24.2 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Maxaa kala soctaa barnaamij siyaasadeedka madaxweynaha cusub ee Galmudug (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) oo ahaa ganacsade iyo xildhibaan dowladda dhexe ah 16-kii sano ee la soo dhaafay ayaa maanta magaalada Cadaado loogu doortay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.

Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Axmed Duceele Xaaf

Hannaan Siyaasadeed Oo Isla Xisaabtan Leh: Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) waxaa uu barnaamijkiisa ku sheegay in uu Galmudug ku hoggaamin doono kana hirgelin doono hannaan siyaasadeed oo ku dheehan isla Xisaabtan iyo hufnnaan.

Ka faa’ideysa Kheyraadka: Axmed Ducaale Xaaf waxaa uu sheegay in maamulka Galmudug uu ka dhigi doono mid si fiican uga faa’ida kheyraadka dabiiciga ah Si Loo gaaro isku filnaashiyo Muddo kooban, lagana bixi doono gaajada, waxaa kaloo ku sheegay in ay la soo bixi doono dahabka, kalluunka, shidaalka iyo xitaa in cunto iyo biyo loo heli doono dhibaatada xoolaha heysto.

Mudane Axmed Geelle Xaaf, waxaa uu barnaamijkiisa ku ballan-qaaday in in meel walbo oo Galmudug ah uu biyo geyn doono.

Midnimada: Barnaamijka Axmed Geelle, waxaa kale oo ka mid ahaa in uu  ballan-qaaday in uu kasban doono kalsoonida shacabka Galmudug, maamul goboleedyada dariska ah iyo In la joojiyo dhibaatooyinka soo laalaabanaya kuwaas oo sida uu sheegay wiiqaya dowladnimada.

Dib U Heshiisiin: Waxaa Barnaamijka Axmed Geelle Xaaf ku jira, hirgelinta qorshe dib u heshiisiin, isaga oo ka bilaabayo sida uu sheegay ahlu sunna oo uu ku tilmaamay culimaa’udiin  asal ah iyo kuwa Galmudug dhexdeeda ku nool oo sababtooda magaalooyinka iska gaari la’yihiin.

Xaqiijinta Amniga: Amniga waa laf-dhabarta  barnaamijka  Axmed Geelle Xaaf, la’aantiisa lama noolaan karo, waxaa uu ballan-qaaday dhismaha ciidan hufan oo ka shaqeeya nabadda Galmudug, in uu siin doono ciidanka mishaar iyo wacyigelin. Geelle waxaa uu sheegay in  Galmudug heysato ciidan ku filan oo tayeysan oo aan heysan agab iyo kalsooni.

Cadaaladda Iyo Ka hortagga xad-gudubka:  Barnaamijka Axmed Xaaf waxaa ka mid ah Cadaaladda, la’aanteedana aan waxbo la qaban Karin, isaga oo sheegay in haddii cadaalad la helo la ilaalin karo xuquuqda, nafta iyo maalka dadka.

Kobcinta Dhaqaalaha: Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaa uu barnaamijkiisa ku sheegay in Galmudug dadkeeda aaney sabool aheyn ee saboolnimada ay tahay siyaasad xumida.

Waxaa uu barnaamijka uga hadlay awoodda canshuuraha iyo sida ay saldhig ugu tahay hantida dadka, Canshuurta waxaa uu ku sheegay oo kale waa mid dadka loogu shaqeynayo, oo jidadka iyo kaabayaasha dhaqaale lagu dhisayo, haddii canshuur la helo Dhaqaale la helaayo, cashuur qaadista iyo waxaa uu isku xiray shacab iyo dal quruxsan.

Mr. Xaaf waxaa uu barnaamijkiisa ku sheegay in Galmudug ay leedahay xeeb dhan 300 KM isla markaana uu ku dadaali doono sidii looga faa’ideysan lahaa xeebtaas iyo dekadda.

Axmed Ducaale Xaaf waxaa uu barnaamijka ku sheegay in Shacabka, Xildhibaannada, wasiirada iyo aqoon yahanka uu ka talin gelin doono wax walba oo go’aan laga qaadanayo

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dhageyso: Wasiirka A/G oo ka dhawaajiyey laba arrin oo xasaasi ah oo horyaal madaxweyne Xaaf

Cadaado ( Caasimadda Online) –  Waxaa lasoo gabagabeeyey doorashadii Galmudug, waxaana qudbado kala duwan jeediyey madaxdii kasoo qeyb gashay oo uu kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Guxa, musharixiintii laga guuleystay iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan madaxwyenaha cusub ee Galmug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isla markaasna wuxuu u sheegay inay hor yaalaan arrimo aad xasaasi u ah.

Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha laga rabo inuu si deg deg ah wax uga qabto laba arrin oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu horeeyo ee madaxwyenaha looga Fadhiyo.

