27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Shariif oo arrinta Jubaland uga hadlay si muujinaysa in mucaaradku aysan ku mowqif ahayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku miijiyey sida uu uga xunyahay duulaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay mar kale ku qaaday Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Warkaan ayaa muujinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta aysan isku mowqif ka ahayn arrinta Jubbaland, maadaama horay ay si mideysan mowqifkooda ugu muuji jireen, balse hadda Sheekh Shariif kaliya ayaa u bareeray in dowladda federaalka uu ku cambaareeyo masuuliyadda xiisadda taagan.

“Xisbiga Himilo Qaran, wuxuu ka xunyahay islamarkaana cambaaraynayaa weerarrada is dabo-joogga ah ee Xukuumadda Federaalku ay ku hayso Dowladda Jubbaland, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Sheekh Shariif.

Xisbiga Shariifka ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in Xukuumaddu duullaan ku qaaddo dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka oo ciidamo diyaarado ku daabusho, iyadoo cadowgii ummadda Soomaaliyeed uu u muuqdo Magaalada Muqdisho.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dhaqaalahii, hubkii iyo ciidankii Soomaaliyeed loo adeegsado dano gaar ah, iyada oo laga weecinayo meeshii loogu talo galay ee ahayd cadowga argagixisada ah,” ayaa lagu yiri Bayaanka Himilo Qaran.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dalkeenna iyo dadkeennu aysan u baahnayn dagaal sokeeye iyo barakac bulsho, isla markaana ay masuuliyad darro tahay in la isku baabi’yo ciidankii Qaranka, wakhti baahi wayn loo qabo in la iska kaashado dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah ee naafeeyay dowladnimada Soomaaliya.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqayaa in Xukuumadda Federaalku ay wada-hadal nabadeed wax ku raadiso, waana inay ogaataa innaan xalku ku imaan karin qori caaraddiis iyo gacan ka hadal, cid kasta oo xukuumadda ka aragti duwanna aan lagu keeni karin jajuub iyo dagaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Xisbigu wuxuu caddeeyey in uu aaminsanyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u heshiisiin u baahanyihiin ee ay aysan u baahnayn wixii horay u kala geeyay.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu uga digayaa hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah inaan ciidamada Qaranka marnaba loo adeegsan dano siyaasadeed iyo ujeeddooyin gurracan, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta kala aaminbax iyo kalsooni darro, isla markaana fursad u abuuri karta kooxaha argagixisada ah ee diidan nabbada iyo dowladnimada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka uu soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Jubaland oo shaacisay gaboodfal ay DF maanta ka geysatay Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si kulul u cambaareeyey weerar ay sheegeen in loo adeegsaday oo ciidamada dowladda federaalka ay ku qaadeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri warka Jubbaland.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in hoobiyayaashaas laga soo tuuray xerada UK, halkaas oo ciidamada dowladda ay degan yihiin, xeradaas ayaa ku taalla banaanka magaalada.

“Hoobiyaashu waxay si toos ah ugu dhaceen shacab aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in weerarkan ay ku geeriyootay laba qof oo shacab ah, kuwaas oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga.

“Sidoo kale, waxaa jira dad kale oo dhaawacyo ay ka soo gaareen weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland waxay sheegtay in ficillada noocan ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, oo “tariikhda u galay Xasan Sheekh Maxamuud,” sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Waa mas’uuliyad dastuuri ah in Dowladda Jubaland ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri qoraalkii xaaladii ugu dambeysay ee Beledxaawo uu ka soo saaray Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo oo dagaal toos ah kula jira dowladda federaalka.

Ugu dambeyntii, Jubbaland ugu baaqday shacabka Gobolka Gedo in ay gacmaha is qabsadaan oo midnimo muujiyaan, isla markaana ay ka hortagaan ficillo ay ku tilmaameen “bahalnim” oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eedeeyeen in Jubbaland uu ka geysanayo.

Hoos ka eeg bayaanka

                        

Somalia pushes bold plan to reintroduce national currency

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is moving forward with a historic initiative to reintroduce the Somali shilling as its official currency — a bold move aimed at regaining monetary sovereignty after decades of reliance on the US dollar and widespread use of counterfeit notes.

The ambitious reform, described by Somali officials as a “national priority,” will involve a full-scale currency exchange and the introduction of a tightly controlled “currency board arrangement” to stabilize the new shilling and rebuild public confidence.

Backed by strong technical and financial support from the International Monetary Fund (IMF), the plan recently received a $10 million boost to help drive Somalia’s broader economic reforms.

At the heart of the government’s state-building vision, the currency overhaul is seen as essential for national unity. Leaders believe that reviving a trustworthy national currency will make day-to-day transactions easier and more inclusive, especially for vulnerable Somalis who lack access to dollars or mobile money platforms.

A currency board at the core

Central to the reform is the proposed currency board arrangement (CBA) — a system that would peg the new Somali shilling to a stable foreign currency, likely the US dollar, at a fixed exchange rate. Under this model, each shilling in circulation must be fully backed by foreign currency reserves.

This approach is designed to provide financial stability and prevent inflation by tightly limiting the central bank’s ability to print money without the necessary foreign currency backing.

“We believe that a currency board will provide a stable and predictable policy environment to ensure confidence in the national currency across Somalia, while maintaining a dual currency regime with the U.S. dollar,” officials said in a policy memorandum.

Since the collapse of the Somali state in 1991, the country’s formal financial system has largely disintegrated. The Central Bank ceased operations, the official Somali shilling lost its value, and the market became flooded with outdated and often counterfeit currency — some of which still circulates in limited use today.

In the absence of a functioning currency, Somalia evolved into a largely dollarized economy. The US dollar became the de facto medium of exchange for most transactions, later supplemented by the widespread adoption of mobile money platforms. But the lack of a national currency has left the government unable to manage monetary policy and excluded many poorer Somalis from the formal economy.

The roadmap ahead

Somalia’s plan to reintroduce the shilling is based on a phased and legally grounded roadmap. According to IMF documents, key milestones include:

  • Amending the Central Bank Law: The government is finalizing revisions to the CBS Law to establish the currency board framework legally. The bill is expected to reach Parliament by the end of December 2025.
  • Creating Supporting Regulations: Once passed, the Central Bank Board will issue critical regulations — including foreign exchange counterparty rules by May 2026 and a mandate to publish weekly currency board balance sheets by July 2026.
  • Implementation: These reforms will take effect following the physical rollout of the new currency and the formal establishment of the currency board.

Despite the structured approach, challenges remain. Officials have intensified efforts to secure additional funding for the currency exchange. The initiative’s success hinges heavily on achieving a political consensus between the Federal Government of Somalia (FGS) and its Federal Member States (FMS) — a challenging task in Somalia’s fragmented political landscape.

The IMF praised the government’s commitment to advancing the plan, calling for continued progress on both the currency exchange and the CBA framework. International backing, observers say, will be crucial to navigating the financial and political hurdles associated with such a far-reaching reform.

Somali army repel Al-Shabab attack, 22 dead: Ministry

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali government forces, supported by African Union troops, repelled a large-scale attack by Al-Shabaab militants on two strategic villages in southern Somalia early Friday, leaving at least 18 insurgents and four soldiers dead, according to the country’s defence ministry.

The intense firefight erupted at dawn when fighters from the al-Qaeda-linked group stormed military positions in the twin villages of Sabiib and Caanoole in the Lower Shabelle region, a volatile and agriculturally rich area south of the capital, Mogadishu.

In a press statement, the Somali Ministry of Defence confirmed the attack occurred at approximately 6:20 AM local time.

“The National Army, who were on high alert and full readiness, reacted swiftly to the attack and succeeded in foiling the ambition of the terrorist militia,” the ministry said. It added that security forces were pursuing remnants of the attacking force who fled the area.

The ministry confirmed that “four heroes of the Somali National Army (SNA) were martyred in the battle, while seven others sustained minor injuries.” The wounded were immediately evacuated for medical treatment.

A contested strategic corridor

The Lower Shabelle region has long been a major battleground between the SNA and Al-Shabaab. Its control is crucial as it serves as a breadbasket for the nation and contains key supply routes to and from Mogadishu. The Sabiib and Caanoole area, located near the district of Afgoye, lies along a critical corridor that the militants have frequently targeted to disrupt government control and stage attacks.

The government statement praised the “bravery and resilience” of its soldiers and acknowledged the pivotal role played by international partners.

“The Ministry of Defence also commends the role of Somalia’s partners who carried out airstrikes that caused heavy damage” to the militants, the statement said, without specifying which nation conducted the strikes. The United States Africa Command (AFRICOM) and Turkish forces have previously provided significant air support to SNA operations against Al-Shabaab.

Troops from the Ugandan People’s Defence Force, part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), were also instrumental in repelling the assault, according to the ministry. ATMIS is a multinational peacekeeping force with a mandate from the UN Security Council to support the Somali government in its efforts to counter the insurgency.

An escalating conflict

The attack comes as the Somali government, under President Hassan Sheikh Mohamud, continues a wide-ranging military offensive aimed at liberating territory long held by Al-Shabaab. The government frequently refers to the group as “the Khawaarij,” an Arabic term for an early Islamic extremist sect, to religiously delegitimize the insurgents.

While the offensive has successfully reclaimed several districts over the past year, the militants have often reverted to guerrilla tactics, carrying out hit-and-run attacks on military bases and civilian targets.

Friday’s clash underscores the persistent security challenges facing Somalia as it prepares for the phased withdrawal of ATMIS forces. The drawdown is scheduled to conclude by the end of this year, with full security responsibilities then transferred to the Somali National Army. The ability of the SNA to independently secure and hold territory against a resilient Al-Shabaab is seen as a critical test for the country’s long-term stability.

The defence ministry reiterated its commitment to the ongoing conflict.

“The Federal Government of Somalia is committed to fighting terrorism, securing the entire country, and ensuring that the Somali people live a peaceful and dignified life,” the statement concluded.

DF oo war culus ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Sabiib iyo Caanoole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii maanta Al-Shabaab looga difaacay deegaanada mataanaha ah ee Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo si faahfaahsan looga warbixiyey sidii wax u dhaceen.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in 18 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka afar askari ay ka dhinteen ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga:

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abaaro 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale.

Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

ITOOBIYA oo si xooggan u beenisay sheegashadii Trump

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa beenisay sheegashada madaxweyne Donald Trump ee ahayd in Maraykanku uu ka gacan siiyey maalgelinta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, ayadoo ku tilmaamtay mid been abuur ah oo “burburin wadata”.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in biyo-xireenkan muranka dhaliyey “inta badan lagu dhisay lacag Maraykan ah”.

Biyo-xireenkan oo si rasmi ah loogu yaqaanno Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), waa warshadda korontada-biyaha ee ugu weyn qaaradda Afrika, waana il sharaf iyo faan weyn u ah shacabka Itoobiya.

Muddadii 14-ka sano ahayd ee uu dhismihiisu socday, mas’uuliyiinta Itoobiya waxay si isdaba joog ah u sheegayeen in biyo-xireenka ay maalgisay dawladda, oo ay weheliso kaalmooyin ka yimid shacabka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, biyo-xireenku wuxuu ka caraysiiyey Masar iyo Suudaan, oo ah dalalka ku yaalla dhanka hoose ee Webiga Niil, kuwaas oo ka cabsi qaba in biyo-xireenku uu sababi karo hoos u dhac ku yimaada biyaha u soo qulqulaya dalalkooda.

Talaadadii, Fikrte Tamir, oo ah agaasime ku xigeenka Xafiiska Isku-xirka Gerd, ayaa meesha ka saartay hadallada Trump, iyadoo sheegtay in biyo-xireenka la dhisay “iyadoo aan wax kaalmo shisheeye ah la helin”.

Inkastoo farsamo ahaan uu yahay hay’ad madax-bannaan, Xafiiska Isku-xirka Gerd waxaa aasaastay dawladda si uu u abaabulo dhaqaalaha loogu talagalay biyo-xireenka.

“Marka la eego sheegashada Donald Trump, waa in dawladdu kaga jawaabto hannaan diblomaasiyadeed oo taxaddar leh oo fogaan-arag ku dhisan,” ayay tiri Fikrte.

Hadallada Fikrte kaddib, qaar ka mid ah shacabka Itoobiya ayaa su’aal geliyey heerka uu Xafiiska Isku-xirka Gerd la socon karo heshiis kasta oo dhex mari kara dawladda iyo Maraykanka, marka la eego madax-bannaanidiisa.

Dawladda Itoobiya ayaan weli ka jawaabin hadallada Trump ee ku saabsan maalgelinta biyo-xireenka, kaasoo billaabay inuu koronto dhaliyo sannadkii 2022-kii, isla markaana si buuxda loo dhammeystiray horraantii bishan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Trump uu sheegto in Maraykanku ku lug lahaa Gerd. Bishii la soo dhaafay, qoraal uu soo dhigay bartiisa internet-ka ee Truth Social, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in biyo-xireenka “si doqonnimo ah ay u maalgaliyeen Maraykanka” iyo inuu “si weyn u yareeyo biyaha ku qulqulaya Webiga Niil”.

Trump wuxuu tixraacayay welwelka ay Masar iyo Suudaan ka qabaan in biyo-xireenkan weyn uu carqaladayn doono qulqulka biyaha ay ka helaan Webiga Niil.

Biyo-xireenka Gerd, oo dhererkiisu yahay in ka badan hal mayl (1.6km) jooggiisuna yahay 145 mitir, wuxuu ku yaallaa Webiga Niilka Buluugga ah ee buuraleyda waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ay ka yimaadaan 85% biyaha Webiga Niil.

Itoobiya waxay doonaysaa in biyo-xireenku uu dhaliyo koronto baahi weyn loo qabo, maaddaama inta badan dadweynaheeda – qiyaastii 60% – aysan haysan koronto.

Laakiin dhismaha Gerd wuxuu horseeday xiisado kala dhexeeya Masar – oo xulufo la ah maamulka Trump – iyo Suudaan.

Markii hore, qorshuhu wuxuu ahaa in lagu dhammeystiro muddo lix sano ah iyadoo miisaaniyad ahaan loogu talagalay $4 bilyan. Mashruuca Gerd wuxuu xamaasad weyn ka dhex abuuray shacabka Itoobiya.

Mas’uuliyiintu waxay ka faa’iideysteen xiisahan si ay lacag ugu ururiyaan biyo-xireenka – waxaa shirkadaha laga iibiyey waraaqo deyn ah (bonds), shaqaaluhu waxay ballanqaadeen in lacag laga jaro mushaarkooda, qurbajoogta tirada badan ee Itoobiyana waxay soo direen deeqo.

In kasta oo mashruucu uu si weyn uga dib dhacay jadwalkii loo qabtay, taasina ay keentay inuu ka bato miisaaniyaddii, haddana wuxuu sii waday inuu helo tabarrucaad.

Sannadkii la soo dhaafay ee ku ekaa 7-dii Luulyo, waxaa shacabka laga soo ururiyey 1.7 bilyan oo birr ($12.3 milyan; £9.1 milyan), sida uu sheegay Xafiiska Isku-xirka Gerd.

Fresh clashes erupt in strategic Somali border town

Beled Hawo (Caasimada Online) – Heavy fighting broke out Friday in the strategic Somali-Kenyan border town of Beled Hawo between federal government forces and troops loyal to the regional administration of Jubaland, marking a dangerous escalation in a long-simmering political dispute.

Somalia’s federal government immediately blamed the leader of the semi-autonomous Jubaland state, Ahmed Madobe, for instigating the violence, which followed several days of rising military tension and a previous deadly confrontation earlier this week.

Witnesses in Beled Hawo, a crucial commercial hub in the Gedo region, reported the sound of heavy weapons and sustained gunfire concentrated around a military outpost known as the “UK Camp.” Federal forces occupy the base under the command of Abdirashid Janan, a controversial figure recently appointed by Mogadishu as the regional intelligence chief.

While official casualty figures from Friday’s fighting have not yet been released, the clashes have stoked fears of a broader conflict.

In a strongly worded statement, Somalia’s Ministry of Internal Security accused the Jubaland leader of recklessly endangering civilians. “The federal government strongly condemns the shedding of Somali blood, which is being spilled needlessly by Ahmed Madobe,” the ministry declared. It alleged that Madobe had ordered his militia to attack “national army centers and civilian locations.”

The statement further branded the Jubaland president an “accused person” and vowed that he and his allies would be held accountable for what it termed “criminal acts.”

The violence is the latest flashpoint in a protracted power struggle between the central government in Mogadishu and the Jubaland administration based in the port city of Kismayo. At the heart of the dispute is control over Gedo, a region that is technically part of Jubaland but where the federal government has sought to exert direct authority, often bypassing the regional leadership.

A battle for a strategic town

Beled Hawo’s position on the border with both Kenya and Ethiopia makes it a vital gateway for trade and a strategic prize. Control of the town and the wider Gedo region is also crucial for influencing national politics, as regional powerbrokers play a significant role in the selection of members of Somalia’s federal parliament through an indirect, clan-based electoral system. Clashes in the region have historically intensified around election periods.

The situation has been deteriorating for days. Earlier in the week, deadly fighting was reported after both Mogadishu and Jubaland deployed additional forces to the area, creating a tense standoff.

Fueling the current crisis is the presence of Abdirashid Janan, the commander of the federal troops in Beled Hawo. Janan is a former Jubaland security minister with a complex and volatile history involving the leader, Ahmed Madobe.

Janan has previously been accused of serious human rights violations and famously escaped from custody in Mogadishu in 2020 before eventually surrendering to the federal government. His recent appointment as the federal government’s National Intelligence and Security Agency (NISA) commander for Jubaland was seen by many observers as a direct provocation to Madobe’s administration.

Ahmed Madobe, a former Islamist commander, has been the president of Jubaland since its formation and has maintained a tense and often adversarial relationship with successive federal governments in Mogadishu. He views the federal government’s military presence in Gedo as an illegal occupation aimed at undermining his authority.

In its statement, the federal government called on the people of Jubaland and Gedo to “unite against” Madobe, accusing him of dividing the population and committing abuses.

The escalating conflict poses a significant threat to regional stability and distracts from the ongoing fight against the Al-Shabaab Islamist insurgency.

DF oo wacad ku martay la-xisaabtanka Axmed Madoobe kadib dagaalka Beledxaawo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalka mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo mas’uuliyadiisa ku eedeysay hoggaamiyaha Jubbaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo uu kasoo baxay war-saxaafadeedkan ayaa waxay si adag u cambaareysay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed, oo ay sheegtay inuu si macno darro ah u daadinayo Axmed Madoobe.

“Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay gobolka Gedo isaga oo maleeshiyaad ka amarqaata faray in ay weeraraan xaruumo ciidanka qaranka iyo goobo shacbi ah magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo maanta oo Jimce ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay la-xisaabtanka Axmed Madoobe iyo shaqsiyaadka ku gacan siinaya dagaalka, iyadoo ugu yeertay “dambiile doonaya inuu ballaariyo danbiyada uu faraha kula jiro”.

“Weerarkaan oo sababay in ay naftooda si micno darro ah ku waayaan muwadiniin
Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan shacabka go’aan Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Dowladda Federaalka ah waxaa ka go’an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.”

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ugu baaqday shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan, kana digtoonaadaan falalka hoggaamiyaha Jubbaland iskug dayayo in uu ku ballaariyo danbiyada uu faraha kula jiro, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxay la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca shacabka Jubaland eedaysanuhu iyada oo la diwaan-galiyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta dhiigga muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amiga Gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Axmed Madoobe inuu yahay dambiile gacanta kula jira fal-danbiyeedyo cad, waxayna sheegtay inay ka hortageyso xad-gudubyada noocaan ah, iyadoo dambiilayaasha aan fursad loo siinayn in ay sii wadaan danbiyadooda.

Dagaal culus oo mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmahan dambe ay isku horfadhiyeen ciidamo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu hadda si gaar ah uga socdo aagga xerada UK, taasoo ah saldhig ay degan yihiin saraakiil uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo ka tirsan dowladda federaalka, dhawaana loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in daryanka hubka iyo rasaas culus laga maqlayo gudaha magaalada. Inkasta oo khasaaraha rasmiga ah aan wali la caddeyn, haddana dagaalka maanta dhacay ayaa sababay khasaare, waxaana weli aan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku lugta leh colaadda.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli maamulka Jubbaland uu maalmo ka hor ciidamo hor leh u daabulay Beledxaawo, iyagoo ku tilmaamay tallaabadan mid lagu xoojinayo amniga magaalada, halka sidoo kale ay Dowladda Federaalka ku daabushay ciidamo.

Dhankiisa, Cabdirashiid Janan oo hoggaamiya ciidamada dowladda ee ku sugan xerada UK ayaa horey u caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn in maamulka Jubbaland uu weerar kusoo qaado Beledxaawo.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii magaalada Beledxaawo uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawacyo, taasoo muujinaysa in xaaladda magaalada aysan wali deganayn, iyadoo laga cabsi qabo inay sii xumaato haddii aan xal deg-deg ah la helin.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay dowladda Xasan kadib xiisadda markabka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa eedeyntii ugu cuslayd u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Puntland ayaa dowladda Xasan ku eedeysay inay xiriir hoose la leedahay argagixisada caalamiga ah iyo burcad-badeedda. Eedeyntan culus waxaa warbaahinta soo mariyay Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii Xasan Sheekh iyo kooxdiisu gacanta ku hayn lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland, ay “noqon lahayd hoyga argagixisada iyo xarunta maafiyada ka ganacsata hubka iyo maandooriyaha adduunka.”

“Bal qiyaas, maxay sameyn lahaayeen kooxda burcad-dowladeed ee qabsatay Villa Somalia, haddii ay gacantooda ku jiri lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland – Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluula ee Badweynta Hindiya? Shaki kuma jiro in ay meel walba isbaaro dhigan lahaayeen, ama ay burcad-badeed iyo argagixiso caalami ah ka kireyn lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Mas’uulkan ayaa ku faanay in maamulka Puntland gacanta ku hayo ammaanka 50% xeebta Soomaaliya, taas oo ay si joogto ah u isticmaalaan 97% gaadiidka badda ee u kala goosha dekedaha iyo xeebaha dalka, sida uu sheegay.

“Puntland waxay 35 sano u dambeysay masuul ka ahayd ilaalinta iyo amniga 1,600 KM oo ah xeebaheeda, taas oo u dhiganta 50% xeebaha Soomaaliya, iyadoo leh 35 marsada xeebeed, waxaana mara 30% gaadiidka ganacsiga adduunka, 45% shidaalka caalamka, iyo 80% kalluunka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, oo markii hore ahaa mid shaqsiyeed, ayaa haatan isu beddelay mid dowladeed. Labada dhinac ayaa midba midka kale u jeedinaya eedeymo aan la socon caddeymo, iyadoo xiisadda uga sii dartay arrinta markabka hubka ah ee ay qabsatay Puntland.

Gobolka Gedo: Xukun keli-talisimo, caro qabiil iyo dagaal

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Iska horimaad khasaare geystay oo maalintii Talaadada, 22-ka Luulyo, ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland magaalada xuduudda ku taalla ee lagu muransan yahay ee Beled Xaawo, ayaa dib u huriyey mid ka mid ah xifaaltannada siyaasadeed ee Soomaaliya ugu halista badan. Dagaalku waa kii ugu dambeeyey ee ka dhasha ismari-waa muddo dheer soo jiitamayey oo u dhexeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya ee Muqdisho iyo maamul-goboleedka ismaamulka ah ee Jubaland.

Dusha sare marka laga eego, waxay salka ku haysaa xiisaddan khilaaf ka qoto dheer oo la xiriira awood-qaybsiga, gacan ku haynta dhulka, iyo dastuurka federaalka ee aan weli la dhammaystirin—khilaaf aan xal loo helin oo halis gelinaya inuu burburiyo horumarka siyaasadeed ee jilicsan ee dalka, isla markaana dhiirrigeliya kacdoonka al-Shabaab.

Sababta tooska ah ee dagaalka dhalisay waxay ahayd magacaabista Cabdirashiid Janan—shakhsi si weyn la isugu khilaafsan yahay—oo loo magacaabay madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka.

Janan, oo horay u ahaa wasiirka amniga ee Jubaland, ayaa waxaa Qaramada Midoobay iyo Amnesty International ay ku eedeeyeen xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dowladda federaalku mar ayay xirtay, wuxuuse ka baxsaday xabsiga, kaddibna wuxuu hoggaamiyey iska horimaadyo hubeysan oo uu la galay ciidamada federaalka ka hor inta uusan si lama filaan ah isu dhiibin sannadkii 2021-kii.

Ku soo laabashadiisa xil dawladeed, isagoo markan hoos jooga calanka federaalka, ayaa si weyn loogu fasirtay tallaabo xisaabsan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo inuu si toos ah gacanta ugu dhigo gobolka Gedo, kuna wiiqo awoodda Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, tallaabadan waxay u ahayd loollan cad oo aan gabbasho lahayn—isku day lagu wiiqayo awooddiisa gobol muddo dheerba xasaasiyad siyaasadeed ka taagnayd. Magaalada Beled Xaawo, oo ku taalla meel u dhow xuduudda Kenya, ayaa inta badan noqotay jiidda hore ee halganka ballaaran ee u dhexeeya himilooyinka federaalka iyo iska caabbinta gobollada.

Labada dhinacba waxay soo saareen warar iska hor imanaya oo ku saabsan dhacdooyinkii Talaadada. Saraakiisha Jubaland waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay “dagaal gardarro ah” ku qaadday dadka deegaanka, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay is-difaacayeen oo ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada. Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ee federaalka ayaa ku eedaysay xoogag daacad u ah Madoobe inay “weerar bareer ah” ku qaadeen xeryaha ciidanka dowladda iyo xarumaha dadweynaha, taasoo keentay khasaare isugu jira shacab iyo ciidan.

Yaa leh Gedo?

Dagaalka loogu jiro Beled Xaawo wuxuu ka tarjumayaa loollan awoodeed oo aad uga ballaaran: Yaa si dhab ah u maamula Gedo?

Gobolka Gedo muddo dheer wuxuu ahaa qiimo badan, deegaan juquraafi ahaan. Goobta uu ku yaal—isgoyska xuduudaha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya—waxay siinaysaa muhiimad istiraatiiji ah oo aad u weyn. Laakiin muhiimaddiisa siyaasadeed waxay cirka isku shareertaa xilliyada doorashooyinka.

Gobolku wuxuu leeyahay kuraas baarlamaan oo miisaan culus, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahan go’aan ka gaari kara nidaamka doorashooyinka Soomaaliya ee ku dhisan qaab-qabiilka. Gacan ku haynta Gedo ma aha oo kaliya awood deegaan—waxay saamayn ku leedahay cidda awoodda ku yeelanaysa Muqdisho.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo,” si fiican ayuu arrintan u fahamsanaa. Maamulkiisu wuxuu sannado ku bixiyey isku day uu ku doonayey inuu ku go’doomiyo Madoobe isagoo Gedo dhigayey mas’uuliyiin isaga daacad u ah, taasoo kicisay ismari-waa siyaasadeed iyo amni oo ku sigtay inuu carqaladeeyo doorashooyinkii qaran ee 2020–2021.

Hadda, xilliga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda federaalku waxay u muuqataa inay raacayso waddo la mid ah—iyadoo adeegsanaysa habab hay’adeed, balse leh isla hadafkii kama dambaysta ahaa: in la jabiyo awoodda Jubaland ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, kharashka ku baxaya istiraatiijiyaddan ayaa sii kordhaya.

Tabashada beelaha

Waxa loollanka awoodda sii murjinaya waa carada qotada dheer ee ay beelo badan oo Gedo dega u qabaan Axmed Madoobe, inkastoo uu hoggaamiyo Jubaland.

Saldhigga taageerada Madoobe wuxuu ku yaallaa Kismaayo iyo gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay awood ku leeyihiin beelaha isaga xulafada la ah. Taa beddelkeeda, beesha Mareexaan, oo ugu badan Gedo, ayaa muddo dheer maamulkiisa u eegaysay si shaki leh, iyagoo ku eedaynaya takoor iyo dayac. Dad badan oo Gedo ku nool ayaa Madoobe u arka hoggaamiye fog oo Kismaayo looga soo dhiibay—oo aan ahayn wakiil sharci ah oo matala danahooda deegaanka.

Ka soo horjeedkan wuxuu sii xoogeystay sannadkii 2024 markii baarlamaanka Jubaland—oo si weyn loogu arko inuu daacad u yahay Madoobe—uu mar saddexaad u kordhiyey muddo xileedkiisa. Tallaabadaas waxaa sharci-darro ku tilmaantay dowladda federaalka, waxaana diiday dad badan oo Gedo jooga, halkaas oo ay madaxda deegaanku u arkeen tusaale kale oo ah xukun sare-ka-imaad ah.

Sida la yaabka leh, arrintani waxay suurtagelisay in dadaallada Muqdisho ay saldhig ka helaan Gedo, inkastoo ay sii kordhayso aaminaad-darrada loo qabo faragelinta federaalka. In kasta oo magacaabista Janan ay dhalisay muran, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyey loollanka federaalku kula jiro awoodda Madoobe—ma aha daacadnimo ay u hayaan dowladda dhexe, balse waa diidmo ay kaga soo horjeedaan awoodda maamul-goboleedka.

Kala qaybsanaanta u dhaxaysa Gedo iyo Kismaayo waxay hoosta ka xarriiqaysaa xaqiiqo muhiim ah: federaalka Soomaaliya ma aha oo kaliya mid si toos ah u kala jabay—inta u dhaxaysa Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada—laakiin sidoo kale si siman, gudaha dowlad-goboleedyada dhexdiisa.

Dastuur la askareeyey

Xudunta qalalaasahan siyaasadeed waxaa ku jira dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012-ka oo aan weli la dhammaystirin. Wuxuu ku guuldarraystay inuu si cad u qeexo doorarka iyo awoodaha dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (FMS), taasoo abuuraysa firaaq sharci oo labada dhinacba ay ka faa’iidaystaan. Iyadoo aan la haysan nidaam lagu heshiiyey oo lagu xalliyo khilaafaadka dhulka ama doorashooyinka, siyaasadda Soomaaliya waxay si joogto ah ugu wareegtaa iska horimaad hubeysan.

Ciidamada gaarka ah ee federaalka sida Gorgor iyo Haramcad, oo ay tababareen, qalabeeyeen saaxiibbada caalamku, waxaa loogu talagalay difaaca qaranka iyo la-dagaallanka argagixisada. Laakiin ficil ahaan, waxaa loo geeyey goobo siyaasadeed oo xasaasi ah sida Gedo, halkaas oo tallaabooyinkooda loo arko inay qayb ka yihiin olole Muqdisho ay ku doonayso inay ku maamusho dhulka gobollada.

Jubaland waxay kaga jawaabtay ciidamadeeda Daraawiishta, oo daacadnimadooda Madoobe ay tahay mid qoto dheer—gaar ahaan Jubbada Hoose iyo Kismaayo.

Dhismahan amni ee is-barbar socda ayaa abuuray jawi guul-ama-guuldarro ah: diyaar garowga dhinac kasta waxaa u arkaa dhinaca kale hanjabaad jiritaan, taasoo ka dhigaysa iska horimaadyada sida kii Beled Xaawo mid aan laga fursan karin.

Dhanka kale, al-Shabaab ayaa weli ah guuleystaha ugu weyn. Inta ay madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu waqti iyo tamar badan ku bixinayaan la-dagaallanka midba midka kale, waxaa yaraanaya awooddooda ay kula dagaallamayaan kacdoonka. Al-Shabaab waxay ka faa’iidaystaan firaaqyada xagga maamulka ah, waxay askareystaan dadka ka niyad jabay bulshada, waxayna dib isugu xoojiyaan deegaannada ay ka maqan yihiin ciidamada dowladda—ama ay ku mashquulsan yihiin xifaaltan gudaha ah.

Soomaaliya awoodi mayso inay sii waddo siinta fursadahan kooxaha mintidiinta ah.

Waddada xalka

Isku dhaca Beled Xaawo ma aha oo kaliya shil amni oo kale—waa digniin. Haddii aan la helin xal dastuur oo cad, wadahadal siyaasadeed oo dhab ah, iyo kalsooni dhisid dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay sii qoto dheeraato kala qaybsanaanteeda.

Dhammaystirka dastuurku waa inuu noqdaa mudnaan qaran. Waa inuu dejiyaa xuduudo awoodeed oo cad, dammaanad qaadaa hababka awood-qaybsiga, oo uu bixiyaa waddooyin sharci ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida waa inay sidoo kale qiraan oo ay wax ka qabtaan kala qaybsanaanta gudaha ee dowlad-goboleedyada, sida tan u dhaxaysa Gedo iyo Kismaayo.

Guulaha millatari ee laga gaaro magaalooyinka sida Beled Xaawo ma go’aamin doonaan mustaqbalka Soomaaliya. Waxaa qaabayn doona in madaxda siyaasadda ee dalku ay doortaan inay khilaafaadkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka—ama ay sii wadaan inay midnimada qaranka ku halleeyaan goobta dagaalka. 

Afduubka khamaarka ah ee uu sameeyey Saciid Deni waa in uusan noqon ciqaab la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaday tallaabo daandaansi ah oo dalka gelisay qalalaasihii dastuuriga ahaa ee ugu xumaa muddo sannado ah, kaddib markii uu amray in la afduubo markab siday qalab ciidan oo muhiim u ahaa ciidanka qaranka.

Tallaabadan ayaa si weyn loogu cambaareeyay inay tahay ciyaar siyaasadeed oo taxadar la’aan iyo qorsheysan isugu jirta, taasoo khilaaf siyaasadeed u beddeshay loollan toos ah oo lagu wajaho dowladnimada Soomaaliya, isla markaana halis gelinaysa horumarkii jilicsanaa ee sannadaha lagu taamayay ee dhinaca xasiloonida.

Qabsashada markabka M/V SEA WORLD ee 18-kii Luulyo waa arrin aad uga weyn dhacdo badeed oo keliya; waa muujin dhab ah oo ka tarjumaysa mucaaradnimada fog ee Madaxweyne Deni ee ka dhanka ah dowladda federaalka — tallaabo halis ah oo uu ku horumarinayo damaciisa goboleed, isagoo ku beddelanaya amniga qaranka iyo nidaamka dastuuriga ah.

Jebin dastuur oo bareer ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad oo aan gabasho lahayn u cambaaraysay qabsashada markabka, kuna tilmaantay “afduub” sharci-darro ah iyo fal “burcad-badeednimo”.

Mowqifka dowladda wuxuu salka ku hayaa sharciga ugu sarreeya dalka. Qodobka 54-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012-kii wuxuu si cad u qeexayaa in awoodaha qaybinta “arrimaha dibadda” iyo “difaaca qaranka” ay u gaar yihiin dowladda federaalka. Shixnadda saaran markabka SEA WORLD, oo qayb ka ahayd heshiis difaac oo laba geesood ah oo lala galay dalka Turkiga, waxay si toos ah u hoos imanaysaa awooddaas.

Markii uu amray ciidamadiisa inay qabtaan markab siday shixnad ciidan oo sharci ah, oo caalamku taageersan yahay, oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuu Madaxweyne Deni si bareee ah u jebiyey dastuurka dalka, wuxuuna boobay awoodo uusan lahayn.

Tani maaha arrin leh madmadow sharci — waa weerar toos ah oo ulakac ah oo lagu qaaday mabaadi’da aasaasiga ah ee nidaamka federaalka Soomaaliya. Falkan daandaansiga ah waa natiijada ugu dambaysa ee silsilad iska-caabbin ah oo joogto ah oo ka imaanaysay maamulka Deni.

Xiisaddu waxay ka dartay bishii Maarso 2024, markii Madaxweyne Deni, oo qaadacay wadahadalladii dastuuriga ahaa ee heer qaran, uu ku hoggaamiyay Puntland inay kala laabato aqoonsigii ay u haysay dhammaan hay’adaha federaalka. Kala noqoshada aqoonsiga ayaa falcelin u ahayd wax-ka-beddel dastuuri ah oo uu meelmariyay baarlamaanka federaalka, kaasoo ay Puntland ku andacootay inuu yahay mid sharci-darro ah.

War-murtiyeedkeedii, Puntland waxay ku dhawaaqday inay “adeegsan doonto awoodaha dowlad madax-bannaan” — hanjabaad ay hadda ku fulisay awood ciidan. Dhaleeceeyayaashu waxay tilmaamayaan taariikhda maamul-maroorsiga siyaasadeed ee Deni inay caddeyn u tahay dabeecad keli-talisnimo oo ballaaran.

Sannadkii 2023-kii, isku daygiisii ahaa inuu si keli-talisnimo ah u beddelo nidaamka doorashada ee Puntland ayaa si weyn loogu arkay “awood-boob” loogu talagalay inuu xukunka ku kordhisto, taasoo kicisay iska-hor-imaadyo dhimasho sababay oo ka dhacay caasimadda gobolka ee Garoowe.

Maamulkiisa wuxuu sidoo kale galay siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, isagoo kulamo la yeeshay mas’uuliyiin Itoobiyaan ah iyadoo aysan ogeyn ama oggolaan dowladda federaalku — taasoo sii xoojinaysa aragtida ah inuu yahay hoggaamiye go’aansaday inuu ka shaqeeyo meel ka baxsan qaab-dhismeedka qaranka.

Carqaladeynta qaranka

In kasta oo maamulka Deni uu isku dayayo inuu qabashada markabka ugu marmarsiiyoodo amniga gobolka, haddana tallaabooyinkiisu waxay si toos ah u carqaladeeyeen halganka qaran ee lagula jiro kacdoonka al-Shabaab.

Rarkii la qabtay wuxuu ku socday saldhigga TÜRKSOM ee Turkigu ku maamulo Muqdisho, kaasoo tiir-dhexaad u ah dadaalka caalamiga ah ee lagu dhisayo Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo xirfad leh. Xerada TÜRKSOM waa xarunta milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda, waxayna mas’uul ka tahay tababarka guutooyinka kommandooska ee sida gaarka ah u tababaran ee “Gorgor” oo ay Turkigu tababareen — kuwaasoo ka mid ah cutubyada ugu waxtarka badan ee la dagaallama al-Shabaab.

Isagoo hor istaagay shixnaddan muhiimka ah ee ka koobnayd gaadiidka gaashaaman ee ciidanka qaada iyo qoryaha lidka diyaaradaha, Deni wuxuu si firfircoon u hor istaagayaa xoojinta ciidamada safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Habka fowdada ah ee qabashadu u dhacday ayaa sii wiiqday amniga. Isla markiiba qabashada kaddib, wararku waxay xaqiijiyeen in dad rayid ah oo deegaanka ah ay boobeen qaar ka mid ah hubka fudud ee markabka saarnaa, taasoo hub sharci-darro ah ku faafisay gobol xasaasi ah. Natiijadan halista ah waxay si toos ah uga hor imanaysaa hadafka Puntland ee ah xoojinta amniga, waxayna muujinaysaa cawaaqibka taxadar la’aanta ah ee ka dhashay ficillada Deni.

Waxaase kasii walaac badan, afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in qaar ka mid ah hubka saarnaa markabka aysan lahayn dowladda, balse ay lahaayeen ganacsato hub oo gaar loo leeyahay oo Muqdisho jooga, kuwaasoo la soo xiriiray si ay u codsadaan in markabka loo sii daayo. Sheegashadan — haddii ay run tahay — waxay tilmaamaysaa arrin mugdi ku jiro oo ka baxsan is-dhaafsi fudud oo dowlad-ilaa-dowlad ah, waxayna dhalinaysaa su’aalo culus oo ku saabsan faafitaanka hubka oo maamulka Deni uu hadda dhexda iska geliyay.

Tusaale halis ah

Go’aanka Madaxweyne Deni ee ah inuu hanti ammaan qaran u afduubto dano siyaasadeed wuxuu matalayaa khalad xisaabeed culus oo yeelan kara cawaaqib xumo ba’an. Waa weerar lagu qaaday nidaamka dastuuriga ah, waa khayaano lagu sameeyay dadaalka qaran ee la dagaalanka argagixisada, waana tallaabo xasilooni-darro abuuraysa oo halis gelinaysa in Soomaaliya dib loogu celiyo colaaddii baahsanayd ee ay sida adag uga soo baxday.

Dhacdadani waxay tusaale halis ah u noqonaysaa dowlad-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah federaalka. Haddii loollanka Puntland uu ku guuleysto cawaaqib la’aan, waxay ku dhiirri-gelin kartaa madaxda kale ee gobollada — sida kuwa Jubaland, oo iyaguna xiisado is-mari-waa ah la galay Muqdisho — inay ku daydaan.

Tani waxay horseedi kartaa kala qeybsanaan tartiib-tartiib ah oo ku timaada dowladda Soomaaliya, iyadoo gobol kasta oo xeeb leh uu ku dhawaaqayo awood u gaar ah, taasoo abuuri karta isku-darka maamul-goboleedyo yaryar oo iska soo horjeeda.

Ayadoo uu markabka M/V SEA WORLD ku hoos jiro gacanta Puntland ee Boosaaso, wuxuu calaamad cad u yahay sida hamiga siyaasadeed ee hal hoggaamiye goboleed uu halis u gelin karo amniga iyo midnimada qaran dhan. Beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay hadda eegayaan in falkan iska caabinta dastuuriga ah la oggolaan doono inuu sii jiro — iyo in sarreynta sharcigu ka adkaan doonto siyaasadda kala qeybinta.

Faransiiska oo ku dhowaaqay aqoonsiga dowlad Falastiin

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Faransiisku uu aqoonsan doono dawladda Falastiin, xilli ay sii kordhayso carada caalamiga ah ee ka dhalatay macluusha dadka ku sugan Gaza.

Macron wuxuu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu go’aankan si rasmi ah ugaga dhawaaqi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebteembar. “Waxa maanta degdegga ahi waa in la joojiyo dagaalka Gaza, lana badbaadiyo dadka rayidka ah.”

Madaxweynaha Faransiisku wuxuu taageero u muujiyay Israel kadib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023, wuxuuna si joogto ah uga hadlaa Yuhuud-naceybka, balse wuxuu bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa uga niyad-jabayay dagaalka Israel ka waddo Gaza.

“Marka la eego sida taariikhiga ah ee ay uga go’an tahay nabad caddaalad ah oo waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe, waxaan go’aansaday in Faransiisku uu aqoonsado dawladda Falastiin,” ayuu Macron soo qoray. “Nabaddu waa suurtagal.”

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay warqad uu go’aankan kaga wargeliyay Madaxweynaha Falastiin, Maxmuud Cabbaas.

Ku-xigeenka madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Hussein al-Sheikh, ayaa soo dhoweeyay qorshaha Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo u mahadceliyay Madaxweyne Emmanuel Macron.

“Go’aankani wuxuu ka tarjumayaa sida ay Faransiisku uga go’an yahay sharciga caalamiga ah iyo taageerada uu u hayo xuquuqda shacabka Falastiin ee aayo-ka-tashiga iyo dhismaha dawladdeenna madaxa-bannaan,” ayuu yiri Sheikh.

Falastiiniyiinta la hadlay wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegeen inay rajeynayaan in dalal kale ay hadda ku daydaan tallaabadan.

Ururka Islaamiga ah ee mintidiinta ah ee Xamaas ayaa ku tilmaamay ballanqaadka Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin “tallaabo wanaagsan,” wuxuuna ku boorriyay dhammaan waddamada inay sidaas oo kale yeelaan inkastoo ay Israel diiddan tahay.

“Waxaan u aragnaa tan tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada saxda ah ee lagu doonayo in caddaalad loo helo shacabkeenna Falastiiniyiinta ah ee la dulmayo iyo in la taageero xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xamaas, ka dib markii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku dhawaaqay in Faransiisku si rasmi ah u shaacin doono aqoonsigiisa bisha September.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan waddamada adduunka — gaar ahaan quruumaha Yurub iyo kuwa aan weli aqoonsan Dawladda Falastiin — inay ku daydaan Faransiiska,” ayay raacisay Xamaas.

Dalalka taageersan dawlad Falastiini ah

Faransiiska waa dalka ugu weyn uguna saamaynta badan Yurub ee aqoonsada Falastiin. Sida lagu sheegay tirakoob ay samaysay wakaaladda AFP, ugu yaraan 142 dal oo ka mid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa hadda aqoonsaday ama qorsheynaya inay aqoonsadaan dawlad Falastiini ah, inkastoo Israel iyo Maraykanku ay si adag uga soo horjeedaan aqoonsigaas.

Dalalkaas waxaa ka mid ah inta badan waddamada Bariga Dhexe, Afrika, Laatiin Ameerika iyo Aasiya, laakiin kuma jiraan Maraykanka, Canada, galbeedka Yurub intiisa badan, Australia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Faransiiska waxaa ku nool dadka Yuhuudda ah ee ugu badan Yurub iyo Muslimiinta ugu badan galbeedka Yurub, waxaana dagaallada Bariga Dhexe ay inta badan sababaan dibadbaxyo ama xiisado kale oo ka dhasha Faransiiska.

Madaxweyne ku xigeenka Israel, Yariv Levin, ayaa Khamiistii si adag u cambaareeyay tallaabada Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo ku tilmaamay “mid ceeb ku ah taariikhda Faransiiska iyo kaalmo toos ah oo la siinayo argagixisada.”

Levin, oo sidoo kale ah wasiirka caddaaladda, ayaa sheegay in “go’aanka ceebta ah” ee Faransiisku uu ka dhigan yahay inay hadda “la gaaray xilligii madax-bannaanida Israel lagu fidin lahaa” Daanta Galbeed, oo ay Israel qabsatay tan iyo 1967-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Faransiiska ee ah inuu ku biiro Spain aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo sheegay inay “ilaalin doonto” xalka labada dawladood ee khilaafka Israel iyo Falastiin.

“Waa inaan si wadajir ah u ilaalino waxa uu (Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin) Netanyahu isku dayayo inuu burburiyo. Xalka labada dawladood ayaa ah xalka keliya,” ayuu hoggaamiyahan Hantiwadaagga ah, oo si weyn u dhaliila duullaanka Israel ee Gaza, ku qoray bartiisa X.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa toddobaadka soo socda si wada jir ah u martigelinaya shir ka dhacaya Qaramada Midoobay oo ku saabsan xalka labada dawladood. Bishii la soo dhaafay, Macron wuxuu muujiyay “go’aankiisa ah inuu aqoonsado dawladda Falastiin,” wuxuuna riixayay dhaqdhaqaaq ballaaran oo loogu jihaysanayo xalka labada dawladood, kaas oo barbar socda aqoonsiga Israel iyo xaqa ay u leedahay inay is-difaacdo.

Ku dhawaaqista Khamiista ayaa timid wax yar ka dib markii Maraykanku uu soo gebagebeeyey wada-hadalladii xabbad-joojinta Gaza ee ka socday Qatar, isagoo sheegay inaysan Xamaas muujinayn niyad-sami.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa sii kordhayay cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel. Horraantii toddobaadkan, Faransiiska iyo in ka badan labaatan dal oo u badan kuwa Yurub ayaa cambaareeyay xayiraadaha Israel ay saartay shixnadaha gargaarka ee galaya dhulkaas iyo dilalka boqollaal Falastiiniyiin ah oo isku dayayay inay cunto helaan.

Falastiiniyiintu waxay doonayaan dawlad madax-bannaan oo ka kooban Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Qudus oo Israel ay ku darsatay dhulkeeda, iyo Gaza, kuwaas oo ah dhulal ay Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Dawladda Israel iyo inta badan siyaasiyiinteeda ayaa muddo dheer ka soo horjeeday dawladnimo Falastiini ah, waxayna hadda sheegaan inay taasi noqon doonto abaal-marin loo siinayo mintidiinta ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023.

Israel waxay Bariga Qudus ku darsatay dhulkeeda wax yar ka dib dagaalkii 1967-kii waxayna u aragtaa inay qayb ka tahay caasimaddeeda. Daanta Galbeed, waxay ka dhistay tobannaan deegaanno, oo qaarkood u eg xaafado waaweyn oo fidsan, kuwaas oo hadda ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo Yuhuud ah oo haysta dhalashada Israel.

Saddexda milyan ee Falastiiniyiin ah ee dhulkaas ku nool waxay ku hoos jiraan maamul militari oo Israel ah, iyadoo Maamulka Falastiiniyiintu uu ku leeyahay is-maamul kooban xarumaha dadku ku badan yahay.

DF oo sheegasho deg-deg ah ka soo saartay dagaalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka illaa hadda ka socda deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan oo saaka waaberigii bilowday ayey dowladdu sheegtay in ciidamada ka gaareen “guul wax ku ool ah.”

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalooyinkaasi ayey dowladdu sheegtay in lagu jabiyey kooxdii weerarka soo qaaday.

“Dagaalku weli wuu socdaa, waxaana Khawaarijta la gaarsiiyey khasaare culus, halka firxadkoodana lagu sii baacsanayo duleedka deegaanadaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka dowladda kasoo baxay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday qaarkood uu maydadkooda daadsan yahay goobaha uu dagaalku ka socdo.

Dagaalkan saaka ayaa yimid kadib weerarro ay kooxdu ku qaaday saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku yaalla deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada, taasoo dhalisay dagaal toos ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Inkasta oo suurtagal ahayn in la helo xog rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaare ee ka dhashay iska horimaadka.

Labadan deegaan oo ku yaalla goob muhiim ah oo istiraatiiji ah ayaa dhowaan waxaa dagaal kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM, waxaana dagaalkii hore ka dhashay khasaare baaxad leh.

DF oo malaayiin dollar ka heshay awaamiir cusub oo ka dhaqan galay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin sanadle ah oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa muujisay in dakhliga gudaha ee dalka uu sanadkan 2024 gaaray $369.4 milyan, taasoo ka dhigan koror dhan 12% marka loo eego sanadkii hore ee 2023.

Kobocan ayaa si gaar ah looga dareemay canshuuraha gudaha kadib awaamiir canshuur oo ay soo kordhisay dowladdu, gaar ahaan kuwa dakhliga iyo iibka.

Warbixintu waxay xustay in canshuurta dakhliga ay sare u kacday, iyadoo sanadkan la ururiyay $36.2 milyan, halka sanadkii hore lagu ururiyay $24.4 milyan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in kororkan canshuuraha dakhliga uu salka ku hayo dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamka ururinta canshuuraha kirada oo loo beddelay qaab dijitaal ah, iyo ballaarinta saldhigyada canshuuraha taasoo keentay in la diiwaangeliyo canshuur-bixiyeyaal cusub.

Sidoo kale, canshuurta iibka ayaa korortay 13.3%, iyadoo sanadkii hore la ururiyay $41.3 milyan halka sanadkan la gaaray $46.8 milyan. Horumarinta nidaamka dijitaalka ah ee canshuur ururinta ayaa door weyn ka qaatay kobocan.

Dhinaca ganacsiga, warbixintu waxay tilmaantay in ay sare u kaceen dakhliga ka soo xarooda badeecooyinka la dhoofiyo iyo kuwa la soo dhoofiyo. Badeecooyinka dalka loo keenay sanadkii 2024 ayaa gaarey $9.2 bilyan, halka sanadkii ka horreeyay ay ahaayeen $8.2 bilyan.

Badeecooyinka ugu badan ee la soo dejiyay waxaa kamid ahaa raashin, dawooyin, qalabka dhismaha, dhar, shidaal iyo gaas, gaadiid, agab qurxoon iyo qalabka elektarooniga ah.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay sanadkan 2024 dhoofisay badeecooyin qiimahoodu yahay ku dhowaad $1.6 bilyan, iyada oo sanadkii 2023 ay dhoofinta gaartay $1 bilyan. Waxyaabaha ugu badan ee la dhoofiyay waxaa ka mid ahaa xoolaha nool, dalagyada beeraha, saliidaha laga sameeyo dhirta, iyo kalluunka.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay caqabado saameeyay ganacsiga, oo ay kamid yihiin xiisadaha ka taagan Badda Cas iyo colaadaha Bariga Dhexe, taasoo sababtay dib-u-dhac ku yimid gaadiidka badda, sicir-barar xaddidan, iyo kor u kac ku yimid kharashaadka caymiska, gaar ahaan saameynaya gobollada waqooyi ee dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda waxay sheegtay in kororkan 12% ah ee la diiwaangeliyay uu yahay kii ugu sareeyay ee la gaaro tan iyo burburkii dowladdii dhexe, taasoo tilmaamaysa horumar muuqda oo dhanka dhaqaalaha ah.

Odowaa oo shaaciyey farqi u dhaxeeya doorashadii laga diiday Farmaajo iyo tan Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u jawaabay mucaaradka, isagoo is barbar dhigay shaqada hadda socota ee doorashada iyo tii hore ee uu Farmaajo ka fashilmay.

Mucaaradka ayaa maalmihii lasoo dhaafay adeegsanayey muuqaal laga duubay Odowaa xilligii uu xilka hayey Farmaajo, kaasoo uu ku sheegay “Dalkaan doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto,” isagoo sabab uga dhigay marxaladdii xilligaas jirtay.

Isagoo u jawaabaya mucaaradka, ayuu Odowaa sheegay in xilligaas aysan jirin wax shaqo ah oo socotay, balse hadda ay socoto shaqo xoog leh, taasoo uu qodobeeyey. Wuxuuna yiri: “Mucaaradkii aniga warkeyga ayey ka maarmi waayeen oo war u dhigma ma aysan soo dhihin.”

Odowaa ayaa si cad u sheegay in dalka hadda u diyaarsan yahay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka ay dowladda qaaday ee u fududeynaya qabsoomidda doorashada:

1- Waxaa la sameeyey diiwaangelintii dadweynaha.
2- Guddigii doorashada waa la dhisay.
3- Ururradii doorashada ka qeyb geli lahaa waa la diiwaangeliyey.
4- Waxaa la asteeyey goobihii lagu qaban lahaa doorashada.

“Intaas waxay ugu muhiimsanaayeen qodobadii aan ka rabnay dowladdii hore inay ka shaqeyso,” ayuu yiri Odowaa.

Wuxuu sheegay in iyadoo shaqo intaas le’eg ay socoto, ay haddana dowladda mucaaradka la jirto wadahadal ku saabsan sidii doorashada loogu wada qanci lahaa, isla markaana qodobada ay dhibsadeen mucaaradka looga qanci lahaa.

“Waxaan madaxweynaha ku dhiirrigelineynaa in wadahadalkaas uu sii wado. Madaxda mucaaradkana waxaan ugu baaqeynaa in Soomaaliya oo doorasho qof iyo cod ah laga qabto ay guul u tahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, Xoghayaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo:

Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaartay heshiis Soomaaliya ay la gashay Indonesia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada.

Waa tallaabo cusub oo lagu fududeynayo arrimaha socdaalka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia.

Heshiiskaan waxaa lagu ansixiyey kulankii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Ujeeddada heshiiskan waa in la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed, la dardargeliyo iskaashiga labada dal iyo in la fududeeyo socdaalka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda iyo diblumaasiyiinta.

Anaixinta heshiiskaas kadib waxaa kulanka warbixin looga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Guddiga u xilsaaran xal u helidda saxmadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixin lagu falanqeeyey Sababaha keenay saxmadda waddooyinka, oo ay ka mid yihiin tirada baabuurta sii kordheysa, dayac tir la’aanta waddooyinka qaar, iyo dhismooyin aan la qorsheynin.

Sidoo kale, waxaa lasoo bandhigay talooyin iyo xalal waara oo la xiriira in la sameeyo waddooyin kale oo kale (alternatives), habeyn lagu sameeyo nidaamka taraafikada, iyo kordhinta awoodda booliiska taraafikada.

Saameynta saxmadda ay ku yeelatay nolosha shacabka iyo dhaqaalaha magaalada ayaa sidoo kale aad loo gorfeeyey.

Cudurrada faafa oo kusoo batay Soomaaliya iyo xaaladda oo laga deyrinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo bartamihii April, tirada dadka laga helayo shan cudur oo faafa ah ayaa si weyn kor ugu kacday gudaha Soomaaliya, kaddib markii hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’aadannimo oo sababay in boqolaal xarumo caafimaad ah la xiro.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in xaaladdan ay si gaar ah u taabatay carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, kuwaas oo hadda ah qiyaastii 60% dadka cudurradu haleeleen.

Cudurrada sida jadeecada, difteeriyada, xiiqdheerta, shuban-biyoodka, iyo infekshannada neef-mareenka ayaa kordhay, iyadoo kiisaskooda guud ay ka bateen 22,600 una gudbeen in ka badan 46,000 tan iyo bishii Abriil.

Diiwaan-gelinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujisay in toddobaadkii la soo dhaafay kaliya la xaqiijiyay 357 kiis oo cusub oo ah cudurro la iska hortagi karo, kuwaas oo badankood haleelay carruurta da’da yar.

Sanadkan oo kali ah, waxaa la diiwaan-geliyay 6,267 kiis oo looga shakisan yahay shuban-biyood, kuwaasoo 60% ay yihiin carruur ka yar shan sano jir. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan siddeed qof oo u geeriyooday cudurkan.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in cudurradan faafa ay si daran ugu fidayaan xeryaha barakacayaasha, halkaas oo ay ka jiraan duruufo adag sida ciriiri, nafaqo-xumo iyo helitaan la’aan adeegyo caafimaad.

Xarumo badan oo muhiim u ahaa tallaalka, daaweynta iyo wacyigelinta bulshada ayaa xirmay, iyadoo lagu qiyaasay in ku dhowaad 55,000 oo carruur ah ay lumin doonaan adeegyada nafaqada ee nolosha badbaadiya, kaddib xiritaanka saddex meelood meel xarumihii ay Save the Children maamuli jirtay.

Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xaaladdan ay muujinayso sida gargaarka la’aantu si toos ah u saameyneyso nolosha carruurta.

Wuxuu xusay in carruur horay ugu geeriyootay cudurro la daaweyn jiray, taasoo markhaati u ah baahida degdegga ah ee dib loogu soo celinayo gargaarka.

Save the Children ayaa ugu baaqday caalamka in uu si deg-deg ah u maalgeliyo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu baraarujinayo muhiimadda tallaalka, la socodka cudurrada faafa, iyo helitaanka adeegyo caafimaad oo aas-aasi ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurrada halista ah, loogana hortago dhibaato sii fida.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka socda deegaannada Sabiib iyo Caanoole

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka deegaanada Sabiib iyo Caanoole uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib weerarro ay kooxdu ku qaaday saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku yaalla deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada, taasoo dhalisay dagaal toos ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gudaha u galeen labada deegaan, kaddib markii ay halkaas dib uga gurteen ciidamadii dowladda federaalka iyo kuwa Uganda.

Goobjoogayaal ku sugan aagga ayaa sheegay in dagaalku weli socdo, iyadoo aysan suurtagal ahayn in la helo xog rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaare ee ka dhashay iska horimaadka.

Xaaladda guud ee deegaannada Sabiib iyo Caanoole, oo hoos taga degmada Afgooye ayaa weli ah mid kacsan, maadaama dagaalka uu weli halkaas ka socdo.

Labadan deegaan oo ku yaalla goob muhiim ah oo istiraatiiji ah ayaa dhowaan waxaa dagaal kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM, waxaana dagaalkii hore ka dhashay khasaare baaxad leh.

Dowladda Uganda ayaa markaas shaacisay in toddobo askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay ku dhinteen weerarkaas.

Macron announces French recognition of Palestine

Paris (Caasimada Online) – In a significant policy shift, French President Emmanuel Macron announced Thursday that France will formally recognize a Palestinian state this September, a move that drew swift praise from Palestinian leaders and fierce condemnation from Israel.

The decision positions France as the largest European power to take such a step, adding significant diplomatic weight to the growing international pressure on Israel over the war and devastating humanitarian crisis in Gaza.

Macron said the formal declaration would be made at the United Nations General Assembly. “In keeping with its historic commitment to a just and lasting peace in the Middle East, I have decided that France will recognize the State of Palestine,” Macron stated in a social media post. “Peace is possible.”

The French president, who has become increasingly critical of Israel’s military campaign in recent months, framed the decision as a necessary step toward peace. “The immediate priority today is to stop the war in Gaza and save the civilian population,” he added.

A shift in Paris

The announcement marks a significant evolution in France’s position. Following the Hamas-led attacks on October 7, 2023, Macron offered strong support for Israel and its right to self-defense. However, as the conflict has dragged on and the civilian toll in Gaza has mounted, Paris has increasingly voiced its dismay.

France, home to Europe’s largest Jewish and Muslim communities, has historically maintained a delicate diplomatic balance. This move signals a more forceful push for a two-state solution, which envisions an independent Palestinian state alongside Israel. Last month, Macron had already expressed his “determination to recognize the state of Palestine” as part of a broader diplomatic initiative.

Palestinian officials lauded the French decision as a crucial endorsement of their long-standing quest for statehood. Hussein al-Sheikh, a senior official in the Palestinian Authority, expressed his gratitude to President Macron.

“This decision reflects France’s commitment to international law and its support for the Palestinian people’s right to self-determination and the establishment of our independent state,” al-Sheikh said.

The Islamist group Hamas, which governs Gaza and is designated a terrorist organization by the U.S. and E.U., also described the announcement as a “positive step.” In a statement, Hamas urged “all countries of the world — especially the European nations that have not yet recognized the State of Palestine — to follow France’s lead.”

Israel’s reaction was immediate and harsh. Yariv Levin, Israel’s Deputy Prime Minister and Minister of Justice, denounced the move as “a disgrace to French history and direct support for terrorism.”

Levin, a prominent member of Prime Minister Benjamin Netanyahu’s Likud party, suggested that in response to France’s “shameful decision,” it was time to “extend Israeli sovereignty” over the West Bank, a territory Israel has occupied since the 1967 Six-Day War.

The Israeli government has long opposed unilateral recognition of a Palestinian state, arguing it rewards militancy and bypasses the need for a negotiated settlement.

European momentum

France’s decision follows similar moves by Spain, Ireland, and Norway, which all formally recognized a Palestinian state earlier this year, signaling a growing rift within the West over the conflict.

Spanish Prime Minister Pedro Sanchez welcomed Macron’s announcement. “We must jointly protect what Netanyahu is trying to destroy. The two-state solution is the only solution,” the socialist leader wrote on X, formerly Twitter.

The move comes as France prepares to co-host a United Nations conference on the two-state solution next week. More than 140 of the 193 UN member states already recognize Palestine. However, this group has not included most major Western powers, such as the United States, the United Kingdom, and Germany.

The backdrop to this diplomatic flurry is the dire humanitarian situation in the Gaza Strip. According to the World Health Organization, the population faces widespread starvation and a collapsed health system. International bodies have condemned Israeli restrictions on aid deliveries and the high number of civilian casualties.

Palestinians seek to establish an independent state in the West Bank, East Jerusalem, and the Gaza Strip — all territories captured by Israel in 1967. Israel annexed East Jerusalem and has built dozens of settlements in the West Bank, now home to over 500,000 Israeli settlers, which are considered illegal under international law.

 Over three million Palestinians in the West Bank live under Israeli military occupation with limited autonomy under the Palestinian Authority.