29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Puntland oo ciidamo hor leh gaysay gobolka Sanaag

0

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Puntland ay maanta ciidamo dheeraad ah gaysay gobolkaasi, kuwaas oo wata gaadiidka deegaalka, waxayna fariisimo cusub ka sameysteen degmooyinka Dhahar iyo Badhan.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay xoojin doonaan kuwii horay u joogay degmooyinkaasi, isla markaana ay sugi doonaan amniga guud ee gobolka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in haatan xaaad kacsanaan ah laga dareemayo aaggaasi, maadaama ay horay u joogeen ciidamo kale oo taabacsan kuwa maamulka SSC-Khaatumo, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal horleh ka qaraxo gobolka Sanaag.

Ujeedka Puntland ayaa ah inay ka hortegto dhaq-dhaqaaqa ciidamada SSC iyo kuwa Maakhir ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo horay ula dagaalamay ciidamadeeda ku sugan degmada Dhahar.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Sanaag ee ka dhalatay dhammeystirka maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan loo fadhiyo magaalada Laascaanood.

Puntland ayaa ka carootay qaabka wax loo wado, maadaama goboka Sanaag loo qorsheeyay inuu ku biiro maamulka SSC, taas oo keentay xiisadda ka taagan gobolkaasi.

Si kastaba, shirka dhammeystirka dowlad-dhiska SSC-Khaatumo ayaa hadda ku dhow gabgabo, waxaanais-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay  in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono: Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah.

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ka dhex-qarxay Thailand iyo Cambodia?

Baangkok (Caasimada Online) — Isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhex qarxay dalalka Thailand iyo Cambodia, kuwaas oo ka dhacay aagag xuduudeed oo muddo dheer lagu muransanaa, kuwaasoo si degdeg ah u sii huriyey xiisado bilooyin socday.

Dagaalka ayaa isugu jiray is-weydaarsi rasaas ah, duqeymo madaafiic ah, iyo gantaallo, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo dhinaca Thailand ah iyo hal qof oo Cambodia u dhashay, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa uu sidoo kale dagaalku sababay in tobannaan kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda oo ku yaalla meel u dhow xuduudda. Dalka Thailand ayaa sidoo kale duqeymo dhinaca cirka ah la beegsaday Cambodia.

Waxa uu ahaa iska horimaadkii labaad ee hubeysan tan iyo markii askari reer Cambodia ah la toogtay bishii May, waana xaalad si weyn u sii cakirantay oo timid saacado kadib markii labada dal ay hoos u dhigeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo ka dambaysay qarax miino oo ay ku dhaawacmeen askar Thai ah.

Milatariga Thailand ayaa Jimcihii sheegay in isku dhacyo ay ka dhaceen goobo dhowr ah oo ku teedsan xuduudda, meel u dhow afar gobol oo Thailand ah.

Halkan ka akhriso waxa laga ogyahay muranka u dhexeeya labadan dal ee deriska ah ee ku yaal Koonfur-bari Aasiya.

Sida uu muranku ku bilowday

Muranku wuxuu soo shaac baxay bishii May kadib markii ciidamada hubeysan ee Thailand iyo Cambodia ay si kooban rasaas isugu weydaarsadeen aag xuduudeed yar oo lagu muransan yahay, kaas oo dal walba uu sheegto inuu leeyahay.

Labada dhinacba waxay sheegeen inay is-difaacayeen. Waxaa halkaas ku dhintay hal askari oo reer Cambodia ah.

In kasta oo labada dal ay markii dambe sheegeen inay ku heshiiyeen in xiisadda la dejiyo, haddana mas’uuliyiinta Cambodia iyo Thailand waxay sii wadeen inay hirgeliyaan ama ku hanjabaan tallaabooyin aan dagaal toos ah ahayn, taasoo xiisadda sii kicisay.

Thailand waxay xayiraado adag kusoo rogtay xuduudda ay la wadaagto Cambodia, kuwaasoo joojiyey ku dhowaad dhammaan isu-gudubka dadka marka laga reebo ardayda, bukaannada, iyo dadka kale ee leh baahiyaha asaasiga ah. Maalintii Khamiista, mas’uuliyiinta Thailand waxay ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba xirayaan xuduudda.

Cambodia ayaa sidoo kale mamnuucday filimada iyo barnaamijyada TV-yada ee Thailand, waxay joojisay soo dejinta shidaalka, miraha, iyo qudaarta laga keeno Thailand, waxayna qaadacday qaar ka mid ah xiriirrada internet-ka caalamiga ah iyo korontada ay ka hesho dalka deriska la ah.

Fadeexad ka dhacay Thailand

Dareenka waddaninimada ee labada dhinac ayaa xaaladda sii huriyey.

Ra’iisul Wasaaraha Thailand, Paetongtarn Shinawatra, ayaa xafiiska laga joojiyey 1-dii Luulyo si baaritaan loogu sameeyo eedeymo la xiriira ku xadgudub anshaxa oo ku saabsan sida ay u maareysay muranka xuduudda, kadib markii la dusiyey wada-hadal taleefan oo ay la yeelatay hoggaamiye sare oo reer Cambodia ah.

Wada-hadalkaas oo dhacay bishii Juun, Paetongtarn waxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cambodia, Hun Sen, ugu yeertay “adeer,” waxayna dhaleecaysay hoggaanka milatariga Thailand, hadalladaas oo ay dadka dhaliilaa ku tilmaameen ixtiraam-darro ku ah madax-bannaanida qaranka.

Hun Sen waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Hun Manet sannadkii 2023-kii, laakiin weli saameyn ayuu leeyahay isagoo ah guddoomiyaha Aqalka Sare. Wuxuu saaxiib muddo dheer ah la ahaa aabbaheed, Thaksin Shinawatra, oo ahaa ra’iisul wasaare hore oo caan ah balse lagu kala qeybsanaa, laakiin xiriirkoodu wuxuu xumaaday muranka xuduudda dartiis.

Wada-hadalka la dusiyey wuxuu kiciyey caro ballaaran iyo dibadbaxyo. Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga Paetongtarn ee Pheu Thai ayaa sidoo kale daciifay markii xisbiga labaad ee ugu weyn isbahaysiga, Bhumjaithai Party, uu kala noqday taageeradiisii, isagoo sabab uga dhigay dabacsanaan loo arkay inay u muujisay dhinaca Cambodia.

Paetongtarn way ka cudurdaaratay, waxayna ku dooday in hadalladeedu ay ahaayeen xeelad gorgortan. Saaxiibkeed, Wasiirkii hore ee Difaaca, Phumtham Wechayachai, ayaa loo magacaabay ku-sime ra’iisul wasaare.

Sheegashooyinka xuduudda

Murannada xuduuduhu waa arrimo soo jireen ah oo sababay xiisado soo noqnoqda oo u dhexeeya labadan dal ee deriska ah. Thailand iyo Cambodia waxay wadaagaan xuduud dhuleed oo dhererkeedu ka badan yahay 800 oo kiiloomitir (500 mayl).

Sheegashooyinkan iska hor imanaya waxay inta badan salka ku hayaan khariidad la sawiray 1907-dii xilligii gumeysiga Faransiiska, taasoo loo isticmaalay in lagu kala saaro Cambodia iyo Thailand. Cambodia waxay khariidaddaas u isticmaalaysay tixraac ay ku sheeganayso dhul, halka Thailand ay ku doodayso in khariidaddu aysan sax ahayn.