Midda koowaad ayuu juxa ku sheegay in Xaaf laga doonayo sidii uu Ahlu Sunna ugu soo dari lahaa Maamulka Galmudug isla markaasna uu sii dhameystiro wadahadaladii u socday labada dhinac.

Sidoo kale wuxu wasiirka sheegay in sidoo kala Xaaf laga rabo inuu si wanaagsan u maamulo Galmudug isla markaasna uu ka shaqeeyo amniga deegaanada maamulkiisa, isagoo ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya u garab istaagi doonto arrintaas.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa tilmaamay in doorashadii ka dhacday Galmudug ay tahay mid xalaal ah oo ay ku qanceen dhammaan shacabka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyey xildhibaanada Galmudug oo uu ku tilmaamay inay si wanaagsan uga shaqeeyeen sidii ay u dhici laheyd doorashado cadaalad ah.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiir Juxa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dhageyso: Xaaf oo ka hadlay sida uu u arko inuu noqdo madaxweynaha Galmudug iyo waxa uu qaban doono

Cadaado (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Galmudug ayaa madaxeynaha cusub ee Galmudug u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib markii uu helay codad gaarayo ilaa 54 cod.

Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xafladda doorashada kadib guushii uu gaaray ayaa ka dhawaajiyey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Wuxuu u mahadceliyey musharixiintii kale ee la tarmayey, sidoo kalana wuxuu u rajeeyey inay ku guuleystaan doorashooynka kale ee laga qaban doono Galmudug, isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Wuxuu xusay inuu Galmudug ka qaadi doono booska liito oo ay kaga jirto maamul Goboleedyada dalka isla markaasna uu wax badan u qaban doono shacabka Galmudug.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada maamulka Galmudug noocyadeeda kala duwan la siin doono mushaarkooda weliba si joogto ah, wuxuuna sheegay in qarashka la siinayo ciidamada laga soo saari doono dhulka Maamulka.

Ugu dambeyntii Xaaf ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab istaagtay Maamulka Galmudug isla markaasna aan la dayicin sidii markii hore dhacday sida uu hadalka u yiri.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso codka Madaxweynaha cusub ee Galmudug

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Doorashadii Galmudug oo so dhamaatay iyo Galmudug oo yeelatay madaxweyne Cusub

Cadaado (Caasimadda Online) –  Waxaa soo dhamaatay  doorashadii Galmudug, waxaana si rasmi ah madaxweynaha Galmudug u noqday Axmed Ducaale Xaaf.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa helay codadkii ugu badnaa doorashada Galmudug wareegeeda labaad, waxayna aheyd natiijo si weyn loo sugayey maadaama uu wareegii hore keensaday codad aad uga badan midka uu keensan Axmed Shariif.

Ciidamada Amaanka ayaa la wareegay amniga Xaaf, waxaana bilaabtay hambalyeynta madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Xaaf ayaa helay codadka gaarayo ilaa 54 cod halka uu Axmed Shariif helay 34 cod sidaas darteed wuxuu guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku dhawaaqay inu Xaaf yahay Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ah ganacsade si weyn looga garanayo gudaha Soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa inuu wax badan u qaban doono shacabka Galmudug, inkastoo ay jiraan dad qabo fikir midkaas ka duwan.

Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa taariikhda Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

 

 

Wasiir Xoosh oo mar kale sheegay hadal ka careysiin doona maamul goboleedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa mar kale ku celshay in Wasaaradiisu ay maamul Goboleedyada dalka horgeyn doonto BFS.

Wasiir Xoosh, ayaa sheegay inaanu jirin maslaxad gaara uu ka leeyahay in dib loo hagaajiyo sharciyada ay ku dhisan yihiin maamul Goboleedyada balse uu doonaayo keliya in la saxo khaladaadka ku jira dastuurka iyo sharciyada loo maray maamulada.

Wasiir Xoosh, waxa uu sheegay in sixitaanka dastuurka micnuhu uusan aheyn in Hogaamiyayaasha maamulada laga qaadayo xilalka balse ay doonayaan inay ku hor saxaan BFS, si loo helo maamulo la jaanqaadi kara sharciga.

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayuu Wasiirka ka codsaday inay kala shaqeeyaan wadatashiyada la xiriira dib u eegista Dastuurka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay inay muhiim tahay qeyb kasta oo ka mid ah dastuurka in si’aad ah loo fiiriyo , lana eego dadka ay xuquuda ka maqan tahay, sida dadka baahiyaha gaarka qaba iyo dumarka oo soo hadal qaaday wasiirka Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Xoosh waxa uu carabdhabay inaanu jirin maamul ama mas’uul ka sareeya sharciga, waxa uuna cadeeyay in isaga uu garanaayo wixii u wacan dalka iyo wixii aan u wacneyn ee ka fiirsashaha u baahan.

Haddalka Wasiir Xoosh, ayaa waxa uu nabar ku yahay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyda ka jira dalka oo iyagu doonaaya inay ku shaqeeyan sharciyo iyaga u gaara.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxaa looga gol-leeyahay cunaqabteynta DF ay saartay Hirshabelle iyo beelaha Hawiye

Muqdisho (Caasimadda Onlien) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warqad lagu mamnuucaayo duulimaadyada garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, xilli ay u muuqato inay iclaamisay dagaal ka dhan ah maamulka HirShabelle iyo beelaha Hawiye ee dhistay.

Warqadani lagu mamnuucay duulimaadyada ayaa loo sababeeyay kadib markii diyaarado qaad sida ay ka degeen Jowhar, taasi oo ka careysiisay dowladda.

22-kii bishii lasoo dhaafay ayay hay’adda duulista hawada dowladda federaalka Somalia ay mamnuucday in diyaarada ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar,balse qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha qaadka aysan dhag jalaq u siin qoraalkaas.

Haddaba dadka  odoroso siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay tallaabadaan tahay mid lagu caburinayo Maamulka Hirshabelle oo ahaa midkii ugu dambeeyey oo ay dhistay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya oo ka carareyso waxyaabo dhawr ah ayaa qaadatay go’aankaan lagu xanibayo dhammaan ilihii dhaqaalaha kasoo geli laheyd maamulka Hirshabelle, iyadoo laga fiirinayo saameynta uu maamulkaas ku yeelan karo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qaar ka mid ah ujeedka ay dowladda ka leedahay inay xinibaad kusoo rogtay Hirshabelle:

1) Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso inuu Maamulka Hirshabelle noqdo mid magac u yaal ah oo aan jirin, maadaama ay ka xirtay dhammaan ilihii dhaqaalaha kasoo geli laheyd, macquulna maahan in Hirshabelle sii jirto haddii aan loo fasixin ilihii ay ka kasban laheyd maareyta Maamulka iyo shaqo socodsiinta.

2) Dowladda Soomaaliya ayaa cabsi weyn ka qabto in Maamulka Hirshabelle saameyn ku yeesho lacagta ay dowladda dhexe ku cunto magac federaalka ee dhaqaalaha Muqdisho, maadaama Hirshabelle dhul ahaan uu aad ugu dhaw yahay Caasimadda Soomaaliya.

3) Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeedo in dadka degga deegaanada Hirshabelle aysan la mid noqon dadka kale ee Gobolada Soomaaliya, waxayna dooneysaa  in dadka daga halkaas ay waligeed ka dambeeyaan Soomaaliya inteeda kale.

Muddooyinkii dambe waxaa aad u xumaa xiriirka ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle, waxayna tallaabada ay dowladda ku mamnuucyada garoonka Jowhar keeni kartaa isku dhac dhex maro dowladda dhexe iyo dadka daga deegaanadaas.

Xalka Muxuu ku jiraaa?

  • In Hirshabelle xuquuq ahaan lala simo maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jiro .
  • In xanibaada laga qaado dhammaan ilaha dhaqaalaha uu ka heli lahaaa maamulkaas oo uu ugu horeeyo garoonka diyaaradaha Jowhar iyo Dakadda Ceel Macaan.
  • Inay arrintaas jawaab cad ka bixiyaan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya si loo helo xiriir wanaag dhex maro dowladda dhexe iyo Hirshabelle.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

BF oo xilli hore ka hor tagay halistii ka imaaneysay qorshihii lagu dejiyey Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmihi dambe la hadal hayey halista Soomaaliya uga soo wajahan qorshaha amniga qaranka oo ay dabada ka riixayeen dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska kaasoo markii dambe ay wada saxiixee dowadda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Kadib markii ay badatay qeylo dhaantii ka dhalatay qorshahaas, Guddiyada Baarlamaanka ayaa isbedel ku sameeyay Qorshaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la tegeyso shirka London kaasoo furmi doono 11 Bishaan May.

Qorshahaan oo loogu magac daray National Security Architecture, ayaa waxaa markii hore soo diyaariyey dowladaha Ingiriiska iyo Mareekanka oo kor ka ilaashado siyaasadda Soomaaliya, waxayna qorshahaas taageero weyn uga helaan madaxda dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaa bilaabatay markaas kadib mooshin laga keenay qorshahaan, kadib muran iyo is qabqabsi kadib waxaa lagu heshiiyey in isbadal lagu sameeyo seddex qodob ee shakiga keenay markii hore, waxaana loo dhigay qaab kale.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qodobada isbadalka lagu sameeyey.

  • Waxaa la go’aamiyey in ciidamada xoogga ay ka bilaabaneyso 22-kun ee aysan ku koobneyn 18-kun ama 22-kun midna.

1 – In amarka, maamulka iyo dhismaha ciidamada Qaran ay leedahay dowladda Federaalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga oo aanay kaalin weyn ku yeelan karin maamul goboleedyada dalka ka jiro.

3 – In Baarlamaanka Federaalka kaliya ansixin karo ama ogolaan karo qorshe kasta oo Qaran ee aanay ahayn maamul goboleedyada.

Inkastoo uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ballan qaaday in talo soo jeedinta Guddiga lagu dari doono qorshaha ammaanka, haddana si dhab ah looma kala xaqiijin karo ay laga yeeli doono arrintaas.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Afar waxyaabood oo laga bartay khudbaddii Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

Marka aad maqasho magaca Muuse Suudi Yalaxoow durba waxaa kugu soo dhaca dareno kala duwan oo ay u badan tahay dagaal dhacay, cambaarayn iyo fariimo togan. Inkastoo Muuse uu yahay qof waaya joog ah, ayna ku jirto khibrad badan, haddana mar waliba dadka waxay ka sheegaan inuu yahay qof ku wanaagsan madaddaalada maadaama uu ku hadlo hadal xikmad leh oo aan lala gaban. Muuse waa qof waxbadan og oo mudan in laga reebto dhaxalka iyo waaya arragnimada durugsan ee uu u leeyahay Gayiga.

Hadda waa mid kamid ah Senetarada Qaranka oo waxaa uu ku jiraa odayaasha Aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana laga soo doortay maamulka Hirshabeelle, dadka qaar ayaa magaciisa raaciya Xaaji, sidaa darteeda mararka qaar waxaan adeegsan doonaa Xaaji Muuse iyo erayo kale.

Yaannan waxbadan kugu daalinin shaqsiyadda Muuse Suudi, dhawaan ayuu isagoo ku jira mid kamid ah kalfadhiyada caadiga ah ee golaha aqalka sare yiri mid kamid ah hadaladii ugu saameeynta badnaa ee laga qabto Xaajiga tan iyo markii ay ku jabeen dagaalkii Maxkamadaha 10-sano kahor, inkastoo hadalka uu jeediyay Munaasab ku ahayn goobta, haddana mar waliba Muuse waxaa uu u arkayay inay munaasab u tahay in la sheego hadalka; dhawr jeer ayuu isku dayay Cabdi Xaashi oo ahaa guddoomiyaha Aqalka sare inuu ka celiyo mawduucaas Muuse Suudi, balse odayga ayaa afka jabsaday isagoona waxyaabo kala duwan daaha ka qaaday oo kashifay, sidaa darteeda waxaan idin soo gudbinaynaa 4 waxyaabood oo laga bartay hadalkii saameeynta iyo xanafta lahaa ee uu jeediyay Muuse Suudi Yalaxoow oo katirsan golaha Senit ka Soomaaliya.

1. In Muuse Suudi mar waliba uu yahay Muuse Suudi

Waxaan umaleeya inaadan si saani ah u fahmin, waxaan kala jeedaa marxalad kasta oo la joogo Muuse dabci ahaan isma baddalo oo wali waa Muusihii aan naqaanay 25-sano kahor, Hal-adeegga, dhiiranaanta hadalka, iyo si fog wax u arragga, oo aan kala jeedo inuu arko wax aysan dadka intooda badan aysan arkin, waxaana dhihi karnaa waa Ildheeri iyo dabciga uu u sameysan yahay .

Si ay ahaataba Muusahaan arkay kama gaddisna Muuse hore oo aan aqaanay, kaliya isabaddalka jira ayaa ah in la sharciyeeyay isaga iyo hogaamiye kooxeedyadii la midka ahaa.

2. In dowladnimada la fahmay!!

Waxaad is-wayddiinaysaa waxa aan kala jeedo qodobkan, haddii aad doonayso inaad fahanto cajaladda dib u celi oo daawo waqtiyadii hogaamiye kooxeedyadii, waxaana si kooban kala jeedaa, haddii la arkayo Muusa Suudi oo leh “Dowladda hawshaas wax haka qabato,” waxay daliil cad u tahay in dadka intooda badan ay diyaar u yihiin dawladnimada.

3. In kalsoonida Farmaajo ee beelaha dega Hirshabeelle ay sii daciifayso

Waa cunsur kale oo laga bartay hadalka Xaajiga, waxaana la dhihi karaa saluuga iyo dacwadda ay qabaan beelaha Koonfurta badashadooda waxay soo deg dejinaysaa in xaalad kale uu dalka galo, waxaana horay u jiray saluugyo xilalka ah, markana waxaa kudarsantay sheekada in dhinacyo kale oo siyaasadda ah ay lugaha la gashay,oo ay kamid tahay dhanka dhaqaalaha iyo awood qaybsiga daqliga soo gala dowladda.

Tani waxay u baahan tahay in wax laga qabto maadaama beelo badan oo ay kamid tahay beel waynta Abgaal ay dhawr jeer dhaliileen qaabka uu wax u wado madaxwayne Farmaajo iyo xertiisa.

4. In federalka lagu dhaqmay ilaa xad

Waxaan kala jeedaa Inaad arragto Muuse Suudi oo leh Puntland islamarkaana afkiisa ka ilaalinaya erayga Daarood, waxay muujinaysaa in Federalka ilaa xad uu dhaqan galay, maadaama cid uu heystay Muuse aysan kaliya taabbanay Puntland oo xitaa ay kaga jirtay dhanka Jubbaland haddana mar waliba afkiisa waxaa ku badnayd inuu yiraahdo Puntland, inkastoo uu dood gooni ah watay odayga haddana mar waliba waxay tahay in la tixgaliyo in Xaajigu hadda yahay Samatar qaran islamarkaana aysan u suubbanayn inuu ku hadlo hadalo qabiil.

W/Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

R/W Kheyre oo si yaab leh uga hadlay faro-gelintii uu ku sameeyey wasiir Bayle

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa difaacay qorshaha ay Xukuumadiisu kula soconeyso Miisaaniyada dalka waxa uuna sheegay in Xukuumadu ay mas’uul ka tahay la socodka wax waliba oo dhibaato u keeni kara Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia ay la dagaalameyso waxa uu ugu yeeray Musuqa ka jira dalka, waxa uuna carab dhabay in mas’uuliyada saaran Xukuumada ay qeyb ka tahay la socodka dhaqaalaha soo gala dalka.

”Dalka waxaa ku batay Musuqa dowladuna dhowr jeer ayay kusoo celisay inay ciribtiri doonto dalka waxaa sidaa darteed mas’uuliyad naga saaran oo aan diyaar u nahay in nalagula xisaabtamo miisaaniyada”

”Dowlad ilaa shacab waxa ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Musuqa waxaan halkani ka cadeynayaa in Xukuumadu ay si waliba ula dagaalami doonto musuqa cidna kama aqbali doono”

Waxa uu sidoo kale, sheegay in dowladu ay hal dhinac u wado dadaalka isla markaana ay muhiim tahay in ila gaara lagu fiiriyo miisaaniyada dalka, waxa uuna intaa raaciyay in Xukuumadu ay diyaar u tahay inay saxdo khaladaadka jira.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaaraha la sheegay inuu magacaabay Agaasime cusub oo u xil saaran howlaha maamulka Miisaaniyadda dowladda, kaasoo leh saxiixa ugu dambeeya dakhli bixinta dowladda iyo howlaha wasaaradaha

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Garyaqaanka Guud ee dowladda uu Ra’isul wasaaraha ku eedeeyay inuu fara gelin ku haayo Wasaaradda Maaliyadda, isagoo Ra’iisul Wasaaruhu uu hada wax ka maamulo Miisaaniyadda dowladda, taasoo uu ku tilmaamay in aysan sharci aheyn.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Cabdi Weli Gaas oo sheegay hal arrin oo uu jeclaan lahaa inuu ku arko Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay amaanka magaalada iyo sida nabad loogu wada noolaan karo.

Waxa uu sidoo kale Shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in aysan u dulqaadan cid walbo oo dhib ku heysta iyo shaqsiyaadka gaarka ah ee ka shaqeynaya amni darada Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C /weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay mar walbo in Galmudug ay kula noolaato Nabad iyoXasilooni.

Waxa uu sheegay in Gaalkacyo ay ka wada dhaxeyso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in nabadeeda iyo amnigeeda laga wada shaqeeyo.

Waxa uu Saraakiisha Puntland ee Gaalkacyo ku sugan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga Magaalada Gaalkacyo

C /weli Maxamed Cali “ Gaas “Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan gaar ah oo uu Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Saraakiisha amaanka Puntland ee Gaalkacyo ku sugan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

DF Somalia oo ka hadashay hadii ay shaqsi gaar ah la damacsan yihiin hogaanka Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Cabdi Faarax Juxa, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa si cad u sheegay inuusan jirin shaqsi dowladda Soomaaliya ay la dooneyso xilka madaxweynaha Galmudug.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay u tageen isaga iyo wafdiga la socdo sii ay u ogaan lahaayeen in doorashada Cadaado ay u dhaceyso si cadaalad ah oo musuq maasuq uusan ku jirin.

“Doorashada Galmudug waa arrin maamul goboleedku leeyahay, waxaan u nimid inaan goob joog ka ahaanno, marqaati ka ahaanno, waxaan idiin caddeynayaa in dowladda uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iyo anigu wafdiga aan hoggaaminayo aysan cid gaar ah u wadan madaxweynaha Galmudug”

“Arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Galmudug, waa arrin idinka idiin taalla, waxaan rabnaa in doorashada si xaq ah u dhacdo, cidda kasoo baxdana mas’uuliyad weyn baa saaran” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wadahadalkii kusoo dhamaaday is afgaran waaga ee u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug, isagoo sheegay in loo baahan yahay madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeyo arimaha wadahadalka.

“Cidda halkaan lagu doorto waa mas’uuliyad ay leedahay iney Dhuusamareeb keento, annagana garab iyo gaashaan baan u noqon doonnaa” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maanta waxay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi, waxaana xilkaa ku tartami doona Saddex musharrax.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Kheyre oo mar kale looga digay faragalinta uu ku hayo howlaha wasaarada maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu la wareegay Miisaaniyadda DFS, ayaa waxaa arrintaasi digniin kasoo saaray Garyaqaanka Guud ee Dalka Dr Cismaan Cilmi Guuleed.

Garyaqaan Cismaan Cilmi Guuleed oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha uusan weli wax ka bedelin cabashadii ay u gudbiyeen maalmo ka hor.

Cismaan Cilmi Guuleed, ayaa sheegay in faragalinta uu Ra’isul wasaaraha ku hayo Miisaaniyada dalka ay halis galineyso Nidaamka iyo sharciyada u degsan Qaranka waxa uuna ka digay in Ra’isul wasaaraha dalka uu dhibaato u horseedo sharciga ay iminka xoojineyso DFS.

Cismaan Cilmi Guuleed, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Qaranka uu dib u qasay sharciyadii horay loo hagaajiyay waxa uuna tilmaamay in faragalinta ugu badan ay tahay mid uu ku hayo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Garyaqaanku in Ra’isul wasaaruhu yahay Mas’uulka la xisaabtamaya Wasiirka Maaliyadda balse aanu xaq u lahayn in uu fara geliyo howlaha Wasaaradda ka soconaya iyo Hanaanka ay u maareyneyso miisaaniyada dalka.

Sidoo kale, qoraal lagu soo dabacay barta Twitter-ka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin wax Khilaaf ah oo kala dhexeya Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre uu horay u ballan qaaday in Xukuumaddiisa ay la dagaalami doonto Musuqmaasuqa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Uhuru Kenyatta oo Farmaajo u diray fariin uu ku beer la xawsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay muujineyso kalsoonida kala dhexeysa Dowlada Somalia.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in wada shaqeyn dhow ay yeelan doonaan Dowladaha Kenya iyo Somalia, waxa uuna tilmaamay inuu rajeynaayo in mar kale uu soo laabto.

Waxa uu tilmaamay haddii uu soo laabto inuu ka shaqeyn doono wada shaqeyn muuqata oo dhexmarta Keny iyo Somalia, isla markaana uu burburin doono dhammaan sharciyada Kenya ee caqabada ku ah Muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Somalia iyo Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhigiisa dalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uusan kali ku aheen dagaalka lagula jiro xag jirnimada.

Uhuru Kenyatta oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo in uu leeyahay qof saaxiib ah, waxaan jeclahay habka iyo mudnaanta uu siiyay dhanka amniga waxaana diyaar u ahay inaa taa kala shaqeeyo,”

Uhuru Kenyatta, ayaa hadalkaani sheegay xili uu Warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi halka oo lagu macsalaameeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Gamal Mohamed Hassan.

Kenyatta waxa uu sidoo kale, sheegay inay ka go’an tahay in DFS uu ka saacido dhammaan waxyaabaha khuseeya Amniga, Siyaasadda, Horumarka iyo is dhexgalka labada dal.

Haddalka Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa imaanaya xili dhawaan ay magaalada Nairobi kuwada hadleen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawiro: Doorashada Galmudug oo si rasmi ah uga bilaabatay Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) –  waxaa Magaalada Cadaado si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Madaxweynimo oo ay ku tartamayaan ilaa seddex musharax.

Doorashada oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa  waxaa goob joog ka ah wafdi ka socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa, waxaana wafdigiisa ka mid ah xubno ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro.

Doorashadaan ayaa ah mid aad loogu loolami doono, waxaana isku hayo ilaa seddex musharax oo kala ah:

1-Axmed Xaaf Ducaale Geelle.

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle.

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac.

Waxaa la filayaa inay noqon doonto doorashada aad looga hardamo iyadoo musharaxiin ay sameeyeen ololo aad u badan oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay u heli lahaayeen codka xubnaha Baarlamaanka Galmudug.

Musharaxa ilaa hadda ugu cad cad doorashada waa Axmed Shariif Cabdi Hilowle oo la tilmaamay inuu heysto codka Xildhibaano gaarayo ilaa 64 Xildhibaan, waxaana sidoo kalana la filayaa inuu kaalinta labaad soo galo Axmed Xaaf Ducaale, halka Prof. Cabdulqaadir Shirwac uu tartankaas la geli doono kaalinta seddexaad sida hadda muuqato, balse wax kasta way is badali karaan marka la tiriyo codadka Xildhibaanada.

Wixii natiijo ah iyo cidda isugu soo harto kaalinta labaad waan idinla socodsiin doonaa Inshaa.

 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Deg deg: Yaa isugu soo haray wareegga labaad ee doorashada Galmudug

Cadaado (Caasimadda online) –  Waxaa daqiiqado ka hor soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada Galmudug oo ay isku soo taageen ilaa seddex musharax oo kala ah

1-Axmed  Ducaale Geelle  Xaaf

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa santuuqa furay, wuxuuna mid mid usoo bixiyey codadkii la dhiibtay waxayna natiijada u dhacday sida hoos ku qoran:

1-Axmed  Ducaale Geelle  Xaaf    57

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle      24

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac        7

Waxaa Wareegga labaad ee doorashada

1-Axmed  Ducaale Geelle Xaaf

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle

haddii uu tanaasulo Axmed Shariif, waxaa si rasmi ah madaxweynaha Galmudug u noqon doono Axmed Ducaale Gelle Xaaf, maadaama wareegga labaad uu noqon doono hal dheeri, xaafna hadda wuxuu heystaa natiijoka badan midda laga doonayo inuu wareegga labaad la imaado, wuxuuna u baahan yahay kaliya 45 cod, wuxuuna hadda wareegga koowaad uga soo gudbay ilaa       sida ka muuqato natiijada cod bixinta wareegga koowaad.

Wixii warar ah ee kuso kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Wareegga labaad ee doorashada Galmudug oo bilaabatay iyo Xaaf oo qarka u saaran inuu ku guuleysto

Waxaa daqiiqado ka hor soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada Galmudug oo ay isku soo taageen ilaa seddex musharax oo kala ah

natiijada wareegga kowaad ayaa noqotay

1-Axmed  Ducaale Geelle  Xaaf    57

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle      24

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac        7

Sidaas darteed Xaaf wuxuu u baahan yahay kaliya inuu wareegga labaad heli 45 cod si uu u noqdo Madaxweynaha Galmudug, waxaana wareegga labaad la tartamayo Axmed Shariif Cali Hilowle oo 24 cod helay.

Xaaf wuxuu heystaa ilaa 12 cod oo dheer ka ah natiijada looga baahan yahay wareegga labaad, waxaana halkaas ka cad inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug, haddii aysan dhicin wax caqliga ka baxsan.

Haddii xataa uu helo 7-da cod ee uu Shirwac ka helay natiijada wareegga kowaad marnaba sooma gaari karo Xaaf.

La soco wararkii ugu dambeeyey ee doorashada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Beesha caalamka oo niyad jabsan kana hadashay doorashada maanta Cadaado ka dhaceyso

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay aad kaga niyad jabeen burburkii ku yimid wadahadalkii u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe, kaasi oo ku idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay beesha caalamka inay daneynayeen in doorashada maanta Cadaado ka dhaceyso inay ahaato mid ay u dhan yihiin dhinacyadii wada hadalkoodii ku burburay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Qoraalka Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in Galmudug looga baahan yahay inay ka shaqeyso dib u heshiisiinta dadka deegaanka si guulo wadajir ah loo gaaro.

Sidoo kale waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sidii markale loo wadahadal siin lahaa maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Hadalka Beesha caalamka oo si toos ah aysan kaga hadlind oorashada maanta ayaa u muuqanaya inay doonayeen in doorashada dib loo dhigo si maamul wadajir ah uu kaga soo baxo Galmudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxay ka fogaanayaan xildhibaanada Galmudug ee maanta doorashada sameynaya ?

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qorshaha maanta ay ka leeyihiin doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug muddada sanadaha ah ee soo socdo.

Xildhibaan C/qaadir Xasan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay inay sameynayaan maanta doorashada ay ku qanci doonaan dhamaan shacabka ku sugan deegaanada Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay ka fogaanayaan waxyaabo kasta oo keeni kara musuq maasuq islamarkaana abuuri kara kalsooni darada shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka foganayaan nin jecleysi inay ku doortaan madaxweynaha hogaaminaya Galmudug labada sano ee soo socoto, isagoo sheegay inay xuli doonaan qofka ay isleeyihiin wuxuu hogaamin karaa Galmudug.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mr Juxa ayaa goobjoog ka ah doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxaa Kheyre ku qasbay bahdilaadii uu ku sameeyey Beyle + Saddex arrin oo loo….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ah ku cadeeyay in uusan jirin wax khalad ah oo ka dhex dhacay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, hadana waxaa soo baxaya dul duleelo muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha ku kalsoonaan waayay Wasiirka iyo Wasaaradaba.

Xasan Cali Kheyre ayaa faragelin toos ah u sameeyey wasaaradda Maaliyadda markii uu meesha ka saaray amaro uu soo saaray wasiirka Maaliyadda, taasoo la doonayey in lagu saxo  musuq maasuq dhacay xilligii dowladdii Xasan Shiikh ee watigeeda dhammaaday, gaar ahaan heshiisyo lala galay shirkado gaar loo leeyahay oo la saxiixay qandaraasyo.

Caasimadda Online ayaa xafiiska wasiirka Maaliyadda ka heshay xog badan oo arrintaas ku saabsan, waxayna xogtaas tilmaameysaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daba mareeyey go’aan uu soo saaray wasiirka Maaliyadda kaasoo ku saabsanaa in shirkadaha adeegga dowladda qabta ee heshiiska kula jiro dowladda ay lacagaha ay qabtaan ku shubaan bankiga dhexe.

Madaxda shirkadahaas ayaa dacwad u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, waxayna la qaateen kulamo xasaasi ah o keenay inuu Xasan Cali Kheyre laalo go’aankii uu soo saaray wasiirka Maaliyadda.

Haddana waxaa mar kale dhacday faragelin toos ah oo uu sameeyey Ra’isulwasaare Kheyre kadib markii Qoraal uu u diray bishii la soo dhaafay Wasiirka Maaliyadda iyo Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ku ogeysiiyay Hanti dhowrka Guud, Maamulaha Furdada Dekeda Xamar iyo Maamulaha Furdada Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu yiri sidan:-

“Waxaa waayadan dambe soo if baxay warar muujinaya inuu jiro isku day la xiriira in si qaldan looga faa’ideysto sharciga canshuur dhaafka, iyadoo waraaqado been abuur ah loo sameysanayo agabka ama badeecada dibadda ka soo degta, si loo codsado canshuur dhaaf aan sharci aheyn”ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

“Hadaba si taasi loo xakameeyo Wasaaradda Maaliayadda ee warqadani sida tooska ugu socoto waxaa la farayaa in aan la bixin karin wax canshuur dhaaf ah, iyada oo aan ogolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, codsiga canshuur dhaafka waxaa loo mari doonaa sida hoos ku qoran:-

1- in marka hore ay waajibaadkooda  shaqo ka gutaan xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee u xil saaran diiwaan gelinta qiimeynta iyo hubinta codsiyada canshuur dhaafka

2- in Liistada codsiyada canshuur dhaafka loo soo gudbiyo Ra’iisul Wasaarahada Xukuumadda, iyada oo ay ku lifaaqan tahay dockumentiyadii oo dhameystiran iyo soo jeedinta Wasaaradda ee ku aadan go’aanka canshuur dhaafka ka hor inta aan codsadaha jawaab la siin

3- Ogolaanshaha kama dambeysta waxaa is ka leh Ra’iisul Wasaaraha, qoraal ahaan ayaa loogu gudbin doonaa Wasaaradda Maaliyadda.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inay labada mas’uul ka dhex tafan tahay isla markaasna uu Ra’isulwasaaraha ku takri falay awoodii uu lahaa wasiirka Maaliyadda, taasna ay tahay qalad marka la fiiriyo sharciga.

Ilaa hadda lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay inuu wasiirk Maaliyadda inkiro culeyska muuqdo ee uu Ra’isulwasaaraha ku hayo, balse waxaa xaqiiq ah haddii ay sheekada sidaan kusii socoto inay arrintaan banaanka usoo bixi doonto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

La-taliyaha Farmaajo oo shaaciyay afarta qodob ee diirada lagu saari doono shirka London

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirar hordhac u ah shirka 10 bishan ka furmi doona magaaladda London ee dalka Britain ayaa ka socda magaalladda Muqdisho ee Xarunta Somalia.

Shirarkaani oo maalmahaani ka socday xaruunta Afasiyooni ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Dastuurka xukumadda Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Baarlamaanka Sagal Isxaaq Biixi, Safiirka Dowladda Britain ee Somalia, xubno ka socday ururadda Bulshada rayidka iyo xubno ka tirsan Guddiga qaban qabada shirka London Somali converence.

La-taliyaha Madaxweynaha Somalia C/raxmaan Ceynte oo madax u ah Guddiga qaban qaabada iyo diyaarinta Shirka London ee DFS oo shirka ka hadlay ayaa ka warbixiyay qaban qaabada iyo diyaar garowga shirka London.

C/raxmaan Ceynte waxa uu sheegay in shirka ay si wada jir u shir guddoomin doonaan dowladda Britain, QM iyo DFS oo u matali doonta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ceynte waxa uu sheegay in maalinta 1aad ee shirka 10 May ay dhici doonaan shirar kooban oo looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo maalinta xigta ee 11 bisha May oo uu dhacayo shirkii weynaa.

C/raxmaan Ceynte, waxa uu tilmaamay in shirka looga hadlayo afar ajande oo ajande walba ay saaran yihiin qodobo dhowr ah, waxaana ajandayaasha ka mid ah:

1- Xaqiijinta ammniga

2- Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3- Hormarinta dhaqaallaha

4- Heshiisyo cusub

Waxa uu farta ku goday in ahmiyada koowaad ay siin doonaan ajandaha Amniga, waxa uuna tilmaamay in shirka culeyskiisa uu noqon doono mid xooga lagu saaro Amniga iyo dhaqaallaha.

Waxa uu carab dhabay in arrinta Amniga ee dhismaha ciidamada ay markii dambe qeyla dhaan ka timid, balse Baarlamaanka uu soo jeediyay in wax laga bedelo, hadana ay hayaan nuxurkiisa.

Dhinaca kale, marka uu soo idlaado shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed lagu qeexi doono dhammaan qodobada kasoo baxa shirka London.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET