27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Abiy Ahmed oo xal u helay colaada dhiiga ku daatay ee Soomaalida iyo Oromada

Adis ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in ciidamo gaara la kala dhex dhigo Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada ee ku dagaalameysa xuduudka labada dhinac.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa amarkaasi faray Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Ethiopia waxa uuna mamnuucay in ciidamada la kala dhex dhigaayo labada dhinac ay qeyb ka noqdaan Soomaalida iyo Oromada.

Abiy Axmed ayaa sheegay inuu sii xoogeysanaayo dagaalka isla markaana loo baahan yahay in la yareeyo colaada iyo dhiiga muwaadiniinta ee ku daadanaaya xuduudka uu dagaalka ka socdo.

“Waa inaan xal u helnaa dagaalka sii xoogeysanaaya ee u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, suuragal maaha inaan daawano dhiiga daadanaaya waa inaan helnaa ciidamo dhedhexaad ah”.

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa dhaliilay Hogaamiyayaasha labada maamul waxa uuna ku eedeeyay inay ka gaabinayaan dadaalkii lagu xalin lahaa colaada sii xoogeysaneysa.

Ugu danbeyntii waxa uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed u digay dhinacyada ka macaasha colaada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada.

Caasimada Online

Xafiiska Adis ababa

[email protected]

Madaxweyne FARMAAJO: Waa inaanu garanaa halka arrin ee ugu muhiimsan…

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirka Brussels ay dani ugu jirto Soomaalida waxa uuna carab dhabay in cida laga doonaayo ka faa’iideysigeeda ay tahay Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in shirka noocaani ah uusan si sahlan kusoo mari doonin Soomaalida waxa uuna ka digay inay noqdaan kuwo aan ka faa’iideysan shirka.

“Shirka sanadkiiba mar ayuu soo maraa Somalia waxaa nasiib darro ah inaan garan weyno danteena oo aan ka faa’iideysan weyno fursadaha na horyaal”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bilaa shuruud looga faa’iideysto shirka maadaama uu yiri dantu tahay mid ay leedahay Soomaalida.

Madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan adkeysi oo aysan meel uga dhicin sharafka Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in ujeedka uusan aheyn mid isaga u gaar ah.

Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lamid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya mid lagu dhiiri galinaayo madaxda kale ee kusugan madasha shirka Brussels, waxaana xusid mudan in maalinimadii shalay ay shirka ka baxeen wafdiga maamulka Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

[email protected]

Cawad: “Shirka Brussels yuusan idinla noqon sida aad u yareysaneysaan”

Brussels (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa daboolka ka qaaday inay muuqato ka faa’iideysi la’aanta Soomaalida shirarka adduunka.

Wasiir Axmed Ciise waxa uu sheegay in Soomaalida oo isku mowqif ah ay tageen madasha shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka, balse ay markii danbe soo baxeen cilado yar.

Waxa uu Wasiirka tilmaamay in muhiimada Shirka yahay in Soomaalida ay helaan waxyaabo badan oo ay u baahi qabto sida maalgashi iyo hormarinta baahiyaha ku xeeran Qaranimada Somalia.

Waxa uu Wasiir Axmed Ciise carab dhabay in madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa Gobolada laga doonaayo inay marka hore muujiyaan dulqaad si buu yiri meesha looga saaro tabashooyinka hadda jira.

Waxa uu cadeeyay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo lagu wada kalsoonaan doono hase yeeshee ay ku xiran tahay in la muujiyo dulqaad, maadaama waxa laga wada tashanaayo ay tahay masiirka Umadda Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan u gudbeynaa wajiga labaad, waxaa shirka kaoso bixi doona war-murtiyadeed lagu wada qanci doono waa inaan dhankeena kala imaana sabar iyo dulqaad aan ku aqbali laheyn heshiisyada dhacaaya”

Wasiir Axmed Cawad ayaa adduunka ku dhaliilay inaysan ka dhabeyn ballanqaadyada loo sameeyo Soomaalida, waxa uuna dalbaday in laga jawaabo wixii ballanqaad ah.

Sidoo kale, dadka dhan ayuu sheegay inay wada yihiin walaal, isla markaana ay muhiim tahay in la garto ahmiyada dalka iyo dadka maadaama ay hormartay dunida.

Geesta kale, waxa uu Wasiirka ku baaqay in Soomaalida ay u midowdo wax wada qabsigeeda maadaama dunida ay garabtaagan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

[email protected]

Shirka Brussels oo maanta la soo gabagabeynayo iyo magacyada madaxda….

Brussels  (Caasimadda Online) – Shirka Brussels ayaa maalintii labaad galay, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo dhinacyo badan oo quseeya mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socda.

Wajiga labaad ee shirka ayaa maanta noqonaya qeybta madaxda caalamka, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku soo biiri doono.

Qeybtii koowaad ee shirka ayaa waxaa shalay shir guddoomiyay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.

Khudbadihii shalay looga hadlay shirka ayaa waxaa si aad ah diiradda loogu saari arrimaha ammaanka, siyaasada, doorashooyinka sanadka 2020, arrimaha dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo qaabkii ay ugala wareegi lahaayene ammaanka.

Maanta waxaa lagu wadaa in shir guddoomiyeyaasha ka mid noqdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa loo dhaadhici-doonna isla xisaabtan inuu dhex maro Soomaliya iyo hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Shirka, Xilliyada hore waxaa dhici-doona shir wasiirrada ah oo looga arrinsanayo haweenka, nabadda iyo amniga.

Waxaa kale dhici-doona waxaa loo yaqaano“Private public partnership” oo looga hadlo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda iyo shirkadaha iyo hey’adaha gaarka ah.

Waxaa shirka sidoo kale ka hadli-doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Federica Maria Mogherini oo ah haweeney Talyaani ah taas oo wakiil iyo madaxweyne ku-xigeen ka ah midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo amniga.

Margot Elisabeth Wallström, waa haweeney kale, oo wasiirka arrimaha dibadda ka ah dalka Swden.

Rosemary Anne DiCarlo, waa haweeney 3aad, waxaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey kala shaqeysaa arrimaha siyaasadda.

Smaїl Chergui, oo ah diblomaasi Aljeeriyaan ah oo ka socda midowga Afrika, nabadda iyo amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected]

Maxaa qarsoon oo aan ka fahmi karnaa ka bixitaanka J/Land ee shirka Brussels

Warar isa soo taraya oo laga helayo caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta midowga Yurub ayaa tibaaxaya in waftigii Jubbaland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha maamulkaas ee Axmed Madoobe ay isaga bexeen shirka waxyar kahor inta uusan furmin.

Wali ma cadda sababaha keentay in ay tallaabadaas qaadaan walow ay jiraan tababshooyin ku saabsan sida ay qabaan wax ka badal lagu sameeyey qodobaddii shirka in lagu gorfeeyo loogu talalagay.

Hore waxaa loo ogaa in maamulka Jubbaland ay uu ka caga jiidayey ka qeybgalka shirka Brussels oo la filayey in aysan u safrin Belgium-ka.

Hase ahaatee, madaxweyne Axmed Madoobe iyo waftig balllaaran ee uu hoggaaminayo wey u safreen waxaana la filayey in maanta galinka dambe uu madasha ka jeediyo khudbad.

Cagajiidka maamulka Jubbaland waxa ay ahayd mid hore loo fahansaaa maadaama khilaafka kala dhexeeya dowladda Federal-ka uu maalinba maalinta ka dambeeysa sii xoogeysanayey.

Waxaa u dambeeysay taliyihii ay dhawaan Jubbaland ka soo celisay madaarka Kismaayo kaas oo ay Dowladda dhexe u magacowday guutada 43-daa ee Jubbaland fadhigoodu yahay.

Maamulka uu Axmed Madoobe gadh wadeenka ka yahay waxa ay ku andacoodeen in aan la gala tashan, yeelkeede, taliyuhu waxa uu ka dagay magaalada Garbahaareey oo ah xarunta Gobolka Gedo kana tirsan maamulka uu ka arrimiyo Axmed Madoobe!

Hadaba sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa in Axmed Madobe ka boxo shirka?

Waa laba waxyaabood ayaa muuqan doonta haddii ay Jubbaland shirka ku soo laaban weyso oo aysan ka qeybgalin.

1 – In uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dowladda Federal-ka iyo Jubballand oo ay arintu gaareyso barako ma leh.

2 – Haddii ay dhacdo, in ka maqnaanshaha shrika ay ku koobnaato Jubbaland oo ay maamulada kale sidooda uga sii qeybgalaan, waxaa wiiqamaya golihii iskaashiga ee maamul Gobolleedyadu sameysteen taas oo iftiimin doontaa in aysan jirin wax badan oo ka dhexeeya sida masaaliixda.

Su’aasha ayaa ah, golaha iskashiga Maamul Gobolleedyada ee uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ma waxa ay shirka Brussels ka qeybgaleen iyaga  oo aan ka sii wada tashan?

Caasimada Online
Xafiiska Bresels
[email protected]

Xog: Sirdoonka Imaaraatka oo maleeshiyo beeleedyo Soomaali ah hubeynaya

Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia,  si ay Kalsooni uga helaan qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed.

Khabiirka  waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xiriir cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinayso Kharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay.

Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq.comee laga leeyahay dalka Qatar waxa uu  ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin.

Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata.

Sirdoonka Imaaraadka waxay kaloo doonayaan inay Odayaasha Beelaha isbahaysi la noqdaan, si ay iyagana daacadnimo ugu taageeraan Danaha Imaaraadka ee gudaha Somalia.

Khabiirka qoray Warbixintan ee C/llaahi Faarax Mire waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Imaaraadka Carabta waxba ka soo qaadin Go’aankii Beesha Caalamka ee ugu baaqay Dowladda Imaaraadka inay xushmeyso Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia.

Khabiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Imaaraadka joojinin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia iyo Dhismaha  Saldhigga Milliteri ee Dekedda magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka mamnuucday Imaaraadka maamulista Dekeddaha ku yaalla dalak Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in Joogitaanka Imaaraadka ee xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ay xaqiiqdii tahay sidii ay Imaaaraadka u dhisi lahayd Ciiddan Ammaan oo ay maalgeliyaan, si ay u kontoroolaan Dowladda Xeebaha Bariga Somalia.

Barlamaanka  Europe waxay dhawaan soo saareen Qaraar ku eedeeynayo Dowladda Imaaraadka inay faraha kula jiraan Deganaansho La’aanta Somalia, waxaana looga baaqay inay xushmeeyaan Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia.

Barlamaanka Europe waxay tilmaameen in Dhexdhexaadnimadda Somalia ee Khilaafka Khaliijka sababtay inay Dowladda Imaaaradka jarto Deeqihii ay DFS ku taageeri  jireen.

Bishii Maarso 27-dii ee sannadkan, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Abukar Osman oo ka hadlay Kulankii Golaha Ammaanka ee QM waxa u ugu baaqay in la soo-afjaro Xadgudubka ay Dowladda Imaaraadka ku hayaan Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia.

Danjiruhu waxa uu tilmaamay in Heshiiska Imaaraadka ee Dekedda Berbera uu yahay mid wax kama jiraan ah oo aysan DFS oggolaan doonin.

Sidoo kale, DFS waxay ashtako ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo ku baaqay in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka DFS iyo Imaaraadka waxa uu meel xun gaaray, kadib, Malaayiin Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka soo dhiibtay lagu qabtay  Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Muranka Lacagtaasi oo dhamayd 9.6 million oo Dollar ayaana sababtay inay labada dhinac kala boodaan, iyadoo ay Goobjoogayaashu rumeysan yihiin in Lacagtaasi la doonayey in Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni looga abuuro Somalia.

ISHA: Al-sharq.com 

Soomaaliya: Wiil aabihiis qoorta uga jaray baangad

Kismaayo (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray deegaanka goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in mid kamid ah dhalinyarada deegaanka uu surka ka jaray aabihii.

Wiilkaan ayaa la sheegay in aabihii uu kala dhexeeyay muran baaxad leh waxaana xigay in aabaha dhalay uu surka ka jaray xili ay kuwada sugnaayen deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaani uu qoorgoynta aabihii u adeegsaday “baangad” iyadoo ay booliska u suuragashay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha.

Taliyaha Booliska Magalada Kismaayo ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka uu khilaaf ka dhexeeyay waayadan, balse markii danbe khilaafka uu gaaray heerkaas.

Sharciga ayuu sheegay in la horgeyn doono wiilka dilay aabihii, waxa uuna Taliyaha cadeeyay inaanu sahlaneyn wiil dilay aabihii.

Geesta kale, gacan ku dhiiglaha ayaa falka ka geystay deegaanka goobweyn oo 30km u jira Kismaayo, waxaana iminka la keenay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Somaliland oo war kasoo saartay shirka maanta ka furmay magaalada Brussels

Hargeysa (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay shirka maanta ka furmay magaalada Brussels.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in maamulka uusan khuseyn shirka ka socda magaalada Brussels, balse keliya uu u gaar yahay dowlada Somalia iyo maamulada hoostaga.

Waxaa qoraalka lagu cadeeyay in shirka ka socda magaalada Brussels uusan waxba ka duwaneyn shirarkii hore uga dhici jiray Brussels iyo magaalooyinka Garowe iyo Muqdisho.

Waxaa lagu soo qaatay qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland dagaalka ka socda degaanka Tukaraq, waxaana Somaliland ay cadeysay inay diyaar u tahay in miiska wada hadalka lagu dhameeyo xiisada Tukaraq, si dhiig dambe uusan u daadan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY SOMALILAND

“Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimid halkan.

Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.

Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo  Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Dhawaan waxa madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.

Ugu danbayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Jubaland oo ku faantay inay shirka Brussels ku laabatay kadib raali-gelinta dowlada

Brussele (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu laabtay shirka arrinaha somalia ee ka furmay caasimadda dalka Belgium ee Brussele.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha  Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka.

Wafdigaan ayaa bilowgii shirkaan isaga baxay kadib markii la sheegay inay ku qanci waayeen ajandaha shirka oo la sheegay in wax laga badalay.

Shirka ayaa hadda si rasmi ah u socdo kadib waanwaan ay beesha caalamka la yeesheen Axmed madoobe iyo wafdigiisa

Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa maalmihii dambe is khilaafaanaa.

Khilaafkaas ayaa gaaray inuu Axmed Madoobe soo celiyo taliye uu Farmaajo u magacaabay jubbaland.

Xog ku saabsan sababtii ay wafdiga maamulka J/Land uga baxeen shirka Brussels

Bresels  (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Bresels ee Wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi ay shirkii isaga baxeyn.

Xubnaha Wafdiga Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa waxaa la sheegay in daqiiqadihii u dambeeyey ee furitaanka shirkaas ay ka baxeyn,iyaga oo ka cabanaya in isbedel lagu sameeyey ajandayaasha shirka.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Jubbaland ayaa go’aasaday in aysan ka qeyb gelin, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka.

Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe.

Madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hoolka ku jira oo shirka ka qeyb galaya.

Wararkii u dambeeyey ee haatan Bresels naga soo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in uu socdo qorsho lagu xalinayo madaxda Jubbaland si ay shirkaasi uga qeyb galaan,waxana arrintaana ay kusoo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Jubbaland taas oo ka dhalatay Magacaabistii taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Bresels
[email protected]

Sawirro: Shirka Brussels oo goordhow ku furmay qaab ka duwan sidii hore (Aqri)_

Brussels (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay ka qeybgelayaan Madax ka socota Somalia iyo Beesha Caalamka.

Shirkan oo soconaya muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha amaanka,Dhaqaalaha,Siyaaasadda iyo horurmarka ay sameysay Dowladda Federaalka ah.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Europe ayaa wadajir u shirguddoominaya kulanka maanta.

Qaar ka mida taliyeyaashii hay’adda nabad-sugidda oo xilalka laga qaaday (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdonka ee NISA ayaa shaqadii ka joojiyey laba ka mida ku xigeenadii Hay’adaasi oo ahaa kuwii ugu awoodda badnaa NISA.

Qoraal uu soo saaray maanta Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey labadii ku xigeen ee NISA, kuwasoo kala ah: Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur.

Shaqo ka joojinta labada sarkaal ee ka mida kuwii ugu sareeyay NISA oo hore hay’adda dhowr bilood u maamulayey si KMG ah ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyay maamulka sare ee NISA, isla markaana ay wada shaqeyn waayeen agaasimaha.

Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.

Musharaxiinta Puntland oo lagu soo rogay amar yaab leh oo qofkii diiday lagu…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hoggaamiyenimo ee maamulka ay siyaasadooda u adeegsadan muuqaalka ciidamada.

Maamulka ayaa sheegay in sharciga la marin doono musharaxii ololihiisa gaarka ah u isticmaalo isla sawirida ciidamada amaanka ee ku sugan gudaha iyo jiida dagaalka.

Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ololaha doorashada Hoogaamiyenimo ee Puntland ay mamnuuc ka tahay in leysku sawiro ciidamada.

Waxa uu taliyaha sheegay in Musharaxiinta ay ka mamnuuc tahay inay sawiro la galaan ciidamada ku sugan dhufeysyada sida kuwa jooga jiida dagaal ee Tukaraq.

“Musharaxiinta waa ka mamnuuc in ololohooda doorasho ay u adeegsadan isla sawirida ciidamada ku howlan sugida amniga, waxaanu musharax waliba ka dooneynaa inuu nala dhooro sharciga, haddii ay dhici weydo waanu xiri doonaa”

Waxa uu intaa ku daray in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda.

Waxa uu sheegay in maalin ka hor uu deegaanka Tukaraq gaaray musharax ciidamada ugu deeqay shidaal isla markaana xili uu shidaalka ciidamada ugu deeqayey uu isku sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in amarka lagu mamnuucayo isla sawirida ciidamada difaaca uu yahay mid kasoo baxay maamulka sare, waxa uuna ka digay in la khilaafo amarkaasi.

Haddalka Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa imaanaya iyadoo musharaxiinta u taagan doorashada 2019 ay ku qulqulayaan furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Warbixin: Halis xoogan oo JABUUTI uga soo wajahan heshiiska Ethiopia-Eritrea

Jabuuti (Caasimada Onlien) – Xarunta caalamiga ah ee Atlantic Council ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya, uu halis gelinayo dalka Djibouti.

Warbixintan oo uu diyaariyay Kelsey Lilley oo ah agaasimaha Atlantic Council ee Afrika, wuxuu ku iftiimiyay in Ereteriya la wareegi doonto inta badan ganacsiga Itoobiya u soo dega ama ay dhoofiso, iyadoo Ereteriya uga dhowdahay ugana haboontahay Itoobiya, marka la garab dhigo dekedaha Djibouti, waxaanu heshiiskani sida warbixintu sheegtay oo saamayn toos ah ku  yeelanaya Djibouti uu walaac geliyay Madaxweyne Geele oo uu dalkiisu kooto ku haystay badeecadaha kala duwan ee Itoobiya 95%.

 “Sannado badan Djibouti waxay ahayd cidda ku guulaysatay colaadii Itoobiya iyo Ereteriya. Dalkan yare ee leeg gobalka New Jersey oo dadkiisu ka yaryihiin hal milyan oo ruux wuxuu leeyahay istaraatajiyad juquraafiyadeed oo faa’iido leh. Xeebteedu waxay kulmisaa badda cas iyo gacanka Cadmeed, oo ah goob istaraataji ah oo ay iskaga gooshaan ganacsiga dunidu. Iyadoo ay dekedo ka jiraan Suudaan, Somaliland iyo Ereteriya, haddana adeegyada horumarineed ee Djibouti, degenaanshaha siyaasadeed iyo maalgashiga saaxiibtinimada leh ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan gobalka intisia kale. Natiijo ahaan, Djibouti waxay ku naalootay inay kooto ku haysato badeecadaha u socda ama ay dhoofiso dalka bilaa dekedda ah ee Itoobiya.” Sidaas ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay “Maraykanku, sidoo kale wuxuu ka lahaa dano fog ammaanka Djibouti oo ay ku jiraan saldhiga Milatari ee Maraykanka ee qaaradda oo ah goobta lagula dagaalamo argagixisada bariga Afrika iyo jasiirada Carabta. Ilaa 4000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan saldhigaas,oo isticmaala madaarka ay wada jirka u isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee weerada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya. Iyadoo hoosta laga xariiqayo ahmiyada istaarajiyadeed ee ay u leedahay Pentagonal, wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa booqday Djibouti April 2017, wax yar uun ka hor furitaanka saldhiga milatari ee u horeeyay ee China ku leeyahay Djibouti. Waxa iyaguna saldhigo cabiro kala duwan ah ku leh Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sucuudiga.”

Warbixinta waxa lagu sheegay in ganacsiga Itoobiya 95% uu maro Djibouti, taasina ay ka dhigtay Djibouti mid kooto ku haysata Itoobiya,  “Itoobiya iyo Djibouti waxay samaysteen xidhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka fog danaha guud. Markii dagaalka xuduudku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Ereteriya sannadkii 1998, Itoobiya waxay weyday dekedii Ereteriya, waxaanay si weyn isugu halaysay dekedaha Djibouti inay waxna kala soo degto waxna ka dhoofiso. Qiyaastii 95% ganacsiga Itoobiya, wuxuu maraa Djibouti. Djibouti lafteedu waxay isku  halaysay jaarkeedan culus oo ay ka keensatay biyo iyio koronto. Faa’iidada ay Djibouti ka hesho dekedahaaeda Itoobiay waxa lagu qiyaastaa sannadkii 1 bilyan oo dollar, waana ahmiyada miisaaniyadda dawladda Madaxweyne Geele. Laakiin Itoobiya waxay u heshay qorshahan si qoto dheer waxaanay danaynaysay inay is balaadhiso oo ay hesho adeegyo dekadeed. Maraykanka sidoo kale, oo aan aad ugu qanacsanayn saaxiibtinimada madaxweyne Geele, gaar ahaan damaciisa inuu kiro ka soo saaro saldhigyo badan oo shisheeye intii suurtoga ah, oo uu ku jiro ogolaanshaha uu China ugu ogolaatay saldhig kilo mitiro u jira kan Maraykanka, wuxuu sababay in Maraykanku meesha ka baxo.”

Warbixinta waxa lagu sheegay in xiisada u dhaxaysa Ereteriya iyo Djibouti ee aan weli xalka la oo helin ay soo noqon karto, ka dib markii ay Qatar kala baxday ciidamadeedii kala dhex joogay “Xuduudka galbeed ee Djibouti wuxuu noqday dhul milatari ilaa markii isku dhacu bilaabmay sannadkii 2008. Qatar ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiso, waxaanay xataa ku guulaysatay inay fududayso maxaabiistii la is dhaafsaday sannadkii 2016, ka hor intii aanay ciidamadeeda kala bixin xuduudka Djibouti iyo Ereteriya iyadoo ka xumaatay go’aankii ay labada wadanba kula safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta khilaafka wadamada Khaliijka.”

Warbixinta machadkan oo ka hadlaysa dhaqaalaha Djibouti ka soo gala saldhigyada, lacagtaas oo sii xoojinaysa in Madaxweyne Geele talada sii hayo, waxaanay tidhi “China waxa la soo weriyay inuu sanandkii saldhigooda ka bixiyo 20 milyan oo dollar oo ah ilaa sannadka 2025, kuna darso oo xisaabta kuma jirto in ka badan 1 bilyan oo dollar oo uu China ammaahiyay. Maraykanku wuxuu bixiyaa sannadkii 70 milyan oo dollar oo ilaa ugu yaraan lix sannadood oo dambe ah, Faransiiskuna wuxuu bixiyaa 30 milyan oo dollar sannadkii oo ay ku jiraan arrimahooda ciidan. Faa’iidooyinkaasi waxay gacan ka gaystaan wax u muuqda dhaqaale barwaaqo ah. Djibouti koritaankeeda dhaqaale waxa la rajaynayaa inuu noqdo 7% mustaqbalka dhow. Laakiin sidaas oo uu yahay dhaqaalaha Djibouti, dadka badankiisu waa foqoro hoose, aan horumarin waxaanay la haystayaal u yihin keli-talisnimada madaxweyne Geele. In ku dhow rubuc dadka waxay ku noolyihin saboolnimo qayral caadi ah, waxaanay Djibouti ku xuntahay xuquuqda siyaasadda iyo  xuquuqda shacabka”

Sidaas daraadeed, machadku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiska labadan wadan ee Itoobiya iyo Ereteriya aanu war wanaagsan u ahayn Djibouti, waxaanay warbixintu tilmaamaysaa inay Ereteriya u waregi karaan Itoobiya iyo Maraykankuba,  “Wada hadallada nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya, war xun bay u yiiin Geelle, oo horumarka dalkiisa ku xidhay in uu dekedda ugu fiican u noqdo dalalka dhaqaalahoodu weynyahay, sida Itoobiya. Iyadoo loo malaynayo inay sii socdaan dedaalada in xaaladu caadi noqoto, Itoobiya waxay sida ugu dhaqsaha badan ikhtiyaar ugu heli doontaa inay isticmaasho dekedaha Ereteriya oo aad ugu dhow, kana haboon kuwa Djibouti. Iyadoo aan la filayn in Itoobiya ay joojiso isticmaalka dekedaha Djibouti dhammaantood, ikhtiyaar ayay haddana leedahay. Ereteriya xataa waxay muujin doontaa inay noqoto saaxiib soo dhaweeya milatariga  shisheeye sidii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta dekedda Casab si uu  u fuliyo dagaalada Yemen. Mid ka mid ah caqabadaha Itoobiya soo waajahaya haddii ay ka tagto Djibouti, ayaa ah inay waajib ku tahay inay dib u celiso in ku dhow 3 billion oo dollar oo ah amaahada China ee lagu dhisay jidka tareenka dhawaan la furay ee isku xidhaya Addis Ababa iyo Djibouti.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii ay dalalka shisheeye ee Djibouti ku sugani raacaan Itoobiya oo ay u wareegaan Ereteriya in taasi halis gelin doonto il dhaqaale oo muhiim u ah dalka Djibouti.

“Sannadahan u dambeeyay” ayaa lagu yidhi qoraalka, “Imaaraadka Carabta oo kordhiyay danahooda gobalka Geeska Afrika waxay sii adkeeyeen xaaladii adkayd ee Djibouti. Imaaraadka Carabtu wuxuu saldhig ka helay Ereteriya, wuxuu saldhig milatari iyo deked ka helay Somaliland iyo dhawr dekeadood oo Puntland ah. Laakiin xidhiidhka Djibouti iyo UAE wuu kacsanaa ilaa February 2018 markii ay Djibouti laashay heshiiskii shirkadda DP world ee gacan ku haynta dekedda ugu muhiimsan Djibouti. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamay in UAE ay door ka ciyaartay isfahamka Itoobiya iyo Ereteriya. Iskaashiga koraya ee ay Imaaraadka Carabta ee Itoobiya oo dhawaan dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 19% oo ay ku wada jiraan DP world iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah marag u ah kala duwnaanshahiyaha gobal ee hoosta in laga xariiqo mudan.”

Ugu dambayn warbixinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele heshiiskan u arko inuu khatar ku yahay, waxaana lagu soo gunaanaday in mar kasta oo uu sii xoogaysto xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ay soo deg degayso inay soo gaabnaato istaraatajiyada iyo ahmiyada Djibouti, iyadoo xalinta colaadani sii xoojin doonta degenaashaha gobalka Geeska Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Dhageyso Avv. Cabdiwaxid: Mareykanka hal ujeedo ayuu ka leeyahay Somalia

Muqdiho (Caasimada Online) – Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdulahi Warsame  oo ka mid ah aqoonyahannada ka faalooda Arimaha siyaasadda dalka  ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu dar dargaliyo siyaasaddiisa ku aadan Afrika taasi oo uu tilmaamay  in ay qeyb ka tahay safiirka cusub oo arbacadii uu Madaxweynaha Maraykankau soo magacaabay Soomaaliya, kadib 9 bil oo safaaraddooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.

Waxaa uu sheegay  Cabdiwaaxid  Cabdulaahi Warsame in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto uu ahaa nin kasoo shaqeyay Afrika gaar ahaan Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah.

“Yamamoto  waa nin si weyn u yaqaanno  arimaha soomaaliya ka horna waxaa uu ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa mana aha nin saaxada Afrkca ku cusub wax badana waa suuragal in uu ku soo kordhiyo”.

Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto xilli safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay muddo aheyd Safiir la’aan Yamamoto ayaa ah nin qabiir ku ah xaaladda Afrika gaar ahaan geeska qaaradda oo muddo uu ka soo shaqeeyay.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Maxaa ka ogtahay ujeedka dadka Soomaalida loogu xasuuqdo MOOYAALE?

Somalia: Dhismaha dhaqale xoog leh miyaa kow ah! mise ciidan xoog leh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gobalka Geeska Afrika waxaa si xowli ah uga socda beryaan dhismaha Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale xoogan oo wax looga bedelayo nolosha iyo horumarka Shucuubta Geeska Afrika, kadib markii ay is bedeshay Siyaasada Gudaha iyo Dibadda ee Ethiopia, Jabuutina furtay; Dekedo, Khad Train iyo Xarun Ganacsi Free ah, Eritreyana kusoo biirtay tartanka dhaqaalaha Gobalka, RW Abiy Ahmed na uu soo bandhigay qorshe looga guurayo Taariikhdii Cadaawada iyo Colaadaha Gobalka, laguna yareynayo Hubka iyo Ciidamada Gobalka, laguna dhisayo Siyaasad fur-furan, kaabiyaal Dhaqaale xoogan iyo fursado Shaqa abuur!

Dawladda Somaaliya ayaa 18 Sano dadaal dheer ugu jirta soo celinta iyo dib u dhiska Ciidankii Qaranka Somaaliya ee ugu tayada badnaa Geeska Afrika 1960 – 1990, lkn weli laguma guulaysan sababta ugu horreysana waa in uusan jirin Dhaqaale xoog leh oo lagu dhiso!

Madax ka tirsaneed dawladihii Madaniga iyo Kacaankii Oktober waxa ay ii sheegeen in Ciidanka lagu dhisay 1960 kii Miisaaniyada dawladda 40% , 1980 kiina la gaarsiiyey ilaa 60% Miisaaniyada dawlad faqiir ah oo ku tiirsaneed Mucaawino iyo Deymo shisheeye, halka kaalmada la siin-jiray na ay ugu badneed Hubka,

Tababarka iyo Qalabka Ciidanka, deeqaha waxbarashada dibadana ay ugu badneed tababarka Ciidanka, dib u dhacna uu ku yimid Mashaariicdii horumarineed, kaabayaashii dhaqaalaha iyo fursadihii shaqa abuurka! Intaas waxaa dheeraa reer Galbeedka oo kasoo horjeeday dhismaha Ciidan Xoog leh oo Somaaliya yeelato 1960 kii ilaa maanta oo marti loogu yahay kadib markii uu bur-buray Midawgii Sofeeti oo noo dhisay Ciidankii hore ee aan Magaca uga kasbanay Gobalka!

Hadaba dadka iyo dawladda Somaaliya waxaa horyaal laba khiyaar oo adag:

1- In ay dhistaan Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale Xoogle leh oo ay kula tartamaan is-bedelada Gobalka Geeska Afrika, ugana qeybqaataan qorshaha cusub ee dhismaha mustaqbalka Gobalka???.

2- In ay kow ka dhigtaan dhismaha Ciidan Qaran oo leh Awoodii iyo Magacii hore oo kale iyada oo aan marti looga noqonayn London iyo Brussels???

-Ma dhici kartaa in hal mar lawada dhiso Ciidan Xoog leh iyo Dhaqaale Xoog leh???

-Ma dhici kartaa in tartanka iyo isbedelada Gobalku na sugaan inta aan Ciidan iyo Dhaqaale ka dhisanayno???

-Ma dhici kartaa in aan Xoog uga hor tagno Damaca dawladaha Gobalka? Mise waxaan u baahanahay Caqli iyo Cilmi aan uga hor tagno???.
-Maxaa la gudboon dadka iyo dawladda Somaaliya oo u leh hor-tebin iyo Istaraatiijiyad lagula tartamo, loogana qeybgalo isbedelada Gobalka Geeska Afrika???

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Aqri: Maxaad kala socotaa qodobada diirada lagu saari doono shirka Brussels

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia.

Magaalada Brussels ayaa waxaa jooga wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirka magaalada Brussels wuxuu daba socdaa  shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Madaxda dalka ayaa la filayaa in shirka ay kusoo bandhigan waxyaabaha ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doona saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka.

Seddexda shir kale ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

“Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog ku saabsan habkii Suuriya loogu dilay Soomaali taliye sare ka ahaa Daacish

Damascus (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London, waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla  K/galbeed ee dalka Syria.

Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu Hurayrah Al-Somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore.

Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid).

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Xog: Xilalka Xamar oo loo bixinayo hab yaab leh oo ku cusub dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay Mahad Cilmi oo ka tirsan baarlamanka Galmudug u magacaabay gudodomiyaha degmada Waaberi, xilli uu maalmahan magacaabayey gudodomiyeyaal cuusb.

Magacaabistan ayaa timid laba maalin un kadib markii sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan ee Muqdisho loo magacaabay Cabdixakiin Dhagajuun, oo beddelay Maxamed Axmed Cantoobo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sidoo kale lix guddoomiye degmo oo cusub la filayo in dhowaam uu magacaabo Yariisow, ayada oo maalinba mid lagu dhawaaqayo. Magacaabista xilalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu qanciyo xildibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo kaalin weyn ku lahaa ridistii guddoomiye Jawaari, iyo shaqsiyaad kale oo dowladda aad ugu dhow.

Tusaale, Mahad Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ayaa waxaa lagu qanciyey xildhibaan Abtidoon Yare oo isla beeshaas u dhashay, iyo xubno kale oo isaga ku beel ah, halka Dhagajuun uu keensaday nin lagu magacaabo Cali Yare, oo aan dowladda ka tirsaneyn balse ku dhow Villa Somalia. Dhagajuun iyo Cali Yare labadaba waxay kasoo jeedaan beesha Ceyr.

Sidoo kale, xubnaha kale ee la qorsheeyey in la magacaabo ayaa iyagana lagu qancin doonaa xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Ilo-wareedyo ku dhow Caasimada Online ayaa sheegaya in Yariisow uusan wax shaqo ah ku lahayn magacaabista, ayna ka socoto xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxtooyada, oo dhammaan magacyadan usoo gudbinaya gudodomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa yaab leh in dadka la magacaabay qaarkood ama kuwa la magacaabayo aysan xitaa deegaan u lahayn degmooyinka loo dhiibayo, waana calaamad kale oo muujineya habka maamul xumo ee ka jira magaalada, oo dhowaan amnigeeda uu faraha kasii baxay.

Horey waxaa u jirtay in xildhibaano iyo siyaasiyiin badan lacag baad ah ay bil walba uga qorneyd qasnadda gobolka Banaadir, haddana waxaa kusoo biiray xilal qancis ah. Waa calaamad kale oo muujineysa heerka uu gaaray musuq-maasuqa ka jira dowladda iyo gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]