27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maamulka Koofur Galbeed oo u hanjabay siyaasiyiinta iyo amar la siiyay ciidanka

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay u digay dhammaan Siyaasiyiinta maamulka ee ku dhaqan gudaha deegaanada maamulka.

Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Siyaasigii isku daya in deegaanada maamulka uu ka abuuro xiisad Siyaasadeed iyo arrimo kicinaaya dareenka shacabka.

Wasiirka amniga maamulka koofur galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo diray fariintan hanjabaada ah ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin Siyaasiyiin marin habaabinaya dadka Shacabka ah.

Wasiir Eelaay waxa uu sheegay in cidkasta oo dadka ku abuureysa dhibaatooyin aan waxba ka jirin tallaabo lag qaadi doono, waxa uuna amray in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo dhaliilo been ah shacabka u soo jeedisa.

“Cidna ugama heybeysan doono wixii sharci ah waxaan ciidamada amaanka farayaa inay talaabo ka qaadan siyaasiyiinta marin habaabisa shacabka”

Geesta kale, Wasiirka amniga maamulka ayaa cod dheer ku sheegay in xabsi la dhigi doono Siyaasigii ka hor imaada danta maamulka waxa uuna amarkaasi fulintiisa u jeediyay laamaha amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Aqri: War-murtiyeed ka kooban 82 qodob oo laga soo saaray shirka Brussels

Magaalada Brussels waxa lagu soo gaba gabeeyay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, ee ay ka qeyb galeen xubno kala gaddisan oo caalamka ka socda, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirka 2-bada maalmood Brussels uga socday Soomaalida waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 82 qodob kuwaas oo ka hadlayey arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo Banii’aadnimada.

Hadaba, Akhris0, Qodobada Ugu Muhiimsan:

Waxaa la soo dhoweeyay nidaamka axsaabta badan, in doorasho dhacdo 2020ka, waxaa la soo dhoweeyay oo kale heshiiska dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah tan iyo 1969kii.

Waxaa la soo dhoweeyay heshiiska golaha amniga ee ku saabsanaa qeybiga kheyraadka, isku dhafka ciidamada iyo in amniga dalka lagala wareego AMISOM.

Waxaa lagu celiyay sida caalamka u ixtitiraamayo madaxbannaanida, qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Arrimaha Siyaasadda:

Waxaa la soo jeediyay in sharaciga doorashada uu baarlamaanka meel-mariyo December 2018, la sii wado diiwaan gelinta axsaabta iyo in haweenka la dhiiri geliyo.

Lix bil gudahood waxaa lagu taliyay in wax laga qabo arrimo ay ka mid yihiin: Maqaamka golaha amniga, qeybsiga kheyraadka, cadaaladda oo ay ku jiraan dhismaha maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga adeegga qaranka.

Waxaa walaac laga muujiyay arrinta Tukaraq, iyada oo lagu taliyay in wada hadal lagu dhameeyo.

Amniga:

Waxaa la ammaanay wada shaqeynta dowladda federaalka ah iyo AMISOM iyo sida AMISOM uga go’antahay in ay amniga ku wareejiso Soomaalida.

Waxaa la ammaanay qorshaha xasilinta caasimadda, iyo sida loogu guuleystay.

Wasaaradda Gashaandhigga waxaa lagu ammaanay arrimo ay ka yihiin nidaamka lacag bixinta

Dhaqaalaha:

Dowladda Soomaaliya waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray barnaamijka IMFta ee SMP, waxaa lagu taliyay in la xoojiyo isla xisaabtan.

Wasaaradda kaluumeysiga waxaa lagu ammaanay heshiiskii ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ku heshiiyeen ay qeybsiga kheyraadka.

Arrimaha Banii’aadnimada:

In kasta oo wax badan laga qabtay arrimaha banii’aadnimada hadana waxaa war murtiyeedka lagu sheegay in dadka dhibaateysay ay gaarayaan ilaa 5.4 Milyan, kuwaas oo gargaar iyo wax qabasho u baahan.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqaha la siiyo Soomaaliya si toos ah loo soo marinayo Bankiga Dhexe, waxaana jiri doono isla xisaabtan labada dhinac ah.

Shirka Brussels ayaa marka loo eego sidii la filayay uga heer hooseeya madaxda ka qeyb gashay oo u badnaa wakiilo iyo madax qeybood ka socday dowladaha iyo ururo caalami ah.

