyd is-afgarad iyo dib u sixid lagu sameeyay heshiiskii Dibouti.

Xildhibaan Liibaan oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yri“Shirkii Djbouti waxaa lagu heshiiyay 14 qodob, saxiixa kadib waxaa ay aheyd in wasaaradda arrimaha gudaha ka shaqeyso, oo inta baarlamaanka Galmudug la keeno la sharciyeeyo, iyada oo aan taasi la sameyn ayaa Dhuusa-mareeb la geeyay, tiina waa socon-weyday, hadda waa in la soo celiyo, oo dib loo saxo, waa in baarlamaanka Galmudug hubiyo in heshiiska loo maray awood qeybsiga beelaha ee arrimaha kale”.

“Horta mu’min god 2 jeer lagam qaniino, waa arrin xun in meesha la taagnaado, waa in la isla ogolaado in qaladaadka la saxo, in dastuurka loo hogaansamo, oo wax walbo dib loo saxo, maslaxadda Galmudugna wax walbo laga hormairyo” ayuu intaasi raaciyay .

Dhinaca kale Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud waxaa uu qabaa in arrinta dhacday ay tahay in madaxweyne Xaaf uu ku galay si deg deg ah, oo Ahlu-sunna aaney u hoggaansami doonin 14kii qodob ee Djibouti.

“14 qodob ee Djibouti ee madaxweyne Xaaf heysto, Ahlu-sunna ma ogola, 14ka waxaa ay rabaan in laga dhigo sida ay iyaga rabaan, waxaa ay iila muuqataa jug jug meeshaada joogo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Kulan Muqdisho ka dhacay oo looga hadlay colaadda Tukaraq iyo saameynteeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu dhaggeystay warbixin horudhac ah oo ku saabsaneyd xaaladaha horumarka iyo dib u dhaca ee waxbarashada, caafimaadka, nabadgalyada iyo isdhexgalka bulshada deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Kulankan oo ka dhacay Hotel SYL, waxaa ka soo qeybgalay xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo siyaasiin hore oo ka soo jeeda gobolladaas,  aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha oo ay soo qaban qaabisay Bahda Wadaag Community oo ka kooban dhallinyaro ka baxay Jaamacadaha dalka iyo dibedda, u dhaq dhaqaaqeyaal bulsho iyo saxafiyiin isla deegaanka ka soo jeeda ayaa lagu soo jeediyey warbixin xog uruurin oo horudhac u ahayd dhibaatooyinka kala duwan ee gobolllada Sool, Sanaag iyo Cayn ka jira.

Warbixinta oo ka koobneyd dhammaan mushaakilaadka ka jira deegaankaas ayaa waxaa si gaar ah loo faahfaahiyay dhibaatooyinka ka dhashay colaadda Tukaraq, saamaynta barakaca iyo xaaladaha degdega ah ee ka jira deegaanada colaadda saamaysay.

Sida xogta lagu sheegay waxaa ku dhintay dagaalka Tukaraq ka bilowday 8dii Janaayo 2018 ku dhintay dad ka badan 250 qof halka ay ku barakaceen in ka badan 12,500 oo qof.

Taas waxaa dheer in wali deegaanku ay dhiillo collaadeed ka jirto iyadoo aysan jirin wax gargaar bini;aadanimo ah oo loo fidiyay dadka dhibaataysan.

Dadka ka barakacay deegaanka Tukaraq iyo agagaarkiisa boqolkiiba afartan (40%) waxa ay ka mid  ahaayeen dadkii ay aafeysay abaartii sima ee ee Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2016.

90% oo ka mid ah dadka barakacay ma helaan cunno. In kabadan 80% dadka barakacay ma haystaan alaabta guryahaya, sida alaabta cunada lagu karsado, lagu seexdo iyo dhamaan agabyada nolosha iyo guryaha, mana jiraan wax kaalmo bani-aadanimo ah oo loo fidiyey.

Waxaa jira in kabadan 121oo xaalado nafaqo daro ah dadkii ku barakacay Dhuumod Jabay, Kurso Dabaley, Faleydhyaale, Garaca iyo Hadhqaboobe.

Waxaa madasha hadallo ka jeediyey madaxdii ka soo qeybgashay oo ay ku jiraan Xildhibaano sida Cali Axmed Jaamac Jengeli, Canab Xassan Cilmi, Ikraan Yusuf, Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, Xil Axmed Cali Dubeys, wasiirkii hore ee warfaafinta Professor Cabdikariin Xassan Jaamac, Wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland Jaamac Fariid .

Dhammaan mas’uuliyiinta meesha ka hadashay waxa ay ugu baaqeen bulshada deegaanka, dowladda Federalka, hay’ayadaha deeqaha bixiya in ay gar gaar deg deg ah la gaaraan dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dhibaatada ba’an iyo colaadaha aafeeyeen

Faallo: Gilgilka gobolka iyo gama’sanaanta Somalida

Mahad Idaylkeed Alle Ayaa iska Leh ,Marka xiga waxaan salaan Hawada Umarinaya Idil Ahaan Ummada Soomaliyeed Ee  Af, Dhaqan, Dhalasho iyo dhiig wadaagta ah.

Salaan kadib waxaan Jeclahay inaan Maanta si qotodheer u lafa-guro Isbadalka ugub ee ka Curtay Gobolka Bariga Africa oo ay ugu Horayso Dalka Ethiopia.

Sida aan wada ogsoonahay Mudo aan dheerayn waxaa Ethopia ka dhacay Isbadal Siyaasi ah oo saamayntiisa wata ,waxaa hogaanka dalka qabtay Abid Markii ugu Horaysa Taariikhda Nin kasoo Jeeda Qowmiyada Ugu Tiro badan dalka ethopia.

Abiy Ahmed ayaa noqday Raysaal Wasaaraha Ethopia ,Bar bilowgii Xukunkiisa Wuxuu qaaday talaabooyin dardar leh oo aan looga baran Maamuladii Isaga kala danbeeyey Talada dalka ethopia,talaabooyinkaas oo ay ugu Mudan Yihiin Kala diridii Haraadigii Maamuladii dhiig yacabka wada ahaa shaksiyadkoodii awooda iyo saamaynta ku dhex lahaa awooda siyaasadeed ee dalka, wuxuu si shuruud la,aan ah ooda uga ragay Maxaabiistii buux dhaafisay xabsiyada wadanka ee sida Xaq-darada ah u xirnaa,wuxuu daah furay siyaasad cusub oo ku dhisan is qancin iyo wada xaajood,wuxuu liiska Argagixisada ka saaray Jabhadii Hubaysnaa oo ay kamid tahay Jabhadii xornimo doonka ahayd ee ONLF.

Wuxuu sidoo Kale qaaday taalaabooyin Diblomaasiyadeed oo cul-culus sida wada-xajoodyada uu La galay wadama Soomaliya,Ereteria iyo Masar oo dhamaantood saamayntooda siyasadeed leh.

Isbadalka iyo Ifaafalaha wanaagsan ee kasoo muuqday Ethopia waxay Abuurtay Rajo wayn oo ah in Bariga Africa ay noqon karto meel xasiloon siyaasad ahaan iyo dhaqalo ahaanba.

Soomalida Iyo Isbadalka Ethopia?.

Taarikhiyan waxaa Jiray dagaal qotodheer oo udhaxayn Jiray Qowmiyada Soomalida iyo Qowmiyada xabashida oo iyagu waligood Majaraha uhayay ethopia walow labatankii sano ee u danbaysay ay kusoo biirtay qowmiyada tigreega oo iyaguna mudadaas hogaanka wadanka hayay ,dagaaladaas waxay dad badani ufasirteen mid udhaxayn jiray ethopia iyo soomaliya xaqiiqaduse waxay tahay in labadaas qowmiyadood iyo soomalidu ay is hayeen.

Taarikhiyan Waligeed Xabashi iyo tigree toona ma qabsan dhul soomaliyeed oo kama talin,waxaase caawiyay gumaystihii ingiriiska oo dhulka hada loo yaqaan Ogaadeenya ugacan geliyay.

Waxa jira Xeerar Caalaamiya oo dhigaya inaan xuduudihii gumaystaha waxba laga badalin si looga baaqsado dagaalo ,taas oo la micno ah in dhulka waqooyi galbeed ama Ogadeenya ay wadan ahaan yihiin ethopia haba ahadaan isir ahaan soomaliye.

Tan iyo Maalinkii Gumaystihii Ingiriisku ka baxay africa waxay dawlada ethopia ee hogaankeeda uu meertada u ahaa tigreega iyo xabashidu gumaad iyo gumaysi ku hayeen dadka ku nool dhulkaas oo ay rabeen inay xoog ku itoobiyaaneeyaan, waxaa gobolka Waqooyi galbeed ka dhacay xasuuq si bahalnima ah loogu dabar goynay dadka soomaliyeed ee halkaas ku nool.

Dadkii waxay noqdeen wax la dilo,waxa cararra ,wax hubka qaata oo duurka gala,wax la xiro iyo wax gumaysiga qaayiba.

Wixii dhacay waa dhaceen oo waa hubaal in la isaga daba iimaan doona oo laga xisaab tami doona dulmiga iyo darxumada loo gaystay dadka soomaliyeed ee gobolkaas ku nool.

Hadal iyo dhamaan wajigii ethopia aan ku naqiinay waxaad mooda inuu is badalay, dawlada soomaliya waxaa laga  rabaa in ay uga faa,idayso isbadalka ka dhacay ethopia dadkeeda laba siyaabood;

1- Dawlada soomaliya waa inay xooga saartaa sidii ay u baabi,n lahayd faraglinta siyaasadeed ee ay caadada u lahayd ethopia inay soomaliya ku samayso, isla markaasna  aynu u noqon lahayn laba wadan oo xor ah oo daris wanaag kuwada nool.

2- Dadka Soomaliyeed ee ku nool Gobolka waqooyi galbeed in xuquuqdooda iyo xornimadooda lala raadiyo oo si buuxda loo garab istaago oo la tuso caalamka iyo ethopiyaba in dadkaas ay leyihiin dad iyo dal utaagaan ilaalinta sharaftooda iyo sumcadooda, lana qaado hadba talabadii macquul ah si loo xaqiijiyo rabitaanka dadkaas soomaliyeed ee ku nool gobolkaas.

F.G= waxaa mudan in laga digtoonaada dhagarta cadawga ee ku aadan iska horkeenida labada qowmiyadood ee walaalaha ah ee Oromada iyo soomalida si looga gashaanto dhaawac ku yimaada isbadalka cusub ee ka bilowday dalka ethopia.

W/Q: Abdikadir ibrahim Ahmed (Kambale)

Yariisow oo xildhibaan u magacaabay gudoomiye degmo Xamar ka tirsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Waaberi,isaga oo guddoomiye cusub u magacaabay degmadaas.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa xilka guddoomiyaha degmada Waaberi loogu Magacaabay Xildhibaan Mahad Cilmi oo lagu wado inuu xilka kala wareegi doono Guddoomiyihii hore ee Degmada Rowdo Cabdullaahi.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Rowdo Cabdullaahi Colaad ayaa xilkan loo soo Magacaabay 23kii Bishii May ee Sanadii hore markaas oo Gobolka uu Gudoomiye ka ahaa Taabit cabdi Maxamed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Waabari Mahad Cilmi Cali ayaa kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, waxa ayna Magacaabistan salka ku heysaa Nidaamka Wax qeybsiga ee Qabaliga.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkan waday Isbadallada dardarta leh ee uu ku sameynayay Gudoomiyayaaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dhawaan xilkii laga qaaday Maxamed Axmed Cantoobo oo ahaa Gudoomiyaha degmada hodan, waxaana Booskiisa loo dhiibay Dhagajuun.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Meydad weli Villa Somalia agteeda yaalla iyo tuhun ka dhashay dareeska ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya goobihii qaraxyada ay ka dhaceyn ee Muqdisho ayaa haatan degan,waxana horay u jirtay in qaraxyada ka dib la maqlay rasaas xoogan.

Laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in ay ku qarxeyn meel aan ka fogyen Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan meelo u dhow Hotelka SYL iyo Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab.

Meydadka ilaa iyo Saddex ruux oo xiran dareeska cusub ee Ciidamada Militeriga ayaa yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in saddexda ruux ee goobta uu Weerarku ka dhacay yaalla ay yihiin Kooxdii soo weerartay Ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda, halka qaar kale ay goobta ka baxsadeen iyaga oo badqaba.

Waxaa sidoo kale meel u dhow Beerta Nabadda yaalla Hilbaha ruuxii la sheegay in uu isqarxiyay iyo meydadka dad shacab ah oo xiliga Qaraxa maraayay goobta.

Meydadka qaar ayaan muuqaal ahaan la aqoonsan waxaana saameyn xoogan ku yeeshay ololka iyo biraha ka dhashay Qaraxa.

Meydadka goobta yaal ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada dowlada oo ku baxay Qaraxa, halka qaarna ay ku dhinteen iska hor imaadka goobta ka dhacay.

Sidoo kale, Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka gurmadka ayaa goordhow bilabay inay guraan Meydadka aan muuqooda la aqoon si ay u gaarsiiyan isbitaalada, gaar ahaan qeybaha keydka meydadka ama aaska.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa shaki galiyay hanaanka shaqo ee Taliska ciidamada Militeriga, waxa ayna far ku godan tahay Taliska ciidamada Xoogga oo iyagu wax laga weydiin doono sida uu ku baxay dareeska ay wateen maleeshiyaadka weerarka fuliyay oo ahaa kuwo dhawaan la bixiyay isla markaana cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo magacaabay gudoomiyaha maxkamada G/Banaadir iyo Racfaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, kaddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla

Xog: Dowladda Baxreyn oo ku fashilantay qorsho ay ku hagardaamin laheyd DF

Manama (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa uu ku fashilmay qorsho uu ku doonaayay in dowlada Somalia uu uga dhaadhiciyo dib usoo celinta wada shaqeynta Imaaraadka carabta iyo Shirkada DP World ee maalgishata Dekadaha Somalia.

Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa, ayaa la xaqiijiyay in arrintaasi uu kala hadlay qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa dalka, hase ahaatee ay ka biya diideen in Baxreyn ay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa uu isku dayay in arrinta labada dal uu ku dhameeyo qadka Telefoonka, balse Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay ka biya diideen in dowlado kale ay gacan ku yeeshay arrinta labada dal.

Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa la xaqiijiyay inuu isku dayay damaanashada Imaaraadka carabta, waxaase arrintaasi si cad u qaadacay Ra’isul wasaare Kheyre oo la rumeysan yahay inuu ku mowqif yahay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa doonaayay in dowlada Imaaraadka carabta uu kalsooni uga abuurto dhex dhexaadinta Somalia iyo Imaaraadka carabta si loo sii wado mashaariicda uu Imaaraadka kawaday Somalia, balse Somalia oo eersaneysa faragalin iyo amni darro ay u abuurtay Imaaraadka ayaa diiday go’aanka lagu dhex dhexaadinaayo labada dal, iyagoo ay muuqato inay heshiinkaraan.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay in shuruud wadahadalka uu yahay in marka hore uu Imaaraadka xiro heshiiska uu Dekadda Berbera kala galay Somaliland, isla markaana dib u saxo khaladaadka laga galay dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Siyaasiyiinta K/Galbeed oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah Shariifka

Baydhabo (Caasimadda Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray war murtiyeed xasaasi ah oo ku saabsan doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

War Murtiyeedka ayaa ka koobnaa talo soo jeedin, Cabasho iyo digniin, isagoo dhameystirana waxaad ka akhrisan kartaa qeybta hoose.

 

WAR MURTIYEED

 

Ujeeddo: Xaalada Kala Guurka ah iyo Doorashada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed November 2018.

Qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ka kooban Siyaasiyiin, Oday dhaqameedyo, Culama u diin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Haween ka soo jeeda Koonfur Galbeed (KG) oo kulamo is dabajoog ah ka yeeshay xaaladda Koonfur Galbeed ku sugan tahay waqtigan xaaadirka ah ayaa waxay qiimeeyeen:
1. Xasilooni darrada soo kordheysa kaasoo khatar gelin kara amniga iyadoo qarka loo saran yahay in beelaha qaar gacan isula tagaan:
2. Maamulka KG oo ku hawlan sidii uu ku abuuri lahaa xaalad kasta oo suuragelinaysa inaanay doorasho ka dhicin deegaanka.
3. Hanjabaad iyo ku takrifal awoodeed oo lagu khalkhal gelinayo cid alla cidii maamulka dhaliisha.
4. Maamulka KG oo aan ka muuqanin diyaar garow in ay doorasho dhacdo, iyadoo aan weli la samayn shuruucdii doorashada IWM.
Sidaa daraadeed, xaaladda oo ka sii daraysa awgeed, isla markaana aanay muuqan sidii xal lagu heli lahaa waxay go’aan ku gaareen:
1. In Maamulka KG ee mudadiisu dhamaatay uusan awood sharciyeed u laheyn inuuu xil ka qaadis ama xil u magacaabis sameeyo.
2. In mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed bilaha November 17, 2018 oo ah Fulinta iyo December 8, 2019 oo ah baarlamaanka, sida ay u kala horeeyaan. 
Isku day kasta oo muddo kordhin ah waa mid aan marnaba la aqbali karin oo sharci daro ah.
3. In la sameeyo guddi doorasho isku dhaf ah laguna wada kalsoon yahay.
4. In goobta iyo mudada doorashada ay ka wada heshiiyaan dhamaan musharaxiinta, baarlamaanka KG, maamulka KG iyo dowladda dhexe.
5. In cid walba isku dayda inay xaalad colaaded ku dhex abuurto bulshada KG dhexdeeda laga qaado talaabo sharci ah.
6. In maamulka iyo garsoorka KG uu noqdo mid go’aanadiisa lagu saleeyo maslaxadda bulshada lagana saxo dhammaan talaabooyinkii kiciyey dareenka reer KG ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
7. Waxaan soo dhoweynaynaa kunaalinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka ay odayaashu wadaan ee xalka loogu raadinayo cabashada beelaha Koonfur Galbeed ka soo yeeraysa.
8. Waxaan madaxda Koonfur Galbeed ugu baaqaynaa ilaalinta 
dastuurka iyo shuruucda wadanka. Kana fogaadaan in khalkhal iyo cabsi lagu abuuro bulshada dhexdeeda.
9. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka in ay fiiro gaar ah u yeeshaan in maamulku qaaado tallabooyin liddi ku noqon kara in doorasho xalaal ahi ka ka dhacdo maamulka KG.

Wabilaahi Tawfiiq

14 Luulyo 2018

SALAAD Cali oo shaaciyey dowladda Farmaajo iyo tii Xasan midda wanaagsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu caansan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedelada ay ku talaabeyso dowlada Somalia tan iyo markii la dhisay dowlada hadda jirta.

Salaad Cali waxa uu sheegay in dowlada hadda jirta ay waxbadan ka wanaagsan tahay dowladihii hore waxa uuna cadeeyay inay ka fursado badan tahay kuwii hore.

Dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka ayuu sheegay in dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xooga saartay, isagoo intaa raaciyay in si dhow ay uga warqabto ciidamada qeybahooda kala duwan oo xiligaan qaata xuquuq rasmi ah.

Salaad Cali, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay aad u adkeysay amniga waxa uuna yiri “Dowladani waxa ay waxbadan ka qabatay amni daradii ka jirtay dalka xiligii hore waxaa maalin dhaaf u dhici jiray Qaraxa iyo dagaal hadase waxaa dhalatay nabad buuxda”

“Waxaan aheyn dad ku tashan jiray Qarax joogta ah hadda Qaraxa waxa uu noqday dhowrkii bilba hal mar, waxaan dareemeynaa inuu soo hagaagayo dalka dowladuna ay lasoo baxday awood muujineysa in dalka uu ka jiro dowlad”

Salaad Cali, waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka ay tahay qeybaha mucaaradka oo mar waliba dalka u horseeda dhibaatooyin aan dhamaan, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in wadan sanado badan burbursanaa hadana la hor istaago nabadiisa.

Waxa uu sheegay Salaad Cali inaan awood lagu dhameyn dowlad laga aqoonsan yahay adduunka “Dowlad laguma dhamo awood mucaradna waxaa lagu yaqaana inuu dhiso dalkiisa, maaha in mucaaradnimadu tahay inaad burburiso dalka oo aad dib ugu celiso halkii laga soo bilaabay taasna yeeli meyno”

Sidoo kale, Salaad Cali ayaa ku baaqay in dowlada Somalia laga dhaafo dhibaatooyinka iyo hadalada xun, waxa uuna sidoo kale carab dhabay in dowladu aysan diidaneyn mucaarad balse shuruuda la doonaayo ay tahay in mucaaradka uu noqdo mid dalka dhisa.

Haddalka Salaad Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu difaacayo dowlada Somalia, isla markaana lagu muujinaayo dhibaatooyinka ay mucaaradka u horseedayaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]