27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Deg deg: Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa goor dhow la magacaabay, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhow yeesheen Golaha Wasiirada.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska iyo magacyada Saraakiisha la magacaabay:

  1. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Asluubta.
  2. Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed
  3. Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen.

Magacaabistaan ayaa noqotay mid si weyn loola yaabay kadib markii xilalka loo dhiibay shakhsiyaad aan aheyn kuwii la hadal hayey.

Magacaabiddan waxaa ay timid ku dhawaad afar bil kaddib markii xilka laga qaaday Taliyayaashii Booliska iyo Jilatariga kaddib markii ay Qaraxyo ka dhaceen Muqdisho.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxay tahay sababta uu Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga u imaanayo Magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayaa la filayaa in maalinta Arbacada ah ee soo socota uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho.

Hakan Çavuşoğlu,waxaa uu booqashadiisa Afrika ka soo billaabayaa Dalka Suudaan halkaas  oo uu kula kulmayo dhiggiisa Suudaan, Bakri Xasan Saalax.

Labada Masaajid oo kala ah Al Xanafi iyo Al shaafici,kuwaas oo ay dhistay Dowladda Cusmaaniyiinta,waxaana hadda dayactir ku sameysay Hay’adda TIKA ee Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Jasiiradda Suakin oo dhawaan Suudaan ku wareejisay Turkigamtaas oo 261 Maayl uun I jirta Magaalada Jiddah oo ah tan labaad ee ugu weyn Sucuudiga,halkaas oo dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka difaaci jirtay Gobolka Xijaaz ee galbeedka Sucuudiga dhaca.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa Dalka Suudaan xarigga ka jari doona dhismayaasha labo Masaajid,Kastamada Canshuuraha.

Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale faafisay in Hakan Jaush Ogolo uu inta uu joogo Soomaaliya uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale.

Ujeedada uu Soomaaliya u imaan doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenbka Turkiga ayaa lagu sheegay in uu  kormeer ku sameyn doona Saldhiga Turkiga uu ka dhistay Muqdisho oo Ciidamo ka tirsan dowladda lagu tababaro iyo sidoo kale kormeer kale uu ku tegi doono dhul Maamulka gobolka Banaadir uu ku wareejiyay kaas oo laga dhisayo Xarun lagu tababaro Ciidamada kaas oo ku yaalla deegaanka Jaziira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha Wasiirada oo maanta ansixinaya magacaabidda Taliyeyaasha Booliska & NISA

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la kulan gaara ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu magacaabi doono taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadugidda.

Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono magacaabidda iyo ansixinta labada taliye oo muddo ka badan saddex bilood ahaa kuwo maran oo aan lagu guuleysan in la buuxiyo.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA loo magacaabo Cabdi Jiinow Calasow oo hore u soo noqday Maareeyaha Dekeda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo muddo dheer arrintan is mari waa ka taagnaa lagu asoo afjaray kulano is daba joog ah oo ka dhacay Madaxtooyada.

Taliyaha Booliska ayaa la isku hayaa laba sarkaal oo kasoo kala jeeda beesha Daarood, waxaana al sheegay in saaka laga gaarayo go’aankii ugu danbeeyay oo ay u badan tahay in loo magacaabo beesha sarkaal kasoo jeeda Beesha Ogaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Khilaaf bilo jirsaday oo u dhexeeyay Kheyre & Jawaari oo xal laga gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in xal Siyaasadeed laga gaaray Khilaaf hoose oo waayadan ka dhex aloolsanaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka oo taagnaa muddo ku dhow afar bil ayaa waxaa la xaqiijiyay in dadaalka lagu xaliyay ay iska kaashteen Madaxweynaha dalka Farmaajo iyo Xildhibaano ku dhow dhow laba mas’uul.

Khilaafka ayaa la sheegay xalintiisa in looga maarmi waayay qaboojinta Mooshino iyo Kacdoon Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan baarlamaanka waxaana saacadihii ugu danbeeyay lagu guuleystay xal u helida khilaafka Kheyre iyo Jawaari.

Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka Gudoomiyaha iyo Ra’isul wasaaraha uu dhashay kadib markii Xasan Cali Kheyre si latashi la’aan ah u xaliyay dhibaatooyin taagnaa oo heerkooda gaarsiisanaa in la horgeeyo baarlamanaka Somalia.

Jawaare ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ku eedeeyay inuu faragalin ku hayo shaqooyinka baarlamaanka, waxa uuna farta ku goday inuu banaanka ku xaliyo howlaha khuseeya baarlamaanka.

Labada mas’uul ayaa waxaa iminka Khilaafkooda loo  xaliyay si looga hortago mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee doonaaya inay cuuryaamiyaan shaqooyinka Xukuumada.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa maalmahan si wada jira uga wada shaqeyn doona talaabo waliba oo lagu fashilinaayo Mooshinka ay maleegayaan Xildhibaanada qaswadayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 Yaa loo magacaabayaa Taliyeyaasha cusub ee Booliska & Nabadsugidda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shir uga bilowday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo aan caadi ahayn ayaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ansixinta taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliya oo uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii ay bannaanaadeen muddo ka badan 3 bilood iyo Bar.

Taliyaha NISA ayaa la sheegay in loo magacaabayo Cabdi Jiinow Calasow oo hore us oo noqday maareeyaha dekadda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhex, iyadoo ay isku dhaceen dowladii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmed markii ay ka qaaday xilka maareeyaha Dekadda Muqdisho.

Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in loo magacaabayo Jen. Axmed Taajir oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Booliska oo taliye ku xigeen soo noqday xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe ‘’Wey iska cadahay sida uu ku socdo wadahadalka dowlada Ethiopia & ONLF’’

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga hadlay wadahadalka dhowr sano kadib u bilowday dowladda Ehtiopia iyo Jabhadda ONLF.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inaanu marka hore jirin wadahadal fashilmay, waxa uuna tilmaamay in wadahadalka hadda socda uu aad uga duwan yahay wadahadaladii hore.

‘’Ma jiro wadahadal fashilmay ee wadahadalka waa mid socda inkastoo xiisadaha ka jira Ethiopia iyo Iscasilaada Ra’isul wasaaraha uu saameeyay dibna loo furi doono’’

Axmed Madoobe ayaa sheegay in tilaabada wadahadaladaasi ay ku bilowdeen ay tahay mid muhiim ah oo dhameystir u baahan si looga dhabeeyo hadafka dadka Soomaalida ee ku nool kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in ka maamul ahaan ay dultaagnaan doonaan wadahadalka inta laga gaaro guul, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Mowqifka Jubbaland uu yahay in leysku geeyo dowlada Ethiopia iyo ONLF oo uu sheegay inay aad u kala fogyihiin marka la’eego dhanka Khilaafka.

Axmed Madoobe waxa uu intaa raaciyay in hannaanka wadahadalada labada dhinac ay u socdan ay tahay si wanaagsan oo natiijo fiican laga filikaro, wuxuuna carab dhabay in wadahadalka uu saameyn ku yeeshay xiisada ka taagan Ethiopia.

Sidoo kale, Axmed Madoobe oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in dhinac waliba ay u furan tahay ka qeybqaadashada sii socoshada wadahadalka labada dhan, waxa uuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo midowga.