Saameynta qoraalkii twitter ee uu FAARAX MACALLIN ku weearay ABIY AHMED

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Raisul Wasaaraha Itoobya Dr Abiy Ahmed  waxa uu dar dar iyo himilo bilo kahor dhalanteed u muuqday ku soo kordhiyey siyaasadda mandaqadda Geeska Africa kaddib markii uu sida lama filaanka ah ku qabsaday xilka ugu sarreeya ee dalka ay diktaatooriyaddu la dagtay.

Abiy oo ka soo jeeda qoomiyadda ugu ballaaran Itoobiya ayaa talada dalka ka bedelay Hailemariam Desalegn oo is casilay.

Muddo bilo gudohood ah RW Abiy Ahmed waxa uu ku tallaabsaday siyaasad ka yaabsisay dunida oo dhan kaddib markii uu muujiyy fur furnaansho aan laga fileyn hoggaamiye Itoobiyaan ah.

Waxa uu booqasho ku kala tagay dalalka Geeska Africa sida Djibouti, Sudan, Kenya iyo Somalia.

Laakiin ma jirin mid ka sameyn badneyd ama ka soo jiidasho badneyd booqashii taariikhiga ahayd ee uu ku tagay Asmaro laba toddobaad kahor.

Waxa uu baal cusub u furay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Iritriya kuwaas oo dagaal aad u xun dhexmaray sanadihii 1998/2000.

Waxaa booqashadiisa ka sii horreeysay in ay Itooiya ogolaatay heshiiskii Algeris ee dhigayey in Iritriya leedahay dhulka labada dal isku haysteen oo uu dagaalka salka ku hayey in uu sidaas u dhaqan galo taas oo ka carreeysiisay qoomiyadda Tigreega.

Waxaa isna booqasho taariikhiga ah ku yimi Addis Ababa madaxweynaha Eritrea Asisas Afawerki iyaga oo isniintii si wada jir ah u furay safaaraddii Eritrea ee Itoobiya.

Waxaa intaas bar bar socday in uu xabsiyada ka sii daayey dadkii ku xirnaa sida ururada bulshada, saxaafiyiinta iyo siyaasiyiintii mucaaradka ahaa.

Hase ahaatee, waxaa intaa hareer socday amaankii Itoobiya oo u muuqda mid qeybo ka mid ah faraha ka sii baxaya waxaana ugu weyneyd dhacdadii isaga qaraxa lagula beegsaday mar uu fagaare ku yaal bartamaha Addis Ababa dad isu soo baxay kula hadlayey.

Dhinaca kale, waxaa xoogeystay dagaalkii ay Oromada ku haysay Soomaalida oo dad badani ku dhinteen.

Dagaalkaas oo aad u xoogeystay inta uu talada hayey, waxa uu dhaliyey walaac ah in ay Oromadu ku hawlan tahay in ay qoomiyad tir tir waddo (Ethnic Cleansing).

Hadaba, waxaa dareenkiisa barta Twitter-ka ku muujiyey Faarax Macalin Dawaar oo hore u soo noqday gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya kaas oo uga digay RW Itooiya in haddii Oromadu sii waddo gumaadka ay ku hayso Soomaalida  in ay Tigreega iyo xisiga EPRDF ku heli doonaan fursad ay xukunka uga tuuraan iyaga oo ku tilmaami doonaa difiic amaankii hanan waayey.

Dr Abiy, Lema Magersa, Workeneh dhammaantiin joojiya waalida Soomalida hadda haddii kale waxaa si deg deg ah ku soo laaban kara Woyane. Waxa ay u egtahay in Oromadu dharag khamri u dhinteen iyada oo uu 100 maalmood uun uu xukunka hayo Abiy EPRDF waxa ay mar marsiiyo u helin doonaa in ay xukunka ka tuuraan Dr Abiy oo ay ku eedeyn doonaan diciifnimo iyo karti la’aan.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QM oo DF siisay digniin la xiriirta maamullada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa dowlada Somalia uga digtay inay ka weecato hanaanka la dhaqanka maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Hay’adda ayaa sheegtay inay jiraan cabashooyin kala ceyn ah oo kaga imaanaya dhanka maamul Goboleedyada ka jira dalka sidaa aawgeed la doonaayo in DFS ay wanaajiso xiriirka maamulada.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Rosemary DiCarlo, ayaa sheegtay in lama huraan tahay in DFS ay dib u qafiifiso sharciyada ay kula dhaqanto maamulada.

Rosemary DiCarlo, ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirweynaha Arrimaha Somalia ee haatan ka socda Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Nuqul kamid ah haddalka Rosemary DiCarlo ayaa ahaa “DFS waxaa looga baahan yahay inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan dhisida xiriir xooggan oo waxtar leh oo ay la yeeshaan Maamuladda oo dhan”

“Waxaa lama huraan ah in Barlamaanka Federalka,. Dowladaha xubnaha ka ah Federalka, Kooxaha Siyaasadda iyo Ururadda ulshadda Rayidka, kuwaasi oo la faa’ideysan doona Hoggaaminta DFS ”

“Waxaa nala wanaagsanaan lahaa in DFS ay qafiifiso sharciyada ay kula dhaqmeyso maamulada si ay u wanaagsanaato wada shaqeynta hadda jirta”

Rosemary DiCarlo, waxa ay intaasi ku dartay inay arrimahaasi taageero ka geysan doonaan deganaanshaha Siyaasadda iyo in la qaado Dadaallo dheeraad oo lagu xoojinayo ka-hortagga cadaadisyadda khatarta leh ee wax u dhimaya Midnimadda.

Haweyneydaan waxa ay intaa raacisay in  Nidaamka loo dhan yahay ee Siyaasadda Somalia u baahan tahay dhismaha Kalsoonida sidii loo kordhin lahaa dhismaha Ammaanka Qaranka.

Dhianaca kale, Shirka Brussels ee looga hadlayo Arrimaha Somalia waxaa la filayaa in maanta la soo gebagebeeyo, iyado olaga soo saari doono War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Beesha Caalamka, Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaledyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: VOA oo baaris ku sameysay lacag qarsodi oo ay qaateen xildhibanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ee lasoo xiray toddobaadkii hore waxa uu ahaa kii ugu kulamada yaraa uguna waxtarka yaraa marka ay noqoto sharciyada la ansixiyey.

Kalfadhigaasi waxa baarlamanaku yeeshay 11 kulan, taasi oo aad uga yar kulamada dhacay kalfadhiyadii hore. Waxa kalfadhigaasi asqeeyey muran siyaasadeed oo u dhexeeyay xildhibaannada baarlamaanka oo qaar ay taageereen dawladda iyo xildhibaanno ku eedaynayey dawladda inay dabada ka riixayso olole meesha looga saarayo guddoomiyihii baarlamaanka ee xilligaas Maxamed Cusmaan Jawaari.

Kalfadhiga oo xirmay 10-kii Juulaay ayaa qaabka lagu soo gabagabeeyey waxay ahayd mid khilaafsan hab maamuuskii xiritaanka kalfadhiyada, waxaana xubnaha qaar ay saadaalinayaan in dib u dhacyo waaweyn ay kusoo fool leeyihiin hawlihii baarlamaanka maadaama shaqadii kalfadhiga saddexaad ay inteeda badan baaqatay.

Waxaa kale oo kalfadhiga baarlamaankan hadheeyey lacago loo qaybiyey xubnaha baarlamaanka kuwaasi oo la siiyey toddobaadkii ugu horreeyey bisha Ramadaan kuwaasi oo ahaa $5,000 xildhibaan kasta.

Lacagahaasi oo xildhibaannadu VOA u sheegeen inay ka timid dhinaca dawladda lama oga inay tahay canshuurta laga qaaday shacabka iyo inay tahay lacag lagu soo qaaday magaca umadda Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya oo aan ku martiqaadnay barnaamijka Galka Baarista ayaan ka hadlin lacagaha la sheegay inay u qaybisay xubnaha baarlamaanka.

Barnaamijka Galka Baarista, waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

DAGAAL culus oo mar kale maanta CIIDAMADA DFS ku dhex-maray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay halkaas ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Isku dhacaan ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku aadan sida uu ku bilowday iyo khasaaraha ka dhashay.

Dad goobjoogyaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaaro soo kala gaaray ciidamado ku dagaalmay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Sida la xaqiijiyey waxaa geeriyooday laba askari halka 3 kale ay ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay isku dhaca ciidamadaan iyada oo sidaan oo kalana ay tira ka dhowr jeer ciidamada dowladdu ay ugu wada dagalameen magaalada Muqdisho.

Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada Xasilinta Muqdisho oo halkaas ku baaro gawaarida.

Maahan marklii ugu horeysay oo ay Muqdisho ku dagaalaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana sabab u ah ciidamadaas oo intooda badan ah kuwa maleeshiyo ah oo aan ka amar qaadan saraakiisha Ciidamada ee Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa dhibane u ah qaraxyada Al-Shabaxab iyo is rasaaseynta ciidamada Dowladda Soomaaliya mana jirto ilaa hadda tallaabo sharci ah oo laga qaaday ilaa hadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Is-qabqabsi xoog leh oo ka dhex taagan wasaaradda maaliyada & wasiiru dowle ka-hor yimid wasiir Beyle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isqab qabsiga ka taagan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Maaliyadda uu kusime Magacaabay ka hor safar uu ugu ambabaxay Magalada Brussels, isaga oo ka qeyb galay shirka halkaasi ka socda.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasaaradda Maaliyadda kusime uga dhigay.inta uu maqan yahay ku xigeenkiisa waxaana tallaabadaas kasoo horjeestay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayuu ku sheegay in Warqada Wasiirka Maaliyadda uu kusimaha uga dhigay Wasiir kuxigeenka ay tahay mid ka hor imaaneysa Xeer hoosaadka Golaha Wasiirada oo kala cadeynaya xilalka iyo Masuuliyadda Wasaaradda.

Loolanka u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee ku aadan shaqada Wasaaradda ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer arrimo ay isku qabteen ku baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim  Waxa uu ku baaqay in howlaha Wasaaradda loo socodsiiyo sida Sharciga ah.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Kheyre iyo culimada dalka oo kulan xasaasi ah xalay ka yeeshay muranka xajka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xajka iyo ammaanka.

Ugu horreyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa culimada wuxuu siiyey warbixin guud oo ku aadan ammaanka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay xukuumaddiisa.

Si taas la mid ah, culimada ayaa iyaguna dhankooda waxay Kheyre usoo jeediyeen talooyinka ku aadan ammaanka iyo sidoo kale arrimaha xajka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ku qancay talooyinkii ay siiyeen culimadan.

“Waxaan kulan saacado qaatay la yeelannay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuu naga dhageystay talooyin aan u gudbinnay oo amniga iyo Xajka ah, wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo talooyinkaan, wuu na qanciyey” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kala hadleen arrimaha xajka iyo sidii dowladdu u fududeyn laheyd.

“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha is weydaarsanay talooyin badan, waxaa kala hadalnay arrinta Xajka in sida ugu fiican lagu xalin karo, sidoo kale waxaa la wadaagnay cabashada bulshada, runtii Ra’iisul Wasaaraha aad ayuu nooga qanciyay, wuxuuna balan-qaaday waxyaabo badan oo laga cabanayo wax laga qaban doono”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Muran iyo is qab qabsi ayaa ka jiray muddooyinkii u dambeeyay arrimaha Xajka, gaar ahaan arrinta shirkadaha diyaaradaha iyo qiimaha xajka ee sanadkan oo horay dowladda go’aan uga soo saartay, waxaana muranka iyo jahwareerka xilligan ka taagan arrimaha xajka uu saameyn ku yeeshay waqtigii la diyaarinayay viisaha xajka inuu dib u dhaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqri: Nuxurka khudbada FARMAAJO ee Brussels

Mudanayaal iyo marwooyin, martida iyo saaxiibbada sharafta leh,

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta halkan ku suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro soo-kabasho dhaqaale, iyadoo loo marayo hannaan maalgelin oo casri ah.

Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga, shaqo-abuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.

Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.

Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya. Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan. Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub. Sidaas oo ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah, si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo fursadaha dhaqaale.

Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid laf-dhabar u ah horumarka iyo dib-u-soo-kabashada dalka. Waxaa naga go’an inaan noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u guuleystaan.

Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid dhaqaale. Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.

Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore, waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.

Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey siyaasad-dejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.

Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo hal-abuurkooda, si ganacsiga gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.

Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.

Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.

Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah, si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada caalamiga ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.

Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.

Waa inaan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.

Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.

Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan.

Sababta uu Farmaajo uga baaqday furitaankii shirka BRUSSELS oo la ogaaday

Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belguim ayaa shalay laga waayey furitaanka shirka iyo xarunta shirka uu ka dhaceyey.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in ajendaha shirka laga reebay madaxweyne Farmaajo oo khudbad markii hore ku lahaa furitaanka shirka, waxaana loo bedelay maalinta 17-ka ee xiritaanka shirka inuu ka qeyb galo, kana hadlo, iyadoo arrintaas ay ka shaqeeyaan la-taliyeyasha madaxweynaha.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Soomaaliya shalay ku metelay shirka, isagoo jeediyay khudbadii dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay dhowr wasiir oo shirka ka jeediyey horumarka xukuumadda ee dhinacyada kala duwan.

Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Brussels ayaa sheegaya in uu xarunta shirka gaaray madaxweyne Farmaajo oo maanta qeyb ka ah shirka, gaar ahaan marka laga hadlayo qodobka ku saabsan shirkadaha gaarka ah iyo ganacstadda oo uu khubad ka jeedinayo xilligan, wuxuu kaloo ka hadlay shir-doceedka dumarka iyo kaalinta nabadda iyo amniga.

Qaar ka mida xubnaha shirka Brussels ka qeyb galaya ayaa saxaafadda u sheegay in sababta uu madaxweyne Farmaajo uga baaqsaday munaasbadii furitaanka shirka ay ahayd iyadoo aanu heyn wax uu la wadaago beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected]

DF oo shaacisay wakhtiga ay soo daabaceyso lacagta shillin Soomaaliga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa mar kale ka hadashay lacagaha Shilin Soomaaliga ee la filaayo in dhawaan lasoo daabaco si meesha looga saaro lacagta hadda la isticmaalo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in si dhaqsi ah lagu soo daabici doono lacagta cusub ee la shaqo galin doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyl, ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in lacagta  cusub ay soo daabacaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxa uu intaa ku daray in xiligaan loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama DFS lagu leeyahay lacag farabadan oo deyn ah.

Wasiir Beyle oo wax laga weydiiyay xiliga lasoo daabacaayo lacagta ayaa sheegay in qorshaha saxda ah uu yahay in gudaha  Sanadkaan lasoo daabici doono lacagta cusub ee Shillinka Soomaaliga ah.

“Gudaha sanadkaan ee aan ku jirno ayaan soo daabici doonaa lacagta waxaan qireynaa inay nagu adkaan doonto bixinta lacagta lagu soo daabacaayo tan cusub waayo waxaa nalagu leeyahay lacag badan”

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Beyle ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Brussles kula qaatay Mas’uuliyiin ka kala socotay Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta, kaas oo ahaa mid ay uga wad hadleen qorsha lacagta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SHARCI ahaanshaha xil ka qaadista ku xigeennada NISA oo shaki uu ku jiro iyo KHEYRE oo la tuhmayo

Muqdosho (Caasimadda Online) – Warqad shalay ka soo baxday xafiiska agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayuu shaqada uga joojiyey labadiisii ku xigeen.

Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah ku xigeenka kowaad ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyey in shaqada laga joojiyey. Hase ahaatee, waxaa aritaas walaac weyn ka muujiyey khubarada ku xeel dheer arimaha sirdoonka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Su’aalaha ay isweeydiinayaan waxaa ka mid ah yaa leh mas’uuliyadda xil ka qaadista labada agaasime ku xigeen ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA)?

Waxaa la’ogyahay in warqadda shaqada looga joojiyey labada agaasime ku xigeen aysan ku caddeyn in agaasimaha uu la tashi kala sameeyey Madaxweyen Farmaajo oo isagu soo magacaabay agaasimeyaasha Nabadsugiida iyo Sirdoonka Qaranka.

Qodobka 90-aad ee dastuurka, farqadiisa 4-aad waxaa ku cad in kaliya madaxweynaha uu leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista taliyayaasha ciidamada ee heer federal, taasi o hadda u muuqata in la baal-maray.

Hadaba, haddii ay dhacdo in uusan kala tashan Madaxweynaha shaqo ka joojinta labada agaasime ku xigeen, su’aasha ayaa ah yaa bixiyey amaraka?

Waxaa jira guux hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha xukumadda Xassan Cali Kheyre uu lahaa amarka shaqada looga farisiyey labada agaasime ku xigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Imaaraatka, Ethiopia iyo SOMALILAND oo kulan qarsoodi ahaa yeeshay

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa balan qaaday inay laba jibaarayso horumarinta maalgalinta dekeda Berbera si ay u noqoto dekeda ay isticmaali doonto dawlada Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee bilaa dekeda ah.

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii ugu danbeeyay qoray in 28-Jun-2018 ay magaalada Abu Dhabi kulan saddex geesood ah oo balaadhan ku yeesheen wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Sacad CalI Shire iyo madaxda ugu saraysa shirkada DPworld Suldan Axmed Binu Suleym iyo ku xigeenkiisa iyo wakiilo ka socda dawladda Itoobiya oo ay metelaysay  shirkada dawlada Itoobiya ee Ethiopian Shipping & Logistics Services Enterprise (ESLSE).

Waxay saddexda dhinac isku raaceen in la kordhiyo horumarinta iyo maalgalinta dekeda Berbera, iyada oo halkaas agaasimaha DP world ku soo bandhigay mashruuc xarun balaadhin oo kayd ah ay DP world ka samaynayso gudaha Itoobiya, si ay xaruntaasi dalalka kale ee bilaa dekeda ah ee Afrika ugu noqoto suuq ay alaabtu uga sii gudubto.

Wargeysku wuxuu sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu ay balaadhinayso saamaynta ay ku leedahay gobalka Geeska Afrika, taasna ay doonayso in meelaha ay u marayso ay ka mid noqoto dekedda Berbera iyo Itoobiya oo ay isku xidho.

Wuxuu wargeysku soo xigtay kulamadii kala duwanaa ee ay bishii hore yeesheen raysalwasaaraha Itoobiya iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta.

Ilaa bishii March ee sannadkan wuxuu wargeysku sheegay wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu diirada saareen  balaadhinta dekedda Berbera si ay u suurto gasho inay dekedani la wareegto suuqa ganacsi ee Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Guusha DF Somalia oo ku xiran sadex arrin oo dhaqan galintoodu ay adag tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka ehelka u ah Siyaasada ayaa dhaliilo kala duwan u jeediya dowlada Somalia oo iyadu la sheegay inay aad uga gaabisay dhaqan galinta Siyaasada lagu shaqeyn doono 4ta sano ee aan ku guda jirno.

Dhinacyadan u dhuun daloola Siyaasada haba ugu badnaaden siyaasiyiinta mucaaradka waxa ay dowlada Somalia aad ugu dhaliilan inay hormuud u noqotay la xisaabtan la’aanta qeybaha ku magacaaban amniga iyo arrimaha Dibadda.

Dhaliilaha ugu badan ee loo jeedinaayo dowlada ayaa salka ku heysa hanaanka ay shaqooyinka u maareeyan Wasaaradaha qaar oo aan ka dhabeyn howlaha loo jideeyay.

Dowlada Somalia oo aan weli yeelan awoodihii laga filaayay ayaa waxaa la sheegay in dib u dhaca heysta ay sabab u tahay 3 qodob oo ay kamid yihiin;

1-Hoos u dhac ku imaaday xiriirka arrimaha dibadda Somalia oo markii hore aad uga wanaagsanaa halka uu maanta taagan yahay.

1 – Siyaasada arrimaha gudaha oo aad u liidata sababo la xiriira awooda wasaarada ku shaqada leh oo aan gaarin heer wanaagsan, iyo maamul goboleedyada oo carqalad ku ah dowladda dhexe.

2 – Dowladda Somalia oo aan mas’uuliyad muuqata iska saarin la xisaabtanka mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adaha amniga, ayada qaraxba qarax uu ka dambeeyo, haddamna cidna aanay cawaaqibkeeda qaadan.

3 – Amniga dalka oo lagu haleeyay Hay’addo reer galbeed ah iyo Ciidamo shisheeye taa oo naxuusineysa awooda dowlada. Ciidamada ugu awoodda badan ee dowladdu isku haleyso waa Amisom, halka sirdoonka reer galbeedkuna yihiin kuwi ay dowladda ka sugto akhbaaraadka.

Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inaysan heysan dhaqaale ku filan iyo dowlado rasmi oo si shuruud la’aan ah uga caawiya howlaha horyaal.

Sidoo kale, guulaha ay tiigsaneyso dowlada Somalia ayaa waxaa dhexda u fadhiya dowlado shisheeye oo cuuryaaminaaya Siyaasada dibadda iyo Amniga kuwaa oo kaashanaaya shaqsiyaad Soomaali ah oo aad uga soo horjeeda Siyaasada ay xiligaan ku dhaqmeyso dowlada hadda jirta.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay xooga saarto isla markaana dib usoo nooleyso xirriirka dibadda, Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ku-celinta Axmed Madobe ee shirka Brussels: Qancis mise quursi? (Xog-waran)

Hogaamiyaha maamul goboleedka Jubaland Axmed madoobe iyo xubnihii la socday ayaa ka shalay baxay shirki ka socday magaalada Brussels ka kadib markii ay u kasoo horjeesteen ajandayaasha shirka oo ay sheegeen in wax laga bedelay sidii horay la isugu ogaa.

Dhacdada kadib waxaa soo farageliayay xubno ka socday dowladda federaalka iyo beesha caalamka si ay u xaliyaan.

Dhabcan sida xaqiiqda ah beesha caalamka uma soo faragelin in ay ku qanciyaan Axmed Madoobe inuu shirka ka qeyb galo, lkn waa fariin ay caalamka ku tusinayaan in somaali weli yihiin umad kala daadsan,aanan wada jir ku hashiin dhexdooda, is xalin karin, fara gelin shisheeyana aan ka maarmin.

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday  ayaa shirka ku laabtay kadib markii uu la hadlay masuul ka socday beesha caalamka iyadoon ajandayaashii shirka waxba laga bedelin sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

Waa nasiib darro weyn oo heystay siyaasiyiinta soomalida inaysan dhexdooda waxba kala maqlin, waxna isku ogoleen lkn ay shisheeyahay kale u dhega nugulyihiin, tiiyoo ay dheertahay marka khilaaf soo kala dhexgalo inaysan hashiin karin inta shisheeyaha kasoo faragelinayo.

Si kastaba, eedda ugu weyn ayaa kusoo laabaneysa kuwa matala shacabka oo marka hore u sacaba tuma soona doorta shaqsi bulshada ugu liita iyagoo ku dooranaya nin jeceleysi ama qabyaalad,isagana wuxuu dooranayaa kuwo kale oo kasii liita kuwaasoo dhib mooyee aan dheef laga arag.

W.Q Abdinasir Safaana
Email:[email protected]

Aqri: Tirada shacabka ay ciidanka dalka Kenya ku xasuuqeen gobolka Gedo

Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya tacadiyada ay Ciidamada Kenya ku hayaan dadka kasoo jeeda gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Tacadiyada ugu badan ayaa la sheegay in ciidamada Kenya ay ka geystaan  Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana falalkaasi qeyla dhaan ka muujiyay dadka deegaanka oo ay horboodayaan Nabadoonada ku sugan magaalada Baardheere.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad, oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay geystaan xasuuq ba’an oo aan cidina ka qaban.

Nabadoonka oo la hadlay saxaafada ayaa tilmaamay in Ciidmada ay dadka ku dileen Duqeyn iyo xabado iyadoo ay jirto dad badan oo ay marsiiyeen baabuurta.

Waxa uu sheegay laga soo bilaabo sanadkii 2011-2017 in ciidamada Kenya ay ku dileen gobolka Gedo dad gaaraya 52 qof, halka ay dhaawaceen 92 qof.

Deegaannada ay ku dileen dadka ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Baardheere waxaa ka mid ah deegaannadaan Yaaqle, Ceelcadde, Likooley, Kafay, Faxfaxdhuun, Giriklay, Jidimo, Budada, Baarmatamaan, Biyo Guuleed, Mufbariiq, Wargaduudo iyo Ceel-gaduud.

Dhinaca kale, Nabadoon Faarax Hire ayaa qiray inay jirto dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan ciidamada Kenya waxa uuna  caddeeyay in Maamulka Jubbaland uusan arrintaani ka hadlin ilaa iyo hadda isaga oo eedeeyay Madaxda maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Baardheere
[email protected]

ONLF oo war kasoo saartay DAGAALKA ka dhex oogan Oromada iyo Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii xoogeysanayaa dagaalada u dhexeeya Soomaalida iyo Oro,ada Ethiopia, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Ururka ONLF.

ONLF ayaa sheegtay inuu sii kordhayo khasaaraha dhimasho iyo mida dhaawacba ee ka dhashay dagaalka balse aysan jirin cid mas’uuliyad gaara iska saartay badbaadinta shacabka.

ONLF waxa ay sheegtay in tirada dhimashada iyo khasaaraha dhaawaca ee ka dhashay dagaalka labada maalin socday aan la xisaabi Karin waxa ayna dhaliisha iyo difaac la’aanta shacabka dusha ka saaren maamulka hadda haya talada.

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in Ururka uu dagaalkan bayaan ka soo saaray, wuxuuna tilmaamay dagaaladii ugu dambeeyay inay ku dhinteen 50 qof oo Haween iyo caruur ay ku jiraan.

Afhayeenka Ururka ONLF waxa uu intaa ku daray in Oromada ay nolosha iyo guryaba ku gubeen qoysas Soomaaliyeed, hase yeeshee ay taasi ku imaaday mas’uuliyad daro heysata madaxda hadda ka jirta dhulka DDSI.

Waxa uu Afhayeenka oo u waramaayay VOA sheegay in hadii ay sii socdaan dagaaladan u dhaxeeya qabaa’ilada Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, waxa uuna ka digay in dadka macaashka ku qaba colaada ay faraha kula sii jiran howlaha ceynkaasi ah.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaa wax aad looga xumaado ah, marka ay dadkani is garabsan lahaayeen oo ay is anfici lahaayeen, is caawin lahaayeen, heshiin lahaayeen, in iyaga dhexdooda ay diriraan, waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan rayidka.”

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dhibta ugu badan ay ku dhacdo Soomaalida, waxa uuna taasi ku sheegay arrin halisteeda leh oo aan loo dulqaadan Karin.

Haddalka kasoo yeeray ONLF ayaa u muuqanaaya mid maamulka DDSI loogu tilmaamayo mas’uuliyad darada heysata oo ay ka gaabiyeen xalkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

 

Abiy Ahmed oo xal u helay colaada dhiiga ku daatay ee Soomaalida iyo Oromada

Adis ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in ciidamo gaara la kala dhex dhigo Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada ee ku dagaalameysa xuduudka labada dhinac.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa amarkaasi faray Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Ethiopia waxa uuna mamnuucay in ciidamada la kala dhex dhigaayo labada dhinac ay qeyb ka noqdaan Soomaalida iyo Oromada.

Abiy Axmed ayaa sheegay inuu sii xoogeysanaayo dagaalka isla markaana loo baahan yahay in la yareeyo colaada iyo dhiiga muwaadiniinta ee ku daadanaaya xuduudka uu dagaalka ka socdo.

“Waa inaan xal u helnaa dagaalka sii xoogeysanaaya ee u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, suuragal maaha inaan daawano dhiiga daadanaaya waa inaan helnaa ciidamo dhedhexaad ah”.

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa dhaliilay Hogaamiyayaasha labada maamul waxa uuna ku eedeeyay inay ka gaabinayaan dadaalkii lagu xalin lahaa colaada sii xoogeysaneysa.

Ugu danbeyntii waxa uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed u digay dhinacyada ka macaasha colaada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada.

Caasimada Online

Xafiiska Adis ababa

[email protected]

Madaxweyne FARMAAJO: Waa inaanu garanaa halka arrin ee ugu muhiimsan…

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirka Brussels ay dani ugu jirto Soomaalida waxa uuna carab dhabay in cida laga doonaayo ka faa’iideysigeeda ay tahay Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in shirka noocaani ah uusan si sahlan kusoo mari doonin Soomaalida waxa uuna ka digay inay noqdaan kuwo aan ka faa’iideysan shirka.

“Shirka sanadkiiba mar ayuu soo maraa Somalia waxaa nasiib darro ah inaan garan weyno danteena oo aan ka faa’iideysan weyno fursadaha na horyaal”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bilaa shuruud looga faa’iideysto shirka maadaama uu yiri dantu tahay mid ay leedahay Soomaalida.

Madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan adkeysi oo aysan meel uga dhicin sharafka Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in ujeedka uusan aheyn mid isaga u gaar ah.

Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lamid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya mid lagu dhiiri galinaayo madaxda kale ee kusugan madasha shirka Brussels, waxaana xusid mudan in maalinimadii shalay ay shirka ka baxeen wafdiga maamulka Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

[email protected]

Cawad: “Shirka Brussels yuusan idinla noqon sida aad u yareysaneysaan”

Brussels (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa daboolka ka qaaday inay muuqato ka faa’iideysi la’aanta Soomaalida shirarka adduunka.

Wasiir Axmed Ciise waxa uu sheegay in Soomaalida oo isku mowqif ah ay tageen madasha shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka, balse ay markii danbe soo baxeen cilado yar.

Waxa uu Wasiirka tilmaamay in muhiimada Shirka yahay in Soomaalida ay helaan waxyaabo badan oo ay u baahi qabto sida maalgashi iyo hormarinta baahiyaha ku xeeran Qaranimada Somalia.

Waxa uu Wasiir Axmed Ciise carab dhabay in madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa Gobolada laga doonaayo inay marka hore muujiyaan dulqaad si buu yiri meesha looga saaro tabashooyinka hadda jira.

Waxa uu cadeeyay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo lagu wada kalsoonaan doono hase yeeshee ay ku xiran tahay in la muujiyo dulqaad, maadaama waxa laga wada tashanaayo ay tahay masiirka Umadda Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan u gudbeynaa wajiga labaad, waxaa shirka kaoso bixi doona war-murtiyadeed lagu wada qanci doono waa inaan dhankeena kala imaana sabar iyo dulqaad aan ku aqbali laheyn heshiisyada dhacaaya”

Wasiir Axmed Cawad ayaa adduunka ku dhaliilay inaysan ka dhabeyn ballanqaadyada loo sameeyo Soomaalida, waxa uuna dalbaday in laga jawaabo wixii ballanqaad ah.

Sidoo kale, dadka dhan ayuu sheegay inay wada yihiin walaal, isla markaana ay muhiim tahay in la garto ahmiyada dalka iyo dadka maadaama ay hormartay dunida.

Geesta kale, waxa uu Wasiirka ku baaqay in Soomaalida ay u midowdo wax wada qabsigeeda maadaama dunida ay garabtaagan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

[email protected]