Isku dhacyada ugu caansan uguna rabshadda badnaa waxay ka dhaceen agagaarka macbadka Preah Vihear oo jira 1,000 sano.

Sannadkii 1962-dii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) waxay lahaanshaha madax-bannaanida aagga macbadka u xukuntay Cambodia. Xukunkaas wuxuu noqday mid si weyn u carqaladeeya xiriirka labada dal.

Cambodia waxay dib ugu laabatay maxkamadda sannadkii 2011, kadib isku dhacyo dhowr ah oo dhex maray ciidankeeda iyo kuwa Thailand, kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa 20 qof, kumanaan kalena ay ku barakaceen. Maxkamaddu waxay xukunkii u danbeeyay ee Cambodia ay guushu ku raacday dib u adkeysay sannadkii 2013-kii.

Cambodia waxay mar kale u laabatay maxkamadda caalamiga ah si loo xalliyo murannada xuduudda, laakiin Thailand way diiday awoodda sharci ee maxkamadda.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Shabaab oo soo galay Afgooye

0

Afgooe (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ay ku qabatay degmada Afgooye, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen halkaasi.

Labada xubnood mid kamid ah ayaa ah horjooge sare oo argagaxisada u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka kan kale uu ka tirsanaa amniyaatka kooxda, waxaana Hay’adda NISA sheegtay inuu ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada iyo inuu fuliyo dilal qorsheysan.

Hay’ada ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in soo qabashada raggan ay daba socotay diginin culus oo 20-kii bishaan ay soo saartay dowladda oo ku aadan uruurinta lacagaha baaddda ah iyo maalgeinta kooxaha argagixisada, taas oo dhan sharciga maaliyadda dalka.

“Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Waxaa kale oo ay hay’addu farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ka codsatay inay lasoo xiriraan, haddii ay arkaan wax liddi ku ah amniga amaba la kulmaan cadaadis uga imaanaya Al-Shabaab.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Hay’adda ayaa maalmihii u dambeeyay laba jibaartay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna inta ku beegsataa furimaha hore iyo magaalooyinkaa waawayn intaa.

Dagaal xooggan oo ka socda duleedka Maxaas iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo haatan ka socda bannaanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga deegaanka Ceelgorof oo u dhexeeya degmooyinka Maxaas iyo Baxdo, waxaana soo qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ee ku sugan halkaas ayaa iska difaacay weerarka Al-Shabaab, waxayna dib u riixeen xubnaha weerarka soo qaaday, kadib dagaal qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay mar kale dib isku soo abaabuleen, isla markaana ay xoogga soo saareen dagaalka oo weli ka socda duleedka Maxaas, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen xubno Shabaab ah iyo saraakiil ku hoggaamineysay dagaalka, welina uu socda howlgalka ayna difaacayaan degmada.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana jiidda hore ee dagaalka gaaraya ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah, si u ay xoojiyaan ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab ee ku sugan Maxaas.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo Khaamiistii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen xubno ka tirsan argagixisada oo isku diyaarinayay deegaanka Ceelgorof oo hadda uu ka socdo dagaalka waxaana jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Degmada Maxaas oo maalmahan uu ka socday abaabul culus ayaa waxaa haatan xoogga soo saartay Khawaarijta, kadib markii ay dhowaan qabsatay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay muddo dheer ka hortaagnaayeen Macawiisleyda beesha Xawaadle.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HiShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

What The Economist got wrong on Somalia

For readers not steeped in Somali affairs, The Economist’s recent declaration that “Somalia’s state-building project is in tatters” would have sounded the alarm: a nation once again on the brink, battered by insurgents, political dysfunction, and diplomatic fatigue. It is a dramatic diagnosis. But it is also a flawed one that is outdated in its assumptions, narrow in its criteria, and far removed from the complex, evolving reality on the ground.

Somalia’s progress cannot and should not be measured solely through the prism of counterterrorism. That’s where The Economist places its emphasis, citing al-Shabab’s recent attacks and limited territorial gains as if they represent the entirety of the Somali state’s trajectory. But “state-building” encompasses far more than battlefield maps: it includes fiscal autonomy, institutional development, education, public finance, remittance integration, and the reemergence of civic life in a society recovering from three decades of collapse.

Indeed, by many of these broader metrics, Somalia is advancing quietly, but unmistakably. The World Bank, IMF, and UN agencies consistently recognize Somalia’s post-2020 progress. In December 2023, the IMF approved debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative, cutting external debt from over $5 billion to just under $600 million. This landmark opened the doors to concessional financing, budgetary support, and infrastructure investment, the tools that no failed state possesses. In its 2025 review, the IMF projected Somalia’s GDP growth at 3.7% and reaffirmed continued structural reform under the Extended Credit Facility.

Critically, The Economist fails to note what matters most: that Somalia now collects and manages its own domestic revenues across several federal member states, and that procurement systems, auditor general oversight, and central bank reform have progressed more in five years than in the prior 25 combined. These are not signs of tatters, rather, they are evidence of a state under reconstruction.

It’s also telling that The Economist invokes the withdrawal of foreign support as if it were a fresh blow to Somalia’s fortunes. The truth is that Western powers abandoned traditional “nation-building” years ago. The U.S. shifted toward offshore counterterrorism operations and diplomatic minimalism. The EU, fatigued by humanitarian dependency, has moved toward regional containment. In that vacuum, it is Somalis, not the donors, who are leading the state-building process. The Somali diaspora now sends home an estimated $2 billion annually, eclipsing the combined total of all foreign aid and investment. Remittances remained Somalia’s most reliable source of capital, sustaining households, funding education, and underwriting microenterprise.

And speaking of education: another transformation ignored in the article is the quiet intellectual revolution underway. Tens of thousands of Somali students now graduate annually from universities in Mogadishu, Hargeisa, Garowe, Baidoa, and Kismayo among other cities. Higher education may not yet match international benchmarks, but its existence would have been unthinkable two decades ago. The emergence of local academic institutions, alongside dozens of vocational training centers and civic organizations, signals a generational shift in capacity and expectation.

Even The Economist’s use of Puntland as a foil to the federal government is misleading. It references Puntland’s recent gains against Islamic State terror group in the Bari mountains, implying that the rest of Somalia has no stake in its outcome. In reality, Puntland’s successes and struggles are Somalia’s successes and struggles. The notion that political tensions between President Said Abdullahi Deni and President Hassan Sheikh Mohamud represent a national schism is both overstated and analytically lazy. Most Somalis are well aware that these rivalries are rooted in 2026 pre-election maneuvering, not in existential questions about the state’s coherence.

The claim that “state-building is in tatters” collapses under scrutiny. Is Somalia facing real challenges? Certainly. Al-Shabab remains a potent threat. Droughts, displacement, and food insecurity persist. Constitutional clarity between federal and regional powers remains elusive. But none of these problems are new, and none justify dismissing the hard-won, ongoing gains made by Somali society in the absence of consistent international commitment.

If anything, The Economist’s article reflects a broader failure of imagination within certain policy circles: a belief that unless a state is rebuilt from the top down, by foreign architects, it cannot be rebuilt at all. Somalia’s experience tells a different story. This is a state slowly being reassembled from the inside out, by its own people, on its own terms, with uneven progress but unmistakable momentum.

Far from being “in tatters,” Somalia is forging a distinctly Somali model of recovery. And for those paying close attention, that may be the most hopeful sign of all.

his article was originally published on The Horn Affairs

Soomaali si caro leh ugu jawaabtay wargeys sheegay in ‘Shabaab qabsanayaan’ Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dhowaan uu daabacay wargeyska The Economist oo ka hadleysay xaaladda Soomaaliya ayaa dhalisay caro ballaaran oo ka qaraxday baraha bulshada, gaar ahaan barta X, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin habaabin ah oo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka.

Sheegashada warbixinta ee ah in Muqdisho ay “gacanta u galeyso” Al-Shabaab ayaa noqotay mid muran xooggan dhaliyay, taasoo muujisay sida dadka Soomaaliyeed ay uga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab.

Dadka Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaal gudaha ah ayaa si adag uga falceliyay maqaalka, iyagoo ku eedeeyay inuu ka maran yahay xog dhab ah, isla markaana uu iska indha tirayo horumarka laga gaaray amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa si weyn loo baahiyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya isbeddelka muuqda ee magaalada Muqdisho iyo kobaca ammaanka, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa sawirka mugdiga ah ee uu maqaalka sawiray.

Dad badan ayaa aaminsan in hadalkaasi uu yahay mid la buunbuuniyay oo hoos u dhigaya dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Hadallada sheegaya in Muqdisho ay ‘gacanta u galeyso’ Al-Shabaab waa marin habaabin, waxayna wax u dhimayaan adkaysiga shacabka Soomaaliyeed,” ayuu qoray mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

“Qofna ma yareynayo khatarta ay Al-Shabaab iyo xulafadooda ku hayaan Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, anigoo si dhow ula socday xaaladda dalka muddo 13 sano ah, waxaan aaminsanahay in ay tahay aragti khaldan in la saadaaliyo in kooxdaasi ay si buuxda u qabsan doonto Muqdisho. Taasi waa mid aan rumeysanahay inaysan dhici doonin — waxaana si kalsooni leh ugu dhaaran karaa arrintaas,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland oo ka falceliyay warbixinta.

Wuxuu intaas ku daray: The Economist waxay haysataa fursad ay ku soo bandhigi karaan falanqeyn qoto dheer oo dhab u milicsata xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya. Nasiib darro, warbixintooda waxay u muuqataa mid ka fog xaqiiqo sugan oo miisaaman.”

Falcelintan ayaa muujinaysa niyad-jab sii kordhaya oo ay qabaan Soomaalida marka ay arkaan sida ay warbaahinta caalamiga ah u tabiso arrimaha dalka, iyagoo aaminsan in si xad-dhaaf ah loo buunbuuniyo dagaallada, halka laga il-duufayo horumarka muuqda ee dalka ka socda.

Jubaland oo ku dhowaaqday in la hareereeyay Janan iyo ciidankiisa kadib dagaalkii…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay degmada Beledxaawo, xilli uu wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV. Wuxuu sheegay in degmada ay hareereeyeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamo uu hoggaaminayo.

Al-Qaadi ayaa guul weyn ku tilmaamay dagaalkii dhacay shalay, isagoo sheegay in haatan ciidamada Jubaland ay si buuxda u maamulayaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin xerada UK, halkaas oo ay hareereeyeen ciidamada Darawiishta ee Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdirashiid Janan iyo ciidamada la socda waxa ay ku sugan yihiin xerada UK, oo weliba geesaha ay ka taagan yihiin ciidamada dowladda Jubaland,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:“Haddii Alle idmo, waxaan ka qabaneynaa fidnada ay wadaan, si aysan bulshada Soomaaliyeed ee degmada joogta u dhibaateyn ama xabbad aysan magaalada gudaheeda ka dhicin.”

Dhanka kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubaland ay u goosteen dhanka dowladda federaalka, kaddib markii Janan uu maanta soo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

“Walaalow, ciidan halkaas u goostay ma jiro. Waa been, waxay sameynayaan ciidamadooda ayay file gelinayaan, kadibna waxay leeyihiin way noo soo goosteen,” ayuu mar kale yiri Al-Qaadi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli weli ay taagan tahay xiisadda Beledxaawo, halkaas oo shalay mar kale ay ku dagaalameen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noqnoqotay, waxaana si gaar ah loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka, xilliyadaas oo dhinacyada isku haya awoodda gobolka ay si weyn ugu tartamaan kuraasta taalla Gedo si ay u helaan codadka xildhibaannada deegaankaasi.

Somalia considers pro-Turkey politician for top military role

Mogadishu (Caasimada Online)  – Somalia is weighing a major shakeup in its military leadership by considering a politician with close ties to Turkey as the next chief of its armed forces—a move that could strain already delicate relations with the United States.

Sources close to Villa Somalia, the presidential palace, say Abdulkadir Mohamed Nur—currently serving as Minister of Ports and Marine Transport—is the frontrunner to become the next Chief of Defence Forces of the Somali National Armed Forces (SNF).

This potential promotion marks a dramatic reversal just months after Nur was ousted from his post as Defence Minister—a decision widely seen as a nod to U.S. pressure over his strong security cooperation with Ankara.

If appointed, Nur would replace Major General Odawa Yusuf Raage, a U.S.-trained commander who has led the army since 2019 and is widely respected as a stabilizing force within the ranks. His departure would signal a notable shift in Somalia’s military leadership under President Hassan Sheikh Mohamud.

A controversial choice

Supporters point to Nur’s impressive resume as justification for his return to the top of the security establishment. He has previously served as Minister of Defence, Minister of Justice, and Deputy Director of the powerful National Intelligence and Security Agency (NISA). He also held a diplomatic role as First Secretary at Somalia’s embassy in Turkey.

But critics and security analysts warn that elevating a figure so closely aligned with a single foreign partner could compromise Somalia’s national interests and deepen existing political rifts.

At the core of U.S.-Turkey tensions is a landmark 10-year defense agreement signed between Somalia and Turkey in February 2024. Under the deal, Turkey is tasked with training and equipping Somalia’s navy to secure its extensive coastline, which is believed to contain vast oil and gas reserves.

That agreement quickly raised red flags in Washington. A senior Somali official, speaking to Middle East Eye on condition of anonymity, said U.S. officials had urged President Mohamud to sideline Nur.

According to the official, American concerns centered on: Nur’s perceived lack of cooperation with U.S. forces in Somalia, Turkish ambitions to build a potential “space base” for satellite and rocket programs, and Washington’s limited access to the details of the Somali-Turkish defense and energy agreements

The U.S. remains deeply involved in Somalia’s security through AFRICOM, its Africa Command, which conducts counter-terrorism operations against al-Shabaab and trains the elite Danab Brigade of the SNF.

Ankara’s enduring partnership

Meanwhile, Turkey has solidified its position as Somalia’s closest strategic ally. In addition to extensive humanitarian support, Ankara operates its largest overseas military base—Camp TURKSOM—just outside Mogadishu, where it has trained a substantial segment of the Somali armed forces.

Following Nur’s cabinet reassignment in March, a Turkish government official dismissed speculation of a falling-out, stressing that bilateral ties remained strong.

“This doesn’t change our relationship,” the official told Caasimada Online. “Our agreements with Mogadishu are built on institutional cooperation.”

This leadership decision comes at a pivotal moment for Somalia. The national army is engaged in a major offensive against al-Shabaab insurgents while preparing to assume full security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which is scheduled to exit by year’s end.

As President Mohamud weighs his options, he must now appoint a military chief capable of steering Somalia through this critical security handover—while balancing the competing interests of powerful allies that remain vital to the country’s fragile stability.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti, una sii gudbaya Itoobiya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo sidoo kale usii gudbaya dalka Itoobiya oo ay ku gaari doono booqasho rasmi ah.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, ayna ka wada-hadli doonaan  xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Villada.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usii u gudbi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku ballan yihiin ra’iisul Abiy Axmed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Abiy ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saari doono arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.

Safarkaan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweynuhu ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.

Waxaa kale oo ay booqashadan kusoo aadeysaa, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

Itoobiya oo kamid ah dalalka badda laheyn ayaa saaxiibada gobolka ku riixayso in ay qeyb ka noqoto dhoolatus la qorsheynayo inuu ka dhaco biyaha Soomaaliya. Dalabka Itoobiya ee tababarka la qorsheeyay ayaa si weyn uga yaabiyay Dowladda Federaalka, oo ayadu diiday.

DF oo billowday qorshaha lagu soo saarayo lacag cusub + Habka ay u shaqeyn doonto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa horey u dhaqaajisay dadaal taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo shilin Soomaaliga si uu u noqdo lacagta rasmiga ah ee dalka — tallaabo lagu doonayo in dalku dib ugu soo ceshto madax-bannaanidiisa dhinaca maamulka lacagta, ka dib tobannaan sano oo lagu tiirsanaa dollarka Maraykanka isla markaana ay baaheen lacago been abuur ah.

Dib-u-habayntan ballaaran, oo ay mas’uuliyiinta Soomaalidu ku tilmaameen “arrin mudnaan qaran leh,” waxay qeyb ka noqon doontaa is-weydaarsi lacageed oo dhameystiran iyo soo bandhigidda “nidaamka guddiga lacagta” (currency board arrangement) oo si adag loo maamuli doono, si loo xasilloonneeyo shilinka cusub loona dhiso kalsoonida shacabka.

Qorshahan, oo helaya taageero farsamo iyo mid maaliyadeed oo xooggan oo ka imaanaysa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa dhowaan helay $10 milyan oo dollar oo lagu xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ballaaran ee Soomaaliya.

Dib-u-habaynta lacagta, oo udub-dhexaad u ah aragtida dawlad-dhisidda ee xukuumadda, ayaa loo arkaa mid muhiim u ah midnimada qaranka. Madaxdu waxay aaminsan yihiin in dib u soo noolaynta lacag qaran oo lagu kalsoonaan karo ay fududeyn doonto is-dhaafsiga maalinlaha ah, isla markaana ay noqon doonto mid loo wada dhan yahay, gaar ahaan Soomaalida nugul ee aan awoodin inay helaan dollarka ama adeegyada lacagaha mobaylada.

Guddiga lacagta oo udub-dhexaad u ah qorshaha

Waxaa udub-dhexaad u ah dib-u-habayntan nidaamka la soo jeediyay guddiga lacagta (CBA) — kaas oo ah nidaam shilin Soomaaliga cusub ku xiraya lacag qalaad oo deggan, oo ay u badan tahay inuu noqdo dollarka Maraykanka, iyadoo la raacayo sarif go’an. Sida ku cad nidaamkan, shilin kasta oo suuqa ku jira waa inuu si buuxda u helaa keyd lacag qalaad ah oo u dhigma.

Habkan waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xasilooni maaliyadeed lagagana hortago sicir-bararka, iyadoo si weyn loo xaddidayo awoodda bankiga dhexe ee ah inuu lacag soo daabaco isagoon haysan keyd lacag qalaad ah oo ku filan.

“Waxaan aaminsannahay in guddiga lacagtu uu abuuri doono jawi siyaasadeed oo deggan oo la saadaalin karo si loo xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo lacagta qaranka ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo la sii wadi doono nidaamka labada lacag, oo tan kale ay tahay dollarka Maraykanka,” ayay mas’uuliyiintu ku sheegeen qoraal ay soo saareen

Tan iyo burburkii dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, nidaamkii maaliyadeed ee rasmiga ahaa ee dalka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay. Bankigii Dhexe wuu istaagay, shilinkii Soomaaliga ee rasmiga ahaa qiimihiisii wuu lumay, suuqana waxaa buux dhaafiyay lacago duugoobay oo inta badan been abuur ah — kuwaas oo qaarkood weli si xaddidan looga isticmaalo dalka maanta.

Maqnaanshaha lacag qaran oo shaqeynaysa darteed, Soomaaliya waxay isu beddeshay dal dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay dollarka. Dollarka Maraykanka ayaa noqday lacagta rasmiga ah ee wax la isku dhaafsado inta badan, waxaana markii dambe kaalmeeyay adeegsiga baahsan ee nidaamyada lacagaha mobilada. Laakiin la’aanta lacag qaran ayaa ka dhigtay dawladda mid aan awood u lahayn inay maamusho siyaasadda lacagta, waxayna dhaqaalaha rasmiga ah ka saartay Soomaali badan oo sabool ah.

Habraaca lagu fulinayo qorshaha

Qorshaha Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo shilinka wuxuu ku saleysan yahay qorshe-hawleed marxalado leh oo sharci ku dhisan. Sida ku cad dokumiintiyada IMF, qodobada ugu muhiimsan ee la higsanayo waxaa ka mid ah:

  • Wax ka beddelka sharciga Bankiga Dhexe: Dawladdu waxay gabagabaynaysaa dib-u-eegista lagu samaynayo Sharciga Bankiga Dhexe si sharci ahaan loogu dhiso qaab-dhismeedka guddiga lacagta. Hindise-sharciyeedkan ayaa la filayaa in la horgeeyo Baarlamaanka dhammaadka bisha Diseembar 2025.
  • Abuuridda xeerar taageeraya: Marka sharciga la meelmariyo, Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu soo saari doonaa xeerar muhiim ah — oo ay ku jiraan xeerarka dhinacyada is-dhaafsiga lacagaha qalaad marka la gaaro May 2026, iyo waajibaadka ah in toddobaadle loo daabaco miisaaniyadda guddiga lacagta marka la gaaro Luulyo 2026.
  • Hirgelinta: Dib-u-habayntan waxay dhaqan geli doontaa ka dib marka la soo saaro lacagta cusub ee daabacan iyo marka si rasmi ah loo dhiso guddiga lacagta.

In kasta oo la dejiyay hab-raac habaysan, haddana waxaa jira caqabado. Mas’uuliyiintu waxay xoojiyeen dadaallada lagu doonayo in lagu helo dhaqaale dheeri ah oo loogu talagalay is-weydaarsiga lacagta. Guusha qorshahani waxay si weyn ugu xiran tahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada (DGS) — taas oo ah hawl adag marka la eego xaaladda siyaasadeed ee kala qaybsan ee Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa ammaan u jeedisay sida ay dawladdu uga go’an tahay horumarinta qorshahan, waxayna ku baaqday in horumar joogto ah laga sameeyo is-weydaarsiga lacagta iyo qaab-dhismeedka CBA labadaba.  

Daawo: Ciidamo ka goostay Axmed Madoobe oo isku dhiibay Cabdirashiid JANAN

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta goob fagaare ah kusoo bandhigtay ciidamo ay sheegtay inay kasoo goosteen maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay duleedka Beledxaawo.

Ciidamada oo wata hubkooda ayaa waxaa xerada UK oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda kusoo dhoweeyay Cabdirashiid Janan oo dhowaan uun dowladda Soomaaliya ay u magacowday taliyaha NISA ee Jubaland, kadibna tegay gobolka Gedo.

Janan ayaa la hadlay ciidamada usoo goostay dhankiisa, wuxuuna tilmaamay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin ciidanka qaranka. loona bilaabayo mushaar toos ah.

“Waad mahadsan tihiin soo dhawaada Allaha idin barakeeyo waa idinku faraxsanahay, waxaa kale oo intaas idin dheer qofkii hadda uu mushaarka ka xiran yahay wuu qaadanayaa mushaarkiisa oo ciidanka kale ayuu lamid yahay,” ayuu yiri Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Runtii waxaad qaadateen go’aan geesinimo leh markii aad aragteen xaaladda sida ay tahay, ogaada abaalkeeda waa la idin hayaa”.

Cabdirashiid Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada u dagaalamaya Axmed Madoobe, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay qaataan nabadda, lana shaqeeyaan dowladooda.

“Annaga deegaankeena uma rabno dagaal, raga kale waxan leeyahay ciidamadiina qaranka kusoo biira, deegaankan nabad ayaan u rabnaa wiil Axmed Madoobe soo diray in uusan na dilin anagana aanan dilin caqli doqomeed lama rabo,” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubaland oo ku aadan ciidamada la sheegay inay ka goosteen ee maanta lagu soo bandhigay duleedka degmada Beledxaawo.

Arrintan ayaa kusoo aadayso, iyada ooo weli ay jirto xiisadda ka taagan degmadaas oo ay mar kale shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubaland.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Itoobiya oo sheegatay in ay taageero caalami ah u heshay damaceeda doonista badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa billowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku doonayso inay ku muujiso in hamigeeda ah inay hesho marin badeed uu yahay mid nabadeed oo ku saleysan baahi dhaqaale. Waxay sheegtay inay taageero caalami ah kasbatay — xilli ay wajahayso cambaareyn kulul oo kaga timid Soomaaliya, taasoo ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo ay la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, heshiis si weyn u gilgilay Geeska Afrika.

Fariin isku dubaridan oo ay saraakiil sare oo Itoobiyaan ah direen Jimcihii, ayay si cad u muujiyeen in helitaanka deked uu yahay arrin muhiim ah oo la xiriirta jiritaanka qaranka Itoobiya, dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, hase yeeshee ay arrintaas u marayaan wado nabadeed oo ku saleysan iskaashi iyo dan wadaag.

“Helitaanka badda waxay muhiimad weyn u leedahay Itoobiya, maadaama ay tahay qaran dadkiisu badan yahay oo dhaqaalihiisu si xawli ah u korayo,” ayuu yiri Danjire Diinaa Mufti, oo ah xildhibaan sare ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Itoobiya, mar uu la hadlay wakaaladda wararka ee ENA.

Waxa uu ku adkaystay in Addis Ababa ay “si hagar la’aan ah uga shaqaynayso sidii ay si nabad ah oo is-dhaafsi ku dhisan ugu heli lahayd deked.”

Jaafar Bedru, madaxa Machadka Arrimaha Dibadda ee dowladda hoostaga, ayaa isna xoojiyay mowqifkaas, isagoo sheegay in siyaasadda Itoobiya ay “ku dhisan tahay mabda’a dan wadaagga iyo himilooyinka horumarineed ee guud, ee aan ahayn mid cid kale lagu waxyeelleynayo.”

Hadalladan waxay u muuqdaan kuwo loogu talagalay in lagu dejiyo xiisadaha gobolka ee cirka isku shareeray tan iyo horraantii 2024.

Heshiiska muranka dhaliyay

Xiisadda diblomaasiyadeed waxaa saldhig u noqday heshiis is-afgarad (MoU) ah oo Itoobiya la saxiixatay Somaliland 1-dii Janaayo 2024.

Heshiiskaasi wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano ah oo ah 20-kiiloomitir oo xeeb ah si ay halkaas uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in Itoobiya ay ballanqaadday inay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland.

Somaliland waxay sheeganeysay madax-bannaani tan iyo 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, hase yeeshee weli si rasmi ah looma aqoonsan caalamka.

Heshiiskaas ayaa dhaliyay carro xooggan oo ka timid Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku tilmaantay heshiiskaas “fal gardarro ah” iyo “ku xadgudub sharciyada caalamiga ah”, iyadoo u yeertay safiirkeedii Addis Ababa, isla markaana ballanqaadday inay ku hor istaagayso si kasta oo sharci ah.

Itoobiya, oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, ayaa noqotay dalka ugu dadka badan adduunka ee aan bad lahayn, kaddib markii Eritrea ay ka go’day sannadkii 1993-kii, iyadoo la wareegtay dhammaan xeebihii Badda Cas.

Tan iyo markaas, Itoobiya waxay aad ugu tiirsaneyd dekedda Jabuuti, oo ay kasoo degto in ka badan 95% ganacsigeeda. Ku-tiirsanaantan ayaa caqabad ku noqotay kobaca dhaqaale iyo istaraatiijiyadda dalka.

Arrintaasi waxay si xoog leh u soo ifbaxday dabayaaqadii 2023, markaas oo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu khudbad telefishan laga sii daayay ku sheegay in helitaanka baddu ay tahay “arrin jiritaan” oo la xiriirta “xuquuqda taariikheed ee Itoobiya”, isagoo ka digay khataraha laga dhaxli karo haddii aan xal laga gaarin.

Isbeddelka codka diblomaasiyadda

Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee haatan socda ayaa muujinaya cod jilcan oo ka duwan hadalladii hore ee adkaa, iyadoo la isku dayayo in la muujiyo baahida dhaqaale ee ka dambeysa qorshaha.

“Marka la eego koboca dhaqaale ee dalka, ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta si weyn ayuu u kordhay,” ayuu yiri Danjire Diinaa Mufti, isagoo baahida dekedo badan ku sifeeyay mid waafaqsan isbeddelka dhaqaalaha.

Machadka Arrimaha Dibadda, oo uu madax ka yahay Jaafar Bedru, ayaa hadda loo xilsaaray diyaarinta istaraatijiyad rasmi ah oo lagu horumarinayo ajandaha helitaanka badda — taasoo muujinaysa in qorshuhu yahay mid muddo-dheer ah oo dowladdu si dhab ah u wajahday.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Itoobiya sheegtay inay helayso taageero caalami ah, haddana heshiiska Somaliland wuxuu sababay walaac ballaaran.

Hay’adaha sida Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Mareykanka, iyo Midowga Yurub, ayaa dhammaantood taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in khilaafka lagu xalliyo wadahadal, lagana fogaado fawdo hor leh oo ka dilaacda gobolka.

DF iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay dhulaka buurleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo uu ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Daacish.

Qoraal kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay duqeyntan oo ahayd bartimaameed lagu dilay xubno Daacish ah, balse ma laguma shaacin tiro rasmi ah.

“Waxaan dilnay xubno Daacish ah oo halis ku ah xasilinooda Soomaaliya iyo kan gobolka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono howlgalkiisa Somalia, si loo cuuryaamiyo awoodda kooxaha argagixisaa ee Al-Shabaab iyo Daacish.

“AFRICOM waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo kooxaha xagjirka ah ee halista ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka kaso baxay Taliska Ciidamada AFRICOM.

Ujeedka weerarkan ayaa sidoo kale ahaa mid lagu taageerayay ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgallada culus ka adag aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeyntii u dambeysay ayuu Mareykanku dhowaan ka fuliyay aagga togga Miiraale, halkaas oo lagu dilay tiro kamid ah dagaalamaayasha Daacish, kuwaas oo maydadkooda loogu tegay godadkii lagu duqeeyay.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Xog: Madaxweyne Xasan oo ka fakaraya in uu Jaamac ku beddelo Jeneraal Odowaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka fakareysa inay isbeddel weyn ku sameyso hoggaanka ciidankeeda, iyadoo u magacaabeysa taliyaha xiga ee ciidamada qalabka sida siyaasi xiriir dhow la leh dalka Turkiga—tallaabadaas oo halis gelin karta xiriirka aan sidaas u sii adkeyn ee kala dhaxeeya Mareykanka.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)—oo hadda ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda—uu yahay qofka ugu cadcad ee laga fakarayo in loo magacaabo Taliyaha xiga ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Magacaabistan la filayo ayaa noqoneysa isbeddel weyn oo lama filaan ah, maadaama ay ku soo aadeyso bilooyin yar kaddib markii Jaamac laga qaaday xilkii Wasiirka Gaashaandhigga—go’aankaas oo si weyn loo arkayay inuu jawaab u ahaa cadaadis ka yimid Mareykanka.

Haddii la magacaabo, Jaamac wuxuu xilka kala wareegi doonaa Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, oo ah taliye uu Mareykanku tababaray, kaasoo hoggaaminayay ciidanka tan iyo sanadkii 2019-kii, isla markaana si weyn loogu qadariyo inuu yahay shaqsi xasillooni ka dhex abuuray ciidamada.

Magacaabis muran badan  

Taageerayaasha Jaamac ayaa ku doodaya inuu xilkan u qalmo, iyaga oo daliishanaya khibradda shaqo ee cajiibka ah ee uu leeyahay Nuur, taasoo ay u arkaan sabab ku filan oo uu ugu soo laaban karo hoggaanka sare ee hay’adaha amniga.

Wuxuu horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Caddaaladda, iyo Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda awoodda badan ee Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA). Sidoo kale, wuxuu xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan ka soo qabtay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Balse, dadka dhaliila iyo falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa ka digaya in magacaabista shaqsi si weyn ugu xiran hal saaxiib oo shisheeye ay waxyeello u geysan karto danaha qaran ee Soomaaliya, ayna sii hurin karto khilaafyada siyaasadeed ee markii horeba jiray.

Saldhigga xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa ah heshiis taariikhi ah oo 10 sano ah oo dhanka difaaca ah, kaasoo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024. Heshiiskan, Turkiga waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyadda tababarka iyo qalabaynta ciidamada badda Soomaaliya si loo sugo amniga xeebaha dalka oo aad u ballaaran, kuwaasoo la aaminsan yahay inuu ku jiro kheyraad badan oo shidaal iyo gaas ah.

Heshiiskaas ayaa si degdeg ah shaki iyo walaac uga abuuray Washington. Sarkaal sare oo Soomaali ah, oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in saraakiil Mareykan ah ay ku cadaadiyeen Madaxweyne Maxamuud inuu meesha ka saaro Jaamac.

Sida uu sarkaalku sheegay, walaaca Mareykanka ayaa salka ku hayay arrimo ay ka mid yihiin: iskaashi yari laga dareemay dhanka Jaamac ee la shaqeynta ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, hamiga Turkiga ee ah inuu dhisto “saldhig hawada sare ah” oo loogu talagalay barnaamijyada dayax-gacmeedka iyo gantaalaha, iyo helitaanka xaddidan ee Washington ay u leedahay faahfaahinta heshiisyada difaaca iyo tamarta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

Mareykanku wuxuu si weyn ugu lug leeyahay amniga Soomaaliya isagoo u maraya Taliskiisa Afrika ee (AFRICOM), kaasoo fuliya howl-gallada la-dagaallanka argagixisada ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana tababara guutada kumaandooska ee Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Iskaashiga adag ee Ankara

Dhanka kale, Turkiga wuxuu sii adkeystay booskiisa ah saaxiibka istiraatiijiyadeed ee ugu dhow Soomaaliya. Ka sokow taageerada ballaaran ee bini’aadannimo, Ankara waxay saldhiggeeda milatari ee ugu weyn ee ay dibadda ku leedahay— xerada TURKSOM—ku leedahay bannaanka Muqdisho, halkaasoo ay ku tababartay qayb weyn oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kaddib isku shaandheyntii golaha wasiirada ee bishii Maarso taasoo Jaamac xilka looga beddelay, sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga ayaa iska fogeeyay wararka sheegayay inuu xiriirku xumaaday, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xiriirka labada dal uu weli yahay mid xooggan.

“Tani ma beddeleyso xiriirkeenna,” ayuu sarkaalku u sheegay Caasimada Online. “Heshiisyadeenna aan la leenahay Muqdisho waxay ku dhisan yihiin iskaashi hay’ad-ilaa-hay’ad ah.”

Go’aankan ku saabsan isbeddelka hoggaanka ciidanka, haddii uu dhaco, wuxuu ku soo aadayaa xilli kala guur ah oo muhiim u ah Soomaaliya. Ciidanka xoogga dalka wuxuu ku jiraa howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo isla markaas la isku diyaarinayo in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogala wareego Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo la filayo inuu dalka ka baxo dhammaadka sanadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda miisaamaya fursadaha u furan, waxaa laga doonayaa inuu magacaabo taliye ciidan oo awood u leh inuu Soomaaliya hoggaamiyo xilligan xasaasiga ah ee amniga lagu kala wareegayo—isagoo isla markaasna isku dheellitiraya danaha iska hor imanaya ee saaxiibbada awoodda badan ee weli muhiimka u ah xasilloonida jilicsan ee dalka.

Markab ka baxay Boosaaso oo lagu qabtay xeebaha Yemen

0

Sanca (Caasimada Online) – Ciidanka ilaalada xeebaha ee Yemen ayaa 24-kii bishaan gacanta ku dhigay markab yar oo xoolo sida, kaas oo ka baxay dekedda wayn magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Markabka oo lagu magacaabo Merinos Livestock (leh 2,200 tan) ayaa la sheegay inuu kusii jeeda magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, kahor inta uusan damin qalabkiisa raadraaca (AIS).

Damitaanka aaladdaasi ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay in la tuhmo markabka, kadibna ay sidaas kusoo qabteen ciidamada oo haatan ku haayo baaritaanno dheeraad ah.

Kahor qabashada markabka ayaa lasoo wariyay in hal doon oo alwaax ah ay hor istaagtay, waxaana la sheegay in la’si dhaafsaday rasaas fudud, iyada oo markii dame markabka amar lagu siiyay in uu u leexdo dhinaca dekedda Mocha.

Hay’adaha amniga Yemen oo ka hadlay qabashada markabkan ayaa sheegay in la joojiyay kaddib markii dadka deegaanka ay arkeen goobta uu marayay oo ah goob bartilmaameed u ah kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi, waxaana illaa iyo hada haya ciidanka ilaalada xeebaha.

Dhanka kale  saraakiishu weli faah-faahin dheeraad ah kama bixin sababta ka dambeysa qabashada markabkaan, marka la reebo inuu ku socday goob bartilmaameed u ah kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Xuutiyiinta oo ku aadan qabsashada markabkaasi ka baxay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in warbixinta markabka la gaarsiiyay xarunta la socodka maraakiibta ganacsiga badda ee UK (UKMTO), taas oo lagu wargeliyay in markabku gacanta ugu jiro ciidamada ilaalinta xeebaha ee dalkaYemen.

Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo aadeyso, iyada oo todobaadkii hore ay Puntland qabsatay markab hub usoo siday magaalada Muqdisho, kaas oo la geeyay dekedda wayn Boosaaso, waxaana markabkaasi sheegatay dowladda Turkiga, taas oo dhalisay xiisad aad u xooggan.

Wasiir Fiqi oo weerar culus ku qaaday Puntland: Markab sharci ah qaniimo ma noqdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay markabka hubka ee ay qabsatay Puntland, isaga oo weerar ku qaaday Deni iyo xukuumadiisa.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ku ceebowday qabsashada markabkaas, maadaama uu ku socday sifo sharci ah, wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay falkaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in federaalka loo adeegsanayo si qaldan, isla markaana loogu adeegayo daba-dhilifyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Markab sharci ku socda oo badda maraya ayaa la qabsanayaa oo qaniimo lagu tilmaamayaa ceeb weeye; Federaalku ceeb ma leh laakiin si qaldan ayaan u adeegsanaynaa oo daba-dhilifnimo ah” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa inaan ka kacno dalka la kala qaybinayo midnimadiisa la kala dhantaalayo, si aan u ilaalinno wadajirka bulshada Soomaaliyeed”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Puntland ay dowladda Xasan  Sheekhku eedeysay inay xiriir hoose la leedahay argagixisada caalamiga ah iyo burcad-badeedda. Eedeyntan culus waxaa warbaahinta soo mariyay Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii Xasan Sheekh iyo kooxdiisu gacanta ku hayn lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland, ay “noqon lahayd hoyga argagixisada iyo xarunta maafiyada ka ganacsata hubka iyo maandooriyaha adduunka.”

“Bal qiyaas, maxay sameyn lahaayeen kooxda burcad-dowladeed ee qabsatay Villa Somalia, haddii ay gacantooda ku jiri lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland – Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluula ee Badweynta Hindiya? Shaki kuma jiro in ay meel walba isbaaro dhigan lahaayeen, ama ay burcad-badeed iyo argagixiso caalami ah ka kireyn lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, oo markii hore ahaa mid shaqsiyeed, ayaa haatan isu beddelay mid dowladeed. Labada dhinac ayaa midba midka kale u jeedinaya eedeymo aan la socon caddeymo, iyadoo xiisadda uga sii dartay arrinta markabka hubka ah ee ay qabsatay Puntland.

Soomaaliya oo taageertay tallaabadii taariikhiga aheyd ee Faransiiska uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u taageertay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kadib markii uu shaaciyay in dowladdiisa ay aqoonsaneyso dowladda Falastiin, tallaabadaasi oo ay si wen uga caroodeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay go’aanakn u aragto mid geesinimo leh, isla markaana ay soo dhaweeneyso, iyada oo intaas ku dartay in reer Falastiin ay xaq u leeyihiin dowlad madax bannaan si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go’aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo kusoo beegmaya xilli ku habboon, isagoo ka qeyb qaadanaya Nabadda Caalamka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo muddo dheer wajahaya dagaalka iyo weerarada Israa’iil.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay uu Madaxweyne Emmanuel Macronku dhawaaqay in Faransiisku uu aqoonsan doono dowladda Falastiin, xilli ay sii kordhayso carada caalamiga ah ee ka dhalatay macluusha dadka ku sugan Gaza.

Macron wuxuu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu go’aankan si rasmi ah ugaga dhawaaqi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebteembar. “Waxa maanta degdegga ahi waa in la joojiyo dagaalka Gaza, lana badbaadiyo dadka rayidka ah.”

Madaxweynaha Faransiisku wuxuu taageero u muujiyay Israel kadib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023, wuxuuna si joogto ah uga hadlaa Yuhuud-naceybka, balse wuxuu bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa uga niyad-jabayay dagaalka Israel ka waddo Gaza.

“Marka la eego sida taariikhiga ah ee ay uga go’an tahay nabad caddaalad ah oo waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe, waxaan go’aansaday in Faransiisku uu aqoonsado dawladda Falastiin,” ayuu Macron soo qoray. “Nabaddu waa suurtagal.”

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay warqad uu go’aankan kaga wargeliyay Madaxweynaha Falastiin, Maxmuud Cabbaas.

Hoos ka akhriso bayaanka kasoo baxay Soomaaliya;-

Sawirro: Ciidanka Jubaland oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah, soona qabtay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan oo aad loo qorsheeyay lagu naafeeyay Al-Shabaab, isla markaana looga hortagay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen, kuwaas oo ay ciidamadu burburiyeen.

Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidankeedu ay fashiliyeen miinooyin ay koxoda ku aastay waddooyinka, si ay ugu dhibaateeyaan shacabka, gaar ahaan kuwa safareyda ah.

“Howlgalka oo si taxadar leh loo fuliyay ayaa ka dhacay deegaannada Orgiyow, Barjala, iyo Caglibaax, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa burburiyay miinooyin halis ahaa oo Khawaarijtu ku aaseen deegaannadaas, kuwaas oo halis ku ahaa nolosha dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo qayb ka ahaa abaabulka ay muddooyinkan kooxda ka wadday halkaasi.

“Intaa waxaa dheer, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah xubnaha dhagarqabayaasha ah ee kooxda Khawaarijta, kaas oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka falalka argagixisanimo ee ka dhaca Deegaanadaas” ayaa lasii raaciyay warka qoraalka ah.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa saaxiibada la ah ay ugu jiraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannadaasi.

Al-Shabaa ayaa si weyn ugu xooggan gobollada Jubooyinka, halkaas oo ay kasoo abaabusho weeraro culus oo ku qaado fariisimaha ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab.

Ethiopia says sea access bid gaining global acceptance

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia is mounting a diplomatic offensive to portray its quest for sea access as a peaceful economic necessity, claiming it is gaining international support—even as it faces fierce condemnation from Somalia over a controversial port deal with the breakaway region of Somaliland that has rocked the Horn of Africa.

In a coordinated message, senior Ethiopian officials on Friday stressed that securing a sea outlet is a non-negotiable, “existential” issue for the continent’s second-most populous nation, but one they intend to pursue through cooperation and mutual benefit.

“Getting access to the sea is crucial for Ethiopia as it is a nation with a large population and a rapidly growing economy,” said Ambassador Dina Mufti, a senior lawmaker on Ethiopia’s foreign relations committee, in a statement to the state-run Ethiopian News Agency (ENA).

He insisted Addis Ababa is “diligently working to secure a sea outlet peacefully and reciprocally.”

Jafar Bedru, who heads the government-aligned Institute of Foreign Affairs, reinforced this position, describing the policy as “based on the principle of shared interest and common development aspirations, not to harm others.”

The statements appear aimed at calming regional tensions that have soared since the start of the year.

Controversial MoU

The diplomatic storm was triggered on January 1, 2024, when Ethiopia signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland.

The agreement grants Ethiopia a 50-year lease on a 20-kilometre (12.4-mile) stretch of coastline to build a naval base and commercial port facilities. In a move that would upend decades of regional policy, Ethiopia reportedly offered to become the first nation to recognize Somaliland’s independence formally.

Somaliland has functioned as a de facto sovereign state since declaring its autonomy from Somalia in 1991 following a brutal civil war, but it has never achieved international recognition.

The deal prompted a furious reaction from Mogadishu, which views Somaliland as an integral part of its sovereign territory, as outlined in its federal constitution. The Somali government has labeled the MoU an “act of aggression” and a violation of international law, recalling its ambassador from Addis Ababa and vowing to oppose the agreement by “all legal means.”

Ethiopia’s pursuit of a port is rooted in deep economic and strategic vulnerabilities. The nation, with over 120 million people, became the world’s most populous landlocked country after its northern region, Eritrea, gained independence in 1993, taking the entire Red Sea coastline with it.

Since then, Ethiopia has been overwhelmingly dependent on the port of its tiny neighbor, Djibouti, for over 95% of its maritime trade. This reliance creates a significant bottleneck for its rapidly expanding economy and a strategic liability.

The issue was thrust into the spotlight in late 2023 when Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, a Nobel Peace Prize laureate, gave a televised address in which he argued that sea access was an “existential” question linked to Ethiopia’s historical rights, warning it could lead to conflict if unresolved.

Diplomatic push  

The current diplomatic messaging marks a shift in tone, softening the earlier militaristic rhetoric to emphasize economic necessity.

“Following the economic growth of the country, export and import trade of the nation has increased significantly,” Ambassador Mufti argued, framing the need for diverse port access as a logical consequence of development.

The Institute of Foreign Affairs, under Jafar Bedru, is now tasked with developing formal strategies to advance the sea-access agenda, signaling it as a core long-term objective of the Ethiopian state.

However, despite Ambassador Mufti’s claim that the policy is “gaining acceptance by the international community,” the Somaliland deal has been met with widespread concern.

Major regional and international bodies, including the Arab League, the African Union, the United States, and the European Union, have released statements reaffirming their support for Somalia’s sovereignty and territorial integrity. Most have urged dialogue and de-escalation to prevent further destabilization of the already volatile Horn of Africa.

By attempting to bypass Mogadishu and deal directly with a breakaway region, Ethiopia has alienated a key neighbor and found itself diplomatically isolated on the issue, turning its quest for economic security into a new and perilous regional flashpoint.

After ship hijack, Somalia must punish Puntland’s defiance

Mogadishu (Caasimada Online – The brazen rebellion of Puntland President Said Abdullahi Deni has pushed the Federal Republic of Somalia to the edge of disintegration. His administration’s unconstitutional secession of powers and the piratical seizure of a national military shipment are not acts of political dissent — they are acts of insurrection.

In this existential crisis, the Federal Government of Somalia (FGS) cannot afford a timid response. To compel the Deni administration to return to the constitutional order — and to deter further fragmentation — the FGS must deploy a broader and more forceful strategy of coercion.

This analysis outlines a multi-pronged approach, expanding beyond blockades to include targeted sanctions, diplomatic isolation, and the full assertion of federal sovereignty over maritime. These are not merely punitive measures; they are the necessary tools of a legitimate government defending its very existence against a rogue state actor.

Targeted sanctions

This rebellion is not a grassroots uprising. It is a calculated power play led by Deni and a small circle of political and business elites who enable and benefit from his defiance. The response must therefore be surgical — aimed squarely at the architects of the crisis.

Asset freezes and travel bans: The FGS should immediately compile a list of individuals — including President Deni, key cabinet members, security officials, and complicit business leaders — for targeted sanctions.

Working with international partners such as the United States, the European Union, and the United Nations, the government should seek to freeze their overseas assets and impose strict travel bans. This would isolate Puntland’s leadership, sever access to global financial systems, and curtail their political mobility.

Economic blacklisting: In parallel, the FGS should collaborate with international financial bodies to blacklist Puntland-based companies and entities found to be complicit in unconstitutional activities, including those involved in arms trafficking and piracy. These measures would cut off the financial oxygen fueling Deni’s defiance.

Diplomatic and legal strangulation

Puntland’s leadership is acting like a de facto state, engaging directly with foreign governments such as Ethiopia. The FGS must use its internationally recognized sovereign status to dismantle this diplomatic illusion and reinforce Puntland’s legal isolation.

Leverage the UN Security Council: As a sitting member of the UN Security Council (2025–2026), Somalia is uniquely positioned to internationalize this crisis. The FGS should formally petition the Council to condemn Puntland’s actions as a threat to peace and security.

It can invoke UNSC Resolution 2713 — concerning Al-Shabaab — to push for stronger federal control over weapons and ammunition flows to Federal Member States. By presenting evidence that Puntland’s rebellion risks destabilizing the region and diverting arms, Mogadishu can push for a resolution, making all security assistance to FMSs conditional on direct oversight by the FGS.

Criminal prosecution: The legal response must also escalate. The arrest warrant issued against Jubaland’s president sets a clear precedent. Somalia’s Attorney General should now pursue charges of treason, sedition, and piracy against President Deni and his inner circle, filing them in the Banaadir Regional Court.

Even if enforcement is not immediately feasible, these charges would formally criminalize the rebellion, delegitimize the Puntland leadership on the international stage, and establish a legal basis for future accountability.

Asserting full sovereign control

Deni’s rebellion is rooted in the assumption that Puntland can operate as an independent state — controlling its own territory, ports, and infrastructure. That assumption must be decisively challenged.

Maritime blockade: Under Somali law and the UN Convention on the Law of the Sea, the FGS holds sole sovereignty over the country’s territorial waters and Exclusive Economic Zone (EEZ). The FGS should declare a maritime control zone off Puntland’s coast, requiring all commercial vessels to submit to Somali Navy inspection.

Any vessel attempting to dock at Bosaso or other Puntland ports without federal clearance should be interdicted. This would not only halt the illegal flow of arms but also disrupt the commercial trade that sustains Puntland’s economy.

Additionally, the FGS should declare all fishing and resource licenses issued by the Puntland administration null and void, warning foreign operators that any such contracts will be subject to legal action.

Conclusion: The price of unity

The path of coercion is difficult. But the path of inaction leads to inevitable collapse. President Deni’s rebellion is a direct challenge to the Somali state — and must be met with the full weight of the state’s legal and sovereign power.

A comprehensive strategy that combines targeted sanctions with a resolute reassertion of federal authority is not just necessary — it is the only viable path forward. Somalia cannot afford hesitation. To falter now is to invite deeper fragmentation and empower those who seek a return to warlordism and lawlessness.

The price of unity is decisive action. The Federal Government must be ready to pay it.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.