Hadalka Axmed Madoobe ee ku saabsan wadahadalada labada dhinac ee Ethiopia iyo ONLF uga socday Nairobi ayaa imaanaya iyadoo wali wadahadaladaasi aysan ka soo bixin wax natiija ah oo ku saabsan wixii looga wada-hada hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Suuqa bakaaraha oo maalintii labaad u xiran caburin lagu hayo Ganacsatada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii labaad xiran Ganacsigii Suuqa weyn ee Bakaaraha kadib Shaqa Joojin ay Ganacsatadu ku dhawaaqeen maalin ka hor.

Shaqa Joojinta Ganacsatada ayaa ka danbeysay kadib go’aankii ganacsatada ay ku gaareen inay joojinayaan shaqada suuqa, haddii aan wax laga qaban canshuurta la soo kordhiyay.

Inkastoo uu socdo dadaalo arrintaasi xal looga gaarayo ayaa hadana maanta waxaa gebi ahaanba xiran Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Bakaaraha, waxaana la arkayaa Ganacsatada oo hordhoobay Goobahooda Ganacsi.

Xirnaanshaha Suuqa ayaa waxa ay abuurtay xaalad cakirnaan ah oo soo food saartay dadka ganacsatada ah ee Suuqaasi ku shaqeysa, oo maalintii labaad aanan shaqeysan.

Ganacsatada ayaa ka gadoodsan canshuur kordhin ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, waxayna sheegayaan ganacsatada inaysan awoodin bixinta canshuurtaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Somalia ayaa u muuqata inay ku fashilantay canshuur kordhintaan ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya oo wali aanan dhaqangalin, abuurtayna xaalad cakirnaan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasaaradda Caafimaadka oo amar duldhigtay laamaha amaanka DFS (Akhriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somalia, ayaa waxaa lagu amray laamaha amaanka dowlada.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa laamaha amaanka lagu faray inay xiraan dadka ka ganacsada raashinka loogu tallo galay Barakacayaasha.

Waxaa lagu qeexay warqada Wasaarada caafimaadka in Suuqyada Magaalada Muqdisho lagu iibiyo raashin loogu talo galay dadka barakacayaasha ah.

Sidaasi awgeedna muhiim ay tahay in tallaabo laga qaado dadka noocaasi ah, isla markaana la horgeeyo sharciga.

 

Xog-warra: Maxaa sababay khalkhalka ka jira Itoobiya?

Dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu danbeeyey Itoobiya marka laga hadlayo, Raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxaa uu si rasmi ah u gudbiyey iscasilaaddiisii, isaga oo banneeyay jagada Raysalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga talada haya ee EPRDF. Tani waa xaajo ugub ah—cidnana garan mayso halka ay wax ku danbayn doonaan. Desalegn waxa loo doortay in uu dheellitiro danaha kala geddisan ee qaybaha ku midaysan Isbahaygisa xukunka haya. Waxa uuna ilaa goor dhowayd u muuqday mid arrintan ku guuleystay.

Haddaba, sidee  ayay xaaladda ay hadda ku jirto ku soo gaartey Itoobiyada keligiitaliska ah ee xulafada la ah Maraykanka isla markaana ah waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan? Hoos ka akhriso waxa aad u baahan tahay inaad arrintan ka ogaato.

Taariikhdan koobani waxa ay sharraxaysaa sababta ay Itoobiya u khalkhalsanayd ilaa iyo 2015

1991-kii ayaa ay soo gebogeboobeen sannado badan oo dagaal sokeeye, waxana xukunka laga tuuray keligiitaliyihii Shuuciga ahaa ee Itoobiya. Meles Zenawi ayaa saaxadda soo galay isaga oo ah nin awood badan oo ay dabada ka riixayaan jabhaddii qowmiyaddiisa ee “Tigrayan People’s Liberation Front”, waxa uuna xukunka hayey sannado badan isaga oo qayb ka ah Isbahaysiga qowmiyadda ku salaysan ee EPRDF. Walow Isbahaysigan ay qayb ka yihiin xisbiyo metala saddex qowmiyadood oo kale (Amxaarada, Oromada iyo Midowga Qowmiyadaha Koonfurta), haddana qowmiyadda Tigreega ayaa si adag gacanta ugu haysey waddanka.

EPRDF waxa uu qaatay nidaamka Federaalka qowmiyadda ku salaysan si uu u maamulo 80-ka qowmiyadeed ee kala duwan ee waddanka ku dhaqan. Keligoodtaliyayaasha Afrika waxa ay istaraatijiyad ahaan maamul-daadejinta iyo dibuhabaynta maamul u adeegsadaan inay awooddooda ku xoojiyaan. 

Zenawi iyo hoggaamiyayaasha Tigreegu si taxaddar leh ayay nidaamka gacanta ugu qabteen, iyaga oo hubsanaya inaan koox kale isku soo taagin awoodda dhexe. Ka dib isku dayo looga gon lahaa liberaallaynta [nidaamka] oo dhacay 1990-neeyadii iyo horraantii 200o-sannadii, doorashooyin qaran oo muran ka dhashay oo dhacay 2005-kii ayaa keenay in mucaaradku ay ku guuleystaan saddex meelood oo meel kuraasta Baarlamaanka waddanka. Mucaaradku waxa ay EPRDF ku eedeeyeen isdabamarin doorasho, dibadbaxyo ayaana bilawday.

Zenawi isaga oo tan ka jawaabaya, dawladdii EPRDF waxa ay sii kordhisey keligiitalisnimadii. Iyada oo isku dayaysa inay xakamayso iska caabinta lagaga horyimid taliskana,   waxaa ay bilawday ansixinta shuruuc cusub oo adadag, cabsigelinta iyo xirxiridda mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah. Zenawi waxa uu geeriyoodey sannadkii 2012—waxase indheeyayaasha la yaab ku noqotay xukun-la-wareeggiddii  Dessalegn ee nabadda ahayd. Dessalegn oo ka soo jeeda qowmiyadda Wolayta waxa uu metalayey kooxaha isgaashaanbuuraystay ee dega Koonfurta Itoobiya oo aan hore u qaban xil sidan u sarreeya.

Fakaaggii awoodeed (power vacuum) ee ka dhashay dhimashadii Zenawi iyo keligiitalisnimada sii kordhaysa ayaa sannadkii 2015 keentay muddaharaaddo shacbi. Wakhtigaas laga soo bilaabana midnimadii ERPDF dhexdeeda ayaa khatar gashay. Labada Madaxweyne ee labada dawlad gobolleed ee waddanka ugu weyn ee Amxaara iyo Oromiya—oo hoy u ah labada qowmiyadood ee waddanka ugu ballaadan—waxa ay xagaagan ku dhawaaqeen inay qayb ahaan taageersan yihiin dibadbaxyada, waxa ayna dalbadeen is-xukun gobolleed oo la taaban karo iyo in la soo afjaro maquuninta ay Tigreegu maquuniyeen dalka.

Wareegyadii ugu danbeeyey ee dibadbaxyadii 2017, EPRDF waxa lagu sameeyey wax loogu yeedhay “dibuhabayn qotodheer.” Si la iskugu dayo khafiifinta culayska lagu hayo taliska iyo si loo sameeyo dibuheshiisiin qaran, usbuucyadii ugu danbeeyey, Dessalegn waxa u sii daayey in ka badan 6,000 oo maxaabiis siyaasadeed ah oo uu ku jiro hoggaamiyaha mucaaradka Oromada mudane Merera Gudina.

Dabadeed, dibudhaca ku yimi siideynta maxaabiista iyo mugdi ku jirey ujeedka EPRDF ayaa haddana dhaliyey dibadbaxyo cusub oo ka dhacay Oromiya. Si loo dejiyo dibadbaxyada, 13-kii Febraayo, EPRDF waxa u soo daayey ku dhawaad 700 oo maxaabiis, oo ay ku jiraan saxafiyiinta Eskinder Nega iyo Andualem Arage, iyo hoggaamiyaha mucaaradka Oromada Bekele Gerba.

Maxaa uu  isku casiley—yaana beddeli doona?

Dibuhabaynta gudeed ee ERPDF waxa ay muujisay sida loo diiddan yahay hoggaanka dhexe ee ERPDF. December, 2017 bayaan ka soo baxay guddiga sare ee xisbiga talada haya waxa uu hoggaanka xisbiga ku eedeeyey dawlad-wanaag la’aan iyo in lagu fashilmay ilaalinta [nolosha] rayidka ee xilliga dibadbaxyada. Bayaankani waxa uu afarta xisbi ee Isbahaysiga ka tirsan ku dhiirigeliyey inay beddelaan hoggaamiyayaashooda—xisbiga TPLF ayaa sidan sameeyey wakhti yar ka dib. Sidoo kale, xisbiga SEPDF ayaa hadda weydiistey hoggaamiyayaashooda oo uu ku jiro Dessalegn inay xukunka banneeyan. 

Yaase beddeli doona Raysalwasaaraha? Guddiga dhexe ee ERPDF ayaa hadda kulmaya, waxa ayna lafagurayaan weydiintan iyada oo, sida la garan karo, ay dhexmarayso doodo qowmiyadeed oo kulul. Marka la eego dibadbaxyada gobolka Oromada, oo ah hoyga qowmiyadda Itoobiya ugu badan, waxa dabiici u muuqanaysa in qof Oromo ah loo doorto hoggaaminta dalka. Tani se waxa ay u baahan tahay taageerada qowmiyadda labaad waddanka ee Amxaarada oo taariikh ahaan, ka hor ERPDF, ahayd qowmiyadda talada gacanta ku haysa.

Xubnaha guddigani waxa wadahadalladooda shidaalinaya oggaanta ay og yihiin in haddii ay ku fashilman taageeridda hal musharrax, uu isbahaysigu halis ugu jiro kala daadasho ku salaysan qowmiyad iyo tartan loo galo garabka gacanta ku dhigi doona dawladda. Si ay kala daadashadan uga baaqsadaan, waxa laga yaabaa inay xushaan kuxigeenka Dessalegn ee xisbiga Koonfurta, oo noqon doona musharrax kale oo tanaasul ku yimi si loo joogteeyo xaaladda ay hadda Itoobiya ku sugan tahay.

Waxa kale oo jirta hab kale oo ay soo bandhigeen hoggaamiyayaasha gobolka Oromada: ha la oggolaado xisbiyada mucaaradka ah ee ka baxsan isbahaysiga talada haya si loo gaaro dibuheshiisiin qaran oo waxtar leh. Tani waxa ay ka jawaabi kartaa dalabaadka dibadbaxayaasha ee ay ku dalbanayaan dimuqraadiyad iyo xuquuq aadame oo badan. Marka se xisaabta lagu darsado xaaladda degdegga ah ee ay dawladdu soo rogtey Jimcihii, xisbiga talada hayaa waxa uu u muuqdaa in uu doonayo in uu xuurtaysto talada. Waxana laga yaaba in dawladdu ay si adag uga jawaabi doonto dibadbaxyada ka socda waddanka. 

Xog: Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay hogaamiyaha Daacishta Somalia?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya inuu xanuunsan yahay Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhaadir Muumin oo uu Saldhigiisu yahay Buuraaleyda Galgala ee dhulka Puntland.

Hogaamiyaha ayaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow laba asbuucuu yahay mid la il daran xanuuno isbiirsaday oo inta badan ku dhaca dadka da’da ah.

Ilo ku dhow dhow Hay’adaha amaanka maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Hogaamiyaha uu yahay mid itaal gabay, waxa ayna xaqiijiyeen in xanuunada haya ay kamid tahay Macaanka.

Waxa ay sheegen in dhibta ugu badan ee xiligaan heysata Hogaamiyaha ay tahay dabiib la’aan, waxaana xusid mudan in dawooyinka uu ku heysto Buuraha ay tahay mid aan ku filneyn.

Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhadir Muumin ayaa iminka ku go’doonsan Buuraaleyda Galgala oo Saldhig u ah Maleeshiyada, waxaana lasoo warinayaa inay dul heehaaban diyaarado nooca aanu isha qaban ee isugu jira basaaska iyo duqeynta.

Sidoo kale, ciidamada amaanka maamulka ayaa wixii ka danbeeyay xogtaan aad u adkeeyay xeebaha maamulka ee laga cabsi qabo in Hogaamiyaha laga safriyo.

Docda kale, waxaan la ogeyn sida uu noqon doono xaalka Hogaamiyaha Muumin oo u muuqda mid ay daashadeen cuduro ku dhaca dadka da’da ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog ku saabsan wada-hadalka dhowaan u furmaya DF iyo Somaliland

0

Iyadoo la filayo in bilowga bisha March wadanka Jabuuti wadahadalo ku yeeshaan Madaxweynaha dowada Federaalka Soomaaliya Maxaamad Cabdulahi Farmaajo iyo Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa warar dheraad ah kasoo baxayaan dhinacyada ku lug leh qabsoomida kulankaan.

Wadahadalkaan ayaa waxaa sahlaya hay’ad laga leeyahay dalka Switzerland oo la yirahado “The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD)”.

Hay’adaan oo madaxdeeda uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Cabdulahi Cumar ayaa sida xogtaan sheegeyso udub dhexaad u ah diyaarinta kulankaan.

Maxamad Cabdulahi Cumar oo saldhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa wayadaan dambe xiriir dhow uu la lahaa dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan Siyasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haysa Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale aad ugu dhow Madaxweynaha cusub ee Somaliland isagoo dhinaca kale isku xira beesha caalamka iyo Muuse Biixi.

Lama yaqaan ajandaha wadahadalkaan oo gogoshooda hore uu dhigey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele balse waxaa hubanti ah in maamulka Muuse Biixi aad u raadinayo in dib loo bilaabo wada-xaajoodkaan.

Dowlada Turkiga ayaa horey u qaban jirtey wadahadalada u dhexeyn jirey Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland balse waxay noqdeen kuwo aan natiijo ka soo bixin.

Lama oga ajendaha looga hadlayo kulamadan hadii ay dib u furmaan balse wax la rumeysan yahay in siyaasiyiinta xillalka ka haya Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland raadinayaan inuu kasoo baxo heshiis ka duwan nooca Federaalka ee ka jira Soomaaliya maanta. Siyaasiyiintaan ayaa qabta in dalka Soomaaliya lagu saleeyo awood qaybsi ku saleysan Koonfurta Soomaaliya iyo Woqooyiga iyadoo Somaliland la siinayo madax banaani maamul oo ka awood badan midda nidaamka Fedraalka we hadda jirta.

 

Maangaabnimada ganacsatada iyo miskiinimada dawladda

0

Waxaa mudo ku dhaw laba asbuuc xiran dekeda weyn ee magalaada muqdisho iyado hawlihi ka socdey dhamaantod ay wadda istaagen taas o sababtey in taayirki dhaqaalaha ee xooga ku socdey u hakad galo, sidoo kale xirnaan-shiyaha dekeda muqdisho waxey saameyn ku yeelatey ilaha dhaqaale ee magala iyadoo saakay gebi ahaanba uu xiran yahey suuqa weyn ee bakaaraha ka dib markii ay amar lama filaan ah ku soo rogeen ganacsatada gobalka banaadir iyagoo ka cabaanaya canshuuro siyaado ah oo lagu kordhiyey badeecadihi iyo alaabti ay dekeda  kala so degi jireen taas o aad u saameysay nolosha shacab badan ayna kaw ka yihiin dadka quutul yawmka ka raadsan jirey suuqa weyn ee bakaaraha.

Cabashada ganacsatada ayaa timid ka dib marki laba asbuuc ka hor uu wasiirka maaliyada Dawlada Federaalka ah ee Somaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle u so rogey amar ah in la kordhiyo canshuuraha laga qaado badeecada ka so dega dekeda muqdisho , iyago sheegay ganacsatu ineysan diidaneyn iney baxshaan canshuuraha laga rabo hase yeeshe aysan suurta gal aheyn qiimaha intaas laeg ee lagu kordhiyey , sido kale waxey tusaale u so qaaten iney cadaalad dari tahey in dekeda muqdisho lagu so rogo qiima aad uga sareeya dekedaha kale ee dalka.

Waa maxey canshuur?

Canshuurtu wa hab ama nidaam lacageed oo loogu tala galey in sanduuqa guud ee dawlada lagu rido kharashaadka ay dawladu ka qaado dadka shirkadaha iyo xarumaha ganacsi iyado ula jeedadu tahey in lagu socodsiiyo hawlaha dawlada ay masuulka ka tahey sida:waxbarashada , caafimaadka , gaashandhiga , asaaska hoose e hayadaha dawlada , bixinta musharadka ciidamada militaryga iyo poliska iyo waxyaabo kalo badan.

Dawlada iyo canshuurta

Xukuumada federaalka ah ee somaliya iyado ka duuleysa xaalada adag  ee dalku ku sugan yahey iyo tabar darida heysta laamaha kala duwan ee dawlada , iyadoo xukuumadu la socoto deymaha aadka u badan ee dalka lagu leeyahey , sidoo kale ogaatey in kaalmada shisheeye aysan dalka horumar dhaqaale ka siqeyn , ayey waxey garawsatey in ay kordhiso lacagta canshuuraha ee laga qaado dadka ganacsatada ah , iyado taasi dalka ay faaido badan u keeneyso ayna ka mid tahey in sanduuqa IMFtu dawladda ay ka dhaafto deymaha badan ee lagu leeyahay , sido kale dawladu ay la tisqaado dawladaha kale ee caalamka ka jira.

Iyado dawladu arinkaas ka tis qaadaneysa ayey waxey dadka weydiisey iney baxshaan sadex jaad o canshuurta ka mid ah iyado asal ahaan ay cashuurta dunida ka jirtaa ay tahey 16 nooc.

Saddexdas cashuur oo kala ah

  1. Mid kowad waxa weeyan in qofka wax so dagsadda laga qaado cashuur , iyadoo waxa la so dajinaayo aysan ku jirin waxyaabaha asaasiga ah sida (Burka Bariiska Sonkorta Saliida i.w.m) e cashuurta laga rabo alaabta kamaaliyadka ah e dheeri ahaa la isaga baahan yihin sida (Taleefanada Camerada Computerda Gawarida Bullet Proofka ah Gawarida xarakda i.w.m) iyado sida sharcigu dhigaayo ay tahey in wax kasta o so daga laga qaado lacag dhan $5 tusaale in $100 laga jaro lacag dhan $5 iyado arinkaasi ay dawladu aad u yareysay , o waxa jira in kortoonka weyn e ay ku jiraan taleefoono lacagtoodu gaareyso $800,000.00 ay dawladu cashuur ahaan uga qaadi jirtey $3 , hadase dawladu waxey codsatey in lacagta cadad ahaan dhan  $8000 ay canshur ahan uga qaado $5 taas o noqneysa $1600.

2) Mida labaad waxa weeyan in dadka baayac mushtarka ah e wa weyn marka ay sanadka dhameystaan o ay xisaab xir sameeyan kharajkana ka jaraan haddi markaas ay faaido sameeyan in laga qaado lacag canshuur ah o ay tahey inay bixiyan sida u sharcigu dhigaayo.

3) In cid kasta o shaqeysa laga qaado canshuur gaar ahaan dadka mushaharkoodu ka sareeyo lacag dhan $200 halka dadka intaas ka hooseya aan wax cashuur ah laga rabin.

Dhamaan lacagaha canshuurta ah bixintoodu wa waajib saaran qeybaha kala duwan ee bulshada sida ay dhigayaan xeerarka iyo qawaaninta caalamiga ah , isla waqti ahaantaasna uusan ka sugeyn wax badiil ah  o ay dawladu u qabato lacagta ay ka qaadey awgeed.

Maxa ganacsatada somaliyed ka dhigey Maangaabyo?

Qofka ganacsada ah sida la og yahey wa halbawlaha dhaqaalaha , wa qof mar walba heegan ugu jira in umadu waxey u baahan tahey ka haqab tiro, waxey dantuna mar walba ay ugu jirta in badeecad jaban ay bulshada u gudbiyaan si ay horey faaido uga helan , inkasto arinkaasi u jiro haddana ganacsatada soomaliyeed waxey aalaba caada ka dhigtaan cabasho iyo deyro badan dhibna ku keenta iyaga o ay alaabtoodi waxay mudo ku xayirantaa dekeda , waxey sido kale mar kasta ka hor yimadan goaanada dawlada iyago og tabar darida xukuumada , waxey sido kale dhiig miirad ku hayaan shacabka soomaliyeed iyago mar walba wax qaaliya ka gada taya wanaagsana aan laheyn , waxa hadana dad badan ay aad ula yaaban sababta keentay in ganacsatadu ay halki Tan e patrol ah ay dekedaha qaar sida tan Mombasa ay baxshaan lacag dhan $450, dekeda muqdishana laga la’ayahey bixinta lacag dhan $45 , ma waxey ka tahey maangaabnimo iyo garaad xumi , mise tabar darida dawladey is leeyahin ka macaasha o ma doonayan iney xukumadu ku dhiirato iney ganacsigooda kantaroosho , mase oga miyaa in lacagta cashuurta ah e iyaga laga qaaday dalka iyo dadkaba wax loogu qabanayo o ay dawladu lacgtooda ku shaqeyneyso?

W/Q: Maxamed Ahmed Muhiyadin

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wasiirka cadaalada oo ka qeyliyay cadaalad darada xabsiyada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaalada Somalia Abuukaate Xasan Xuseen Xaaaji, ayaa shaaca ka qaaday inayweli jiraan xadgudubyo lagu hayo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada qaar ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu ka dareemaayo inay jiraan isbedelo dhanka Cadaalada ah, balse waxa uu cadeeyay in dhibaatooyinka ugu badan weli lagu hayo dadka aan laheyn cido ka danbeeya.

Waxa uu Wasiir Abuukaate Xasan Xuseen Xaaaji sheegay in lama huraan ay tahay in Garsoorka ay si siman u helaan dhammaan dadka u xiran danbiyada waxa uuna farta ku goday inaanu dib u hirgali doonin kala sareeysiinta shacabka danbiilayaasha ah.

‘’Xabsiyada waa in loogu arxamaa maxaabiista ku jirta waxa ay shaqadeenu tahay kama xishoon doono Xabsigii ama Saldhigii aan ku helnaa xadgudub dhanka Maxbuuska ah waxaanu la tiigsan doona sharciga’’

‘’Qorshaheenu waa inaan helnaa cadaalad ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniinta ma aqbali doono in shacabka lagu kala sareysiiyo Xabsiyada’’

Waxa uu tilmaamay in dacwada ugu badan ay kaga imaado dhanka dadka aan heysan dhaqaalaha lagu bixiyo qareenada u dooda dadkooda, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu sii heyn doono xilka ay xooga saarayaan sida xal dhanka qareenada ah loogu raadin lahaa dhibanayaasha ay ku furantahay dacwada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la daryeelo Maxaabiista Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhibaato ugu filan tahay waxa ku dhex heysta Xabsiyada.

Dhianaca kale, Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradda Cadaaladu ay ka go’an tahay sidii wax loogu qaban Maxaabiistaasi ku jira Xabsiyada isla markaana ay wadaan baaritaano la xiriira Kiisaska ay u xiran yihiin Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bandow – Taxanaha Maxaabbistii 77 – Qaybta Tobnaad

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Habeenkaa Hargeysa dadka aan kula kulmay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Nuur “Kolombo” oo aan Radio Muqdisho ka wadashaqeynay laakiin loo soo beddelay Radio Hargeysa.

Wuxuu ii kaxeeyay in uu i soo baro dhallinyaro reer Hargeysa ah.  Waxaan tagnay guri aan ka fogeyn Hoteelka Maaweel oo aan ku soo degey. Halkii ayaan ku sheekeysannay. Miyuusik ayaan dhegeysannay.  Dhallinyarada qaar way qayilayeen qaarna sheekada uun ayay ku jireen.

Maaddaama aan yara daallanaa, howlaheyga berrito in aan u diyaar garoobana aan u baahan ahay, waxaan u sheegay dhallinyaradii in aan u hoyanayo Hoteelkeygii.   Waxaa la ii sheegay in aan la bixi karin oo ay bandow tahay.  Hadde ogow Hoteelkeygu waa meel ii muuqata.

Arrintaasi dhibaato ayay igu noqotay.  Inkasta oo aanan si buuxda u xusuusan, waxaan u maleynayaa in aan habeenkii seexday isla guriga.

Aroortii waxaan xusuustaa in aan arkay dad lagu sido baabuur shabaqle ah, kuwaas oo markii aan meelaha wareystay la ii sheegay in ay yihiin dad xalay ku xadgudbay bandowga.

Nin aan magaciisa Cali ku soo koobayo ayaan u xil saarnay in uu waraaqaha maxaabbiista ku raadiyo qoysaskooda.  Si kale haddii aan u dhigo, waxaan u sheegnay in uu wakiil naga ahaan doono, xataa marka aan Muqdisho tagno in aan isaga la soo xiriiri doonno.

Cali iyo waxaan isbaray Xasan – Kuuriya oo ah madaxa Idaacadda Hargeysa. Xasan wuxuu ballanqaaday in uu gacan siiyo Cali, haddii uu isgaarsiin u baahdana uu aniga igu soo xiro ama farriintaasa i soo gaarsiiyo.

General Morgan 

Aniga iyo Beatrix waxaan u tagnay General Morgan, Taliyaha qeybta 26aad oo shir kula jira Generaallo Xamar uga yimid oo malahayga kormeer ah.

Qol yar oo iska caadi ah oo salooto yari taallo oo aan qiyaasi karo in aanuu ahayn Xafiiskiisa rasmiga ah ayaa nala fariisiyay.

Ma jecleysan arrinkaas.  Waxaan u qaatay mar haddii uu shir kula jiro wafdi Muqdisho uga yimid in ay suurta gal tahay in uu farriin noo soo faro cudur daar ah.  In aan berri u soo laabanno in naloo sheego.  Waxaa kale oo iyadana aan baqdin ka qabay in ay dhici karto in aan galno sugitaan aan natiijadiisa la hubin oo wakhti badan naga qaata.

Laakiin in yar ka dib, General Morgan ayaa noogu yimid qolkii aan fadhinnay.  Halkaas ayaan shirkeennii ku qaadannay. Si wanaagsan ayuu u aqbalay arrinka aan u soconnay.

Waxaan ugu soconnay in uu saddex waxyaabood gacan naga siiyo.

In waa marka horee uu la socdo oo naga warqabo in aan degaanka joogno, howsha aan fulineynana waan u fasirnay.

Marka labaad in xeryaha ciidanka haddii aan u baahanno aan tegi karno oo aan magacyada maxaabbiista u sheegi karno.

Ugu dambeyn waxaan weydiisannay in Cali oo naga wakiil ah oo aan waraaqaha uga tagi doonno uu dusha ka ogaado, wax dhibaato ahna aan howshaas loogu geysan.

Xusuusnow, Maxaabbiista ehelkooda la raadinayo waa rag ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

General Morgan si wanaagsan ayuu u soo dhoweeyay howsha aan wadno, dalabkeenna si buuxa ayuu nooga aqbalay.

Markii uu shirku noo dhammaaday, isla markiiba kuma uu laaban Generaalladii uu ka yimid.  Annaga ayuu na sagootiyay.  Wuxuu nagula lugeeyay koriddoor dheer.  Aniga ayuu garabkayga gacanta saartay sidii ciyaalka xaafadda.  Wuxuu ii sheegay in uu shir kula jiray Saraakiil Muqdisho ka yimid, laakiin marka lagu wargeliyay in aan nimid uu iyaga u sheegay in uu u soo laaban doono.  Waan uga mahadceliyay arrintaas.  Wuxuu ku jawaabay in ay waajib ku ahayd maaddaama uu isagu nala ballamay.

Gaarigeenna markii uu na ag geeyay oo waan is macsalaameynay.  Beatrix oo la yaabtay sida uu Generaalku noo soo dhoweeyay iyo sida uu iila kaftamay ama uu garabka ii haystay oo kalsoonida uu iigu muujiyay waxay i weydiisay in aan Morgan wax isu nahay.  Waxaan u sheegay in aynaan wax gooniya isu ahayn.  Ka dibna waxay i weydiisay in aan isku qabiil nahay.  Sidii oo kale ayaan mar labaad ugu jawaabay.

Kalsoonida uu maalintaa ii muujiyay ayaa keentay in horraantii 1995 aan General Morgan oo Warlord ah oo Kismaayo haysta, General Caydiid oo duullaan ku ahina uu Goobweyn u fadhiyo, in aan ku dhiirrado in aan dayaaradaha qaadka Nairobi ka raaco oo aan Kismaayo ugu tago.

Dad badan ayaa iiga digay safarkaas, laakiin General Morgan oo fooneeye East Leigh yaalla aan ku sii wargeliyay imaatinkeyga, wuxuu iga doonay airporka Kismaayo oo aad uga baxsan magaalada inkasta oo aan is dhaafnay.

Xaruntiisa markii aan tegey ayaa la ii sheegay marti u imaaneysa in uu airporka ka doonay. Markaas ayaan tegey Isbitaal ay MSF maamusho aniga oo dhakhaatiirtii wareysanaya ayuu Isbitaalka iiga daba yimid.

Dhowrkii maalmood oo aan Kismaayo joogayna, inta badan wuu ila socday.  Xataa Hargeysa ayuu iga wareystay.

Markii aan shirka Morgan soo dhammaysannay, aniga iyo Beatrix waxaan Cali, oo ah wiilkii aan howsha u xilsaarnay, u sheegay in haddii ay dhibaato kala soo gudboonaato ciidanka uu Xasan – Kuuriya u sheego si uu Generalka u wargeliyo.

Xasan – Kuuriya isagana waxaan ka codsaday in Cali haddii culeys ay hey’adaha amnigu soo saaraan uu wargeliyo General Morgan.

Magaalada inta aan joogay waxaan ku arkay Saraakiil Sare oo Jaamacadda aan isku soo gaarnay qaarnay.

Berigaas waxaa caadi ahayd in saraakiil sare oo militeri ama nabadsugidda ahi ay Jaamacdda soo galaan si ay u dhammaytaan aqoontooda heer digrii Jaamacdeed.  Waxay u badnaayeen Kulliyadaha Injineerinka, Sharciga iyo Dhaqaalaha.

Marka ay qalin jebiyaanna waxay ku laaban jireen howlahoodii Militeriga.

Hargeysa markii ay howsha badankeeda nooga dhammaatay waxaan u gudubnay Gebileey.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yaa leh awoodda maamulka canshuuraha dalka?

Dowladaha caalamka ee hanaqaaday maamulka, maareynta, iyo jaangoynta canshuuraha waxaa u xil-saaran hay’ ad ama wakaalad gooniya oo dejisa barnaamijka canshuuraha dal waliba leeyahay, tusaale ahaan Kenya waxaa jirta Kenya Revenue Authority (KRA), Uganda waxa jirta Uganda Revenue Authority (URA), Ethiopia waxaa jirta Ethiopian Revenues and Customs Authority (ERCA) oo Federaali ah, halka Mareykanka ay jirto Internal Revenue Service (IRS).

Wakaaladda Canshuuraha waxaa unka ama dhismaheeda abla-ableeya Baarlamaanka Dalka waxayna ka hoos shaqeysaa inta badan wasaaradda maaliyadda, qorsheynta & horumarinta dhaqaalaha ee dalku u leeyahay. Wakaaladda maareynta canshuuraha iyadoo raacaysa sharciyadda ay Baarlamaanka dejiyeen ayay fulisaa dhaqan-gelinta, qiimeynta, dejinta, iyo xisaabinta noocyada kala duwan ee canshuuraha dalkaas laga qaado.

Inta badan canshuuraha dalalku ay qaadaan waa labo nooc. Canshuur toos ah “Direct Taxes” oo ay kamid yihiin; income tax, capital gains tax, Securities transaction tax & corporate tax I.W.M iyo sidoo kale canshuuraha aanan tooska ahayn “Indirect taxes” oo ay kamid yihiin sales tax, service tax, value added tax (VAT), exercise duty iyo wixii la halmaala. Dal walbana qaabkaas ayuu inta badan u wajahaa maamulka & maareynta canshuuraha laga dhaqan-geliyo gudihiisa.

Soomaaliya waxaa ka jira dowlad dhismaheeda iyo gollayaasheeda dowladda la sheego in laga soo xulay oo ay matalayaan dhammaan 18ka gobol ee Soomaaliya, balse ka qaadda canshuurta ganacsatada Hal magaallo. Waxaa ka jirta dowlad Mushaar siisa Baarlamaan la sheego iney matalayaan min lawya-cadde ilaa Dhoobley balse haddana dakhligeedu ku xiran yahay hal dekad oo ah tan Muqdisho.

Baarlamaanku haddaysan abuuri karin Wakaaladda Canshuuraha Qaranka “Somalia Revenue Authority”  oo taaba-gelisa barnaamijka canshuuraha dalka ama aysan ugu yaraan mushaarkooda si siman uga raadsan karin dhammaan gobolada dalka, waxaa dowladda la gudboon saddex arimood oo aas-aasiya iney ku dhaqaaqdo:

1- In ganacsatada Muqdisho wax allaale waxay dowladda ka tabanayaan oo dhinaca canshuur qaadista ah loo xaliyo si shuruuud la’aan ah, maadaama ay iyagu kaliya bixiyaan canshuurta inta badan bixisa adeegyada dowladda federaalka Soomaaliya.

2- In xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan abuuritaanka Wakaaladda Canshuuraha Qaranka iyo in ugu dambeyn

3- Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya “Gollaha Shacabka” loo qabto aqoon-kororsi “Workshops” lagu kobcinayo aqoontooda dhinaca sharci-dejinta si looga raa-rido in hawsha baarlamaanku tahay sharci dejin iyo isla xisaabtan huffan oo ay ku sameeyaan hay’adaha dowladda Ayan ka dhummuc weyn tahay  mooshin yaroo caata ah oo ay ku raadinayaan shaxaad.

W/Q Abdiqafaar Shire 

Daawo Sawirro muujinaaya mas’uuliyad darada Maamulka Gobolka Banaadir & Wasaqda tuban wadooyinka!

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya nadaafad daro ka taagan Qaar ka mid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaa oo eersanaaya dadaal la’aan ka jirta dhanka maamulka Gobolka Banaadir.

Waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho iyo goobaha lagu ganacsado sida Suuqa Bakaaraha ayaa Saldhig u noqday biyo cagaartay oo ka dhashay qashinka iyo biyaha ay Maqaayadaha soo qubaan.

Biyaha iyo Qashinka ugu dan ayaa iminka buux dhaafiyay Suuqa Bakaaraha oo hoostagta Degmada Howlwadaag gaar ahaan Wadada Masjidka  Xareed ee Aada isgoyska Baar Ubax ayey jarta wasaqda ka dhalatay Nadaafad Darada.

Waddooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa fadhiisi u noqday biyo cagaartay oo midabkooda isbedelay, islamarkaana waxa ay waddaasi noqotay mid lagu soo guro qashin badan.

Wadda Xareed ayaa muhiim ah u ah Isku socodka dadka iyo Gaadiidka, waxa ayna isku xirtaa waddooyin badan oo halboole ah.

Qashinka iyo Biyaha fadhiya waddooyinka Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah mas’uuliyad darada heysata maamulka Gobolka Banaadir oo iyagu qaada dhaqaalaha ugu badan ee ku jira gacanta shacabka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saldhig u noqonaaya xil kasnimo la’aan waxaana xusid mudan in waddooyin kabadan 13 ay yihiin kuwo ay jareen wasaq iyo biyo sababay cuduro kala duwan.

Sidoo kale, waxaa jajaban waddooyin aad u farabadan oo ay shacabku ku bixiyaan lacago canshuur ah, hase ahaatee waxa ay dadku is weydiinayaan halka lagu bixiyo lacagaha canshuurta marba haddii uu arinku sidaa yahay.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in waddaasi horay lagu sameeyay dayactir, islamarkaana la saaray waddo laami Balse nasiib daro ay weyday maamul daryeela, halka maamulka hadda jira uusan iska xil saarin mas’uuliyada ka saran nadaafada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hoggaamiyo Eng. Yariisow ayaa ka badan’la xaflado iyo xarig ka jarista xarumo Degmooyin oo la dayactiray

Inta badan maamulada degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaan iska xilsaarin ilaalinta Nadaafadda Wadooyinka dib u dayactirka lagu sameeyay.

Natiijada sawirka Qashinka wadooyinka Muqdisho

“Ma ahan in canshuurta ay gaar u ahaato gobolka Banaadir” Waxaa sidaas yiri…

0

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadley is mariwaaga u dhaxeeya ganacsatada Gobolka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda, kaasoo ku saabsan canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay ganacsatada.

Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda aanay xaq u laheyn inay canshuur dheeri ah ka qaado gobolka Banaadir oo kale, isagoo xusay in looga baahan yahay in magaalooyinka kale ee dalka ka qaado.

“Maalmahan waxaa socotay in ganacsatada lagu soo rogay canshuurta la yiraahdo Iibka oo ka baxsan canshuurta caadiga ah ee kastamka dekeda, sida aan wada ognahay wasaaradda waxaa ay wasaarad u tahay dalka oo dhan,waxeyna ku qurux badan tahay in canshuurta laga wada qaado si siman dalka oo dhan”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Sidoo kale Xildhibaanka Maxamud ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacsatada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada ugu fuliyo, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaaan soo jeedina Canshuurta Iibka ee lagu soo rogay Ganacsatada in loo wareejiyo Gobalka Banaaadir, si adeegyada lagama maarmaanka ah uu bulshada ugu qabto, maadaama Gobolka Banaadir ay wali matalaadiisa maqan tahay”

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda oo ay sheegeen in laga qaado ka hor inta aanay goobaha ganacsiga geyn, taasna ay khasaare ku tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wax badan ka ogow Canshuurta IIBKA – VAT oo ay isku heystaan dowladda iyo ganacstada Muqdisho

0

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay dib u billowday inay qaaddo lacagta canshuurta iibka, Value Added Tax (VAT) oo ganacsiga dalka ka marneyd tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991.

Canshuurtan oo ah nooc ka mid ah canshuurta aan tooska ahayn waxaa lagu dalacaa qofka macmiilka ah ee badeecada iibsada ama loo qabto adeeg ganacsi la xiriira. Waxaa soo diyaarisa wasaaradda maaliyadda si la mid ah canshuuraha kale.

Amiin Jamaal oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canshuuraha ay dowladda qaaddo ay kala duwan yihiin. Waxay noqon kartaa canshuur toos ah oo ay dowladda ka qaaddo goobaha ganacsi ee hela faa’iidooyinka, kirooyinka iyo hantida ama waxay noqon kartaa canshuur aan toos ahayn.

“Waxaa ka mid ah canshuurtan iibka oo halkii uu bixin lahaa ganacsadaha uu ku dallacayo qofka ganacsigiisa iibsada,” ayuu yiri.

Yaa go’aan ka gaara qaadista canshuurta iibka?

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaarta qadarka laga dhigayo lacagtan oo loo xisaabiyo qaab boqolley ah (Percentage). Wasaaraddu waxay hadda ku billowday canshuurta iibka qadar gaaraya 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku faahfaahiyay canshuurtan VAT.

Amiin Jamaal ayaa aaminsan sababta ay dowladda u yareysay qadarka lacagtaas canshuurta ah ay tahay si ay uga fogaato inay dadka dhibsadaan, kaddibna ay kacdoon sameeyaan.

Tan ayaa qeyb ka ah canshuuraha ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso inay hirgeliso. Waxaa ku jira canshuuraha laga bixinayo alaabaha ganacsiga, faa’iidada ganacsatada ay helaan marka ay xiraan xisaabta sanadka iyo mushaarka shaqaalaha.

Dowladda ayaa dooneysa inay wax ka beddesho nidaamka dhaqaale ee canshuurta dekedda, ganacsataduna diiddan yihiin, waxayna taas sababtay in ay maalmo hakadaan howlihii dekedda.

Sidee ayay dadku uga falceliyeen?

Dad badan ayaa baraha bulshada uga aragti dhiibtay doodda la xiriirta canshuurta iibka. Hoos ka arag qaar aan sawir ahaan u soo min-guurinnay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ah halka canshuurta iibka dib looga billaabay, aad uma fahamsana intooda badan canshuurta noocaan ah.

Maxamuud Gayfane oo dhaqaalaha uga baxay Jaamacadda Muqdisho ayaa ku doodaya in aysan weli muuqan hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadayo.

“Canshuurtan waa mid kordhineysa dakhliga gudaha ee dowladda soo gala, balse aniga iima muuqdo hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadi karo. Waayo waxaad mooddaa inay ku kooban tahay goobaha ganacsi ee ay dowladda gaari karto sida hoteellada ku yaalla [waddada] Maka Al Mukarama balse aan laga wada qaadi karin goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha sababo la xiriira ammaanka,’’ ayuu yiri Gayfane.

Inkastoo qaar ka tirsan ganacsatada leh maqaayadaha waaweyn iyo hoteellada ay durbadiiba la qabsaden canshuurta iibka haddana waxaa la rumeysan yahay inay jiraan ganacsato badan oo aan si fiican u fahmin.

Daahir Cabdullaahi Nuur oo ah milkiilaha dukaan weyn oo ku yaalla Muqdisho ayaa aaminsan inay habboonaan lahayd marka hore in ay dowladda sameyso wacyigelin. Wuxuu muhiim u ahaa in bulshada la baro bixinta canshuuraha iyo dhamaan noocyada canshuuraha oo ay wasaaradda maaliyadda qaaddo.

“Aniga lafteyda wax badan kama maqlin canshuurtan,” ayuu yiri.

Soomaaliya oo dhowr iyo labaatan sano ku jirtay dagaallo sokeeye, isla markaana ay ka maqneyd dowlad shaqeyneysa ayaa hadda u muuqata inay soo kabaneyso. Amniga ayaa soo hagaagaya, hay’ado dowladeed oo si buuxda u shaqeynaya ayaana jira inkastoo adeegyadooda uusan dalka oo dhan ku baahsaneyn.

W.D: Xuseen Maxamed

Isbeddelka Itoobiya & Is-muquuninta Qowmiydaha

0

Isbeddel ku cusub Xukunka iyo dhaqan-siyaasadeedka Itoobiya, laganayaabo in uu halistiisa yeesho ayaa hadda ku socda qaabkii ay Itoobiya u dhisnayd, kuna ahayd dowlad islaweyn muddo dheer, jabhadda xoreynta dadka Tigree oo la aasaasay sanadkii 1975-tii; iyo isbaheysigeeda EPRDF; oo xukumayey Itoobiya muddo ku dhow 30; sano, ayaa u muuqda kuwo ku jira maalmihii u dambeeyey ee noloshiisa siyaasadeed.

Madaxda sare ee EPRDF; jabhadda dimoqraadiga kacdoonka dadka Itoobiya; oo ka kooban afar xisbi qabiil ayaa wajahaya welwel iyo cabsi kaddib iscasilaadda Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe.

Isabaheysiga EPRDF; ayaa ka sameysmay isutag ay sameeyeen TPLF oo Tigree ah iyo SEPDM; oo metela dadka dega Koofurta Itoobiya, iyada oo 1989-kii, intii uu ku jiray jabhadeynta lagu soo daray OPDO; Ururka dimoqraadiyadda dadka Oromada iyo ANDM; dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Amxaarada.

Ismaamul-goboleedyada Itoobiya ayaa qaarkood qorsheynaya in ay sameeyaan mid lamid ah kacdoonkii Wayane; oo sanadkii 1943; ka kacay gobolka Tigraay, Xayle Salaase iyo Abebe Arege; oo taliyeyaal ciidan ka ahaa kacdoonkaas billowgiisii ayaa sameystay waagaas halqabsiga ah “ Dowlad ma jirto ee aan ismaareyno isna xukuno”, wax u muuqda in ay ka turjumayaan sameysiga is xukun iyo in xukunka Adisababa laga hoos baxo ayaa ka hulaaqaya ismaamul gobleedyo ay Oramada iyo Amxaaradu ugu horreeyaan, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay jiheeyaan inta badan qowmiyadaha dalkaas.

Siraj Fegessa; Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya

Siraj Fegessa; wasiirka gaashaankdhigga ee Ethiopia ayaa u sheegay warbaahinta kaddib iscasilaadii Raisalwasaare Desalegn Boshe; in Itoobiya geleyso xukun iyo xaalad degdeg ah muddo 6; bil ah, ujeedka xukunka degdegga ah ayaa ah in lagu xakameeyo deganaansho la’aanta, Bannaanbaxyada iyo mucaaradka ku dhexsameysmaya xasilooni la’aanta.

Dowladda ayaa dhowr mar iskudayday in ay sameyso wax u eg xaalad degdeg ah balse taasi waxa ay sababtay dhimasho iyo burbur hordhac u noqday xasilooni la’aanta laga cabsi qabo in ay sabab u noqoto dhalashadaItoobiya kala qaybsan

Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; oo ka soo jeeda qomiyadda Waleyta oo kamid ah shucuubta koofurta Itoobiya kana mid ah Xisbiga SEPDM; oo kamid ah ururada sameeyey isbaheysiga EPRDF; ee xukuma Itoobiya ayaa halmar kawada tegey xilkii raisalwasaarenimo iyo hoggaamiyenimadii EPRDF; waxa uu ku sheegay sababta in muddo dheer dalku ku jiro bannaanbaxyo sababay dhimasho badan, iscasilaaddiisana waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo suurtagal ka dhigi karta sameynta dib u habayn siyaasadeed.

Iyada oo aan looga baran ayuu si cad u muujiyey in xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo deganaansho la’aantu  ay sababeen dhimashada iyo barakaca dad badan oo Itoobiyaan ah.

Waxa uu xilka ka degay iyada oo uu taagan tahay kacdoonkii ugu weynaa uguna adkaa ee ka horyimaada xukunka itoobiya muddo 25; sano ah.

Hadda tirada ay sheegtay xukuumadda Itoobiya oo ah maxaabiis siyaasadeed ayaa gaartay 6500; oo qof, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dadka u ololeeya ballaaranta xukunka iyo talada Itoobiya oo sidii uu hirgalay 27; sano kahor xukunka TPLF ku jira gacan bir ah iyo xabsi neefdiid ah, kaas oo ku ad-adkaa dhammaan dadka dhalliila.

Oromada oo isu aragta in ay ka ooman tahay xukunka iyo talada Itoobiya iyo Amxaarada oo isu aragta in shan farood iyo calaacal looga faramaroojiyey xukunka dalka ayaa wada isusoo bax aad u weyn oo ay qurbajoogta labada qabiil ka teegarayaan dibadda.

Bannaanbaxayaal oromo ah, oo diiddan DowladdaItoobiya 2016. Isha Sawirka: Minasse Wondimu Hailu/Anadolu  /Getty Images

 

 

 

Amxaarada iyo Oramadu haddii ay is garabsadaan waxa ay ka dhigan yihiin 61% dadka Itoobiya, balse iskaashiga Oroma iyoo Amxaarada waxa hortaagan Tigree oo isbaheysi bawdo qaawis u ah la leh Qabaail yaryar bale aad u tirabadan marka la isugeeyo.

Xukunka Itoobiya dhinacyada Ciidanka, Dhaqaalaha, Sirdoonka iyo Warbaahinta waxa gacanta ku haya kaadir aaminsan sarreynta Qabiilka Tigree, ama dad katirsan qowmiyadaha kale balse u tirsan kuna tirsan Tigree, sababta ugu weyn waa in Tigree dareensan yahay in haddii aanay xukunka hayn ay suurtagal tahay in si ba’an looga aarguto, waana taas mid kamid ah sababaha ay  jabhadda xoreynta dadka Tigree;  ugu ololeysay in Itoobiya noqoto Dowlad federal ah oo xukunku u kala qaybsan yahay Caasimadda iyo caasimadaha ismaamul goboleedyada.

Qowmiyadaha Aari, Afar, Agaw-Awi, Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench, Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/ Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo, Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt’e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo

Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me’en,Messengo, Majangir, Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha, Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze, intooda badan waxa ay gacansaar isgarabsi ah la leeyihiin TPLF, waxa ayna xubno ka yihiin Isbaheysiga EPRDF;

Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; waa la aqbalay iscasilaaddiisa, guddiyada fulinnta ee xisbigiisa SEPDM iyo isbaheysiga EPRDF ; ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda.

Safaaradda Itoobiya ee Landhan oo soosaartay War kooban ayaa sheegtay in la aqbalay iscasilaadda raisalwasaaraha basle waxa uu sii wadi doonaa howsha inta laga helayo cid bedesha, taas oo ka soo bixi doonta shir weynaha soosocda ee  isbaheysiga EPRDF.

Desalegn Boshe; waxa uu ahaa siyaasi aan muuqan, qunyar socod ah, kuna fiican maamulka iyo maareynta, waxa uu ka hoos shaqeynayey hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee Meles Zenawi Asres; oo geeriyooday Agosto 2012

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka

Xigashada:

http://www.independent.co.uk; www.theguardian.com; http://www.aljazeera.com

Abdulahi Nur Colombo; magacyada qowmiyadaha ayaan ka soo xigtay qoraalkiisa

Sawiro: Wararkii ugu danbeeyay ee Muqdisho & Suuqa ugu weyn Magaalada oo la xiray 

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in suuqa bakaaraha uu maanta ku jiro shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen inta badan ganacsatada suuqaasi oo diidan canshuur ay soo rogtay dowlada Soomaaliya.

Ganacsatada suuqa oo ah kan 0ugu weyn Soomaaliya ayaa shalay ku dhaqaaqay shaqo joojin ay uga cabanayaan canshuur lagu soo rogay alaab ku jirta dekadda Muqdisho, waxaana go’aankaasi qaatay inta badan ganacstada suuqaasi.

Ganacsatada ayaa dooneysa inay cabashadooda gaarsiiyaan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay heshiin waayeen Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka Maaliyadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO